Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Heavily armed Al-Shabaab fighters have launched a daring attack on Somali military base located in a small village on the outskirts of Kismayo on Saturday morning. In a statement, Al Shabaab said it has overrun the base and killed at least 41 government soldiers, a claim rejected by Jubbaland state army commander Aden Goojaar as baseless. Al Shabaab added that its fighters stormed the camp in Baar-Sanguuni, approximately 50 kilometers north of Kismayo port city after detonating a massive car bomb at the gates. Meanwhile, Jubbaland claimed it killed 77 militants in the attack and an airstrike conducted by suspected US warplanes in support of the local forces attack by the militants. There was no independent source verifying both claims as the area is remote and villagers unwilling to speak to the media outlets, fearing their safety. The post Al-Shabaab launches attack on military base near Kismayo city appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa maanta ku dilay gudaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Daawada laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Dilkan ayaa yaa yimid, kadib markii rag ku hubeysnaa Bastoolado ay weerareen marxuumka oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamuud Nuur Abiikar. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daaraya in qof ka kale ee la dilay uu la socday marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray meesha ay wax ka dhaceen ayaa baaritaano ka sameeyay halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Howlwadaag oo ku aadan dilkaasi. Shalay ayey aheyd markii guddoomiyaha dhalinyarada Hodan lagu dhaawacay gudaha degmadaasi, kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawac ahaan. The post Rag hubeysan Oo Guddoomiye Waaxeed ku dilay Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
  3. 19/01/2019 Go’aan Uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Soo Saaray Oo Uu Ku Durrayo Magdhawgii Shirkadda Haatuf Media Network Hargeisa, January 1, 2019 (Haatuf) – “Ugu horayn go’aankan kasoo baxay maxkamadda gobolka Maroodi jeex ee ku taariikhaysan 16/01/2019, waa mid aan ka jawaabayn kana turjumaynin dacwadii magdhawga ahayd ee ay Shirkadda Haatuf Media Network ka furatay Maxkamadda. Dacwadda aanu furanay waxay ku saabsanayd Ciidanka Bilayska ee xooga ku qabsaday xaruntii soo saari jirtay saddexda Wargeys ee Haatuf, The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi, iyagoo aan u haysanin amar maxkamadeed. Qabsashadaasna waxa ka dhashay khasaare laxaad leh oo maad iyo macnawi iskugu jira. Dacwadda aanu furanay waxa uu ahaa khasaarihii ka dhashay xoog ku haysashada meherad iyo hanti gaar ah oo haatan ay ciidamadaasi dul fadhiyeen mudo 5 sanadood ku dhawaad ah. Hadaba garsooruhu wuxuu majaro-habaabiyey cadaaladii iyo wixii ay dacwadu ku saabsanayd oo uu meel kale oo aanay dacwadu ku saabsanayn ula kacay. Maxaa yeelay, waxa uu ka hadlay xukunkii ciqaabta ahaa ee guddoomiyaha shirkadda Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige ( bishii June 2014) lagu xidhay ka dibna qoraal amar Madaxwayne lagu sii daayey. Xukunkaasi isagu halkaas ayuu ahaa. Balse dacwadayadu xukunkaasi lamay xidhiidhaynin ee waxay la xiidhiidhaysay xukun amar ah oo ka horeeyey oo isla garsoore Axmed Dalmar soo saaray 07/04/2014, isagoo xayiraad saaray in aanu Wargeyska Haatuf soo bixi karin, iyadoo xayiraadaasi lagu socodsiiyey dhamaan madbacadaha dalku inaanay soo saari karin wargeyskaa oo kaliya. Xukunkaasi waxa kale oo uu xambaarsanaa ruqsad-laalis wargeyska ah. Balse marna muu dhigaynin in ciidanku xoog ku qabsado xaruntayada ganacsi. Dacwadayada magdhawga ahayd waxay ku saabsanayd qabsashadaasi aanay jirin maxkamad amartay ee ciidankaasi ku haysteen xafiisyadayadii isla markaana khasaaraha laxaadka leh naga soo gaadhay. Markaa guddoomiyaha maxkamadda gobolku wuxuu gadhka isku galiyey laba dacwadood oo kala duwan oo aan shaqo isku lahayn, iyadoo aanu u aragno in aqoon darro xaga sharciga ahina ka muuqato go’aankaas, maadaama oo dacwad meesha aan oolin uu soo galiyey. Eeg:- Qaraarka Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex 7/4/2014 meel qudha kagama qorna in ciidanku qabsado oo uu mudo shan sano ku dhawaad ah dul-fadhiyo. Xitaa markii qabsashadaasi aanu dacwad ka furanay, garsoorihii u horeeyey ee xarunta booqday ciidankaasi way u diideen inuu xarunta gudaha u gallo, waxaana dhacdadaasi laga daawaday Telefishanada dalka. Ka dib garsoorahaasi cabsi awgeed ayuu dacwadii iskaga wareejiyey. Aakhirkii galkii dacwadan waxa gacanta ku dhigay guddoomiye Dalmar, waxaana dhacday in isaga laftigiisu maalintii uu goobtaas noo raacay ay ciidanku u diideen inuu gallo xarunta Haatuf Media Network, ilaa taliyaha qaybtu goobta noogu yimid sidaasna aanu ku galnay. Hadaba qofkasta oo caqli lihi wuxuu garankaraa khasaaraha baaxada leh ee na soo gaadhay, laakiinse waxa muuqata in garsoore Axmed Dalmar uu ka habraday inuu cadaalada u hiiliyo”. Afhayeenka Haatuf Media Network Maxamed Ibraahim Sagax Qaran News
  4. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-19012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Waxaa lagu wargalinayaa dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Denmark in la qabanayo xaflad lagusoo dhaweynayo Madaxda Cusub ee Dowlada Puntland, Xafladu waxay ka dhacaysaa Magaalada [...] Source
  6. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maagalada Muqdisho ka furidoono koob lagu xusayo Allaha Unaxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa haldoorayaasha ugu wanaagsanaa ee soo maray warbaahinta dalka. Wariye Cawil Daahir Salaad iyo Saddex kale oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV ayaa u dhintey Qaraxyadii 22-December 2018 ee ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho. Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee wadanka jiray. Markii uu dalka burburka galay wuxuu weriyaha ka mid ahaa dhalinyaradii isku dayay dib u soo nooleynta warbaahinta wuxuu soo saari jiray mid ka mid ah wargeysyadii tirade yaraa ee gacanta lagu daabici jiray. tartankan waxaa ka qeyb galaya kooxaha kubbadda cagta ee kala ah Elman,Heegan,Jeenyo iyo kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club. Isku Aadka Koobka 19-01-2019-Muqdisho City Club VS Elaman 20-01-2019-Heegan VS L.L.P Jeenyo 22-01-2019 oo ah maalinta Talaadada ayaa la dheelidoonaan fiinaalaha koobka lagu xusayo Allaha Unaxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV. Source: goobjoog.com
  7. Ciidamada Jubbaaland ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey iney dileen ku dhowaad 56 ka mid ah Maleeshiyaadka Al-shavaab kuwasoo saaka Aroortii weeraro nafti xoornimo ah kusoo qaaday [...] Source
  8. Somalia’s National Intelligence and Security Agency [NISA] said it captured an Al-Shabab member during a covert operation carried out in Mogadishu on 18th January 2019. NISA announced the arrest in a statement on its Twitter account on Friday, seen by Radio Shabelle. “In a careful and planned operation, the security forces detained a member leading Al-Shahab Amniyat operation in Mogadishu,” said NISA in the Twitter post. The spy agency did not disclose the identity of the militant but said he was the kingpin of Al-Shabab’s Amniyat wing operating in the Somali capital. Al-Shabab has stepped up attacks in the capital as part of its struggle to topple the Western-backed Somali Federal government based in Mogadishu and fighting AMISOM. The post NISA says Al-Shabab operative arrested in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Saldhig ay Ciidanka Jubbaland ku leeyihiin meel 45 km u jirta Kismaayo ayaa saaka oo sabti ah Aroornimadii waxaa soo weeraray Meleeshiyada Al-shabaab. Weetarka oo [...] Source
  10. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay. Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax ayaa horey u ahaa qoys, balse mar dambe ayay kala tageen, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhankaas Doolow oo ay deganaayeen eheladeeda. Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guurstay nin kale, Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo ku heli karo markale, waxa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay. Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi). Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid ayaa isla xilligaas oo aheyd habeen soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna ku wareejiyeen Hey’adda baarista dambiyada ee CID. Baaristooda kadib ayay ku soo wareejiyeen 23 bishaas Xafiiska Xeer-Ilaalinta, waxa ayna codsadeen Xeer-Ilaalinta in loo gudbiyo xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro cadeymaha dambi ee lagu soo eedeeyay Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali. Muddo kadib ayay codsadeen xafiiska Xeer-ilaalinta 5- bishan aynu ku jirno, waxa ayna shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadda. Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanaha, marqaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo kamid ah xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in eedeysanaha uu u bareeray dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, waxa uu sidoo kale fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu dadaal badan geliyay dilka Marxuumadda. Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa weydiistay Garsoor in loo naxariisto eedeysanaha maadaama uu jiray rabitaan uu u qabay xaaskiisii hore. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lagu xukumo Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Xukunsaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. The post Sarkaal dilay Haweenay ay kala tageen Oo la xukumay appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo saakay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah. Sidey inoo xaqiijiyeen saraakiil xoogga dalka ah, Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaddey fariisin ciidanku ku leeyihiin deegaankaasi. Saddex gaari oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayeey Al-shabaab ku bilaabeen weerarkooda, iyadoo saraakiisha DFS ay sheegeen in qaraxyadaasi ka hortageen. Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, iyadoo xaaladda hadda ay tahay midda aad u deggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu maanta shaaciyay wakhtiga la qabanayo shirweynaha xisbigaasi iyo magaalada lagu qabanayo oo lagu dhawaaqay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Ku dhowaad Seddex Boqol oo qoys oo ah Beeraley wax soosaarkii ay ku tiirsanaayeen ay ragaadiyeen Roob yaraan ayaa waxay kasoo kala barakaceen deegaanno hoostaga degmooyinka Bardaale iyo Qansaxdheere ee Gobolka Baay, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyey gaarey degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo sida Goobjoog u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Guddiga xeryaha barakacayasha ee Buurdhuubo. Cabdulaahi Rashiid waxaa uu ka mid yahay Guddi ay leeyihiin dadka Barakacayaasha ee deggan duleedka Buurdhuubo, wuxuuna sheegay tan iyo bilowgii bishan January in degmada ay soo gaareen Qoysas barakacayaal hor leh oo ka kala yimid degaanno ka kala tirsan gobolka Baay, isagoo sheegayna qoysaskaasi oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 300 qoys in ay Qaarkood dejiyeen ilaa 4 xero oo ku yaalla duleedka degmada. Sababaha qoysaskani ay ugu soo barakaceen deegannaadooda ayuu sheegay beerihii ay ku tiirsaneyd noloshooda oo baaqdey roob yaraan darteed, taasi oo keentay in ay nolosho ay ku adkaato kadibna ay maciin bidaan xeryaha Barakacayaasha. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Barakacayaal-hor-leh-oo-ka-soo-kala-barakacay-deegaano-ka-tirsan-Gobolka-Bay-oo-soo-gaarey-Buurdhuubo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Dowlada Soomaalida Itoobiya waa iney ilaalisaa Amaanka iyo xuquuqda Soomaalida degan Ismaamulada Dariska ee Canfarta iyo Oromada. Jigjiga (Itoobiya): Waxaa magaaladda Jigjiga iyo meelo kale [...] Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray oo ka mid ah mas’uuliyiinta xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa si weyn naqdiyay hab-dhaqanka ciidammada booliska Somaliland, isaga oo si toos ah u weeraray hoggaanka booliska gaar ahaan taliyaha ciidammada booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan. Cali Guray ayaa qoraal oo soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook waxa uu ku yidhi “Haye Bilayskeenu waa kaa taliye Fadal silcinayo. Xataa waaxdii socdaalka ayuu sadheeyay. Waa kaa ka doonaya , warbaahintii oo dhan, halabuurkii oo dhan iyo dhalinyaradii Somaliland oo dhan inu dawladda ka horkeeno Dal Bilayskiisa taliskiisi casaabad qawlaysto ah noqday kob caleen leh in aanu ka soo durdurinayn waa la garanayaa ee bal aan sugno halkay ay Bilayska Somaliland dhigaan Fadal iyo kooxdiisu” Source
  16. Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay. Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax ayaa horey u ahaa qoys, balse mar dambe ayay kala tageen, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhankaas Doolow oo ay deganaayeen eheladeeda. Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guurstay nin kale, Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo ku heli karo markale, waxa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay. Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi). Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid ayaa isla xilligaas oo aheyd habeen soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna ku wareejiyeen Hey’adda baarista dambiyada ee CID. Baaristooda kadib ayay ku soo wareejiyeen 23 bishaas Xafiiska Xeer-Ilaalinta, waxa ayna codsadeen Xeer-Ilaalinta in loo gudbiyo xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro cadeymaha dambi ee lagu soo eedeeyay Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali. Muddo kadib ayay codsadeen xafiiska Xeer-ilaalinta 5- bishan aynu ku jirno, waxa ayna shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadda. Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanaha, marqaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo kamid ah xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in eedeysanaha uu u bareeray dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, waxa uu sidoo kale fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu dadaal badan geliyay dilka Marxuumadda. Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa weydiistay Garsoor in loo naxariisto eedeysanaha maadaama uu jiray rabitaan uu u qabay xaaskiisii hore. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lagu xukumo Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Xukunsaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Source: goobjoog.com
  17. A loud explosion was heard last night in the downtown Baidoa, the interim capital city of Southwest State of Somalia, police, and witnesses said. The explosion has resulted from a grenade bomb carried out by men riding on an auto rickshaw who managed to escape the scene before the arrival of the local security forces. There were reports of arrests made following the blast, which did not cause any casualties on civilians as well as the soldiers. No group has so far claimed responsibility for the attack which comes days after Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo visited the strategic city, situated 250Km southwest of Mogadishu. Baidoa has been relatively stable since last year and the government forces have been conducting operations in the city to flush out Al-Shabab sympathizers and sleeping cells. The post Bomb explosion reported in Baidoa town, no casualties appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Five suspects, including a Canadian citizen, appeared in a Kenyan court on Friday in connection with an Islamist attack on a Nairobi hotel complex that left 21 dead. A magistrate granted a request from the prosecution to detain the four men and one woman for 30 days while investigations continue. The suspects are accused of “possible involvement in the almost 20-hour siege of the DusitD2 hotel and office complex by a suicide bomber and four gunmen who were all killed by security forces, a court document said. “The investigations into this matter are complex and transnational and would therefore require sufficient time and resources to uncover the entire criminal syndicate,” a statement from Director of Public Prosecutions Noordin Haji said. A total of 11 suspects were arrested after Tuesday’s attack, however investigations into the others were still ongoing. Those who appeared in court include Joel Ng’ang’a Wainaina, a taxi driver who ferried the attackers around on several occasions, and Oliver Kanyango Muthee, a taxi driver who drove one of the assailants to the scene of the attack. Gladys Kaari Justus is being investigated over the transfer of money while Guleid Abdihakim — who holds Canadian citizenship — is being probed over suspicious communication. The other suspect Osman Ibrahim is alleged to have met with one of the attackers on January 8. Two suspects yet to appear in court, Ali Salim Gichunge and Violet Kemunto Omwoyo possessed SIM cards that were in “constant communication” with numbers in Somalia, court documents revealed. The attack was claimed by Somali Islamist group Al-Shabaab, an affiliate of Al-Qaeda which has repeatedly targeted Kenya over the presence of its troops in Somalia. In 2013 an attack on the Westgate mall in Nairobi left 67 dead, while in 2015 Shabaab killed 148 people at a university in Garissa, eastern Kenya. The post Five suspects in court over Nairobi hotel attack appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa waxa ay maanta ku dhawaaqeen wakhtiga la qabanayo shirweynaha golaha dhexe xisbigaasi. Xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in 23 bisha Labaad ee sannadkan 2019-ka ay qabanayaan shirkoodii golaha dhexe. Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa ay sheegeen in uu ka dhacaayo shirkaasi. Shirkan ayaa waxa la filayaa in lagu dooran doono hoggaanka cusub ee shanta sanno ee soo socota. Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa hore ka digay in shirka xisbiga KULMIYE la geeyo magaalada Boorama, waxaanu ku taliyay in haddii aan la doonayn in xisbigaas la baabiiyo shirkiisa lagu qabto magaalada Hargeysa ee caasimadda ah. Muuqaalka warkan goor dhaw la soco Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Guddigii golaha guurtida Somaliland u xil saareen ka soo tallo bixinta muddo kordhinta loo samaynayo golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa waxa ay saaka yeesheen kulankoodii ugu dambeeyay. Guddiga ayaa waxa ay hore kulamo gooni gooni ah ula yeesheen saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, sidoo kale waxa ay kulan la yeesheen xubnaha guddiga doorashooyinka Somaliland. Guddigan ayaa waxa la filayaa inay maalinta bari ah ku dhawaaqi doonaan muddada kordhinayo doorashooyinka inagu soo waajan. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman Source
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar waaberigii saaka ka bilowday deegaanka Baar Sanguuni oo ciidamada Jubbaland ay saldhig ku leeyihiin. Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, kadibna waxaa xigay in xubno ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galaan saldhiga Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Warbaahinta ku hadashada afka maamulka Jubbaland ayaa iyada oo soo xiganaya Saraakiisha Ciidamada Maamulkaasi, waxa ay baahisay in Dagaalyahanadii Shabaab ka tirsanaa ee soo weeraray saldhigooda ay khasaare xoogan gaarsiiyeen. “Shabaab waxaa weerarkii saakay kaga dilnay 73 askari waxaana sidoo kale ka fashilinay oo aan ka hor tagnay gaari kale oo walxaha qarxa ay kasoo buuxiyeen, waana qarxinay gaarigaai ugu dambeyn” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka Maamulka Jubbaland. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku shaaciyeen in saakay deegaanka Baar-Sanguuni la wareegeen,isla markaana ay qabsadeen Saanad Millateri oo halkaasi yaallay. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  22. Jigjiga (Caasimada Online) – Waxaa magaaladda Jigjiga iyo meelo kale oo kamid ah Ismaamulka Soomaalida Itoobiya isagu soo baxay boqolaal dadweyne kuwaasoo ka banaanbaxay dhib ay sheegeen in lagu hayo Soomaalida kunool dhulka hoostaga Ismaamulka Canfarta ee dalka Itoobiya. Shacabka Soomaaliyeed in ee kuhool nool Maamulka Qawmiyadda Canfar ayaa caburin iyo gumaad kala kulmay Ciidamadda Liyuu Police ee Maamulkaas. Ciidamaddaas Liyuu Police ee Ismaamulka Canfarta ayaa waxay dad badan ku dileen Magaalooyinka Cadayti, Cundhufo, Garba Ciise, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkaasi oo banaanbaxa ka qeyb galay. “Shacabka waxay aad uga caraysnaanayeen in Ciidamadda Federal oo ka agdhowaa meelaha dadka lagu laayey aysana waxba u qabanin dadkii dhibka loogaystay. Waxayna Ciidamada ugu baaqeen in ay dhowr Xuquuqda Aadanaha, Fuliyaana waajibaadka Dastuurka kaasoo amraya in Ciidamada Federalka ilaaliyaan Amniga dadweynaha” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha. Shacabka banaanbaxay ayaa waxay ugu baaqeen Maamulka deegaanka Soomaalida iyo waliba shacabka Soomaaliyeed in ay caawimaad u fidiyaan Soomaalida lagu laayey ismaamulka Canfarta. Ugu dambayntii, Shacabka banaanbaxayey waxay dawladda Federalka ka dalbadeen in ay ilaaliso Dastuurka, siddoo kalena gudi dhexdhexaada arinka u magacowdo si arinka xal looga gaaro. Waxay ahayd Sanadkii 2014 oo dhul ay Soomaalidu leedahay la hoosgeeyey Ismaamulka Anfarta iyaggoon wax wadda tashi ah laga samaynin shacabkii u dhashay deegaan, Ciidamadda Liyuu police ee Ismaamulka Zcanfarta ayaa bilaabay in dadka ka soo cayriyaan dhulka, walina majirto cid ka hadashay dhibaatadda shacabka lagu hayo.
  23. (SLT-Hargeysa)-Baarlamaanka Ingiriiska ayaa warbixin sannadle ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladaha Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba xidhiidhkooda oo aan wanaagsananayn. Warbixintan ayaa sidoo kale waxa lagu soo hadal qaaday socdaalkii uu dhawaan Hargeysa ku yimid xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska iyo arrimo kale. Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo la doortay 8 February 2017 ay shacabka Soomaaliay rajo badan ka muujiyeen doorashadiisii, isagoo wakhtigiisii ololaha balan qaaday inuu wada hadal la furi doono Al-Shabaab, laakiin laba sannadood ka dib waxay warbixintu tilmaamtay inuu u muuqdo in la tijaabiyay. Waxay warbixintu sheegtay in Maxamed Farmaajo uu caqabado kala kulmay nidaamka federal ee dalka Soomaaliya, iyadoo uu khilaaf u dhexeeyo dawladiisa iyo maamul goboleedyada, waxaanay warbixintu tusaale u soo qaadatay dhibaatadii ka dhex dhacday dhawaan dawladda Farmaajo iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed, “Dhawaan waxa uu qalalaase siyaasadeed ka dhex jiray mid ka mid ah maamul goboleedyada oo la yidhaahdo Koonfur Galbeed. Doorashadii Madaxtoyada waxa la qabtay December 2018. Markii tartanka lagu jaray dawladda Soomaaliya waxay dhibaato kala kulantay hoggaamiyihii Al Shabaab Mukhtaar roobow oo sidiisa ugu dhawaaqay inuu yahay murashax.” Ayay tidhi warbixinta oo intaas raacisay “Roobow waxa la xidhay 13 December, maalmo uun ka hor doorashada taas oo meesha ka saartay tartankiisii albaabadana u furtay murashaxii Farmaajo uu doonayay. Xadhiga Roobow wuxuu keenay degenaansho la’aan ay 5 ruux ku dhinteen. Xadhigii Roobow ayay warbixinta Baarlamaanka Ingiriisku tilmaantay inay abuurtay culaysyo siyaasadeed oo caalami ah kuwaas oo ay ka mid yihiin caydhitna ergaygii Qaramada midoobay, mooshino kala duwan oo markii dambe wada hadal lagu dhammeeyay. Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay inay Soomaaliya dhibaato iyo dhaawacyo siyaasadeed kala kulantay markii ay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka wadamada Khaliijka, laakiin waxay xustay inay Soomaaliya natiijo togan kala kulantay isbedelada uu sameeyay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xaliyay khilaafka xuduudeed ee Ereteriya, taas oo keentay inuu meesha ka baxo dagaalkii ay Itoobiya iyo Ereteriya isku herdiyayeen ee ka socday gudaha Soomaaliya, waxase ay warbixintu sheegtay in guul uu farmaajo gaadhaa ku xidhantahay hadba sida uu wax uga qabto xaaladda ammaan ee gudaha Soomaaliya. Dhinaca ammaanka Soomaaliya, sannadkii 2018, waxa ay warbixintu sheegtay inay Al-Shabaab xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha Soomaaliya, “September waxay ahayd bil gaar ah oo xun weerarada Muqdisho. Oktoobar waxay weerarareen kolonyo gaadiid milatari oo uu Midowga Yurub leeyahay oo lagu dilay saddex ruux oo meel taagnaa. Sannadka 2019 wuxuu isna ku bilaabmay si la mid ah. January 1 Al-Shaaab waxay xaqiijisay inay dib u heshay awoodda inay weeraro ka fulin karto saaxiibada Farmaajo la jaarka ah, markii ay weeraro ku qaadeen Nayrobi ee ay dileen ugu yaraan 21 ruux. Wuxuu ahaa weerarakani kii ugu balaadhnaa ee ay Al-Shabaab ka fuliso Kenya tan iyo weerarkii jaamacadda Garisa ee 205 oo lagu dilay 150 ruux.” Somaliland Warbixintan uu soo saaray Baarlamaanka Ingiriisku waxay xoogay ka taabatay xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya oo ay tilmaantay inuu hoos u dhacay, waxaanay sheegtay inaanu Farmaajo ilaa hadda ku guulaysan inuu xoojiyo xidhiidhka Somaliland “Madaxweyne Farmaajo ilaa hadda guul kamuu gaadhin wanaajinta xidhiidhka Somaliland. Ka dib dhawr dib u dhac, Somaliland waxay November 2017 qabatay doorashadii madaxtooyada, waxaana ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga KULMIYE. Murashaxii laga guulaystay Cabdiraxmaan Cirro oo Waddani ka socday ayaa ku andacooday in wax la is dabo mariyay laakiin maxkamadda sare ayaa ansixisay natiijadii.” sidaas ayay warbixintu tidhi. Waxa kale oo ay warbixintu soo hadal qaaday xiisadda mar walba ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland ee deegaanka Tukoraq oo ay dad badani ku dhinteen, “Dedaal wada xaajood oo si rasmi ah loogu samayn lahaa xabad joojin ayaan guulaysan.” Ayay tidhi warbixintu. Warbixintu waxa kale oo ay soo hadal qaaday wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay, “Madaxweyne Biixi ayaa dib u dhigtay March 2018 wada hadalada Soomaaliya, kuwaas oo la filayay in dib loo bilaabo markii ay hakad ku jireen muddo. Ilaa hadda, ma muuqato calaamad muujinaysa inay wada hadaladu dib u bilaabmaan.” Warbixintu waxay sheegtay in dawladda Ingiriisku taageero kala duwan u fidiso Somaliland iyo Soomaaliya labadaba, waxaanay soo hadal qaaday socdaalkii uu dhawaan Hargeysa ku yimid xogyahaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson, “Xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson ayaa horaantii January ee sanandkan wuxuu socdaal ku tagay Somaliland. Waxa jiray warar ay saxaafadu baahisay oo aan la xaqiijin oo ah in mid ka mid ah qodobada laga wada hadlay ahaa sidii uu Ingiriiska saldhig milatari ugu samaysan lahaa dekedda Berbera. In sidan la sameeyaa waxay sii adkaynaysa xaqiiqda ah in dawladda Farmaajo ee Muqdisho ay si adag uga hor iman karto..” Ayay tidhi warbixintu. Source
  24. (SLT-Muqdisho)-Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay. Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax ayaa horey u ahaa qoys balse mar dambe ayay kala tageen, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhankaas iyo Doolow oo u deganaa ehelkeeda. Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guursatay nin kale, Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo ku heli karo markale, waxa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay. Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi). Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid ayaa isla xilligaas oo aheyd habeen soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna ku wareejiyeen Hey’adda baadhista dambiyada ee CID. Baadhistooda kadib ayay ku soo wareejiyeen 23 bishaas Xafiiska Xeer-Ilaalinta, waxa ayna codsadeen Xeer-Ilaalinta in loo gudbiyo xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro cadeymaha dambi ee lagu soo eedeeyay Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali. Muddo kadib ayay codsadeen xafiiska Xeer-ilaalinta 5- bishan aynu ku jirno, waxa ayna shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadda. Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanaha, markhaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada. Source