-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Daokaasi Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay sababtii dalka looga Eryay Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom. Wasiir Cawad ayaa sheegay in Nicholas Haysom uu dhinac maray shaqadii diblomaasiyadeed,isla markaana uu u dhaqmay Nin Madax ka ah oo kale dowlada Federaalka uuna ku xad gudbay qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo la hadlay radio lugo badan ayaa tilmaamay in dhowr jeer qalalaad iyo warar uu dowlada kala tashan uu sameeyay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ay ugu dambeeysay warqadii uu u qoray Wasiirka amniga,isla markaana uu u la hadlay Wasiirka amniga sidii isaga qof ka tala qaato oo kale. Waxaa uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibada in dalka Soomaaliya ay madax ka yihiin dad Soomaaliyeed Go’aanka ay leeyihiin qofkii somaliya ka shaqeynaya iyo qofkii kaleba,isagoona xusay in Wakiilka Gaarka Ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom loo sheegay in Soomaaliya laga rabin,isla markaana uusan ka shaqayn karin. Hadalkaan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili habeen hore Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom uu ka hadlay xarigii Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo banaanbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Magalada Bayhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Soomaaliya. Source
-
(SLT-Garoowe) Muddo lix casho ah ayaa ka hadhsan doorashadii madaxweynaha maamulka goboleedka Dalkaasi Soomaliya ee Puntland oo dhawaan ka dhaceyso magaalada Garowe ee caasimada maamulkaasi. Dadka falanqeeya siyaasadda doorashada ayaa sheegaya inay jiraan caqabado keeni kara in madaxweyne Gaas uusan markale kusoo laaban xukunta deegaanada maamulka Puntland oo muddo shan sano ah maamulayay. Waxyaabaha la isleeyahay waxay dib u dhigeen rajooyinka dib usoo laabashada madaxweyne Gaas waxaa kamid ah:- In xildhibaanada baarlamaanka ee lasoo xulay dhamaantood yihiin kuwo cusub oo doonaya in isbadal dhaco, taasi waxay noqon karta caqabada koowaad ee C/Welli Gaas, laakiin waxaa xusid mudan in isaga uu keenay inta badan xildhibaanada. Arinta Labaad ayaa lagu sheegaa inay tahay xumeynta xidhiidhka ka dhaxeeyay dowladda Soomaaliya oo hor istaagay mashaariic badan iyo dhaqaalo la doonayay in lagu maalgeliyo deegaanada Puntland, sida dhawaan uu sheegay C/raxmaan Faroole. Arinta seddexaad ayaa lagu sheegaa inay tahay fulin la’aanta balanqaadyo badan oo uu u sameeyay madaxda odayaasha dhaqanka ee Puntland, waxaana kamid ah dib u qabashada deegaanada ka maqan gacanta Puntland. Xumaanshaha xiriirkii kala haxeeyay Isimadda dhaqanka Beesha Sool clan oo meesha ka baxay ayaa la sheegayaa inay tahay dhabarjab kale oo C/Welli Gaas kasoo wajihi kara doorashada Puntland. Laakiin waxaa jiro fursado uu ku guuleysan karo oo ay ugu horeyso saameyntii uu ku lahaa soo xulista xildhibaaada baarlamaanka iyo dhismayaashii uu isaga dhagax dhigay. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda amniga XFS ayaa goordhow war ka soo saartay weerarkii Madaafiicda ahaa ee shalay lagu qaaday xarunta Xalane ee M/Muqisho. Warka ka soo baxay wasaaradda amniga ayaa ugu horreyn lagu sheegay in ay aad uga xun tahay, islamarkaana ay cambaarayneyso dhacdadaasi. Sidoo kale waxa ay shaacisay in ay caafimaad deg deg ah u rajeynayso shaqaalihii Qaramada Midoobay ee ku dhaawacmay weerarkaasi. Ugu dambeyn wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa tilmaamtay in ay baaritaan ku heyso dadkii ka dambeeyay Hoobiyeyaashaasi. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan oo uu khasaare ka soo gaaray shaqaale ka tirsan QM oo xilligaasi ku sugnaa xarunta xalane ee M/ Muqdisho. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Wasaaradda amniga Oo war ka soo saartay weerarkii Xalane appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho( Sh. M. Network )-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee XFS Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid ayaa maanta daah -furay kulan looga arrinsanayo la tashiga siyaasadda iyo sharciga Waraabka dalka. Ugu horreyn wasiir Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in dhawaan la dayactirayo kanaaladii waa weynaa ee Wabiyada dalka , si looga hortago Fatahaadaha ka dhasha Wabiyadaasi. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadka iy dalka uu muhiim u yahay, haddii la dhaqan galiyo la tashiga siyaasadda iyo sharciga waraabka dalka, maadaama xilligani baahi weyn loo qabo sharcigaasi. Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka waxaa meesha ka baxay barnaamijyo badan oo lagu horumarin jiray Tacabka Beeraha iyo Waraabka intaba. The post XFS Oo dayactireyso Kanaaladii Wabiyada dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya dalka uga cayrisay ergeygii gaarka ahaa ee xoghayaha QM, Nicholas Haysom. Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayey ku sheegtay inay aad uga xun tahay go’aanka ay qaadatay dowladda Somaliland. Xukuumadda Hargeysa waxay sheegtay in go’aankan uu yahay mid aan khusayn Somaliland, isla markaana ay sii wadi doonaan wada-shaqayntii ay la lahaayeen ergayga QM. Somaliland ayaa ku amaantay Haysom in intii uu xafiiska jooga uu si wanaagan uga shaqeeyey nabadeynta Soomaalida dhexdhexdeeda iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Somaliland iyo Somalia. Hoos ka aqriso qoraalka Somaliland
-
Wasaaradda amniga ee dowladda federaalka ah yaa cambaareysay weerarkii xarunta Xalane ee xafiiska UNSOM, waxaa war saxaafadeedkan ayaa imaanaya maalin kaddib markii madaafiic hoobiyeyaal lagu garaacay xarunta Qaramada Midoobey ku leedahay Xalane iyo kadib markii UN-ka ka dalbadeen dowladda baarintaan arrinkaas la xiriira. Xarunta Xalane oo talaadadii lagu garaacay hoobiyeyaal ayaa waxaa soo gaaray burbur hanti, waxaa kale oo ku dhaawacmay labo ka mid ah shaqaalaha UN-ka. Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay taliska Milatariga Kenya ayaa looga hadlay dagaal Ciidankooda iyo Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ku dhexmaray gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Milatariga Kenya ayaa warkan ku sheegay in weerarkaasi ay ku dileen illaa 7 ka tirsanaa Al Shabaab, kuna dhaawaceen tiro intaasi ka badan. Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay in dagaalkasi ay Al Shabab kaga furteen illaa iyo 9 Qoray oo nuuca AK47 ah iyo Saanad Ciidan intaba. Dhinaca kale war ka soo baxay Al Shabaab oo lagu baahiyay barahooda Internert-ka ayaa looga hadlay dagaalkaasi. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in warar ku bilowday qarax Miino, islamarkaana uu xigay dagaal toos ah ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya oo marayay inta u dhexeysa deegaannada Qooqaani iyo Taabto ee gobolka Jubbada Hoose. Waxaa kale oo Al Shabaab ay tilmaameen in weerarkaasi ay ku gubeen Gaari Taw ah oo ay lahaayeen Ciidankaasi, sidoo kalena ay gaarsiyeen khasaare xoogan. Dagaalayahannada Xarakada Al Shabaab ayaa had iyo jeed weeraro gaadma ah ku qaada fariisamaha Ciidamada Kenya ay leeyihiin gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. The post Kenya Oo Sheegtay in ay dishay 7 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si aad u soo dhaweeyay go’aankii ay dowladdu dalka uga ceyrisay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom. Dadkani oo la hadlay Shabelle ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku boggaadiyay go’aanka ay qaadatay. Waxaana ay sheegeen in ay garab taagan yihiin madaxda dalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha. DFS ayaa ku wargalisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in Nicholas Haysom in aan dalka laga rabin, islamarkaana uusan ka shaqayn karin Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-1-ismaaciil-.mp3 The post Shacabka Muqdisho Oo soo dhaweeyay Eryiddii Haysom appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somaliland ayaa ka soo horjeedsatay go’aankii ay dawladda federaalka Soomaaliya ay dalka uga saartay ergeyga xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom. War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegan in go’aanka ay qaadatay dawladda federaalka Soomaaliya aanu khusayn Somaliland. Halkan Ka Akhriso Go’aanka: Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargaysa)Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Maanta Dhaqan Galiyay Miisaniyad Sanadeedka 2019 Ee Hore Usoo Ansaxiyeen Golaha Wakiilada Somaliland. WAREEGTO MADAXWEYNE. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-249/012019 ku dhaqan-geliyey maanta oo ay taariikhdu tahay 02.01.2019 Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-38/826/2018, ee ku taariikheysan 30/12/2018, ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2019-ka; Waxaan soo-saaray; Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH/= 2,334,320,463,251 (Laba Tirilyan, Saddex Boqol Afar iyo Soddon Bilyan, Saddex Boqol Labaatan Milyan, Afar Boqol Saddex iyo Lixdan Kun, Laba Boqol Kow iyo Konton Shillin Somaliland ah). ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay hoobiyeyaal kooxda Al-Shabaab ay shalay ku weerartay xarunta Xalane ee ay degan yihiin shisheeyaha ku sugan Soomaaliya. Weerarkaas ayaa QM ay sheegtay in lab aka mid ah shaqaalaheeda ay dhaawacyo kasoo gaareen. Qoraalka ayaa lagu yiri “Wasaaradda Amnigu waxay cambaaraynaysaa falkii foosha xumaa ee ururadda argagixisadu hoobiyayaal ugu soo tuureen Xarunta Xalane. Waxay aad uga xuntahay in weerarkaas ay ku burbureen hanti, waxyeelona ka soo gaartay shaqaalahii joogay xarunta Qaramada Midoobay. Waxay caafimaad u rajaynaysaa dhamaan dadkii ku waxyeelobay dhacdadaa. “Waxay dabagal iyo baaris ku haysaa dadkii geystay falka. Waxay la socodsiinaysaa shacabka Soomaliyeed in ay gacan ku soo dhigi doonto dhamaan cidi ka dambaysay falkaa foosha xun, lana wadaagi doonto natiijada barista” ayaa qoraalka uu intaas ku daray. Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda amniga Soomaaliya.
-
Inta la xaqiijiyey 8 ruux ayaa ku geeriyootay 2bo kalana waa ay ku dhaawacmeen shil gaadhi oo xalay ka dhacay duleedka bari ee magaalada Burco. Sida uu sheegayo weriyaha Goobjoog News ee Somaliland, shilkan gaadhi ayaa waxa sababay labo gaadhi oo isku dhacay kuwaasi oo kala ahaa bas iyo booyad. Somaliland ayaa waxaa sanad kasta shilalka gaadiidka ugu geeriyooda boqollaal qof kumanaan kalana way ugu dhaawacmaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-London)Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa magaalladad London ayaa qoray inay Saraakiil ka tirsan Boliska La-dagaalanka Argagixisdda ay baaritaan ku sameeyeen Dhismo ay deggan yihiin Qoys Soomaali ah oo ku yaalla magaalladda Manchester. Saraakiisha oo la hadlay dadka deriska la ah qoyska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay rumeysan yihiin yihiin inay Qoys Soomaali ah deggan yihiin. Dadka deriska waxay kaloo sheegeen inay Qoyskaasi leeyihiin 4 ilaa 5 carruur ah, kuwaasi oo ku-dhawaad 12-sanno degganaa dalka Britain, iyagoo horey uga soo guuray dalka Holland. NOUSHA BABAAKACHEL oo deris la ah Guriga ay Ciiddanka baareen ayaa u sheegtay Wargeyska Daily Mail inay Qoyska Soomaalida la nool yihiin gabar iyo 2 Wiil oo ay dhaleen, mid uu dhigto Jaamacadda, halka midka kalena uu ka shaqeeyo Garoonka Diyaaradaha ee Manchester. Waxay intaasi ku dartay in Wiilka ugu yaraa qoyskaasi uu dib ugu laabtay Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Boliska Manchester weli ma aysan shaacinin sababaha loo beegsaday Qoyskaasi, balse waxa uu hawlgalkaasi ku soo beegmay, iyadoo ay Boliska Manchester sheegeen inay gacanta ku dhigeen qabteen Nin 25-jir ah, kaasi oo 3 qof dhaawacay habeenkii loo dabaal degayey sannadka cusub ee tirsiga Miilaadiyadda ee 2019-ka. Source
-
(SLT-Muqdisho)Madaxtooyada Soomaaliya ayaa go’aan ka qaadatay Saameyn Siyaasadeed uu Saacado kooban Abuuray Dalka iyo dibadiisana guux ka dhalisey. Fara gelinta Qaawan Ee Inta Badan Reer Galbeedka ku hayaan Soomaaliya waxay aheyd mid muuqatay siiba Wakiilada Qaramada Midoobeey Ee Soomaaliya Ujoogay. Hadda waxay umuuqataa in Beesha Caalamka iyo Dawlada Federaalka ay ka dhex tafatay lamana oga sida uu ku dambeyn karo Jawiga Siyaasadeed ee hadda Cirka sii galaya. Profesor Cumar sharif cabdulqadir axmed fiqi Oo Ah Aqoon yahan Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in Dawlada Soomaaliya Go’aanka ay Qaadatay ku saxneyd,islamarkaana wax khaladaad ah uusan ku arkin Warsaxaafadeedka uu akhriyey. Waxa uu Aqoonyahanku sheegay in Saameyn Culus aan lagala kulmi Karin fal celinta ay Qaramada Midoobeey Qaadan karto oo Soomaaliya Dhabar jab ku ah Go’aankeedaasi. Source
-
Burco ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka bari degmada Burco ee gobolka Togdheer. Shilkan ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen Gaari Booyad ah iyo mid Hoomey ah oo ay saarnaayeen dad Rakaab ah. Ugu yaraan illaa 8 Qof ayaa ku dhintay shilkaasi, halka ay dhaawacmeen labo kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhaawacyada 2 ruux oo mid ka mid ah laga deyrinayo xaaladdiisa caafimaad ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaallada magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Burco oo ku aadan shilkaasi. Inta badan shilal khasaaro geysta ayaa ka dhaca gobolka Togdheer, kuwaas oo loo sababeeyo burburka waddooyinka iyo darawallada oo si xawli u kaxeeya Gaadiidka, xilliyada ay ku socdaalayaan gudaha gobolkaasi. The post Shil khasaaro geystay Oo ka dhacay duleekda Burco appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somaliland ayaa sheegtay in ay ka xuntahay go’aanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dalka uga ceyrisay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha debadda Somaliland ayaa lagu sheegay in go’aankaasi uusan khusayn Somaliland,islamarkaana ay si buuxda ula shaqeynayso Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay,Mr Haysom. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay doorka Ergeyga Qaramada Midoobay ka qaatay nabadeynta Soomaaliya iyo xal u raadinta khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ka horjeesatay go’aanka dalka looga eryay Nicholas Haysom appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha KMG ee golaha wakiilada Puntland Xuseen Yaasiin Xaaji ayaa maanta magacaabay guddiga doorashada guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maaamulkaasi. Guddigan oo ka kooban illaa 7 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Abtiile, waxaana ay ka shaqeyn doonaan diyaarinta doorashada guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada Puntland. Baarlamaanka cusub ee Puntland oo ka kooban 66 Mudane ayaa guddoomiye cusub dooran doono 4 bishan January oo ku began maalinta Jimcaha ee soo socota. Sidoo kale doorashada guud ee hoggaanka Puntland ayaa la filayaa in ay dhacdo 8 bishan, taas oo si weyn qaban qaabadeeda looga dareemyo deegaanada maamulkaasi. In ka badan 20 Musharrax ayaa u taagan qabashada xilkaaasi, kuwaas oo ku loolami doono doorashada Madaxweyne ee Puntland. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo la magacaabay appeared first on Shabelle. View the full article