- 
				
Content Count
213,415 - 
				
Joined
 - 
				
Last visited
 - 
				
Days Won
13 
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
- 
	Waxa uu yidhi ruug cadaagii mu-alifkii abwaankii weynaa ee XASAN X. CABILLAHI XASAN GENAY. “Anigoo Heeganka ku qoran xarunta ciidanka ee MIISKA SARAAKIISHA ee magaalada Hargeysa ayaa waxa xeradii soo gashay gabadh waxana ay la istaagtay nin ka mida ciidanka meesha ku sugnaa oo ay wada hadal bilaabeen iyagoo hadal kii wada ayaa uu ninkii mar kaliya bahal dhibaxo ah kaga soo gooyey inantii mise haddana ku dhuftay mid kale qof walbaaba yaab la joojiyey wixii uu gacanta ku hayey, sarkaal aan meesha ka fogeyn ayaa kusoo dhaqaaqay oo askarigii dhibaaxo ku bilaabay. Intaa ka dib inantii oo ooyaysa ayaa ninkii isku duubtay oo tidhi “Alla walaal ka daa tiisu waxba ima yeelaysee”. Wuxuu yidhi XASAN Ganey “aadbaan ula yaabay arinkaa gabadha iyo askariga dhexmartay iyo inta uu leegyahay iyo halka uu ninku ka joogo maadaama uu dhibaaxo la dhacay meel la wadda arkaayo iyadoo gabadh soomaaliyeeda iyo sida ay iyadu boholyowga , kalgacalkeedu yahay iyadoo uu u quudhay inuu ku dhirbaaxo dad hortii ku dhufto haddana iyadu way ka xanuunsatay oo ay ka damqatay dhirbaaxada isaga la gu dhuftay”. Taasina waxay abwaanka isla goobtii kusoo dedejisay maankiisii miida malabka suugaantu kasoo dhibiq-tifi jirtey maansada nuuxnuuxsi oo ka hadlaysa qofka wax jeceli inuu marwalba daranyahay haduu ka kale necebyahay xataa. Qofkaasina aanu nacas ahayn lkn uu la darsey wax awoodiisa ka weyn oo aanu xukumi karin oo ah boholyow caashaqa oo wax aanu qofku iska yeelyeelin. Nafta jecel qofkii neceb Nolosheeda kama talin Ogow nacasna maahee Halka uu naxligu galo Hadduu nabarka caashaqu Ku nagaado oo dego Nudaygana uu ka hantiyo Niyaddaa mid kaliyoo Ma taqaan noqnoqoshee Anna adoo nitaakh iyo Nuuxnuuxsi mooyee Iga jaray naruurada Waxaan kuugu nabanahay Qalbigaad nuglaysiyo Wadnahaa i naafo ah Nafta jecel qofkow nixin Naaneys xumaantiyo Neef diidka aragtaye Waxay nabadda ula tahay Kol hadday ku noogaan Kuwa xumaha naadshaa Xiskuna kaa nayaayiro Niyaddaa mid kaliyoo Ma taqaan noqnoqoshee Anna adoo nitaakh iyo Nuuxnuuxsi mooyee Iga jaray naruurada Waxaan kuugu nabanahay Qalbigaad nuglaysiyo Wadnahaa i naafo ah Xuquuqda qoraalku waxay u reeban tahay qoraaga W/Q Cabdi Cawiye Phone 063-411577 Facebook Cabdi Caawiye Ismail GUNTI-GAAB Source
 - 
	Faanka iyo alalagta hoosta ka qalaalan, wax aan sal iyo raad lahayn, oo aanay sakaaro ka biirsan buun-buunin-teedda, janaan idin gelinayaa, iyo beelo baa inoo wadda Somaliya, durbaan-beenaad ummadda loo garaaco, siddii wakhtiggii Af-weyne ee gola-yaasha dad-weynaha, khudbadaha dhalan-teedka ah looga akhriyi jirey, guubaabadii ma jaro habaabinta ahayd ee la odhan ku heesta bulshooy ” Hugunku-waa-hugunku waa hayaankii bulshadad cusub” iyo wax ka sii daran lagu maaweelin jirey baa taagan, oo ah aabahood ( Waa af-weyne’e) ay askar-tani ka dhaxashay, (IHN) waa kuu uu lahaa Abwaan Qasim ” Markii taladda habar saar leh iyo sebiyo loo dhiibay, baa saanca-daaliyo nin raggi, sibiq-dhaqaaqeene, waa wadda socdaaleen, raggii soocanka ahaaye. naagaha surwaalka lihi masharad, ha u safnaa-deene, sabaaladda ha moodeen, in loo sahanshay meel roone.”. Waxan uga socdaa dadkii dalkan u soo dhintay-na debedda bay ka joogaan, dumar, duul aan meela u soo marin iyo laba askari oo khiyaali ku nool, baa meesha ka sacab tumaaya, meel kastana albaabadda baa loo xidhay, meel habeenkaa caawa ah, dalkii ka sii qiiqaysaa ma jirto gude iyo debed-ba, Handaraabka baa loo jiiday. (a) Idaacaddii qaranka ( Hadeer ah idaacadda Xafadeed), Laba bilood dabadeed, markii xukunka ay af-duubeen askartu, ee Cabdiraxmaan ( Hablo Caaye) Wasiirka war-faafinta iyo dhanka loo maqaar saaray, buu hantiddii ay ku shaqay-naysay uu is daba mariyey, way fadhidaa ilaa hadda, mana jiro shaqaale, mushahar-koodiina C/raxmaan baa jeebka bil walba ku shubta, mamnuucaysa xoriyatul-qawlka, ilayn quraaradda buu la caqli yahaye. (b) Jariira-dahii dalka ka soo bixi jirey sidda Foore, handraabka baa lagu dhejiyey, calaa-shaan wax bay naga sheegtay, oo way na kashiftay. (c) Ma jirto Lacag Somaliland leedahay oo dalka gudihiisa laga isticmaalaa, siddii aynu nahay degmo Maraykanka ka mid ah, baa doolar-koodda dalka lagu sii sabaa, wax meel u yaala ummadda saboolka ah haba sheegin. Kii aan ku xidhnayn debedda ee aan laga soo caawin aabihii goblan. Handaraab baa lagu yuururiyey Lacagtii Somaliland, ee (IHN) uu inoo sameeyey Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal, si aanay u ceeshin inta aan ku ab-tirsanin askariga meesha ka calan-wa-laynayaa. (c) Waxa iyana laga qufulay meheradihii ay ku meermeera-yeen ganacsatadii yar-yaarayd, oo malaayiin baa albaabadu u xidhmeen, markii ay wax waliba cirka isku shareereen, ee cidi u soo geli wayday,ilayn ma goyn karaane, wixii yaraa ee meesha yaalay-na, ay in gaar ahi jeebka ku shubatay. (d) Wasaaradda Arimaha debedda ay ku sheegaan, iyana waa fadhiid, aduunka way ka handaraaban tahay, safaradaha wixii ay odhan jireen, meesha way ka baxeen, oo way soo xidhmeen, wax kale daayo kiraddii bay iska bixin kari la’yihiin, oo qaar ilaa hadda loo haystaa kuwii yidhaahaan safiiro, waxana lagu amray in ay gurya-hoodda ku shaqeeyaan, ilayn kharash looma hayoo waa maamul kacaye. Soo ururi oo akhristaw, ugu dambayn, waa kuwii iyaku kala hadlaayey, ee mar ay wax qirtaan iyo mar ay hadana dafiraan noqday, oo yidhaahaan sidaa umaanu jeedin, markay meel ay ka baxaan waayeen, ee ay jiho kastaa daaha soo rogatay, shilin la soo furan waayey, caalamkii yidhi, kuma kalsoonin sidda aad wax u maamushaan, ee Somaliya baan idiin soo mari-naynaa. Badhisaab mareexaan ee muqdiso ( waa farmaajo’e iyo ka murursade ee ay yidhaahaan waa ra’isal wasaare), baa meel walba naga soo xidhay, waa kuwii shirarka ka akhriyaayey askarigu, markay laantuu qabsa-daaba ay la jabtay. Waxa xaal-koodu imika ku sugan yahay, heestii ay wadda qaydi jireen( Ilaah ha u naxariisto’e Xasan diiriye iyo sahra ahmed, taas oo ay ereya-deedda ka mid ahaayeen ” Bad baan galay iyo Baaxad sooroo waa aniga is boobe” iyo (IHN) tii salaad derbi ee iyaduna ahayd ” Mayey xoog-laa I muquurshoo, mijihii baan meel la waayee”. waxan ku soo duuduubay qoraalkan, Ha ka saarto cuqdadda boga iyo beerka googoysay, waa cudur aan aduunka dawadiisa lagu hayne, Hadeer bay la dhalan-doolayaan yaa idinka maareeya, kolkii ay adhaxdda kala jebiyeen Somaliland. N.B Mayey Xoog-Laa I Muquurshoo, Mijihii Baan Meel La Waayee! Qore:- Abdi-Shotaly. ashotaly5@gmail.com Source
 - 
	Somalia has denied allegations of auctioning off neighboring Kenya’s oil and gas blocks amidst a simmering diplomatic tiff between the two countries. The denial comes barely a day after Kenya summoned its ambassador to Somalia while expelling the Somalia envoy. In a statement issued on Sunday following a meeting chaired by President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo, Somalia regretted that Kenya expelled the ambassador without consulting it. Somalia’s response was to Kenya’s communication on February 8 on maritime zones presented at the Somalia Oil and Gas Conference on February 7 in London. The horn of Africa nation on Sunday denied that the maps were illegal. “The maps in question depict Somalia’s claimed maritime zones and are entirely consistent with Somalia’s long-standing position, including its claim in the maritime delimitation case with Kenya, currently before the International Court of Justice,” reads a statement from Somalia’s Foreign Affairs ministry. The ministry noted that its position reflected its duty to protect its “sovereignty, political independence, territorial integrity and unity”. Regarding allegations that its auctioned oil and gas blocks in Kenya’s maritime territorial area that borders it, the Somalia ministry said it was not doing so and that it did not have any such plans. “Somalia is not now offering, not does it have any plans to offer, any blocks in the disputed maritime area until the parties’ boundary is decided by the ICJ,” the statement said. Somalia promised Kenya that it will not engage in any activities in the areas under dispute until the ICJ delivers its judgment. And even when it does, the ministry said, “Somalia will fully respect the decision and comply”. Regarding the two countries’ people, Somalia noted that they are “indissolubly interconnected” and that they share strong cultural and historial ties, ties which it said it did not want broken. Somalia, troubled by instability and the activities by terror group Al-Shabaab, said it will continue to cooperate with its neighbours in addressing their problems and those the region is facing. SOURCE: CGTN AFRICA
 - 
	Wasaaradda Waxbarashada & Hay’adda Qurbajoogga oo si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha dugsi hoose/dhexe Jaalliyadda Somaliland ee Maraykanku maalgelinayaan Wasaaradda Waxbarashada & Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha dugsi hoose/dhexe sideed fasal ah oo Jaalliyadda Somaliland ee dalka Maraykanku soo maalgelinayaan dhismihiisa deegaanka loo yaqaanno Oromada ee Galbeedka Hargeysa. Munaasibadda dhagax dhigga oo lagu qabtay isla goobta laga dhisi doono dugsigaas ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska, Mudane Maxamed Daahir Axmed Furreh, Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar), Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodijeex, Mudane Xuseen Cabdi (Xuseen-Dheere), Agaasimaha Kormeerka Guud ee Waxbarashada, Mudane Xasan Cabdillaahi Rooble (Xasan Qaxar), Madaxa Tirakoobka Waxbarashada, Marwo Ubax Maxamed Ducaale, iyo saraakiil kale oo ka kala socday Wasaaradaha Waxbarashada iyo Arrimaha Debadda, Xubno ka mid ah Gudida Bulshada Deegaankaas, xubno ka mid ah Qurbajoogga Jaalliyadaha Somaliland ee dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Imaaraatka ee dalkooda ku soo noqday, boqolaal ka mid ah carruurta ayniga dugsiga gaadhay ee aan badankoodu waxbarasho ku haysan immika deegaankooda, macalimiin, madhax-dhaqameed, haween iyo marti sharaf kale oo badan oo bulshada deegaanka ka tirsan. Waxa ugu horrayn ka hadlay xafladda dhagax dhiga Guddoomiyaha Bulshada deegaankaas Mudane Maxamed Xasan iyo Kosaar Cabdi Cadduur oo ka mid ahaa gudida bulshada kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda bulshada gaar ahaan la’aanta adeegyada bulshada ee aas’aasiga ah ee waxbarasho dhamaystiran iyo gargaarka caafimaadku ugu horreeyaan oo aanay bulshadoodu labada haysan oo deegaan ballaadhan oo illaa 500 qoys ku dhaqan yihiin. Xubnaha gudida ayaa dhinaca kale uga mahad celiyay Qurbajoogga Somaliland ee dalka Maraykanka ee ka damqaday baahidooda, kana aqbalay codsiga ay u gudbiyeen ee ah in loo dhiso dugsi hoose/dhexe ku filan carruurta deegaanka oo dabooli kara baahidooda xagga waxbarashada aas’aasiga ah ee marxaladda hoose/dhexe. Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL, Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi ayaa oo ka hadlay xafladda dhagax dhigga ayaa ugu horrayn uga mahad celiyay bulshada deegaanka ee gartay nay ilaashadaan dhulkooda danta guud, go’aansadaanna in looga dhiso dugsi waxbarasho ubadkoodu waxku bartaan, mahadnaq iyo bogaadinna u gudbiyay gudiyada, ururada iyo xubnaha bulshada jaalliyadda Somaliland ee ka aqbalay Hay’adda Qurbajoogga inay soo fuliyaan waxqabadkan oo uu ku tilmaamay inay wax uga qabanayaan si hee qaan ah oo gudiyada iyo xubnaha firfircoon ee u guntaday waxqabad yihiin dad ka soo kala jeeda gobollada Somaliland kuna midaysan magaca Somaliland iyo waxtarka danta umadooda Somaliland. “Waxa aan u mahad celinayaa Jaalliyadda Somaliland ee Maraykanka ee kadib codsigaas nooga yimi bulshada deegaanka ee aan u gudbinnay naga aqbalay inay dugsigan soo dhisaan, waan ku bogaadinayaa, waxanan ku dhiirrigelinayaa inay ka dhabeeyaan ballanqaas ay bulshada u qaadeen ee lagu dhagax dhiga dugsigan maanta, waana mid tusaale fiican u noqonaysa sidaas heerka qaran ah ee ay usoo maalgelinayaan mashruucaas inay jaalliyadaha kalena kaga daydaan. Ka sokow maalgashiga ay dalka ka gaystaan, waxa kale oo aan ugu mahad celinayaa qurbajoog badan taageerada iyo doorka ay qaateen adeegyo waxbarasho iyo baahiyo aas’aasi ah heerkasta iyo qaabkasta oo iskaashigoodu ku yimiba, waxanan doonaynaa inaan sii kordhinno oo fulinno Mashruuca Qurbajoog Waxqabad Qaran oo ugu yaraan hal baahi gobol walba lixda gobol ee waaweyn ee dalka Jaalliyaddu soo qabtaan, waxyarba ha noqdee. Waxa aannu u qorshaynay baahiyo kala duwan oo adeegyada bulshada ah oo lixda gobolka ka jira jaalliyadaha Somaliland ee wadamo kala duwan inay sannadkan waxka soo qabtaan,” ayaa ka mid ahaa hadalkii Guddoomiyaha. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska, Mudane Maxamed Daahir Axmed Furreh oo ugu horrayn uga mahad celiyay Jaalliyadda Somalialnd ee dalka Maraykanka taageeradooda waxqabad ee dhismaha dugsigan la dhagax dhigay, isla markaana hadallo guubaabo iyo dhirrigelin ah usoo jeediyay guud ahaan Qurbajoogga Somaliland isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in Qurbajooggu iskaashadaan oo dhaqaale isku daraan si ay maalgashiyo buuran dalka ugu sameeyaan, shaqo abuurna bulshada ugu sameeyaan, sidoo kalena, kordhiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta adeegyada bulshada ee aas’aasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha oo ah qaabka ay Qurbajoog wadamo badani uga qaybgalaan dhsmaha iyo horumarka dalkooda ayuu yidhi. Guddoomiyaha Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska ee Gobolka Maroodijex, Mudane Xuseen Dheere ayaa isaguna khudbad guubaabo, dhiirrigelin iyo canaanba isugu jirta u jeediyay bulshada deegaanka isagoo u sheegay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka inay iyaga masuuliyadda koowaad ee waxbarashada ubadkoodu saarantahay oo looga baahan yahay inaanay ka daalin inay u hadlaan oo albaab walba u garaacaan sidii ay uga bixi lahaaayeen baahiyaha xagga waxbarashada. Sida Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajooggu ka akhriyay xafladdan dhagax dhigga dhismaha dugsiga, waxa soo maalgelinaya mashruucan bulshooyinka Jaalliyadda Somaliland ee gobollada dalka Maraykanka kuwaasoo uu Guddoomiye Dayaxweerar tilmaamay in xubnaha, gudiyada iyo/ama ururada Qurbajoogga ee hormoodka u ah dhaqaale ururintaas sidan hoos ku sheegan:- Diaspora Community Organization Focal Points Somaliland Community of Greater Washington DC Jamal Yuusuf Daroor (Chairperson) Samia Abdulle Walanwal Kaltun Hussein Essa Fuaad Hassan Fahiima Aar Somaliland Community of Minnesota Ismail Jama Ahmed, Sandheere (Chairperson) Mustafe Nour Saeed Abdirahman Adam Abwaan Abdiqani Haji October North America Somali Women Association (NASWA) Anab Mohamud Ali (Chairperson) Press Statement Issued by Somaliland Diaspora Agency, Hargeisa, Republic of Somaliland Qaran News
 - 
	Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo 2019, waxay caddeyneysaa: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda kunsalaysnan ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks) ah oo la xaraashay. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda. Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda. The post Dowlada soomaaliya oo war ka soo saartay go’aankii Kenya appeared first on Puntland Post.
 - 
	Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal rasmi ah, oo ay uga jawaabeyso go’aankii dowladda Kenya, kaasi oo loogu talo-galay shacabka iyo warbaahinta. Qoraal goor-dhow ay baahisay warbaahinta, oo ay Caasimada Online ku jirto, islamarkaana kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda, ayaa la sheegay inuu ahaa qoraal loogu talo-galay dowladda Kenya oo kaliya, balse ay dusisay. Hoos ka aqriso qoraalka cusub ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya. WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo 2019, waxay caddeyneysaa: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda kunsalaysnan ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks) ah oo la xaraashay. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda. Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda. Dhammaad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
 - 
	Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo 2019, waxay caddeyneysaa: 1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 2. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda kunsalaysnan ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab. 3. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks) ah oo la xaraashay. 4. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda. 5. Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda. 6. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya. 7. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda. The post DF Soomaaliya oo ka jawaabtay hadalkii ka soo baxay Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
 - 
	(SLT-Rita’s) Raysal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadaer) oo ay wehliyaan wasiirrada maaliyadda iyo xannaanada xoolaha ayaa dalka Sucuudiga kula kulmay wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sucuudiga, Eng. Abdulrahman bin Abdulmohsen Al-Fadley. Kulanka ay yeesheen wadfiga uu hoggaaminayo Raysal Wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sucuudiga ayaa looga hadlay qorshaha xoolaha Soomaaliya loogu iib-gaynayo suuqyada dalka Sucuudiga. Raysal Wasaar ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadaer), iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray dalka Sucuudi Carabiya oo kamid ah dalalka xariirka walaaltinnimo ee soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya. Source
 - 
	(SLT-Nairobi) Xoghaya Joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay inaysan dowladda Kenya dalkeeda ka eryin safiirkii Soomaaliya Maxamud Ahmed Nuur (Tarsan) isagoo sixitaan ku sameeyay sida tallaabadii Kenya Warbaahinta u bahisay. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Danjire Macharia Kamau oo ahaa masuulkii u yeeray Danjire Tarsan ku sheegay inaysan u yeereen safiirkooda Muqdisho, isla markaana aysan eryin Safiirkii Somalia, wuxuuna yidhi: &Waxaan safiirkeena ugu yeernay la-tashi, waxaanan Safiirkooda weydiisanay inuu tago si ay dhinacooda wadahadal u yeeshaan, si aan u xalinno arrintan oo warbixinno cad oo sax ah labada dhinac u helaan.. Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa sidoo kale sheegay inaysan Kenya ku faraxsaneyn sida dowladda Somalia u iib geystay xuduudka Badda Kenya ay leedahay, sida uu yiri. Waxaa muuqata isbedel weyn oo Kenya ku yimid ku dhowaad 24 saacadood markii uu soo baxay go’aankeedii la yaabka lahaa ee ay dowladda Somalia ugu yeeray caddow ay leedahay. Source
 - 
	Xilwareejin, Wasaaradda Caafimaadka Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa maanta xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub Jaamac Faarax Xasan. Xil wareejinta oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddi Madaxweyne Deni magacaabay, Agaasimayaasha Wasaaradda iyo shaqaalaha xarunta dhexe ayaa Wasiir Cuuke ku wareejiyay Wasiirka cusub lacag deyn ah oo ka maqan qaar kamid shaqaalaha. Wasiirkii hore ee Caafimaadka Puntland Cabdinasir Cismaan Cuuke ayaa sheegay in lacag dhan 2.1 milyan doolar oo mushaar ah ka maqan yahay 785 shaqaale oo mushaari ka ah dowladda, sidoo kale Cuuke ayaa sheegay in khasnadda Wasaaradda ay ku jirto lacag mushaar ah oo dhan $781,045.08 iyo Sh. So. 117,847,000. Cabdinaasir Cuuke ayaa faahfaahin dheer ka xibin, sababta lacagta intaas le’eg ay uga maqan tahay qaar kamid ah shaqaalihii Wasaaradiisa. Qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa warbaahinta PUNTLAND POST, u sheegay in mushaar dowladeed ay ugu dambeysay bishii labaad ee sanadkii 2016. Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaa kaba hay’addo ay kamid yihiin UNICEF, Save The Children, World Vision iyo GIZ, kuwaas oo si joogto ah u siiya mushaarooyin. Cabdinasir Cismaan Cuuke ayaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland Wasiir ka ahaa muddo 4 sano ah. PUNTLAND POST The post Wasiirkii hore Caafimaadka Puntland oo deyn wareejiyay appeared first on Puntland Post.
 - 
	Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay go’aankii ay Kenya ugu yeertay safiirkeeda Soomaaliya, islamarkaana Muqdisho ugu soo dirtay safiirkii Soomaaliya ee dalka Kenya. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo loo diray Kenya, ayaa lagu sheegay inuusan jirin dhul ay leedahay Kenya oo shidaalka ku jiray ay xirmooyinkiisa xaraashtay dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay caddeysay in dhul-badeedka ay ku yaalaan xirmooyinka shidaal ee lagu soo bandhigay London uu yahay dhul-badeedka Soomaaliya, uuna waafaqsan yahay mowqifka Soomaaliya ay ku dheggan tahay muddada fog, ayna ku jirto sheegashada Soomaaliya ee ku cad kiiska badda ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda. Dowladda Soomaaliya waxa ay sidoo kale sheegtay in aagagga ay ku yaalaan xirmooyinka shidaal ee ay yaboohday ay waafaqsan yihiin go’aanada maxkamadda ICJ, islamarkaana aysan iib-geyn wax xirmooyin shidaal ah oo ku yaalla dhul-badeedka lagu muransan yahay. Soomaaliya waxay ay sheegtay in Kenya u xaqiijineyso inaysan qaadan doonin go’aan hal dhinac ah, oo ay dhaq-dhaqaaqyo uga sameeyneyso dhul-badeedka lagu mursan yahay ka hor inta maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee iCJ ay go’aan ka gaareyso kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Soomaaliya waxa ay sidoo kale sheegtay in Kenya ay u xaqiijineyso in marka ICJ ay gaarto go’aankeeda ay ixtiraami doonto una hoggaansami doonto. Soomaaliya waxa ay sheegtay inay ka xun tahay go’aanka ay dowladda Kenya ugu amartay safiirka Soomaaliya inuu ka baxo dalkeeda, ayada oo aan wax wada-tashi ah kala yeelan dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay inay ka go’an tahay in Kenya kala shaqeyso sidii wax looga qaban lahaa arrimaha ay wada wajahayaan labada dal. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
 - 
	
	
				Mucaaradka Kenya oo ka hadlay xiisada kala dhaxeysa Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Nairobi (SMN) – Musalia Mudavadi, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ANC ee dalka Kenya ayaa ka hadlay xiisada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo wadankaasi. Mudavadi, oo horey u soo noqday madaxwayne ku xigeenka Kenya ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay soo farageliyaan khilaafka. Waxa uu sheegay in hadii aanan si deg deg ah xal looga gaarin ay ka dhalan karto dhibaatooyin, sida uu hadalka udhigay. Xiisada diblumaasiyadeed oo cirka isku sii shareeraysaysa ayaa timid markii Kenya ay ku amartay danjiraha Somalia inuu dalkeeda isaga baxo. Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u soo bandhigtay caalamka shidaal ku jira dhul badeed ay ku muransan yihiin labada dowladood. Labada dal ee dariska ah ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir ganacsi oo qoto dheer, iyada oo aanan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto arrintani. Madaxda dowlada Soomaaliya illaa iyo haatan kama aysan hadlin arrintaan, inkasta oo la filayo in saacadaha soo socda ay war kasoo saaraan. The post Mucaaradka Kenya oo ka hadlay xiisada kala dhaxeysa Somalia appeared first on Shabelle. View the full article - 
	Nairobi (PP) ─ Xog-hayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay inaysan Dowladda Kenya dalkeeda ka cayrin danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Maxamud Ahmed Nuur (Tarsan), isagoo wararka ay warbaahintu baahisay ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah. Macharia Kamau, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay inaysan u yeereen safiirkooda Muqdisho, isla markaana aysan eryin safiirkii Soomaaliya, isagoo xusay in tan ay tahay mid uu ku saxayo wararkii saxaafaddu ay baahisay. “Waxaan safiirkeena ugu yeernay la-tashi, waxaan safiirka Soomaaliya isna weydiisanay inuu tago dalkiisa si ay dhinacooda wada-hadal u yeeshaan, isla markaana aan u xallino khilaafka u dhexeeya labada dhinac,” ayuu Danjirhu ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Sidoo kale, Xog-hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa intaas ku darya inaysan Kenya ku faraxsanayn sida Dowladda Soomaaliya u iib-geysay xuduudka Badda Kenya ay leedahay, taasoo uu sheegay in weli dhulkaas uu muran ka taagan yahay. “Kaydadka Shidaalku ku jiro ee ay beec-gaysay Dowladda Soomaaliua, gaar ahaan kuwa xuduud badeedka labada dal ku yaalla waa kuwo weli lagu muransan yahay, illaa dacwadoodu ay dhinac u dhacdana ma jirto dowlad isku dayi karta inay ka faa’iideysato khayraadka ku jira,” ayuu mar kale yiri Danjire Macharia Kamau. Dhanka kale, Hadalka kasoo yeeray Xog-hayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa kusoo beegmaya iyadoo Muqdisho uu dib ugu soo laabtay saakay danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka dowladda Kenya kasoo yeeray ee dhaliyay khilaaf siyaasadeedka soo dhex-galay labada waddan, kaasoo si aad ah loo hadal-hayo. PUNTLAND POST The post Kenya oo war cusub ka soo saartay qaabkii lagu soo eryay Danjiraha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
 - 
	(SLT-Muqdisho)-Dawladda Soomaaliya ayaa goor dhowayd jawaab ka bixisay tallaabadii ay shalay qaadday dawladda Kenya ee ay kula soo laabatay safiirkeeda Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in khariiradaha ay sheegtay dawladda Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamadammada caalamiga ah ee Adudunka ee Hague. Waxay sheegtay Soomaaliya in mowqiifkaasi uu ka turjumanayo mas’uuliyadda saaran dawladda Soomaaliya ee ay ku ilaalinayso midnimada iyo madaxbannaaniddeeda siyaaso iyo dhuleed. Soomaaliya waxay sheegtay inay aad uga xuntahay waxa ay Kenya ku sheegtay inay Soomaaliya bixinayso xidhmooyin bad ay lahaan karto Kenya. Waxay sheegtay inaysan qandaraas ku bixin xidhmooyin, qorshahana ugu jirin inay ku bixiso wax xidhmooyin ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaadhayso. Soomaaliya waxay sheegtay inay u ballanqaadayso Kenya inaysan ku kicin falal dhinac keliya ah oo ku saabsan degaanka lagu muransan yahay ilaa maxkamaddu go’aan ka gaadho. Soomaaliya waxay sheegtay in markii maxkamaddu go’aankaas gaadho inay ixtiraami doonto go’aanka maxkamadda. Soomaaliya waxay sheegtay inay aad uga xuntahay go’aanka ay Kenya ku amartay safiirkii Soomaaliya Kenya inuu ka baxo Kenya iyadoo aan wax la tashi ah la samaynin dalwadda Soomaaliya. Source
 - 
	Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
 - 
	Goor sii horeysay oo maanta ah Caasimada Online waxay qortay war ku saabsanaa in hanti-dhowrka uu xiray xafiiska maaliyadda hay’adda NISA, islamarkaana baaritaan lagu billaabay. Qoraalkaasi waxaa ku jiray in qaar ka mid ah shaqaalaha NISA ay mushahar qaadan muddo 3 bilood ah, lacagtooadana laga soo qaaday bankiga dhexe balse aan la siin. Baaritaan dheeri ah, oo aan sameynay kadib wax caddeyn ah waan u weynay in shaqaalaha NISA aysan qaadan mushahar iyo in lacago lagu lunsaday midna. Warka aan sii daynay waxaa nala wadaagay ilo-wareedyo aan muddo ku kalsooneyn, waxaase cad inuu ahaa qalad. Waan ka cudur-daaranaynaa qaladkaas dhacay, waana ka raali-gelineynaa hay’adda NISA.
 - 
	Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay xiisadda cusub ee Soomaaliya iyo Kenya iyo waxa uu ka yaqaan Macharia Kamau oo ah ninka soo cayriyey Tarsan. Macharia Kamau waa xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, balse waxa uu horey u ahaa wakiilka Kenya ee QM, sida uu sheegay Yuusuf Garaad. Yuusuf Garaad ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in khilaafka labada dal uu ku dhammaan doono is afgarad, uuna rajeynayo in uu dhakhso u soo laabto “xiriirka derisnimo iyo iskaashi ee labada bulsho ee walaalaha ah, sinnabana aan u kala maarmin.” Hoos ka aqri qoraalkiisa oo dhameystiran Danjire Macharia Kamau oo shalay u sheegay Danjiraha Soomaaliya ee Nairobi, Maxamuud Axmed Nuur, in uu ku laabto Muqdisho, waa Danjirihii Kenya u fadhiyay xarunta Qarammada Midoobay ee New York markii aan anigu matalayay Soomaaliya. Markii aan ku booqday Xafiiskiisa Xarunta Ergada Kenya ee Qarammada Midoobay wuxuu ii muujiyay saaxiibtinnimo, wuxuuna ii ballan qaaday in uu gacan igu siiyo howlaheyga. Waxaa iigu dambeysay xafladdii New York ee xornimada Kenya ee 2016. Sawirka waxaa ka muuqda Danjirayaashii Qarammada Midoobay xilligaas ku matalayay, ka billow Midig: Sweden, Soomaaliya, Ireland, Kenya iyo Mareykanka. Waxaan ku kalsoon ahay in khilaafka labada dal uu ku dhammaan doono is afgarad. Waxaan rajeynayaa in uu dhakhso u soo laabto xiriirka derisnimo iyo iskaashi ee labada bulsho ee walaalaha ah, sinnabana aan u kala maarmin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
 - 
	(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo ah xoghayaha arimaha gudaha ee xisbiga UCID ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay lacago cashuuro ah oo shirkada Dp World ku kordhisay ganacsatada dekadda Berbera wax kala soo degta waxaana uu arrintaasi ku tilmaamay mid aan marnaba la aqbali Karin, Halkan hoose ka DAAWO Source
 - 
	The government of Somalia has disowned a statement suggesting it has declared all Kenyans within its boundaries persona non grata. While responding to inquiries regarding the viral communication, Directorate of Communications, Office of the President in Federal Republic of Somalia termed the message as fake. The statement comes with that backdrop of a diplomatic tiff pitting Kenya and Somalia. This is after it emerged that Somalia auctioned off several gas and oil block in the Indian Ocean to the UK on Thursday, February 7. The development saw the government send away Somalia Ambassador to Kenya Mohammed Muhamud Nur. The government also recalled its Ambassador to Mogadishu Lucas Tumbo for consultation on the matter. The post Somalia denies ordering Kenyans out of country appeared first on Shabelle. View the full article
 
