-
Content Count
212,125 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Soomaaliya, Mahad Cawad ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay magaalo Soomaali oo dhan ka dhaxeysa, hase yeeshee magaalooyinka kale ee dalka ay kala leeyihiin qabiilo. “Soomaaliyey aan runta isu sheegno, Soomaali waxaa ka dhaxeeya kaliya calanka bulugga ah iyo Xamar, inta kale waxaa kala leh qoysas” ayuu yiri Mahad Cawad oo ka hadlay kulan lagu qabtay hotel Royal ee magaalada Muqdisho. “Lama kala sheegan karo Xamar iyo calanka, waxay muujinayaan ficil midow, waxa kaliya ee lagu midoobay waa labadaas” ayuu yiri Mahad Cawad, oo ay u sacaba tumeen qaar ka mid ah dadkii dhageysanayey. Mahad Cawad ayaa sheegay in Muqdisho ay muujisay inaysan u kala duwaneyn qofka ka yimaada Baay ama Bakool ama Sanaad” ayuu sii raaciyey Mahad Cawad. Waxa uu sidoo kale sheegay in dhammaan Soomaalida oo idil ay isugu yimaadaan Muqdisho ay astaan u tahay in Soomaali isku soo noqotay, oo laga soo bogsanayo kala qob-qobkii. Hoos ka daawo Mahad Cawad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Masar ayaa u muuqataa inay beddeleyso siyaasaddeedii ku aadaneyd Somaliland iyo midnimada Soomaaliya sida uu sheegay Rashiid Cabdi, oo ah agaasimaha mashruuca Geeska Afrika ee hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG). Wafdi ka socda wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka wasaaradaasi Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa safar shaqo ku tagay dhowaan dalka Masar, isagoo kulano la yeeshay dhigiisa dalka Masar iyo masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Masar. Wafdigan Somaliland ka socday ayaa sidoo kale waxay kulamo la qaaten Saraakiil kamida kaaliyeyaasha dawladda Masar u qaabilsan dalalka Afrika iyo Geeska Afrikaba, iyagoo kulamo la qaatey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Gaashaandhiga dawladda Masar, oo uu hogaaminayay Gen. Jamal Xigasi, iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda iskaashiga dibadda iyo horumarinta ee Masar. Rashiid Cabdi ayaa booqashada waftigan ku macneeyey mid muujineysa is-beddel ku yimid siyaasaddii arrimaha dibedda Masar. “Is-beddelka Masar ee ku wajahan Somaliland waa mid aad muhiim u ah. Qaahira waxay caadiyan ahayd codka ugu xooggan ee carbeed ee kasoo horjeeda burburka Sooomaaliya, waxay doorbidi jirtay dowlad dhexe oo Soomaaliyeed, oo ay rumeysned inay ku caabin karto Ethiopia.” Ayuu yiri Rashiid Cabdi. Kulamada waftiga Somaliland iyo dowladda Masar, ayaa waxaa la sheegaya inay kaso baxeen in labadda dowladood ee Somaliland iyo Masar ay iska kaashadaan dhinacyadda caafimaadka, waxbarashadda, horumarinta dhaqaalaha iyo dhanka amniga. Masar ayaa qeyb ka ah xulufada dalalka Carbeed ee go’doominta galiyey dalka Qatar, oo dowladda Soomaaliya ay aad isugu dhow yihiin. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Dulmar Guud Rubuc sanadeedkii u dambeeyay 2018 waxaa sii kordhayay dilalka toogashada ah iyo kuwa bombada dhajiska ah ee Kooxda Al-Shabaab, iyadoo ay hoos u dhaceen tirada weerarada tooska ah lala beegsado dowladda iyo fadhiyada ciidammada ay bahda yihiin. Ifafaalahaanu wuxuu soo billawday horaantii sanadka, taasoo muujineyso hoos-u-dhaca tirada weerarrada tooska ah iyo kororka tirada dilalka qorsheysan iyo qaraxyada. Waxay kooxdu u muuqataa inay u sii xuub-siibaneyso taktakida dagaal-magaaleedka, si ay uga raad-tirato duqaymaha hawada ee kusii kordhayey kuwaasoo wiiqay awooddeeda ay ku dhibaateyn jirtey dowladda iyo xulufadeedaba. Ololaha dilalka toogashada ah Toogashada qorshaysan ee bistooladaha loo adeegsado ayay xoogga ku saaraan Muqdisho iyo nawaaxigeeda, qaasatan dhanka Woqooyi-Galbeed. Saddexdii bilood ee ugu dambeysey ee 2018 heerka xawligoodu isma beddelin oo wuxuu la mid ahaa rubucyadii ka horreeyey isla muddadan. Ururka Dowladda Islaamiga ee Soomaaliya (DIS) [Daacishta Soomaaliya] wuxuu Muqdisho uga soo faafay dhanka buuraleyda Bariga Boosaaso oo ay ku dhuumaaleystaan, iyagoo caasimadda usoo direy ku-xigeenka Amiirkooda si uu ula socdo faafidda iyo xoogaysiga kooxda. Ku-xigeenka DIS waxaa si aan weli la fahamsaneyn loogu dilay magaalada Muqdisho; si kastaba, DIS waxaa joogitaankeeda caasimadda laga dareemay markii ay dileen ganacsato diiday inay bixiyaan canshuurta. Cabsi uga soo korortay xagga DIS inay u lumiyaan awoodda ay ku lahaayeen Caasimadda, ayaa Al-Shabaab waxay ku jawaabtay inay unugyadooda Amniyaatka iyo weliba qaar ka mid ah cutubyadooda rigliga ah ka hawl geliyaan Muqdisho, gaar ahaanna Suuqa Bakaaraha. Waxay ku hanjabtay inay baabuurta qaraxyada lagu raro u diri doonto ganacsi walba oo aqbala shuruudaha DIS. Waxayna u ballan qaadeen inay iyagu ilaalin doonaan ganacsiyadoodaas, iyagoo u qeybiyey lambarro telefoon oo ay soo wici karaan haddii ay khatar dareemaan. Macluumaadka uga yimid taleefonada ay qaybiyeen iyo weliba baaritaannadii gaar ahaan ay AS sameeyeen ayaa ka caawisey inay markiiba fahmaan siduu u shaqeeyo badanka unugyada DIS ee gudaha iyo agagaaraha Muqdisho. AS waxay muddo labo toddobaad ah si la hubo uga takhallustay dhaqdhaqaaqyadi DIS ee gudaha iyo agagaaraha magaalada Muqdisho. Is-beegsiga DIS-AS ee Muqdisho, ayaa AS ka mashquuliyay beegsigii ay ku wadi lahaayeen DFS xilligan. Si kastaba, awoodaha dheeraadka ah ee ay kusoo daadisey Caasimadda waxaa macnaheedu yahay inay dilalka toogashada ahi kasii socon doonaan degaankan. Ololaha qaraxyada Si la mid ah ololaha dilalka toogashada ah, ayuu ololaha qaraxuna ugu koobnaa Muqdisho balse kusii faafay dhanka Woqooyi-Galbeed ee Caasimadda. Waxay taasi tilmaameysaa inay AS leedahay ciidan tayo leh oo Amniyaat ah oo ka hawlgala degaannada Woqooyi-Galbeed ka xiga Muqdisho. AS waxay isku dayeysaa inay go’doomiso ciidammada ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose iyadoo jidadka qaraxyada macmalka (IED) ah u dhigaysa baabuurta milateriga, halkaasoo ay bishii Disembar 2018 ku dishay taliyihii ugu sarreeyey ciidanka XDS Qeybta 12 Abriil. Kooxdu weli wey waddaa ku-daadinta qaraxyada macmalka ah ee jid-xeebeedka ku fidsan jihada Koofur-Galbeed ka xigta caasimadda. Rubuci ugu dambeeyey ee 2018 wuxuu ahaa mid ay qaraxyadu kordheen 235% markii la barbar dhigo rubucii ugu horeeyey ee isla sanadkaas. Tani waxay si cad uga jawaabeysaa kordhinta weerarada cirka ah ee diyaaradaha Mareykanka ee lala beegsanayo dhaqdhaqaaqyadooda milateri. Kooxdu waxay u muuqataa inay beddeleyso muuqooda si ay isugu diyaariyaan xaqiiqada cusub ee goobta dagaalka una yareeyaan sida weerarrada hawadu u saameeyeen awooddooda shaqo. Adeegsiga awood milateri toos ah Markii ugu horreysey sanadka 2018, ayey ciidammada xulufadu ku guuleysteen inay AS/DIS ku qaadaan weerarro toos ah, kuwaaso ka badnaa kuwa ay AS ku qaadi kartey ciidanka xulufada. Weeraro oo ay qaadeen ciidanka Puntland ee Woqooyi-Bari dalka illaa kuwa Jubbaland ee Koofurta, AS waxaa inta badan lagu koobay is-difaac. Waxaa dagaallo uga guuleystay ciidammada qabiillada iyo kuwa Galmudug ee bartamaha Soomaaliya, sidoo kalena hoggaamiye ayaa si gaadmo ah looga dilay gobolka Koofur-Galbeed. Duqeynta cirka ahi waxay AS ku adkeysey inay adeegsato hubabkeeda cuscuslaa iyo weliba daabulidda ciidankeeda, taasoo siisey ciidanka gobollada fursad aysan hore u heysan jirin. Gabagabo Kaalmada laga helay duqaynta cirka ah ee ciidammada xulufada ayaa ciidanka DFS/DGS/AMISOM u suuro gelisey inay AS kala wareegaan awoodda milateri rubucii ugu dambeeyey ee 2018; AS waxaa lagu qasbay inay yareyso dhaqdhaqaaqyadeedi milateri ee miyiga. Si kastaba ha ahaatee, si ay uga jawaabto qasaarahaas ayey iyana noloshii ku adkeysay degaannada ay dowladdu ka taliso, iyadoo qaraxyada macmalka ah ku xirtay jidadki waaweynaa ee sahayda, una beddelatay dagaal magaalo. Gudaha Muqdisho, AS waxay kusii yeelatay kalsooni badan kaddib markii ay ganacsatada gudaha siisey ximaayad aysan ka heli jirin DFS. Mashinkii ay ugu talogashay iska caabbinta DIS ayey kooxdu usii adeegsan doontaa ballaarinta ololaheeda dagaal magaaleedkeeda. Dowladda iyo xulufadeeda waxay u baahnaan doonaan inay si aad ah u maalgeliyaan ilaalinta magaalada iyo inay ximaayad siiyaan shacabka, haddii kale waxay qatar ugu jiraan inay gacantooda kasii baxdo caasimaddu. Warbixintan waxaa diyaariyey machadka daarsaadka amniga ee Hiraal Institute
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya Kulankoodii ugu horeeyay ee kalfadhiga Shanaad ee golaha Shacabka, iyadoo ay horyaalaan shaqooyin badan. Kulanka maanta ee xildhibaanada ayaa sida qaar kamid ah xildhibaanada ay xaqiijiyeen wuxuu ku saabsan yahay dhageysiga warbixin ay soo gudbinayaan guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka. Xubnaha Guddiga ka tirsan ayaa shaaciyay inay xildhibaanada golaha shacabka la wadaagi doonaan waxyaabaha ay qabteen muddooyinkii u dambeeyay halka uu marayo qorshaha dib u eegista Dastuurka. Xildhibaanada waxaa horyaala shaqooyin badan iyo ka doodista ajandayaal ay kamid yihiin dardar gelinta Shuruucda doorashooyinka, sharciyada axsaabta iyo arimo kale, sida uu dhawaan sheegay guddoomiyaha baarlamaanka. Xildhibaano badan oo kamid ah baarlamaanka ayaa horey u dalbaday dib u furida kalfadhiyada baarlamaanka, iyaga oo sheegay in kalfadhigaan uu noqon doono mid lagula xisaabtamo madaxda dowladda. Xaaladda amaan ee dalka oo aad usii xumaatay maalmihii ugu dambeeyay ayaa laga war dhowrayaa xildhibaanada inay kula xisaabtami doonaan hay’adaha ay quseyso. Waxaa qaarkood ay baraha Bulshada kaga hadlaan amaanka iyo dhaliilaha ay leeyihiin laamaha amniga, iyada oo laga sugayo xildhibaanada inay la xisaabtamaan dadka ka masuulka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dadku hadday is dhahaan sheega cid dembi ama qarax faraha kula jirta, ma sheegi karaan!. Sababtoo ah, askariga nabad sugida ah ama kan bilayska caadiga ah ayaaba markay doonaan Al-Shabaab ah. Dad badan oo soo sheegay meelo ay qarax ku arkeen ayaa la dilay, isla daqiiqaddihii ay warka geeyeen. Waxaana Al-Shabaab warka u gudbiyey isla askarigii ay warka u sheegeen. Dowlada waxaa la tuhunsan yahay inay ku dhex jiraan Shabaab badan, Dhamaan qaybaha dowlada, sida Xildhibaannada, askarta iyo taliyaashooda, wasiirada, nabadsugida iyo xataa guud ahaan shaqaala weynnaha dowlada. Marka sideebuu qof shacabi isugu aamini karaa khatarta intaa le’eg?. Al-Shabaab-nimadu waa mabda qalbiga hurda oo caqiiqado adag ku dhisan, Qofka Al-Shabaabka ahi, isagoo muuquu doono leh ayuu meel walba joogaa, Waxaanna xaqiiqo ah inay danahooda siday rabaan iyo midabkay doonaan ku fushan karaan, Waxaa sidoo kale xaqiiqo labaad ah in qaraxa iyo dilalka argagixisadu ay ku baxdo malaayiin doolar. Afkaarta Alshaabnimada wadaadaddii inoo fatwooday ayaynnu weli casharada iyo maxaadirooyinka miinaysan ka marsannaa. XALKU WAXA WEEYE: Ilaa uu qofka shacabka ahi helayo damaanad ah in aan magaciisa Al-Shabaab loo gudbinayn, waxba kama qabsoomi karaan horumar laga gaadho amaanka Xamar ama dalka. Dowladu horta waa in ay dhug u lahaato in ay khatarta intaa le’egi jirto. Qofka bilayska loo shaqaallaysiinayo waa in uu noqdo qof la og-yahay in aannu Al-Shabaab ahayn ama afkaartooda aaminsanayn. Taasina wakhti badan bay qaadansa, Tabtaas oo kale waa in la helo ciidamo qaran oo cid walba leh una badan dhulalka aan Al-Shabaabnimadu ugxama dhigan. Dhamaantoodna waa in hal mar la wada beddelo. Sidoo kale, waa in la helo sharcigii ciqaabta askarta iyo kala danbaynta bilayska, hadduu jirona waa in gacan bira lagu fuliyo. Waxaa kaloo loo baahannahay nabad-sugid qalaad oo lagu kalsooyahay oo dalka ka caawisa xaga nabad-sugidda iyo basaasnimada sida dalka turkiga oo ka le in la kaashado. Isla markaana dad sirdoon ah Soomaalida u taba-bara. Askarta bilayska waa in ay helaan mushahar ku filan, dallacaad, taba-bar, magdhow iyo xuquuq caafimaad oo dhamaystiran oo eex ka nasahan. Intaa waxa raaca, xeerka ciqaabta argagixida iyo jeelashii lagu xidhxidhi lahaa waa in ay jiraan. Qofka Al-Shabaabka ah ee la qabto, haddii berri la sii daynnayo maxay taraysaa, halkiisii buu ka miisayaaye. Sidoo kale waa in aan qofku hadduu Al-Shabaab kamid noqday ama xataa uu maalin taageeray waa in aan la aaminin. Wadaaddadii tan iyo koob iyo sagaashankii fatwoonnayey waa in danbiilayaal qaran loo aqoonsaddo, haddii ay ka toobad keeneenna waa in liiska madow (black-list) lagu qoro oon waxba loo dirsan, lagana dhegaysan. Kuwa weli fatwada wadana waa in la qaqabto oo la xidhxidho, waayo, wadaaddadii afkaartan qalaaad dibadda kasoo waariday ayaa weli Culumo inoo ah. Gebagebaddii intaas iyo ino kale oo badan haddii daacad laga noqdo waxbaa hagaagi lahaa, haddii kalese, waa riwaayad iyo biyo col-dhaanshay. W/Q: Abdirizak Xiddig Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Kheyraadka Golaha Wakiilada ayaa si adag uga hadlay Masuuliyiin lagu xidhay musuq-maasuq oo damiin uu ku sii daayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland. “Sharcigu wuxuu dhigayaa qofka musuq-maasuq lagu soo eeddeeyo in aanu lahayn wax damaanad ah, laakiin hore ayaaba loo sii daayey kuwiii Hanti-dhawruhu ku soo xidhay foojaradii liisamada lafta ah, oo waliba lagu helayo musuqa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaana Saldhigyada ka sii daayey, oo damanaad ahaan Maxkamadaha kaga sii daayey, mar haddii dad iyagoo dambigii lagu caddeeyey oo Hanti-dhawruhu soo xidhay la sii daayey, oo damanaad aanu sharcigu ogolayn lagu sii daayey, eeddaha musuq-maasuq ee labada Wasiir lagu soo oogay haddii ay dhab noqoto, haddii xitta la xidho waa la iska sii daynayaa, mar haddii ilaa hadda cid loo xidhay musuq-maasuq, oo xukun musuq-maasuq lagu qaaday aanay jirin, oo kuwii loo xidhay ee lagu caddeeyey la sii daayey” Dhinaca kale, Xildhibaan Siciid Gaane ayaa Xukuumadda Biixi ku eedayey inay ka musuq badantahay xukuumadahii hore ee Somaliland, waxaanu ka dhawaajiyey in musuq-maasuqu Xukuumada biixi uu ka noqday wax caadiya. “Musuq-maasuqu wuxuu noqday wax iska caadiya oo Xukuumaddu aanay dambi culusba u arag, walina lama arag Xukuumad ka tirsan Caalamka oo Musuq-maasuqa dalkeeda loo xalaalayey, haddii musuq-maasuqa la xalaaleeyo waa boobku ha socdo, sharciguna yaanu socon, laakiin cid kasta oo hantida umadda musuq-maasuqada wasiir ha noqdo ama masuul kale ha noqdee waxay ahayd in si adag loola dhaqmo, oo sharcigu wuxuu dhigayo in lagu qaado, si cid kastaaba ay uga feejignaado musuqa, laakiin haddii talaabo laga qaadi waayo, cid kastaaba wey ku dhiiranaysaa musuq-maasuqa iyo boobka hantida umadda”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Sheekaddii Geelayagga…W/Q Axmed Nuur Guruje Noloshii baadiyaha ee u muuqata inn ay hadda sii dhamaanaysaa waxay ahayd nolol han iyo hal-abuur leh , dadkuna noloshiisa si wanaagsan uga wada hadlo hadba wixii lasii gudboonaada . Hawl maalmeedka laf-dhabarta u ahaa nolosha waagaas ee xoolo dhaqatadana waxaa laggu dhex wadi jirey kaftan iyo xifaale hadba marka dhacdi timaadaba la is waydaarsado . Hadaba dulucda sheekadan aynu u gonda degnee ,badhtamihii qarnigii horre ama 50 kii , ayaa sidda sheekadani inagu soo gaadhey xili Jiilaala geelal xaafaddu lahayd lagga soo aruuriyey dhulka Hawdka loo yaqaano ee Daroor kor kagga beegan , waxaana loo soo arooriyey Dooxyadda Debis oo waagaas lagga cabi jirey. Markii Geelashi cabeen ayaa meel dhexe , labba qaalmood geelashii kaga lumeen , ka dibna hadii la doon doonay waa la waayay , geelashii ay ka lumeena lama joojine waxay ku fuleen meeshii ay kasoo arooreen . Dabeeto nin gabyaa ahaa oo arrintaa ka faaidaystay , ayaa isagoo nimanka waagaas geelasha waday , isagoo dacaayadaynaya wuxuu yidhi :- Ninkii dhaqasho geel doonayaa , wuu dhix dhixiyaaye , Dhubato iyo tuurtiyo ilaa dhinacyadii tuurta , dharaar bay intaa wada marsheen sidda dhanbaalkiiye , dhangaday ku feedheen , sidii maal lasoo dhacaye , ***** kagga tageen qaalmihii dhogorta xiisnaaye , Dhulka waxaa u caanoo u maray raabsi baa dhibaye , Dadka lagga dhacyaa iyo isagga dhawr ka qala aaba , Dharartaan hilib geel la cunin waa dhoma’ayaane , Jeeroo col dhaamaa u kaco dhaayin celinteedda , Dhoobada tubnaa iyo hablaha badi ka dhiibnaaba , waa u dhaxal la’aan Cali ninkii dhaqo yidhaa geele . Source
-
Markay labada qof ee is guursaday ay aqalgalaan, waxay labada qof la soo baxaan hab-dhaqanka rasmiga ah ee a lahaayeen. Labada qoys ee ay ka soo kala jeedaan labadan qof, ayaa mid kasta loo xambaariyaa dardaaran uu kula dhaqmo xaaskiisa. Gabadhu waxa ay hore u soo maqashay amma dhagaheeda ka batay halku-dhigii odhan jiray” naagi god ha kaaga jirto ama gunti rageed”. Halka ninkuna uu soo maqali jiray halku-dhigii odhan jiray” naag baa rag is-dhaafisay”. Mid kastaa dhankiisa ayuu aaminsanaa in haddii uu helo uu barwaaqo ceegaagta cagaha la galayo, balse arrintu waxa ay is beddeshaa marka guriga la isugu tago, oo qof kasta dhaqankiisa la arko. Bal aynu eegno dardaarnada loo xambaariyo labada is-calfaday. Waxa kale oo jira dardaaran dhinaca wanaagsan ah, balse waxa ka badan inta xun. Dardaaranka gabadha loo soo laqimo Weligii yaanu ka dareemin inaad jeceshahay Ogow oo maamul mushaharkiisa iyo wixii dakhli soo gala Ha isu-jilcin, oo hadalka yaannu kaaga dambayn Reerkaaga yaanu maamulin, adigu ha kuu daba-fadhisto wixii go’aan laga gaadhayo Wakhtiga guriga uu imanayo adigu go’aankeeda yeelo Hadaad markasta magaciisa ugu yeedho, doqon ayaad noqon oo waxa la odhan way jeceshahay, markaa waa inaad tidhaa” eeyaahe, xaaji”. Hadday hablo badan walaalo yihiin, gurigaaga waa inay kaaga dambeeyaan, oo aanay ninkaaga guriga ugu talin. Isha ku hay hooyadii, oo islaamuhu waa fidno socota. Ileyn waa”soo yuucane”. Haddii uu guriga kuugu keeno, la soco way kuu basaasi oo inankeeda ayay kuu sheegi wixii kaa xumaada. Markuu wax ku weydiiyo ugu jawaab” maxay dee, hadal badanaa, maxaad rabtaa, kuma haleelayo, qaylo badanaa, yuus badanaa IWM. Dardaaranka ninka loo laqimo Naagta ha is barin, yaanay kaa gacan-sarayn Hadaad jeclaato, way kugu tuman, ileyn waa naag oo masuuliyad laguma ogee. U muuji ad-adayg. Ragannimudu waxa ay ku jirtaa ad-adkaanta Naagtu jiljilayc yaanay kaa dareemin, ileyn nin adayg ayaa lagu ogaa. Hadalka ha barin, waayahaaga ha u sheegin, ha la tashan, haddii kale guntaada ayey ogaan. Marna magaceeda ha ugu yeedhin, ku dheh ” naayahe, xaajiyo, dee kumee. Markay carruur kuu dhasho ugu yeedh ” aabo tii idin dhashay meeday, waar hooyadiin u yeedha”. Hadday xanuunsato, dhakhtar tag ku dhe, ha kaxayn sidii caruurta. Ileyn nin waa lagaga fiican yahay inuu naag dabo socde. Hadday tilifoon kugula soo hadasho, adoo shaqada jooga, indhaha kaga dhac, oo ku dheh maxaad ila soo hadashay?, markaan guriga joogo i-weydii wixii aad rabto, waayo waxa ay rabtaa inay ogaato meeshaad joogta, oo ku maamusho. Weligaa yaanay ogaan musharkaaga, haddii kale way kaa qaadi, oo iyadaa kuu maamuli. Labadii qof oo soo dhegaystay dardaarankii doonayana inay ku dhaqmaan, ayaa gurigii isugu iminaya, oo xaalkii ayaa cirka isku shareeraya, ileyn waa la isku soo diray, oo markii hore heshiis ayey ahaayeen. Nin ayaa la weydiiyey miyaad jeceshahay naagtaadu inay dhimato, maya ayuu yidhi, sababta ayaa la weydiiyey. Wuxuu yidhi” inaan farxad u dhinto ayaan ka baqayaa”. Waayo wuxuu ku dhaqmay dardaarankii hore loogu soo laqimay. Ugu dambayntii tallo: Waxaan kula talin lahaa gabadha iyo ninku inay iska iloobaan dardaaranka xun ee gurigooda burburinaya, oo ay ka qaataan wixii iyaga anfacay, wixii dardaaran la soo siiyay. Bulshadeenu waxa ay leedahay dhaqan fiican iyo mid xunba. Markaa talooyinka lagu soo xambaariyey ka qaado wixii dan aad moodo ama inta fiican ee gurigiina dhisaysa. Bilowga hore talada ma diidi kartid oo waad isku dhacaysaan reerka aad kala jeedaan, markii ka dhegaysta, ka dib wixii faa’ido leh ka qaata. Waa tii hore loo yidhi” Naag nimaan u sabarini kama ilmo dhalo” Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@hotmail.co Source
-
Su’aalaha la iska waydiinaya waxay tahay meesha laga dhisayo oo ah Cisbitaalkii Qadiimiga aha ee Ingiriiskii ka dhisay oo dhismayaal badan ku yaallaan, taas oo mustaqbalka cisbitaalku ka maarmi doonin. dhismayaasha ku yaalla oo lacag ku dhow sodon kun lagu burburinayo, taas oo wax kale looga faa’iidaysan lahaa haday tahay dhismaha la burburinayo iyo dhaqaalaha ku baxayaba. Miyaa loo waayey dhul banaan oo dhismaha cusub laga hirgaliyo inta dhul cisbitaal leeyahay laga dhisayo ama dhismahaasi hore la duminayo ee lacag ku baxayso. Waxa kale ee la is waydiinayaa shirkadda dhisaysa oo wali la shaacin tartanna loo galin, waxa kale oo dhismaha maktabada la socota makhaayad iyo goobo lagu jimicsado iyo qayb beero ah, qaybaha ganacsiga ee maktabada ku lamaan ma dawladaa leh mise dad shicib ah. Lacagta ku baxaysa maktabadaasi waxay dhan tahay afar boqol iyo sodon kun oo dollar (waa dhismo la dhisayo iyo dhisme la burburinayo lacagta ku baxaysa), boqol kun dawlada hoose ee Gabiley bixinaysa, laba boqolna wasaarada waxbarashada, konton kun nin ganacsade ah, inta soo hadhayna qaadhaan baa lagu soo ururinayaa. Wasaarada waxbarashada ee bixinaysa labada boqol ee dollar, waxa ka aradan waxbarashada gobolka oo kormeerka waxbarashadda ee gobolka Gabiley waxay la’ yihiin dhaqaalihii ay shaqadooda ku fulin lahaayeen, taasina waxay keentay in ardayda laga ururiyo min hal dollar si kormeerka waxbarashda dugsiyada ee gobolka loogu fuliyo. Su’aalahaasi waa su’aalaha dadku iska waydinayaan dhismaha maktabadda Gabiley National Library oo baryahan la waday, taas oo la dhagax dhigay bishii February 20-keedii oo lagu beegan maalinta dhalinyaradda Somaliland Source
-
(SLT-Hargaysa) Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa taliyeyaal cusub magacaabay qaar ka mid ah ciidamada somaliland. Warar rasmi ah oo ay Hadhwanaagnews heshay ayaa sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi uu xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada Sareeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale “Afgaduud”kaas oo loo magacaabay abaanduulaha ciidamada qaranka somaliland. Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada u magacaabay gaashaanle sare Muuse Cilmi oo markii hore ka mid ahaa saraakiisha ciidamada qaranka. madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidookale xilkii ka qaaday taliyihii ciidamada asluubta somaliland sareeye Guuto Xudhuun isaga oo taliyaha ciidankaas u magacaabay sareeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf oo hore u ahaa abaan duulaha ciidamada qaranka. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka sirdoonka somaliland Jaamac Maxamed Bootaan(Ciro) isaga oo u magacaabay Xuseen Xasan Guuleed(Kenyatti) oo hore u soo qabtay xilkan. Madaxtooyada somaliland ayaan si rasmi ah u shaacin taliyeyaashan ciidamada ee uu magacaabay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Source
-
By Odindo Ayieko Somaliland’s recent signing of mega development deals with United Arab Emirates (UAE) and Ethiopia has left Somalia infuriated. Somaliland President Muse Bihi last month made visits to the United Arab Emirates and Ethiopia where he signed agreements to have the oil-rich Middle East state restore the Berbera Airport. The UAE, already expanding the port of Berbera key to maritime business in the Suez Canal linking the horn of Africa and the Middle East and also serve landlocked Ethiopia, will also set up an electricity plant in the city to power up to 25 megawatts. But Somalia is not happy with the business dealings Somaliland is engaging in and the fact that President Bihi was given red carpet reception in the UAE and Ethiopia where the Somaliland flag was hoisted and national anthem played. Somalia government has written to the UN Security council complaining about Somaliland’s engagements. Somaliland is a northern region of Somalia that self-declared independence from the latter in 1991 following a civil war. In their letter, Somalia says the engagements are a clear violation of its sovereignty. But Somaliland envoy to Kenya Omar Bashe stated that his country is free to engage with other countries officially. In a statement, Bashe said: “We as Somaliland wish to express our dissatisfaction at the recent complaint made by the Government of Somalia at the UN Security Council, about the recent trip by President Muse Bihi to the UAE. “I want to reiterate here that Somaliland is an independent country with internationally recognized borders and democratically elected governments that is well functioning. Somaliland is free to engage with other countries officially without the permission of Somalia as our union was voluntary so as was our exit from the union.” “We as Somaliland will continue to engage with the International community for the official recognition and Independence of our country.” “To our neighbours Somalia, we are willing to create a broad space for peaceful interaction and trade, but we will leave no room for any form of reunification activities.” Source: East Africa Business Week
-
Click here Qaran News
-
Wafti ka socda Somaliland oo booqasho ku jooga dalka Israel
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wafti heer sare ah oo ka socda xukumadda Somaliland ayaa wararku sheegayaan in ay hada gaadheen dalka Israel, waftigani oo ayna ilaa hada ayana shaacinin xukumadda Somaliland iyo ta Israel toona, ayaa ay waraku sheegayaan in waftigaasi uu wada hadalo la yeelan doono xukuumada Israel. Hase ahaatee waxa warkaasi xaqiijiyay oo bartiisa Twitterka soo dhigay suxufiga caanka ah ee reer Israil Edy Cohin, isga oo warkaasi ku dhaafay oo qudhaata… War degdeg ah : Wafti ka yimid Somaliland ayaa ku sugan Israel. Waa markii u horaysay ee wafti ka socda Somaliland ay ka degaan dalka Israel tan iyo intii ay Somaliland la soo laabtay xoriyadeeda, dalka Israel-na waxa uu ahaa wadamadii Somaliland aqoonsaday xiligii ay xornimada ka qaadatay dawlada Ingriiska 1960-kii ka hor intii ayna Somaliland la midoobin Somaliya. Wixii war ah ee waftigaasi ka soo kordhana waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararkeena danbe Qaran News -
(SLT-Hargaysa) Abwaan Daahir Ismaciil Weedhsame oo kamid ah Abwaanada caanka ah ee Somaliland ayaa ku baaqay in Hanti dhawr baadha la galiyo Wasaaradda Waxbarashada. Sidaana wuxuu ku Sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyay bartiisa Facebook-ga kaas oo u dhignaa sidan. “Wasaaradda waxbarashadu Si kal iyo laab ah ayey u soo dhawaynaysaa Hanti-dhawrka. maalmihii u dambeeyey waxa la dareemayey diyaar-garawga soo dhawaynta hanti-dhawrka, iyadoo roogga guduudan lagu sii goglay barxada weyn ee Xarunta wasaaradda. “ KALSOONI BADAN BAA NAGA MUUQATA!!!! Weedhsame Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale xalay kulan ka yeeshay ammaanka faraha ka baxay ee magaalada Muqdisho, oo maalmihii dhowaa ay qaraxyada caadi ka noqdeen. Kulanka ayaa looga hadlay sida wax looga beddeli karo xaaladda magaalada Muqdisho, waxaana waxyaabaha yaabka leh ee la isku soo qaday ka mid ah in magaalada la geliyo xaalad deg deg ah muddo 3 bilood ah, sida ay saraakiil ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online. Tallaabadan ayaa u ogolaaneyso dowladda in ciidamo badan kusoo daabusho magaalada, la xiro dhammaan waddooyinka magaalada, gur-guri loo galo, islamarkaana ugu yaraamn la hakiyo qaraxyada joogtada ah ee magaalada. Qorshahan ayaa la sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay mabda’ ahaan isku raaceen hase yeeshee waxaan weli la hayn qaabkii loo fulin lahaa. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in baarlamanku ansixinayaan iyo in kale marka madaxweynuhu ku dhowaaqo, maadaama dastuurka dhigayo inay qasab tahay in baarlamanku ansixiyo. Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa lagu warramayaa in ka cabsi qabaan in qorshahan aysan xildhibaanada baarlamanka ogolaan doonin, taasi oo darteed aan weli qorshahan loogu dhowaaqin. Waxaa sidoo kale jirta in beesha caalamka aysan ogolaan doonin qorshahan, taasi oo mar kale isku dhac ka dhex abuuri karta madaxda dowladda iyo beesha caalamka, oo horey ugu kala tagay cayrintii wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom. Madaxda dowladda ayaa la rumeysan yahay ina taageero hoose u raadi doonaan qorshahan ka hor inta aysan ku dhowaaqin, ayada oo laga yaabo inay ka tanaasulaan haddii aysan taageero ku filan u helin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay madaxweynaha soomaaliya inuu xilka amaanada ah dib ugu soo celiyo umada. Hogaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa madaxweyne Farmaajo si adag ugu dhaliilay xaalada amaan ee magaalada Muqdisho oo ka sii daraysa, waxaanu ku yidhi qoraal uu soo saaray. Allaha u naxariisto dhowr iyo tobankii qof ee qaraxii maanta lagu dilay, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Laga soo bilaabo Sabtigii inna dhaafay ilaa iyo maanta 13 Qarax ayaa dhacay. Qaraxyadu iyo weerarada kama dhacaan Jidka Warshadaha, Sodonka iyo Wadnaha. Waxay ka dhacaan xarumaha Dowladda iyo wadada Makka Al-mukaramah oo ay dowladu gacanta ku hayso, iyadoo ay meel waliba xiran tahay. Al-shabaab in ay cadow yihiin la iskuma hayo, mana laha hawl aan ahayn gumaadka shacabka iyo burburinta hantidiisa. Su’aashuse waxay tahay haddii la yiraahdo halala diriro, yaa dagaalka hoggaaminaya? Haddii la yiraahdo dagaalkooda ha loo midoobo, yaa dadka midaynaya? Haddii la yiraahdo dadka ha is difaacaan, deegaanadii iskood isku xilqaamay ayaa garab ka waayey dowladda oo dadkii ay halkaa ku laayeen. Haddii Taliska Nabadsugida aysan bilo badan Taliye lahayn, ninka xilka ku magacaabana uusan khibrad u lahayn hawlaha amniga ee nin jeclaysi loogu dhiibay, uuna loolan iyo xasarad kicin siyaasadeed ku hawlan yahay. Haddii taliyahii Booliska uu magac yahay lagana awood badnaysiiyey nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu Taliye ka yahay Booliska Gobolka Banaadir, kaasoo weligiis Boolis noqon, kuna hawlan dil qorshaysan iyo duulaan siyaasi. Mushaar la’aan iyo ku takrifal awoodeed darteed, haddii moraalka ciidanka iyo saraakiisha hay’adaha nabadgelyada uu aad u hoseeyo. Haddii shacabkii aysan kalsooni ku qabin soo gudbinta xogta la xariirta argagixisada iyagoo ka baqaya in la ogaado, lagana aarguto, maadaama ay argagixisadu dad ku dhex leedahay ciidanka. Haddii uu lumay xiriirkii wada shaqayn ee hay’adaha amniga dalkeenna iyo kuwii ajnabiga ahaa ee gacanta siin jiray, ka dib markii shaki iyo xiriir xumi wada shaqayn ah timid. Su’aasha waxay tahay maxay is dooroyaan argagixisada iyo kuwa shacabka u hoosaasinaya. Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu masuuliyaddiisa qaato, xaqiiqada iyo waaqaca horyaala uu run iyo go’aan geesinimo leh ku wajaho. Is moogaysiis, dafiraada, kooxaysi iyo nin jeclaysiga meel iska dhigo. Haddii kale intii aad cadawga u hoosaasin lahayd, ummadda xilka iyo amaanada u soo celi. Source
-
Click here Qaran News
-
Magaalada Muqdisho oo ay kushaqeeyaan dhammaan golayaasha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa kataagan xasilooni la’aan iyo nabadgelyada oo sii xumaaneysa saddexdii bil ee ugu dambeysay kaddib weeraro iyo qaraxyo kadhacay degmooyinka caasimadda qaarkood. Bilaha January, February & March waxaa kadhacay magaalada Muqdisho inta la diiwaangeliyey 10 weerar oo loo adeegsaday Qaraxyo gaadiid lagu soo xiray iyo weeraro si toos ah loogu qaaday xarumaha Wasaarado iyo Hoteelo ganacsi, 10-kaas weerar waxaa ku dhintay inta la helay tirakoobkooda 66 qof, halka ay ku dhaawacmeen 166 kale iyada oo hanti iyo guryana ku burbureen, haddaba su’aasha lagayaabo in aad isweydiiso waa Sababta ay Xamar oo caasimaddii dalka ah u xasili la’adahay iyo waxyaabaha xagga dambe ka riixaya deganaansho la’aanta caasimadda iyada oo dowladdu ku doodeyso in ay nabadgelyada iyo ciidanka ku bixineyso sanadka 2019 lacag kabadan lacagtii ay ku bixisay sanadkii 2018. Raisal wasaare Xasan Cali Khayre oo kahadlayey dhaqaalaha ay xukuumadda Soomaaliya ku bixiso ciidamada qalabka sida ayaa yiri:- “ 2017 inta dowladdeenu jirtay laga soo billaabo January ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliyeed waxa ay ku bixisay lacag tiradeedu ay gaareyso $89,000,000 (Siddeetan & Sagaal milyan oo Dollar), 2018-kii waxa aan ku bixinay 102,000,000 (Boqol & Laba milyan oo Dolar), 2019-ka waxa aan rabnaa in aan ku bixino ugu yaraan $107,000,000” (Boqol iyo Todobo milyan oo dollar) 10-ka weerar ee dhacday saddexdaas bil xukuumaddu weli kama soosaarin wax xog iyo warbixin ah oo kusaabsan Khasaaraha iyo tirakoobka dhibaatada dhacday basle waxa ay madaxdu Isbitaalada ku booqdeen dhaawacyada waxa ayna tacsi ka bixiyeen dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed ee gaaray shacabka. Tirakoob hordhac ah Haddaba waa maxay sababta ay nabadgelyadu u sii xumaaneyso? Waxa jira sababo loo qaateen ah oo kadambeeya nabadgelyada iyo amniga sii xumaanaya ee Muqdisho marka aad qiimeeyso dhaqanka xukuumadda iyo dhibaatada taagan, 10 qodob ayaa sabab u ah xasilooni la’aanta Xamar sida ay sheegeen Waaya-aragga Nabadgelyada iyo maamulka iyo madax katirsan dowladda Soomaaliya. Qodobadaas waxaa kamid ah: 1-Degganaansho la’aanta Siyaasadda Marka ay dhacdo xasilooni la’aan siyaasadeed oo dowladda dhexdeeda ah ama dowladda iyo kooxaha kasoo horjeed ah waxa ay madaxda kaladuwan ee dowladdu isku mashquuliyaan sidii ay u illaashan lahaayeen xilalka iyo kuraasta iyaga oo ka fogaanaya dhammaan wixii ay u arkayaan in ay sabab u noqon karaan luminta xilka, taasina waxa ay sababtaa in aan mas’uulna qaban iskuna howlin shaqadii loo xilsaaray, taas oo hoos u dhigta howlgalka fulineed ee dowladda 2-Xogta Dowladda oo u Furan kooxaha kasoo horjeeda Kooxaha ka horjeeda jiritaanka dowladda ama diiddan sida ay u falgeleyso waxa waaya-aragga nabadgelyadu muujiyeen in ay haystaan galaangal fiicanna u leeyihiin helidda xogta dowladda ee kusaabsan tusaale ahaan nabadgelyada, taas oo u sahasha in ay fuliyeen falal qalqalgelya deganaanshaha si xukuumadda loo cadaadaadiyo ama loo hakiyo howl ay fulin lahayd. Tusaale ahaan fadl-dembiyeed walba oo dhacaya waxa uu u baahan yahay in loo helo xog, xoolo iyo fuliyeyaal, waxaana ugu horreeya xogta oo qaarkeed laga heli karo dowladda, marka taas la fiiriyo waxaa suuragal ah in kooxaha fuliya weeraradu ay helaan xog muhiim ah oo loo adeegsado fulinta weerarada. 3- Hannaanka Howlfulinta ee dowladeed oo aan shaqaynayn Kulamada iyo fadhiyada madaxda dowladda waxaa ka soo baxa howlo ay tahay in si maangal ah loo fuliyo si arrin taagan wax looga qabto, balse hannaanka howl-fulinta ee xukuumaddu waa howlgab ama waxa uu ku maqan yahay meelo aan muhiim ahayn hadda marka la barbardhigo Nabadgelyada xarunta caasimadda, taasna waxaa suuragal ah in ay sabab u tahay qalfoofta qaabdhismeedka iyo kala sarreynta madaxda xukuumadda oo aan caddeyn ama raaciddiisa oo la sahashado. 4- Yaraanta Waaya-aragnimada & aqoonta mas’uuliyiinta Nabadgelyada Waaya-aragnimadu howl walba waa u muhiim iyo udub dhaxaad, ciidamada iyo saraakiisha hoggaamineysana waaba tiir-dhaxaadka uu ku taagan yahay howlgalka iyo kafalcelinta xaaladaha nabadgelyo ee ciidanka, degmooyinka oo sal u ah xasiloonida caasimadda waxaa saldhigyadooda maamula dhallinyaro firfircoon balse aan Sooyaalka nabadgelyada ee Muqdisho iyo nuuca weerarada ay tahay in laga jawaabo aan wax weyn kala socon laganayaabo in aanay xirfad iyo tababar ahaan u dhigmin cidda ay wajahayaan ee la rabo in ay ka guuleystaan, taasina waxa ay nugeyl badan u horseedday laamaha nabadgelyada ee dalka. 5-Xubnaha golayaasha dowladda oo aan dalka deganayn 26-ka Wasiir ee xukuumadda Soomaaliya ka kooban tahay waa qurbe-joog, waxa ay deggan yihiin Hoteelo iyo guryo lagu illaaliyo nabadgelyadooda taasna waxaa u dheer in qoysaskooda iyo carruurtooduna ay ku nool yihiin dibadda, sidaas awgeed mar haddii aanay xiriir deegaan iyo mid nololeed la lahayn nolosha caasimadda waxa adkaatay sida ay u wajihi karaan dhibaatada. 6-Kalsooni la’aanta Shacabka Kalsoonida Shacabku ku qabo ciidanka iyo hay’adaha nabadgelyada oo bud-dhig u ah lashaqeyntooda ayaa aad u hooseysa iyada oo muwaadiniintu ka cabsi qabaan in ay halis galaan nabadgelyo ahaan haddii ay xog nabadgelyo u gudbiyaan ciidanka iyo laamaha ammaanka, taasina waxa ay kalagoysay wadashaqeyn walba oo dhexmari lahayd labada dhinac, inta ay ka hagaageysana waa adag tahay in xasilooni dhacdo 7-Heerarka xogta Ammaanka oo jaha-wareersan Heerarka xogta nabadgelyada ee xukuumaddu waxa ay hoos uga dheceen meeshii ay ahayd in ay joogaan, waxaana suuragal ah in madaxda hay’adaha nabadgelyadu ay ku jahawareersan yihiin Saaxiibka iyo cadowga, heerarka xogtuna aanayba jirin sida Sir iyo Sir culus Dad badan oo kasoo goostay kooxaha kukacsan xukuumadda Soomaaliya ayaa xilal ka haya laamaha ammaanka iyo ciidanka dowladda sidaas awgeed waxa ay gacanta kudhigaan xog muhiim ah iyada oo aanay caddeyn cidda ay daacadda u yihiin 8- Musuqmaasuqa iyo laaluushka hay’adaha Nabadgelyada Musuqa iyo Laaluushka oo ay heysan karaan oo keli ah dad leh awood fulineed oo ciidanka ah ama ganacsato xiriir la leh madaxda iyo hoggaanada ciidanku waxa ay taagdarro ku rideen howlgal ciidanka, taasina waa sababta ay u taagan tahay xasaradda ciidanka xoogga dalka la xiriirrta ee sababtay in ciidamada qaarkood ka baxaan furimaha dagaalka. Tusaale ahaan Dadka fuliya weeraradu waxa ay intooda badan xiran yihiin dharka ciidanka gaar ahaan dharkii ugu dambeeyey, taasi waxa ay muujineysaa jiritaanka xiriir wadashaqeyneed oo u dhexeeya cid haysa awood sare oo kamid ah dowladda iyo kooxaha kahorjeeda dowladda, taas oo sahasha in dharkaasi ugu gudbo dhinaca kale wadashaqeyn ama ganacsi midkood 9-Caddaalad darrada maxkamdaha garsoorka Adeegyada dowladuhu siiyaan dadkooda waxaa ugu horreeye Garsoor caddaalad ah, waxa uu kahorreeyaa dhammaan adeegyada kale, sida ay madaxda maxkamadaha qaarkood ay sheegeen, waxaa jira muwaadiniin tirsada caddaalad xumo kaddibna caddaaladda u doonto cid kale oo kahorjeedda dowladda ama waxa uu u raadiyaa caddaaladdii hab aan sharci ahayn iyada oo lagayaabo in uu awood geliyo sidii ay xkuumaddu u guuldareysan lahay. 10-Hannaanka Kormeerka iyo xisaabinta laanta fulinta oo hoos u dhacay Xukuumdda oo ah awoodda fulinta ee dowladda mas’uulna ka ah nabadgelyada iyo jaangoynta tirada, tayada iyo taageerada hay’adaha ammaanka ee dowladdu cabsi kama qabto korjoogteyn iyo xisaabin wixii kadambeeyey mooshinkii siyaasadeed ee March-2018 lagu riday af-hayeenkii hore ee golaha shacabka, taasina waxa ay horseedday in Wasiirna loo gole joojin gaabiska iyo dhibaatada kadhalatay dayaca howshiisa. Xigasho: Radio Mustaqbal
-
Muqdisho (SMN)- Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada,waxgarad,cuqaal,siyaasiyiin,waxaana munaasabadaasi lagu caleema saarayay suldaanka guud ee beesha Cusmaan Amiin oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga gobolka shabeelaha hoose. Qaar kamid ah waxgaradkii iyo cuqaashii ka qeyb galay munaasabadda ayaa kula dardaarmay suldaanka in uu ka shaqeeyo masiirka umadda Soomaaliyeed. Ugu danbeyn suldaanka guud ee beesha Cusmaan Amiin Suldaan Yuusuf Cabdoow,Suldaan Xaaji Cali Abiikar ayaa mahad celin kadib ku dheeraaday ka hadalka waxyaabaha horyaala ee u baahan in lala garab galo,si looga dhabeeyo hadafyadaasi. Beesha Cusmaan Amiin ayaa kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga gobolka shabeelaha hoose,kuwaas oo taariikh fog ku leh deegaanada gobolka shabeelaha hoose. Daawo Sawirada Xafladda Caleema Saarka:- Dhageyso Warbixinta Xafladda Caleema Saarka:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warbixin-Mahad-Caleema-Saar.mp3 View the full article