Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Lix wariye oo ka howl-gala warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Somaliland ayaa loo haystaa in ay Like, Comment iyo share ku sameeyeen qoraallo ay xukuumadda Somaliland dhibsatay. Wariyeyaashan ayaa la sheegay in ay u yeedheen guddida anshax marinta wasaaradda warfaafinta Somaliland. Kooxdan weriyeyaasha ayaa magacyadooda lagu sheegay: Cabdicasiis Maxamed Maydhax, Siciid Faarax Cagjar, Nuura Maxamed Nuur, Muna Ibraahim Dhakhtar, Nasiim Maxamed iyo Mubaarik Yuusuf Cabdi. Dhammaan warieyayaashan waxaa ay ka hawl-galaan Radio Hargeysa, Wargeyska Dawan iyo TV-ga Somaliland. Wariyeyaashan ayaa sugaya go’aanka ay ka qaadan doonto wasaaradda warfaafintu, iyadoo horey mushaharka looga jaray wariyeyaal kale oo iyagana lagu qabsaday arrimaha noocan oo kale ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Nairobi)-Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Koox ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ee baadhitaanka ku haya Weerarkii Hotelka Dusit D2 ay ballaariyaan Baadhitaankooda, kadib, markii ay Boliska Degmadda Kituya ee W/bari ee dalkaasi sheegeen inay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo isugu jiray somali iyo Kenyan oo ku sugnaa 2 Hotel oo ku yaalla Degmadaasi. Wargeysku waxa uu qoray in mid ka mid ah dadka la qabtay uu ka mid yahay Muwaadin Somali haysta Baasaboorka dalka Britain, waxaana Ninkaasi magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Xasan oo 47-jir ah. Taliyaha Boliska Degmadda Kituya, Antooni Kamiyu waxa u u sheegay inay Ninkaasi ku soo qabteen Hawlgal ay shalay subax ka fuliyeen Hotellka lagu magacaabo Parkside Villa Hotel oo ku yaalla Degmadaasi, waa sida uu hadalka u dhigay. Taliyahaasi waxa uu magacyadda saddex kale ee ay hawlgalkaasi ku qabteen ku kala sheegay Muuse C/qaadir oo 25-jir ah, Axmed Idris Maxamed oo 24-jir ah iyo Maxamed Cabdi Cali oo 25-jir ah. Wuxuuna intaasi ku daray inuu Muuse C/qaadir haystay dhalashadda Kenya, halka labada kale aysan wax aqoonsi wadanin. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Cirbixiyeenada ayaa soo uruurinaya macluumaadka dayax madoobaad la sheegay in uu dhacayo, kaas oo ay dadka qaar sheegayaan in uu la mid yahay kii bishii July dhacay oo loo bixiyay “Bil-dhiig”. Dayax madoobaadku waxaa si fiican looga arki karaa waqooyiga iyo koonfurta Ameerika, qeeybo ka mid ah galbeedka Yurub oo ay ka mid tahay UK iyo waqooyiga Afrika. Dayax madoobaadku wuxuu dhacaa marka qorraxda, dhulka iyo dayaxu ay isku beegmaan, taa micnaheedu waa in dhulku uu soo kala dhex galayo qorraxda iyo dayaxa, oo uu ka xannibayo iftiinka qorraxda inuu gaaro dayaxa. Dayax Madoobaanshuhu wuxuu dhacaa marka uu dayaxu galo hooska dhulka. Habeenka uu dhacayo dayax madoobaadka, waxaa kaloo la socda wax la yiraahdo “Bil dhiig”, sababta loogu bixiyeyna waa midabka guduudan ee uu yeelanayo dayaxa. Tani waxaa loo aanaynayaa iftiinka ka dhasha marka dahaarrada dhulka ka sarreeya (atmosphere) uu sii dhex maro iftiinka qorraxda oo uu yeesho midab u eg kan burtuqaalka (oranjada) ama casaan, kaasoo ku dhaca dayaxa. Waxaa intaa dheer in dayax madoobaadkan uu dhici doono, ayadoo dayaxu uu marayo halka ugu shishaysa ee dhabbaha wareegga ah ee uu ku socdo. Dayax madoobaadku waxa uu billaabanayaa Isniinta oo ay taarikhdu ku beegantahay 21 Janaayo, iyadoo marka hore qeeyb ka mid ah dayaxa madoobaan doono. Dayax madoobaadkan ayaa waxaa sidoo kale laga arki doonaa Waqooyi Galbeeed ee Faransiiska, Waqooyi Galbeed ee Spain, Portugal iyo qeeybo ka mid ah Galbeedka Afrika. Waxaa sidoo kale laga arki doonaa dhammaan Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika, bariga Pacific iyo Waqooyi-bari Ruushka. Eegidda dax madoobaadka adigoon qalab ku eegeeynin waxba dhib ah malahan balse waxaa aad u khatar badan in la eego qorax madoobaadka. Dhacdadaan ayaa ah fursaddii ugu dambeeysay ee ay cirbxiyeenada UK arkayaan dayax madoobaad tan iyo inta laga gaaro sanadka 2029-ka. Xigasho;BBC Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Shacabka ayaa si weyn u sugaya nooca ay noqon doonto muddo kordhinta ay golaha guurtidu u samayn doonaan golaha wakiilada iyo wakhtiga ay ku salayn doonaan. Guddigii ay golaha guurtidu u saareen inay ka soo tallo bixiyaan muddo kordhinta loo samayn karo golaha wakiilada iyo weliba wakhtiga ugu haboon ee ay doorashada golaha wakiiladu dhici karto, ayaa la filayaa inay maanta soo gunaanadaan tallo ururintooda. Guddiga ayaa sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, waxa ay ku dhex jiraan dood iyo tallo urursi dhexdooda ah, ka dib markii ay dhagaysteen dhinacyadii ay doorashadu khusaysay ee saddexda xisbi iyo guddiga doorashooyinka qaranka. KULMIYE iyo UCID ayaa iyagu guddiga golaha guurtida ah waxay u bandhigeen inay muddo kordhintooda waafajiyaan is afgaradka ay labada xisbi ka gaadheen qabsoomida doorashada oo ah in doorashadu qabsoonto dabayaaqadda sannadkan 2019. Labada xisbi ayaa ku doodaya inay danta Somaliland ku jirto inaanay doorashada wakiiladu dhaafin sannadkan 2019. Xisbiga Waddani, ayaa isna la sheegay inuu aaminsanyahay inay doorasho qabsoomi karto marka la kala diro guddiga doorashooyinka. Guddiga doorashooyinka oo aan iyagu wax xidhiidh iyo wada shaqayn ah la lahayn xisbiga Waddani, ayuu wakhtigoodu ku eegyahay dabayaaqadda sannadka 2019. Muddo kordhintn la filayo in loo sameeyo golaha wakiilada Somaliland, ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu lumay xidhiidhka iyo wada shaqaynta xisbiyada dhexdooda iyo weliba xidhiidhka iyo wada shaqaynta guddiga doorashooyinka iyo xisbiga ugu balaadhan mucaaradka ee Waddani. Si kastaba ha ahaate muddo kordhinta golaha guurtida oo loo wada dheg taagayo ayaa waxa la isweydiinayaa inay ku salayn doonaan heshiiska labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE ee ah in doorashadu qabsoonto dabayaaqadda 2019 iyo inay sameeyaan muddo kordhin ka baxsan heshiiska UCID iyo KULMIYE oo ay sameeyaan muddo kordhin ka baxsan sannadka 2019. Source
  5. Beryahan waxaynu maqlaynay in shirkad dahab qodaysa oo sharcigi wasaarada macdanta haysata buuq laku abuuray degaanka ceeldibir . DADKA buuqa ku abuuraya ay yihiin Qurba joog oo doonaya in ay nabada gelyada khalkhal galiyan Kuna isticmaalaya lacago ay soo d irayaan OO Lee yihiin shacabka ku dirira shirkadana gacan hadal ku sameeya ayey Qurba joogu samaynayaan , Bahasha baqayada la yidhi ma dhasho wixii dhalana way ka xanaaqta ,Hada Qurba jooga degaanka C eeldibir waxana degaanki u soo kordhinmayan CIDII WAX soo kordhisana rabshado ayey ku abuurayan, Waar Ama wax la yimaada Ama dadka wax soo kordhiyey xaasidnimada ka daaya .cheif caqillada iyo suldaanka iyo xildhibaanada iyo waxgaradkuba arrinka iyo shirkadaba way soo dhaweeyen heshiish degaanka ahna way la galeen inta degaanka ka talisaana waa cuqaasha suldaanka xildhibaanada ,wasaaradu inta ayey degaanka wax ka waydiinaysa LAKIIN niman debeda casiirka ku cabaya OO qaxootiya, hadaba waraaqay so qoraan lama dhagaysanayo xukuumaduna yaanay dheg jalaq usiin , Raga sidaa samaynaya ee Qurba jooga ahi waa ragii markii jabhadu buurta soo gashay in jabhadu joogto buurta Tageerayey, waxayna ka shaqeeyan xumaanta iyo nabad gelyo xumada Wanaagana kama shaqeeyan Wasaaradu ha tixgaliso cuqaasha iyo suldaanka iyo xildhibaanada ogolaashahoda , waraaq Qurba joog qaxootiya hadalkoda ayaan dheg jalaq loo siin . Qurba jooga waxan Lee yahay WAAR meelaha qoxootiga ku joogtan wax ka noqda oo horimarka indhaha u fura iyo x idhiidhka bushada . Halgan intii joogta ayaa go,aankeda iyo aayaheeda wax laga waydiinayaa ee shaqo idiin Taal maaha ,by mire cali xasan. mohamedhassan3867@gmail.com Source
  6. The U.S. military on Saturday said it had carried out its deadliest airstrike in Somalia in months, killing 52 al-Shabab extremists after a “large group” mounted an attack on Somali forces. The U.S. Africa Command said the airstrike occurred near Jilib in Middle Juba region. There were no reports of Americans killed or wounded. The U.S. statement did not say whether any Somali forces were killed or wounded by the al-Qaida-linked extremists. Al-Shabab via its Shahada news agency asserted that its attack on two Somali army bases killed at least 41 soldiers. It described the location as the Bar Sanjuni area near the port city of Kismayo. There was no immediate comment from Somalia’s government. In neighboring Ethiopia, state television cited the defense ministry as saying more than 60 al-Shabab fighters had been killed and that four vehicles loaded with explosives had been “destroyed.” Ethiopia contributes troops to a multinational African Union peacekeeping mission in Somalia and has troops there independently under Ethiopian army command. A Somali intelligence officer said al-Shabab had been amassing fighters for more than a week to launch a major attack against Somali and Kenyan forces in order to disrupt a planned offensive against the extremists. The officer said some 400 extremists, including foreign ones, had been prepared, including two suicide car bombers. The officer spoke on condition of anonymity because they were not authorized to speak to reporters. Al-Shabab controls large parts of rural southern and central Somalia and continues to carry out high-profile suicide bombings and other attacks in the capital, Mogadishu, and elsewhere. The Islamic extremist group claimed responsibility for the deadly attack on a luxury hotel complex in the capital of neighboring Kenya on Tuesday, the latest high-toll assault inside that county in retaliation for Kenya sending troops to Somalia to fight al-Shabab. The extremist group finds itself under pressure at home on a number of fronts, including from a small presence of rival fighters linked to the Islamic State organization, which has begun challenging al-Shabab in recent months. The United States has dramatically stepped up airstrikes against al-Shabab in Somalia since President Donald Trump took office, carrying out at least 47 such strikes last year. Some have targeted top al-Shabab leaders or key financial officials; the extremist group funds its attacks with an extensive network of “taxation” and extortion. In October, the U.S. said an airstrike killed about 60 fighters near the al-Shabab-controlled community of Harardere in Mudug province in the central part of the country. The airstrikes hamper the extremist group but have not “seriously degraded al-Shabab’s capability to mount strikes either inside or outside Somalia,” Matt Bryden of Sahan Research, an expert on the extremists, told The Associated Press after the Nairobi hotel attack. Airstrikes alone cannot defeat the extremists, Bryden said and must be combined with more ground-based attacks as well as a non-military campaign to win over residents of extremist-held areas. The U.S. on Saturday said it is committed to “preventing al-Shabab from taking advantage of safe havens from which they can build capacity and attack the people of Somalia.” The post US airstrike in Somalia kills 52 al-Shabab militants appeared first on Shabelle. View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Wasiir hore ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal ayaa waxa uu jawaab adag ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Inta uu labada jilib dhulka dhigay ayuu haddana kambadhuudhsi iyo kuududsi waxaan loo kale garaynayn u fadhiistay. Labada dhafoorna wuu qabsaday isaga oo niyad jabsan ayuu hoos eegay. Waxa uu isku qabtay labada indhood qalbigiisiina waxa uu ilbidhiqsiyo gudahood ka fekeray oo uu muuqaalkooda isu keenay waxaanu sannado arkeen. Samada waxa kaga soo degay humaag sida heeryada fuulay uu qalbigiisa u diiday in uu kor u ruqaansado. Waxaa is tusay in uu meel madhan taaganyahay. Waxa uu arkay fooqyo dhaadheer oo hareerihiisa ka yagleelan. Waxa soo hormaray dad nolosha heer ka gaadhay oo maalin walba uga sheekeeya sida ay ku gaadheen. Waxa sida shilinka hor wareegay hayntiisa yar ee uu maanta haysto. Waxa uu is barbardhigu ka sameeyey boqolaal hayntoodu fiicantahay oo sida libaaxa u nool iyo isaga oo qaadaa-ma-dherge ah, laakiin waxbartay. Waxa ka soo mudhtidhi ilmo waaweyn oo sida mudaca isha gubaysa. Waxay qoysay labadiisa indhood. Waxay ka gashay afka. Waxa ku abuurmay xanuun aanu garaynayn oo layidhaahdo “Alle waadka quusatay, balse, ma ogsoonid adigu”. Shaydaankuna waxa uu dhegta ugu tuuray, “Adduunyadan nasiib kuma lihide tolow Alle muxuu kuu keenay arladan?. Kama danbaystii waa uu tahriibay. Waxaanu ku dhintay badweyntii. Haseyeeshee, waxa uu garanwaayey bar cidla ah u bax oo tusbaxaagana qaado. Muuqaalkan Alle-keen-ka ahna daalaco. Deegaan dabiiciya oo cagaaran. Dhulkuna uu mugdiyahay. Xiddigaha samada ku xardhanina si’ toosa u muuqanayaan. Bar kasta oo cirka ahna kaaha ka soo baxayaa kale geddisanyahay. Si’ kale jaadana uu u kale weynyahay xiddigaha kaahoodu. Mid baa sii dhacaysa. Qaar baa kaaya oo kolba naaqusmaaya. Qaar baa dhaw. Qaarkale ayaad dirqi ku arkaysaa. Dhammaan cirka iyo xiddigu waxay kuu bixinayaan deegaan qurxoon oo bilaa xasarada. Intaad tusbaxaagii la soo baxday ma ka fekertay booqashada sagaalka meere ee la sheego!. Ugu horrayn, intaad indhaha isku qabatay ma gaadhay meeraha Saateen(Saxal). Markiiba ma aragtay sawir sida kubbada oo kale ah. Laakiinse, leh giraamo si’ xarrago ah u wareegaya. Ma ku soo dhowaatay oo ma dhugatay deegaankiisa ka kooban qabawga, barafka, iyo hawdiisa teenne ka geddisan. Judhiiba ma la tacajubtay giraamaha ku wareegsan ee qurxinaaya sida gabadh maxajabada oo faraatiyo isku qurxisay. Giraanka kamid ma dul fadhiisatay adoo faraxsan. Ma kula wareegtay oo ma xasuusatay awoodda Allahii sidan quruxsan u abuuray. Hareerta bari ma ka istaagtay oo ma daawatahay dayaxyada duldawaafaya ee sida bilaa dhibta ah ku wareegaya. Adoo heehaabaya ma ragtay wax dhagax u eeg oo geeska sare kaa xiga. Intaad duushay ma is-tidhi bal waxan eeg oo ma isu beddelay muuqaal aanad weliga arag. Ma dul is-taagtay. Isla bartii ma sii dhugatay. Wardigii intaanad dhammayn cadceeda kaaheedu geeskaas ma ka soo muuqday oo ma aragtay. Deegaan qurxoon, arlo aanad weliga ku fekerin in ay jirto. Allaha intaas oo deegana lihi in uu qalbigaaga daalacanaayo ma ogaatay. Haa!. Ma xasishay oo qalbigaagu Alle si’ toosa ma ugu xidhmay. Ugu danbayn, nolosha haka quusan Allahii intaas oo duniya iyo inta aynaan malaysan karin abuuray ayaa inoo noole. Isaga ayaa ku nooleeyey adiga oo aan wax la sheego ahayn. Sadam Osman kaabash Hargeisa, Somaliland. Biomedical Scientist. sadamkabash99@gmail.com Source
  9. Waxa Muuqata In Daqanka Soomaalida Ay Kusoo Biirtay Dhaqanka Ah Xoolaha Dawladu Leedahay Waa Hanti Lawada Leeyahay ! Dhawaaqa Shacabku Ku Ceceliyo Ee Ah Waa In Cadaalad Bulsho La Helaa , Waa Doonitaan La U Wanaagsan In Ay Kacaaan Fac Ku Niyad-san Dadkooda Iyo Dalkooda Oo Faqri Iyo Baahi Ka Xor Ah Cudurada Faqrigu Keeno Ee Ay Ka Digaan Culumada Islaamka Iyo Ku Diraaseeya Arimaha Bulshada Iyo Siyaasadda Waxaa Ka Mid Ah “Hadii Xil Loo Magacaabo Qof Baahi Kusoo Koray Uu Kaga Aarsado Xilkaa“Power Abuse” Tagrifal Awoodeed Ku Sameeyo XILKAA Ha u Badnaato Mid Maaliyadeed eh Hadii Uu Aqoon u Leeyahay Ninkaa Baahani Xilkaa Waa Ta Ugu Daran ! Wuxuu Tagrifalkiisu Gaadhayaa Heerka Ugu Sareeya Dadka Aan Baahida Arag Badanaa Magac Iyo Maamuus Ayay Siyaasadda Usoo Galaan Iyo Bulshada Oo Ugu Yaraan Wax Lagu Celiyo Siyaasiyiinta Ladnaanta Ku Dhashay Sida “Ina Cigaal” Oo Kale Wuxuu Aqoon u Lahaa Baahiya Bulshada Waxaase u Darnaa Awood Kursigu Inay Isaga Ku Ururto Iyo Inuu Magac Ka Tago. Faqrigu Fayow-Qabka Naf Ahaaneed Ayuu Dhaawacaa Markaa Muwaadinku Wuxuu U Qaaddaa Bulshada Kale Calool Xumo Tacliin Iyo Daryeel Caafimaad Iyo Baahiyihii Muwaadinku Xaq u Lahaa Ma Helo, Hadii La Fogeeyana Wuxuu Noqdaa Budhcad Bahal Ah Oo Dadka Ku Dhex Nool !!! Sidaa Awgeed Dadka Hogaanka Siyaasadda u Haya Somaliland Madaxweyne Iyo Xisbiyo Iyo Weliba Ururada Bulshada Rayidka Ah Waxaa Ku Waajib Ah In Lala Dagaalamo Dawlad Xun Oo Faqriga Abuurta Si Looga Nabad Galo Qarax Ka Dhaca Bulshada Dhexdeeda Madaxweynaha Barnaamijkiisa Waxa U Badan Xukuumad Dadka u Adeegta Iyo Bulsho Aan Kala Tagin “Inyar Wax Kasta Haysata Iyo In Badan Oo Waxba Hayn” Maxamed Xoosh mxoosh09@gmail.com Source
  10. Sawirro: Askari British ah oo Al-Shabab kula dagaalamay hotelka DusitD2-Nairobi oo Khalad dhacay Darti Kenya looga saarayo Saraakiil u hadashay dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in cabsi darteed ay dalka Kenya kaga saarayaan askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Ingiriiska ee badbaadada dadka la afduubto iyo la dagaalanka Argagixisada oo loo yaqaan Special Air Service (SAS). Askarigan ayaa la arkay wajigiisa, kadib markii Al shabaab ay weerareen hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, waxaana la sheegay in loo baqayo xaaladiisa dhanka amaanka sidaasina looga saarayo dalka Kenya. Askariga ayaa la sheegay in xiliga weerarka dhacayay uu ku maqnaa dukaameysi, balse markii uu maqlay weerarka ayaa la sheegay inuu soo qaatay qalabkiisa, waxaana la arkay isaga oo dad kasoo badbaadinaya hotelka. Mid kamid ah Kaamirooyinka wariyaasha ay wateen ayaa si qalad ah u qabatay muuqaalka askariga ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Ingiriiska, waxaana uu qabsaday baraha bulshada, taasi oo dhalisay in loo cabsado amaankiisa, maadaama la arkay wajigiisa. Askariga ayaa la arkay isaga oo gudaha u galay goobta la weeraray, waxaana durba uu bilaabay inuu soo badbaadiyo dad badan oo ku go’doonsanaa Hotelka, gaar ahaan dabaqa hoose. Baraha Bulshada ayuu caan ka noqday, waxaana la sheegay inuu noqday geesi soo badbaadiyay dad badan noloshooda. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com Qaran News
  11. (SLT-Hargaysa) Golaha Guurtida Somaliland ayaa isu diyaarinayaa muddo kordhinta markii saddexad ay u samaynayaan Golaha Wakiilada . Hoos ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hargaysa) Xukuumadda Somaliland ayaa markii Ugu horaysay ka hadashay Is hortaagi xuduudka ee Cali Seenyo . Hoos ka DAAWO . Source
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, labada sano ee soo socoto lama qaban doono mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo sida ay ku heshiiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo Madaxweyne Farmaajo. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo sheegay in labada mas’uul ay ku heshiiyeen in muran siyaasadeed oo kale uu dhaawac xooggan gaarsiin doono dowladnimada, sidaas darteed la isku raacay inaan la qaban mooshin ka dhan ah Madaxweynaha ama Guddoomiyaha Baarlamaanka inta ka dhiman waqtiga Dowldda Nabad iyo Nolol. Guddoomiye Mursal ayaa beddelkeeda loo ballan qaaday in kaalin weyn laga siiyo go’aanada siyaasadeed ee dowladda, oo markii hore uu u muuqday nin dibad joog ka ah, sidoo kalena dad ku dhow xilal loo magacaabo. Guddoomiye Mursal ayaa sidoo kale loo saxiixay in hadda wixii ka dambeeyo lagala tashan doono go’aanada ay dowladda ka qaadan doonto Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddoomiye Mursal ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu kasoo bixi doono heshiisyadaas isla markaasna uu si wanaagsan ula shaqeyn doono Dowladda Soomaaliya. Mursal ayaa sidoo kale loo xil saaray in Beelaha diiday Madaxweyne Lafta Gareen lagu qanciyo inay taageeraan, wuxuuna durba bilaabay inuu la kulmo odayaasha Beelaha Koonfur Galbeed. Heshiiskaan ayaa imaanayo xilli dhawaan uu dhashay khilaaf xooggan oo ku saabsanaa Mooshin uu qabtay Mursal kaasoo ka dhan ahaa Madaxweyne Farmaajo. Guddoomiye Mursal ayaa mooshinkaas qabtay kadib markii Dowladda Soomaaliya ay soo xirtay Mukhtaar Roobow iyadoo aan lagala tashan Guddoomiye Mursal oo deegaan ahaan halkaas kasoo jeedo, sidoo kalana waxaa la isku qabtay kala diristii Guddigii Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya. Khilaaf dheer kadib Guddoomiye Mursal ayaa lagu qanciyey inuu burburiyo mooshinka kadib kulan xasaasi ah oo dhex maray isaga iyo madaxda ugu sareyso dalka. Mursal oo markii horeba ay keentay Dowladda Soomaaliya ayaa ka cabanayey inaysan Dowladda kala tashan go’aankii ay ka qaadatay Maamulka Koonfur Galbeed. Lama ogo sida uu heshiiskaan ku hirgeli karo maadaama ay dowladda leedahay mucaarad aad u xooggaan oo mar kasta isku dayi karo inay mooshin ka keenaan madaxda ugu sareyso dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Beyruut ( Sh. M. Network )-Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah madax ka socota ururka Jaamacada Carabta ayaa ka furmay magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan. Waxaana diirada lagu saarayay sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa dalalka ay dagaallada la dageen ee Jaamacadda Carabta, sida uu sheegay xoghayaha ururkaasi. Shirka ayaa la filayaa in sii gaar ah diirada loogu saaro dalalka Siiriya, Soomaaliya,iyo Yemen oo ka mid ah dalalka ugu daran ee ay ragaadiyeen colaadaha iyo dagaaalada sokeeye. Axmed Aboul Gheit xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa xusay in dhaqaalaha ka soo baxa dalalka Jaamacada Carabta lagu gargaari doono dadka ay saameyeen colaadaha ka taagan saddexdaasi dal. Sidoo kale wax uu xusay in dhaqaalahan qeyb ka mid ah loo adeegsan doono dib u dhiska dalalkaasi oo si weyn ugu burburay dagaalada. Dalalka Jaamacadda Carabta ayaa si weyn u garab istaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoona ka tageera dhinacyo kala duwan. The post Shir dhaqaale loogu uruurinayo Somalia oo ka furmay Lubnaan appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Nairobi ( Sh. M. Network )-Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen labo nin oo Soomaali ah, islamarkaana hubeysan, kuwaas oo doonayay in ay gudaha u gaalaan dalkaasi. Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in Raggani nin Dawaral ah uu ka soo qaaday deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose, islamrakaana ay ka codsadeen in uu geeyo deegaanka Hamay ee xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale waxa ay saraakiishu intaasi ku dareen in markii ay tageen halkaasi ay dalbadeen in markale la geeyo deegaanka Xagadheera ee Kenya, islamarkaana uu marsiiyo wado qardo jeex ah arrintaasi oo shaki galisay Dawaralkii waday Gaariga oo Booliska Kenya aysan shaacin magaciisa sababo amni darteed. Booliska ayaa sheegay in Darawalkii uu labadaasi nin si lama filaan ah uu u geeyay saldhig ay lahaayeen Ciidamada Booliska, kuwaasi magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Xasan Maxamed iyo Ibraahim Cali Guyo. Saraakiisha Booliska ayaa xusay in Raggaasi lagu qabtay Hub ay ka mid yihiin Bistoolado iyo sidoo kale Raasaas fara badan iyo Budo Cad, taas oo ay haatan u direen Sheybaarka si baaritaano loogu sameeyo. Ugu dambeyn Booliska ayaa sheegay in xubanahani looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya Dhawaantan ayey aheyd markii Al Shabaab ay weerareen hoteel nuuca raaxada ah oo ku yaalla magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. The post Kenya Oo Rag hubeysan ku qabatay xadka Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  16. The U.S. military on Saturday said it had carried out its deadliest airstrike in Somalia in months, killing 52 al-Shabab extremists after a “large group” mounted an attack on Somali forces. The U.S. Africa Command said the airstrike occurred near Jilib in the Middle Juba region. There were no reports of Americans killed or wounded. The U.S. statement did not say whether any Somali forces were killed or wounded by the al-Qaida-linked extremists. Al-Shabab via its Shahada news agency asserted that its attack on two Somali army bases killed at least 41 soldiers. It described the location as the Bar Sanjuni area near the port city of Kismayo. There was no immediate comment from Somalia’s government. In neighboring Ethiopia, state television cited the defense ministry as saying more than 60 al-Shabab fighters had been killed and that four vehicles loaded with explosives had been “destroyed.” Ethiopia contributes troops to a multinational African Union peacekeeping mission in Somalia and has troops there independently under Ethiopian army command. A Somali intelligence officer said al-Shabab had been amassing fighters for more than a week to launch a major attack against Somali and Kenyan forces in order to disrupt a planned offensive against the extremists. The officer said some 400 extremists, including foreign ones, had been prepared, including two suicide car bombers. The officer spoke on condition of anonymity because they were not authorized to speak to reporters. Al-Shabab controls large parts of rural southern and central Somalia and continues to carry out high-profile suicide bombings and other attacks in the capital, Mogadishu, and elsewhere. The Islamic extremist group claimed responsibility for the deadly attack on a luxury hotel complex in the capital of neighboring Kenya on Tuesday, the latest high-toll assault inside that county in retaliation for Kenya sending troops to Somalia to fight al-Shabab. The extremist group finds itself under pressure at home on a number of fronts, including from a small presence of rival fighters linked to the Islamic State organization, which has begun challenging al-Shabab in recent months. The United States has dramatically stepped up airstrikes against al-Shabab in Somalia since President Donald Trump took office, carrying out at least 47 such strikes last year. Some have targeted top al-Shabab leaders or key financial officials; the extremist group funds its attacks with an extensive network of “taxation” and extortion. In October, the U.S. said an airstrike killed about 60 fighters near the al-Shabab-controlled community of Harardere in Mudug province in the central part of the country. The airstrikes hamper the extremist group but have not “seriously degraded al-Shabab’s capability to mount strikes either inside or outside Somalia,” Matt Bryden of Sahan Research, an expert on the extremists, told The Associated Press after the Nairobi hotel attack. Airstrikes alone cannot defeat the extremists, Bryden said, and must be combined with more ground-based attacks as well as a non-military campaign to win over residents of extremist-held areas. The U.S. on Saturday said it is committed to “preventing al-Shabab from taking advantage of safe havens from which they can build capacity and attack the people of Somalia.” Source: AP