Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (Caasimada Online)-Labadii todobaad ee lasoo dhaafay hadal heynta baraha Bulshada ayaa noqotay casuumaada xafladda caleemo saarka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ka dhacaysa magaalada Garowe. Xafladaasi waxaa keenay in la hadal hayo marti sharafta loo qorsheeyay inay ka qeyb galaan oo ka duwan kuwii ka qeyb gali jiray xafladii ugu dambeeyay ee madaxweynayaasha maamulada lagu caleemo saari jiray. Masuuliyiinta ka qeyb galaya munaasabadda ayaa siyaabooyin kala duwan uga qeyb galaya, balse Soomaalida ayaanan faham saneyn ujeedada hoose ee ka dambeysa in dad kala aragti duwanaa ay ka qeyb galaan munaasabaddaasi. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saaxiib dhow la ahaa Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa, waxaana taasi ay qasabtay in xaflad lagu caleemo saarayo aysan wanaagsaneyn inay ka maqnaadaan dadkii uu koox ahaan kamid ahaa. Sidoo kale Waxay taasi sababtay inay ka qeyb galaan caleemo saarkiisa dhamaan xubnaha mucaaradka oo markii hore uu saaxiib dhow lahaa, maadaama ay arin aan wanaagsaneyn ku noqon laheyd haddii uusan casuumin. Dhanka dowladda Soomaaliya ayuu ku qasbanaa inuu casuumaad usoo diro, balse wuxuu sameyn karay inuu albaabada ka xirto madaxda dowladda Sidii C/Welli Gaas, laakiin isaga oo ka cararaya in culees kale uu wajaho isaga oo xilka ku cusub ayuu casuumay madaxda dowladda. Bilowgii dadka la doonayay in musaanadda lagu casuumo ayaa aheyd madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana markaasi soo baxay inuu wadahadal siin rabay Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo, balse caqabado ayaa halkaasi ka yimid oo dhanka dowladda ahaa, sida xogaha aan ku heleyno. Waxaa dadka falanqeeya siyaasadda ay sheegayaan in marka la eego dhamaan culeesaadyadaasi in madaxweyne Deni uu ku qasbanaa inuu dadkaasi uu ka qeyb galiyo xafladiisa caleemo saarka. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  2. Jowhar (Caasimada Online)-Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay waxyaabaha u diidan deegaanada Hirshabeelle inay ka sameeyaan mashaariic kala duwan oo horumarineed. Isaga oo la hadlayay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay in maamulkiisa uu doonayo in mashaariic badan ay ka hergeliyaan deegaanadaasi, laakiin ay jiraan caqabado dhanka amaanka ah. Wuxuu sheegay in 16 Mashruuc ay diyaar yihiin kuwaasi oo la doonayo in laga hergeliyo deegaanada Hirshabeelle, balse ay jiraan caqabado dhanka amaanka ah oo aysan ka socon karin qaar kamid ah mashaariicdaasi. Dhismaha garoon diyaaradeed oo Beledweyne ay yeelato iyo mashaariic kale ayuu sheegay in sanadkaan laga hergelin doono deegaanada Hirshabeelle, balse wuxuu ka walaacsan yahay amaanka. “Waxaa jira mashaariic badan oo la doonayo in laga hergeliyo Hirshabeelle, balse qaarkood caqabado amaan ayay u socon la’ yihiin, Beledweyne Garoon diyaaradeed oo ay yeelato, waxbarasho wanaagsan iyo mashaariic kale ayaan sameyn doonaa sanadkaan”ayuu yiri Waare. Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo ay joogsadeen mashaariicda dhismaha xarumo laga hergelinayay magaalada Jowhar, kadib markii Al shabaab ay u hanjabeen qaar kamid ah dadka shaqada waday. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  3. Garowe (Sh.M.Network) – Maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe ayaa lagu wadaa in la caleema saaro Madaxwaynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni. Munaasabada caleema saarka oo qaban-qaabadeeda ay socoto ayaa lagu casuumay marti sharaf kala duwan. Madaxda lagu martiqaaday oo kusii qul-quleysa Garowe oo ay ka dhaceyso xaflada ayaa ka kala socda dowlada dhexe, maamulada iyo beesha caalamka. Amaanka caasimad gobolka Nugaal ayaa la adkeeyay iyada oo ciidamada ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga. Taliyaha Booliska gobolka Nugaal, Gaashaanle Sare Xasan Cabdullaahi ayaa shaaciyay in gaadiidka Bajaajta mudo labo maalin ah laga mamnuucay magaalada. The post Marti Sharaf ku qul-quleysa Garowe kahor caleema saarka Deni appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Jowhar (Sh.M.Network) – Cali Cabdullaahi Guud-laawe, madaxwayne ku xigeenka HirShabelle, ayaa baaq nabadeed udiray beelo walaalo ah oo ku diriya xadka gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Madaxwayne ku xigeenka oo la hadlayay munaasabada furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Baarlamaanka maamulkaan ayaa ku tartarsiiyay Beelaha in colaada ay ku belaan nabad iyo wax wada qabsi. Dib-u-heshiisiin dhab ah ayuu cod dheer ku qeexay in loo baahan yahay in loo sameeyo Beelahaasi, si aysan dib udambe usoo laaban isku dhacyada, kuwaasi oo galaaftay nolasha Tobaneeyo ruux. Dhowaan ayay ahayd markii colaad beeleedyo ay dib uga soo cusboonaatay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyada oo tan iyo xilligaasi ay isasoo tarayeen baaqyada nabadeed ee loo dirayo. The post Cali Guudlaawe oo ku baaqay dib-u-heshiisiin dhab ah appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay joojin doonaan arin la xiriirta duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya, kadib markii ay bateen wararka is khilaafsan eee laga baahin jiray duqeymaha Soomaaliya. Mareykanka ayaa shaaciyay inay gabi ahaanba joojiyeen inay warbixino ay warbaahinta la wadaagayaan kasoo saaraan duqeymaha ay ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya oo ay la beegsan jireen Al shabaab. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa shaaciyay in go’aankaasi la qaatay kadib kulan dhex maray saraakiisha ciidamada Mareykanka ee Africa iyo kuwa Mareykanka, kadibna la go’aamiyay inaan laga hadal weerarada ay ka geystaan Soomaaliya. Taliska ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in arintaasi ay ka dambeysay kadib markii go’aan lagu gaaray in shaacinta khasaaraha weerarada ka dhasha loo daayo inay ka hadasho dowladda Soomaaliya. Taasi ayaa ka dhigan in waxii hadda ka dambeeya khasaaraha ka dhasha weerarada Mareykanka ay ka hadli doonto dowladda Soomaaliya oo kaliya, waxaana arinta ay ka dambeysay kadib markii marar badan dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ay warar is qilaafsan ay kasoo saareen khasaaraha duqeymaha ka dhashay. In dowladda Soomaaliya ay shaaciso Khasaaraha weeraradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhalankarta in ay xoogeysato Wada shaqeynta taliska iyo dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo xalay qabsaday Suuqa Wayn ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dabka oo bilowday abaare 2-dii habeenimo oo ay qadar harsan tahay ayaa saameeyay xarumaha ganacsi oo halkaasi ku yaala. Qof kamid ah ganacsatada oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan uu yahay mid hantiyadeed. Waxa uu shaaciyay inuu cagta mariyay goobo ganacsi oo isugu jira qaybaha kala duwan ee ganacsiga. Gaadiidka dambiska ee gobolka Banaadir iyo kuwa shirkada isgaarsiinta Hormuud oo meesha durba yimid ayaa ku guuleystay inay damiyaan. Lama ogga waxa dabkaan sababay, balse, inta badan dabka ka kacay suuqyada caasimada waxaa sababay Koronto. The post Dab xalay qabsaday suuq ku yaala Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika, kaasi oo loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa fahfaahin ka bixiyay duqaymo uu 23-kii bishaan Janaayo ka geystay gobolka Jubada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya. AFRICOM ayaa shaacisay in weerarka cirka ah ay ku beegsatay kolanyo ay la socdeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo marayey meel ku dhow degmada Jilib ee gobolkaasi. War-saxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM ayaa nan lagu xusin khasaaraha Al-Shabaab ay ugu geysteen duqaymahaasi. Mareykanka ayaa tibaaxay in weeraradda dhanka cirka ah ay ku taageerayaan dadaalada dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Illaa iyo haatan, ma jiro wax war ah oo ku aadan duqaymahaan oo kasoo baxay dhanka xoogaga Shabaab. Duqaymaha ayaa kusoo beegmaya iyada oo maamulka Jubbaland uu gobolka ka wado guluf uu doonayo inuu dib ula wareego gacan ku haynta gobolka Jubada Dhexe iyo degaanada ka maqan gacanta dowlad goboleedkaan. The post Mareykanka oo ka hadlay duqaymo uu ka fuliyay J/Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, hawlaha muhiimka ah ee sannadkaan la doonayo in la qabto iyo hab-raaca heshiisyada Caalamiga ah. Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee wasiirradu ay ballan qaadeen in ay fulinayaan sannadkaan 2019, waxaana golohu isku raacay in sannadkaan uu noqdo sannad shaqooyin badan la qabto isla xisaabtankana la dardar-geliyo. Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknoologiyadda XFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya. Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya. Shirka golaha ayaa ugu dambayn dood dheer looga yeeshay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah oo golaha uu usoo gudbiyay garyaqaanka guud ee dawladda. The post DF oo kala hadlaysa Kenya burburinta xarumaha Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Diyaar Garowgii ugu dambeeyay ayaa loogu jiraa soo dhaweynta madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ee maanta la filayo inay tagaan magaalada Garowe. Waxaa maanta la filayaa in magaalada Garowe ay gaaraan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo xubno kale oo mucaarad ah. Amaanka magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamadii ugu badnaa la dhigay hareeraha magaalada Garowe, maadaama beri ay ka dhaceyso Garowe xafladda caleemo saarka madaxweynaha Puntland. Xubnaha Mucaaradka, madaxweynayaashii hore ee dalka iyo xubnaha talada iminka haya ayaa tagaya magaalada Garowe, waxaana aad loo hadal hayaa waxyaabaha ka dhici kara magaalada Garowe, maadaama ay isku arkayaan xubno warbaahinta kaliya iska weerari jiray. Waa xafladii ugu horeysay oo ay isku arkaan xubnaha mucaaradka iyo muxaafadka dalka, waxaana madaxweyne Deni uu wadaa dadaalo ay ku wada hadli karaan xubnaha mucaaradka iyo dowladda. Qaar kamid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa maanta sidoo kale la filayaa inay tagaan magaalada Garowe oo ay ka dhaceyso xaflada caleemo saarka madaxweynaha Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-25012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. UFFO MAXAA LAGU XIDHAY? Sida aan ka qoray AHN Faysal Xaaji Jaamac oo muddo ka tirsanaan jiray aqalka wakiilada Somaliland markii dambena noqday Gudoomiyaha Maxkamada Sare kana mid ahaa qareenadii kooxda UFFO u doodayay, go’aanka maxkamaddu marka uu yahay go’aan sharci qof aan wax dembi ahi kaga cadaanin maxkamadda horteeda wax ciqaab ah laguma xukumo ee xoriyadiisa ayuu helaa. Balse marka go’aanka maxkamaddu siyaasi yahay wax kastaa way dhici karaan. Kiiskii UFFO maalintii dhegaysigu dhamaaday wuxu noo sii sheegay Garyaqaan Faysal “ ma jiro wax dembi ah oo kaga cadaaday dhalinyarada maxkamadda horteeda laakiin waxa suurtogal ah in go’aanka maxkamaddu uu noqdo siyaasi. Sidaa daraadeed wixii la doono ayaa lagu xukumi kartaa. Waa tii la ogaa xabsi daayin ilaa 20 sanadood ayaa lagu xukumay 14 ka mid ahaa lixna 8 sanadood. Hadaba muxuu ahaa dembiga ay galeen UFFO? dad baa yidhaa warqadii istansalka lagu soo rogay ee UFFO ayaa lagu xidhay. Dad kalena waxay sheegaan samofal baa lagu xidhay oo Cisbatalka Hargaysa ay nadiifiyeen. Aniguna si kale ayaan u arkayay oo hadal in lagu xidhay ayaaban qabay. Habeen waxa jirtay in laba wasiir oo xukuumaddii Siyaad Barre ku jiray oo labaduba ay Isaaq ahaayeen weliba midi ahaa Axmwd Silanyo oo nool ayaa guriga shaqaalaha kula kulmay dadka degaanka. Rag ka mid ahaa kooxda UFFO ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulankii habeenkaasi oo si cad oo badheedha tabashooyinkii jiray uga hadlay. Maalin kale Taliyihii Qaybta 26aad Janaral Gaani ayaa gurigii uu deganaa ku casumay dhalinyaro kooxda UFFO ah si ay u wada hadlaan. Maalintaasina si cad oo badheedh ahayd ayay ula hadleen. Xiliguna xiligii ahaa waa la garanayaa oo sharci keliya baa jiray oo ahaa AFWAYNE RAAC, AMA AFKAAGA HAYSO, AMA AFGOOYE AAD (Xabsiga) markaa dhalinyaradu sharciga horta ay jebiyeen ee lagu xukumay wuxu ahaa qodobkaa. Hadaba anigu waxan qabaa hadii cashar keliya aynu ka baranay xiligii Siyaad Barre wuxu noqonayaa in aan xadhig iyo xabad midna xal u noqon karin dhibaato gudaheena ah. Casharkaa qofkii aan ka baranin aniga xagayga waa arday saaqiday oo aan waxba ka baranin wixii soo maray Qoraalkani waxa barta Facebook- uu ku leeyahay soo dhigay Cali Guray xuquuqda qoraalkani isagaa iska leh Qaran News
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa dooneysa in hadda kadib laga fiirsado, aadna looga feejignaado in qalab milatari loogu deeqo ama laga iibiyo dowladda Soomaaliya. Warqad uu u qoray madaxweynaha golaha ammaanka ee QM Francisco Antonio Cortorreal, ayuu wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon uga dacwooday baabuurtii gaashaamnaa ee dhowaan Qatar ay ugu deeqday dowladda federaalka. Faratoon ayaa sheegay in weecinta hubka dowladda Soomaaliya ee kooxaha argagixisada iyo dambiilayashaa, “ha noqoto ku talo-gal ama dayac” ay xadgudub ku tahay xayiraadda hubka ee QM ay saartay Soomaaliya, islamarkaana halis amni ku tahay Somaliland iyo dalalka deriska ah ee gobolka. Faratoon ayaa yiri “Xadgudubyo lagu sameeyo qaraarka golaha ammaanka waxay dhalin doontaa dagaal daba dheeraada oo cawaaqib ku leh Soomaaliya, waxayna hurin doontaa xasilooni darro ka dhacda gobolka, oo Somaliland ay ku jirto.” Faratoon waxa u sheegay in qaraarka QM ee 2444 uu diidayo in la weeciyo qalabka milatari. Waxa uu sheegay in hubka Soomaaliya uu inta badan ku dhammaado gacmaha kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee Soomaaliya. Qoraalka Yaasin Faratoon ayaa imanaya ayada oo dhowaan ay soo baxday in qaar ka mid ah hubkii loo adeegsaday weerarkii hotel DusitD2 ee Nairobi ay lahayd dowladda Somalia, inkasta oo dowladda ay beenisay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  13. London (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah Soomaaliya waxaa ay Febraayo 7, 2019-ka, dalka Ingiriiska ku qaban-doontaa tartan iib oo lagu bixin-doono bolock-yo dhan ilaa 50 xabo, oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya. Halkii Block waxaa uu ku fadhiyaa 5,000km2 oo shidaalka ku jira ay kala badan yihiin, qaar ayaa waxaa ku jira 2 bilyan oo birmiil, qaar kale 3, 4 ama 5, waxaa jira jira Block-yo ay ku jiraa ilaa 7 Bilyan oo Barmiil oo shidaal ah! Tartanka iibka ee dowladda federaalka ah ku qaban-doonto London 7-bada bisha soo socota, waxaa bannaanka ka ah oo aan tartankaas ku jirin Block-yo horay loo siiyey Shell.Exxon iyo Soma Oil & Gas, shirkadda hore waxaa ay dowladdii Jaalle Siyaad ka heshay 60,000km2 oo dhaca bariga Soomaaliya halka Soma Oil & Gas ay horay u xulatay 12 block oo koonfurta Soomaaliya ah gaar ahaan agagaarka Baraawe iyo Marka, oo ay ku jiraan labo Block ka mid ah sida 7 & 8 ilaa 13 Bilyan oo Barrels am Birmiil. Haddaba, waxaa muuqata dowladda Soomaaliya aaney xilligan diyaar u aheyn tartan iib oo noocaas ah marka la fiiriyo shaqo la rabay in la qabto tartanka ka hor oo aan la dhameystirin, taasi oo keeni karta in natiijo fiican aaney ka soo bixin ama in la khiyaameeyo Soomaaliya, kheyraadkeedana si fudud loo qaato. Arrimaha muhiimka ah ee dowladda ilaa hadda qabatay waxaa ka mid ah: Heshiiska maamulka iyo wadaagga kheyraadka oo ay wada saxiixdeen dawladaha xubin federaalka ah iyo dawladda federaalka, waxaana la sheegayaa in la diyaariyey Modeelka Soomaaliyeed ee Soo-saar Wadaagga Shidaalka (Model Production Sharing Agreement) iyo xogahii saysmikada ee badda (2-D seismic data), oo tilmaamaya meelaha laga yaabo inuu shidaal ku jiro oo biyaha badda ka hooseeya. Marka 3-daas arrin laga soo tago, waxaa dhimman ama qabyo ah arrimo aan la’aantood wax tartan ah la qaban Karin: Akhriso, 7 Qodob Oo Ku Tusinaya In Soomaaliya Aaney Diyaar Aheyn Tartan iib Block: 1. Ma lihin dad nagu filan oo aqoon iyo khibrad u leh hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Marka hore sow ma aheyn in la diyaariyo khayraad aadami ah oo hanan karo hawlaha ilaalinta iyo horumarinta khayraadka. 2. Sharciga Batroolka oo Baarlamaanka Federaalka la yaalla, la’aantiisa ayeyna rabtaa dowladda federaalka ah inay gasho tartan iib, oo lagu bixinayo 50 Block oo midka ugu yar ay ku jirto 5 Bilyan oo Barmiil. 3. Ma jiro Xeerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment) 4. Ma dhisna Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement” 5. Ma jirto wax caddeynaya in lahayo xog sax ah ee 2-D saysmikada taasi oo lagu qiimeyn karo Blockyada iyo kala duwanaanayaan mugga shidaalka. 6. Lama sameyn qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment). 7. Lama diyaarin Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law). Sidaan og nahay Wasaaradda Maaliyadda ayaa faraha ku hayso hawshaas. Sidaas awgeed, waxaa muuqata in wasaaradda Batroolka uu degdeg ku jiro, arrintaas oo saameyn ku yeelan karta qaranka Soomaaliyeed.
  14. Boqor Maleysiyaan ah oo xilkiisa boqornimo ka doortay Haweenay Ruush ah oo qurux badan+Sawirro Maanta dalka Malaysia waxaa la doortay boqor cusub kadib markii boqorkii hore uu xilka isaga dagay sababo loo malaynayo in ay jacayl daran oo uu u qaaday gabadh ku guuleysatay quruxda dalka Ruushka. Boqorka cusub ee la doortay ayaa lagu magacaabaa Suldaan Cabdullaahi oo kasoo jeeda gobolka Pahang. Suldaan Maxamed oo ah boqorka xilka wareejiyay, ayaa la sheegay in bishii November ee sannadkii hore uu fasax caafimaad ku tagay dalka Ruushka, kadibna waxaa soo shaac baxay sawirro muujinayo isaga oo la sawiran gabadh qaadday quruxda dalka Ruushka oo magaceedu yahay Oksana Voevodina. Waxaa sidoo kale baraha bulshada iyo warbaahinta ay aad u faafisay sawirrada arooska lammaanahan oo ka dhacay magaalada Moscow bishii November, waxaana la sheegay in gabadhan ay soo islaantay, islamarkaasna magaceeda lagu badelay Rihana. Arooska waxaa la sheegay in laga mamnuucay qamriga, dhammaan cuntadii la qeybiyayna ay ahayd mid xalaal ah. Qasriga Boqortooyada Malaysia ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray 6-dii bishan Janaayo ku sheegtay in uu boqor Suldaan Maxamed uu xilka ka dagay. Balse lama sheegin sababta rasmiga ah, lamana oga in gabadha ajnabiga ah ee uu guursaday boqorka ay ugu wacantahay in uu xilka ka dego. Balse caadi ahaan boqortooyooyinka waxa ay leeyihiin shuruuc adag oo dhigaya in boqorka ama qofka leh dhaxalka uusan guursan karin qof ajnabi ah ama ka baxsan qoyska reer boqor. Waxa ay arrintan qabsatay amiiradda dalka Japan Ayako taas oo xilkeedii dhaxalsugenimada wareejisay kadib markii ay jacayl daran u qaadday wiil aanan ka tirsanayn boqortooyada. Gabadhan uu guursaday Suldaan Maxamed ayaa horey u ahayd dumarka dharka xayaysiiya, waxaana meel kasta yaala sawirradeeda oo qaawni u dhow, ama jirkeeda inteeda badan uu muuqdo. Waa nidaam kal-tirsi ah oo beelo kasoo kala jeeda 9 gobol oo dalkaas ka tirsan uu midba mar qabanayo boqortooyada. Waa boqortooyo dastuuri ah, taas oo gole guurti boqortooyo ah ay dooranayaan boqorka, wuxuuna halkii mar haynayaa 5 sanno. Waxaa kale oo jirta in inkasta oo boqorka uu yahay madaxa ugu sareeya ee dalka, haddane kama qeybqaato kala wadista maamulka dowliga ah ee Malaysia. Waxaa nidaamkan la dajiyay markii uu dalkaas xornimada ka qaatay Britain sannadkii 1957-dii. Waxa ay Malaysia ka koobantahay 13 ismaamul goboleed, 9 ka mid ah waxaa xukuma qoysas boqortooyo, halka 4ta soo harayna ay xukumaan barasaabyo. Balse xuquuqda u codeynta boqorka waxaa iska leh madaxda 9-ka qoys ee boqortooyada leh. Mid kasta waxaa loo dhiibayaa warqad uu ku qoranyahay magaca Suldaanka xiga ee kal-tirsiga uu kusoo aaddanyahay, codkooda waa qarsoodi, waxayna kala xulanayaan in uu u qalmo xilka iyo in kale. Haddii uu cod aqlabiyad ah heli waayo, doorashada wareeg kale ayaa la qabanayaa, balse markan waxaa warqadda lagu qorayaa suldaanka kale ee safka kusoo jira. Si qarsoonida codka loo hubiyo, warqadaha wax nambar ah ma lahan, qalmaanta waa isku mid, qadda qalmaantana waa hal midab, waxaa sidaas oo dhan loo samaynayana waa in aanan la ogaanin go’aanka qofka iyo sida uu u codeeyay. Awoodo saas usii badan ma lahan, waxana inta badan awoodaha ay la yaalaan baarlamaanka iyo Ra’isulwasaaraha. Balse waxa uu leeyahay awoodda soo magacaabista Ra’isulwasaaraha, waa madaxa diinta Islaamka ee dalkaas, iyo sidoo kale taliyaha ciidamadda qalabka sida ee Malaysia. Waxa uu bixin karaa cafisyada dadka maxaabiista ah, isaga oo boqorkii hore uu cafis u fidiyay hoggaamiyihii mucaaradka Anwar Ibraahim. Qaran News
  15. Itoobiya oo taariikh cusub u dhigaysa Afrika Iyada oo noqon doonta dalkii ugu horeeyey ee Afrikan ah oo… Shir ku dhex maray Davos ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo aasaasaha madasha dhaqaalaha adduunka Professor Klaus Schwab ayaa la isku afgartay in Asdis Ababa ay marti-geliso shirka dhaqaalaha adduunka ee 2020. Sanadkii tagay ayey Itoobiya codsatay mari-gelinta shirka, laakin waxaa muuqato in sanadkan la aqbalay. Jawaabta ayaa timid kadib markii ay kulmeen Abiy iyo Klaus Schwab, waxaa ay sidoo kale labada nin ka wada hadleen arrimo khuseeyo dhaqaalaha, ganacsiga, shirkadaha gaarka ah, bulshada rayidka ah iyo isbadallada ka dhacaya caalamka. Itoobiya ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka uu aad u sareeyo kobacooda dhaqaalaha, waxa ayna marti-gelin-doontaa 2020-ka. Haddii arrintan ay dhacdo, Itoobiya ayaa taariikh cusub u dhigi doonta Afrika, ayada oo noqon doonta dalkii u horeeyay oo Afrikaan ah oo marti gelin doona Shirka dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) sanadka 2020 Qaran News
  16. Dab qasaare hantiyadeed geeystay ayaa xalay saqdi dhexe ka kacay Suuqa Weyn oo ah suuq ku yaalo degmada Wadajir ee Muqdisho. Dabka oo la sheegay in uu koronto ka dhashay ayaa baa bi iyay goobo badan. Goor dambe ayaa lagu guuleeystay in dambkaasi la damiyo. Dabka ayaa ku sii faafayay goobo badan waxaana uu sababay qasaare hantiyadeed oo aad u badan Dhowaan ayeey aheyd markii dab qasaare hantiyadeed geeystay uu ka kacay suuqa weeyn Bakaaraha ee Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dab qasaare geeystay oo ka kacay Suuqa weeyn ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. QAYBTA 1-AAD: Dadka oo dhan Ilaahaybaa abuuray oo waa ilma Aden iyo Xaawa, Ilaahay isagaa karaameeyay bani aadanka oo ka fadilay makhluuqiisa kale oo dhan. Ilaahay ba hadana innaga dhiga y qabaail si aan isugu aqoonsanno oo la isku garto, balse carab iyo cajabi, caddaan iyo madaw, bani’aadanku waa isku mid xagga dadnimada, xuquuqda iyo nolosha oo dhan, umadda islaamkuna magac ay lahaadaan iyo meel ay joogaanba waa dad mid ah oo u siman Alle (SWT), waxana Eebbe loogu kala dhawaanayaa adduunka korkiisa iyo maalinta aakhiraba kaliya iimaanka iyo camalka wanaagsan ee uu qof waliba la yimaado inta uu noolyahay ee cimrigiisa laga dhigay adduunyada. Nasabka uu ku arooro qofkastaa iyo halka uu ka soo jeedo ee asalkiisu yahay ama ku abirsadaa waa mid qof waliba ku qanacsanyahay, u hanwaynayahay ama ku faano ee aanu ka faanin. Haddii aad tahay Annaas, Madhibaan, Muuse, Hawle, Wardheere, Isaaq, Gadabuursi, Daarood, Ciise ama beel kaleba oo Somaliland ama Somali kale ah qofna qofka kale wax uu dheeryahay ma jiro xagga dadnimada, iyo diinta islaamkaba. Takoorka, haybsooca iyo Qabyaaladdu waa dhibaato ka jirta oo lagaga dhaqmo ama weli saamayn badan ku leh dunida seddexaad, dalalka aan horumarin iyo meelo badan dunida, dalkeenana wuu ka jiraa oo mid weyn ayaannu tirsanaynaa gaar ahaan xagga dhaqanka, bulshada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dhinacyo badan oo nolosha ah. Haseyeeshee, qofkii cuqdad ka qaada cidda uu yahay iyo asalkiisa ee cid aanu dhiig ku lahayn isku tiriyaa waa qof aan damiir fiican iyo iimaan lahayn oo aan ku kalsoonayn naftiisa iyo asakiisa, ciddii dad aanay dhalin oo isku dhiig ahayn doonaysaana kaba sii daran, waana damac kiisa u xun iyo danbi ay tahay in lagula xisaabtamo oo laga abaalmariyo. Walaashay Nimco Yaasiin haddii ay iyadu sidaas garatay inay Reer Xaamud noqoto oo ay dafirto nasabkeedii, aabbaheed iyo hooyadeed iyo reerkay ahayn ee Cali Xasan Annaas (YIBIR) waa mid iyada jirta iyo shakhsiyadeeda. Anigu kamaan maarmin walaashay oo waan jeclaa balse waan ka samri karaa oo khasab maaha inaan daba cararo, qof aad dhashay ayaaba laga samraa oo la iskaga hadhaa hadduu kugu kalifo ama kaa galabsado sidaas oo xuquuqda lagu leeyahay isagu garan waayo dhankiisa. Maanta iyaduna waa qof weyn oo aakhiru cimri ah oo todobaatan ayaan aniga iyo iyaduba afka saarray balse waxa aan ku dagaalamayaa sharafta iyo karaamada nasabkayaga iyo dhiigga aabbahay inaan lagu sheegan been been. Haseyeeshee, waxa igu kallifaya inaan qoraalkan sameeyo oo waxbadan soo bandhigo; hadallada been abuurka ah iyo wararka aan maqlayo iyo sida ay Nimco ku doodayso ee ah inay ka luntay Reer Xaamud, dadkaasina sheeganayaan inay ka luntay oo ay sidaas ahayd. Ugu horayn, waxan ka hadli doonaa taariikhda qoyskayaga reer Yaasiin Caraale ee aniga Adeega ah iyo Nimcaba aanu ka dhalanay ee kasoo jeedno, Waxa aan ka warramayaa carruurnimadayadii, koritaankayagii, waalidkayagii, xidhiidhkayagii aniga iyo Nimco sanadihii dhexe ee 1990-2002, iyo sidii ay ku bilaabantay inay Nimco is bedesho oo ay nasabkeeda dafirto. Waxa aan ka hadli doonaa xilliga ay Nimco bilawday is bedelka haybta iyo reerbaa igu dhagay ahaa iyo arimo ku xeeraa ama ku soo beegmayay wakhtigaas. Waxa aan soo bandhigayaa caddaymo badan oo bulshada u iftiiminaya inay Nimco ka abuurtay nasabkeeda waxku kallifayba taas. Waxa kale oo aan ka hadli doonaa dhibaatooyinka jira ee arrintan la xidhiidha ee u baahan in la darso, la isaga garaabo oo wax laga qabto. Ma doonayo inaanu walaashay warbaahinta ku muranno, dad waaweyn oo ayni ayaanu nahay oo anna 67 jir baan ahay, iyana way igu xigtay oo waa 64 jir. Waxa aan leeyahay adduunyaduna maanta horumar ayay gaadhay oo si fudud ayaa loogu kala baxaa kiisaska noocan ah ee caddaymo ma noqdaan baro ayay lahayd, buur baa lagu xaday, dhagaha ayaa dhaadheer, iyo hadallada rakhiiska ah ee warbaahinta lagu gudbinayo. Ujeedada aan ka leeyahay taxanaha qoraalkan iyo halka u dambaysa ee aan ku socdaana waa inaan xaqiijiyo inaan gaadho oo helo goor iyo goob cadaalad ah dalka gudihiisa iyo debadiisa halka ay noqotaba iyo maalinta ay noqotaba in si rasmi ah loo baadho (DNA) inaanu Nimco isku dhiig nahay, halkaas ayaanan kaga hadhayaa arrinteeda halkaana aan ku soo afmeero sheekadeeda ilaahay haduu nafta ii daayo intaas. Kama hadhayo arrintaas illaa aan gaadho ujeedadaas meelkasta oo ay ila tagayso qadiyadaasi. Waxa aan uga jeedaa taas inaan bulshada dalkayaga Somaliland, dawladayada sharafta leh iyo dunida caalamka usoo bandhigo xaqiiqada iyo sida ay runtu tahay. Waxa aan doonayaa inaan tegitaanka Nimco noqon wax fudud, dadkayaguna aanu noqon tusbax furta oo kolba reer qof Madhibaan ah oo muuqda aanay iska sheegan iyagoo leh baribuu baribuu buurtaa naga lumay, calaamad iyo baruu lugta ku lahaa oo cidina aanay ka hadal ee sidaas lagu dhaafo. Awalba dhibaato ayay qabeen Madhibaanku se dad karti iyo kalsooni leh weeyaan oo u samraya waxbadan oo ku dhacaya xagga dhaqanka, tan oo kale waxan u arkayaa inay tahay isir la dagaalan hoose oo ku bilaabmay beelaha la haybsooco loona baahan yahay in si caqli iyo cilmi leh loo waajaho waxka qabashadeeda arrintan. Waxa aan ka furayaa dacwad ku saabsan baadhitaan sax ah (DNA) oo aniga iyo walaashay ah maxkamadaha dalkeena Somaliland ee sharafta leh iyo maxkamadaha London ee dalka Ingiriiska oo ah halka ay Nimca iska dhiibtay 1990kii iyadoo ah Nimco Yaasiin Caraale. Waxa aan gaadhsiinayaa arintayada illaa madaxweynaha sharafta leh ee Somaliland oo aan leeyahay madaxweyne kaliya waxa qoyskayaga iyo beel ahaanba aanu doonaynaa oo aanu ku qancaynaa in si madaxbanaan oo cadaalad ah oo cadaan ah oo run ah naloogu baadho dhiiga isirka Nimco Yaasiin iyo Aniga oo adeega Caraale ah, intaas kadibna iyadaa xor ah oo sidaas immikaba ay ugu doodayso ha raacdo ciddaas ay jeclaatay balse in runta la ogaado oo aan dhiigayaga si sahlan loogu murmin mar dambe tan oo kalena aanay markale u dhicin ayaanu doonaynaa, waana mid aanu xaq ugu leenahay dawladayada sharafta leh ee Somaliland. Waxa aan u mahad celinayaa dhammaan bulshada reer Sheekh ee walaalahay ah, dhammaan dadka reer Somaliland ee maanta na garab taagan ee nagu taageeraya inaanu difaacno sharafta iyo qoyska aabbahay iyo dhiiggayaga, kana dhiidhinno been abuurka ay inantaasi ku kacday…..LA SOCO QAYBTA 2-AAD, Insha Allah W/Q: Adeega Caraale
  18. Gobolka Soomaali Galbeed waxaa ka taagan loolan siyaasadeed u muuqdo mid quus galinaya shacabka Soomaaliiyeed guud ahaan gayiiga Geeska Africa. Lama fileyn, xilli lagu rejo weynaa in Soomaalida ka dheefi doonto dabeysha is bedel ee Itoobiya iyo Mandiqadda ka dhacay in maanta xaalka Jigjiga sidaas noqdo. Hase ahaatee, loolanka u dhexeeya labada mas’uul ee ugu tunka weyn Soomaali Galbeed Madaxweyne Cagjar iyo gudoomiyaha xisbiga talada haya Axmed Shide ahna Wasiirka Maaliyadda ee Itoobiya waxa uu gobolkaas u horseedi doonaa labadan qodob midkood. 1 – In ay ka faa’ideystaan is bedelka oo aysan ka aqli yaraan maamulada Oromiya, Amhara iyo Tigreega Wali sheegada Jigjga ka socota waxa ay leedahay dhabbe looga dhigo mid togan, waa haddii uu caqligu shaqeeyo. Ceeb ma aha in siyaasadda lagu kala aragti duwanaado, la is qabto balse waxaa mar walba laga eega danta guud oo waxaa loo xuub siibtaa dhaqanka isu tanaasulka. Haddii Mustafe iyo Shide garowsadaan taas oo ay uga daydaan maamulada kale ee Itoobiya ka jira sida Oromia, Amhara iyo Tigreega oo ay arrintooda maxaliga ah iyagu xalliyaan, bannaanka uga bixin is jiid jiidkooda siyaasadeed, waxaa ay noqon doonaan kuwo u madax bannaan aayahooda oo ka kora ciilkii ay boqolaalka sano ku soo noolaayeen. 2 – In ay ka aradnaadaan is bedelka ka hana qaaday Itoobiya iyo gobolka Haddii loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya Cagjar iyo Axmed Shide ku dambeeyo sida uu dhaqan Soomaaliga ahaa “Isu Tanaasul la’aan” shaki la’aan waxaa soo bixi doona wax ugu xun ee ay Soomaalida oo dhami suureysan karto. Maamulka Soomaalida waligii waxa uu ahaa mid ay hoggaamiyaan shaqsiyaad ciidan ah oo toos uga amar qaata Addis Ababa kuwaas oo tacadi badan u geysan jiray shacabka. Gunaanad. Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Gudoomiye Axmed Shide waxaa ku waajib ah in ay xeeriyaan Soomaalida nimda, u turaan shacabka guumeysiga boqolaalka sano dulleeyey oo ay ka tanaasulaan waxyaabaha yar yar ee danaha shaqsiyadeed ah, haddii kale sheekada Soomaali Galbeed waxa ay noqon doontaa jug jug meeshaada joog. W/Q: Maxamed Cumar Wardheere Jigjiga, Itoobiya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Davos (Caasimada Online) – Shir ku dhex maray Davos ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo aasaasaha madasha dhaqaalaha adduunka Professor Klaus Schwab ayaa la isku afgartay in Asdis Ababa ay marti-geliso shirka dhaqaalaha adduunka ee 2020. Sanadkii tagay ayey Itoobiya codsatay mari-gelinta shirka, laakin waxaa muuqato in sanadkan la aqbalay. Jawaabta ayaa timid kadib markii ay kulmeen Abiy iyo Klaus Schwab, waxaa ay sidoo kale labada nin ka wada hadleen arrimo khuseeyo dhaqaalaha, ganacsiga, shirkadaha gaarka ah, bulshada rayidka ah iyo isbadallada ka dhacaya caalamka. Itoobiya ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka uu aad u sareeyo kobacooda dhaqaalaha, waxa ayna marti-gelin-doontaa 2020-ka. Haddii arrintan ay dhacdo, Itoobiya ayaa taariikh cusub u dhigi doonta Afrika, ayada oo noqon doonta dalkii u horeeyay oo Afrikaan ah oo marti gelin doona Shirka dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) sanadka 2020. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  20. Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xubnood waxay 8dii bisha Janaayo 2019 madaxweyne u doorteen Cabdilaahi Maxamed Deni shanta sano ee soo socta. Wuxuu ku soo baxay doorashadii ugu tartamayaasha badnayd ee Puntland ka dhacday. Dadka ku nool Puntland ayaa inta badan u saarinayey in madaxweynahaan cusub ay dabada ka riixayeen koox siyaasiyiin ah oo isku xiran oo la yiraahdo Aran – Jaan, waana koox ka dhisan gudaha Puntland, halka qaar kalena sheegayeen inuu ka tirsan yahay ururka Damu-jadiid oo ah isbahaysi kale oo siyaasadeed oo looga adkaaday doorashadii Soomaaliya ka dhacday Febaraayo 2017. Shicibka ku nool Puntland ma jecla labadaas urur siyaasadeed, iyagoo ku suntay inay yihiin kooxo qawlaysato ah oo musuq maasuq, wax is daba marin iyo daynaysi ku caan baxay. Sida la sheegay maalinta Sabtida 26 Janaayo waxay Puntland qabanaysaa caleemo saar loo samaynayo madaxweynaha cusub, waase madal u muuqata in tahay dhoolo tus siyaasadeed, iyadoo qolyaha mucaradka ku ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ay inta badan is xijinayaan in madaxweynahaan cusub uu iyaga ka tirsan yahay xisbi ahaan. Mucaradka Dawladda Federaalku maxay ka fili karaan madaxweynaha cusub? Qofka marka uu qabto xilka ugu sareeyo gobol ama wadan, magac ahaan waa wax aad u sareeya, marka xaqiiq laga hadlo se waa dhego libaaxa qof la yiri qabo, qofka masuul u noqonaya wadan dadkiisu isku maqan yahay, sabool yihiin, qofkastoo kula shaqaynaya doonayo inaad siiso meel uu xoolo ka dhaco, xirfadda dadka shaqada dawliga ah yaqaan ee kugu hareeraysan ay ku adagtahay inay talada saxda ah ee aad u bahan tahay ka hesho, talada aad ka helaysaana noqonayso mid ku dhisan dantooda, waxa masuulkaas ku furmaya maskaxdiisa wakhti kooban wax ka bedelan wax kastoo doorashada ka hor taagnaa. Mucaradka fursadda uu madaxweynaha cusub kula geli karo dagaal uusan garanayn meel uu u socdo waa mid aad u yar. Cabdinasir Cismaan oo ah aqoonyahan bartay xiriirka caalamiga ah, ku nool Garoowe, oo aan arrintaan waxa ka waydiiyey, wuxuu sheegay in gudaha Puntland ay ka taagan ay yihiin culaysyo is fuulay. “Kala qaybsanaanta qabaa’ilka, ururada ISIS iyo Shabaab, aamin darro iyo sida looga dhur sugayo gollaha wasiiradda ayaa inta badan dadka maankooda ka guuxaya, sida uu qabaa’ilka ugu kala qanciyo gollaha wasiirada ayaana wax badan ku xirnaan doonaan inuu madaxweynaha cusub horay u wado maamulka” ayuu yiri Cabdinasir. Wuxuuna sheegay in marka laga soo tago quud daraynta mucaradka ee ay raadinayaan in qof cusub oo miisaan siyaasadeed ku leh Soomaaliya oo iyaga la fikir ahi uu soo baxay, arrintuse sidaas way ka duwan tahay oo madaxweynaha cusub uu inta badan isha ku hayo gudaha Puntland iyo qabaa’ilka, waxa ka baxsan ee ilaa heer federal ahna aysan khatar weyn ku hayn, aysanna jirin sabab uu hadda mucarad ula safto. Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Dawladda Federaalka Madaxweynaha cusub culaysyada ka haysta qabaa’ilka gudaha waxay ku yihiin madax wareer siyaasadeed, waxaa maalin kasta xafiiskiisa uu ku cusub yahay marti ku ah hogaamiyayaal qabiil, siyaasiyiin, ganacsato iyo culimo dhamaantood waxay wadaan waa fariimo madax xanuun ku ridaya madaxweynaha cusub oo lagu dalbanaya wax inta badan ay adagtahay inuu fuliyo. Marka duruufahaas la fiiriyo madaxweynaha cusub baahida ugu weyn ee uu qabaa waa inuu hagaajisto xiriirka ka dhexeeya dawladda federaalka, taasoo uu ka helayo laba faa’iido. Inta badan bulshada ku nool Puntland in dawlad Soomaaliyeed oo shaqaysa la helo waa mid ay dareen ahaan ka wada siman yihiin culimada, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyaradu, waa jiraan siyaasiyiin iyagu mucaarad ku ah, marka arrintaan la eego madaxweynaha cusubi haddii uu hagaajiyo xiriirka Dawladda Federaalka waxay ka siibaysaa irbad xanuun badan oo dhinaca shicibka uga imaan lahayd, qodobka kalena ee xiriirka dawladda muhiimka ugu yahay waa maamulkiisa curdinka ah haddii uu gallo dagaal siyaasadeed inuu noqonayo kan koowaad ee fashil ka soo gaaro. Fursad kale oo u banaan madaxweynaha cusub? Dadka Soomaalida marka hoos loo wada hadlo waxyaabaha muran ee ka dhexeeya markay noqoto dhinaca siyaasadda waxay salka ku haysaa dhowr qodob: Arrimo qabiil: qofka siyaasiyga ahi wuxuu markasta awood ka raadiyaa qabiilkiisa, mana jirto aragti uu dadka kale ee aan ku qabiilka ahayn ku kasban karo 2. Arrinta kale waa dano shisheeye: Dadka Soomaaliyeed waa sabool, wadamada lacagta haysta gaar ahaan carabtu inay saamayn ku yeelato siyaasi Soomaaliyeed ma ahan wax lala yaabo, waxayna taasi keentay hagar daamo badan, markastoo khilaaf goboleed ama mid dunida samayn kale ku leh soo baxo, siyaasiyiinta markaas mucaradka ahi waa kuwo gala jeebabka wadamadaas. 3. Fikirka diiniga ah: Fikirkaani waa mid ku xoogan wakhtigaan siyaasadda, dadku siday isugu dan noqdaan ayaana fikirkooda diintu isugu xirmaa, mana noqoto kala qaybsanaanta xagga diinta ee dhinaca siyaasadda mid ku salaysan kala duwanaansho caqiido. Marka arrimahaa la fiiriyo madaxweynaha cusub wuxuu ciyaari karaa door muhiim ah oo ku aadan inuu bilaabo xiriir toos ah oo uu xubnaha mucaradka iyo Dawladda uu ugu kala dab qaadi karo, wuxuuna xoojin karaa dawladnimada. Dadka yaqaan qof ahaan madaxweynaha cusub waxay ku tilmaamaan nin dul qaad badan, una dhabar adaygi kara inuu qabto hawshaan. Waxaa Qoray: Maxamed Xasan Maxamed Email: kayse25@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Dhibka kala haysta xirfadlayda iyo looshaqeeyeyaasha! Waxaa jira eray la yiraaho `LAKUKA` oo caan ka ah dalka Soomaaliya, waxaana eraygan laga soo gaabiyey: LA: la qabso KU: ku qabso KA: ka qabso Tusaale; ganacsade ama NGO-le ka dhex waayey qaraabadiisa qof leh xirfad uu markaasi u baahan yahay, ayaa xifadle uu ka warhelay in uu leeyahay aqoontaasi, inta uu raadiyo, shaqo siinayaa. Marka uu shaqada soo galo, ayaa waxa uu u keenayaa qof qaraabadiisa ah oo uu horay uga soo dhaadhiciyey in uu xirfadlahan ka barto xirfadda shaqada, waxa uuna ku soo leeyahay, shadaqa LAQABSO! Qofkii waxa uu soo agfariisanayaa xirfadlihii si uu shaqada uga barto, xirfadluhuna waa uu tixgelinayaa oo, waxa uu leeyahay waa qaraabada badarnoolaha. Kolka uu shaqadii kala baro ayuu maalinta dambe shaqada KU QABSANAYAA xirfadlihii! Muran iyo dhib ayaa meesha ka dhacaya, looshaqeeyuhuna hoos buu wax ka ogyahay. Marka uu muranka iyo qaylada dhexdooda ah uu bato, ayaa xirfadlahii loo yeerayaa, waxaana la leeyahay, “Adeer, buuqaan joogtada ah kama bixi karno, shaqadaana nooga dhumaysa ee fadlan iska bax!” Markaas buu, isaga oo ka muragaysan sida la yeelay oo la mooda in la leeyahay ʻdabaday`, iska baxayaa. Qofkii qaraabada ahaa sidaas ayuu meeshii KAGA QABSANAYAA shaqadii! Dadka xirfedlayda ah taasi waa wada sugeysaa. Haddii aadan ahayn qaraabada looshaqeeyaha, sidii aad uga dabaalan lahayd LAKUKA adiga ayey ku jirtaa. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com https://suldan-nayrus.blogspot.com/ Fb: facebook.com/snayruus
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Muqdisho, kaasi oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. Kulanka golaha wasiirada maanta ayaa looga hadlay burburka ciidamada Kenya ay ku hayaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo shaqooyinka kale ee horyaala xukuumadda Soomaaliya. Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee wasiirradu ay ballan qaadeen in ay fulinayaan sannadkaan 2019, waxaana golohu isku raacay in sannadkaan uu noqdo sannad shaqooyin badan la qabto isla xisaabtankana la dardar-geliyo. Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknoologiyadda XFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya. Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya. Shirka golaha ayaa ugu dambayn dood dheer looga yeeshay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah oo golaha uu usoo gudbiyay garyaqaanka guud ee dawladda.