-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gogaldhig. Haddii aynu nahay soomaali, waxa aynu dhaqan u leenahay in aynu la ashqaraarno madaxada xilliga ay cusubyihiin. Kolka uu xilkoodu dhamaanayana aynu hiif iyo haaraan u gunudno. Waxaa kale oo aynu caan ku nahay isticmaalka kafadaha daloola iyo miisaanka janjeera, kolka aynu cabirayno cid aynu nacebnahay. Madaxwayne Gaas waxba ugama duwana madaxda soomaamiyeed ee dhibanaha u ah labadaan fal-celis iyo cabirka hal-beega foorara. Haddii aynu rabno in aynu cid miisaan saarno waa in aynu marka hore ka xorownaa caadifadda jacaylka iyo nacaybaka iyo hal-beega miisaanka dalabta leh. Marka aynu ka xorowna caadifaddeena, waxaa lagama maarmaana in aynu tusaale ka dhigano qaacidada; A JARXU WA TACDIIL ( dhaawicidda iyo u caddaalad falka) oo ah cilmi ragga lagu miisaamo, oo ay culimada xadiisku dajiyeen kun sano ka hor. DOORKII DALDHISIDDA IYO HALKUDHAGGII ISKU TASHI Madaxwayne gaas waxa uu xilka la wareegey kolkii uu ku guulaystey doorosho ay xasarado badani ku xeernaayeen bilowgeedii, dhiigna ku daatay aakhirkeedii. Si kastaba ha ahaatee, sanadkii koobaad waxa uu qorsheeyey afar reform oo lagu samatabixinayey hay’adaha dawladda, uuna ugu muhiimsanaa kii shaqaalahu, oo noqday in markii ugu horaysey merit lagu xulo shaqaalaha dawladda. Waxa uu madaxwaynuhu hindisay halkudhagga isku-tashi oo lagu dhisay mashaariic badan oo ay ka mid yihiin: dhismihii buundadii middigar ee ay biyuhu jareen, dhismaha waddada Ceeldaahir, dhismaha wasaaradihii ugu badnaa abid, dhismaha jiddadka magaalooyinka Galkacyo, Qardho iyo inta badan Garoowe. Naqshadaynta dhulka ay magaalooyinka waawayni ku fido doonaan labaatanka sano ee soosocota iyo ceelashii ugu tirada badnaa ee la qodo. Gaas waxa uu bilaabay dhamaysna tiray labadii mashruuc ee ugu waynaa ee dalka laga fushey oo ahaa labada airpoti ee Bosaso iyo Garowe. Qodobka ugu mudan ee hoggaamiye dal fakhriya lagu qiimeeyo waa hirgalinta xasilooni siyaasadeed, si aan ammaanku faraha uga bixin. Intii uu Gaas xilka hayey, cid na lama faquuqin lamana caburin cid na, xarig iyo dil na haba sheegin. Dadku xor ayay u ahaayeen cabirista fikirkooda, dulqaad dartiis na uma aanu jawaabi jirin kuwa isaga jaa’ifeeya. Wuxuu qabtay doorashadii ugu qurxda badnayd uguna xasarada yarayd. Ma uusan faragelin hab-socod keedii, mana uusan diidin go’aan keedii. Ma aynaan dambaabin haddii aynu niraahno wuxuu ahaa daldhis dulqaad badan. GOLDOLOOLA DII HOGGAAMINEED EE DR. GAAS Runtii, cid walba oo dad xukuntaayi wax na way saxdaa wax na way khaladaa. Haddii aad si dhow ugu fiirsato hoos u dhicii hoggaamineed ee madaxwayne Gaas waxaa markiiba kuu soo baxaya in ay ahaayeen kuwo ku dul wareegaya falsafadda iyo shaqsiyadda hoggaanka. Qiyamka iyo tilmaamaha uu hoggaamiye yeesho waxa aynu u kala qaadi karnaa labo qaybood. Qayb la xiriirta quwadda hogaamiyaha sida: burjiga (charisma), go’aan qaadasha, kartida iyo kalsoonida. Iyo qayb kale oo la xiriirta hufnaanta hoggaamiya sida: Run sheegga, balan oofinta iyo ammaanada. Nasiib daro, goldolooladii hoggaamineed ee madaxwaynuhu waxa ay inta badan ku noqnoqonayeen saldhigna u ahaa labadaan qaybood. Waana taas midda keentay in aad loo hiifo, isaga oo ahaa madaxwaynihii ugu wax qabadka badnaa. Tusaale ahaan, goldoloolada qiyamka quwadda qaybta go’aan qaadashada, waxaa si rasmiya loo ogaaday kolkii uu dhacay dagaalkii koobaad ee Gaalkacyo iyo kii labaad. Waxa ayna si cad u soo shaac baxeen dagaalkii Tukaraq, oo ay adkaatay fahamka go’aanka rasmigaa ee madaxwaynaha oo ah taliyaha guud ee ciidanka. Qiyamka hufnaanta qaybta run sheegga, waxaa mar walba ku suntanaa madaxwaynaha arintii 4.5 iyo Ban K-Moon, iyo ku celcelintii uu ku celcelin jirey in uusan mar labaad isa soo sharixi doonin. Waxaa kale oo jirey balanqaad wayn oo uu madaxwaynuhu sameeyey oo uusan fulin, kolkii dambana isu badalay boog ay mar walba ka damqaan cadowgiisu. “haddii aan dalka gaarsiin waayo doorasho cod iyo qofa ogaada dawladdaydu waa fashishaye” Arinta kale ee tummaatida ku noqotay madaxwayne Gaas ayaa ahayd fashilkii ku yimid maashruucii ugu waynaa ee ay Puntland abid hesho,. Waa mashruucii dhismaha waddada Garowe iyo Gaalkacyo. Maashruucaan ayaa lagu eedeeyey in la siiyey dad ka ag dhawaa madaxtooyada oo aan lahayn awood ay waddo intaaa le’eg ku dhisaan. Si kastaba ha ahaatee hoos u dhacii hoggaamineed ee madaxwaynuhu asal uma ahayn hawl uu qabashadeeda ka gaabiyey, ee waxaa saldhig u ahaa sidii aynu soo sheeganay ba, maqnaanshaha ay maqnayd qiyamkii hoggaamiyaha wayn looga sooci jirey hoggaamada kale. John Maxwell, ruug caddaaga wayn ee cilmiga hoggaaminta ku xeeldheer, waxa uu taxaa 21 sifo oo uu ku sheego qiyamka hoggaamiyaha. Wuxuu yiri wali ma arag hoggaamiye magac ka tagey oo aan lahayn sifooyinkaas. Wuxuuna ku bilaabaa sifooyinka hufnaanta iyo kartida oo uu ku sheego meesha ugu wayn ee uu hoggaamiye u dhinto. Waana kobtaas halka madaxwayne Gaas laga raacay, garashadayda. FIIRO GAARA: haddaad iga filaysey dhaleecayn iyo gaboodfal aan loo meel dayin inaan u gunti doono hoggaamiyahaan, waad mala khasaartay. Sidoo kalana, haddaad iga filaysey ammaan iyo buunbuunin indho la’aana, iyana waad marin habowday. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi The post GAAS DIL GARTIISANA SII appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-25012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxa la furay dabayaaqadii Lixdankii waxana qaadkiisu uu ahaa maalintii 200- oo safrayaal ah, waxana uu shaqyn jiray Lix saacadood oo qudhaata 7:00 ilaa 1:00. Maamulaha madaarku waxa uu albaabaada xidhi jiray oo rawaxi jiray 1:15, markaasi oo uu aadi jiray gurigiisa, ku darsoo mucaa furayaasha madaarka uu qaadan jiray. Kani ma aha Istaanka Basaska ee waa madaarka Dubay Airport Qaran News
-
Garowe (Sh.M.Network) – Madaxwayneyaasha maamul goboleedyadda Jubbaland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa siyaabo kala duwan maanta ugaarey magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Madaxwaynaha PL Saciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Axmed Cismaan Karaash iyo Afhayeenka Aqalka Wakiilada Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay mas’uuliyaantaan. Siyasiyiin kale oo uu ku jiro Madaxwaynahii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa kamid ah wafuuda maanta gaartay caasimad goboleedka Nugaal. Dhamaan dhinacyaddan ayaa xarunta rasmiga ah ee dowlad goboleedka Puntland kaga qaybgalay xaflada caleema saarka Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, taasoo lagu wado inay berri oo Sabti ay qabsoonto. Dhanka kale, madax ka socota dowlada Federaalka ah ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Garowe, iyaga oo ka qaybgeli doona munaasabada xaflada caleema saarka Deni. Amaanka magaalada ayaa si wayn loo sugay iyadda oo wadooyinka waawayn ee soo gala halka la qorsheeyay inay ka qabsoonto munaasabada lagu arkayo ciidamo dheeraad ah oo sugaya nabad-gelyada. The post Madaxda maamulada oo gaarey Garowe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyay inuu joojinayo shaacinta duqaymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, islamarkaana wixii hadda ka dambeeya ay dowlada Soomaaliya shaacin doono fahfaahinta howlgalada uu ka fuliyo wadanka. Afhayeen u hadlay AFRICOM oo warkaan xaqiijiyay ayaa nan soo bandhigin sababta ka dambeysa, balse, waxay kusoo beegmaysaa iyada oo uu Mareykanka kordhiyay gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab. 23-kii bishaan ayay ahayd markii weerar cirka ah oo uu ka fuliyay nawaaxiga degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe uu ku beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo uusan xusin tirada uu kaga khaarijiayay. Horaantii bishaan, ku dhowaad 52 xubnood oo Shabaab ayuu talisku shaaciyay inuu Shabaab kaga dilay duqayn uu ka geystay degaanka Baar Sanguuni ee Jubada Hoose, markii uu Gantaal ku dhuftay gaari ay la socdeen. Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka caawiya dowlada Soomaaliya la dagaalanka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana ka jooga dalka in ka badan 500 ciidan, kuwaasi oo meelo kala duwan ku leh saldhigyo qarsoodi ah. The post Mareykanka oo joojinaya shaacinta duqeymaha uu ka geysto Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta mashquul daran laga dareemay magaalada Garowe gaar ahaan garoonka diyaaradaha oo ay ka dageen diyaarado badan oo horey aan kaga dagi jirin garoonka. Waxaa maanta gaaray magaalada wafuudii ugu badneyd, waxaana ugu horeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, madaxweynaha Koofur Galbeed Lafta gareen iyo xubno kale. Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu la socday ayaa ku xigay, iyadoo kadib ay magaalada tageen xubno kala duwan oo ka socday mucaaradka dowladda Soomaaliya, waxaana ugu horeeyay Xasan Sheikh Maxamuud. Sidoo kale C/raxmaan Cabdi Shakuur, Axmed Macalin Fiqi iyo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka dowladda ayaa tagay magaalada Garowe, iyaga oo barahooda Bulshada kusoo qoray safaradooda Garowe. Waxaa magaalada laga dareemayaa mashquulkii ugu badnaa, iyadoo aad loo adkeeyay amaanka magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland, waxaana saacadaha soo socda tagaya madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Maalinta beri ah xaflad caleemo saar ah ayaa ka dhaceysa magaalada Garowe, waxaana xafladaasi ay kulmineysaa dad muddo badan is weerari jiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Monaco) Kooxda Monaco ee dalka Fransiiska ayaa shaqadii ka eriday tababarihii kooxdaasi , ahna weeraryahankii hore ee Kooxda Arsenal, Thierry Henry oo saddex bilood oo keliya hogaaminyay kooxdaasi. Henry ayaa shaqada laga joojiya, hasa yeeshe waxaa iska cad ayaa la leeyahay in uu sidaasi ku tegay. Thierry Henry ayaa kooxdaasi leylinayay 20 ciyaarood,waxaana lagu wadaa in ku xigeenkiisa uu sii qabto shaqadiisa. Waxaa kale oo jira warar sheegaya in ninkii isaga kaga horeeyay kooxdaasi oo lagu magacaabo Passi la doonayo in mar kale loo dhiibo hogaanka kooxda Monaco. Inkastoo aan si rasmi ah loo garaneyni sababta keentay in shaqada laga ceyriyo Henry ayaa haddana waxaa jirtay in uu hadalo qallafsan uu kula hadlay daafaca kooxda Strasbourg Kenny Lala xili ay wada dheelayeen labada kooxood. Henry oo ah ninkii ugu gool dhalinta badnaa ee soo maray kooxda Arsenal ayaa sidoo kale waxaa uu horay u soo noqday tababare ku xigeenka xulka qaranka ee Belgium, waxaana uu sidoo kale mar kamid ah rag loo soo xulay inay tababare u noqdaan kooxda Aston Villa ee horyaalka Ingiriiskia bishii Oktoobar ee sannadkii 2018-ka. Source
-
(SLT-Muqdisho)Kullanka Todobaadlaha ah oo ay qaataan Saraakiisha Booliska ayaa maanta waxaa khudbad iscafinta lagaga hadlayo ka hor jeediyay Sheekh Maxamed Shiikh Ibraamim (Kenyaawi). Sheekh Kenyaawi ayaa sheegay in Boolisku badankoodu ay qaataan waxa uu ku sheegay Laaluush oo xaaraan ah, iyaga oo aanan dan iyo heello ka laheyn howshii loo igmaday oo ah sugida amniga. “Waa in runta la isku sheego waxaa la yiraahdaa Booliska badankoodu waa xaaraan quutayaal oo waxa ay qaataan laaluush, waxa uu arkaya Gaari qarax wada laakiin kaliya lacag ayuu ka qaadanaya wuuna iska sii deynayaa, waxaana loo baahanyahay in Illaah aad ka cabsataan oo aad waxaasi ka waantoobdaan” ayuu ka hor sheegay Shiikh Kenyaawi Saraakiisha Booliska Soomaaliya. Waxa ay u muuqatay in eedeymahaasi uu Sheekha u jeediyay Booliska, saraakiishii dhageysanayay aysan Source
-
(SLT-Addis-ababa)Dowladda Itoobiya ayaa heshiis nabadeed la gaartay Laba Garab oo ka mid ah Jabhadaha Oromada, taas oo Af-jaraysa colaad iyo gadood Hubeysan oo Bilooyin ka taagnaa qaybo ka mid ah Dalkaas, sida ay baahisay Wakaaladda wararka Ethiopia ee ENA. Jabhadahan oo kala ah, Oromo Democratic Party (ODP) iyo Liberation Front (OLF) ayaa Khamiistii Shalay heshiis la saxiixday Is-bahaysiga haya talada Dalka Itoobiya, ka dib shir dib u heshiisiin ah oo Talaadadii Todobaadkan ka dhacay Addis ababa. Milkesa Mideksa, oo ahaa wakiilka ODP iyo Dawud Ibsa, oo ah Guddoomiyaha OLF, ayaa si wada jir ah u ballan qaaday in ay iska ilaalinayaan Dhiig dambe oo daata , horayna ay uga soconayaan wixii dhacay, dibna aan loo noqon doonin, iyagoo isku Af-gartay in la joojiyo falalka Gacan ka hadalka ah iyo rabshadaha Hubeysay ee dhowaanahan ka taagnaa qeybo ka mid ah Dalka Itoobiya. Source
-
(SLT-Hiran)Inta la ogyahay 5 qof ayaa lagu dilay laba weerar oo aano qabiil ah, kaasi oo ka dhacay meel 25 KM duleedka koonfur bari ka beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Mid ka mid ah labada weerar ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Ceel Xeero, halkaas oo lagu dilay laba qof oo reer miyi xoolo dhaqata ah. Odayaal degaanka ayaa ku baxay in ay ka hortagaan iska hor imaadyo kale oo degaanka ka dhaca. Waxaa deggan xaalada degaano ku yaala xuduuda Goblada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe oo horaantii todobaadkan ay ka dhaceen dilal ku saleysan aanooyin qabiil. Source
-
(SLT-Washington)Waxaa soo baxaya ifafaalo ah in horumar laga sameeyey wadaahadalladii Maraykanka iyo Taalibana ku dhexmarayey waddanka Qadar, taasoo keentay in dadka qaar ay u arkaan in degaanansho siyaasadeed laga gaadhi karo colaadda 17-ka sano socota ee Afghanistan. Wadahadallada ayaa furmay Isniintii, waxayna dhexmarayeen koox uu hoggaamiyo ergayga Maraykanka Zalmay Khalilzad iyop Taalibaanka, waxaa kaloo joogay wakiillada Qadar iyo Pakistaan. Warar lagu kalsoon yahay ayaa warfidiyeenada u sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo kala duwna oo ku saabsan xasilinta waddankaasi. Taalibaan ayaa ku dhowaaqay inay doonayaan in waqti loo qabto xilliga ay Maraykanku ka baxayaan dalkaasi, taasi beddelkeedana waxay bixinayaan dammaanqad inaan waddankaasi loo adeegsan meel laga weeraro Marayanka. Wararka ayaa sheegaya in Taalibaanku ay ku dhowaaqi karaan xabad-joojin haddii horumar laga sameeyo qodobka u weyn ee dalabkooda oo ah inay Maraykanku ka baxaan Afghanistan. Dhinaca kalena Taalibaanka ayaa magacaabay wakiil u joogi doona xafiiskooda Qadar oo lagu magacaabo Mullah Cabdul Ghani Baradar, ninkaasi oo ka mid ah taliyayaasha milatariga Taalibaan isla markaana hoggaaminaya wadahadallada ka socda Qadar. Source
-
(SLT-Riyaad) Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday qorshe in badan ay ku howlaneyd oo ahaa in la sameeyo goobo dadka lagu maaweeliyo sida tartamada weyrixinta Dibida ee ka jira dalka Spain, in sare loo qaado sameynta goobaha madadaalada waa tallaabo uu gadhwadeen ka yahay dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan. Sacuudiga wuxuu ku rajo weyn yahay inuu bilaabo goobo lagu soo bandhigo tartanka quruxda haweenka iyo tartamada heesaha qoob ka ciyaarka. Madaxa madadaalada Sucuudiga Turki Al Sheekh ayaa sheegay inuu doonayo in tallaabadan uu ku soo xareeyo balaayin doolar oo dhakhli ah. Isku dayga ah in Sucuudiga uu noqdo xarunta madadaallada ee gobolka waxaa majaraha u haya dhaxal sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan. Maxamed Bin Salmaan iyo dalkiisaba waxaa soo foodsaartay dhibaato dhanka sumcadda kaddib dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, in kasta oo ay beeniyeen arrintaas. Xilli Talaadadii uu daahfurayay straatiijiyadda madaalada ee xukuumadda Riyaadh, Al Sheekh wuxuu soo hadal qaaday tiro kamid ah waxyaabaha ay doonayaan inay kusoo bandhigaan tartamadaasi. Waxaana kamid ah tartanka dagaalka Dibida, ciyaaraha internet-ka, heesaha qoob ka ciyaarka iyo kubadda koleyga. Tartanka Quraanka Kariimka ayaa kamid ah waxyaabaha lasoo bandhigi doono, qofkii ku guuleystay Quraanka wuxuu heli doonaa abaal marin gaareysa 1.3 milyan oo doolar halka la qaban doono bandhigyo ah sida loo tukado salaadda iyo Aadaanka. Tartanka waxaa sidoo kale kamid ah mid lagu tartamayo sixirka iyo faalka inkasta oo ay dambi yihiin. “Waxaan rajeynayaa in dhammaan shirkadaha, bangiyada iyo ganacsatada inay garab na siiyaan, waa fursado dahabi ah” ayuu yiri madaxa barnaamijkan. Source
-
Ha’yadda caalamiga ah ee Amnesty International waxay sheegtay in Iiraan ay xabsiga dhigtay 7,000 qof sanadkii lasoo dhaafay. Dadka la xiray waxaa kamid ah dad dibadbaxyo dhigayay, ardey, qareeno, wariyeyaal, ururada shaqaalaha iyo dad u doodo xuquuqul insaanka. Dadkan ayaa ka careysnaa macluusha, musuq maasuqa iyo isbaddallo la’aanta siyaasadeed ee dalkaasi ka jira. Boqolaal kamid ah shacabka ayaa la xiray halka ugu yaraan 26 qof la dilay. Warbixinta waxay sidoo kale sheegtay in 9 qof ay ku dhinteen xabsiyada. Philip Luther oo ah agaasimaha ha’yadda Amnesty ee bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika ayaa sheegay in dadka reer Iiraan ee raadinayo xuquuqdooda ay dhibaato la kulmeen. Source
-
Dowladda Itoobiya ayaa la sheegayaa inay heshiis nabadeed la gaartay Laba garab oo ka mid ah Jabhadaha Oromada, si loo soo afjaro dhibaatada kooxaha hubeysan. Heshiiska waxaa lala galay: Oromo Democratic Party (ODP) iyo Liberation Front (OLF) oo dhanka jabhada ah iyo Is-bahaysiga haya talada Dalka Itoobiya. Milkesa Mideksa, oo ahaa wakiilka ODP iyo Dawud Ibsa, oo ah Guddoomiyaha OLF, ayaa si wada jir ah u ballan qaaday in ay iska ilaalinayaan Dhiig dambe oo daata , horayna ay uga soconayaan wixii dhacay, dibna aan loo noqon doonin, iyagoo isku Af-gartay in la joojiyo falalka Gacan ka hadalka ah iyo rabshadaha Hubeysay ee dhowaanahan ka taagnaa qeybo ka mid ah Dalka Itoobiya. Kulanka ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddi ka kooban 71 xubnood oo loogu talagalay inay ka shaqeeyaan daba galka howlaha Hub ka dhigista, Qaramaynta Malleeshiyada Jabhadda OLF iyo dhammaystirka dhammaan qodobadii lagu heshiiyay. Heshiiskan, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Oromiya, Oday dhaqameedyo, Culimaa’udiin kala duwan, aqoon yahanno, Dhalinyaro iyo wakiillo siyaasadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
GUUSHA SOMALILAND VS SAAMIGA BEELAHA IYO KHILAAFKA GARSOORAHA CODAYENTA (VOTING COMMISSION). Marxalada Somaliland waxay maraysaa jaho wareer iyo walaac la is waydiin karo xagee loo socdaa. axsaabtii oo qir ah , beelihii oo kala baqoolaya, gurxan iyo gabayo goohoogu gilgil badan dhaliyey xadhig abwaano .culimo iyo shacaba leh oon loo meeldayin, xanibaado muwaadiniintii dalkoodii loo diiday, saxaafadii oo afka la qabtay, doorashooyinkii golaha baarlamnka iyo degaanka oo qabsoomidooda laga dayrinayo, maceeshadii oo marba marka ka dambaysa cirka isku sii shareraysa, musuqii oo xakamaha goostay qabyaaladii oo dhibi shaxanaysa, shir beeleeyada oo shakaalka goostay,maarayentii siyaasadii SOMLILAND oo ku sii sinqaysa godkii aan shalay ka soo baxnay, WAXAAS OO BAALAHA LA BAXAY MAXAA BURIN KARA? waa in marka hore Komishanka si degdeg ah loo bedelo asxaabta qarankuna islaabxaadhaan. beelaha tabashadooda la saxo wixii inaga qaldamay la saxo ,laga fogaado SIYAASADAYEN IYO GUDI FARSAMO KU MAANWEELI. doorashada golaha barlamaanka iyo degaanaada loo diyaar garoobo qabashadooda. golaha wasiirada ah ee fadhiidka noqday lagu sameeyo kaabis iyo wax ka bedel la magacaabo dad waayo arag u ah siyaasada maandiqada iyo aduunka dhiig cusub lagu shubo. MDAXWEYNE WAA SHIRGUDOON OO WAXA SHIRKU GAADHUU GUDOOMAIYAA SHAQADA WAXA WADA OO AMA LA MAAHADIYAA AMA LAGU JABAA WAA TEAMKA WASAARADAHA LOO DOORTO EE XILKA LA SAARO. Sidaa lagu hawlgalaa Somaliland shacab iyo xukuumadba taasay ku midho dhalaysaa himiladeena iyo guusha aynu hiigsanaynaa mase keenayso QIR IYO QIR SUTI GAASHAAN. DAWLADAA LAGA RABAA IN AY U DHEGA NUGLAATO ASXAABTEEDA IYO SHACABKEEDA WAXAY KAA CABANAYAAN EE MA AHA IN AY LA QORI TUURATO SHACABKEEDA IYO ASXAABTEEDA BALS WAXAY KA CABANAYAAN WAX KALA QABTO WAAYO DAWLADI WAA U ADEEGAHA DADKEEDA IYO DALKEEDA EE MA AHA TII KA FICISHATA ASXAABTEEDA MUCAARIDKA IYO SHACABKEDA EE MEDIA UGU JAWAABTA CEEB CEEB CEEB WAA MASUULKII DALKA IYO DADKA. WADA SHAQAYEN SHACAB IYO DAWLAD WAA GUUSHA SOMALILAND. LABA TALABA TII ROON RABOW ADAY TADA NOQOTAA. XAQ U DIRIR MUSA AW HASSAN LODOON AWDALI DUBAI. Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-25012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Caasimadda Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa noqday masuulkii ugu horeeyay ee taga magaalada Garowe isaga oo ka qeyb galaya xafladda caleemo saarka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Axmed Madoobe oo maanta gaaray magaalada Garowe ayaa mahad celin u jeediyay madaxda maamulka Puntland, isaga oo sheegay in Puntland ay mudan tahay in meelo badan looga daydo. Wuxuu sheegay in Puntland ay wanaagsan tahay in looga daydo hanaankii wanaagsanaa ee ay u dhacday doorashadii 8 Janaayo iyo sidii wanaagsaneyd ee ay madaxda xilalka u kala wareegeen. “Madaxweyne waan kaaga mahadcelinayaa sidaad iisoo dhaweysay, Puntland waa meel mudan in wax badan looga daydo, waxaa mudan in looga daydo sidii ay halkaan wax uga dhaceen iyo sidii xilalka loo kala wareegay, waa inaan wax badan kaga dayanaa Puntland”ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kusoo dhaweeyay magaalada Garowe ayaa Axmed Madoobe kaga mahadceliyay sida uu u aqbalay casuumaadii uu u fidiyay, isaga oo noqday masuulkii ugu horeeyay ee tagay Garowe. Saciid Deni, ayaa sheegay in labada maamul ay wax badan ka wada shaqeyn doonaan, isaga oo cadeeyay in Jubbaland ay tahay maamul muddo dhisan, islamarkaana wax badan ay ka wada shaqeyn doonaan. Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa sidoo kale maanta tagay magaalada Garowe, isaga oo ka qeyb galaya xafladda caleemo saarka madaxweyne Deni. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Garowe u yimid ka qayb galka [...] Source