-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
JOHANNESBURG — The U.S. military says it has carried out two new airstrikes in Somalia against the al-Shabab extremist group but will no longer give details on fighters killed or damage done. A spokesman for the U.S. Africa Command says those details are now up to Somalia’s government to share. On Saturday the U.S. announced its deadliest airstrike in Somalia in months, killing 52 of the al-Qaida-linked extremists after a “large group” mounted an attack on Somali forces. The new U.S. statement says the latest airstrikes occurred on Wednesday near Jilib in Middle Juba region, where Saturday’s strike occurred. The United States has dramatically stepped up airstrikes against al-Shabab in Somalia since President Donald Trump took office, carrying out at least 47 last year to diminish the Islamic extremist group’s “safe havens.” Source: AP
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-24012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Gollaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii todobaadlaha. Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre ayaa shirka gudoomiyay, kaasi oo ay kasoo qaybgaleen inta badan xubnaha xukuumada. Shirka ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin hab-raaca heshiisyada caalamiga ah iyo hawlaha hor-tebinta leh ee XFS dooneyso inay fuliso sannadka 2019. The post RW Khayre oo shir gudoomiyay kulanka Gollaha Wasiirada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Muqdisho, kaasi oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. Kulanka golaha wasiirada maanta ayaa looga hadlay burburka ciidamada Kenya ay ku hayaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo shaqooyinka kale ee horyaala xukuumadda Soomaaliya. Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee wasiirradu ay ballan qaadeen in ay fulinayaan sannadkaan 2019, waxaana golohu isku raacay in sannadkaan uu noqdo sannad shaqooyin badan la qabto isla xisaabtankana la dardar-geliyo. Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknoologiyadda XFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya. Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya. Shirka golaha ayaa ugu dambayn dood dheer looga yeeshay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah oo golaha uu usoo gudbiyay garyaqaanka guud ee dawladda.
-
Cambaarayn Ka Dhan Ah Damiir-xumada Safiirka Somaliland Ee Imaaraadka Carabta iyo Bogaadin Ku Socota Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarka Shicibka Saaxil. Hal As-buuc Ka Hor ayay ahayd markii Wafti ka socda dalka Imaaraadka Carabta ,oo uu Hugaaminaayay Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu, Cabdirisaaq Yaasiin Hirad uu Dalka soo galiyay,Waxaanu Waftigaasi ku sheegay markii hore in ay yihiin Dalxiisayaal ,Hasa-yeeshee Kooxdaasi markii danbe Qorshahii ay dalka ku soo galeen way badaleen ,Waxaaney Deegaanka Biyo-guure ee gobolka Saaxil ka bilaabeen Ugaadhsi Xaaraan ah oo ah dhaqamadii Dhul-xaalufinta ahaa ee Carabta Khaliijka lagu yaqiinay. Arintaa markii danbe waxa is hortaagay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Aqoonyahan Shugri X. ismaaciil Baandare ,Agaasimayaasha Wasaaradda ,Sida Saaxil iyo Weliba Shicibka Mawaadiniinta ah ee Reer Berbera ,waxaaney taasi sababtay in Kooxdaasi Carbeed Deg Deg Deegaanka iyo Dalkaba looga saaro. Horta Talaabadaasi waxaanu ku Hambalyaynaynaa Wasiirka Deegaanka Somaliland Marwo Shugri X ismaaciil oo Damiirkeedu u diiday in Dalkeeda Shi-sheeye Duur-joogtiisa iyo Khayraadkiisa Naflayda ah Gurtaan. Waxaanu kale oo aanu Bogaadinaynaa Shicibka reer Saaxil oo iyana diiday in Deegaankooda Tuug Carbeed iyo Shakhsiyaad Duur-joogtooda soo Dilaalay Xaalufiyaan ,waxaaney taasi cadaynaysaa in ay tahay Talaabo Wadaniyada Dalka loogu Hiilinaayo oo xaga horumarka loo qaaday. Geesta kale ,Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu, Cabdirisaaq Yaasiin Hirad ,Waa nin ka soo jeeda gobolka Saaxil ,Waxaana laga filaayay in uu dalka Keeno ama gobolka Mashaariico horumarineed oo lagu Badhi-taaraayo Dadka Danyarta ah ,Laakiin Nasiib-daro lagama filaynin in uu Tuug Carbeed oo Ugaadhsato ah dalkiisa Hooyo ku soo hugaamiyo ,oo uu yidhaado kaalaya Gurta Toban ,Tobankii Duur-joogta ahaa ,ee ka soo doogay Halgankii Dalka iyo Abaarihii dhacay ,waana Nasiib daro iyo Damiir xumo ,waananu Cambaaraynaynaa. Mida kale hore ayaanu u sheegnay oo aanu nidhi ,waxaad arki-doontaan Masuuliyiin Dalka u dhashay oo Dilaaliin ah oo deegaankooda Tuug-carbeed oo Ugaadhsato ah usoo horkaca. Horta arintaa Mawaadinimada ka baxsan ee Damiir-xumada ah Safiir gobolka Saaxil kamaad samayseen ,laakiin Maayir Cabdi-shakuur Cidin ayaa gobolka ka maqnaa oo dalka debediisa jiray. Waxaananu leenahay Safiir Hirad ,waxa kaa fiicnaa ,oo kaa mawaadinsanaa Baashe Moorgan oo ahaa Safiirkii aad xilka kala wareegtay ,Waayo ? Mudadii uu xilkan hayay ,Arintan oo kale dalka kamuu Samaynin ,Dilaalna kumuu soo qaadan Duur-joogta dalka iyo Shimbirihiisa,laakiin dalka waxa uu soo galin jiray Mashaariico kale oo horumarineed. Waxaana Bogaadin mudan Dawladda Somaliland iyo Shicibkeeda oo arintan Talaabadii ku haboonayd ka qaatay ,isla markaana fahmay in ay Duur-joogta ka mid tahay Geela Ama Adhiga dalkan. By Ururka ilaalinta Xayawaanka Somaliland ee SAPO (Somaliland Animal Protection ORG). Gudoomiye Mahad Faarax. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdihso ku geeriyooday Dr Muhanad Cali Axmed oo ah Dhakhtar u dhashay dalka Syria, kaasoo ku dhaawacmay qarax gaari loogu xiray oo ka dhacay degmada Hodan. DR Muhanad Cali Axmed oo ahaa qofka ugu daran ee dhaawaca xoogan gaaray, ayaa maalmahanba xaaladiisa lagula tacaalayay Isbitaalka weyn ee Digfeer, halkaasoo maqribnimadii Caawa uu ku geeriyooda. Qaar kamid ah Dhakhaatiirta Isbitaalka Muqdisho City oo uu ka shaqeynayay, ayaa sheegay in marxuumka geeriyooday, iyagoo sheegay inuu kamid ahaa Dhakhaatiirta loogu jecelyahay Isbitaalka. Waxaa sidoo kale xaaladooda Caafimaad ay soo hagaageysa Dhakhtar kale oo Syrian ah iyo laba Somali ah, kuwaasoo dhaawcayo fudud ay ka soo gaareen qaraxa gaarigooda loogu xiray xili ay sii galayeen Isbitaalka oo ku yaala dalcada C/Qaasim ee Xaafada Taleex. Dhakhaatiirtan, ayaa xiliga uu qaraxa qabsnayay oo eheyd 21-kii bishan, waxa ay ka yimaadeen garoon lagu ciyaaro kubbada cagta oo lagu magacaabo JOBKEY, kaasoo ku yaala meel aan ka fogeyn Isbitaalka Muqdisho City. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-24012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyniii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay hay’ad caalami ah oo gacan siin donta xisbigan. Qoraal kasoo baxay xisbiga oo kulankan lagu faah-faahiyey, hoos ka aqriso. Waxaa Maanta xarunta dhexe ee xisbiga UPD ka dhacay kulan ay wada yeesheen hogaanka xisbiga iyo madaxa Barnaamijka ee hey’ad la yiraahdo International Republican Institute (IRI) ee u qaabilsan Soomaaliya Mr. Bojan Ristic. Hey’adda IRI oo ka shaqaysa arimaha tababaridda asxsaabta siyaasadda iyo Dimuqraadiyaynta iyo xisbiga UPD oo ka mid ah xisbiyada qaran ee waaweyn ayaa kulankooda diiradda ku saaray “qaabka loo tayayn xisbiyada siyaasadda Soomaaliya iyo sida ugu wanaagsan ee looga faa’idaysan karo tababaridda iyo hawlaha dimuqraadiyaynta ay waddo hey’adda IRI” Guddoomiyaha xisbga UPD ayaa xafiiskiisa ku Soo dhoweeyey madaxda IRI, ugana mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen xarunta dhexe ee Xisbiga UPD, kana warbixiyey aragtida ee ku aadan dalka iyo Hawlaha socda, sidoo kale madaxa hey’adda IRI ayaa dhankiisa sharaxaad ka bixiyey hawlaha ay qabtaan iyo sida looga faa’ideysan karo. Madaxda xisbiga UPD iyo hey’adda IRI ayaa isla tilmamay baahida loo qabo waqtiga hadda la joogo tayaynta iyo kobcinta aqoonta xisbinnimo ee xubanaha xisbiyadda iyo dimuqraadiyeynta dalka. Ugu danbaynna waxaa labada dhinac ay ku ballameen wada shaqeyn la xiriirta Hawlaha sare ku xusan. Aan mar kale mudnaanta siinno MAANDEEQ NABAD & HORUMAR
-
Wufuudda ka qeyb gelaysay caleema-saarka madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku bilowday is-dhinac-yaac iyo fowdo , kadib markii maanta Garoowe lagu soo wada-dhoweeyay laba haween ah oo labaduba sheeganaya guddoomiyaha ururka Haweenka Soomaaliyeed. Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Puntland ayaa garoonka diyaaraha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir Hamaan ku soo wada-dhoweeyay, Ayaan Cabdullaahi Axmed iyo Batuulo Sheikh Axmed (Gabballe), waxaana labadaba lagu soo dhoweeyay magaca, guddoomiyaha Haweenka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed. Is-dhinac-yaaca maamul ee qaabka fowdada ah ku socda ayaa imaanaya, xilli maalmaha soo aaddan ay Garoowe ku soo wajahan yihiin, wufuud badan oo ka imaanaya meelo kala duwan, balse lama garanayo sida loo kala nidaamin doono, maadaama la kala nidaamin waayey laba haween oo keligood ah. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Wufuudda Garoowe imaanaya oo ku bilowday is dhinac-yaac iyo fowdo appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dib u dhigi doono jeedinta khudbadda Xaaladda Qaranka, ilaa aqalka Congress-ka uu ka xalinayo xidhnaanshaha qeyb ka mid ah howlaha dowladda. “Ma raadinayo meel kale oo aan khudbadda ka jeediyo, sababta oo ah ma jiro masrax u dhigma taariikhda, dhaqanka iyo muhiimadda Aqalka Wakiilada” ayuu yiri Trump oo qoraal soo dhigay twitter-ka arbacadii. Goor sii horeysay, saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay inuu socday qorshe uu madaxweynaha doonayey inuu khudbadda ka jeediyo goob kale, oo aan ahayn Aqalka Wakiilada. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sanad kasta waxaa laga doonayaa inuu congress-ka u gudbiyo warbixinta xaaladda waddanka, hase yeeshee ma jiro wax qasbaya inuu ka hor jeediyo labada Aqal ee sharci-dejinta. Afhayeenka Congress-ka, Nancy Pelosi ayaa ku boorisay Trump inuu dib u dhigo khudbaddiisa inta laga xalinayo muranka ka taagan xirnaanshaha dowladda, ama uu qoraal ahaan ugu soo gudbiyo sharci-dejiyayaasha. Source
-
An Ethiopian ex-minister was arrested on Wednesday on suspicion of “mismanagement of public funds” while he was head of a regional public investment fund, the state-affiliated Fana Broadcasting said. Prime Minister Abiy Ahmed has been pursuing a nationwide crackdown on graft in the public sector since taking office last year. Bereket Simon, who served as minister of communication in the 1995-2012 government of Meles Zenawi and was widely considered his right-hand man, co-founded the fund, TIRET Corporation, in 1995 and led it until 2017. TIRET belongs to the Amhara regional administration and owns firms in the brewery, construction, transport and logistics sectors. Also arrested on the same allegations on Wednesday was Tadesse Kassa, a former board member of TIRET. Neither Bereket nor Tadesse were immediately reachable for comment. The two suspects were taken to Bahir Dar, capital of Amhara region, from their residences in Addis Ababa, and were due to be charged, Fana quoted the head of Amhara’s anti-corruption commission as saying. Earlier this month, Ethiopia charged the former head of the military-run industrial conglomerate METEC and other officials with corruption. Source: Reuters The post ETHIOPIA ARRESTS EX-MINISTER FOR MISMANAGEMENT OF FUNDS: FANA appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Ansalooti waxa ay barkhanimadii maanta ku dileen laba dhalinyaro ahaa, sida ay inoo sheegeen laamaha ammaanka. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen Dableyda dilka geysatay inay horey u sii qaateen Bastoolad ay wateen ragga la toogtay. Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay sheegeen Dhalinyarada la toogtay inay ka tirsanaayeen ciidanka Nabad Sugidda ee dharka cadka. Ciidanka ammaanka ayaa ku daba jira ragga dilka geystay oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Mintidiinta Al Shabaab. Masuuliyiinta Degmada Waaberi oo tagay goobta uu dilka ka dhacay ayaa shacabka ka dalbaday inay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka. Shalay oo ugu dambeysay kooxda Al shabaab ayaa sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo nin Ganacsade ahaa waxa ay ku dileen magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay labadan dhallinyaarada, waxayna sheegtay inay ahaayeen saraakiil ka tirsan NISA. Shabaab waxa ay sheegeen in labada nin ay ahaayeen kuwa ka tirsan dharcadka sirdoonka Soomaaliya, islamarkaana hubkii ay wateen ay ka qaateen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
A contingent of 13 Uganda Police Officers has been flagged off for a peace-keeping mission in Somalia under AMISOM. Uganda Police Force, Director of Peace Support Operations, Grace Turyagumanawe, urged the officers to be disciplined as they go to serve in Somalia. “Keep the same good standards of discipline as you go to serve in peace operations. Follow the United Nations and African Union codes of conduct,” Turyagumanawe said during the briefing function at Police Headquarters in Naguru Kampala. He called upon the officers to act with the highest level of professionalism, integrity, respect for culture and diversity, and to observe human rights and international humanitarian laws. The officers are expected to spend at least one year on their tour of duty in Somalia. Uganda has been deploying police officers in Somalia since 2012 While in Somalia, the officers are mandated to give security under AMISOM with the core duty of public order management, providing security to UN/AU facilities as well as building personnel capacity of the Somali police, hostage rescue and escort of VIPs. Somalia is currently building its police force to provide policing services for its citizens. According to police reports, AMISOM police have trained over one thousand Somali National Police Officers. The post Ugandan police contingent deployed to Somalia under AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article
-
Shirka Wada Tashiga Beelaha Gadabuursi Oo Aw-Barre Ka Dhacaya, Doorka Suldaan Wabar Iyo Cabdi Ismaaciil Samatar Shirweyne lagu sheegay shirka Wada Tashiga Beelaha Gadabuursi ee Itoobiya ayaa qaban qaabadiisa si weyn looga dareemayaa Magaalooyinka Jigjiga iyo Aw Barre iyo deegaamada Beeshu ka degto Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya, halka sidoo kale shirkan iyo arrimihiisa si weyn looga hadal hayo Magaalo madaxda Gobolka wdal ee Boorama shirkaasi oo la sheegay in uu abaabulkiisa leeyahay Ugaaska beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi kaasi oo muddooyinkii dambe qaban qaabadiisu ka sooctay Magaalooyinka Jigjiga iyo Aw Barre ee dalka Itoobiya. Dhawaan ayay ahayd markii uu si rasmi ah u soo shaac baxay shirkan oo loogu magac daray Shirka Wada Tashiga Beelaha Gadabuursi ee Itoobiya balse markii dambe siyaasiyiin Beesha ka soo jeeda oo u badan kuwo qurbe-joog ahi ay ku guulaysteen in ajandaha shirka aan lagu koobin danaha Beesha ee Kililka 5aad ee talada la ballaadhiyo oo xataa wax la isaga waydiiyo xaaladda siyaasadeed ee Beesha ee dhinaca Somaliland, arrintan oo ku soo beegmaysa wakhti is baddal ballaadhani ka dhacay dalka Itoobiya gaar ahaan Kililka shanaad ee Soomaalida taasina keentay in beelaha deegaanka Soomaalida ee tabashada badan tirsanayay ay dib isu habeeyaan oo ka tashadaan sidii ay xaqooda u soo dhacsan lahaayeen iyada oo beeshani ka mid ahayd beelaha dulmiga ka tirsanayay hogaankii hore ee maamulka Kililka shanaad. Qaban qaabada iyo hadal haynta shirkan waxa xiiso gaar ah u yeelay markii ay magaalada Jigjiga wakhtiyo kala duwan soo gaadheen Masuuliyiin u badan siyaasiyiin beesha ka soo jeeda oo intooda badani yihiin raggii aaminsanaa mabda’a Awdal State, halka sidoo kale ay ka mid ahaayeen wufuudda Jigjiga soo gaadhay Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar iyo Aqoonyahan Cabdi Ismaaciil Samatar kuwaasi oo la sheegay in ay shirkan ka qayb galayaaan balse aan si rasmi ah loo ogayn wakhtiga uu furmayo inkasta oo wararka qaar sheegayaan in uu maalinta Berri oo Jimce ah ka furmayo Deegaanka Aw Barre. Dhinaca kale Gudaha Magaalada Boorama ayaa si weyn looga dareemayaa hadal-haynta iyo qaban qaabada Shirka Aw Barre iyada oo ay guux hoose iyo abaabul xooggan wadaan dhinacyo kala duwan oo Bulshada deegaankaasi ku guubaabinaya in shirkaasi noqdo mid midho dhala oo lagaga wada tashado danaha beesha ee Kililka 5aad iyo waliba Somaliland waxaana si weyn uga dhex muuqda dadka aadka u danaynaya shirkan odayaasha iyo culimada inta badan aadka u dhaliila nidaamka Somaliland ee saluugsan saamiga beeshu ku leedahay dawladnimada Somaliland. Dhinaca kale waxa uu shirkani ku soo beegmayaa wakhti ilo-wareedyo xog ogaal ahi noo xaqiijiyeen in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu odayaal iyo wax-garad ka soo jeeda Gobolka Awdal ku casuumay kulan gaar ah kuwaasi oo kula kulmay qasriga Madaxtooyada walina aan la ogayn waxa ay labada dhinac ka wada hadleen. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Agaasimaha DP world Sultan Axmed Bin Sulayem, ayaa la kulmay Raysalwasaaraha Itoobiya oo ay ka wada qayb galeen shirka dhaqaalaha adduunka ee ka socda dalka Switzerland. Qoraal kooban oo uu agaasime Sultaan soo geliyay barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu sheegay inuu Raysalwasaaraha Itoobiya kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin waxyaabaha ay Dp world ka waddo Itoobiya, “Kulan qiimo leh ayaan Raysalwasaaraha Itoobiya kula yeeshay shirka dhaqaalaha ee dunida ee ka socda Switzerland.” Ayuu yidhi Sultaan, waxaanu intaas raaciyay “Waa nin maskax furan, karti badan oo leh aragti hoggaamiye. Waxaanu wada hadal balaadhan oo togan ka yeelanay ganacsiga Afrika ee mustaqbalka iyo gaar ahaan qorshayaasha DP world ay ka wado Itoobiya.” Itoobiya ayaa maalgashiga ay DP world ka wado dekedda Berbera waxay ku leedahay saami dhan 19%. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 28-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/01/2019, waxa lagaga dooday arrinta saami-qaybsiga kuraasta wakiillada iyo diyaar-garowga doorashooyinka, sidoo kale waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha diinta iyo aw-qaafta, arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, kuwaas oo ka warb-bixiyey qorsheyaasha horumarineed ee wasaaradahaas. Golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dood-dheer ka yeesheen, saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilladda Somaliland, waxaana doodaasi diiradda lagu saaray sidii saamiga wakiilada looga gun-gaadhi lahaa, isla markaana loogu diyaar garoobi lahaa qabsoomidda doorashooyinka, iyadoo madaxweynuhu u saaray xubno guddi golaha wasiirada ah oo ka soo talo bixiya, inkasta oo ay arrinta saami-qaybsiga wakiilladu hortaallo golaha wakiilladda ee wakhigan fadhiya. Ugu dambayntii waxa ay golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland caddeeyeen inay xukuumad ahaan ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinka oo xilligooda ku dhaca. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Marwo Faadumo Siciid Oo Eedihii Ugu Cuslaa Ku Hurguftay Wasiirka Beeraha Iyo Madaxweyne Xigeenka Marwo Faadumo Siciid oo ka mid saraakiisha sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa eedihii ugu cuslaa Ku hurguftay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo ay ku eedaysay inuu lumiyay shir weyn oo dhinaca beeraha ah oo dalka Jarmalka ka dhacay oo Somaliland si gaar ah loogu casuumay, waxa kale oo ay sheegtay in sidaasi oo kale isna Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil uu isna u gooyay shir ay Somaliland u qabteen Midawga Yurub oo isaga si gaar ah loogu macsuumay. Marwo Faadumo siciid ayaa sidan ka sheegtay shir jaraa’id oo ay shalay ku qabatay Xafiiska Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa, waxaana hadaladeeda ka mid ahaa“Waxaa jirta in Bishan la qabtay shirweyn oo Beeraha, “Agriculture”, lagu qabtay Jarmalka, oo lagu qabtay Berlin, waxaana loo qabtay Wadamada Bariga Africa “East-African Countries”, waxaa lagu soo casuumay Wasiirkeena Beeraha, waxay ahayd shir Caalami ah oo fiican oo wax qabadkeeduna noqonaysay Lacag faro badan oo lasiinaayo Wadamadaasi, dhaqaalihii halkaasi loogu talo galay ee ay ahayd Somaliland inay doonato oo ay sitoos ahna iyadda loogu soo casuumay, muutagin Wasiirkeenii”. Waxa kale oo ay tidhi“Waxa imika nagu maqaalo ah in lacagtaasi iyo dhaqaalahaasi ay toos Muqdisho ugu shubantay, oo la yidhi maadaama oo ay Somaliland kasoo qayb gali wayday uma baahna, mana aha Markii koowaad, mana aha Markii saddexaad iyo Afraad ee aynu shirar caalami ah oo la inoo sameeyay ama la inagu soo macsuumay aynaan tagin, waxa ka mid ah labadii door ee ay inagu casuumeen ee waliba casuumad caadi ah aan ahayn, mid khaas ah oo lasiiyo wasiirka Arimaha Dibadda oo markaa Sacad ahaa iyo waliba Madaxweyne ku xigeenkeenii oo ay shir Caalami ah usamaynayeen YURUB Baarlamaankeedu, waa ogtihiin oo markii uu Madaxweynihiina tagi waayay, Sacadna uu tagi waayay aniga ayaa uga qayb galay, oo aniga iyo Gudoomiye Cirro anagoo shirar kale soconay”. Sidoo kale waxay tidhi“November 27-kii sanadkii hore, shir kale oo caalami ah ayay inoo sameeyeen,oo ay u sameeyeen Somaliland, waanad garan kartaa marka Caalamku shir kuu qabanayaan wakhti badan iyo Juhdi badan ayaa gasha, waxa weeyi Fiisooyin ayay idiin diyaarinayaan, oo Visa-ha Madaxweyne ku xigeenka waxaa la dhigay Jabuuti, shaqo badan iyo hawl badan ayaa la galiyaa, Nasiibdaro waxa ah, Aniga waa la igu macsuumay anigoo waliba fasax ku maqan, ayaa la igu soo macsuumay, 27-November ayaa loogu talo galay in shirkaasi loo qabto,waxaana loo qabanayay Somaliland, iyadoo laba cisho ka hadhsan tahay ayay Somaliland soo sheegtay inaanay Shirkaasi imanayn, xanaaq badan ayaa dadkaasi ka muuqda, shirkaasi waxaa hakiyay, Madaxweyne ku xigeenka”. Ayay Tidhi Marwo Faadumo Siciid. Qaran News
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta G/Jubbada Hoose. Dagaalkan ayaa yimid kaidb markii ay isku dhaceen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo howlgal ka waday halkaasi iy Dagaalyahannada Al Shabaab. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, inkastoo aan si dhab ah loo cadeyn karin inta uu la’egyahay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo la xariira dagaallkaasi. Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa in dhawaanahan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Jubbada Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Shir ku dhex maray Davos ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo aasaasaha madasha dhaqaalaha adduunka Professor Klaus Schwab ayaa la isku afgartay in Adis Ababa ay marti-geliso shirka dhaqaalaha adduunka ee 2020. Sanadkii tagay ayey Itoobiya codsatay mari-gelinta shirka, laakin waxaa muuqato in sanadkan la aqbalay. Jawaabta ayaa timid kadib markii ay kulmeen Abiy iyo Klaus Schwab, waxaa ay sidoo kale labada nin ka wada hadleen arrimo khuseeyo dhaqaalaha, ganacsiga, shirkadaha gaarka ah, bulshada rayidka ah iyo isbadallada ka dhacaya caalamka. Itoobiya ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka uu aad u sareeyo kobacooda dhaqaalaha, waxa ayna marti-gelin-doontaa 2020-ka. Goobjoog New Source: goobjoog.com