Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,165
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya goordhow ku geeriyooday xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka maamulka Gal-Mudug. Allaha u naxariistee Xildhibaan Xasan Maxamed Axmed (Xasan Caarad) oo katirsanaa Xildhibaanada Galmudug ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Gal-Mudug ayaa Puntland Post u xaqiijiyay geerida xildhibaan Xasan Caraad oo Nairobi Caawa ku geeriyooday. Xildhibaanka ayaa Eebbe waxa ay uga baryeen in uu janadii firdowso aheyd ka waraabi islamarkaasina uu dambigiisa dhaafo. Meydka Marxuumka ayaa lagu wado in dib loogu soo ciliyo dalka si loogu aaso. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Gal-Mudug oo Geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa codsaday in la baajiyo muxaadaro Sheekh Kenyaawi doonaayay in uu qabto Hoolka Sahal oo ku yaalla agagaarka Garoonka Aadan Cadde. Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, waxa ay sheegeen in ay ka taxadarayaan Ammaanka dadka Shacabka ee goobta soo gaaraya. Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in uu codsaday baajinta Muxaadaradda, Maadaama dadkii la filayay kuwo ka badan ay soo xaadireen goobta oo isbuurasho ay ka dhacday. “Dadweynaha kasoo qeybgalay muxaadarada Sheikh Kenyaawi waxaan u sheegaynaa in goobta muxaadarada loogu talgalay inay ka dhacdo iyo tirada dadka raba muxaadarada inay is qaadi waysay sidaas daraadeed anaggoo oo fiirinayna Amniga iyo nabadgalyada dadkaas waxaan Sheikha ka codsanay in la baajiyo muxaadarada iyo inaan goob ka weyn Hoolka Sahal aan ugu qaban doono shacabka Muxadaradiisa jecel” ayuu yiri Guddoomiye Tuulax. Goobtii Galabta lagu qaban lahaa Muxaadarada ayaa waxaa buux dhaafiyay kumanaan ruux taas oo keentay in dadku isbuurtaan, waxaana warar aan helnay ay sheegayaan in rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan dowladda ay ku dhaawacmeen saddex qof oo ka mid ahaa dadkii muxaadarada halkaasi u tegay. Dhinaca kale Sheekh Kenyaawi ayaa arrintan ka hadlay, hoos ka daawo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. In ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu ku qabay qabsashashada Athens iyo Sparta. Odaygu waxa aannu kalsooni ku qabin wiilkiisii kali ahaa – Alexander. Wiilku waxa uu odayga ulla muuqday nin aan lahayn kartidii uu ku midayn lahaa gobolada Giriiga. Labada Gobol ee kale – Athens iyo Sparta – Phillib Iyo gobolkiisa Macedonia, waxa ay ka haysteen dad badaw ah; aan lahayn xadaarad isla markaana yaqaana kaliya sida wax lo burburiyo. Philib talo waa ay ka baahday. Shawrka naftiisa waxa maqashay Afadisii. Olympias waxa ay daalacatay xaajigu in uusan ka hadhin dareenkii dumarka; damacaana waxa ay ka meel dhigatay dabin. Wakhtigaas Alexandre waxa uu ahaa arday, Aristotle ayaa u ahaa macalin. Casharka ugu wayn ee uu ka guntayna waxa uu ahaa: Dunnida in aad qabsaatid waxa ka xiga DARIUS III – boqorkii FAARIS. Casharkaasi waa mid ka gadisan rabitaankisii Aabihii. Aabihii waxa uu ku tamaayey qabsashadda Giriiga. Aristotle-na wiilkii waxa uu usoo liqimay qabsashadda caalamka. Philib rabitaankisii ahaa inu minyaraysto, waxa kasoo hor maray qorshihii islaanta – dilkii odayga! Alexander ayaa dhaxlay boqortooyadii Macedonia. Abaabul ciidan kadib, Alex wuxuu wajahay Faaris. Dagaalo kala dambeeyey oo si taxane ahaa guushu ugu raacaysay dhankiisa, waxa uu kusoo afmeeray geerida Darius oo lagu dilay Afghanistan! Wiilkii yaraa ee Alex, wuxuu qabsaday Masar, India iyo qaybo ka mida China. Alexandre waxa uu isu bedelay Alexander The Great! Alex wuxuu ku dhintay Babylon cimrigiisa oo ahaa 33 jir. Waligii ma qabsan Sparta. Faaris mudo kooban kabacdi xadaradoodi maamul oo wadata magaca Sasanid soo ceshade. Alexander The Great sanado kooban ayuu ku hantiyey dhul baaxad wayn, waxa se jirta Alexandre ma dhisin dawlad haykal leh. Alexandre waddankisii kama samayn nidaam dawladeed, sidaa daradeed Alexandre ma odhan karno waxa uu sameeyey dawlad. Faaris waxa ka burburay wagaas nidaam dawladeed, gadaal waxa ay ka dhisteen hadana nidaam dawladeed. Su’aashu waxa ay tahay waa maxay dawladdi? Soomaalidu inta badan dawlad-nimada waxa ay u yaqaan caddaalad iyo sinnaan. Dawlad wanaagsan marka ay tilmaamayaan, carabka waxa ay ku dhuftaan Maamulkii Cumar Bin Khadaab (rc) iyo wiilkii uu Awowga u ahaa ee Cumar Bin Cabdulasiis (rc). Caddaaladu waa rugni ka midda saddexda waxood ee maamulka: Sharci-dajinta, fulinta iyo garsoorka. Dadyow badan ayaa iyaguna dawladnimada u yaqaan maamul daadajin iyo isla xisaabtan; taas oo laga dhadhansano karo in ay u jeedaan waaxda fulinta oo gudata hawshii loo xilsaaray. Kuwo kale, dawlad-nimada waxa ay u fahmeen sharciga oo shaqeeyaa. Sadexdaa dhardhaar oo laysla helo, weeye dawlad dhamaystiran. Waxa qaba jaamiciyiinta. Xadaaradihii hore haddii aad jaleecdid. Waxa kusoo baxaya xadaarad ka dhalatay webi. Mid la ammaanayo oo la leeyahay waxa ay lahayd qoraal ama lacag. Naill Ferguson waa taarikh-yahan. Mar uu is-dul taagay sababaha galbeedka dhaafiyey dunnida inteeda kale, waxa uu ku ururiyey lix ammuurood. Saddex ayaa sidatan ah: Tartan ganacsi, wax-so-saar iyo dhaqanka/xeerka shaqada. Saddexda mawduuc ee aan kala soo baxay lixda qodob macno ahaan makala foga; labo kale ayaa iyaguna si dadban usoo hoos galayaan saddexda hore. Iyagoo noqonaya Science – makiinad, tamar, tignoloji – iyo Medicine. Qodobka lixaad wuu ka durugsan yahay shanta cinwaan ee kale waa dimuqraadiyad. Taarikh ahaan durug, dhul ahaana soo dhowoow. Quraanku wuxu ina faray gabadh boqorad ahayd oo ku noolayd Yemen. Gabadhaasi, waa Bilkhiis’e waxa ay maamuli jirtay dhul u dhexeeya laba wabi. Ethiopianka haddii aad waydiisid dawlad-nimadu xagay idinka soo gashay? Si midaysan oo kalsooni leh, waxa ay ku odhanayaan ”Dawladda Ethiopia waxa ay kasoo farcantay Magalada Yeha; abqaalkeeda waxa lahayd Bilkhis oo Yemen nooga timid”. Taarikhyahanada dunnida iyo Archaeologists* ayaa soo bandhigay raadadka ku duugan Yeha iyo dhismayaasha ama farta ku qoran magaaladda Ma’rib ee Yemen in ay isku asal yihiin. Wakhtiga iyo xaqiiqada sheekadaas ku dheeran mayo. ujeedka dawladnimo aan kusoo durko. Bilqiis boqortooyadeedii Seba, waxay isku xidhi jirtay dunida galbeedka iyo ta barriga. Bilkhis Afrika waxa ay kasoo iibsan jirtay dahabka iyo foolka maroodiga; India waxa looga keeni jiray basbaaska halka China looga soo waaridi jiray wilka. Boqoradu marki dambe waxa ay daaha ka fayday ganacsiga beeyada. Bilkhis oo faa’ido badan ka heshay beeyada ayaa usoo wareegtay dhulka Tigrayga oo hoddan ku ahaa beeyada. Waxa ayna xarumo ganacsi ka furatay Yeha iyo Aksum. Labada sheeko ee ugu dambeeya: Waa Ferguson faqidaadda uu inaga siiyey sababa galbeedka dhafiyey dunnidda inteeda kale iyo sheekadda Bilqiis, waxa laga dheehanayaa, dawladnimadu in aysan ahayn maamul qaabilsan garsoor, fullin iyo kaliya sharci dajin. Dawladnimadda ayaa ku arooraysa wax kale iibsi iyo suuq shaqaynaya oo ku xidhan caalamka intiisa kale. Dawladnimadu in ay tahay suuq ganacsi iyo meel ay ka socdaan dhaqdhaqaq wax kala iibso ayaa aynu badhtanka kaga jirnaa. Aan soo qaadano dhacdooyin goo-goos ah oo ku wada saabsan dano dhaqaalle. Safarkii Columbus 1492 uu ugu shiraaqday galbeedka Atlantikada, isagoo tageero dhaqaale ka helaya boqoradii Isabella. Ujeedkiisu wuxuu ahaa in la helo dariiq dhaw oo dhib yar oo wax lagaga soo iibsan karo Asia. Cabsidii ku habsatay Qaynu-qaac iyo reer Binu Nadiira ayaa muhaajriintii Nabi Muxammad (csw) la socotay u noqotay nasri dhaqaale oo ay kula falgalaan Madina. Dhulka Hawdka markii uu Ingiriisku ku wareejiyey Ethiopia waxa uu dhaafsaday ayaa la dhahaa cashuur dhimis ganacsi oo uu ka helay dhanka Ethiopia. Dawladi waa maxay? Ma aha su’aal sahlan. Gunnaanadkii su’aasha ayaa aynu soo gaadhnay. Kalmadaha aan kaga hadhayo qoraalka, waxa ay noqon doonaan qeexidayda ugu saraysa illaa hadda aan ka amminsanahay waa maxay dawladi? Adam Smith iyo Karl Marx waxa ay qoraalo ka sameeyeen sayladaha iyo ganacsiga, saas oo ay tahay waxa laga dheegtaa maamulka iyo dhismaha dawladeed. Kasoo bilaw Aksum, Ethiopia waxa ka jira suuq camiran oo wax lagu kala iibsado. Ethiopia waxa ay ku guulaysatay dusha in ay ka illaaliso sayladaheedda. Dawlad-nimadu walow ay u bahan tahay rabitaanka shacabka oo la dhagaysto, cadaalad, iyo maamul wanaag la mid ah kii Mamlikadii Masar hadana, wadnaha dawladi leedahay waa saylad is laba rogaysa. Taas oo ay waardiye ka tahay xukumad hal-abuur leh. Waxbarasho ka bilaabanta is-fahamka qofka iyo jiilka oo fahma deegaanka ay ku nool yihiin ayaa noqon karta haddii ay ku baahdo xududaha dalka, dahaadh ku gadaaman xadaarad ama dawlad. Axmed-xiis Dharbaan dharbaan01@gmail.com Nantes France Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey inay maanta xilka ka qaadeen guddoomiye ku-xigeenka guddiga Sayid Cali Sheekh. Qoraal kasoo xafiiska guddiga waxaa uu u qornaa:-
  5. Madaxweynaha dowladd goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka codsaday Odayaasha dhaqanka ee degmada Afmadow in ay ka qayb qaataan dagaalka lala galayo kooxda Argagixisada ah [...] Source
  6. Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey inay maanta xilka ka qaadeen guddoomiye ku-xigeenka guddiga Sayid Cali Sheekh. Qoraal kasoo xafiiska guddiga waxaa uu u qornaa: Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay nin ajnabi ah u magacowdo inuu noqdo guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya oo qof ajnabi ah uu xilka qabto. Jagadan ayaa waxaa bishii August ee sanaddii 2018, si caalami ah loogu xayeysiiyey wargeyska caalamiga ah ee arrimaha dhaqaalaha ee The Economist. Shuruudaha lagu qoray wargeyska ka mid ahayn in qofka qabanaya xilkan uu noqdo Soomaali. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in toddobaadkan ay mas’uuliyiinta dowladda ay isku raaceen qofkii xilkan loo dhiibi lahaa, laguna dhawaaqo doono dhowaan. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in baarlamanka Soomaaliya la horgeen doono sharci wax looga beddelayo xeerka Bankiga Dhexe, oo dhigaya in shuruudda koowaad ee laga doonayo qofka xilka guddoomiyaha bankiga dhexe qabanaya uu yahay muwaadin Soomaaliyeed. Wararka qaar ayaa sheegaya in xilkan loo magacaabi doono nin lagu magacaabo Nigel Roberts oo u dhashay dalka Britain muddo badanna kasoo shaqeeyey Bankiga Adduunka, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Wasiir ka tirsan Xukumada Muuse Biixi oo shaaciyay ‘Ruuxii ugu haboonaa’ oo ay jeclaayeen in loo doorto Madaxweynaha Puntland Wasiir ka tirsan Xukumada Muuse biixi oo oo walaac weyn ka qaba doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ayaa ka hadlay ruuxa ugu wanaagsanaa ee ku haboonaa inuu kusoo baxo doorashada Puntland. Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cai Koore oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay filayeen in doorashada magaalada Garowe uu kusoo baxo Cali Ciise Cabdi oo ahaa musharax aan codad la sheego ka helin doorashada. Wasiir Koore, ayaa sheegay in doorashadii Puntland ay muujisay inaan la wada laheyn deegaanada Puntland, balse hal qabiil oo kaliya ay leeyihiin, maadaama inta badan dadka kasoo jeeda Garowe, Gaalkacyo ama Boosaaso loo doorto madaxweynaha Puntland. Musharax Cali Ciise Cabdi ayuu sheegay inuu ahaa ruux mudan inuu hogaamiyo Puntland balse aysan dhicin, taasi oo dhibaato ku ah dadka aan kasoo jeedin gobolada Bari, Mudug iyo Nugaal. Cali Ciise ayuu ku amaanay taariikhdiisa iyo waxqabadka lagu yaqaanay, balse xildhibaanada Puntland aysan tixgelin waxqabadka shaqsiyadeed ee Cali Ciise. “Waa wax aad iyo aad looga naxo natiijada doorashada, inaan la wada laheyn Puntland waxaa noogu filan, beentii dadka horey loogu sheegayayna oo in meesha reer leeyahay waxaa ugu filan doorashadii Cali Ciise Cabdi iyo meesha la dhigay, wuxuu ahaa shaqsigii ugu waayo aragsanaa Africa, sagaal wadan oo Africa ahna soo dhisay”ayuu yidhi Koore. Cali Ciise Cabdi ayaa kamid ahaa musharixiintii sida weyn loo hadal hayay, balse ma noqon sidii laga filayay & Si u dhaw toona. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamada qalabka sidda, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa faahfaahin ka bixiyay Kiisaskii ugu badnaa ee sanadkii lasoo dhaafay ay qabatay Maxkamadda Ciidamada. Waxaa uu sheegay in Kiisaska ugu badan ee soo gaaray Maxkamadda in ay yihiin Al-Shabaab iyo Daacish oo uu sheegay in yihiin ugu halista badan Soomaaliya. Gudoomiyaha waxa uu sheegay in wali ay taagan tahay halista waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda ah, uu sheegay in ay halis ku yihiin Nolosha Umadda Soomaaliyeed. Gudoomiyaha ayaa xusay in Kooxda ugu halista badan Soomaaliya hadda ay tahay Kooxda Daacish oo Sanadyadii ugu dambeeyay Soomaaliya kasoo ifbaxday. Daacish ayaa u muuqata, inay hadda halis ahaan ka sare mareyso kooxda Daacish, ayada oo kooxdan ay isku dayeyso inay is-muujiso, islamarkaana ay gacanta ku dhigto deeganao badan. Hoos ka dhageyso Shuute https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/cod-1-maxakda-ciidanka-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Waqtigu waa waxa ugu qaalisan ee uu qofka ibnu aadamka ahi haysto inta uu nool yahay, waana raasamaalka ugu faa’iidada badan haddii si wacan looga faa’iidaysto oo loo qorsheeyo. sida ay xikmaddani leedahay (waqtigu waa waxa nolosha laga sameeyo). Nolosha qiimaheedu waxa ay ku xidhan tahay qiimaha waqtiga iyo ka faa’iidaysigiisa. Haddaba adigu akhriste ma is weyddiisay qiimaha waqtigaaga? Waa su’aal muhiim ah waana su’aasha ugu qaalisan su’aalaha loo baahan yahay inuu qofka caqliga iyo caafimaadka Alle (SWT) siiyay is weydiiyo oo uu garto jawaabta saxda ah ama ku habboon in lagu qeexo. Su’aashan jawaabteeda waxa si sax ah u helay in yar oo fara ku tiris ah oo dadkeenna ka mid ah, intaas heshayna waa inta yar ee waqtigooda ka faa’iidaystay ee gartay qiimaha uu u leeyahay kuwaas oo uga faa’iidaystay wax badan oo faa’iido u leh naftooda, if iyo aakhiraba anfacaya, ha ugu horreeyaan khayrka iyo cibaadada suubbaniye. Haddaba nolosha qiimaheedu waa waqtiga, dadkana waxay noloshoodu u kala qiimo badan tahay sida waqtigoodu u kala qiimo badan yahay. Waxa se is weyddiin leh waqtigu miyuu kala qiimo duwan yahay? Jawaabtu waa maya, waqtigu ma kala duwana waxa makhluuqa oo dhan ka siman yihiin waa hal waqti oo isku mid ah se waxa qiimihiisa kala duwaa waa insaanka iyo duruufaha noloshiisa. Qof waliba isaga ayaa waqtigiisa qiimo gaar ah u yeela. Sida aan ka warqabno qof wal oo koonka saarani waxa uu haystaa ama ku xisaabtamaa sannad 12 bilood ah, bil 30 cisho ah, toddobaad 7 maalmood ah, maalin 24 saacadood ah iyo saacad 60 daqiiqadood ah. Sidaas ayaanu waqtigu weligiina iska beddelin oo waa ta Qur’aanka kariimka ahba inoogu cad in sannadku alle (SWT) agtiisa ka yahay 12 bilood. Taasi waxay kuu caddaynaysaa in insaanku mar walba waqti isku mid ah haysto se uu isagu qiimihiisa mid gaar ah oo aan lala wadaagin ama lagala sinnayn ka dhigan karo. Waxa keli ah ee ka la duwayaa waa sida ay u kala qiimeeyaan iyo faa’iidooyinka ay ka gaadhaan. Marar badan ayaad arkaysaa qof yar oo 20 sanno jiray oo nolshiisu ka qiimo iyo faa’iido badan tahay mid 60 sanno jiray. Waxa aad markiiba is weydiinaysaa sidee qofkan 20-ka sanno jiray kan 60-ka jiray uga faa’iido badnaan karaa isaga oo kan 60-ka soo noolaa saddex laab inta uu nool yahay kan kale!, Waxa uu uga faa’iido badan yahay kan yari waxa uu si wacan uga faa’iidaystay 20-kan sanno ee uu haystay lagaba yaabaa in aan daqiiqad keliya oo bilaa faa’iido ah ama maalaayacni ah laga helin waqtiga uu noolaa. Halka kan kalena waqtigiisa intii badnayd uu ku dhaafay faa’iido la’aan iyo waxaan dani ugu jirin kaas oo moogganaa qiimaha waqtigiisu leeyahay kadibna is arkay uun isaga oo 60-jir ah oo aan wax faa’iido ahna ka hayn waqtigiisii. Halkaa ayuu ka bilaabaa calaacal iyo murugo isaga oo iska qoomamaynaya khasaaraha uu naftiisa baday ee uu ka taagan yahay waqtigii iyo caqligii uu Rabi ugu deeqay iyo noloshiisan bilaa qiimaha ah taasina waa halkay Soomaalidu kaga maahmaahdo (nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyey raadcee). Halka kii yaraa hadduu 60 gaadho uu ku gaadhayo farxad iyo guul iyo nolol qiima leh ileen markii uu waqtiga haystey buu waqtigiisii qiimo u yeelee. Waxaa mar walba innagu waajib ah inaan waqtigeenna uga faa’idaysanno sida ugu habboon kagana faa’iidaysanno waxa Alle (SWT) raalligelinaya, si aad adiguna ugu noolaato nolol aad raalli ku tahay. Waxyaabaha aan kaga faa’iidaysan karno waqtigeenna maxaa ka mid ah? Cibaado suubban oo aan Allihii ina abuurtay (SWT) ku caabudno oo aynu si wacan u garano sababta la inoo abuuray inay tahay in aan Alle keligiis (SWT) u caabudno waa ku Alle inoogu sheegay Qur’aanka (Jinka iyo insiga umaanaan abuurin inay na caabudaan mooyaane). Innaga oo kaga faa’iidaysanayna cilmi aan baranno kaas oo noqonaya ka ina anfacaya nolosha adduunka iyo ta aakhira labadaba cilmigaas oo uu ugu horeeyo barashada kitaabka alle ee kariimka ah. In aan nafaheenna ku adkaynno samaynta wanaagga, wanaaggaas oo aynu usamaynayno nafeheenna iyo walaalaheenna kaleba innaga oo ku caawinayna walaalaheen wax kasta oo wanaag ah sida (innaga oo wax wanaagsan farna, sadaqo siinna, dhib haysatey uga gargaarna, ka bukaanka ah soo booqanna, i.w.m.). Waa in aan muhiimadda koowaad ka dhignaa saan waqtigeenna wax anfac inoo yeelanaya if iyo aakhiraba ugaga faa’iidaysanno. Ma ogtahay in imaamkii weynaa ee Bukhaari uu cilmigiisu ka badnaa cimrigiisa; taasna uu ku mutaystay dedaalkii badnaa iyo sidii wacnayd ee uu qiimaha waqtigiisa u bartay. Qofka bani’aadamka ahi waa maalma yar inta uu nool yahay iyo waqtiga uu haysto hadduu ka faa’iidaysto wuu guulaysan haddii u garan waayana wuu khasaari. Xikmad baa tidhaahda (ogow ibnu aadam waxa tahay maalmo is daba socda mar kasta oo maalmahaa mid ka mid ahi tagtana waxaa tegay badhkaa). Nolosha oo dhami waa saddex maalmood si guud markaynu u eegno. Shalay Waa maalin tagtay oo aan kugu soo laabanayn wixii ay guul iyo khasaare ba lahayd way la tagtay, mana soo ceshan kartid. Waxa se laga yaabaa haddii aad tahay qof dhugasho leh inaad haddana si dadban uga faa’iidaysato maalintaa ku dhaaftay ee aan soo noqoshada lahayn, Waxa su’aashu tahay sidee ayay suurto gal u tahay inaad tidhaa waqti tagay ayaan ka faa’iidaysanayaa? Way fududdahay, waxaana garan kara kaliya qof caqli u saaxiib ah, Ugu horrayn waa inaad dareento wixii ku seegay shalay kuna dedaasho in aanay dib u dhicin si ay dawo ugu noqoto soo noqnoshada marxaladda caynkaas ah. Maanta Waa maalinta ugu qaalisan cimrigaaga waana raasammaalka ugu weyn ee aad haysato, Waa maalinta ugu qaaalisan noloshaada qiimaha noloshaada oo dhamina waxay ku xidhan yihiin saacadaha yar ee ku jira noloshaada, qiimaheeduna waxa ay noqonaysaa sida aad hadba ugu faa’iidaysato oo keliya waayo manta markaad ka faa’iidaysato berrina waad ka faaidaysankartaa iyo cimrigaaga oo dhanba laakiin se hadaad maanta lumiso beritana waad lumin sidaasaanad ku lumisay noloshaadii oo dhan waxaa la yidhi (qofka waxa jooga aan garani waxa soo socda ma garto). Berri Berriyeey maxaa tahay? waa maalin maqan mana garan kartid waxa ay kuu sido waxay noqon inaad gaadhi iyo in kale alle (SWT) ayaa keligii og berri iyo waayaheeda mana aha inaad ku xisaabtanto waxanad garanayn wax ay noqon (haddaad waa bariisato ha sugin in aad galab dhacsato hadii aad galab dhacsatana ha sugin in aad waa bariisato) Waayo ma ogid inaad subax leedahay iyo in kale, laakiin maanta ka dhig maalinta guushaada hawl-maalmeed kaagana u samee sida ugu wacan ee ugu quruxda badan hammigaaga iyo dadaalkaagana isugu gee saad manta u guulaysan lahayd, taasina waa sirta nolasha sarraynta iyo farxadda, waxa aa la yidhaah daa (qaamuuska waqtiga kelmed keliya ayaa ku jirta kelmedaasina waa “ iminka ama hadda” macnihii waa daqiiqadaa aad hadda joogto oo keliya). Taasina waxa ay kuu caddaynaysaa in waxa aad haysataaba yahay daqiiqaddaa aad joogto oo keliya, qiimaha noloshaaduna waa hadba inta ku soo marta sida aad uga faa’iidaysato. Waqtiga qiimihiisa in badan baa diinteennu innagu boorisay ka faa’iiday-sigiisa kaas oo aan ka soo qaadan karno Xadiiskii shariifka ahaa: shan ka faa’iidayso shan ka hor, Waxaa ka mid ahaa shanta: ka faa’idayso firaaqadaada mashquulkaaga ka hor, Carabtuna waxa ay ku maahmaahaan “qof waliba waa ina maalintii in ka badan inta uu yahay ina aabbihii”. Xikmado iyo meelo badan oo diinteena ka mid ah ba waxaa kaaga muuqanaya oo ay ina farayaan waa qiimaha waqtigu leeyahay inagana sida inagu waajib ka ahi waa in aan ka faa’iidaysanaa maalmaha nolosheena si aan ifka sharaf iyo cisi ugu noolaano aakhirana camal wanaagsan oo ina anfaca aynu u kasbano, waa in aad noqotaa qof noloshiisa iyo naftiisa toona aan faa’iido la’aanta iyo maalaaa yacnigu boos ka lahayn oo aanay uga bannaanayn. Si hadda ba aad u xaqiijiso arrintan waa in aad habeen kasta intaa aanad seexan kahor waa in aad xisaabtantaa oo xisaab xidh ku samaysaa waqtigii aad maanta soo qaadatay iyo waxa aad kaga faa’iidaysatay, waa in aad ogaataa saacad walba iyo halka ay kaaga baxday iyo waxa aad ku qabatay, adigoo is kala mid dhigaya sidii nin meherad leh oo kale oo habeenkii xisaabinaya meheradiisa si uu u ogaado waxa uu faa’iiday iyo waxuu khasaaray iyo weliba waxa uu berri la shaqa tagayo intaba. Taasi waxay kuu fududaynaysaa inaaad ogaato waqtigaagii iyo sida aad manta ku qaadatay haddii maxsuulku kuu sooboxo guul aad baan kuugu hanbalyaynayaa waxaanad tahay qof noloshiisa guul ka jooga, hadii kalena waad khasaartay ee nafta ku dhiiri geli in aanad dib u khasaarin oo aad khasaarahaga guul ku bedesho sida ugu dhaqsaha badan alle na (SWT) talo saaro keligii ayaa awooda inuu wax wal ba hagaajiyo’e. Maskaxdaadana ku hay xikmada odhanaysa (maalintaadu yaanay kugu dhaafin faa’iido la’aan maalkaaga na ha dhigin wax ku qabad la’aan waayo cimrigu wuu ka gaabanyahay in ku dhammaado faa’iido la’aan, maalkuna wuu ka yaryahay in la dhigo wax qabad la’aan). Ogow oo ogow qofka caqliga badani suura gal kama aha inuu waqtigiiisu maala yacni iyo faa’iido la’aan ku dhaafo, maalkiisana ku lumiyo wax aan faa’iido lahayn iyo khayr toona. Ugu danbayntii waa in aad uga faaidaysataa waqtigaaga sidii qof berri dhimanaya oo kale adiga oo fulinaya wax kasta oo waajib ku saran ah ugana soo baxaya habka ugu habboon una dhammaystiraya haday cibaado tahay iyo hadday shaqo adduunyo oo wacan tahayba kuna xisaabtan in marka aad xasilo oo siday tahay aad uga soo baxdo meelaysana arrintaada aakhiro uu ka adduunkuna isaga oo khasban kuu imanayo. Waxa cirka lagu gaadhay waa waqti laga faa’iidaystay iyo buuraha figtooda iyo badda gunteeda, waxaas oo dhanna waxaa kasii saraysa janada fardaywasa ee ku dadaal saad if iyo aakhiraba ugu guulaysan lahayd kana faa’iidayso daqiiqada aad haysato. W/Q: – Axmed Gaashaanle Email: – ahmedgashanle@gmail.com Source
  11. Mudooyinkii udambaysay waxa siyaaaada somaliya ku dhex hirdamayay labada beelood ee Mogadishu Clan iyo daarood laakiin dhawaanahan soo socda midba gacanta sare yeelan doona. Sanadii 2000 shirkii carta ayay dadka dawladii la isku odhan jiray somalia oo somaliland ka maqantahay go’aan ku gaadheen oo qaateen nidaamka federaalka , kadib wakhtigaa ilaa maanta maalinba meel ayuu soo gaadhayay nidaamka federaalka somaliya oo dad badani ku doodan inaanu somali u wanaagsanayn nidaamkani , maadama ay dad qabaa il ku tiirsan yihiin . Siday doontaba ha ahaate manta somaliya waxay u qayb santahay shan maamul goboleed oo qabaa’il dabada ku haya , laba kamid ah oo waxa hogaamiya ama ka taliya reerka daarood (puntland iyo jubba land ) halka laba kalena Mogadishu Clan kataliyo ( gal-mudug iyo hirshabeele ) halka maamul ee soo hadhayna Raxawayn ama digil iyo midhifle hadba kaad u taqaano ( koonfur galbeed ) . Hadaba amuurta ugu wayni waxay ka taagantahay caasimada muqdisho oo ay ku abtirsadaan beesha Mogadishu Clan muxu noqonaya meeqaanmkeedu yaase hor jooga ka noqonaya ? . Waxaynu ognahay khilaafka ugu wayn ee meeqamka muqdisho inuu khilaafkedu soo if baxay mudadii uu farmaajo xilka hayay iyadoo ka hadalkeedu uu galaaftay sideedi janaayo ee 2018 kii gudoomiyihii gobolka banaadir (taabit) oo dood beesha Mogadishu Clan u dan ah laakin farmaajo iyo kooxdiisa ka nixisay layimid ,Inta badan dadka reer muqdishana taageren. Waxa iyaduna maanta xusid muddan in gudoomiyaha banaadir mr yariisow mar uu ka hadlayay muqdisho uu doodi galaafatay Taabit mid u dhaw uu lakin ka qunyar socodsan la yimid ,Hadaba waxa xaqiiqa hadii aanu dooda joojin inay xilkiisa galaafan doonto . Ugu dambayntii magalada muqdisho hadii Meeqaamkeeda lagu daayo mid u dhaw sida ay imika tahay oo ay noqoto caasimad u dhaxaysa maamulada qaybta ka ah somaliya mar walba waxa siyaasada somaliya gacanta saraysa lahaanaya daarood , hadiise sida beesha Mogadishu Clan badankeedu ku doodayso laga dhigo maamul iyadoo caasimadana haysata waxa mar kasta siyaasada somaliya gacan saraynta yeelan doonta beesha Mogadishu Clan. Oo noqon doona boqortooyo aan la loodin karin somaliyana sida qori isku dhiibka maamulkeeda isugi dhiibta ama hadba cida ay wataan keena . Laakiin waxa xaqiiqa in dhawaan fulkaanahasi marka uu qarxo siyaasada somaliya wax badana ka badali doono labadaa libaaxna kii rooni reerka u hadhi doono . Dadka inta ka soo hadhayna labada libaaxna daawadayaal ka ahaanayan siday maantaba uga yihiin. Gullied Moh Ismacil Source
  12. Odayaasha iyo wax garadka ku dhaqan degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa waxa ay soo dhaweeyeen Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland mudane Siciid C/laahi Deni [...] Source
  13. (SLT-Washington)Jeff Bezos oo ah madaxa shirkadda qalabka elektarooniga ee Amazon iyo xaaskiisa MacKenzie ayaa is furaya ka dib markii ay qoys wada ahaayeen muddo 25 sano ah. Lamaanahan ayaa warka ku saabsan furriinkooda ugu dhawaaqay bayaan ay si wada jir ah Arbacadii u soo dhigeen barta Twiter-ka. “Ka dib wakhti dheer oo ay naga dhex jirtay isfaham darro, isla markaana aan marar badan isku daynay inaan kala tagno, waxaan hadda go’aansannay inaan is furno, nolosheennana aan sii wadano anagoo saaxiibo ah”, ayey lamaanaha ku yiraahdeen bayaankooda. Amazon oo la aasasay 25 sano ka hor ayaa isbuucan dhaqaale ahaan ka hor martay shirkadda Microsoft, waxayna noqotay shirkadda xilligan ugu qiimaha badan guud ahaan dunida. Mr Bezos, oo 54 sano jir ah, oo aasaasay Amazon ayaa loo aqoonsan yahay inuu noqday qofka ugu maalqabeensan caalamka, sida laga soo xigtay shirkad qiimeysa hantida shakhsiyaadka bilyaneerrada ah ee dunida, oo lagu magacaabo Bloomberg Billionaire Index. Waxay hantidiisa gaareysaa lacag lagu qiyaasay $137 bilyan oo doolar, isagoo ilaa $45 bilyan oo doolar ka sarreeya hantida uu heysto maal qabeenka caanka ah ee la yiraahdo Bill Gates. Xaaskiisa MacKenzie Bezos oo jirta 48 sano ayaa ah qoraa, waxayna soo saartay labo buug oo soo kala baxay sannadihii 2005-tii iyo 2013-kii. “Waxaan dareemeynaa inaan aad u nasiib badan nahay maadaama aan is helnay, waxaana ku faraxsan nahay inaan lamaane ahayn sannad kasta oo ka mid ah muddadaas ka soo wareegtay xilligii aan isguursannay”, ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay lamaanahan maalqabeennada ah. Waxaa sidoo kale lagu daray: “Haddii aan ogaan lahayn inaan kala tagi doonno 25 sano ka dib, guurkeenna oo dhan waan soo billaabi lahayn mar kale. Waxaan isla soo wadaagnay nolol aad u qurux badan waxaana hadda aragnaa inuu naga horreeyo mustaqbal wanaagsan, waalid ahaan, saaxiib ahaan iyo iskaashato ahaanba”. Sannadkii la soo dhaafay waxay lamaanahan si wada jir ah u fulinayeen mashruuc loogu tala galay in lagu caawiyo dadka hoy la’aanta ah iyo in lagu dhiso iskuullo ay dhigtaan carruurta ka soo jeeda qoysaska saboolka ah. Mr Bezos oo u dhashay dalka Mareykanka iyo xaaskiisa ayaa leh 4 carruur ah oo isugu jira 3 wiil oo ay dhaleen iyo 1 gabar oo ay soo korsadeen. Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa soo tabisay in Mr Bezos uu xiriir khaas ah la sameeyay haweeney horay wariye uga ahaan jitay telefishinka Fox TV, taasoo lagu magacaabo Lauren Sánchez. Waxaa la isla dhex marayay in Ms Sánchez ay “is arkayeen” Mr Bezos ilaa dabayaaqada sannadkii lasoo dhaafay. MacKenzie Bezos oo sannadkii 2013-kii wareysi siisay Majalladda Vogue Magazine ayaa sheegtay in ay Jeff la kulantay xilli uu ka qaadayay wareysi ay shaqo ku dooneysay, iyadoo ku sugneyd magaalada New York. Waxay is mehersadeen 3 bilood ka dib wakhtigaas, iyagoo wax yar ka dibna is guursaday sannadkii 1993-kii. 1 sano ka dib xilligaas ayuu Jeff aasaasay shirkadda Amazon – taasoo ku billaabatay shirkad buugaagta ku iibisa dhinaca internet-ka. Shirkaddiisa ayaa markii dambe yeelatay ganacsi aad u baaxad weyn. Markii suuqa saamiyada ee Mareykanka la xirayay maalintii Isniinta ahayd, Amazon wuxuu qiimeheeda ahaa $797bilyan oo doolar oo u dhiganta (£634bilyan oo gini). Waxay sare u kacday 3.4% waxayna dhaqaale ahaan kor u dhaaftay shirkadda Microsoft, oo uu qiimaheedu ahaa $789bn. Source
  14. (SLT-Zimbabwe ) Saddex qof ayaa maxkamad lagusoo taagay dalka Zimbabwe, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay xadeen boorso ay ku jirto $150,000 oo kaash ah oo uu lahaa madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaas, Robert Mugabe. Tuugada la tuhunsan yahay ayaa la sheegay in ay lacagtaas ku gateen gawaari, guryo, iyo xoolo nool. Sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas, mid kamid ah qaraabada madaxweynihii hore, oo lagu magacaabo Constantia Mugabe, ayaa kamid ah eedaysaneyaasha. Waxaa la sheegay in ay haysay furayaasha guri uu Mr Mugabe ku lahaa tuulada Zvimba, oo u dhaw magaalada caasimadda ah ee Harare, ayadoo tuugada kalena u fududaysay in ay gurigaas galaan. Dadka kale ee la tuhunsan yahay ayaa gurigaas looga shaqaalaysiiyay in ay nadiifiyaan markii ay xatooyadu dhacaysay, taas oo la sheegay in ay dhacday intii u dhaxaysay 1-dii bishii December ilaa horraantii January. Mr Mugabe, oo haatan 94 jir ah, ayaa waxaa xoog talada dalka uga tuuray militariga Zimbabwe sanadkii 2017-kii. Waxa uu talada dalkaas hayey 37 sano, asagoo markii hore noqday Raysul wasaare kadibna madaxweyne. Tan iyo markii uu hawlgabka noqday, Mr Mugabe waxaa dhib ku ahaa socodka, wuxuuna muddo dhowr bilood ah arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka Singapore. Ma cadda in uu guriga ku sugnaa markii ay xatooyadu dhacday. Saddex kamid ah dadka la tuhunsan yahay ayaa lagu sii daayey damaanad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, halka qofkii afraadna la siidaayey. Source
  15. Waxa ay faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxay saa Dab khasaare dhaliyay oo xalay ka kacay Suuqa ugu wayn ee Soomaaliya ee Bakaaraha [...] Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan Boqol xubnood oo isugu jirta Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii ay tababar Ciidan ku soo qaateen Dalka Turkiga. Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar dambe) oo ka mid ahaa Madaxdii ku soo dhoweysay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga mahad celiyay Dowladda Turkiga oo dedaal weyn ugu jirta sidii ay Soomaaliya u dhisan lahayd Ciidankeeda. Sidoo kale wuxuu Wasiirku bogaadiyay dedaalkii ay geliyeen dhismaha Ciidanka Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llahi Maxamed iyo Ra’iisulWasaare , Xasan Cali Kheyre, wuxuuna sidoo kale ammaanay hammiga Dhalinyarada soo qaadatay tababarka ee ah difaaca Dalkooda Hooyo. Dowladda Turkiga ayaa wadda qorshe lagu soo celinayo tayadii uu Ciidanka Xooggu lahaa, iyadoo Dalkeeda u qaadday Dhalinyara badan oo halkaasi lagu soo leylinayo, waxanay sidoo kale Magaalada Muqdisho ka furtay Saldhig lagu carbiyo Ciidanka Difaaca, halkaasoo ay kasoo baxeen dufcado dhowr ah.
  17. (SLT-Hargaysa) Xisbiga UCID ayaa sidii caadada u ahaan jirtay is-afgarad gacmo dugeen kadib wuxuu heshiis 5-qodob ka kooban la saxeexday Xisbiga KULMIYE. Sida Lagu Sheegay war-saxafadeed ay soo wada saareen. Source