-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)-Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali (Kenyaawi) oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, maalahaanna Muqdisho ka weday wacyi-gelin uu bulshada Soomaaliyeed ugu dhiirri gelinayay in is cafiyaan. Ra’iisul wasaarha ayaa Sheekh Maxamed Ibraahim Cali kala hadlay ololaha uu sheekhu ku doonayo in bulshada Soomaaliyeed isku cafiso, waxa uunna ku dhiirri geliyay in uu sii laba jibbaaro, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Qaahira)-Iyadoo dalka Masar uu noqonayo dalkii ugu horreyay ee Carab ah ee meelmariya soo saaridda iyo ka ganacsiga daawada kordhisa dareenka haweenka, ayaa weriyaha BBC-da Sally Nabil waxay u kuur gashay in dawadaasi ay suuq ka leedahay dalkaasi shacabkiisu dhaqanka ku dhagan yahay. “Waxaan dareemay dawaqsanaan, wadnahayguna aad buu u garaacmayay” Waa sida ay Leyla dareentay kaddib markii ay qaadatay kaniinkii ugu horreeyay, oo loo yaqaanno flibanserin. Isticmaalka daawada ayaa markii ugu horreysay laga oggolaaday Mareykanka saddex sano kahor, haatanna shirkad farmashi ayaa ku sameysa gudaha Masar. Leyla – ma aha magaceeda saxda ah – waa haweeney gurijoog ah oo ku jirta da`da soddomeeyada. Waxay doorbideysaa inay is qariso sida haween badan oo Masar ku nool oo kale, ka hadalka dhibaatooyinka galmada iyo baahida la xidhiidhaba weli wax aad looga xishoodo ayay ka tahay dalkaasi. Kaddib ku dhowaad muddo toban sano ah oo la qabay, waxay go`aansatay inay daawadaasi tijaabiso. Leyla, oo aan qabin wax dhibaato caafimaad ah, ayaa soo iibsatay daawada iyadoo aanu dhakhtar u qorin – tan oo dhaqan caadi ah ka ah Masar, halkaas oo ay dadku iska soo iibsadaan daawada. “Qofka farmashiyaha iibinayay wuxuu ii sheegay inaan kaniinka qaato habeen walba muddo dhowr toddobaad ah. Wuxuu ii sheegay in aanu wax dhibaato ah lahayn,” ayay tidhi Leyla. “Seygeyga iyo aniguba waxaan dooneynay inaan aragno waxa dhici doona. Hal mar baan isku dayay, dib dambana uma qaadan doono.” Furriinka ayaa aad ugu badan Masar, warbaahinta gudaha qaarkood ayaana arrintan ku sababeeyay inay tahay dhibaatooyin dhanka galmada ah ee lammaanayaasha u dhaxeeya. Shirkadda soo saarta daawada flibanserin ayaa sheegtay tobankii haween ee Masar ku noolba uu saddex ka mid ah dareenkoodu hooseeyo. Balse tiradaasi waa uun qiyaas – in tiro sax ah laga helo dalkaasi aad bay u adag tahay. “Daawadan aad baa halkan looga baahnaa – waa horumar,” ayuu yidhi Ashraf Al Maraghy oo wakiil ka ah shirkadda. Maraghy ayaa sheegay in daawadu aysan wax dhib ah lahayn isla markaana ay waxtar leedahay, wuxuu xusay in dawaqsanaantu ay suuli doonto muddo kaddib – balse farmashiistayaal iyo dhakhaatiir kale kuma raacsana arrintaasi. Farmashiiste aan la hadalnay ayaa ka digaya in kaniinka uu hoos u dhigo cadaadiska dhiigga, wuxuuna qabaa inuu u daran yahay dadka qaba dhibaatooyinka wadnaha iyo beerka la xidhiidha. Murad Sadiq, oo farmashi ku leh waqooyiga Qaahira, ayaa sheegay inuu mar walba macaamiishiisa u sharxo dhibaatooyinka uu leeyahay kaniinka, balse ay ku adkeystaan inay iibsadaan. “Qiyaastii 10 qof ayaa maalintii ibsada kaniinka. Badankoodna waa rag. Haweenku aad bey uga xishoonayaan inay ku weydiiyaan.” ‘Wax walba waa maskaxda’ Gudaha farmashiga Sadiq, waxaan ku xardhan xayeysiis loo sameeyay kaniinka flibanserin oo loogu magac daray “kaniinka basaliga ah”. Waa nooca haweenka loogu talo galay oo la mid ah “kaniinka buluugga ah” – waa magaca kaniinka kordhiya dareenka ragga looga yaqaanno Masar . Balse shirkadda ayaa sheegtay inay qalad tahay in la adeegsado erayga “female Viagra” oo loola jeedo kaniinka kordhiya dareenka haweenka. “Warbaahinta ayaa magacaas la timid, annaga maaha,” ayuu yidhi Maraghy. Halka kaniinka Viagra ee ragga loogu talogalay kordhinta dareenkooda, flibanserin wuxuu ka hortagaa walbahaarka wuxuuna xoojiyaa dareenka haweenka isagoo isku dheellitiraya kiimikada maskaxda ku jirta. “Female Viagra’ waa eray marin-habaabin ah,” ayay tidhi Heba Qotb, oo ah dhakhtarad arrimahaasi ku takhasustay, waxayna diidday inay isticmaalka kaniinkaasi kula taliso bukaannadeeda. “Waxba kama tarayo haweeney ay haysato dhibaato maskaxeed iyo mid jireedba,” ayay tidhi. “Haweenku, wax walba maskaxdooda ayay la xidhiidhaan. Haweeneydu xidhiidh galmo oo caafimaad qaba lama wadaagi karto seygeeda haddii uu si xun ula dhaqmo. Wax daawo ah oo arrintaasi wax ka taraya ma jirto.” Heba Qotb ayaa sheegtay in waxtarka flibanserin uu aad u yar yahay, isla markaana aysan mudneyn in halis la isku geliyo. “Inuu hoos u dhigayo cadaadiska dhiigga waa dhibaato weyn oo khatar ah,” ayay ka digtay. Haweenka Masar weli uma dhowa inay si saraaxad leh uga hadlaan arrimaha la xiriira galmada. Leyla waxay sheegtay inay garaneyso haween badan “oo furriin dalbaday kaddib markii xiriirkooda galmo uu xumaaday sababo la xiriira dhibaatooyin ku gedaaman guurkooda”. “Haddii uu seygaaga daciif yahay, waad caawineysaa daaweyn caafimaad ayaadna la raadineysaa, haddiiba uu yahay sey wanaagsan. Balse haddii uu yahay qof xun, waad ka xiiso dhaceysaa, xitaa haddii uu sariirta ku wanaagsan yahay. Raggu uma muuqdaan kuwo arrintan fahmaya.” Inkastoo weli lagu jiro maalmihii ugu horreeyay, Sadiq ayaa sheegaya in iibka kaniinka uu wanaagsan yahay wuxuuna aaminsan yahay inuu sare u sii kici doono. Balse Heba Qotb, oo ah dhakhtarad arrimaha galmada ah, ayaa ka walaacsan dhibaatooyinka ka dhex jira lammaanaha is qaba. “Markii uu nin dareemo inaysan waxba ka soo naaso caddeyn xaaskiisa, iyadoo xitaa qaadaneysa kaniinka, iyada ayuu eedeynayaa, ee ma eedeynayo waxtar la`aanta kaniinka amaba xiriirkooda xun. Wuxuuba xitaa tan u arkaa fursad uu ku xumeyn karo.” BBC Somali Source
-
Prof.Cali Ciise iyo Cashar Siyaasadeedkii Puntland Loogu Dhigay 2018kii Qoraa Cali Dool Axmed (C.Qoryoley) 19kii Janaweri 2018kii Prof Samatar 2012dii ayuu Garwaaqsaday in aanay reer Somaliya doonaynin,midnimo Somaliweyn, caddaalada,talawadaag,waxwada yeelasho,Somalinimo,Sinnaan & walaalnimo toono isagu Cali Ciise Puntland muxuu ka bartay? Caliyoow Jikraar lama hadlee jaalkaybaad tahaye, Dadka kale ka jeestaye adaan jaari kuu ahaye Junne weeye ruuxaan ahayn jaadka aan ahaye Waxan kaa jarraysimayahaa samada Jiilaal Waxan kaaga jiidh diirayaa doorashada jaane Sidii Jaawa dhane loo shubaan jeelka kaa bi’ine Waxaan kugu jalbeebinahayaa sheeko jowhara ahe, Jawaawida Majeerteen haddey jalowdi kuu yeedhay Jabkaaga iyo Fool Xumadan kula jeclaayeene Jawaabtayda maqal Jaalle waan kuu jidh naxayaaye Saaxiibayaal sheekaba sheekey keentaaye,waxan jecleystay inaan idinku jabeebiyo dhacdooyin siyaasadeed oo dad badan kaa yaabiyay,tusaale ahaan anaga oo madal Hargeysa ah xaafadda Jigjiga yar fadhinay. Wakhti 6 sano laga joogo goor duhur dabadii ah ayuu furmay fadhigii ay baarlamaankii Somaliya ay ku dooranayeen,madaxweynihii bedelayay Sheikh Shariif Axmed,intii aan lala bilaabin codbixinta ayaanu faalaynay,ama odorosnay sida ay u dhici karto natiijadii doorashadu, garyaqaan Aadan ayaa qalin iyo warqad qaatay,oo ragayagii madasha joogay,su,aal isku mid ah na weydiiyay,hebeloow adigu afarta nin, ee aad filayso inay wareegga 2aad iskusoo hadhayaan,sheeg qofkasta ku odhanayay,Illeen iyaduba waa mucjisee,waxaan xusuustaa in uu ninba afartii ay la ahayd uu Aadan warqaddii kaga qoray. Markii uu Aadan warqaddii yeedhiyay,ee rayigayagii kala caddaaday,afar nin oo madashaas joogay,uu midkasta waxa magaciisa 4tii ugu sarreysay kusoo daray,Barfasoor Axmed Ismaaciil Samatar,nin isagu iska aamusnaa oo Cumar la yidhaahdo ayaan anigu xaggiisa u jeedsaday,oo aan ,su,aalay Cumaroow maxaad adigu rayigaaga u sheegi weyday? Isaga oo aan isba dhibin ayuu yidhi,waan idin dhegeysanayay,waanan idinla yaabanaa,waxaanan lasii yaabanaa,qolyihii qiyaasay,inuu Dr Axmed Ismaaciil Samatar uu ka mid noqon doono, raga wareega 2aad soo gaadhi doono,kuwaas way khaldan yihiin auu yidhi,kadibna nin meesha fadhiyay ayaa ku yidhi,Cumaroow adigu maxaad odhan lahayd?,miyaanu Samatar soo gaadhi Karin wareegga 2aad?,anigu waxan amainsanahay inuu Samatar yahay ninka ugu aqoonta badan musharixiintaas oo dhan,teeda kale ururkiisii HIIL QARAN ayaa Xamar ama Somaliya sii joogay oo u ololaynayay,sidaas darteed wareegga 2aad daayoo uu madaxweynanimada ku guulaysan doono oo uu rajo fiican yeelanayo ayay aniga ila tahaye,maxaad adigu sidaas u leedahay? Qaran News
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa dowladda ugu baaqay in dalkooda dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ee ku sugan dalkaasi Dhadho Godana oo laga soo doorto magaalada Tana River ee dalka Kenya ayaa sheegay in qaxootiga Soomaalida ay halis ku yihiin ammaanka dalkaasi. Waxaana uu soo jeediyay in Soomaaliya ay ka jirto dowlad, isla markaana ay wanaagsan tahay xaaladda ammaan ee Soomaaliya Mudanahaasi ayaa xusay in haddii qaxootiga Soomaalida ee ku nool gudaha Kenya ay dib ugu noqdaan dalkooda uu isbedal ku imaan lahaa ammaanka dalkaasi. Mr Dhadho ayaa sheegay in qaxootiga Soomaalida ay leeyihiin xuquuq, balse waxaa uu xusay in la joogo xilligii dib loogu soo celi lahaa dalkooda. Dowladda Kenya ayaa sanadkii 2013-kii amar ku bixisay in ay xireyso Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ay ku nool yihiin nus malyuun qaxooti Soomaali ah. The post Kenya Oo laga dalbaday in ay dib u soo celiso qaxootiga Dhadhaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Laamaha amniga Puntland ee gobolka Bari, ayaa hawlgal wadajir ah oo ay xalay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ku fashiliyay, qaraxyo lagu diyaariyay goobo muhiim ah oo ku yaalla suuqa caanaha Boosaaso. Booliiska gobolka Bari oo ay weheliyaan cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee PSF iyo PMPF, ayaa gacanta ku dhigay qaraxyadan oo laga buuxiyay bac nooca lagu adeegta,sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo). Maamulka gobolka Bari ayaa saaka warbaahinta u soo bandhigay, walxaha ay ka samaysnaayeen qaraxyada la fashiliyay oo lagu guulaystay in la fur-furo,iyadoo aan cidna wax dhibaato ah ka soo gaarin . Qaraxyada ayaa ka koobnaa walxo ay kamid yihiin; biro goo go’an, budooyinka qarxa,daasado, beteriyo iyo taleefon loogu tala’galay in meel fog looga hago,sida uu sheegay guddoomiye Dhedo oo saxaafadda uga warbixiyay qaraxyadan. Mudane Dhedo ayaa hay’adaha amniga Boosaaso ku ammaanay, sida geesinimada leh ee ay u fashiliyeen qaraxyadan lala doonayay in shacabka dhibaato loogu geysto,waxaana uu ballan qaaday in la dallacsiin doono, islamarkaana gunnooyin dheeri ah la siin doono ciidamadii hawlgalkaasi fuliyay. PUNTLAND POST The post Ciidamada amniga Boosaaso oo fashiliyay qaraxyo appeared first on Puntland Post.
-
Jidda ( Sh. M. Network )-Muwaadin Soomaali ah oo ku noolaa dalka Sacuudiga ayaa la sheegay in uu iska soo tuuray dhismo dheer oo ka kooban 5 Dabaq, kaas oo ku yaalla magaalada Jidda ee dalkaasi. Muwaadin Sacuudiyaan ah oo marayay halka uu Meydka yaallo ayaa ku wargeliyay hay’addaha ammaanka kuwaasi oo soo gaaray goobtaasi. Ciidan Roondo ah oo ka tirsan Booliska degmada Samiir iyo Ciidanka Difaaca Maddaniga iyo Kooxaha ku takhasusay Dambi-baarista ayaa gaaray goobta uu yaallo Meydka, waxayna uruuriyeen dhamaan wixii macluumaad ah oo ku saabsan qaabka uu Ninkaasi isaga soo tuuray Dhismahaasi. Booliska Sacuudiga ayaa bilaabay baaritaanka sababaha uu Ninkan Soomaaliga isaga soo tuuray Dhismahaasi, iyadoo Meydka Marxuumka la dhigay Isbitaal ku yaalla Jidda, sida uu qoray Wargeyska Gulf Digital Online ee ka soo baxa dalka Baxrayn. Dhacdadani ayaa ah mid ku cusub dhagaha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sacuudiga, kuwaas haatan si weyn u hadal haya geerida ku timid Muwaadinkaasi. The post Muwaadin Soomaaliyeed Oo isku dilay dalka Sacuudiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SL-T Burco) Cuqaal waxgarad iyo madax dhaqameed kasoo jeeda beelaha degage gobolada dega gobolada togdheer saaxil iyo saraar oo maanta shir jaraa,id ku qabtay hotel balcad magaalada burco ayaa dhalillo usoo jeediyey gudomiyaha maxkamada sare ee ciidmada qaranka Somaliland . Waxaanay ku eedayey in uu kiiska ka jabiyey gacan ku dhiigle ku eedaynasaa dil uu ugaysatay askari kale oo katirsan ciidamada. Halkan Ka Daawo Muuqaalka Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali (Kenyaawi) oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, maalahaanna Muqdisho ka weday wacyi-gelin uu bulshada Soomaaliyeed ugu dhiirri gelinayay in is cafiyaan. Ra’iisul wasaarha ayaa Sheekh Maxamed Ibraahim Cali kala hadlay ololaha uu sheekhu ku doonayo in bulshada Soomaaliyeed isku cafiso, waxa uunna ku dhiirri geliyay in uu sii laba jibbaaro. Intii uu kulanku socday ayaa ra’iisul wasaaruhu waxa uu sheekha uga mahad celiyay olalaha Is-cafis ee uu ka billaabay dalka, isaga oo sheegay in uu yahay barnaamij ay bulshadeenu u baahnayd si aan dalkeena dib ugu dhisno. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in culimadu ay yihiin laf-dhabarta bulshada, ayna aad muhiim ugu tahay dalka in ay qaataan dawr-kooda ku aadan dib-u-heshiisiinta iyo wacyi-gelinta bulshada. Halkan ka daawo Kenyaawi oo ka hadlaya kulanka
-
Bu’aale (Caasimadda Online) – Warbaahinta ku hadasha Afka ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in ciidamada xoogga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay duqeymo ka fuliyeen Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhaxe. Duqeynta ayaa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Wariyaal u shaqeeya Al-Shabaab. General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) Taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in ciidamada xoogga iyo kuwo Mareykan ah weerar duqeyn iyo mid dagaal ka fuliyeen gudaha Magaalada Bu’aale ee Jubbada dhexe. Sidoo kale General Bogmadow ayaa waxaa uu sheegay in weerarka uu si gaar ah kaga dhacay xarunta Idaacada Andaluus oo ku hadasha Afka Al-shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 15 Xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo Afar wariyaasha Al-shabaab ah, islamarkaana Qalabkii Idaacadaas lagu bur buriyay weerarka duqeynta iyo dagaalka isugu jiray, sida uu hadalka u dhigay. Saraakiisha Militariga ma sheegin magacyada Wariyaasha iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab loogu dilay Duqeynta ka dhacday Magaalada Bu’aale ee Jubbada dhexe. Ma jiraan weli Wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab, kaasi oo ay kaga jawaabayaan hadalka ka soo yeeray Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa ku bilowday weerar Al Shabaab ay ku qaadeen fariisin Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyhiin gudaha deegaankaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ku dhawaad 80 ka tirsanaa Al Shabaab lagu dilay dagalkaasi oo saacado badan qaatay. Sidoo kalena la fashiliyay Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kadib markii ay gacanta ku dhigeen Ciidamada huwanta. Al Shabaab ayaa dhankooda dagaalkaasi guulo ka sheegtay, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi iyo dagaalka xigay ay ku dileen 41 Askari, islamarkaana ay gabi ahaan la wareegeen deegaanka Baarsanguuni. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dha dhaqaaqyo iska soo hor jeeda laga dareemayo duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. The post Ku dhawaad 80 ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay J/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay ku raad joogaan Maryan Cabdi oo la rumeysan yahay in dowr muhiim ah ay ka qaadatay weerarkii dhawaan Al Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka DusitD2 M/ Nairobi ee dalkaasi. Haweeneydan ayaa la sheegay in hub ay u geysay Raggii fuliyay weerarkaasi oo dhacay Talaadadii la soo dhaafay. Ciidamada ayaa haatan ka baadi goobaya Haweeneydaasi magaalooyinka Bandoni iyo Mombasa, halkaasi oo la rumaysan yahay in ay ku sugan tahay. Sidoo kale sirdoonka Kenya ayaa sheegay in Haweeneydani ay ka timid degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo la rumeysan yahay in weerarka laga soo abaabulay. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda wararkaasi, waxaana ay tilmaameen in ay uga jawaabayeen go’aankii Trump ee uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel. The post Kenya Oo ku raad joogto Haweeney ku lug laheyd weerarkii Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal saakay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Dagaalkan ayaa u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah. Abaanduulaha Qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Maxamed Ibraahim Buulle oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Al-shabaab islamarkaana ay khasaare soo gaarsiiyeen…. Waxa uu tilmaamay in ay ka hortageen Saddex gaari oo ismiidaamin ah, islamarkaana ciidamada ay rasaas ku qarxiyeen. Sidoo kale, waxa uu sheegay Abaanduulaha in ay dileen 7 ka mid ah Al-shabaab, dhankoodana ay Labo askari ka geeriyootey. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREYSI-ABAANDUULAHA-QEYBTA-43-AAD-EE-CIIDANKA-XOOGGA-DALKA-GAASHAANLE-SARE-MAXAMED-IBRAAHIM-BUULLE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerarkii ay ku qaaday sakldhigga Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, oo ay ku sugnaayeen ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya. War ka soo baxay taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Shabaab ay si buuxda ula wareegeen xerada, ayna halkaas ku dileen ugu yaraan 41 askari. Al-Shabaab waxa ay sheegtay in weerarka ay ku bilowday qarax aad u xoogan oo ka dhacay bartamaha Xerada, kadibna ay ciidamo hubeysan ay ku daateen saldhigga, kuwaas oo, sida ay sheegtay laayey ciidamadii ka bad-baaday qaraxa. Warka Al-Shabaab ayaa ka duwan kan maamulka Jubaland. Warbaahinta ku hadashada afka maamulka Jubbaland ayaa iyada oo soo xiganaya Saraakiisha Ciidamada Maamulkaasi, waxa ay baahisay in Dagaalyahanadii Shabaab ka tirsanaa ee soo weeraray saldhigooda ay khasaare xoogan gaarsiiyeen. Jubaland waxa ay sheegtay in 73 askari oo Shababab ah dileen, islamarkaana ay sidoo kale ka hortageen gaari kale oo walxaha qarxa ay kasoo buuxiyeen. Sarkaal u hadlay Al-Shabaab ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada ka bad-baaday weerarka oo isku dayey in ay u baxsadaan dhanka Buula-Gaduud iyaguna lala eegtay qarax gaari oo lagu diyaariyey wadada dhinaceeda. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Boosaaso( Sh. M. Network )-Laamaha ammaanka ee Puntland ayaa soo bandhigay qaraxyo ay ku qabteen gudaha suuqa weyn M/ Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ciidamada amniga ayaa sheegay in ay fashiyeen isku day lagu doonayay in lagu dhibaateeyo, sida ay tilmaameen shacabka ku ganacsada suuqaasi. Guddoomiyaha degmada Boosaaso C/salaan Bashiir C/salaan oo ku sugnaa goobta ay Ciidamadu ku soo bandhigayeen qaraxyadaasi ayaa sheegay in ay baari doonaan shaqsiyaadka ku lugta lahaa falkaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Ciidamadu ay heegan ugu jiraan ilaalinta amniga shacabka Boosaaso. Lama oga cida ku lugta leh walxahan qarxa, balse Al Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan sheegta falalka noocaan oo kala ah ee ka dhaca deegaanada Puntland. The post Ciidamada Puntland Oo qaraxyo ku qabtay magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article