Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxay beenisay iskana fogeysay warar sheegayay inay lacag ka qaadato Xafiiska Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Xildhibaan Fowsiya ayaa sheegtay inay jirto cid magac dil ku sameynaysa oo la wareegaysa qoraalo ay ku sheegayaan inay kamid tahay xubno lacag ka qaata Xafiiska Kheyre. Xildhibaanada ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku beenisay wararkaas been abuurka ee lagu sheegay inay mushaar ka qaadato Xafiiska Kheyre, iyadoo ku tilmaamtay qoraaladaas kuwo lagu qoslo oo sal iyo raad-toona lahayn. Maalmihii dhowaa, ayaa waxaa baraha bulshada aad u wareegay liis ay ku qoran yihiin magacyada dhowr boqol oo qof oo la sheegay inay dowladda lacag uga qataan inay warbaahinta ka taageeraan, kuwaas oo Fowsiya ay ka mid ahayd. Ma jirto cid xaqiijin karta sax ahaanshaha liiskaas, oo dad badan oo magacyadooda lagu qoray ay beeniyeen halka qaar kalena ay isaga amauseen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee hogaamiyo Muuse Biixi ayaa si adag uga jawaabtay hadal kasoo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaasi oo ku saabsanaa Wada-hadalada Soomqaliya iyo Somaliland. Xukuumada Biixi ayaa ku eedeysay dowladda federaalka inay iyadu dhinaceeda caqabad ku tahay wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, oo ay markasta wax ku hadasho iyada oo wax ka duwan hadalkaasna ku dhaqanta. Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha dibeda oo xukuumada Biixi u wakiilatay inuu ka jawaab celiyo hadalkii Farmaajo, ayaa waxa uu yidhi: “Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya muddo badan bey soo jiitamayeen, wejiyo kala duwan ayey wada-hadaladaasi soo mareen, Ingiriiska ayey kasoo bilowdeen, Turkiga, Dubai-baa mararka qaarkood lagu shiray xitaa Jabuuti baa lagu shirey, Wada-hadaladii hore ee Somaliland iyo Somalia ka dhexeeyay, wixii kasoo baxay waxay ka hirgeli waayen dhanka Soomaaliya. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxwayne Muuse Biixi, marwalba waxay diyaar u aheyd oo ku cel-celineysay inay diyaar utahay in wada-hadalada Somaliland iyo Somalia dib u bilowdan, lana gaadho xal, si nabad-galyo lagu dhameeyo mushkilada ka dhaxeysa Somaliland iyo Somaliya. “Marar badan baa la isku dayey oo beeshu caalamku isku dayday in wada-hadaladaasi dib u bilowdan, marwalba wada-hadaladaasi dhinaca ay ka fashilmayeen waxa ay aheyd dhanka Soomaaliya. Himikana runtii aad baa xooga loo saaraya wada-hadalada, beesha caalamkuna u daneynaysaa, anaguna hadan nahay Somaliland diyaar baan marwalba unahay in wada-hadalaadasi dib u furmaan. Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo hadii uu yidhi diyaar ban wada-hadaladaas unahay, marwalba anagu waa soo dhoweynayna, laakiin waxaan leenahay af-caashina iyo qowlkiinu ha is yeeshen, Soomaaliya marwalba waxbay ku hadasha xaga kalena wax ka duwan bey ka wadaa.” Dhinaca kale, Agaasimaha ayaa ganafka ku dhuftay dalab kasoo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, oo ku aadan midnimada Soomaaliya. “Runtii waa nasiib darro in maanta qof Soomaaliya ku nooli uu garan waayo wixii lasoo maray iyo wixii dhacayba, anigu ma odhanayo garan maayo laakiin waxan filayaa in uu is yeelyeelayo, wuuna ka dharagsanyahay xaqiiqada taala, Somaliland iyo Somaliya wey midooben, wixii ay ku midoowen waxa laga dhaxlay, iyagu wey ka dharagsanyihiin inaguna wan ka dharagsanahay, maanta wadada keliya ee inoo furan Waxa weeyi in si walaaltinimo ah oo nabadgelyo ah isagu nimaadno oo wixii naga dhaxeeya aynu ku dhameysano ayaa runtii inoo furan, anaguna diyaar ban unahay in miiska wada-hadalka soo wada-fadhiisano oo wixii Soomaaliya iyo Somaliland ka dhexeeya si nabadgelyo ah lagu kala baxo oo walaaltinimo ku dheehantahay, oo darisnimo ku dheehantahay lagu kala baxo diyaar ban unahay, iyaguna waxan rajeynaynaa inay diyaar sidaa si lamida unoqdan”. ayuu yidhi Agaasimuhu. Ugu dambeyntii Agaasimaha ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in muhiimad gaar ah laheyn meesha lagu qabanayo wada-hadalada, laakiinse ay muhiimadu tahay in meesha wada-hadaladaas lagu qabanayo ay tahay meel dhex-dhexaad ah oo labada dhinacba ku kalsoonyihiin, miiska wada-hadalkana ay la fadhido cid dhex-dhexaadisa oo Soomaaliya iyo Somaliland aysan isku kaliyeysan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Axmed Siciid Muuse duqa caasimadda Garoowe Guddoomiyaha golaha degaanka, ahna duqa caasimadda, Axmed Siciid Muuse, ayaa sida qorshaysan khudbad u jeedin doona, kalfadhiga golaha degaanka Garoowe oo furmaya Sabtida berriya. Guddoomiyaha ayaa khudbaddiisa ku faahfaahin doona, waxqabadkiisi degmada Garoowe ee 6-dii bilood ee la soo dhaafa, iyo barnaamijka horumarineed ee u diyaarsan in uu fuliyo 6-da bilood ee soo socota. Duqa caasimadda oo la doortay 29-kii Agoosto 2018, ayaa tan iyo wakhtigaasi ku hawllanaa barnaamijyo kala duwan oo ku saabsan horumarinta magaalada, gaar ahaanna bilicda iyo nadaafadda oo sida la sheegayo uu wax badan ka qabtay. Sidoo kale, mudada uu xilka hayay wax khilaaf ah kama dhex jirin, maamulka degmada iyo xildhibaannada golaha degaanka, si ka duwan maamulladii degmada soo maray. PUNTLAND POST The post kalfadhiga golaha degaanka Garoowe oo berri furmaya appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (SMN)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kormeeray goobaha ay ka socdaan Diiwaan gelinta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, si loo dardar galiyo diiwaan gelinta Ciidanka. Wasiir Beyle ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dib u habeyn lagu sameeyo Ciidamada qalabka sida iyo Waaxyaha Amniga,taasi oo uu xusay in ay tahay mid lagu gaari karo Mustaqbal wanaagsan. “ Maanta Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa dar-dargalin ku wada diiwaangelinta xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Dib-u-habeynta waaxda amniga ayaa ah muhiimadda ugu weyn ee lagu gaari karo hadafkeena Qaran iyo mustaqbalkeena, si aan ugu adeegno dalkeenna” ayuu yiri Wasiir Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa tilmaamay in Hannaanka diiwaan gelinta Ciidamada uu yahay dadaal wadajireed oo ay hoggaaminayaan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo Wasaarado kala duwan. “Hannaanka diiwaan gelinta ciidamada qalabka sida waa dadaal wadajir ah oo ay hogaaminayaan wasaarado kala duwan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Si wadajir ah waa innaa ugu adeegnaa dadkeena” ayuu mar kale yiri Wasiir Beyle. View the full article
  5. New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay George Conway oo kasoo jeeda dalka Canada inuu noqdo ku-simaha ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada midoobay ee (UNSOM) isagoo sidoo kale ah isku-duwaha hawlaha bini’aadannimo ee Soomaaliya. Mr Conway ayaa beddelaya Peter de Clerk oo kasoo jeeda dalka Netherlands. Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey de Clerk shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka qabtay Soomaaliya intii uu joogay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Mr Conway oo hadda ah mas’uul ka tirsan hay’adda UNDP Soomaaliya ayaa ah nin waaya-aragnimo durugsan leh shaqooyin aad muhiim ahna kasoo qabtay Qaramada Midoobay, isagoo soo qabtay xilalka la taliye xafiiska UNDP ee Africa, agaasime UNDP ka tirsan gaar ahaan dalka Koofurta Sudan iyo ku xigeenka madaxa barnaamijyada UNDP ee Koofurta Sudan. Mr Conway wuxuu dhashay sannadkii 1970 waana nin ka qaatay shaadaha Master of Arts jaamacadda Carleton iyo jaamacadda Western Ontario, sidoo kale wuxuu Bachelor of Arts ka qaatay jaamacadda Winnipeg. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  6. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa hadda gaaray degmada Carmo ee gobolka Bari halkaasoo uu caawo ku hoyanayo sida qorshuhu yahay. Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo galabta ka carraabay degmada Waaciye ee gobolka Karkaar ayaa markii uu gaaray Carwo waxaa ku soo dhoweeyay maamulka degmada saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska mas’uuliyiin ka socda golayaasha dowladda iyo bulshada qeybaheeda kale. Mudane Deni oo sida qorshuhu yahay caawa u hoyanaya degmada Carmo ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la qaadan doona maamulka iyo bulshada degmadaasi waxaana uu Sabtida berriya uga sii gudbi doonaa dhanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. PUNTLAND POST The post Siciid Deni oo caawa u hoyanaya degmada Carmo appeared first on Puntland Post.
  7. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay George Conway oo kasoo jeeda dalka Canada inuu noqdo ku-simaha ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada midoobay ee (UNSOM) isagoo sidoo kale ah isku-duwaha hawlaha bini’aadannimo ee Soomaaliya. Mr Conway ayaa beddelaya Peter de Clerk oo kasoo jeeda dalka Netherlands. Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey de Clerk shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka qabtay Soomaaliya intii uu joogay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Mr Conway oo hadda ah mas’uul ka tirsan hay’adda UNDP Soomaaliya ayaa ah nin waaya-aragnimo durugsan leh shaqooyin aad muhiim ahna kasoo qabtay Qaramada Midoobay, isagoo soo qabtay xilalka la taliye xafiiska UNDP ee Africa, agaasime UNDP ka tirsan gaar ahaan dalka Koofurta Sudan iyo ku xigeenka madaxa barnaamijyada UNDP ee Koofurta Sudan. Mr Conway wuxuu dhashay sannadkii 1970 waana nin ka qaatay shaadaha Master of Arts jaamacadda Carleton iyo jaamacadda Western Ontario, sidoo kale wuxuu Bachelor of Arts ka qaatay jaamacadda Winnipeg. Source: goobjoog.com
  8. Thabit Cabdi, 9 bilood ayuu madax ka ahaa Muqdisho wuxuu inta badan qudbooyinkiisa ku codsan jiray in lagu soo wareejiyo amniga caasimada lagulana xisaabtamo wixii dhaca, laakiin madaxda sare midaa waa diideen. Madama xiligaan uu amnigu faraha ka baxay, xalay ayaan Teleefoonka kula hadlay isagoo jooga Nairobi. Waxaan ku iri dhowr jeer ayaad codsatay in amniga Muqdisho laguugu wareejiyo, isla xisaabtana aad ogashahay, maxaa mar walba u door-bideysay arrintaas, adigoo ujeeda sida uu xaalku yahay iyo halista taagan?. Wuxuu mudane Thabit Ab iigu jawabaay ” Hadii uusan amniga Muqdisho lahaanshiyo yeelan, oo heer gobal iyo isla xisaabtan aan la waafajin waxba ma hagaagayan, anigu amniga aragti ayaan kalahaa, inaan wax ka qaban karo ayaana ii muuqatay, wuxuu maamulkeygu diyaariyay qorshooyin iyo daraasado ka koobnaa 265 bog oo la xiriiray amniga Muqdisho, oo qubaro Soomaali iyo ajaanib ah ay wax ka diyaariyeen, sidaas ayaana u codsanay in amniga caasimada la hoos keeno maamulka gobalka Banaadir. Ma kula tahay in Thabit Cabdi lasoo celiyo oo markii ugu horeysay loo ogolaado inuu amniga caasimada maamulo, qorshihiisana ku dabaqo ? Waxaa Qoray Abdullahi Osman Farah
  9. Muqdisho (SMN)- Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa tababar ku aadan dhowrista xuquuqda aadanaha iyo sharciga ban,aadinimada magaalada Muqdisho ugu soo gaba gabeeyay saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya. Ujeedka tababarkaasi ayaa waxaa lagu sheegay sidii ciidamada dowladda Soomaaliya u dhowri lahaayeen xuquuqda shacabka xilliyada ay ku jiraan howlgalada. General Odawaa Yuusuf Raage oo ka tirsan saraakisha Milateriga Soomaaliya ayaa xusay in tababarkaasi u muhiim u yahay saraakiisha iyo ciidamada xooga dalka. Waxaana uu intaasi ku daray in tababarkaasi ay ka faa,iideysteen dhamaan ka qayb galayaasha oo badankood ka tirsanaa Milateriga dowladda federalka ah ee Soomaaliya Tababarkaasi oo lagu qabtay xarunta General Gordon ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban qaabiyey howl galka nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM. Howlgalka AMISOM ayaa wadada taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya oo la filayo in ay la wareegaan mas,uuliyada amniga dalka marka ay ciidamada midowga Africa ka baxaan Soomaaliya sannadka 2021. View the full article
  10. (SLT-Hargaysa)Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane), ayaa dhaliilo culus oo u soo jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi, waxaanu tilmaamay in musuq-maasuqu caadi ka noqday dalka. Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay”Sharcigu wuxuu dhigayaa qofka musuq-maasuq lagu soo eeddeeyo in aanu lahayn wax damaanad ah, laakiin hore ayaaba loo sii daayey kuwiii Hanti-dhawruhu ku soo xidhay foojaradii liisamada lafta ah,oo waliba lagu helayo musuqa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaana Saldhigyada ka sii daayey, oo damanaad ahaan Maxkamadaha kaga sii daayey,mar haddii dad iyagoo dambigii lagu caddeeyey oo Hanti-dhawruhu soo xidhay la sii daayey, oo damanaad aanu sharcigu ogolayn lagu sii daayey, eeddaha musuq-maasuq ee labada Wasiir lagu soo oogay haddii ay dhab noqoto, haddii xitta la xidho waa la iska sii daynayaa,mar haddii ilaa hadda cid loo xidhay musuq-maasuq, oo xukun musuq-maasuq lagu qaaday aanay jirin, oo kuwii loo xidhay ee lagu caddeeyey la sii daayey, waxay taasi ka dhigan tahay in musuq-maasuq noqday wax iska caadiya oo Xukuumaddu aanay dambi culusba u arag, walina lama arag Xukuumad ka tirsan Caalamka oo Musuq-maasuqa dalkeeda loo xalaalayey, haddii musuq-maasuqa la xalaaleeyo waa boobku ha socdo, sharciguna yaanu socon, laakiin cid kasta oo hantida umadda musuq-maasuqada wasiir ha noqdo ama masuul kale ha noqdee waxay ahayd in si adag loola dhaqmo, oo sharcigu wuxuu dhigayo in lagu qaado, si cid kastaaba ay uga feejignaado musuqa, laakiin haddii talaabo laga qaadi waayo, cid kastaaba wey ku dhiiranaysaa musuq-maasuqa iyo boobka hantida umadda”. Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey abaaraha ayaa yidhi””Dadkan ILLAAHAY baa u maqan, ee Xukuumad gurmad u jeeda maaha,ee waxaan odhan lahaa oo qudha dadkani Somaliland ee masaakiinta ah ee danyarta ah haddii aydaan waxba u qabanayninsiigada iyo socodka badan ka daaya, maxaa yeelay dad masaakiin ah, aabayaal iyo hooyooyin masaakiin ah oo danyar ah, uma baahna in laga dul ciyaaro, uma baahna in been loo sheego, ee ILLAAHAY bay leeyihiin, ee beenta ka daaya, oo haddii aad daacad ka tihiin wax u qabta”. Source
  11. (SLT-Abudabi)Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash ayaa sheegay in dalalka Carabta ay gaareen “go’aan aad u qaldan” markii ay go’aansadeen inaysan xiriir rasmi ah la yeelan Israel. Anwar Gargash ayaa wargeyska Imaaraatka ee The National u sheegay in loo baahan yahay is-beddel ku yimaada xiriirka Carabta iyo Israel, si loogu guuleysto nabad laga dhex-dhaliyo Israel iyo Falastiin. “Sanado badan ka hor, markii Carabta go’aan ku gaareen inaysan xiriir la yeelan Israel, kaasi waxa uu ahaa go’aan aad u qaldan” ayuu Gargash si aan caadi ahayn u yidhi . Hadalkiisa ayaa yimid maalmo un kadib markii Imaaraadka iyo dalalka kale ee Khaliijka ay cambaareeyeen go’aanka madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul Israel. Israel ayaa waxay xiriir rasmi ah la leedahay kaliya laba dal oo carbeed oo kala ah Masar iyo Jordan. Gargash ayaa sheegay in iminka uu rajaynayo in xiriirka Carabta iyo Israel uu si tartiib ah u koro. “Waxaa loo baahan yahay is-beddel istaraatiijiyadeed si aan guul uga gaarno aagga nabadda” ayuu yiri. “Haddii ay xaaladda sidan kusii socoto, 15 sano kadib waxaan wajahaynaa marxalad aan ku qasbanaano inaan aqbalno hal dal oo xuquuqdiisa loo siman yahay” ayuu yiri Gargash. “Xalka laba dal oo ay kala yeeshaan Falastiin iyo Israel suurta-gal ma noqon karo, sababtoo ah dhulkii Falastiiin wuu sii yaraanaa oo waxaa kis kis u qaadaneysa Israel” ayuuu yiri Gargash. Wax auu ku taliyey in Carabta la heshiiso xiriirna la yeelato Israel. Source
  12. Ankara (SMN)- Wasaarada arrimaha dibadda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 15 ruux ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo intaa ka badan. Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka dowladda Turkiga ayaa tacsi loogu diray qoysaska iyo saaxiibada dadkoodii ku waayay weerarkaasii,halka kuwa dhaawacmay loo rajeeyay soo kabasho degdeg ah. Saraakiisha amniga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in qaraxiisi loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo buuxiyay uu ka dhacay isgooska dabka iyo hoteelka Wehliye ee magaalada muqdisho. Dowlada Turkiga ayaa shaacisyay in ay xoojineyso taageerada dhinaca amniga ee uu siiyo dowladda fedaraalka Soomaaliya si ay xasilooni ugu soo dabaasho guud ahaan dalka gaar ahaan magaaalda Muqdisho. Xarakada Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda qaraxaasi, iyada oo sheegtay in ay ku dishay qarixii shalay in ka badan 10 qof oo u badan mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa mar kale weerar ku qaaday madaxda ugu sarreysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, xilli ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu sii xumaanayo. Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa magaalada qaraxyada ay uga dhacayeen si maalinle ah, ayada oo mararka qaar ay dhowr qarax dhacayeen hal maalin. Mahad Salaad, oo soo qaatay xadiis laga weriyey suubanaha nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, ayaa sheegay in madaxda hadda jirta ay lumiyeen amaanadii loo dhiibtay, taasi ay astaan u tahay in qiyaamaha uu dhow yahay, sida xadiisku sheegay. Mahad Salaad ayaa yiri “Rasuulkeena NNKH markii uu ka hadlayay astaamaha lagu garto saacadda qiyaame wuxuu yiri: Hadii amaanadu lunto suga maalinta qiyaame. Waxaa la waydiiyay RASUULKII ALLOW sidee ayay u lumaysaa: Wuxuu yiri markii qofka loo dhiibo mas’uuliyad uusan aqoonteeda lahayn suga maalinta qiyaame!” “Haddaba, waxaa iswaydiin mudan dadka noo haya mas’uuliyada amniga ma yihiin kuwii ku haboonaa marxalada maanta aan kujirno?!” ayuu yiri Mahad Salaad. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah xidlhibaanada sida ugu darran u mucaarado xukuumadda talada haysa, inta badanna ka fal-celiya dhacdooyinka ka dhaca dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Garoowe (SMN)- Madaxweynaha maamulka Putland Saciid Cabdullaahi Dani oo booshaqo ku bixinaya deegaano iyo degmooyin katirsan putland gaar ahaan gobolka bari oo ay ka mid tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi,ayaa intii uu ku sugnaa deegaanka waxaa uu boqolaal shacab ah kula kulmay degaanka Waaciye. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani ayaa sheegay in maamulkiisu uu Mudnaanta siin doonom arimo ay ka mid tahay amniga deegaanadaasi,dhaqaalaha iyo qorshaha tayeenta ciidamada maamulka Putland,waxaana uu uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen bulshada deeganadaasi. Socdaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee tan iyo markii la doortay uu ku tego gobollada Bari ayaa madaxweynuhu ugu kuur galay xaaladda amni iyo tan nololeed ee ka jirta gobolladaasi. View the full article
  15. Nairobi (SMN)- Hay’adda qaxootiga qaramada midoobay u qaabilsan ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku dhaliishay qorshaha dowladda Kenya ay ku dooneyso in ay ku xirto xerada ugu balaaran qaxootiga aduunka ee Dhadhaab. Hay’adda ayaa warbixinteeda ku xustay in hadii xukuumadda Nairobi ay malaayiin qaxooti Soomali ah dib ugu soo celiso gudaha Soomaaliya ay balaarin doonto xaaladaha bin aadanimo ee xiligan ka jira qeybo kamid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaliya. Madaxa hay’adda UNHCR ee bariga Africa Dana Hughes ayaa sheegay in laanta qaramada u qaabilsan qaxootiga ay in badan ka war heyso qorshaha ay dowladda Kenya ku dooneyso in ay ku xirto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab,oo ay deegaansadaan in ka badan 230 kun oo u badan qaxooti Soomali ah. Sidoo kale Mr Hughes ayaa tilmaamay in ay dowladda kala shaqeyn doonaan sidii xal loogu heli lahaa malaayiin qaxooti ah oo magan galyo ay siisay ku dhawaad 30 ka hor,isla markaana ay dedaal badan ku bixin doonaan sidii dib u dajin rasmi ah loogu sameyn lahaa qaxootigaasi. Warbixinta UNHCR ayaa sidoo kale looga mahad celiyay dowladda Kenya magan galyada ay siisay Malaayiin qaxooti ajinabi ah iyo sida ay u soo dhaweeyeen tobanaan sano ka hor qaxootigii Soomaliyeed ee ka soo cararay colaadihii sokeeye ee ka jiray dalka. Maalin ka hor ayey markii hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ay si isku mid ah uga hor yimaadeen qorshe xukuumadda Nairobi ay ku dooneyso in ay albaabada isugu dhufato xerada qaxootiga ugu balaaran aduunka. Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa ku nool Malaayiin qaxooti ah oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Sudan,kuwaas oo dalalkooda uga soo cararay abaaro iyo colaado sokeeye oo ku dhuftay deeganada ay ku noolaayeen. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka socota diiwaangelinta ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya, taasi oo ay wadaan Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Maamulka iyo Shaqaalaha wasaarada maaliyadu ay weli sii wadeen Diiwaan-gelinta Ciidamada booliska Soomaaliya. Wasiir Bayle ayaa soo dhigey bartiisa Twitter-ka qoraal uu kaga hadlayo arrintan, wuxuuna ku yiri: “Maanta maamulka iyo shaqaalaha Wasaarada Maaliyada Soomaaliya waxay sii wadeen diiwaangelinta xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Muqdisho. Dib-u-habeynta waaxda amniga ayaa ah muhiimada ugu weyn ee lagu gaari karo hadafkeena Qaran iyo mustaqbalkeena si aan adeegno dalkeena”. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Wasiirka in mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ay sii wadi doonaan diiwaangelinta xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay inay ka go’an tahay diiwaangelinta ciidamada kala duwan ee dowladda si loo helo tirada saxda ah ee ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay xaaladaha amaanka ee magaalada Muqdisho iyo dadka ka dambeeya qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Yuuruf Garaad Cumar qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay xaaladaha amaan ee magaalada Muqdisho, waxaana uu ku yiri qoraalkiisa:- Qaraxii iigu horreeyay oo ka dhacay meel aan joogo waxay ahayd 2013. Weerarkaas waxaa soo qaaday saddex wiil oo labana ay is qarxisay midna lagala hormaray oo la dilay isaga oo gashan jaakad qarax ku rakiban yahay. Isla markiiba waxaa tuhun la geliyay cidda ka dambeysa weerarka. Xataa shisheeya ayaa ka qeyb qaatay far ku fiiqidda jiho aan ahayn Shabaab. Ilaa markaas waxaan arkayay marka uu qarax dhaco dadka qaar keena tuhun ah in weerarku Shabaab ahayn ee ay ka dambeeyaan dhinacyo kale. Ma ogi xaqiiqadeeda. Mid ayaanse ogahay. Shabaab keliyihi Muqdisho dadka kuma dilo. Baaritaan cilmi ku saleysan ayaa loo baahan yahay in weerar kasta lagu sameeyo waxna laga barto. Xuuraansi ka sokow, Maaddooyinka laga sameeyay qaraxa iyo tabta loo sameeyay waxay wax ka sheegaan cidda sameysay. Xataa waxaa laga ogaan karaa qofka qaraxa sameeyay cidda tababbartay. Goobta la beegsaday, goorta iyo xeesha weerarka iyagana khubaro akhrin taqaan ayaa jirta. Diiwaanka warbixinnada weerarrada Shabaab haddii uu jirana wax baa lagala dhex bixi karaa. Baaritaan iyo dabaggal noocaas ah ama ka sarreeya maaddaama aanan arag cid natiijadiisa ila wadaagta, anigu waxaan weerarrada u sameystay miisaan fudud. Waxaan hubiyaa in weerarka uu fuliyay ama uu qeyb ka yahay qof is qarxiyay. Haddii ay jawaabtu haa tahay, Shabaab oo keliya ayaa haysta dad isu qarxiya, adeegsadana. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Siciid Deni oo ku sugan Waaciye Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo saaka ka socdaalay magaalada Qardho ayaa goor dhoweyd gaaray degmada Waaciye ee gobolka Karkaar. Madaxweynaha oo ku sii jeeda magaalada Boosaaso ayaa kormeer kooban ku maray qeybo kamid ah degmada Waaciye iyo isbitaalka weyn ee degmadaasi waxaana uu la kulmay bulshada halkaasi ku dhaqan. Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku sii hakan doona degmada Carmo ee gobolka Bari iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolkaasi ka hor inta uusan tegin magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Socdaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee tan iyo markii la doortay uu ku tego gobollada Bari iyo Karkaar ayaa madaxweynuhu ugu kuur-gelayaa xaaladda amni iyo tan nololeed ee ka jirta gobolladaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo gaaray degmada Waaciye appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku xigeenka cusub ee howl galka UNSOM ee Soomaaliya u magacaabay George Conway oo u dhashay dalka Canada. Mr Conway oo sidoo kale noqonaya xiriiriyaha arimaha gargaarka bani’aadinimo ee Soomaaliya ayaa badalaya Peter de Clecq oo dhawaan jagadaasi ka tagay. Mas’uulka cusub ayaa waxa uu horey ugu tirsanaa barnaamijka horumarinta mashaariicda Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ee loosoo gaabiyo UNDP. Mr Guterres ayaa mas’uulka Conway u sheegay in ay hortaalo shaqo adag loogana baahan yahay inuu sameeyo dadaalo dheeraad ah si uu uga soo baxo waajibaadkiisa. Magacaabiista Mr Conway ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan golaha ammaanka ee UN-ka uu mudo kordhin hal sano u sameeyay xafiiska arrimaha siyaasada UNSOM. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka wuxuu ku muujiyay xiriirka ka dhaxeyn kara qaraxyada kusoo batay magaalada Muqdisho iyo shirkii sahminta shidaalka ee London. Siyaasiga ayaa sheegay in soo bandhigida kheyraadka shidaalka dalka uu abuuray qataro badan oo dhanka amaanka ah, isaga oo sheegay inuu hurdada ka kiciyay unugyo “Dad” hurdayay, sida uu hadalka u dhigay. Cali Xaaji, ayaa sheegay in awoodo badan ay bilaabeen inay ku baratamaan dalka, taasi oo qatar ku ah Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u sababeeyay kadib shirkii shidaalka ee London. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowlad aan ka adkaan karin amaanka caasimada inay ku adag tahay inay ka faa’ideysato kheyraadka ku jiro dalkeeda, taasina ay keeni doonto khataro kale oo amaan. “In aanay suura gal ahayn Dowlad aan amniga caasimadda iyo xuduudeeda ka adkeen karin inay ku dhiirato ka faa’idaysigo kheyraadkeeda, taasi oo dalka u keeni karta khataro badan”ayuu yiri Cali Xaaji Warsame. Walow uusan si toos ah u cadeyn xiriirka ka dhaxeynta labada dhacdo, ayuu hadana sheegay inay toosisay dad badan oo doonaya inay iyaga hantaan kheyraadka dalka, taasi oo keentay inay awood ahaan ku dagaalamaan Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Boosaaso (SMN) – Shir looga hadlayo amniga magaaaladda Boosaaso oo ay ka qayb galeen dhinacyo kala duwan ayaa ka dhacday halkaasi. Wasiirka amniga dowlad goboleedka Puntland, C/Samad Gallan oo shirka ka hadlay ayaa sheegaya in ay sugayaan amaanka xarunta gobolka Bari. Mr Gallan ayaa ku nuux-nuux saday in Puntland ay dhaqaalaha ugu badan ku bixineysa amaanka Boosaaso oo maalmihii u dambeeyay liitay. Wasiirka ayaa cod dheer kaga dalbaday shacabka in ay la shaqeeyaan hay’addaha amaanka si loo xasiliyo magaaladda. Magaaladda dekada leh ee Boosaaso ayaa waxaa dhowaanahaan ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayo mas’uuliyiinta iyo wax-garadka. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Qoys Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya boob lagu hayo dhul ay ku leeyihiin inta u dhaxeysa Haanta Dheer iyo Zaban-zaban ee degmada Dayniile, caasimada dalka ee Muqdisho. Reerkaan oo sheegay in dhulka ay dhaxal ahaan uga tageen waalidkooda ayaa tibaaxaya in dhulkooda ay dhacayaan shaqsiyaad adeegsanaya shaarka dowlada, kuwaasi oo ay codsadeen in laga qabto. Madaxda ugu sareysa dalka, gaar ahaan Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ayay cod dheer kaga dalbadeen in ay soo farageliyaan kiiskooda, isla markaana ka cadaaladda garab siiyaan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Dhulka-ee-Wariye-Soofeysane-.mp3 View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay magacyada xubno ay sheegeen inay ku dileen kuna dhaawaceen weerarkii qaraxa ahaa ee shalay ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama. Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad ku taala agagaarka Hotel Wehliye, waxaana Al Shabaab ay shaaciyeen magacyada 13 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ay sheegeen inay kasoo gaartay qaraxii shalay. Xubnaha ay magacyadooda ay soo bandhigeen ayaa lagu sheegay inay ahaayeen xildhibaano hore, masuuliyiin ka tirsan wasaarado, saraakiil ciidan iyo kuwo ka tirsan maamulka Hirshabeelle. Waxaana ay ku sheegeen magacyada shaqsiyaadka ku dhintay kuna dhaawacmay qaraxii shalay:- C/qaadir Xasan Cabdi oo la sheegay inuu kamid ahaa baarlamaankii dowladii Sheikh Shariif iyo ruux magaciisa lagu koobay Cali Cadde oo la sheegay inuu ahaa agaasime wasaaradeed ayaa ku dhintay weerarka. Maxamed Ibraahim Sanbuur oo ka tirsan wasiirada Hirshabeelle, Sheikh Yuusuf Cali Ceynte oo ahaa xildhibaan hore, Maxamed Deeq oo la sheegay inuu ahaa agaasime waaxeed ka tirsan wasaaradda Kaluumeysiga, ruux magaciisa lagu koobay Guuleed oo ka tirsanaa ciidamada Booliska, ruux ka tirsan Xafiiska R/wasaare Kheyre oo magaciisa lagu sheegay Gaadaco ayay Al Shabaab sheegeen inay ku dhaawacmeen qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho. Shaqsiyaad ka tirsan maxkamadda gobolka Banaadir, wasaarada Dastuurka, maxkamadda Meletariga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada, ayay shaaciyeen Al Shabaab inay ku dileen kuna dhaawaceen qaraxii ka dhacay maqaayadda u dhow isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in qaraxii shalay ay dad shacab ah waxyeelo kala duwan kasoo gaartay, iyadoo Al Shabaab ay soo bandhigeen magacyada shaqsiyaadka ay sheegeen inay ku dileen kuna dhaawaceen qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa kadib Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda ayaa sheegay inay la eegteen qaraxa goob uu ka jiray isku imaatin, islamarkaana ay goobta ku sugnaayeen masuuliyiin kala duwan oo bartilmaameydka uu ahaa. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa kordhay weerarada Al Shabaab ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho. Sawirada Hoose waxaa soo bandhigay Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magacyada xubno ay sheegtay in ay ku dishay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho. Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhimatay dhacdadaasi oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 20. Hoos ka akhriso magacyada xubnaha ay Shabaab tilmaamtay in ay ku dishay weerarkaasi iyo xilalka ay sheegtay in ay hayeen. C/Qaadir Xasan Cabdi oo ahaa xildhibaan katirsanaa dowladdii Shariif Sheekh Axmad. Cali Cadde oo ahaa agaasime wazaaradeed. C/Risaaq Gaadaco oo kamid ahaa shaqaalaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha. C/Fataax oo ahaa xubin katirsan wasaaradda Dastuurka ee dowladda federaalka. Maxamed Nageeye oo ahaa sarkaal katirsan maamulka gobolka Banaadir. Cawil oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda Waxbarashada Ibraahim C/Raxmaan oo kamid ahaa wasaaradda Dastuurka. Xubnaha ay Al-Shabaab sheegtay in ay ku dhaawacmeen qaraxaasi ayaa waxay ku kala sheegtay magacyadooda. Maxamed Ibraahim Sanbuur oo ah wasiirka xanaanada xoolaha ee maamulka HirShabeelle. Yuusuf Cali Ceynte oo isaguna ah Xillibaan hore. Maxamed Deeq oo ah agaasime wasaaradeed katirsan wasaaradda Kalluumeysiga. Guulleed oo kamid ahaa saraakiisha Police-ka. View the full article