-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Booqashadii Madaxwayne Biixi ku tegay dalka Imaaraadka Carabta waxa ay ahayd booqasho rasmi ah waa siday madaxtooyadu inoo sheegtay, laakiin dawladda Imaaraadku waxa ay u beddeleen booqasho gaara [private visit] oo ka derajo hoosaysa ta rasmiga ah, waa maxay qaladka uu madaxwayne Biixi ama madatooyadu gashay? Maqaalkan kooban ayaan ku faahfaahin doonaa; Booqashooyinka uu Madaxwayne dal uu ku tago waxa ay u qeybsamaan saddex nooc oo kala ah; 1- BOOQASHO DAL 2- BOOQASHO RASMI AH iyo 3- BOOQASHO GAARA ah. BOOQASHO DAL: waa ta ugu sarreysa ee Madaxwayne dal ku tago, inta uu madawaynehaasu xilka madaxwayne-nimo hayo waxa loo sameeyaa hal mar oo kaliya, sababta loogu bixiyey booqasho dal waa madaxwayne u marti ah dalka oo dhan maaha madaxwayne u marti ah madaxwayne kale ama madaxwayne u marti ah xukuumada ee waa madaxwayne u marti ah noocyada kala duwan ee dalka oo dhan. Waxa ayna ka bilaabantaa Madaxwayne ama Boqor casuuma Madaxwayne dal kale ama Boqor dal kale, warqadda casuumadda waxaa soo qaadaya wasiirka arimaha dibeda iyo wafti la socda oo madaxwaynaha dalka la casuumay gacanta ka galiya. Madaxwaynaha la casuumay waa in uu ku soo jawaabaa muddo isbuuc ah warqada jawaabta ee ogolaanshaha casuumadda, waxa uu u soo dhiibaayaa wasiirkiisa arimaha dibeda oo gacanta ka gelin doona madaxwaynihii casuumada fidiyay, hadii uu isbuuc ku soo jawaabiwaayo micna heedo waa diidmo booqasho. Intaa kadib booqashadaa waxaa la diyaarinayaa muddo bil ah waraaqaha lays-weydaar sanayaa waxaa kala qaadaya safiirada labada dal su’aalaha u badan ee lays weydiinayo waxa ay u badan yihiin. Booqashadu wakhtigay bilaab maysaa iyo wakhtigay dhammaanayso ugu yaraan saddex cisho ugu badnaa shan iyo toban cisho. Waftiga madaxwaynaha imisa qof ayaa la socda? ugu yaraan 25 qof ugu badnaan 250 qof. Waftiga masuuliyiinta la socdaa maxay kala yihiin? a) FAKHAAMA oo ah madaxwayne ama madaxwayne hore ama murashax madaxwayne. b) MACAALII oo ah wasiir ama wasiir hore ama Muftiga dalka. t) SACAADA oo ah safiir ama safiir hore, la taliye madaxwayne, iyo Agaasime guud j) SAYID oo ah mas’uuliyiinta kale ee waftiga la socota. Mid walba waxa la siinayaa sooryo u qalanta xilkiisaa. Cuntada uu madaxwaynuhu jecelyahay ama uu cuno waxa ay soo qorayaan liis ugu yaraan 20 nooc ugu badnaa 40 nooc. Maalinta uu madaxwaynuhu soo degayo waxaa la fasaxaa dhammaan shaqaalaha dawlada dugsiyada dhexe iyo sare ee caasimadda iyaga oo ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta, Dugsiyada hoose iyo jaamacaduhu kuma jiraan fasaxa. Marka uu soo dego waa in loo dhigaa roog cas oo gaadhaya 50mitir, waa in madaxwaynuha wax casuumay diyaarada hoosteeda soo is taagaa waa in loo ridaa 21 madfac oo dabaal deg ah, ( haduu raysal wasaare yahayna waa 19 madfac), waa in lagu dejiyaa qasriga madaxtooyada ama qasri kale hotel waa mamnuuc, waa in lagu qaadaa gawaadhi madmadoow, midabka cadaankuna waa mamnuuc, laba dal ayaa xidhiidhka ku kala qaatay gaadhi cad oo laysku qaaday la soco dhaqanka dawliga ahi gaadhiga cad caruusadaha ayaa lagu qaadaa. Waa in la geeyaa goobo kala duwan ugu yaraan 7 ilaa 15 goobood oo Barlamaanka dalkuna ka mid yahay, waxaa khasab ah in uu madaxweynuha dalka soo booqday wato marwadiisa, lacala haduu madaxwaynuhu ka soo tago marwadiisa micneheedu waa in madaxwaynuhu guurdoon yahay doonayana inuu dalka la xidido, Madaxwaynahaa la soo booqday waa inuu marwadiisa faraa in ay dalka qalanjo uga soo xusho madawaynahan guur doonka ah, ama waa in madaxwaynuhu cudur daar hore loo sii sheegaa tusaale :- marwadi waa fool ama waa xaamilo safarku dhibayo iyo wax lamid ah. BOOQASHO RASMI AH = Waa booqasho shaqo waxa ay in yar ka derajo hoosaysaa BOOQASHO DAL oo aynu kor ku soo xusnay waraqadaheeda waxa kala qaadaya safiiro, waa in ay jiraan heshiisyo ama isfahno laka saxeexanayaa. Rooga cas ee madaxwaynaha loo dhigayaa waa 25 mitir mudada uu joogayaa waa 3 cisho ilaa 5 cisho waftigu wuxuu ka koobnaan doonaa 10 ilaa 15 mas’uul sida oo kale qasriga madxtooyada ayaa lagu dejinayaa ama qasri kale hotel waa mamnuuc. Waa inuu la socdaa WASIIRKA ARIMAHA DIBEDA, WASIIRKA QORSHAYNTA, WASIIRKA MAALIYADA, haddii wasiiradaa la waayo waa in ku xigeena doodu la socdaan, waa inay jiraan heshiisyo isfahan ah ama heshiisyo rasmi ah oo la kala saxeexanayo. Haddii intaa laga tego booqashadu maaha BOOQASHO RASMI AH ee waa booqasho gaar ah, waana tii Madaxwayne Biixi ku dhacday ee booqashadiisii hoos loogu dhigay, dhammaan saddexdaa wasaaradood cidi kala may socon wax la kala saxeexanayayna may jirin, warar ka rasmiga ah ee isoo gaadhay ayaa ah in madaxwaynaha uu la kulmay Agaasime ku xigeenka xafiiska samafalka sheekh Zaaid ee joogay Hargeysa maalintii la dhagax dhigayay wadada Berbera waxaana la geeyay xarumo milatari iyo daawasho agab ciidan oo uu madaxwayne Muuse dalbaday. Sidoo kale waxa dhici karta in aanay madaxtooyadu kala garanayn booqashooyinka iyo booqashada uu madaxwaynuhu u socdo iyadoo ah BOOQASHO GAARA ay ina yidhaah deen waa BOOQASHO RASMI AH. BOOQASHO GAAR AH = waa ta u hoosaysa waana Madaxwaynaha oo ka qayb galay TACSI, AROOS, FARXAD DAL, ama utaga dal , LAKULAN SHIRKAD, ama NASASHO, DALXIIS, CAAFIMAAD, FASAX U GAAR AH, iyo kuwo kale oo la mid ah. Roogga cas ee loo dhigayaa waxa uu noqonayaa 10mitir. Booqashadan waxaa la dejin karaa Hotel ama qasri kolba kii ay u doorto safaaradiisu iyo waftigii hordhaca ee qaban qaabada safarka madaxwaynaha. Maqaalkan waxa aan diyaariyay 14/3/2019 waa maalintii uu madaxwaynhu ka soo noqday Imaaraadka waxa aan dib ugu dhigay anoo kala duwaya sixitaanka iyo dhalinyaradii jibaysnayd waxaan filayaa in hada ay jibadi dagtay oo laysa sixi karo. Barta Hab maamuuska la isu qaabilo. Alaa mahad leh. Amb Ahmed Safiina Source
-
Muqdisho (SMN) – Taliyaha ciidanka xooga Soomaaliya, Daahir Aadan Cilmi [Indhaqarshe] ayaa faray askarta in aysan kasoo tagi fariisimahooda, isaga oo amray saraakiisha in ay dhaqan-geliyaan amarkaasi. Sareeye Guuto, Daahir Aadan Cilmi, ayaa sheegay in askarigii kasoo taga goobta lagu diiwaan-geliyay oo ay ugu talagashay dowladda uusan kamid noqon doonin ciidamada, isla markaana uusana heli doonin wax mushaar ah. Hadalka taliyaha ayaa kusoo aadaya iyada oo todobaadyadii u dambeeyay ay jireen ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka oo soo faarujiyay saldhigyadooda, iyada oo ka cabanaya mushahar la’aan. Ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, oo ka jawaabay arrintaasi ayaa shaaciyay in uusan jirin askari aan la siinin xuquuqdiisa, isla markaana inta harsan ay yihiin kuwa aan la diiwaan-gelin ayna heli doonan xuquuqdooda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-21032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si adag kaga hadlay bixitaanka ciidamada dowladda maalmihii ugu dambeeyay ka baxayeen saldhigyadooda. Wasiir Maareeye ayaa ugu horeyn sheegay in ciidamada ay yihiin kuwo qaata mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin, islamarkaana aysan jirin ciidan sharciyeysan oo aan mushaar qaadan Wuxuu sidoo kale sheegay inay jiraan siyaasiyiin dhaqaalo ku bixinaya ciidamada dowladda inay ka baxaan saldhiyada ay ku sugan yihiin, islamarkaana ay socdaan baaritaano adag oo arintaasi la xiriirta. Wasiirka Ganacsiga ayaa cadeeyay in xiligii dowladii Xasan Sheikh marar badan loo diiday inay diiwaan geliyaan ciidamada qaranka, balse hadda xukuumadda Soomaaliya ay arintaasi dhabarka saaratay, sida uu hadalka u dhigay. “Maanta Dowladda NABAD iyo NOLOL Dib dambe uma laabaneyso, baaris xoog leh ayaa ku socota dadka dowlad dumiska ah ee ka dambeeya in ciidamada kasoo baxaan farumaha dagaalka”.ayuu yiri wasiir Maareeye. Wasiirka ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo looga hadlayay waxqabadka wasaaradda Maaliyadda. Hadalkiisa ayaa kusoo aaday iyadoo labadii maalin ee lasoo dhaafay ciidamada meletariga ay isaga baxeen deegaano ka tirsan labada Shabeelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maxamuud Xuseen Faarax Oo Sharraxay Sababta Ka Dambaysa Xidhiidhka Cusub Ee Eriteria & Somaliland, Tafsiirna Ka Bixiyey Safarkii Madaxweyne Geelle Ku tegay Muqdisho “Weftiga Eriteria Ee Somaliland Yimid, Waxa Uu Ka Mid Yahay Isbeddelka Siyaasadeed Ee Ka Socda Geeska Afrika Oo Dalka Maraykanku Xudun U Yahay Iyo Waddamada Reer Galbeedka Oo Doonaya Ama Dano Gaara Ka Leh Mandaqadan Aynu Ku Nool Nahay” Hargeysa (Somalilandtoday) Hormuudka kuuliyadda sharciga ee jaamacadda Hargeysa, Maxamuud Xuseen Faarax ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha keenay in waqtigan ay dawladda Eriteria wefti u soo dirto dalka Somaliland iyo doorka siyaasadeed ee ay leedahay. “Weftiga Eriteria ee Somaliland yimid, waxa uu ka mid yahay Isbeddelka siyaasadeed ee ka socda geeska afrika oo dalka Maraykanku xudun u yahay iyo waddamada reer Galbeedka oo doonaya ama dano gaara ka leh mandaqadan aynu ku nool nahay. Mar haddii isbeddelkaasi uu yimid, waxa bilaabmaya dawladaha laftoodu inay saaxiibtinimo iyo dublamaasiyadii xidhiidhkoodii ay sameeyaan, xag dhaqaaleed, isu gudubkii dadka iyo wada socodkii. Taas baana keentay in Eriteria lafteedu ay maanta soo booqato Somaliland. Eriteria oo runtii ah dal muddo go’doon ka ahaa geeska afrika iyo siyaasadiisa oo collaadaha geeska afrika ragaadiyay ay ku sababtay inay go’doomaan, oo mararka qaarkood la odhan karo waxay la duruuf ahaayeen innaga (Somaliland) oo kale.” Ayuu yidhi Maxamuud Waxa uu ka hadlay xidhiidhka ka dhaxeeya safarka madaxweynaha Jabuuti ku tegay Muqdisho iyo weftiga dawladda Eriteria eek u sugan Hargeysa, waxaana uu yidhi; “Jabuuti waa dalka aynu isugu dhawayn, xaaladeena ogaa, xornimadoodii aynu ka qaybqaadanay, anigu waxaan u arkay nasiib-darro inay nagga boodaan, haddana hinaase iyo dhib aannu ku qabnaa ma jirto, Somaliland marwalba dalalka waa la saaxiib, jaarnimada, walaaltinimada ayaa waxwalba ka wayn waayo dhaqan baa innaga dhexeeya Jabuuti, tegitaankaa madaxweyne Geelle Muqdisho ku tegay, hadaad eegto xaga siyaasadda, wuxuu miisaamayaa siyaasadda maadaama ay kala dhex jirto xagooga waxoogaa xagtin Eriteria, inuu xurguftii isaga iyo Farmaajo meesha ka saaro oo xulafaysi iyo soo celiyo xidhiidhkii, waxan iyada meesha ka maqnayn inuu riyaddii ahayd Soomaali-weyn soo celiyo, oo waa kii madaxweyne Geelle kaba hadlay oo miiska soo dhigay. Kolkaa Jabuuti haday diyaar u tahay inay Soomaaliya la midowdo, kolay malaha Somaliland bey ka boodeene, iyagay u taal.” Ayuu yidhi Hormuudka kuuliyadda sharciga ee jaamacadda Hargeysa, Maxamuud Xuseen Faarax oo u waramay HCTV Source
-
We support DAHABSHIIL group against the malice of Al Jazeera news website who are using a proxy propaganda to counter and destroy the flourishing relationship between Somaliland and the UAE. A recently aired Al Jazeera program accused DAHABSHIIL of collusion with Silanyo government in corruption allegations. DAHABSHIIL is a business entity and not a political organisation. DAHABSHIIL has earned a name of honesty and trust among its customers since the early 1970s. The name of DAHABSHIIL stands in our hearts as a symbol of trust and services delivered promptly. The people of horn of Africa will never allow DAHABSHIIL company to be destroyed by a propaganda news site such as Al Jazeera. Mohamed O.Deria Oskajam@gmail.com Qaran News
-
Kooxaha kubbadda cagta Gaadiidka iyo L.L.P Jeenyo ayaa wada ciyaaray kulamadoodii 7-aad horyaalka Somalia Premier League kol ciyaareedka 2018-2019. Labada koox kulanka waxa uu ahaa mid muhiim u ah waxaana qeybta 1-aad lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku hayaan xidigaha L.L.P Jeenyo waxaana goolasha u dhaliyay xidigaha kala ah Deeq Cabdiraxmaan Macalin Taree iyo Ismaaciil Suleymaan oo ka mid ahaa xidigii wacdaraha ka dhigay koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika 2018 ee ka dhacay dalka Burundi. Inta aan la aadan nasiinada Gaadiidka waxaa gool xirfadaysan u dhaliyay Amiin Axmed Saalax oo laacib kasoo jeeda wadanka Yeman,isagoo goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay kooxdiisa Gaadiidka tan iyo markii uu kusoo biiray 19-Febraayo 2019. “Waxaan ciyaaray kulan aan aniga wanaagsaneyn,balse tani waxa ay ka mid tahay kubbadda cagta waxaan waqti ku bixinaynaa in aan kasoo kabano guul darooyinka ina soo gaaray waxaa Goobjoog Sports ugu waramay tababaraha kooxda Jeenyo Xasan Cali Rooble (Ba’baay). Qeybta labaad dheesha kooxda Gaadiid ayaa soo bar bareesay goolka lagu lahaa waxaana ciyaarta 2-2 ka dhaliyay laacib Rooraaye daqiiqado ka dib kubbadd uu si wanaagsan ugu shaqeeyay xidiga reer Yeman Amiin Axmed waxaa gool u badalay Maxamed Nuur Cabdi (Shaarkey) uu horay ugu ciyaaray kooxaha Dekedda,Elman,Saxafi,Horseed iyo L.L.P Jeenyo. Dhamaadka kulanka gool ku laad loo dhigay Gaadiidka waxaa u ansixiyay Daadir Salaad Cawaale (Daadir Cama) waxayna ciyaarta kusoo dhamaatay 4-2 oo ay guusha ku qaateyn xidigaha Otebaarka ee Gaadiidka. “Waan ku faraxsanahay guushan muhiimka ah waxa ay nagu dhiiri gelinaysaa kulamado ee kale ee inagu soo wajahan todobaadyada soo aadan horyaalka oo iminka maray meel Xasaasi waxaan diiradda saaraynaa in aan ku xisaabtano ciyaaraha kale ee inagu soo food leh”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Nuur Shaarkey Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa baahiyey sawirada Saldhig ay qabsadeen oo ay ka baxeyn Ciidamada Kenya kaasoo ku yaal Gobolka Gedo. Saldhigga ay isaga baxeyn Ciidamada Kenya kadibna ay gacanta ku dhigeen Kooxda Al-Shabaab ayaa ku yaal degaanka Buusaar ee gobolka Gedo. Ururka Al-Shabaab ayaa baaritaan ka sameeyey Saldhigaas ay isaga baxeyn Ciidamada Kenya, waxayna markaas kadib u fasaxeen dadka Deegaanka oo halkaas ka qaatay waxyaabihii haraadiga ahaa ee yaalay. Sawirada ay baahiyeen Al-Shabaab ayaa laga arkayey Baabuurta Gaashaaman oo lagu gubay saldhigg iyo difaacyo adag oo ay halkaas ka sameysteen ciidamada Kenya, waxaana difaacyada kamid ahaa kuwa dhulka hoostiisa ah. Sida ay Sheegtay Al-Shabaab Degaanka Buusaar ayaa noqday meeshii ugu dambeysay oo ay isaga baxeyn ciidamada Kenya marka laga hadlayo Gobolka Gedo. Al-Shabaab ayaa sheegay in Gobolka Gedo ay hadda kaliya ku hareen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ka tirsan Howlgalka loogu magac daray AMISOM. Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland F.G. “Qoraalkan koobani waa mid iska guud mar ah, marka laba waddan la is bar bar dhigayo. waxay u baahantahay baadhis qoto dheer, waqti iyo dhaqaale” Somaliland waxa ay Somalia ka go’day 1991, kuma ay guulaysan in loo aqoonsado dal madax bannan maadama ujeedada halkankii ay soo galeen dadka reer Somaliland aanay saldhig u ahayn inay Somalia ka go’aan, muddo yar kadib waxa ay lugaha la gashay dagaallo sokeeye, ugu dambayntii waxa ay ku guulaysatay inay dhidibka u taagto nidaam dawladnimo iyo kala damabyn nabad galyadu sal u tahay, waxay hirgalisay nidaam doorasho oo toos ah, waxa talada haya madaxweynihii shanaad islamarkaana ah madaxweynihii sadexaad ee cod dadweyne lagu soo doorto, waa waddan ay ka jirto xorriyad dhinaca hadalka iyo ra;yi cabirka ahi, ganacsi xor ah tartan doorasho oo xor ahi , Somaliland tirada dadka waxa lagu qiyaasaa ilaa 4.5 milyan waana dad hibo u leh hal abuurka ganacsiga xorta ah, Somaliland waa dal aan aqoonsi dhinaca diblomaasidda ah haysanin taasoo wax badani kaga xidhanyihiin, Somaliland waxa ay leedahay xeeb aad u dheer, khayraad kala duwan sida xoolaha iyo beeraha, laakiin maha kuwo aad looga faa’iideeyay, waxa ay afrika inteeda kale la wadaagtaa musuqmaasuqa iyo wax is dabamarinta gaar ahaan xafiisyada dawladda, ilaa hadda laguma guulaysan in waddaniyadda la xoojiyo ama la horumariyo waxyaabaha waddaniyadd xoojiya, inta badan kaabayaasha dhaqaaluhu waa kuwo hooseeya, baahida ugu badani waxa ay ka jirtaa iskaashiga shacabka iyo dawladda ee dib u dhiska adeegyada bulshada oo aad u hooseeya, caasimadda ama magaalooyinka waawayn intooda badan waa ku is dhex daadsan oo aan lahayn qorshayn magaalo oo dhamaystiran, ma jiraan waddooyin hagaagsan, traffic light, waddada qaybta lugta dadwaynaha loogu talo galay, malaha goobo loogu talo galay in dadku ku nasto oo dawladdu leedahay, dayaca ka muuqda adeegyada bulshadu waxa uu su’aal gelinayaa fahamka ay dadka reer Somaliland ka haystaan dawladnimada, in ictraaf caalami ah la helo waxa igala muhiimsan in Somaliland dalka dhiso oo uu dal u ekaado.waana in laga faa’iideeyo xoogga dadka. Eretria Waxa ay ka go’day waddanka itoobiya 1991kii waxa ayna ku guulaysatay inay hesho aqoonsi caalami ah, maadaama dagaalkii dheeraa ee ay la galeen itoobiya ujeedadiisu caddayd oo ay ahayd inay noqdaan dal madax bannaan, muddo ka dib waxa ay dagaal dhiig badani ku daatay la gashay waddankii ay ka go’day, waa dal ay saarnayd cunaqabatayn caalami ahi muddo dheer, tiradada dadka Eritrea waxa lagu qiyaasaa 5 million ,kama dhacaan wax doorasho la yidhaahdo gebi ahaanba 30 sano ku dhawaad waxa xoog ku haysta hal madaxweyne, kama jirto wax xorriyad ahi dhinaca hadalka iyo ra’yi cabirka, sidoo kale kama jiro ganacsi xor ahi, hase yeeshee shacabka reer eritarea waa dad aad u jecel waddankooda, dawladda waddanka eritarea waxa ay xoogga saartay inay dhisto waddankeeda iyadoo adeegsanaysa xoogga shacabkeeda, waa waddan ku soo jiidanaya dhinaca bilicda iyo adeegyada bulshada, waxa ay kala simantahay inta badan waddamada qaaradda afrika musuqa gaar ahaan dhinaca awoodda, mar kali ah ayay is beddeshay siyaasaddii geeska afrika, waxaana la saadaalinayaa in waddanka eritarea uu yahay dalka sida wayn uga faa’iidaysanaya isbedelka geeska , maadaama ay isu diyaariyeen. Yuusuf Cabdi Maxamed Source
-
Waxaan badi arkaysaa Xukuumaddii Muse Biixi oo KU MASHQUUSHAY oo KU mirQaantay Ajaanib lala kulmay oo dadka indhsarcaad looga dhigayo dadkaasina waa dad iska wareegaya oon dawlado soo diran oo baashaal isaga wareegaya. Waxaa markhaati ma doona Haddaad dib U jaleecdid tobankii todobaad ama usbuuc ee u dambeeyey inta Dad Ajaanib Madaxweyne Muse qaabilay ee caddaan iyo madaw iyo carab IYO Turkiba leh oon midna maanta Wax micno leh oo wadanka u dana oo ay u socdeen ee meel inoogu guntani aanay jirin. XUkuumaddaa inoo sheegi hadduu jiro wax kulanadaa calaa faashuushka ah wax Ka jira maanta. Waxaa Madaxweynaha IYO Xukuumaddiisa uga fiican inuu qabaailkiisa inba dhinac u jeeddo ee xaalkoodu marayo halkay marayeen 1991kii IYO 19993 weli taagan even taagan ee Maleesiyaad iyo Jeegaan isku horfadhiya ayuu ISU baadi dooni lahaa oo Heshiiskii beenta Xukuumadda Kulmiye Ka dhigtay ee Khaatumo ayuu fulin lahaa oo (fruits)kii kasoo baxay shirkii Gacanlibaax ayuu fulin lahaa oo Ajanebigan UU Madaxtooyada ugu yeedhyeedhayo ayuu Ka waantoobi lahaa. YEMENTAA WAXAY KU MAAHMAAHAAN NINKA MARAQA QAYBINAYAW TOLKAA UGU HORAYSII. MADAXWEYNE tolkaa laba reer iyo dhuxdhux hoose maaha ee dhawr iyo toban qabiil OO Somaliland wada dega oo wada saboola weeye . WAXAY nu meesha KU haynaana waa MARAQ IYO BARIIS GACANTA LA GELIYO EE INTAA SI WACAN UGU QAYBI. DAWLADNIMADO BEEN BEEN KUMA HANA QAADO EE WAA DAD MEEL WADA DEGA OO ARIN KU MIDAySAN IYO MAAMUL. WAXAAN SAAN KUGU LA TALIN LAHAA TV YADA ADDUUNKA IYO SHAASHADAA HA DAAWAN WAA LAGU ASQOOBAA EE WAX AKHRIGA BADI IYO MADAXDII IYO MAAMULADII SOO MARAY DUNIDA SHANTII BOQOL EE SANO EE I DAMBAYSAY markaasaad wax fahmi ood wadanka dhinaca khayr KU KU jiro u dhaqaajin. Madaxweyne waxaad akhridaa (the most influential leaders of the world) oo ummadda reer SOMALILAND WAXAY KU dhex jirtaa dhiidhi ay gelisay Xukuumaddii uu Siilaanyo Ka xanuunsaday ee Cid aan naxayni taladii dadka qacantooda KU dhacday dabadeed adigana GIRGIRAA DABKA AH LAGUU DHIIBAY . MARKAA HAWLAHA ILAAH BAA KUU FUDUDAYNE UMMADDA DHIIDDHIGAN AY KU JIRTO KA SAAR OO DOORASHOOYINKA QABO OO BAARLAMAANADA FADHIYAA WAA DHIIDHI EE MEESHA IS DHAAFI YEY KUU FADHIYEY. TALOOYINKA UMMADDAADA AKHRI, HADAAD AKHRIYI WEYDID UMMADDAA AKHRIYI. M BASHE qoranebashe@gmail.com Source
-
(SLT-New Zealand) Raysal wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern, ayaa caalamka u dirtay baaq ku aaddan cunsurinimada, iyada oo soo jeedisay in lala dagaalammo fikirka cunsuriyadnimada ka dib weerarkii loo gaystay laba masaajid oo ku yaala Christchurch. weriyaha Radio lugo ee caasimada newzaland magaalada Wellington Farxaan Faarax (geedo fuulle) waraysiyadi siisay ayaa waxay ku sheegtay inay ka soo hor jeeddo fikirka ah in cunsuriyadnimada ay horseeday dadka soo galootiga ah ee dalka ku soo badanaya. 50 qof ayaa naftooda ku waayay tobonnaan kalana waa ay ku dhaawcmeen weerar Jimcihii lagu qaaday laba masaajid oo ku yaalla dalkaas. Maxay tiri Ardern ? Mar wax laga weydiiyey arrinka xagjirnimada ayaa waxay ku jawaabtay: “Ruuxa weerarka gaystay waa muwaadin u dhashay dalka Australia balse taasi micnaheeda ma’aha in dalka New Zealand aysan joogin dad haysta fikirka cunsurinimada”. iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey tiri: “Waxay mas’uuliyad naga saarantahay inan dalka ka sifeyno dadka qaba fikradaha noocan ah si aan u helno deegaan ka dhan ah xagjirnimada iyo cunsurinimada nacaybka ku dheehan.” “Balse waxaan caalamka ugu baaqaya inaan si wada jir ah hal dhinac uga soo wada jeesanno fikirkaas.” Ayey ku tiri Ardern. Dhanka kale, waxay gaashaanka u daruurtay eedeymaha ku saabsan in New Zealand ay aqbashay qaxooti badan ayna taasi sababta noqon karto. “Waxaan nahay dal jecel inay soo dhaweeyaan dadka dhibaataysan, taasna dhaliil kuma yeelan karno”, ayey tiri Jacinda. Ms Ardern ayaa sidoo kale difaacday hadalkeedii ahaa in ninka weerarka geystay aan loogu yeerin magaciisa. Maxay ahaayeen warbixinnadii ugu dambeeyey ee wararkii lagu qaaday masaajiddada? Booliska ayaa maalintii Arbacada ahayd waxay shaaciyeen lix qof oo ka mid ah dhibanayaashii lagu weeraray masaajidka Al Nur. Hase yeeshe, qaar ka mid ah qoysaska ayaa muujiyey cabasho ku aaddan aaska oo la daahiyey. Maxamed Safi, oo uu aabahiis ku dhintay weerarka ayaa cabsho ka muujiyey inuusan wax akhbaar wali helin. Waxay noo sheegeen inaan sugno oo kaliya … maxay tahay sababta aysan u doonaynin inaan ogaanno sida ay howsha u wadaan?.” Taliyaha booliska Mike Bush ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay caddeyso sababta dhimashada si ay maxkamadda go’aan uga qaadato. Isku dayo hore oo lagu doonayay in lagu adkeeyo sharciyada hubka wadanka New Zealand ayaa waxaa ka hor yimid ol’ole xoogan iyo dhaqanka ugaarsatada. Sharciga cusub ee oggolaanshaha hub-qaadashada New Zealand -Ugu yaraan waxaa dalban kara sharciga hubka qof ay da’diisu tahay inta u dhaxeeysa 16 ilaa 18 sano. -Qof walba oo hub haysta waxaa laga doonayaa warqada oggolaanshaha. -Qofka dalbanaya dabridista waxaa la marsiinayaa baaritaan la xariira danbiyo iyo cafimaadkiisa oo lahubinayo. Sharcigan qofka hela waxaa loo oggol yahay iibsashada hub farobadan balse waxaa dib loo soo cusbooneysiiyay isku day lagu doonayo in la xakameeyo adeegsiga hubka ee wadanka New-Zealand, ka dib weerarkii khasaaraha dhaliyay ee uu nin hubeysan ku qaaday masaajid lagu tukanayay. Qaar ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii Christchurch Source
-
(SLT-Rio De Janeiro)Rag hubaysan ayaa weeraray kolonyo baabuur ah oo shidaal nukliyeer ah u waday warshad korontada dhalisa oo ku taalla meel u dhaw magaalda Rio de Janeiro ee dalka Brazil, sida ay booliisku sheegeen. Kolanyadan ayaa la weeraray iyaga oo dhex maraya bulsho ay maamulaan kooxaha daroogada ka ganacsada ee magaalada Angra dos Reis oo ah goob loo dalxiis tago oo magaalada Rio u jirta 145km. Booliiskii ilaalinayay ayaa jawaab bixiyay intaas ka dibna waxaa is qabsatay dhawaqa rasaasta, ma jiro qof ku dhaawacmay ama cid loo xiray dhacdadaas. Kolanyadii oo bad qabta ayaana gaartay warshadda quwadda korontada ee Angra 2. Weerarkan ka dhacay waddada wayn ee Rio-Santos ayaa ah rabshaddii u dambaysay ee ka dhacda deegaankaas oo caan ku ah dalxiiseyaasha. Sannadkii 2017 haweenay Britain u dhalatay ayaa toogasho lagu dilay ka dib markii gaarigii uu qoyskeedu watay uu si aan ku talo gal ahayn u dhex maray bulsho ay u taliyaan kooxaha daroogada ka ganacsada. Kolonyada ayaa wadday shidaal Yuuraaniyaam ah oo lagu soo farsameeyay gobolka Rio de Janeiro si loo geeyo warshadda Angra 2 oo ah mid ka mid ah labada warshadood ee ku yaalla Angra dos Reis oo shaqada billaabay 2001. Source
-
U.S. AIR STRIKES are killing civilians in Somalia, a new Amnesty International report says, refuting the Pentagon’s repeated statements that no civilians have died, even as U.S. attacks have at least tripled under the Trump administration. Amnesty’s report, released today, details five air strikes that resulted in the deaths of 14 people. The group’s forensic investigation found substantial evidence that suggests American airstrikes are responsible for deaths in four of those cases, and likely the fifth. “This is a detailed, credible, and deeply disturbing report,” Hina Shamsi, the Director of the ACLU National Security Project said in an email to The Intercept. “Despite very challenging investigative conditions, Amnesty provides strong evidence that the Trump administration’s claim of zero civilian casualties simply cannot be believed.” Africa Command, which oversees U.S. military activity in Africa, disavows all Amnesty’s findings. Loosened rules of engagement have allowed for mistakes and misidentification that end in fatal attacks, the report concludes. Amnesty says indiscriminate aspects of the military’s tactics may mean that some attacks could constitute war crimes, even though the U.S. has technically not declared war on Somalia. Indeed, when asked if the U.S. is at war in Somalia, Gen. Thomas D. Waldhauser, the commander of AFRICOM, said during a Congressional hearing earlier this month, “I wouldn’t characterize that we’re at war. It’s specifically designed for us not to own that.” Amnesty contends the U.S.’s behavior makes it a clear party to non-international armed conflict, and as such the laws of war would apply. Months after Donald Trump’s inauguration in 2017, sections of Somalia were declared “an area of active hostilities,” allowing AFRICOM to carry out more offensive strikes in the country on anyone deemed to be a member of the militant group al Shabaab, with less interagency vetting than was previously required. Retired Gen. Donald Bolduc, the commander of U.S. Special Operations Forces in Africa from April 2015 to June 2017, told Amnesty that his understanding was that with the new designation, individuals in these areas can be considered lawful targets based on four criteria: age, gender, location (being in specific parts of Somalia where the population is considered supportive of al Shabaab), and proximity to al Shabaab. “The reason President Trump changed the rules is because now these guys can be hit,” Gen. Bolduc told Amnesty. “They are in close proximity, they are part of the al Shabaab network.” “If General Bolduc’s description of the targeting standards is correct, then the U.S. is intentionally killing men solely because they are of military age and might know al Shabaab members, or are in areas where the population is deemed sympathetic to the group,” Shamsi explained. AFRICOM said General Bolduc did not accurately summarize the targeting standards, but would not provide additional information due to “operational security reasons.” It says that increased operations have been effective. “AFRICOM remains dedicated to providing assistance to the Federal Government of Somalia and is encouraged by the incremental progress that has been achieved thus far, especially in applying pressure to the al Shabaab network,” a spokesperson said in an email to The Intercept. The Amnesty report says the broadened mandate created the conditions for incidents like one in which three civilian men, one, a father of 13, were killed on November 12, 2017. The men had travelled southeast of their village to work in the fields, irrigating the farm land so it could grow crops in the dry season. This is community work, and the men labored into the night. One called his family back in the village and said it was too late to go home, so they would sleep under a tree near the field and return in the morning. They were killed about an hour after laying down. Villagers found their bodies in the morning. Amnesty collected consistent testimonies from 18 people who said none of the men were members of al Shabaab. Amnesty could find no information that suggested the men had ever engaged in hostilities. AFRICOM acknowledged it conducted a strike at that place and time but said a follow-up investigation found that the men were not sleeping and were members of al Shabaab. In another incident investigated by Amnesty, three men were in a moving vehicle with one suspected member of al Shabaab. One of the other men in the car worked for the country’s biggest telecoms company, Hormouud Telecom. A senior regional official told Amnesty that most of the men in the car were civilians. “I don’t know why they were hit, but maybe it was a mistake,” he said. “The U.S. are making a lot of mistakes in this region.” Amnesty brought the allegations to AFRICOM and was told an assessment determined that the people killed were militants. Brian Castner, Amnesty International’s Senior Crisis Advisor on Arms and Military Operation, told The Intercept, “As far as we can tell, AFRICOM doesn’t do any on the ground investigations, and none of the 150 people we interviewed had ever spoken to a government official, Somali or American, about these attacks.” At least 76 other strikes were carried out over the period Amnesty researched, indicating the civilian death toll could be much higher, the group says. A spokesperson for AFRICOM told The Intercept that 27 strikes have been conducted so far this year. The office of the president of Somalia did not respond to a request for comment on the Amnesty report. Source: The Intercept
-
(SLT-Washington)Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay in duqaymaha ciidammada Maraykanku ay baal mareen xeerarka caalamiga ah laguna laayay shacab Soomaali ah. Intii uu xilka qabtay madaxweyne Donald Trump waxaa sare u kacay weerarrada lagu bartilmaameedsado kooxda Al Shabaab. Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in shan weerar oo kali ah oo ay baaritaan ku samaysay ay ku ogaatay in lagu dilay 14 ruux oo shacab ah 7 kalana lagu dhaawacay. Dawladda Maraykanka ayaa diiday in weerarradaas ay ku dhinteen dad shacab ah. Sannadkii 2018kii Maraykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay ugu yaraan 47 duqaymo oo dhanka cirka ah. Sannadkan oo kali ahna waxay tirada duqaymuhu ka badan yihiin 23. Markaste oo ciidammada Maraykanku ay weerar qaadaanna waxay sheegi jireen in aysan jirin wax shacab ah oo ay diiwaan galiyeen in ay ku dhinteen weerarkaas. Amnesty international ayaase sheegtay in ay aruurisay sawirro iyo macluumaad ay ka heleen dad goobjoogeyaal ah kuwaas oo tilmaamaya wax ka badalan xogta Maraykanka. Weerarrada Soomaaliya ka dhacay waxaa ka mid ah in ciidammada Maraykanka ee Africom ay qaadeen 2017 kaas oo ay ku sheegeen in ay ku dileen malayshiyaad. Balse baaritaan ay samaysay hay’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen saddex ruux oo beeralay ah. Hay’addan xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegtay in dhacdooyinkaas oo kale ay noqon karaan dambiyo dagaal. Hay’addu waxaa kale oo ay sheegtay in aysan jirin hannaan hufan oo qaraabada iyo bulshadu ay ku gudbin karaan dhacdooyinka noocaas oo kale ah. Dawladda Maraykanka ayaa diiday eedaymahaas. Afhayeen u hadlayna wuxuu Radio lugo badan u sheegay in ciidammada Maraykanka ee Africom ay ka baaqsadaan weerarrada ay shacab ku dhiman karaan. Inkastoo duqaymaha dhanka cirka ah sare loo qaaday haddana Al Shabaab waxay maamusha dhul ballaaran oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla, waxayna weerarro khasaare badan gaysta ka fuliyaan magaalada Muqdisho. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo farageliyey xiisadda mushaarka ku saabsan ee u dhaxeyso Ciidamada Dowladda iyo Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweynaha ayaa si deg deg ah u diray wafdi isugu jiro Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka. Wafdiga uu madaxweynaha diray ayaa u safray Degmada Balcad oo ay ku sugan yihiin ciidamadii Maanta soo baneeyey qeybo badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe. Madaxweynaha ayaa wafdigaan ku amray inay soo ogaadaan cabashada ay qabaan ciidamadii Maanta gaduudka sameeyey ee isaga soo baxay afaafka hore ee Dagaalka. Wafdigaan ayaa marka hore ku wajahan deegaanka Ceel Cadde oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka soo baxay deegaano ka tirsan degmada Cadale, waxaana ay sidoo kale u gudbi doonaan degmada Balcad, gaar ahaan Xerada Hiilweyne halkaas oo ciidamo kale lagula hadli doono kuwaas oo kasoo baxay Mahadaay, Buurane, Qalimow iyo Garsaale ee duleedka magaalada Jowhar. Madaxweynaha ayaa wafdigaan u sheegay inay Saraakiisha ku qanciyaan in ciidamada dib loogu celiyo fariisimihii ay kasoo baxeyn si xaaladda loo dajiyo. Ciidamadii Maanta kasoo baxay deegaanadaas ayaa ka xanaaqay hadal kasoo baxay Ra’isulwasaare Kheyre oo ahaa in Ciidamada Dowladda la siiyo mushaarkooda. Ciidamada qaar ee Maanta hadlay ayaa sheegay inuu Kheyre ka been sheegay isla markaasna uu iska hor keenay iyaga iyo xaasaskooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in maanta iyo shalay magaalada Muqdisho ay ka baxeen qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay, Midowga yurub, Midowga Africa iyo inta badan shaqaalaha kale ee ajaaniibta ah kuna sugnaa magaalada Muqdisho kadib xaalad cabsi ah oo ka jirta Gobalka Banaadir. Sirdoonka ajaaniibta ah ee ku sugan Xalane ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay soo galeen Al-Shabaab badan, sidoo kalane ay ku soo dhawaadeen Al-Shabaab kale oo hubeysan kuwaas oo duqayn ku garaaci kara xafiisyada Qaramada Midoobay ee Xalane. Bilihii dhowaa Al-Shabaab ayaa sare u qaaday weerarada iyo qaraxyada Muqdisho, waxaana sirdoonka reer galbeedka la sheegay inay rumeysan yihiin in magaalada ay kusoo xoogeysanayaan. Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa marti gelisay boqolaal Shaqaalo ajaaniib ah kuwaas oo ka shaqaynayay Xafiiska UN-ka ee Xalane waxaana la filayaa in kuwa kale ay ka baxaan magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa la sheegay in degaano ku dhow dhow magaalada Muqdisho ay soo galeen kadib markii ay baneeyeen ciidamada difaaca Soomaaliya oo ka cabanaya Mushaar la’aan iyo garaam la’aan. Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in Indhaha iyo Dhagaha ka oodatay cabashada ciidamada difaaca ayna qatar gelineyso amaanka Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Dubai)-Nin u shaqeynaye Shirkadda Transguard ee dalka Imaaraadka ayaa shaqadii laga ruqseeyey, kadibna laga mustaafuriyey dalkaasi sababo la xidhiidha isagoo u dabaal-degay dadkii Muslimiinta ee Jimcihii la soo dhaafay lagu xasuuqay 2 masaajid oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand. Ninkaasi oo aan magaciisa iyo dalka loo mustaafuriyey aan la shaacinin ayaa la sheegay inuu bartiisa Facebook-ga ku qoray hadalo uu taageero ugu muujiyey Gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay, una dabaal-degay Muslimiinta lagu laayey Toogashadaasi. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay bixisay Amarka lagu mustaafuriyey Ninkaasi. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta aan ku qanacsaneyn qaabka ay Dowladda Soomaaliya u hageyso Siyaasadda Dalka ayaa ka hadlay gadoodka Ciidamada Dowladda ay sameeyeen. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inaysan madaxda hadda talada hayo aysan laheyn aqoon ay dalka ku maamulaan taasna ay tahay calaamado ka mid ah Qiyaamaha. Cabdiraxmaan ayaa soo qaatay Xadiith rasuulka laga wariyey oo ka hadlayey in marka xilalka loo dhiibo dadka aan u qalmin ay tahay mid kamid ah Calaamadaha dhammaadka Adduunyadad. Cabdiraxmaan ayaa hadalkaas kusoo qoray bartiisa Facebook kadib markii ay bilaabeen ciidamada Dowladda inay isaga soo baxaan Fariisimo ay ku lahaayeen labada Shabeelle kadib cabasho ku aadan Mushaaraadka. Hadalka Cabdiraxmaan oo ahaa mid kooban isla markaasna ujeedkiisa la fahmi karay ayaa si toos ah ugu socotay madaxda dowladda Soomaaliya oo uu u arko inay yihiin kuwa aan xilkaas u qalmin. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Rasuulkeenu (NNKH) wuxuu yiri “Haddii amaanada la dayaco saacadii (qiyaamihii) filo. Saxaabadii ayaa waydiiyey Rasuulkii Aloow sidee amaanada u dayacantaa. Wuxuu yiri haddii amarka (Hoggaanka) dad aan ehelkiisa ahayn loo dhiibo waxaad sugtaa saacadii (qiyaamihii). Culimada ayaa ku macneeyey nidaamkii/ dawladii hogaankeedu dad aan ehel u ahayn qabtaan in saacadeedu (qiyaamaheedu) dhacayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Ottawa)-Cabdixakiim Guuleed waa Soomaali haysta dhalashada waddanka Canada,wuxuu si nabad ah ugu guryo noqday magaalada Etobicoke Canada sida ay tabisay warbaahinta dowladda ee dalkaas kadib markii ay maxkamad ku taala Kenya ku weyday danbi la xariira in uu ku lug lahaa falkii lagu weereray 15 bishii janaayo hoteelkii DusitD2,kaas oo lagu dillay 21 ruux 18 saacadood oo ay dhismahaasi ku jireen kooxo hubaysan,weerarkaasi oo ay sheegteen kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya. Waa kuma Abdilhakim Guuleed wuxuu tagay waddankaasi Canada oo u dhalasho ka helay sannadkii 1992, shaqadiisu waxay ahayd darawal kaxeeya baabuurta xamuulka qaada,wuxuu sida caadiga ah u imaan jiray Kenya sidii uu qoys-kiisa oo deganaa Kenya gaar ahaan xaafadda Islii ugu dhamayn lahaa ogolaashaha in ay Canada ula guuraan isaga. Muddo dheer kadib, riyadaas waa ay u rumoowday, balse laba cisho ka hor markii uu reerkiisa ula safri lahaa Canada, waxaa gurigiisa yimid boolis kadibna waxaa loo taxabay xabsiga. ”Waxay guriga la soo galeen qoryo,waxayna ugu hor jeebeeyeen xaaskayga iyo carruurtayda, indhaha ayay iga xidheen” ayuu yiri Cabdxakiim oo la hadlay warbaahinta Canada. Cabdixakiim wuxuu dib ka ogaaday danbiga loo heystay ,danbigaas oo aanu waligii ku fakarin in uu samayn karo, kadibna uu xabsi ku mudan karo. Maalintii uu weererku dhacay Guuleed wuxuu ku sugnaa safaaradda Canada ee Kenya si uu buuxiyo warqada codsiga dhalashada canugiisa u yaraa carruurta uu dacwoonayay, wuxuu damcay in uu waco xaaskiisa,nasiib daro moobilkiisii gacantu wuu u shaqeyn waayay,qof ku dhawaa oo aanu aqoon ayuu ka codsaday inuu moobilkiisa kala hadlo xaaskiisa. Laamaha amaanka Kenya ayaa sheegay in qofka moobilka iska lahaa uu ka mid ahaa raggii weererka geystay,arintan ayaa horseeday in Guuleed uu ka soo muuqdo maxkamad kadib mudo gaaraysa 21 casho oo ku jiray xabsi ku yaala Kenya. Garyaqaanka Cabdikariim Chacha Mwita ayaa u sheegay warbaahinta qaranka Canada ee CBC in sababta loo tuhmay ay ahayd maadaamaa uu Soomaali ahaa oo kaliya. Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay kaga hadashay dhaqanka ciidanka argagixiso la dirirta laga soo bilaabo sannadkii 2014-kii, waxayna sheegtay hay’adda in ciidamada ay dadka la tuhmo kula dhaqmaan si ka baxsan xuquuqdan aadanaha. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ku baaqay in Kheyre iyo xukuumaddiisa ay deg deg isku casilaan, xilli xaaladda amni ee dalka ay faraha kasii baxayso, islamarkaana ciidamada ay mushahar la’aan uga soo baxeen aagagga. Hoos ka aqriso qoraal Fiqi uu soo dhigay Facebook. Doontu inta aysan degin ka hor, dadka qaar waa in ay degaan!! Ka soo bixitaanka ciidamadda XDS labada shabeelle goobihii ay uga sugnaayeen qaarkood ayagoo ka sheeganaya daryeel iyo mushaar la’aan, ayna ugu darsoontay hadallada aan laga fiirsan ee nabidda iyo run ka sheegid la’aanta xaqiiqda dhabta ah ee ay ciidamadu ku sugan yihiin ee madaxda qaarkood ay xafladaha uga khudbeeyaan, waxey dalka u horseedaysaa xaalad khatar ah oo in laga soo kabsadaa ay adkaan doonto. Waxaa horey loogu fashilmay amniga gobolka Banaadir sababo maamul xumo iyo la xisaabtan la’aan, nin jeclaysi iyo musuqmaasuq la xiriira, waxaana hadda muuqata in cudurkii musuqmaasuqa iyo maamul xumadu uu u gudbey ciidamadii dhufaysyada hore ku jiray, markii ay arrintaas soo baxdeyna si muuqata ciidamadii loo nabayo oo la leeyahay mushaarkoodii waa qaateen. Ciidamada Dhanaane ka soo baxey ee u badnaa guutadii 14 Oktoobar loo bixiyey waxaa la aasaasay mudadii madaxda dalka joogtaa ay talada hayeen, waxaana soo bixitaankoodii lagu fasiray in diiwaangelin loogu yeeray, haddii ciidamadii sanad iyo bar ka hor la qorey aysan diiwaangashanayn, muxuu madaxweynuhu wasaaradda gaashaandhigga waqtigii dheeraa ee uu fadhiyey ka dhex qabanayey?, maxeyse xukuumadda Khayre qabatay haddii dhowr kun oo askari ay ku guuleysan weyday in la diiwaangaliyo mudadaas dheer. Talo: Xukuumadda Kheyre waa ay ku fashilantey amnigii caasimadda iyo kii dalka, waxaan soo jeedinayaa in intaan dalku gacanta ka bixin ay u turaan umadda isna iscasilaan asaga iyo xukuumaddiisu, waayo marin habaabin, riwaayad joogto ah iyo fara-taagtaag dal laguma hogaamin karo! Ciidanka qaranka ee naftooda ku bixinaya difaaca dalka, qofkii qabiil ku tilmaama waa cadow aan ka sokeyn shabaabka ay la diririyaan, waxaana aaminsanahay in ay waajib tahay in meel looga soo wadajeesto cidda fikrikaas gurracan aaminsan.
-
(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta dawladaha Itoobiya iyo Ereteriya, ayaa warbixino ka qoray socdaalka uu Wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya iyo la taliyaha madaxweynaha Cismaan Saalax iyo Yemane Gebreab ay ku joogaan magaalada Hargeysa. Wakaaladaha wararka ee ay maamulaan dawladaha Itoobiya iyo Ereteriya, ayaa warbixino kooban ka diyaariyay socdaalkan uu Wasiirul khaarajiga Ereteriya ku joogo caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Shabait Wakaaladda wararka Ereteriya ee Shabait oo ay dawladda Ereteriya maamusho, ayaa qortay warbixin ay ciwaan uga dhigtay “Wefti sare oo Ereteriyaan ah oo wada hadalo la yeeshay madaxda kala duwan ee Somaliland” Shabait, waxay tidhi “Wefti sare oo Ereteriyaan ah oo ka kooban Cismaan Saalax, Wasiirka arrimaha dibadda iyo la taliyaha madaxtooyada Yeman Gebreab ayaa kulankii labaad saaka [shalay[ oo saacado qaatay la yeeshay Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi oo lagaga wada hadlay xoojinta arrimihii lagu soo bandhigay kulankii 1aad.” Wakaaladda wararka ee Ereteriya waxay intaas raacisay, “Weftigu waxa kale oo ay la kulmeen Wasiirada khaarajiga, arrimaah gudaha, maaliyadda iyo weliba xubnaha guurtida iyo wakiilada. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa weftiga u sameeyay qado sharaf. Weftiga Ereteriya ayaa 18 March Hargeysa, Somaliland ku tagay socdaal shaqo oo rasmi ah.” FANA Warbaahinta ay dawladda Itoobiya maamusho ee FANA, ayaa iyaduna qortay shalay warbixin ay ciwaan uga dhigtay “Wefti Ereteriyaan ah oo booqday Somaliland.” Wakaaladda wararka ee Itoobiya waxay warbixinteeda ku bilowday “Wefti Ereteriyaan ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Cismaan Saalax iyo la taliyaha madaxtooyada Yemane Gebreab ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kulan kula yeeshay xafiiskiisa.” Waxay wakaaladu intaas raacisay, “Ka dib kulanka, Cismaan Saalax, ayaa sheegay in kulanku ahaa mid xiiso leh oo muhiim ah. Wuxuu sheegay in weftiga uu Madaxweyne Biixi siiyay warbixin ku saabsan siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo xaaladda Somaliland.” Cismaan ayay wakaaladu sheegtay inuu ammaanay nabadda ka aslaaxday gobalka Geeska Afrika, gaar ahaan Ereteriya iyo Itoobiya. Source