Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,124
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Kenyan opposition party has renewed its call to withdraw the military from neighboring Somalia. The demand comes one week after the deadly Nairobi hotel attack that was claimed by al-Shabaab which claimed the lives of more than 21 people including two British and one US nationals. Ford Kenya leader Moses Wetang’ula has reiterated his call for Kenyan Defense Forces under the banner of AMISOM to be recalled from Somalia. Addressing the media in his office on Tuesday in the capital Nairobi, Wetang’ula said Kenya’s mission was stabilizing Somalia through the creation of buffer zone, which was contested by both state and non-state actors. Moses Wetangula, the current Bungoma Senator, was the Foreign Affairs minister when Kenyan soldiers crossed the border into Somalia in October 2011. “Somalia sees Kenya as a source of occupation and, therefore, there is need to take a soberer means of addressing the security issues in the region,” he said. He expressed fears over the trend of terror attacks in Kenya and called for a change of tact in fighting terrorism. “What is worrying is that the attackers are our youngsters that have been converted,” he said. The senator blamed the Judiciary for delaying and taking long to prosecute terror-related cases and individuals accused of taking part in financing and masterminding the attacks that occur in the country. The post Kenya urged to withdraw its troops from Somalia attack Nairobi attack appeared first on Shabelle. View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal Oo Kulan Xasaasi Ah La Yeeshay Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Arrimaha Ay Ka Wada-hadleen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa bilowday hawlgallo ay ku diiwaangelinayso madarasadaha Quraanka, isla markaana loogu samaynayo manhaj isku mid ah. Arrintan ayaa la sheegay in lagu doonayo in la helo macallimiin tababaran, ardaydana looga ilaaliyo inay ku faafaan afkaar aan habboonayn. Shir maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta madarasadaha, culimada qaarkood, masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa iyo masuuliyiinta ciidamada Booliiska, ayaa arrintaasi laga shaaciyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. 23/1/2019 Dadwaynow waxaad waydiisaan madaxwayne muuse iyo gudoomiyaha ururka ucid ,halkee la mariyey sawirkii indhaha ee dadwaynaha laga qaaday ee lahaa doorasho ayaad ku galaysaan si aanu ku celcelis u dhicin ,hadaba waxaa iswaydiin leh reer somalilanow miyaad ku gasheen doorasho ? xagee la geeyey kaadhadhkii indhaha ee la idinka qaaday? Komiishanku se maxay dadka beenta ugu sheegayeen iyagoon sawirkaa indhah doorasho ku qaban? Xageese ay geeyeen miyey daadiyeen , inta suaalahaasi taagan yahiina oo aanay komiishanka iyo faysal iyo muuse ka jawaabin ma dhacayso in komiishanka laga laabta kala diridooda ,waayo ,waxay galeen khiyaamo sawir beenanan dadkay ka qaadeen dooroshana laguma galin, Markaa ma faysal ,faysal waxa uu rabaa in uu bililiqaysto codka musharaxiinta oo uu ku soo saaro kuwa qabiilkiisa sidii horeba u dhacday , muusana isna nin uu doonayo mooyee nin kale oo cod ku soo baxayaa majiro ee waxaa haboon in loo dhug yeesho dadwaynow khiyaamada ay damacsan yahiin muuse shaani iyo laba wajiile faysal . Dadku waxay u arkaan in labadan nin daacad ,waa labdii nine e khalkhlaka galiyey doorashii dowladaha hoose ee sandkii 2012kii, ee ninkii ay rabeen uun keenay meesha, qabashada doorasha ee eega waxa ragani damacsanyahiin , waa rag bahashu fadhfadhud. By : Khadar Adam Aw Muuse mixile190@gmail.com Source
  5. (SLT- Michigan)-Dacwad oogayaal federal ayaa sheegay in saddex nin oo degan gobolka Michigan lagu soo oogay dacwad ku saabsan inay shirqoolayeen inay qalab ku taageeraan kooxda Daacish. Waxa ay sheegeen in FBI-da ay Isniintii xidhay Muse Abdikadir Muse, Mohamud Abdikadir Muse iyo Mohamed Salat Haji, waxaana dadkan oo degan magaalada Lansing kiis dacwaeedkooda la diiwaan geliyey salaasadii. Dacwad oogayaasha waxay ay sheegeen in dhammaan saddexda eedeysane ay yihiin muwaadiniin qaatay dhalashada Mareykanka oo ku dhashay dalka Kenya. Weli ma cadda in Muse Abdikadir Muse iyo Mohamud Abdikadir Muse ay walaalo yihiin iyo in kale. Waraaqaha lagu qoray dacwadooda ayaa muujinaya Muse Abdikadir Muse uu horaantii bishan goostay tikit diyaarad oo uu ku aadi lahaa magaalada Muqdisho, isaga oo ka baxaya magaalada Grand Rapids. Mohamed Salat Haji iyo Mohamud Abdikadir Muse ayaa la sheegay in ayagana ay ku gacan siiyeen Muse Abdikadir soo iibsashada tikit-ka una kaxeeyeen garoonka diyaaradaha Gerald R. Ford International Airport ee magaalada Grand Rapids. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax gaari ayaa galabta waxa uu ka dhacay meel ku dhaw isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiil ammaanka qaabilsan. Gaari nuuciisa uu yahay HILUX oo Somalidu ay u taqaano Qooqan ayaa ku qarxay isgoyska Taleex, kaasi oo yiilay goobta gaadiidka la dhigto ee PREMIER Bank. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen xilliga uu qarxayay gaariga in aysan jirin qof saarneyd. Qaraxan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa 4 ruux oo goobta ka akdhawaa markii uu Qaraxa dhacayay, kuwaasi oo durbadiiba loola cararay isbitaalka Daaru Shifa. Gaadiidka dab damiska ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xoogan oo ka dhashay gaariga qarxay oo ilaa hadda aanan la ogeyn waxa uu yahay qofkii watay. Ciidanka ammaanka ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna wadaan baaritaanka qaraxan oo nuuciisa lagu sheegay midka dhejiska ah. Shalay ayay aheyd markii Qarax Miino uu ka dhacay aagga Carwo Itko, kaasi oo ay ku geeriyoodeen laba ruux oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay askari Boolis ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Qaraxyo ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxyada ayaa waxa ay ka dhaceen agaarka isgooyska Taleex ee Muqdisho. Qaraxyada ayaa sidoo kale waxaa daba socday rasaas. Wixii ku soo kordha dib kalla soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qaraxyo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. Nairobi ( Sh. M. Network )-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Kenya Moses Wetangula ayaa ugu baaqaday dowladda dalkaasi in Ciidamdeeda ay kala soo baxdo Soomaaliya. Mr Wetangula oo haatan ah Senator ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay kaalin weyn ka qaateen howlgalka lagu nabadeynayo Soomaaliya. Waxaana uu intasi ku daray in Soomaaliya ay u aragto Kenya mid dhul qabsasho u socota, loona baayahan yahay in la miisaamo qaabka loo wajahayo nabdeynta gobolka. Sidoo kale Sanator-ka ayaa eedeyn dusha kaga tuuray hay’adaha Garsoonka ee Kenya , waxaana uu tilmaamay in ay daahiyaan xukunada ka dhanka ah dadka ku eedeysan falalka la xariira Argagixisanimada ee ay gacanta u galiyaan laamaha ammaanka dalkaasi. Ciidamad Kenya ayaa Soomaaliya soo galay sanadkii 2011- kii, iyaga oo tan iyo xilligaasi ka qeyb galayay dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab. The post Kenya Oo loogu baaqay in Somalia ay kala baxdo y Ciidankeeda appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Guddoomiyaha Hay,ada maaraynta iyo masiibooyinka Puntland ee HADMA C/laahi C/raxmaan Ceyrow oo waraysi gaar ah siiyay Puntlandi.com ayaa sheegay in qaybo kamid ah deegaanada Puntland [...] Source
  10. Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa xilka ka qaaday Mas’uuliyiin dhowr oo la sheegay in ay kasoo horjeedeen maalmihii lasoo dhaafay. Kulankii golaha wasiiradda ee DDS waxaa xilkii looga qaaday koox lagarab ah axmed shide kuwaas oo kala ah. 1. Cabdi Xakiin Cigaal _ Madixii xarunta dhexe Ee Xisbigga. 2. Guleed Aw-cali wasiirkii warfaafinta DDS. 3. Cabdi Xukun Cali Dubad oo ahaa madixii Machadka farsamada ee DDS. 4. Cabdi Bile madaxii shirkada yar yar ee DDS. Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa Wasiirka Warfaafinta u magacaabey Cabdillaahi Maxamed Mowliid. Madaxweynaha Dowlad degaanka ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxaa soo food saaray caqabado badan oo ay ka mid yihiin arrinta isku dhaca qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, oo uu meel adag ka istaagay, isagoo na horay u sheegay in isabdel uu ka dhacay deegaanka Soomaalida, balse xagga Oromada uusan wax isbadel ah ka dhicin. Awoodda Xisbiga ayaa u muuqata inay sababtay loollan adag oo u dhexeeya madaxweynaha deegaanka, Mustafa Cagjar, iyo Gudoomiha Xisbiga, Axmed Shide. Shide waxaa uu ku xiran yahay dowladda federaalka Itoobiya, wuxuuna horay u soo noqday wasiirkii warfaafinta, haatanna waa wasiiraka maaliyadda ee dalka Itoobiya. Waxaa muuqata inuu saameyn badan ku leeyahay siyaasadda deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in Mustafa Cagjar uu kabaxay shir ka dhacay magaalada Addis Ababa kaasi oo u dhaxeeyay Axmed Shide oo ah wasiirka maaliyadda Ethiopia iyo isaga, kadib markii qodobo kala duwan ay isku qabteen. Shirka uu ka baxay Mustafa Cagjar ayaa la sheegay inuu sidoo kale qeyb ka ahaa ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed, waxaana Mustafa oo ku laabtay magaalada Jigjiga uu amray in ciidamada amaanka heegan ay galaan. Madaxeyne Mustafe Cagjar ayaa doonaya in xubnaha kamid ah maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar gabi ahaanba aysan kasoo muuqan xarumaha kala duwan ee maamulka Soomaalida. Ciidamada badan ee lagu daadiyay magaalada ayaa la doonayaa inay ka hor tagaan qalalaaso ka dhaca magaalada, waxaana maanta kulan gaar ah yeelan doona golaha wasiirada, isaga oo madaxweynaha uu shir guddoomin doono. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa saaka gudaha M/ Muqdisho ku dilay mid ka mid ahaa howlwadeenada wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble (Cabdi Madoobe), kaas oo lagu dilay xaafadda Al-Baraka ee degmada Hodan. Dalbey ku hubeysan bastoolado ayaa Marxuumka toogtay, kadibna goobta isaga baxsaday, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta ka qaaday Meydka, kadina howlgallo ka sameeyay halkaasi. Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in dilkaasi ay fuliyeen xubno ka tirsan Dagaalyahannadooda. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Muqdisho. The post Shaqaale ka tirsanaa w/arrimaha gudaha Oo lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  12. (SLT-Hargeysa)-Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Oo Si Adag Ugu Jawaabay Eedaymo Uga Yimid Jaamac Shabeel, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. New York ( Sh. M. Network )-Ciidamada FIB-da Mareykanka ayaa ayaa Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihin Ururka Daacish ku xiray gudaha dalkaasi. Muwaadininintan oo gaaraya illaa iyo saddex ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah la qabata, xilli uu isku diraarinayay in uu u soo duulo Soomaaliya. FBI-da Mareykanka ayaa magacyada raggani ku kala sheegtay Muuse C/qaadir Muuse oo 23 jir aH, Maxamuud C/qaadir Muuse oo 20 jir ah iyo Maxamed Salaad Cali oo 26 jir ah, kuwaas oo lagu xiray magaalada Lansing gobolka Michigan ee dalkaasi. Xeer ilaalinta gobolkaasi ayaa ku eedeysay xubnahan in ay xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya. Sidoo kale xeer ilaalinta ayaa sheegtay hadii raggani lagu helo dambigan ay muteysan doonaan xabsi gaaraya 20 sano oo xarig ah. Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalal dhowr ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa dhalinyaro ka qorata dalalka reer Galbeedka oo uu ka mid yahay Mareykanka. The post FBI-da Mareykanka Oo xirtay Muwaadiniin Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Gen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays) oo kamid ahaa Saraakiishii [...] Source
  15. Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa xilka ka qaadey wasiirkiisii warfaafinta Guuleed Aw Cali Kaahin isaga oo isla jagadaasi u magacaabey Cabdillaahi Maxamed Mowliid. Arrintan ayaa qeyb ka ah khilaafka u dhaxeeya wasiirka maaliyadda dawladda federaalka Itoobiya Axmed Shide iyo madaxweynaha kumeel-gaadhka ah ee deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar. Cabdillaahi Maxamed Mowliid oo hadlayey magacaabistiisa kadib ayaa yiri”Qof kasta oo ummadda dhibaato u gaystay sharciga ayaa la hor keeni doonaa, cidna gorgortan lagalama gali doono” . Waa wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, waxaa uu garab ka heystaa Abiy Axmed ra’isul wasaaraha Itoobiya, waa siyaasi horay uga soo shaqeeyey xukuumaddii Hailemariam Desalegn. Khilaafka laba nin ayaa gaaray in la shaki geliyo isbadalka ka dhacay Itoobiya iyo siyaasadda dowladda federaalka ah ee gobolka Soomaalida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Grand Rapids (Caasimada Online) – Dacwad oogayaal federal ayaa sheegay in saddex nin oo degan gobolka Michigan lagu soo oogay dacwad ku saabsan inay shirqoolayeen inay qalab ku taageeraan kooxda Daacish. Waxa ay sheegeen in FBI-da ay Isniintii xirtay Muse Abdikadir Muse, Mohamud Abdikadir Muse iyo Mohamed Salat Haji, waxaana dadkan oo degan magaalada Lansing kiis dacwaeedkooda la diiwaan geliyey talaadadii. Dacwad oogayaasha waxay ay sheegeen in dhammaan saddexda eedeysane ay yihiin muwaadiniin qaatay dhalashada Mareykanka oo ku dhashay dalka Kenya. Weli ma cadda in Muse Abdikadir Muse iyo Mohamud Abdikadir Muse ay walaalo yihiin iyo in kale. Waraaqaha lagu qoray dacwadooda ayaa muujinaya Muse Abdikadir Muse uu horaantii bishan goostay tikit diyaarad oo uu ku aadi lahaa magaalada Muqdisho, isaga oo ka baxaya magaalada Grand Rapids. Mohamed Salat Haji iyo Mohamud Abdikadir Muse ayaa la sheegay in ayagana ay ku gacan siiyeen Muse Abdikadir soo iibsashada tikit-ka una kaxeeyeen garoonka diyaaradaha Gerald R. Ford International Airport ee magaalada Grand Rapids. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa kasoo horjeestay shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo la sheegay in lagu qabanayo magaalada Boorama. Shabeel wuxuu yidhi khilaaf ayaa ka jira xisbiga dhexdiisa, waxaana uu dacwad u gudbiyay guddida diiwaangalinta ururrada siyaasadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SL-T Burco) Wariye Maxamed Jokar Oo Kamida Bahda Eryal Tv, Ayaa Warbixin Ka Diyaariyey Nolosha Qoysas Darn-yar Ah Oo Ku Nool Xaalado Adag, Daawo Muuqaalka, Murugada Leh Ee Warbixinta. Source