Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shirkii Golaha wasiirada xukuumadda Puntland ee Khamiista maanta ah oo uu guddoominayay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa lagu ansixiyay gobol cusub oo ka kooban afar degmo. Gobolka cusub ayaa ka kooban degmooyinka God’aalo,Carrooleey,Sarmaanyo iyo degmada taariikhiga ee Taleex oo caasumad u ah gobolka,sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada Puntland. Golaha ayaa sidoo kale degmo cusub u magacaabay Yagoori oo ka tirsan gobolka Sool,islanarkaana ay gacanta ku hayso Somaliland. PUNTLAND POST The post Golaha wasiirada dowladda Puntland oo ansixiyay gobol cusub appeared first on Puntland Post.
  2. Taliyihii ciidanka xoogga dalka qeybta 12-ka April Gen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo ku-xigeenkiisa Cabdi Cali Jamaame ayaa goordhow lagu dilay qarax miino. Qarax ayaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen Taliyaasha iyo ciidamo ilaalo u ahaa, waxaa uuna ka dhacay deegaanka Dhanaane ee Koonfurta Muqdisho dhinaca xeebta Jazeera. Wararka waxaa ay intaas ku darayaan in qarax ku dhinteen sidoo kale in ka badan 5 askari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Beeralayda gobalka Bari ayaa ka hadlay baahiya ay xiligan qabaan ,maadama ay jiraan murrshaxiin isku soo taagaya qabashadda hogaanka Puntland 2019, taas oo ay uga [...] Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Faaf-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax xooggan oo ka dhacay ka dhacay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose oo koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho. Qarax oo la sheegay inuu ahaa miino lagu aasay waddada dhinaceeda ayaa lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo la socotay taliye sare oo ka tirsan milatariga Soomaaliya. Xogta nasoo gaareysa ayaa sheegeysa in qaraxa lagu dilay taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo abaanduulaha qeybtaas Jeneral Cabdi Cali Jamaame. Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay shan qof oo kale, waxaana jira dhaawac soo gaaray ciidamo kale, oo aan weli la ogeyn tirada rasmiga ah. Allaha u naxariistee Jeneral Cumar Dheere, oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada dalka, xilligii Maxamed Siyaad Barre, ayaa dowladdii KMG aheyd waxa uu kasoo noqday wasiir ku xigeen iyo xildhibaa. Meydka Taliyaha iyo abaanduulaha ayaa la keenay magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Qaar ka mid ah Nabadoonada Puntland ee gobolka Nugaal oo maanta shir,jaraaid ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxa ay ka hadleen khilaafka [...] Source
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wafdi balaaran oo ka socda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta gaarey magaalada Kismaayo. Gudoomiyaha Gollaha, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa hogaaminayay wafdigaan oo ay ku jiraan masuuliyiin kala duwan. Madaxwaynaha Jubbaland, Axamed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa wafdiga si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caasimada gobolka Jubada Hoose. Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa wuxuu salka ku hayaan sii ambaqaadida soo gabagabeynta khilaafka dowlada dhexe iyo maamulada. Safarkaan ayaa la filayaa inuu qaato maalmo, islamarkaana uu kulamo kala duwan la qaato Gudoomiye Cabdi Xaashi madaxda ugu sareysa Jubbaland. The post Wafdi uu hogaaminayo Cabdi Xaashi oo gaarey Kismaayo appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Degmada Xamar-weyne oo kamid ah degmooyinka ugu taariikhda fog Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa xiligan noqotay mid wajahaysa xaalad aad u liidata kadib markii ay degmadani kulan satay amni daro iyo nadaafad xumo heerkii ugu hooseeyay. Dadka degan Xamarweyne oo badi fikirkan qaba ayaa ku eedeyay Ku simaha gudoomiyaha ee degmadda Macalin Iidoow iyo gudoomiye kuxigeenka dhanka arimaha bulshada ee maamulkaas in aysan wax xil ah iska saarin howlihii loo igmaday oo ay kamid tahay dardargalinta arimaha Nabadgalyadda iyo Nadaafada xili aysan gudoomiye rasmi ah lahayn iminka degmadda Xamar-weyne. Qaar kamid ah Shacabka iyo Ganac-satada ku sugan degmadaasi oo lahadlay Idaacada Shabelle ayaa walaac ka muujiyay xaalada Nadaafad-xumo ee ay iminka la daalaa dhacayso Xamarweyne xili ay si joogta ah muwaadiniintaasi u bixiyaan Canshuurta, waxaa ayna sheegeen in ay si gaar ah u isticmaalan Maamulka degmadda Xamar-weyne lacagaha laga qaado ganacsatada maadaama aysan degmadda ka muuqan qarashaadkaasi. Halka ay sartu ka quruntay ayaa ah sida ay dad badan aaminsan yihiin Maamulka arimaha Bulshada gaar’ahaan Maxamuud Cali Maxamed [Maxamuud Dheere] maadaama ay masuulkan sheegeen dadka aan la hadalny in shaqadiisa ay ka muuqato habacsanaan baahan. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Soofaysane.mp3 The post Maamulka D/Xamar-weyne oo lagu dhaliilay Nafaada iyo Amniga appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Boorama)-Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID cabdinaasir Buuni ayaa ka fashil ku eedeeyay hab maamulka xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Hargeysa (Ilays-News):- Khubaro Daraasaysa cilmiga Jiyoolajiga gaar ahaan khayraadka shidaalka ayaa waxa ay sheegeen in guud ahaan wixii hore la isugu odhan jiray Soomaaliya (Somaliland iyo Somalia) uu ku jiro shidaal badan oo noocyadiisa kala duwan ahi sida Batroolka iyo Gaasta dabiiciga ahba iyaga oo sheegay in shirkado badani wakhtigan xiisaynayaan in ay shidaal ka soo saaraan Somaliland iyo Soomaaliyaba iyaga daboolka ka qaaday xogo la helay oo muujinaya goobaha illaa hadda lagu wado in shidaal badani ku jiro. Khubaradani waxa ya sheegeen in calaamado badan oo la helay ay muujinayaan in shidaal badani ku jiro dhinaca Soomaaliya marka lagu horreeyo badda Soomaaliya ee Indian Ocean. Astaamahaasi oo ay ka mid yihiin badda salkeeda oo uu ka soo siimoobo (seepage), uuna ka soo burqado isagoo dareere ah ama hawo ah ah. Dayax-gacmeedyada baadha dhulka ayaa waxay ku arkeen badda Soomaaliya meelaha qaar inuu siimowgaasi ka jiro. Taasi waxay ka mid tahay daliilaha tusinaya baadhayaasha in badda salkeeda dhulka ahuu khayraad dabiici ah oo badani yaallo. Dhinaca Somaliland baadhitaanadii sannadihii ugu dambeeyey laga sameeyey oo ay shirkado badani ka wadeen ayaa lagu ogaaday in oogada dhulka laga dheehan karo goobo badan oo gaas dabiici ahi ku jiro sida Gobolada Togdheer iyo Oodweyne. Halka dhinaca xeebta Gobollada Saaxil, Maroodi-jeex Awdal iyo Salal-ba ay ka jiraan shidaal noocyo kala duwan ahi. Baadhistii dhinaca dalka Soomaaliya laga sameeyay 2014-2015 ee Soma Oil and Gas iyo tii ka dambaysay ee Spectrum Geo sammaysay (2015-2016) ayaa caddayn buuxda u noqday (Potential) botenshiyaalka (mugga loo maleeyo inuu ku jiro) shidaalka. Waxaa la arkay 3 aag (basin ama shidaal-fadhiisin) oo leh qaababkii iyo dhagaxdii shidaalka dhali lahaa, jidad kii uu ku siimoobi lahaa (migration pathways), dhagaxii kaydin lahaa iyo daboolladii isku dahaari lahaa si u fakanin. Saddexda aag waa Badda Galmudug, Badda Baraawe illaa Warsheikh iyo aagga Webi Jubba meeshuu badda kaga-darsamo. Taas waxaa loo tarjumi karaa biyaha ku beegan maamul-goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Banaadir, Hirshabelle iyo Galmudug. Baadhista (Geo-physical) jiyo-fisikadeed intaas ayaa laga sammeeyay. Hore botenshiyaalka shidaalka ee badda Soomaaliya waxaa sheegay Hay’adda Mareekanka ee Sahanka Joolojiyeed (United States Geological Survey – USGS) markay qiyaaseen inta ku jirto shidaalka badda Bariga Afrika (min Mozambique , Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya) inay ka badan tahay 28 bilyan oo fuusto shidaal dareere ah. Shirkadaha badda Soomaaliya sahmiyay sida ENI (1977 – Garacad-Mare-1), ExxonMobil (1982/83), Shell 1989/90), Total (2001), iyo Soma Oil and Gas (2014/15) dhammaan waxaa u soo if-baxay in shidaal ku jiro badda hoos teeda. Arag tidaas waxay ku salaysan tahay baaristii ballaarnayd oo ay sameeyeen. Shirkadaha Somaliland iyo Soomaaliya heshiisyada la galay ama raba inay la galaan way badan yihiin. Shell-ExxonMobil ayaa ugu horraysay oo iyadu waxay la galeen Soomaaliya heshiis waagii Dowladdii Siyaad ee Diktatooriyadda ee Maxamed Siyaad Barre, November 1988 kaasi oo laga baadhay dhinaca Somaliland. Shirkadaha heshiisyo la galay Maamulka Muqdisho ee sheegta dowladda federaalka ah marka laga tago waxaa jira shirkado kale oo heshiisyo gaar ah oo madax bannaan la galay dowladda Somaliland iyada oo Somaliland dalkaasi Soomaaliya gaar isaga taagay sannadkii 1991 oo uu xirriyadiisa dib ugala soo laabtay. Si haddaba shirkadahan aad loogu dadaalo wax qabadooda, Soomaliland waxay u baahan tahay Sharicyo iyo Xeer-hoosaadyo is-waafaqsan, Qaab-heshiiseedka Wadaagga Soo-saarka oo isagana markiisa la jaan-qaadaya Sharciga Batroolka, Sharciga Cashuuraadka (oo aan weli jirin) iyo Sharciga Bii’ada ama deegaanka gaar ahaan ka khayraadka dabiiciga ah oo u baahan in la qoro. Dhawaan waxa kale oo soo baxay xogo sheegaya in shirkaddii ugu waynayd shirkadaha Somaliland baadhitaanka ama sahaminta shidaal kula galay oo ah GENEL ENEGRY in ay doonayso in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo wixii ka soo baxay baadhitaankeedii sahaminta ahaa kadibna ay ku dhawaaqdo wakhtiga rasmiga ah ee ay shidaalka qodayso oo la sheegay in ay ku beegan tahay dabayaaqada 2019 ama horraanta sanadka 2020. waxaana laga dhur-sugayaa sida xaaladdaasi ku dambayso dadkuna aad u danaynayo. Source:- Foore Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal ayaa wada dadaaladii u dambeeyay ee uu ku xalinayo xiisada ka dhalatay kala diridii Guddiga Maaliyadda ee uu sameeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad, taasoo sababtay in maalmo hakad ku yimaado Fadhiga Baarlamaanka. Warar ku dhow dhow Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu la kulmay Kuxigeenadiisa, Xildhibaanada labada dhinacyo iyo Madaxda sare ee dalka, isagoo kala hadlay sidii xeer jajab siyaasadeed lagu xalin lahaa kala diridaas, maadaama qaab sharci ah aan markii hore loo marin. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka gaabsaday inuu ka hadlo kala dirista Guddigii Maaliyadda ee uu ku dhaqaaqay guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey ayaa ka hor yimid ciidamada ay dowladda Federaalka geysay magaalada Baydhaba, wuxuuna taageeray xaqa uu Musharaxa Mukhtaar Roobow u leeyahay inuu tartamo. Xogta la helay ayaa sheegeysa inay dood adag dhex martay Madaxweyne Farmaajo Guddoomiye Mursal, taasoo ku saabsaneyd xaaladda doorashada K/Galbeed iyo kala dirista Guddiga Maaliyada, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu su’aal ka keenay waxa iska bedelay qorshihii ay isla meel dhigeen ee Doorashada K/Galkbeed..?, waxaana dood dheer kadib guddoomiyaha Baarlamaanka uu aqbalay in mar kale taageero qorshaha doorashada madaxda dowladda ee K/Gabeed. Kala dirista Guddiga maaliyadda ayaa sidoo kale uu aqbalay Guddoomiye Mursal, isagoo sheegay inuu magacaabi doono Guddi cusub oo Maaliyadeed, laakiin warbixin uu siin doono Golaha Baarlamaanka Sabtida, taasoo lagu faahfaahinayo arinta Guddiga muranka ka dhashay. Arrinta ugu muhiimsan ee Guddoomiyaha Baarlamaanka ka helay doodii uu la galay madaxweyne Farmaajo ayaa ahayd in xil loo magacaabo la-taliyihiisa saameynta badan ku leh, ahna kaaliyihiisii xillgiii uu safiirka ka ahaa Turkiga ee C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), taasoo loo ogolaaday, basle aan din loogu celin doonin Hay’adda NISA. Xildhibaan C/risaa Axmed Maxamed oo ka mid ah xubnihii Guddiga Maaliyadda ayaa sheegay in markii hore lagu fududaaday kala dirida Guddiga, isla markaana aan loo marin hab sharci ah oo xeer hoosaadka uu qabo. “Waxaa rajeynayaa in arrintaas xal laga gaaro, Guddoomiyaha iyo kuxigeenadiisa waa ka heshiiyeen in arrin xal siyaasadeed lagu dhameeyo, maadaama aan markii hore aysan jirin xeer loo cuskaday kala dirida Guddiga, waxay ku xiran tahay sida guddiga heshiis u noqdaan”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq. Waxaa uu sheegay in Guddiga Maaliyadda oo labo u kala jabay ay sabab u aheyd arrin siyaasadeed oo ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana ay aheyd arrin la rabay in guddiga lagu kala dhantaalo. “Guddoomiyaha wuxuu na yiri waa idinku soo war celinayaa, arrinta anigaa siyaasiyan u soo dhameynayo”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed. Kala dirida Guddiga Maaliyadda ayaa waxa ka dhashay doodo sharciyeed oo ku aadan in Guddoomiye kuxigeenka 1aad aanu u marin qodobada xeer hoosaadka, isla markaana aanu awood u laheyn inuu kala diro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha aqalka sare ee dalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka amba baxay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaana ku sii sagootiyay xubno katirsan dowlada Soomaaliya. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ka hor inta aanu ka amba bixin garoonka Muqdisho hadal kooban uu siiyay wariyaasha ayuu faah faahin uga bixiyay safarka uu ku tagayo Kismaayo. “Aniga iyo Wafdi aan hoggaaminaayo waxaan aadeynaa Kismaayo Jubbaland, waxaan u aadeynaa waa tii aan hawl soo wadnay meel gabo gabo ah ayeey mareysaa, waxaan rabnaa markaasi in aan xoogga dadka marka hore cid waliba inaynu aragno oo dalkeena sidii si nabad ah oo mid ah wax u dhaqaajin laheyn in aan soo dhiraan dhirino. Ayuu yiri Cabdi Xaashi. Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa lagu wadaa in uu Kismaayo kula kulmo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Aqalka sare ee dalka ayaa ku howlan dhameeynta qilaafka u dhaxeeya Dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gudoomiyaha Aqalka sare oo gaaray Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xoogaga Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku xirtay dad shacab ah iyo xubno ka barbar-dagaalama. Wararka ayaa intaas ku daraya in arrintani ka dambeeysay markii looga shakiyay inay wax ka ogaayeen duqayn lala beegsaday goob ay kooxda ku qaadi jirtay canshurta oo Awdheegle ku taalay. Qaar kamid ah dadka degaanka oo sababo amni uga gaabsaday in la baahiyo magacyadooda ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in dadka xabsiga loo taxaabay ay tiradoodu gaareyso wadar ahaan Tobban ruux. Dhowaan ayay ahayd markii dowlada Mareykanka ay sheegatay inay ku dishay afar kamid ah xoogaga Al-Shabaab weerar dhinaca cirka ah oo ay ka fulisay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. The post Al-Shabaab oo dad ku xirtay Shabeellaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil ay maleyshiyo hubeysan ka geysteen degaanka Bali-busle ee gobolka Mudug. Dilka ayaa ka dambeeyay markii ay ragga hubeysan ugu tageen Marxuumka hoygiisa halkaasi oo ay ku toogteen. Ma cadda sababta ka dambeysay dilka ruuxa oo la sheegay inuu ahaa Xoolo dhaqato kamid ahaa dadka degan Tuuladda. Ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan dilkaan oo kasoo baxay masuuliyiinta maamulka Puntland oo uu hoostago degaanka Bali-busle. Degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka waxaa laga soo wariyaa dhacdooyinka noocaan ah, xili ay badankooda salka ku hayaan Aanooyin Qabiil. The post Maleyshiyo hubeysan oo qof ku dishay G/Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 25-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 06/12/2018, waxa lagaga dooday Maalgashiga iyo horumarinta dalku la wadaagi karo adduunka intiisa kale, iyadoo goluhuna warbiximo ka dhegeysteen, wasiirrada, arrimaha gudaha iyo horumarinta Maalgashiga. Goluhu waxay warbixin amniga la xidhiidha ka dhegaysteen wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, waxaanu wasiirku ku dheeraday adkaynta nabadgelyada dalka iyo qorsheyaasha ka hortaga falalka dhalinyarada caadaystay dhibaataynta ay habeenkii ka geystaan magaalooyinka qaarkood. Sidoo kale wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, ayaa warbixin ka siiyey golaha wasiirrada safarro shaqo oo uu ku soo maray dalka dibeddiisa, kuwaas oo la xidhiidha mashaariicda maalgashi ee dalku ku talaabsanayey mudooyinkii u danbeeyey iyo sidii shacab iyo xukuumad ba loogu diyaar garoobi lahaa mashaariicda maalgashi ee dalka kusoo wajahan, iyada oo indhaha caalamku kusoo jeedaan waddanka, danaynayaanna khayraadka dihin ee Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu golihiisa wasiirada ku adkeeyey in ay dardargeliyaan mashaariicdii horumarineed ee uu kasoo dhagax-dhigay gobolladii uu safarka ku soo maray, isla markaana ay dhammaystiraan dhammaanba mashaariicdii hore uga socday gobollada dalka. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Faafaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro gestay oo xalay ka dhacay tuulada Hareer-tuur oo qiyaastii 9 KM u jirta dagmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo. Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Jubaland iyo xarakada Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ciidamo fara badan oo ka tirsan maamulka ayaa la sheegay in dagaalka ay qaadeen isla markaana ay ku sii jeedeen sida la sheegay deegaanka Cara-case oo ku xoogan tahay kooxda Shabaab. Waxyeelada uu sababay dgaalkaasi ma cadda, marka laga soo tago qoraal ay Al-Shabaab ku baahisay barteeda ay wararka ku faafiso. Sida ay illo wareedyo dadka degaanka ay ay usheegeen idaacadda Shabelle, ku dhawaad Shan Askari oo uu ku jiro sarkaal sare ayaa Jubbaland looga dilay iska hor-imaadka uu keenay dagaalka. Xarakada Al-Shabaab dhinaceeda waxay tilmaamtay in dagaalka ay ugu geystay dowlad goboleedkaan khasaaro culus, inkasta oo aanu jirin illaa iyo haatan masuul ka tirsan Jubbaland oo ka hadlay. Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno meesha ay wax ka dhaceen waxay tibaaxaysaa in tuuladda xaaladeedu ay tahay mid degan. The post Khasaaro ka dhashay dagaal culus oo ka dhacay Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Shir lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ayna ka qeybgaleen Taliyayaasha Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya,Guddiga amniga iyo siyaasadda ee Midowga Afrika, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Hay’daha daneeya Soomaaliya ayaa looga hadlay qorshaha AMISOM ay uga baxeyso Soomaaliya inta u dhaxeysa 2019 ilaa 2021ka. Shirkan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday Waddamada kala ah; Burundi,Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia. Waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga amniga iyo siyaasadda Midowga Afrika Smail Chergui, waxaa shirkan lagu ansixiyay Qorshe Howleed ay taliyayaasha qeybaha AMISOM ee Soomaaliya u dejiyeen habka ay AMISOM kaga baxeyso Soomaaliya, sida amaanka loogu wareejin karo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo qodobo kale. Shirka markii uu furmay Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa ka qeybgalayaasha shirka u sharraxay xaaladda Soomaaliya ee hadda jirta. SHirka lagu qabtay Adis ababa ayaa lagu taageeray Dukumiinta lagu diyaariyay qorshe howleedka AMISOM kaas oo shirar looga hadlayay lagu qabtay Muqdisho iyo Nairobi. Qodobada ugu muhiimsan ee ka soo baxay ayaa ah in la taageeray Dukumiintigaas, sidoo kalena loo gudbinayo golaha amaanka ee Qaramada Midoobey si ay dood uga yeeshaan qorshe howleedka una mmeel mariyaan. Waxaa kale oo shirkaasi qodobada ka soo baxay ka mid ah in Dowladda Federaalka ah laga dalbaday in ay dhisato Ciidan tayo leh oo ku filan,kuwaas oo amaanka dalka kala wareegi kara howlgalka AMISOM marka la gaaro sanadka 2021ka. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland waxay waxba kama jiraan ku tilmaamtay hadallo ka soo yeedha murashaxiinta doorashada madaxwayne ee maamulka Puntland kaasi oo ah; in ay soo celin doonnaan gobolada Sool iyo Sanaag haddii ay ku guuleystaan xilka. Saleebaan Cali Koore wasiirka biyaha Somaliland waxa uu sheegay in kuwii hore iyo kuwa hadda (murrashaxiinta xilka madaxwayne) ay hadaladaasi odhan jireen aanay se waxba ka suurto gelin, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudiga xiriirka howl-galada malateri ee ururka Midowga Afrika ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia kusoo gebagabeeyay shir looga hadlayey qorshaha ciidamada AMISOM uga baxayaan dalka 2021-da. Shirkaasi oo uu gudoominayey gudoomiyaha gudiga amaanka iyo nabad gelyada ee Midowga Afrika Ismaciil Chergue, ayaa diirada lagu saaray sidii ciidamada nabad-illaalinta ay waqti go’an ugu hayaan Soomaaliya. Wakiilka ururka Midowga Afrika uqaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna madaxa howl galka AMISOM oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa xusay in meel wanaagsan ay mareyso qorshahaasi. Francisco Madeira, ayaa xusay inay dar-dargelin doonan taageerada ay siiyaan xoogaga dowlada Federaalkaa ah ee Soomaaliya, si ay ugu wareejiyaan mas’uuliyada amniga dalka. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay taliyayaasha ciidamada dalalka Afrika ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo kala ah; Burundi, Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Zambia iyo Uganda. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sannadkii hore 2017-kii wuxuu soo saaray qaraar ciidamada midowga Afrika ee AMISOM kaga baxayaan wadanka Soomaaliya marka la gaaro sannadka 2021-ka. The post Shir ku saabsan bixitaanka AMISOM oo lagu qabtay Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka Puntland ee uu magacaabay madaxweyne Gaas ayaa maanta shaaciyay shuruudaha looga mid noqon karo Baarlamaanka iyo jadwalka la qabanayo araajida xubnaha u tartamaya Golaha wakiilada cusub. Shuruudaha oo sida guddigu sheegay laga tixraacay Dastuurka dowladda Puntland ayaa waxay kala yihiin. In uu yahay muwaadin Puntland ah, muslim ah, guta waajibaadka diiniga ah, xilkas ah, anshax wanaagsan, miyirkiisu dhanyahay, da’diisu aanay ka yareyn 30 sano. In aan xuquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagaga laalin, 5-tii sano ee la soo dhaafay. In uu leeyahay aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta. In uu keensado habraacii soo xulista xubinnimada xeerkiisa. In uu keensado shahaado dugsi sare iyo wax u dhigma. In uu keensado labo sawir iyo taariikh nolaleedkiisa. Guddiga ayaa dhinaca kale sheegay in qabashada araajida dadka doonaya xubinnimada Baarlamanka ay bilaabanayso 10 bishan December,kuna egtahay 15 isla bishan December. PUNTLAND POST The post Guddiga khilaafaadka ee uu magacaabay Madaxweyne Gaas oo soo saaray shuruudo iyo jadwal appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Sh.M.Network) – Maamulka Jubbaland ayaa wuxuu si wayn ugu diyaar-garoobayaan soo dhawaynta wafdi ka socday Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya. Wafdiga oo saacadaha nagu soo food leh gaari doona Kismaayo ayaa waxaa hogaaminaya Afhayeenka Gollaha, Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Amaanka magaalada ayaa si wayn loo adkeeyay waxaana ay ciidamo gaaf-wareegayaan gudaha iyo daafaha caasimad goboleedka Jubbada Hoose. Ujeedka socdaalka Wafdiga ayaa la sheegay in ay tahay sidii loo sii amba-qaadi lahaa xalinta khilaafka dowlada iyo maamulada xubnaha ka ah. The post Ciidamada Jubbaland oo adkeeyay amniga Kismaayo appeared first on Shabelle. View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuro Cabdillaahi Fadal Iiman ayaa xilkii ka qaadey taliyihii hawl-galinta ciidanka Booliska Cabdiqani Ciise Maygaag (Ganay ) , oo xilkan loo magacaabey Bilo ka hor Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dhacday 13.11.2017. Cabdillaahi Fadal Iiman ayaa xilkan u magacaabey Mas’uul hore xilkan u hayey kaas oo ah Maxamuud Ducaale isla markaana ahaa masuulkii ka horeeyey taliyahan maanta xilka laga qaadey. Source
  22. The security forces of Somalia’s Federal Government have conducted a massive operation in the southern strategic city of Baidoa head of the presidential election slated for December 19. The house-to-house sweep came following separate grenade attacks in the town amid rivalry between the candidates vying for the Southwest State presidency. The election was delayed three times. Several people were rounded up during the operation in connection with the latest bomb attacks in Baidoa, according to the local police, saying the city’s overall security is no improving accordingly. The officials in Baidoa say the upcoming election will fair and credible despite allegations of interference from the Federal Government of Somalia which is allegedly backing some candidates. Former Al-Shabab deputy leader, Mukhtar Robow is among the aspirants in the race for the top seat. The post Somali troops launch massive sweep in Baidoa ahead of election appeared first on Shabelle. View the full article