-
Content Count
213,166 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Munaasabad ballaaran oo lagu soo geba gebeynayay wejigii koowaad ee dib u heshiisiinta K/Galbeed iyo taageeridda maamulka cusub ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo. Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxmed Mursal Sheekh C/raxmaan,C/weli Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka,madaxweyne Laftagareen,wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. XIldhibaanadii,wasiiradii iyo odayaashii dhaqanka oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantoodi muujiyay in ahmiyad ay leedahay midnimada shacabka Koonfur Galbeed,Ugu horeyn Xildhibaan Malaaq Aadan Ibraahim Dhaayow iyo wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Muhiim ay tahay midnimada dadka Reer koonfur Galbeed. C/casiis Maxamed Xasan(LaftaGareen) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed ayaa sheegay in qof walba oo ah oo Reer koonfur Galbeed uu heli doono adeegyada bulshada ee uu xaqa u leeyahay,isagoo ka codsaday bulshada in ay la shaqeeyaan maamulkiisa. Sidoo kale waxaa halkaasi hadal ka jeediyay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in horumarka iyo maamul wanaaga koonfur Galbeed ay ku xirantahay wada shaqeynta shacabka iyo maamulka koonfur Galbeed,wuxuuna ku booriyay maamulka iyo bulshada deegaanada Koonfur Galbeed in ay wadashaqeeyaan. Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uga mahad celiyay dadaalada dib u heshiisiinta ah ee uu wado isagoo la dardaarmay bulshada koonfur Galbeed,wuxuu guddoomiye Mursal uu sheegay in shacabka looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan maamulka si looga gudbo dhibaato kasta horumarna loo gaaro. The post Wejigii 1-aad Ee dib u hesiisiinta K/Galbeed Oo la soo geba gebeeyey appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-230119-1.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle loogu yeeray kulan deg deg ah oo ay ku yeelanayaan magaalada Jowhar. Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa badankood ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana adag inay ku nagaadaan magaalada Jowhar oo ah caasimada maamulka Hirshabeelle, sida wararka aan ku heleyno. Xildhibaanada ayaa kulan deg deg ah ka yeelanaya seddex arimood oo ay ugu horeyso khilaafka kala dhaxeeya guddoomiyaha baarlamaanka oo la doonayo in la xaliyo, maadaama xildhibaano badan ay kasoo muuqdeen wasaaradaha isku shaandheynta lagu sameeyay. Arinta Labaad ayaa ah inaysan qaadan wax mushaaraad ah bilihii ugu dambeeyay, taasi oo keentay in xildhibaanada ay ka caroodaan guddoomiyaha Baarlamaanka oo xiriir toos ah la leh ra’iisul wasaaraha dalka. Arinta seddexaad ayaa ah in la joojiyay dhismihii xarunta baarlamaanka Hirshabeelle, kadib markii Al shabaab ay u hanjabeen darawalada gaadiidkii ka shaqeynayay dhismaha xarumaha maamulka Hirshabeelle. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaano badan oo wasaarado aanan helin ay careysan yihiin halka kuwii helayna ay ka careysan yihiin in loo magacaabay wasaarado aysan ku qanacsaneyn. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda WhatsApp ayaa ka xadideysa dhammaan macaameesheeda inay halkii fariin dadka la wadaagaan in ka badan shan jeer. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallo lagula tacaalayo wararka been-abuurka ah ee lagu baahiyo WhatsApp-ka iyo bogagga kale ee la xiriira oo ay leedahay shirkadda Facebook. Facebook ayaa arrintan ka hirgalisay dalka Hinidya lix bilood ka hor. Tallaabadan ayaa la qaaday ka dib markii ay waddankaas ka dhaceen dhowr fal oo dadweynaha ay ku dileen shakhsiyaad, waxaana soo baxay warar sheegayay in ay falalkaas ka dhasheen warar been abuur ah oo lagu faafiyay WatsApp-ka. Illaa iyo haatan, dadka isticmaaala adeeggan ee ku sugan waddamada kale ayaa isu gudbin karay fariimaha ilaa 20 jeer. Sharciyadan cusub ee ay soo kordhisay shirkada WhatsApp ayaa looga dhawaaqay xaflad ka dhacday caasimadda Jakarta ee dalka Indonesia. Dalka Indonesia ayaa waxaa ka qabsoomaya bisha April ee soo socota doorashooyinka guud. Shirkada WhatsAp ayaa u sheegtay BBC-da in go’aankan ay qaadatay kaddib markii “si taxadar leh” ay u qiimeysay natiijooyinka baaritaan ay ka waday dalkaasi muddo sannad barkiis ah. “Xadiditaankan ayaa si xooggan hoos ugu dhigay fariimaha la isu diri jiray guud ahaan caalaamka,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay WhatsApp. “Arrintaan ayaa qeyb ka qaadan doonta in WhatsApp uu xoogga saaro fariimaha gaarka ah. Waxaan sii wadi doona dhageysiga jawaabaha aan ka heleyno dadka isticmaalo ee macaamiisheenna ah, muddo ka dibna waxaan raadin doona qaabab cusub oo wax looga qabanayo guud ahaan isticmaalka adeeggan”. Saameynta uu ku yeelan karo ganacsatada Ganacsatadda Soomaalida ayaa ka mid ah macaamiisha sida weyn u isticmaala adeegga WhatsApp-ka. Cabdirashid Cismaan oo ku sugan magaalada Nairobi, waa ganacsade iibiya gawaarida, waxa uuna u isticmaala WhatsApp-ka inuu dadka ugu diro sawirada gawaarida uu hayo. Sidoo kale Cabdirashid Cismaan, Shirkadaha iibiya gawarida ayaa usoo dira sawiro, isagana dad badan ayuuna lasii wadaagi jiray. “In shan fariin oo kaliya shirkada WhatsApp ay kusoo koobto fariimaha aan la wadaago macaamiisheyda waa arrin adag”, Ayuu yiri Cabdirashid Cismaan. “Waxaan ka baqayaa in culeys badan uu lasoo darso ganacsigeyga maadaama aan inta badan diro fariimo aad u tiro badan”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Fariimaha degdega ah Ku dhawaad 256 qof ayaa iska diiwaangelin kara guruub kasta oo WhatsApp ah. Marka, la sheekeysanayo, hal qof oo keliya ayaa haatan fariima la gudbiyo lasii wadaagi kara ilaa 1,280 oo ka mid ah dadka guruubka si ka duwan 5,120 oo qof oo uu horey u awoodey inuu fariinta u diro. hase ahaatee wali ma jirto si loo joojin karo dadka fariimaha helaya in ay u sii diraan fariimahaasi in ka badan shan mar oo kale. Xaddiditaankan ayaa imaana xilli adeegyada shirkadaha WhatsApp iyo Facebook la baarayo dowrka ay ka qaataan baahinta wararka beenabuurka ah ee baraha bulshada la iskula wadaago. Toddobaadkii lasoo dhaafay, shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay xirtay shan boqol oo bogag iyo koontiyo isugu jiray oo si sharcidarro ah uga qeyb qaadanayay faafinta wararka beenabuurka ah ee gudaha dalalka bartamaha Yurub, Ukrain iyo dalal kale oo ku yaallo bariga Yurub. Waxay sidoo kale ku dhawaaqday Facebook inay shaqaaleysiisay koox xaqiiqo raadin ah oo fadhigoodu yahay Britain si sharciga saxda ah ee Facebook loo waafajiyo wax walba oo baraha bulshada galaya. Sikastaba ha ahaatee, adeegsiga xogaha xafidan ee WhatsApp ayaa ka dhigan in fariimaha shirkaddan ay aqrisan karaan oo keliya dadka loo diro iyo kuwa ay gaaraan fariimuhu, taasi oo xadideysa awoodda shirkadda ee ah inay ogaato wararka been abuurka ah. Balse dhammaadka sanadkii lasoo dhaafay, warbaahinta Indian Press ayaa qortay in dowladdu ay ka fakareysay inay isbeddel ku sameyso sharcigan kaasi oo ku qasbaya Facebook iyo WhatsAp in lagula xisaabtamo waxyaabaha “sharcidarada ah” ee la baahiyo. Tallaabadan ayaana haddii la hirgaliyo waxay caqabad ku noqoneysa xuquuqdeeda gaarka ah ee xafidnaanta xogaha khaaska ah. Source
-
(SLT-Moscow)-Maxkamad ku taalla dalka Ruushka ayaa diiday in dammaanad lagu sii daayo nin u dhashay dalkaan Mareykanka oo loo heysto inuu falal basaasnimo ah ka waday Ruushka. Paul Whelan, oo ahaa askari u soo shaqeeyay ciidanka badda ee Mareykanka, ayaa Talaadadi shalay kasoo muuqday maxkamad ku taalla magaalada Moscow si uu abiil uga qaato xarigiisa. Garsoorihii Maxkamadda ayaa amray in Whelan xabsiga lagu sii hayo ilaa dhamaadka bisha February. Haddii lagu helo eedaha loo soo jeediyay oo ah inuu ahaa jaajuus, waxaa dhici karta in lagu xakumo 20 sano oo xabsi ah. David Whelan oo mataan la ah Paul, ayaa bayaan uu soo saaray kaddib dhageysiga maxkamadda ku sheegay, in wali ay dowladda Ruushka ka la’yihiin faah-faahin ku saabsan sababta ay ugu maleeyaan in Paul uu yahay basaasb. Wuxuu sheegay in qoyskiisa ay ka walwalsanyihiin caafimaadkiisa iyo inuu naftiisa ku difaaco luqadda Ingiriiska muddada uu xiranyahay. Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ay in diblamaasiyiinta ay si dhaw ula socdaan kiiska Whelan, sidoo kalana ay dhageysigii maxkamadda ka qeybgaleen wakiillo matalayay safaaradda Mareykanka ee Moscow. Source
-
(SLT-Cardiff)-Diyaarad yar oo uu saarnaa ciyaaryahan u dhashay dalka Argentine Emiliano Sala kuna soo jeeday magaalada Cardiff ayaa la waayay iyadoo maraysay jasiiradaha Channel. Sala ayaa waxaa soo iibsatay kooxda Cardiff City oo ka ciyaarta horyaalka Premier League iyadoo lacag gaadheysa £15m ka siisay kooxda ka dhisan dalka Faransiiska ee Nantes. Ciyaaryahankan oo 28 jir ah ayaa ka soo raacay Piper Malibu waxaana diyaaradiisii ay hawada ka baxday xalay iyadoo dul mareysay Alderney oo kamid ah Channel Islands Booliska raadinayay halka ay ku dambeysay diyaarada ayaa sheegay in laga quustay diyaaradaas ayna joojiyeen baaritaanka. Boqolaal taageerayaasha kooxda uu u ciyaari jirey ee Nantes ayaa bilaabay inay isugu soo ururaan garoonka kooxda iyagoo raadinaya wararka ugu dambeeya ee laacibkii hore ugu ciyaarayay kooxda Nantes. Emiliano Sala ayaa ku dhashay Santa Fe ee dalka Argentina balse waxa uu ku soo shaac baxay dalka Faransiiska. Ciyaaryahankan ayaa ka mid ahaa shanta laacib ugu goolal dhalinta badan horyaalka Ligue 1 ee dalka Faransiiska xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 11 gool. Source
-
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa ka aragti dhiibtay muddo kordhintii dhowaan loo sameeyey golaha wakiilada. Intooda badan waxa ay sheegeen in aanay raali ka ahayn arrintaasi oo ay kasoo horjeedaan, waxaana ay ku taliyeen in golaha Guurtida qudhooda wax laga bedalo. Dadka qaar ayaa qaba in arrintan ay tahay un mid lagu doonayo in lagu sii joogo taasina aanay dan u ahayn Somaliland waa sida ay hadalka u dhigeenne. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CODADKA-SHACABKA-HARGEYSA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Xidhnaashaha qeybo ka mid ah Hey’adaha Dowladada Federaalka Mareykanka ayaa galay bishii labaad, xilli wili uu taaganyahay ismari-waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Trump iyo hogaamiyaasha xisbiga dimoqraadiga. Madaxweyne Donald Trump ayaa ku adkeysanaya dalabkiisa ah in la siiyo lacag ka badan 5 bilyan oo dollar oo uu rabo inuu derbi uga dhiso xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico, laakin mudanayaasha xisbiga dimoqraadiga oo hadda leh aqlabiyadda Aqalka Wakiilada ayaa diiday arrintaasi. Qoraal uu talaadadi shalay soo dhigay bartiisa twitterka ayuu Trump ku sheegay in darbi la’aantii uusan Mareykanka waligiis yeelan doonin amaan qaran. Wuxuu kaloo intaasi raaciyay in haddii darbi xoog leh ama gidaar ka sameysan bir laga dhiso xadka ay hoos u dhici doonaan danbiyada la xiriira daroogada, taasoo buu yiri ay ogyihiin dimoqraadiyiintu balse ay rabaan in ay ciyaaraan dheel siyaasadeed. Dhanka kalana, hogaamiyaha aqlabiyadda Golaha Senetka Mitch McConnell, oo ah xildhibaan Jamhuuri ah oo senetka kasoo galo gobolka Kentucky, ayaa sheegay in senetka ay Khamiista cod u qaadi doonaan qorshaha madaxweyne Trump ee xadka iyo qorshe ay dimoqraadiga soo gudbiyeen oo ah in dowlada miisaaniyad loo helo ilaa bisha siddeedda Febraayo. Source
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Injineer C/raxmaan Yariisow ayaa u digey dad uu sheegay in weli ay ka madax adeegayaan iney isaga guuraan dhulalka danta guud ah oo ay si sharci darro ah ku dhisteen. Wuxuu sheegay in maamulkiisa uu ka go’an yahay in lasoo celiyo dhammaan dhulalka danta guud ah, ayna aqbali doonin in lasii deganaado. Yariisow ayaa sheegay in laga saari doono cid walba oo degta dhulalka danta guud ah wax walbo oo ay sheegaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/GUDOOMIYAHA-GOBALKA-BANADIR-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Aqoonyahan Maxamed Axmed Maxamuud oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya aanay waxbo u qaban shacabka ay matalaan. Waxa uu sheegay in xildhibaannada looga baahnaa markii ay fasax galaan in ay deegaannadooda ku laabtaan, islamarkaana soo eegaan waxa ka jira halkaasi, ama ugu yaraan ay dadkooda wax u qabtaan. Aqoonyahan Maxamed ayaa sheegay in la yaab ay tahay marka xildhibaannada fasaxa galaan badankooda ay dib ugu laabtaan Hoteello uu sheegay in magaalada Muqdisho ka deggan yihiin. Nidaamka lagu soo xulo ee xildhibaannada ayuu sheegay inuu yahay midka dhibka ku haya umadda Soomaaliyeed, loona baahan yahay in doorasho xalaal ah oo shacabka ka qeybqaataan la galo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Aqoonyahan-Maxamed-Axmed-Maxamuud-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada Soomaaliyeed iney ka shaqeeyaan aayaha dalka, islamarkaana yihiin kuwa dalka berry xukumi lahaa. Waxa uu sheegay in maskaxda dhallinyarada ay tahay mid nadiif ah, islamarkaana dalka ku hoggaamin kara meel wanaagsan. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u sheegay dhallinyarada in haddii aqoontooda iyo maskaxdooda nadiifka ah uga faa’ideeyaan dalka ay wax badan qaban karaan. Dhanka kale, madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalkan uu soo maray marxalado kala duwan welina dalka u baahan yahay in wax badan loo qabto. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Xasan-Sheekh-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa soo xirey wejiga Koowaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha K/galbeed, kaasi oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Shirkaan ayaa si gaar ah diirada loogu saaray in beelaha wada dega K/galbeed ay si wadajir ah uga shaqeeyeen Nabadda iyo in wixii horay u dhacay la iska cafiyo. Maxamed Mursal Gudoomiyaha Barlamanka soomaliya oo shirkaas soo xiray ayaa uga mahad celiyay beelaha heshiiyay si nabad ay uga shaqeeyeen. Waxa uu guddoomiye Mursal sheegay in wejiyada kale ee dib u heshiisiintana rajeynayaan in beelo kale ku heshiiyaan. Sidoo kale, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ku booriyey beesha caalamka iyo cid walbo oo taageerta K/galbeed iney xoojiyaan taageeradooda, maadaama hadda K/galbeed ay ka bilaabatay dib u heshiisiin. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Gudoomiyaha-Baarlamaanka-dal-MURSAL-CAAWA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay war uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya, kaasi oo lagu sheegay in hubkii lagu fuliyey weerarkii hotelka DusitD2 uu ahaa hub ay leedahay dowladda Soomaaliya. Cabdi Saciid Maxamed Cali, oo ah la-taliyaha dhanka amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah. Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayuu Cabdi Saciid ku sheegay inaysan jirin wax caddeymo ah oo dowladda Soomaaliya lala wadaago, oo muujinaya in hubkaas uu yahay mid ay dowladda Soomaaliya leedahay. Waxa uu sidoo kale sheegay in dadkii weerarka fuliyey ay ahaayeebn Kenyan u dhashay dalkaas, oo aysan ahayn Soomaali. Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in baaritaan horudhac ah uu muujinayo in lambarka taxanaha (serial number) ee qoryaha uu la mid yahay kan ciidamada dowladda Soomaaliya. Si kastaba, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya. Dowladda kasta waxay leedahay lambar aqoonsi oo hubkeeda ku dheggan, waxaana sida Daily Nation uu daabacay, qoryihii lagu fuliyey weerarka 14 Riverside ay lahaayeen caalamadda “SO” oo ay isticmaalaa ciidamada Soomaaliya. “Weli waxaan isku dayaynaa inaan ogaano sida argagixisada ay ku heshay hubkan, balse waxaan u malaynayaa inay ku qabsadeen mid ka mid ah weerarada tirada badan ee Al-Shabaab ay ku qaaddo ciidamada dowladda Soomaaliya” ayuu yiri sarkaal ka tirsan qeybta-dambi baarista Kenya ee DCI. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Siad Barre Maalintu Gaaloobay Dhacdo waa odey ka Sheekee Qore: Dr. Saeed Sheikh Mohamed Siyaad Barre xukun kiisii, waxa aan laba qof ku murmikarin oo miyarkooda qabaa inuu ahaa macangag, dab iyo naar ah oo dadka tudhaale u lahayn; diinta iyo dhaqanku waxay xagiisa ka ahaayeen bar kuma taal. Inta amaantaa waa dad kooban oo qabyaaladi ka hadlinayso ama dano gaar ah kulaha. Dhacdadii ugu xumayd, ugu naxdinta iyo yaab ka badnayd waxay ahayd maalinta uu Gl. Maxamed Siad Barre u meel mariyey xeerka qoyska ee uu Alle iyo diintiisaba kaga go’ay ee uu gaalnimo cad meel isu taagay. Dhacdadaasi waxay ahayd maalintu Xeerka Qayska oo uu ku badalay xeerkii shareecada Islaamka ee muslim oo dhami waligood ku dhaqmi jireen. Xeerka si kidis ah ayuu Siad Barre u meel mariyey January 11, 1975 iyado aan laga fiirsan, culimadana wax laga weydiin, dhibta ka iman kartana la adorosin, wax qadarin ahna la siin dadka 100% muslimka ah ee xeerku khuseeyo iyo dhibta ka dhalan karta. Ujeedada qodha ee Siad Barre kalaha waxay ahayd inuu madaxdii Midawga Soofiyati, ee uu midiidinka u ahaa, iska dhaadhiciyo inuu shuuci dhaba yahay. Waxaanu se ogeyn in Midowga Soofiyati uu xukumi jirey malaayiin muslim ah oo diintooda aanu marnaba si toos ah u faragalin jirin. Xeerka qoysku wuxuu si toos ah uga horyimi Quraanka iyo Sunaha Rasuulka Calayhi Salaatu Wa Salaam. Qodobada ugu muhim Sanaa waa: Habka meherka Islaamka wax laga badaly; Dalaaqda oo aan dhici Karin iyadoo maxkamadi aqbasho mooyee; Afadu haday diido in saygeeda ay kala tagaan, waxa waajib ah in reerku wada joogo; Nin kuu haduu ku celceliyo: waan ku furay iya doo maqlaysa; inaan waxba laga soo qaadayn. Dhaxal ka inay raga iya dumarku isku qoriyihiin xaalad kastoo jirta. Xeerku wuxuu xalaaleey inay lamaane meher isu hayne inay xaaraan ku wada joogaan. Xeerka waxa markiiba ku gacan saydhay culimo badan oo waqtigaa ku sugnaa Mogdisho. Shan cisho markay ka soo wareegtay, (maalin Jimca ah, January 16, 1975) ayaa Masjidka Cabdil Qadir, markii salada jimcaha la tukaday, ayey culimadu bilaabeen inay dadka u bayaamiyaan sida uu xeerka qoysku uga soo horjeedo diinta Islaamka. Dad kii salaada u yimi ayaa ku nagaaday masjidka oo qofba ka muu bixin. Jaar kii masjidka ayaa debeda isugu soo baxay iyaguna; dad kaloo badanina way ku soo biireen si ay culimada taageero ugu muujiyaan. Wacdigu wuxu soconaayey saladii Jimce ila saladii casar (1:00– 3:30). Culimada meesha ka hadashay iyo kuwii masjida joogayba waxay ahaayeen culimadii waa wayneed ee caanka ahaa sida laga soo xigtay Sheekh Maxamed Garyare oo waqtigaa masjidka ku sugnaa. Culimadu waxay aad uga hadleen sida xeerku siduu diinta iyo shareecada Islaamka uga soo horjeedo, iyagoo isbarber dhigaya Quraanka iyo Sunuhu waxay faraayaan muslinka, iyo xeerku fariinta uu xambaar sanyey iyo sida aaney isula jaan qaadi karin Xeer Qaysaka iyo Diinta Islaamku. Culimadu waxay ku nuux nuux sadeen dadkana ugu baaqeen inay diidaan xeerka oo aaney marnaba ku dhaqmin kuna dheeradaan inay ka soo horjeestaan; waxaaney uga digeen dadka cadho Alle inay ku dhacdo hadii ay xeerkaa ogalaadaan. Dhinaca kalana waxay fariimo adag oo xaq ah u direen Siyaad Barre iyo maamul kiisii. Waxany ku booriyeen in xeerka in sidu u dhan yey daaqada laga tuuro. Siyaad Barre oo jaahil ka ahaa dhan diineed, dhan siyaasadeed, iyo dhan bulsho waxa uu ka qaaday baaqiii culimada cadho iyo kibir. Wuxu iska dhaadhiciyey inay culimadu liddi ku yihiin maamulkiisa isagoo marka horeba sas ka qabay cid kasto diin ka hadasha. Amar degdega ayuu ku bixiyey in la soo qabto culimada iyo dadka masjidka joogayba. Salaaddii casar ayey boqolaal ciidanka nabad-gelyda ah oo aad u hubaysan hareereeyeen masjidkii. Waxay qab-qabteen dad badan oo meesha ku sugna, iyagoo bar tilmaamaysanaya culimadii ugu magaca wayneed ee bir-ma-geedada ahaa. Markiiba Maxkamada Badbaadada Qaranka oo magac u yaal ahayd ( Siyaad Barre ayaa wax walba ahaaye ) ayaa loo gudbiyey. Waxa lala tiigsaday Xeerka 54 ee ciqaabta kuna saabsaana (diinta oo loo adeegsado burburinta qaranka). Xeerku wuxuu ka mid aha xeerar badan oo ciqaab ah mar qudha Siyaad Barre soo saaray oo isgu jirey “dil, xabsi, iyo bahdalaad si qof kii kalmad yidhaa ba afka loo jabiyo. Xeerarkaa aduun yadu waxy u aqoonsatay inay yihiin qaar kasoo horjeeda xuquuda qofka ee aduun yadu isla ogoshay. Culimadii waxa lagu xukumay: 10 Sheekh dil toogasho ah; 6 Sheekh 30 sano oo xadhig ah; 20 Sheekh 17 sano oo xadhig ah. Maalinta Bishu ahayd January 23, 1975 ayaa dil toogasha ah lagu fuliyey 10 Sheikh oo aan dembi gelin. Culimadu Alle ha u naxriistee iyagoo ilkaha cadaynaaya oo aad ugu faraxsan in Alle u aqbalay inay iyagoo shuhada xaga Alle u dheelmadaan, oo naacawda janadu usoo ureyso, carabkana ku haya aayadaha busharada ee Suurada Aal Cimraan ayey naftii midwalba ka baxday. وَلَا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَمْوَاتًا ۚ بَلْ أَحْيَاءٌ عِندَ رَبِّهِمْ يُرْزَقُونَ)169( فَرِحِينَ بِمَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ وَيَسْتَبْشِرُونَ بِالَّذِينَ لَمْ يَلْحَقُوا بِهِم مِّنْ خَلْفِهِمْ أَلَّا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ )170 ((۞ يَسْتَبْشِرُونَ بِنِعْمَةٍ مِّنَ اللَّهِ وَفَضْلٍ وَأَنَّ اللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ الْمُؤْمِنِينَ )171 Waxa yaable inaan dawladahaa carbeed ee muslimka ahi inaanay xataa cambarayn falkaa Culimada lagula kacay. Kaba siidarane Siyaad Barre magac iyo maamuus ayabuu ku helay dhiigii culimada, hub iyo caawimo badana waa la siiyey, waanaa loo sed kordhiyey. Culimada 10 ka ah ee shahiiday waxay ahaayeen: 1.Cali Hasan Warsame Cali Jamac Hirsi Adan cali Hirsi Sheekh Axmed Imaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Hasan Iise Iley Maxamed Siyaad Xirsi Sheekh Muse Yuusuf Saleebaan Jaamac Maxamed Yasiin Clmi Cawl. Siyaad Barre dhibta faraha badan ee shacabka uu ugaystey, ee ay ugu mudnayd shariicada Islaamka ee uu faraha lagaly, iyo dilka culimada lagula kacay ,waxba ka muu soo qaadin. Waabuu ka sii daray oo wuxuu damcay in culimadu qasab ugu oleleeyaan Xeerka Qayska, isna waafajiyaan xeerka iyo shareecada Alle. Sheekh Maxamed Macalin ee caalimka wayn ahaa Alle ha u naxariistee, ayaa tafsiirka Quraanka ka akhriya xiligaa masjidka Cabdil Qadir. Amar ka Iaahay waxa isku soo beegmay xeerkii Qayska oo olelihiisii socdo, iyo casharka uu Sheekh maarinaayey oo ahaa Surata Nisa’a, ayaadaha dhaxalka khuseeya. Madax ka tirsanaa Goleha Saree e Kacaanka iyo sabaaniyadii Siyaad Barre ayaa u tegey Sheekha si ay ugu khasbaan inuu badalo macnaha aayadaha Suurta Nisa’a ee uu ayaantaa uu ayaamahaa bilaabaayey fasilaadooda. Isla markaana waxay u sheegeen inuu u dadka u sheego in Xeerka Qayska ee Siyaad Barre malmaluuqay mid waafaqsan Quraan ka iyo Sunaha. Sheekh waxa loogu hanjabay in haduu amarkaa sidiisa u fulinwaayo in sidii culimadii hore loo galay si la mida isagana loo geli doono. Sheekh Maxamed macalin arrinkaa umuu jixinjixin; cabsigelin iyo caga juglaynina waxaba ka may badalin. Tafsiir kii aayada dhaxal ka (waatan hoosta ku qorane), sidii Alle yidhi ayuu u mariyey. يُوصِيكُمُ اللَّهُ فِي أَوْلَادِكُمْ ۖ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الْأُنثَيَيْنِ ۚ فَإِن كُنَّ نِسَاءً فَوْقَ اثْنَتَيْنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَ ۖ وَإِن كَانَتْ وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ ۚ وَلِأَبَوَيْهِ لِكُلِّ وَاحِدٍ مِّنْهُمَا السُّدُسُ مِمَّا تَرَكَ إِن كَانَ لَهُ وَلَدٌ ۚ فَإِن لَّمْ يَكُن لَّهُ وَلَدٌ وَوَرِثَهُ أَبَوَاهُ فَلِأُمِّهِ الثُّلُثُ ۚ فَإِن كَانَ لَهُ إِخْوَةٌ فَلِأُمِّهِ السُّدُسُ ۚ مِن بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصِي بِهَا أَوْ دَيْنٍ ۗ آبَاؤُكُمْ وَأَبْنَاؤُكُمْ لَا تَدْرُونَ أَيُّهُمْ أَقْرَبُ لَكُمْ نَفْعًا ۚ فَرِيضَةً مِّنَ اللَّهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا (11) Taasi waxay keentay in Sheekh Maxamed Maclin isla habeen kiiba la xidho. Mudo dheer ayuu Siyaad Barre u xidhnaa isagoon waxba galabsan. Dhacdadaasi waxay ahayd mid curad ah oo hore iyo dibtoona u soo marin dadka af soomaliga ku hadla, gobol kay doonaan ha joogaane. Xukumadiihii reer yurub ee gobolada Somaliyeed kala xukumaayey, iyo Boqortooyadii Abassiniyaa (Ethiopia) mid koodna fal kaa soo kale ah dadka Somaliyeed ee muslimka ah kulamay kicin. Waa markii ugu horeysay ee carada Somaaliyeed gaar ahaan Jamhuuriydii Somaliyeed dad lagu ciqaabo diintooda awgeed (religious persecution). Xeerka Qayska ee Siyaad Barre malmaluuqay, iyo ayaadaha Quraanka ee uu sida badheedhka ah uga horyimid, iyo falal kii uu raaciyey ee foosha xumaa, waxay daka Somaliayeed u cadeeyeen meel ay joogaanba culimaduna isku raacday, inuu Siyaad Barre gaaloobey oo Alle iyo Nibigiisiiba ka go’ay. Meel uu ku toobad keeneyna anigu maan maqlin, manaan akhriyin, cidina iimay sheegin. Xeerkii Qoyska intaan ka war hayo maamulkii Siyaad Barre kama noqon. Haduu toobad la’aan ku dhintay gaalnimo ayuu ku dhintay oo in loo duceeyaa ma banaana. Waxan ugu baaqayaa Culimada Soomaaliyeed meel ay joogaanba in Jimcahan fooda inaguu soo haya dhacdadaa aad loo xuso loona aqoonsado malinta January 23 maalinta Shuhadada Diinta oo sanad walba la xuso si loogu cibro qaato. Waa maalin xanuun badan, oo xusuus mudan, oo wax ku qaadasho iyo ku daysho le. Waa waajib diiniyaa oo distoorku ogolyey inay shacab ku diintooda ilaa shadaan, culimaduna hormood ka noqdaan, dad kuna ku taageeraan. Ugu dambaystii, waxan Madax Weynaha Somaliland Mudane Muse Biixi Cabdi inuu qodobada Distoorka ee cadilan uu taabo geliyo, gaar ahaan Qodobka 115 ee ku saabsan Gudida Ulimada oo aad loguo baahan yahay si ay u bayaamiyaan shuruucda dalka lagu maamulayaa inay Shareecada waafaq santay iyo inkale. Wa Bilaahi tawfiiq. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Weriye hore oo ka hawlgaliyey jiray mid ka mid ah raadiyeyaasha Kenya ayaa halis ku jira kaddib markii uu dalbaday in si deg deg ah loo musaafuriyo siyaasiyiinta Soomaalida Kenya oo uu ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay kahor tagga weerarada badan ee argagixisada ee dalkaas ka dhaca. Qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa, ayuu David Harison Oluoch oo ahaa wariye ka tirsan Raadiyaha Citizen, ku sheegay in hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Aaadan Barre Ducaale, Abuukaate Cabdinaasir Cabdullahi, Senotor-ka Gaarisa Yusuf Xaaji in laga eryo dalkaas. “Si loo dhammeeyo argagixisada Kenya, dhammaan Soomaalida oo ay ku jiraan Cabdinaasir Cabdullahi, Yuusuf Xaaji, Aamina Maxamed iyo Aadan Ducaale waa in laga eryo Kenya oo ay ku laabtaan dhulkooda hooyo, Soomaaliya si ay uga gacan uga geystaan horumarinta dalkaas dagaalada halakeeyeen,” ayuu qoray. Isaga oo muujinaya aragtidiisa, Oluoch waxa uu weydiin ka keenay in aan wali Ducaale aysan hay’ada ammaanka aysan kula xisaabtamin weerarkii Jaamacadda Gaarisa kaddib ballan qaadkiisii ahaa in uu magacaabi doono maalgaliyeyaasha argagixisada dalkaas. “Muddo kahor kaddib weerarkii argagixiso ee Jaamacadda Gaarisa, Ducaale waxa uu ballan qaaday in uu magacaabi doono maalgaliyeyaashii weerarka. Sidee ku dhacday in hay’adaha ammaanka ee dowladda aysan wali u dabagalin arrintaas? Dowladda waa in ay joojisaa in ay shaqooyinka sar sare ee dalka siiyo dad noqon kara argagixiso,” ayuu hadalkiisa ku daray. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Washington DC (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka, ayaa raali-gelin ka bixisay qoraal ay sanadii 2012 soo dhigtay barteeda twitter-ka oo aay u dhibsadeen dadka Yahuudda. Qoraalkaas ay Ilhaan Cumar ku sheegtay in Israel ay dunida maamusho, ayada oo ficillo xun sameynaysan, waxayna sheegtay inaysan fahamsaneyn xiligaas in erey ay adeegsatay uu aflagaado ku yahay dadka Yahuudda. Ilhaan Cumar ayaa dhowaanahan aad loogu dhaleeceynayey qoraalkaas, oo xilligii ay qortay uu socday dagaalkii Gaza ee dhex-maray Israel iyo kooxda Xamas. Ilhaan Cumar ayaa tiri “Ereygaas [hypnotize] waxa uu ahaa midka aan ka fakari karay xiligaas, mana ogeyn inuu xadgudub ku ahaa dadka Yahuudda” Ereyga ay ka hadleyso Ilhaan ayaa macnihiisu yahay in dareenka dadka la maamulo, ayada oo Yahuudda lagu xanto inay dunida si dadban u maamulaan. Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in markaas uu ujeedkeedu ahaa kaliya inay dareenka dunida kusoo jeediso dagaalka Gaza, oo aysan damacsaneyn inay u gafto Yahuudda. “Waa muhiim inaan kala saaro cambaareynta ficillada dowladeed iyo weeraridda dadka diin gaar ah aaminsan. Kama xishoon doono inaan cambaareeyo dowlad kasta, haddii ay noqoto Sacuudi Carabiya, Soomaaliya ama xitaa dowladdeena” ayay tiri. Waxaa muuqda in cadaadis xooggan oo maalmahan ay Yahuudda iyo warbaahinta Mareykanka ku hayeen Ilhaan, in ugu dambeyn ay ka tanaasushay qoraalkeeda oo ay muddo difaaceysay kuna adkeysaneysay. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Muuse, oo ah dagaalyahan hore uga tirsanaa Al-Shabaab, oo la hadlay taleefishinka CNN, ayaa daaha ka rogay habraaca ay maraan dagaalyahanada si loogu xusho hawlgalka is miidaaminta. “Dagaalyahanada cusub ee loo qoro waxaa si cad loo weydiiyaa in ay si mutadawacnimo ah isu qarxinayaan” ayuu yiri. “Kuwa lagu doorto waxaa laga wadaa kooxda weyn waxaana lagu tashkiiliyaa ugu yaraan muddo sanad ah barashada Quraanka, muxaadarooyin uu bixiyo wadaad iyo tababar adag oo jireed iyo mid ciidannimo. “Tababarada Al-Shabaab waa mid aad iyo aad u adag,” ayuu ku daray. Muuse waxa uu la kulmay dagaalyahanno badan oo qalaad, ka yimi Mareykanka, Australia iyo Britain. Dagaalyahan British ah ayaa sheegay in uu doonayo ku noqoshada dalkiisa hooyo isaga iyo xaaskiisa iyo wiilkiisa saddex jirka ah oo uu rabo in uu ismiidaamin qarax ah sameeyo,” ayuu daaha ka rogay Muuse. “Waxaa jiray ajaaniib badan. Waxaan kula dabaalan jirnay xeebta Kismaayo waana ka garab dagaalami jirnay laakiin waxa ay ku noolaayeen meel gooni naga ah.” Dagaalyahankii hore ee Al Shabaab waxa uu diray digniin adag. “Mid walba waxa uu doonayaa in uu soo boxo oo uu sameeyo mid la mid ah weerarkii Dusit laakiin lama siin fursadda…haddii la siiyo fursadda wey soo baxayaan.” Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ayaa horey wareysi uu bixiyay ku shaaciyay in dowladda Soomaaliya aysan wax raad ah ku laheyn imaanshihiisa magaalada Muqdisho, islamarkaana arrimo siyaasad uusan faraha la geli doonin. Hase yeeshee wuxuu la kulmay madaxda dowladda, balse waxaa taas dheer in shalay uu kasoo muuqday xarun lagu tababarayay ciidamo boolis oo dhallinyaro, oo uu khudbad u jeediyey, kuna dhiir-geliyey inay dalka difaacaan. Sheekh Kenyaawi ayaa dhalinyaro badan oo loo tababarayay booliska Soomaaliyeed u jeediyay hadal uu ku dhiiri gelinayo tababarka ay qaadanayaan iyo ahmiyadda ay u leeyihiin dalkooda. Waxaa ku wehliyay Sheikh Bashiir Axmed Salaad oo taageero xukuumadda hadda dhisan, waxaana soo baxaya shakigii laga qabay in Sheikh Kenyaawi imaanshihiisa magaalada Muqdisho ay door ku laheyd dowladda Soomaaliya. “Balan ma tahay inaan amaanka ka wada shaqeyno, ilaalino caruurta amaankeeda, ma balan qaadeysaa inaad sugeysaan amaanka caasimada”ayuu dhalinyarada u sheegay Sheikh Kenyaawi. Dadka markii horeba ku dhaliilay in dowladda Muqdisho keentay, ayaa hadda sheegaya in loo adeegsanayo inuu dowladda u noqdo mid ay u adeegsato arrimaheeda siyaasad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee magaalada Jowhar ayaa howlgal 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka sameeyeen magaaladaasi waxa ay ku xireen in ka badan 10 qof oo ganacsato ah. Ganacsatadan la xirey ayaa lagu eedeeyey iney lacago canshuur ah siiyaan Al-Shabaab, iyadoo ammarka xariggooda la sheegay inuu bixiyey maamulka Shabeellaha Shexe. Sidoo kale ciidamada ayaa raadinaya ganacsato kale oo bil walba lacag lagu sheegay Canshuur u geeya Xarakada Al-Shabaab. Cabsi weyn ayaa xilligan soo wajahday ganacsatada ku dhaqan magaalada Jowhar, iyadoo maamulka Gobolka Sh/dhexe weli aanu arrintaasi ka hadal. Ganacsatada Soomaalida ayaa inta badan lacag canshuur ah siiyey kooxda Al-Shabaab, ayaga oo ka cabsanaya in haddii aysan bixin la dilayo, dowladdana aysan damaanad qaadi karin sugidda amnigooda. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Ibrahim Mead political analyst Ottawa, Canada Sunday, September 12, 2010 Note: As the date above shows this article was published in 2010; however, as the same situation repeated itself now in 2019, the author decided to republish the piece as it is relevant to what is happening now under K-2 administration as it was under K-1 administration! Tuesday, January 22, 2019 An open letter to all concerned- Media, Opposition and the Government Our inner squabbles blinded us from what is going on in our country and around us. It diminished our abilities, our sense of purpose and nation building. This is mainly as a result of our ignorance of how democratic governments work. Inner squabbles annul Somaliland hopes and aspirations to become a viable serious and functioning state which lives within the limits of her laws and regulations and serves her people and her cause diligently. Genuine political opposition and responsible Media are necessary attributes of democracy, tolerance, and trust in the ability of citizens to resolve differences by peaceful means. It is a two way street, pro and against based on truth, fairness and tolerance! So let us (all) be aware of that and be careful how we dispense information and how we criticize the government or the head of the government on none issue things! It is a matter of balance and responsibilities for each and all parties concerned. The existence of serious opposition, without which politics ceases, is indispensable to the functioning of democratic political systems. Only administrations with dictatorial tendencies feel threat of this and as a result rock the boat! It is pertinent to stress the importance of freedom of access to the media and on the other side; it is incumbent upon the Media to be very responsible in despising information. So the same applies to the government. An effective and responsible Opposition and Media are essential for the success of our democracy. Since the Executive has a major influence on whether the Opposition and the Media can play their proper rolls in the system, it is important to focus on the Government’s role; access to resources and information is critical to strengthening the capability of the Opposition and the Media and therefore to their overall credibility. It should be emphasized that the Opposition be enabled to hold the Executive to account and the Media to expose that in a fair, unprejudiced and balanced way. There is a real responsibility and real understanding of responsibilities involved here and the real opposition entities must and ought to understand that, with out which the opposition loses the trust of the people and worse becomes an agent of destabilization! Guided by reason and intuition, and drawing on new insights as well as from our past experience, objective thinking is uniquely required in this time and age in our Media out lets the electronic, the audio and the print media. Clan or person based mud-throwing and Squabbles, sometimes develops in to startling confrontations in baseless arguments! Many recognize that the people in our Somaliland who need what we have to offer need that service to be provided but in a balanced and prejudice free way. Such people- the service providers must be our forefront reason for the existence of our Web-sites and other media out lets. So why are we not careful in our criticism for pro or against the ruling entity in which we selectively condemn or condone based on clan lineage and not of real facts and figures? Why do we collaterally cause a shame or damage to our Somaliland because we blindly attack some one or an entity we don’t like, for one (silly) reason or the other! There is a thin and a blare line here. We have to be careful. Objective criticism and serious loyal opposition is most welcome in a true and serious democracy and it is most well come in Somaliland, but there is a blare line between this virtue and a casual greed and clan instigated attacks emanates from the administration who feels threatened by exposing what must not be exposed. Bad governments must be exposed, and that is fine as far as democracy is concerned. And that is the job of the (responsible) media and opposition parties, but it must be true, fair and balanced. Any (new) governing entity going through changes experiences conflict. It is something closer to squabbling with the (responsible) media; however, that has often diverted us from our journalistic sense of purpose and the duty of the loyal opposition. Pervasive divisiveness has driven away some of the objective writers and analysts and truth tellers and seekers of facts who have come through your front doors of your websites and print media. Focusing on our disagreements, innuendos and the rest of it is toxic indeed! In this never ending squabble Somaliland indulges in “kahorgee and kujiqsee quagmire” blinds us to see our Cause and the big Picture, the hopes and aspirations of Mother Somaliland! I am calling the head of the government who is exclusively responsible to hold elections by law, to exercise his solemn duty and do it on time. Take the deal of adding two individuals to each party now in the National election commission. Abandon using mercurial and unhinged Faisal against the other party. It is destructive in the highest order. However peace and prayers Ibrahim M Mead Ottawa Canada Meadgd@gmail.com THE END Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Ba___-Qubanaha-Shabelle-22012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article