-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qardho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ayaa sheegaya in halkaasi lagu soo dhaweeyay taliyihii ciidamada Somaliland ee Bariga Sanaag oo isku dhiibay ciidamada Puntland. Caydiid Axmed Nuur taliyaha ciidamada Somaliland ee Bariga Sanaag ayaa isku dhiibay Puntland, waxaana la sheegay inuu isku dhiibay ciidamo ku sugnaa gobolka Sanaag dhanka Puntland maamusho. Taliyaha iyo ciidamada uu hogaaminayay ayaa la sheegay inay tageen magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka. Saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland ayaa si weyn sarkaalkaasi iyo ciidamadiisa ugu soo dhaweeyay magaalada Qardho, waxaana la sheegay in sidoo kale saraakiisha kale ee gobolka kasoo jeeda ay so dhaweynayaan. Sidoo kale magaalada Qardho waxaa ku sugan korneyl Caarre oo horey uga goostay Somaliland, islamarkaana ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland. Korneyl Ceydiid Axmed Nuur oo hadda kasoo goostay Somaliland ayaa horey Puntland kaga cararay sanadkii 2006 markii ay is qabteen madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse Xersi. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Xiriika Kubbadda cagta caalamka ee FIFA ayaa dhaqan geliyay isticmaalida adeega caawinta garsoorayaasha kubbadda cagta ee loo yaqaano “Var” kaas laga soo gaabiyay (Video Assistant Referee) waxaana lagu tibaajiyay markii ugu horeesay koobkii adduunka ee ka dhacay dalka Ruusha ay guuleysteyn xulka France. Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ka mid ah garsoorayaasha heerka caalami ee kubbadda cagta Soomaaliya ahna guddoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in mustaqbalka adeega Var laga isticmaalidoono Soomaaliya faa’idana u yahay kooxaha u diiwaan gashan xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta si ay dhamaato eedaha laga sheekato garsoorayaasha kubbadda cagta. Maxamed Cabdullahi Axmed (Digarey) oo ka tirsan garsoorayaasha xiriirka kubadda cagta sidoo kalane ah madaxa barnaamijyada Idaacada ciyaaraha Gool Fm ayaa bogaadiyay hadalka kasoo yeeray garsoorka Wiish wuxuuna buuq u diray madaxa isboortiga gudaha taas oo ku aadan in ay la yimadaan hadafyo horomarineyd oo wax tar u leh bulshada xiisanaysa horomarka iyo kobaca kubbadda cagta Soomaaliya. Inta badan kooxaha kala duwan ee caalamka ayaa markii ay soo gaaraan heerka finaalada waxa ay ka cawdaan eex iyo goolal si qaldan uga dhasha taas keeni karta in koox kale ay si fudud u hanato koobkii loogu tala-galay,balse muuqaal caawiya garsoorka waxa uu fududeenayaa in lagu kala bixi si wanaagsan. “Dalkeena markii loo eego horomarka iyo fahanka bulshada ee xaga ciyaaraha waxa uu ka horomar sanyahay wadamo badan oo bariga iyo bartamaha Afrika hadii ay arinta lagu dhaqaaqana waa talaabo ku tusinaysa isku tashiga bahada ciyaaraha Soomaaliya”waxaa sidaas qaba Goobjoog Sport u sheegay Xasan Yabarow Wiish. “Garsoorayaasheena heerka caalami markii ay banaanka u aadan dhexdhexaadinta tartamadda kala duwan ee xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee Caf waa way ka tilmaamanyihiin isla kuwa qaarada waxayna adeegsadaan qalabkii un danbeeyay ee garsoorayaasha caalamka hadii uu dhab noqdo hadalka garsoore Xasan Wiish waxaa dhambe kale oo horomar u ah kubbadda cagta dalka”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Maxamed Cabdullahi Axmed Digareey oo ka mid aha garsoorayaasha gudaha. Sanadihii lasoo dhaafay isboortiga dalka ayaa ku tlaabsanayay horomar kala duwan waxayna arintaas ku timid wada shaqeyn wanaagsan oo ka dhaxaysa wasaarada ciyaaraha iyo dhalinrada dowladda,xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka isboortiga Gobolka Banaadir. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Adeega Muuqaal Caawiyaha Garsoorayaasha Ee VAR Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Taliyihii ciidanka Somaliland ee bariga gobolka Sanaag, G/sare Caydiid Axmed Nuur iyo ciidan tekniko wata oo uu hoggaaminayo, kana soo goostay Somaliland, ayaa xalay Saqdii dhexe gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Gaashaanle sare caydiid ayaa horay mar soo noqday Taliyihii ciidanka Booliska Puntland ee gobolka Bari, hase yeeshee wuxuu ka goostay sannadkii 2006-dii, kadib markii ay madaxweynihii hore ee puntland Gen Cadde Muuse Xirsi isku’ khilaafeen habka loo wajahayo malayshiya-beeleed isku’ uruursaday buuraleyda Majayahan ee gobolka Sanaag. Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa marar badan u kala goosta maamulada Puntland iyo Somaliland oo ku muransan gacan ku haynta goboladaas. PUNTLAND POST The post Taliyihii ciidanka Somaliland ee bariga Sanaag oo Puntland u goostay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Cabdirkariin Axmed Xinif ayaa waxa ku margaday su’aalo kulul oo laga weydiiyay shaqada hay’ddiisa, halka ay ku dambaysay lacagtii abaaraha ay ururisay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo iyo shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE dheelitir la’aanta xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo wareejinta guddoomiyenimada xisbigaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee amniga xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in la joogo waqtigii wadahadal lala geli lahaa Al Shabaab. Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya ayaa sheegay in wadahadal uu u socday Alshabaab iyo xukuumadii uu ka tirsanaa, balse isbadal uu ku yimid markii dambe xukuumadda, haddana wuxuu sheegay in la joogo waqtigii wadahadalka. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Hadda Taalibaan heshiis lala galay, taasi oo ka dhigan inay u naxeen dadkooda. Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamuud ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab ay yihiin dad Soomaaliyeed, islamarkaana ay ogolaan karaan mar walbaa Wadahadal lala galo dhankooda. ”Waxaa La Joogaa Waqtigii Wadahadal Lala Geli Lahaa Al-Shabaab”ayuu yiri Wasiirkii hore ee amniga xukuumadii Xasan Sheikh Maxamuud. Hoos ka dhageyso codka wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Cod-Xildhiban-Cabdirisaaq-Cumar-Maxamed-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye ( SMN) – War ka soo baxayhay’adda NISA ayaa looga hadlay howlgal Ciidamada dowladda ay ka fuliyeen deegaanka Forsooley ee gobolka Sh/ Hoose. Howlgalkan oo dhacay labadii bishan ayaa la sheegay in Ciidamadu ay hub badan uga soo furteen Al Shabaab oo gacanta ku haya deegankaasi. Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in ay burburiyeen goob ay Al Shabaab ay dadka uga qaadi jireen Zakawaat. “Ciidanka amniga oo 2-da bishaan howlgal qorsheysan ka fuliyay goobo ka mid ah tuulada Forsooleey, ayaa hub kusoo furtay, laba goobood oo Al Shabaab dadka Zakawat uga qaadi jireenna ku burburiyay. Howlgalka waxaa daba socday laba duqayn oo Al Shabaab looga dilay ilaa 40 xubnood” ayaa lagu yiri qoraalkan. Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobollada dalka. The post NISA Oo sheegtay in ay hub ka soo furatay Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin kale oo ku wajahan Dalka Kenya, kadib markii hay’addaha sirdoonka dalkaasi ay heleen xogo la xiriira weeraro kale oo Al Shabaab ay qorsheyneyso. Mareykanka wuxuu sheegay in weerarada Al Shabaab markaan ay ku wajahan yihiin dadka reer Galbeedka ah ee ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib xogo amaan oo la helay. Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa digniin kasoo saartay weeraradaasi, waxaana ay sheegtay inay ka warheleen in Al Shabaab ay qorsheynayaan weerarada ka dhan ah xarumaha dadka reer Galbeedka ee ku sugan Nairobi. Waxaa digniin loo jeediyay dhamaan dadka reer Galbeedka, gaar ahaan muwaadiniinta Mareykanka kuwaasi oo lagu amray inay iska diiwaan geliyaan qeybta adeega dadka Safarka ah oo safaaradda ay ka heli karaan. Warbixinta waxaa lagu sheegay in Al Shabaab ay qorsheynayaan weeraro ka dhan ah Kaniisadaha, Suuqyada iyo goobaha dadweynaha ku kulmaan, waxaana la faray laamaha amniga inay adkeeyaan amaanka goobahaasi. Kadib weerarkii Dusit ee magaalada Nairobi, dowladda Kenya ayaa u ogolaatay shirkadaha waaweyn inay yeelan karaan ciidamo dheeri ah oo adkeynaya amaanka goobaha ganacsi ee kuyaala magaalada Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha hay’adda diiwaanka Sakada iyo samo-falka Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkii, Madaxweyne Biixina uu ka aqbalay. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo uu Sheekh Siciid ku xaqiijiyay iscasilaadan, haddana warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Sheekh Siciid uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay dhawaan is casilaadda. Warku wuxuu sheegay in Sheekh Siciid is casilaadiisa ku sababeeyay arrimo u gaar ah oo uu uga maarmi waayay inuu u madaxbanaanado. Madaxweyne Biixi, ayaa la sheegay inuu Sheekh Siciid ka aqbalay is casilaadda uu u gudbiyay ee ah inuu baneeyo xilka guddoomiyaha hay’adda diiwaanka sakada qaranka Somaliland. Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, waxa xilkan u magacaabay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu ka mid yahay masuuliyiin badan oo aanu Madaxweyne Biixi taaban, waxaana markii uu Madaxweyne Biixi talada qabtay xeer nidaamiyaha qaranka lagu hoos geeyay hay’adda samo-falka oo hore u hoos tagi jirtay madaxtooyada. Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo is casilaadan ayaanay noo suurtogelin. Source
-
Dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowladda Puntland oo ay maamusho shirkadda P&O ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa maalintii labaad xiran kadib markii shalay la dilay madaxii shirkaddaasi, Paul Farmosa. Dhammaan shaqadii dekedda ka socotay ayaa shalay istaagtay, marka laga reebo qeybta kastamka canshuuraha oo hoostaga wasaaradda Maaliyadda Puntland, waxaana weli ku xayiran qaar kamid ah gaadiidka xamuulka ah oo raran sida ay sheegeen xubno ka tirsan ganacsatada Boosaaso. Xirnaanshaha dekedda Boosaaso ayaa saamayn ku yeeshay nolosha shaqaalaha muruq-maalka ah ee ka xamaasha dekedda iyo guud ahaanba ganacsiga magaalada oo tiir dhexaad u ah dhaqaalaha Puntland. PUNTLAND POST The post Dekedda Boosaaso oo maalintii labaad xiran appeared first on Puntland Post.
-
Turkey on Tuesday strongly condemned a car bomb attack that targeted a busy shopping mall in Somalia’s capital Mogadishu. In a statement, the Foreign Ministry said: “We strongly condemn this heinous attack.” The ministry added: “We wish Allah’s mercy upon those who lost their lives, wish a speedy recovery to the wounded, and convey our condolences to the brotherly people and government of Somalia.” At least seven people were killed and nine others were injured when a bomb-laden car blasted near a busy shopping mall in Mogadishu on Monday. Source: Anadolu The post Turkey condemns terror attack in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ayaa min lix bilood oo xadhig ah ku xukuntay 20 dhallinyaro oo ka mid ah dhallinyarada Hargeysa ku nool ee darbi jiifka ah, kuwaas oo dhawaan xabsiga loo taxaabay markii ay cabasho la hortageen wasaaradda arrimaha bulshada iyo qoyska. Garsooraha maxkamada gobalka Maroodi –jeex Garsoore Yaxye Xuseen Yuusuf, oo u waramay BBC-da ayaa yidhi “Waxa ay maxkamada gobalka Hargeysa ay xukuntay 20 eedaysane oo ku eedaysan sakhrad iyo arbushaad xafiis, marka hore eedaysanayaashu waxay ahaayeen 23 waxaanay maxkamadu sii daysay oo ay danbi ku wayday 3 ka mid ah labaatankii kalena maxkamadu waa ay xukuntay.” Waxa la waydiiyay garsooraha waxa loo haystay kooxda darbi jiifta ah ee la xukumay“ Waxa loo haystay laba qodob ayay ahaayeen arbushaad xafiis iyo sakhrad labadaas ayaa loo hastay, arbushaadii waa ay ku wayday waxa ay ku heshay sakhradii oo mukhaadaraadkii lagu eedaynaayay ayay maxkamadu ku heshay, dhamaan markii aanu mid midh u waydiinayna maxkamada ayay qiraal ay ka bixiyeen.” Markii uu shalay soo baxay xukunka maxkamadu, dad badan oo ka mid ah bulshada Somaliland, ayaan soo dhawayn xukunkaas, waxaanay dadku baraha bulshada kaga falceliyeen xukunka lagu riday dhallinyaradaas darbi jiifka ah. Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-rakuub, ayaa isagoo ka falcelinaya xukunkan Qaar badan oo shacabka ka mid ah ayaa sheegay in dhallinyaradani u baahnaayeen daryeel iyo in lagu sameeyo dib u dejin, lagana jawaabo dalabkooda ahaa in la caawiyo, laakiin aanay wakhtigan munaasib ku ahayn xukunka iyo xabsiga la isku raaciyay. Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-rakuub, ayaa isagoo ka falcelinaya xukunkan wuxuu bartiisa facebooku isku weydiiyay su’aashan, “Maandooriyuhu ma kolkii ay cawdeen ayuu mamnuuc ka noqday. Awalba waa kuwii gidaarrada ku cabbayee?.” Nin kale oo dhallinyaro ah ayaa isna yidhi “Dhallinyaradan waxa ay cabashadoosu ku soo beegantahay wakhtigan ay dalka ka jirto dhaxan qaboow, waxaanay is tuseen inay wasaarada arrimaha bulshada u cabasho tagaan si looga caawiyo wax ay dhaxanta ka huwadaan, laakiin halkii laga dhagaysan lahaa, wixii la awoodana lala qaban lahaa, waxa lagu guray xabsi, markii dambena maxkamadu waxay ku xukuntay dambi ah inay wax cabsanaayeen. Dhallinyaradan waxay ahayd in daryeel loo fidiyo oo xataa dadka ganacsatada ah loo weydiiyo inay caawiyaan.” Sidaas waxa baraha bulshada ku baahiyay nin dhallinyaro reer Somaliland ah oo ka falcelinayay xukunka shalay lagu riday dhallinyaradaas darbi jiifka ah. Qaar kale oo iyaguna bulshada ka mid ah ayaa aragtidan oo kale ka qaatay xukunka iyo xabsiga la isu raaciyay dhallinyarada. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa soo jeediyay in wada-hadal lala furo Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii shalay ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 15 qof. Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar ayaa sheegay in dagaal oo kaliya aan lagaga adkaan karin Al-Shabaab, kaasoo soo socday in ka badan 10 sano, walina aan dhammaan, wuxuuna taa bedelkeed tallo ahaan u soo jeediyay in miiska wada-hadalka lala fadhiisto dadka ay ka go’do tallada ee Kooxdaasi. Xiligii uu ahaa Wasiirka amniga Somaliya ayuu sheegay inuu u bilaabmay wadahadal isaga iyo Al-Shabaab, balse markii xilka laga qaaday uu istaagay, wuxuuna tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka uu xilka ku wareejiyay ee Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) uu ka dalbaday inay halkeeda ka sii wadaan wada xaajoodka. “Al-Shabaab waxaan aaminsanahay in lala fariisto inay mudanyihiin in waqtigeeda la gaaray in lala fariisto, waa ogtahay maalin dhaweyd Mareykanka wuxuu la galay qoladii Talibaan uu la dagaalamayay mudo ko dhow 20 sano, Shabaab dad Soomaaliyeed waaye dadka howshaan wada koow in lala fariisto waan qabaa, annaga Wasiirka waqtigii aan ahaa Al-Shabaab wadahadal waa ogolaayeen” ayuu yidhi Cabdirisaaq Cumar. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo Saddex cisho ay ka hadhsan tahay muddada ay u buuxsameyso labada sanno ee ka soo wareegatay xilligii la doortay, ayaa markii uu xilkan u tartamayay baarlamaanka ka hor sheegay inuu laba sanno gudeheed ku soo afjarayo Kooxda Al-Shabaab, taasoo u muuqata mid aan waxba ka dhaqan gelin. Somalilandtoday/Muqdisho/Office Source
-
Click here Qaran News
-
Ha’yaddahu Waa Qawleystayaal Kumaxaafsadda Magaca Shacabka “W/q: Mr. Hamse Wiyeer-yare” Hordhac: “Qormadan kooban waxaynu ku falanqayn doonaa dhinacayo badana ka eegi doonaa Ha’yaddaha Caalamiga ah ee dalkeena sida raxan-raxanta ah u imanaaya iyo waxqabadyada ay ka geystaan gudaha dalkeena. Hadaba Ha’yadahani ma yihiin kuwo wax inoogu qabta sida aynu u rabno, isla markaana ma yihiin kuwo inoo daneeya mise waa kuwo danno gaar ah iyo ujeedooyin ay wataan u fuliya arimaha caawimadda ah ee ay inoo qabtaan”. Tiro kor u dhaafaysa boqolaal Ha’yaddood oo caalami ah oo aan dawli ahayn (NGO), ayaa ka xafiisyo iyo xarumo ku leh gudaha caasimadda iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, Ha’yaddahani waxay inta badan barahooda Internetka ku faafiyaan waxqabadyadda iyo deeqaha ay doonayaan in ay ka geystaan hadba shaqadda quseysa ee ay lacagaha kusoo qaateen, Isla markaana waxay isla barahoodda Internet-ka ku faafiyaan mashaariic ay sheegaan inta badan boqolkiiba sagaashan (90%) in ay iyagu gacan ka geysteen oo ay ka hirgeliyeen Magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka, isla markaana goob kasta oo wax-yar oo ribad leeg ay ka fuliyaan, waxay ku dhejiyaan boodhadh, isla markaana waxay ku faafiyaan Internet-ka iyo caalamka, iyaga oo tusaaya in horumar ka wadaan gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Haddaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay, “Ha’yaddaha Caalamigu miyey inoo daneeyaan mise way inagga daneystaan?”, laakiin inta aanan idinla wadaagin cilmi baadhis aan si shakhsiyan ah u sameeyey, aan idin xasuusiyo qodob muhiim ah oo la xidhiidha xogta iyo halka ay ka keenaan lacagaha ay inta badan sheegaan in ay ku bixiyaan ama ku fuliyaan mashaariicda Waddamada soo koraaya oo aynu ka mid nahay, kuwaas oo sheega in ay bulshada ra’yidka ah iyo Dawlada ka caawiyaan. Halkay Ka Helaan Lacagaha: Inta badan Ha’yadaha Caalamiga ah (NGO), oo ay sida inoo sheegaan sumadoodu ama astaan-toodu tahay “Kuwo aan faa’ido doon ahayn(Non-profit Oriented)”, waxay inta badan lacaguhu kusoo galaan laba hab oo waaweyn :- 1. Xafiisyada Arimaha Dibada Ee Waddamada Horumaray: Ha’yadana inta badan deeqaha iyo mashaariicada ka fuliya inta badan waddamada soo kor’aaya ee Afrika oo aynu kamid nahay, waxay Xafiisyada arimaha dibadda ee waddamada horumaray u gudbiyaan nuqulo ay ku sharaxayaan ujeedooyinka ay u samaysan yihiin iyo hiigsiga ay rabaan in ay gaadhaan mustaqbalka dhaw, waxa ayna si kalsooni ku jirto uga dhaadhicyaan ahmiyadahooda guud, halka ay xafiisyadaas arimaha dibada ku qanciyaan in xafiiska laftiisa iyo wadankiisuba ay sumacad iyo taariikh u noqon doonto hadii ay bixiyaan xadiga lacagta ah ee ay ka codsanayaan, iyagoo u balan-qaadaya in xafiisyadaas arimaha dibada ay ugu noqon lahaayeen waddo ay u adeegsadaan sidii ay u gaadhi la’ahaayeen dalka ay Ha’yadahani caawimada ka geysanayaan waa hadii arimo muhiim ahi kasoo galaan wadankaas. 2. Sadaqo Iyo Lacago Lagasoo Uruuriyo Kiniisadaha Iyo Dadka Hantida Leh: Ha’yaddahan mashaariicada caawimadda ah ka fuliya gudaha dalkeenu waxay sawiro iyo muuqaalo u gudbiyaan inta badan dadka hantida leh iyo goobaha kiristaanku ku cibadeystaan ee Kiniisaddaha, sawirada iyo muuqaalada ayey kusoo bandhigaan dad baahan, Afrikaan ah, misna gaajo, abaaro, xanuuno iyo caqbado kae oo badani haystaan, taas waxaa tusaale la taaban karo u aha Maal-qabeenka Bill Gate oo caawimadda dartii u furay Ha’yad isaga hoos timaada oo la yidhaah “Bill & Melinda Gates Foundation” Ha’yaddan isagu uu maamul ayaa dhawaan soo bandhigtay ilaa mudadii la aasaasay oo ahayd 2000 in hanti kor u dhaafaysa 4.6 bilyan oo doolar ka geysatay wadamada soo koraaya ee u badan Afrika. Dhanka kale wax ay ku tilmaamaan sadaqo ayaa inta badan Kiniisadaha wadamada horumaray ay kasoo uruuriyaan iyagoo u sheega in ay ugu gar-gaarayaan dad iyo dalal baahan. Hadaba hadii aynu labadaas qodob kusoo koobno hababka ay lacagaha iyo deeqaha ku helaan Ha’yadaha caalamiga ah ee aan dawliga ahayn (NGO), aan ku xasuusiyo in ay jiraan habab kale oo wadamada soo koraaya ee aynu kamidka nahay ay ku helaan lacago iyo deeqo sharciyeysan, hababkaas kale oo ka madax-banaan Ha’yadaha aan dawliga ahayn ayaa ah in dawaladaha horumaray si toos ah lacago iyo mashaariic ugu yaboohaan, halka lacagahaas ama mashariicdaasi yihiin kuwo dalkaas soo koraaya loogu deeqay ama kuwo ku ah amaa(deyn) oo hadhow laga rabo in wadamada soo korayaa dib iskagasoo celiyaan, mashaariicaha iyo deeqaha noocan ahi waa kuwa inta badan si rasmi ah uga hirgala wadankaas ay ugu deeqeen, isla markaana marka la dhameystiro waa mashaariic noqoda kuwo dhaxal-gal ah oo sanado badan loo aayo, inta badana wadamada ku deeqay kuma faafiyaan warbaahinta, keliya marka ay deeqahaas wareejinayaan iyo marka ay dhamaystiraan mooyaane. Hadaba hadii aynu hoos ugu daadegno ujeedada qormadaydan, bal aynu dhinacyo badan ka istaagno mashaariicaha iyo deeqaha ay Ha’yadduhu sheegaan in ay ka fuliyeen gudaha dalkeena, iyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay wixii ay fuliyeen. BEERAHA: Inta badan beeraha iyo deegaanka ayaa ah meelaha sida aadka u ba’an ay saameyn iyo waxyeelo kaga tagaan Ha’yaddaha caalamiga ahi, Waxa ay siidh iyo bacramiyayaal u qaybiyaan inta badan beeralleyda tuulayaasha miyaga, waa wax fiican in siidh iyo bacramiyayaal ay helaan beeralleyda dalkeenu, laakiin natiijadii laga dhaxlay ayaa waxay noqotay in siidhkaasi uu noqodo mid hal mar uun beerma ama bax, kaas oo aan dib u baxahayn, isla markaana nabaad guur iyo xaaluf ku rida dhulkii irmaanaa ee lahaa ciida dihin ee waxsoosaarka sanaddo badan lugu yaqaanay. Midhaha kasoo baxa shiidhkaas iyo bacramiyaashaas ayaa gadaal laga ogaadey in aanay lahayn faaidadii hore ee lugu yaqaanay cuntadaas, taas oo bulshada ka dhigi karta kuwo aan nafaqo iyo awood buuxda ama koritaan dhamaystiran aan helin. Waxyeeladda iyo nabaad guurka ay deegaanka iyo beeraha kaga tageen siidhka iyo iniinyaha ay Ha’yadduhu beeralleyda dalkeena ugu deeqaan, waxay gaadhey heer dalagii yaryaraa ee wakhtiga kooban ku bixi jiray, ahaana kuwa ugu muhiimsan ee sida maalinlaha ah dalka looga quuto ay noqodeen kuwo meesha ka baxa, waxaana tusaale u ah in Xabuubta iyo khudaarta lamidka ahi ay maanta inooga yimadaan wadamadda jaarka siiba Itoobiya, WAX-BARASHADDA: Dhanka waxbarashada hadii aynu eegno, inta badan Ha’yaddahan caalamiga ah ee aan dawliga ahayn waxay deegaano badan oo dalka kamid ah ka fuliyeen mashaariic dib u dayac tir iyo dhismayaal cusub labadaba inta badan dugsiyadda kuyaal deegaano badan oo dalka ah. Ilaa hadda ma jiraan dhismayaal buuxa oo ay Ha’yaddahani ka fuliyaan dugsiyada, laakiin inta ugu badan ayaa ah dhismayaal kookooban sida Suuliyadda iyo hal-hal fasal oo ay ku biiriyaan dugsiyadaas, sida ay Ha’yaddahani ku caan baxeen inta badan isma laha tirada dhismaha ee ay goob ka sameeyeen iyo sidda ay xayeysiisyo ugu sameynayaan, iyagoo ka dhigaaya in guud ahaan dhismaha dugsigaas ay gacantooda ku qabteen, isla markaana boodhadh waaweyn ku dhejinaaya dugsiyadda ay dayac-tireen, taasina waxay meesha ka saaraysaa jiritaankii Wasaaradda waxbarashada, waxayna indhaheena iyo indhaha caalamkaba arkayaan in idil ahaanteenba dalkeenu yahay mid caawimo ku dhisan, kol hadii aynaan laba suuli iyo hal fasal dhisan kari weynay. Maaha dhanka waxbarashada oo keliya ee sidoo kale waxay tanoo kale ka dhacadaa Sariibadaha degmooyinka iyo cisbitaaladaba. XOGTA: Tusaale ha inoogu filnaadaan labadaas qodob ee aadka u muhiimka ah, kana hadlaaya muhiimadda iyo jiritaanka guud ahaan bulshadadeena. Haddaba “Ha’yadduhu miyey inoo daneeyaan mise way inagga daneystaan?”, aynu isbarbar dhigno dhaqaalaha xoogan ee ay kusoo qaataan Ha’yaddaha aan dawliga ahayn ee caalamku iyo waxqabadyada muuqda ee ay inoo qabtaan, waa kala-maan iyo laba aan isbarbardhigi karin kharashka ama lacagta (Fund-ka) kuwaas oo kor u dhaafaya Balaayiin doolar oo lacag ah iyo waxqabadkoodii oo ku kooban kuwo aad u yar oo tiro ahaan kooban misna aan faaido badan laga dhaxlin jiritaankooda iyo manafacaadkii looga fadhiyey waxqabadkaas ay fuliyeen. Xogtan waxaan ku cadeynayaa in ay meesha ka maqantahay gebi ahaanba la xisaabtankii Ha’yadaha NGO-yadda ah ee inooga yimaada caalamka, taasina waata keenaysa in waxqabadka Ha’yaduhu noqodaan “Qawda maqashii, waxna ha u qaban”, taasna waxaa dayacay oo aan ka daba-shaqayn cidii masuuliyad u lahayd in ay la xisaabtamaan, halka madaxweynaha iyo golaha wasiiradu ay kow ka yihiin kuwii la xisaabtami lahaa. Wabilahi tawfiiq. Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland Qaran News
-
(SLT-Dubai)-Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Malta ayaa xaqiijisay geerida Muwaadin u dhashay dalkooda oo lagu magacaabo Paul Anthony Formosa, kaasi oo ahaa Madixii Shirkadda &O Ports ee hoos tagta Shirkadda DP World ee Mashruuca Dekedda Bosaaso. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Malta ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socon doonaan dhacdadaasi, isla markaana ay shaacin doonaan wararka dheeraad ee ku aadan baaritaanka Dilkaasi. Xisbiga Waddaniyadda ee dalka Malta waxa uu Dowladda dalkaasi ku booriyey inay xiriir la sameeyaan Muwaadiniinta kale ee Malta ee ku sugan gudaha Somalia iyo in baaritaan buuxa lagu sameeyo dilkii Paul Anthony Formosa. Dhinaca kale, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay Madixii Dekedda Bosaaso ay ku dhaawacmeen 3 qof oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda DP World. Hadal-qoraal oo ay Dowladda dalkaasi soo saartay ayaa lagu shegeay inay ka war dhowrayaan baaritaan haatan ay Maamulka Puntland ku hayaan dhacdadii dilka ee shalay ka dhacday Dekedda Bosaso.Wararka ugu dambeeyey waxay sheegayaan in maydka Madixii Shirkadda &O Ports ee hoos tagta Shirkadda DP World ee Mashruuca Dekedda Bosaaso, Paul Anthony Formosa la filayo in maanta loo duuliyo dalka Imaaraadka Carabta, si loogu sii gudbiyo dalkiisa hooyo ee Malta. Paul Anthony Formosa oo 52-jir ahaa waxa uu ka soo jeedaa magaalladda MARSASKALA ee dalka Malta, wuxuuna xilka Madixii Shirkadda P & O Ports ee magaalladda Bosaaso hayey tan iyo sanadkii 2017-kii Source
-
(SLT-Jigjiga)-Afar maalmood kaddib magaalada Jigjiga waxaa laga qaaday Bandowgii ay horay uga soo rogeen hay’adda ammaanka Dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Bandowga ayaa ahaa mid mamnuucayay isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Jigjiga xiliyada habeenkii si loo sugo amniga, loona xakeemo rabashado dhimasho sababay oo qomiyado ku saleysnaa kana dhacay magaalada. Sidoo kale go’aanka laga qaaday Bandowga Jijiga ayaa ku soo beegmay xili uu magaalada dib ugu laabtay hoggaamiyaha xisbiga tallada haya ee dowlad deegaanka Axmed Shide oo sheegay in uu la xaliyay wixii khilaafaad ahaa soo kala dhax-galay maamulka kaddib markii ay shir jaraa’id wada jir u qabteen isaga iyo madaxweyne Mustafe Maxamuud Cagjar oo xurguf siyaasadeed soo kala dhax-gashay. Laga soo bilaabo bishii June sanadkii 2018kii rabashado ka taagnaa Jijiga ayaa laga sheegay in ay ku nafwaayeen dad gaaraya 59 ruux, halka 266 kalana la sheegay in ay ku dhaawacmeen. Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wali xabsi ku jira, sidoo kale waxaa jira dad kale oo ka tirsanaa maamulkiisa oo lagu soo oogay dacwado la xiriira in ay qeyb ka ahaayeen rabashadiihii ka dhacay deegaanka iyo dacadiyo kale oo ka dhan ah Aadanaha. Source
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Dowladda Imaaraatka Carabta iyo Jazeerada Malta ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay dilkii shalay ka dhacay dekada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Malta ayaa xaqiijisay geerida Muwaadin u dhashay dalkooda oo lagu magacaabo Paul Anthony Formosa, kaasi oo ahaa Madixii Shirkadda P&O Ports ee hoos tagta Shirkadda DP World ee Mashruuca Dekedda Bosaaso. Qoraalka ayaa lagu sheegay in ruuxaasi ku geeriyooday ay sidoo kale la dhaawacmeen seddex kamid ah shaqaalaha Shirkadda oo mid kamid ah la sheegay inuu u dhashay dalka India. Dhinaca kale, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay Madixii Dekedda Boosaaso ay ku dhaawacmeen 3 qof oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda DP World. Hadal-qoraal oo ay Dowladda dalkaasi soo saartay ayaa lagu shegeay inay ka war dhowrayaan baaritaan haatan ay Maamulka Puntland ku hayaan dhacdadii dilka ee shalay ka dhacday Dekedda Bosaso. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana Cali Dheere uu sheegay in arinta ay ka dambeysay kadib cabasho ay ka heleen shaqaalaha dekada Boosaaso. Meydka Paul ayaa la filayaa in loo qaado dalka Imaaraatka Carabta, waxaana kadib la sheegay in dalkiisa Malta loosii wareejin jiray. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
(SLT-Venezuel)-Qaar ka mid ah dalalka qaarada Yurub sida UK,France,Germany,Spain iyo wadamo kale ayaa si rasmi ah ugu aqoonsaday hogaamiyaha Mucaaradka dalka Venezuel Juan Guaido uu yahay madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaas. Arrintan ayaa timid kadib markii uu Madaxweyne Nicolas Maduro uu diiday waqti loo qabtay oo ah inuu ku dhowaaqo doorashooyin cusub, Mr Guaidó ayaa bishii la soo dhaafay ku dhowaaqay inuu yahay Madaxweyne ku meelgaar ah waxana uu helay taageerada dowlada Maraykanka. Hase yeeshee dowlada Ruushka ayaa taageertey Mr Maduro iyadoo ku eedeysay wadamada qaarada Yurub inay farogelin ku hayaan arrimaha dalka Venezuela. Ugu yaraan 15 dal oo ka mid ah ururka Midowga Yurub ayaa taageeray Mr Guido halka dowlado kale sida wadanka Giriiga ay taageero u muujiyeen Mr Maduro. Source
-
(SLT-Boosaaso)-Waxaa xalay cisbitaalka magaalada Boosaaso ku geeriyooday ninkii shalay toogashada ku dilay maamulihii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Port ee dalkaasi Imaraadka Carabta Paol Farmosa. Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, da’ahaana lagu qiyaasay 20 jir ayaa la dhigay qaybta xaalada deg dega ah ee cisbitaalka Bosaso, iyadoo qaliin lagaga sameeyay 5 xabadood oo ku dhacay ”Abaarihii 8: 30 fiidnimo ayay naftu ka baxday, waxaa lagu sameeyay qaliin lagaga saaray xabado kaga dhacay Badhida, Caloosha iyo gacanta, waa lagu dadaalay in la badbaadiyo hase yeeshee waa lagu guul-daraysay” sidaas waxaa u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka Cusbitaalka Boosaaso oo magaciisa qariyay. Muqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo laga soo duubay ninkan ayaa muujinayay nin oo ay waraysanayaan saraakiil ka tirsan ciidammada booliska, iyagoo waydiinayay meesha uu ka yimid iyo magaciisa, hase yeeshee xaaladiisa oo aad cuslayd kama uusan jawaabin su’aalihii la waydiinayay. Ninkan oo ku hubaysaa bastoolada ayaa shalay abaarihii 7:15 wuxuu toogasho ku dilay maamulihii shirkadda P&O port u qaabilsanaa Dekedda Boosaaso, isagoo dhaawacay mid ka mid ah saraakiisha ajnebiga ee ka shaqaynaysay Dekedda Boosaaso iyo laba askari oo ilaalo u ahaa Paol Farmosa. Ciidammada Ilaalada Dekeda ayaa toogtay ninka dilay Paol Farmosa, waxay kaloo qabqabteen tiro dad ah oo ka mid ahaa shacab doonayay inay wax ka soo iibsadaan suuqa Kalluunka magaaladda Boosaaso. Source
-
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xalay kulan xaasaasi ah la qaatay wasiirka maaliyada, Sacad Cali Shire waxana uu Ka codsaday in uu beeniyo in wax dayn ah ay lala wareegeen xukumadii hore ee Siilaanyo, waxana Dr Sacad aad loogu canaantay arintaasi Ka baxday. Dhanka kalena waxa jirta xubno mihiim ah oo ku dhow dhow madaxweynaha oo iyagu talo ku bixiyay in aan arintaasi aan la beenin taasi oo ay sheegeen in ay sii abuuri doonto buuq hor leh hadii uu wasiir Sacad uu saxaafada la hadlo Hadaba hadii uu Sacad Cali Shire uu saxaafada la hadlo oo arintani uu dhabarka u saaro xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa, oo sida Madaxtooyada laga soo abaabulay uu warbaahinta la hor yimaado dafiraad iyo hadal aan isaga Ka soo bixin, waxa ay arintani noqon doontaa fadeexadna kale. Qaran News
-
NISA: Waxaan Gacanta Ku Dhignay Hub Ay Leeyihiin Al-shabaab
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka “NISA” ayaa sheegtay in gacanta ay ku dhigeen hub ay leeyihiin xarakada Al-shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Forsooleey oo ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Qoraal ay NISA soo dhigtay barta Twitter-ka ayeey sidoo kale ku sheegtay iney burburiyeen goobo Al-shabaab ay dadka uga qaadi jireen Zakada. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyaga oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka. Ciidanka amniga oo 2-da bishaan howlgal qorsheysan ka fuliyay goobo ka mid ah tuulada Forsooleey, ayaa hub kusoo furtay, laba goobood oo AS dadka Zakawat uga qaadi jireenna ku burburiyay. Howlgalka waxaa daba socday laba duqayn oo AS looga dilay ilaa 40 xubnood. Source: goobjoog.com -
(SLT-Congo)-Xukuumadda xilka sii banaynaysa ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa waxa ay difaacday go’aanka ay wasiirradii hore ugu ballan qaadday inay heli doonaan mushaarkoodii inta ay nool yihiin iyo weliba dhaqaale kale. Go’aanka dhammaan wasiirraada bishii lagu siinayo in ka badan 2000, halka kharash intaa ka badan la siin doono Ra’iisul Wasaarayaashii hore, ayaa waxaa ka dhashay dhaleecayn xooggan. Inta badan dadka dalkaasi ayaa waxa ay la daalaa dhacayaan saboolnimo baahsan. Qof la taliye u ah Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa kharashaadkaasi waxa uu ku qeexay mid aan badnayn oo loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in wasiirradu aanay ku soo dhicin faramarnaan markii ay xafiiska banneeyaan. Heshiiskan ayaa waxa uu qorayaa in wasiirradii hore ay inta ay nool yihiin ay bishii heli doonaan in ka badan 2000 oo doolar, halka Ra’iisul Wasaarayaashii hore ay heli doonaan lacag waxoogaa intaas ka badan oo ay u dheer tahay dawayn caafimaad oo bilaash ah oo dibadda loogu qaado. Qof u dooda xuquuqda aadanaha ayaa heshiiskaasi ugu yeeray inuu yahay iskuday lagu doonayo in lagu sii wado xatooyadii lagu hayay hantida dadweynaha. Arrintan kuma koobna oo kaliya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, ee dadka Nigeria ayaa waxa ay aad ula fajaceen markii ay ogaadeen in senator-radda ay bishii qaataan in ka badan 30 kun oo doolaar oo kharashaad ah. Sidoo kalana xildhibaannada Kenya ee la siiyo mushaarka aadka u badan ayaa waxaa lagu yaqaan in markii la doortaba ay jaangoystaan kharashka ay qaadanayaan. Source