-
Content Count
211,164 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Biyo la’aan aad u daran ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Garilley oo ka tirsan Gobolka Gedo, islamarkaana ku taala xuduudda aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Kenya. Fuustadii biyo ah ayaa waxay ka mareysaa Garilley lacag dhan $10 dollar, qiimahaasi oo ah kii ugu sarreeyey. Aar Maxamuud Maxamed oo ah Guddoomiyaha Deegaanka Garilley oo la hadlayey Goobjoog ayaa sheegay in xaaladda Biyo la’aanta in ay gaartey heerkii ugu adkaa, isagoo sheegay in biyaha qura ee hadda deegaanka laga cabo in ay yahiin kuwo ganacsi oo booyado looga keeno dhinaca degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee NFD. Xaaladda meel adag ayeey mareysaa, dadku ma haystaan biyo ku filan, mana ahan kuwo dabooli kara baahida dadka ay qabaan biyaha laga keeno Wajeer Ugu dambeyn, guddoomiyaha ayaa ka codsaday hay’adaha samofalka iyo cid walba oo Soomaaliyeed iney usoo gurmadaan shacabka ku dhaqan deegaanka Garilley. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi Casiis Maxamed Lafta Gareen ayaa ka sheegay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay inuu ka shaqeyn doono xalinta waxyaabihii ka dhacay magaalada Baydhabo intii uu musharaxa ahaa. Lafta Gareen, ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka uu kala hadlay labo arin oo kala ah sidii xal looga gaari lahaa dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada Baydhabo iyo xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Wuxuu sheegay in isaga maadaama hadda uu yahay madaxweynaha la doortay shaqaaqadii dhacday kadib inuu xalin doono tabashooyinka ay qabaan odayaasha dhaqanka ee Koofur Galbeed. “Doorasho kasta oo dunida ka dhacda ayaa dhibaato ay ka dhacdaa, tan iyo ugu yar waa la isku caayaa ama la isku dilaa, waxii halkaan ka dhacay maadaama hadda aniga madaxweyne aan ka noqday Koofur Galbeed anigaa u taagan inaan xaliyo”ayuu yiri Lafta Gareen. Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoonka baarlamaanka ayuu sheegay inuu si aad ah kala hadlay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana uu sheegay in wadahadalkaasi meel wanaagsan uu marayo. Wuxuu sheegay in Mukhtaar Roobow lasoo deyn doono marka uu dhamaado wadahadalka islamarkaana la isku fahmo waxyaabaha ay ka wada hadlayaan, isaga iyo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya. Mukhtaar Roobow ayaa Baydhabo laga soo xiray 13 December maalmo un ka hor inta aysan doorashada ka dhacin magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Tan iyo in muddo ah, Axmed Madoobe, hoggaamiyaha maamulka Kismaayo aan dhaafsiinayn ee Jubbaland waxa uu waday dhoolatus ciidan oo uu ku sheegay in uu ku qabsanayo magaalada Bu’aale ee ah xarunta Jubbada Dhexe. Ma xuma oo waa arrin loo baahan yahay, balse soo sax ma aha in la garto ujeedka iyo xilliga ay ku soo aaday? Uma baahna sharraxaad dheeri ah oo waxa uu ku soo aadiyey kaddib markii ay dowladda Federal-ka ah isu diyaarisay in ay ugu dambeyn Al-Shabaab ka saarto gobolkaas. Waa maxay ahmiyadda uu gobolkaas leeyahay? Bu’aale oo ah xarunta Jubbada Dhexe waa caasimadda maamulka Jubbaland, taas waxa ay ka dhigan tahay in haddii ciidamada dowladda qabsadaan oo hore u haystay Gedo in Madoobe oo waqtiga uga egyahay bisha Agoosto 2019 gudkiisii biyo ugu soo galeen. Marka uu mudo xileedka ka dhammaado, haddii uu diido ama isku dayo car qaladeynta doorashada, dowladda waxa ay awoodi doontaa in ay Caasimadda sida sharcigu yahay ku qabato doorashada, halkaas looga taqaluso Madoobe oo dekedda Kismaayo aan ka ag fogeyn! Taas oo uu ka dharagsan yahay, Axmed Madoobe waxa uu hurdada uga soo toosay dhaqdhaqaaqa dowladda oo waxa uu bilaabay dhoolatusyo looga baahnaa waqto hore. Al-Shabaab oo ka jawaabaya arrintaas waxa ay weerar uga qabsadeen Baar Sanguuni iyaga oo ay argagixisdu sheegatay in ay hub iyo gadiidba ka qabsadeen ciidamada Jubbaland. Hadaba, muxuu ka baran karaa Madoobe dhacdadaas? Axmed Madoobe waxa uu ka baran karaa arrintaas in haddii uu isku dayo dagaal uu kaligiis qaado oo aysan dowladda ku garab siineyn uu la kulmi karno jab weyn, oo sumcaddiisa iyo maamulkiisa dhaawici kara. Waxaa habboon in uu dowladda ciidankeena la shaqeeyo maadama ay hal cadow leeyihiin, haddii kale cidlo inta laga helo ayu halaagi doonaa wiilasha dhallinyarada ah ee uu furumaha soo dhoobay. Weerarkii sabtida Al-Shabaab jab weyn ayaa ku gaaray, sidoo kalena Axmed Madoobe. Markii Shabaabka laayeen ciidanka Madoobe, oo ay soo baxeen ayaa waxaa weeraray oo ayagana laayey duqeymaha Mareykanka. Haddii aysan sidaas dhicin Axmed Madoobe wuxuu dhex fadhin lahaa hab weyn. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaalada guud ee Soomaaliya iyo dagaalka u dhaxeeya Al shabaab iyo dowladda Soomaaliya. Isaga oo la hadlayay warbaahinta ayuu sheegay in dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al shabaab uusan u muuqan mid soo dhamaanaya , balse loo baahan yahay in xal loo helo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac. Wuxuu sheegay in dagaalka loo baahan yahay xal laga gaaro, maadaama labada dhinac ay Soomaali yihiin, loona baahan yahay in qaab kale loo fakaro. Wadada kaliya ee u furan labada dhinac ayuu sheegay inay tahay wadahadal inay ku dhameeyaan dagaalka dhexdooda ah, isagana u doorweyn ka ciyaari doono, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan aniga leeyahay, labada dhinac ee dagaalamaya waa Soomaali, iyaga un ayaa is dilaya, kalama adkaanayaan, wadada kaliya ee u furan waxay tahay inay wadahadlaan”ayuu yiri Abuukar Cumar Cadaan. Dhinaca kale wuxuu ka hadlay barnaamijka iscafinta ee maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay cafiyaan haddii ay isaga wax ka tabanayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ex-Wasiir Yuusuf Garaad oo Nairobi ku sugnaa Weeraradii West gate & Dusit Hotel oo soo bandhigay waxa laga baro karo weeradaa & Xoggo kale oo xasaasiya Weerarkii Westgate iyo weerarkii Dusit labadaba waxaan joogay Nairobi. Waxaan daawanayay Telefishinka, dhegeysanayay idaacadaha, akhrinayay wargeysyada, dhex mushaaxayay saxaafadda bulshada, la sheekeysanayay Kenyan iyo ajnebi. Waxaa hubaal ah in ciidanka amniga ee Kenya, siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo xataa shacabku ay wax weyn ka barteen weerarkii Westgate taas oo daliisheedu ay tahay sida ay Kenya ula falgashay weerarka Dusit. Dalka Soomaaliya, hey’adaheenna amniga, saxaafadda iyo waliba dadka adeegsada saxaafadda bulshadu waxay ila tahay in ay wax badan ka baran karaan howlgalkii amni, kii maareynta xogta iyo kii saxaafadeed ee Dusit. Waa marka hore ee sidii booliiska iyo Dowladda Kenya ay u maareeyeen xogta oo xataa ay iska dhegatireen sheegashada Shabaab ilaa ay hubsadaan soona afjaraan weerarku waxay ahayd farsamo sarreysa. Goobta lagu qabanayay shir saxaafadeedka macna weyn ayay gudbineysay. Mas’uuliyiinta loo xulay in ay hadlaan sida af hayeen booliis, Wasiirka Gudaha iyo Madaxweynaha iyo mid waliba goorta uu hadlayay, goobta uu ka hadlayo iyo farriinta uu gudbinayo waxaa ka muuqatay in aad looga fekeray. Sida ay saaxafaddu uga hadashay iyo shacabka Kenya qaabka ay u adeegsadeen saxaafadda bulshadu waxay mudan yihiin in si dhug leh loo derso. Siyaasiyiintu Kenya iyagu waxay xaqiijiyeen kuna ammaanan yihiin in ay ilaaliyeen wadajirka Shacabka Kenya ee diin iyo isirwadareedka ah. Waxay ka shaqeeyeen in aan dad culeys gooni ah la dul dhigin isirka ay ka soo jeedaan ama diinta ay aamminsan yihiin awgeed. Howlaha xasaasiga ah ee Marxaladdaan oo kale waxaa ka mid ah miisaanka la saarayo maareynta xogta iyo wargelinta shacabka oo keliya aan ku koobnayn waxa dhacaya ee ay ka mid tahay waxa shacabka la gudboon. Si ay ka muuqato mas’uuliyad, oo faham qoto dheer iyo deggenaani kaashatay ayaa loo maareeyay xogta, midda ay tahay in la keydiyo, midda ay tahay in dadweynaha lagu wargeliyo, tan ay tahay in dadweynaha looga digo, goorta la gudbinayo iyo goorta, mas’uulka gudbinaya intuba waxay ahaayeen kuwo ka dambeeyay u fiirsasho iyo ka fiirsi badan. Waxaan is leeyahay cashar ay sahlan tahay in lagu tababbarto ayaa Soomaaliya ugu jira – Dowlad iyo Shacabba. Inta caqliga u saaxiibka ah cashar ayay ka bartaan dhacdooyinka soo mara iyo waxa ka dhacaya hareerahooda. W/Q: Yuusuf Garad UT grad and Houston native killed in Kenya terror attack Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Hani Maxamed, oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa sheegtay iney sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qaban doonto dhibaatooyin ay sheegtay iney u soo gudbiyeen dadka deegaan-doorashadeeda, oo ay fasaxeeda kulamada Golaha Shacabka booqashadii ugu horeysay ugu tagtay iyaga. “Iinsha Allaah (dhibaatooyinkaas) qaarna waan isla xalinay, inta dhimanna si deg-deg ah ayaan wax uga qaban doonnaa, dawladda aan wakiilka uga nahay shacabkaan ayaana u gudbin doonnaa, iyadaana u heli doonta jawaab ay ku qancayaan dadka aan matalo” ayey Xildhibaan Hani ku tiri dhigaal ay ku soo daabacday Feysbuuggeeda. Deegaan-doorashada Xildhibaannadda, oo ah magaalada Baydhaba, ayey sheegtay in dhibaatooyinka ka jira ay dadka deegaanka ka haystaan dhinacyada maamulka, cafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada, sida ay hadalka u dhigtay. Xiligaan oo kale, oo ay Xildhibaannadu fasax ka yihiin kulamada joogtada ah ee Kalfadhiga Baarlamaanka, waxay fursad u haystaan iney dib ugu laabtaan deegaan-doorashadooda, si ay uga marqaati noqdaan dhib iyo dheef waxa haysta dadka iyo deegaanka ay matalaan, kadibna u wajahaan xalka, sida markii ay matalaadda raadinayeenba ay ku doodayeen. Hase ahaatee, Xildhibaanno aan tiro yareen ayaan taas ku guuleysan, oo waqtigooda fasaxa iyo mar aysan fasax ahaynba ku bixiya Muqdisho ama meel kale oo ka baxsan dalka, halkaas oo ay inta badan ku nastaan. Qaarkood, oo markii hore ahaa qurbo-joog, waxay dib ugu laabtaan qoysaskoodii iyo dalalkii ay dhalashada 2-aad ka haysteen, fursadna isuma helaan dadkii iyo deegaankii ay ku matalayeen Golayaasha Baarlamaanka. Isha: Kalfadhi Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kacdoonkii qoomiyadaha Axmaarada iyo Oromadu wuxuu horseeday iscasilaaddii ra’isal wasaarihii Itoobiya Hailemariam Deselagn oo isagu ka soo jeeday qoomiyadaha koonfurta. Haddaba si xiisadahaa kacsan loo dejiyo xisbiga talada haya ee EPRDF wuxuu bishii April 2018 ra’isal wasaare u magacaabay Dr Abiy Axmed oo isagu ka soo jeeda qoomiyadda Oromada. Doorashadiisa waxa loo doorbiday saddex arrimood oo kala ah: In uu keeno isbedello ka turjumi kara ama jawaab u ah tabashada dadweynaha, In lagu raalli geliyo qoomiyadda Oromada oo qarniyo tirsanaysay in la gacan bidixeeyay, Ugu dambeyn in lagaga hor tago damaca qoomiyadda Axmaarada oo qoomiyadaha kale oo dhammi sas ka qabaan xukunkooda. Si kastaba ha ahaatee ra’isal wasaaraha cusub wuxuu mar kaliya si degdeg ah u qaaday arrimo u baahna in la kala horaysiiyo, tusaale ahaan isaga oo marka hore aan abbaarin ama xal u helin dhibaatadii iyo xasaradihii ka aloosna dalka gudihiisa iyo isaga oo aan weli xukunkiisu adkaan ayaa wuxuu xoogga saaray heshiiskii Ereteriya iyo arrimaha Geeska Afrika. Ra’isal wasaaruhu wuxuu ku baaqay in uu isku soo dhaweynayo dalalka Gobolka kadibna la midayn doono mustaqbalka laakiin, isaga oo burinaya aragtidiisii hore wuxuu sameeyay isbahaysi (alliance) ka kooban Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya. Runtii waa tallaabo shaki ku abuurtay xubnihii kale ee urur goboleedka IGAD, waxaana suurto gal ah in ay iyaguna ku dhawaaqan isbahaysi jawaab u ah xulafada Abiy Axmed iyo Afewerki. Hase ahaatee Dr Abiy Axmed khaladkii ugu weyna wuxuu sameeyay markii uu si degdeg ah oo aan laga fiirsan u ogolaaday in jabhadihii hubaysna dib ugu soo noqdaan dalka sida: GIMBOT 7(Axmaaro), OLF(Oromo) iyo ONLF(Soomaali) oo muddo dheer dagaal kula jiray Itoobiya iyo xukunka xisbiga EPRDF. Ma xumo in lala heshiiyo waxayse ahayd in ay marka hore ka tanaasulaan fikradaha xagjirka ah ee ku dhisan qoomiyadaha oo ay u noqdaan ururo u taaggan Qarannimada Itoobiya. Haddaba iyada oo ay adag tahay in ay maamul la wadaagan xisbiyadii ka talin jiray kilallada ay ku soo laabteen. kilalka Oromiya waxa ka qarxay dagaal lagu hoobtay oo u dhexeeya OLF iyo xisbiga ODP ee talada hayay waana xisbiga Abiy Axmed ku metelo xisbi weynaha EPRDF. Iska hor imaadyadu inta badan waxay ka socdaan gobolka Wollega. Kilalka Axmaarada isagana waxa ka jira mudaharaadyo iyo rabshado goosgoos ah oo u dhexeeya Jabhadda GIMBOT 7 iyo maamulkii hore u joogay. GIMBOT 7 waxay ka soo horjeeda nidaamka Federalism-ka, waxa kale oo ay wataan ajande ah in la soo nooleeyo meeqaamkii saraynta Axmaarada iyo taariikhdii Imbiraadooriyaddii Itoobiya. Bannaan baxyada waxay ku soo bandhigaan calankii iyo calaamadihii boqor Haile Selasse. Kilalka Soomaalida waxa lagu soo dhaweeyay ONLF oo ka sii fog jabhadaha kor ku xusan, haddii aanay hadda wax ka bedelin mawqifkoodii ahaa in dhulka Soomaalidu yahay Mustacmarad u baahan in laga xoreeyo gumaysiga Itoobiya, sidaa daraadeed u saadaalin maayo waa se wax la fili karo in jabhadda soo guryo noqotay ee ONLF iyo dawlad degaanku iskaga horyimaaddan aayaha iyo talada Kilalka Soomaalida. Guntii iyo Gabogabadii Hereriyiinta ayaa ku maahmaaha ‘Dameeraha Adari ninka foofiya ayaa soo xareeya’. Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed isaga ayaa ka masuul ah oo looga fadhiya xoog iyo xeeladba furdaaminta jabhadaha xagjirka ah ee uu oodda ka soo qaaday oo halis galin kara xasilloonida iyo midnimada Itoobiya iyo xataa dalalka gobolka oo dhan. W/Q: Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar oo caan ku ah tacabka Bariiska dalka ayaa lagu tijaabiyay nooc cusub oo wali aan horey looga beeran jirin beeraha magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Bariiska ka bixi jiray magaalada Jowhar ayaa ahaa nooca loo yaqaano Dalka (Bariis Cad), laakiin waxaa hadda la bilaabay in lagu tijaabiyo bariis iib ahaan dalka dibadiisa looga keeni jiray. Khabiiro ku xeeldheer arrimaha beeraha iyo iskaashatada beeralayda gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa tijaabadaasi ka sameeyay beeraha magaalada Jowhar, waxaana lagu guuleystay tijaabadaasi. Qaar kamid ah iskaashatada Beeraleyda Shabeelaha Dhexe ayaa Caasimadda Online u sheegay inay doonayaan inay soo saaraan bariis badan oo looga maarmi karo kan dibadda laga keeno. Bariiska laga keeno dibadda ayaa kamid ah cunadda joogtada ee Soomaalida ku sugan gudaha dalka, waxaana laga keenaa wadamo kala duwan iyadoo ay ugu badan yihiin wadamada carabta. Maamulka Shabeelaha Dhexe iyo kan Hirshabeelle ayay ka dalbadeen inay ka helaan dhiiri gelin kor u qaadi karta wax soo saarkooda, waxaana sidoo kale ay fariin u direen wasaaradda beeraha ee xukuumadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degaanka Xarfo oo ku yaalla Waqooyiga gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland, ay halkaasi ku xayireen gaadiid u rararnaa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Qaar ka mid ah Wadayaasha Gaadiidka ayaa warbaahinta u sheegay in labaddii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku xayirnaayeen degaanka ka dib markii lagu rogay Canshuur Xad dhaaf ah oo aysan bixin karin. Gaadiidka ayaa horay u bixin jiray lacag dhan $40 Dolllar halka hadana lagu sii daray $20 Dollar oo kale iyadoona wadarta guud ee lacagtaasi ay noqonayso $60 Dollar. Maamulka Wasaaradda Maaliyada ee gobolka Mudug ayaa gaadiidleyda u sheegay in lacagtaan lagu difaaci doono gobolka Sool oo inta badan ay ku dagaallamaan Maamulada Somaliland iyo Puntland. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
-
Weerarkii Westgate iyo weerarkii Dusit labadaba waxaan joogay Nairobi. Waxaan daawanayay Telefishinka, dhegeysanayay idaacadaha, akhrinayay wargeysyada, dhex mushaaxayay saxaafadda bulshada, la sheekeysanayay Kenyan iyo ajnebi. Waxaa hubaal ah in ciidanka amniga ee Kenya, siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo xataa shacabku ay wax weyn ka barteen weerarkii Westgate taas oo daliisheedu ay tahay sida ay Kenya ula falgashay weerarka Dusit. Dalka Soomaaliya, hey’adaheenna amniga, saxaafadda iyo waliba dadka adeegsada saxaafadda bulshadu waxay ila tahay in ay wax badan ka baran karaan howlgalkii amni, kii maareynta xogta iyo kii saxaafadeed ee Dusit. Waa marka hore ee sidii booliiska iyo Dowladda Kenya ay u maareeyeen xogta oo xataa ay iska dhegatireen sheegashada Shabaab ilaa ay hubsadaan soona afjaraan weerarku waxay ahayd farsamo sarreysa. Goobta lagu qabanayay shir saxaafadeedka macna weyn ayay gudbineysay. Mas’uuliyiinta loo xulay in ay hadlaan sida af hayeen booliis, Wasiirka Gudaha iyo Madaxweynaha iyo mid waliba goorta uu hadlayay, goobta uu ka hadlayo iyo farriinta uu gudbinayo waxaa ka muuqatay in aad looga fekeray. Sida ay saaxafaddu uga hadashay iyo shacabka Kenya qaabka ay u adeegsadeen saxaafadda bulshadu waxay mudan yihiin in si dhug leh loo derso. Siyaasiyiintu Kenya iyagu waxay xaqiijiyeen kuna ammaanan yihiin in ay ilaaliyeen wadajirka Shacabka Kenya ee diin iyo isirwadareedka ah. Waxay ka shaqeeyeen in aan dad culeys gooni ah la dul dhigin isirka ay ka soo jeedaan ama diinta ay aamminsan yihiin awgeed. Howlaha xasaasiga ah ee Marxaladdaan oo kale waxaa ka mid ah miisaanka la saarayo maareynta xogta iyo wargelinta shacabka oo keliya aan ku koobnayn waxa dhacaya ee ay ka mid tahay waxa shacabka la gudboon. Si ay ka muuqato mas’uuliyad, oo faham qoto dheer iyo deggenaani kaashatay ayaa loo maareeyay xogta, midda ay tahay in la keydiyo, midda ay tahay in dadweynaha lagu wargeliyo, tan ay tahay in dadweynaha looga digo, goorta la gudbinayo iyo goorta, mas’uulka gudbinaya intuba waxay ahaayeen kuwo ka dambeeyay u fiirsasho iyo ka fiirsi badan. Waxaan is leeyahay cashar ay sahlan tahay in lagu tababbarto ayaa Soomaaliya ugu jira – Dowlad iyo Shacabba. Inta caqliga u saaxiibka ah cashar ayay ka bartaan dhacdooyinka soo mara iyo waxa ka dhacaya hareerahooda. W/Q: Yuusuf Garad
-
Askarigu Sidduu u Yimidba Askartii Ummadiibay ku Amar-kutaagleyneysaa Mudooyinkan ugu danbeeyey Jamhuuriyada Somaliland Waxa kor u kac ku yimi dacwadaha iyo cabashada shacabku ka cabanayaan askarta siiba ciidamada booliska, kuwaas oo shacabku kaga Cabanayaan inay ku hayaan cadaadis, Xayiraad, cabudhin, caga-juglayn iyo gacan qaad ay waxyeelo ugu geysanayaan Una dheertahay xadhig bilaa sifo ah oo shacabka layska xidhxidhaayo. Hadaba Waxa isweydiin mudan maxaa kalifay in Boolisku shacabkii ku Amar-kutaagleeyaan? Waxa ugu wacan baa la odhankaraa :- 1,Ciidamada Booliska Somaliland 80% oo aan wax qorin waxna akhriyin sidaa laajigeed sidee ayuu sharci dhowre iyo sharci fuliye u noqon karaa ruux aan akhriyi karayn shuruucda iyo xeerarka dalka u yaala iyo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadunku leeyey sidoo kale dhacdo uu joogay aan faalo ka qorikarayn. 2,In ciidamada Boolisku ayna ogaynba in cidda ay u shaqeeyaan aynan Dawlad ahayn ee shacabka yihiin, maxaa yeelay cidda mushaharkooda bixisaa waa cashuurta shacabka markaa halka gaadiidlaydu dadka ugu shaqeeyaan gaadiidka oo ay ugu daabulaan oo kale ayuu Boolisku ugu shaqeeyaa shacabka si uu u dhawro shuruucda iyo qownuunka ummadu dhigatay Una ilaaliyo nabada mujtamaca dhexdooda. Sidaa laajigeed waa qalad in Boolisku uu ku beer-laxawsado Ummada guryihiinaanu hor tumanahay si aanu u ilaaliyo naftiina iyo maalkiina nabadna ku seexataan!! Se inay mushahar ku qaataan oo ay siiyaan kuwa ay tacadiga u gaysanayaan seegan. 3,Boolisku ma oga in uu muwaadinku xaq u leeyey in uu cabiro fikirkiisa oo xaq u leeyey inuu dhaliilo waxna ka sheegi karo xukuumada iyo qaybaha Dowladiisa ee in latoosiyo ama lasaxo u baahan Isaga oo si xor ah ugu soo tabinaaya shacab iyo xukuumadba fikirkiisa Qoraal, Tix iyo Tiraabba, sidoo kale cabasho iyo eedaynba laga tabin karo booliska lana dhaleecayn karo. 4,Madaxda sare ee booliska oo aad moodo inay qarnigii tegey joogaan oo aanay waxba kala Socon waayaha dalku ku suganyey iyo halkuu xaal maraayo, waayo taliyihii Booliska oo ogayba in ciidankii uu madaxa uu u ahaa in sida tilifoon wax loogu shubto loona adeegsado sidii calooshooda u shaqaystayaal halka taliyaha laftiisu uu arimihii gudaha iyo amagereeshinkii howshoodii tuurta uritay ee uu ku mashquulsanyey,halka taliye kuxigeenku Isaga oo muqlaysan Intuu bir-ma-geydada jeelka dhigo ku andacoonaaya askartii Kacaankii far laguma soo taagi jirin anakana afkaa nalagu soo taagayaa waa nasiibdaro wixii laga dagaalamay ee naf iyo maal lagu waayey ee malaayiin u dhaqan gadoomeen dalandoolkay ku galeen dalal shisheeye awgood waana ayaan daro inuu masuul hogotusaale ka dhigto dharaarihii qadhaadhaa ee dadku is ilowsiinaayey, se waa mooganaanta madaxda booliska in laga tagey warkaa oo khad far ladaro wax lagu doorto,halka misna booliska af hayeen u yahay nin wakhtigii isticmaarkii inuu joogo aad moodo oo af qalaad iyo xeer qalaad shacabka ku moosaya Intuu xidhxidho,mar hadii madaxdii Boolisku sidan tahay askartiina waa allow sahal. 5,In aanay jirin gudi madax banaan oo u dhaxaysa shacabka iyo booliska oo cabashada shacabka loo gudbiyo oo baadha saxdana booliska se halkaad ka cabanayso u dacwo tag waa horana saligaaga kasoo qaado saldhiga adigaa iskeenaye!, Hadaba iyada oo Taasi tahay Waxa u sabab ah tacadiga shacabka lagu hayo ayaa shacabkii leeyihiin siduu Kornaynku u yimid askartiiba wey kibirtay oo aad bay shacabka ugu faro iyo xadhig dhiiran yihiin, siday tahayba Madaxweynaha Askariga ahi siduu u yimi Askartii Ummadiibay ku Amar-kutaagleyneysaa. Doqon ninkii Canaanta Wuu I Caayey bay tidhaa! Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Cabdillaahi Fadal, Waa Hoggaamiye Ciidan Ee Abwaankii Weynaa & Abwaannada Yaryari Maxay Arkeen ? Bulshada Somaliland guud ahaan inta badan didmo iyo Cuqdad ayay muujiyaan markay arkaan Askari dirays xidhann guud ahaan, balse Cuqdadaas iyo Didmadaas waxay ka dhaxleen gumaadkii iyo Cadaadiskii Ciidammadii keli-taliyihii Siyaad Barre, haddaba Anigoo ah muwaadin inta badan ka hadla daryeelka Ciidammada Dalkeena qaybahooda kala duwan, waxaan leeyahay Bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan ee dhismaha Waddanka Xog-ogaalka u ah, gaar ahaan kuwa Hal-abuurka ama Suugaanta iyo guud ahaanba waxa keliya ee Somaliland ka wada dhexeeya ee hormoodka u ah, Dawladnimadeena iyo Madax-bannaanideena waa Ciidammada Dalka qaybahooda kala duwan, sidaasi awgeed waxaan leeyahay Abwaannada yaryar Casriga ah iyo Abwaanka Suxufiga ah Cali Seenyo waxay ahayd inaad Shacabka u soo bandhigtaan Barnaamijyo Wacyi-gelin ah oo kor loogu qaadayo Daryeelka iyo Taakulaynta Ciidammada Ciidammada Dalkeena, Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliiska, Ciidanka Asluubta iyo guud ahaan Ciidammada dalka. Waxaan leeyahay Abwaannada aan kor ku xusay waxaad tihiin kuwii Bulshada ku jihayn lahaa Daryeelka iyo Taakulaynta Ciidammada Cadowga Hor-taagan iyo kuwa Nabadgalyada gudaha Dalka u heeganka ah ee Booliiska iyo Asluubta. Sidaasi darteed waxa la idinka sugayaa waa Wacyi-gelin taas, balse nusqaan iyo sharaf jab bay idinku tahay inaad Warbaahinta Dalka iyo kuwa dibeddaba uga gudbisaan af-xumo iyo eedayn qaawan Taliyaha Ciidanka Booliska, Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Ciidammada Booliiskaba. Waxaan ku soo af-meerayaa Qormadan Cabdillaahi Fadal waa Hoggaamiye khibrad iyo adkaysi u leh Ciidammada Booliska, ee waxaan leeyahay Shacabka Somaliland waxa innagu waajib ah inaynu daryeel iyo Taakulo la garan galno guud ahaan Ciidammadeenna. Wa billaahi Tawfiiq W/Q: Mowliid Aadan Cumar. horseed001@gmail.com Qaran News
-
(SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa la filaaya Inuu barqada ka subixii ku soo laabto Dalka Somaliland Kadib marki uu muddo socdaal Ugu maqnaa Waddamada KENYA iyo Itoobiya . Soo laabashada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa ku soo beegmaysa xilli muran badani ka taaganyahay qabsoomida doorashooyinki Somaliland iyo guddida doorashooyinka. Sidoo kale waxaa Dalka ka jira buuq baqan oo ka dhashay xadhiga shakhsiyaadka xorriyad hadla. Soo dhawaynta Guddoomiyaha ayaa laga dareemaya Magaaladda Hargaysa iyo baraha bulshadu ku kulanto ee Internerka . Waxyaabaha uu ka hadlo soo laabashadiisa kala soco shabakadda wararka ee Somalilandtoday. Source
-
Masuuliyiinta xilka ummadda u haysa qaarkood markay xilka qabtaan waxay markaba bilaabaan inay laba liqaan xoolaha ummadda oo qaab xaaraan ah u isticmaalaan. Masuulkii xilka hayey hantidii ummadda ayuu ku tagri falayaa intuu xilka hayey, markaasuu keyd ka dhigtaa oo ku shubtaa xiaabaad uu gaar u leeyahay (personal account). Xanuunka Xilka Qaadista ka dib Tuaaal ahaan masuulka ayaa keyd ahaan u dhigtay lacag dhan oo qadarkeedu yahay $600,000. Isagoo ku faraxsan lacagta badan ee uu helay ayaa xilkii laga qaadayaa, ka dib wuxuu is odhanayaa imika ayaad fursad u heshay inaad lacagtii waxa ku qabsato. Ha noqoto inuu guro ku dhisto amma ganacsi ku furto. Markaa xilka laga qaado ayuu xanuun xaga ilaahay k yimid ku dhacaa. Markaba waxa la dhigaa dhakhtar gaar loo leeyahay oo lacag badani ku baxayso. In muddo ah ayuu ku jiraa. Hadana waxa la odhanayaa halkan waxba waa lagaga qaban waayey ee dibada ha loo qaado. Tikidhkii, baasaaboorki iyo diyaaradii ayey lacag badani ku baxaysaa. Waxa loo qaaday dalka Hindiya dhakhtarkii la gee, muddo ka dib hadana waxa la yidhi halkan waxa ka dhakhtar fiican maleesiya ha loo qaado, maleesiya la gee muddo ayaa halkaasi lagu daweeyaa, hadana waxa la yidhi dhakhtarka ugu fiicani ee xanuunka dawayn lahaa waxa laga helayaa Jarmalka. Jarmalkii la gee muddo halkaasi lagu dawee. Masuulkii ilaahay xaaraan kaga jarayo ifka ee ajali u dambayso wuxuu soo noqdaa isagoo caato ah oo aan shilin ka hayn lacagtii ahayd $600,000, ee xoolaha ummadda ahayd. Ka kalena intuu xanuunsado ayuu ku dhintaa, aakhirkana ilaahay ayaa la xisaabtama. Madaxda qaarkood iyagoo xilka haya ayey toos guryo ugu dhistaan xoolaha ummadda, markay xilka laga qaado ayey xanuusadaan gurihii xaaraanta ahaa ayaa dib loogu xarashaa si loogu daweeyo. Cunista iyo ciqaabta ka dhalanaysa xoolaha ummadda Ilaahay SWT wuu xaaraantimeeyey cunis xoolaha agoonta, siday sheegayso aayadda 10-naad ee suuradda Al-Nisaa “kuwa xoolaha agoonta ku cunaya dulmi, waxay calooshada gelinayaan naar”. Qofka madaxda ahi waxa uu ka baxay ballankii uu ilaahay la galay, marka uu xoolaha ummadda cunaayo. Sidoo kale wuxuu ilaahay SWT suuradda Isra aayadda 34 ilaahay wuxuu ku sheegay kuna amray dadka muslimiinta ah” Oofiya ballanka, waayo qiyaamaha ballanku waa mid lays wediinaayo”. Ma jirto khiyaamo ka weyn in xoolaha ummadda la cuno. Xadiis saxeexa ah ayuu Nabigu(NNKHA) ku yidhi” Qofka na khiyaamaa naga mid maaha”. Waxa soo saaray Muslim, waxaana weriyey Abu-Hurayra. Suuradda Aali Cimraan aayadda 161-naad ayuu ilaahay SWT ku yidhi” Qofka wax xada amma khiyaameeya, qiyaamaha waxa uu la iman waxa uu xaday amma khiyaameeyey.” Dhammaan aayadahaasi iyo axaadiistaasi wax ay inoo caddaynayaan inay xaaraan tahay in xoolaha ummadda xaq daro lagu cuno. Ilaahay xaqa ha na waafaqiyo. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-20012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu arkay meydadka 4 qof oo la soo dhigay. Dad ku sugan Ceelasha ayaa sheegay in laamiga dhinaciisa lasoo dhigay 4 ruux oo meyd ah, oo indhaha ka xiran, kuwaas oo aan weli la ogeyn dadka ka dambeeyay dilkooda. “Dilka ka sokow, waxaa dadka aad uga yaabiyey qaabka loo dilay ee kadibna indhaha looga xiray” Waxaa sidaas yiri qof ka mid ah dadka deegaanka. Waxaan weli caddeyn in dadkan ay yihiin dad degan xaafadda Ceelasha iyo in magaalada Muqdisho meelo ka mid ah laga soo kaxaystay kadibna markii la dilay halkaas la dhigay. Dadweyne farbadan oo ku nool Ceelasha Biyaha ayaa tegay goobta meydadka ay yaalaan, ayada oo dadka ay isku dayayaan inay aqoonsan karaan iyo in kale. Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta meydadka lasoo dhigay, kuwaas oo wada baaritaano ku aadan cidda ay yihiin dadka la dilay iyo cidda fulisay dilka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargaysa) Proff Cabdi Cali Jaamac oo jawaab qoraal ah ka soo saaray hadalka gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay inaanay jirin wax digniin ah oo la soo gaadhsiiyey ka hor Intii aan la shaacin in laga saaray xisbiga Kulmiye, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi :- Marka aad sharci darro aad samaysay, aad raaciso been indho-adayg ah, oo aad ka xishoon waydo ummaddaada waxay noqonaysaa in Ilaahay garabkaaga ka baxo oo kar-kaarka ku waydaariyo!!! Ku lahaa nimanka xisbiga laga saaray waa la mariyey dariiqii sharciga; waa loo yeedhay; digniin waa la siiyay; waxa kaliya ee u hadhsanaa waa ganaax; taasi ayuun baan la marin eriga ka hor!!! Waxa ka daran sharciyada aan jirin ee uu daliishanayo; ku lahaa qofku xisbiga haddii uu dibadda ka dhaliilo, waa eri; waa jeebkiisa; xagguu ka keenay!!!; aragtiyada kala duwan ee xubnaha xisbigu warbaahinta waa laga sii deyn karaa; ma aha sir; bal, waa ba xaq ay leeyihiin muwaadiniinta la matalayaa si ay u ogaadaan in dantooda la isku hayo iyo in kale; in loo maqan yahay iyo in kale; cidda gardaran; cidda laga gardaran yahay; dukaankaaga ama gruigaaga ayaa hoosta laga soo xidhaa; xisbi dhan oo ummadi leedahay ma handaraabi kartid!!! Yaa miskiin!!! Wallahi, maanta kuwani iigama baahna in aan caayo ama ceebeeyo, maxaa yeelay waxa ceeb ugu filan beenta intan le’eg ee ay halkan ku duubeen; bal dhegayso Link-gan; tolow maxaa ku kallifay been abuurka iyo masabidka intan le’eg; miyay kala quusteen Ilaahay iyo dadkiisa. Source
-
(SLT-Tokyo)Maanta waxaa dunida isaga tagay oo geeriyooday mid kamid ah ragii ugu cimriga dheeraa adduunka inta la ogyahay. 259 cisho oo kaliya ayaa laga jogaa markii la gudoonsiiyay shahaadada ninka dunida ugu da’da weyn, diiwanka lagu qoro waxyaabaha dhif iyo naadirka ah ayuu sidaasi ku galay (Guinness World Records). Waxaa lagu magacaabi jiray Masazo Nonaka waxaa uuna u dhashay dalka Japan oo uu iminkaba ku geeriyooday, waxuu dhashay July 25, 1905. waaberigii saakay ayuu ku geeriyooday gurigiisa xili uu hurdaaye sida ay Daily Mail u xaqiijiyeen ehelkiisa, waxa uuna jiray 113 sano. Source
-
Garowe (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Wakiilada Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo] ayaa maanta magacaabay Guddiga doorashada ee Guddiyada joogta ah ee Baarlamaanka maamulkaasi. Xubnaha Guddiga uu magacaabay Gudoomiyaha ayaa ka kooban saddex xubnood oo ah Xildhibaano oo ka tirsan Gollaha Sharcidejinta. Mudanayaasha xubinta ka ah Guddiga ayaa kala ah; Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Muuse Xasan iyo Cali Axmed Saalax. Xubnaha Guddiyada joogatada ah ee Baarlamaanka Puntland ayaa la filayaa inay ka koobnaadaan min 10 xubnood, oo leh saddex Gudoomiye, oo lagu xulayo hanaan awood qaybsiga gobolada dowlad goboleedkaan. The post Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Guddi magacaabay appeared first on Shabelle. View the full article