Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,166
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qaran ayaynu nahaye Booliska inoo qurxiya ma Qadafbaa walal ? Oday Cabdi Haybe oo aanu isku WADDANI nahay wuxuu yidhi “ Fadal Ha la ixtiraamo”. Ma hiil Boolisba? ma hiil Taliya? ma hiil Samanaa?! Booliska Jamhuuriyadda Somalilnad waa dhab waa ciidamo aan qaadan mushahar ku filan, ma helaan tababar iyo imkaaniyaadkii ciidan dhaqaalaha Dalka awgii iyo qorshe dhammaystiran oo aan marna loo dejin. In kasta oo ay ku ammaanan yihiin dadaalka ay mujiyeen hadana in badan ayaa ka dhiman oo ay ugu wayntahay dib-u eegis kor iyo hoosba ah in la sameeyo. Maanta Burco Askari Boolis ah ayaa rasaas uu furay Dhib iyo dhaawac gaysatay, qaylada Xabsiyadeena ka taagan waynu ognahay hadana Dadka qaar ayaan arkaa leh Booliska yaan la soo hadal qaadin! Waar Adeer aynu wax hagaajisano oo Booliskeena siduu yahay ka sii qurxino oo Saxiibka Dadweynaha ka dhigno ma qadafbaa? Maya maha walal Kii u arkaa waa yeelkii: Anigoo Ixtiraamaya waxaan Saxaafadda ku arkaayay Oday Cabdi Haybe oo leh “Taliye Fadal ha la daayo “. Oday Cabdi Haybe Waan garanwaayay sababta uu sidaa u leeyahay, Fadal Guri uu leeyahay ma jooge xil Qaran ayuu hayaa, in la faleeyo lagu dhaliilo wixii ka qaloocdana waa daw iyo gar . Hiilka Cabdi Haybe waxaan garan waayay waa mid halkee ah . Ma mid Boolis difaac ahba? ma mid Taliye Fadal ahba mise waa mid Samane Difaac ah ? Aniga ka iigu xiga hadduu wax qaribo qofka ugu horeeeya ee ku qaylinaaya ayaan ahay . Wasiirkaygii Axmed Faarax ayaan ugu qayla badnaaba waayo Kala aragti ayaanu ahayn … Anigu ta Oday Cabdi Haybe mid ka duwan ayaan qabaa oo ah . Madaxweyne adigoo mahadsan habaynta Ciidanka Booliska ku noqo qayladoodu dami waydaye, Madaxweyne maraa waaxid Taliye Fadalna mid dhaama ku badal Hadad Jeclaysatay guul wadayntiisana dee Iska hayso kuwii ka horeeyayba way haysteene. Sawirkan Sare waa mar ciidamadda Boolisku Iga xidheen Huteel Maansoor: Mala 20-ba hal Mar igu dagay iyadoo ay igu filayd gaadhiga soo fool.. Wakhtigaas waxa ila socday Jamaal Cali Xuseen oo aanu Saxiib dhaw nahay . Tusan Qaran News
  2. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-230119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  3. (SLT-Muqdisho)-Kooxo hubeysan ayaa maanta barqadii ku dilay Xaafada Al-Baraka ee degmada Hodan Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble oo loo yaqaanay Cabdi Madoobe, waxaa la sheegay in rag ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen, xilli uu ka soo baxayay gurigiisa. Xilliga la tooganayay ayaa la sheegay inuu watay gaari, waxaana markii dambe kooxdii hubeysneyd ka baxsatay goobta. Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, inkastoo aanay suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii ka dambeysay dilka. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay Sarkaalka ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, sida lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera. Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku soo badanaya Magalada Muqdisho, waxaaana maalmo ka hor Suuqa Bakaaraha lagu dilay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka degmada Hawl-wadaag. Source
  4. Hay’ada Tayadhorka badeecadaha Punland ayaa maanta duleedka magaalada Bosaaso waxa ay ku gubtay Timir waxqtigii loogu tala galay dhaaftay, taas oo laga soo qabtay mid [...] Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in mar wlaba la maqlo in loo bahaan yahay dowlad awood leh oo dadka gacan adag ku qabata, balse taas ay tahay arrin halis ah. Xasan Sheekh oo u muuqda inuu duraya madaxda dowladda ee hadda xilka haya ayaa sheegay in aan la baahneyn shaqsiyaad dalka xoog iyo awood ku qabsada, hase yeeshee loo baahan yahay sharci iyo qaanuun adag. “Runtii waan ognahay inaan maqalno waxaa loo baahan yahay dowlad adag, balse xaqiiqda ayaa ah in halka aan maanta joogno ay ka dhalatay dowlad adag oo isku dayday inay xoogw ax ku maamusho” “Shaqsiyaad awood wax ku maamula iyo beelo ama shacab la dhibaateeyo awoodna la adeegsado dowlad laguma noqdo” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna guddoomiyaha xisbiga UPD ayaa bilihii la soo dhaafay waxa uu aad u dhaliilayay siyaasada madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana muuqata inuu sii xoojiyey weerarkiisa. Halkaan hoose ka dhageyso Xasan Sheekh https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Cod-Cadow.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. The president of Hirshabelle state, Mohamed Abdi Ware has carried out major cabinet shake-up on Tuesday. President Ware’s new line-up has affected 12 ministries including youth and sports, agriculture, communication, Justice and Humanitarian and fisheries. All the new cabinet members in the reshuffle are members of the state regional assembly. This reshuffle has not affected the ministries of Interior, security, planning, and finance. The leader of the regional state earlier said he will carry out reshuffle to get a competent cabinet to deal with challenges in the state topped by the security and the social services sector. Hirshabelle state is the youngest federal state formed on 2016 by the administration led by the former President of Somalia Hassan Sheikh. The post Hirshabelle state president makes cabinet reshuffle after political standoff appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Al Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku toogtay sarkaal ka tirsanaa xafiiska hanti dhowrka qaranka Soomaaliya, xili uu ku sugnaa xaafadda albarako ee degmada Hodon. Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa sarkaalka ku dilay meel aan ka fogeyn gurigiisa, waxaana la toogtay xili uu kusii jeeday goobtiisa shaqada, sida masuuliyiinta wasaaradda ay sheegeen. Cabdi Maxamed Cosoble oo loo yaqaanay Cabdi Madoobe, oo ka tirsan xafiiska Hanti dhowrka qaranka ayaa xiliga la tooganayay wuxuu saarnaa gaarigiisa, waxaana dilka kadib kooxaha hubeysan ay isaga baxsadeen halka dilka uu ka dhacay. Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, waxaana ay kasoo qaadeen Meydka Cabdi Madoobe oo la dhigay xarunta Dambi baarista Soomaaliya si baaritaan loogu sameeyo. Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda dilka ayaa sheegay in Cabdi Madoobe uu kamid ahaa dad u shaqeeya Xafiiska Hanti dhowrka qaranka, waxaana markii hore soo baxday inuu kamid ahaa wasaaradda arrimaha gudaha. Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku soo badanaya Magalada Muqdisho, waxaaana maalmo ka hor Suuqa Bakaaraha lagu dilay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka degmada H/wadaag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. The first phase of the reconciliation process in the Southwest State of Somalia has been finalized, authorities said on Wednesday. An event to mark the end of the first phase of the reconciliation was held in Baidoa city with attendance of key people, top state leaders, including President Abdulaziz Lafta-Garen. Somalia’s national assembly speaker, Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman, Federal, and regional lawmakers were reported to have participated in the well-organized ceremony After taking the oath of office last month, Southwest State president, Abdulaziz Lafta Gareen has been working on ways to end the crisis began prior to December election. At least 15 unarmed civilians have been shot dead by security forces and hundreds detained during violence sparked by the arrest of Mukhtar Robow in Baidoa town. Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo has recently visited the town and called on the local elders to play role in the reconciliation and collaborate with the new president. The post National assembly speaker attends an event in Baidoa town appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Kooxda kubbadda cagta Heegan ayaa ku guulaystay koob lagu xusay Allah Naxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV oo u dhintay qaraxyo ka dhacay agagaarka tiyaatarka qaranka 22-December 2018 waxaana xidigaha Heegan 2-1 ka adkaadeen kooxda Dowladda hoose ee Muqdisho City Club,waxaase tartankan ka qeyb galay kooxaha kala ah Heegan,Muqdisho City Club,Elman iyo L.L.P Jeenyo. Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo ah la taliyaha isboortiga Gobolka Banaadir ayaa u mahad ceiyay dhamaan kooxihii ka qeyb galay tartankii lagu xusay wariye Cawil Daahir Salaad oo maalimihii lasoo dhaafay ka socday garoonka Banaadir ee degmada Cabdi Casiis,isagoo sheegay in loo baahanyahay in marwalbo xuso dadkii usoo shaqeeyay wadanka dhinac kasto ay bulshada ugu jiraan. Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in koobkan ahaa mid lagu xusay mid ka mid haldooradii warbaahinta dalka soo maray marwalbana sidan oo kale ay xusidoonaan xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. Qaar ka mid ah maamulka,ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda ayaa in la hadlay kulan ka dib,iyagoo u mahad celiyay kooxahii ay la ciyaareen tartankii loo dhigay,dhinaca kale waxa ay tacsi u direen qoyskii uu ka baxay Cawil Daahir Salaad iyo dadkii kale ee ku dhintay qarxayadii ka dhacay agagaarka tiyaartaka qaranka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa sheegay in wali la xasuusaynayo wanaagii iyo wax tartarkii uu lahaa wariye Cawil Daahir Salaad loona baahan yahay in loo duceeyay,geesta kale gudoomiye Yariisow waxa uu u mahad celiyay dhamaan dadkii kasooo shaqeeyay koobkii qiimaha lahaa ee lasoo gababaeeyay caasimada. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan koobii lagu xusay Allah Naxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  10. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku soo dhaweeyay Danjiraha Cusub ee Dowladda Masar u fadhin doona Dalkeena Soomaaliya. Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo hadal Kooban ka jeediyay Munaasabadda Soo dhaweynta Danjire Mudane Maxamed Ibrahim oo ah Safiirka Cusub Masar ee Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Masar ay uga mahad celinayaan Taageerada ay mar kasta siiso Soomaaliya. “Waxaa maanta xafiiska iigu soo booqday Safiirka cusub ee dalka Masar Mudane Mohamed Ibrahim Nasr oo aan ka wadahadalnay mataaneynta Qaahira iyo Muqdisho iyo horumarka Caasimada”ayuu yiri Guddoomiye Yariisoow. Danjire Maxamed Ibraahim Naasir ayaa sheegay dhankiisa inuu ku faraxsan yahay soo Booqashada Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar islamarkaana uu ku dadaali doono ka shaqeynta Xiriirka Shacabka Masar iyo kan Soomaaliya. Safiirka cusub ee dalka Masar Mudane Mohamed Ibrahim Nasr waxaa booqashadiisa ku wehliyay Qunsulka Masar u fadhiya Soomaaliya Tamer Safwat. El.mahdy. The post Guddoomiye Yariisow Oo la Kulmay Danjiraha Cusub Ee Masar appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Dowlada Kenya ayaa sheegtay in qaar kamid ah hubkii lagu weeraray Hotelka Dusit D2 ee Nairobi ku yaala in ay laheyd dowladda Federaalka Soomaaliya. Wargeyska Daily Nation oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in 3 kamid ah qoryihii 5-ta ahaa oo ay kooxihii weerarka ku qaaday hoteelkaasi ay wateen hub ay leedahay dowlada Soomaaliya. Saraakiisha ayaa u sheegay Wargeyska in baaritaano ay sameeyeen ay arintaasi ku ogaadeen. “Dowlad kasta waxa ay leedahay sumad ay u isticmaasho hubkeeda qoryihii laga helay 14 Riverside Drive waxaa ka muuqday sumadda ‘SO’ oo ah calaamada ay isticmaalaan ciidamada Dowlada Soomaaliya.”ayaa lagu daabacay Wargeyska Daily Nation. Dhinaca kale waxaa warkaan beeniyay dowlada Soomaaliya, Cabdi Siciid Muuse oo ah la tiliyaha dhanka amniga ee maaxweynaha Soomaaliya ayaa arintaasi ku tilmaamay mid aan waxba kajirin, waxaa uu sheegay in Kenya aanay heeynin cadeymo lagu kalsoonaan karo. Al-Shabaab ayaa sheegatay weerar ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. Dhowr jeer oo hore ayaa dowlada Soomaaliya lagu eedeeyay in hubka dowlada uu gacanta u galo Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Kenya oo sheegtay in hubkii lagu weeraray Dusit D2 ay laheyd DFS iyo dowlada oo beenisay appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Hargeysa)- Maxamed Axmed Obsiiye Wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulushada ee xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu ka hadlay sababta ka dambaysa shirka KULMIYE ee lagu qabanayo magaalada Boorama, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Kismaayo ( Sh. M. Network)-Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay howgal Miino saaris ah ka sameeyay gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen deegaanka Qooqaani iyo nawaaxigiisa ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa Shabelle u sheegay in ay ku guuleysteen in ay saaraan Miinooyin dhowr ah oo lagu aasay halkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in uu sii socon doono howlgalkan inta laga xaqiijinayo amniga deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose. Maalmihii dambe Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo ka dhan ah ka waday gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. The post Howlgal Miino saaris ah Oo laga sameeyay G/ Jubbada Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Dagaalame horey uga tirsanaan jiray Alshabaab, ayaa shaaciyay inuu la kulmay mid kamid ah raggii weeraray Dusit, todobo sano kahor. Ninkaan oo la hadlay CNN, [...] Source
  15. (SLT-Muqdisho)-Madaxtooyadda Soomaaliya oo u Jawaabtay Booliska Kenya oo dhawaan shaaciyay in Saddex ka mid ah hubkii ay wateen Ragii weeraray Hotelka Dusit D2 Ee Nairobi ay lahaayeen ciidanka Soomaaliya, hayeeshee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay arrintaasi. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay war uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya, kaasi oo lagu sheegay in hubkii lagu fuliyey weerarkii hotelka DusitD2 uu ahaa hub ay leedahay dowladda Soomaaliya. Cabdi Saciid Maxamed Cali, oo ah la-taliyaha dhanka amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah. Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayuu Cabdi Saciid ku sheegay inaysan jirin wax caddeymo ah oo dowladda Soomaaliya lala wadaago, oo muujinaya in hubkaas uu yahay mid ay dowladda Soomaaliya leedahay. Waxa uu sidoo kale sheegay in dadkii weerarka fuliyey ay ahaayeebn Kenyan u dhashay dalkaas, oo aysan ahayn Soomaali. Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in baaritaan horudhac ah uu muujinayo in lambarka taxanaha (serial number) ee qoryaha uu la mid yahay kan ciidamada dowladda Soomaaliya. Si kastaba, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya. Dowladda kasta waxay leedahay lambar aqoonsi oo hubkeeda ku dheggan, waxaana sida Daily Nation uu daabacay, qoryihii lagu fuliyey weerarka 14 Riverside ay lahaayeen caalamadda “SO” oo ay isticmaalaa ciidamada Soomaaliya. “Weli waxaan isku dayaynaa inaan ogaano sida argagixisada ay ku heshay hubkan, balse waxaan u malaynayaa inay ku qabsadeen mid ka mid ah weerarada tirada badan ee Al-Shabaab ay ku qaaddo ciidamada dowladda Soomaaliya” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan qeybta-dambi baadhista Kenya ee DCI. Source
  16. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in wafdi ka socday Midowga Yurub laga hor istaagay inay tagaan magaalada Kismaayo. Inkastoo aan xaqiiqo rasmi ah loo heyn haddaba warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa baahisay in dowladda Soomaaliya ay wafdigaasi u diiday inay tagaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Wafdiga ayaa ka tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna doonayeen inay tagaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay doonayeen inay kula kulmaan madaxda Jubbaland. Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii amar ay soo saartay dowladda Soomaaliya laguna wargeliyay inaysan wafdigaasi amar la’aan tagi karin magaalada Kismaayo ee gobolka jubbada Hoose. Waxaa muuqata in wali uu taagan yahay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo loo malaynayo inuu salka ku hayo in wafdiga loo diido magaalada Kismaayo. Ma jiro wax war ah oo kasoo dhanka maamulka Jubbaland oo looga hadlayo arinta ku aadan in wafdiga loo diiday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladaha hadda uu dalka marayo iyo waxyaabaha loo baahan yahay in xooga la saaro. Xasan Sheikh Maxamuud, isaga oo ka hadlay Sooyaalka Soomaaliya 100 kii sano ee lasoo dhaafay ayuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in qaanuunka iyo sharciga gacan adag lagu qabto. Taasi badalkeeda ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay gacan adag ku qabato shaqsiyaadka mucaaradka ah ee kasoo horjeedo aragti ahaan. Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale sheegay in haddii la adkeeyo Sharciyada iyo qaanuunka dalka ay wax badan hagagayaan balse haddii shaqsiyaad la weeraro inay ka dhalan karto culeesaad kale. “Dadka qaar ayaa dhahaya, dowlad xoogan badan oo gacan dadka ku qabata ayaa loo baahan yahay, waa qalad taasi Dalkan waxa uu u baahan yahay Qaanuunka iyo Shuruucda oo la adkeeyo ee uma baahno Shaqsiyaad Dalka Gacanta ku qabta”ayuu yiri Xasan Sheikh. “Beelihii meel degen ayaa lagu xad gudbayaa, shaqsiyaadkii ayaa lagu xad gudbayaa, sidaa dalkaan kuma hagaagayo ee wuxuu dalka u baahan yahay in sharciga la adkeeyo”ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheikh. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kamid ah xubnaha sida weyn u mucaaradsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ku eedeeyaa dowladda Soomaaliya inay si ka duwan siduu dadka ula dhaqmi jiray inay ula dhaqanto shaqsiyaadka mucaaradka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Jigjiga ( Sh. M. Network )-Golaha wasiirada xukuumadda Itoobiya ayaa maanta kulan ka yeelanaya xaaladda siyaasadeed ee ka jirta ismaamulka Soomaalida ee dalkaasi. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xiisada siyaasadeed ee haatan ka aloolsan magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Xiisada ayaa salka ku heysa arrimo la xariira maamulka , taas oo la sheegay in ay dhexeyso wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar. Labada mas’uul ayaa isku qabtay in maamulka haatan jira lagu soo daro xubno la shaqeyn jiray Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, taas oo uu ka biyo diiday Cagjar. Xukuumadda federaalka Itoobiya ayaa wada qorshe looga hortagayo xiisadaasi, iyadoona shalay labo jeer M/ Addis Ababa ugu yeertay Madaxweyanaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, si su’aalo looga weydiiyo arrimahaasi. The post Xukuumadda Itoobiya Oo kulan ka yeelaneysa xaaladda Jigiga appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Hoggaamiyaha Ford Kenya Moses Wetang’ula ayaa ku celiyey dalabkiisa ahaa in ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya ay dib ugu laabtaan dalkooda. Hadalkan waxaa uu ka jeediyey mar uu la hadlayey saxaafadda isaga oo sheegay in Kenya ay u gashay Soomaaliya soo celinta xasiloonida iyo inay sameyso goob caagan taasi oo ay diideen dowladda iyo beesha calamka. Senatorka Bungoma, oo horayna u soo ahaa wasiirka arrimaha dibadda markii ay ciidamadooda soo galayeen Soomaaliya ayaa yiri“ Soomaaliya waxaa ay Kenya u aragtaa gumeyste, sidaasi darteed arrimahaasi waxaa ay u baahanyihiin qaabab kale oo xaliyo amniga gobolka” Wetang’ula waxaa uu sidoo kale cabiray cabsidiisa ku aadan in weerarada uu ugu yeeray argigixisada ay sii bataan isaga oo intaasi raaciyey in dhibaatada ay tahay in kooxda weerarka geysatay ay yihiin dhalinyaro Kenyaan ah oo la marin habaaiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Jigjiga)-Golaha wasiirrada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wadaa saaka inay isugu yimaadaan xarunta madaxtooyada, iyadoo magaalada Jigjiga laga soo sheegayo degganaansho la`aan siyaasadeed, kaddib markii madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar shalay labo jeer looga yeeray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Mustafe markii uu Jigjiga ku soo laabtay ayuu la shiray golihiisa wasiirrada Dowlad Deegaanka. Madaxweynaha ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxaa soo food saaray caqabado badan oo ay ka mid yihiin arrinta isku dhaca qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaa sidoo kale caqabadaha uu wajahay ka mid ahaa sidii caddaaladd loogu heli lahaa dhibbanayaasha la sheegay inay tacaddiyo kala kulmeen maamulkii hore. Madaxweyne Mustafa ayaa waxaa xilka madaxtinnimada dowlad deegaanka loo doortay 22-kii August sanadkii 2018-kii. Khilaafka haatan la sheegayo inuu soo kala dhex galay dowladda Federaalka ee Itoobiya iyo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ee uu hoggaamiyo Mustafe Cagjar ayaa ah mid ay dad badan walaac ka muujiyeen. Wixii kasoo baxa shirkaasi halkan ayaan idiin kuugu soo gudbin doonaa. Source
  21. (SLT-Ankara)-Wakaalada Wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa sheegtay inay Ciiddanka Ammaanka qaadeen Hawlgal Guud oo lagu soo qabtay ugu yaraan 178 Tahriibayaal shisheeye ah. Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in hawlgalkaasi laga sameeyey Goballo ku yaalla W/galbeed ee dalkaasi, iyadoo lagu soo qabtay Tahriibayaal si sifo aan sharci ahayn ku soo galay ama kaga sii baxayey dalkaasi. Hawlgalka ay Ciiddanka Turkiga ka sameeyeen Gobalka Edirne waxay ku soo qabteen 49 Muhaajiriin ka soo kala jeeday Somali, Pakistan iyo Afganistan, kuwaasi oo la socday gaadhi lagu tahriibinayey. Ciiddanka waxay gaarigaasi ku joojiyeen waddo u dhexeysa Degmooyinka ENES iyo UZUNKOPORU. Waxaa kaloo Hawlgalkaasi lagu qabtay 4 qof oo Mukhalasiin ah oo tahriibinaysay Muhaajiriintaasi. Hawlgalka Guud ee laga sameeyey guud ahaan dalka Turkiga ayaa la sheegay in lagu soo qabtay ugu yaraan 178 Muhaajiriin ka soo kala jeeday dalalka Somalia, Syria, Pakistan, Bangaladesh iyo kuwo kale. Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga waxay sheegeen inay sannadkii hore gacanta ku dhigeen in ka badan 265,000 oo Tahriibayaal sharci-darro ah ku soo galay dalkaasi ama kuwo doonayey inay u sii tahriibaan dalka Giriigga iyo dalalka kale ee Europe. Source
  22. (SLT-New York)-Saddex nin iyo wiil yar oo laga soo qabtay magaalada New York ayaa la xidhay waxaan lagu eedeeyay inay qorsheynayeen inay weerar bambaano ku qaadaan Muslimiinta. Booliiska ayaa ku eedeeyay raggaasi inay haysteen hub. Qorshahan ayaa lagu ogaaday baaritaan kale oo halkaasi laga sameynayay. Afarta qof ee la xidhay ayaa looga shakiyay laguna eedeeyay in ay qorshaynayeen weerar ay ku qadaaan dadka muslimimnta ee ku nool Islamberg oo ku taalla agagaarka magaalada New York. Baarayaasha ayaa waxay baadhitaan ku sameeyeen dhowr goobood oo lala xidhiidhiyay in laga soo maleegayay shirqoolkan halkaasi oo laga soo helay bambaanooyiin nooca guriyaha lagu sameeyo. Hubka la helay waxaa ka mid ah 3 bambaano oo ah nooca guriya lagu sameeyo. Patrick Phelan,oo ka tirsan waaxda booliiska ee Greece ayaa sheegay in howlgalka sidoo kale lagu soo qabtay rasaas. Golaha ay ku bahoobeen muslimiinta Mareykanka ayaa waxa ay ugu baaqeen laamaha ammaanka in kiiska shaqsiyaadkan uu noqdo mid heer fedaraal ah. Dhanka kale Waaxda duulimaadyada ee fedaraalka ayaa waxay sheegeen in la joojiyay duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Newark ka dib markii diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn ee dronis-ka lagu arkay garoon yar oo halkasi ku dhaw. Duuliye waday diyaarad meel u dhaw garoonka ayaa u sheegay waaxda diyaaradaha haga in mid ka mid ah diyaaradahaasi daroonis-ka ay diyaaradiisa u so jirsatay 10 mitir. Garoonka Newark ayaa ah mid ka mid ah garoomada u adeega magaalada New York iyo nawaaxigeeda. Howlihii garoonka ayaa dib u soo cusboonaaday ka dib 90 daqiiqo oo hakad la galiyay. Source