Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,327
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Qatar ayaa maanta gaadiidka nooca gaashaaman ee dagaalka waxa ay ku wareejisay xukuumada ay hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali kheyre . Gaadiidkaas maanta [...] Source
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka maqnaa musaanadda Caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed. Warar Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in labo arrin ay sabab u tahay in Axmed Madoobe uu ka maqnaado caleemo saarka Lafta Gareen, waxaana arrinta koowaad ay tahay isaga oo sheegay in howlgalo iyo safaro uu ku tagayo Jubbooyinka uu ku mashquulsan yahay. Arrinta labaad ayaa ah in Axmed Madoobe uu diiday safarka Baydhabo, maadaama madaxweynaha Soomaaliya oo aysan wali heshiin uu ka qeyb galayay munaasabada ka dhacday magaalada Baydhabo. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu gogol dib u heshiisiineed uu u fidiyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha Jubbaland. Axmed Madoobe ayaana aqbalay dalabka madaxweynaha Saciid Deni, waxaana qorshaha uu ahaa inay ku kulmaan munaasabadda Caleemo saarka madaxweynaha Puntland. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in munaasabadaasi u dirto wasiirka arrimaha gudaha ama arrimaha dibadda, taasi oo ka careysiisay Axmed Madoobe. Madaxweynaha Soomaaliya haddii uu ka qeyb galo munaasabadaasi ayaa waxaa la filayaa inay magaalada Garowe isku arkaan Axmed Madoobe, si loo dhameeyo khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  3. Gudoomiyaha degmada Xumbays ee gobolka bari Axmed Yuusuf Cismaan oo maanta la soo xiriiray warsidaha Puntlandi.com ayaa waxa uu sheegay in ay cilad kutimid Ceel [...] Source
  4. Waxaa caawa Telefishinka Goobjoog ka bilaabanaya barnaamij loogu magacdaray “OGAAL”, barnaamijkan uu daadihin-doono Prof. Cabdullahi Maxamed Shirwac ayaa dadka Soomaaliyeed lagu bari-doonaa xuquuqdooda iyo dowladnimadda. Barnaamijkan oo noociisa ah waxaa uu sidoo kale ka bixi-doonnaa dhammaan qeybaha kala duwan ee Goobjoog Media Group. Marka laga soo tago daadihaya oo khabiir ah, kana tirsan bulshada rayidka waxaa barnaamijka marti u noqon-doona haldoorka umadda Soomaaliyeed, kuwaas oo qeyb ka noqon-doono xal u helista arrimaha looga hadlayo. Ujeedada barnaamijkan oo ah sida aan sheegnay barashada dowladnimada ayaa sidoo kale umadda loo faahfaahin-doonaa sidii ay uga wada noolaan lahaayeen is ixitraam iyo walaaltinimo, barashada sharciga dalkaan u yaala iyo in dadka xalistaan khilaafyada iyo muranada soo wajaho. Dowladnimada Soomaaliya, oo laga soo maray dhib badan oo ay dad badana u dhinteen, qaarkoodna ay xabsi u galeen, dadka kalana ku hantibeeleen isla markaasna loo soo dagaalamay qarniyaal kala duwan taasi ayaan keeneysa muhiimadda ay leedahay barashada dowladnimada Soomaaliya waqtigan madaama ay muhiim u tahay in dadka soomaaliyeed isku xirmaan. Barnaamijkan ayaa waxaa lagu baran doonaa xaquuqda uu muwaadinka Soomaaliyeed ku leeyahay dowladnimadda Soomaaliya iyo waajibaadka lagu leeyahay, xaqa siyaasiga lagu leeyahay iyo waxa uu isaga leeyahay taasi oo ay dadku waqtigan si fiican u fahamsaneyn dowladdnimada madaama haddana dadku ay aad u jecelyihiin dowladnimadda, iyaddoo dowladdnimadana ay tahay heshiis bulsho dhexmaray. Barnaamijkan ayaa xoogga saari doono noocyada iyo heerarka kala duwan, oo ay dowladnimo leedahay iyo sidoo kala noocyada dowladnimada Soomaaliya soo maray tan iyo 1960-kii, oo ay ka mid aheyd tii Kalitalisnimada(Dictatorship) tii SHUUCIYADA iyo sidoo kala noocyada dowladnimada kala ee jirta Dunida. Barnaamijkan ayaa waxaa lagu lafaguri doonaan arrimaha dastuurka Soomaaliya iyo ku dhaqanka dimiqoraadiyada iyo fahamka dowladdnimada Soomaaliya, oo ay dadku wax badan ka faa’iidi doonaan. Sidoo kala barnaamijkan ayaa xoogga lagu saari doonaa nooca dowladdnimo ee Soomaaliya u baahantahay iyo sida uu uga shaqeyn karo dalka, iyaddoo Soomaalida la ogyahay in ay yihiin dad reer guuraa ah. Barnaamijkan ayaa xooga saari doono barashada dowladnimada Soomaaliya iyaddoo isla markaasna uu ka bixi doono Televisionka Goobjoog todobaadkiiba hal mar gaar ahaan khamiis kasta saacadu marka ay tahay 9ka fiidnimo, waxaana lagu soo celin-doonaa maamlmo iyo saacado kala duwan. Haddaba, Barnaamijka “OGAAL” daawo caawa 9:00 fiidnimo, una sheeg asxaabtaada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyay xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi. Taliye ku xigeenka saldhigga Booliska ee degmada Afgooye Dhame C/laahi Axmed Xalane oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi. Waxaaana uu sheegay in lagu soo qab qabtay illaa 10 Qof oo looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Afgooye ka dhacayay weeraro xoogan oo Al Shabaab ay ka fulinayeen gudaha magaaladaasi. The post Ciidamada amniga Oo howlgallo ka sameeyay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Akhriste waa kuma Maxamuud Yusuf Adan ( Muro ) oo ahaa 98 jir Soomaali ah ,kuna geeriyooday shalay dalka Kenya ? Maxaad ka taqaan Taariikh nololeedkiisa [...] Source
  7. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo maanta ka dhacay Waddada Tarabuunka ee magaalada Muqdisho. Shilkan ayaa yimid, kadib markii uu waddada ka baxay Gaari nuuca raaxada ah oo marayay halkaasi. Ugu yaraan hal Qof ayaa ku dhintay shilkan, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Qofka Geeriyooday ayaa ahaa Nin da’ah, halka saddexda dhaawacantay labo ka mid ah ay hayeen Dumar, kuwaas oo loola cararay goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho. Cabdullahi Maacalin Cabdi oo ku sugnaa meesha ay wax ka dhaceen ayaa Shabele uga warramay dhacdadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-soofeysane-.mp3 The post Shil khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Maamulka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa maanta waxa ay kormeer shaqo ku tageen qaar kamid ah xaafadaha magaalada Burtinle oo laga hirgaliyay mashruuca nalalka [...] Source
  9. Ankara ( Sh. M. Network )-Wasiirka amniga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo wafdi oo hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga Mr Islow ayaa kulan kula qaatay magaalada Ankara wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi Suleyman Soylu oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah. Labada wasiir ayaa isla soo qaaday xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka wada hadleen sidii Turkigu uu sare uga qaadi lahaa barnaamijyada horumarinta, arrimaha gargaarka iyo xoojinta amniga Sidoo kale labada wasiir ayaa isla soo qaaday heshiis labo geesood ah oo Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen sanadkii tegay ee 2018-kii. Ugu dambeyn wasiir Ducaale ayaa xusay in marnaba aysan hilmaami doonin taageerada dowladda Turkiga ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. The post Wasiirka amniga XFS Oo la kulmay dhiggiisa Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Qatar donated 68 armored vehicles to Somalia on Thursday, Qatar’s defense ministry said, a sign that Doha is pushing for influence in the country with the role of its Gulf rival, the United Arab Emirates, under strain. Somalia, a Horn of Africa country located on key shipping routes, has refused to take sides in the rift between Qatar and its UAE ally, Saudi Arabia. But relations with the UAE have become strained over the UAE’s investments in the breakaway region of Somaliland. In April, Somalia disbanded a UAE programme to train some of its troops. Qatar’s defense ministry said the armored vehicles, delivered on Thursday in Mogadishu, would strengthen the Somali state, which is battling an Islamist insurgency. The post Qatar donates 68 armoured vehicles to Somali military appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Hay’addaha Ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen 9 qof oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday huteelka DusitD2 ee ku yaalla magaalada Nairobi Habeenkii Arbacada ayay booliska sheegeen in lasoo afjaray howlgalka ka dhanka ah weerarka oo ay ku dhinteen 21 qof. Si katsaba, Ha’yadda laanqeyrta cas waxay sheegtay in 14 qof ay weli maqan yihiin. Laanqeyrta cas waxay sheegtay in dad gaarayo 595 qof ay u fidiyeen la talin dhanka caafimaadka ah. Koox ka socota ha’yadda laanqeyrta cas ayaa gaartay xarunta meydadka lagu keyddiyo ee Chiromo halkaas oo ku qulqulayaan dad badan oo eheladooda dhibaato kasoo gaartay weerarka si ay la tallin u siiyaan. In ka badan 700 qof ayaa laga soo badbaadiyay dhismaha la weeraray. Madaxweynaha Kenya ayaa shalay sheegay in weerarkii hoteelka Dusit D2 lasoo af-jaray isla markaana la dilay argagixisadii weerarka soo qaadday. Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 14 qof oo aan waxba galabsan. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkii talaadadii ka dhacay magaalada Nairobi uu jawaab u ahaa hadalkii go’aankii madaxweyne Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay. Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa si jees-jees ah u dilay AUN Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed, waxa ayna dad goob joogayaal ah sheegeen in marxuumka loogu yimid gootiisa shaqada oo aheyd Ex, Kontorool Afgooye iyadoo markaatiyaasha ku dareen in Marxuumka uu horay ninkan u handadi jiray sida marar kala duwan uu ugudbiyay madaxda ka sarreysa. Intaas kadib ayay u suura gashay in uu baxsado Eedeysane Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim isagoo gaaray degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu garowsanaa inaan la soo qaban Karin uu ka dheeraday gacmaha Hey’adaha amniga ee dowladda balse ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha 28-ka bisii 10-aad sandii 2018. Ciidamada amniga ayaa ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta waxa ayna 24-ka bishii 12-aad ee sanadii tagtay dalbadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda. Maxkamadda ayaa muddeysay dhageyiga dacwadda 29-ka bishii 12-aad ee sanadii 2018, iyadoo laba cisha uun kadib loo fariistay dhageysia dacwadda. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhiga sedax markaati, sawirka Marxuumka, warqadda Dhakhtarka ee caddeyneysa dhimashada iyo qiraalka eedeysanaha. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliya Ciidamada Qalabka Side ayaa ku dooday in Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim uu ku kacay fal dil ah weliba isagoo muujinaya Isla-weynin, waxa uuna marxuumka kula mur-muray in uusan jirin sharci gacmaha qaban karo. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in ay iska bixiyaan magta marxuumka, sidoo kale waxa ay codsadeen in loo naxariisto. Maanta ayaa ugu dambey Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Ex, Alifle Bol Salaad Xasan Maxamed, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. The post Maxkamadda CQS Oo xukuntay Askari ka tirsan Ciidanka DFS appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Dadweynaha ku dhaqan magaalada Bosaaso oo la hadlay warsidaha Puntlandi.com ayaa soo dhaweeyay go,aankii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni uu kaga joojiyay golihi wasiirada Puntland [...] Source
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dowlada Qatar ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku wareejisay 68 Gadiid dagaal ah, kuwaasi oo Dowladda Qatar ay ugu talagashay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha Dekedda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka gaashandhigga Xukumadda Soomaaliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Safiirrada Qatar iyo Turkiga iyo Saraakiil Ciidan oo ka socotay Xoogga Dalka iyo Dowladda Qatar. General, Maxamuud Al Qasaal, oo ka Socday Millatariga Dalka Qatar ayaa sheegay in Gadiidkan ay ugu talagaleen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, isagoona Sheegay tirada Gadiidka ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarayaan ku dhawaad 68 Gawaarida gaashaaman. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa u mahadceliyay Shacabka iyo Dowladda Qatar oo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ugu deeqeen Gawaaridaan Gaashaman. S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) waxa uu tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya uu diyaar u yahay inuu Shacabka Soomaaliya ka difaaco Cadowga, waxa uuna sheegay in Gacanta Xoogga Dalka uu ka bixi doonin Gadiidkaan gaashaman. Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Ammar dambe) ayaa ka Mahadceliyay taageerada Gaadiidka gaashaman oo Dowladda Qatar u fidisay Ciidanka Xoogga Dalka oo baahi weyn loo qabay. The post Qatar Oo Gaadiid Ciidan ugu deeqday Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dowladda Kenya iyo shacabkeeda ugu tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay weerarkii Talaadadii ka dhacay Dusit2d hotel ee magaalada Nairobi. Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitterka uu ku leeyahay madaxweynaha Soomaaliya ayuu ku sheegay madaxweyne Farmaajo in uu khadka telfoonka kula xiriiray madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta,una muujiyay in ay Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Kenya. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka Al Shabaab. Weerar loo adeegsaday qaraxyo iyo rasaas ayaa Talaadadii lagu qaaday Dusit2d hotel kaas oo geystay khasaara gaaraya ilaa 21 qof,19 kale waa la la’layahay,iyadoo 700 oo qof laga soo badbaadiyay weerarkaasi sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda Kenya. The post Madaxweyne Farmaajo Oo la hadlay dhiggiisa dalka Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-17012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhow magacaabay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada iyo xeer-ilaaliyaha guud. Waxaa uu sidoo kale magacaabay garsoorayaal iyo xeer ilaaliyeyaal kale. Mudane Biixi waxaa uu gaashaanle Maxamed Cabdillaahi Aadan (Aar) u magacaabey guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ee derejada koowaad ee gobollada galbeedka. Sidoo kale, Gaashaanle dhexe Yaasiin Maxamed Cabdi ayaa loo magacaabey Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida Somaliland. Xogtan oo ay heshay Goobjoog News ayaa waxaa sidoo kale uu magacaabey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xeer-ilaaliyaal iyo garsoorayaal ciidan; L/Xidigle, Xasan Abiib Cumar, garsoore ka tiraan maxkamada Ciidamada ee derejada koowaad. L/Xidigle, Jimcaale Jaamac Muxumed, garsoore ka tirsan Maxkamada Ciidamada ee derejada koowaad. L/Xidigle, Xasan Cige Jaamac, garsoore ka tirsan maxkamada Ciidamada ee derjeada koowaad. Gaashaanle Axmed Saalax Cabdi, Ku-Xigeenka Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Maxkamada Ciidamada Somaliland Gaashaanle Siciid Cali Cilmi, Xeer ilaaliye maxkamadda ciidamada Somaliland Xiddigle, Cabdillaahi Maxamed Axmed, Xeer ilaaliye Maxkamadda ciidamada Somaliland Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Washington DC (Caasimada Online) – Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa xirtay nin la tuhunsan yahay inuu taageero kooxda Daacish, oo sida la tuhmayo qorsheynayey inuu gantaallada lidka taankiyada ku weeraro Aqalka Cad ee Mareykanka. Ninkan oo lagu magacaabo Hasher Jallan Taheb oo degan magaalada Cumming ee gobolka Georgia, ayaa wakiilada FBI-da waxay arbacadii ku xireen meel u dhow magaalada Atlanta. Waxa uu wajahayaa dacwad federal oo ah inuu isku dayey inuu burburiyo ama waxyeeleeyo dhisme ay leedahay dowladda Mareykanka, isaga oo adeegsnayaa waxyaabaha qarxa. FBI-da ayaa xirtay Hasher Jallan Taheb isaga oo isku dayay inuu baabuurkiisa waxyaabaha qarxa uga bedesho nin si qarsoodi ah ugu shaqeynayey FBI-da. Baarayaasha ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan jirin wax tilmaam ah oo muujinaya in Taheb uu ka tirsan yahay urur argagixiso. Sida ay sheegtay dowladda, qof yaqaana Taheb ayaa booliska u dusiyey sanadkii tagey in Taheb uu noqday xagjir, islamarkaana qorsheynayey inuu safro. Booliska ayaa kadib ku war-geliyey FBI-da, waxaana Taheb sida la tuhunsan yahay uu wakiil ka tirsan FBI-da oo qof kale isaga dhigay u sheegay inuu doonayo inuu iibiyo baabuurkiisa, si uu helo lacag uu ku aado dhulka ay maamuusho kooxda Daacish. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu wakiilka u sheegay inuu doonayey inuu weeraro Aqalka Cad, Taallada Statue Liberty, iyo Taalla Lincoln Memorial. Xigasho: VOA
  19. Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Somaliland & Xisbiga Kulmiye oo loo wadwado Xilka wasiiru-dawlaha Awqaafta & Arimaha Diinta Soomaaliya Sida ilo-wareedyo xogogaal ahi u soo dusiyeen Warbaahinta Madaxa banaan Xildhibaan Saleebaan Cawed Cali Bukhaari oo ka tirsan Barlamaanka Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye ayaa beryahan danbe la hadal hayaa in qadiyadiisu (Damaciisu) u gudubtay Magaalada Muqdisho halkaas oo la sheegay in Xubno ka tirsan Xukumada Farmaajo & Barlamaanka Somalia u wadwadaan Xil wasiiru-dawle oo uu hore u diiday Xeer ilaaliyihii Xilka laga qaadey Ibraahin Iidle Saleebaan oo ay isku Ardaa Hoose ka soo jeedaan. Xildhibaan Saleebaan Bukhaari oo degaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Sanaag ayaa ka mida xubnaha badiyaaba Beeshiisu u metala,Xukumada Muuse Biixi,Barlamaanka & Xisbiga Kulmiye,Islamarkaana aad wax ula soo boobay Xukumadii waqtigeedu dhamaadey ee Siilanyo,Tan Muuse Biixina isku mawqif ahaayeen intii ka horeysay Mudooyinka danbe ee Damacan Somaliya ku soo kordhay oo uu u dhaqaaqey Jiho khaldan inkastoo uu weli Filim Kartoon u dhigaayo Muuse Biixi sidii nin la Jaal ah. Xildhibaan Bukhaari ayaa la sheegay inuu aad u quudaraynayo loona wadwado Xilka Wasiiru-dawlaha Wasaarada Diinta & Awqaafta Soomaaliya oo ah Wasaarada ay maraan,islamarkaana maamusha Deeqaha Buurbuuran ee Dawladaha Carbeed ee Qaniga ah & Hayadaha kale ee Muslimiinta Caalamku siiyaan Soomaaliya.Sidoo kale waxay wasaaradani maamushaa Arimaha Xujaajta oo lacag badan laga macaasho & Sadaqooyin kale oo dad muxsiniin ahi bixiyaan Balse Qiyaas ahaan Boqolkiiba Todobaatan la leexsado,Lagana Taajiro ,Arimahaa & Kuwo kale oo qarsoon ayaa la filayaa inu Xildhibaan Bukhaari ku doortay Xilkan. Geesta kalena Saleebaan Bukhaar oo xukumadii Siilanyo waxooga Faraguudkood ah u daadin jirtay ayey beryahan danbe tan & intii Xukumada Muuse Biixi Talada qabatay wajahay Lacag La’aan & Busaarad weyn maadaba uu fahmi la’yahay sidii Handaraabka Muuse looga gudbo. Ku darsoo,Xildhibaan Bukhaari ayaa Maalmahan waxaa laysla dhexmarayaa inay ka soo ugaamayaan Weedho Cataw & Cabasho u badan oo muujinaya in Albaabada laga xidhay Markii Fartiisa subaga lagu dhuqay. Isku soo wada duuboo Saleebaan Bukhaari oo hore ugu tirsanaan jiray Kooxaha Waxdada Soomaaliya ayaa khibrad dururgsan u leh casharo badan oo ku saabsan Dheefta & Macmaanku Jihaday ka jiraan iyo weliba sida loogu nacamleeyo ama loogu biiro hadba kooxdii dhaqaale lagu tuhmo ama wax gacanta ku haysa. Qaran News
  20. Dowlada Qatar ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku wareejisay 68 Gadiid dagaal ah, kuwaasi oo Dowladda Qatar ay ugu talagashay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha Dekedda Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka gaashandhigga Xukumadda Soomaaliya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Safiirrada Qatar iyo Turkiga iyo Saraakiil Ciidan oo ka socotay Xoogga Dalka iyo Dowladda Qatar. General, Maxamuud Al Qasaal, oo ka Socday Millatariga Dalka Qatar ayaa sheegay in Gadiidkan ay ugu talagaleen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, isagoona Sheegay tirada Gadiidka ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarayaan ku dhawaad 68 Gawaarida gaashaaman. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa u mahadceliyay Shacabka iyo Dowladda Qatar oo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ugu deeqeen Gawaaridaan Gaashaman. S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) waxa uu tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya uu diyaar u yahay inuu Shacabka Soomaaliya ka difaaco Cadowga, waxa uuna sheegay in Gacanta Xoogga Dalka uu ka bixi doonin Gadiidkaan gaashaman. Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Ammar dambe) ayaa ka Mahadceliyay taageerada Gaadiidka gaashaman oo Dowladda Qatar u fidisay Ciidanka Xoogga Dalka oo baahi weyn loo qabay. Source: goobjoog.com
  21. Turkey’s Interior Minister Suleyman Soylu met with his Somali security minister on Wednesday in Ankara. Security Minister Abukar Hassan Islow arrived in the Turkish capital to hold “important and productive” official talks with Turkish authorities. He was welcomed by Soylu and his delegation. “We are striving to bring the two countries’ bilateral relations to a better level — from development assistance to humanitarian aid and cooperation in security,” Soylu said. Both ministers also expressed their satisfaction on the realization of bilateral agreements signed between Somalia and Turkey in 2018. Soylu hailed the relations with Somalia, saying Turkey regards them as “fraternal rather than diplomatic”. “The history of our relations will be written in golden letters,” he added. ‘Somali people won’t forget’ Islow for his part said the Somali people will never forget Turkey being the first country to help them tackle the humanitarian crisis during the 2011 drought. “We have had a difficult time and our friends didn’t let us down. It’s impossible for us to forget that and it is Allah who will reward all the good we have received,” he added. Islow also said his country is ready to reach out if there would be a day when Turkey needs help, and invited Soylu to visit Somalia. Upon the invitation, Soylu said he will visit the East African nation after March. The post Turkey and Somalia agree to boost security cooperation appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Dawlada kenya oo shaacisay inay heshay Magacyada dadkii weeraray Hotelka Nairobi Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay heshay magacyada dadkii weeraray hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, kaasi oo Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa. Laamaha amaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen qaar kamid ah ragga weerarka geystay Baasabooradooda, islamarkaana halkaasi ay ka ogaadeen magacyada dadka weerarka geystay. Laamaha amaanka ayaa sheegay inay baadhitaanka marka uu dhamaado kadib ay soo bandhigi doonaan dadka weerarka geystay magacyadooda iyo halka ay wadanka Kenya ka galeen,sida warbixinta ay ku sheegeen. Laakiin waxay sheegeen inay ogaadeen magacyada labo kamid ah dadka weerarka geystay waxaana la sheegay in midka koowaad magaciisa uu yahay Eric Kinyanjui oo 26 jir ah oo ka yimid deegaanka Ngecha ee Limuru, halka midka kalena magaciisa lagu sheegay Faaruuq oo ku dhashay Xaafada isku raranka ah ee Majengo ee magaalada Nairobi. Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa shalay sheegay inay qaban doonaan cid walbaa oo raad ku yeelata weerarkii ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo sheegay inay doonayaan inay amaan ku wada noolaadaan. “Cid kastaa oo taageertay, dhaqaalo ku taageertay, soo dhaweysay waa la qaban doonaa, mana la aqbalayo inay nagu dhex dhuuntaan”ayuu yidhi Kenyatta oo ka hadlayay weerarkii ka dhacay xaafadda Westland. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka, waxaana ay sheegeen inay kaga jawaabayeen aqoonsiga madaxweynaha Mareykanka uu aqoonsaday in magaalada Qudus tahay caasimada Yahuuda. Qaran News
  23. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa la sheegay in lagu wargeliyay xogta weerarkii Shabaab ay ku qaadeen talaadadii Hotel wayn oo ku yaalla Bartamaha Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Sirdoonka reer Galbeed, ayaa sheegay Bishii November ee sanadkii la soo dhaafay dowladda Kenya inay u sheegeen macluumaad ku saabsan inuu jiro weerar Shabaab ay doonayaan inay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya. Waxa ay sheegeen reer Galbeed in dowladda Kenya sidoo kale lagu wargeliyay suurtagalnimada weeraro Shabaab ay ka fuliyaan goobihii lagu dhigaayay dhalashada Sanadka 2019. Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Reer Galbeedka, ayaa sheegay Dowladda Kenya inay dhagaha ka furaysatay arrintaasi oo jawaab aysan ku celin reer Galbeedkii siiyay xogtaasi. Wargeyska The Guardian ayaa sheegay in Saraakiisha ugu sarreysa Ciidanka Kenya dhowr jeer loo gudbiyay xogta ku aaddan weerarkan oo ay Reer Galbeedka la socdeen laakiin aan feejignaan laga qaadan sidaasna ku dhacay. Sarkaal ka mid ah Sirdoonka Kenya ayaa isaguna The Guardian u xaqiijiyay in qorshaha weerarka ay heleen laakiin Al Shabaab ay beddeleen halkii uu bartilmaameedku ahaa. Sarkaal kale oo ka mid ah Sirdoonka Kenya ayaa isna AP u sheegay in xogta weerarka la hayay laakiin Hay’addaha Sirdoonka Kenya ay ku wareersanaayeen halka lala beegsanayo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.comm