-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)-Xafiiska xeer-ilaalinta ee Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa si toos ah u sheegay in ay jiraan hub ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo si qarsoodi ah loogu iibiyo suuqyada magaalada Muqdisho. Weapons looted from a former United Arab Emirates (UAE) military training camp are displayed during a Reuters interview in Mogadishu, Somalia April 25, 2018. REUTERS/Feisal Omar Gaashaanle Sare Cabdillaahi Buule Kamey oo ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in kiiska ugu badan ee la soo gaadhsiiyay maxkamaddu yihiin fal danbiyeeydo sida uu hadalka u dhigay lagu galo hubka ciidamada dowladda Soomaaliya Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa inta badan hubkii loogu tala galay in ay dadka iyo dalka ku difaacaan waxaa ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka, waxaa sidoo kale hubka ciidanka uu noqday mid si caadi ah loogu iibiyo suuqyada Muqdisho. “Waxaa jira kiisaska la horkeeno Maxkamadda Ciidamada intooda badan hubka dambiyada lagu galo ay yihiin hubka ciidamada qalabka sida oo leh shaabaddii iyo astaanti ciidamada, si qarsoodi ahna loogu iibiyo suuqyada sharci darada ee loo yaqaanno Cir-toogte”ayuu yidhi Gaashaanle sare Cabdillaahi Buule. Sidoo kale, maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Taliyayaasha qeybaha kala duwan ee ciidamada in ayna wax tallaabo ah ka qaadi Askarta ay xukumaan ee fal-danbiyeedyada kala duwan ka gala Shacabka, taasoo keentay wada shaqeyn xumo soo kala dhaxgasha maxkamadda iyo saraakiisha ciidamada. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa marar badan oo hore lagu eedeeyay in ayna xakameyn karin hubkeeda oo siyaabo kala duwan loogu iib-geeyo suuqyada Muqdisho iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda gaar ahaan Al-shabaab. Hadalkan Gaashaanlahan ayaa imanaya laba Toddobaad uun ka dib, markii Dawladda Qadar ay Dawladda Soomaaliya ku caawisay Tobanaan Gaadiidka gaashaaman ee Dagaalka ah, gaadiidkaasi oo toddobaad ka dibba ay Al-shabaab mid ka mid ah ku qabsatay dagaal ay la gashay Ciidammada Dawladda. Dawladda Somaliland ayaa dhowr jeer sheegtay in Hubka iyo Saanadda Ciidan ee Dawladaha Shisheeye siiyaan Dawladda Soomaaliya uu khatar ku yahay Amniga Gobolka Geeska Afrika, maaddaama oo ay Dawladda Soomaaliya awood u lahayn inay si sax ah u maamusho Hubka la siiyo. Soomaaliya waxa saaran Cunaqabatayn dhanka Hubka ah oo Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ku soo rogtay, laakiin Dawladaha Shisheeye ee Qadar ka mid tahay ayaa si qarsoodi ah iyo si toos ahba u siiya Hub iyo Saanad Ciidan. Source
-
Paul Anthony Fermosa oo ahaa madaxii shirkadda DP World ee dekadda magaalada Boosaaso ayaa lagu toogtay isla magaaladaasi. Anthony ayaa markii la dilayey ku sugnaa sida la sheegay dhul ay deganaayeen Kalluumeysato oo ay doonayeen ka shirkad ahaan in ay dhistaan, wuxuuna ku amrayey Kalluumeysatada iney halkaasi ka guuraan. Nin hubeysan ayaa la sheegay in isla goobtaasi uu ku toogtay Paul Anthony, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland. Ciidamada ayaa siodoo kale isla goobta ku qabtay ninkii dilka ka dambeeyay oo isna la sheegay iney dhaawaceen. Paul Anthony ayaa u dhashay dalka Talyaaniga, wuxuuna howshan wadan tan iyo October 2017. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo mootooyinka loo yaqaan Fekon in lagu dhex wado gudaha degmadaasi. Waxaa wareegtadan lagu sheegay in maanta wixii ka dambeeya gudaha degmada Afgooye aanay ka shaqeyn karin mootooyinkaasi. Sababaha loo mamnuucay ayaa la sheegay iney tahay arrimo amni, islamarkaana dhibaatooyin badan lagu geysto. Waxa ay tani saameysay dad badan oo ku shaqeysan jiray Mootadan, kuwaasi oo shaqo abuur u noqotay waayadan dambe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boosaaso ( SMN)-Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka madaxii shirkadda DP World ee Dekedda Boosaaso lagu dilay magaaladaasi. Ninkan oo lagu magacaabi jiray Paul Anthony Fermosa, una dhashay dalka Talyaaniga ayaa waxaa la sheegay in toogasho uu ku dilay nin iska soo dhigay Kalluumeysato. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada amigu ay isla goobta ku toogteen ninkii ka dambeeyay dilkaasi. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Interntet-ka. Afhayeenka dhanka howlgallada Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen dilkaasi, waxaana uu tilmaamay in weerarkan uu qeyb ka yahay kuwo ka dhan ah shirkadaha shisheeye ee ka howgala Soomaaliya. DP World oo ah shirkad laga leeyahay dakaImaaraadka Carabta ayaa 2017-kii la wareegtay Dekeddda Boosaaso ee gobolka Bari. The post Madaxii shirkadda DP World Ee dekedda Boosaaso Oo la dilay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Gunman shot dead the head of Dubai government-owned P&O Ports’ operations in Somalia’s semi-autonomous region of Puntland on Monday, a local government official said, and Islamist group al Shabaab claimed responsibility for the attack. Yusuf Mohamed, governor of Puntland’s Bari region told Reuters that two men disguised as fishermen had shot Paul Anthony Formosa as he was going to Bosaso port this morning. Al Shabaab said it had carried out the attack and accused Formosa of being in Somalia illegally. “We are behind the operation … we had warned him but he turned deaf ear. He was illegally in Somalia,” said spokesman for Al Shabaab’s military operations, Abdiasis Abu Musab. Source: Reuters The post GUNMEN KILL HEAD OF DUBAI-OWNED P&O PORTS’ OPERATION IN SOMALIA’S PUNTLAND appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Boosaaso)-Xarakada Al-Shabaab ayaa goor dhow sheegatay toogasho saaka ka dhacday Dekedda Boosaaso, kaasoo lagu dilay Madaxii Mashruucda DP World ee Dekedda Boosaaso. ee maamulka Puntland. Nin hubeysan oo la sheegay inuu iska dhigay Kalluumeysato ayaa toogtay Paul Anthony Fermosa oo madax ka ahaa Mashruuca Shirkadda DP World ee qaabilsan dhismaha iyo ballaadhinta Dekeda Boosaaso. Afhayeenka howl-galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay dileen ninkii madaxda ka ahaa DP World ee Dekeda Boosaaso. Waxaa uu sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay kuwo ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray Shirkadaha calooshood u shaqeystayaasha Shisheeye ee boobka iyo faragelinta ku haya Soomaaliya, isla markaana doonaya inay la wareegaan kheyraadka iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed. Ciidamada Ammaanka ayaa toogtay ninkii hubeysnaa ee geystay toogashada Madaxii Shirkadda DP World ee Dekeda Boosaaso. Source
-
(SLT-Pyongyang)-Labadan nin lagama gadhanayo madaxweyenaha Philiphine,Rodrigo Duterte iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, aad ayay ugu egyihiin muqaal ahaan iyo socodba, waxaa lagu arkay labadan nin waddooyinka magaalada Hong Kong ee dalka Shiinaha iyagoo sawirro isla galaya oo wada fadhiyo maqaaxi ku taalla halkaasi. Dadkii ku dhawaa labadan nin ayaa sheegay inay iska dhigayeen labada madaxweyne balse aysan aheyn hoggaamiyeyaasha dalalkaasi. Waxaana lagu kala magacaaba Cresencio Extrem waa ninka u eg (Duterte) iyo Howard X oo u eg hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi (Mr Kim). Source
-
New York (SMN)-War ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in 1.5 Milyan oo Soomaali ah ay haatan wajahayan cunno la’aantii ugu xumeyd , tan iyo bishii June ee sanadkii hore, kadib markii Roobkii Deyrta uusan si fiican uga di’in Soomaaliya. Hay’adda dhanka Beeraha FAO ee QM ee ayaa sheegtay in caruur gaareysa 1 Milyan oo Soomaali ah ay haatan soo food saartay nafaqo daro xoogan. Sidoo kale FAO ayaa ku baaqday in la garab istaago dadkaasi Soomaaliyeed, si loo caawiyo. Soomaaliya ayaa waxaa weli ka jira dhibaatooyin daran oo dhinaca nolosha ah, iyadoo dad badan ay ku tabaaleysan yihiin qeybo ka mid ah dalka. The post QM Oo sheegtay in gargaar ay u baahan yihiin Somali badan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa war kasoo saaray dil ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana Al SHabaab ay shaaciyeen in guutada ay ugu magacdareen Iqtiyaalaatka ay ka dambeeyeen dilka ka dhacay magaalada Boosaaso. Afhayeenka Al Shabaab ee dhanka Howlgalada Abuu Muscab ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ay ku dileen Paul anthony Fermosa oo ahaa agaasimaha shirkadda DP World ee magaalada Boosaaso. Afhayeenka ayaa sheegay in dilkaasi uu qeyb ka ahaa beegsiga ay ku hayaan kooxaha uu ugu yeeray ajaaniib calooshood u shaqeystayaal ah oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, kadib wareysi uu siiyay idaacada ku hadasha Afka Al Shabaab. Wuxuu Abuu Muscab sidoo sheegay in marar badan ay digniin u jeediyeen shirado uu sheegay inay boob ku hayaan dhulka iyo Kheyraadka Soomaaliya. Paul anthony Fermosa oo ahaa agaasimaha shirkadda DP World ee Boosaaso ayaa saaka lagu dilay magaalada Boosaaso, mana jiro wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka maamulka Puntland. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ruuxa dilay la dhigay isbitaalka magaalada, kadib markii isna ciidamada amaanka ay dhaawaceen. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
(SLT-Ankara)-Dowladda Turkiga ayaa wajahaysa cadaadis horleh oo ah inay joojiso dahabka ay ka iibsanayso dalka Venezuela, BBC-da ayaa sidaasi ogaatay. Ilo wareed ah diblomaasi sare oo reer Galbeed ah ayaa BBC-da u sheegay in Turkiga uu ka mid yahay dalalka walaaca laga qabo in xiriir ganacsi la sameyaan Venezuela. Waxaa uu intaasi ku daray in uu jiro shaki ballaaran oo ah in dahabka loo dhoofinayo Turkiga uu si toos ah u aadayo dalka Iiraan arrintaas oo ku xadgudbaysa cunaqabataynta Mareykanka. Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa taageero buuxda u fidiyay Madaxweyne Nicolás Maduro, kaas oo wajahaya xiisad siyaasadeed oo sii kordhaysa. Ganacsiga dahabka ee Venezuela iyo Turkiga ayaa sare uu sii kacaya. Sanadkii lasoo dhafay oo keli ah dalkan ku yaala Laatiin Ameerika ayaa Turkiga u dhoofiyay dahab lagu qiyaasay ilaa $900m oo doolar. Saraakiisha dowladda Mareykanka ayaa mar sii horeeysay ka dhigay in qaar ka mid dahabka la sii marsiinayo Turkiga si uu u gaaro dalka Iiraan, arrintaas oo ka hor imaaneysa cunaqabataynta Mareykanka uu saaray dalkaasi Iiraan. BBC-da ayaa loo sheegay in xukuumadda Ankara looga dhigay caqabadaha ka dhalan kara in la jebiyo xannibaadaha lasoo rogay. Maalinkii Jimcaha, Senator Marco Rubio, oo ka tirsan guddiga xiriirka dibedda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa uga digay dalalka Turkiga iyo Isutagga Imaaraadka Carabta inaysan wax kaalin ah ku yeelan dahabka sida sherci darradda ah looga soo dhoofinayo dalka Venezuela. Diyaaradaha sida gaarka loo leeyahay ee Ruushka iyo Turkiga ayaa maalmihii lasoo dhafay u safrayay caasimadda Venezuela ee Caracas, xukuumadda Ankara ayaa ku adkeysanaysa in ganacsigeeda uu yahay mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah. Mid ka mid ah diyaaradaha la arkay ee u safrayay Caracas, ayaa waxaa leh shirkadda Ciner group, oo ah shirkad weyn oo qoda macdanta oo xiriir dhaw la leh Madaxweyne Erdogan. Source
-
(SLT-Boosaaso)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in nin hubeysan uu saaka toogtay Madaxii Shirkadda DP World ee Dekeda Boosaaso. Ninka la dilay ayaa lagu magacaabaa Paul Anthony Fermosa waxaa uu hayay maamulka shirkadda ee ku howlaneyd dhisidda dekedda magaalada Boosaaso. wararka soo baxaya waxay sheegayaan in la toogtay mas’uulka. Wixii faahfaahin ah halkan ayaan idiin kuugu soo gudbin doonaa. Source
-
Afhayeenad u hadashay Xafiiska Arrimaha Dibedda ee dalka Britain ayaa xaqiijisya inay xidhiidh la sameeyeen Qoyska Ninka Britishka ee ku xidhan Muqdisho, kaasi oo lagu magacaabo Antooni Tomaas. Afhayeenadda oo la hadashay Wargeyska The Sun ee ka soo baxa magaalladda London waxay xustay inay si dhow ula socdaan xaalladiisa. Antooni Toomaas oo 48 jir ah waxaa dhawaan lagu dhaawacday Maxaabiis ka tirsan Kooxda Daacish oo ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho. Warar ayaa sheegaya in Sarkaalkaasi u dhashay Britain sababo dhinaca Ammaanka loogu soo wareejiyey Xabsi ku dhex yaalla Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen Ilo dhinaca Ammaanka. Dhinaca kale, Shirkadda SKA International ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo horey gacanta ugu haysay Garoonka Aadan Cadde ayaa xaqiijisay inuu Sarkaalkaasi horey uga tirsanaa Shaqaalahooda dhinaca Ammaanka, balse uu shaqada ka tegay bishii hore ee Janaayo 5-da, oo ku beegan 2 isbuuc ka hor inta aan Sarkaalkaasi, Antoni Tomaas lagu xirin Garoonka Aadan Cadde. Saraakiisha Hay’addaha Ammaanka ayaa sheegay inuu Ninkaasi watay qalab khatar gelin kara Deganaanshaha Guud, waxaana xilligii la qabanayey doonayey inuu raaco Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duullimaadkeedu ku sii jeeday caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba. Si kastaba ha ahaatee, ma kala cadda in Sarkaalkaas haysta dhalashadda dalalka Britain iyo Faransiiska ayaan la ogeyn in mar kale la soo maxkamadayn doono iyo in sababo dhinaca Diplomaasiyadda loo cafin doono. Source
-
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi lagu dilay Madaxii shirkada laga leeyaha Imaaraadka Carabta ee DP World. Paul Anthony Fermosa oo ahaa madaxa Shirkadda PD World iyo P&O, ayaa lagu toogtay gudaha Dekadda magaalada Boosaaso, waxaana wararku sheegayaan in uu toogtay nin hubeesan . Madaxa Shirkada DP World oo dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaal kuyaala magaalada Boosaaso ayaa markii dambe geeriyooday, waxaana la sheegay masuulkan katirsanaa Shirkada DP World in dhowr xabadood lagu dhuftay. Ciidamada ilaalada Dekadda Boosaaso ayaa dhaawacay gacantana ku dhigay ninkii ka dambeeyay dilka Paul Anthony Fermosa, walina lama oga waxa dhaliyay dilkan iyo ninka dilka geestay waxa uu ahaa. Shirkada DP World ee ka shaqeesa maamulida Dekaddaha ayaa lagu wareejiyay dekadda magaalada Boosaaso, kadib markii ay heshiis la gashay maamulka Puntland, waxa ayna dekadda ku howlaneyd balaarinta dekadda Boosaaso. Source Allbanaadir Qaran News
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saaka ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo lala eegtay masuul ka tirsan shirkadda DP World. Wararka soo baxaya ayaa isa soo taraya, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Paul Anthony Farmosa lagu dilay xafiiskiisa uu ku yaala magaalada Boosaaso, waxaana la sheegayaa in la toogtay ruuxii dilay Paul. Wararka kale ayaa sheegaya in madaxii shirkadda DP World ee dhanka ganacsiga lagu dilay agagaarka dekada magaalada Boosaaso, waxaana la ogeyn sababta arinta ka dambeysay. Shirkadda DP World ayaa muddo 30 sano ah loo saxiixay kadib heshiis dhexmaray shirkadda iyo maamulkii madaxweyne Gaas, waxaana kadib xigtay in baarlamaanka Soomaaliya ay shirkadaasi ka mamnuuceen guud ahaan dalka. Ciidamada amaanka ee Boosaaso ayaa baaritaan ka wada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana aamaha amaanka ay doonayaan inay xog dheeri ah ka helaan sida dilka uu ku dhacay. Paul, ayaa u geeriyooday dhaawac soo gaaray, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in ruuxa toogtay uu isku ekeysiiyay kaluumeysatada magaalada Boosaaso, kaasi oo ka carooday go’aan kasoo baxay Paul Anthony Farmosa. Dhaawac ayaa la sheegay dhankiisa inuu gaaray ruuxa toogashada sameeyay, waxaana socda baaritaanka hay’addaha amaanka ay ku hayaan ruuxa dilka geystay. la soco waxii kasoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Bari Caasimada@live.com
-
Waxaa magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari lagu diley madaxii shirkadda P&O oo hoostagta shirkadda DP World u qaabilsanaa dekadda magaalada Bosaas oo lagu magacaabi jirey Paul Faramosa. Dilka ayaa ka dhacay suuqa kaluunka ee magaalada Bosaaso ee loo yaqaan Neg-fish oo aan sidaa uga fogeyn dekadda kadib markii uu halkaas saakay tegey Paul Faramosa maadama uu taagnaa muran la xiriira goobtan ay kusoo xirtaan saxiimadaha kaluumaystadu. Kaluumaysatada ayaa ka cabanaysay go’aamo ay soo saartay shirkadda DP World oo ahaa inay isaga guuraan goobtan, waxayna wararku sheegayaan inuu dilkan geystay nin dhalinyaro ah oo lagu sheegay inuu ahaa wiilasha kabaha caseeya, waxaana isla goobta ninkii dilka geystay ku toogtey ciidamada amaanka ee goobta ku sugnaa. Paul oo kasoo jeeda Jasiiradda Malta ayaa ahaa madaxa DP World ee dekadda Bosaaso tan iyo Bishii Oktoobar 2017. Isku soo wada duubo Dawlada Puntland ayaan illaa iminka ka hadlin dilkan, Waxaase durba sheegatay kooxda Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Sidee u dhacay dilka madaxii dekadda Bosaaso ee shirkadda DP World? appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (SMN)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in saaka xaaladdu ay tahay mid dagan. Xiisadihii ka jiray magaaladaasi ayaa lagu soo warramayaa in la xaliyay, kadib markii ay ka wadahadleen madaxda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Madaxweynaha ismaamulkaasi Mustafe Cagjar iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide oo isku hayay dhinaca maamulka ayaa ka heshiiyay khilaaf soo kala dhexgalay. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa qalalaase xoogan ay ka taagnaayeen gudaha magaalada Jigjiga, kadib markii ay isugu soo baxeen dad dibadbaxayaal ah. The post Xaaladda magaalada Jigjiga Oo saaka dagan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 1.5 Milyan ruux oo Somalia ah ay u baahan yihiin gargaar dhaqso ah, kaddib markii ay yaraadeen roobabkii dayrta ee la filayay inay da’aan. Saraakiil ka tirsan hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa uga dhawaaqay Muqdisho shalay in cunno-yaraan ba’an ay jirto, iyagoo hay’adaha samafalka ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii loo quudin lahaa dadka ay cunno la’aantu saameynta ku yeelato. Hay’adda ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dadka ugu nugul bulshada oo ay u badan yihiin barakacayaasha in si dhaqso ah loo caawiyo si looga fo’aado in nafaqo-darro iyo cudurro baahida ka dhasha ay ku dhacaan. “Dhibaatooyinka laga baqdin qabo ayaa waxay ka dhasheen dib u dhac weyn oo ku yimid roobabkii dayrta ee la filayay inay da’aan bilihii Oktoobar iyo December ee sannadkii hore 2018-ka, saameyntii ay reebeen abaarihii ku dhuftay Somalia 2016-kii iyo 2017-kii iyo colaadao meelaha qaar ka socda,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda badbaadada cunnada ee FSNAU oo ay hawl-wadaag yihiin Hay’adda FAO. Sidoo kale, Hay’adda ayaa sheegtay in loo baahan yahay sannadkan 2019-ka inay sii socoto kaalmada bani’aadamnimo ee caalamku siiyo Somalia, si looga fogaado inay xaaladdu ka sii darto, waxaana kaalmada ka mid ah inay sii socoto gargaarka la siiyo beeraleyda, xoolo-dhaqatada iyo kalluumeysiga si ay uga faa’iideystaan xilli roobaadka soo socda ee Guga oo lagu wao inuu billowdo Abriil 2019-ka uuna socdo illaa Juun 2019-ka. Ugu dambeyn, Ma ahan digniintan middii ugu horreysay ee Hay’adaha ka shaqeeya gargaarka ay aadanaha ay bixiyaan, waxaase horay diniino la mid ah kuwan u bixiyay hay’ado kale oo samafal. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo sheegtay in Malaayiin Somali ah ay u baahan yihiin Kaalmooyin appeared first on Puntland Post.
-
London (Caasimada Online)-Xaaska hogaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa dacwad ka gudbisay hay’adda sirdoonka dalka Ingiriiska ee MI6, sida lagu sheegay warbixin warbaahinta dalkaasi ay shaacisay. Muna Cabdulle oo ah xaaska hogaamiyaha Daacish ee Soomaaiya C/qaadir Muumin, ayaa dacwadaasi ka gudbisay Hay’addaha sirdoonka dalka Ingiriiska, si magdhow looga siiyo bahdil ay sheegtay in lagu sameeyay. Muna Cabdulle, ayaa sheegtay in sirdoonka dalka Ingiriiska ay jirdileen kadib markii ay ka laabatay Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in jirdilka uu ka dambeeyay markii lagu eedeeyay inay la kulantay seygeeda. Haweeneyda ayaa dacwadda ka gudbisay hay’adda Sirdoonka ingiriiska, iyada oo sheegtay inay koronto u adeegsadeen markii ay dalkaasi ku laabatay, iyada oo loo heysto inay la kulantay hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya. Haddii ay Muna ku guuleysato dacwadda ay ka gudbisay Hay’adda sirdoonka UK waxay heli doontaa magdhow lacageed oo gaareysan Hal Miylan oo lacagta Ingiriiska ah, sida warbixinta lagu sheegay. Xaaska hogaamiyaha kooxda Daacish ayaa ku nool dalka Ingiriiska, waxaana C/qaadir Muumin oo heysta dhalashada Sweden loo diiday inuu tago dalkaasi, kadib markii la ogaaday inuu xiriir la lahaa xubno kooxda ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Balcad (SMN)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo xalay ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa u dhexeeyay ciidamo kala taabacsan guddoomiyaha Balcad iyo xoghayaha cusub ee degmadaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay illaa labo Qof, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo dhammaan ahaa dhinacyadii dagaalamay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka labada dhinac ay isku hor fadhiyaan qeybo ka mid ah magaaladaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi. The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay Balcad appeared first on Shabelle. View the full article
-
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa goordhow ka dhacay qarax. Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa. Si weyn ayaa looga maqlay maqalka qaraxaan inta badan magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Xamar-weyne gaar ahaan agagaarka xarunta dowlada Hoose ee Muqdisho. Waxaa jira khasaaro hayeeshee si rasmi ah looma oga. Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah. The post Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Hodan oo loo dhisayo qaab casri ah, taasoo ku burburtay qaraxii ka dhacay bishii Sebtembar ee sanadkii hore. Guddoomiyaha degmada Hodane Cabdixakiin Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib-u-dhismaha xarunta Degmada, isagoo ka sheekeeyey dhibaatadii dhacday bishii Sebtemar 2018, taasoo tiiraanyo gaar ah ku reebtay dadka deegaanka, Waxana uu sheegay in dib-u-howlgelinta xarunta degmada ay qeyb muhiim ah ka qaadan doonto gaar siinta adeegyadii kala duwanaa ee shacabka ku nool Hodan. Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa tilmaamay ahmiyadda ay degmada ku leedahay gobolka, gaar ahaa xaruntii adeegga, waxuuna sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu awooddiisa galinayo in Hodan ay ahaato mid xasiloon oo hormarka la qaybsata degmooyinka kale, dadka degana looga baahan yahay inay kaalintooda qaataan dib-u-dhiska. Guddoomiye Xuseen ayaa ka codsaday bulshada degmada Hodan in lala shaqeeyo maamulka iyo kan gobolka Banaadir, islamarkaasna loo midoobo sidii looga hortagi lahaa cidkasta oo cadow ku ah nabadda Caasimadda. “Xarunta degmada Hodan ee maanta aan dhagax-dhigayno waxaa burburiyey koox cadow ku ah horumarka iyo jiritaankeena, waana in meel looga soo wada jeesto wax walba oo dib-u-dhac lana doonaya, maamulka gobolka Banaadir na wuxuu diyaar u yahay idinkoo isku duuban inuu gacan idinku siiyo horumarinta degmadiina iyo sidii dib loogu soo celin lahaa kaalinteedii”. Ugu dambeyn, Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo ah. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Dhagax-dhigay Dhismaha Xarunta Degmada Hodan appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi saaka lagu dilay mas’uulkii mashruuca P&O ee shirkadda DP World u joogay magaalada Boosaaso, Paul Anthony Fermosa. Sarkaal ka tirsan hay’adaha amniga Boosaaso ayaa Puntland Post u sheegay in dilka mas’uulka uu geystay qof hubaysan oo aan weli la aqoonsan dhinaca uu ka tirsanyahy,balse isagiina isla goobta lagu dilay. Mr Paul ayaa madax ka ahaa mashruuca P&O Ports ee shirkadda DP World u qaabilsanaa dhismaha iyo ballaarinta dekedda Boosaaso. PUNTLAND POST The post Madaxii PO Ports oo Boosaaso lagu dilay appeared first on Puntland Post.
-
Garbahaarey ( SMN )-Korneyl Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ciidanka Kenya in ay wadaan dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay ku doonayaan in markale ay ku burburiyaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuuud ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Aadan Rufle ayaa tilmaamay in ay heleen xog ku aadan qorshe ciidamada Kenya ay ku burburinayaan xarumo hor leh oo ay leedahay shirkaddaasi. Waxaana uu ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay ka war heyso, kana hortagto dhibaatooyinkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-ismaaciil.mp3 The post Kenya Oo weli burburin ku heyso xarumaha Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article