-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)-Ilhan Cumar oo ka mid ah aqalka Kongresska dalka Maraykanka ayaa loo doortay inay xubin ka noqoto guddiga u qaabilsan arrimaha dibada Kongresska dalka Maraykanka. Afhayeenka Kongresska Nancy Pelosi ayaa u dooratay Ilhan xubinimada iyadoo weliba ka mid ah xubnaha ku cusub Kongresska Maraykanka. Magacaabida loo magacaabay Ilhan Cumar inay ka mid noqoto xubnaha Guddiga Arrimaha Dibada ee Aqalka Kongresska ayaa waxaa aad uga naxay maamulka Israel oo u arka in Ilhan ay tahay qof dhuunta u geli karta siyaasada Israel ee dalka Maraykanka. Wargeyska The Times Of Israel ayaa daabacay in ay Ilhan hore looga soo xigtey ereyo ay ku cambaareyneyso Yuhuuda ayna tahay qof dhibaato ku noqon karta xiriirka Israel iyo Maraykanka. Guddiga Arrimaha Dibadda Aqalka Kongresska ayaa ah mid awood ballaaran leh waxana uu dusha kala socdaa dhamaan gargaarka dibada ee dowlada Maraykanku bixiso,ammaanka qaranka ee saameynta ku leh siyaasadda dibadda,heshiisyada,nabad ilalaalinta iyo wadamada awoodda leh ee dunida. Source
-
(SLT-Nairobi)-Booliska Kenya ayaa aqoonsaday mid ka mid ah raggii isku qarxiyay weerarkii Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, iyadoo Maxkamad la soo taagay shan ruux oo lala xidhiidhayo weerarkaas. Ninka isku qarxiyay gudaha DusitD2 ayaa magaciisa lagu sheegay Mahir Khalid, kaasoo ka soo jeeda magaalada Mombasa, waxaa la sheegay inuu ka tirsanaa Guutada loo yaqaano Jaysh Ayman ee ka dagaalanta Keymaha Boni ee Gobolka Xeebta Kenya. Muuqaal laga arkayay Kaamirada CCTV ayaa muujinayay ninkan oo taleefan ku hadlayay, dabadeedka isku hor qarxiyay maqaayad ku dhex taal DusitD2, ka hor inta aanu is qarxin waxaa uu ku hadlayay taleefan. Shan ruux oo lala xiriirinayo weerarka Nairobi ayaa maalintii u horeysay Maxkamad la soo taagay, waxaana magacyadooda soo bandhigay dacwad oogaha dalka Kenya. Ragga la qabtay oo shan ahaa ayaa qaarkood ahaa Taksiilayaal meelo kala duwan geeyay kooxdii weerarka fulisay iyo rag la macaamilay. Mid ka mid ah shanta ruux oo heysta dhalashada Canada ayaa la sheegay inuu xiriir la lahaa kooxdii weerarka fulisay, waxaana magaciisa lagu sheegay C/xakiim Mohamed Guled. Afarta kale ayaa ahaa Kenyan, waxaa labo ka mid ah ay ahaayeen Taksiilayaal, halka mid ay qabatay Kaamiro, isagoo la kulmay mid ka mid ah raggii weerarka fuliyay 8-dii bishan Janaayo, halka midka kale uu lacago u diray ragga wax weeraray. Magacyada shanta ruux ee Maxkamadda la soo taagay ayaa waxay kala yihiin:- 1.Joel Ng’ang’a Wainaina 2.Oliver Kanyago Muthee 3.Gladys Kaari Justus 4.Abdihakim Mohamed Guleid 5.Osman Ibrahim Source
-
Ganacsatadii ku hanti beeshay dab habeen ka hor ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka dalbaday dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed iney caawiyaan si ay shaqooyinkooda dib ugu bilowdaan. Qaar ka mid ah ganacsatadaasi oo la hadlay Goobjoog waxay sheegeen in hanti badan ay uga gubatay dabkaasi, islamarkaana hadda aysan waxbo haysan. Sidoo kale ganacsatadan ayaa sheegay in wax walbo oo noloshooda ku maareyn jireen ay halkaasi ku baaba’day. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/GANACSATADA-AFGOOYE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu iska fogeeyay warbixin lagu sheegay inuu isagu amray qareenkiisii xilligaas, Michael Cohen, inuu been u sheego Kongareeska. Warbaahinta Buzzfeed ayaa waxa ay sheegtay in Mr Trump uu Cohen faray inuu been ka sheego qorshihiisa uu magaalada Moscow uga dhisayo dhismaha Trump Tower. Cohen ayaa bishii la soo dhaafay waxaa loo xukumay kiiskaasi. Mr Trump ayaa waxa uu sheegay in qareenkaasi uu been ka sheegay mashruucii uu ka fulinayay Moscow si uu “hoos ugu dhigo waqtiga uu xabsiga ku qaadanayo”. Siyaasiyiinta Xisbiga Dimuqraadiga ayaa waxa ay sheegayaan inay baari doonaan eedaha lagu daabacay warbaahinta Buzzfeed. Maxay warbixintu sheegaysaa? Warbaahinta Buzzfeed ayaa waxa ay sheegaysaa in warbixinteedu ay ku salaysan tahay marqaati kac ay sameeyeen laba askari oo arrintaasi baarayay. Warbixinta ayaa waxa ay sheegaysaa in Mr Trump 10 jeer xog shakhsiyadeed oo ku saabsan qorshaha uu dhisme uga dhisayo magaalada Moscow ka helay Cohen, xilligaas oo uu Trump diiday inuu wax xiriir ganacsi la leeyahay Ruushka. Gabadha Mr Trump, Ivanka, iyo wiilkiisa, Donald Jnr, ayaa sidoo kale xogta ugu dambaysay la siiyay, warbixinta ayaa sidaas lagu sheegay. Robert Mueller oo ah qareen si gaar ah u baaraya arrimaha federaalka Mareykanka ee ku aaddan eedaha ah in Ruushku uu ku lug lahaa doorashadii madaxtinimada ee waddankaasi iyo in xogta ololihii Trump si sharcidarra ah ay dad kale ugu lug lahaayeen, ayaa waxa uu goorhoraba shaaciyay in Cohen uu been ka sheegay taariikhda uu dhammaaday mashruuca dhismaha Trump Tower ee Moscow. Lahaanshaha sawirkaREUTERS Image caption Xukunka Cohen ayaa bishii la soo dhaafay waxa uu ka dhacay magaalada New York Cohen ayaa waxa uu Kongareeska u sheegay in wadahadallada qorshahaasi ay dhaceen intii u dhaxaysay bishii Sibteembar 2015 iyo Janaayo 2016, hasayeeshee dikumintiyada lagu kaydiyo cabashada dambiyada ayaa waxa ay muujinayaan in wadahadalladaasi ay socdeen ilaa bishii Juun. Cohen ayaa waxa uu sheegay in qorshahaasi la hakiyay goor sii horraysay iyadoo la isku dayayo in “la yareeyo xiriirka ka dhaxeeya qorshaha Moscow iyo Mudanaha Koobaad” intii uu socday ololaha doorashada. Mudanaha Koobaad ayuu Cohen goor sii horraysay waxa uu ku tilmaamay inuu yahay Mr Trump. Warbaahinta Buzzfeed ayaa waxa ay sheegaysaa in Cohen uu baarayaasha u sheegay in Mr Trum uu “shakhsiyan isaga u sheegay inuu been ka sheego” taariikhda ay wadahadalladu soo dhammaadeen “si humaag loo geliyo ku lug lahaanshiyaha Trump”. Warbixinta ayaa waxa sheegaysaa in Mr Mueller uu hayo caddeyn kale, oo uu ka mid yahay wareysiyo uu la yeeshay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda Trump iyo xog uu ka helay emaillada gudaha shirkadda, si loo xaqiijiyo dhacdooyinka uu Cohen sheegay. Warbixinta ayaa sheegaysa in Mr Trump uu Cohen ku dhiirigeliyay inuu qorsheeyo safar uu kula kulmo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin intii uu socday ololaha doorashada. Cohen ayaa waxaa bishii Diseembar lagu xukumay 36 bilood kaddib markii uu qiray inuu been Kongareeska uga sheegay qorshaha Trump Tower. Waxaa kale oo uu qiray in lagu xadgudbay dhaqaalaha lagu bixiyo ololaha iyo canshuur lala baxsaday. Maxkamadda ayuu ka hor sheegay in “daacadnimada indha la’aanta ah ee uu u hayay Trump ay taagdarraysay” kaas oo “ficilladiisii xumaa” ee shaqada looga dhigay inuu u raad gado. Source
-
(SLT-Jidda)-Qurbo-joog Soomaali ah oo ku noolaa dalka Sacuudiga ayaa la sheegay inuu iska tuuray Dabaqa 4-aad dhismo ka kooban 5 Dabaq oo ku yaalla magaalladda Jidda ee dalkaasi. Muwaadin Sacuudiyaan ah oo marayey halka uu maydku yaalla, ayaa ku wargeliyey Hay’addaha Ammaanka, kuwaasi oo soo gaadhay isla goobtii. Ciiddan Roondo oo ka tirsan Boliska Degmadda Samiir iyo Ciiddanka Difaaca Maddaniga iyo Kooxaha ku takhasusay Dembi-baarista ayaa gaaray goobta uu yaalla maydka, waxayna ururiyeen dhamaan wixii macluumaad ah oo ku saabsan qaabka uu Ninkaasi isaga soo tuuray Dhismaha Dabaqyadda. Boliska Sacuudiga ayaa bilaabay baaritaanka sababaha uu Ninka Soomaalida isaga soo tuuray Dhismahaasi, iyadoo maydka Marxuumkaasi la dhigay Isbitaal ku yaalla Jidda, sida uu qoray Wargeyska Gulf Digital Online ee ka soo baxa dalka Baxrayn, Wargeyska ma uusan sheegin magaca Marxuumka Soomaalida ee dhacdadaasi ku geeriyooday. Source
-
Taliska ciidanka Booliiska degmada Afgooye ayaa faah faahinno dheeraad ah wuxuu ka bixiyey howlgallada ay ciidamada dowladda ka wadaan degmadaasi. C/qaadir Nuunow oo ah taliyaha degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog in ciidanku ay wax badan ka qabteen falal amni darri. Waxa uu tilmaamay in ciidamo dheeraad ah ay dejiyeen duleedyada degmada Afgooye, kuwaasi oo baara dadka soo galaya degmadaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/TALIYAHA-BOLISKA-AFGOOYE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ugu baaqay beello walaalo ah oo ku dagaallamaya deegaanno ka mid ah Hirshabelle iney nabadda qaataan oo xabadda ay joojiyaan. Xildhibaan Nuur Xaashi warsame oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in dagaal beeleedyadaas wax faa’ido ah dadka aysan ugu jirin islamarkaana muhiim ay tahay in la joojiyo, isagoo tilmaamay in ay socdaan dedaallo ku aaddan sidii loo dhammeyn lahaa. Waxa uu sheegay xildhibaanka in waxgaradka iyo sidoo kale madaxda Hirshabelle ay mas’uuliyad ka saaran tahay joojinta colaadahan. Dagaalladan ka socda deegaanno ka mid ah Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayuu sheegay in hadda lagu mashquulsan yahay sidii xal nabadeed looga gaari lahaa. Dagaal beeleedyo ayaa kusoo noq-noqday deegaannada Hirshabelle, iyadoo weli aanu jirin xal laga gaaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Japan)-Haweeneyda u dhaxday madaxweynihii booliska adduunka ee Interpol, Meng Hongwei, oo tan iyo bishii Sitembar ku xidhan dalka Shiinaha, ayaa magangalyo siyaasadeed ka dalbatay waddanka Faransiiska, si loo sugo amniga iyada iyo labadeeda carruurta ah, oo mataano ah. Grace Meng iyo mataaneheeda oo 7 jir ah ayaa hadda ku nool magaalada Lyon, oo ay ku taallo xarunta dhexe ee booliska adduunka. Meng Hongwei ayaa war iyo wacaalba laga waayay xilli uu booqanayay waddanka Shiinaha. Bishii Oktobar ayey mas’uuliyiinta dalka Shiinaha sheegeen in Mr Meng lagu wado baadhitaanno ku saabsan laaluush-qaadasho lagu tuhmay. Xaaskisa iyo carruurtiisa ayaa hadda ku jira gacanta booliska, kuwaasoo amnigooda sugaya ka dib markii loogu hanjabay in la dilayo. Idaacadda France Inter, shalay Jimce ahayd wareysatay ayaa sheegtay iney tidhi, “Waxaan ka baqayaa iney i afduubtaan”. “Waxaa taleefanno iga soo wacay dad aanan garaneyn. Xitaa gaarigeyga waa la waxyeelleeyay. Labo qof oo shiineys ah, nin iyo haweeney, ayaa i daba socday ilaa inta aan hoteelka ka imaanayay”, ayey tiri. Xilliga ay wareysiyada la yeelanayeen warbaahinta ayey diidday iney wajigeeda muujiso, iyadoo amnigeeda u baqeysay. Maalintii seygeeda la waayay, waxay sheegtay inuu barta xiriirka bulshada ugu soo qoray farriin uu ku leeyahay “I sug int aan kusoo wacayo”, markii dambena wuxuu u soo diray sawir mindi ah oo muujinaya inuu khatar ku jiro. Maxaa laga ogyahay xaaladda Meng Hongwei? Tan iyo markii warkiisa la waayay 25-kii bishii Sitembar, ma jirin wax macluumaad ah oo laga helay xaaladda uu xabsiga dhexdiisa ku wajahayo ama xitaa dacwadaha lagu soo oogay. 65 jirkan ayaa shaqadiisa ahayd inuu madax u yahay booliska adduunka waxay ku saabsaneyd inuu caalamka oo idil u dhexeeyo, mana uusan ku khasbaneyn inuu wakhti kasta ku laabto shiinaha. Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa 6 ruux oo wasiir ku xigeenno awood badan ka soo noqday wasaaradda amniga qaranka ee dalka Shiinaha, isagoo khibrad 40 sano ahna u lahaa hannaanka caddaaladda dambiyada ee waddankaas. Meng Hongwei waxaa madaxweynaha booliska adduunka ee Interpol loo doortay bishii Nofembar ee sannadkii 2016-kii, wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyay ee u dhashay Shiinaha oo xilkaas loo dhiibay, qorshuihuna wuxuu ahaa inuu shaqada wado ilaa sannadka 2020-ka. Dowladda Shiinaha ayaan wax caddeymo ah ku soo bandhigin eedeymaha loo heysto Mr Meng. Xaaskiisa Waxay iyadu aaminsan tahay in aanu nooleyn. Sidey Interpol uga jawaabtay xarigiisa? Shiinaha ayaa sheegay in Mr Meng uu warqad iscasilaad ah u qoray xog hayaha guud ee Interpol Jürgen Stock, kaasoo isagana sheegay inuu warqaddaas helay 7-dii bishii October. “Ma jirin wax sabab ah oo aan uga shakiyo in wax la khasbay ama ay si khalad ah ku dhaceen” ayuu yiri xog hayaha guud. Wakaaladda wararka ee Associated Press oo soo xigatay Mr Stock ayaa sheegtay inuu hoosta ka xariiqay in xeerarka Interpol uusan u oggolaaneyn inuu baaritaan ku sameeyo sababta uu u maqan yahay Mr Meng. Maamulka Interpol ayaa aqbalay iscasilaadda iyagoo aan wax faahfaahin dheeraad ahna bixin. Bishii Nofembar ayey Interpol madaxweyneheeda cusub u dooratay nin u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed oo lagu magacaabo Kim Jong-yang, waxayna ku gacan seyreen iney doortaan musharax u dhashay dalka Ruushka. Maxay tahay Interpol? Hay’adda booliska caalamiga ah ee dambiya adduunka ayaa magaalada Vienna ee dalka Austria lagu aasaasay sannadkii 1923-kii, waddamadii ugu horreeyay ee xubnaha ka ahaana waxaa ka mid ahaa Jarmalka, Faransiiska iyo Shiinaha. Dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa goor dambe ku biiray. Sannadkii 1956-kii ayuu si rasmi ah magaceeda u noqday Interpol waxaana markaas ka dib xubno ka noqday ilaa 194 waddan. Ujeeddada ugu weyn ee Interpol waa iney wada shaqeyn la yeeshaan macluumaadkana la wadaagaan booliska dhammaan dalalka xubnaha ka ah. Source
-
Nairobi (Caasimada Online)-Booliska dalka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay xog dheeri ah oo laga helay dadkii weerarka ka geystay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo Al Shabaab ay sheegteen. Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay ogaadeen ruuxii isku qarxiyay hotelka Dusit ee dalka Kenya iyo haweeney la sheegay inay Al Shabaab u heysay hubkii ay ku weerareen Nairobi. Saraakiisha ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa lagu yaqaano Argagixiso la dagaalanka ayaa sheegay in Haweeneyda lagu magacaabo Maryan Cabdi ay aheyd haweeneydii u heysay Al Shabaab hubka ay hotelka ku weerareen. Haweeneyda ayaa la sheegay inay kasoo jeedo deegaan u dhow magaalada Mombasa kaasi oo lagu magacaabo Bondeni, waxaana la sheegay in lagu raad joogo maadaama aan wali gacanta lagu dhigin. Sidoo kale ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ruuxii isku qarxiyay albaabka hotelka in lagu magacaabo Maahir Khaalid, kaasi oo Al shabaab ku biiray markii uu masaajid kula kulmay Ramadan Xasimi Kufunwa oo Al Shabaab hadda ka tirsan. Dalka Kenya wali waxaa ka socda baaritaanka Weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Dusit 2 ee Magaaladda Nairobi kaasi oo ay ku dhinteen 21 ruux, tiro ka bandanna ay ku dhawacmeen. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilowday oo Al Shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidan oo ku yaala gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in Al Shabaab weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo waaberigii saaka ka dhacay saldhiga. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay saacado kooban gacanta ku hayeen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni, waxaana weerarka uu ku bilowday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa. Waxaa adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay deegaanka Baar Sanguuni, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in khasaaro u badan yahay maadaama, gaari lagu bilaabay weerarka, kadibna rasaas lagu furay ciidamada Jubbaland. Al Shabaab ayaa sidan oo kale sanadkii hore u weeray xeradan ciidanka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni, waxaana weerarkii hore ka dhashay khasaaro badan oo ciidamada Jubbaland kasoo gaaray weerarkaasi. Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarada kaga yimid AL Shabaab, waxaana sarkaal u hadlay Jubbaland uu sheegay in Al shabaab ay khasaaro gaarsiiyeen. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in xalay weerar culus Al Shabaab ay ka fuliyeen gobolkaasi. Weerarka mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday fariisin Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi. Lama ooga illaa iyo hadda khaaaraha ka dhashay weerarkan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Al Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya ayaa had iyo jeer weeraro ka fuliya gobolladaais. The post Al Shabaab Oo weerar ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay. Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax ayaa horey u ahaa qoys balse mar dambe ayay kala tageen, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhankaas iyo Doolow oo u deganaa ehelkeeda. Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guursatay nin kale, Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo ku heli karo markale, waxa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay. Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi). Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid ayaa isla xilligaas oo aheyd habeen soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna ku wareejiyeen Hey’adda baarista dambiyada ee CID. Baaristooda kadib ayay ku soo wareejiyeen 23 bishaas Xafiiska Xeer-Ilaalinta, waxa ayna codsadeen Xeer-Ilaalinta in loo gudbiyo xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro cadeymaha dambi ee lagu soo eedeeyay Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali. Muddo kadib ayay codsadeen xafiiska Xeer-ilaalinta 5- bishan aynu ku jirno, waxa ayna shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadda. Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanaha, markhaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo kamid ah xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in eedeysanaha uu u bareeray dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, waxa uu sidoo kale fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu dadaal badan geliyay dilka Marxuumadda. Qareenada u doodayay eedeysnayaha ayaa weydiistay Garsoor in loo naxariisto eedeysanaha maadaama uu jiray rabitaan uu u qabay xaaskiisii hore. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lagu xukumo Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdusho ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay hay’adda Nabad Sugida iyo Siroodnka Qaranka ayaa lagu sheegay in 18-kii bishan la soo qabtay xubin ka tirsan Xrakada Al Shabaab, kadib howlgal laga sameeyay magaalada Muqdisho. Qoraal kooban oo la soo dhigay bogga Twitter-ka ee NISA ayaa lagu shaaciyay in howlgal qorsheysabn lagu soo qabtay sarkaal sare oo Amniyaadka u qaabilsanaa Al Shabaab ”Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay ayaa Ciidamada Amaanku 18-ka bishaan, kusoo qabteen xubin hogaamiye u ahaa koox amniyaad ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay taliska NISA. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Ciidamada ammaanka howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ay ka wadeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. The post NISA Oo shaacisay in la qabtay xubin ka tirsan Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Maxkamadda ku taalla Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la soo taagay illaa 5 qof oo lala xariirinayo in ay ku lug lahayeen weerarkii Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotel-ka DusitD2 oo ku yaalla galbeedka magaaladaasi. Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa dalbatay in ay u baahantay waqti dheeraad ah oo ay ku soo dhameystirto eedeymaha loo heysto raggaasi muddo 30 cisho ah. Eedeysanayaashani oo la sheegay in la xiray, kadib markii la soo gabagabeeyay weerarkii waqtiga badan qaatay ee Nairobi ayaa lagu kala magacaabaa Joel Nganga, Oliver Muthee, Osman Ibrahim, Gladys Kaari iyo Guleid Abdihakim, kuwaas oo la sheegay in laga soo qabtay xaafadahaa Eastleigh iyo Ruaraka oo ka tirsan magaaladaasi. Dhinaca kale dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa walaac xoogan ka muujiyay weerarkaasi oo lagu dilay 21 qof , kaas oo masuuliyadiisu ay sheegatay Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. Ganacsatada Soomaalida ee ku nool xaafadda Eastleigh ee Nairobi ayaa xiray ganacsidooda maalinimadii shalay, waxaana ay sheegeen in ay ka xun yihiin weerarkaasi. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya ayaa inta badan dareema walaac xoogan xilliyada weerarada lagu qaado gudaha dalkaasi. The post Kenya Oo maxkamad soo taagtay Rag loo heysto weerarkii M/ Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Magacayada 5-Eedeysane oo 2-Somali yihiin oo loo qabtay weerarkii Hotel Dusit2-Nairobi oo la soo bandhigay,Maxkamadna la soo taagay+Sawirro Waxaa lasoo taagay maxkamad ku taal magaalada Nairobi shan ruux oo kenyaati ah kuwaas oo lagu eedeeynayo in ay xidhiidh la lahaayeen weerarkii maalmo ka hor ka dhacay hotelka Dusit D2 ee magaalada Nairobo ee caasimadda dalka Kenya. Shantan ruux ayaa waxaa ku jira labo ruux oo asal ahaan soomaali ah, balse Kenya kasoo jeeda, waxaana lagu kala magacaabaa Joel Ng’anga Wainaina, Oliver Kanyango Muthee, Gladys Kaari Justus, Guleid Abdihakim iyo Osman Ibrahim (Canadian) . Ruux ka mid ah ayaa waxaa uu haystaa dhalashada dalka Canada, sida ay baarayaashu xaqiijiyiin. Madaxa dambi baadhista (The Director of Public Prosecutions) oo lagu magacaabo Noordin Haji ayaa maxkamada ka codsaday in eedeysanayaashan lagu hayo xabsi mudo 30 casho ah, si booliska iyo baadhayaasha kiiska si ay xog iyo macluumaad dheeri ah u helaan. Maxkamadda ayaa ku raacday, waxaana ay amartay in xabsi la dhigo eedeysanayaasha mudada 30-ka casho si baadhis dheeraad ah loou sameeyo. Labo ka mid ah eedeysanayaasha oo asal ahaan soomaali ah ayaa waxaa laga soo kala qabtay maalinimadii Arbacada xaafadda ay soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh iyo Ruaka, waxaana saddexda kale laga soo qabtay magaalada Mombasa. Dowladda Kenya ayaa waxaa ay sheegtay in dhammaan raggii weerarka ku qaaday hotelka ay ahaayeen Kenyati xidhiidh la leh Al-Shabaab. Akhri Qoraal Rasmiya:- Qaran News
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay fuliyeen Rag la socday Mooto Bajaaj, kuwaas oo la sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxaana la sheegay in ay gacanta ku dhigeen tiro dad ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo saraakiisha amniga Koonfur Galbeed ay ka soo saareen qaraxaasi. Ammaanka Baydhabo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, iyadoona Ciidamada Boolisku ay howlgallo ka wadeen gudaha magaaladaasi. The post Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib markii jimcihii Sheikh Kenyaawi uu kumanaan dad ah kula hadlay garoonka kubbadda cagta ee Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa kooxaha mucaaradka ee dhaliilsanaa marka hore waxay u muujiyeen taageero. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xubno kale oo ka tirsan Mucaaradka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan muxaadarada iscafiska ah ee uu Sheikh Kenyaawi Shalay ka jeediyay magaalada Muqdisho. “Laba maalmood ka hor ayaan la kulmay Sheekha, waxaana ka muuqday daacadnimo iyo qalbi wanaag, iyo inuusan siyaasad gaar ah ama koox gaara toona uusan la qorshe ahayn” “Waxaa Muhiim ah in “diiinteena islaamka” oo dadkeenu ay aaminsan yihiin oo kooxo ay ka mid tahay Alshabaab ay magac-dileen in la helo culimo kooxahaas ka Madax banaan oo u darban in diinta gacanta dadka Soomaaliyeed lagu soo celiyo, lana helo culimo dadku ay ku kalsoon yihiin oo wax u sheegi kara” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi. Dhinaca kale wasaaradda Diinta iyo awqaafka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay kordhin doonaan taageerada culumada Soomaaliyeed ee la hadlaysa shacabka magaalada Muqdisho oo u diyaarsan inay faham buuxa ka qaataan Diinta islaamka. Wasiirka Diinta iyo awqaafka oo la kulmay Sheikh Kenyaawi ayaa mahad u celiyay, waxaana uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay sii wadi doonto muxaadarooyinka mashaa’iqda ka jeedin doonaan magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye ( Sh. M. Network )-Sida ay ugu warrameen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ilo deegaanka ah waxaa saaka Aroortii Ciidamada AMISOM ee ku sugan duleedka degmada Afgooye ay tiro Madaafiic ah ku Garaaceen deegaanno hoostaga duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Dadka deegaanka ayaa soo wariyay in ku dhawaad 10 Madfac ay ku kala dhaceen deegaanno ay ka mid yihiin Baladul Amiin , Yunbit, Sabiib Caanoole, Bangaleey. Lama Oga sababta iyo Khasaaraha ka dhashay weeraradaasi Madaafiicda ah , xiliga oo Aoor hore ahayd awgeed , balse deegaanadaasi ayaa waxaa ka arrimiya dhaq dhaqaaqa Al Shabaab. Ciidamada AMISOM ayaa horay weeraro nuucaani ah waxa ay ugu qaadeen isla deegaanadaasi , kadib markii ay dareemeen dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay halkaasi ka sameeyeen Al Shabaab. Ma jiro dhinacooda wax war ah oo illaa iyo haatan ay ka soo saareen Al Shabaab weeraradaasi ka dhanka ahaa saaka deegaanada ay ka arrimiyaan. The post AMISOM Oo weerar madaafiic ah ka fulisay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-190119-W.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasiirka Warfaafintu Ku Lahaa, “Bur Iyo Biyaa Loo Kala Baxayaa!” Dadkii Waxa Uu Ku Gurey Laba Xero Oo Iska Soo Horjeeda…” … Maxamed Baashe Isaga garashadiisa inta xukuumadda taageertaa waa u Qaran-doonno, inta xukuumadda dhalliisha ee khalad jira farta ku fiiqda ama mucaaridka ahina waa u Qaran-dumisyo. Waxa iskaga khaldamay malahayga Qaran iyo Xukuumad. Qarankii dhammaa waxa uu ka soo qaaday xukuumadda uu ka tirsan yahay. Alle qabey afkana waa yaqaan waana ka agnaan. Shaqaalihii xukuumadda ayaa loogu gooddiyey in aan loo dulqaadan doonin in laga faqo habeenkii oo la xanto gacantii ku quudinaysey ee wax ku siinaysey: xukuumaddii ku biilinaysey. Hadda biilintu waa mushaharkii shaqaalaha! Aar dawladi ma sidanaa Ma dukaan nin leeyaa?! Kaaga sii darane, dhallinyaradii ayaa labadaas xero la doonayaa in lagu kala xareeyo: koox ku xidhnaata madaxtooyada Somaliland iyo koox lagu dhufto shaambad qallalan oo ay ku xardhan tahay Villa Soomaaliya. Waa olole la doonayo in lagu qariyo dalba-juuqaha iyo fashilka xukuumadda, oo waxaas dellegan ee melmelan, ayaa dharaarahan la inagu dhego-barjaynayaa. Hubanti waa neecaw dellegan oo ay urteedu doorsoon tahay, waxana ka dhalan karta falcelin xadhkaha goosan karta. Looma baahna in dadka lagu mashquuliyo wax aan waxba ugu filnayn waxyeello mooyaane. Waxa se loo baahan yahay in dadka laga qanciyo tabashooyinkooda, lagana jawaab celiyo baahidooda wixii hadba suurta gal ah. Waa se iska shay dabiici ah in marka bulshada talisyada fashilmaa qancin kari waayaan in ay mashquuliyaan. Xanaftii iyo dhaawacyadii ay bulshada kaga tagtay doorashadii madaxtooyada ayaa kor-ka-baqay oo cuncunistoodu jidhka bulshada ku sii fogaanayaan. Waxa kala qaybsanaanta bulshada sii badhitaaraya maamul xumaanta xukuumadda iyo talo-qabeennimo la’aanteeda. Waxa aan weli laga jawaabin tabashooyin badan oo qaarna ka dhasheen xukuumaddii la dhisay, qaarna ka horreeyeen oo laga dhaxlay xukuumaddii hore. Saami-qaybsiga wakiillada ayaa ka mid ah kuwa qol-ku-raagga ah. In doorashadii golayaasha wakiillada iyo dawladaha hoose qabsoomi waayeen ayaa fashilka ka mid ah. Hay’adihii fulinta iyo sharci-dejinta oo isla xisaabtan iyo is dheellitir looga baahnaa ayaa u caano shubanaya isirro dhabarka isku xoqaya. Somaliland waxa ay u muuqataa in ay baallaha ka soo rifmayso, dhexdana uu xar ka soo gelayo. Heshiisyada Khaatumo iyo Somaliland ee muhiimka ahaa, tacabka badanina galay ayaa u muuqda in ay ku dul bakhtiyeen waraaqihii lagu qoray, oo iyana fashil kale noqonaya. Waxa kala qaybsanaanta bulshada sii badhitaaraya maamul xumaanta xukuumadda iyo talo-qabeennimo la’aanteeda. Aaway maamul wanaaggii lagu hadaaqi jirey xilligii kursiga loo hamuunsanaa: u xeebashada sharciga iyo sarrayntiisa, caddaaladda loo xisho, xakamayn musuq, la dagaallan boob hanti ummadeed iyo qaraabokiil. Jiritaanka isirradan iyo maqnaanta in la la tacaalaa waa cudur halis ku ah dawladnimadeenna oo ina soo daashadey oo xukuumadiba ka dhaxasho ta ka sii dambaysa. Xaggee lagu socdaa? Wax walba waxa ka daran dhaqan dawladnimada ku xun oo inagu soo kordhaya: car juuq dheh iyo xadhig, hanjabaad iyo bulshadii oo loo kala qaybinayo labadaas xero: qaran-doon iyo qaran-dumis. Su’aasha ugu culusi waa: cirridkaas aynu arkayno ee sidaas ahi ilko ma ka soo jeedi karaan? Aaway se mucaaridkii sharciga ahaa ee arrimahaas dheelli-tirka ku samayn lahaa, qareenka iyo jid-bixiyeenkana bulshada u noqon lahaa?! Marka ay hoggaamini (xukuumadi) ka soo bixi weydo wixii loo igmaday, mucaaridkeeda ayaa laga quuddarreeyaa in uu buuxiyo kaalintii jihaynta, himilo iyo rejo-abuurka bulshada oo isu dhiga baddiilkii hoggaamintaas hallowday. Ayaan-darrada innaga ina haleeshay waa “isma dhaanto isu dhigan”. Waa ayse uuraysan oo wax kale ayuun bay dhali, illayn agaraadamtaas nafuhu kuma xasili doonaane. Geeddiga cagaha daaliyaa lagu geyoodaaye Gellimaadka hayskaga jirtiyo goosan habaqlaaye Gubuxsiga mar uun bay tirsiga meel ka soo geliye Gargaraaciddeediyo ha dayn geed ka didinteeda. W/Q: Maxamed Baashe X. Xassan Qaran News
-
Kismaayo (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa saakay aroortii hore weerarro isugu jiray Qaraxyo iyo kuwo toos ah ku qaaday saldhig ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 45-km dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo. Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalka oo ahaa mid culus ay labada dhinac kasoo gaareen khasaare, inkastoo aan la ogeyn inta uu le’eg yhaay, iyadoo weli uu dagaalku ka socdo Baar-sanguuni. waxaana la sheegayaa in gaadiid badan oo qaraxyo ay ka buuxaan ay weli yaallaan hareeraha saldhiggaas. Goobjoogayaal ku sugna deegaanka uu dagaalku ka socdo ayaa warbaahinta u sheegtay in dagaalku uu ku billowday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay oo lala beegsaday saldhigga, kaddibna ay billaabatay is-rasaasey xooggan. Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay la wareegtay saldhigii ay weerartay, isla markaana ay dileen tiro ka mid ah ciidamada Jubbaland ee saldhiggaas ku sungnaa, inkastoo aysan sheegin khasaaraha dagaalkaas ka dhashay. Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin dagaalka, waxaase wararka laga helayo Kismaayo ay sheegayaan in ciidammo gurmad ah ay la ambabaxeen magaalada Kismaayo, iyagoo ku sii jeeda halka uu dagaalku ka socdo, kaas oo weli ka socda saldhigyadii la weeraray. Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay inaysan jirin wax war ah oo ay ka bixin karaan dagaalka, balse waxay xaqiijiyeen in dagaalku uu yahay mid culus oo u dhexeeya ciidamadooda iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab. Dhanka kale, Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan ay madaxda Jubbaland sheegeen inay dagaal ku qaadayaan Al-shabaab, ayna doonayaan inay la wareegaan degmooyinka Bu’aale iyo Xagar oo ka kala tirsan Jubbaland Dhexe iyo Jubbada Hoose. Ugu dambeyn, Illaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dagaalkaan ka dhashay, basle wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya inay dhimasho iyo dhaawac fara badan soo kala gaartay dhinacyada hardamaya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Weerarro culus la beegsatay Saldhig ku yaalla Deegaanka Baar-Sanguuni appeared first on Puntland Post.