Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,209
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada ayaa sheegaya in nin uu xaday gabar uu awoowe u ahaa kadib markii uu sheeko uu ka qaato soo dejiyey, sida hooyada dhashay gabadha ay sheegtay. Odayga oo magaciisa lagu koobay MAQSUUD aya la sheegay inuu dhawaan dibadda kasoo laabtay, waxaana uu afduubay gabadha uu ku sugneyd guriga ay ka degenaayeen xaafadda Midnimo ee deegaanka Siinka Dheer. Odayga ayaa tagay Xaafadda Ubax oo ah hooyada Gabadha Dhashay oo uu abti u ahaa, waxaana gabadha uu kasoo kaxeeyay guriga isagoo markii ugu dambeysay sheegayay inuu Talaal caafimaad geynayo. Waxaa markii uu soo qaaday kadib laga wacay taleefankiisii gacanta, waxaana uu u sheegay Hooyo Ubax inay ka sabarto gabadha, “Ka sabar Gabadhaan Mid kale alle haku siiyo”, kadibna wuxuu dansaday taleefankiisii oo ilaa iyo hadda dansan. Warar soo baxaya oo dadka deegaanka ay isla dhexmarayaan ayaa sheegaya in odayga uu dhaqaalo ka doonayo gabadha uu abtiga u yahay, walow aan ilaa iyo hadda si dhab ah loo ogeyn halka uu la aaday Gabadha yar. Waa dhacdo ku cusub dadka deegaanka Siinka Dheer, laakiin magaalada Muqdisho waxaa marar badan ka dhacay in la afduubto caruurta kadibna oo xubnaha muhiimka ah lagala baxo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Taliyaha ciidamada Milatariga dowlada Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi indha qarshe ayaa galinkii dambe ee maanta kulan Muqdisho kula qaatay ciidamada cutubyo katirsan ciidamada Miltariga dowlada Soomaaliya. Indha Qarshe ayaa la kulmay guutada 14-ka Octobar oo ah dhalinyaro dhameeystay waxbarashada dugsiga sare iyo jaamacada oo dhowaan ku biiray ciidamada Milatariga Soomaaliya. Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidamada in ay qaadaan howlgal culus islamarkaasina dalk ay ka saaraan Al-shabaab. Saraakiisha ciidamada ayaa balan qaaday in ay qaadayaan howlgalo culus oo ka dhan Kooxda Al-shabaab . Hoos ka Dhageeyso Codka Taliyaha https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Taliyaha-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Taliyaha ciidamada Milatariga dowlada Soomaaliya oo fariin u diray ciidamada Miltariga appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)– Wariye Nuur Ismaaciil Sheekh oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Axad ah xorriyaddiisa dib ayaa sheegay in uu u xirnaa sifo sharci daro ah. Wariyaha oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inuu u xirnaa guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisoow oo uu ku eedayay inuu kasoo horjeeday xorriyada hadalka. Nuur Imaaciil Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin sabab loo cuskaday xarigiisa, isla markaana wax danbi ah lagu waayay. Wuxuu u mahad celiyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo uu ka mid yahay iyo Xildhibaan Saadaq Macallin C/kariin, wariyeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo sii deyntiisa ka qeyb qaatay. Nuur Ismaaciil Sheekh ayaa ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho, wuxuuna baraha bulshada uu kusoo bandhigaa afkaartiisa ku aadan dulduleelada siyaasadeed ee dalka ka jira. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  4. A suicide car bomb has gone off at a checkpoint near Somalia’s parliament and interior ministry in the capital Mogadishu on Sunday afternoon, killing at least one and injuring 2. The bomb exploded at the heavily guarded area and a police checkpoint. The latest reports said a civil servant was killed after a bomb under his car went off while driving on the busy Makka Al Mukarama road in Mogadishu. The police sealed off the scene following the explosion and removed the wreckage of the car from the area, allowing then the public movement and transportations. Al Shabaab is blamed for the attack targeting the government official. The post One dead, two injured in Mogadishu bomb explosion appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, oo u ku sheegay in Somaliland laga abaabulo qaraxyo. Mustafe Cagjar ayaa sheegay in meelo ay Somaliland ka mid tahay laga soo abaabulayo qaraxyo laga fuliyo Itoobiya, isagoo sheegay inay abaabulayaan dad ka tirsanaa nidaamkii hore ee Itoobiya. Eedda Mustafe Cagjar Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa isagoo eeddo u jeedinaya Somaliland wuxuu yidhi “Qaar baa jira meelahan jaarka ah Somaliland, Puntland iyo Jubaland jooga oo iyaguna wali soo abaabulaya qaraxyo oo xidhiidh la sameeyay Al-shabaab oo iyagana laga war hayo markaas iyada oo la raacayo booliska adduunka sidii arintaas loo wajihi lahaa ayaanu ka shaqaynaynaa, marnaba ma dhacayso dadkii masaakiinta ahaa ee halkan joogay dadkii ciqaabayay in hantidii ay boobeen ay la tagaan dibada ay ku noolaadaan oo ay meelahaas ku haystaan wax dhici karaysa maaha.” Jawaabta Somaliland Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay eeddaas. Waxaa Wasiirka oo u waramay telifishanka Bulsho uu yidhi “Somaliland caalamka oo dhami waa uu u war hayaa oo waa la’la socdaa xaaladeeda meel ay argagixiso ka jirto maaha cida ugu weyn ee la dagaalantay ee ka saartay dalkeeda ee 27 sanadood maalin ayay wax ka dhaceen inta la og yahay caalamkuna waa uu la socdaa markaas qofkii arimahaas ka hadlaa waa qof ujeedo kale leh ama ay si kale ka noqotay. Markaas arintaasi khalad u dhacdayaa iyo badheedh u dhacdayaaba waxaanu u aragnaa inay tahay arin aan meesha ku jirin oo khaldan.” Wasiirka oo la waydiiyay inay arintaas caalamka kala hadleen arrintan waxa uu yidhi“Aritaas dawladu waa ay ka hadashay, waraaqo iyo si kaleba waa laga wada hadlay” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Hoggaamiyihii sare ee jabhadda ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayay ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga ee xarunta dowladd deegaanka [...] Source
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax culus oo galabnimaddii maanta oo Axad ah ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sayidka ee degmada Xamar-wayne ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Inta la xaqiijiyay hal ruux oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Xoogi Jaamac, oo ahaa Agaasime waaxeed ka tirsan Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta, islamarkaana gaariga waday, ayaa ku geeryooday. Ma jirto illaa iyo haatan koox dhabarka saaratay masuuliyadda qaraxaan, oo meesha uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo isku socodka saacado hakad geliyay. Xukuumada Soomaaliya kama aysan hadlin sidoo kale qaraxaan iyo masuulka la tilmaamay in lagu dilay. Waa qaraxii ugu horeeyay ee bishaan December ka dhaca magaalo madaxda dalka, oo amnigeeda uu ahaa maalmihii aynu kasoo gudubnay mid ay si wayn usugayeen ciidaamda dowladda. The post Khasaaro ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya gaar ahaan qeybaha ka howlgala xuduudaha dalka ayaa tababar ugu soo xirmey magaalada Moshi ee dalka Tanzania. Tababarkaan oo lagu baranayey hababka socdaalka iyo amniga xuduudaha ayaa waxaa iska kaashanayey Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM). Saraakiishaan ayaa booqdey qaar ka tirsan xuduudaha dalka Tanzania uu la leeyahey dalalka dariska la ah, iyaga oo soo arkey hababka iyo saraakiisha ka howlgala. Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa dardar gelineysa howlaha muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u heyso,waxaana socda dadaalo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda Saraakiisha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda. The post Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo tababar loosoo xiray appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-07112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Qarax lagu xiray gaari nooca raaxada ah ayaa ka dhacay goor dhawayd Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho . inta laxaqiijiyay qaraxan ayaa waxaa ku dintay [...] Source
  11. Baydhabo (Caasimada Online) – Iyadoo Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay Maalin ka hor ku dhawaaqeen in dib loo dhigay doorashada la filayey inay dhacdo shanta Bishaan ayaa waxaa soo baxayo warar sheegayo inay Xildhibaano qorsheenayaan doorasho dhacdo shanta Bishaan. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa qorsheynaya iney doortaan Madaxweyne shanata bisha December oo shalay dib looga dhigay taas oo mar kale la mudeeyay 19-ka Bishaan. Xildhibaanada ayaa sheegay in shaqsiyaad doonaya dano gaar iyo Murashaxiin gaar ah ay dib u dhigeyn doorashada sidaas darteedna aysan ogolaan karin mudada dheeraadka ah ee lagu daray jadwalka doorashada. Siyasiyiinta qaar oo la hdlay wariyal ku sugan Baydhabo ayaa shegay in walaac ay qaban ay tahay in waqtiga doorahsda xiligan laga dhigay ee 19-ka Bishaan ay inta badan xubnaha matalaa beesha caalamka ay u baxayaan ciida kirismaska oo dabayqada bishaan ah. Doorashada Koonfur Galbeed ayaa noqotay mid foodo ah waxaana dib loo dhigay illaa 3 jeer oo kala duwan taasoo aan illaa hadda la ogeyn sababta rasmiga ah. Waxaa jiro warar sheegayo inay qorshahaan wadato dowladda Federaalka Soomaaliya ayna dooneyso inay meesha ka saarto musharixiinta Qaar. Wararka qaar ayaa sheegayo inay dowladda dooneyso inay Meesha ka saarto Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur isla markaasna ay Guddiga Doorashada ku qasbeyso inay is casilaan si loo soo dhiso Guddi cusub isla markaasna loo dajiyo shuruudo cusub oo Roobow u diidayo inuu ka qeybgalo doorashada. Waxaa la filayaa inay maalmaha soo socdo is casilaan qaar ka tirsan Guddiga Doorashada, waxaadna aqbaaraadkaas kala socon doontaan Caasimadda Online. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  12. (SLT-Muqdisho)-Qarax ayaa goor-dhawayd ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa gaadhi yar oo lagu xidhay waxyaabaha qarxa. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhintay darawalkii waday gaariga, waxaa la sheegayaa inuu ahaa Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Boostada. Inta badan qaraxyada lagu xidho gaadiidka yar ayaa ka mid noqday bartilmaameedyo lagu dilo saraakiisha ciidamada, mas’uuliyiinta iyo dadka kale. Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo darawalkiisa lagu dilay qarax loogu xiray gaariga ay la socdeen. Source
  13. (SLT-Jigjiga)-Wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha ururka ONLF Maxamed Cumar Cismaan ayaa maanta gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee waddanka Itoobiya. Xubnaha wafdigan oo ka soo kicitimay magaalada Addis Ababa ayaa boqolaal ruux oo kamid ah dadka ku nool magaalada Jigjiga ay si weyn u soo dhoweeyeen iyagoo ruxaya calanka jabhada ONLF. Waddooyinka magaalada Jigjiga ayaa lagu sharxay calanka ONLF iyo calanka Dowlad degaanka Soomaalida. Waxaana ka muuqday dadka ku nool magaalada Jigjiga farxad iyadoo ay tahay tobaanan sano kadib markii madaxda ONLF ay cagaha soo dhigaan magaalada Jigjiga. Kahor inta aysan ka soo ambabaxin magaalada Jigjiga ayuu guddoomiyaha ururka ONLF waxa uu ka sheegay xaflad lagu soo sagootinayay xubnaha wafdigiisa in halganka ay ku jiraan inuu yahay mid soo bilowday xilligii Axmed Gurey isla markaana uu yahay mid lagu doonayo gobanimo iyo caddaalad. Dhowaan ayaa dowlada uu madaxda ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu heshiis la galay dowlada Eritrea iyo weliba jabhadihii ka soo horjeeday dowlada Itoobiya oo fadhigoodu ahaa dalka Eritrea. Dhowaan ayaa boqolaal ciidamada jabhada ONLF waxa ay soo gaareen magaalada Jigjiga kadib markii uu ururka ONLF ahaa mid dagaal ku dhufo ka dhaqaaq ah kula jirey dowlada Itoobiya. Source
  14. Muqdisho (PP) ─ Agaasime waaxeed la sheegay inuu ka tirsan yahay wasaaradda boostada iyo Isgaarsiinta Somalia ayaa ku dhintay qarax la sheegay in loogu xigay gaari uu watay oo marayay agagaarka isgoyska Sayidka ee Muqdisho. Mas’uulkan la dilay oo aan magaciisa la sheegin ayaa watay gaari nooca Carrib-ta loo yaqaan ah, waxaana la sheegay inuu qaraxa ku dhintay, mana jirto cid kale oo waxyeello ay kasoo gaartay qaraxan. Gaariga uu qaraxu qabsaday ayaa qaybta hore ka burburay, iyadoo goobta ay soo gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo maydka ka qaaday goobta, illaa haddana lama oga cidda ka dambeysay qaraxan. Ururka Al-shabaab ayaa lagu eedeeyaa inta badan qaraxa iyo dilalka kala duwan ee ka dhaca Muqdisho, kuwaasoo lala beegsado mas’uuliyiinta iyo ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee gacanta siinaya Dowladda Somalia. Qaraxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo bishii lasoo dhaafay sidan oo kale Qarax gaarigiisa loogu xiray uu ku dhintay xildhibaan ka tirsan maamulka HirShabeele iyo darawalkiisii, waxaana dilkiisa lagu eedeeyay Al-shabaab. Ugu dabmeyn, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo laabatay inta badan qaraxyada gaadiidkooda loogu xiro dadka bulshada dhexdeedda magaca ku leh iyo mas’uuliyiinta Dowladda Somalia. PUNTLAND POST The post Qarax lagu dilay mas’uul ka tirsan Dowlada Somalia oo Goor-dhaw ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Jigjiga (PP) ─ Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha ururka ONLF ee dalka Itoobiya ayaa gaaray maanta Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka DDSI. Xubnaha wafdigan ayaa waxaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Addis Ababa oo ah xarunta dalka Itoobiya, iyadoo shacabkii maanta Jigjiga kusoo dhaweeyay ay qaadayeen heeso kala duwan. Sidoo kale, Waddooyinka Jigjiga ayaa lagu sharxay Calammada DDSI iyo kan Jabhadda ONLE, waxaaa lagu wadaa in wafdigan ay kulamo kala duwan ay la qaataan mas’uuliyiinta dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dhawaan ayay ahayd markii boqollaal ka tirsan ciidanka Jabhadda hubeysan ee ONLF ay gaareen magaalada Jigjiga, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana ciidamadii ku laabtay magaaladaas ka mid ah gabar ka tirsan ONLF oo iyada iyada iyo ninkeedii ay kala maqnaayeen in ka badan 10 sannadood. Ururka ONLF, ayaa in ka badan 20-sano dagaal kula jiray dowladda Itoobiya, waxayna u dagaallamayeen in Gobolka Soomaalida uu madaxbannaani ka qaato Itoobiya inteeda kale. Dhanka kale, Dowladda Itoobiya ayaa Jabhadda ONLF dhawaan ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta, nabadda iyo weliba is-beddelada ka socda dalkaas. Ugu dambeyn, Ururka ONLE ayaa waxaa deegaannada Soomaalida Itoobiya waxaa looga yaqaannaa UBO, iyadoo carruurta deegaannadaas lagu cabsi-gelin jiray jabahadda, balse haatan ayaa lagu wadaa in wixii hore isbedello lagu sameeyo. PUNTLAND POST The post Hoggaanka Ururka ONLF oo Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Jigjiga appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo nawaaxiga Isgoyska Sayidka ee degamda Xamar-wayne ee magaaladda Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan inuu halkaasi ka dhacay Qarax ka dhashay gaari, galabnimada Axada maanta ah. Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay idaacadda Shabelle ee in qaraxa uu ku geeryooday hal ruux, kaasi oo ahaa darawalka gaariga qarxay. Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo meesha ay wax ka dhaceen gaarey ayaa bilaabay baaritaano, iyaga oo xariy jidka. Lama ogga illaa iyo haatan waxa uu yahay qofka gaariga saarnaa ee la sheegay inuu ku dhintay, xili ay la wareegeen meydkiisa ciidamada dowladda. Ma jirto, sidoo kale, koox dhabarka saaratay masuuliyadda qaraxaan, oo kusoo aadaya xili amniga caasimada dalka uu mudooyinkii dambe ahaa mid liitay. Wixii kusoo kordha qaraxaan, kala soco radioshabelle.com The post DEG DEG: Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-14 maalmood ka dib, Madaxweyne Biixi wuxuu shalay ku soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda ah oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Socdaalkiisa ayaa ahaa mid shaqo oo uu Madaxweynuhu ugu baxay shanta gobal ee kale, marka laga reebo maroodi-jeex, waxaanu maray caasimadaha gobaladaas iyo magaalooyinka kale ee muhimiika ah. Madaxweynuhu wuxuu shacabka u jeediyay khudbado kala duwan, waxaanu qaybaha kala duwan ee bulshada la yeeshay shir doceedyo. Khudbadaha uu jeediyay wuxuu Madaxweynuhu mid kasta oo uu shacabka kula hadlayay ku soo hadal qaaday Soomaaliya iyo dawladooda. Dhammaan magaalooyinka uu maray ee uu khudahaba ka jeediyay wuxuu ku soo hadal qaaday dawladda Soomaaliya, marka laga reebo magaalada Oodweyne oo uu kaga hadlay mashaariicda horumarineed ee ay xukuumadiisu ka fulisay deegaankaas. Burco Markii uu Madaxweynuhu marayay magaalada Burco, wuxuu khudbadiisa qayb ka mid ah oo Soomaaliya iyo dawladda Farmaajo ku saabsan uu ku yidhi “Inamada Xamar ee shalay golaha amaanka ka soo hadal qaadayay Somaliland ee lahaa waa in nalala qabtaa waa go’doone, waxaanu u sheegaynaa Afawerki inta uu maray in ka dheer ayaanu u maraynaa,balana waxaanu idiinku qaadnay idinka oo yimaada idinka oo xornimadyada wada mooyaane in aynaan wada hadlin, ma suurtoobayso Soomaali ayaa laysu keenayaa kumana arkaayo, maaha Somaliland mid indhaha laga qarin karo.” Caynaba Markii uu ka tagay Madaxweyne Biixi magaalada Burco, wuxuu gaadhay Caynabo, waxaanu khudbadiisa qayb ka mid ah kaga hadlayaa Soomaaliya, waxaanu yidhi “Cidda aynu is hayno ee dhibaato ka taagan tahay waa maamulka Muqdisho jooga imika, waa dawlada uu hogaaminaayo Farmaajo, waxaan leeyahay waa nasiib daro markii la doortay nin dhalinyaro ah bal inuu Somaliya mideeyo oo Xamar ay dooratay oo ay u dabaal degtay oo gobalada Somaliya oo dhami ay u dababaal degeen oo la yidhi maskax cusub oo horumar ah ayuu la imanayaa, waxa ayaan daro ah in dabka ka kacaaya Somaliya aanu horeba uga kicin. Masiibada Somaliya maanta u taagani waa dawladaas Farmaajo ee Xamar taala ee Xamar iyo Somaliyana isku gubtay Somalilandna u soo hanqaltaagaysa.” Laasacaanood Imika, wuxuu Madaxweynuhu marayaa magaalada Lascanod, waxaanu soo hadal qaaday Soomaaliya, waxaanu yidhi “Walaaladeen Soomaaliya dhamaantood waxaynu u rajaynaynaa khayr, waxaynu u taagaynaa gacan nabadgalyo oo aynu nabad ku wada noolaano, Somaliland cidna colaad uma wado dagaalo baryo hore dhacay waa in laga gudbaa oo loo gudbaa horumar iskaashi iyo walaaltinimo iyo is aamin.” Tukaraq Madaxweynuhu wuu ka tagay magaalada Lascanod, waxaanu gaadhay deegaanka Tukoraq oo ay ciidamada qaranku fadhiyaan, waxaanu isagoo la hadlaya Soomaaliya, si gaar ah ayuu ula hadlayaa maamulka Puntland ee Soomaaliya, waxaanu u khudbadaynaya ciidamada qaranka oo wuxuu yidhi “Walaalaha aanu iska soo horjeedno ee Puntland weerar kuma nihin ma necbin,waanu nabad galinaynaa iyagana intaas in leeg ayaanu ka rabnaa iyagana in alle garansiiyo ayaan ka rajaynayaa waayo wax hadal lagu dhamayn karo oo geed hoostii lagu dhamayn karo waa khaladan yahay ninka weerar ku galayaa.” Madaxweynuhu Wuu ka tagay Tukoraq, wuxuu gaadhay deegaanka Ceel-afweyn oo uu khudbadiisa culayskeeda ku saaray nabadaynta iyo isu soo dhawaynta beelaha deegaankaas wada degga oo ay dagaalo dhex mareen dhawr goor. Ceerigaabo Wuxuu Madaxweyne Biixi tagay Ceerigaabo, waxaanu yidhi isagoo Soomaaliya la hadlaya “Somaliland mid bay dood ka qabtaa oo aanay aqbalayn waxa weeye gurigaygii oo gubanaaya iigu kaalay oo ila gubo, haddii kale aan kaaga kula gubo oo iga tagi maysid oo dabkaad ila galaysaa oo waan ku jiidanayaa, waar dee caqli maaha.” Hargeysa 14 maalmood ka dib shalay ayuu Madaxweynuhu ku soo laabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu khudbad uu u jeediyay shacabka soo dhaweeyay kaga hadlay isla Soomaaliya iyo dawladooda, waxaanu khudbadiisa oo laga yaabo inuu ku soo gunaanadayay eedaha uu dawladda Soomaaliya u jeedinayay mudadaas 14ka maalmood ah uu Madaxweynuhu ku yidhi “Qolada Xamar ku shirtay waxaan leeyahay soddon sanadood oo halgan iyo dagaal ah muran ahaa, toban sano oo halgan hubaysan ahaa 27 sanadood oo ay Somaliland xor ahayd ninka maanta leh waxaan u shirayaa inaan soo celiyo oo aan soo mideeyaa caqli malaha, garasho malaha, madaxweynaheedu waa uu hadlay oo waxa uu yidhi kolba ninka Somaliya neceb cadawgeeda u taga oo hub qaata, aad iyo aad ayaan ula yaabay caqligaabnida ninkaas dhan ee madaxweynaha ah, waxa uu ka firkirayaa wadadii uu Maxamed Siyaad Bare ka firkiraayay 1988 kii.” Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay dib u dhaca ka yimid Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka, waxaanu sheegay inay Madaxweynaha ka sugayaan Warqadii muddo kordhinta. Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Xisbiyada Qaranka, waxaanu ku taliyey in laga dheerado wax kasta oo khilaaf iyo muran keenaya, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Komishanka Doorashooyinku wey sheegeen in aanay Doorashooyinkii qorsheysanaa sannadka dambe inay dhacaan in aanay ku dhici karin muddada loo cayimay, sababahana aanay Doorashooyinku u dhici karina wey sheegeen, mar haddii ay Doorashooyinka dib u dhacayaana, Golaha Guuritda ayaa iska leh inay muddo kordhin sameeyso, Madaxweynaha ayaana hadda ka sugaynaa inuu noo soo gudbiyo warqadii ku saabsanayd arintan, markaas ayaana eegi doona, insha alaah, marka aanu isla eegno, Gole ahaan ayaanu ka mari doonaa waajibkayga Dastuuriga ah”. Xildhibaan Saleebaan Garas Seed mar uu ka hadlaayey khilaafyada Xisbiyada ayaa yidhi “Somaliland inta badan waxay caan ku tahay, xalinta khilaafadka hadba soo kordha, iyo isku tanaasulka,carab iyo labadiisa daan baa is qaniina, waxna waa la isku qabtaa, waana laga heshiiyo, waana la isla xaliyaa, ee balse aynu ka ilbaxno khilaafaadka siyaasiga ah ee soo noq-noqda ee ku saabsan Doorashooyinka, sababtoo ah mar walba oo la gaadho wakhtiga Doorashada, waa la is qabsada, khilaafaad baana yimaada, ee inta aan Doorashada la gaadhinba, wax walba oo ku xidhan, oo khilaaf iyo muran abuuri kara, ha la sii xaliyo, I jiid aan ku jiidana faa’iido ma keenayso, ee Xisbiyadu ha heshiiyaan, oo xal deg deg ah ha gaadhan” Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaraxa ayaa ahaa mid gaari loogu xiray shaqsi la sheegay in uu ka mid yahay shaqaalaha mid ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, oo weli aan xog rasmi ah laga bixin. Dad goobta tegay ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ka dhacay goob ay ciidamada dowladda gaadiidka ku baaraan, waxana ku dhintay shaqsigii watay oo la sheegay in gaariga loogu soo xiray. Isgoyska Sayidka ayaa ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna ka mid yahay meelaha laga maamulo ammaanka Villa Somalia. Waxaa sidoo kale ku dhow oo isgoyska dhinac saaran xarunta baarlamanka. Waxaa sidoo kale isgoyskan dhinac ka saaran xarunta Otto Otto ee xarumaha wasaaradda amniga iyo arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Siday 82 Xildhibaan Ugu Faraxsan Yihiin Dib u Dhaca Doorashooyinka Iyo Kufitaanka Hanaanka Dimuqraadiyadeed Somaliland Ku Faanto Waxa Jira Kooxo Diidan Isbadal Ka Dhaca Dalka Oo Ku Weynaaday Dawlad La,aan Ama Dawlad Liidata Waxaa Ka Mid Ah Xisbiyadda Mucaarid Iyo Muxaafid Ma Jecla In Xisbiyo Cusub La Furo Iyagaa halis Ku Jira Inay Hadhaan u Badan Tahay Koooxaha Ka Ganacsada Tacliinta Iyo Caafimaadka Soo Dhawayn Maayaan Dawlad Dhisata Dugsiya Iyo Dhakhtaro Bilaash Ah Oo Weliba Cashuur Ka Qaada … Nimanka Dhulka Iyo Guryaha Ka Ganacsadaa Dawlad Adag Dhib Ayay Ku Haysaa Qiimaha Hoos u Dhici Lahaa Dadweyne Badan Ayaa Iibsan Lahaa Dhul Ay Aqalo Ka Dhistaan …. Wadaadka Maxkamad Islaamiya Samaystay Ee Dhaxalka Xukuma Marka La Hoos Geeyo Garsoorka Ayaa Loo Yaabaa “Waxay Ogyihiin Dawlad La,aan” Waxa Iyana Meesha Ku Jirta Ha’yadaha Dawlada “Bureaucracy ga” Oo Gaboobay Ku Dhex Milmay Danaystayaashii Wadanka Hantidiisa Maamusha Iyagana La Laaluusho, Shaqaaluhu Waxay U Baahan Yihiin In La Kordhiyo Aqoontooda Iyo In Loo Kordhiyo Musharka Ay Qaataan Xukuumadaha Waxa u Yaal Isbadal Balaadhan Oo Qaadan Doona Sanado Faro Badan Oo Dhinac Wal Oo Dawladnimada Taaban Doona Si Loo Helo Dawladii Aanu Rabnay Dadku Canaanta Ugu Badan Waxay Saarayaan Aduun Weynaha Oo Ay Ku Eedaynayaan Ictiraaf La,aan Iyo Jamhuuriyada Somaliland Oo Buuxisay Shuruudii Laga Rabay Nidaam Dimuqraadi Casri Ah Ma Jirto Dawlad Aan Isku Talo Galin Oo Horumar Gaadhay Oo Dawarsi Lagu Dhisay Marka Aad Wax Qabsato Ayay Dunidu Ku Soo Eegi Doontaa Waxna Kuugu Dari Maxamed Xoosh mxoosh09@gmail.com Source
  21. Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle waxaa ay sheegayaan in agagaarkeeda uu iminka socdo dagaal beeleed khasaare geystay. Dagaalka waxaa uu ka dhacayaa inta u dhaxeysa Kongo iyo Maandheere, tan hore 7 KM ayey u jirtaa halka maandheere ay 15 KM u jirto Jowhar. Aagga uu dagaalka ka socdo waa dhul beereed iyo daaqsiin, waana markii ugu horeysay oo dagaal noosaan ah uu ka dhaco. Wixii ku soo kordha, kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Cajebiyo cajiibay, cajabiyo la yaabeey, caawana asakriggii, yuu ku canaanaya ceeb-tiisa ma cabaad ayuu ka wadhay, iyo in uu dadka meel kale is yidhaaho u jeedi, isaga oo dhex fadhiya dhooqo wasakh ah. Akhristaw, nin baa beri ay abaar xumi dhacday, inta uu adhi-giisii wixii dhaqadha-qaayey ku dhex dhacay, buu tii markaa ugu sidatay, ee uu is lahaa, malaha wax bay kuu goyn, buu xadhig ku soo xidhay, si uu u geeyo seyladda, oo reer-kiisa baahiddii ka jirto ay wax uga tarto, laakiin-se nasiib darro, masaafaddii kala badhaysa tuuladda iyo guriggii uu ka soo gexeeyey oo dhexe, dhinac-na aanu u dhawayen, bay u socon wayday, dabeed wuxu arkay in aanu gaadhsiin karin halkii uu ku waday, kuna celin karin hexraddii uu ka keenay, intii uu kolba jiid-jiidaayey, bay xadhiggii uu u geliyey madaxa ay ku bakhtiday, ilayn maskax xumi-diisa weeyee, kama uu ferkrin-ba markii hore meesha aad u wado, tolaw may ku geyn doontaa mise waa maya’e? dabeed waa ka is dul taagay, isagoo naawli-laaya malaha way daashaye, mar dhaw bay kuu soo kici doontaa, marka ay nasato ( Hadda wuxu arkaa in ay bakhtiday) oo ay naftii ka haguugtay, intuu labadda dhaban qabsday buu dul fadhiistay, isaga oo canaana-naaya xadhiggii, oo ku lahaa, wuu ku rooray, oo naqaskii baa ku joog-saday, waxay-se tahay su’aashu yaa xadhiga ku rooriyey? Saw isaga maaha siduu hadba dhinac ugu dhufa-naayey, markii hore-na aan eegin-ba, in ay nabad qab ku tegi doonto seyladuu ku waday, iib-na haba soo hadal qaadine. Waxa cayn-kaas ka dhigan askarigan , oo Somliland inta uu bakh-tiisatay, albaab walba ka soo beneday, misana cid kale ku eedanayaa, iyadda oo nool baa gacanta laga saaray, ka xdihiga ku rooriyey, ee sidda ninkaa somaliland meyd-keeddii dul fadhiistay, ee is leh way kuu soo noolaan, saw isaga maaha? Ma cid baa la dhishay oo ay eersa-naysaa kale? kii nolosha ugu dhameeyey miyaanu ahayn? ee kala qoqobay, waax-ba gees u xaraashay, muxuu la cabaadayaa hadda, si wacan u xabaal baanu leenahay, bal cidda ay wax kaga daada-nayso. Wuxu yidhi qaasim (IHN) ” Isma eegto naag xumi, halkay iin ku leedahaye, malaa way is moog-tahay, in ay obocdu hoos taalo” Waxan uga socdaa, oo aan leeyahay askariga, horaa Somalidu ugaga maah-maahday, mid sidaas oo kale ah, oo intuu wax dhab-qiyey, hadana rabba in uu iska duwo denibi-giisa, oo uu meel kale farta ugu fiiqo dadka, waxana ay yidhaaheen weligaa-ba bood-bood ama buura sare fuuloo ” Falaadhi gilgi-lasho kaagama go’do”. Bahasah la yidhaaho yeydda, baa waxay somalidu tidhaahaa, iyadda oo ordaysa bay neefka cunis ku dhamaysaa, ilaa uu barbar u dhaco, waa sidaase iyadda oo xoorinaysa baa Mudane Daahir Riyaale ku wareejiyey Kulmiye, ee halkaa yaa akhristaw dhigay? oo iilka ka yar u qoday, diirka kaga saaaray iyadda oo soconaysa, sidda yey-daas aan sare ku carrabaabay? Bal ummad yahay is weydiiya’oo. Ka saaka u hanjebaaya Farmaajo waa askariga’e, saw isagu umuu gawracin, oo maaha kii heesta ku jiray, ee lagu yidhi ” Wanka macasha ii qabo, adigu gawrac ii mari, dhiigana aan muudsado”,asakriga ha loogu dhaarto, in uu isagu seef cunaha ka mariyey somaliland, lax bakhtiday-na uu dul fadhiyo, oo uu ka dul hanjebaayo, inta uu meel kale hadba isku qaadaayo. Loogama iman meel kale, ee isaga baa qayr-keed iyo qayr ku/xigeen-keed-ba ka reebay, markii uu boqnaha jaray, ee ha joojiyo geed sare waabka, iyo jar iska xooridda, aan meel gaadhsiis-nayn. wuxu u taagan yahay kii yidhi, Ciilaw ba’, carsaan-yadda sideeddii, miyaan gees walbaw cararay? Heesta qaraamiga ah oo la yidhaaho ciil, baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa ” Canba-yahaw waxan haadda kaa celiya-ba, waxaan sidda cawsha kuugu ciya-ba, ma haday ku cuneen cadaawuhu” Somaliland siday haatan tahay, nin ku farxa iyo mid ka xun-ba, waxa candhab-laha jaray askariga, rajo u hadhay-na ma jirto, oo waa taas haadda uu u wadhay, wixii laga soo bad-baadiyey faqashtii, saaka markuu ku soo noqday Hargeysa, siddii mid soo xoreeyey Baytul-muqdis, isaga oo ah kii Somaliland ku garaacay gantaalihii Yuhuudda, oo meel u fayoobi subaxaas saakah ah ama maalin-kaas maanta ah aanay jirin, buu doonaa yaa in uu meel kale ku eedeeyo, saw muwaadin kama dhigna tuuggii dharkuu xaday, ee lagu hayo cadayntii iyo siduu u soo qaatay, dafi-raayey, ee yidhi askariggii igu soo qabtay baa xaday ee aniga maaha? Waxan ku soo gunaanaday maqaalkan, Shimbiraha ama baalalaydda marka lagu daro gorayadda, ma duulaan habeenkii, waayo inta badan waxa ugu wacan aragti-doodda, oo hebeenkii aan rabbi ugu talo gelin, in ay sidda xayawaanka kale mugdiga wax ugu arkaan, sidaas awgeed, baqdin bay mid kastaa, geed-keedda ama hogeedda ugu jirtaa, oo soo ma baxaan, waa halka uu ilaah ha u naxariisto’e, uu ka lahaa Xasan Sheekh Muumin ” Inu haad habeern kaco, heehaabo heegadda, hafiyaan dabayluhu, hidihiisa maahee, hadimadda u baaqdee, kala hadashay samadaa, u horseeday halistee” Ujeedo iyo haatan waxan ku soo khatimay, in Somaliland ku damabyso dhimasho geeri iyo mag la’aan ah, waxa u horseeday askarigan, farmaajo wax nama yeelin ee siyaasad xumi-diisa, iyo aqoon-tiisa liidata, rakaab-kiisa bilaa garashadda ah, baa waraabaha u sumaysay Somaliland, kiis iska waala ka mari maayo, oo cid ka dhegaysa-naysaa iskaba yare, halkaa saamaah ha kaga guro, intu meel kale ku faruur xidhan yahay. Source
  23. Haddii uu yahay xil aad kalidii ku abaal marisay waa gar iyo daw inuu afka taago oo uu u dudo reerka uu ka soo jeedo. Markuu xaalku sidaa yahay reerka intiisa kale waxa u furan inay wixii mansab ah u doontaan madaxweynaha qaranka. Laakin xilka uu hayaa haddii uu yahay xil reereed ma qabato reerka inuu afka u wada taago isaga oo leh wasiirnimadeydii ayaad kala dhantaasheen oo aniga ayaad i wada xumaynayseen oo waliba uu isagu haya xilka qudha ee reerku ka helay Xukuumadda. Ilaah baan idinku dhaariyee saw deelqaaf iyo kibir maaha inuu dudis & cadho ku sii darsadaa!!!!????. justify;”> Waliba ku darsoo wax aan cadayn lahayni iga hadhan. Taa Intaa hadaan kaga hadho waxaan iyana wax yar ka iftiiminayaa. “Halkii uu sallaanka siyaasadda ka soo fuulay mudane Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh (Dhagaweyne)”. Markii uu iska casilay mudane Cabdikarim Axmed Mooge xilkii wasiir ku xigeenimo ayaa xukuumaddii siiraanyo u magacaw-day booskiisii cabdiqadir dhagaweyne oo isna kaga jawaabay magacaabistaa diid-mo qayaxan isagoo cad quudheed u arkay qaadashada xilkii inaadeerkii iska casilay. Xiligaa oo uu kas-baday quluubta badi reerka iyo intii ku soo hiranaysay magaca abokor. Aniga iyo Axmed Faarax (Shimbir). Ayaa abaabul-nay shir aanu kaga fal-celinayno kuna muujinayno dareeenkayaga aanu ku ayidayno go’aanka diidmada ah ee uu ku talaabsaday cabdiqadir dhagaweyne. Xiligaa waxa reerka ciidagale ku matalayay masuuliyiinta Xukuumadda ugu jira kud-lad isku xidhan oo uu hor kaco Cabdilaahi Maxamed Daahir (cukuse). Kuwaas oo filinka ku jilayay magac la yidhaahdo (Reer Mataan oo xiligaa shaqaynayay) oo ula jeedka u weynina ahaa sidii uu cukuse ku sii haysan lahaa mansabka wasiirnimo, iyada oo ay la shaqaynayeen niman dhalinyaro ah Kuwaas oo ay u ahayd shaqo ay qabtaan tii u horeysay oo wax kaliyo kuma garatide isu noqonayay libaax iyo dhalihiisii oo waliba u tababaran jilista filinkii xiligaa shaqaynayay oo ahaa Reer Mataan & Abokor Muuse oo laysku xudho-xudheeyo. Ninkaa iyo dhalihiisii yaryaraa ee u tababarnaa xumaanta reeraha dhexdooda oo uu saacidayo Maxamuud Xaashi (Wasiirka madaxtoyada) oo isna xumaanta & jindagaageynta aabo ugu ahaa ayaa waxay ka xidheen Iriddii ay ka gali-lahaayeen Xukuumadda (Abokor Muuse). Iyagoo u diiday haba yaraatee wax jaanisa oo xil loogu magacaabo reerka aan kor ku xusey. Markay halkaa maraysay ayaa waxaan ka fikirey cidii jabin lahayd deyrka baar-liin ee uu Engineer-ka ka ahaa Cukuse. Waxaan shaki la’aan isku qanciyay ninka jabin kara deyrka baar-liin inuu yahay gudomiyaha xisbiga cadaaladda & daryeelka Eng. Faysal Cali Waraabe oo Xukuumadda dhegeheedu u furnaayeen maqalkiisa. Anigoo markaa haysta kalsoonida masuuliyiinta ugu sareeya Xisbiga Ucid ayaan si kalsooni ku jirto u garaacay albaabka Eng. Faysal Cali Waraabe oo aan rumaysanahay inuu yahay ninka qudha ee kud-laddaa xumaanta ku heshiisay naga ridi kara. Ayaan u gudbiyay fariin ahayd mudane gudomiye reerkii la odhan jirey Abokor Muuse maanta dhamaan bacadka ayay taagan-yihiin oo xukuumadda kama hayaan xil qudha oo digreeto Madaxweyne ku magacaaban. Haddii tuhun kaaga jirey Inanka aanu abtiga u nahay (muuse biixi oo xiliga ahaa gudomiyaha ah-na musharaxa Xisbiga Kulmiye). Hanagu halayn waayo isaga qudhiisa ayaa geed uu qabsado la’ kolkaa laba qaawani isma qaadee gudomiye fadhiga ka kac oo reerka xil u doon. Arintaas oo adigana ku noqon doonta fursad dahabiya & abaal aan duugoobin mudane gudomiye. Ee orod oo kac oo fadlan xukuumadda xil nooga doon oo waliba waxaad xilka noogu doonta mudane cabdiqadir dhagaweyne. Beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaaye xiliga aan hawshaa ku jirey cidii wax ila wadday la’aantood-na aanay waxba suuragaleen hubaashii waxay ahaayeen odayaashan hoos ku xusan : Yuusuf Kayse Cabdilaahi (xoghayaha warfaafinta Xisbiga Ucid), Eng. Faysal Cadami (Reer Sweden) Xusseen Cabdi Nuur (Reer UK) & Maxamuud A. Caraale (Reer UK). Nimankaa oo ila rumeeyay ilana hirgaliyay doonisteydii & baryadii aan ula tagay reer Ucid ilaahay mahaddiina way suuragashay digreetadii aan wakhtiga & tacabka badan galiyay. Waxaana la magacaabay mudane Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh (dhagaweyne) oo loo magacaabay wasiiru dawlaha Wasaaradda biyaha & khayraadka. Waxa gacantiisa iigu keenay warqaddii digreetada Eng. Faysal Cali Waraabe. Halkaa ayuu cabdiqaadir dhagaweyne ka soo fuulay sallaanka siyaasadda ee uu maanta ku yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda. Anigu shakhsiyan waan u ogahay waanan u hayaa abaalkeeda gudomiyaha xisbiga cadaaladda & daryeelka Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe & madaxda aan kor ku soo xusay magacyadooda kana tirsan masuuliyiinta ugu sareeya xisbiga Ucid. Waana nimanka nooga hiiliyay marraa waaxid haaway-dii dhulka carabka marisay & dir xunkii uu aabaha u ahaa doofaarkii xumaan oo dhan u saaxiibka ahaa waa Maxamuud Xaashi Cabdiye kuna magaca dheeraa ilaahay naarta hagu fogeeyee. Xiligaa cidda aanu ku hirdamaynay magacaabista cabdiqaadir dhagaweyne waxay ahaayeen xil. cabdiraxmaan dheere & Maxamed Iid oo aanu midkood-na raali ka ahayn magacaabistiisa. Iyadoo halkaa maraysa ayaa la gudo galay kaambeynkii ololaha doorashada madaxtooyada wixii ka dhacay baa ka dhacay. Waxaan ku soo af-meerayaa beydad ka mida maansadii sac-bul ee abwaan Cali Seenyo. ¤. Saymaha collaadeed hashii, rag isku seeraaray ¤. Sumuciyo rasaastiyo hashii, suuga lagu qaadey ¤. Sambabada hashii aawadeed, soodhku dalamleeyey ¤. Sararaha hashii lagaga jabay, dhiig-na lagu saantay ¤. Soobirada hashii lugu axmay , ee saaqid lagu toogtay ¤. Saajaca magiigani hashuu, sulub ku raacdeeyey ¤. Saryankiyo, libaaxiyo hashaan, saayo ka illaashay ¤. Sur-sur adag hashii lagu dhacsaday, sallowga maadhiinka ¤. Waxay soomal haadaba, markaan sabada soo joojey ¤. Seeraha markii aan ku furey, saaca dhiniciisa ¤. Saarkiyo markay dhawr habeen, soonahdii guratay ¤. Sarcanyaha markii ay candhada, gaax ka socon wayday ¤. Sa’dadii markay soo gashee, saxalki waydaartay ¤. Inuu sebenki nagu soo noqdaa, waa saboolnimo’e ¤. Afar saan caddaalaa la yidhi, huge samaantiiye ¤. Subagaan filaaya la yidhi, saacuf buu dhalaye ¤. Waa sulaaqan yahay baa la yidhi, sixinkii Caarow’e ¤. Sunbaa loogu daray baa la yidhi, sebiga caaniiye ¤. Silic bay ku nooshaa la yidhi, saaka maataduye ¤. Sambabkii ku faaf baa la yidhi, sadhadi beelaaye ¤. Salli qudha dadkii wada fadhiyay, saydhan baahida’e ¤. Saantii aboor baa ku baxay, shacabku saarnaaye ¤. Si, qudhaan wax loo wada arkayn, seeska nololeede ¤. Maantana sabeentii barroow, sumal-xad weeyaane ¤. Sawir iima goyn wiilashaan , soofka raac-sadaye ¤. Sacbul waxay yidhaahdeen, dadkii saaray heegada’e ¤. Isha saxarku dhaco teeda kale, way u sirirtaaye. Allaa Mahad Leh. W/Q : Garyaqaan Kayse Koosaar. fffarduus@gmail.com Source
  24. Waxaan ereyokooban ka odhanayaa waxayaaba wiigan Bulshada ku oogay oo ah in ay komishanku Cilaamiyeen in doorashadii Dib udhacday . runahaantii komishankeenu iyagaa qayb ka ah in doorashadu dib udhacdo .marka ay leeyihiin 10bilood oo xidhiidha ayaa loobaahanyay miyaanay haysan wakhti ohre oo ay kaga baaraan dagaan dhamaanba waxyaabaha ay doorashada Golayaashu ubaahantay islamarkaana horena aya ushegeen in lagu qaban karo wakhtigaa sida ay xukuumaduba u sheegatay inay bixisay lacagtii qaybtooda doorashada. Dabacan xisbiyada iyo daneeyayaashuba ayaa isula meeldhigeen iyagoo qayb ka ahaa iyaga laftoodu . Gudidida Doorasha somaliland waakuwii shalay ina soo maray eeaad ogayd inkastoo Bulshada iyo xukumaduba Cadaadis dheraada kaga imanayo ,hadana may ahayn kuwii maanta odhan lahaa waxaanu qaban kariwaynay Daoorshadii . waxay ka gaabiyeen Diwaangalintii iyo diyaarinta dhamaanba waxyaabaha doorshada looga baahnaa inay qabsoonto. iyadoo golayaasha qaar ay fadhiyeen 14 sano mudo kordhintooduna tahay tii shanaad ee lookordhiyo . Runahaantii Somaliland waxaa indhaha Caalamka ku xidhayay oo ay usoojiidanasay waa qaab doorashada iyo nidaamka axsaabta iyo geedi socodka Dimuqraariyada tiina waxay ku sii dhacaysaa Jardheer oo halisgalin kara nidaamkaas . waxay ahayd hadii su aal la galiyay iyaga laftooda in ay iscasilaanba. waxaa kaloo mad madaw badani galin karaa shacabka oo rajo doorasho Qabay oo maanta rajobeel qarka usaaran. Gaba gabadii Komishanku way ku hafteen hawlaha Doorasha Goloyaasha iyadoo loo nisbaynkaro in Xukuumadu Qaybwaynka tahay Dib udhaca doorashada Golayaasha Degaanka iyo wakiilada . manta Waxaa garabtaala in Bulshadeenu maanta ay Dhex muquurteen kalaqayb sanaan badan iyo Xanaf badan Doodoorashooyinku sababeen . dhamaan dhinacyada ay khusayso doorashada waxaalooga baqahanyaya in ay somaliland dhag xumada ka ilaaliyaan shacabkana aanay galin tashuush mar labaad oo aan laga soo waaqasankarin . sikastoo aadueegtana waxaad moodaa in aynaan waligeen kailbaxay waxaabahan is barakan Bulshahaan iyo dawlad ahaan ba. Waan koobayaa wakhtigoo iyguyar awgeed . wa bialaahi tawfiiq W/Q : Abdrashiid Aw muuse Aadan rashaad0@hotmail.com Source
  25. (SLT-Israa’iil)-Booliska Israa’iil ayaa sheegay iney maxkamadeyn wajahayaan Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo xaaskiisa Sara, ka dib marikii lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo laaluush. Waxaa lagu tuhunsanyahay iney xagga sharciga si khaldan ugu hiilliyeen shirkadda warbaahinta ee Bezeq telecom, iyagoo ka rabay in dhankeeda ay u baahiso warar dhinaca fiican oo kaliya looga eegayo arrimaha ku saabsan Ra’iisul wasaaraha iyo xaaskiisa. Mr Netanyahu ayaa iska fogeeyay eedeymahaas oo ku jira waxa loo yaqaanno Kiiska 4000. Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa hadda laga dhowrayaa inuu go’aan ka gaaro in kiiskan loo gudbiyo maxkamadda iyo in kale. Maxay yihiin eedeymihii ugu dambeeyay? Maanta oo Axad ah, Booliska Israail iyo mas’uuliyiinta laamaha amaanka ayaa sheegay in la helay caddeymo xoog badan oo horseedaya in dacwad la xiriirta musuqmaasuq lagu soo oogo Mr Netanyahu iyo Afadiisa. Waxaa lagu tuhmay iney faragalin ku sameeyeen go’aanno dhinaca sharciga ah oo loogu eexday shirkadda Bezeq iyo ninka saamiga ugu weyn ku leh ee lagu magacaabo Shaul Elovitch. Taas baddalkeedana, lamaanahan ayaa sida lagu eedeeyay la siiyay tabin dheeraad ah oo looga eegayo dhanka wanaagsan oo qura, taasoo lagu shaaciyay bog ay internet-ka ku leedahay Shirkadda Bezeq. Booliska ayaa sidoo kale sheegay iney heleen caddeymo muujinaya in Mr Elovitch uu bixiyay laaluush. Benjamen Natenyahu oo ka jawaabayay eedeymahan ugu dambeeyay ayaa bartiisa Twitter-ka ku yiri: “Macluumaadkan waxaa go’aankooda la gaaray lana abuuray ka hor inta aysan baaritaannada billaaban. “Waan hubaa in saraakiisha ku howlan kiiskan, marka ay wax isla dhiraandhiriyaan ay soo saari doonaan isla arrinta aan sheegayo oo ah: Ineysan waxba jirin, ileen waxba ma jiraane.” Mr Elovitch ayaan isagu wali wax hadal ah ka soo saarin arrinta. Maxay ahaayeen labadii kiis ee hore? Mid ka mid ah wuxuu salka ku hayay eedeyn Mr Netanyahu loogu jeediyay inuu ka dalbaday wargeys maxalli ah inuu u faafiyo wararka taageerada u ah qoyska xukunka haya, taas baddalkeedana uu ka caawin doono sidii uu uga hor mari lahaa shirkadaha warbaahineed ee tartanka kula jira. Kiiska labaad, Mr Netanyahu waxaa lagu tuhmay inuu helay hadiyado uu qiimahoodu gaarayo ugu yaraan 270,000 oo doolar, kuwaasoo la sheegay inuu ka helay ninka awoodda ku leh shirkadda filimada ee Hollywood-ka ee lagu magacaabo Arnon Milchan iyo taagereyaal kale. Wargeyska Jerusalem Post ayaa ku soo warramay horraantii sannadkan in hadiyadahaas ay ku jireen khamri iyo sigaar, isla markaana loo bixiyay sidii Mr Milchan looga caawin lahaa inuu helo dal ku galka Mareykanka. Mr Netanyahu ayaa dhammaan eedeymahaas ku tilmaamay kuwo aan “sal iyo raad toona lahayn”. Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegeysa in ra’iisul wasaaraha 69 jirka ah ay dhowr jeer su’aalo weydiiyeen kooxda baaritaanka ku howlan. Mr Netanyahu ayaa hogaaminaya isbahaysi burbur qarka u saran, hase ahaatee wuxuu u muuqdaa inuu kalsooni ku qabo in eedeymaha aysan soo dadajin doonin doorasho wakhtigeeda laga soo hormariyo. Doorashada xigta ee sharciga ah ayaa ku wakhtiyeysan bisha Nofeembar ee sannadka 2019-ka. Mr Netanyahu ayaa ku guda jira markiisii labaad ee loo soo doortay xilka ra’iisul wasaarenimo. Source