Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. London (Caasimada Online)-Saraakiil u hadashay dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in cabsi darteed ay dalka Kenya kaga saarayaan askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Ingiriiska ee badbaadada dadka la afduubto iyo la dagaalanka Argagixisada oo loo yaqaan Special Air Service (SAS). Askarigan ayaa la arkay wajigiisa, kadib markii Al shabaab ay weerareen hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, waxaana la sheegay in loo baqayo xaaladiisa dhanka amaanka sidaasina looga saarayo dalka Kenya. Askariga ayaa la sheegay in xiliga weerarka dhacayay uu ku maqnaa dukaameysi, balse markii uu maqlay weerarka ayaa la sheegay inuu soo qaatay qalabkiisa, waxaana la arkay isaga oo dad kasoo badbaadinaya hotelka. Mid kamid ah Kaamirooyinka wariyaasha ay wateen ayaa si qalad ah u qabatay muuqaalka askariga ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Ingiriiska, waxaana uu qabsaday baraha bulshada, taasi oo dhalisay in loo cabsado amaankiisa, maadaama la arkay wajigiisa. Askariga ayaa la arkay isaga oo gudaha u galay goobta la weeraray, waxaana durba uu bilaabay inuu soo badbaadiyo dad badan oo ku go’doonsanaa Hotelka, gaar ahaan dabaqa hoose. Baraha Bulshada ayuu caan ka noqday, waxaana la sheegay inuu noqday geesi soo badbaadiyay dad badan noloshooda. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  2. Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay kala xiran yihiin inta badan waddooyinka gobolka Gedo. Xildhibaankan oo ku sugan degmada Garbahaarey ayaa sheegay in muhiim ay tahay isku furka waddooyinkan iyo in laga saaro Al-shabaab. Meelaha qaar ayuu sheegay in gaadiid aan la isga gudbi karin, islamarkaana diyaarad un loo raacayo. Waxa uu sidoo kale sheegay Xildhibaan Shire in shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ay dhibaatooyin kala kulmaan Al-shabaab xilliyada ay safrayaan. “Al-shabaab ayeey dadka dhibaato kala kulmaan, waddooyinka ma ahan kuwo si caadi ah loo mari karo, waxaa muhiim ah in la furo” Al-shabaab ayaa xirtay in badan oo ka mid ah waddooyinka deegaannada gobolka Gedo, iyadoo meelaha qaar shacabka xitaa aanay mari karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Dawladda hoose ee magaalada Hargeysa ayaa saaka burburisay ganacsiyada yaryar ee waddada hareeraheeda ee suuqa, waa goob ku taalo bartamaha magaalada. Maamulka magaalada waxaa uu sheegayaa inay sidan u sameeyeen si ay waddada u baneeyaan, laakin arrintaas waxaa dood ka keenay ganacsatada. Dadka halkan ku ganacsada oo u badan danyar ayaa ku doodaya in iyadoo aan la siin ogeysiis la burburiyay ganacsiyadoodii. Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa dadkan ka qaadan jirtay canshuurro kala duwan, waxayna intooda badan sheegayaan in aanay jirin meel kale oo ay uga maarmi karaan waddada hareeraheeda. Horey ayaa sidan oo kale loo burburiyay ganacsiyadan yaryar, balse muddo kooban ka dib halkoodii ayay kusoo noqdaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Baladweyne ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Baladweyne ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay gudaha magaaladaasi. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, loogana hortagayay falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi. Ku dhawaad 10 ruux ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay howlgalkaasi, kuwaas oo lagu xiray Saldhigga Baladweyne. Inta badan Ciidamada amniga ayaa howlgallo xoogan ka sameeya degmada Baladweyne iyo nawaaxigeeda. The post Howlgal ballaaran Oo xalay laga sameeyay Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka geysteen gobolka Jubbada Hoose, taasi oo la shaaciyay in dagaalyahano badan lagu dilay. Jubbaland ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad 70 dagaalyahan oo ka tirsan AL shabaab, waxaana saraakiisha ciidamada DANAB ee kusugan Jubbooyinka ay sheegeen in duqeynta lagu burburiyay gaadiid Al shabaab lahayeen. Duqeynta ayaa dhacday kadib markii ciidamada Al shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo saldhiga kala soo baxay gaadiid iyo saanad ciidan. Iyaga oo la socday gaari Shabaqle ah ayaa lagu duqeeyay meel duleedka ka ah deegaanka Baar Sanguuni, waxaana la arkaayay meydad gubtay, gaadiid burbursan iyo waxyeelada ka dhalatay weerarka. Taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Africa ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al shabaab, waxaana ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose. Waxaa sidoo kale soo baxaya in duqeyn kale ay ka dhacday meel u dhow degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Hoose, taasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay Al shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in uu magaalada Addis Ababa kulamo kula qaadanayo masuuliyiin dawladda dhexe ee Itoobiya ah iyo kuwo dawlad degaanka Soomaalida ah. “Xalay waxa aan soo gaadhay Magaalada Addis Ababa oo aan muddo kooban joogayo si aan ula kulmo saraakiil ka mid ah dawladda dhexe ee Itoobiya iyo madax ka mid ah madaxda Kililka Soomaalida ee Itoobiya,” Dr Cirro ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu ku faafiyay boggaggiisa baraha bulshada. Guddoomiyaha Waddani waxa uu todobaadadii u dambeeyay ku sugna magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya halkaas oo uu kulamo kula lahaa wakiillada beesha caalamka ee daneeya doorashooyinka oo muran ka taagna muddooyinkii u dambeeyay. Waraysi uu dhawaan siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in uu daneeyeyaasha caalamiga ah kala hadlay mawqifkiisa arrimaha doorashooyinka. Arrimahan ayaa imanaya xilli ay taaggan yihiin ismari waa u dhexeeya xisbiyada waxaana daawaha saaran muddo kordhinta wakiillada. Dr Cirro ayaa u muuqda in uu dhinaca beesha caalamka kaga firfircoon yahay madaxweyne Biixi marka la eego socdaalladiisa u dambeeyay iyo kulamada danjireyaasha caalamka. Source
  7. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-200119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Washington (PP) ─ Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wuxuu u muuqdaa inuu kasoo dabcay mowqifyadii adkaa ee uu ka taagnaa dadka muhaajiriinta ah ee dalkiisa soo galaya, gaar ahaanna kuwa iyagoo da’yar sharci-darrada lagu geeyay Mareykanka. Trump ayaa wuuxu weli dalbanayaa ku dhawaad 6-bilyan oo Doollar oo uu doonayo in lagu kharash gareeyo dhismaha gidaarka uu doonayo in laga dhiso xadka ay leeyihiin Mareykanka iyo Mexico. Sidoo kale, Madaxweyne Trump oo ka hadlayay Aqalka Cad ayaa sheegay in muhaajiriinta iyagoo da’yar sharci-darrada lagu keenay Mareykanka. Ay sii joogaan muddo saddex sano oo dheeraada ah ayna ka shaqeystaan. Khilaafkii u dhexeeya Trump iyo xisbiga Dimuquraadiga ayaa cirka isku sii shareeray kaddib markii dhawr casho ay xirmeen shaqooyinkii Muhiimka ah ee dowladda Mareykanka, waxaana Madaxweyne Trump uu hadda waddaa dadaallo kala duwan. Xildhibaanada Xisbiga Dimuquraadiga ah ayaa ku gacan-seyray dalabka uu soo gudbiyay Trump ee ah in uu dhaqaale u helo dhismaha gidaarkaas. Waxaana la sheegayaa in hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda ay ku yeesheen saameyn 800,000 oo qof oo ah shaqaalaha ahaa. Ugu dambeyn, In kabadan 300,000-qof oo ka kala yimid dalalka colaaduhu ay ragaadiyeen ayaa haatan si KMG ah loogu ogol yahay inay ku noolaadaan isla markaana ka shaqeystaan Gudaha Mareykanka, Waxaana madaxweyne Trump uu in muddo ah doonayay in dadkaasi dalka laga musaafuriyo. PUNTLAND POST The post Isbeddel ballaaran oo ku yimid fikirkii Trump uu ka qabay Qaxootiga galaya Mareykanka appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Washington)-Madaxweyne Trump ayaa shaaciyay hindiseyaal cusub oo ku saabsan gidaarkii uu doonayay in uu ku kala xiro xudduudaha waddamada Mareykanka iyo Mexico. Hindesiyaashani cusub ayuu uga gol-leeyahay sidii loo soo afjari lahaa hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda Mareykanka oo xirnaa muddo ka badan afar usbuuc. Trump ayaa sidoo kale u muuqda in uu ka soo debcay mowqifyadii adkaa ee uu ka taagnaa dadka muhaajiriinta ahi, gaar ahaanna kuwa iyaga oo da’yar sharcidarro lagu geeyay Mareykanka balse wali waxa uu dalbanayaa ku dhawaad lix bilyan oo doolar oo uu doonayo in lagu kharash gareeyo dhismaha gidaarka uu doonayo in lagu kala xiro Mareykanka iyo Mexico. Xildhibaanada xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku gacan seyray dalabka Trump ee ah in uu dhaqaale u helo dhismaha gidaarkaasi. Hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda ayaa saameeyay 800,000 oo qof oo ah shaqaalaha dowladda dhexe. Trump oo ka hadlayay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in muddo saddex sano ah oo dheeraad ah loo ogolaanayo in ay Mareykanka sii joogaan oo ay ka shaqeystaan muhaajiriinta iyaga oo da’yar sharcidarro lagu keenay gudaha Mareykanka. Dadkani ayaa hadda aanan waddanka laga musaafurin karin isla markaana loo ogol yahay in ay waddanka ka shaqeystaan balse aanan loo ogolayn in ay qaadaan dhalashada Mareykanka. Madaxweyne Trump ayaa isku dayay in muhaajiriintani markii hore Mareykanka sharcidarrada ku galay dalka laga musaafuriyo. Trump ayaa sidoo kale sheegay in dadka soogalootiga ahi ee sida kumeel gaarka ahi loogu ogolaaday in ay dalkaasi ku sii noolaadaan uu siinayo muddo kordhin saddex sano ah. Inkabadan 300,000 oo qof oo ka kala yimid waddamada ay colaaduhu ragaadiyeen ayaa haatan si ku meel gaar ah loogu ogol yahay in ay ku noolaadaan isla markaana ka shaqeystaan gudaha Mareykanka, waxaana madaxweyne Trump uu in muddo ah doonayay in dadkaasi dalka laga musaafuriyo. Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay guddoomiyaha aqalka Kongareeska, Nancy Pelosi, oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa lagu sheegay in qorshaha Trump uu yahay mid aan la aqbali karin oo horeyba loo diiday isla markaana uusan daacad ka ahayn. Source
  10. Warar dheeraad ah ayaa kusoo kordhay dagaal xooggan oo shalay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka DFS oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah. Gaashaanle Sare Maxamed Ibraahim Buulle, abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka oo saakay la hadlay Goobjoog, waxa uu sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi uu kordhay. Waxa uu tilmaamay in Al-shabaab ay ka dileen 77 qof, kana gubeen gaadiid dagaal, isaga oo sheegay in sidoo kale ay jirto duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka. Abaanduulaha ayaa tilmaamay sidoo kale, in dhankooda ay ka geeriyootey Lix askari islamarkaana dhaawac uu soo gaaray Afar kale. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREYSI-ABAANDUULAHA-QEYBTA-43AAD-EE-XOOGGA-DALKA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Taliska Mareykanka ee Qaarada afrika ee (Africom) ayaa soo saaray warbixin la xidhiidha duqeyn dhinaca cirka oo shaly diyaaradahooda aan duuliyaha laheyn ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose. Qoraalka kasoo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo saakay waabarigii hore weerar xoogan ku qaaday Saldhig Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni. Sidoo kale Africom ayaa sheegtay in duqeynta lagu dilay 52 dagaalame oo ka tirsanaa Al-shabaab,isla markaana lagu bur buriyay gaari ay lahaayeen Shabaabkii saakay weeraray Saldhiga Baar Sanguuni sida ay sheegtay Africom. Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa saakay weerar ku bilowday qaraxyo xoogan waxa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac. Dhinaca kale Saraakiisha Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in weerarka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Saldhiga Baar-Sanguuni ku dileen 73 ka mid ah Al-Shabaab,sidoo kalena weerar dhinaca cirka ah ay Gaadiid uga gubeen sida ay hadalka u dhigeen. Source
  12. (SLT-Nairobi)-Xaaska iyo aabaha dhalay ninkii isku qarxiyay weerarkii Salaasadii la soo dhaafay lagu qaaday Dhismaha DusitD2 ayaa lagu xidhey magaalada Mombasa sida ay sheegeen Booliska dalka Kenya. Mahir Khalid oo la sheegay inuu ahaa qofkii isku qarxiyay afaafka hore ee Dhismaha DusitD2 ayaa aabihii Khalid Riziki iyo xaaskiisa waxaa su’aalo weydiinaya kooxaha baaraya weerarkii DusitD2. Booliska ayaa waxa ay sheegeen in xaaska Mahir oo magaceeda lagu sheegay Suhaila Mwalim Bakari ay xiriir toos ah la lahayd Mahir kahor weerarkii Talaadadii. Sida ay Booliska Kenya sheegayaan Mahir ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Mombasa,waxana uu ka soo laabtay dalka Soomaaliya 13kii bishan kadib markii uu tababar muddo sanad ah soo qaatay. Wararka la xidhiidha baadhitaanka dadkii xidhiidhka la lahaa raggii weeraray Hotel Dusit2D ayaa sheegaya in ay Booliska Kenya ay baadigoob ugu jiraan haweeney magaceeda la yiraahdo Kemunto Omwoyo taasoo ahayd xaaska mid kamid ah dadkii weerarka ka geystey magaalada Nairobi Cali Salim Gichunge. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Afhayeenka dhanka dagaalada Al Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay waxa uu ka dhignaa weerarkii Al shabaab ay la eegteen ciidamo Ethiopian ah. Ciidamada Ethiopia ayaa weerar gaadmo ah kala kulmay ciidamada Al shabaab xili ay ku sugnaayeen inta u dhaxeyo magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba, sida uu sheegay afhayeenka u hadlay Al shabaab. Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 57 askari Ethiopian ah, ayna ku gubeen todobo gaadiidka dagaalka ah, sida uu hadalka u dhigay afhayeenka dhanka howlgalada Al shabaab. Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkaasi uu Jawaab u ahaa heshiisyada madaxweyne Farmaajo uu la galay Ethiopia, gaar ahaan heshiisyadii dhanka dekadaha oo Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Ethiopia iyo Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa dadka ciidamada Ethiopia ay ku dileen gudaha Soomaaliya iyo dhibaatada Soomaali galbeed ay la kulmaan. Sheegashada Al Shabaab ee ah inay inka badan 50 askari ku dileen Buurhakaba ma jirto wax war ah oo kasoo baxay ciidamada Ethiopia iyo saraakiishooda oo xaqiijinaya khasaaraha weerarkaasi. Al shabaab ayaa weerarkii Nairobi ay ka fuliyeen sheegay inuu jawaab u ahaa aqoonsiga Qudus Mareykanka u aqoonsaday inay tahay caasimada maamulka Yahuuda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. United States military forces carried out an airstrike Saturday against Islamist group Al-Shabaab, killing 52 militants, according to a statement from US Africa Command. “US Africa Command conducted the airstrike in response to an attack by a large group of al-Shabaab militants against Somali National Army Forces. We currently assess this airstrike killed fifty-two militants,” read the statement. Military officials and local elders in Somalia said heavily-armed Shabaab militants had launched a dawn raid on a military camp, followed by a heavy exchange of gunfire which lasted hours. “The terrorists attacked Bulogagdud military base using heavy weaponry and explosives. The Somali military and Jubaland forces resisted the enemy before later retreating back from the base,” Mohamed Abdikarin, a Somali military official told AFP by phone. “Six soldiers were killed during the attack and two others died after a booby-trapped vehicle was detonated when the forces retook control of the base,” he added. Sources at nearby villages said the militants looted the camp and took a military vehicle. “Al-Shabaab fighters secured control of the base and looted everything. They have set fire to the arms depots and took a military vehicle, but there were two choppers which carried out air strikes during the attack,” traditional elder Hassan Rashid told AFP. The Pentagon has increased the rate of strikes in Somalia in recent years, partly because President Donald Trump loosened constraints on when the US military can take action against alleged terrorists. Suleyman Isse, another witness at a nearby village, said the Somali forces later regrouped after receiving reinforcement from Kismayo and returned to the base. “The Somali forces retook control of the base with the assistance of military helicopters belonging to the US special forces which were hovering over the area even after the attack,” he said. Shabaab militants claimed responsibility for the attack and claimed to have killed 42 soldiers. The incident came a day after Shabaab said it had attacked Ethiopian troops in Somalia in an ambush attack on the road between the capital and the southwest town of Baidoa. The Shabaab have been fighting to overthrow the internationally-backed government in Mogadishu and on Tuesday carried out a deadly attack in neighbouring Kenya, which it has regularly targeted since Nairobi sent troops into Somalia. Four gunmen and a suicide bomber left 21 dead and injured 28 in Nairobi. Source: AFP The post US MILITARY SAYS 52 SOMALI ISLAMISTS KILLED IN AIRSTRIKE appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Congo)-Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo ayaa ku gacan seyrtay dacwad ka dhan ahayd natiijada doorashada madaxtinimada ee dhawaan dalkaasi ka dhacday. Sidaa awgeed hoggaamiyaha mucaaradka Felix Shisekedi ayaa la filayaa in loo dhaariyo xilka madaxweyneniamda. Martin Fayulu oo ah musharax mucaarad ah oo dacwaddaasi geeyay maxkamadda isla markaana ku doodayay in wax-is-dabamarin badan ay hareysay doorashada ayaa go’aanka maxkamadda ka dib sheegay in isagu uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee dalkaasi. La yaab ma laha in maxkamaxadda dastuuriga ay go’aamiso in aysan jirin caddeyn ku filan oo qiil looga dhigi karo in codadka dib loo tiriyo sidii uu codsaday Martin Fayulu. Waxa uu ku andacooday in si wayn uu ugu guulaystay doorashada taasi oo ku salaysan macluumad aan la xaqiijin oo la soo dusiyay oo ka yimid guddiga doorashada iyo korjoogayaasha. Felix Tshiskedi oo lagu wado in loo dhaariyo xilka madaxwaynaha ayaa isna ka socday mucaaradka,balse dadka ka soo horjeeda waxa ay ku doodayaan in uu heshiis hoose la galay madaxwaynaha xilka ka sii dagaya Joseph Kabila. Martin Fayulu ayaa isaga markiiba ku gacan seyray go’aanka maxkamadda Datuuriga. Midowga Afrika ayaa dhawaan ku biiray wadamada galbeedka Afrika oo sheegay in shaki badan uu ku jiray codbixinta waxayna ku baaqeen in la hakiyo natiijada kama dambaysta ah. Ergo madaxwaynayaasha qaar ka mid ah dalalka afrika ayaa isniinta lagu wadaa in ay gaaraan caasimada Kinshasa si ay u xaliyaan ismariwaaga, balse maadaama go’aanka maxkamada uu yahay mid aan la laali Karin ma cadda guulaha ay gaari karaaan. Source
  16. (SLT-Rome)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay rumaysan tahay 270 ah muhaajiriin ay ku qaraqmeen badda Mediterranean-ka maalmihii u dambeeyay. Diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda Taliyaaniga ayaa soo gaartay goobta ay musiibadda ka dhaacday ee biyaha Liibiya. Doon ka samaysan caag ayaa sii quusaysay markii ay diyaaradaasi goobta soo gaartay. Shaqaalihii saarnaa diyaaradda ayaa waxaa u suuragashay in ay badda ka soo badbaadiyaan saddex qof ,balse waxaa halkaasi ku dhintay dad badan oo doonta saarnaa. Dadka la soo badbaadiyay ayaa labo waxa ay u dhasheen dalka Sudan ,halka midka kale uu u dhashay dalka Gambia. Dadkan badbaaday ayaa waxay sheegeen in doonta ay saarnaayeen 120 qof. Afhayeen u hadashay hay’adda qaxootiga ee UNHCR Liz Throssel ayaa sheegtay in dadka muhaajiriinta ah ay u baahan yihiin caawin. Qaramada Midoobay ayaa rumaysan in loo baahan yahay in wax dadaal ah aan lala harin marka ay soo yeerto qaaylo dhaan lagu badbaadinayo dadka ku qaraqmaya badda. Waxa ay sidoo kale Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa ay ku baaqday in la caawiyo maraakiibta badbaadinta muhaajiriinta si ay shaqadooda u gutaan. Flavio Di Giacomo waa afhayeen hay’adda socdaalka Qaramada midoobay ee IOM ayaa sheegay in loo baahan yahay in la furo marin ay soo maraan dadka doonaya in ay ka soo tallaaban badda Mediterranean-ka: Balse dowladda Taliyaaniga ayaa waxaa ka go’an in ay joojiso in muhaajiriinta ay soo gaaraan xeebaheeda. Waxa ay dowladda Taliyaaniga rumaysan tahay in maraakiibtaa samatabixinta ee hay’adaha ay gacan wayn siiyaan muhaajiriinta. Xukuumadda Taliyaaniga ayaa ku dooday in arrintan ay dhiirigalinayso in dad badan ay naftooda galiyaan halis. Sanaddii 2018, 2,262 qof ayaa ku dhimatay iyaga isku dayaya in ay ka soo tallaabaan badda Mediterranean si ay u gaaraan dalalka Yurub. Source
  17. Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay ilaa 52 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ku dileen duqeyntii shalay ka dhacday gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee loo yaqaan Afrikom ayaa lagu sheegay duqeyntu ay jawaab u aheyd weerar subaxnimadii hore ee shalay Al-shabaab ku qaadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ee ku sugan degaanka Baar-sanguuni. Talisku wuxuu intaasi raaciyay in gantaal lala beegsaday gaari ay saarnaayeen malayshiyaadka oo marayay meel u dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada hoose balse aan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah.. Dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ee ku sugan degaankaasi ayaa sheegay in isu’geyn wax ka badan 80 dagaallame Al-shabaab looga dilay dagaalkii shalay iyo duqeyntii ku xigtay ee lala beegsaday. Sawirro laga soo qaaday halka duqeyntu ka dhacday ayaa muujiyay gaari nooca xamuulka ah oo gebi ahaanba burburay iyo maydad badan oo dushiisa iyo hareerihiisa waran kuwaasoo qaarkood ay si ba’an u gubteen. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo war ka soo saaray duqeyntii Araare appeared first on Puntland Post.
  18. Taliska Mareykanka ee Africa(AFRICOM) oo qoraal ka soo saaray duqeyn ay sheegeen inay sabtidii ka fuliyeen gobolka Jubadda dhexe, meel u dhow Jilib ayey ku shaaciyeen in Al-shabaab ay halkaasi uga dileen ilaa 52 qof. Mareykanka waxaa ay intaasi ku dareen in duqeyntan ay jawaab u aheyd weerar ay Al-shabaab ku qaadeen fariisinta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay halkaasi ku lahaayeen. AFRICOM waxaa ay leedahay ujeedkeenna waa ka hortagga in Al-shabaab aaney helin gabbaad iyo inay caqabad ku noqdaan howlaha banii’aadnimada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Dawladda Itoobiya oo ku dhawaaqday go’aan culus oo ka dhan ah Dagaal-yahanka Al-Shabab Ciidamada Itoobiya ayaa ku dhowaaqay in howl-gal ballaadhan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab inay dhowaan ka billaabi doonaan gudaha Soomaaliya. Bayaan kasoo baxay ciidmada difaaca qaranka Itoobiya ee loo yaqaan ENDF ayaa lagu xaqiijiyey inuu jiro weerar Al-Shabaab ay sheegatay oo jimcihii lala beegsaday gobolka Baay, waxayna ballan-qaadeen jawaab buuxda. “Ciidamada Itoobiya waxay diyaarinayaan weerar baaxad weyn oo jawaab ah” ayaa lagu yidhi bayaanka ciidamada Itoobiya. Bayaanka ayaa dhinaca kale ku gacan saydhay sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ah in 57 Iaskari oo Itoobiyaana lagu dilay weerarka oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay, oo u dhaxeeya Baydhaba iyo Buur Hakaba ee gobolka Baay. Itoobiya ma aysan shaacin goorta ay qaadi doonto weerarkan ka dhanka ah Al-Shabaab, mana cadda in Amisom ay qeyb ka tahay iyo in kale. Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa ka kooban laba qeybood, qeyb hoos-tagta Amisom, iyo qeyb hoos tagta taliska ciidamada Itoobiya. Howl-galka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa qoraal usoo saaray sabtidii ku sheegay in weerarka lala beegsaday ciidamada Itoobiya lagu dhaawacay saddex askari. Caasimada Online Qaran News
  20. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ayaa ku dhowaaqay in howl-gal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab inay dhowaan ka billaabi doonaan gudaha dalka Soomaaliya. Bayaan kasoo baxay ciidmada difaaca qaranka Itoobiya ee loo yaqaan ENDF ayaa lagu xaqiijiyey inuu jiro weerar Al-Shabaab ay sheegatay oo jimcihii lagula beegsaday gobolka Baay, waxayna ballan-qaadeen jawaab buuxda. “Ciidamada Itoobiya waxay diyaarinayaan weerar baaxad weyn oo jawaab ah” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada Itoobiya. Bayaanka ayaa dhinaca kale ku gacan seeray sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ah in 57 askari lagu dilay weerarka oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay, oo u dhaxeeya Baydhaba iyo Buur Hakaba ee gobolka Baay. Itoobiya ma aysan shaacin goorta ay qaadi doonto weerarkan ka dhanka ah Al-Shabaab, mana cadda in Amisom ay qeyb ka tahay iyo in kale. Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa ka kooban laba qeyb, qeyb hoos-tagta Amisom, iyo qeyb hoos tagta taliska ciidamada Itoobiya. Howl-galka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa qoraal usoo saaray sabtidii ku sheegay in weerarka lala beegsaday ciidamada Itoobiya lagu dhaawacay saddex askari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. London (Caasimada Online) – Baarlamaanka UK ayaa warbixin sannadle ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladaha Soomaaliya iyo dhowaad laba sano kadib doorashadii madaxweyne Farmaajo waxa iska beddelay Soomaaliya. Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la doortay 8 February 2017 ay shacabka Soomaaliay rajo badan ka muujiyeen doorashadiisii, isagoo wakhtigiisii ololaha balan qaaday inuu wada hadal la furi doono Al-Shabaab, laakiin laba sannadood ka dib waxay warbixintu tilmaamtay inuu u muuqdo in la tijaabiyay. Waxay warbixintu sheegtay in Farmaajo uu caqabado kala kulmay nidaamka federal ee dalka Soomaaliya, iyadoo uu khilaaf u dhexeeyo dawladiisa iyo maamul goboleedyada, waxaanay warbixintu tusaale u soo qaadatay dhibaatadii ka dhex dhacday dhawaan dawladda Farmaajo iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed. “Dhawaan waxa uu qalalaase siyaasadeed ka dhex jiray mid ka mid ah maamul goboleedyada oo la yiraahdo Koonfur Galbeed. Doorashadii Madaxtoyada waxa la qabtay December 2018. Markii tartanka lagu jaray dawladda Soomaaliya waxay dhibaato kala kulantay hoggaamiyihii Al Shabaab Mukhtaar roobow oo sidiisa ugu dhawaaqay inuu yahay murashax.” Ayay tiri warbixinta. Wxaay ay intaas raacisay “Roobow waxa la xiray 13 December, maalmo uun ka hor doorashada taas oo meesha ka saartay tartankiisii albaabadana u furtay murashaxii Farmaajo uu doonayay. Xariga Roobow wuxuu keenay degenaansho la’aan ay 5 ruux ku dhinteen. Xarigii Roobow ayay warbixinta Baarlamaanka Ingiriisku tilmaantay inay abuurtay culaysyo siyaasadeed oo caalami ah kuwaas oo ay ka mid yihiin cayritna ergaygii Qaramada midoobay, mooshino kala duwan oo markii dambe wada hadal lagu dhammeeyay. Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay inay Soomaaliya dhibaato iyo dhaawacyo siyaasadeed kala kulantay markii ay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka wadamada Khaliijka, laakiin waxay xustay inay Soomaaliya natiijo togan kala kulantay isbedelada uu sameeyay Raysalw asaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xaliyay khilaafka xuduudeed ee Ereteriya, taas oo keentay inuu meesha ka baxo dagaalkii ay Itoobiya iyo Ereteriya isku herdiyayeen ee ka socday gudaha Soomaaliya. Si kastaba waxa ay warbixintu sheegtay in guul uu madaxweyne Farmaajo gaaraa ku xiran tahay hadba sida uu wax uga qabto xaaladda ammaan ee gudaha Soomaaliya. Dhinaca ammaanka Soomaaliya, sannadkii 2018, waxa ay warbixintu sheegtay inay Al-Shabaab xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha Soomaaliya. “September waxay ahayd bil gaar ah oo xun weerarada Muqdisho. Oktoobar waxay weerarareen kolonyo gaadiid milatari oo uu Midowga Yurub leeyahay oo lagu dilay saddex ruux oo meel taagnaa. Sannadka 2019 wuxuu isna ku bilaabmay si la mid ah. January 1 Al-Shaaab waxay xaqiijisay inay dib u heshay awoodda inay weeraro ka fulin karto saaxiibada Farmaajo la jaarka ah, markii ay weeraro ku qaadeen Nairobi ee ay dileen ugu yaraan 21 ruux. Wuxuu ahaa weerarakani kii ugu balaarnaa ee ay Al-Shabaab ka fuliso Kenya tan iyo weerarkii jaamacadda Garisa ee 205 oo lagu dilay 150 ruux.” Warbixintan uu soo saaray Baarlamaanka UK waxay sidoo kale taabatay xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, tan iyo markii uu xukunka qabtay Farmaajo, oo ay tilmaantay inuu hoos u dhacay, waxaanay sheegtay inaanu Farmaajo ilaa hadda ku guulaysan inuu xoojiyo xiriirka Somaliland. “Madaxweyne Farmaajo ilaa hadda guul kamuu gaarin wanaajinta xiriirka Somaliland. Ka dib dhawr dib u dhac, Somaliland waxay November 2017 qabatay doorashadii madaxtooyada, waxaana ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga KULMIYE. Murashaxii laga guulaystay Cabdiraxmaan Cirro oo Waddani ka socday ayaa ku andacooday in wax la is dabo mariyay laakiin maxkamadda sare ayaa ansixisay natiijadii.” sidaas ayay warbixintu tiri. Waxa kale oo ay warbixintu soo hadal qaaday xiisadda mar walba ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland ee deegaanka Tukoraq oo ay dad badani ku dhinteen, “Dedaal wada xaajood oo si rasmi ah loogu samayn lahaa xabad joojin ayaan guulaysan.” Ayay tiri warbixintu. Warbixintu waxa kale oo ay soo hadal qaaday wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay, “Madaxweyne Biixi ayaa dib u dhigtay March 2018 wada hadalada Soomaaliya, kuwaas oo la filayay in dib loo bilaabo markii ay hakad ku jireen muddo. Ilaa hadda, ma muuqato calaamad muujinaysa inay wada hadaladu dib u bilaabmaan.” Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday go’aan yaab leh, oo ah in ay hubeyn doonto ganacsatada dalkaas, ayada ilaalada gaarka ah ee xarumaha ganacsiga, oo hadda aan hub haysan la siin doono, kadib weerarkii talaadadii ka dhacay Hotelka DusitD2 ee xaafada Riverside ee Nairobi. Go’aankan ayaa durba waxaa shaki ka muujiyey dad badan, ayaga oo sheegay in tani ay keeni karto halis kale oo ah in ilaada ay hubka si qaldan u adeegsadaan kuna waxyeeleeyaan shacabka. Howlgalka ay ciidamada amniga kenya uga falceliyeen weerarkaan ayaa qaatay 18 saac waxaana ku dhintay 21 ruux halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka xiriirna la leh ururka al Qaacida ayaa sheegatay mas,uuliyada weerarkan. Agaasimaha waaxda ilaalada amniga gaarka ah Mr Fazul Maxamed ayaa sheegay in la hubeyn doono waardiye yaasha si ay u sugaan amniga dadweynaha. Balse waxaa tababaro iyo dib eegis lagu sameyn doonaa goobaha u baahan iyo mushaarka ay qaataan waardiye yaasha si uusan dhib uga dhalan mustaqbalka Fog. Weerarkii talaadada ayaa waxaa kaloo ku dhintay laba nin oo ka mid ahaa ilaalada aan hubeysneyn ee ku sugnaa dhismaha la weeraray. Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo sanadihii la soo dhaafay uu sii kordhayay baaqa loo jeedinayo xukuumada kenya ee ku aadan in ay hubka u sharciyeyso ilaalada xarumaha iyo shrikada Ganacsi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  23. Ku dhawaad 30 sano iyo halgan dheer oo ka horreeyey, Gobolada Waqooyi ee Somaliland hadda loo yaqaan ee Soomaaliya waxaa u suuragashay in ay ka madax bannaanaadaan maamulka Koonfurta Soomaaliya. Waxa ay 1961-kii isku dayeen afgambi noqon lahaa kii ugu horreeyey ee ka dhaca Qaaradda Africa balse fudeyd iyo waayo aragnimo yari ayaa ka dhiciseeyey. Hase ahaatee, halgan ay la galeen Kacaankii oo ay uga daydeen kagana dhiirgalin qaateen SSDF ayaa u suuragaliyey in ay 1988 gudaha u soo galeen dhawr magaalo oo dhulkaas ka mid ah sida Burco iyo Hargeysa, yeelkeede, Kacaankii oo itaal yari kulansaday oo laga eryey Koonfurta Soomaalida iyo Caasimada Muqdisho ayaa u fududeeyey in dhistaan bilowgii sagaashamaadkii maamul ay markii dambe ku sheegeen in ay aqoonsi uga raadinayaan dunida! Qolada aan ka hadlayo waa nidaamka hadda ka jira Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi oo ka mid ahaa dableydii falaagada (Jabhad/rebel group ) ahayd ee loo yaqaanay SNM. Falaagadaas , siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka ee qaar ka mid ah gobolladaas shirar ay isugu yimaadeen Burco iyo Boorame waxa ay ku yegleeleen maamul ay u bixiyeen Somaliland iyaga oo ujeedoodu ahaa in ay soo celiyaan wax ay ugu horreen dal uu Ingiriis dhaxal ahaan uga tagay balse ay sal fudeed ugu hadiyeeyeen Koonfurta Soomaaliya oo ay la midoobeen! Hadaba maxaa seegay oo ay eedeen? Waa dhab oo waxaa ilaa iyo manta ay raadinayaan aqoonsi aduunka kale, balse waxaaba dhib ku noqday magacii ay la bexeen. Somaliland – magacaas waxa uu leeyahay saddex macno oo haddii lagu darayo magacyo saddex dal oo Yurub ah kaliya ku kala duwan wadamadaas reer Yurub! Waa British Somaliland, French Somaliland iyo Italian Somaliland! Saddexdaas dal waa kuwii kala guumeysanayey dhulalkaas Soomaaliyeed waagii adoosiga. Garashada magaca Somaliland waa dhulkii Soomaalida! Oo haddii ay sidaas tahay, soo kama habbooneyn si looga sooco Soomaaliya, midda Koonfureed in ay la baxaan magac fududeynaya arrintaas? Muxuu noqon karay? Puntland! Haa, Puntland haddii ay qaadan lahaayeen, waxaa hubaal ah in maanta xoogaa arrintooda sida hadda tahay ka gedisnaan lahayd. Soo hadda maamul looma yaqaan magacaas? Haa, balse waagaas maamulka hadda adeegsada ma abuurneed oo waliba ma soo dhaweyn! Waxaa turuqa loo aasay 1998-kii halka qolada uu seegay la dhisay 1991-kii. Magaca Puntland ugu yaraan waxa uu ka taageeri lahaa, iska daa dadyowga aduunka kale ee, xataa dhallinyarada Soomaalida ah ee aan siyaasadda garashada wacan ka haysan oo ilaa iyo maanta u haysta Somaliland ama gobol maamulka Muqdisho hoos yimaada ama la mid ah Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland! Miyeysan run ahayn in fallaagadii gundhigga u ahayd in Somaliland la dhiso seegay oo ay eedeen magaca PUNTLAND! W/Q: Nuur Axmed Ciise Nairobi, Kenya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Dhalinyaradu waa jiilka mustaqbalka ay ummad kasta ku tashato. Waxay muhiim u yihiin dadka iyo dalka. Sidaas daraadeed, ayey waddamada horumaray, waxay amin iyo enerji geliyaan dhalinyarada, sida caafimaadkooda, waxbarashadooda iyo mustaqbalka waxa ay noqon lahaayeen. Dhalinyaradu, waxaa laga ilaaliyaa inay siyaasadda faraha lasoo galaan, maxaa yeelay waxey leeyihiin awood balaaran oo aan loo babac dhigi Karin. Si looga weeciyo, ayaa lagu mashquuliyaa, waxbarashadada, xirfadaha, sportis-ka sida, ciyaaraha kubada cagta, sido kale waxaa lagu jeediyaa waxyaabaha maadda ah sida, daawashada aflaamta, muusikada, tartamada IWM. Soomaaliya, tan iyo buburkii dowladdii kacaanka, dhalinyaradu waxay ahaayeen kuwa loo adeegsaday duminta dowladnimada, dagaaladii dalka ka dhacay, sidoo kale colaadihii sokeeya ee dalka soo maray. Waxayna inta badan ahaayeen kuwa loo adeegsado qaab qabiil iyo qaab kooxo diimeed. Haddaba waayahan danbe, waxaa si aad ah usoo batay dhalinyaro si xowli ah uga qeyb qaadanaya siyaasadda dalka af iyo adinba. Qaarkood ayaa xilal ka haya dowladda, qaar waa mucaarad, qaarna si toos iyo si dadban ayey uga qeyb yihiin siyaasadda. Dhaba ahaanti, waa wax fiican in dhalinyaradu siyaasadda soo galaan xilalna ka qabtaan, laakin waqtigan la joogo sidaas si ka duwan ayey ugu milanyihiin siyaasadda. Waxa ay weli dhibane u yihiin siyaasiyiin daneysta ah, Iyadoo keliya tixgelin la siiyo xilliyada loo baahnyahay. Waxa ay noqdeen hubka loo adeegsado xasaradaha markaas dalka ka taagan. Sido kale Waxay noqdeen xaabo dabka lagu sii holciyo. Haddaba maxaa sababay inay dhalinyaradu si khaldan ugu milmaan siyaasadda? 1) – Qabyaalad Qabyaaladda oo ah cudurka ugu daran ee soomaalida ku habsaday ayaa misana noqday mid dhalinyarada saameyn weyn ku yeeshay. Tusaale; waxaad ku arkeysaa baraha bulshada, dhalinyaro si indho la’aan ah u garab taagan siyaasi ku heyb ah, iyagoo amaantiisa iyo difaaciisa har iyo habeen heegan uga jira khalad iyo saxba. Danta guudna waxaa kala weyn danta gaarka ah ee beeshooda. Waxeyna noqdeen qaar u adeega iyo qaar u alalaasa. Waxaana taas ugu wacan, iyadoo aysan dhalinyaradu helin dowlad baahidooda daboosha. 2) – Shaqo la’aan Somaaliya, oo dhalinyarada lagu qiyaaso inay yihiin %70, haddana waxaa dalka ka jirta shaqo la’aan aad u baaxad weyn, taasoo sababtay, dhalinyaradu inay noqdaan kuwa ku mashquulay howlo kale. Waxayna dhalinyarada qaar ku milmeen siyaasadda iyagoo u arkay fursad ay xil iyo xoolaba ku heli karaan. Waxay sido kale keentay in qaarkood inay shaqaaleysiiyaan siyaasiyiin iyaga ku heyb ah, si fikirkooda u faafiyaan amaba afkooda iyo aqoontooda wax loogu dhaliilo ama loogu dumiyo, xoogaa dhaqaale ahna lagu siiyo. Qaarna ciddii dhaqaalo siisa ayey u carab laalaadiyaan, hadba howshii la doono ayaana loo adeegsadaa. 3) – Duruufo dhaqaale Maadaama shaqo la’aan baahsan dalka ka jirto, dhalinyarada waxaa heysta duruufo dhaqaale, sidas daraadeed, qaarkood ayaa si dadban iyo si toos ayey dhaqaalo uga hela siyaasiyiin ku heyb ah. Tusaale; dhalinyarada qaarkood ayaa waxaa dhaqaalaha waxbarashada ka bixiya siyaasiyiin ay isku heyb yihiin, sido kale qaarkood waxaa shaqooyin usoo dhameeya isla siyaasiyiinta. Waxayna arrintaas keentaa, in dhalinyaradaas ay toos ugu milmaan siyaasadda, iyagoo usoo ceel joogsada difaacidda iyo amaanta siyaasigaas, maadaama uu ka caawiyay dhaqaalaha waxbarasho iyo geynta goobo shaqo. MAXAA XAL AH? Dhabcan xalka ma ahan mid shaqsi, qabiil ama koox gaar ah ay keeni karto, laakin waa mid looga fadhiyo dowladda Soomaaliya inay dhalinyarada xal u keento, si looga faa’ideysto awoodooda. Waxaana xalka kusoo koobay qodobadan, iyadoo ka badan ay jiri karaan. A) – In dhalinyarada lagu wacyigeliyo qiimaha dowladnimada, sido kale lagu dhiirrageliyo ka shaqeynta danta guud. Lana tuso in reerkiisa in soomaali oo dhanba wax u qaban karo haddii uu si dhab ugu soo jeesto. B) – In shaqooyin loo abuuro. Dhabcan, shaqa abuuristu waxay keeneysaa in dhalinyaradu dareemaan mas’uuliyad, taasoo ka dhigan in waqtigooda ay inta badan ku bixiyaan baraha bulshada iyo ka hadalka micnadarada ay soo yaraan karaan. Waxaa ay dhalinyarada helayaan dhaqaalo ay kaga maarmaan inay cid gaar hoos joogaan, laguna fushado dano gaar ah. C) – In laga caawiyo waxbarashada. Waxbarashadu waa waxa keliya dhalinta ka saari kara jahliga, misana gaarsiin kara inay wax istaraan bulshada waxtaraan. Sido kale, in loo furo goobo waxbarasho oo lacag la’aan ah ama ka jaban kuwa gaarka loo leeyahay. W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Facebook: Abdinasir.safaana Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid