-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan baraha Kontarool ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dilal dhowr ah ka geestay magaalada Muqdisho. Dilalka ugu badan ayey Ciidamadu u geestaan dhalinyarada ka xeeya Gaadiidka Mooto Bajaajta ee ka shaqaysa magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa ku dhowaad 60 qof ku dilay magaaladii Muqdisho dhowrkii bil ee la soo dhaafay ilaa hadana ma jirto xitaa hal askari oo dilkaasi Maxkamad loo soo taagay. Tiradaas ayaa aad uga badan tirada dadka ay Shabaab ku dileen magaalada Muqdisho. In Ciidamada Booliiska ay shacabka dilaan islamarkaana aysan jirin wax Maxkamad ah oo la soo taagay ayaa dhiiri gelisay in Ciidamada ay sii wadaan dilalka magaalada waxaana isa soo taraya qayla dhaanta Shacabka magaalada Muqdisho. Bishaan oo kaliya ayaa Ciidamada Booliiska ugu yaraan dhowr iyo toban qof waxay ku dileen magaalada Muqdisho, sidoo kale waxay ku dhaawacayn tiro intaasi ku dhow. Dilalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay isgoysyada Sanca, iyo Taleex kuwaas oo loo geestay dad shacab ah iyo Askari katirsan Ciidamada ilaalada Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir. “Imisa qof ayay Ciidamada Booliisku dileen laga soo bilaabo sanadkaan ilaa hada, kama yara 60 qof, ma aragtay hal Askari oo Maxkamad la soo taagay, ma jiro”, sidaas waxaa Caasimadda Online u sheegay mid kamid ah ehalada dadkii ay Ciidamada ku dileen magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta horumarinta dhaqaalaha oo looga hadlay qorshaha dawladda Soomaaliya ay ugu diyaar garoobayso ka qayb galka shirka sannadlaha ah ee ay wada qabanayaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka (IMF). Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo ka war bixiyay kulanka maanta ayaa sheegay in shirka looga dooday wixii Soomaaliya uga qabsoomay shuruudihii lagu xiray cafinta daymaha lagu leeyahay dalka oo gebegeba maraya, falanqayn kadibna Ra’iisul Wasaaruhu uu amray dhammaan wasaaradaha in maalmaha ka dhiman bishaan March ay ku gunaanadaan buuxinta shuruudaha si shirka Washington ee horraanta bisha April ee sannadkaan ay uga qayb gasho dawladdu iyada oo buuxisay dhammaan shuruudihii ku xirnaa cafinta daymaha. Shirka April ay Washington ku wada qabanayaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka (IMF), ayaa waxaa kasoo qayb gelaya dhammaan dawladaha daynta ku leh Soomaaliya, waxa ayna dhagaysanayaan warbixinnada Bangiga adduunka, IMF, Midawga Yurub iyo deeq-bixiyayaashu ka gudbinayaan hannaanka ay Soomaaliya usoo buuxisay shuruudihii lagu xiray, ayna waddamadu ku qaadan doonaan go’aan la xariira qorsha ay dalka uga cafinayaan daymaha ay ku leeyihiin. Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa rajeeyay in shirkaas kadib Soomaaliya laga cafin doono daymaha, loona furi doono dhaqaalaha adduunka arrintaas oo horseedaysa horumarka dalka Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in horumarka dalku uu yahay hadaf guud oo ka dhexeeya shacabka, ganacsatada iyo dawladda, ayna wada ilaashanayaan, ayaa caddeeyay in uu sii socon doono dawlad wanaagga ay dawladdu waddo, waxa uuna dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaataan qaybta kaga aadan oo ay canshuurta bixiyaan dawladana kula xisaabtamaan waxa ay qabato iyo maamulka maaliyadda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Beeraha iyo waraabka Soomaaliya, Saciid Xuseen Ciid oo howlo shaqo u tagay Magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa halkaasi waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Wasiirka dowladaha Hoose deeganka iyo beeraha ee dalka Qatar Cabdullahi bin Abdulaziz bin Turki. Labada wasiir ayaa ka wada hadlay Dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, badbaadada iyo horumarinta Cuntada, dar dargelinta heshiisyadii dhexmaray labada doowladood iyo sidii dalka Qatar loogu Dhoofin laha qaar kamida dalagyada kasoo baxa dalkeena Soomaaliya. Kulanka dhexmaray Wasiirka Beeraha iyo waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid iyo dhigiisa dalka Qatar ayaa kusoo dhamaaday is afgarad , iyadoo Wasiir Ciid iyo wafdiga lasocdana ay k qaybgali doona bandhiga Beeraha caalmiga ah ee todobaad oo lagu qaban doono magaalada Doha ee Dalka Qatar kaas oo ay ka qeyb geli doonaan in kabadan 51 dal. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay kulan ay yeesheen guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee ku jira Tubta horumarinta arrimaha bulshada. Kulanka tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa maanta looga hadlay Qorshaha iyo siyaasadda arrimaha Xajka, horumarinta shaqaalaha dawladda iyo siyaasadda isbedelka cimilada Soomaaliya. Ugu horrayn wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa shirka maanta ee tubta horumarinta arrimaha bulshada waxa ay kusoo bandhigtay siyaasadda iyo qorshaha arrimaha xajka oo qayb ka ah halbeegyada ay wasaaraddu ku leedahay tubta. Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee shaqaalaha rayidka ah, Hassan Abshirow Mohamed, oo shirka ka war bixiyay ayaa sheegay in guddigoodu ay kulanka kusoo bandhigeen kormeer ay labadii bilood ee lasoo dhaafay ku sameeyeen hannaanka ay shaqaalaha dawladdu u howl galaan, caqabadaha jira ee dhanka shaqada ah iyo talooyin ku aadan qaabkii loo xallin lahaa. Dood dheer kadib, ayaa Tubta horumarinta arrimaha bulshadu waxa ay ogolaatay in la dardar geliyo dib-u-habaynta shaqaalaha iyo in la sameeyo hab casri ah oo la gula socdo shaqooyinka shaqaalaha iyo hannaanka shaqa galkooda. Waaxda Deegaanka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa iyana waxa ay tubta usoo bandhigtay siyaasadda Isbadalka Cimiladda Soomaaliya oo qorshuhu yahay in aasaas looga dhigo hannaanka dawladdu u wajahayso isbedelka cilmada. Himilooyinka Tubta Horumarinta arrimaha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah horumarinta hab-racyada, Istaraatiijiyadda iyo sharciyada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo in sare loo qaado aqoonta iyo xirfadaha bulshada. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Fahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee Hotelka Wehliye. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in qaraxaan uusan geysan wax khasaaro marka laga reebo waxyeelo soo gaartay gaariga. Illo wareedyo ayaa ku waramaya in gaariga uu lahaa mid kamid ah shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadaan oo kasoo baxay laamaha amaanka ee dowladda federaalka ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-18032019.mp3 View the full article
-
Eritrean Foreign Minister Visits Somaliland Hargeisa,(Qaran news)-A delegation from Eritrea led by the Foreign minister, Osman Salah Mohammed, has arrived in Somaliland on a diplomatic visit. The delegation was received by the Somaliland President Muse Bihi Abdi and held discussions on areas of mutual interest between the two countries. The Eritrean delegation gave a brief press conference at the presidency to highlight their fact finding mission to Somaliland at the bequest of the Eritrean President, Isaias Afwerki. Foreign minister Osman Salah stated that due to the recent conflicts in the Horn of Africa, Eritrea had been away from the diplomatic arena for some time, but after the recent peace agreement between Eritrea and Ethiopia, is now back to fully engage in the region. The Eritrean delegation which also included the adviser to President Afwerki, was welcomed at Egal International by the Somaliland Vice-President, Abdirahman Abdillahi Ismail “Saylici” and the Somaliland Foreign Minister, Prof. Yasin Mohammud Haji Hiir, “Faratoon”. Qaran News
-
Christchurch (Caasimada Online) – Mucaad Ibraahim wuxuu xirnaa kabo cad waxayna waalidkiisa geeyeen masaajidka lagu magacaabo Al Noor. Kabihiisa banaanka masaajidka ayuu ku siibtay waxaana la socday aabihiis iyo walaalkiis ka weyn si ay salaada Jimco ugu tukudaan. Laakiin nasiib daro indhihiisa cadaa ee yara, weynaa wey isku qabsoomeen waana markii ugu miir dambeesay xiligii gaariga gurmadka deg deg ah lagu qaadayay waana markii ugu dambeesay waalidkiisa arkeen isaga! Mucad Ibrahim waalidkiisa waxay rajeeneyeen inay meedkiisa dhaqaan sidoo kalena aasaan maalinta Isniinta waana arin dhaqanka Islaam-ka garab maarsan madaama diinta Islaamka fareyso in meedka si deg deg ah loo duugo 24-saac gudaheeda. Mucad Ibrahim waa 3-jir kaasi oo New Zealand ku dhashay waalidkiisana waa Soomaali kuwaas oo 20-sano ka hor dagaal dalkooda ka socday kasoo baxsadeen. Mucad Ibrahim wuxuu ahaa wiil tamar badan aad u jecel cayaarta marwalbo dhoola cadeeyo qosolkiisana badan yahay. Walaalkiis ka weyn Abdi wuxuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray “Walaalkeyga qaaliga ah waan ku tabi doonaa!” Mucad Ibrahim wuxuu ahaa qofka ugu yaraa 50-ka qof ee masaajidka lagu dilay magaalada Christchurch mana ahan magaalo musiibada ku cusub tahay madaama sanadii 2011 dhul gariir ka dhacay ay ku dhinteen 185-qof. Laakiin geerida Mucad waa mid dad badan qalbiyadooda taabatay sidoo kalena reebtay xanuun badan oo aan dhamaad laheyn oo dhibaato loogu geestay dad aan waxba galabsanin. “Wuxuu noqon lahaa dhaqtar wanaagsan ama Ra’iisul Wasaare” sidaas waxaa dhahay Mohamud Hassan oo 21-jir ah kana mid ah bulshada Soomaaliyeed ee New Zealand ku nool kuwaas oo 60-qoys ka kooban. Mucaad aabihiis Aadan Ahmad wuxuu qorsheenayay wiilkiisa salaada Jimcada inay isla tukadaan kadibna sidii caadada u ahay kubad uu kusoo cayaarao Hagley Park inta badana Mucad aabihiis ayuu raaci jiray si uu kubada usoo daawado laakiin nasiib daro Mucaad iyo kuwo kale oo badan oo aan waxba galabsanin waxay ku baxeen gacanta argagaxiso aan naxariis laheyn. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Muuse Biixi iyo Cismaan Saalax Wasiirka arrimaha dibada dalka Ereteriya Cismaan Saalax Maxamed, iyo wafdi la socday oo la taliyayaal Madaxwene ah yaa maanta soo gaaray Hargeysa. Wasiirka arrimaha dibada Ereteriya ayaa kulan albaadu u xirnaayeen la yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana markii kulankaasi soo dhamaaday warbaahinta la hadlay Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Yaasiin Farotoon iyo Wasiirka arrimaha dibada Ereteriya. Yaasiin Farotoon ayaa sheegay in kulanka diirada lagu saaray sidii ay isu kaashan la haayeen dalalka geeska. Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibada Ereteriya ayaa sheegay in wafdigan uu soo diray Madaxweyne Isaias Afwerk si aan ugu yaraan u ogaano waxa ka socda Somaliland. Wafdiga ka socda Ereteriya ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona deegaanada Somaliland. PUNTLAND POST The post Wasiirka arrimaha dibada Ereteriya oo yimid Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Utrecht (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhay khasaaraha dadka ku dhintay toogashada ka dhacday magaalada Utrecht ee dalka Netherlands, oo hadda mareysa saddex qof. Toogashada oo uu gaystay nin hubeysan ayaa ka dhacday goob tareenada laga raaco oo lagu magacaabo Fagaaraha 24 October, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay sagaal qof. Booliska ayaa sidoo kale baahiyey muuqaalka nin u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Gokman Tanis, oo 37 jir ah, kaasi oo la sheegay inuu weerarka fuliyey, waxaana weli socda baadi-goobkiisa. “Waxaan xaqiijin karnaa dhimashada saddex qof, iyo dhaawaca sagaal kale, oo saddex ka mid ah xaaladooda ay halis tahay” waxaa sidaas yiri duqa magaalada Utrecht Jan van Zanen. Ra’iisul wasaaraha dalka Netherlands¸ Mark Rutte ayaa baajiyey kulan uu la lahaa isbahaysiga talada haya, waxaana lagu war-geliyey dhacdadan. Booliska ayaa weli wada baaritaanka. Toogashada ayaa dhacday 10:45am xiliga magaalada Utrecht oo ku beegan 1:45pm xilliga magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Amsterdam Caasimada@live.com
-
(SLT-Burco)-Agaasimihii wasaaradda warfaafinta Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame, ayaa warqaddiisa shaqo ka tegista u gudbiyay madaxweynaha Somaliland, xaalad caafimaad oo soo waajahday awgeed. Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in uu ka aqbalay shaqo ka tegista agaasimaha. Waxa hore uu waqdada is-casilaada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu gudbiyay wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyada oo la sheegay in uu Madaxweynuhu ka aqbalay. Wasiirka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa waxa la sheegay in is-casilaadiisu ay la xidhiidho xaalad caafimaad oo la soo daristay. Source
-
Premier League, English Football League (EFL) iyo Football Association (FA) ayaa lagu dhaliilay todobaadkan inaysan xushmad iyo maamuus baroor diiq u sameynin dadkii Muslimiinta ahaa 50-qof gaarayeen ee lagu dilay masaajid ku yaalo New Zealand. Waxaa xusid mudan in gudaha Ingiriiska cayaarihii Rugby (Six Nations League) ka hor inta aan la bilaabin kubada daqiiqad loo aamusay dadkii weerarkii argagaxiso lagu dilay masaajidka New Zealand ku yaalo Jimcadii halka kulamadii kubada cagta soo agaasimeen Premier League, EFL & FA aan marnaba la isku soo hadal qaadin xasuuqii Muslimiinta loo geestay! Dhamaan kooxaha EPL cayaaraan ayaa soo xirteen maro maddow sidoo kalena daqiiqad u aamuseen dadkii weerarkii Paris ka dhacay November 2015 lagu dilay laakiin cidna isma weydiinin todobaadkan xasuuqii masaajidka New Zealand ku yaalo taasi oo loo fahmay Islaam naceyb iyo labo wajiilenimo ay lasoo baxeen gudiyada horyaalada heerka kowaad, labaad iyo FA Cup-ka qaban qaabiyaan! Cayaartooyda Watford & Man United oo hal daqiiqad u aamuseen weerarkii Paris Nov 2015Yunus Lunat oo horey FA-ga Ingiriiska kala shaqeen jiray arimaha sinaanta Jinsiga wuxuu ku tilmaamay todobaadkan waxay ay sameeyeen gudiyada tartamada kubada cagta Ingiriiska maamulaan kuwo labo wajiilayaal ah oo Muslimiinta dhibaatadooda ka dan qaneyn. Premier League waxaa ceeb ku ah inay bartooda Twitter-ka soo dhigeen tacsi iyo murugo ay la qeebsanayaan dadkii New Zealand masaajidka ku yaalo lagu xasuuqay laakiin aysan gudiga EPL wax amar ah ku bixinin in gudaha garoonka lagu soo xirto maro maddow sidoo kalena daqiiqad loo aamuso dhibanayaashii Muslimiinta ahaa! Sidoo kale weerarkii magaalada Nice ka dhacay July 2016 ee 86-qof lagu dilay siweyn ayay FA-ga Ingiriiska kaga hadleen weliba garoonka Wembley summada uu caanka ku yahay waxaa loo badalay midibka calanka France sidoo kalena baroor diiqyo waa weyn ayaa gudaha Ingiriiska ka dhaceen halka FA-ga todobaadkan wax tacsi iyo ficil midna kasoo saarin xasuuqa Muslimiinta loogu geestay New Zealand masaajid ku yaalo. Garoonka Wemlbey taalada uu caanka ku yahay midibka calanka France laga dhigay kadib weerarkii Nice July 2016.Waa Maxay Sababta Looga Hadli Waayay Xasuuqii Masaajidka Xaafada Chris Church Ka Dhacay Jimcadii? Culeeska ugu weyn wuxuu ka jiraa in maamulka tartamada kubada cagta Ingiriiska hogaankooda Muslimiin ku yar yihiin ama aysan ku laheyn door go’aan qaadasho waana sababta keentay todobaadkan in la waayay ka hadlida xasuuqii New Zealand ka dhacay ayadoo dalka Ingiriiska Muslimiin badan ku nool yihiin sidoo kalena cayaartooy badan Muslimiin ah joogaan oo xirfadlayaal kubada cagta heer sare ka gaareen ah. Qareen Yunus Lunat wuxuu yiri “Ceeb haku dhacdo gudiyada EPL, EFL & FA madaama ay lumiyeen todobaadkan fursad weyn oo ay ku muujin kareen sida shacabka reer Ingiriis uga xun yihiin weerarkii ka dhacay New Zealand masaajidka ku yaalo.” Janaayo 2015 Cayaartooyda QPR ayaa hal daqiiqad u aamuseen xarunta wargeska Charlie Hebdo weerarkii ka dhacay ee 17-qof lagu dilay kana dambeeyay niman Muslimiin ah oo qoryo ku hubeesnaa.Gunaanad: Todobaadkan waji gabax xoogan ayay la kulmeen gudiyada maamulaan tartamada kubada cagta Ingiriiska laga cayaaro balse waxaa loo fahmi karaa arinka inuu yahay Islaam naceyb iyo labo wajiilenimo ay ku dhaqmeen Premier League, English Football League (EFL) iyo Football Association (FA) madaama horey uga hadleen ficilna ka bixiyeen weeraro kala duwan oo Yurub ka dhacay laakiin weerarkii Muslimiinta lagu bartilmaameed saday wey iska maah siiyeen inay ka hadlaan!! Caasimada Online XafiiskaMuqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyay tobaneeyo qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkii dhowaan ka dhacay degaanka Burdheere ee Gobalka Shabeelaha Dhexe kuwaas oo wax looga qaban waayay Isbitaalada Sh/Dhexe. Diyaarad si gaar ah loo kireeyay ayaa saakay ka baxday magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Shabellaha dhexe ay ka soo qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxayna goordhow soo caga dhigatay garoonka magaalada Muqdisho. Dadka qaba dhaawacyada ee maanta la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in laga soo saaray Isbitaalka magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle, waxaana qaarkood la geeyay Isbitaalka Digfeer oo ay gacanta ku hayso dowladda Turkiga. Dhinaca kale qaar kale oo ka tirsan dadkii ku dhaawacmay Shabeelaha dhexe ayaa gawaari looga soo qaaday degmada Warsheekh ee Gobalka Shabeellaha Dhexe waxaana la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho. Waxaa isa soo taraya walaaca ay qayla dhaanta ka soo baxaysa odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha ku dagaalamaya Shabeellaha Dhexe kuwaas oo ku baaqaya in colaadda la joojiyo. Siyaasiin iyo xubno Ganacsato ah ayaa dagaalkaan lagu eedeeyay in ay hurinayaan kuwaas oo la sheegay in dano gaar ah ay ka leeyihiin dagaalka Shabeellaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Utrecht)-Booliiska magaalada Utrecht ee dalka Netherlands ayaa sheegay in hal qof lagu dilay, dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday meel laga raaco tareenada. Waxaa la xiray dhammaan jidadka soo gala goobta uu weerarka ka dhacay oo lagu magacaabo Fagaaraha 24-ka October. Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in weerarka uu lahaan karo ujeedo kasta, oo ay ku jirto argagixisanimo. Dowladda Netherlands ayaa meeshii ugu sarreeyey gaysay heerka halista ee magaalada Utrecht. Waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka iskuullada, masaajiddada, iyo goobaha laga raaco gaadiidka dadweynaha. Raysal wasaaraha Netherlands, Mark Rutte ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xalaadda. Ninka toogashada fuliyey ayaan illaa iyo hadda gacanta lagu dhigin. Source
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo xalay ka bilowday deegaanka Xeraalle ee gobolka Galgaduud, kaasi oo illaa iyo haatan socda. Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu u dhaxeeyo Maleeshiyaad isku haya gacan ku haynta deegaankaasi, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaare kala duwan. In ka badan 10 qof ayaa la xaqiijiyey in dagaalkaasi ay ku dhinteen iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay, sida uu soo sheegayo wariyaheenne C/risaaq Al-cadaala. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAR-CADAADO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wefti ballaadhan oo ka socda dalka Ereteriya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ereteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa maanta soo gaadhay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa. Ugu horrayn waxa weftiga gegida caalamiga ah ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada arrimaha dibadda iyo horumarinta maaliyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Fara-toon) iyo Sacad Cali Shire, waxana ay usoo gelbiyeen dhinaca qasriga madaxtooyada, halkaas oo si diirran uu ugu qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Madaweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay weftiga ka socda dalka Eriteriya ee uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, waxana uu kulankaas oo is xogwaraysi ahaa uu qaatay muddo saacado ah. Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Somaliland iyo Eriteriya, ayaa markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, waxana ay ka warrameen ujeeddada weftiga ka socda dalka Eriteriya u yimaadeen iyo waxyaabihii ay madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen. Ugu horrayn wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteria, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa sheegay in la gaadhay waqtigii qiimayn lagu samayn lahaa xaaladda dalka Somaliland, islamarkaana ay madaxweynahoodii ku celin doonaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Weftigayaga ka socda dalka Eriteriya waxa nasoo diray madaxweynahayaga Mudane Isaias Afwerki, si aannu wax badan uga oggaanno xaaladda Somaliland. Imika waxa la gaadhay waqtigii aannu Somaliland iman lahayn ee aannu xaaladda qiimayn lahayn, madaxweynahana waannu la kulannay oo warbixin xiiso leh buu na siiyey, waxana uu noo sharraxay xaaladaha siyaasadeed, bulsheed iyo kuwa dhaqaale ee dalka, imikana waxannu noqonaynaa annaga oo madaxweynahayagii u sidna xaaladda ka jirta Somaliland, tanina ma noqon doonto booqashadii ugu dambaysaye waxa ay noqon doontaa mid furanta, waxana aannu rajaynaynaa inaanu Somaliland marar badan kusoo laaban doonno.” Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa isaguna dhankiisa xusay in madaxweynaha iyo weftiga ay kulankooda diiradda ku saareen sidii ay dalalka geesku isu kaashan lahaayeen, islamarkaana loo wadaagi lahaa afkaarta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Weftigu waxa ay u yimaaddeen inay is-kaashiga iyo xidhiidhka dalalka geeska Afrika, gaar ahaan labada dal ee Somaliland iyo Eriteriya ay ka shaqeeyaan oo ay xoojiyaan iyo sidii arrimahaas looga wada hadli lahaa ee ra’yi iyo afkaar la iskaga dhaafsan lahaa, si wanaagsanna waannu u wada hadalnay.” Weftiga ka socda dalka Eriteriya ee soo gaadhay Somaliland, ayaa daba socda wufuud caalami ah oo muddooyinkii ugu dambeeyey Somaliland imanayey, kuwaas oo markhaati u ah sida dalka Jamhuuriyadda Somaliland usoo jiitay indhaha beesha caalamka. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Baladweyne (SMN) – Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Jabuuti Mudane Cali Xasan Bahdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wasiir Bahdoon iyo wafdigiisa waxaa Baladweyne ku soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ka howlga gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Inta uu jooga magaaladaasi waxa uu wasiirku kulamo la qaadan doonaa ciidamada Jabuuti ee Hiil Walaal oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Kulamadan ayaa diirada lagu saari doonaa howlgallada ciidamada Jabuuti ay ka wadaan halkaasi. Mudane Cali Xasan Bahdoon wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ayaa qeyb ka ahaa wafdigii madaxweyne Geelle oo sabtidii booqasho ku yimid M/Muqdisho. View the full article
-
Mudanayaal ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadee diray beello walaalo ah oo isku haya deegaanno hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe. Waxaa mudanayaashan ka mid ah, Muuse Suudi Yalaxow iyo sidoo kale Dr Dufle oo deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle. Waxay dadkan walaalaha ah ee dagaallaya ka dalbadeen in nabadd ay ka shaqeeyaan islamarkaana wadahadal ku dhammeeyaan wax walbo oo dhankooda ah. Sidoo kale, mudanayaashan ayaa ka dalbaday dowladda dhexe in kaalinteeda ka qaadato kala qaboojinta dadkan, sidoo kalena ka dalbaday inta xal kama dambeys ah la gaarayo la kala dhex-dhigo beelahan ciidamo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Aqalka-Sare-Baaq-Nabadeed-Hirshabeelle.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cadale (SMN) – Xasan Qaadil Qeyley oo ka mid ah waxgarad ku howlan dhex dhexaadinta beelo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhex ayaa faah faahin ka bixiyay dhaawacyo gaaraya 21 Qof oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii wax looga qaban waayey magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Dadkan oo u badan dhinacyadii dagaalamayay ayaa waxa ay waxyeelo xoogan ka soo gaartay dagaalkii shalay ka dhacay agagaarka degmada Cadale ee gobolkaasi. Sidoo kale Nabdoonkan ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallada mar kale ka soo susboonay deegaanka Koobaar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Xaaladda ayaa maanta dagan, waxaana socda waa-waan ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo HirShabelle oo xal waara looga gaarayo colaadaasi. View the full article
-
Utrecht (Caasimada Online) – Faah-faahinada kasoo baxaya toogashada ka dhacday magaalada Utrecht ee dalka Netherlands ayaa sheegaya in illaa iyo hadda la xaqiijiyey dhimashada hal qof, iyo dhaawaca dhowr qof oo kale. Toogashada oo uu gaystay nin hubeysan ayaa ka dhacday goob tareenada laga raaco oo lagu magacaabo Fagaaraha 24 October. Booliiska ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in weerarkan uu yahay mid argagixiso, hase yeeshee illaa iyo hadda lama yaqaan cidda fulisay, welina gacanta laguma soo dhigin ninka weerarka fuliyey, oo waa baxsad. Ra’iisul wasaaraha dalka Netherlands¸ Mark Rutte ayaa baajiyey kulan uu la lahaa isbahaysiga talada haya, waxaana lagu war-geliyey dhacdadan. Booliska ayaa weli wada baaritaanka. Toogashada ayaa dhacday 10:45am xiliga magaalada Utrecht oo ku beegan 1:45pm xilliga magaalada Muqdisho. Ninka weerarka fulinaya ayaa la sheegay inuu aad u qeylinayey, sida laga soo xigtay dad goobjoogeyaal ah. Naga filo wixii kusoo kordha Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Amsterdam Caasimada@live.com
-
Hargeysa (SMN) – Wafdigani oo uu horkacayay wasiirka arrimaha dibada dalka Eritrea Cismaan Saalax ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka S/land Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa wafuudani oo aan la shaacin u jeedkooda u diray Somalialnd, xilli Muqdisho uu booqasho 2 maalin qaadatay ku yimid madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu khilaaf dhulka ah kala dhaxeeyo dowladda Eritrea. Dowladaha Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa sanadkii tagay wada gaaray heshiis iskaashi, kaas oo lagu nabadeynayo dalalka geeska Africa, waxaana horay booqasho rasmi ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ugu yimid madaxweynae Isaias Afwerki. Illaa iyo haatan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kama uusan hadlin waxa ay salka ku heyso booqashada wasiirka arrimaha dibada ee xukuumadda Asmara. Sidoo kale lama oga waxa uu socdaakani ka bedali doono xiriirka wanaagsan ee haatan u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Eritrea. View the full article