-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Goor sii horeysay oo maanta ah Caasimada Online waxay qortay war ku saabsanaa in hanti-dhowrka uu xiray xafiiska maaliyadda hay’adda NISA, islamarkaana baaritaan lagu billaabay. Qoraalkaasi waxaa ku jiray in qaar ka mid ah shaqaalaha NISA ay mushahar qaadan muddo 3 bilood ah, lacagtooadana laga soo qaaday bankiga dhexe balse aan la siin. Baaritaan dheeri ah, oo aan sameynay kadib wax caddeyn ah waan u weynay in shaqaalaha NISA aysan qaadan mushahar iyo in lacago lagu lunsaday midna. Warka aan sii daynay waxaa nala wadaagay ilo-wareedyo aan muddo ku kalsooneyn, waxaase cad inuu ahaa qalad. Waan ka cudur-daaranaynaa qaladkaas dhacay, waana ka raali-gelineynaa hay’adda NISA.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay xiisadda cusub ee Soomaaliya iyo Kenya iyo waxa uu ka yaqaan Macharia Kamau oo ah ninka soo cayriyey Tarsan. Macharia Kamau waa xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, balse waxa uu horey u ahaa wakiilka Kenya ee QM, sida uu sheegay Yuusuf Garaad. Yuusuf Garaad ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in khilaafka labada dal uu ku dhammaan doono is afgarad, uuna rajeynayo in uu dhakhso u soo laabto “xiriirka derisnimo iyo iskaashi ee labada bulsho ee walaalaha ah, sinnabana aan u kala maarmin.” Hoos ka aqri qoraalkiisa oo dhameystiran Danjire Macharia Kamau oo shalay u sheegay Danjiraha Soomaaliya ee Nairobi, Maxamuud Axmed Nuur, in uu ku laabto Muqdisho, waa Danjirihii Kenya u fadhiyay xarunta Qarammada Midoobay ee New York markii aan anigu matalayay Soomaaliya. Markii aan ku booqday Xafiiskiisa Xarunta Ergada Kenya ee Qarammada Midoobay wuxuu ii muujiyay saaxiibtinnimo, wuxuuna ii ballan qaaday in uu gacan igu siiyo howlaheyga. Waxaa iigu dambeysay xafladdii New York ee xornimada Kenya ee 2016. Sawirka waxaa ka muuqda Danjirayaashii Qarammada Midoobay xilligaas ku matalayay, ka billow Midig: Sweden, Soomaaliya, Ireland, Kenya iyo Mareykanka. Waxaan ku kalsoon ahay in khilaafka labada dal uu ku dhammaan doono is afgarad. Waxaan rajeynayaa in uu dhakhso u soo laabto xiriirka derisnimo iyo iskaashi ee labada bulsho ee walaalaha ah, sinnabana aan u kala maarmin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo ah xoghayaha arimaha gudaha ee xisbiga UCID ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay lacago cashuuro ah oo shirkada Dp World ku kordhisay ganacsatada dekadda Berbera wax kala soo degta waxaana uu arrintaasi ku tilmaamay mid aan marnaba la aqbali Karin, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
The government of Somalia has disowned a statement suggesting it has declared all Kenyans within its boundaries persona non grata. While responding to inquiries regarding the viral communication, Directorate of Communications, Office of the President in Federal Republic of Somalia termed the message as fake. The statement comes with that backdrop of a diplomatic tiff pitting Kenya and Somalia. This is after it emerged that Somalia auctioned off several gas and oil block in the Indian Ocean to the UK on Thursday, February 7. The development saw the government send away Somalia Ambassador to Kenya Mohammed Muhamud Nur. The government also recalled its Ambassador to Mogadishu Lucas Tumbo for consultation on the matter. The post Somalia denies ordering Kenyans out of country appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay sababta ay Safiirkeeda ugala baxday Soomaliya isla markaasna ay u amartay in midka Soomaaliya uu deg deg ugu laabto dalkiisa. Kenya ayaa Fasiraad nooc kale ah ku sheegtay sababta ay safiirkeeda ugala baxday Soomaaliya. Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau ayaa sheegay in aanay Kenya eryin Safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kaasoo saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho. Amb. Macharia ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qoray waxaa uu sixitaan ku sameeyay sida Warbaahinta uga hadashay tallaabadii Kenya ay ugu yeeratay Safiirkeeda, kuna wargelisay Safiirka Soomaaliya inuu ku laabto dalkiisa. “Uma aanan yeerin safiirkeena, mana aanan eryin safiirka Soomaaliya balse waxaan ugu wacnay wadatashiyo, waxaana waydiisannay safiirkooda inuh dowladdiisa lasoo tashaso si aan u xallino arrintan annaga oo ka duuleyna macluumaad sugan iyo xogo saxan oo labada dhinac ah”. Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOQDISHO VS LONDON United Kingdom of Great Britain waa dawlad wayn oo qarniyo soo jirtay waxay aad iyo aad u tix-galiyaan arimaha Dublumaasiyada, Dawlada kasta oo ka hortimaada siyaasadeeda Arimaha Dibada waxay kala dagaalantaa gacanta 16aad. Xukuumada Fadaraalka Somalia ee Nabad & Nolol oo labadii bilood ee u dambeeyay daan-daansi Dublumasiyadeed kula kacday Great Britain siday ku aamintay in UK u qabato shirka arimaha PATROL ka Somalia ee lagu qabtay London 7 Feb. 1- N & N miyay iloobeen caydhintii ay kula kaceen Ergaygii Qaramada Midoobay u fadhiyay Somalia ee ingiriiska ahaa Mr. Nicholas Haysom . 2- N & N miyay iloobeen daan daansigii ay kula kaceen wasiirka difaaca ingriiska Mr. Gavin Williamso markuu booqasho ku tagay Hargaysa Somaliland. Labadaa xiisadoo oo wali taagan wax-heshiis ahna wali laga gaadhin ayay N&N raali ka noqdeen shirkay Great Britain u qabanayso Patrol ka Somalia, kubad fiican intay lala soo ciyaartay ayaa kildhi madaxa loo soo galisay. Imika iyo haatan Talaabada ay Kenya qaaday maaha mid dublumaasi-yadeed ( Kenya’s undiplomatic ) Arintani waxay u muuqataa in xiisadan gacan sadexaad ku jirto. Waxaan kula talinayaa MUQDISHO inay LONDON laheshiiso NAIROBI ka hor. Tusaale waxaa iga ah Somaliland oo wali guranaysa midhihii qaladkii 1960kii ay ka galeen Great Britain, waa caydhin tii ingriis ee wakhtigaa fog iyo calankii ay soo saxeexday boqorada ingiriisku oo mudo afar cisho gudahood talyaaniga lagu wareejiyay, waa siduu ingriisku u arko hashiiskii midaynta ee dhacay 1/July/1960. 31 sano ayuu Talyaanigu ugu faanaya ingiriiska inuu kaga guulaystay cariga somalida gaar ahaan midayntii dhacday 1/July/1960 kii, ingiriisna 31 kaa sano wuxuu ka shaqay-nayay siduu ku fashilin lahaa farxadaa iyo faanka Talyaani ee hirgalay taariikhaada jor ku xusan. Ingiriisku wuxuu Talyaani ka guulaystay 18/5/1991 markii Somaliland dib loogu dhawaaqay, faan kii talyaanina halkaas ayay ku soo afjareen, ilaa hada oo ah 28 sano madaxda Somaliland wali madareen-sana qaladka wakhtigaa lagalay, halka laga haysto, iyo faranta dagaal ee gacanta 16aad ah ee wali ku furan. Alaa mahad leh . Amb Ahmed Safiina Xoghayaha xidhiidhka dawladaha carabta iyo wadamada islaamka ee xisbiga WADDANI Qaran News
-
(SLT-Washinton)-Haweeney uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u magacaabay danjiaha Mareykanka ee Qaramada Midobaay ayaa ka cudurdaaratay xilkaas sababo dhanka qoyska ah. Heather Nauert oo hadda ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bishii December ee sannadki tagay uu madaxweyne Trump u magacaabay xilka danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay si ay u badasho Nikki Haley oo xilkas iska casishay dhamaadkii sannadkii 2018-ki. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Nauert ay u diidday xilka loo magacaabay kaddib marki la ogaaday in gurigeeda ay muddo 10 sano ah ka shaqeysay haweeney si sharci darro ah ku daganeyd Mareykanka, taasoo u heyn jiray carruurta. Wargeyska The Washington Post ayaa sheegay in haweeneyda guriga uga shaqeynaysay Heather Nauert aysan bixinin muddo 10 sano ah lacagihi canshuuraha waajibka ahaa, isla markaana ay mushaharka ku qaadan jirtay lacag caddaaan ah. Nauert waxaa kale oo ay iska casishay xilka afhayeenka Waaxda aArrimaha Dibadda oo ay kasoo shaqeysay labadii sano ee lasoo dhaafay. Heather Nauert ayaa ka hor inta aysan ku biirin maamulka madaxweyne Trump waxay ay ka tirsaneyd wariyeyaasha TV-ga Fox oo ay warka ka akhrin jirtay. Source
-
Madaxweynaha dowladda Puntland oo maanta qado-sharaf Garoowe ugu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa jawaab dadban siiyay siyaasiyiinta dhaliilsan xukuumaddiisa cusub ee aan weli shaqa-bilaabin. Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahanyahay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland in ay ka midaysnaadan dhismaha dalka, ilaalinta midnimadiisa iyo difaaciisa guud iyo kiisa gaar ahaaneedba. Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrimaha siyaasadda ee lagu kala aragti duwanaan karo balse lafteeda loo baahan yahay xeerar iyo shuruuc hagta si aan cidna u dhaafin xadka lama taabtanka ah ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka Puntland. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo jawaab dadban siiyay siyaasiyiinta durba mucaaraday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska hanti-dhowrka qaranka ayaa maanta ila amar dambe xiray xafiiska maaliyadda ee hay’adda NISA, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online, kuwaas oo sidoo kale nala wadaagay sawirro. Hanti-dhowrka guud ayaa baaritaan ku billaabay xafiiskan, waxaana lagu warramayaa inay ku maqan tahay lacag malaayiin dollar, oo ah mushaharka shaqaalaha hay’adda NISA. Ilo-wareedyada warkan la wadaagay Caasimada Online ayaa sheegay in shaqaalaha iyo ciidamada NISA ay hal bil oo kaliya mushaharka qaateen tan iyo bishii October, markaasi oo uu agaasinka NISA uu si KMG ah u qabtay Fahad Yaasin, kadib markii uu is-casilay agaasimihii hore ee NISA, mana cadda sababta. Ciidamada kaliya ee mushaharkooda sida joogtada u helay tan iyo waqtigaas ee NISA, ayaa ah kuwa Gaashaan iyo Waran, kuwaas oo mushaharkooda uu bixiyo Mareykanka. Ciidamada dhar-cadda ee NISA iyo shaqaalaha kale ee hay’adda iyo ciidamada aan hoos-tagin Mareykanka ayaa waxaa ka maqan mushahar dhan 3 bilood. Inkasta oo mushaharka la bixiyey hal bil oo kaliya tan iyo October, ayaa haddana xogta aan helnay waxa ay sheegeysa in lacagtooda laga soo qaaday bankiga dhexe, taasi oo dhalisay baaritaanka hanti-dhowrka oo lagu ogaanayo sababta aan loo bixin. Waxaa sidoo kale jirta in ciidamadii hubeysnaa ee NISA ee lagu daray booliska in ayagana mushaharkooda lasoo qaadayey tan iyo waqtigaas inkasta oo hadda booliska ay hoos-tagaan, ayada oo aan la ogeyn lacagtooda halka la geeyey. NISA ayaa waxaa miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019 ay ku leedahay in ka badan 12 milyan oo dollar, waana lacagtii ugu badneyd ee ay ka hesho miisaaniyadda abid. Hanti-dhowrka ayaa amray in wax lacag ah aan laga bixin karin lana furin karin xafiiska ilaa kiiskan baaristiisa uu kasoo dhammaanayo. Waan idinla wadaagi doonnaa wixii kasoo kordha Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
4 kamid ah golaha wasiirada cusub ee Puntland, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay, wasaaradihii loo magacaabay, kadib markii shalay xildhibaannada Baarlamanku ay cod-buuxa ku ansixiyeen xukuumadda cusub. Wasiirada xilka la wareegay ayaa kala ah; wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal, wasiirka Degaanka, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, wasiirka Caafimaadka, Jaamac Faarax Xassan iyo wasiirka Arrimaha gudaha, Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad. Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland ayaa guddi ka kooban 4 xubnood u magacaabay arrimaha xil-wareejinta, waxaana dhammaan wasaaradaha lagu wargeliyay in ay la shaqeeyaan guddigaasi. “Waxaa lagu wargelinayaa, dhammaan wasaaradaha Dowladda Puntland in loo xil saaray xil-wareejinta wasiiradii hore iyo wasiirada cusub guddigaasi” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland. Guddiga loo igmaday xil-wareejinta ayaa kala ah agaasimaha madaxtooyada, xeer ilaaliyaha guud, hanti-dhowraha guud iyo xisaabiyaha guud ee dowladda Puntland. Warar hoose oo Puntland Post heshay, aya sheegaya in guddigaan loo magacaabay , si loo ilaaliyo hantida dowladda xilligan kala guurka ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo guddi gaar ah u magacaabay xil-wareejinta wasaaradaha appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Tan iyo galinkii dambe ee Sabtida, markii ay dowladda Kenya ku dhawaaqday iney Danjiraheeda Soomaaliya u yeertay, kii Soomaaliyana ka direyso Kenya, waxaa baraha xiriirka bulshada si weyn loogu hadal hayay xiriirka xumaaday ee labada waddan. Dadka ka hadlayay arrintan ayaa isugu jiray siyaasiyiin, mas’uuliyiin, aqoonyahanno wax falanqeeya iyo dadka muwaadiniinta ah ee labada dal. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa go’aanka safiir kala qaadashada ku dhawaaqday, waxayna barteeda Twitterka soo dhigtay qoraal ku aaddan tallaabadaas. Rober Alai oo ka mid ah suxufiyiinta ugu caansan Kenya ee ka faallooda arrimaha gobolka ayaa boggiisa Facebook ku soo qoray in dhulka uu ku jiro shidaalka ay Soomaaliya beecisay uuba yahay mid ka tirsan xadka dhinaca biyaha Soomaaliya. “Marka la eego khariidadda iyo xog hoose oo qota dheer, Kenya waxaa kaliya oo ay daandaansaneysaa Soomaaliya. Arrinta muranka badda waa mid adag oo aan la fahmi karin laakiin qiyaas ahaan, meelahan uu shidaalka ku jiro waxay ka tirsan yihiin Soomaaliya. Hoggaamiyeyaal hunguri weyn oo u dhashay Kenya ayaa isku dayaya iney waddanka adeegsadaan si ay u fushadaan danahooda gaarka ah”, ayuu yiri. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, tan iyo markii uu bilowday muranka u dhaxeey labada dal ee dhinaca xuduuda badda, taasoo soo jiitameysay muddo 10 sano ah. Tallaabadii shalay ay qaaday Kenya ee ay Safiirkeeda ula noqotay, kuna amartay inuu dalkeeda ka baxo Safiirkii Soomaaliya, waxaana arrintan ay keentay su’aalo kala duwan. Inkastoo dowladda Kenya ay sal uga dhigtay go’aankeeda in Soomaaliya ku soo xadgudubtay, isla markaana ay xaraashtay shidaalka ku jira dhul badeedkeeda, waxaa loo arkaa mid qar iska tuur ah oo ay ku xalaaleyneyso dhulka ay labada dal ku muransan yihiin ee ay dacwadeeda taal Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague. Haddaba halkan ka akhriso taariikhda muranka badda Kenya iyo Soomaaliya: April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac. Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya. Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya. August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya. Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodad ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad oo ku faahfaahiyo heshiiska. July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go’aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas. December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal. Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso. Soomaaliya aya ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas. Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda. Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya. Wasiirka betroolka ee Soomaaliya, Cabdirashid Maxamad Axmed, oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay in goobaha sahminta laga sameeyay ay ku jirto qeybta badweynta Hindiya ee Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransan yihiin, isagoo sheegay in Soomaaliya ay leedahay go’aanka la xiriira arrintaasi, inta ay maxkamadda cadaaladda caalamiga ee ICJ ay ka soo saareyso go’aankeeda ku aadan murankaasi. Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegtay in shirkii shidaalka Soomaaliya ee Lonodn lagu xaraashay “hantida shacabka reer Kenya,” taas oo ay sheegeen inay tahay tallaabo aan loo dulqaadan karin. Manta oo ah 17-ka bisha Febraayo, 2019-ka, Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo hadda ay jiraan shirar arrintan looga hadlayo oo ka socda madaxtooyada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Saddex kamid ah golaha wasiirada Puntland ee shalay la ansixiyay, ayaa maanta lagu dhaariyay, xarunta madaxtooyada dowladda Puntland ee magaalada Garoowe. Mas’uuliyiinta la dhaariyay, ayaa kala ah; wasiirka Dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), wasiir ku-xigeenka Caddaaladda, Maxamed Cali Faarax iyo wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha, Axmed Cabdiraxmaan Xirsi. Munaasabadda lagu dhaariyay wasiirada ,ayaa waxa goob jog ahaa madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), xubno ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada. Madaxweynaha Puntland oo hadal kooban u jeediyay mas’uuliyiinta la dhaarshay, ayaa kula dardaarmay, in sida ay ku dhaarteen ugu adeegan dalka iyo dadka, waxaana uu Alle uga rajeeyay, in uu u fududeeyo shaqada loo igmaday. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah wasiirada cusub ee Puntland oo la dhaariyay appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (SMN) – Saciid C/laahi Deni madaxweynaha Puntland ayaa maanta guddi u saaray munaasabaddda xil wareejinta golaha wasiirada maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa faray guddigan oo isugu jira hanti dhowraha qaranka, xeer-ilaaliyaha, taliyaha Booliska iyo agaasimaha madaxtooyada Puntland in ay la xisaabtamaan mas’uuliyiinta xilka ku kala wareegeysa. Sidoo kale waxa uu tilmaaamay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland in aysan ogolaan doonin in lagu takri falo hantida qaranka, waxaana uu xusay in lalala xisaabtami doono wasiiradii hore ee maamulkaasi. Shalay ayey aheyd markii baarlamaanka Puntland ay meel mariyeen golaha wasiirada maamulkaasi, si ay u guda u galaan howlaha shaqo ee loo igmaday. Xukuumadda cusub ayaa waxaa hor yaalla arrimo dhowr ah oo u baahan wax ka qabasho. The post Deni oo guddi u saaray xil wareejinta wasiirada Puntland appeared first on Shabelle. View the full article