Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa ka socda shirar looga hadlayo sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka hoggaanka Jubbaland iyo sidoo kale waxgaradka degmadaasi. Xildhibaan Shire Colay oo qeyb ka ah wafdiga madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in wadahadalladan ay haatan meel wanaagsan marayaan. Waxa uu sheegay xildhibaanka in ay la kulmeen waxgaradka islamarkaana hadda waxyaabo badan la isku fahmay. Si gaar ah xildhibaan Shire ayaa sheegay iney xalin doonaan wax walbo oo ay tabanayaan waxgaradka iyo shacabka degmada Baardheere. Marar badan ayaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa laga diidey maamulka Jubbaland, si gaar ah madaxweynaha maamulkaas iyo ku xigeenkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanad ka hor safar ku maray gobolo badan oo ka tirsan deegaanada Puntland iyo Galmudug. Hal Sano ka hor Madaxweyne Farmaajo waxaa uu deegaanada Puntland iyo Galmudug ka sameeyay Dhaxdhigga Mashaariic ku dhow 20, maamulada deegaanadaasi ka arimaya waxa ay sheegayaan in xataa aysan socon dadaallo lagu fulinaayo Mashaariicdii uu ballanqaaday Madaxweynaha oo markii horaba Siyaasiyiinta qaarkood ay la yaabanayeen sidda loo fulin doono. Dhismaha dekedda degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayuu dhagax dhigay 23 Bishii January 2018, waa mid ka mid ah Mashaariicda dadka degaanada Galmudug ay u qabeen Baahida badan, Madaxweyne Farmaajo, xilligaasi waxaa uu sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono dekedda waxaana uu xukuumadda ku amray fulinta Mashruuca Dekedda. Dekeddii wali howli kama socoto Sidda uu xaqiijiyay Shalay Senetor Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo sheegay in madaxweynaha hal sano ka dib looga fadhiyo fulinta dhismaha Dekedda Hobyo iyo Mashaariicdii uu ballanqaaday. Akhriso mashaariicda madaxweyne Farmaajo uu dhagax dhigay sanad ka hor. Wado Laami isku xirta Garoowe & Eyl (222km) Wado Laami isku xirta Kala Bayr & Caluula(376km) Wado Laami isku xirta Galkacyo & Hobyo (264km) Wado Laami isku xirta Hobyo & Caabudwaaq (355km) Dayactirka laamiga isku xira Dhuusamreeb & Gaalkacyo (235km) Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta-Gaalkacyo-Galmudug Xabsiga dhexe ee Galmudug – Galkacyo Xarunta xanaaneynta agoonta Ahlusuna – Dhuusamareeb Dugsiga Farsamada Gacanta – dhuusamareeb Dhismaha Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb Dhismaha xabsiga magaalada Dhuusamareeb Dhismaha Jaamacadda Umadda Gaalkacyo Dhismaha Jaamacadda Umadda Cadaado Dhismaha Jaamacadda Umadda Dhuusamareeb Dhismaha Jaamacadda Umadda Caabudwaaq Dhismaha Xabsiga Caabudwaaq Garoonka diyaaradaha Cadaado Dhismaha Dekedda Hobyo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Ururada Bulshada rayidka Hirshabele ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan dedaallada lagu soo afjarayo colaadaha ka jira degaanno ka mid ah maamulkaas. Guddoomiyaha ururada bulshada Rayidka Hirshabelle, Cabdiraxiin Axmed Maxamed ayaa sheegay in inta badan lagu guulaystay dhammaynta , xiisadihii ka jiray Hirshabeele ee la xiriiray qabaa’ilka. Waxa uu sheegay guddoomiyaha in sidoo kale hadda la wado dedaallada ku aaddan sidii heshiisiin loo gaarsiin lahaa beelaha isku haya deegaannada maamulkaasi. Guddoomiye C/raxiin ayaa sheegay in cid walbo oo kasoo jeedda Hirshabelle waajib ka saaran yahay xallinta colaadahan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Gudoomiyaha-Bulshada-Rayidka-Hirshabelle-Wareysi-Cabdiraxiin-Axmed-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Khartoum)-Laamaha ammaanka dalka Suudaan ayaa xabsiga dhigay gabadh uu dhalay hoggaamiyaha mucaaradka Suudaan, Sadiiq Al Mahdi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Labo kamid ah gawaadhida booliska ayaa gaadhay guriga ay degganeyd Maryan Sadiiq Al Mahdi shalay halkaas oo ay ka kaxeeysteen. Maryan ayaa ah ku-xigeenka madaxa xisbiga Ummah oo ee u hoggaamiyo aabaheed oo 83 jir ah. Toddobaadkii lasoo dhaafay, Sadiiq Al Mahdi oo horraan ra’iisul wasaare uga soo noqday dalka Suudaan ayaa taageeray dibadbaxyada lagu codsanayo inuu is-casilo madaxweyne Cumar Al Bashiir. Xidhitaanka gabadhiisa, Maryan ayaa imaaneysaa xilli mid kamid ah saraakiisha ugu sarreysa dalkaasi uu maalin un ka hor shaaca ka qaaday in xabsiyada laga sii daynayo dadka loo xidhay bannaabaxyada. Source
  5. (SLT-Qudus)-Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin ayaa xaqiijisay inay Askarta Yuhuuda ay saaka toogasho ku dileen Gabadh Falastiiniyad ah oo la oran jirey Samaah Saahir Mubaarak oo 16-jir ahayd. Askarta Yuhuudda ayaa la sheegay inay Gabadhaasi ku toogteen Bar Kontorool oo lagu magacaabo Al-zaayim oo ah dhabaha laga galo dhulalka dadka Yuhuudda sida sharci-darradda loo dejiyey ee Maale Aduumin ee Bariga magaalladda quddus-ta la-haysto. Afhayeen u hadlay Askarta Yuhuudda ayaa sheegay inay Gabadhaasi toogteen, xilli iyadoo tooreey wata u soo carartay dhanka ay joogeen Askar ku sugnaa Barta Kontoroolka ee Al-zawiim. Marxuumadda oo ka soo jeeday magaalladda Ramallah ayaa la sheegay inay u geeriyootay dhaawacyadii rasaastii lagu furay. Dhinaca kale, Askarta Yuhuudda waxay si Ku-meel-gaadh ah u xidheen Barta Kontoroolka ee ay ku dileen gabadhaas da’da yar ee Reer Falastiin. Source
  6. Saraakiisha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in degaanno badan oo Jubbooyinka ah ay ka saareen dagaalyahnnada Al-shabaab ka dib howlgal ay ka fuliyeen meelo ka mid ah Jubbada Hoose Taliyaha aaga Kismaayo Cabdi Badqas ayaa sheegay in hada ay wadaan sidii miinooyinka loogu saari lahaa degaanadii dhawaan ay kala wareegeen Al Shabaab. Badqas oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in sidoo kale ciidamada Jubbaland ay ku wajahan yihiin deegaanno kale oo hor leh, islamarkaana ay maamulaan Al-shabaab. Waddooyinka qaar ayuu sheegay in Al-shabaab ku duugeen Miinooyin islamarkaana haatan ay wadaan howlgallo miino saaris ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Taliyaha-Aaga-Kismaayo-Wareysi-Cabdi-Badqas-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Washington)-Dadka adeegsada facebook-ga ayaa sii kordhaya ayadoo ay jiraan fedeexooyin xidhiidh ah oo ku aaddan sida loo maamulo xogta dadka ee gaarka ah iyo dhaliilo la xidhiidha isku dayga sharikaddaasi ay ku doonayso in ay ku cidhibtirto waxyaabaha xun xun ee bartaas lagu wadaago. Sharikaddan wayn ee ay bulshadu kuwada xidhiidho ayaa sheegtay in tirada dadka barteeda iska diiwaan galiyey ay ugu yaraan bishii hal mar kor ugu kaceen 9% sannadkii horena ay dadkaasi gaareen 2.32 bilyan oo qof. Kororkaan ayaa imaanaya ayadoo ay jiraan ololeyaal dadka looga digayo in ay ka fogaadaan adeegsiga Sharikaddaas. Aas aasaha Sharikadda Mark Zuckerberg ayaa yidhi ” Wax weyn ayaan ka baddalnay sida aan u maamulno sharikadda anagoo diiradda saarayna arrimaha ugu waaweyn ee bulshada”. Ayadoo dhaqaalaha sharikadan uu sii xoogaysanayo ayaa haddana waxaa jira walaac laga qabo sida ay sharikaddani u maamusho xogta gaarka ah ee dadka adeegsada barteeda kadib markii ay soo baxday fadeexaddii the Cambridge Analytica data sharing ee dadka xogtooda lagu jabsaday iyo sidoo kale walaac laga qabo in shabakaddaas loo adeegsado dano siyaasadeed. Sharikaddan ayaa lumisay ku dhawaad saddex meelood saamiyadeeda tan iyo bishii July kadib markii looga digay in ay hoos u dhigto koritaanka dakhligeeda. Hase ahaatee waxay hal mar kor u kacday 9% yadoo faaidaasi ay aad uga sarraysay macaashkii ay saadaaliyeen dadka wax falanqeeya. Isugaynta macaashka ay heshay sharikadda Facebook sanadkii 2018 ayaa ahaa $22.1 oo bilyan macaashkaas oo kor u kacay 39% marka loo eego sanadkii 2017. Dalalka ay sida gaarka ah u kordheen dadka adeegsada facebook-ga ayaa waxaa kamid ah India, Indonesia iyo Philippines, hase ahaatee isma aanay baddalin tirada dadka adeegsada ee kunoool Maraykanka iyo Canada. Source
  8. (SLT-Tehran)-Wariye Mareykanka ku dhalatay oo ka howl gasha TV-ga afka dowladda Iran ku hadla, ayaa dib ugu laabatay Iran kadib markii muddo ka badan isbuuc ay ku xidhneyd Mareykanka. Marzieh Hashemi, oo war akhriye ka ah Press Tv, ayaa la xidhey 13-kii January kadib markii ay soo caga dhigatay St. Louis, Missouri, oo ay qoyskeeda ku booqaneysay. Waxa la hayay muddo 10 maalmood ah. Mas’uuliyin Mareykan ah ayaa sheegey in la sii daayay Marzieh isbuucii la soo dhaafay kadib markii baadhis lagu sameeyay. Dowaldda Mareykanka ayaan faahfaahinin kiiska gabadhhaasi wariyaha aheyd. Marzieh ayaa boqollaal dad ah ku soo dhaweeyay gegeda dayuuradaha ee Imam Khomeini International Airport Arbacadii. Source
  9. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in howlgallo ballaaran ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Howlgalladan ayaa daba socda kadib dil xalay magaaladaasi loogu geystay Nabadoon Xayeesi Mursal oo ka mid ahaa ergadii soo xushay xildhibaannada golaha shacabka. Dadkii dilkaasi ka dambeeyey oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa goobta isaga baxsaday, hase ahaatee ciidamada dowladda ayaa wada howlgallo ay raggaasi ku raadinayaan. Saraakiisha ammaanka ee degmada Afgooye waa ay ka gaabsadeen in ay faah faahinno ka bixiyaan howlgalladan iyo haddii ay jiraan dad ay kusoo qabteen. Warkaan wiixi kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Riyadh)-Xadhiga haldoorka ayaa walaac xooggan ku keenay nidaamka dowladda Sucuudiga, kaddib markii qaar ka mid ah hantiilayaasha iyo rag awood ku lahaa dowladda lagu xidhxidhay huteel ka mid ah kuwa raaxada ee waddankaasi. In ka badan boqol bilyan oo doolar ayaa la sheegayaa in lagu wareejiyay dowladda Sucuudiga, taasi oo u dhiganta hantidii ay sheegtay inay dowladdu ku raadjoogto. 87 qof ayaa la sheegay inay qirteen lacagaha lalunsaday, halka 8 kalena lasoo sheegayo inay diideen wax dambi ah, kuwaasi ayaana haatana wajahaya dacwad. Dhaxalsugaha Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa lala xiriirinayaa khaarijintii loo geystay weriye Jamaal Khaashuqji. Inkasta oo dhaxlsuguhu ku raja weyn yahay in tallaabadii ka dhanka ahayd musuqmaasuqa ay ku dhiirigelin doonto maalagashadayaasha caalamiga ah in Sucuudigu yahay waddan la maalgashan karo. Xidhitaanka loo gaystay qaar ka mid ah xubnaha boqortooyada, wasiirrada iyo ganacsatada ayaa saraakiisha Sucuudigu waxay horey u sheegeen inay tahay hawlgal billaw ah oo meesha looga saarayo saarayo musuqmaasuqa. Xiliigaasi, ayaa qoraal uu soo saaray Sheekh Sacuud Al Mojeb ayuu ku sheegay in xiritaanku “uu billaw u yahay hawlgal muhiim ah oo xididdada loogu siibayo meel kaste oo musuqmaasuq ka jiro. Guddi musuqmaasuqa la dagaalamayay oo uu hogaaminayo dhaxal sugahan 32 jirka ah ayaa amray in xabsiyada loo taxaabo 11 ruux oo qoyska boqoortooyada ka tirsan, afar wasiir, iyo tiro kale oo dad horay wasiirro u soo noqday ah. Al Waleed bin Talal oo ah ganacsade caalamka laga yaqaanno oo hodan ah ayaa ka mid ahaa dadkii lasoo xiray, balse dhawaan lasii daayay. Source
  11. (SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka iyo kooxda Taliban ayaa isku raacay in labadaba ay dhisaan laba guddi farsamo oo go’aan ka gaadhaya habka ay ciidamada Mareykanka iyo NATO uga baxayaan dalka Afghanistan. Guddiyadan ayaa sidoo kale ka shaqeyn doona sidii looga hor-tagi lahaa in argagixisada ay dalkaas u adeegsato meel laga weeraro Mareykanka iyo xulufadiisa. Madaxa wadaxaajoodka Taliban, Mullah Abbas Stanikzai ayaa shaaca ka qaaday faah-faahinadan kadib toddobaad wadaxaajood ah oo uu dalka Qatar kula yeeshay ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan dib u heshiisiinta Afghanistan, Zalmay Khalilzad. “Labada guddi waxay diyaarin doonaan hindisayaal waxayna qaadan doonaan go’aan ay soo saari doonaan miiska wada-hadallada xiga ee 25-ka Febraayo ka dhacaya Doha” ayuu yiri Stanikzai. Waxa uu sheegay in kadib la qaban doono kulan ballaaran oo ay ka qeyb gali doonaan quwadaha adduunka, QM iyo wakiilo ka socda dalalka Islaamka, kuwaasi oo damaanad qaadayaal noqon doona, ayada oo xaqiijin la siin doono ciidamada shisheeye si ay uga baxaan Afghanistan. Source
  12. Jubada Hoose(S.M.Network):-Kolonyadan oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay kasoo tilaabay xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya,waxaana ay kusii jeedaan dhinaca degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahanada Alshabaab ay qarax kula eegteen inta u dhaxaysa Degmoogyinka Dhoobleey iyo Afmadaw oo ka tirsan gobolka Jubadda hoose. Al shabab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadasi laga eegtay ciidamada Kenya ee kasoo talaabay xadka dalalka Kenya iyo soomaliya. Lama oga ilaa iyo haatan qasaaraha dhabta ah ee kadhashay qaraxyaadsi lala eegtay ciidamada Kenya. Dowladaha Kenya iyo Somaaliya ayaa ku heshiyay in ay sika kaashadaan weerarada kadhanka ah al shabab oo dagaal xoogan kula jirta dowladda Soomaaliya iyo howlgalka midowga Africa ee Amsiom. Al shabab ayaa inta badan weeraro dhabogal ah kuqaada ciidamada dowladda Kenya xiliyada ay kusocdaalayan wadooyinka xiriiriya koonfurta soomaliya. The post Alshabaab Oo Weeraray Ciidamo Ka Tirsan Milatariga Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Kulankii ka dhacay magaalada Garowe kadib madaxda maamul goboleedyada ayaa dib ugu laabtay deegaanada caasimadda u ah si waxyaabaha looga hadlay shirkii ka dhacay magaalada Garowe ay ula wadaagaan xubnaha ay isla shaqeeyaan. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaanan ku hakan magaalada Jowhar oo caasimad u ah maamulka Hirshabeelle, waxaana diyaaradii uu la socday ka haray guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaano la socday, iyadoo isla diyaaradda ay Waare usoo gudbisay magaalada Muqdisho. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Waare uu usoo gudbay magaalada Muqdisho sabab la xiriirta kulamo kale gaar ah oo uu doonayo inuu la yeesho madaxda dowladda Soomaaliya. Sidoo kale xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Waare uu doonayo in madaxda dowladda Soomaaliya uu kala hadlo kadib heshiiskii ay la galeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle, inaysan helin dhaqaalo badan oo loo balan qaaday. Waare ayaa ka duwanaaday madaxdii maamul goboleedyada ee ka qeyb galay munaasabadii ka dhacday magaalada Garowe, sababtoo ah madaxda maamul goboleedyada ayaa dhamaan dib ugu laabtay caasimadaha maamul goboleedyada, laakiin Waare ayaa usoo gudbay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Waare ayaa la sheegay in hadda uu ka dagay culeesaadkii baarlamaanka, balse waxaa jiro culees siyaasadeed u dhaxeeyay isaga iyo madaxda maamulka Hirshabeelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Hiiraan(S.M.Network):-Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi xalay duqeymo ay ka fuliyeen diyaarado jawi hoose ku duulayay oo aan la ogeen halka laga leeyahay. Faahfaahinada laga helayo duqeynta sheegaya in duqeyntaasi ay ka dhacday deegaanka Luuq Jeeloow ee gobolka Hiiraan,isla markaana lala beegsaday fariisimo dagaalyahanada Alshabaab ay halkaasi ku lahaayeen. Lama ogaha qasaaraha ka dhashay duqeynta laga fuliyay gobolka Hiiraan,balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ay jirto cabsi ay ka qabaan diyaaradahaasi aan la aqoon halka laga leeyahay. Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa inta badan duqeymo ay ku beegsadaan dagaalyahanada Alshabaab ka fuliya Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Gobolka Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Weli waxaa socda dadaalka kooxada gargaarka ay ku baadi-goobayaan dadka lagu la’yahay doon ku quustay xeebta Abok ee dalka Djibouti, taasi oo ay saarnaayeen 130 qof, oo 16 ay haween ahaayeen. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP, waxaa la helay meydka 52 qof, dadkaasi oo u badnaa Itoobiyaan waxaa ay u socdeen Jaziiradda Carabta, 16 ayaa laga badbaadiyey doontaas, laakin waxaa la sheegaya ain doon kale ay jirtay, oo aan wax laga heyn. Hey’adda IOM, waxaa ay sheegeysaa in doonta ay qalibmatay nus saac kadib markii ay dhaqaaqday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib dagaal ka dhacay Shabeelaha Hoose, ayaa Al shabaab waxay sheegeen inay ku qabsadeen gaadiid kale oo ay la socdeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Al Shabaab ayaa sheegay inay wadada u galeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo marayay meel ku dhow deegaanka Jaziira ee gobolka Shabeelaha Hoose, xili ay kasoo laabteen deegaanka Dhanaane. Rasaas iyo madaafiic ayaa la isku weydaarsaday dagaalka , sida dadka deegaanka ay warbaahinta u sheegeen, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaaro soo gaaray labada dhinac ee dagaalamay. Al Shabaab ayaa sheegay in gaadiidka dagaalka oo ah kuwa gaashaaman inay ka qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee kasoo laabtay deegaanka Dhanaane oo muddooyinkii ugu dambeeyay dagaalo ay ka dhacayeen. Sidoo kale waxaa wararka ay sheegayaan ku dhawaad lix askari ay labada dhinac waxyeelo kala duwan kasoo gaartay dagaalka ka dhacay duleedka deegaanka Jasiira ee gobolka Shabeelaha hoose. Sido kale Al Shabaab ayaa sheegay inay weerareen saldhig ciidamada Uganda ku leeyihiin degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay AMISOM iyo Al shabaab, walow aan xog laga heyn khasaaraha dagaalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Kismaayo (Caasimada Online)-Muuqaal si qarsoodi ah looga duubay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ahaa ciidamada oo si awood ah timaha kaga jaraya dhalinyaro ku sugan magaalada Kismaayo. Ciidamada ayaa la arkayay iyaga oo timo jarista u adeegsanaya maqas loogu talo galay in dharka lagu jaro oo ay adeegsadaan kuwa Dawaarleyda “Harqaanleyda” ah. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Jubbaland, kaasi oo cadeynaya amarka dhalinyarada timaha looga jarayo, taasi oo caqabad kale ay ka dhalan karto. Sanadkii hore ciidamo dhalinyaro ahaa oo loo tababaray dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale ka bilaabay magaalada Muqdisho, balse markii dambe maamulka gobolka Banaadir ayaa joojiyay. Qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Kismaayo ayaa ka dalbaday maamulka degmada iyo maamulka Jubbaland inay arintaasi cadeeyay inuu yahay amar guud iyo in dhalinyarada ciidanka ku jirta ay maskaxdooda ka qorsheysteen. Hoos ka daawo muuqaalka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/KISMAAYO-1.mp4 Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  18. Muqdisho(S.M.Network):-Kooxo hubeysan ayaa saakay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarweyne ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliyeed. Dilka Sarkaalkan oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle ayaa ka dhacay waaxda hilaac ee degmada Xamarweyne waxaana rag bastoolo ku hubeysan ay ku dileyn meel aan ka fogeyn hooygiisa. Dilka Kadib ciidamada amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay,waxaana ay bilaabeen baaritaan ku aadan cida ka danbeysa dilka Gaashaanle sare Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle. Majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka loo geystay sarkaalkan ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliyed,balse inta badan dagaalyahanada Alshabaab ayaa magaalada Muqdisho ka fuliya dilal noocaani ah. The post Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Xooga Dalka Oo Lagu Dilay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-310119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  20. REER GAR ADAGOOW SOMALILAND SUNE XUN BAAD KAGA TAGTEEN !!! Somaliland waa dal dimuqaradiyad iyo nidaamka axsaabta badan qaatey oo ay labada walaalaha ahi kala afkaar noqon karaan midwalibana xisbiga uu doono gali karo oo taageero siin karo , waxaana aynu qaadanay nidaamka ugu casrisan ee maanta aduunku wax ku doorto ee ah qof iyo rabitaankiisa shakhsiga ah. Waxa aynu ku soo soconay nidaamka tan iyo markii doorashooyinka la furay sanadkii 2002 dii ee la qabtay doorashadii goleyaasha deegaanada dalka jamhuuriyada Somaliland ee ugu horeeyay ilaa bishii Oct 2008 dii oo ay beel Somaliland ahi shir u qabsatay si ay kursiga Madaxweynaha ugu qabsadaan reernimo. Waxa hubaal ahayd in iyada oo aan la isweydiin Axmed Siilaanyo cidiisa iyo halka uu ka soo jeedo midna Somaliland oo dhan laga taageersanaa iyada oo lagu dooranayey ama lagu taageerayey taariikhdiisa, magaciisa, aqoontiisa iyo halgankii uu dalkan u soo galay. Doorashadii lagaga helay xisbiga Kulmiye codadka yar ee kooban ee Somaliland ka dhacday sanadkii 2003dii waxa ay ahayd mid qurux badan oo aan beelo loo kala safnayn ee xisbiyo loo tartamayo oo ilmaadeertu is hayso, waxa ay ahayd ubax iyo bilow dimuqaradiyadeed oo u soo baxay Somaliland. Haddaba taariikhdu markii ay ahayd bishii Oct 2008 ayaa beesha aanu tolka nahay ee uu ka soo jeeday madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Siilaanyo iyo Gudomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamud Aden ay shir ku qabsadeen degmada gobolka sanaag ee Garadag. Shirkaasi oo inta laga og yahay ay beeshaasi danaheega iyo horumarka beesha kaga tashanaysay ayaa ajandayaashiisa hoose ay ka mid ahayd in murashaxa Madaxweynaha ee beeshaa ka soo jeeda la doorto, dhamaan dadka ay siyaasada isku hayaan ee beeshiisana laga turxaan saaro. Arinkaasi markaa dadka reer Somaliland dhib ulamuu muuqan oo xukuumadii UDUB oo ragaad ahayd ayaa dalka ku rafatay mudo badan oo aad looga soo horjeeday, waxa kale oo hubaal ahayd marka aan ka qiyaas qaato kacdoonadii siyaasada iyo dareenkii dadka reer Somaliland in Siilaanyo Madaxwayne noqon lahaa xataa hadii aan Gar-adag lagu soo shirin. Dhacday ; Siilaanyo oo taariikh badan oo wanaagsan umadan ku lahaa Madaxwayne noqoy, Somaliland waxa isa soo tartay oo ku soo badatay in reero iyo ardaayo loogu soo shiro siyaasadii oo waxaaba ay noqotay Sune in beelwaliba shir ay qabsato si ay markooga kursiga u fuulaan. Reerihii reernimada iyo nidaamka qabiilka ka baxay amaba kasii xuubsiibanayey ayaa dhamaantood waxa dib waaqica siyaasadeed ee Somaliland ku soo kordhay ugu sanduleeyay in uu qolo waliba reernimadii ku noqoto oo iyaga oo abaabulan ay duulaan siyaasadeed ku qabsadaan kursiga hogaaminta qaranka jamhuuriyada Somaliland. Waxa ay noqotay wadiiqo iyo raad la raaco oo la iska wada daba maro oo ilaa maanta taagan oo aynu arkeynaa beel wada muxaafid ah oo kursiga ilaalinaysa iyo beel wada mucaarid ah oo kursiga doonaysa in ay iyaguna markooga qabsadaan. Dawladnimadii iyo waxii ay umadu wada lahayd ayaa waxa uu yeeshay raad qabyaaladeed iyo sawir foolxun oo kala shaki iyo isnac dhex dhigay dadkii reer Somaliland ee walaalaha ahaa ee wax wada lahaa ee is dhex galay, waxa ay dhashay in ninwalba reerkooga mooyaane aanu aamineyn cidkale. Waxa kale oo arinkani sii dhalay isbahaysiyo reereed oo lagu raadinayo kursiga iyo talada umada u dhexda ah in lagu qabsado, waxa la iskala tagay waxii axsaabta loo aasaasay ee ahaa in mab’da iyo aragti la isku raaco oo aan reernimo iyo qabiil la isku raacin oo waxa samaysmay xulafo beeleedyo lagu doonayo hogaaminta umadda reer Somaliland. Runtii waa qalooc iyo halow dimuqaradiyadeed oo inagu dhacay , waa foolxumo iyo raad habaw ah oo aynu raacnay oo aynaan ilaa maantana in la isku daydo mooyaane in la iska soo qabto oo aynu wax dhaama raadsano aan la isla garan , sidan ay u sii eekaanaysona aan loo diyaar ahayn, waana arin khatar ku ah hanaanka dimuqaradiyada, isdhexgalka dadka iyo dawladnimada Somaliland oo khatar weyni inagaga soo socoto hadii aynaan maanta iska garan. Qalinkii @Muhamed Dhimbiil Qaran News
  21. Habeenku Siyaad Barre Dibjirey Qore: Dr. Saeed Sheikh Mohamed Baraha bulshada iyo websit yada qaar kood ayaan soo dhigay maqaal ka hadlaayey culimadii uu Siyaad Barre dilka toogashada ah ku fuliyey 23/1/75. Maqaal ku wuxu soo baxay sand guuradii 44 maalinta culimadu shahiideen iyaga oo aan dembi galabsan. Waxa kaliya ee lagu haystey waxay ahayd inay diideen hergelinta xeerka qoyska ee Siyaad Barre malmaluuqay. Xeer ku wuxu toos uga hor imanaaya Sharciga Alle. Siyaad Barre wuxu maamul kiisii ku suntana mid: macangagnimo, arxandaro, iyo cabudhin. Wuxu dhaqan ka dhigtay inuu shuruuc soo saro aay hay’adaha aduunyada ku hawlan xuquuqda qofa aad uga qayliyeen. Qofka Somaliyeed waxa uu ku noola xaalad aad u adag oo aanu xataa kor u odhan karayn waan dhibanahay. Siyaad Barre himiladiisu waxay ahayd oo qudha inuu midiidin ka wada dhigo, oo qalad kasta uu sheego ama ku kaco aan waxba laga odhan baqo awgeed. Camal ka looga bartay wuxu ahaa: dil, xabsi dheer, jidh dil, dhac iyo dhaxl wareejin, iyo hadimo joogta ah oo aan loo kala aba yeelayn sheekh iyo shariif iyo tuug toona. All wuxu qadaray, nin kii siduu shabeel yahay Somali oo dhamay ka cabsanaysay, 16 sano markay ka soo wareegtey maalintu culimada laayey, in inamo dhalin yara ah oo AK sitaa, qasarigii madax tooyada ugu soo galaan, iyagoo rabaa inay sidii Qadafi oo kale ka yeelaan Qasrigii madax tooyada ee aan cidi u soo dhawaan jirin, ee ciidamo kala dambeeyaa ku xeernaan jireen, isagoon cid uuku gabadaa aanay joogin, ayuu Siyaad Barre taangi goor galaba ku baxsaday 26/1/1991. Habeen kaa meel miyi ah oo waaqle ah ayuu ku dibjiray, markee dambe uu isaga iyo intii la socotey fadhiisin ka dhigteen isagoo cid u maciintaa aanay jirin oo cabsiyi u dhamaatey. Abwaan reer Burco ah ayaa maalmaha xaalada gabay ka tiriyey haldhigiisu ahaa: “Caawaba odaygii haduu dibjirey, waan ka aar saday.” Ayaantaa Siyaad Barre Moqdisho uu ka cararey, waxan xasuutey heestii abwaan Axmed Saleeban Bide uu hore u tiriyey: “Dhaaxaad ladnaydood sidaad aar libaax tahay, talaabada la dhaysee, Waadiganse liitee leexadu ku sidatee hadba laan cuskanayee Liibaanteed aduunyada qofna laasan maayee maxa lurey naftaadi. Siyaad Barre ku sii dheeraan mayo oo waxa igaga filan aayadan: وَلَا يَحْسَبَنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّمَا نُمْلِي لَهُمْ خَيْرٌ لِأَنْفُسِهِمْ ۚ إِنَّمَا نُمْلِي لَهُمْ لِيَزْدَادُوا إِثْمًا ۚ وَلَهُمْ عَذَابٌ مُهِينٌ. آل عمران آية 178 Xadiith ka Rasuulkuna (S.C.W. Salam) waa: عن أبي بكرة-رضي الله عنه- أن رجلا قال:يا رسول الله أي الناس خير؟، قال :” مَنْ طَالَ عُمُرُهُ،وَحَسُنَ عَمَلُهُ”، قال: فأي الناس شر؟ قال :”مَنْ طَالَ عُمُرُهُ وَسَاءَ عَمَلُهُ”. رواه الترمذي وصححه الشيخ الألباني Rasuulku wuxu yidhi dadka waxa ugu wacan qofka cumrigiisu deeraado ee camal kiisuna wacnaado; waxaana ugu xun qofka cimrigiisu dheerado ee camal kiisuna xumaado. Dadka qaarbaa ku murma “ Siyaad Barre nin wacan buu ahaa”. Kuwa meelahaa hadalada cayn kaasa ku celceliya waxan u sheegayaa inay dib ugu noqdaan xaaladu siday ahayd marku xukunka xooga kula wareegey, iyo xaaladu siday ahayd markii la iska dhiciyey. Maalintii October 21, 1969 ee uu Siyaad Barre uu af-gambiga sameeyey, shanta Somaliyeed oo dhami way ogolaayeen, meel qudha ayaa loo wada jeedey. Xurnimo iyo midnimo Soomaliyo dhan ah ayaa la higsanaayey. Waxa qudha ee ay dadku cabanayeen wuxu ahaa musuq maasuq baahay oo maamul kii markaa jirey xalaalaystay; dhib kale oo jirtey majirin. Arinkaana waa la maarayn kari laha ayadoon xabad la isu qaadan oo doorasho iyo codayn ayaa ayaa xaladaa lagaga bixi laha.. Maalintii Siyaad Barre xukun laga tuurey, wuxu katagey: Somaliyoo qabiilo-qabiil, reer-reer, jilib-jilib, qoys-qoys uu colaad dhex dhegay oo aan qof-qof bixinayn isaamin daayoo; Maxkamad wareegta (maxkamadii Gani iyo qar la mida) oo dadka boqolaal tobanaan shacbiya into la iska soo qabsado dhakhso dil lagu xukumo, isla markaana goobta lagu fuliyo, hantidoodana lala wareego oo ila hada aan waxa loo sheegtey qoysas koodi garnayn oo weli weeran; Gobolo dhan oo xaga dhaqaala laga curyaamiyo oo hanti doodii dawladu dhac iyo xoog iyo boob kula wareegtay, kii juuq yidhina bartaa lagu toogto; Qabaa’il dhan oo xasuuq lagula kacay oo aan oday, habar, rag iyo dumar iyo caruur madaafic, kare, iyo diyarado loo adeeg saday; Somali qaxday oo wadamadii colaada taariikhda ahi ka dhaxaysa magan gelay ; Magaalooyin dhan oo la baabiiyey oo guri qudha oo bad qaba loogu soo noqon, 500,000 qof oo meel lagu sheego aan la garanayn meel lagaga waramo oo iskugu jira xasuuq iyo in baadan oo kale firdad, barkac, qaxooti iyo darxumo u dhintay iyo xabaalo wadareed weli intooda badan meel loogu hagaago aan la garnayn. Midnimo Shantii Somaaliyeed daayo labadii hore isu raacay oo kala go’ay ; Wuxu gooyey duntii wada dhalsho iyo wadaninimo ee dhadka Somaaliyeed isku haysay. Khilaafka illaa maanta kataagan Jamhuuriyadee Somaliyeed ee la isla af-garan la’yahay waa xumaatadii uu berey midho heedii. Waxa inagaga filan Siyaad Barre weedhiisii : « markaan xukunka ka dego, dal waa la iga dhaxli, laakiin dad la xukumo la iga dhaxlimaayo ». Waxan cadaynayaa inaanu dal dhisan oo midnimo iyo horumar higsanaayey inuu baabiyey oo maanta Caalmka ay Somalia ugu jirto hal beega siyaasada xun oo dhan. Maxaa lagu xusustaa Siyaad Barre? Xumaan oo dhan. Allaa ina tusay khatumadiisii. Isaga oo gaboobay oo aan cidina bixinayn ayuu qaxooti ku tegey Nigeria oo uu guri ku xidhna cabsi awgeed. Xaaladaa isago ku sugan ayey naftu kaga baxday aqalkii u ka deganaa magaalada Lagos 2/1/1995. Siyaad Barre iyo dad kii u laayey waxay wada sugayaan cadaalda Alle, maalinta la odhan doono: سورة التكوير “وَإِذَا الْمَوْءُودَةُ سُئِلَتْ٠ بِأَيِّ ذَنْبٍ قُتِلَتْ” “يَوْمَ يَنظُرُ الْمَرْءُ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ وَيَقُولُ الْكَافِرُ يَا لَيْتَنِي كُنتُ تُرَابًا” سورة النباء Wa Bilaahi Tawfiiq. Qaran News
  22. Xog-culus: Xogta Rasmiga ah ee Ninka Ingiriiska ah eeMuqdisho ku xiran oo la helay+Hawlo sirdoon oo uu ka waday Somalia+Dawladda UK oo ka hadashay qadiyadaas+Sawirro Xasaasiya Dowladda UK ayaa ka hadashay ninka British-ka ah ee ku xidhan magaalada Muqdisho, kaasi oo loo haysto eedeymo ku saabsan inuu walxo qarxa la kori lahaa diyaarad. Xafiiska arrimaha dibedda UK, ayaa sheegay inay xidhiidh la leeyihiin Anthony Cox iyo dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay caawinayaan qoyskiisa. Hase yeeshee ma bixin faah-faahin intaas dheer. Cox ayaa dhowaan ka badbaaday isku day dil oo ay la damacsanaayeen maxaabiis Daacish ah oo kula xidhan xabsiga dhexe, kuwaas oo Makiinad ku weeraray. Anthony Cox ayaa horey u ahaa askari, hase yeeshee waxa uu dhowaanahan ka shaqeynayey maareynta xasaradaha iyo uruurinta xogaha sirdoonka. Shirkadda SKA oo uu shaqeynayey intii uu Soomaaliya joogay ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqada ka tagay shanti Janaayo, laba toddobaad ka hor inta aan la xidhin. Ninkan oo sidoo kale ku hadla luuqadda Faransiiska, ayaa muddo 16 sano ah ku noolaa dalka France, isaga iyo xaaskiisa Amanda. Waxa uu bogiisa Linkedin ku sheegay inuu kasoo shaqeeyay Koonfur America, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, Bariga Yurub iyo Koonfur Bari Asia. Inta uu Muqdisho joogay ayaa la sheegay inuu ka shaqeynayey arrimaha amniga iyo uruurinta xogaha sirdoonka. Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ka hadashay ninka British-ka ah ee ku xiran magaalada Muqdisho, kaasi oo loo haysto eedeymo ku saabsan inuu walxo qarxa la kori lahaa diyaarad. Xafiiska arrimaha dibedda UK, ayaa sheegay inay xiriir la leeyihiin Anthony Cox iyo dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay caawinayaan qoyskiisa. Hase yeeshee ma bixin faah-faahin intaas dheer. Cox ayaa dhowaan ka badbaaday isku day dil oo ay la damacsanaayeen maxaabiis Daacish ah oo kula xiran xabsiga dhexe, kuwaas oo sakiin ku weeraray. Anthony Cox ayaa horey u ahaa askari, hase yeeshee waxa uu dhowaanahan ka shaqeynayey maareynta xasaradaha iyo uruurinta xogaha sirdoonka. Shirkadda SKA oo uu shaqeynayey intii uu Soomaaliya joogay ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqada ka tagay shanti Janaayo, laba toddobaad ka hor inta aan la xirin. Ninkan oo sidoo kale ku hadlay luuqadda Faransiiska, ayaa muddo 16 sano ah ku noolaa dalka France, isaga iyo xaaskiisa Amanda. Waxa uu bogiisa Linkedin ku sheegay inuu kasoo shaqeeyay Koonfur America, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, Bariga Yurub iyo Koonfur Bari Asia. Inta uu Muqdisho joogay ayaa la sheegay inuu ka shaqeynayey arrimaha amniga iyo uruurinta xogaha sirdoonka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com