-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Khilaafka xoogan ee ka dhex taagan madaxda maamulka Galmudug iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo deegaanada maamulka Galmudug. Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa iclaamiyay in doorashada madaxtinimada Galmudug ay dhaceyso Bisha July ee sanadkaan 2019. Wasiirka ayaa sheegay in Galmudug ay soo martay marxalado kala duwan oo khilaafaad ah, islamarkaana wuxuu sheegay in doorasada ay ku rajo weyn yihiin inay ku dhacdo waqtiga rasmiga ah ee loo qorsheeyay. Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in Galmudug dhismaheedii hore dhibaato farabadan laga soo maray, isla markaana horay u jirtay khilaaf ka dhaxeeyey Maamulkii Galmudug ee ku sugnaa Cadaado iyo Ahlusuna oo gacanta ku heysay Dhuusamareeb, hayeeshee xal laga gaaray. Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay in Khilaafka Galmudug xalinteeda ay tahay mid u wada yaala madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug, isaga oo sheegay inay dadaal badan sameyn doonaan ka hor doorashada Galmudug. Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli la wada sugayay mowqifka dowladda ee doorashada Galmudug, isla markaana Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya uu cadeeyey mowqifka dowladda iyo waqtiga ay dhaceyso doorashada Galmudug. Hoos ka dhageyso Codka Wasiirka arrimaha gudaha. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Wasiir-Sabriye-2.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka jawaabay damaca kooxaha xagjirka caddaanka ah uga jira in magaalada Istanbul ay dib ugu noqoto gacanta Kirishtanka. Erdogan ayaa sheegay in weerarkii dhimashada lahaa ee lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand uu qeyb ka ahaa howl-gal ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayey Turkey. Erdogan, oo u ololeynayey doorashada dowladaha hoose ee Turkey ee dhacaysa bishan, ayaa sheegay, in weerarka uu qeyb ka ahaa weerar ballaaran oo lagu soo qaaday Islaamka. Weerarkaas oo lagu dilay 50 qof oo muslimiin ah, ayaa waxaa fuliyey nin Australian ah oo aaminsan in dadka caddaanku sarreeyaan, kaasi oo muslimiinta ugu yeeray “duullaan” “Tani ma ahan hal dhacdo oo kaliya, waa wax abaabulan” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayey magaalada Canakkale ee galbeedka Turkiga, isaga oo aan bixin wax faah-faahin ah. “Waxa ay nagu tijaabinayaan farriin ay kasoo dirayaan dalka New Zealand, meel 16,500km u jirta halkan” ayuu yiri. Erdogan iyo saraakiisha Turkiga ayaa cambaareeyey weerarka oo ay ku sheegeen inuu astaan u yahay Islaam naceybka ay Reer Galbeedka iska indho-tireen. Ninka weerarka fuliyey ayaa baahiyey qoraal uu ku muujiyey damaciisa ah inuu arko in magaalada Istanbul ay dib u noqoto gacantii Kirishtanka iyo magacii Constantinople ee loo yaqiin ka hor inta aysan qabsan Cusmaaniyiinta. Fikradda uu qabo waa sidoo kale tan ay aaminsan yihiin caddaanka xagjirka ah ee aamnisan in caddaanka ka sarreeyaan dadka kale, islamarkaana doonaya in Istanbul ay dib ugu soo laabato gacanta Kirishtanka. “Waxaan halkan joognay sanado badan, Insha Allah, waxaan halkan sii joogi doonnaa illaa qiyaamaha, marnaba Istanbul kama dhigi doontid Constantinople” ayuu yiri. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wefdigii uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibeda dalka Eritrea ee booqashada ku joogey Somaliland ayaa shalay waxay kulamo la qaateen Shir gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland, Guurtida iyo Wakiilada, kulamadaas oo ahaa kuwa gooni-gooniya. Markay soo idlaaden kulamadaasi ayaa waxa ugu horeyn ka warbixiyey oo la hadlay warbaahinta Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax. Baashe ayaa yidhi: “Waxa aanu ka wada hadalnay waxa weeyi dhibaatooyinka aanu soo wada marnay, iyagu wey kala baxeen oo Itoobiya iyo Eritrea ilaahay baa kala saaray oo wey kala baxeen, labo dowladood ayey noqdeen, waxaynu soo wada marnay dagaal oo inagu Soomaaliya ayaa la dagaalanay iyaguna Itoobiya ayey dagaalameen, hadana markii ay xorooben ee iyagu kala baxeen, balse inagu aan weli iska laad-laadno, khibradaa wey leeyihiin waxa aana ka codsanay inay nagala shaqeeyan sidii aynu walaalahen ukala bixi lahayn oo aynu unoqon laheyn labo dowladood oo walaala oo derisa oo is caawiya waxna is tara, Geeska afrikana kamid beynu nahay ee isbadalkaa ka jirana qeyb beynu ku leenahay, hadaan qeybteena nagala siina wax ka hagaagaya majiraan, cidina indhaha inagama lalin karto”. Guddoomiye Baashe waxa uu intaas kusii darey: “Codsigayaga markii aan u gudbinay waxa ay yidhaahden waanu idin kala shaqeynaynaa, waana markii inoogu horeysay waan indho-indheynaynaa, taariikhdena iyo waxeenana wey yaqaanin, markaa waxkasta oo idinla qaban karno waan idinla qabaneyna, waxay qaateen wixii dukumutis ah ee aanu hayney ee ku saabsanaa gooni isku taaga Somaliland, wey qaaten oo wey soo darsayaan.” Geesta kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa isagna waxa uu ka warbixiyey waxyaabaha ay ka wada-hadleen wefdigan waxa uuna sheegay inay u xog warameen, waxkasta oo ay u sheegena inay darsi doonan, waxa kale oo uu rajo weyn ka muujiyey in marka ay si fiican u darsaan inay ka soo bixi doonaan wax anfaca Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Telefishanka Aljazeera ayaa soo diyaariyey warbixin muddo badan laga soo shaqeenayey oo ku saabsan dagaalka Dekadaha ee ka socdo Geeska Africa. Warbixintaan oo ka baxday Telefishanka Aljazeera ayaa lagu soo bandhigay waxyaabo badan oo qarsoonaa kuna saabsan dagaalka dhanka Dekadaha Geeska Africa ee u dhaxeeyo dalalka Imaaraadka, Shiinaha, Turkiga iyo Dowlado kale oo waaweyn. Al-Jazeera ayaa Barnaamijkaan ugu magac dartay ”Almasaafa Sifir”, wuxuuna barnaamijkaan si gaar ah uga hadlay Loolanka DP Word iyo Dowladda Jabuuti kaasoo keenay in ugu dambeyn DP Word laga eryo dalkaas. Sidoo kale barnaamijkaan ayaa ka hadlay sida ay Imaaraadka Carabta ugu suurta gashay inay heshiis kula wareegto Dekadda Berbera oo lagu bixiyey lacago Malaayiin Dollar ah. Warbixinta Al-Jazeera ayaa qoyska Silaanyo ku eedeysay inay Musuq maasuqeyn lacagihii laga qaaday Imaaraadka ee heshiiskii Debadda Berbera. Waxaa warbixinta lagu sheegay inay musuq maasuqaas qeyb ka ahaayeen Silaanyo, Xaaskiisa iyo Ninka uu sodogga u yahay. Xaaska Siilaanyo ayaa lagu magacaabaa Aamina Waris halka ninka uu Silaanyo Soddogga u yahay isna lagu magacaabo Baashe Moorgan . Waxaa lagu xusay warbixinta inuu Heshiiska Dekadda Berbera ahaa mid qarsoodi ah isla markaasna laga qariyey Baarlamaanka Maamulkaas. Baarlamaanka Somaliland ayaa loo qeybiyey qoraal Af-Soomaali ku turjuman iyadoo lagu heshiiyey inaan cidna la tusin heshiiska asalka ah, waxayna arrintaas keentay inay gacanta iskula tagaan guddoomiyihii golaha wakiilada ee xilligaasi iyo ku xigeenkiisii xilligii xukuumadii Siilaanyo. Al-Jazeera ayaa sheegtay in Baaritaanka Musuq maasuqa lagu hayo Qoyska Siilaanyo loo gudbiyey guddiga dabagalka Soomaaliya iyo Eretariya ee Qaramada Midoobay. Heshiiska Dekadda Berbera ayaa muran badan ka dhex dhaliyey Soomaalida dhexdeeda, wuxuuna keenay in Soomaaliya laga mamnuuco Shirkadd DP World kadib kulan xasaasi ahaa oo ay yeesheen Baarlamaanka Golaha Shacabka inkastoo aysan arrintaas hergelin maadaama shirkadaas ay weli dhaq dhaqaaq ka wado Gudaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday rag lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab oo loo heystay dambiyo kala duwan. Ragga ka tirsanaa Al Shabaab ayaa ku eedeysnaa inay qeyb ku lahaayeen weerarkii ka dhacay Hotel Saxafi Bishii November ee sanadkii hore 2018 iyo qaraxii ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. Maxamed Cali Barrow iyo Canshuur Cismaan Abuukar ayaa Maanta Maxkamada Ciidamada waxa ay ku ridday Xukun dil toogasho ah, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay socotay dhageysiga dacwadooda. Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada xooga dalka, ayaa sheegtay in labaduba ay saarnaayeen markii la qabanayay Gaarigii ku qarxay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon Maalintii uu dhacay qarixii Tiyaatarka. Labada ruux ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay lahaayeen abaabulka qaraxii ka dhacay Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad shacab ah. Maxkamadda ayaa ugu dambeyn sheegtay inay sidoo kale socdaan dhageysiga dacwadaha loo heysto dad ku eedeysan inay ka tirsan yihiin Al Shabaab, islamarkaana dhawaan go’aano laga soo saari doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed ahna masuul sare oo ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa booqasho ku tagay Somaliland, wuxuuna habeenkii xalay aheyd ku hoyday magaalada hargeysa markii ugu horreysay. Maamulka Somaliland ayaa qaabilay masuulkii ugu heerka sarreeyay ee ka tirsan ururka IGAD, waxeyna tani ifineysaa waji cusub oo siyaasadda gobolka ah. Inkastoo dhawr su’aalood la iska weydiiyay booqashada wasiirka hadana dowladda Eritrea waxey xaqiijisay in booqashadaan ay socon doonto muddo saddex maalmood ah, waxaana qof walba maankiisa ka guuxeysa sababta ka dambeysa booqashada xilligaan. “Waa tallaabo horay u socod leh oo la xiriirta nabadeynta iyo wada noolaashaha Geeska Afrika” ayuu yiri Dr. Mustafa Kaydsane oo la hadlayay idaacadda BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga. Arrintani waxey farxad weyn galisay maamulka Somaliland kuwaas oo sameeyay hab maamuus qurux badan oo muujinaya heerka qanacsanaantooda, sidoo kalana waxey tani cadeyneysaa sida ay Somaliland muhiim ugu tahay gobolka. Dr. Mustafa oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay iney Somaliland hantisay fursad qaali ah oo ay muddo u sabartay isla markaana ay mar walba rajo qabtay, sidoo kale wuxuu banaanka soo dhigay in maamulka ay farxad weyn ku dareemeen in wasiir arrimo dibad hadana xil weyn ka haya IGAD uu soo booqdo. Sidoo kale waxaa xusid mudan in Somaliland ay muujiyeen sida ay ugu diyaarsan yahiin soo dhaweynta shaqsiyaadka miisaanka leh ee gobolka, waxaana magaalada lagu dhajiyay boorar waaweyn oo lagu xardhay sawirada wasiirka iyo madaxweynaha maamulka mudane Muuse Biixi. Somaliland & Geeska Afrika Dadka falanqeeya siyaasadda Geeska Afrika waxey fahmayaan wakhtigaan in Somaliland ay gaartay dabeyshii isbadalka Geeska ee ka dhalatay wadanka Itoobiya. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si diblomaasiyad leh uga hadlay dabeylahaan ka hor inta aysan soo food saarin, wuxuuna carabka ku adkeeyay in nabadda gobolka ay tahay mid mar walba muhiim wada ah inkastoo dadweynahii uu ka hor hadlay uu sidoo kale u muujiyay inuu calaamad su’aal saarayo arrinka. Madaxtooyada Hargeysa ayaa martigalineysa xubin ka tirsan IGAD wakhtigaan, waxaana arrintu ay noqotay mid muhiim ah, wasiirka wuxuu aaminsan yahay in maamulka uu markaan ka baxay go’doonkii ay ku jirtay. Dadka lafa-gura siyaasadda layaab fog kuma sii noqoneyso arrintaan, sababtoo ah waxey arintani daba socotaa booqashadii uu Addis Ababa ku tagay Muuse Biixi dhawaan, wuxuuna ammintaas kulan la qaatay Dr. Abiy Axmed. Somalilanad waa dhul dhaca meel muhiim u ah, waxaana looga maarmi karin heshiisyada la wada gaaray ee iskaashiga Geeska Afrika, marka dib loo milicsado waxyaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah in la sameeyo maalgashi wadajir ah oo kaabayaasha dhanka dhaqaalaha ah, waxaana ugu waaweyn Wadooyinka, qadadka tareenada iyo sidoo kale dekadaha, arrinta muhiimka ahna waxey tahay in Berbera ay ka mid tahay dhulka maamulka taasoo hadda ah goobaha ugu waaweyn ee laga wado howlaha bilowga ah ee isbadalka looga dhalinayo geeska Afrika. Booqashada & wadahalada Somaliland iyo Somalia Arrinta ugu muhiimsan ee qurxineysa booqashada wasiirka waxey tahay hadal heynta dib u bilaabidda wadahadalka Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalana Muuse Biixi ayaa wakhti aan fogeyn hadal bilow ah ku sheegay iney diyaar u yahiin wax walba balse aaney dowladda Turkiga markaan noqon doonin martigalinta. Dr. Mustafa oo ah qof wax badan la socda ayaa sheegay in booqashada wasiirka ee Somaliland iyo midda Ismaaciil Cumar Geelle ee Muqdisho ay yahiin sheekooyin hoos ka xiriira, wuxuu kaloo aragti fog ka qabaa in labadaan booqasho ay hoos imaanayaan wadahadalada la filayo iney mira-dhalaan ee Somaliland iyo Somalia. Marka geeska kale laga eego, hadal heynta ah in booqashadaan ay xiriir la leedahay wadahadalada labada dhinac waxaa sababay in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Eritrea ay haatan leeyahiin xiriir diblomaasiyadeed oo la isku halleyn karo. Dr. Mustafa wuxuu fahamsan yahay in wadahadalada labada dhinac ay qeyb ka noqon doonaan IGAD, sidoo kalana ay tahay wax weyn in Somaliland loo arko xubin muhiim u ah Geeska Afrika marka dhan walba laga eego, xagga dhaqaalaha, nabadeynta, wuxuu kaloo dareensan yahay iney tahay wax wanaagsan in la isku soo dhaweeyo. Wasiirka arrimaha dibedda wuxuu qirayaa in Somaliland iyo dowladiisa ay soo mareen duruufo isku mid ah, sidoo kalana uu ku socdo amarka dowladiisa, taasna waxey muujineysaa sida uu kaga gambaday inuu arrinta booqashadiisa lugta u galiyo iney xiriir la leedahay wadahadalada la filayo iney yeeshaan Somalia iyo Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Shirkadda Dahabshiil ayaa beenisay warbixin uu baahiyey taleefishinka Al-Jazeera oo la xiriirisay kooxaha argagixisada iyo heshiiskii ay DP World kula wareegtay dekedda Berbera. War-saxaafadeed kasoo baxay Dahabshiil, hoos ka aqriso Shirkadda Dahabshiil Group waxay si xooggan isaga fogaynaysaa eedaymaha been abuurka ah ee laanta Carabiga ee telefishanka Aljazeera naga baahisay. Waxay baahintani xambaarsanayd eedaymo been abuur ah, kuwaas oo gabi ahaanba ahaa sharaf dil iyo eedaymo ku saabsan ku lug lahaansho arrimo siyaasadeed, eedahan oo u muuqda kuwo ay dabada ka riixayso arrimo la xidhiidha siyaasad degaamaysan (geopolitical reasons). Dahabshiil waa shirkad gaar loo leeyahay, waana ganacsi caalami ah, una adeegta bulshada dunida sidaas awgeedna sinaba uguma lug laha siyaasaddo dawladeed, ama kooxaysi siyaasadeed. Ujeedadayada kaliya waa in aanu adeeg fiican u samayno macaamiisha waxna ku celino bahwadaagtayada. Dahabshiil lama siinin xuquuqda jawaabta iyo fadcelintayadii intii aanay Aljazeera baahin warbixinta. Haddii ay nala soo xidhiidhi lahaayeen iyada oo ay naga xigtay in ay telefoon noo soo diraan, waxaa laga fogaan lahaa khaladadaadka iyo been abuurka badan ee warbixinta ku jira oo ay heli lahaayeen xogtooda saxda ah. Dahabshiil waxay ugu baaqaysa telefishanka Aljazeera in uu ka noqdo eedaha aan sal iyo raad toona lahayn ee ay naga baahiyeen, islamarkaana macluumaadkan waa inay ka saaraan boggagga lagu baahiyay (public domains).
-
Garaad, Muqdisho Axmed Maxamuud Maxamed oo loo yaqaanay ‘Garaad’ kana mid ahaa ragii ugu caan sanaa burcad-badeedii Soomaalida ayaa lagu dilay koonfurta gobolka Mudug. Garaad ayaa 18-kii bishan Maarso 2019, xili habeen ah kooxo hubaysan oo jid gooyo u dhigtay ku dileen deegaan lagu magacaabo Colfuula, xilli uu ku wajahnaa magaalada Gaalkacyo, uuna ka yimid magaalo xeebeedka Hobyo. Sida ay PUNTLAND POST ka soo xigatay dad xog ogaal ah oo ku sugan koonfurta gobolka Mudug dilka Garaad wuxuu ahaa mid qorshaysan, oo isaguba uusan ka war la’ayn, intii aan la dilin ka hor waxay isaga iyo nin ilaalo u ahaa ka hareen gaarigii ay ka soo raaceen Hobyo, waxayna ka shakisnaayeen in jidka loogu jiro. Gaari labaad oo ay soo raaceen oo ahaa mid rakaaba ayaa sida la sheegay kooxda hubaysan oo watay labo gaari u dhigteen jid gooyo, iyagoo kala dagay gaariga, waxaana muddo yar oo ay heysteen kadib soo daayeen ninkii ilaalada ahaa, halka ay dileen Garaad. Maalmo ka hor intaan la dilin Garaad waxaa la sheegay in deegaanka Hobyo uu ka jiray muran u dhexeeyay qaar kamid ah dadka deegaanka iyo Garaad iyo koox taabacsan oo la sheegay in ay wadeen falal burcad-badeed, dad u ogolaynayay dhismaha dekedda Hobyo ayaa diidanayaa in falal burcad-badeed laga bilaabo halkaas, halka Garaad iyo kooxiisu ay ku adkeysteen tooda. Axmed Maxamuud Maxamed (Garaad) ayaa Isniintii galinkii dambe lagu aasay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Garaad oo la sheegay in uu jiray 51 sano ayaa ku dhashay oo ku soo koray deegaanka Xara-dheero ee gobolka Mudug, balse wuxuu heyb ahaan ka soo jeeday deegaanada Puntland, gaar ahaan gobolka Nugaal. Garaad ayaa kamid ahaa ragii asaasay burcad-badeeda Soomaalida oo mar ka qeylisiisay adduunka, wuxuuna kamid ahaa hoggaamiyaashii kooxdaas ee caanka noqotay, aadna loo raadin jiray. Garaad wuxuu malaayiin lacag ah oo madax furasho ah ka qaaday gaadiid badeed, wuxuuna ahaa Aktarkii burcad-badeeda ee gobolka Mudug, wuxuuna difaaci jiray mabda’a burcad-badeednimada. Garaad ayaa bartamihii sanadkii 2010, la qabtay, markii Markab laga leeyahay dalka Iran ay ku qabsadeen badweynta Hindiya, waxaana dagaal muddo Toban saacadood qaatay oo dhexmaray ciidamada badda Iran iyo kooxdii burcad-badeeda ahayd, uu markii dambe sababay in gacanta lagu dhigo Garaad iyo kooxdiisii, waxaana sida la sheegay howlgalkaas ku dhintay nin Irani ah oo saarnaa markabka la qabsatay. Muddo Sagaal sano ah ayaa Garaad iyo kooxdii lala qabtay ku xirnaayeen dalka Iran, mana jirin maxkamad xakuntay. Balse Garaad iyo ragii kale ee kula xirnaa Iran ayaa Muqdisho ka soo dagay 14-kii bishii la soo dhaafay ee Febaraayo 2019, waxaaana soo deyntaas dadaal dheer ku bixiyay Danjire Maxamed Xuseen Owliyo. Garaad oo markii garoonka diyaaradaha Muqdisho laga soo dajiyay ahaa ninkii ugu horeeyay oo hadlay ayaa u mahadceliyay Danjire Maxamed Xuseen Owliyo. Garaad iyo ragii la socday Muqdisho Kadib Garaad oo muddo yar joogay Muqdisho, wuxuu uu soo aaday gobolka Mudug, gaar ahaan Xara-dheero iyo Hobyo, waxaana ugu dambeyn lagu dilay inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Hobyo. Maamulka Galmudug ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin dilka Garaad oo kamid ahaa hoggaamiyaashii burcad-badeeda Soomaalida. PUNTLAND POST The post Mid kamid ah hoggaamiyaashii burcad-badeeda oo la dilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal aad loo qorsheeyay oo ciidamada amnigu Soomaaliya ay fuliyeen 19-kii Bishan ayay ku soo qabteen madaxii maxkamadda Al-Shabaab ee deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. Sida ay sheegtay wasaaradda amniga Soomaaliya, hawlgalkaan lagu qabtay horjoogahaan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho. Ninkan wuxuu Al-Shabaab u qaabilsanaa inuu u rido xukunada dilka ah. Wasaaradda amniga Soomaaliya ma sheegin magaca ninkan la qabtay iyo faah-faahin ku saabsan qaabka loo qabtay. Sidoo kael, Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxay kusoo qabteen labo sarkaal oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda. Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in mid kamid ah labada sarkaal ee la qabtay uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsana dilalka qorsheysan ee Muqdisho. Sarkaalka labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, ayaa isna sidoo kale abaabulayey waxyaabo halis ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo nabad gelyada guud ee dalka, sida ay dowladda ay sheegtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-19032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacantay markii qarax culus uu caawa ka dhacay Muqdisho. Qaraxa oo ah nooca baabuurka lagu xiro ayaa ka dhacay nawaaxiga xarunta dambi baarista ee magaalada Muqdisho. Labada ruux ee ku dhaawacntay weerarka ayaa lagu kala sheegay in ay ka kala tirsan yihiin ciidamada Booliska iyo hay’adda dambi baarista ee CID-da. Sarkaalka ka tirsan CID-da ayaa magaciisa lagu sheegay Daahir Xasan Xuseen, kaasi oo horey u soo noqday wasiirka howlaha guud ee Galmudug iyo gudoomiyaha Dayniile. Labada qof ayaa la sheegayaa in xaalada caafimaad lagula tacaalayo goobaha caafimaadka, inkasta oo aan la ogayn inta uu gaarsiisan yahay dhaawacooda. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyada falkaan oo imaanaya xili amniga caasimada uu maalmihii dambeeyay ahaa mid soo hagaagayey. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxay kusoo qabteen labo sarkaal oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda. Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in mid kamid ah labada sarkaal ee la qabtay uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsana dilalka qorsheysan ee Muqdisho. Sarkaalkan oo aan la magacaabin ayaa la sheegay inuu ka qeyb qaatay, islamarkaana uu fududeeyey seddex qarax oo ka dhacay magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo lagu waxyeeleeyey dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Sarkaalka labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, ayaa isna sidoo kale abaabulayey waxyaabo halis ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo nabad gelyada guud ee dalka, sida ay dowladda ay sheegtay. Sida dowladda ay sheegtay, ma jirto waxyeelo ka dhalatay Howlgalka lagu qabtay raggaan ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-New Zealand)Ninka lagu eedeeyay inuu fuliyay weerarkii toogashada ahaa ee ka dhacay masjidka magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa markii maxkamadda lasoo taagay abuuray muran ku saabsan dhaqanka internet-ka iyo fikrad xagjirnimo ah. Brenton Tarrant, oo 28 jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu Jimcadii weerarro ka fuliyay 2 masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 50 ruux, oo ay ku jireen carruur. Waxaa maalintii xigtay ee Sabtida ahayd la hor geeyay maxkamad, isagoo lagu soo oogay dacwad ku saabsan dil. Markii ugu horreysay ee uu kasoo muuqday maxkamadda, Tarrant ayaa la arkayay isagoo gacantiisa ka muujinaya astaanta “SAX”, taasoo ah marka uu qofka isa saaro suulkiisa iyo farta xigta isagoo faraha kalena fidinaya. Astaantan ayaa markii siyaabo kala duwan loo eegay lagu qeexay calaamad ay isticmaalaan dadka caddaanka ah ee jinsiyadaha kale neceb, balse waxaa kale oo suurta gal ah inuu dadka dareenkooda kusoo jiidanayay. Dhanka kale, calaamaddaas waxaa adeegsada kooxaha xagjirka ah iyo sidoo kale xisbiyada muxaafidka, siyaasiyiinta midigta-fog iyo hay’adaha aruuriya farriimaha xagjirnimada ah. Waligey kuma dhawaaqi doono magaciisa Dhacdadaii toogashada ee lagu bartilmaameedsaday dad muslimiin ah oo tukanaya ayaa noqotay mid si weyn looga falceliyay guud ahaan dunida. Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa wacad ku martay inaan afkeeda laga maqli doonin magaca ninka falkaas geystay oo la xaqiijiyay inuu u dhashay waddanka Australia. “Waxyaabo badan ayuu ku raadinayay falkiisa argagixisanimada ah, balse mid ka mid ah waxay ahayd inuu caan noqdo, waana taas sababta aydaan waligiin iiga maqleynin anigoo sheegaya magaciisa, waa argagixiso, waa dambiile, waa xagjir. Ku dhawaaqa magacyada dadkii halkaas naftooda ku waayay intii aad xusi lahaydeen magaca ninkii laayay”, ayey tidhi Ms Ardern oo khudbad qiiro leh ka jeedineysay baarlamaanka New Zealand. Waxay sheegtay in isagu laga yaabo inuu caanimo raadinayay, laakiin dowladda New Zealand aysan waxba siineynin, oo xitaa magaciisa aysan u aqoonsaneynin marnaba. Source
-
Jamhuuriyada Somaliland iyo Qatar waxa dhexe maraya Collad Hawad dhexe mareysa mid waliba na wax uu toosh ku finayaa dantiisa gaar ah . Marka ay sidda tahay waa lagama-xanaaqan ,Been-sheega ,iyo Malo-awaalka ,waxa aan jirin oo labbad dhinac mid ba dhinacisa fidiya . Nin ba lagu yidhi Hebelow , hadda Hebel ayaa ku cayey? Wax uu ku jawaabay Hebel awilba Col,baanu ahayn . Haddii aynu Maqalno, Qatar ayaa Jamhuuriyada Somaliland wax ka sheegatay . Waxa aynu ka taagan nahay halka Ninkaa ee ah ee ah awilba Qatar, Colaad, Hawad dhexe ah ayaa ina dhex-maratay . Markaa meel aynu wanaag iyo Aaman-toonna ka sugeyno ma heyn Qatar iyo Wakallada Warark Beenta ah fidisa ay leedahay ee Aljazeera . Jamuuriyad Soomaliland ahaan hadda ayeynu ba ugu hadal iyo yabooh badan nahay . hasa yeeshe Arimaha Qatar waxaynu ka dhegaysanynaa Heestii uu tiriyey Abwaan Cabdi Aadan xayd (Cabdi Qays ) ee odhan jirtay ama ku bilaami jiratay ” Abidkay ba waan jiray ” ee AUH Mahamed mooge, Libaan ku Luuqeyey. Waxay na Heestu u dhigan tahay ayaado dhameystiran siddan: • Abidkay ba waa jiray jab intuu dhacaaye. • Waanba joogay dunidann,e wixii uu rag jiite. • Jilaalku ima karro,iyo jidiin cadaadkuye. • Ma Jilcamoo ma jifsaddo, mana jidhidhicoode. • Soo jiidh wanaagaa jeenigan ku soo qaad amba ooda soo jebi, Dhaxaan belo u joogee. • Jirid aan go,ayninoo, Xidida jidataanee, jar hadii aad isleedahay , jidiid ima karraye. •Jasha Eebe mooye cidi joogsin maysee. •Ha jidin cadaadnina ,Hadal ima jareeyee. •Soo jiidh wanaagaa jeenigan ku soo qaad amba ooda soo jebi, Dhaxaan belo u joogee. •Jeex bira ka hadhay iyo jab finiina baanee , Wadnahaygu Jalawdiyo ma yaqaano jugleyde. •Kolay jabaq ugaadh tahay jid aan raacay kama noqon. Kama joogsan waligay halkay laabtu jamatee. •Soo jiidh wanaagaa jeenigan ku soo qaad amba ooda soo jebi, Dhaxaan belo u joogee. waxa inta raacinaya Qatar Dagaalkeed iyo beenta ay la ordayso wax dhibaato u keeni karraya maah Jamhuuriyada Somaliland iyo Mawqufkeeda . Sidoo kale qatar waxay ka hadlaysa waxa weeye sidee ayaa Sacuudiag iyo Xulufadiisu isku kay raacan waxa inta u dheer waxay isku dayday wax kasta oo ay aduunka uga dacwooto cid ka hoos qaaday ma jirto . marka la yaabi mayno beenta iyo Xaasinimada ay ka sheekaynayso . Qorre Abokor I Mohamuud . Waa Bilaahi Towfiiq. abokorm@hotmail.co.uk Source
-
Ka dib markii Madaxeyne Geelaha Djibouti booqasho ku tegay Muqdisho dhawaan, si uu isaga jabiyo go’doonkii la geliyay ee geeska Afrika. waxay taa kaga jawaabeen dhinacii kale oo UAE hoggaaminayso in ay soo diraan wasiirka arrimaha dibadda Eriteria, oo uu yimaaddo Somaliland; waxa tan looga jeedaa in lagu edbiyo Farmajaha Muqdisho, maadaama uu ka hinaasi doono booqashada ugubk ah ee waftiga Eriteria. Marka uu Farmaajaha Muqdisho goor dhaw ku furtuuro madaxda Geeska iyo UAE, waxa loo sheegi doonaa in aanu odayga Djibouti xabsiga ka jabin; ma xasuusataa intaanu Geelle u duulin Muqdisho, Farmajo ayaa Djibouti tegay; taas macnaheedu waxa weeye jooji dhaq-dhaqaaqa, haddii kale Somaliland ayaanu kugu dhaq-dhaqaajin; haddii aan kuu soo koobo, waa siyaasaddii Kenya isticmaashay markii khilaafka baddu soo baxay; ma xasuusataa!!!! Haddaba, booqashadan wasiirka arrimaha dibadda Eriteria ka dib, waxaynu eegi in UAE iyo Eriteria ay ku guulaystaan in uu Farmaajo edebsado, oo uu joojiyo handaraabka uu ka furayo Madaxweyne Geele iyo dekadiisa!!!! Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxa loo isticmaali doonaa warqad ay Ethiopia, Eriteia iyo UAE ay ku xakameeyaan, kuna jareeyaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee Farmajo, haddii uu isku dayo in uu baxo siyaasaddii uu hore ula qaatey ee lagu go’doominayay Djibouti. Haddaba, waxan odhan lahaa Somaliland ha u diyaar garawdo in ay si qoto dheer u fahanto ciyaarta meesha ka socota, xukuumadduna ha la timaaddo qorshe dhaafsiisan sawirada quruxda badan, oo lagaga faa’iidaysan karo fursadaha ka dhashay isbeddelka ka socda Geeska Afrika ee Alle keen ka ah. Cabdo; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga. Source
-
Muqdisho (SMN) – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa fahfaahin ka bixiyay duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya. AFRICOM ayaa shaaciyay in weerarka cirka ah oo uu 18-kii bishaan Maaj ay ka geystay degaanka Awdheegle ee Shabeellaha Hoose ay ku dishay 3 kamid ahaa Al-Shabaab. Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska, ma jirto waxyeelo howlgalkaasi kasoo gaaray dad shacab ah. Dhinaca kale, xarakada Al-Shabaab illaa iyo haatan wax war ah kama aysan jawaabin sheegashada Mareykanka. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka View the full article
-
(SLT-London) Shimbirtan oo taariikhda gashay ayaa lagu iibsaday lacag gaaraysa 1.42 milyan oo doolar. Ol’ole xaraash ah oo tartan loo galay ayey dad badan oo maalqabeenno ah ku doonayeen iney ku iibsadaan shimbirtan. Qiimihii ugu horreeyay ee lagu soo beec geeyay ayaa ahaa 321 kun oo doolar, hase yeeshe tirada ayaa isbadashay ka dib markii uu yimid qof diyaar u ah inuu bixiyo qarashkan. Shimbirtan ayaa sannadkan waxay da’deeda noqoneysaa 5 sano. “Waa dareen cajiib ah, waa wax adduunka ka baxsan,” Ayuu yidhi Nikolaas Gyselbrecht, oo ah madaxa shirkadda PIPA oo ka ganacsata shimbiraha. “Kuma aanan riyoonin abid in qiimaha noocan ah ay gaari doonto . Waxaan rajaynayay oo kaliya ku dhawaad 400 kun oo doolar.” Mr Gyselbrecht ayaa sheegay in laba qof oo doonayay inay iibsadaan ay ka soo jeedaan dalka Shiinaha. Balse shimbirtan maha mid nooceedu uu yahay mid la helo. Source
-
(SLT-Oslo) Nin Ku Hubeysnaa Tooreey ayaa ku weeraray Arday Iyo Macalimiintooda Iskuul ku yaalla magaalada Oslo Ee Caasimada Dalka Norwey. Weerarkaan oo ah mid goordhaweyd dhacay faah faahin badan lagama hayo in uu yahay mid argagaxiso. Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhaawacmay Afar Qof oo Midkood Macalin yahay iyadoo Seddexda kale Shaqaalaha iskuulka ahaayeen. Wakaalada Wararka Reuters ayaa daabacday xigasho ah Booliska inay baaritaano durba bilaabeen,taas oo cid sheegatay aysan jirin. Dadka dhaawaca ah ayaa loola cararay Goobaha Caafimaadka,sida ay tebisey Wakaalada Wararka Norweey ufaafisa Ee NTB loo soo gaabiyo. Shalay ayaa sidaan oo kale weerar lagu qaaday Goob lagu sugo Basaska korontada ku shaqeeya,Magaalada Utrecht Ee Dalka Holland Dadna ku dhinteen kuwana ku dhaawacmeen Source
-
Muqdisho (SMN) – Qarax culus oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay ayaa ka dhacay nawaaxiga xarunta CID-da ee Muqdisho. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ugu yaraan hal ruux uu ku dhaawacmay qaraxa, kaasi oo illaa iyo haatan aan la ogayn waxa uu yahay. Gaadiidka gurmadka deg deg ah oo goobta durbadiiba yimid ayaa ula cararay shaqsigaasi goobaha caafimaadka si loogu daaweeyo. Ciidamada amaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa meesha ay wax ka dhaceen yimid. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay qarax. Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xiray gaari ay wateen Sarkaal ka tirsan Xarunta Dambi Baarista CID iyo mas’uul horey usoo noqday Guddoomiyaha Degmada Dayniile. Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow Xarunta Dambi Baarista CID oo ku taal inta u dhaxeyso Isgoysyada Km4 iyo Zoobe. Baabuurka Qaraxa lagu xiray ayaa waxaa watay Sarkaal ka tirsanaa CID oo magaciisa lagu soo koobay Dhagey iyo Daahir Xasan Xuseen oo ah wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug horeyna usoo noqday Guddoomiyaha Degmada Danyiile Sanadkii 2013. Sida Caasimadda Online loo xaqiijiyey Sarkaalka CID ka tirsan ayaa qaraxa si xun ugu dhaawacmay kaasoo ka dhaawacyo daran ay kasoo gaareyn lug iyo Gacan, waxaana dhaawiciisa la geeyey Isbitaalka Digfeer oo hadda lagu dabiibayo. Waxaa Qaraxa ka badbaaday wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Daahir Xasan Xuseen oo gaariga la saarnaa, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay wiil dhallinyaro ah oo wade ka ahaa Bajaaj mareysay meel u dhow gaariga qarxay. Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa soo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay waxaana daqiiqado kadib suurta gashay isku socodka dadwdeynaha iyo Gaadiidka. Sarkaalkaan ka tirsan CID ee qaraxa lala eegtay ayaa horey uga badbaaday qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay isla meesha uu hadda qaraxa kula qabsaday. Wixii warar ah ee kusoo kordho kala soco Caasimadda Online
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta furay Shirka wada-tashigga ah ee ku saabsan Fidinta adeegga cadaaladeed iyo doorka Nidaamka xeerka dhaqanka ee ka hor-tagga rabshadaha ka soo horjeeda xaquuqul insaanka iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka, waxaana shirka garwadeen ka ah wasaaradda cadaaladda. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday dowlad goboleedyada Qareenada Jaamacadaha, Culimada, ururada haweenka iyo dhinacyo kale. Ugu horeyn ayaa waxaa sharaxaad ka bixiyay Muhiimadda Shirku xambaarsan yahay iyo ajandeyaasha labada maalin laga doodi doono, Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda XF Soomaaliya Dr Ismaaciil Jimcaale. Qaar ka mid ah dadkii ka qayb galay Shirkaan ayaa dood kulul ka dhiibtay habka ugu wanaagsan ee loo wajahayo ka hor-tagga tacadiyada Kufsigu ka mid yahay ee haweenka lagula kaco. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali daahir oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in xafiiskiisu si adag uga shaqeynayo siddii looga hortagi lahaa tacadiyada haweenka, isla markaana meel wanaagsan uu hadda marayo. Wasiirka Wasaaradda cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo si rasmi ah u furay Shirka wada tashiga ah ayaa sheegay in siyaasadda wasaaradda iyo guud ahaan dowladda ay tahay in meel looga soo wada jeesto tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo guud ahaan mawaadiniinta Soomaaliyeed. “Siyaasada wasaaradda waxaa ay tahay in meel looga soo wada jeesto arrinkaan tacadiyada haweenka waxaa la idinka rabaa inaad si aad ah uga doodaan arinkaas isla markaana ka soo saartaan go’aano rasmi ah oo lagu daro sharciga”ayuu yiri wasiirka Cadaaladda View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Taliyaha ciidamada millateriga Somalia, Jen. Daahir Aadan Cilmi [Indho-qarshe] oo la hadlayay warbaahinta ayaa asheegay in ciidamada AMISOM ay xilliyada dagaalka daba-socdaan kuwa Soomaaliya oo ka hub iyo qalab yar. Jen. Indho-qarshe ayaa sheegay in ciidamada Somalia ay iyagu dhibaatada inta badan ku dhacayso, balse ciidamada ka mushaarka badan ee AMISOM ay gabaad ka dhigtaan kuwa Somalia. “Ciidamada AMISOM ee mushaar ahaanta u qaata 1,000 doollar iyo in kasii badan, waxay xilliyada dagaalka daba socdaan kuwa Somalia, dhibaatada inta ugu badan waxay ku dhacdaa ciidamadeenna, waayo waxay og-yihiin inay u dhaarteen difaacadda dalkooda,” ayuu yiri Jen. Indho-qarshe. Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Somalia ay ay ka go’an tahay mar walba inay dalkooda ka difaacaan cadowga, isagoo hadalkiisa ku daray in ciidamada Somalia ay helayaan dhammaan xuquuqaha ay ku leeyihiin dowladda. Dhanka kale, Ciidamada AMISOM ayaa waxay saldhigyo kala duwan ku leeyihiin gobollada dalka qaarkood, waxaana inta badan lala beegsadaa saldhigyadoodaas weerarro khasaare badan ay kasoo gaarto. Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia ayaa waxay tiradooda ka badan tahay 12,000 oo askari, kuwaasoo ka kala socda dalal dhowr ah oo ka tirsan kuwa Afrika, balse muddo toban sano ka badan ayay ku guuleysan la’yihiin inay ka adkaadaan Al-shabaab. Ugu dambeyn, Hadalka Taliyaha Millateriga Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli maalmahan si weyn loo hadal-hayay ciidammo kasoo baxay dhufeyso iyo saldhigyo ay kaga sugnaayeen qaybo ka mid ah dalka. PUNTLAND POST The post Jen. Indho-qarshe oo si adag uga hadlay Hawl-galka Ciidamada AMISOM appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa marti-gelisay tababar ku saabsan Barnaamij lagu maamulayo hirarka oo loogu talo-galay dalalka soo koraya (Spectrum Management System for Developing Countries – SMS4DC), kaasi oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU), laguna qabtay magaalada Muqdisho intuu u dhexeysay 14-kii illaa 18-kii Maarso 2019. Axmed Boraud oo ah tababare caalami ah oo ka socday ITU ayaa ugu horreyntii sheegay in ujeeddada tababarkan uu yahay sidii loo dhisi lahaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha sidii ay si habsami leh ugu isticmaali lahaayeen barnaamijkan arrimaha maareynta hirarka, isagoo intaasi ku daray in tababarkan uu diiradda saari doono shaqaalaha maamula hirarka noocyada kala duwan. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, C/casiis Duwane Isaaq, ayaa sheegay in ay tahay fursad taariikhi ah in Machadka Isgaarsiinta Qaranku uu martigeliyo tababar ay soo qabanqaabisay ITU, taas oo ah markii ugu horreysay tan iyo burburkii ka dhacay dalka, isagoo xusay in tallaabadani ay dhabbaha u xaari doonto barnaamijyo kale oo ay ITU ka fuliso dalkeena, laguna qabto Machadka. Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in tababarkan uu ku soo aaday waqti munaasab ah oo dalkeenu uu si buuxda u ceshtay xubinnimadii Ururka ITU, isla markaana uu yeeshay hay’ad maamusha arrimaha isgaarsiinta oo haatan ku hawlan nidaaminta qeybaha kala duwan. Maareeyuhu wuxuu intaasi ku daray in tababarkan uu xoogga saaray in xogta ay ururisay Hay’adda Isgaarsiinta loo isticmaalo barnaamijkan, isagoo ku adkeeyay ka-qeybgalayaasha inay dalkooda uga faa’iideeyaan aqoontii ay ka kororsadeen tababarkan. “Waxaan u mahadcelinayaa ITU, gaar ahaan Xafiis-goboleedka Carabta oo gacan ka geystay sidii barnaamijkan u qabsoomi lahaa. Waxaan rajeyneynaa in ITU ay naga caawin doonto tababarro badan oo noocan oo kale ah si aan u dhisno awoodda farsamo ee shaqaalaheena,” ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay maareeyuhu. PUNTLAND POST The post Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka oo Xamar ku qabatay Tababarkii ugu horreeyay appeared first on Puntland Post.