-
Content Count
213,501 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Khubaro Daraasaysa cilmiga Jiyoolajiga gaar ahaan khayraadka shidaalka ayaa waxa ay sheegeen in guud ahaan wixii hore la isugu odhan jiray Soomaaliya (Somaliland iyo Somalia) uu ku jiro shidaal badan oo noocyadiisa kala duwan ahi sida Batroolka iyo Gaasta dabiiciga ahba iyaga oo sheegay in shirkado badani wakhtigan xiisaynayaan in ay shidaal ka soo saaraan Somaliland iyo Soomaaliyaba iyaga daboolka ka qaaday xogo la helay oo muujinaya goobaha illaa hadda lagu wado in shidaal badani ku jiro. Khubaradani waxa ya sheegeen in calaamado badan oo la helay ay muujinayaan in shidaal badani ku jiro dhinaca Soomaaliya marka lagu horreeyo badda Soomaaliya ee Indian Ocean. Astaamahaasi oo ay ka mid yihiin badda salkeeda oo uu ka soo siimoobo (seepage), uuna ka soo burqado isagoo dareere ah ama hawo ah ah. Dayax-gacmeedyada baadha dhulka ayaa waxay ku arkeen badda Soomaaliya meelaha qaar inuu siimowgaasi ka jiro. Taasi waxay ka mid tahay daliilaha tusinaya baadhayaasha in badda salkeeda dhulka ahuu khayraad dabiici ah oo badani yaallo. Dhinaca Somaliland baadhitaanadii sannadihii ugu dambeeyey laga sameeyey oo ay shirkado badani ka wadeen ayaa lagu ogaaday in oogada dhulka laga dheehan karo goobo badan oo gaas dabiici ahi ku jiro sida Gobolada Togdheer iyo Oodweyne. Halka dhinaca xeebta Gobollada Saaxil, Maroodi-jeex Awdal iyo Salal-ba ay ka jiraan shidaal noocyo kala duwan ahi. Baadhistii dhinaca dalka Soomaaliya laga sameeyay 2014-2015 ee Soma Oil and Gas iyo tii ka dambaysay ee Spectrum Geo sammaysay (2015-2016) ayaa caddayn buuxda u noqday (Potential) botenshiyaalka (mugga loo maleeyo inuu ku jiro) shidaalka. Waxaa la arkay 3 aag (basin ama shidaal-fadhiisin) oo leh qaababkii iyo dhagaxdii shidaalka dhali lahaa, jidad kii uu ku siimoobi lahaa (migration pathways), dhagaxii kaydin lahaa iyo daboolladii isku dahaari lahaa si u fakanin. Saddexda aag waa Badda Galmudug, Badda Baraawe illaa Warsheikh iyo aagga Webi Jubba meeshuu badda kaga-darsamo. Taas waxaa loo tarjumi karaa biyaha ku beegan maamul-goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Banaadir, Hirshabelle iyo Galmudug. Baadhista (Geo-physical) jiyo-fisikadeed intaas ayaa laga sammeeyay. Hore botenshiyaalka shidaalka ee badda Soomaaliya waxaa sheegay Hay’adda Mareekanka ee Sahanka Joolojiyeed (United States Geological Survey – USGS) markay qiyaaseen inta ku jirto shidaalka badda Bariga Afrika (min Mozambique , Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya) inay ka badan tahay 28 bilyan oo fuusto shidaal dareere ah. Shirkadaha badda Soomaaliya sahmiyay sida ENI (1977 – Garacad-Mare-1), ExxonMobil (1982/83), Shell 1989/90), Total (2001), iyo Soma Oil and Gas (2014/15) dhammaan waxaa u soo if-baxay in shidaal ku jiro badda hoos teeda. Arag tidaas waxay ku salaysan tahay baaristii ballaarnayd oo ay sameeyeen. Shirkadaha Somaliland iyo Soomaaliya heshiisyada la galay ama raba inay la galaan way badan yihiin. Shell-ExxonMobil ayaa ugu horraysay oo iyadu waxay la galeen Soomaaliya heshiis waagii Dowladdii Siyaad ee Diktatooriyadda ee Maxamed Siyaad Barre, November 1988 kaasi oo laga baadhay dhinaca Somaliland. Shirkadaha heshiisyo la galay Maamulka Muqdisho ee sheegta dowladda federaalka ah marka laga tago waxaa jira shirkado kale oo heshiisyo gaar ah oo madax bannaan la galay dowladda Somaliland iyada oo Somaliland dalkaasi Soomaaliya gaar isaga taagay sannadkii 1991 oo uu xirriyadiisa dib ugala soo laabtay. Si haddaba shirkadahan aad loogu dadaalo wax qabadooda, Soomaliland waxay u baahan tahay Sharicyo iyo Xeer-hoosaadyo is-waafaqsan, Qaab-heshiiseedka Wadaagga Soo-saarka oo isagana markiisa la jaan-qaadaya Sharciga Batroolka, Sharciga Cashuuraadka (oo aan weli jirin) iyo Sharciga Bii’ada ama deegaanka gaar ahaan ka khayraadka dabiiciga ah oo u baahan in la qoro. Dhawaan waxa kale oo soo baxay xogo sheegaya in shirkaddii ugu waynayd shirkadaha Somaliland baadhitaanka ama sahaminta shidaal kula galay oo ah GENEL ENEGRY in ay doonayso in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo wixii ka soo baxay baadhitaankeedii sahaminta ahaa kadibna ay ku dhawaaqdo wakhtiga rasmiga ah ee ay shidaalka qodayso oo la sheegay in ay ku beegan tahay dabayaaqada 2019 ama horraanta sanadka 2020. waxaana laga dhur-sugayaa sida xaaladdaasi ku dambayso dadkuna aad u danaynayo. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-06122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baardheere (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Gedo ayaa ka hadlay xiisad ka jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo maamulka degmadaasi is qabqabsi uu ka dhaxeeyo. Cismaan Nuur oo ah guddoomiye ku xigeenka Gedo ayaa sheegay in maamulka Jubbaland mas’uul ka yahay waxa ka socda degmadaasi. Wuxuu sheegay guddoomiye ku xigeenkan in wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland usoo magacawday guddoomiye Labo shaqsi, taasina ay keentay isku dhac inuu yimaado. Cismaan ayaa ka dalbaday ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Baardheere in aanay wax shaqo ah u ogolaan mas’uuliyiintan si looga fogaado dagaal sokeeye. Baardheere weli waxaa ka jirta xiisad, iyadoo aan si rasmi ah loo qaadin Bandowgii shalay lagu soo rogey degmadaasi. Dhowr toddobaad ka hor, madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa horey loogu diiday inuu booqasho ku tago dhowr magaalo oo ka mid ah gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Afhayeenka Guddida Diwaangelinta Ururadda iyo Anxisixinta Xisbiyada Qaranka Xasan Axmed Ducaale(Xasan Macalin), ayaa ka hadlay mooshinka ay walaaca ka muujiyeen Xisbiyada Mucaaradku ee loo gudbiyay golaha guurtida. Afhayeenka Guddida Diwaangelinta Ururadda iyo Anxisixinta Xisbiyada Qaranka Xasan Axmed Ducaale(Xasan Macalin), oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey mooshinkan,ayaa ugu horeyn yidhi “Guurtiduna way soo jeedin kartaa, Wakiiladuna way soo jeedin karaan, in Xeerkan wax laga bedelo, labada Golebana xaq bay u leeyihiin, 12 xubnood oo Guurtidiya, 12 xubnood oo Wakiilada ah iyo in ka badan baa soo jeedin kara, dadweynaha ilaa toban kun oo qof oo cod bixiyayaal ah baa soo jeedin kara, wax kale oo dhibaato ah ma leh, Xeer wax laga bedelayo ayuun buu la mid yahay”. Mar aanu wax ka weydiinay inay Xukuumaddu awood u leedahay inay Xeerkan Ururadda Siyaasada mooshin ka dhan ah Golayaasha u soo gudbiso ayaa ku jawaabay“In Xeer walba wax laga bedelo, waa caadi Xukuumadduna wey soo jeedin kartaa, weyna keeni kartaa Xeerar, oo iyada ayaaba curisa, xaqna u leh, Golayaashuna waxay xaq u leeyihiin inay mooshin keenaan, oo ay mooshinkaas ku keenaan ilaa 11 xubnood iyo in ka badanba, dadweynuhuna xaq buu u leeyahay inay soo jeediyeen”. Mar aanu wax ka weydiinay walaaca ay Xisbiyada Mucaaradka ka muujiyeen Xeerkan ayaa ku jawaabay“Way kala duwan yihiin waxaasi Sharci maaha, oo way khaldan yihiin iyo ma haboona, Xeerkan Ururada Siyaasaduna, Xeerarka kale ee dalka ayuu la mid yahay, Dastuurkuna waa gaar oo qaab baa loo soo jeediya, si wax looga bedelo, Xeerarkana qaab baa loo soo jeediya, si wax looga bedelo ayuu leeyahay, qaabkaasina waa qaab waafaqsan sharciga, laakiin qaabkaasi ma haboon tahay mise ma haboona waa sheeko kale, oo doodeeda ayey leedahay, laakiin xilligan aynu ka jirno ma haboon tahay in Xeerkan la soo jeediyo, waa dood kale, waxaa laga yaaba inay dadku ku kala aragti duwanaadan, laakiin waa Xeer, Sharciyana Xeerka waxbaa laga bedeli kara”. Source
-
Aqoonyahanada Beesha Amaanle ee gobolka Bari ayaa soo saaray Bayaan wada jir ah oo ay uga hadlayaan xubinta Baarlamaanka umatalaysa 2019 . Bayaalnka ayaa waxaa [...] Source
-
Shirweynaha dhaqdhaqaaqa haweenka Somaliland ayaa arbacadii waxaa uu ka furmay magaalada Hargeisa, shirkan ayey haweenka ku soo bandhigeen doonistooda la xiriirta xuquuq badan oo ay tabanayaan oo ay ugu horeyso ka qeyb galka siyaasadda. In kasta oo qaban-qaabiyeyaasha sheegeen in shirka ku koobnaa bulshada rayidka ah, hadana waxaa ka soo qeyb galay, kana hadlay mas’uuliyiin ay ku jiraan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, wasiirka arrimaha shaqo-gelinta iyo qoyska Hinda Jaamac Gaandi iyo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyaga oo balan-qaaday in arrimaha meesha laga sheegay wax laga qaban-doono, waxaa kaloo joogay dad matalyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha caalamka. Luul Xasan Mataan oo ka tirsan guddiga qaban-qaabada ayaa Goobjoog News uga warantay ujeedka shirka, iyada oo arrinkaas ka hadleysa waxaa ay tiri “Shirka waxaa uu ahaa dhaqdhaqaaqa haweenka Somaliland, sababtuna waa markii aan ogaaney in dumarka Somaliland ay ka maqan yihiin siyaasadda iyo fulinta, horay waxaa uu madaxweyne Muuse Biixi u balanqaaday inuu haweenka siin-doono 30%, dhamaan axsaabta dalka ayaa balantaas qaaddey, tii wey dhici weydo oo wasiirrada waxaa ay haweenku leeyihiin 2 wasiir iyo wasiir ku xigeen, hal agaamise guud oo maalgeshiga iyo warashada iyo hal xildhibaan… goleyaasha waxaa ay uun gabdho ka soo baxeen Owdal, Laas-caanood iyo Ceeri-gaabo oo magaalooyinka waaweyn waa naloo diiday…markii aan waxaas aragney, ayaa keenay in dhaq-dhaqaaqan aan sameyno, waana sidii aan ula hadli laheyd ciddii ay talada ka go’eysay, waxaana shirka kasoo qeyb galay madaxweynaha iyo cid walbo oo khuseysay”. Faa’isa Ow Cali Yusuf oo iyadaha shirka qeyb ka aheyd ayaa Goobjoog News u sheegtay hankooda “waa in dumarka siyaasadda qeyb ka noqdaan, haddii ay tahay baarlamaanka, wasiirrada, agaasimayaasha iyo dowladaha hoose, maadaama ay yihiin laf-dhabar waa iney helaan matalaad, waayo waxaa jirto meelo go’aan lagu gaaryo aan lagu sheegin baahidooda, dumarku waa iney helaan dumar kale oo matala, waana taas halka aan u soconno” ayey tiri Faa’iza. Inkasta oo Somaliland ay doorashooyin ka dhici jireen 60-kii sano ee la soo dhaafay, dadkeeduna aqoon iyo ilbax yihiin hadana haweenka waa kuwoo dulman, xaqiiqooyinka jira waxaa ka mid ah: tan 1991-kii ma jirin gabadh murashax ahaan isu soo taagtay jadaga madaxweynaha iyo ku-xigeenka, ma dhicin inay haweeney noqoto Barasaab ama ay gasho golaha guurtida oo ka mid ah goleyaasha baarlamaanka kana kooban 82 xubin, xataa golaha wakiilada oo isna ka kooban 82 waxaa ay ku leeyhiin hal xildhibaan, waxaan intaas dheer weli madax loogama dhigin ama guddoomiye kama noqon mid ka mid ah kominshinnnada baarlamaanka ama kuwa kale, iskaba daa iney noqdaan xeer ilaalyaha guud ama guddoomiye maxkamade! Sawirrada Shirweynaha Dhaqdhaqaaqa Haweenka Somaliland: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ujeedka la shaaciyey in uu magaalada Muqdisho u imaan doono siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur ayaa waxaa si kulul ugu soo horjeestay qaar ka mid ah nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka Banaadir. Siyaasiga ayaa sheegay in uu Muqdisho u imaan doono si uu u xuso sanad guurada ka soo wareegtay markii gurigiisa ay ku weerareen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah dhamaadkii sanadkii tagay 2017-kii. Odeyaal dhaqameed goob joog u ahaa xallinta shaqaaqadii dhexmartay Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Xisbiga Daljir Cabdirixmaan Cabdushukuur ayaa Caasimadda Online uga warbixiyey heshiiskii lagu dhammeeyey arrinkaas. Cadeeymo aan helnay ayaa muujinaya in Xukuumadda Soomaaliya ay bixisay lacag magdhow ah oo ku saabsan 5-tii dhalinyrada ahayd ee lagu dilay guriga siyaasiga. Sidoo kale, labada dhinac ayaa kala saxiixday qodobo ay ka mid ahayd in dowladdu ay xirto kiiska Maxkamadeed ee laga keenay siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur, halka isagana laga saxiixay waraaq damaanad qaad ah. Inkastoo aanan faahfaahin dhammeystiran ka helin damaanad qaadka uu saxiixay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir iyo shuruudaha uu u saxiixay Dowlada Federaalka ah haddan nabadoonada aan la xiriirna ayaa noo xaqiijiyey in qorshaha siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur uu khilaafsan yahay heshiiskii damaanadeed ee uu kaga baxay magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska-Garoowe Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Afduubkii dhawaan Al Shabaab ay u geysteen haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga ayaa saameyn weyn sanadkaan ku reebaya dalxiiska gobolka Xeebta ay dadka ajaaniibta ku tagi jireen. Hoteelo iyo goobo dalxiis oo ku yaala gobolka Xeebta ayaa waayay rukumasho dadka ay sameyn jireen xiliyadan oo kale marka la gaaro bisha December, iyagoo ka faa’ideysanaya fasaxooda ciidda. Ajaaniib badan oo iska diiwaan geliyay goobo dalxiis iyo hoteelo ayaa dib kaga laabtay rukumashadii ay sameeyeen, sabab la xiriirta cabsi amaan oo ay dareemeen kadib afduubkii haweeneyda u dhalatay dalka Talyaaniga. Dhaqaalo badan ayaa Kenya ay ka heli jiray dalxiiska marka la gaaro xiligan oo kale sanad walbaa, laakiin maamulada deegaanka Lamu iyo Kalifi ayaa sheegaya in hoos u dhac dhaqaalo badan ay dareemayaan. Al Shabaab ayaa looga shakisan yahay inay haweeneyda u dhalatay dalka Talyaaniga ay ku heystaan deegaanka Boni ee dalka Kenya, waxaana socda dadaalo la doonayo in haweeneyda lagu soo daayo. Dowladda Kenya ayaa Saddex Nin oo Soomaali ah ku eedeysay Gabadha Talyaaniga u dhalatay taas oo ay dowladda Talyaaniga sheegtay in ay bad qabto islamarkaana kooxda afduubka ku heysta Gabadha iyo dowladda Talyaaniga uu wadahadal u socdo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Baardheere ( Sh. M. Network):-Weli waxaa Cirka isku sii shareeraya Khilaafka dhinaca maamulka ah ee ka aloosan degmada Baardheere Gobolka Gedo. Ku simaha Guddoomiyaha maamulka degmada Baardheere Aadan Siraad Maxamuud ahna Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda ee maamulkaas oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa ku eedeeyay maamulka Jubbaland in iyagu masuul ka yihiin Khilaafka hareeyay degmadaasi. Waxa uu xusay Mudane Adan Sirad in Madaxda sare ee maamulka Jubbaland ay 2 Digreeto soo kala siiyeen Masuuliyiin maamulkaasi Baardheere ka wada tirsan taas oo u muuqata iska horkeen. Ugu dambeyn Mudane Adan Sirad Maxamud ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya dhinaca maamulka ee degmada Baardheere in miiska wada hadalka ku dhameeyaan murankooda islamarkaana aan loo baahneen gacan ka hadal oo dhibaato ku keenaya shacabka degmadaasi. The post Khilaafka dhinaca maamulka degmada Baardheere oo weli Cirka Isku sii shareeraya. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network):-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah Maamulka Jubbaland. Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa hoosta ka xariiqay in u jeedka Safarkiisa Kismaayo uu ku qotomo sidii xal loo kala dhex dhigi lahaa dowladda dhexe iyo Madax Goboleedyada dalka oo khilaaf ba’an uu hareeyay. Weli Khilaaf xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada dalka kaas oo aanu jirin waan waan rasmi ah iyo xal laga gaaray toona. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in dowlad goboleedyada Madaxdooda yimaadaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho si ay uga wada hadlaan Khilaafka labada dhinac. The post Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ku wajahan Magaalada Kismaayo. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kooxda Melbourne ee jaaliyada dalka Australia ayaa caasimada Muqdisho soo gaartay sanadkii labaad oo xariir ah,iyagoo sidoo kale safaro kale kusoo maray magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo tan iyo dhamaadka bishii hore Novermber. Gudoomiyaha kooxda jaaliyada Melbourne Xuseen Xarakow ayaa sharxaad ka bixiyay safarkoodii Saddexaad ee sanadkan isagoo sheegay safaradooda ay xinbaarsanyihiin caawin iyo dhaxgal bulsho. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabddiraxmaan Cuamar Cusmaan ayaa wafdiga Ciyaartooyda,macalimiinta iyo taqaatiirta kusoo dhaweeyay caasimada,isagoo sheegay inta ay jigaan Gobolka Banaadir ay booqandoonaan goobo badan oo muhiim ah iyagana ka maal maamul ahaan ay ugu mahad celinayaan sida wanaagsan ay isku soo abaabuleyn. Qaar ka mid ah Ciyaartooyda ayaa sheegay in dalka maalinba maalinka ka danbeeso uu soo horomarayo sanadaha soo aadan ay badandoonaan booqashooyinka ceenka oo kale si dadkii ay ugu soo tageyn qurbaha ay u arkaan horomarka iyo is badalka Soomaaliya. Tababaraha kooxda Melbourne Cali Xuseen oo ina hadlay ayaa isna sheegay in gobolka Banaadir ay ka dhisanyihiin kooxaha adag iyagana ay wadidoonaan booqaashooyinka oo kale si ay xirfadlayaasha ku barbaaray qurbaha loo tuso dalka ay iyaga lee yihiin. Taliyaha ciidanka asluubta Bashiir Maxamed Jaamac oo isna qeyb ka ahaa mas’uuliyeenta soo dhawaysay kooxda Melbourne ayaa tibaaxay in qurbajoogta laga sugayo caawinta maxaabiista ku jirta dalka. Inta ay joogaan Muqdisho waxa ay ciyaaro saaxiibtinimo la dheelidoonaan Ciyaartooyda Gobolka Banaadir,degmada Kaaran iyo kooxda kubbadda cagta Midnimo oo sanadkan usoo gudbtay horyaalka Somalia Premier League . Halkaan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinkooda Dalka W/d-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Baydhabo ( Sh.M.Network):-Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Howlgallo ballaaran saaka waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koofur Galbeed Somalia. Howlgalladaasi ayaa la sheegay in Guri Guri loogu baarayay Xaafadaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay. Waxaana Howlgallada la sheegay in ay qeyb ka yihiin xaqiijinta Nabad gelyada Baydhabo xilli la filayo in dhawaan ay ka dhacdo halkaasi doorashada Madaxweyne ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Si kastaba waxaa aad loo aadkeeyay Ammaanka Magaalada Baydhabo oo dowladda dhexe ee Somalia ay ku xoojisay Ciidamo hor leh. The post Howlgallo Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia ay ka sameeyeen Magaalada Baydhabo. appeared first on Shabelle. View the full article
-
The New Somali ambassador to Kenya has presented his credentials in Nairobi on Wednesday. Mohamud Ahmed Nur alias Tarzan presented his diplomatic credentials to Kenyan President Uhuru Kenyatta in Nairobi state house together with seventeen other envoys. The former mayor of Mogadishu will immediately start his new diplomatic career as ambassador in Somali embassy. The mission was without envoy for the past two years since ambassador Gamal Mohamed left to take up cabinet position in President Kheyre government. Tarzan is set to inject new ideas to strengthen already existing diplomatic and economic bilateral ties between the two neighbouring states. Kenya and Somalia restored their diplomatic relations in July 2015 after decades of civil war in the country that paralyzed major government institutions. The two countries share growing business and security cooperation since the reestablishment of the Nairobi embassy in Mogadishu. The post Uhuru receives credentials of new Somali ambassador to Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Taariikhyahankii Ibnu Khaldun ayaa laga hayey” Sida dhibcaha roobku isugu eeg yihiin, si ka dhaw ayaa ay isug eeg yihiin taariikhda iyo mustaqbalku” Noocyada is-bahaysiyadda siyaasaddu maaha mid meel keliya iska taagan, waa mid ku dhisan dano sida sarifka doolar isku beddella maalin kasta. Heshiisyadii ay wada galeen Siyaad Barre iyo Minguistu dabayaaqadii bishii Maarij 1988-kii ku maray dalka Jabuutu wuxuu ku bilaabmay codsi Siyaad Barre ka yimid oo hal u jeed lahaa, kow sidii SNM uu uga takhalusi lahaa, taa beddelkeeda uu uga tanaasuli lahaa sheegashada dhulka Soomaali Galbeed (Soomaalida Itoobiyada maanta). Waxaanu Siyaad Barre gef ku tilmaamay dagaalkii 1977 uu ku qaaday Itoobiya ee khasaaraha badani ka dhashay. Markaa dantiisu ugu weyni waxa ay ahayd in Minguistu hubka ka dhigo SNM oo gudaha Soomaaliya lagu soo shubo, lagana joojiyo dhammaan wixii taageero ah. Minguistu laftiisu waxba muu dhaamin Siyaad Barre oo isna wuxuu cagaha kula jiray dagaalkii ay jabhdaha Tigreega iyo Eeratariya kula jireen maamulkiisa. Mingusitu laba dab ayaa ku baxayey oo dhinac jabhadaha ku kacsan ah iyo dhinaca Siyaad Barre oo hoy siiyey jabhado kale oo Oromadu ka mid tahay. Minguistu dantiisu ugu weyni waxa ay ahayd inuu labada dab ee ku baxayey mid iska bakhtiiyo oo uu mid keliya culayska saaro. Minguistu wuxuu wadnuhu go’ay markii lagu wargeliyey in guutooyink dhan oo ka dagaallamayey dhinaca Eeratariya ay isu-dhiibeen jabhadii Eeratariya, markaa wuxuu u baahday ciidamo u buuxiya boosaskii ay guutooyinkaasi banneeyeen. Markaasuu deg deg u saxeexay heshiiskii uu Siyaad Barre kula jiray, si uu ula soo baxo ciidamadii ka joogay gobolka Harargee oo uu ugu buuxiyo aagagii ay baneeyeen ciidamadii Eratariya ka goostay. Markaa Minguistu si uu dantiisa u fushado wuxuu heshiiskaasi ku beddeshay inuu SNM dalkiisa ka saaro oo gacanta ugu geliyo Siyaad Barre. Labadii keligood-taliye iyaga oo dhuusha ka qoslaya ayey heshiiskii ku kala tageen. Minguistu wuu duulay, Siyaadna farxadii ayuu socdaal dhinaca dhulka ah soo maray sidii uu ugu wiirsan lahaa taageerayaasha SNM ee ku xooganaa gobolladii waqooyi (Soomaalilaan-ta maanta). Dhawr deegaan ayaa lagu soo dhaweeyey, hasayeeshee Gabiley ayaa lagaga mudaharaaday, markaasuu yidhi “ Gabiley maxaa ku dhuusay” markaasaa loogu afceliyey adigaa ku dhuusay. Rabashado iyo xabbado ayaa bilaabmay. Qosolkii heshiiskaasi muu sii waarin, xoogagii SNM oo si dhaw ula soday in iyaga loo heshiiyey, ayaa dhinacooda ka gaashaantay. Waxaanay 27/5/1988 gudaha u galeen Burco, 31/5/1988 Hargaysa iyo galbeedkeeda ayey ka hillaaceen. Siyaad Barre oo ku sugan Adiis Ababa oo ka qaybgelayey shirkii midowga Afrika ayaa dhegta loogu sheegay in Burco iyo Hargaysa ay SNM gashay oo dagaallo gudaha magaalooyinka ay ku dhexmarayaan ciidamadii xoogga. Intuu shirkii ka soo booday ayuu ku waashay “Minguistu wuu I khiyaameeyey”. Waxaanu u qaatay inuu Minguistu yidhi gudaha gala. Heshiiskii Farmaajo iyo Abiya Booqashadii Raysal wasaaraha Itoobiya ee Muqdisho ee saacadaha kooban ahayd iyo heshiiskii deg dega ahaa, wuxuu daaha ka rogayaa in siyaasadda isku furfurka dalalka geeska afrika ee Abiya uu wato ay Muqdisho ka curatay. Abiya dantiisu waa inuu dhul iyo bad u helo qoomiyada Oromada oo tiro ahaan si xad-dhaaf ah u kordhaysa. Danta Farmaajana waxa ay ahayd inay Itoobiya xidhiidhka taageero u jarto, kow maamul-goboleedyada Soomaaliya ee cunaha kaga ururay dawladiisa iyo tan labaad oo ah inay Itoobiya xidhiidhka dublamaasiyadeed u jarto Soomaalilaan. Oromka Abiya si duuduub ah ayuu dhammaan ku qaatay dalabkii Farmaajo. Heshiiskoodu markiiba wuu ka hirgalay dhinaca Itoobiya oo dhammaan maamul-goboleedyadii Soomaaliya ee laga xaadirin jiray Adiis muraayadaha ayaa laga dallacday. Soomaalilaan waxa astaan u ah inuu heshiiskaasi hirgalay laba arrimood, kow weli may suurtagelin inuu madaxweyne Muuse Biixi la kulmo Raysal wasaaraha Itoobiya iyo laba hadalkii dhawaan ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaalida Itoobiya ee socod-baradka ah oo uu Soomaalilaan barbardhigay meello aanu amaan ka jirin oo uu yidhi Soomaalilaan waxa laga soo maleegayaa falfal argagixiso. Waxa la yidhi taariikhdu dib ayey u soo noqtaa “ History repeats itself” 30 sannadood ka hor haddii ay Siyaad iyo Minguistu u heshiiyeen SNM, maantana Farmaajo iyo Abiya ayaa u heshiiyey Soomaalilaan ma u heligelin doontaa ayey su’aashu fadhidaa. Raysal wasaaraha Itoobiya oo aad loo falanqeeyey siyaasaddiisa ku dhisan deg dega bal waa la eegi doonaa inuu marka hore ka soo dabaasho kacdoonka qoomiyadaha gudaha Itoobiya ka socda. Soomaalilaan waxa u fiican inay soo dhawayso cid kasta oo dhaliilsan siyaasadda cusub ee Oromka Itoobiya wado. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Source
-
(SLT-Hargeysa)-Inkasta oo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi maalmihii ugu horreeyey ee uu xilka Madaxtinimo la wareegay dhaqdhaqaaqii uu Madaxtooyada kaga soo baxay dhawr jeer oo ay ku jireen markii uu safarkiisii ugu horreeyay ugu baxay waddanka Jabuuti dadweyne badani ku diirsadeen in aan wax waddooyin ah loo xidhin muddada Madaxweynuhu marayo jidadka Caasimadda Hargeysa haddana waxa ay taasi waxba kama jiraan noqotay oo xaaladdu sidii hore ku noqotay muddooyinkii dambe kadib markii Madaxweynuhu dib u raacay dariiqii Madaxweynayaashii hore loogu xidhi jiray jidadka marka uu marayo arrinkaasi oo dadku dhib badan ku qabaan. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi mar uu shalay oo Arbaca ahayd ka qayb galayay shirkii Dhaqdhaqaaqa Haweenka Somaliland ee lagu qabtay Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa waxa dhibaato weyni shacabka ka qabsatay markii jidadka Madaxtooyada illaa Jigjiga yar mara mar kali ah ciidamadu xidheen taasi oo dhibaato weyn ku noqotay isu socodkii iyo dadkii jidadkaasi isticmaalayay kuwaasi oo gabi ahaanba mudadii uu Madaxweynuhu marna sii socday marka soo socday hakad galay, wakhti ku beegnayd saacadaha waddooyinka Magaaladu ugu mashquulka badan yihiin. Arrintani waxa ay in badan shacabka xasuusisay sida dadku ugu dhib qabeen ee ay mar walba uga caban jireen marka Madaxweynayaashii kala dambeeyey ee Somaliland jidadka marayaan oo gabi ahaanba jidadka u dhaw iyo kuwa ay marayaanba loo xidhi jiray. Waxa la filayay in wax badani iska baddali doonaan hab-dhaqankaasi gurracnaa ee shacabku khaatiga ka taagnaa balse waxa ay noqotay xaajadu ‘Ka Dar oo Dibi Dhal’, markii xaajadu shalay mar kale noqotay oo Madaxweynaha loo xidhay jidadka Madaxtooyada, Jidka dambe ee dhakhtarka dabadiisa mara illaa laga gaadhayo gooladda Huteel Guuleed oo ay isaga darsamaan labadan Jid illaa waddooyinka mara xaafadda Jigjiga yar oo uu ku yaallo Huteel Maansoor kuwaasi oo gaadiidkii marayay ciidamo Boolis ah oo degdegsani si xawli leh u joojinayeen amarna ku bixinayeen in gaadhi waliba jidka ka baxo. Wariye ka tirsan Wargeyska FOORE oo goob ku ahaa halka ay isaga darsamaan labada Jid ee Gooladda Huteel Guuleed ayaa la kulmay Guuxa, hoonka gaadiidka ciidamada nabadgalyada waddooyinka, iyo sawaxanka askarta oo ahaa kuwo ku cabsi galinaya markii Madaxweynuhu marna ku sii socday shirka uu ka qayb galayay marna ka soo socday ee uu ku soo guryo noqonayay aqalka Madaxtooyada, taasi oo keentay in gaadiidkii waddooyinka mari lahaa isku jiq noqdaan saxmad agweed kuwo kale oo dano kala duwan u socday oo ku degdegsanaa hawlahoodana sidaa wakhti badani kaga lumo iyaga oo gabi ahaanba la hakiyey jidadkaasi. Guud ahaan Siyaasiyiinta Afrikaanka ah ayay caado u tahay marka ay xilka bannaanka ka joogaan in ay ku baaqaan in ay wax badan ka baddali doonaan hab-dhaqannada qaldan ee markaasi u muuqda ee ay ku arkaan madaxda kuraasta ku fadhida balse marka ay iyaga laftoodu xilalka sare yimaaddaan ay ku dhaqmaan sidaasi iyo si ka sii daran waana hannaanka uu shalay u muuqday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo markii uu siyaasiga bannaanka jooga ahaa ka hadli jiray in badan dhibta ay gaystaan Madaxda kuraasta ku fadhidaa gaar ahaan hab dhaqankooda. “Waxa laga yaabaa in aanu Madaxweynuhuba waxba kala socon arrinkan iyo in waddooyinkan loo xidho ee ay yihiin shaqaalaha kale iyo ciidamada kuwa sidan samaynayaa” sidaa waxa yidhi nin oday ah oo Wargeyska Foore kula kulmay afaafka hore ee Huteel SABA ee Magaalada Hargeysa oo jidka Huteelkaasi hor maraa muddo u xannibnaa soo maritaanka Madaxweynaha. Source
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-061218.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
-
The U.S military said it killed four militants in an air strike against al Shabaab militants in the vicinity of Awdheegle, Somalia, as part of its operations to support the government’s efforts to weaken the group. The military’s Africa Command (Africom) said the strike was carried out on Dec. 4. “The U.S. airstrike was conducted against militants after U.S. and partner forces came under attack,” Africom said in a statement late on Wednesday. The United States carries out periodic air strikes in Somalia in support of a U.N.-backed government there, which has been fighting against an al Shabaab insurgency for years. The post U.S. military says strike kills four militants in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo Ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka leh ee aqoonta fogleh, Kana Tirsan Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, horena Musharax Madaxweyne uga noqday, kuna soo tabcay Xisbinimaddii iyo inuu mar kale tartantii Ururada kasoo baxo Xisbiga Mucaaridka ee UCID ayaa Bulshada la wadaagay qoraal kooban oo quluubta dadkii daalacday taabtay. Aqoonyahanka oo ah siyaasiyiinta daljirka ah ee Dalkani Somaliland leeyahay ee aqoontooda uga faa’iidaya inay kolba wixii jooga bulshada la wadaagaan ayaa Shalay waxa uu bartiisa Facebookga soo dhigay Qoraal Kooban oo haddanna Macnoyaal badan oo baahsan leh islamarkaana soo jiidtay dadka inta badan ku xidhan ee akhrista Qoraalada uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen la wadaago Bulshada. Waxa uu inta badan Siyaasi Jamaal Baraha Xidhiidhka Bulshada soo dhigaa qoraal maldahan oo macnayntooda lagu wareero ama ay adag tahay inuu si dhib yar u fahmo qof aan si fiican ula socon Xaalad siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsho ee ay Somaliland ku sugan tahay. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, qoraalka uu soo dhigay Shalay Barta uu ku leeyahay Facebookga ee uu Bulshada kala xidhiidho ayaa ku qotomay dareen damqasho oo uu aqoonyahanku ku sheegay inuu ka qaatay hanaanka Wax u socdaan, waxa qoraalkiisa ka muuqatay inuu aqoonyahanku ka damqaday waxa uu ugu yeedhay been umadda maalin walba laga iibinayo taasi oo ku soo afmeeranta wax uu ugu yeedhay Digo iyo Dambas, waxaanu Qoraalkiisu u dhignaa sidan “Ummad dhan Oo been maalin walba laga iibinayo Oo weliba qaarkood ay beentii difaacayaan waa mid subxaanaleh. Digo iyo danbas baa la kala iibsanayaa. Ilaahay ha sahlo!” ayuu qoraalkiisa ku soo koobay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Majirto ama Qoraalka Siyaasiga kama muuqato cid gaar ah oo uu ku daadafaninayo ama uu ku duray qoraalkiisa balse waxa uu qoraalkaasi soo jiitay Quluubta intii daalacatay oo faalooyin iyo doodo badan ka dhiibtay iyagoo dadka badankooda u markhaati furay in Siyaasiyiinta hadba Hogaanka Dalka Somaliland qabataa aanay Daacad ka noqon Hogaaminta balse ay Male awaal iyo waxaan jirin oo indho sarcaad ah wakhtiga ku lumiyaan. Source
-
War ka soo baxay taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Africom ayaa looga hadlay howlgalkii ugu dambeeyay oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab,kaasi oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose. Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaanka Owdheegle lagu dilay ilaa 4 ka tirsanaa maleeshiyaadka Alshabaab,kadib markii la beegsaday labo xarumood oo dadka shacabka ah ay baada kaga qaadi jireen. Howlgalka oo ay si wada jir ah u qaadeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa dhacay xili habeen ah,waxaana Mareykanka uu sheegay in aysan jirin waxyeelo soo gaartay dad shacab ah. Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in lagu burburiyay waxyoobo qarxo oo ay Alshabaab gawaari ay ku diyaariyeen. Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay weerarada ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab oo ku dhuumaalaysanaya qeybo kamid ah gobolada dalka,iyadoo horjoogayaal iyo saraakiil badan lagu khaarijiyay duqeymo iyo howlgalo toos ah oo lagu qaaday Alshabaab. The post Mareykanka oo faah faahin ka bixiyay duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Washington)-Jilaaga Maraykanka ah ee hore ugu guuleystey abaalmarinta Oscarka Sean Penn ayaa bilaabay inuu filim ka sameeyo dilkii Jamal Khashoggi ee lagu dhex diley qunsuliyada Sacudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbul dalka Turkiga horaantii bishii Oktoobar ee sanadkan. Sean Penn oo ay weheliyaan koox ka kooban toban ruux oo ay ka mid yihiin ilaalo gaar ah ayaa lagu arkay iyagoo jooga afaafka hore ee dhismaha qunsuliyada Sacudiga ee magaalada Istanbul sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Anadolu. Sidoo kale jilaaga ayaa lagu arkay afaafka hore ee dhismaha uu ka degenaa magaalada Istanbul qunsulka Sacudi Carabiya. Jilaaga ayaa lagu wadaa in uu la kulmo gabadhii u doonayay inuu guursado Khashoggi ee Hatice Cengiz sida laga soo xigtey wargeyska taageera dowlada Turkiga Penn ayaa waxaa uu soo jiitey indhaha caalamka kadib markii siyaasadda iyo arrimaha caalamka ee socda uu aflaam ka sameeyay,waxana lagu xusuustaa isaga iyo aktarada Mexican-Americanka ah ee Kate del Castillo markii ay wareysi ka qaadeen ninka caanka ku ahaa ka ganacsiga daroogada ee u dhashay dalka Mexico Joaquin “El Chapo” Guzman weliba xilli la baadigoobayay. Source
-
(SLT-Washington0-Dadaallo lagu baadi goobayo, laguna badbaadinayo ayaa socda ka dib markii saaka labo dayuuradood oo militariga Maraykanku uu leeyahay ay iyaga oo duulaya isku dhaceen, kuna burbureen Badweynta Pacifigga. Shilka ayaa ka dhacay meel ka baxsan xeebta dalka Japan, sida ciidanka marineska ee Maraykanka laga soo xigtay. Ugu yaraan hal askari oo marines-ka ka tirsan ayaa waxa soo badbaadiyey ciidanka difaaca nafta ee Japan. Labada dayuuradood waxa midkood saarnaa 3 qof halka ta kalena ay labo saarnaayeen. Dayuuradaha ayaa tababar ku jiray xiligii shilku dhacay, waxayna ka mid ahaayeen dayuuradaha ciidanka Maraykanka ee fadhigiisu yahay dalka Japan oo tiradooda lagu qiyaasay 50 kun oo askari. Source
-
Garoowe (Caasimada Online)-: Wasiirkii hore ee arrimaha guddaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid ‘Juxa’ ayaa sheegay in deeganada Puntland ah yihiin kuwa kulmistay taariikh balaaran oo si jireen ah, sidoo kalana aan la dabooli karin in gobalkaas uu wax tabanaayo. Juxa oo ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad doorashada madaxtinimada Puntland ee bisha dambe dhici doonta ayaa isagoo la hadlayay boqolaal shacab ah wuxuu sheegay in hadii la doorto uu shacabka Puntland ku hogaamin doono taariikhdooda, himiladooda, tabashadooda, maqaamkooda iyo miisaankooda. Cabdi Faarax Siciid ayaa yiri “ Puntland waa gobal leh taariikh iyo tagta dheer, waa gobalkii daraawishtii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waa gobalkii Suldaan Maxmed Cali Shire, Boqor cismaankii Baargaal, waa halkii laga aas aasay SYL iyo halgankii gobinmo doonka Soomaaliya”. Juxa wuxuu qabaa in sidoo kale gobalkaas uu tabasho badan qabo isagoo soo hadal qaaday in 1975 ilaa 1998 uu gobalkaas wax badan tabanayay. Wuxuu amaanay dadkii u istaagay aas aaskii Puntland xili aaney gacanta waxba ugu jirin. Wuxuu sheegay in hadii la doorto uu ilaalin doono aamanada reer Puntland, waxaana qudbadiisa ka muuqatay inuu yahay nin aad xogogaal ugu ah waxa ay Puntland soo martay iyo waxa ay dooneyso. Hoos ka daawo muuqaalkaas Caasimada Online Xafiiska-Garoowe Caasimada@live.com
-
Popular Contributors
