-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay Arbacada beri isugu yimaadaan kulan gaar ah oo la filayo inay cunaqabtaynata dhinaca hubka ah kaga khafiifiyaan Soomaaliya, sidoo kale ay cunaqabataynta saaran dalka Ereteriya ka qaadaan. Qaraar ay soo diyaariyeen dalalka Soomaaliya la saaxiibka ah ee Qatar iyo kuwo kale oo Afrikaan ah, ayaa waxay kaga dalbanayaan golaha ammaanka in Soomaaliya loo ogolaado inay la soo degto hubka noocyadiisa kala duwan si ay u dhisato ciidan milatari oo awood leh. Qaraarkan, ayaa waxa ku jira noocyo kala duwan oo ah hubka noocyadiisa oo ay dawladda Soomaaliya dunida ka soo iibsan doonto, haddii ay golaha ammaanku ansixiyaan qaraarkan arbacad beri la horgaynayo. Qaraarkan ayaa haddii la ansixiyo wuxuu dawladda Soomaaliya siinayaa awood ah inay dawladoodu hesho hub iyo qalab ciidan oo kala duwan, waxaana la filayaa inay ku caawiyaan dawladaha la saaxiibka ah oo ay hadda dabar ku tahay cunaqabtaynta hubka ee saaran. Waxase jira dalal kale oo ka soo horjeeda in la khafiifiyo cunaqabatayntan hubka ee Soomaaliya, iyagoo aaminsan inaanay weli dalka Soomaaliya ka jirin dawlad masuul ah oo lagu aamini karo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaanay diblomaasiyiin badani aaminsanyihiin in hubkaasi si fudud gacanta ugu geli karo kooxaha ka dagaalama Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska New York Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray shirka Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirkan oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Ururada Bulshada rayidka ah iyo xubno ka socda Beesha Caalamka. Muddada oo uu socdo shirkani ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo kobcin lahaa. R/wasaare ku xigeenka dalka oo furitaankii shirka ka hadlay ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in waxyaabo muhiim ah ay ka soo bixi doonaan kulankani. “Waxaanan madasha wadatashiga ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka u rajaynayaa guul iyo horumar iyo in ay xalaal miro dhal ahi ka soo baxaan oo dhaqaalaha wax looga qabto” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo dadaal ugu jira siidii loo horumarin lahaa Dhaqaalaha dalka ayaa Axadii la soo dhaafay Golaha Wasiirada Xukuumadda u bandhigay cilmi baaris ay ka sameeyeen hannaanka horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya The post R/wasaare ku xigeenka dalka Oo shir ka daahfuray Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Dibadbaxani oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa uu maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Banaanbaxa oo ay dhigayeen boqolaal dadweyne ah oou badan Dhalinyaro iyo Haween ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah maamulka Puntland. Dibadbaxaayasha ayaa cabasho ka ahaa xukun dil ah oo lagu riday C/risaaq Xuseen Tahliil oo ka mid ah Ganacsatada gobolka Mudug. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/warka-cali-gaab-dibad-bax.mp3 The post Dibadbax ballaaran Oo ka dhacay M/ Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Balcad ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay kooxo hubeysan ay Afduubteen dad shacab ahaa, kadib markii ay waddada u galeen Gaadiid ay la socdeen dadkaasi oo marayay duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi. Gawaaridan oo lagu afduubtay inta u dhexeysa deegaanada Ceel-Geeolow iyo Gololey ayaa gaarayay illaa 5 Gaadiid ah, gaar ahaan kuwa Xamuulka Qaada, iyadoona dhac baahsan iyo Jirdil loo geystay rakaabkii sarnaa Gawaaridaasi. Ilo dadka deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Gaadiidkan ay ku wajahnaayeen gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in markii dambe la sii daayay Gaadiidkaasi iyo dadkii la socday oo la sheegay in laga furtay agabkii ay wateen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Muddooyinkii dambe waxaa sii xumaanayay ammaanka waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. The post Kooxo hubeysan Oo dhac ka geystay duleedka Balcad appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mooyaale (Caasimadda Online) – Ugu yaraan 7 qof ayaa inta la og yahay ku dhintay dagaal ka dhacay degmada Mooyaale ee ku taalla xudduudda Kenya iyo Itoobiya. Khasaare nafeed ayaa soo kala gaaray labada dhinac ee Dagaallamaya,waxaana la sheegayaa in dagaalka oo wali socda ay ilaa hadda ku dhinteen Labada dhinaca ayaa dab qabadsiiyay Guryo iyo Xafiisyo,sida uu sheegay C/Fitaax Maxamed oo ka mid ah Soomaalida Mooyaale. Meelaha la wax yeelleeyay waxaa ka mid ah Iskuullo, Xafiisyo Dowladeed iyo Xarumo kale mana jirto ilaa hadda cid ka hadashay,waxaana ku barakacay Boqolaal qof oo labada dhinac ka tirsan. Dhowrkii Sano ee la soo dhaafay ayey labada dhinac ku dagaallamayeen degaankaas,waxaana ay isku heystaan dhul ballaarsi . Tan iyo shalay ayuu dagaalku socday, waxaana la sheegayaa in ay jiraan guryo iyo xafiisyo weli gubanaya. Ma jirto cid weli kala dhex gashay, wararkuna waxay sheegayaan inuu dagaalku weli socdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Wafdi uu hoggaaminayo ku xigeenka wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya Mr Rey Senenga ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Mas’uuliyiin uu ka mid yahay ku simaha Madaxweynaha K/ Galbeed, ahna guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi C/qaadir Shariif Shukunaa Maye ayaa ku soo dhaweeyay gagida diyaaradaha magaaladaasi. Intaasi kadib wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah la qaatay ku simaha Madaxweynaha, waxa ayna ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo sida ugu macquulsan oo ay ugu dhici karto doorasho xalaal ah waqtigii loogu tala galay. Sidoo kale ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay xubno ka mid ah Murashaxiinta maamulkaasi. Doorashada Koonfur Galbeed oo ay inaga xigto muddo 4 Cisho ah ayaa laga yaabaa in ay dib u dhacdo, sababo la xariira xubnihii guddiga doorashooyinka oo aan weli la dhameystirin, si ay u qaban qaabiyaan hanaanka doorashadaasi. The post Wafdi ka socda QM Oo gaaray magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mandera ( Sh. M. Network )-Ciidamada Booliska maamulka Mandera gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa maanta toogtay Haweeney Soomaali ah oo ka mid aheyd dadka deegaanka Rhamo ee maamulkasi, xilli ay howlgallo roondo ah ka wdaaeen halkaasi. Haweeneydani ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdiya Cumar , Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale dadka deegaanka Rhamo ayaa durbo bilaabay rabshado, kadib toogashadaasi, taas oo keentay in ay soo dhexgaalaan Saraakiisha sar sare ee Ciidamada Kenya, kuwaasi oo sheegay in ay ka xun yihiin dhacdadaasi. Taliyaha Booliska Mandera oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haatan xaaladdu at caadi ku soo laabatay, islamarkaana ay tallaabo ka qaadaayaan cid alaale iyo cidii lagu helo in ay dhibaato u gaysaneyso shacabka, sida uu hadalka u dhigay. Inta badan Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyaa in ay dhibaatooyin u geystaan dadka rayid ka ah, xilliyada ay sameynayaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab. The post Ciidanka Kenya Oo Haweeney Somali ah ku toogtay Mandera appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jabuuti ( Sh. M. Network )-Magaalada Jabuuti ayaa lagu soo gaba gabeeyey shirka 32-aad ee Maayaradda Casimadaha dalalka Islaamka, kaas oo looga hadlayey iskaashiga magaalooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee bilicda caasimadaha sare loogu qaadayo. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo shirkaas ka qaybgalay ayaa xusay in ay ka dhaxleen wax badan oo khibrad wadaag ah iyo in sare loo qaado iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka. Wasiirka Difaaca Mudane Cali Xasan Bahdon iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Djibouti Sakariye Sheikh Ibrahim ayaan maanta xafiisyadooda ku booqday iyadoo ay ila socotay Maayeerada Djibouti Marwo Fatouma Awaleh Osman Golaha Iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka ayaa xoghayaha guud ee ururka u doortay Faadumo Cawaale Cismaan Maayarka caasimadda Jabuti oo shirkan martigalisay, taas oo ururka hogaamin doonta 2-da sano ee soo socota. The post Shirka Maayarada Dalalka Islaamka Oo lagu soo gabagabeeyay Jabuuti appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay Arbacada beri isugu yimaadaan kulan gaar ah oo la filayo inay cunaqabtaynata dhinaca hubka ah kaga khafiifiyaan Soomaaliya, sidoo kale ay cunaqabataynta saaran dalka Ereteriya ka qaadaan. Qaraar ay soo diyaariyeen dalalka Soomaaliya la saaxiibka ah ee Qatar iyo kuwo kale oo Afrikaan ah, ayaa waxay kaga dalbanayaan golaha ammaanka in Soomaaliya loo ogolaado inay la soo degto hubka noocyadiisa kala duwan si ay u dhisato ciidan milatari oo awood leh. Qaraarkan oo uu Geeska Afrika arkay, ayaa waxa ku jira noocyo kala duwan oo ah hubka noocyadiisa oo ay dawladda Soomaaliya dunida ka soo iibsan doonto, haddii ay golaha ammaanku ansixiyaan qaraarkan arbacad beri la horgaynayo. Qaraarkan ayaa haddii la ansixiyo wuxuu dawladda Madaxweyne Farmaajo siinayaa awood ah inay dawladoodu hesho hub iyo qalab ciidan oo kala duwan, waxaana la filayaa inay ku caawiyaan dawladaha la saaxiibka ah oo ay hadda dabar ku tahay cunaqabtaynta hubka ee saaran. Waxase jira dalal kale oo ka soo horjeeda in la khafiifiyo cunaqabatayntan hubka ee Soomaaliya, iyagoo aaminsan inaanay weli dalka Soomaaliya ka jirin dawlad masuul ah oo lagu aamini karo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaanay diblomaasiyiin badani aaminsanyihiin in hubkaasi si fudud gacanta ugu geli karo kooxaha ka dagaalama Soomaaliya. Geesta kale, dawladda Somaliland ayaan ilaa hadda ka hadal qaraarkan la horgaynayo golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo haddii la ansixiyo saamayn guud ku yeelanaya ammaanka guud ee qaranka Somaliland. Xukuumadihii hore ee dalka soo maray ayaa dhawr goor oo la isku dayay in Soomaaliya laga khafiifiyo cuno qabatayntan hubka ah ee saaran, waxa ay dunida u direen dhambaalo kala duwan oo ay kaga dalbanayaan inaan lagu degdegin in cunaqabtaynta hubka laga qaado dawlada Soomaaliya, maadaama oo uu hubkaasi waxyeelo u gaysan karo ammaanka guud ee Somaliland. Xukuumaddan maanta oo ay la gudboonayd inay qaado olole diblomaasiyadeed oo ay kaga hortagayso qaraarkan maadaama oo uu hub ay soo iibsato ama lagu caawiyo dawladda Soomaaliya waxyeelo u gaysan karo ammaanka Somaliland, ayaa u muuqata inaanay laba socon, waxaanay dad badan oo diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamka aqoon durugsan u lihi aaminsanyihiin inuu gaabis ka muuqdo siyaasdda arirmaha dibadda ee Somaliland, xilli ay gobalka iyo caalamka ka socdaan isbedelo maalin maalin u soo kordhiyaa. Madaxweyne Biixi, ayaa isku shaandhayn uu toddobaadkan sameeyay wuxuu wasaarada khaarajiga ka bedelay wasiirkii Dr. Sacad Cali Shire, oo noqday hadda wasiirka maaliyadda, waxaanu wasiirka arrimaha dibada u magacaabay Yaasiin Xaaji Faratoon oo ahaa wasiirka waxbarashada. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile,oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan isku shandhaynta uu Madaxweynuhu ku sameeyey xubnaha ka tirsan Xukuumaddiisa. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayas ugu horeyn isagoo ka hadlaya isku shaandhaynta ayaa yidhi “Isku shandhayntu maaha qabiil ee waxaa loo baahan yahay aqoon dheeli tiran,isku shandhayntana maaha mid qaan-gaadha,ee Madaxweyne waxaa lagaga baahnaa isku shandhayn qaan-gaadha oo leh baaxad intan ka balaadhan iyo isku shandhayn tayo leh,Madaxweyne waxaa lagaaga baahna isku shandhayn ay umaddu ku diirsato iyo inaad magacwdo rajada ay umaddu qabto ciddii ku hagi lahayd ,xaaladda dalku ku jirana ka saari lahayd,laakiin Madaxweyne hilaac haraad ma biiyo, ee isku shandhayn qaan-gaadha oo umaddu ku diirsato ayaa lagaga fadhiyaa”. Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlaayey khilaafaadka dhulka ee Berbera ku soo badanaya ayaa yidhi “Xeerka 17aad ee ,dhulka isagoo kooban ayaa Golaha Wakiiladu kaabis iyo wax ka bedel uu ku sameeyey,arintaasi waxay keentay arin Golahana ceeb ku ah shaqadii qarankana isku murgisay,iyagoo Goluhu waxtar ula jeeday,ayaa la sameeyey Xeerkan iyo Guddida khilaafaadka Dhulka,saddexdii dhadhaar ee Dawladnimada ee kala ah Garsoorka,Fulinta iyo Sharcidejinta wey isku dhex shandhaysay,muwaadinka xuquuqdiisana meel bay kaga dhacday,xeer wuxuu xeer noqdaa marka uu Gobolada dalka oo dhan ka dhaqangalo, Gobolada Sool,Sanaag,Awdal iyo Togdheer wey iska diideen,balse meelaha uu ragaadiyey xeerkani waa Saaxil jyo Maroodijeex,laakiin markii dambe Hargeysi xeerkan wey iska fayday,ee meesha uu laxadka dhigtay ee Berbera,anagoo ah Xildhibaano badan oo Wakiilada ah waxaanu diyaarin doonaa mooshin ka dhan ah Xeerkan,Qareenada,Sharci yaqaanada iyo guud ahaan wax garadka Somaloland waxaan ka codsanayaa in wax kasta oo dabar iyo caqabad ku Dastuurka iyo xeerarkiisu in laga hawl galo wax kasta oo Dastuurkeena dhib ku ah”. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in barqanimadii maanta dil iyo dhaawac ay ka geysteen Isgoyska Baar-Ubax ee magaalada Muqdisho. Kooxdan oo ku hubeysneyd Bastoolado ayaa la sheegay in ay weerareen 2 nin oo sii galayay Masjid ku yaalla agagaarka Isgoyskaasi, iyadoona mid ka mid ahaa uu ku dhintay weerarka, halka kan kalena uu ku dhawaacmay. Sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacantay Haweeney qaad ku iibineysay halkaasi, sida ay xaqiijiyeen Ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Raggii ka dambeeyay falkani ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, kadib dhacdadaasi. Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-goobjooge.mp3 The post Rag hubeysan Oo dil iyo dhaawac ka geystay Baar-Ubax appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-13112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Hormoodka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Hay’adda Shaqaalaha dawladda, ayaa kulan ballaadhan oo ay la yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa ay kaga dhawaaqeen shaqaalaysiinta ugu yaraan 954 (sagaal boqol iyo afar iyo konton) macallin oo muddo dheer mushahar la’aan ugu shaqaynayey umaddooda. Macallimiinta la shaqaalaysiiyey oo ka hawlgasha 1,081-ka Dugsi ee ay dawladdu leedahay ee ku yaalla guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la hawlgeliyey kaddib Kormeer ay sameeyeen 15-kooxood oo ka kala socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, waxana ay macallimiintaasi si rasmi ah uga mid noqon doonaan shaqaalaha rasmiga ah ee qaranka, kuwaas oo heli doona mushahar joogto ah. Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, Mudane Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle oo kulanka ay la qaateen madaxweynaha kaddib warbaahinta la hadlay, ayaa u bushaareeyey dhammaanba macallimiintii mushahar la’aanta muddada kala duwan ugu soo shaqaysay qarankooda, kuwaas shaqaale rasmi ah noqday, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Saaka waa u bushaaro iyo barkhad guud ahaanba macallimiinta Jamhuuriyadda Somaliland ee ku kala sugnaa guud ahaan dugsiyada dalka in ku dhawaad kun qof, saaka kulankii madaxweynaha kaddib wasaaradda waxbarashada iyo Hay’addaa shaqaaluhu ay shaqaalaysiinayaan.” Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda, ahna sii hayaha xilka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane, Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faro-toon) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay in hay’adda shaqaalaha dawladda iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku ay waqti badan geliyeen hubinta iyo kala hufidda macallimiinta, natiijadiina noqotay shaqaalaysiinta macallimiinta muddada tabarruca kusoo shaqaynaysay, waxana uu yidhi, “Saaka madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka qaranku waxa ay shir weyn oo ujeeddadiisu tahay shaacinta natiijadii kasoo baxday kormeer ballaadhan oo wasaaradda waxbarashada iyo hay’adda shaqaaluhu wada qaadeen oo ku saabsan sidii loo sugi lahaa arrimo badan oo la xidhiidha waxbarashada, gaar ahaan macallimiinta iyo shaqaalaha wasaaradda waxbarashada, kuwaas oo duruufo kala duwan ku jira oo lasoo tiro koobay, waxana halkan loo joogaa in lagu dhawaaqo in Kun ku dhawi inay maanta noqoto shaqaale rasmi ah.” Wa-bilaahi tawfiiq Source
-
Several people from two clans in Galgaduud region were killed and dozens injured in clan clashes. The parliament leadership urged the sides to end the fighting which displaced hundreds of families from their homes. Deputy speaker of federal parliament, Mahad Awad has termed the clashes as unfortunate saying it is unacceptable to see two brotherly clans shading their blood. “On behalf of the federal parliament, I call upon the warring sides in Balanbale town to end the hostilities,” he said. Mr. Mahad called on the elders in the region affected to resolve their differences for a common good of the country, saying the people in the region should unite and ensure that their reconciliation meetings become fruitful for the benefit of their region and the entire country. The call comes a day after Somali government deployed hundreds of soldiers in the area to intervene clashes between two clan militias. The post Warring sides in central Somalia urged to end the hostility through dialogue appeared first on Shabelle. View the full article
-
Abdirahman Dualle Beyle, the finance minister of Somalia said Monday that the government is now sufficient to pay the monthly salaries and stipends of its armed forces. The minister announced the decision during his address to the national assembly in Mogadishu, where he presented a report on the country’s latest budget and fiscal document. The government is planning to fill the gap after the US has suspended military aid to Somalia over corruption claims, a move that has a become a blow to the Federal Government. Somali cabinet approved $340,060,149 for next year’s budget submitted by the ministry for Finance. On the other hand, Somali minister for finance has also tabled $7 million supplementary budget before the House. Beileh has urged the members to approve the amount to supplement the budget. The post Finance minister says Government sufficient to pay to its soldiers appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Dhawaan ayey aheyd markii madaxweyne Muuse Biixi uu guddoomiye ku xigeenka Haaya’dda qaxoontiga iyo barakacayaasha u magacaabey Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye, taas oo u u hore ugu magacownaa Khadar Sh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar. Masuulkan hore xilkaas uga magacownaa ayaan digreeda madaxweynaha lagu sheegin in aan xilkaas laga qaadin balse masuul kale uun lagu dul magacaabey, waxaana uu sheegay guddoomiye ku xigeenki hore in aanu xilkaas baneyneen illaa inta si sharci ah xilkaas looga qaadaayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Shadoor Xaaji Maxamuud oo horay u soo noqday Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada iyo La Taliye Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ay xil Wasiir oo banaan muddo lix bilood ka xaqiray beel ka mid ah beelaha Muqdisho. Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku dhisan tahay awood qeybsiga iyo matalaada dhammaan beelaha Soomaaliyeed, sidaas darteed Ra’iisul Wasaaraha uu diiday kursiga Wasiir, kaddib markii uu taageero ka waayay Xildhibaanada Beesha ku matasha Baarlamaanka oo ah Xildhibaan Drs. Mina Xasan Shibis. “Beeshu marar badan ayey Ra’iiisul Wasaaare Xasan Cali Kheyre ugu tageen arrintan iyo mataalaad kale oo ka maqan, iyagoo ka codsanaya inuu qof kuu doono oo beesha ka mid ah u magacaabo xilka Wasiirka ilaa haddana ma dhicin , waxaase sii dheer in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu horay sabab la’aan xilka uga qaaday Maareeyahii Sadaasha Hawada”ayuu yiri Shadoor Xaaji Maxamuud qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. “Ma garan karno ujeeddada sida gaar ah uu u dulminayo Ra’iisul Wasaaruhu beesha oo ah canshuur bixiyayaasha ugu badan dadka ku nool Muqdisho. Waxaan xukuumadda u sheegayaa in beeshu aqbali doonin dulmiga ku gaarka ah, Madaxweyne Maxamed Farmaajoo isaguna waxaan leeyahay sida aad ugu dagaallantay inaan laga tagin mataalada Golaha Wasiirada ee beesha aad ka soo jeedo ayaad haddana raali kaga tahay Ra’iisul Waaaraha inuu xaq-duudsi ku sameeyo beelaha qaar” Beesha Galmaax oo ka mid ah beelaha dega Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka cabanayay in aan la siin xil Wasiiru dowle oo ahaa mataaladii ay ku lahaayeen Xukuumadda, waxaana dhowr jeer hore jiray kulamo Beesha isugu timid Muqdisho oo ay kaga cabanayeen in xaqoodii la duudsiiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Residents in Jilib district in Middle Jubba region say Al-Shabaab has executed a foreign jihadist on suspicion of having links with the Islamic State branch in the Horn of Africa country. The foreign fighter identified as Abu Anas Al-Misri from Egypt was killed in bomb attack on a mosque in the rebel-held town on Monday night, according to sources. The militant group has also arrested several Somali and foreign Al-Shabaab members during an operation which is part of a clampdown on elements trying to join ISIL affiliate. Reports from the region suggest that a tension is brewing between fighters within the Al-Qaeda-affiliated Al-Shabaab group fighting to topple the UN-backed Somali Federal Government in Mogadishu. Al-Shabaab has been driven out of key areas in southern Somalia, including Mogadishu in 2011, but, the group still capable of staging attacks in the country’s capital. The post Al-Shabab executes foreign fighter in southern Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaraddo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay in korontada laga goostay, kaddib markii lagu yeeshay lacago. In ka badan 7 wasaarad oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmo koronto la’aan ah, waxaa laga goostay korontadii kadib markii ay muddo 4 bil ah iska bixin waayeen lacagtii. Wasaaradaha koronto la’aanta ah waxaa ka mid ah: Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Wasaaradda howlaha guud, Wasaaradda tamarta, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo wasaarado kale oo muhiim ah. Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradahaasi, waxaa jirtay inta aan korontada la goosan ay shirkadda korontada digniin siisay xarumahaas wasaaradaha si ay u bixiyaan, laakin ay guul-dareysteen , kadibna laga goostay. Mar aan weydiiney sababta waxaa ay sheegeen inay tahay arrimo la xiriira maaliyadda, iyaga oo waayey qarashkii howlahan oo kale lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, wasaaradda maaliyadda ayaana mas’uul ka ah arrimahaas. waxaa kale oo la ogaaday in dhibka aanu koronto keliya aheyn, oo wasaaradaha loogu hanjabay inay biyaha laga goosan-doono. Qaar ka tirsan wasiirrada xukuumadda federaalka ah ayaa ku qasbanaaday inay shirar ku galaan Hoteellada u dhow xarunta, mugdiga iyo koronto la’aanta awgeed. Dhinaca kale, Shirkadda BECO ayaa sheegtay inay jiraan wasaarado dhowr bil lacag bixin waayey, oo ay ka jareen, iyaga oo intaasi raaciyey inay qaarkood u soo daayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug Garabka magaalada Cadaado lagu doortay ayaa eedeyn kulul u jeediyay Golaha iskaashiga maamul Goboleedyada oo khilaaf uu kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Galmudug ee lagu doortay Cadaado kadib Khilaaf yimid Axmed Maxamuud Baasto, ayaa sheegay in Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ay la mid yihiin Al Shabaab oo caqabad ay ku yihiin horumarka Soomaaliya. Axmed Baasto, wuxuu sidoo kale sheegay in Al Shabaab iyo Golaha Iskaashiga ay yihiin caqabada kaliya ee hortaagan Soomaaliya, sida uu sheegayna loo baahan yahay in labadaasi laga guuleysto. “Soomaaliya waxaa caqabad ku ah Al-Shabaab,waxaa caqabad ku haaya Golaha sharta ah ee Golaha Iskaashiga diidayana Nasiino shacabka Soomaaliyeed helaan oo mar walba boobaya,runtii waxaan leenahay dhibaato ka weyn majirto Golahaas marka laga reebo Al-Shabaab”ayuu yiri Axmed Baasto. Dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Mudug iyo Galgaduud ayuu sheegay inay ka dambeeyaan golaha Iskaashiga oo Madaxweyne Gaas uu hogaaminayo, waxaana uu sheegay inaysan dooneyn xasiloonida Shacabka. Gaba gabadii waxa uu soo hadal qaaday shirkii Garoowe ugu qabsoomay iyo Go’aankii ay ku gaaren inay Ciidamo gaar ah sameystaan,waxana uu sheegay in ciidamaas ay ku baaqeen ay durba bilaabeen dhibaatooyin Cusub sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xulka kubbadda cagta dalkeena oo iminka ku sugan Ethiopia ay si wanaagsan isku diyaariyay ka qeybgaka is reebreebka ciyaaraha Olimkada qaarada Afrika waxayna kulankooda kowaad la dheelidoonaan maalinta beri xidigaha Ethopia waxaana labada xul ka dhaxeeyo xifaaltan adag “Himilada iyo rajada xulka ayaa ah in ay lasoo laabtaan guul muhiim oo ay ku farxaan taageerayaasha,balse dhalinyarada waxa ay kawada simanyihiin dal jaceyl iyo in ay kor u qaadaan sharfka calankooda baluuga ah” waaxaa Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Cabdule Farayare oo ah macalinka xulka qaranka 23-jirada 23-jirada Soomaaliya ayaa laga sugayaa natiijo wanaagsan sida ay kal hor sameeyeen xidigaha 17-jirada ee kaalinta ka galay tartankii Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay wadanka Burundi bishii April 2018 Halkan Ka Baro Magacyada 23-Jirada Ee Matalaya Soomaaliya Ee Iminka Ku Sugan Dalka Ethopia Source: goobjoog.com
-
In ka badan 5 wasaarad oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmo koronto la’aan ah, waxaa laga goostay korontadii kadib markii ay muddo 4 bil ah iska bixin waayeen lacagtii. Wasaaradaha koronto la’aanta ah waxaa ka mid ah: Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo wasaarado kale oo muhiim ah. Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradahaasi, waxaa jirtay inta aan korontada la goosan ay shirkadda korontada digniin siisay xarumahaas wasaaradaha si ay u bixiyaan, laakin ay guul-dareysteen , kadibna laga goostay. Qaar ka tirsan wasiirrada xukuumadda federaalka ah ayaa ku qasbanaaday inay shirar ku galaan Hoteellada u dhow xarunta, mugdiga iyo koronto la’aanta awgeed. Mar aan weydiiney sababta waxaa ay sheegeen inay tahay arrimo la xiriira maaliyadda, iyaga oo waayey qarashkii howlahan oo kale lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, wasaaradda maaliyadda ayaana mas’uul ka ah arrimahaas. Goobjoog News waxaa kale oo ay ogaatay in dhibka aanu koronto keliya aheyn, oo wasaaradaha loogu hanjabay inay biyaha laga goosan-doono. Mas’uuliyiinta wasaaradahaasi waxaa ay leeyihiin, waxaa is-qaban la’a in ay wasaaradda maaliyadda JFS dhahdo waxaa kordhay dakhliga gudaha iyo canshuur bixinta isla markaana ay iska bixin weyso qarashkii korontada iyo biyaha xarumaha ay deggan yihiin. Dhinaca kale, Goobjoog News waxaa ay iskudeyday inay la xiriiro wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle iyo shirkadaha korontada, laakin ma gaarin, qaarna kama helin jawaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Daaawada ilkaha ee lagu cadaydo ee loo yaqaan Colgate ayaa baaritaano la sameeyay waxaa lagu ogaaday in ay leedahay saameyn caafimaad. Maado Chemical ah oo ku Jirta boomaatada Colgate oo lagu magacaabo Triclosa ayaa xeel dheerayaal caafimaad oo u kuur galay waxay sheegeen in ay keento xanuuno kala duwan oo sababi kara in Cudurka Cancer-ka uu ka Dhasho. Cilmi baarayaasha ayaa dhanka kale tilmaamay in daraasadan aysan aheyn midii ugu horeysay oo lagu ogaado saameynta caafimaad oo ay leedahay kiimikada Triclosan in ay kor u qaado cudurka Canser-ka,ama ay kordhiso in ay unugyada jirka qaadaan. Arintaan ayaa waxaa lagu daabacay wargeys ka faalooda kiimikada ee lagu magacaabo Toxicology journal. Dadka ugu nuqul ayaa ah kuwa sida joogtada ah u isticmaala boomaatada lagu nadiifiyo afka ee loo yaqaan Colgete in ay u keeni karto halis caafimaad ku timaada qeybaha kale ee Jirka. Maadada sunta ah ee Triclosan ayaa awood u leh in ay saameyn ku yeelato unugyada Jirka bani aadamka iyo wax soo saarkaa hormone-da. Daraasaad ceynkani oo kale oo la sameeyay sanadkii 2008-dii oo lagu daabacay wargeyska Environmental Health ayaa lagu qeexay saameyn la mid baaritaankan oo la sameeyay bishan. Arintaan ayaa waxaa lagu ogaaday wareysiyo iyo baaritaano lagu sameeyay 2517 oo da’dooda u dhaxeyso 6 sano iyo wixii ka sareeya,taasi oo la micno ah 75 boqolkiiba in ay tahay ra’yi aruuntan. Soomaali badan oo ku nool gudaha iyo dibeda ayaa la aaminsan yahay in ay si weyn daawadan ay u isticmaalaan,iyadoo dhanka kale qaab ganacsi ah loo keeno gobolada dalka. Source
-
Cadaado ( Sh. M. Network )-Axmed Maxamuud Xasan ( Axmed Baasto ) oo dhawaan Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay u doorteen Madaxweynaha maamulkaasi ayaa si kulul uga hadlay xiisadaha ka soo cusboonaaday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Axmed Baasto ayaa ku eedeeyay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada daka in ay dhibaato amnia ka abuurayaan gudaha maamulka Galmudug. Waxaana uu tilmaamay in ay hurinayaan xiisadaha colaadeed ee haatan ka soo cusboonaaday deegaanada maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Baasto.mp3 The post GIDG Oo lagu eedeeyay xiisadaha ka taagan G/ Galgaguud appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Jigjiga)-Dhalinyaro ka kala socota qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida dalka Itoobiya ayaa waxay dhawaan ku heshiiyeen in khilaafka iyo isku dhacyada labada qowmiyadood u dhaxeeya ay iska kaashadaan sidii loo xalin lahaa. Dhalinyarada labada dhinac ayaa waxa ay shirar ku qabteen meel kala duwan iyaga oo labada shacab ku boorinayay in ay nabadda ka shaqeeyaan. Shirkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay dhalinyarada qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida ay ku qabteen magaalada Jigjiga. Dagaalada u dhaxeeya Soomaalida iyo qowmiyada Oromada ayaa ah kuwa soo lab laabtay,isla markaana sababay dhimasho dhaawac iyo barakac intaba. Source