Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    192,560
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud oo warraysi gaar ah siiyay BBC Somali ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen Turkiga in ayna iman karin xeebaha Somaliland. “Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso – Soomaaliyana ayna u talin. Wax haba yaraatee aanu warwar ka qabnana ma jiro,” ayuu yidhi wasiirka isaga oo aan waxka weydiinnay sida uu u arko heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in uu meel gabagabo ah marayo hirgelinta is-af-garadkii Badda Cas ee u dhexeeyay iyaga iyo Dowladda Itoobiya. Is-af-garadkaan muranka badan dhaliyay ee ay bishii koowaad ee sanadkaan maalintiisii koobaad ay la gashay dowladda Itoobiya, kaas oo dhigaayay in Somaliland aqoonsi buuxa ka hesho Itoobiya halka dowladda dhexe ee Itoobiyana laga kireynayo saldhig ciidamo badeed oo ay ku yeelanayso gudaha Somaliland. Heshiiskan ayaa aad uga cadhaysiiyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya sababayna in xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada wadan uu gabi ahaanba meesha ka baxo. Sidoo kale Midowga Afrika ayaa kasoo horjeedsaday is-af-garadkaan dhacay, wadamo badan sida Maraykanka, Turkiga, Ururku Jaamacadda Carabta iyo kan Midowga Yurub ayaana soo saaray baaqyo ay ku sheegayaan ahmiyadda ay leedahay xurmeynta madax bannaanida iyo gobonimada dhuleed leedahay. Saamaynta heshiiska ka dhalatay keliya kuma ekayn wadamada ka baxsan Somaliland ee qudha balse waxuu saamayn kale oo gudaha ku yeeshay xukuumada Hargeysa. Waxaana is casilay Wasiirkii Gaashaandhiga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, isaga oo sheegay in is-afgaradkaan ay Somaliland la gashay Itoobiya ay ahayd in golaha wasiirrada lagala tashado heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya oo ah dal daris ah oo aan bad lahayn. Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiiskaan mid aan gabi ahaanba jirin lana aqbali karin, waxayna sheegtay in is-af-garadkani yahay mid xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah madaxbannaanida iyo gobanimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Fagaarayaal kala duwan ayayna madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uga hadleen. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana si adag uga hadlay, waxaa sidoo kale ka hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre. Labada gole ee barlamaanka Soomaaliya oo ka fadhiistay arrintan guud ahaanba waxay qaadaceen heshiiska iyagoo qeexay in ay tahay xad gudub ka dhan ah qaranimada Soomaaliya. Gudaha Soomaaliyana waxaa ka dhacay bannaanbaxyo looga soo horjeedo is-afgaradkaas waxaa ugu waaweynaa kuwo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, isu soo baxayaasha ayaana muujinaayay halhaysyo ay kamid yahiin ”Badeennu beec ma’aha! Go’aankii ugu danbeeyay ee looga soo horjeedsaday heshiiskaas waxuu ahaa mid ka dhacay caasimadda Dooxa ee dalka Qatar. Kalfadhiga Saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta oo ay la leeyihiin Waddamada Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan oo lagu qabtay 30-kii Abriil, 2024 dalka Qatar, ayaa lagu caddeeyay taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale ku taageereen dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax banaanida Soomaaliya ee dhulka, badda iyo hawada, sida lagu sheegay Bayaanka Doha oo ka kooban 16 bog. “Waxay cadeeyeen in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay si sharci ah u difaacdo dhulkeeda sida ku cad qodobka (51) ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo qodobbada khuseeya Axdiga Jaamacadda Carabta, ayna taageeraan. dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka. Bayaanka Shirka Golaha Wasiirada kasoo baxay ayaa boggiisa sagaalaad lagu sheegay in ay si buuxda u taageerayaan mawqifka Dowladda Soomaaliya waxaana bayaanka lagu qeexay in uu yahay tallaabo khatar ku ah amniga qaranka Carabta. “Wasiirradu waxay muujiyeen diidmada ay ku diideen is-af-garadkaan iyo wixii sharci, siyaasad, ganacsi ama millatari oo ka dhasha, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka inay cambaareeyaan oo ay diidaan qoraalkan. Waxa kale oo ay diideen isku dayo ay ku doonayeen in ay uga faa’iidaystaan “Heshiiskii Is-afgaradka” ee aan soo sheegnay oo ahaa in xaqiiqo cusub oo juqraafiyeed laga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, waxayna u arkeen tallaabo khatar ku ah amniga qaranka Carabta iyo socdaalka Badda Cas. Badda iyo Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu yidhi bayaanka oo ay barta X soo gelisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya. Balse Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Iskeed Madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud waxuu sheegay in uusan khusayn warsaxaafadeedkaas meel walbana ay u galayaan raadinta aqoonsiga Somaliland. “Nama khuseeyaan waxii [Shirkii] Dooxa kasoo baxay, qadiyadayaduna halkii bay taagantahay. Dalalkan carabta ee meesha isugu yimid ma’ay darsin qadiyadda Somaliland – ma’ay arkayaan xaqiiqadda Somaliland – waxa noo dan ahna waa in nala aqoonsado meel walba oo ay nala tagtana waan galaynaa.” Isha: BBC Somali The post Somaliland oo war ka soo saartay imaanshaha ciidanka TURKIGA ee xeebaheeda appeared first on Caasimada Online.
  2. Israa’iil iyo Xamaas ayaa weli isku maandhaafsan sidii ay u joojin lahaayeen dagaalka Gaza ka socda in ka badan 7 bilood, kaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, kuna qasbay in ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah inay guryahooda ka cararaan. Isagoo ku sugan Qaahira, hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in kooxda falastiiniyiinta ah ay doonayaan xabad joojin dhamaystiran oo soo afjaraysa wuxuu ugu yeeray “gardarrada” Israa’iil, isla markaana dammaanad qaadaysa ka bixitaanka ciidanka Israa’iil ee Gaza, halka Xamaas ay sii daynayso ku dhawaad 100 la haystayaal Israa’iiliyiin ah, oo ay ku bedelato sii deynta boqolaal Falastiiniytiin ah oo xabsiyada Israa’iil ku jira. Bayaan uu shalay soo saaray, Haniyeh wuxuu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu masuul ka yahay sii socoshada gardarrada iyo ballaarinta dagaalka, iyo burburinta dadaallada loo marayo dhexdhexaadinta nabadeed. Netanyahu wuxuu diiday in la joojiyo dagaalka, taasoo uu sheegay inay ka dhigantahay in Xamaas oo khatar joogto ah ku ah maamulka Yahuudda gacanta loo geliyo Qaza. PUNTLAND POST The post Wadahadalada Xamaas iyo Iraa’iil ee ka socda Dooxa oo qarka u saaran inay burburaan appeared first on Puntland Post.
  3. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee JSL Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay in maraakiibta dagaal ee Turkigu aanay iman karin xeebaha Somaliland. Wasiir Ciise Keyd wuxuu bayaamiyay inay Turkiga u sheegeen in aanu soo geli karin xeebaha Somaliland. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland wuu xusay in Turkugu ogyahay in Jamhuuriyadda Somaliland u taliso xeebteeda oo aanay Soomaaliya xukumin. Wasiir Ciise Keyd wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo weydiisay sida uu u arko heshiiska difaac ee ay kala saxeexdeen Turkiga iyo dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya, waxaannu caddeeyay in habayaraatee aanay wax werwer ah ka qabin heshiiskaas. Source
  4. Tababarihii ugu horeeyay xulka qaranka Argentina ku guuleystay Koobka Adduunka ee horeeyay 1978-dii César Luis Menotti ayaa geeriyooday isagoo 85 jir ah, sida uu sheegay xiriirka kubada cagta Argentina ee AFA Axadii, tababarahaan ayaa soo maamulay kooxo ay ku jirto Barcelona. Menotti, oo u soo ciyaaray kooxaha ay kamid tahay Rosario Central, Boca Juniors iyo Santos, ayaa xirfadiisa tababarenimo ka bilaabay kooxda Newell’s Old Boys wuxuuna kula guuleystay horyaalkii Argentina Huracán 1973, ka hor inta uusan noqon tababaraha Argentina 1974kii. Bayaan kasoo baxay xiriirka kubadda cagta Argentina ayaa lagu shaaciyay geerida ku timid, xilli lagu yiri“Xiriirka Kubadda Cagta Argentine waxa uu ka qoomameynayaa in uu si murugo leh ugu dhawaaqo geerida César Luis Menotti,haddana ah agaasimaha xulalka qaranka” ayaa lagu xusay. Menotti, oo ka tagay xulka qaranka ka dib Koobkii Adduunka 1982, ayaa u aaday inuu tababare u noqdo Barcelona, ​​halkaasoo uu kooxda ku hogaamiyay ku guuleysiga Copa del Rey 1983kii, xilli siweyn loogu xasuusto inuu ahaa hoggaamiyihii Argentina ku hoggaamiyay koobka Adduunka. Menotti, waxa kale oo uu la soo shaqeeyay Atlético Madrid, kooxaha Argentine Boca Juniors, Independiente, River Plate, Penarol iyo Rosario Central, Sampdoria iyo laba kooxood oo Mexico ah, Puebla iyo Tecos, dunida ayuu ka tagay isagoo da’diisa ay tahay 85 sano sida lagu shaaciyay. Source: goobjoog.com
  5. Israa’iil ayaa xirtay marinka Kerem Shalom ee Qaza kadib markii Xamaas ay gantaallo ka soo gantay aaggaas, kuwaas oo ay ku dhinteen askar Israa’iiliyiin ah. Tirada askarta Israa’iil ee ku dhintay weerarka ayaa lagu sheegay ilaa saddex askari, iyadoo tiro kalena ku dhawaacantay weerarka. Marinka ay Israa’iil xirtay ayaa ka mid ah waddooyinka yar ee la marsiiyo gargaarka bini’aadantinimo, oo ay ku jiraan cunno iyo sahayda caafimaadka, ee dadka Qaza loogu tala galay. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay u muuqdaan in wadahadallada ay gar-wadeenka ka yihiin dalalka Masar iyo Qatar ay fashilmeen. Labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas ayaana midba-midka kale ku eedeynayaa sababaha keenay in ay guuldaraystaan, wadahadalladan oo ujeedku ahaa in lagu gaaro xabad-joojin iyo siideynta maxaabiista labada dhinac. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo xirtay marinka Kerem Shalom kadib weerar laga soo qaaday Rafah oo ay askar kaga dhimatay appeared first on Puntland Post.
  6. Caasimada dalka Giriiga ee Athens ayaa noqotay midabka jaalle xigfeenka ah ee Oranjaha, kadib markii ay qarxeen daruuro boor ah oo ka soo kacayay dhinaca saxaraha. Xaaladahan cimilada ayaa ka mid ah kuwii ugu xumaa ee ku dhuftay Giriiga tan iyo 2018-kii, sida ay sheegeen saraakiisha. Daruuro hawo oo kuwan la mid ah ayaa ku dhuftay dalkan Yurub kamid ah bilihii Maarso iyo horraantii Abriil, waxayna sidoo kale qariyeen qaybo ka mid ah Switzerland iyo koonfurta Faransiiska. Hay’adda saadaasha hawada ee Giriiga ayaa filaysay in hawada cirku ay si caadi ah kusoo noqon doonto fiidnimadii Arbacada, kadib markii boorka uu ka dhigay mid aan suurtogal ahayn in la arko qaar kamid ah dhismayaasha caanka ah ee ku yaalla Athens isla subaxnimadii. Darruur boor ah ayaa qarisay qaybo badan oo Giriiga ah, ilaa magaalada Tesaloniika ee waqooyiga. Maamulka Giriiga ayaa kula taliyay muwaadiniinta la ildaran dhibaatooyinka caafimaad ee la xiriira neefsashada in ay xaddidaan waqtiga ay ku qaadanayaan meel ka baxsan guryaha, iyo xijaa maskiga ama xirtaan waji-xirka, ayna ka fogaadaan jimicsiga jirka ilaa ay hawada boorka ahi ka baaba’ayso isla markaana ay hawadii caadiga ahayd kusoo noqoneyso dalka. Hawada saxaraha ayaa waxa uu daadisaa inta u dhaxaysa 60 ilaa 200 milyan oo tan oo boor ah sanad wailba, inta badan siigadaasi waxa ay markiiba dib ugu soo dhacdaa dhulka, laakiin qaybo yar yar oo ka mid ah ayaa waxa ay aadi karaan ama u safri karaan masaafo aad u dheer, mararka qaarna waxa ay gaartaa qaybo kamid ah Yurubta kale Isku darka boorka iyo heerkulka sare ayaa horseeday in jawigu uu noqdo mid ciriiri ah marka si gaar ah la eego koonfurta Giriigga. Khabiir ku takhasusay saadaasha hawada oo lagu magacaabo Costas Lagovardos ayaa cimilada Giriiga barbar dhigay jawiga Mars. Mars waa meeraha afraad ee ka yimaada qorraxda. Dusha sare ee Mars waa oranje-cas. Mars waxa ay ka mid tahay shayada ifaya cirka iyo dhulka. Qoraalka sawirka,Cimilada iyo isbedelka ku yimid hawada Talaadadii, ilaa 25 kaymo ah ayaa la sheegay in uu dab ka kacay. Mid ka mid ah dabka ayaa ku dhow saldhigga ciidamada badda ee jasiiradda Crete ee dalka Giriigga, halkaas oo heerkulku kor u dhaafay 30 darajo oo Celsius, waxaana la daadgureeyay dadkii ku sugnaa guryaha iyo xarumaha xanaanada, sida ay sheegayaan wararka maxalliga ah. Daruuraha siigada ah ee ka imaanaya saxaraha maaha wax dhif ah oo ka dhaca Yurub, inkastoo heerka cufnaanta daruurahani ay kala duwan yihiin, laakiin waxay badanaa yimaadaan xilliyada gu’ga iyo dayrta. Daruurahaan siigada ah ayaa inta badan degay saxaraha Liibiya, iyadoo ay la socoto hawo kulul, oo gaartay Giriiga, halkaasoo heerkulku uu sare u kacay bishii Abriil. Jawiga gobolka bari ee Mediterranean-ka ayaa lagu arkayaa mowjado boor ah wakhtigan xaadirka ah, laakiin dhamaadka usbuucan, xaaladahani way gudbi doonaan waxaana la rajeynayaa in xaaladdu ay noqon doonto mid cad iyo heerkul ku dhow kuwii caadiga ahaa ee sanadka. Xaalad tan lamid ah oo mar ka dhacday Hindiya Caasimadda Hindiya ee Delhi ayaa waxaa ka dhacday xaalad caafimaadka bulshada ah oo degdeg ah – iskuullada ayaa la xiray, dadka ayaa loogu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan, isbitaallada ayaa iyaguna qaabilay kumannaan qof oo dhibaatooyin neefsashada ah qaba. Sababtuna waxay tahay hawada wasakheysan oo ah tii ugu darneyd dunida. Balse inkastoo Delhi ay tahay tan ugu daran, haddana maaha tan keliya ee ku taalla waqooyiga Hindiya. Shan ka mid ah lixda magaalo ee ugu hawada wasakheysan – Gurugram, Ghaziabad, Faridabad, Bhiwadi iyo Noida – ayaa ku yaalla meel 80km u jirta Delhi, oo ay hawadeedu noqotay tan ugu wasakheysan dunida. bbcsomali Qaran News
  7. Golaha Wasiirada ee Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in la xiro howlaha Aljazeera ee Israa’iil, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda. Codeynta golaha wasiirada ee Axadii ayaa timid kadib markii baarlamaanka Israa’iil uu meel mariyay sharci ogolaanaya in si ku meel gaadh ah loo xidho warfidiyeennada ajnabiga ah ee loo arko in ay khatar ku yihiin amniga qaranka inta lagu guda jiro dagaalka bilaha ah ee Gaza. Netanyahu ayaa go’aanka kaga dhawaaqay bartiisa X, oo hore u ahaan jirtay Twitter. isagoo ku sheegay luqada cibraaniga ah in dowladiisu go’aansatay in la xidho kanaalka al jaziira. Qoraal kale oo X ah, Wasiirka Isgaadhsiinta Israel Shlomo Karhi ayaa sheegay in uu saxeexay amarada ka dhanka ah Al Jazeera, kuwaas oo si degdeg ah u dhaqan gali doona. Karhi waxa kale oo uu amar ku bixiyay in la qabto qalabkii baahinta ee Aljazeera oo ay ku jiraan qalabka tafatirka iyo habaynta, kamaradaha, makarafoonnada, server-yada iyo laptop-yada, iyo sidoo kale qalabka gudbinta wireless-ka iyo qaar ka mid ah taleefannada gacanta. Israa’iil ayaa muddo dheer xidhiidh adag la lahayd Al Jazeera, oo ay ku eedaysay inay ka eexday oo ay gacan saar la leedahay Xamaas. Shabakadda fadhigeedu yahay Qatar ayaa marar badan diiday eedeymahaas. Source
  8. Sadiq Khan ayaa markii saddexaad oo xidhiidh ah ku guuleystay xilka Duqa magaalada London, isagoo si aqlabiyad leh kaga guuleystay haweeneydii ay isku hayeen Susan Hall oo ka socotay xisbi Xaakimka Conservative Party. Maayarka xilka haya ayaa helay 44% codadkii la dhiibtay, halka Ms.Hall ay heshay 33%, tiradda cododka guud ayaa ahaa 276,428 cod. Intii lagu guda jiray ololihii doorashada, waxaa jiray saadaasha ku xeeran isu soo baxyada codbixiyayaasha, gaar ahaan degmooyinka bannaanka ah, halkaas oo taageerada xisbiga muxaafidka ahi ay ku xooggan tahay. Guushiisa waxa ay ku soo beegantay iyada oo lagu jiro jawi tartan adag ee xisbiyada, iyada oo ay natiijadii ka soo baxday doorashooyinkii maayarrada iyo golaha deegaanka ay jab weyb u ahayd xisbiga talada haya ee Raysalwasaare Rushi Sunak. Source
  9. Hay’adaha dowladda gaar ahaan miisaska ay laamaha garsoorku ku shaqeeyaan waxaa si xoog leh uga socda boqolaal dacwadood oo la xariira boob iyo wax isdaba-marin ay shaqsiyaad kala duwani hantida dadweynaha u gaysteen, asii laga war helay oo shariga la horkeenay, aakhirona xisaab culusi ku sugayso. Qolyahaas iyo qaar kale oo malahayga aan iimaankoodu fadhin, wax aanay xaq u lahayn inay gacantogaalaystaana u heellan ayaan doonayaa inaan u sharraxo nuxurka erayga “Risaq” oo ah mid aan boob iyo wax isdaba-marin toona lagu hannan karin ee ah wax Eebbaha Qaadirka ihi uu inagoo uurka hooyo ku jirna inoo qoray. Erayga “Risaq) isir ahaan wuxuu ka soo jeedaa afka carbeed, nuxurkiisuna waa deeq jaad walba leh oo Eebbe inoogu talo-galay inaynu ku noolaanno intaanu arad joogno sida wixii aan cuni lahayn, carruurtaan dhali lahayn,halkii aynu ifka kaga dhaqnaan lahayn, iyo guud ahaan dhib iyo dheef wixii dharaar walba ina soo mari lahaa. Intaas iyo kuwo aynaan koobi karinba kolkaanu afartan beri uurka hooyo ku jirnay baa laynoo qoray oo addoon Illaahay oo gef ka dhowrsooni dhigane aan weligii baaliyoobin baalkiisa inoogu xarriiqay. Inkastoo noole kasta Illaahay wax badan ku galaday haddana Dadku aad buu ugu roonaaday oo uunka kale way ka ayaan badanyihiin, maxaa yeelay garaad iyo dhug ay wax ku weelleeyaan baa la siiyay, tubo iyo tillaabooyin haddii raacaan ay barwaaqo iyo beyddi ku mutaysan doonaanna waa loo jideeyay. Sida ku cad dhaxal tiraabeed suubanihii “NNKH” inaga soo gaadhay cabsida iyo talo-saarashada Alle ayaa kamida waxyaabaha keena in qofka risaqa loo kordhiyo, qur’aankana waxaa muush ka ah aayado tilmaamaya in ciddii Eebbe ka baqda meel aanay ka filayn wax laga siin doono. Meeris gabay ah oo Abwaan Soomaaliyeed lahaa baa wuxuu ahaa” Rabbi dhowrsanaantuu nimcada soo dhex mariyaa” oo uu ula jeeday ciddii illaahay ku xidhani ay mar walba barwaaqo iyo baraare ku noolaan doonto, wax kastana ay si fudud ku helayso. Haddaba haddii aad ogtahay in cantuugo biyo ahba Allaha ka dhigee intaad nooshahay wixii aad dhuunta marin lahayd ay qoranyihiin, orod iyo dadaalna aan lagu helin wax aan Eebbe kuugu talo-galin ma daw baad u leedahay inaad dadka muslimka ah dhacdo oo xoolohooda boob iyo baad ku qaadato. Maankii fayoobi weydiintaan wuxuu kaga war-celinayaa maya maxaa yeelay Illaahay cidna ma qadin oo waxaad maalin kasta jadiiman lahayd waad helaysaa, tubaba iyo siyaabaha rabbi Arsaaqda kuugu kordhinayona waa laguu qeexay oo inaad wax yaroo qof kale gacantiisa ku jira hunguriyayso waa laga habboonyahay. Ayadoo laga shidaal qaadanayo dulucda maahmaahdii ahayd”calafkaa kuma seegee si xun ha u raadin” waxaa quman in layska daayo cunidda boolida iyo xadidda hantida dad weynaha, sidoo kale qolada dhaca iyo dilka shacabka meheradda ka dhigatay ee moobeelada iyo Aalaba kale sida maalin lahaa u bulshada uga qaataahi waa inay xumaantaa ka waantoobaan. Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri ah oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo weeraro loo adeegsanayay hoobiyeyaal kusoo dhacay xaafado ka tirsan gudaha caasimada. Hoobiyihii u dambeeyay ayaa habeen hore kusoo dhacay guri u dhow madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale dilkii u dambeeyay waxaa loo gaystay Aadan Biit oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo lagu toogtay isaga oo fadhiyay maqaayad ku taalla agagaarka Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho. Dhammaan weeraradan ayaa dhacay, ayada oo weli dadaallo amni sugid ah ay wadaan ciidamada ammaanka oo bilo kahor ku guuleystay inay xasiliyaan amniga Muqdisho. Haddaba maxaa ka khaldamay amniga magaalada Muqdisho? Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye uga hadlay xaaladaha soo kordhay iyo khaladaadka ka jira hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya. Sarkaalkan ayaa qiray in ay jiraan dhibaatooyin badan oo lagu hayo shacabka iyo ganacsatada, kuwaas oo qaarkood ay gaysanayaan xubno ka tirsan ciidamada, wuxuuna sheegay in arrintaas ay hoos u dhigtay taageeradii dowladda ee shacabka. “Dadka dhibaato badan ayay ku jiraan, gaar ahaan ganacsatada waxaa dhibaato ku hayo booliska qaarkiis oo waddada u taagan, marka amni ayaan sugayaa dadweynihiina kama haysto taageero, hay’adaha amniga waxa ay luminayaan taageerada dowladda” ayuu yiri Macow. Korneelka ayaa tusaale usoo qaatay weerarkii lagu dilay Sayid-Cali Cabdi Cadde oo ahaa sarkaal milatari ah oo dhowaan lagu dilay dagaal ciidamada ku dhexmaray degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. “Haddii aan tusaale usoo qaatay wiilkii sarkaalka ahaa ee lagu dilay Boondheere ciidan meesha maraayo oo baabuuro Tiknika ah wato ayaa askartii dagaalka kala timid oo bannaanka fadhiyo waa kala shakinay xabad ayaaba la’isku bilaabay, yaa u ogolaaday inay intaas oo rasaas ah ku ridaan xaafadaha?” ayuu sii raaciyay Korneelku. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay hay’adaha amniga inay dib isugu laabtaan oo ay saxaan khaladaadka ka dhex jira, si loo soo celiyo wada shaqeyntii shacabka iyo dowladda oo uu tilmaamay inay haatan meesha ka baxday. Waxaan leeyahay hay’adaha amniga dib ha’isugu noqdaano oo marka dhibaatada lagu hayo dadka baaris halagu sameeyo” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Korneel Macow. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan caasimada laga dareemayo culays amni, maadaama ay Al-Shabaab dib u billaabeem weeraradoodii, waxaana sidoo kale soo kordhay beegsi lagu hayo shirkadaha waa wayn, sida Hormuud iyo Korontada BECO. The post Maxaa ka khaldamay amniga MUQDISHO? appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri ah oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo weeraro loo adeegsanayay hoobiyeyaal kusoo dhacay xaafado ka tirsan gudaha caasimada. Hoobiyihii u dambeeyay ayaa habeen hore kusoo dhacay guri u dhow madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale dilkii u dambeeyay waxaa loo gaystay Aadan Biit oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo lagu toogtay isaga oo fadhiyay maqaayad ku taalla agagaarka Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho. Dhammaan weeraradan ayaa dhacay, ayada oo weli dadaallo amni sugid ah ay wadaan ciidamada ammaanka oo bilo kahor ku guuleystay inay xasiliyaan amniga Muqdisho. Haddaba maxaa ka khaldamay amniga magaalada Muqdisho? Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye uga hadlay xaaladaha soo kordhay iyo khaladaadka ka jira hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya. Sarkaalkan ayaa qiray in ay jiraan dhibaatooyin badan oo lagu hayo shacabka iyo ganacsatada, kuwaas oo qaarkood ay gaysanayaan xubno ka tirsan ciidamada, wuxuuna sheegay in arrintaas ay hoos u dhigtay taageeradii dowladda ee shacabka. “Dadka dhibaato badan ayay ku jiraan, gaar ahaan ganacsatada waxaa dhibaato ku hayo booliska qaarkiis oo waddada u taagan, marka amni ayaan sugayaa dadweynihiina kama haysto taageero, hay’adaha amniga waxa ay luminayaan taageerada dowladda” ayuu yiri Macow. Korneelka ayaa tusaale usoo qaatay weerarkii lagu dilay Sayid-Cali Cabdi Cadde oo ahaa sarkaal milatari ah oo dhowaan lagu dilay dagaal ciidamada ku dhexmaray degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. “Haddii aan tusaale usoo qaatay wiilkii sarkaalka ahaa ee lagu dilay Boondheere ciidan meesha maraayo oo baabuuro Tiknika ah wato ayaa askartii dagaalka kala timid oo bannaanka fadhiyo waa kala shakinay xabad ayaaba la’isku bilaabay, yaa u ogolaaday inay intaas oo rasaas ah ku ridaan xaafadaha?” ayuu sii raaciyay Korneelku. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay hay’adaha amniga inay dib isugu laabtaan oo ay saxaan khaladaadka ka dhex jira, si loo soo celiyo wada shaqeyntii shacabka iyo dowladda oo uu tilmaamay inay haatan meesha ka baxday. Waxaan leeyahay hay’adaha amniga dib ha’isugu noqdaano oo marka dhibaatada lagu hayo dadka baaris halagu sameeyo” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Korneel Macow. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan caasimada laga dareemayo culays amni, maadaama ay Al-Shabaab dib u billaabeem weeraradoodii, waxaana sidoo kale soo kordhay beegsi lagu hayo shirkadaha waa wayn, sida Hormuud iyo Korontada BECO. The post Maxaa ka khaldamay amniga MUQDISHO? appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminayo ayaa saakiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya bishii June ee sanadkii 2022-kii. Xamza ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo uu wadahadallo kula yeelan doono Nairobi. Ujeedka booqashadan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo uu ku tagaayo booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in safarka ra’iisul wasaare Xamza uu ku saabsan yahay dib u eegis lagu sameynayo iskaashiga labada waddan oo ay ka mid yihiin amniga iyo difaaca wadajirka ah. Sidoo kale waxaa qiimeyn lagu saameyn doonaa arrimaha duulimaadyada, ganacsiga, maalgashiga, kobcinta tayada adeegga bulshada iyo tacliinta sare ee labada dowladood. Booqashadan ayaa lagu sio aadiyay, xilli Kenya ay haatan qorsheyneyso inay heshiis cusub oo la xiriira qaadka la gasho dowladda federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado ganacsiga. Horay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashooyin kala duwan ugu bixiyay Nairobi ayaa heshiis kala duwan lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Kenya, William Ruto. The post Ra’iisul wasaare Xamza oo safarkiisi u horreeyay ugu baxay Kenya + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminayo ayaa saakiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya bishii June ee sanadkii 2022-kii. Xamza ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo uu wadahadallo kula yeelan doono Nairobi. Ujeedka booqashadan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo uu ku tagaayo booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in safarka ra’iisul wasaare Xamza uu ku saabsan yahay dib u eegis lagu sameynayo iskaashiga labada waddan oo ay ka mid yihiin amniga iyo difaaca wadajirka ah. Sidoo kale waxaa qiimeyn lagu saameyn doonaa arrimaha duulimaadyada, ganacsiga, maalgashiga, kobcinta tayada adeegga bulshada iyo tacliinta sare ee labada dowladood. Booqashadan ayaa lagu sio aadiyay, xilli Kenya ay haatan qorsheyneyso inay heshiis cusub oo la xiriira qaadka la gasho dowladda federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado ganacsiga. Horay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashooyin kala duwan ugu bixiyay Nairobi ayaa heshiis kala duwan lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Kenya, William Ruto. The post Ra’iisul wasaare Xamza oo safarkiisi u horreeyay ugu baxay Kenya + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  14. Soomaaliya iyo Pakistaan oo si wadajir ah ugu baaqay joojinta dhibaatada lagu hayo Falastiiniyiinta ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin shacabka Falastiin, waxayna hoosta ka xariiqeen in si deg deg ah loogu baahan yahay xabad joojinta Gaza si loo gaarsiiyo gargaarka bini’aadantinimo ee dadka reer Gaza. Hadalkaan ayaa si wadajir ah looga soo saaray kulan ay yeesheen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Senator Mohammad Isxaaq Dar uu la kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Saalax Jaamac, oo ka qeyb galayay shir madaxeedka 15-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalada Banjul ee dalka Gambia. Kulankaan ayaa lagu sheegay in dalalka islaamka looga baahan yahay in ay qaaddaan tilaabooyinka lagu hakin karo in dhibaatada lagu haayo shacabka Falastiin ay sii socoto. Sidoo kale Labada dhinac ayaa bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Pakistan iyo Soomaaliya, waxayna ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo ganacsiga, iskaashiga dhaqaalaha iyo Fududeynta safarada labada shacabka. Waxay sidoo kale ka wadahadleen iskaashiga laba geesoodka ah ee fagaarayaasha badan oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo OIC, waxayna is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan isbeddellada kala duwan ee gobolka iyo caalamka, gaar ahaan Bariga Dhexe. Source: goobjoog.com
  15. Ugu yaraan 75 ruux ayaa ku geeriyootay, halka 103 lagu la’yahay ka dib Daadad waaweyn oo ku rogmadeen gobolka rio grande do sul ee koofurta dalka Brazil sida ay sheegeen maamulka maxalliga ah ee deegaanku . Khasaaraha ka dhashay roobabka ayaa sidoo kale ku qasbay in ka badan 88,000 oo qof inay guryahooda ka barakacaan, mas’uuliyiinta difaaca madaniga ah ee gobolka ayaa sheegay in Ku dhawaad ​​16,000 oo ruux ay gabaad ka dhigteen iskuulada, goobaha jimicsiga iyo meelo kale oo ku meel gaarka ah. Daadadka waxaa sidoo kale ka dhashay burbur baaxad leh oo ay ka mid yihiin dhul go’ay, jidad burburay iyo buundooyinka gobolka oo dumay. In ka badan 800,000 oo qof ayaa gargaar bini’aadantinimo iyo gurmad degdeg ah u baahan sida laga soo xigtay kooxaha difaaca madaniga ah ee samata-bixinta ku howlan. Guddoomiyaha gobolka Eduardo Leite ayaa sheegay in gobolku u baahan doono qorshe degdeg ah si dib loogu dhiso, Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa asna todobaad gudihiis markii labaad booqday Rio Grande do Sul. Daadadkaan ayaa ah kii ugu xumaa ee Brazil soo mara muddo 80 sano ah, ayadoo saameynta ugu badanna ay ku yeesheen gobolka rio Grande do Sul. Source: goobjoog.com
  16. Nairobi (HOL) - Somali and Kenyan officials are attending the Kenya-Somalia Joint Commission for Cooperation (JCC) meeting in Kenya, which will continue from May 3 to 6, 2024. Source: Hiiraan Online
  17. Kismayo (HOL) - Jubbaland State Police forces have arrested four suspected pirates, reportedly planning attacks on ships in Somali waters following a security operation near Kismayo town. Source: Hiiraan Online
  18. Turkish officials in Somalia's capital Mogadishu ensure the delivery of aid to the families of injured soldiers from the Gorgor Unit, currently undergoing treatment at the Recep Tayyip Erdogan Training and Research Hospital Source: Hiiraan Online
  19. The Houthis have reiterated a warning of strikes against ships bound for or with links to Israel — including those in the Mediterranean — as they claimed victory against the US Navy in the Red Sea. Source: Hiiraan Online
  20. The number of people killed by flooding and other impacts of the heavy rains battering Kenya has risen to 228, the interior ministry said on Sunday. Source: Hiiraan Online
  21. Pakistan and Somalia have underlined the urgency of an immediate ceasefire in Gaza and unimpeded delivery of humanitarian aid for the people of Gaza. Source: Hiiraan Online
  22. Nairobi - Azimio la Umoja One Kenya Coalition Party leader Raila Odinga has received a major setback in his bid for the African Union Commission (AUC) chairmanship position. Source: Hiiraan Online
  23. Nairobi (Caasimada Online) – Xaaladda ka taagan dalka Kenya ayaa kasii dareysa kadib roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ay halkaasi. Saraakiisha ayaa ku qiyaasay in ka badan 200 oo qof in ay ku dhinteen Kenya tan iyo bishii March, iyada oo 90 kalena la la’yahay. Kenya oo la daala dhacaysa fatahaado ay dad badan ku dhinteen ayaa geesta kale waxaa laga cabsi qabaa inay wajahdo duufaantii ugu horreysay abid, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasi William Ruto. “Kenya waxaa laga yaabaa inay wajahdo duufaantii ugu horreysay abid,” ayuu madaxweyne Ruto u sheegay muwaadiniinta isagoo khudbad heer qaran ah u jeediyay dalkaasi, iyada oo xaaladda taagan ay saameysay boqollaal kun oo qof. Ruto oo Jimcihii hadlay ayaa sheegay in aysan jirin meel kamid ah dalka oo ka badbaadiyay “bur-burka”, wuxuuna ka digay in xaaladda la filayo inay kasii darto maalmaha soo socda, iyadoo la filay cimillo aad u daran. “Duufaantan oo lagu magacaabo Hidaaya, waxay dhici kartaa wakhti kasta, waxaana la saadaalinayaa inay sababi karto roobab mahiigaan ah, dabaylo iyo mowjado xooggan oo khatar ah kuwaasi oo laga yaabo inay carqaladeeyaan dhaq-dhaqaaqyada badda ee Badweynta Hindiya iyo deegaannada ku teedsan xeebaha Kenya,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Dalkeennu waa in uu si adag oo deg-deg ah uga jawaaaabaa saameeynta dhibaatada ka dhalan karta, lana ilaaliyaa nafta iyo hantida.” Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan dugsiyada la xiro muddo aan la cayimin kadib roobabkii lixaadka lahaa ee dalkaasi ka da’ay. The post Xaaladda Kenya oo kasii dareysa iyo arrin laga cabsi qabo appeared first on Caasimada Online.
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Xaaladda ka taagan dalka Kenya ayaa kasii dareysa kadib roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ay halkaasi. Saraakiisha ayaa ku qiyaasay in ka badan 200 oo qof in ay ku dhinteen Kenya tan iyo bishii March, iyada oo 90 kalena la la’yahay. Kenya oo la daala dhacaysa fatahaado ay dad badan ku dhinteen ayaa geesta kale waxaa laga cabsi qabaa inay wajahdo duufaantii ugu horreysay abid, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasi William Ruto. “Kenya waxaa laga yaabaa inay wajahdo duufaantii ugu horreysay abid,” ayuu madaxweyne Ruto u sheegay muwaadiniinta isagoo khudbad heer qaran ah u jeediyay dalkaasi, iyada oo xaaladda taagan ay saameysay boqollaal kun oo qof. Ruto oo Jimcihii hadlay ayaa sheegay in aysan jirin meel kamid ah dalka oo ka badbaadiyay “bur-burka”, wuxuuna ka digay in xaaladda la filayo inay kasii darto maalmaha soo socda, iyadoo la filay cimillo aad u daran. “Duufaantan oo lagu magacaabo Hidaaya, waxay dhici kartaa wakhti kasta, waxaana la saadaalinayaa inay sababi karto roobab mahiigaan ah, dabaylo iyo mowjado xooggan oo khatar ah kuwaasi oo laga yaabo inay carqaladeeyaan dhaq-dhaqaaqyada badda ee Badweynta Hindiya iyo deegaannada ku teedsan xeebaha Kenya,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Dalkeennu waa in uu si adag oo deg-deg ah uga jawaaaabaa saameeynta dhibaatada ka dhalan karta, lana ilaaliyaa nafta iyo hantida.” Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan dugsiyada la xiro muddo aan la cayimin kadib roobabkii lixaadka lahaa ee dalkaasi ka da’ay. The post Xaaladda Kenya oo kasii dareysa iyo arrin laga cabsi qabo appeared first on Caasimada Online.
  25. Itoobiya: In ka badan kala badh dalabka bacriminta Itoobiya ee sanadkan ayaa imanaya dekedda #Jabuuti Hay’adda Ganacsiga Beeraha ee Itoobiya (EABC) ayaa dadwaynaha ku wargelisay in wax ka yar kala badh ka mid ah bacriminta ciidda lagu amray in lagu qabto xilliga qallayl ee “Bega” iyo xilliga “Mehir” ee soo socda ee beeralayda ee Dekedda Jabuuti. Wasiirka Beeraha Girma Amente ayaa daaha ka qaaday qorshaha adag ee ay xukuumadu ku doonayso in ay ku soo iibiso 23 milyan oo kiin oo bacrimin ah oo la soo go’o wakhtigan, taas oo ku dhaw laba jibaar xilliyadii hore. Wadarta guud ee bacriminta la soo iibiyay, 12 milyan oo kintaal (52% wadarta guud) waxa ay gaadheen Djibouti, iyada oo 11.7 milyan oo kintaal horeba loo qaaday Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, iskahorimaadyada socda, gaar ahaan gobolka #Axmaarada, ayaa carqaladeeya qaybinta bacriminta beeralayda yaryar. Tesfaw Batable, oo ah madaxa gudiga isku xidhka barnaamijka kahortaga masiibooyinka iyo haqab-beelka cuntada, ayaa iftiimiyay xayiraadaha lagu soo rogay dhaq-dhaqaaqa colaadaha awgeed, taasoo keentay dib u dhac ku yimid qaybinta talooyinka beeraha. Qaran News