Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidanka ammmaanka ayaa sheegay in jimcihii ay soo qabteen xubin ka tirsan amniyaadka kooxda Al-shabaab. Warkan oo ay hay’adda Nabad sugidda Qaranka ee NISA ku shaacisay boggeeda Twitter-ka, ayaa lagu yiri” Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay ayaa Ciidamada Amaanku 18-ka bishaan, kusoo qabteen xubin hogaamiye u ahaa koox amniyaad ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho.” NISA ayaa barteeda inta badan ku qorta howl-gallada ay ka sameeyaan gudaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Nairobi (Caasimada Online)- Guddoomiyaha gobolka Tana River ayaa qaatay go’aan ka dhan ah Soomaalida, kadib markii uu ka carooday weerarkii Al Shabaab ay ka geysteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Guddoomiyaha gobolka Tana river ee dalka Kenya ayaa ku amray Soomaalida ku sugan gobolkaasi inay isaga baxaan dalka Kenya, gaar ahaan gobolka kadib markii uu ka carooday weerarkii ka dhacay Nairobi oo Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa. Dhadho Kodhana, guddoomiyaha Tana River ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu hadda amaan yahay, islamarkaana uu ku amrayo Soomaalida inay dib dalkooda ugu laabtaan. Wuxuu sheegay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya inay halis ku yihiin amaanka dalka kenya, waxaana uu sheegay in la gaaray waqtigii ay ku laaban lahaayeen dalkooda. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidmada AMISOM ay wax badan ka qabteen xaaladda guud ee amaanka dalka Soomaaliya, isaga oo cadeeyay in hadalkiisa uusan ku wajahneyn dad gaar ah oo uu ula jeedo dhamaan SOomaalida ku nool dalka Kenya. Marka laga yimaado in Al Shabaab sheegteen weerarka, waxaa dadka ugu badan ee weerarka ka dambeeyay ay ahaayeen dad u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo Al Shabaab ku biiray 2011 ilaa 2015. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  3. Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qabatay sarkaal katirsan Al-shabaab. Nisa ayaa barteeda tiwitterka ku shaacisay in howlgal qorsheeysan ay ku qabtay sarkaal dhanka dilalka Al-Shabaab u qaabilsanaa. “Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay ayaa Ciidamada Amaanku 18-ka bishaan, kusoo qabteen xubin hogaamiye u ahaa koox amniyaad ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho.” Nisa ma sheegin magaca sarkalkaasi iyo halka ay howlgalka ka fulisay howlgalkaasi. Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa baryihii ugu dambeeysay sameeyayay howlgalo lagu soo qabanayay dagaalamayaal Al-Shabaab katirsan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post NISA oo sheegtay in ay qabatay sarkaal katirsan Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
  4. Shalay waxa ay dowladda Federal-ka ah kala wareegtay dalka Qadar 68 gaawirda Gaashaaman ah oo ay deeq ahaan u siisay. Gawaaridan oo ah kuwa aan xabaddu Karin ayaa la filayaa in ay dowladda ka caawin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Hase ahaatee, waxaa dhici karta tallaabo ay qaado dowladda oo wiiqi kara awoodda Federal-ka ah. Dowladda waxaa dhici karta in ay Gawaaridaas u qeybiso ama wax ka siiso maamula gobolleedyada taas oo dhaawac weyn u geysan karta awoodeeda. Ma aha wax cusub, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidan oo kale Gawaari noocan ah oo ay dowladda ka heshay Imaaraadka xilligisii u qeybisay Maamulada Jira. Tallaabadaas waxa ay si toos ah u wiiqeysaa awoodda dowladda dhexe halka Maamulada ay ka dhigeyso kuwo xoogan oo ka horimaan kara nidaamka dhexe. Si taas looga hortago, dowladda waxaa waajib ku ah in Gawaarida noocaas ah ay ku koobto ciidanka Militariga ah ee Fedeal-ka ee aysan u gacan galin Maamulada. Haddii Maamulada ay doonayaan in ay la diriraan Al-Shabaab, iyaga oo hubkooda caadiga ah wata haka garab dagaalameen ciidamada Militariga ah ee dowladda. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay hoggaamiye sare oo ka tirsan sirdoonka kooxda Al-Shabaab. Qoraal kooban oo lasoo dhigay twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in sarkaalka la qabtay uu madax u ahaa koox sirdoon ama amniyaat oo Al-Shabaab uga howl-gasha magaalada Muqdisho. Sida qoraalka lagu yiri, sarkaalkan ayaa lagu qabtay “Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay oo ay ciidamada ammaanku ka fuliyeen Muqdisho 18-ka bishaan” NISA ma aysan shaacin magaca sarkaalkan, mana bixin faah-faahin dheer ah oo ku saabsan qaabka loo soo qabtay. Kooxda Al-Shabaab ayaan sidoo kale, sida looga bartay, ka hadlin warka kasoo baxa NISA. NISA ayaan inta badan shaacin, soona bandhigin muuqaallada xubnaha ay sheegto inay ka qabato kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Beirut (Caasimada Online) – Shirka ka furmay Magaalada Beyruut ee Caasimadda Dalka Lubnaan waxaa looga hadlayay sidii Sanduuqa Jaamacadda loogu furi lahaa Falastiin iyo Deyn Cafinta Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayo Hormarka Maaliyadeed ee Dalka. Sidoo kale waxaa berri furmaya shirka guud ee Jaamacadda Carabta kaa oo lasoo gaba-gabeyn doono Maalinta Axadda oo ku beegan 20-ka Janaayo. Waxaa sidoo kale looga hadlayaa Ammaanka, Dhaqaalaha iyo isbadal lagu sameynayo Xubno katirsan Ururka. Madaxda ayaa falanqeyn doonto Waxyaabaha kasoo baxay shirkii maanta ka dhacay Beyruut ee u dhaxeeyay Wasiirada dalalka Xubnaha ka ah Ururkaan. Marka lasoo gaba-gabeeyo shirka waxaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku xusan Ajendayaasha fadhiga oo ay ku jirto deyn Cafinta Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe ay u mareyso shuruudo lahor dhigay si looga daafo Deynta lagu leeyahay Muddo fog. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo isna ka qaybgalay kulanka Wasiirada Dalalka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta waxa uu ka hadlay Xaaladda Soomaaliya. Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda Soomaaliya ayaa Kulamo gaar gaar ah Caawa la qaadanaya Wasiirada ka qayb galay kulanka.
  7. Dr Abiy Axmed: Dameeraha Adari Ninka Foofiya Ayaa Soo Xareeya:W/Q Cabdiraxmaan Cadami Kacdoonkii qoomiyadaha Axmaarada iyo Oromadu wuxuu horseeday iscasilaaddii ra’isal wasaarihii Itoobiya Hailemariam Deselagn oo isagu ka soo jeeday qoomiyadaha koonfurta. Haddaba si xiisadahaa kacsan loo dejiyo xisbiga talada haya ee EPRDF wuxuu bishii April 2018 ra’isal wasaare u magacaabay Dr Abiy Axmed oo isagu ka soo jeeda qoomiyadda Oromada. Doorashadiisa waxa loo doorbiday saddex arrimood oo kala ah: In uu keeno isbedello ka turjumi kara ama jawaab u ah tabashada dadweynaha, In lagu raalli geliyo qoomiyadda Oromada oo qarniyo tirsanaysay in la gacan bidixeeyay, Ugu dambeyn in lagaga hor tago damaca qoomiyadda Axmaarada oo qoomiyadaha kale oo dhammi sas ka qabaan xukunkooda. Si kastaba ha ahaatee ra’isal wasaaraha cusub wuxuu mar kaliya si degdeg ah u qaaday arrimo u baahna in la kala horaysiiyo, tusaale ahaan isaga oo marka hore aan abbaarin ama xal u helin dhibaatadii iyo xasaradihii ka aloosna dalka gudihiisa iyo isaga oo aan weli xukunkiisu adkaan ayaa wuxuu xoogga saaray heshiiskii Ereteriya iyo arrimaha Geeska Afrika. Ra’isal wasaaruhu wuxuu ku baaqay in uu isku soo dhaweynayo dalalka Gobolka kadibna la midayn doono mustaqbalka laakiin, isaga oo burinaya aragtidiisii hore wuxuu sameeyay isbahaysi (alliance) ka kooban Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya. Runtii waa tallaabo shaki ku abuurtay xubnihii kale ee urur goboleedka IGAD, waxaana suurto gal ah in ay iyaguna ku dhawaaqan isbahaysi jawaab u ah xulafada Abiy Axmed iyo Afewerki. Hase ahaatee Dr Abiy Axmed khaladkii ugu weyna wuxuu sameeyay markii uu si degdeg ah oo aan laga fiirsan u ogolaaday in jabhadihii hubaysna dib ugu soo noqdaan dalka sida: GIMBOT 7(Axmaaro), OLF(Oromo) iyo ONLF(Soomaali) oo muddo dheer dagaal kula jiray Itoobiya iyo xukunka xisbiga EPRDF. Ma xumo in lala heshiiyo waxayse ahayd in ay marka hore ka tanaasulaan fikradaha xagjirka ah ee ku dhisan qoomiyadaha oo ay u noqdaan ururo u taaggan Qarannimada Itoobiya. Haddaba iyada oo ay adag tahay in ay maamul la wadaagan xisbiyadii ka talin jiray kilallada ay ku soo laabteen. kilalka Oromiya waxa ka qarxay dagaal lagu hoobtay oo u dhexeeya OLF iyo xisbiga ODP ee talada hayay waana xisbiga Abiy Axmed ku metelo xisbi weynaha EPRDF. Iska hor imaadyadu inta badan waxay ka socdaan gobolka Wollega. Kilalka Axmaarada isagana waxa ka jira mudaharaadyo iyo rabshado goosgoos ah oo u dhexeeya Jabhadda GIMBOT 7 iyo maamulkii hore u joogay. GIMBOT 7 waxay ka soo horjeeda nidaamka Federalism-ka, waxa kale oo ay wataan ajande ah in la soo nooleeyo meeqaamkii saraynta Axmaarada iyo taariikhdii Imbiraadooriyaddii Itoobiya. Bannaan baxyada waxay ku soo bandhigaan calankii iyo calaamadihii boqor Haile Selasse. Kilalka Soomaalida waxa lagu soo dhaweeyay ONLF oo ka sii fog jabhadaha kor ku xusan, haddii aanay hadda wax ka bedelin mawqifkoodii ahaa in dhulka Soomaalidu yahay Mustacmarad u baahan in laga xoreeyo gumaysiga Itoobiya, sidaa daraadeed u saadaalin maayo waa se wax la fili karo in jabhadda soo guryo noqotay ee ONLF iyo dawlad degaanku iskaga horyimaaddan aayaha iyo talada Kilalka Soomaalida. Guntii iyo Gabogabadii Hereriyiinta ayaa ku maahmaaha ‘Dameeraha Adari ninka foofiya ayaa soo xareeya’. Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed isaga ayaa ka masuul ah oo looga fadhiya xoog iyo xeeladba furdaaminta jabhadaha xagjirka ah ee uu oodda ka soo qaaday oo halis galin kara xasilloonida iyo midnimada Itoobiya iyo xataa dalalka gobolka oo dhan. Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Qaran News
  8. Waxa todobaadkani xabsiga magaalada Hargeisa loo taxaabay abwaan dhalinyaro ah oo magaciisa la yidhaahdo Abdirahman Ibrahim Adam, oo haysta dhalashada UK. Xadhiga Abdiraxmaan ayaa yimid kadib markii uu todobaadkii hore uu ka hadlay xaflad balaadhan oo dhalinyaradu isugu timid oo ka dhacday Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeisa, halkaasi oo uu dhaliil kulul uga soo jeediyay ciidanka Booliska ee Hargeisa siiba saldhiga degmada Koodbuur ee magaaladaasi, halkaasi oo uu sheegay xili lagu xidhay in uu ku soo arkay nolol argagax leh oo aanu marnaba filaynin. Waxa uu sheegay in uu arkay haweenay lugta ay silsiladi kaga xidhantahay iyo caruur xabsiga dadka waaweyn kula xidhan. Waxana uu goobtaasi ka tiriyay gabay aad u qiiro badan oo soo jiitay badiba dhagaha shicibka Somaliland. Madaxda sare ee Booliska oo iyana Ka hadlay xadhiga abwaan Abdiraxmaan Adam ayaa sheegay in ay ku xidheen Abdiraxmaan Adan kicin shacab iyo hadalo aflagaadado iyo dacaayado xanbaarsan, hase ahaatee kama ay hadlin xaalada nololeed ee xabsiyada dalka gudahooda gaar ahaan saldhiga Booliska ee Koodbuur ee uu aadka uga dayriyay Abdiraxmaan Ibrahim Adam. Dhanka kalana waxa jira dhaqdhaqaaq xoogan oo ay wadaan bahda fanka ee Somaliland ee ku sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa taasi oo loogu ololaynaayo sidii loo sii dayn lahaa abwaanka Qaran News
  9. African Development Bank and ICRC join forces to accelerate economic resilience in fragile contexts Abidjan, 18th January 2019 – The African Development Bank Group and the International Committee of the Red Cross (ICRC) signed a letter of intent on Wednesday 16th January 2019 at the Bank’s headquarters in Abidjan. The letter commits the institutions to increase their collaboration to accelerate gender equality, build resilience, and provide improved economic opportunities in Africa’s transition countries. “We recognise that security issues cannot be divorced from development. And that sustainable, healthy, inclusive, and humanitarian economic development is not possible without security. We have agreed to bring together our respective strengths and expertise to build resilience, gender equality, economic opportunity and ultimately to improve the lives of millions of Africans in fragile environments,” said the Bank’s Vice-President for Agriculture, Human and Social Development, Jennifer Blanke. During the signing ceremony Peter Mauer, President of the ICRC, emphasised the importance of leveraging both institutions’ complementary mandates. “The Bank’s main stakeholders are [African] states, and we work in places and regions where the state is absent for various reasons. This complementarity can bridge the security-development gap, producing more sustainable results and enhancing development impact”. The letter, signed by Blanke and Mauer, followed several strategic and technical engagements between the two institutions. The African Development Bank’s Director of Gender, Women and Civil Society, Vanessa Moungar, recently joined a joint mission in Niger at the invitation of Peter Mauer and the ICRC. The objective of the mission, which saw the delegation travel across the country from Diffa to Agadez, was to meet displaced people affected by shocks such as economic crises, conflicts or natural disasters and explore the potential for income-generating activities for women, girls and youth. The collaboration with the ICRC helped the Bank to contact remote communities and review its projects and initiatives in the region. During the joint mission stops in Diffa and Agadez, Moungar engaged with the ICRC and the National Society of the Red Cross teams who are giving direct support to women by providing income-generating activity skills. The new Bank-ICRC agreement opens the way for collaborative opportunities under the Bank’s Affirmative Finance Action for Women in Africa (AFAWA) programme. AFAWA is a pan-African initiative with the overarching objective of bridging the finance gap for women in Africa and unlocking their entrepreneurial capacity. About the African Development Bank The African Development Bank Group is Africa’s premier development finance institution. It comprises three distinct entities: the African Development Bank, the African Development Fund and the Nigeria Trust Fund (NTF). On the ground in 37 African countries, the Bank promotes and contributes to the economic development and the social progress of its 54 regional member states. Qaran News
  10. Kacdoonkii qoomiyadaha Axmaarada iyo Oromadu wuxuu horseeday iscasilaaddii ra’isal wasaarihii Itoobiya Hailemariam Deselagn oo isagu ka soo jeeday qoomiyadaha koonfurta. Haddaba si xiisadahaa kacsan loo dejiyo xisbiga talada haya ee EPRDF wuxuu bishii April 2018 ra’isal wasaare u magacaabay Dr Abiy Axmed oo isagu ka soo jeeda qoomiyadda Oromada. Doorashadiisa waxa loo doorbiday saddex arrimood oo kala ah: line- 107%; font-family: Arial,sans-serif;”>In uu keeno isbedello ka turjumi kara ama jawaab u ah tabashada dadweynaha, In lagu raalli geliyo qoomiyadda Oromada oo qarniyo tirsanaysay in la gacan bidixeeyay, Ugu dambeyn in lagaga hor tago damaca qoomiyadda Axmaarada oo qoomiyadaha kale oo dhammi sas ka qabaan xukunkooda. Si kastaba ha ahaatee ra’isal wasaaraha cusub wuxuu mar kaliya si degdeg ah u qaaday arrimo u baahna in la kala horaysiiyo, tusaale ahaan isaga oo marka hore aan abbaarin ama xal u helin dhibaatadii iyo xasaradihii ka aloosna dalka gudihiisa iyo isaga oo aan weli xukunkiisu adkaan ayaa wuxuu xoogga saaray heshiiskii Ereteriya iyo arrimaha Geeska Afrika. Ra’isal wasaaruhu wuxuu ku baaqay in uu isku soo dhaweynayo dalalka Gobolka kadibna la midayn doono mustaqbalka laakiin, isaga oo burinaya aragtidiisii hore wuxuu sameeyay isbahaysi (alliance) ka kooban Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya. Runtii waa tallaabo shaki ku abuurtay xubnihii kale ee urur goboleedka IGAD, waxaana suurto gal ah in ay iyaguna ku dhawaaqan isbahaysi jawaab u ah xulafada Abiy Axmed iyo Afewerki. Hase ahaatee Dr Abiy Axmed khaladkii ugu weyna wuxuu sameeyay markii uu si degdeg ah oo aan laga fiirsan u ogolaaday in jabhadihii hubaysna dib ugu soo noqdaan dalka sida: GIMBOT 7(Axmaaro), OLF(Oromo) iyo ONLF(Soomaali) oo muddo dheer dagaal kula jiray Itoobiya iyo xukunka xisbiga EPRDF. Ma xumo in lala heshiiyo waxayse ahayd in ay marka hore ka tanaasulaan fikradaha xagjirka ah ee ku dhisan qoomiyadaha oo ay u noqdaan ururo u taaggan Qarannimada Itoobiya. Haddaba iyada oo ay adag tahay in ay maamul la wadaagan xisbiyadii ka talin jiray kilallada ay ku soo laabteen. kilalka Oromiya waxa ka qarxay dagaal lagu hoobtay oo u dhexeeya OLF iyo xisbiga ODP ee talada hayay waana xisbiga Abiy Axmed ku metelo xisbi weynaha EPRDF. Iska hor imaadyadu inta badan waxay ka socdaan gobolka Wollega. Kilalka Axmaarada isagana waxa ka jira mudaharaadyo iyo rabshado goosgoos ah oo u dhexeeya Jabhadda GIMBOT 7 iyo maamulkii hore u joogay. GIMBOT 7 waxay ka soo horjeeda nidaamka Federalism-ka, waxa kale oo ay wataan ajande ah in la soo nooleeyo meeqaamkii saraynta Axmaarada iyo taariikhdii Imbiraadooriyaddii Itoobiya. Bannaan baxyada waxay ku soo bandhigaan calankii iyo calaamadihii boqor Haile Selasse. Kilalka Soomaalida waxa lagu soo dhaweeyay ONLF oo ka sii fog jabhadaha kor ku xusan, haddii aanay hadda wax ka bedelin mawqifkoodii ahaa in dhulka Soomaalidu yahay Mustacmarad u baahan in laga xoreeyo gumaysiga Itoobiya, sidaa daraadeed u saadaalin maayo waa se wax la fili karo in jabhadda soo guryo noqotay ee ONLF iyo dawlad degaanku iskaga horyimaaddan aayaha iyo talada Kilalka Soomaalida. Guntii iyo Gabogabadii Hereriyiinta ayaa ku maahmaaha ‘Dameeraha Adari ninka foofiya ayaa soo xareeya’. Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed isaga ayaa ka masuul ah oo looga fadhiya xoog iyo xeeladba furdaaminta jabhadaha xagjirka ah ee uu oodda ka soo qaaday oo halis galin kara xasilloonida iyo midnimada Itoobiya iyo xataa dalalka gobolka oo dhan. Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Source
  11. Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Ee Somaliland Xildhibaanadda Deegaanka Somaliland Tiradoodu Waxay Gaadhaysaa 300 Xildhibaan, Ugu Yaraan Xildhibaankastaaba Wuxuu Kharash Ahaan Isticmaalayaa Maalintii 200 Dollar, Maalintii Wuxuu Kharashkooda Guud Noqonayaa 60,000 Dollar, Lixdan Kun Oo Dollar!!! 300*200= 60,000 Usdollar!!!!!!!!!. Bishii Wuxuu Kharashkoodu Noqonayaa 1800,000 Usdollar, Milyan Iyo Sideed Boqol Oo Kun Oo Dollar, 60,00030= 1800,000 Usdollar, Sanadkii Wuxuu Kharashkoodu Noqonayaa 21,600,000 Usdollar, Kow Iyo Labataan Milyan Iyo Lix Boqol Oo Kun Oo Dollar!!!!!!!, 1800,00012= 21,600,000 Usdollar!!!!!!!!!!!!!!!, Shanta Sano Wuxuu Kharashkoodu Noqonayaa 108,000,000 Usdollar!!!!!!!!, Boqol Iyo Sideed Milyan Oo Dollar, 21,600,000*5= 108,000,000 Usdollar!!!!!!!!!!!!!!!. Shacabwaynaha Somaliland Waxaa La Gudboon Inay Cod Midaysan Oo Ay Ku Diidayaan Golayaasha Deegaanka Inay U Gudbiyaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Sidii Golayaasha Deegaanka Loo Kala Diri Lahaa Wadankana Laga Mabnuuci Lahaa Doorashadda Golayaasha Deegaanka, Xukuumadda Dhexena Ay Soo Doorato Maayar, Iyo Xoghaye Keliya Si Deegaankastaba Uu U Helo Maayar Waxqab Leh, Oo Aan Ka Dhisan Boqolaal Guri, Iyo Ganacsiyo Kala Duwan!!!!. Xildhibaanadda Golayaasha Deegaanku Damiir Xumadooda Waxay Samaysteen Shirkaddo Xashiishka Gura, Gawaadhida Xashiishka Gurana Waa Dhaqaalihii Ama Cashuurtii Laga Soo Uruuriyay Ganacsatada, Iyo Danyarta Suuqyadda Ka Ganacsada Ee Aan Haysan Biyo Nadiifa, Caafimaad, Waxbarasho Bilaasha, Laydh Jaban. Xildhibaanadda Golayaasha Deegaanka Yagoo Sifo Xaaraana Oo Ay Ku Boobeen Dhaqaalihii Deegaankastaba Wax Loogu Qaban Lahaa Ay Ka Dhisteen Guryo Waawayn, Iyo Ganacsiyo Waawayn Oo Ay Kula Shiraakoobeen Ganacsatadda Dhexe Qaarkood, Shirkadaha Gaarka Loo Leeyahay Ee Ay Ka Midka Yihiin Shirkadaha Laydhka, Shirkadaha Shidaalka, Shirkadaha Xawaaladaha Qaarkood, Karakshano Ama Warshadaha Jayga Sameeya, Gawaadhida Xamuulka Qaada. Dawladaha Hoose Cashuuraha Ay Qaadeen Ee 75% Ay Lunsadaan, Waxaa U Sii Dheer Dhaqaalaha Kabka Ah Ee Ay Bixiso Xukuumadda Dhexe Iyo Hay’adaha Ajaanibka. Xildhibaanadda Deegaanka Ee Iskaga Kala Dambeeyey Laba Doorasho Deegaan Oo Kala Ah Xildhibaanaddii Deegaanka Ee 2002 ILaa Xildhibaanadda Deegaanka Ee 2012 Ee Muddo Xileedkoodu Dhamaaday Labadaas Golayaasha Deegaanka Iskaga Kala Dambeeyey Marka Laysu Geeyo Waxay Ka Hanti Boob Badan Yihiin 1000% Shantii Xukuumadood Ee Iskaga Kala Dambeeyey Wasiiradoodii, Agaasimayaashoodii Guud, Maareeyayaashoodii, Badhasaabyadoodii Iyo Xildhibaanaddii Barlamaanka. Xildhibaanadda Deegaanku Guryaha Ay Xaaraanta Ku Dhisteen Ee U Kiraysan Cashuur Sanadeedka Maaliyaddu Xakha U Leedahay Ma Bixiyaan, Oo Ay Diidaan Yagoo Adeegsanaya Awood Xildhibaan, Hantidan Uu Qaranka Ka Dhacayna Isu Haysta Inuu Xakh U Leeyahay Oo Tacab Fara Badani Kaga Baxeen. Dhaqaalaha Faraha Badan Ee Xildhibaanadda Deegaanku Lunsadeen Haddii La Helayo Xukuumad Awood Leh, Oo Ku Dhac Leh, Sharcigana Ku Adag, Kuna Shaqaysa Waxaa Odhad Ama Baadhitaan Buuxa La Gelin Lahaa Golayaasha Deegaanka Hantiday Qaranka Ka Dhaceena Mood Iyo Noolba Waa La Soo Celin Lahaa, Ama Dhaqaalaha Faraha Badan Ee Ay Lunsadeen Boqolkii Dollarba 12 Dollar Loogu Cashuuro, Balse Haddaan Talaabaddaas Adag Lagu Dhici Karin Waa In Hantida Qaranka Ee Ay Dhaceen Sanadkii Mar Ay Wasaaradda Maaliyaddu Cashuurtaa. Madaxwaynaha Waxaan Talo Ugu Soo Jeedinayaa In La Laalo Tiraddii Xildhibaanadda Wakiiladda Ee Gobolkastaba U Qoondaysnaa, Waana In La Badiyo Xildhibaanadda Wakiiladda Oo Laga Dhigo 275 Xildhibaan, Tiradaas Guudna Aan Loo Qaybin Goboladda Somaliland Balse Laga Dhigo Kor U Hay Ama Tiro Guud Oo Gobolkastaaba Wuxuu Ka Helo Uu Wakiiladda Kaga Mid Noqonayo, Tiradda Ugu Badan Ee Xildhibaankasta Laga Doonayaa Ay Noqdaan 5000 Cod, Gobolka Codadka Tirada Guud Noqdo 50,000 Konton Kun Wuxuu Golaha Wakiiladda Ku Yeelanayaa 10 Xildhibaan, Toban Xildhibaan, Gobolka Codadka Tirada Guud Noqdo Boqol Kun, 100,000 Wuxuu Golaha Wakiiladda Ku Yeelanayaa 20 Xildhibaan, Gobolka Tirada Codadka Tiradda Guud Noqdo Boqol Iyo Konton Kun, 150,000, Wuxuu Golaha Wakiiladda Ku Yeelanayaa 30 Xildhibaan, Gobolka Codadka Tiradda Guud Noqdo Laba Boqol Oo Kun, 200,000 Wuxuu Golaha Wakiiladda Ku Yeelanayaa 40 Xildhibaan, Sadexda Xisbi Qaran Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Isu Soo Sharxaya Waa Inay Noqdaan Dad Diin Leh, Oo Aan Balwadlahayn, Aqoontiisuna Ay Gaadhsiisan Tahay Quraanka Tafsiirkiisa, Xadiista Micnahooda, Aqoonta Maadigana Ugu Hoosayn Inuu Dhameeyey Dugsiga Sare, Ugu Sarayna Heer Jaamacadeed!!!!!!!!!!!. Xildhibaanadda 85% Waa Inaanay Noqon Qurbo Joog, Ee Ay Noqdaan Wadan Joog Ama Qolqol joog, Xildhibaanadda Wakiiladda Ee Qurbajooga Ahi Waxay Noqonayaan 41 Xildhibaan, Xildhibaanadda Wakiiladda Ee Qolqoljooga Ahi Waxay Noqonayaan 234 Xildhibaan. ahmedsakatouri@hotmail.com Source
  12. Isaga garashadiisa inta xukuumadda taageertaa waa u Qaran-doonno, inta xukuumadda dhalliisha ee khalad jira farta ku fiiqda ama mucaaridka ahina waa u Qaran-dumisyo. Waxa iskaga khaldamay malahayga Qaran iyo Xukuumad. Qarankii dhammaa waxa uu ka soo qaaday xukuumadda uu ka tirsan yahay. Alle qabey afkana waa yaqaan waana ka agnaan. Shaqaalihii xukuumadda ayaa loogu gooddiyey in aan loo dulqaadan doonin in laga faqo habeenkii oo la xanto gacantii ku quudinaysey ee wax ku siinaysey: xukuumaddii ku biilinaysey. Hadda biilintu waa mushaharkii shaqaalaha! Aar dawladi ma sidanaa Ma dukaan nin leeyaa?! Kaaga sii darane, dhallinyaradii ayaa labadaas xero la doonayaa in lagu kala xareeyo: koox ku xidhnaata madaxtooyada Somaliland iyo koox lagu dhufto shaambad qallalan oo ay ku xardhan tahay Villa Soomaaliya. Waa olole la doonayo in lagu qariyo dalba-juuqaha iyo fashilka xukuumadda, oo waxaas dellegan ee melmelan, ayaa dharaarahan la inagu dhego-barjaynayaa. Hubanti waa neecaw dellegan oo ay urteedu doorsoon tahay, waxana ka dhalan karta falcelin xadhkaha goosan karta. Looma baahna in dadka lagu mashquuliyo wax aan waxba ugu filnayn waxyeello mooyaane. Waxa se loo baahan yahay in dadka laga qanciyo tabashooyinkooda, lagana jawaab celiyo baahidooda wixii hadba suurta gal ah. Waa se iska shay dabiici ah in marka bulshada talisyada fashilmaa qancin kari waayaan in ay mashquuliyaan. Xanaftii iyo dhaawacyadii ay bulshada kaga tagtay doorashadii madaxtooyada ayaa kor-ka-baqay oo cuncunistoodu jidhka bulshada ku sii fogaanayaan. Waxa kala qaybsanaanta bulshada sii badhitaaraya maamul xumaanta xukuumadda iyo talo-qabeennimo la’aanteeda. Waxa aan weli laga jawaabin tabashooyin badan oo qaarna ka dhasheen xukuumaddii la dhisay, qaarna ka horreeyeen oo laga dhaxlay xukuumaddii hore. Saami-qaybsiga wakiillada ayaa ka mid ah kuwa qol-ku-raagga ah. In doorashadii golayaasha wakiillada iyo dawladaha hoose qabsoomi waayeen ayaa fashilka ka mid ah. Hay’adihii fulinta iyo sharci-dejinta oo isla xisaabtan iyo is dheellitir looga baahnaa ayaa u caano shubanaya isirro dhabarka isku xoqaya. Somaliland waxa ay u muuqataa in ay baallaha ka soo rifmayso, dhexdana uu xar ka soo gelayo. Heshiisyada Khaatumo iyo Somaliland ee muhiimka ahaa, tacabka badanina galay ayaa u muuqda in ay ku dul bakhtiyeen waraaqihii lagu qoray, oo iyana fashil kale noqonaya. Waxa kala qaybsanaanta bulshada sii badhitaaraya maamul xumaanta xukuumadda iyo talo-qabeennimo la’aanteeda. Aaway maamul wanaaggii lagu hadaaqi jirey xilligii kursiga loo hamuunsanaa: u xeebashada sharciga iyo sarrayntiisa, caddaaladda loo xisho, xakamayn musuq, la dagaallan boob hanti ummadeed iyo qaraabokiil. Jiritaanka isirradan iyo maqnaanta in la la tacaalaa waa cudur halis ku ah dawladnimadeenna oo ina soo daashadey oo xukuumadiba ka dhaxasho ta ka sii dambaysa. Xaggee lagu socdaa? Wax walba waxa ka daran dhaqan dawladnimada ku xun oo inagu soo kordhaya: car juuq dheh iyo xadhig, hanjabaad iyo bulshadii oo loo kala qaybinayo labadaas xero: qaran-doon iyo qaran-dumis. Su’aasha ugu culusi waa: cirridkaas aynu arkayno ee sidaas ahi ilko ma ka soo jeedi karaan? Aaway se mucaaridkii sharciga ahaa ee arrimahaas dheelli-tirka ku samayn lahaa, qareenka iyo jid-bixiyeenkana bulshada u noqon lahaa?! Marka ay hoggaamini (xukuumadi) ka soo bixi weydo wixii loo igmaday, mucaaridkeeda ayaa laga quuddarreeyaa in uu buuxiyo kaalintii jihaynta, himilo iyo rejo-abuurka bulshada oo isu dhiga baddiilkii hoggaamintaas hallowday. Ayaan-darrada innaga ina haleeshay waa “isma dhaanto isu dhigan”. Waa ayse uuraysan oo wax kale ayuun bay dhali, illayn agaraadamtaas nafuhu kuma xasili doonaane. Geeddiga cagaha daaliyaa lagu geyoodaaye Gellimaadka hayskaga jirtiyo goosan habaqlaaye Gubuxsiga mar uun bay tirsiga meel ka soo geliye Gargaraaciddeediyo ha dayn geed ka didinteeda. Hadraawi: Gudgude 1990 W/Q: Maxamed Baashe X. Xassan Source
  13. (SLT-Hargaysa) Dowladda Ghana ayaa lagu wadaa inay dhowaan dalka Soomaaliya u soo dirto in ka badan 160 askari oo Booliis ah, si ay ugu qayb qaataan howlaha nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ka wadaan dalkeena ee AMISOM. Xukuumadda Accra oo ka jawaabeysa dalab uga yimid Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo uu tirsigiisu yahay 2431 (2018), ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya u soo dirto Ciidan Booliis ah, si kor loogu qaado tirada iyo tayada ciidanka Booliska ee howlgalka Midowga Afrika. Qaraarkan uu tirsigiisu yahay 2431, ayaa oggolaanaya in wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika ay sii wataan hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM illaa 31-ka Maajo 2019 iyadoo ay ka qayb qaadanayaan 1,040 askari oo Boolis ah, walow ay haatanba jiraan cutubyo Booliska AMISOM ah oo ka shaqeeya dalka. Todobaadkan ayaa waxaa Magaalada Baydhabo gaaray Saraakiil ka socota Booliiska Dalka Gaana, si ay usoo qiimeeyaan halka ku habboon fariisinkooda, iyagoo Indha-indhayn kusoo sameeyay xaaladda amniga iyo jewiga guud, maaddaama uu qorshahu yahay in ay halkaasi ka dhigtaan Saldhig. Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Simon Mulongo, ayaa Saraakiisha gaadhay Baydhaba u sheegay Shalay oo Khamiis ahayd, in Gaana ay Gacan ka geysan doonto buuxinta baahida loo qabo howlaha Boliiska AMISOM. Mr. Mulongo, ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay Ghana ugu soo direyso Unug ka mid ah Booliskeeda, isaga oo sheegay in ay kor u qaadi doonto tayada AMISOM, kuwaas oo xoojinaya sharciga iyo kala dambeynta meelaha laga xoreeya cadowga Al-Shabaab. Ciidankan ayaa tababarka dhammaysanaya Bisha March ee Sanadkan, iyadoo qalabayn ka dibna loo soo duulin doono Muqdisho, waxaana loogu sii qaadi doonaa Baydhabo, sida ay sheegeen Saraakiisha hoggaamineysa Boliiska Gaana ee ka tirsan AMISOM. Source
  14. (SLT-Washington ) Qaramada Midoobey waxay cambaareeysay sida ay ciidamada uga falceliyeen dibadbaxyada looga soo horjeedo qiimaha maciishadda oo sare u kacday. Laamaha amaanka ayaa xabsiga dhigay dad badan oo ka qeyb ka ahaa dibadbaxa, kooxaha u doodo xuquuqul insaanka waxay sheegeen in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen dibadbaxyada tan iyo bishii lasoo dhaafay. Dalka Suudaan waxaa ka socdaa dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda, xalay agagaarka isbitaal ku yaalla Khartuum ka dhacay bannaanbaxyo lagu codsanayo inuu xilka ka dego madaxweyne Al Bashiir. Maalmihii lasoo dhaafay kumanaan qof ayaa dibadbaxyo ka dhigayay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartuum, Shalay nin dhalinyaro ah oo dhakhtar ahaa iyo wiil yar ayaa lagu toogtay magaalada Burri ee ku taalla Suudaan, bulshada rayidka waxay sheegeen in 9 qof ay ku dhaawacmeen dibadbaxyadii shalay dalkaasi ka dhacay. Muuqaal baraha bulshada lasoo geliyay ayaa muujinayay dibadbaxyaasha oo ku dhawaaqayo ‘Xilka ka deg madaxweyne Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu isku barbardhigayo deeqaha Imaaraadka Carabta iyo kuwa Qatar ay siiyaan dowladda Soomaaliya. Qoraalka Mahad Salaad ayaa u muquda mid uu ku muujinayo in deeqda Qatar ee Soomaaliya aysan u tayo badneyn sida tan Imaaraadka, wuxuuna qoralkiisa raaciyey sawirro muujinaya farqiga u dhaxeeya baabuurta ay Imaaraadka Carabta siiyeen Soomaaliya iyo kuwa Qatar. Hoos ka aqrio qoraalka Mahad Salaad. Dowladaha Qatar iyo Imaaraad Ka sokow in dowlada Imaaraadka Carabta (UAE) ay ciidamo u tababareen Soomaaliya una qalabeeyeen. Ka sokow in dowlada Imaaraadka Carabta (UAE) ay Isbitaalo u dhiseen dadka Soomaaliyeed adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ahna ay u fidiyaan. Ka sokow in dowlada Imaaraadka Carabta (UAE) ay soo dhaweeyeen ganacsatada Soomaaliyeed. Hanti badan oo Soomaaliyeedna ay taalo dalkooda. Hadana, bal maanta aan isbarbardhig ku sameyno Baabuurta Gaashaaman ee Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Qatar ugu kala deeqeen dowlada Soomaaliya sida tayadoodu kala tahay! #RUNTA_CIDINA_MA_QARIN_KARTO.
  16. Magaalada Garoowe waxaa dib ugu soo laabtay wafdigii ay hogaaminayeen madaxweyne kuxigenka dowladda Puntland Axmed Karaash iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ka qayb galay Caleemo [...] Source
  17. Nine people have been arrested in Kenya following an attack on a luxury hotel compound in the capital Nairobi that killed at least 21 people. All five militants who stormed the DusitD2 hotel and business complex on Tuesday have been killed, officials say, and a major hunt is underway to find those who helped organise it. Somalia-based Islamist group al-Shabab says it was behind the attack. Kenya’s Red Cross says everyone who was missing has now been accounted for. Kenyan media reports that the wife of one of the suspected attackers has been arrested in Kiambu county, just north of Nairobi. Police said they had identified Ali Salim Gichunge, also known as Farouk, through the car used in the attack. The post Kenya arrests 9 suspects over bloody hotel siege appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Ethiopian forces under the framework of African Union Mission (AMISOM) have engaged Al-Shabaab fighters in fierce fighting at a remote area near Burhakaba town on Friday. Heavily armed Al-Shabaab fighters have ambushed a convoy of Ethiopian troops traveling along Baidoa-Burhakaba road which prompted hours of fighting between the sides. According to locals, the fighting took place this morning in an area which lies about 15km West of the town. Two Ethiopian military trucks have reportedly been destroyed after they overran Improved Explosive devices (IEDs) buried on the road. Both AMISOM and Ethiopian commanders have not yet commented on the incident and its casualties. Meanwhile, Al-Shabaab through its affiliate online media claimed to have killed a number of Ethiopian soldiers and destroyed military vehicles. “We have attacked the Ethiopian troops near Burhakaba town. Our fighters killed Ethiopian soldiers and destroyed the number of their military vehicles,” reads a statement posted. Ethiopia was among the latest troop-contributing countries to the Africa Union Mission in Somalia (AMISOM). An advance team of 100 uniformed personnel arrived in Somalia in 2014 while the other three battalion-strong contingents deployed soon after. Over 4000 Ethiopian uniformed personnel are now operating in Somalia under the framework of African Union Mission in Somalia (AMISOM). The post Al-Shabab ambushes Ethiopian troops’ convoy in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  19. This is Mr. Abdifitah Ibrahim Gesey (Pictured on the left with the PM: Khaire). A former federal minister of public works, reconstruction & housing of the Federal Republic of Somalia who resigned on December 16, 2018. A courageous politician with real character, and integrity. In fact, he is the only Somali politician- That I know of in recent years-who officially resigned because of disagreements with the Somali government, especially over disagreements regarding how issues related to his constituent was being handled by the government. I must say he is very unique in this regard. I must say there was another Somali politician, Mr. Abdikarim Hussein Guled who officially resigned on 24 May 2014, as a National Security Minister, following an attack by the Al-Shabaab militant group on the parliamentary building in Mogadishu. He did that just because he wanted to give a chance to those who might do a better job than him. That itself was an honorable decision, but instead of commending him for that, some Somalis called him a failed politician, just because they never saw a Somali politician resigning, let alone from a ministerial post. I say this because normally Somali politicians don’t resign over anything. They agree with the government on everything just to keep their post, or at least go along with the government when they disagree, but once they are removed from the government post, they shamefully start saying all sorts of negative staff against the government, even over issues they should have resigned bravely. I will not despise-As I always do to such politicians- if and when he says anything negative about the government/N&N, especially over the issue on which he courageously resigned. Indeed Mr. Abdifitah Ibrahim Gesey was absolutely different. Remember! We must admit the good stuff we see in each other, even when we are at the opposite sides of the aisle. A DISCLAIMER I must admit that I am a hardcore/die hard supporter of the government/N&N. I also dislike saying good stuff about those who oppose the government on every single thing or the so-called opposition, but I couldn’t resist to say good things about this man whom I don’t know personally at all. I must also declare that this post is not intended to say anything negative about my friends who worked for the government/N&N before, and “Practice their freedom of speech” NOW, after being removed from their government posts. By: Abdulkadir M. Osman (Abdi Boqor) BBA, MBA, PhD (Candidate) Minnesota-USA DISCLAIMER! The views and opinions expressed here are those of the authors and do not necessarily reflect the editorial position of Caasimada Online.