Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed (GIDG) oo goorhow qoraal soo saaray ayaa uga hadlay arrimo badan oo xaaladda dalka ah, iyaga oo ka soo horjeestay qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ee ka dhanka aheyd Nicholas Haysom, Go’aanka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed (GIDG) ayaa imaanaya saacado uun markii ay go’aanka wasaaradda iska diideen Somaliland iyo golaha isbedel-doonka koonfur galbeed Qoraalka Golaha Ayaa u Qornaa Sidan: Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed (GIDG) wuxuu cambaareynayaa weerarkii fuelynimada ahaa ee shalay, 01 January 2019, kooxaha nabad diidka ah ay ku weeraraan Xarunta Xalane oo saldhig u ah Safaaradaha, Hay’adaha, Ciddanka Nabad Ilaalinta (AMISOM) iyo Beesha Caalamka. Sidoo kale, kooxaha nabad diidku waxay weerar ku qaadeen 22 December, 2018, Xarunta Fanka iyo Dhaqanka Soomaliyeed (Nationa Theatre), halkaas oo ay ku dhinteen muwaadaniyiin fara badan, halka in badanina ay ku dhaawacmeen. Waxaan sida ugu xoogga badan u cambaareynaa weeararada qaawan ee si joogto ah loola beegsanayo ummadda Soomaaliyeed iyo Howl-wadeenada Beesha Caalamka. Dowladda Dhexe ee Soomaliya ayaa ka weecatay Masuuliyaddii shaqo ee loo doortay oo ahayd Xasilinta iyo Sugidda Amnigu ugu horeeyo, kuna beddelatat ismaandhaaf siyaasadeed oo joogto ah iyo faragelin aan Dastuuri ahayn oo ay ku hayso Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed sida dhacdadadii ka dhacday Magaalada Baydhabo taas oo faragelintii lagu sameeyey ay ka dhalatay dhimasho, dhaawac iyo barakac dadweyne, dadkaas oo ka hor yimid faragelinta guracan. Goluhu, wuxuu soo dhoweynayaa, si buuxdana u taageerayaa qoraalkii Beesha Caalamka (30 December 2018), gaar ahaan Xafiiska Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobay (SRSG), ee ahaa xaqiiqa raadinta falkii ka dhacay Baydhaba iyo ciddii Masuuliyadeeda lahayd. Waxaa nasiib darro ah, in qoraalkii xaqiiqa raadinta ahayd looga jawaabay, si Masuuliyad darro ah, oo aad uga fog Danta Dadka Soomaaliyeed. Goluhu markii uu arkay marxalada Amni iyo Siyaasadeed ee uu marayo dalku ayuu si buuxda uga soo horjeestay war saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliya 01 Jan, 2019 ee Dalka looga eryey Ergayga Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom, waxuuna Golaha Iskaashigu ku tilmaamayaa go’aan lagu fududaaday. Ugu danbayn Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu wuxuu ka codsanayaan Beesha Caalamka in aan la joojin taagyeerada ay u fidiyaan shacabka Soomaliyeed oo ku jira marxalado adag. Sidoo kale, wuxuu Goluhu xusuusinaya Guddiga Arrimaha Dibedda ee labada Aqal ee Baarlaamnka Soomaaliya in ay arrintan si taxdar leh wax uga qabtaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Maayirka Degmada Ceel-afweyn Oo Eedaymo Culus U Soo Jeediyay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. ‘Persona non grata’ waa jumlad Latini ah oo la macno ah ‘Qof aan qaddarin loo heynin ama aan laga soo dhoweyneyn dal uu ergonimo ku joogo’. In kastoo dowladuhu xaq u leeyihiin inay diplomaasi ka ridaan qaddarintii diblomaasiyadeed haddana waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay ciqaabta ugu adag ee ay dowladi diblomaasi ku ridi karto, madaama xeerka aanu dhigeynin in la xiro ama la maxkamadeeyo qof xasaanaddaas leh. Buug uu sannadkii 1973-kii qoray Professor Gamboa oo cilmiga diblomaasiyadda ku xeel-dheer ayaa Qaddarin ka qaadidda diblomaasiyeed ku macneeyay ‘dareen loo muujiyo diblomaasi aan xushmad looga sii heynin dalka marti-geliyay madaama uu waajibaadkiisa ka gudbay ama inta aanu gaarin qadka cagaaran ee dowladda martigeliysay lagu joojiyo’. Sida uu qabo xeerka caalamiga ah, diblomaasiga waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay xurmeynta xeerka dalka martida loo yahay, waxaana waajib ku ah inaanu ku xad-gudbin arrimaha gaarka ah ee dalka. Dowlad kasta waxay diidi kartaa diblomaasi loo soo magacaabay kahor inta aanu dalka imaanin ama marka la aqbalo kaddib, iyadoo ay ku xiran tahay sababaha loo cuskanayo go’aanka. Goormaa diblomaasiga qaddarinta laga qaadi karaa? Adeegsiga ‘qaddarin ka qaadista’ ma’ahan mid lala boodo, madaama xeerka caalamiga ah uu ku saleysan yahay daneysi laba-dhinac ah. Dowladaha waxay isku dayaan inaanay adeegsan awooddaas xitaa haddii ay caddeymo u hayaan in diblomaasi uu ku xad-gudbay dalka ama uu galay howl ka baxsan howshii loo igmaday. Adeegsiga awooddaas waxay sababi kartaa caro diblomaasiyadeed oo ka dhalata, haddii caddeymo qancin kara cidda ergayga soo diratay la helo waxaa dhacda in la beddelo ergayga si xiriirka diblomaasiyadeed uu u sii socdo. Wakiil Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wali mala eryay? Bishii July 2004, Madaxweynihii Falastiiniyiinta AUN Yasir Carafaat ayaa karaameynta diblomaasiyeed ka xayuubiyay Terje Rod Larsen oo ahaa diblomaasi Norway u dhashay kaas oo ergay gaar ah Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan uga ahaa Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) iyo Maamulka Falastiinee Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa, kaddib markii lagu eedeeyay ‘Isku day uu magaca kaga dilayay Falastiiniyiinta, isla markaana inuu ku xad-gudbay heshiis u dhaxeeyay maamulka Falastiin iyo Qaramada Midoobay. Jon Pronk wuxuu ahaa wakiilka gaarka ah ee Xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan ee Sudan. Bishii Oktoobar ee sannadkii 2006 ayay dowladda Sudan ka eriday dalkeeda, kaddib markii ay ku eedeysay inuu ka tegay dhex-dhexaadnimada markii uu ka hadlay arrimo quseeya ciidankeeda oo xilligaa dagaal kula jiray mucaaradka gobolka Darfur. Jon Pronk oo ah diblomaasi u dhashay Holland ayaa xilligaas bog uu leeyahay ku qoray qoraal uu ku sheegayo in mooraalka ciidamada Sudan uu hooseeyo, laba dagaal oo ay galeenna laga adkaaday. Oktober 2014, Scott Campell oo ahaa wakiilka Xoghayaha Guud ee Arrimaha bini’aadannimada ee Congo ayaa laga eryay dalkaasi kaddib markii uu warbixin dhaleceyn ah ka soo saaray howlgallo ay bilayska dalkaasi ku qaadeen dhallinyaro burcad ah. Waa wax caadi ah oo aan dhaqanka diblomaasiga ah ku cusbeyn in ergay la eryo, hase yeeshee waxaa dhici karta inay caqabado ka yimaadaan iyadoo ay hadba ku xiran tahay eedeymaha loo jeedinayo diblomaasiga la eryay iyo caddeymaha loo hayo. W/Q: Tahlil Colaad Xasan Erfurt, Germany Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. (SLT-Manchester) Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad ku martigelin doonta Liverpool habeenka Khamiista, waxaana kulankaasi uu noqon doonaa mid natiijadiisu saamayn wceyn ku yeelan doonto sida uu noqonayo horyaalka Premier League xili ciyaareedkan iyo naadiga ugu dambayn ku guuleysan doona. Manchester City si ay u furto tartanka hoggaanka sare ee u muuqda inuu koox kaliya gacanta u galo, waa inay ka adkaato Liverpool oo ay soo yarayso farqiga dhibcaha ay ka horreyso, laakiin Reds oo aan dhinaceeda dhulka la dhigin xili ciyaareedkan socda, ayaa waxay u halgami doontaa inay saddexda dhibcood kasoo qaadato naadiga Pep Guardiola oo xilligii ciidda masiixiga dhibaatooyin badan haleeleen. Pep Guardiola oo lagu yaqaano qaab ciyaareed wanaagsan oo ku dhisan isku-dhiib iyo goolal qof kasta oo kooxda ah uu dhaliyo oo aan hal laacib oo kali ah laga sugin, waxa sida taariikhda lagu bartay uu dhibaatooyinka ugu badan kala kulmaa Jurgen Klopp oo ah macallinka kaliya ee kulamadii ay iskaga hor yimaaddeen guulaha badsaday. Source
  5. Waxa jira dad Ku dooda guurtidu xulasho ayay Ku imanaysaa doorashase kuma Iman karto ,hadaba dadka aragtidaa qaba waxa horyaala sadex suaalood oo muhiima . 1- golaha guurtidu waa gole siyaaasiya ,oo qabanaya shaqada golaha wakiiladu qabto ,guud ahaan xeerarka wakiiladu ansixiyaana way marayaan ,markaa gole lasoo doortay iyo mid la soo xulay siday isula jaanqaadayaan ? 2- marxladii beelaha waa laga soo guurey ,siyaasada wadanka joongontayntedana xisbiyo ayaa Ku loolamaya ,markaa xisbiyada madaxwayne nimada u tartamaya ee deegaanka u tartamaya ee bàarlamaanka u tartamaya sidee bay ugu heshiin karaan xulista gole siyaasadeed ,yaase xulaya oo dhexdhexaada . 3- haddii laba gole oo isku mida kii sarre lasoo xulayo ,maxaa Ka hoose doorashadiosa laggu falayaa 4- siyaasad xisbiyo Ku dhisan , bàarlamaan xisbiyo Ku dhisan , xukuumad xisbi Ku dhisan iyo gole beelo soo xulaan sidee bay isula falgalayaan 5- ugu danbayn beelaha Ku muransan saami qaybsiga kiraasi gobolo Ku isman oo loo tartamayaa ma Ku heshiin karaan saami Ku salaysan beelnimo iyo xulasho . Source
  6. (SLT-Burco)-Siddeed qof ayaa geeriyooday, laba kalena waxa soo gaadhay dhaawac ka dib markii shil gaadhi uu ka dhacay duleedka magaalada Burco. Shilkan ayaa ka dhashay laba gaar oo isku dhacay, waxaana maydka iyo dhaawac dadkan la geeyay cisbitalka guud ee magaalada Burco. Labada gaardhi ee isku dhacay ayaa mid ahaa gaadhi rakaab halka mid kalena uu ahaa gaadhi booyad ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Weli waxaa isa soo taraya falcelinta laga bixiyey go’aankii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ee ay dalka uga saareen ergeyga xogheyaha guud ee qaramada midoobey Nicholas Haysom, Somaliland kadib waxaa ay iyagana qoraal soo saaray golaha Isbadal-doonka koonfur galbeed. Golaha ayaa ugu horeyn soo dhoweeyey codsigii ergeyga qaramada midoobey uu soo saaray 30/12/2018 kaas oo ku saabsanaa in la baaro gabood-fallo ka dhacay Baydhabo iyo soo-qabashadii Mukhtaar Roobow. Golaha Isbadal-doonka koonfur galbeed oo qoraalka sii wada waxaa ay sheegeen “Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka UK, Germany iyo EU ay ku baarayaan ku lug lahaanshiyaha booliiska koonfur galbeed qalalaasihii ka dhacay Baydhabo. Ugu dambeyntii, waxaa ay dowladda federaalka ah ugu baaqeen inay dib u fiiriyaan go’aankeeda iyaga oo codsaday in cadaaladda la hor keeno kuwii ka dambeeyey qalalaasihii ka dhacay Baydhabo Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Washington)-Dadka usoo dalxiiska taga magaalada Washington ee caasimadda Mareykanka ayaa maanta la kulmi doona inay xidhan yihiin goobaha soo jiidashada leh, sababo la xidhiidha hakadka ku yimid qeyb ka mid ah howlaha dowladda Mareykanka. Lacagta ku bixi jirtay inuu furnaado madxafka Smithsonian ayaa dhamaatay. Sidoo kale carwada qaranka ayaa iyana la xiri doona, waxaana dheer in in xarunta farshaxanka qaranka iyana albaabada la isugu dhufan doono khamiista. Hakadka ku jira howlaha dowladda Mareykanka ayaa maanta galay maalintii 12-aad ayada oo xisbiga dimoqraadiga uu isku diyaarinayo inuu la wareego hoggaanka aqalka wakiilada Mareykanka. Marka uu congress-ka cusub ee mareykanka fariisto khamiista, hogaamiyayaasha dimoqraadiga ayaa qorshaynaya inay si deg deg ah u ansixiyaan miisaaniyad cusub oo dib u furta dowladda islamarkaana 800,000 oo shaqaalaha federaalka ah dib ugu soo celiya shaqadooda. Waxa ay sheegeen in miisaaniyadda aysan ku jiri doonin lacagta uu doonayo madaxweyne Trump inuu darbi uga dhiso xuduudda Mexico, oo markii horeba keentay muraanka dhaliyey in miisaaniyadda 2019 aan la ansixin. Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee maamula aqalka senate-ka ayaa sheegay inaysan ansixin doonin sharciga aqalka wakiilada, haddii uusan raali ka ahayn madaxweyne Donald Trump. Source
  9. Waxaa nala baray in beesha caalamka ay dalka maamusho oo ay tahay lama taabtaan balse xaqiiqda ayaa ah Soomaaliya Soomaali baa leh. Shalay ayay ahayd kolkii Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabbilsan Soomaaliya Mudane Nicholas Haysom uu soo saaray warqad uu Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga dalbanayo jawaabo ku saabsan kiiskii xiritaanka Mukhtaar Roobow, muddaharaadkii meesha ka dhacay iyo sidii dowladdu u maaraysay. Maxaa ku jaban warqadda Haysom? In Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu qoro warqad ku wajahan dowladda Soomaaliya ma aha ceeb iyo wax lala yaabo, balse waxa la yaab leh qaabka dhaqanka dibloomaasiyadda ka arradan ee uu Wakiilku u qoray warqadda isaga oo faragelin qaawan ku samaynaya arrimaha gudaha Soomaaliya. Wakiilku waxa uu u hadlayaa sidii inuu yahay Madaxweynaha dalka oo isla xisaabtan ka dalbanaya mid ka mid ah Wasiirradiisa! Si kale haddii loo dhigana, kolka aad fiiriso weydiimaha tirada badan ee uu Wakiilku su’aalayo Wasaaradda Amniga Dowladda, waxaad is oranaysaa tolow Wakiilku ma waxa uu isu beddeley Macallin dugsi oo mid kamid ah ardaydiisa imtixaan ka qaadaya?!! Dowladdu sidee uga falcelisey warqadda Haysom? Ka hor intaanan qodobkan gudo-gelin, waxaan soo xasuustay hadal la yaab leh oo uu mar dhexdaas ah ku tiraabay Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Sacuudiga ka dib markii dowladda Canada ay ka dalbatay inay si degdeg ah u sii daayaan haweenay Sacuudiyaan ah oo ay Boqortooyadu xirtay. Wasiirka oo la yaabban sida ay Canada u soo faragelin karto arrimaheeda gudaha, una dalban karto sii deynta muwaadinad Sacuudiyaan ah oo u xiran dowladda Sacuudiga ayaa yiri “Waad nagu dhalleecayn kartaan xuquuqda banii’aadamka, xuquuqda haweenka…waddamada kaleba sidaas waa sameeyaan, xaqna waad u leedihiin. Waana arrin aynu ka fariisan karno oo ka wada hadli karno, laakiin inaad dalbataan sii deyn degdeg ah? Ma waxaanu nahay Jamhuuridda Mooska ‘Banana Republic’? Dowladda Soomaaliyana isla qaab kan oo kale ah aayay u falcelisey! Ka dib kolkii shacabka Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen warqadda ka soo baxday Wakiilka Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya waxay soo saartay warqad ay si adag ugu cambaaraynayso warqadda ka soo baxday Wakiilka. Cambaarayn uun baa dowlad Soomaaliyeed looga bartay soomaaha? Doorkanse halkaas dowladdu kuma aysan joogine, waxay Wakiilka af buuxda ugu sheegtay in hadda laga bilaabo aan waddanka laga rabin kol haddiiba uu jebiyey habmaamuuskii Qaramada Midoobey, kana tallaabay anshixii dibloomaasiyadda. Waa arrin la yaab leh oo aan looga baran dowlad Soomaaliyeed soomaaha? Haaheey! Tallaabada Dowladdu miyay khaldanayd? Isla markii ay dowladdu soo saartay warqadda ay waddanka kaga cayrinayso Haysom, dadka Soomaaliyeed waa ay ku farxeen oo baraha bulshada ayaa ay ku muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin go’aanka geesinnimada leh ee dowladdu qaadday. Shacabku inay arrintan la riyaaqaan waa gartood, saa waxay u barteen dowlado ninka caddaanka ah ee QM ka socda ka haybadaysta oo aan juuq u oran karin, si kasta oo uu u farageliyo arrimaha gudaha dalka. Waa gartood oo dowlad go’aan noocaas ah qaadan karta ma aysan arag! Waa gartood oo waxay ka daaleen faragelinta joogtada ah ee dalka iyo dadka lagu hayo. Waa gartood oo dowladnimo awood leh ayay baahi weyn u qabaan!! Marka laga yimaaddo badi shacabka Soomaaliyeed oo warqadda dowladda soo dhaweeyey, waxa jira koox aan badnayn oo mucaaradnimada iyo qarannimada kala garan la’, isla markaana la safan Haysom, una barooranaya! Waa arrin amakaag leh soomaaha? Haa, waxase ugu daran marka Xildhibaanno sheeganaya inay Qaranka metalaan soo saaraan warqad ay ku cambaaraynayaan go’aanka dowladda, Haysamka reer Koonfur Afrikana garab ku siinayaan! Waxa kale oo jira dhallinyaro aan badnayn oo khalad fahmey mucaaradadda isla markaana wax kasta oo dowladdu samayso ka hor yimaadda. Kuwaasi ma foga oo keliya waxay u baahan yihiin caqli-celin iyo in la fahamsiiyo farqiga u dhexeeya dowladda iyo xukuumadda markaas jirta. Farqiga u dhexeeya madaxbannaanida iyo faragelinta. Labo-wajiileynta Qaramada Midoobey Warqaddii shalay ka soo baxday Wakiilka Qaramada Midoobey waxa ka muuqatey munaafaqad iyo labo-wajiileyn la yaab leh. Waayo? Haysom waxa uu aad uga caraysnaa xiritaankii Mukhtaar Roobow oo aynu wada garanayno waxa uu dalkan ka geystey! Waa nin shalay ay u arkayeen argagaxiso ay tahay in la soo qabto, maantana wakaas Haysom u doodayo isaga oo weliba aan qarsanayn sida uu uga xun yahay xarriga ninkaas argagaxisada ah! Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed? Ugu danbayntii, go’aanka dowladdu qaadatay waxa laga yaabaa in Qaramada Midoobey aanay jeclaysan. Sidii Koonfurta Suudaan ka dhacday, waxa laga yaabaa inay ku handadaan inay waddankaba ka guuraan! Sidaasi darteed, shacabka Soomaaliyeed waa inay diyaar u ahaadaan ilaalinta madaxbannaanidooda iyo garabsiinta dowladdooda. Waxa inala gudboon inaan ku dadaalno bixinta canshuurta, si aanay Qaramada Midoobey innoogu guumaysan lacagta yar ee ay ina siiyaan! Waa in shacabka Soomaaliyeed u diyaar garoobaan inay waddankooda iyagu gacantooda ku dhistaan, dowladdoodana aanay kala bakhaylin canshuurta iyo lacagaha muhiimka u ah socodsiinta hawlaha dowladda. Sidii uu hore ugu gabyey abwaankii weynaa ee Qamaan Bulxan “Muslim kuma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne,” waa inaan caalamka u sheegnaa inaynaan ku cabiidsami doonin “Wallaan maalka (lacagta) kaa goyne!” Qore: Safiya Cabdullaahi Garaad Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa ku warramaya in labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya ay isku rasaaseeyeen Suuqa Xoolaha Xirga-Dheere ee degmadaasi. Labada Askari oo ka kala tirsanaa talisyada Booliska iyo Malitariga ayaa la sheegay in ay is dhaawaceen, loona qaaday Isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho, kadib uu dhaawac ahaan u dhintay mid ka mid ah Askartaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in waxyar kadib Askar kale oo ka caraysneyd falkaasi ay xoog ku galeen gudaha Isbitaalka, kadibna ay dhex dileen Askarigii kale. Illaa iyo hadda lama oga waxa keenay in ay dagaalamaaan Askartaasi, iyadoona xiisad ka dhalatay arrintani ay ka taagan tahay degmada Kaaraan ee G/ Banaadir. Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhacee. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-keesaney.mp3 The post Askari dhaawac ahaa Oo lagu dhex dilay Isbitaalka Keysaney appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Somalia’s government has ordered the United Nations envoy to the country to leave, amid questions over the arrest of the al-Shabab extremist group’s former deputy leader who had run for a regional presidency. A foreign ministry statement late Tuesday accuses Nicholas Haysom of diplomatic overreach that violated the Horn of Africa nation’s sovereignty, declaring him “persona non grata.” He arrived as envoy a few months ago. Haysom had questioned the legal basis used in the arrest last month of Mukhtar Robow, a former al-Shabab spokesman who defected from the group in 2017, and whether U.N.-funded regional police in the Southwest were involved. Ethiopian troops who are part of the African Union force in Somalia and Somali police arrested Robow days before the regional election in which Robow had been a leading candidate. Deadly protests followed. Ethiopia has not commented. Robow was flown to Somalia’s capital, Mogadishu, and has been held in a prison run by Somalia’s intelligence agency. Neither the U.N. nor Haysom has commented. Robow’s arrest has been seen as a high-profile test of Somalia’s treatment of defectors from the al-Qaida-linked al-Shabab, Africa’s most active extremist group. Somalia’s government welcomed his defection but not his popular candidacy to lead Southwest state, which took some officials by surprise. In confirming Robow’s arrest, Somalia’s security ministry cited the federal government’s ban on his candidacy, which said he had not completed the defection process. The ministry also alleged that Robow had failed to renounce extremist ideology, and accused him of mobilizing armed forces. A joint statement by the United States, more than a dozen countries, the AU mission and the United Nations expressed concern after the arrest and protests. Haysom’s letter to Somali authorities, seen by The Associated Press, questioned the legal framework of Somalia’s defection process and asked how Somali authorities were able to detain Robow beyond the normal 48 hours. The letter also questions the circumstances around civilian deaths in the protests and urges that they be “thoroughly and promptly investigated.” Source: AP
  12. (SLT-Washington)Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada Muqdisho, halkaasoo shalay madaafiic hoobiyeyaal lagu garaacay. Illaa todobo madaafiic ayaa ku dhacay xarunta UNSOM ee ku taal xeyndaabka Xalane, waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah shaqaalaha UN-ka iyo hal qandaraasle, waxaa la sheegay in dhamaantood dhaawacooda uu yahay mid fudud. Antonio Gutters ayaa sheegay in ficilkan uu yahay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadanimada.. Mr Guterres ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay arrintan baarto “Waa in la baaraa weerarkaas, si degdeg ah cadaalada loo horkeenaa kuwii ka mas’uulka ahaa”ayuu yiri Antonio Guterres. Waxaa uu sheegay in weerarkan aanu dib u dhigi doonin dadaalada Qaramada Midoobey ee sii wadida taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sidii nabadda iyo xasilooni looga dhalin lahaa dalka. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday xarunta UN-ka ee magaalada Muqdisho. Saacado kaddib weerarkaas dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal dalka looga ceyrinayo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay madax banaanida Soomaaliya. Source
  13. Abwaan Maxamuud Maxamed Yaasiin ( Dheeg) , waa ninka curiyey heeso ay ka mid yihiin . Ma salguura caashaqo oo ay qaadey Alle ha u naxariistee Xaliimo Khaliif Cumar (Magool) Dadnimada aqoonso oo ay wada qaadeen Alle ha naxariistee Maxamed Axmed (Kuluc) iyo Xaliimo Khaliif Cumar (Magool) Sida cinabka beeraha oo ay wada qaadeen Kuluc iyo Magool Beri hore waxa jirey oo ay wada qaadeen Alle ha naxariistee Maxamed Jaamac Joof iyo Maryan Mursal Ciise. Waxa uu abwaanku leeyay qisooyin jacayl iyo waayo nololeed oo aad u xiiso badan . Buuga laga qorey suugaantiisa , ee Hargeysa lagu soo bandhigey , xiiso badanaa. Mohamed Boosh Source
  14. Waa mid run ah oo ka dhacday dhulka kan aynu ku nool nahay gaar ahaan Hargeysa waxayna ahayd sidan:- Maalin maalmaha ka mid ah Abaaro 4:00 galabnimo ayaa waxa cisbitaal ku yaala magaalada hargeysa la keenay Nin aad u burbursan oo lafo badani burureen oo (coma) ama miyir beel ku jira hadba sidaad u taqaano’e markii loo sameeyey dhaqdhaqaaq caafimaad oo xooga oo laga badalay dharkii oo laga nadiifiyey dhiigii badnaa ee ka dhacay qaliina lagu sameeyey ayaa lagu soo celiyey waadhkii jajabka isagoo meel walba ay kaga duuban tahay (FAASHAD) ama baandhays ama goos hadba waa sidaad u taqaano’e markii waadhkii la dhigay dhamaan dadka waadhka jiifa waxa xiskooda miranaayey tolow ma gaadhibaa jiidhay, tolow ma baabuurbuu ka dhacay, tolow ma fooq buu kasoo dhacay, tolow ma gidaarbaa ku dumay iyagoo dadkii la yaaban ninkan waxa intan leeg ee ku dhacay ee sidan u burburiyey ayaa ay habeen noqotay oo intii seexanaysay iska seexatay intii taahaysayna iska taahday ileen waa dad jajabane. Markii waagii baryey Nin walbaaba waagii la toosye ayaa dadkii qof walbaaba wuxuu u hamuun qabaa inuu ogaado waxa ninkii ku dhacay. Markii la bariistay ayuu ninkii dhaq-dhaqaaqay oo koomo iyo hurdo dheer kasoo baxay ayey dadkii isagii oo kaliya cidii la seexatayna quraac iyo jidh maydhasho tagtay ayey dadkii ninkii su’aaleed “walaal maxaa kugu dhacay ee sidan kuu galay.” ninkii oo yara dhoola cadaynaaya xanuun badani ka muuqdo ayaa yidhi ” WALAL NIN DIYAARAD KASOO DHACAYBAA IGU DHACAY ……… AAAAAX LKN ALXAMDULAH………!!!!! Dadkii oo yaaban ayaa inan sariirta ku xigtay jiifay oo lug laga qalay ku celiyey “walal malaha is maydun fahmine maxaa u sabab ahaa nabaradaadan” Ninkii ayaa ku celiyey walal “Nin diyaarad kasoo dhacay baa igu dhacay dadkii oo la yaaban oo markaa qiray in ninkan jugtii wax u dhintay ayaa waxa ay arkeen inan isaga adeer u ah oo habeenkii la seexaday oo markaa quraac ku maqnaa oo markaa soo galay waadhkii waxayna su’aaleen dadkii “walal maxa inanka ku dhacay “ Wuxuu ugu jawaabay ” walal Nin diyaarad kasoo dhacay baa ku dhacay”. Dadkii yaab iyo fajacbaa kusii beermay waxayna waydiiyeen iyagoon aadba u rumaysnayn “oo kii kusoo dhacay mee” Wuxuu ugu jawaabay wuu iska tagtay lkn waa la garanayaa yaaaaab !!!!!!! Dadkii waxay is dhacsiiyeen laba Nin oo waalwaalan ayaa is wada. Duhurkii ayaa markii ay gaadhay waxa u yimid laba dumara waa xaaskiisii iyo walaashii oo dhar iyo qadaba u sida markii ay qadeeyeen ayaa ileen dadkii waa wardoone waxay waydiiyeen dumarkii walal “inanka maxaa sidan u galay” . Gabadhii waxay u jawaabay “Nin diyaarad kasoo dhacay baa ku dhacay”. Dadkii oo indhaha taagaya oo niyadooda is wada leh xaafadu malaha xaga xiska ayaanay ka fayoobayn ayaa ay gabadhii dareentay dadka wajigoodii oo ay ku tidhi” WALAALAYAAL WAA XAQIIQ WAA WAX DHACAY NINKAYGU WAA INJINEER MARKAA QANDARAAS AYUU KA QAATAY DAWLADA HOOSE EE HARGEISA OO AH BILICDA TAALOOYINKA SI LOO SII QURXIYO MUNASIBADA 18 MAY OO MARKAA SOO DHAWEYD MARKII UU QAATAY QANDARAAS KII AYAA WAXA UU NIN RINJIILE AH U DIRAY DIYAARADA SAARAN HALKII KHAYRIYADA HARGEYSI AHAAN JIRTEY ISAGOO MIDABAYNAAYA AYUU ODEYGAYGA OO HOOS TAAGAN KU SOO SIIBTAY OO DUSHA KAGA DHACAY SIDAASI AYEY WAX U GAADHEEN DADKII QAAR QOSOL LA DAATA QAAR YIDHAAHDA WALAHI ILEEN RUNTIISAY AHAYD OO NIN DIYAARAD KASOO DHACAY BAA KU DHACAY. ………. !!!!!!!! Xuquuqda Qalinka iyo SheekaCabdi Caawiye Facebook Cabdi Cawiye Ismacil Gunti-Gaab +2524115877 Source
  15. (SLT-Hargaysa)Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo Ka Tirsan mudanayaasha aqalka golaha wakiiladda Somaliland ayaa sheegay in madaxwaynaha Somaliland looga baahan yahay inuu fuliyo balan qaadyadii uu sameeyay markii uu safarka ku marayay goboladda bariga. Xildhibaanka ayaa sheegay in xukuumadda looga baahan yahay in ay furfurto lacagaha ay ku kaydinayaan Khasnadaha waxaana uu yidhi. “Xukuumadu Lacag badan hortu way uruurisay lakiin goorta la bixin doono iyo goobta lagu bixin doona ayaanan garanayn,mid kalena madaxwaynahu waakii soo maray goboladda dalka oo maalihii uu soo marayna wixii uu ugu balan qaadayna waa laga sugayaa inuu deg deg u fuliyo.Sidaas ayaa uu yidhi xildhibaan bashiir tukaale. Intaas waxa uu ku daray xildibaan Bashiir Tukaale isaga oo hadalkiisasiiwata.”Dhaqaale Yari Kale majirtee waa lacagtaas la uruuriyay ee sanaa-duuqda lagu gurayo markaas waxaan leeyahay lacagta umada ha gasho oo wax qabadka umadda la galiyo ayay lacagtu wax ku noqonaysaa. Source
  16. (SLT-Muqdisho)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Daokaasi Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay sababtii dalka looga Eryay Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom. Wasiir Cawad ayaa sheegay in Nicholas Haysom uu dhinac maray shaqadii diblomaasiyadeed,isla markaana uu u dhaqmay Nin Madax ka ah oo kale dowlada Federaalka uuna ku xad gudbay qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo la hadlay radio lugo badan ayaa tilmaamay in dhowr jeer qalalaad iyo warar uu dowlada kala tashan uu sameeyay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ay ugu dambeeysay warqadii uu u qoray Wasiirka amniga,isla markaana uu u la hadlay Wasiirka amniga sidii isaga qof ka tala qaato oo kale. Waxaa uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibada in dalka Soomaaliya ay madax ka yihiin dad Soomaaliyeed Go’aanka ay leeyihiin qofkii somaliya ka shaqeynaya iyo qofkii kaleba,isagoona xusay in Wakiilka Gaarka Ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom loo sheegay in Soomaaliya laga rabin,isla markaana uusan ka shaqayn karin. Hadalkaan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili habeen hore Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom uu ka hadlay xarigii Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo banaanbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Magalada Bayhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Soomaaliya. Source
  17. (SLT-Garoowe) Muddo lix casho ah ayaa ka hadhsan doorashadii madaxweynaha maamulka goboleedka Dalkaasi Soomaliya ee Puntland oo dhawaan ka dhaceyso magaalada Garowe ee caasimada maamulkaasi. Dadka falanqeeya siyaasadda doorashada ayaa sheegaya inay jiraan caqabado keeni kara in madaxweyne Gaas uusan markale kusoo laaban xukunta deegaanada maamulka Puntland oo muddo shan sano ah maamulayay. Waxyaabaha la isleeyahay waxay dib u dhigeen rajooyinka dib usoo laabashada madaxweyne Gaas waxaa kamid ah:- In xildhibaanada baarlamaanka ee lasoo xulay dhamaantood yihiin kuwo cusub oo doonaya in isbadal dhaco, taasi waxay noqon karta caqabada koowaad ee C/Welli Gaas, laakiin waxaa xusid mudan in isaga uu keenay inta badan xildhibaanada. Arinta Labaad ayaa lagu sheegaa inay tahay xumeynta xidhiidhka ka dhaxeeyay dowladda Soomaaliya oo hor istaagay mashaariic badan iyo dhaqaalo la doonayay in lagu maalgeliyo deegaanada Puntland, sida dhawaan uu sheegay C/raxmaan Faroole. Arinta seddexaad ayaa lagu sheegaa inay tahay fulin la’aanta balanqaadyo badan oo uu u sameeyay madaxda odayaasha dhaqanka ee Puntland, waxaana kamid ah dib u qabashada deegaanada ka maqan gacanta Puntland. Xumaanshaha xiriirkii kala haxeeyay Isimadda dhaqanka Beesha Sool clan oo meesha ka baxay ayaa la sheegayaa inay tahay dhabarjab kale oo C/Welli Gaas kasoo wajihi kara doorashada Puntland. Laakiin waxaa jiro fursado uu ku guuleysan karo oo ay ugu horeyso saameyntii uu ku lahaa soo xulista xildhibaaada baarlamaanka iyo dhismayaashii uu isaga dhagax dhigay. Source
  18. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda amniga XFS ayaa goordhow war ka soo saartay weerarkii Madaafiicda ahaa ee shalay lagu qaaday xarunta Xalane ee M/Muqisho. Warka ka soo baxay wasaaradda amniga ayaa ugu horreyn lagu sheegay in ay aad uga xun tahay, islamarkaana ay cambaarayneyso dhacdadaasi. Sidoo kale waxa ay shaacisay in ay caafimaad deg deg ah u rajeynayso shaqaalihii Qaramada Midoobay ee ku dhaawacmay weerarkaasi. Ugu dambeyn wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa tilmaamtay in ay baaritaan ku heyso dadkii ka dambeeyay Hoobiyeyaashaasi. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan oo uu khasaare ka soo gaaray shaqaale ka tirsan QM oo xilligaasi ku sugnaa xarunta xalane ee M/ Muqdisho. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Wasaaradda amniga Oo war ka soo saartay weerarkii Xalane appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Hargaysa) Xukuumadda Somaliland ayaa warqad ay ku cadaynayso in aanu khusaynin caydhintii Laga caydhiyay Soomaliya Ergayga Qaramada Midoobay . Nuqulka qoraalkaas ayaa u dhignaa sidan Source
  20. Muqdisho( Sh. M. Network )-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee XFS Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid ayaa maanta daah -furay kulan looga arrinsanayo la tashiga siyaasadda iyo sharciga Waraabka dalka. Ugu horreyn wasiir Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in dhawaan la dayactirayo kanaaladii waa weynaa ee Wabiyada dalka , si looga hortago Fatahaadaha ka dhasha Wabiyadaasi. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadka iy dalka uu muhiim u yahay, haddii la dhaqan galiyo la tashiga siyaasadda iyo sharciga waraabka dalka, maadaama xilligani baahi weyn loo qabo sharcigaasi. Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka waxaa meesha ka baxay barnaamijyo badan oo lagu horumarin jiray Tacabka Beeraha iyo Waraabka intaba. The post XFS Oo dayactireyso Kanaaladii Wabiyada dalka appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya dalka uga cayrisay ergeygii gaarka ahaa ee xoghayaha QM, Nicholas Haysom. Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayey ku sheegtay inay aad uga xun tahay go’aanka ay qaadatay dowladda Somaliland. Xukuumadda Hargeysa waxay sheegtay in go’aankan uu yahay mid aan khusayn Somaliland, isla markaana ay sii wadi doonaan wada-shaqayntii ay la lahaayeen ergayga QM. Somaliland ayaa ku amaantay Haysom in intii uu xafiiska jooga uu si wanaagan uga shaqeeyey nabadeynta Soomaalida dhexdhexdeeda iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Somaliland iyo Somalia. Hoos ka aqriso qoraalka Somaliland
  22. Ciidamada dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay in ay howlgal ka ka dhacay koonfurta Soomaaliya ay k ku dileen ilaa iyo 7 xubnood oo ka tirsan kooxda [...] Source
  23. Somaliland ayaa sheegtay in uusan khusayn go’aanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya dalka uga ceyrinayso Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soonaaliya Nicholas Haysom. Halkaa hoose ka akhriso. Source
  24. Wasaaradda amniga ee dowladda federaalka ah yaa cambaareysay weerarkii xarunta Xalane ee xafiiska UNSOM, waxaa war saxaafadeedkan ayaa imaanaya maalin kaddib markii madaafiic hoobiyeyaal lagu garaacay xarunta Qaramada Midoobey ku leedahay Xalane iyo kadib markii UN-ka ka dalbadeen dowladda baarintaan arrinkaas la xiriira. Xarunta Xalane oo talaadadii lagu garaacay hoobiyeyaal ayaa waxaa soo gaaray burbur hanti, waxaa kale oo ku dhaawacmay labo ka mid ah shaqaalaha UN-ka. Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com