-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya Garoonka Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee M/ Muqdisho ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay nin Ajnabi ah oo looga shakiyay in uu sido walxaha qarxa lagu qabtay Garoonkaasi. Ninkan ayaa la sheegay in lagu qabtay qeybta ugu dambeysa ee baarista Garoonka, xilli uu doonayay in uu ka dhoofo halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkani uu ku qornaa Flight-ka diyaarada Ethiopian Airlines, iyadoona la soo warinayo in laga reebay duulimaadkaasi. Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi, iyagoona u soo gudbiyay qeybta dambi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkani dhalasho ahaan uu ka soo jeedo dalka Koonfur Africka. Ma jiro illaa iyo hadda wax faah faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha amnigu ka bixiyeen ninkaasi. DFS ayaa wax badan ka bedashay amnigao Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, si loola socda dhaq dhaqaaqa dadka ka dhoofaya Garoonka iyo kuwa ka soo dagaya intaba. The post Nin Ajnabi ah Oo lagu qabtay Garoonka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle, Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay beello ku dagaallamaya gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe in ay xabadda joojiyaan. Guudlaawe ayaa sheegay in dedaal walbo ku bixinayaan sidii loo soo gabagabeyn lahaa colaadahaasi, isaga oo dhanka kale waxgaradka ugu baaqay iney ku baxaan beelahan is haya. Sidoo kale, madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay in ka maamul ahaan diyaar u yihiin sidii gogol nabadeed loogu fidin lahaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya xadka gobollada Sh/dhexe iyo Hiiraan. Dagaal beeleedyo ayaa kusoo noq-noqday deegaanno ka mid ah Hirshabelle, welina ma jirto wax xal ah oo laga gaaray. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAR-JOWHAR-CALI-GUUDLAAWE-OO-KU-BAAQAY-IN-LAJOOJIYO-DAGAAL-BEELEEDKA-XADKA-HIIRAAN-IYO-SH-DHEXE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidanka Asluubta ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney ku raad Joogaan Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga magaalada B/weyne. Taliyaha ciidanka Asluubta ee Hiiraan, Korneel Faarax Cali Macow ayaa u sheegay Goobjoog in maxaabiistaasi oo gaareysa Lix ay jabsadeen Darbiga sidaasina ugu suurtagashay iney baxsadaan. Waxa uu sheegay taliyaha in hadda ay raadinayaan maxaabiistaan, islamarkaana ay dib ugu soo celin doonaan xabsiga. Dhanka kale, taliyaha ayaa sheegay in xabsiga dhexe ee B/weyne uu yahay mid u baahan dayactir xooggan, islamarkaana xilli walbo la filan karo in falalkan oo kale dhacaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CODKA-XABSIGA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiracmaan oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Kulan gaar ah la qaatey Guddi Ka socda Golaha Odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed. Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo wajihi lahaa howlaha dib u heshiisiinta ee Maamulka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu ka bilaabay deegaanada maamulkan. Odayaasha dhaqanka ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed u gudbiyay xaaladaha guud ee deegaanadan iyo sida ay muhiim u tahay dib u heshiisiin dhab ah oo deegaanada maamulkan ka hirgasho. Sidoo kale odayaasha dhaqanka waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan dadka deegaanadan iyo la shaqeynta Madaxweynaha cusub iyo maamulkiisa. Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa odayaasha dhaqanka uga mahad celiyay Sida ay uga go’antahay horumarka iyoMaamul wanaaga deegaanadan, Isagoo balan qaaaday in mamulkiisa uu diyaar u yahay in uu la fariisto cid walba oo tabasho qabta si loo xaliyo deganaanshaha deegaankana looga wada shaqeeyo. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa u mahad celiyay odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshada deegaanadan, Wuxuuna kula dardaarmay in wax walba laga horumariyo danta dadka deegaanka ayna la shaqeeyaan maamulka cusub ee dowlad goboleedka koonfur Galbeed, si dadka dowlad Goboleedkan ay u helaan nabad gelyo waarta iyo maamul wanaagsan. The post Guddoomiyaha G/Shacabka Oo kulamo ka wada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxa ay kusoo qabteen waxyaabaha Maanka dooriya. Ciidamadan oo ahaa kuwa Booliiska ayaa qabtay nin la sheegay inuu waday 28 KG oo ah maandooriyaha loo yaqaan xashiishka. Saraakiisha Booliiska Kismaayo oo maanta la hadlay saxaafadda waxa ay sheegeen in cadaaladda la horkeeni doono shaqsigii waxyaabahan watay. Marar badan ciidamada Jubbaland ayaa sidan oo kale waxa ay usoo qabteen rag watey waxyaabaha Maanka dooriya. Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Milateriga dalka Itoobiya ayaa sheegay in Ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya ay ka qeyb qaateen howlgal ka dhan ahaa Al Shabaab oo shalay ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya ayaa xusay in howlgalkaasi ay iyagu iyo Ciidamada DFS oo iskaashanaya ay ku dileen 60 Dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Telefishinka Qaranka Itoobiya ayaa sheegay in xilliga uu howlgalka dhacayay ay Al Shabaab doonayeen in weerar qorsheysan ay ka fuliyeen deegaanadkaasi. Sidoo kale wasiirka Difaaca Itoobiya ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamadooda qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay dhawaan qaadayaan duulaan ka dhan ah Al Shabaab. Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga illaa iyo afar kun oo Askari oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMSIOM. Al Shabaab ayaa dhawaan weerar khasaare geystay ku qaaday kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo marayay degmada Buurhakaba ee gobalka Baay. The post Itoobiya Oo ka qeyb qaadatay howlgalkii Baarsanguuni appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa lagu xiray degmada Gaashaamo ee Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Wariye Coldoon ayaa lagu yaqaano nin si weyn uga hadlay dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ay kala kulmeen maamulkii Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Cabdi Maxamuud Cumar. Maalmihii lasoo dhaafay ayuu ku sugnaa Magaalada Jigjiga, waxaana uu soo tabinaayay warar ku saabsan tacadiyadii loo geystay Soomaalida degan Itoobiya. Isaga iyo labo wariye oo kale ayaa dhawaan laga qabtay degmada Gaashaamo, waxaana xiray Ciidanka Liyuu Boolis, ugu dambeyntiina waxa ay ku wareejiyeen Ciidanka Federaalka Itoobiya. Qaar ka mid ah waxgaradka Gaashaamo ayaa warbaahinta u sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay , islamarkaana Ciidanka Federaalka ay u sheegeen in ay su’aallo ay weydiinayaan ka dibna ay soo deyn doonaan. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com
-
Kismaayo( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay waxyaabaha Maanka-Dooriya, kadib howlgal ay ka sameeyeen gudaha magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Saraakiisha amniga ayaa 28 KG oo ah waxyaabaha Maanka-Dooriya iyo ninkii siday ku soo bandhigay xarunta Booliska ee magaaladaasi. Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in la qabtay Raggii Maan-Dooriyahaasi soo galiyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland. Kaptan Cumar Xujaale Cabdi oo ah madax baarista ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, Waxaana uu sheegay in Maandooriyaha ay gacanta ku dhigeen laga keenay gudaha magaalada Muqdisho. Ammaanka Kismaayo ayaa maalmihii la soo dhaafay si aad ah loo adkeeyay, iyadoona Ciidamada amnigu ay howlgallo ka wadeen magaaladaasi. The post Jubbaland Oo Kismaayo ku soo bandhigtay Maandooriye appeared first on Shabelle. View the full article
-
New York ( Sh. M. Network )-Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyntii shalay ka dhacday deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubadda Hoose, taas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay duqeyntan ay jawaab u aheyd weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidan oo ku yaalla deegaankaasi. Mareykanka ayaa shaaciyay in duqeyntaasi ay ku dileen 52 ka tirsanaa Al Shabaab, kadib markii gantaal lala helay Gaari ay saarnaayeen, sida lagu yiri qoraalkan Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in uu sii wadi doono duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Muddooyinkii la soo dhaafay dowladda Mareykanka ayaa kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliso gudaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 52 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-200119-sx.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaran News
-
Wabiga Shabelle oo sanadkan biyo yareeyay roobabkii xilliga deyrta awgeed ayaa sababay in deegaanno badan ay ka dhacdo biyo la’aan kuwaas oo hoos yimaada goballada shabeellaha dhexe iyo Hiiraan. Iyadoo dadku ay biyaha ka heli jireen wabiga iyo barkado biyaha roobka lagu keydiyo ayaa waxaan jirin ceelal riigag ah oo ku yaala dhulka uu maro wabiga Shabelle ee labadasi gobal marka laga reebo magaalada Jowhar ee xarunta Shabellaha dhexe. Agaasimaha wasaaradda biyaha, macdanta iyo tamarta dowlad gobaleedka Hirshabelle Cabdiwali Maxamed Jaabir oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay xaaladda biyo la’aaneed ee ka jirta gobalalada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe waxa uu sheegay in dadka cabitaan u yahay biyaha wabiga wax waliba ay u isticmalaan dadka deggan tuulooyinka ka fog wabiga ay biyaha roobka ay ku keydsadaan barkadaha dhulka laga qodo. ‘Dadku waxa ay cabaan tubooyin laga soo jiiday wabiga oo kaloorina lagu daray, magaaladda Balaweyne biyaha wabiga laga soo jiido ayaa haamo lagu shubaa kadibna xaafadaha ayaa loo qeybiyaa, sidoo kale waxaa jiro warshadaha biyaha sameeyo kuwaas oo fiil-tareyo biyaha wabiga, dadkana dib uga sii iibiya, waxana iibsada dadka awoodda, mana jiro wax ceel riig ah oo ka qodan magaalada Baladweyne” sidaasi waxaa yiri Cabdiwali Maxamed Jaabir. Sidoo kale Agaasimaha oo warkiisa sii wato ayaa sheegay in dadka kale ee ku nool tuulooyinka wabiga uu maro ay cabaan biyaha wabiga iyo barkado biyaha roobka lagu keydiyo marka wabiga uu biyo yareeyo ama roobka la waayo isaga oo yiri “Dadka tuulooyinka ku nool sidoo kale waa ay cabaan aadna u isticmaalaan biyaha wabiga iyo baraagaha kaydiya biyaha ilaa sanadka danbe laga gaarayo ayey is ticmaalaan, sida aan ognahay sanadkan wabiga oo biyo yareeyay iyo roobabka oo aad u yaraaday waxa ay kaliftay in biyo la’aan weyn laga dareemo tuulooyin iyo dagmooyin hoos yimaada gobalada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe waxana naga soo gaarayo cabasho sida Matabaan, Maxaas iyo Far libaax oo ay ka jirto xaalad biyo la’aaneed maadama dadka reer guuragaa sanadkaan ayna helin roobabkii Deyrta” Dhanka kale Agaasimaha ayaa hadlay uga qorshesan mustaqbalka dhow xaaladda biyo la’aan ee marwaliba ay wajahaan labadan gobal sida ay rabaan in ay u maareeyaan hadii ay yihiin maamuka Hirshabelle. “Hadda waxaan bilaawnay inaan biyo u dhaaminno tuulooyinkii ay cabashada naga soo gaartay, waxaana lageeyay booyado biya ah maadama maamulka uu yahay maamul curdun ah, wasaaraddu wax badan ayey qabatay dowladda dhexe wax badan ayaan ka sugaynaa , waxaa inoo qorsheesan sanadkaan inaan samayno biyo xireeno kuwaas oo looga faa-iidaysanayo inay kaydiyaan biyaha baxa xiliyada wabiga uu fataho. Sidoo kae waxaa inoo qorshaa inaan deegaano badan saarno ceelal riig ah kuwaas oo qeyb ka qaata in laga gudbo biyo yarida in badan ku soo laablaabata labadaan gobal wabigana laga qaado culeeska si mudo dheer biyaha uu u hayo loona is ticmaalo waraabka beeraha oo kaliya” Deegaanada hoos yimaada maamulka Hirshabelle ayaa marwaliba waxa ay wajahaan biyo la’aan waqtiyada wabiga uu biyo yareeyo iyo marka la waayo roobka ayoo ayna jirin wax ceelal riig ah oo hada ka shaqeeyo deegaanada uu maro wabiga shabelle ee labada gobal marka laga reebo magaalada jowhar Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Virtually all pastureland has disappeared and most water sources have dried up in Somalia’s southern region of Gedo, increasing the likelihood of malnutrition and disease. Hundreds of families fled their villages due to the crisis and migrated to nearby areas in search of water and food, according to the local authorities. Gedo has a population of 375,280, according to the United Nations World Health Organization [WHO] figures. Reports from the region indicate that the little water available was contaminated, exposing an already weakened population to many water-borne diseases. The post Severe water shortage reported in Gedo region appeared first on Shabelle. View the full article
-
The Somali Police Force Commander, Bashir Abdi (Ameeriko) arrived in Baidoa, the capital of Bay region as part of his regional tour. The commander, accompanied by several senior officers have visited the Somali Police Forces stationed in town. He warned the police against participating in clan conflicts in tribal areas of regions they are operating at the moment and work on the maintaining of peace and order. The city has hosted Somali president and speaker of the national assembly who attended the inauguration of the newly elected Southwest State president, Abdulaziz Lafta Garen. The post Somali police chief pays visit to Baidoa city appeared first on Shabelle. View the full article
-
The security forces in Beledweyne town, central Somalia have conducted a massive operation overnight in response to the latest insecurity incidents. The planned operation by the forces was carried out in several neighborhoods in Beledweyne town, the regional capital of Hiraan, according to the local residents. The purpose of this operation was to ensure the security and the fight against elements linked to the Al-Qaeda-linked Al-Shabab. Nearly 10 people were reportedly arrested in the operation, who have been arrested at the city’s main police station and are under questioning. Beledweyne has been stable in the past few years compared to other towns in the region, where Al-Shabab imposed a blockade on its former strongholds currently under Somali government control. The post Somali forces carry out security sweep in Beledweyne town appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa shaaciyey in ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho looga aarguday Al-Shabaab. Axmed Madoobe ayaa sheegay in jabkii gaaray Shabaabkii soo weeraray shalay xerada Baar Sanguuni, oo looga dilay ku dhowaad 70 askari, uu aargud u ahaa shacabkii ay ku laayeen isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Dhinaca kale Axmed Madoobe, ayaa markale shaaciyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, saacado uun kadib markii Al-Shabaab ay weerareen saldhiga Baar Sanguuni. Isaga oo ku sugan degmada Dhoobleey ayuu sheegay in ciidamada Jubbaland ay ku jiraan heegan adag, islamarkaana dhawaan ay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in Al-Shabaab saacadaha soo socda ay ka saari doonaan deegaano badan oo ka tirsan Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, waxaana ahmiyadooda koowaad ka dhigay sidii ay u qabsan lahaayeen degmada Bu’aale. Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu Dhoobleey kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. “Waxaa uu sheegay Madaxweynahu in Al-Shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen Ciidamadu isla markana ay tuseen kharaarka ay leedahay guul darada iyo dhimashada” “Wuxuu ku dheeraday Madaxweynahu in Howlgalada ay bilaabanayaan Ciidamaduna ay guulaysan doonan isagoo Siyaasiyiinta Soomaalida ku booriyay in dagaalka loo midoobo oo wakhtiga Siyaasda la galinayo lagu bixiyo xoraynta wadanka” ayaa lagu yiri qoraalka Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday saldhiga ciidamada ee aaga deegaanka Dhoobley ka howlgala. Mudane Madoobe oo ciidanka la hadlay ayaa sheegay in howlgalka xoraynta deegaanada maqan ay diyaar u yihiin oo dhaqaaq uu sugayo, wuxuuna intaas ku daray in dhowaan ay gacanta soo galayaan Degmooyinka Xagar iyo Badhaadhe iyo Gobolka Jubbada Dhexe oo Ciidamadii shaqadaas qaban lahaa ay diyaar ku yihiin meelahii loogu tala galay. Madaxweynaha Jubbalabd waxaa uu ka hadlay in Al-Shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen Ciidamadu isla markana ay tuseen kharaarka ay leedahay guul darada iyo dhimashada kadib mudo badan oo ay dhiiga umada macno daro ku daadinayeen, isaga oo ammaanay Ciidamada Saldhiga Baarsanguuni ee Degmada Jamaame kuwaas oo uu sheegay in Al-shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen. Ugu dambeyntii, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, wuxuu ku dheeraday in Howlgalada ay bilaabanayaan Ciidamaduna ay guulaysan doonan isagoo Siyaasiyiinta Soomaalida ku booriyay in dagaalka Argagixisada loo midoobo oo wakhtiga Siyaasda la galinayo lagu bixiyo xoraynta wadanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen labo ruux oo Soomaali ah oo la sheegay inay doonayeen inay gudaha Kenya hub geliyaan. Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in labada ruux ee la qabtay ay kireysteen gaari ayna doonayeen in la marsiiyo waddooyin qardo jeex ah, si ay gudaha dalka u geliyaan hub ay wateen. Aadan Xasan Maxamed oo 22 sano jir ah iyo Ibraahim Cali Guyo ayaa la qabtay kadib markii darawalkii waday uu qiyaanay, islamarkaana uu geeyay saldhig ciidan, kadib markii uu ka shakiyay waddooyinka ay doonayeen inay gudaha Kenya ka galaan. Labada ruux ee Soomaalida ayaa la sheegay inay ka tageen deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana ay doonayeen deegaan ku dhow xuduuda, balse darawalka ay la heshiiyeen ayaa dul geeyay saldhig ciidan. Bastoolado iyo hub kale ayaa lagu qabtay labada ruux iyaga oo doonayay inay gudaha u geliyaan gudaha dalka Kenya, laakiin booliska ma aysan sheegin halka hubka loo waday. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay go’aan dowladda Mareykanka ay ka qaaday Soomaaliya kaasi oo la xiriira inay dhimeyso ciidamada ka joogo Soomaaliya. Kadib weerarkii ay Alshabaab isbuucii hore ka geysteen Hotelka Dusit D2 ee magaalada Nairobi, waxaa soo baxayay warar sheegaya in Mareykanka uu dhimayo ciidamada kaga sugan Soomaaliya. Wargeyska The Telegraph oo kasoo baxa magaalada London ayaa baahiyay in saraakiil u dhalatay Ingiriiska ay kala hadleen Mareykanka ka laabashada qorshaha uu ku dhimayo ciidamada ka joogo Soomaaliya. Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay bishii June ee sanadkii hore sheegeen inay kala-bar dhimi doonto tirada Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ee Hawlgalladda ka wada qaaradda Afrika seddexda sanno ee soo socta. Ku dhawaad 500 oo askari ayaa Mareykanka ka jooga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo tababara ciidamada dowladda, waxaana saldhig weyn ay ku leeyihiin deegaanka Bali Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee dalka Britain waxa uu ka gaabsaday haddii ay Codsi rasmi ah u direen Maraykanka, ama ay kala hadleen arin la xiriirta Hawlgalaldda Ciiddanka Gaarka ee Maraykanka ka fuliyaan Somalia. Wargeyska The Telegraph waxaa kale oo uu qoray inay Dowladda Britain marmarka qaarkooda qaadaan inay hoggaamiyaan sidii looga hortegi lahaa khatarta ka jirta Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Qoysas hor leh ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay Biyo la’aan darteed ay uga barakaceen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Deegaanada ay Biyo la’aantu ka jirto ayaa waxaa ka mid ah Daabley, Girinley iyo Faxfaxdhuun oo ka wada tirsan gobolkaasi. Xaalado aad u daran oo la xariira dhinca nolosha ayaa laga soo sheegayaa deegaanadaasi, taas oo sababtay in dadku ay ka hayaamaan halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax gaar gaar ah ama caawimaad ah oo ay heleen dadkaasi dhibaateysan. Gobolka Gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka dhinaca nolosha, gaar ahaan Biyo la’aanta. The post Biyo la’aan baahsan Oo ka jirta gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garbahaarey ( SH. M.Network )-Kulankan oo uu shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayna ka qeyb galeen, wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda amniga maamulkaasi Maxamed Cabdi Kaliil iyo Saraakiil Ciidan ayaa fashil ku soo dhamaaday. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa la sheegay in shirkan uu ku soo bandhigay arrimo ku aadan siyaasadda Madaxweyne Axmed Madoobe, qorshahaasi oo ay caroodeen xubnihii ka qeyb galayay kulankaasi. Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in waxyaabihii uu isku casilay ay ka mid aheyd maamul xumida haatan ka jirta deegaanada maamulkaasi, islamarkaana uu ka soo horjeedo in markale xilkaasi loo doorto Madaxweyne Axmed Madoobe. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gobolka Gedo ka dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeeday madaxda uu watqiga ka sii dhamaanayo ee Jubbaland. The post Kulan ka dhacay Garbahaarey Oo fashil ku soo dhamaaday appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( SH. M. Network )-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi (Ameerico ) ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Taliye Ameerico ayaa kormeer ugu tagay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku jira Xero ku taalla magaaladaasi. Waxaana uu uga digay in ay ka qeyb qaataan dagaallada la xariira aanooyinka qabiil ee ka taagan deegaano ka tirsan K/ Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/COD-MAHAD-BOOLISKA-.mp3 The post Taliye Ameerico Oo kormeer ku tagay magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article