-
Content Count
214,264 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maalin ka hor madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay degmooyinka Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel-afweyn oo dhammaantood ka tirsan gobolka Sanaag. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Biixi ayaa lagu sheegay in mudda saddex bilood ah xaalad deg deg ah lagu soo rogay degmooyinkaasi kadib falal amni-darro oo ku soo noq-noqday. Mudada saddexda bilood ah waxaa halkaasi ka shaqeyn doona amarka ciidamada oo keliya waxaana la faray in ay qaadaan tallaabo kasta oo lagu sugayo amniga degmoooyinkaas. Go’aanka Muuse Biixi wuxuu ku soo beegmay kadib markii malayshiya-beeleed hubaysan ay dil u geysteen laba sarkaal oo ka tirsan Booliiska iyo Asluubta Somaliland taasina ma ahan mid gobolka Sanaag ku cusub oo hore waxaa hab qabiil loogu dilay saraakiil sar sare oo ciidamada ah. Sidoo kale gobolka hore waxaa uga dhacay dagaal beeleedyo lagu hoobtay oo in mudda ah ka socday balse dagaalkii ugu dambeeyay ayaa sida la sheegay waxa ku dhintay in ka badan 80 ruux iyadoo Muuse Biixi xilka hayo mana jirin xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay xilligaasi. Haddaba maxaa wakhtigaan keenay in xukuumadda Muuse Biixi xaalad deg deg ah ku soo rogto degmooyina kor ku xusan? Dadka la socda xiyaasadda Muuse Biixi ee ku wajahan gobolka Sanaag oo aan su’aashaasi hor-dhignay ayaa isku raacay in laba qodob ay sal u yihiin go’aanka Muuse Biixi uu xaaladda deg dega ku geliyay degmooyinkaasi. 1: Wixii ka dambeeyay safarkii Muuse Biixi iyo Siciid Deni ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa socday qorshe jabhadda Caarre ee fadhigeedu yahay magaalada Qardho ay si dhuumaalaysi ah xarumo ciidan uga samaysanaysay buurta lagu magacaabo “Hal-dhaadan” oo qiyaastii 30 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Ceerigaabo si haddii ay Puntland kala kulmaan go’aan lama filaan ah ay halkaasi ugu wareegan. Dhulka buuraleyda ah ee “Hal-dhaadan” waa meel istiraatiijiya oo ay adagtahay in laga saaro haddii jabhadda Caarre ay ku xoogaysato taasi oo ay sii dheertahay in dhulkaasi ay beeshiisu degto oo aan lagula dagaallami Karin. Inkastoo aan hadda si hubaal ah loo ogayn inta ay le’egyihiin ciidamada buurta galay ee ka tirsan jabhadda Caarre haddana arrintaasi waxay cabsi iyo khal-khal ku beertay maamulka Muuse Biixi oo dareemay in gudaha loogu jiro. Waxaa sii dheer kacdoonka beelaha halkaasi dega oo aaminsan in Muuse Biixi uga shubtay doorashadii ka dhacday Somaliland taasi oo haddii dagaal qarxo shidaal ku sii dhidaysa sidaasi darted madaxweyne Biixi wuxuu ku qancay in uu xaalad deg deg ah soo rogo inta uu jabhaddaasi meel iska saarayo. 2: Qodobka labaad ee Muuse ku kallifay xaaladda deg deg ah waa dilkii labada sarkaal oo isna kiciyay carada shacabka ku nool gobolka Awdal gaar ahaanna magaalada Boorame maadaama hab qabiil loo dilay saraakiil dowladeed haddana aan la qaban ciddii ka dambaysay dilkaasi. Mr Biixi ayaa doonaya in uu shacabka magaalada Boorame ku indha-sarcaadiyo hawlgalka uu ka bilaabay gobolka Sanaag ee looga hortagayo khatarta Caarre isagoo shacabka degmadaasi iyo guud ahaan gobolka Awdal u tusaya in koxodii dilka geysatay lagu raad-joogo. Dhinaca kale go’aanka Muuse Biixi ayaa u muuqda mid taageero u abuuraya jabhadda Caarre maadaama haddii shacabka la cadaadiyo ay suurta-gel tahay in dad kale oo horleh ku biiraan jabhadda oo ay halkaasi cudud dheeriya ka hesho. PUNTLAND POST The post Maxaa ku qarsoon xaaladda deg deg ah ee Muuse Biixi ku soo rogay gobolka Sanaag? appeared first on Puntland Post.
-
In a big win for India, the United Nations Security Council has designated Jaish-e-Mohammed chief Masood Azhar as a global terrorist. He was named a global terrorist by the UNSC 1267 Al-Qaeda Sanctions Committee on Wednesday after China lifted its hold on a proposal in this regard by the United States, United Kingdom and France. Source: Hiiraan Online
-
March 29, 2017-kii, golaha shacabka BF ayaa ansixiyey xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, isaga oo maalinkaas qeybiyey buug ka kooban 9 qodob, si barnaamijkaas loo fuliyo waxay allifeen tubo illaa 4 ah: tubta siyaasadda loo dhan yahay, tubta amniga iyo caddaaladda, tubta dhaqaalaha iyo kobcinta maalka iyo tubta horumarinta arrimaha bulshada, waxaa laga sii dhex saaray illaa 285 halbeeg oo mid waliba shaqo wadato, si isla xisaabtanka, qiimeynta iyo tijaabada fashilkeeda aan Kheyrre loogu raacan, waxaa uu qorshaha u qeybiyey 26 wasaaradood, 9 hey’adood, 4 ciidanka amniga ah, 5 dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, xafiiska madaxweynaha iyo xafiiska ra’iisul-wasaaraha! Mar ra’iisul-wasaare Xasan la weyddiiyay wax qabadka xukuumadda nabad iyo nolol waxaa uu tilmaamay dhismaha xafiiska ra’iisul-wasaaraha, dejinta tubaha, diiwaan-gelinta ciidanka xoogga, curinta sharciyo, dib u habeynta dakhli aruurinta oo ay wasaaradda maaliyadda kaliya sameyso dakhli qabashada, dowladda dhexe gobolka Banaadir oo kaliya ayay canshuurta ka aruurisa. Haddaba, 2 sano kaddib, Goobjoog News waxaa ay imtixaameysaa bal inuu fulay barnaamijkii xukuumadda nabad iyo nolol iyo in kale, innaga oo inta ugu muhiimsan dul istaagi-doonna. Gurmadka Abaaraha: Abaarta waa dhibaato joogta ah, abaarta iyo waxyeelladeedu waxay halis ku yihiin jiritaanka deegaanka, duunyada iyo nolosha, sannadkan 2019-ka waxaa ay nafaqo darro soo wejihi-doontaa 1.2m, barakaca waa 2.6m, oo gar-gaar degdeg ah u baahan yihiin 1.5m, cunto-yariyada waa 4.9m. Wasaaradda gargaarka tan iyo markii la dhisay ma sal-dhigan oo waxaa ka jirtay fowdo xagga maamulka ah, Dr. Maryan Qaasim ayaa ka tagtay iyada oo 7 bil joogta, qoraal barteeda Tweeterka ay soo dhigtey 15-ka November 2017, waxaa ay ku sheegtay “duruufo aniga khaas ii ah”, laakiin Dr. Maryan oo wareysi gaar ah siisay Goobjoog News ayaa tiri “department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay isbarbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneyn madax wareer badan ayaa laga qaadayaa”. Muddadaas kaddib 7 bil wasaaradda waxaa ay ahayd wasiir la’aan, waxaa la eedeeyey Maxamed Cumar Macallin oo ahaa xoghayihii guud ee wasaaradda, waxaa kale oo xabsiga la dhigay agaasimihii waaxda dib u dejinta barakacayaasha ee wasaaraddan. Waxaa kale oo ay xukuumadda ku guul-darreysatay dejinta qorsheyaal cadcad oo looga tabaabusheysto abaaraha soo laalaabanaya, isla-markaana loo yareeyo nuglaashaha shacabka si looga hortago waxyeellada abaarta. Caddaaladda: Barnaamijka Xukuumadda nabad iyo nolol waxaa ku jiray inay ka go’an tahay soo-af-jarka dulmiga iyo tacaddiyada iyada oo ballanqaadday dhismaha nidaamka garsoorka, 2 sano kaddib dastuurkii waa qabyo, 6-da xubin ee dowlad goboleedyada lama meelmarin, weli lama dhisin golaha adeegga garsoorka, maxkamaddii dastuuriga ahayd oo baahi weyn loo qabo, meel laguma sheego sharcigii la-dagaallanka musuqa iyo guddiyada kale ee dastuuriga ah oo dhimman si loo helo adeeg caddaalad ah oo xor ah iyo baahinta adeegga hay’adaha garsoorka. Banaadir 3 degmo ayaan lahayn maxkamad, Shabeellada dhexe Jowhar marka laga reebo waa maxkamad la’aan, tusaale ahaan Balcad, Warshiikh, Cadale, Buulo-Xawaadley iyo Mahaddaay oo 1960-kii maxkamado lahaa aanay hadda lahayn, Shabeellada hoose wixii dacwo ah gobolkan Banaadir ayey la soo aadaan, Hiiraanna Buulo-burde, Jala-laqsi, Maxaas iyo Matabaan wax garsoor ah ma leh. Galmudug waa dowlad goboleed aan lahayn nidaam caddaalad, Jubbaland Kismaayo marka laga reebo wax maxkamad ah iyo xabsi midna kama jiraan labada gobol ee Jubbada dhexe iyo Gedo. Amniga: May 11, 2017, xukuumadda Khayre waxaa ay meelmarisay qorshaha xasilinta Banaadir, waxaa la sheegay in dowladda ay hawl-gelisay 1500 oo askari. Isla bishaas shir London ka dhacay waxaa la ogolaaday 22,000 Militari ah iyo 32, 000 booliis ah. Ciidamada hore sannad iyo bar kaddib waa la kala diray kaddib markii ay Muqdisho ka dhaceen dhacdooyin amni daro oo soo noqnoqday. 2017: In ka badan 1,700 ayaa Muqdisho keliya ku dhimatay, meelaha toos loo weeraray waxaa ku jiray: Hotel Dayax, Baar Italiano , Pizza House iyo Posh, Kaawo-godey, Warshaddii Nacnaca, Golaha Murtida & Maddadaalada, Kulliyadda Jaalle Siyaad, xarunta degmada Wadajir, wasaaradaha ciyaaraha iyo amniga, Saldhigga Waaberi, xabsiga dhexe ee Xamar, Zoobe, Naasa Hablood 2 iyo xarunta tababarka ee General Kaahiye. 2018: 200 wax ka yar oo hoos u dhac ah ayaa jirtay tirada dilalka sannadkii ka horreeyey, qaraxyada waaweyn waxay noqdeen 13 halka 2017 ay ahaayeen 24 qarax, meelaha ay qaraxyada ka dhaceen waxaa ka mid ah KM0, albaabka madaxtooyada, hotelka Weheliye, Isgoyska Sayidka, Wasaaraddaha Amniga & Arrimaha gudaha, Somali cafe, Xarunta Degmada Hawlwadaag, xarunta degmada Hodan, hotel Saxafi iyo Kaawo-godey. 2019: Tan iyo horraantii sannadkan waxaa Muqdisho keliya lagu dilay in ka badan 563 qof, waxaana soo batay qaraxa dhajiska ah, meelaha qaraxyo toos ah ka dhaceen waxaa ka mid ahaa: Daljirka Dahsoon, Makah Almukaramah, Mogadishu Mall iyo gobolka Banaadir, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, xaawo taako, Golaha Murtida & Maddadaalada, dugsiga sare ee booliska, iyo Isgoyska Jubba. Intaasi oo khasaaro ah waxaa ay Muqdisho ka dhaceen iyada oo ay magaalada gudaheeda joogaan: 7,000-10,000 oo militari ah, 6,000-9,000 oo booliis ah, 4,000 oo NISA ah iyo 3,500 oo asluub ah. Intii ay joogtay xukuumadda Kheyrre ama 2-badii sano, waxaa tagtay 3 taliye sirdoon ( C/llaahi Gaafow Maxamuud, C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Xuseen Cusmaan Xuseen), waxaa jooga taliyihii 4aad ee xoogga dalka( General Maxamed Aadan Axmed (Buud), Gen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) iyo Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), waxaa jooga oo kale booliiska taliyihii 4aad( Gen. Sheekh Xasan Xaamud, Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid, Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Bashiir Cabdi Maxamed halka abaanduulaha xoogga dalka iyo asluubta ay la joogaan mid weliba kii 3aad. Waxaa kale oo ka tagay ama la ceyriyey 22 wasiir, oo uu ugu dambeeyey wasiirka warfaafinta Daahir Geelle. Dhaqaalaha: Buug uu Kheyrre xildhibaannada u qeybiyey waxaa ku jiray himilada xukuumadda oo ah dabargoynta saboolnimada iyada oo loo marayo kobcinta dhaqaalaha, wax-soo-saarka, tacliinta caafimaadka iyo ka faa’iideysiga kheyraadka sida: Xoojinta canshuura .Dib-u-hanashada hantida dalka. Dib –u-soo-nooleynta Shilinka Soomaaliga. Wasaaradda maaliyadda oo ka mid ah kuwa ugu shaqada badan xukuumadda Kheyrre waxay xoogga saartay deyn cafinta, iyo aruurinta dhaqliga gudaha, walow marar badan xoog ay soo saartay ay shaki abuurtay, bangiga dhexe ma soo saaro lacag, ma hubiyo negaanshaha ascaarta ama negaanshaha heerka sarrifka, canshuur kama qaadaan shirkadaha Telefoonnada, Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka ah. Ra’iisul wasaare Kheyrre iyo wasiirkiisa maaliyadda ayaa sheegay in ay xilka la wareegeen qasnadda dowladda oo maran, laakiin wasiirkii maaliyadda Maxamed Aden Fargeeti oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay “Markii aan xilka wareejinayay, in ka badan 5-milyan oo dollar ayaa Qasnadda dowladda ku jirtay”, waxaa kale uu Fargeeti beeniyey magta deynta 100m ee Kheyrre sheegay isaga oo Goobjoog News u xaqiiyey iney 54m oo deyn ah ka tageen, waxaase uu raaciyay in ay jirtay lacag deyn ah oo aan la hubin oo baaris ku socotay. Marka loo noqdo miisaaniyadda sanad la ah ee xukuummadda qorsheynta bixinta deynta gudaha ama gashbaxa waa sida tan:- 2017 (7.8 milyan), 2018 (1.5 milyan), 2019 (1.5 milyan). Ra’iisul wasaare Xasan Kheyrre iyo xukuumaddiisa waxay ku faaneen koboca dhaqaalaha ee dalka, waxaase xusid mudan in labadii sano ee la soo dhaafay uu kobaca ka hooseeyey 2016-kii oo sannadkaan waxaa uu GDP ahaa 4.4, laakiin 2-badii sano uu joogay hoos ayuu u dhacay oo wuxuu gaaray 2017(2.3) iyo 2018(3.1)! Deyn Cafinta waxaa hay’adda lacagta adduunka IMF soo celiyey oo la galay heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxeexato heshiisyadii SMP iyo deyn cafiska. Dhanka canshuuraha, Ganacsatada waxaa ay dowladda iyo gobolka Banaadir ku eedeeyeen in ay ka baxeen ballan lagu galay dhismaha waddooyinka gobolka Banaadir oo ahaa sidan: Wasaaradda Maaliyadda: 25%, Maamulka Banaadir: 25% iyo ganacsatada gobolka Banaadir oo 50% ah.. Inkasta oo ra’iisul wasaare Kheyrre sheegay in wax mushaar ah aan lagu lahayn haddana madaxweyne Farmaajo ayaa qirtay in 3 bil aaney bixin mushaaraadka ciidanka, waxaa intaas dheer tiro intaas la’eg ayey lacagtii mushaarka ahayd ka maqan tahay shaqaalaha aan rasmiga ahayn ee dowladda oo ay ku jiraan kuwa xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. La-dagaallanka Musuqa: Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa kaalinta ugu hooseysa dalalka musuqa adduunka, Inkasta oo xukuumadda Kheyrre ay sheegto la dirirka musuqa haddana baaris ay sameeyeen guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka waxaa lagu ogaaday in wasaaradda maaliyadda ay si aan sharci ahayn ku aruurisay lacago loona bixiyay, lacagahaas Waxaa laga soo aruuriyey shirkadaha xawaaladaha iyo bangiyada gaarka ah, waxaa kale oo wasaaradda maaliyadda lagu la’yahay lacag 20 Milyan ah oo Sacuudigu bixiyey iyo lacag curraar ah dhan $3 Malyan ah oo si aan waafaqsanayn sharciga kala wareejinta loo adeegsday, waxaana loo isticmaalay si aan waafaqsanayn Qaraarkii Miisaaniyadda 2018 uu golahu ku ansixiyey, waxaa sidoo kale aan jirin sharciyada hanti-dhowrka, xisaabiyaha guud iyo hey’adda la-dagaallanka musuqa. Sida uu sheegay Senator Faroole lacago ay dowladda ku bixisay beddeliddii maamulka Koofur Galbeed iyo Puntland haddana ay ku bixineyso Jubbaland, iyadoo horay ay u jirtay eedeymo ay dadweynaha sida iney jiraan lacago lagu bixiyey ridistii guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari iyo biilal lagu bixiyo dad kataageera dowladda baraha bulshada. QOF IYO COD 2020: Himilada Xukuumadda; Hirgelinta hannaanka doorashada ee qof iyo cod sannadka 2020 si loo gaaro dimuquraaddiyad ku saleysan rabitaanka iyo awoodda doorasho ee shacabka Soomaaliyeed. 2 sano kaddib, lama dhammeystirin Dib u eegista dastuurka, oo lagu ogaan lahaa nooca Doorashada madaxweynaha ama mid baarlamaani ah mise shacab, qeexidda doorashada labada aqal, xadeynta xudduudaha doorashooyin, qof codeyn kara iyo mid aan codeyn karin, tirada kuraasta baarlamaanka, kala codeynta xisbiyada heer qaran iyo maamul goboleed iyo iswaafajinta shuruucda doorashada heer maamul goboleed iyo heer qaran. 2 sano kaddib, lama haayo sharciga doorashooyinka, sharciga diiwaan-gelinta shacabka iyo murashaxiinta, Sharciga muwaaddinka, , sharciga xudduudaha iyo Sharciga Dhismaha Guddiga la dagaallanka Musuqa, waxaa kale oo dhibaato ka jirtaa shaqaalaha doorashada, amniga iyo rabitaan siyaasadeed. DOWLAD WANAAGGA: Himilada Xukuumadda; Gaaridda dowlad wanaag iyo daahfurnaan ku saleysan hufnaan, taasina lama tijaabin. DIB-U-HESHIISIIN: Himilada Xukuumadda; soo afjaridda colaadaha, xukuumadda nabad iyo nolol waxay ay qabatay shir dib-u heshiisiin kaa oo aan weli la soo bandhigin mira dhalkiisa, weli waxaa socda dagaallo sokeeye, dowladda waxaa lagu dhaliilaa iney la dagaashay dowlad goboleedyadii. Ugu dambeyntii, sida ay sheegtay xogta waxaa jira fashil dhanka fulinta barnaamijka xukuumadda nabad iyo nolo labadii sano ee la soo dhaafay, hadiise aan la helin heshiis dhex mara saamileyda siyaasadda Soomaaliya waxay noqoneysaa labada sano ee harsan “Dhado Roob Noqon weyday”! Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa shaaca ka qaaday kulan aan horey loo shaacin oo uu dalka Qatar kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Buubaa oo isagoo Hargeysa jooga waraysi siiyay Telefishanka Universal, wuxuu isagoo kulankaas ka hadlaya uu yidhi “ Waa ay ii qorshaysnayd inaan tago Turkiga iyo Qatar laakiin waxa isku soo hagaagay markaan Qatar joogay iyo booqasho kadis ah oo uu ku yimi madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo wayna jirtay mar haddii uu meesha joogo inaan arimaha wada eegno, gaar ahaan arimaha aan anigu dhankayga u baaciyay waxay ahayd maanta Somaliland dal iyo dawlad ahaanba halkay joogto degenaashaha ka taagan” Buubaa ayaa sheegay inuu Farmaajo u sheegay inaysan jirin Soomaaliweyn, wuxuuna yiri “Waxaan u sheegay waxii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed laysku odhan jiray in aanay jirin ee laba wadan oo Somaliland iyo Somaliya ah oo lixdankii isku yimi inay midiba gooni u taagan tahay in si wanaagsan loo kulmo oo loo wada hadlo oo arimaha murugsana muruga laga saaro.” Buubaa ayaa dhinaca kale uu ka Jawaabay su’aal laga waydiiyay inaanu awood u haysan uu kula kulmo Madaxda dawladda Soomaaliya. “Arintu maaha dawlad la hadal waa qof shaqsi ah oo Maxamed Farmaajo la yidhaahdo oo imika madaxweyne ah oo ay noqotay inaan iska hor nimi oo aanu wada hadalnay kala waji dadbi mayno, waan is waraysanaynaa waxbaanu is waydiinaynaa dadkuna inuu nuglaado oo had iyo gooraale marka laysku yimaado uu u arko in adiga lagaa gacan sareeyo, adiga lagu isticmaalayo, adigu aad tahay qofka aan cid wax gaadhsiin karin, adiga uun wax lagugu shubanaayo anigu waxaan u arkaa diciifnimo siyaasadeed.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Congress held a historic hearing on Medicare for all on Tuesday, opening with an emotional testimony from activist and lawyer Ady Barkan, who is dying of terminal ALS. We speak to Representative Ilhan Omar about yesterday’s hearing and her support for overhauling the country’s healthcare system in favor of Medicare for all. We also talk to her about ongoing efforts to impeach President Donald Trump, which she says she supports. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the civil societies resolved on Wednesday to work together to stabilize the country which has been facing security challenges for the past two decades. Source: Hiiraan Online
-
You can now hail a motorcycle service in the Somali capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
UN says 1.7 million Somalis will face major food insecurity
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
UNITED NATIONS (AP) — The U.N. estimates 1.7 million people in Somalia will “face crisis and emergency levels of food insecurity until June” after a second consecutive bad rainy season caused livestock losses and failed crops. Source: Hiiraan Online -
“Xeer ilaaliyaha qaranka, waa nin aad u damaqasho iyo arxan badan” ayaa dhihi lahaa sida dadka qaar, haddaan ahay qof dareenka uu hago oo daqiiqadda markaas uu joogo sida dareenkiisa yahay u hadla, balse ma ahi. Waxaan ka hadlayaa sheeko ku saabsan video lasoo dhigay baraha bulshada oo uu muujinaya xeer-ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir, oo meel waddo ah inta u istaagay ku canaananaya una hanjabaya muwaadin Soomaaliyeed oo ku shaqeysta gaari dameer. Sida muuqaalka ka muuqata, Axmed Cali Dameer ayaa muwaadinka ku amraya inuu rarka ka yareeyo gaari dameerka, islamarkaana qaar ka mid ah loorarka uu inta meesha uga tago dib uga soo laabto. Mar walba waa wax wanaagsan in loo damqado xayawaanka, hase yeeshee damaqashada iyo sharciga waa kala laba. Axmed Cali Daahir waa sharci ilaaliyaha dalka ugu sarreeya, haddii isaga uusan sharciga ku dhaqminna ma jirto cid ku dhaqmayesa. Haddaba maxaa ka qaldanaa falkii Axmed Cali Daahir. 1 – Soomaaliya ma ka jiraa sharci dowladda ay dejisay oo dhigaya culeeska rar ee ugu badan ee la ogol yahay in xayawaanka ama si gaar ah dameeraha lagu raro? Jawaabta waa maya. Haddii muwaadinka lagu xadgudbay uu oran lahaa kama dejinayo rarka dameerka, Muxuu Axmed Cali Daahir sameyn lahaa? Axmed Cali Daahir ma awooday inuu ku yiraahdo muwaadinka, “haddii aadan ka dejin rarka dameerka, waxaa ku qabanaya sharciga noocaas ah, qodobka lambarkiisu yahay sidaas? Ogow, dunida wax kasta waa sharci. Maxaa u diidaya qof inuu inta qof kale dilo uu xorriyad isaga noolaado? Waa sharciga, waayo waxaa jira sharci dhigaya inana qof la dili karin. Sidaas darteed, wax kasta oo dunida aan laga ogoleyn waxay sidaas u yihiin waa inuu jiro sharci qoran oo diidaya. Wax walba oo dunida laga ogol yahayna, waxaa sidaas yeelaya waa inuusan jirin sharci diidaya. Tusaale, maxaa cabista qamriga xaaraan ka dhigay dalalka Islaamka oo kuwa reer galbeedka looga ogol yahay, waa kala duwanaanshaha labada sharci. Sidaas darteed, Axmed Cali Daahir wax sharciyad uma haysan xad gudubkii uu ku sameeyey muwaadinka. 2 – Axmed Cali Daahir wuxuu si aan asluubeysneyn oo awood sheegasho iyo hanjabaad isugu jirta u handaday muwaadin Soomaaliyeed isaga oo isu muujinaya inuu u damqaday dameer. Wuxuu muwaadinka Soomaaliyeed ku qasbay inuu sameeyo wax aan suurta-gal ahayn oo ah inuu ka tago qeyb ka mid ah rarkiisa oo uu dib ugu soo noqdo. Yaa damaanad qaaday in rarkii laga tagay halkooda loogu imanayo, oo aan la xadeyn? Ma ka fakaray Axmed Cali Daahir in Muqdisho iska daa badeeco aysan xitaa naftii aadanaha ku bad-baadeyn. Waxaa sidoo kale yaab lahaa, in Axmed Cali Daahir uu marka uu muwaadinka ka dejinayo dameerka rarka ay isaga iyo ciidankiisaba daawanayaan oo aysan xitaa caawineyn. Axmed Cali Daahir waxaa ka muuqata inuu si ku talo-gal ah u sameeyey ficilka, isaga oo ka raadinaya fursad uu isugu muujiyo nin damqasho leh, oo igu sawir ah. Wuxuu xitaa u diyaarsada kaamiro video looga duubo falkiisa. Haddii Axmed Cali Daahir ay daacad ka ahaan lahayd inuu xaywaanka u damqanayo, muxuusan kadib falkaas u qaban shir jaraa’id ama ugu dhaqaaqin sidii uu uga shaqeyn lahaa in lasoo saaro sharci xadidada culeeska rar ee la saaro xayawaanka. Xaqiiqda ah inaysan taas jirin, ayaa muujineysa in falkiisu ahaa ha lagaa sheego. Maxaa haboonaa? Markii Axmed Cali Daahir uu arkay culeeska rar ee saaran dameerka, waxay ahayd inuu muwaadinka istaajiyo, kadibna si dabacsan oo naseexo leh ula hadlo una sheego in wuxu xayawaan yahay, oo ay mudan tahay inuu u damqado, isaga oo aan u hanjabin ama aan amar siin. Waxay ahayd inuu u sheego in waqtigaas la joogay aysan macquul ahayn inuu rarkiisa ka kala tago, balse wixii markaas ka dambeeya uusan sidaas sameyn. Intaas kadib waxay ahayd in uu ka shaqeeyo in sharci laga soo sarao arrintan, kadibna ciddii ku xadgudubtaa lagu ciqaabo sharcigaas. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Alexandria (Caasimada Online) – Maxkamadda Rafcaanka Heerka 4-aad ee Gobalka Virginia ee dalkaasi waxaa la filayaa inay bishan May 13-da ka bilaabanto dhegeysiga Dacwad loo haysto Taliyihii Qeybta 5-aad ee Ciiddankii Milliteriga ee xilligii Dowladda Kacaanka ee saldhigooda ahaa Gobalka W/Galbeed ee dalkeenna. Taliyahaasi oo lagu magacaabo Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Kolonel Tuke”, ayaa waxaa soo eedeeyey Faarax Warfaa, kaasi oo haatan ku sugan magaalladda Hargeysa, balse la filayo in inuu Fiiso Khaas ah ku tago dalka Maraykanka. Dhibanaha oo haatan 48 jir ah ayaa sheegay inuu Taliyahaasi jir-dil iyo toogasho u geystay bishii December ee sannadkii 1989-kii, isagoo xilligaas 17-jir ahaa. Waxa uu intaasi ku daray in isaga markii la toogtay in looga tegay sidii qof geeriyooday oo kale, waa sida uu hadalka u dhigay. Mar uu ka hadlayey sababaha loo xiray, loona toogtay waxa uu tilmaamay in isaga iyo dhallinyaro kale lagu soo oogay inay xadeen Booyad nooca ay Ciiddanka ku kaydsadaan Biyaha, oo ay Dagaalamayaashii Jabhaddii SNM-ta la tageen. Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Kolonel Tuke” oo isaga sannadkii 1990-kii Tababar Milliteri loogu qaaday Maraykanka, ayaa u sii gudbay dalka Kanada oo uu ka helay Magangelyo Qaxootinimo. Balse, Dowladda Kanada waxay Taliyahaasi hore dib ugu celiyeen Maraykanka sannadkii 1992-kii, kadib, markii ay qaar ka mid ah Warbaahinta Kanada baahiyeen inuu Kolonel Yuusuf Tuke horey Tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha ka soo geystay Somalia. Hay’ad fadhigeedu yahay Maraykanka oo lagu magacaabo Xarunta Caddaaladda iyo Isla-xisaabtanka (Center for Justice and Accountability),waxay Bilowgii sannadihii 2000-aadka waxay dabagal iyo baaris kula dhaqaaqeen Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Kolonel Tuke” oo lagu eedeynayey inuu galay Gaboodfalka Dembiy-dagaal, waxayna Xarunta soo ogaatay inuu Kornel Tuke yahay qof haysta Kaarka Cagaaran ee Maraykanka (US green card holder), iyo inuu ku nool yahay magaalladda Aleskandariya ee Gobalka Virginia iyo inuu Ilaaliye dhanka Ammaanka ku shaqeysto, oo inta badan ilaaliye ka ahaa Garoonka Diyaaradaha Washington ee Dulles International Airport. Si kastaba ha ahaatee, Dhibanaha iyo Eedeysanaha ayaa la filayaa inay weji-ka-weji uga soo hor muuqan doonaan bishan 13-da Maxkamadda Rafcaanka ee Heerka 4-aad ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka.
-
Wasiirka Gaashaandhiga UK oo xilka looga qaaday sir uu dusiyay Gavin Williamson ayaa la eryay xilka wasiirka gaashaandhiga ee UK kadib baaritaan lagu ogaaday in uu bixiyay sir qaran oo la xidhiidhta shirks Golaha Amniga Qaranka. War laga soo saaray xafiiska Raysal wasaare Theresa May ayaa lagu sheegay in Williamson uu lumiyay kalsoonida Raysal wasaaraha. Baaritaanka ayaa dabo-socda kadib markii dibada loo dusiyay xog la xidhiidhta in shirka telfoonada ee Huawei loo oggolaado UK si ay gacan uga geysato dhismaha adeegga internetka UK ee 5G. Williamson oo ahaa wasiirka gaashaandhiga ee Boqortooyada Ingiriiska ilaa 2017dii ayaa beeniyay in uu xogtaas dibada u dusiyay.Laakiin Raysal wasaare May ayaa u sheegtay wasiirka la eryay oo ay la kulantay xalay inay heyso cadeymo waa weyn oo muujinaya in uu yahay qofka xogta qarsoodida ah dibada dhigaya. Kahor inta aan xilka laga qaadin, wasiirka wuxuu diiday codsiga Raysal wasaaraha ee ahaa in uu iscasilo isaga oo sheegay inay taasi ka dhignaaneyso in uu aqbalay eedaha loo jeediyay. Wuxuu sheegay in uu kalsooni weyn ku qabi lahaa baaritaan qotodheer oo rasmi ah oo lagu ogaanayo qofka dusiyey sirta shirka golaha amniga qaranka. Penny Mordaunt oo horey u ahayd wasiirka horumarinta caalamiga ah ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee gaashaandhiga. Waxay noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee xilkaa qabata Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa si adag uga hadlay dilkii loo geystay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Somaliland. Mustafe Shiine ayaa Madaxweyne Biixi ku dhaliilay inuu xilka ka qaadi waayey Mas’uuliyiin uu sheegay inay ku fashilmeen sugidii Amniga, Isagoona ku tilmaamay xaalada deg-dega ah ee Muuse Biixi kusoo rogay deegaano katirsan Gobolka Sanaag, inay tahay mid indho-sarcaad ah oo ujeedo kale laga leeyahay. Mustafe Shiine ayaa sidoo kale wuxuu Muuse Biixi ugu baaqay inuu iska casilo xilka uu qaranka u hayo, isagoona ka dhawaajiyey inuu xilkii ku cuslaaday oo wadankiina uu galiyey xaalada adag oo halis ah, wuxuuna yiri: “Madaxweynuhu halkii uu amar bixin lahaa, isla markaana uu xilka ka qaadi lahaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyihii booliska, iyo cidii nabad-gelyadu khuseysay, maadama oo labadan Sarkaal muddo shan cisho ku dhow soo cabanayeen oo ay lahaayen waa nala dilaya ee la ogaa loona gurman waayey, halkii ragaana xilka laga qaadi lahaa, kuwii dileyna amar lagu bixin lahaa oo lasoo xidhi lahaa, ayuu wuxuu aayar iska yidhi bandow baan galinayna gobolka Sanaag, taasi oo aan u arko arrin indho-sarcaad loogu dhigayo eheladii Marxuumka iyo dadka guud ahaan reer Somaliland” “Labadaa nin ee la dilay anigu waxan u arkaa inay dileen dad daalimiin ah oo ka xaq-daran, laakiin waxan arkaya haddana dowladii iyo Madaxweynihii qaranka ee dayacay labadan nin amaankoodii intay noolaayen, inuu hadana uu rabo inuu nagu maaweeliyo bandow ban soo rogay iyo orod, halkii ay aheyd inuu talaabooyin qaado oo maantaba xilka uu ka dajiyo ragan dayacay ee ay u soo sheegen in la dilaayo”. “Markaa intii wax loo qaban lahaa intay noolaayen markii la dilayna, intay toos u abaari laheyd raggii dayacay ayaa qab-qab la doonaya iyo war-saxafadeedyo lasoo saaro oo gobol baa bandow la galiyay la yidhaahdo, iyada oo aan la eegayn waxa ka imanaya” Wuxuuna intaas kusii daray “Marka bandowga la galinayo waa xaalad nabad-galyo oo caam ah ama musiibo caama ay dhacdo, midna ma dhicin, dadka waxbaa laga qaban karaa, dadka wax dilay waa in lasoo qab-qabtaa, kuwa kale ee reeraha ah ee deegaanka wada dagan waa in talaabo adag laga qaada oo xukuumiya, looma baahna in lala wareego maamulka gobolka oo la yidhaahdo maayirka iyo badhasaabka waxa xilkoodi wadaya Taliyayaal, oo xukunka la rabo in dad loogu dhuunto, oo la xidh-xidho laguna tacadiyo, markaa wax ka weyn baa ii muuqda aniga, aan aheyn labada nin ee la dilay”. “Madaxweynaha waxaad mooda in xilkii qaranku ku cuslaaday, kursigii uu ku fadhiyayna uu ku balaadhay, waxaan odhan lahaa ha iska casilo xilka uu qaranka u hayo, ma wadi karayo hadey sidaa tahay, dalkiina halis buu maanta ku jiraa, inuu baaba’o”. Mustafe Shiine ayaa wuxuu ugu dambeyntii sheegay in Bandowga Madaxweyne Biixi ku soo rogey deegaanada katirsan gobolka Sanaag, in looga dan-leeyahay cabudhinta taageerayaasha xisbiga Waddani, wuxuuna yiri: “Malaha himika mucaaridada culus ee ka timid xisbiga Waddani baa la leeyahay taageeradiisa Gobolka Sanaag ku badan oo la doonaya in loo mar-marsiyoodo, talaabooyinka Waddani ku dhawaaqayo in aan la qaadin ayaa laga hortagayaa oo Militeri loo isticmaalaya”. “Madaxweyne Muuse Biixi waxaan u sheegayaa ciidanku wuxuu awood leeyahay intay cadaalad jirto, Hadii askariga taangiga uu wataa Madaxweynihiisu cadaalad darro sameynayo oo dulmi iyo kibir falayo, waxba tari maayo taangigaasi, waxa ku filan qoriga uu sito inanka u dagaalamaya xuquuqdiisa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Somaliland Muuse Waa Kaa! Waxaan canbaareynayaa, Xadhiga Xaqdarrada ah ee Damiirxumadda ah, ee loo gaystey Hooyooyinka Danyarta ah, ee caruurtoodda Magafe ku haysto Liibiya, waa wax laga yaqyaqsooddo, Gefkaa loo geystey hooyooyinkaa, wax soo moodey in Madaxweyne Muuse uu ka caawiyo Cabashadooda, Waxaa ku fileyd oo keli ah Hooyo waxba idiinma qaban karno. Caqligii iyo Garashadii meeday? waxaan canbaareynayaa Xadhiga Gudoomiyaha Dhalinyardda Xisbiga qaranka ee Waddani DHAMME, oo ah sarkaal Xasaanadd leh, oo Dembi looga Dhigayo aragtitaadda facebook aad ku qortey , Madaxweynaha ayaa ka Xanaaqey, Taloow Muuse ma Ogyahay in Dastuurka uu madaxweynaha ku yahay u baneeyey XORRIYADDA HADALKA Fadlan Sharafta Jamhuuridda barakeysan ee Somaliland ha ku cayaarina, waa la ogyahay inaan Shacabku aqbali karin KELITALIYE iyo CAR-JUUQ-DHEH. Waxaan Canbaareynayaa Xaaladda Degdegga ah ee la doonaayo in Gobalka Sanaag la Saaro, waa dhacdo ugub ah, muddo 30 sanno ku dhow oo Somaliland jirtey ma dhicin,waa sax in cadaaladda la hor keeno ciddii ka danbeysay dilkii labadda Sarkaal ee ciidanka Qarranka, tacsina waxaan u dirayaa ehelkee iyo qaraabaddii iyo qarranka somaliland. Laakiin fashilka sugidda amaankoodda waxaa leh cidda xilka u haysa qarranka. marxuumiintu allah ha u naxariistee waxay dalbaneey ciidaan xoojin ah, dheg jalaq looma siin. in markaa fashilka xukuumadda ummad dhan Xaalad Degdega loo Geliyaa waa xaaraan. Waxaan canbaareynayaa xadhiga cabudhinta, jidhdilka loo geysto, Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland, Xadhiga COLDOON waa sheeko Facebook oo muuse Ka xanaaqey Distoorka ayaa u baneeyey qofkasta oo Somaliland Xarriyadda HADDALKA, Waxaa yaab leh, in Xukuumadda Madaxweyne Muuse ay mashquul ku tahay Facebook, iyo maxaa la iga sheegay. Madaxweyne Muuse biixi, wuu ku fashilmey Taladda Dalka, Muuse ma aha Madaxweyne Qarran oo Aragti Fog leh. waa Hogaamiye Kooxeed, Muuse waxuu ku fashilmey hooyooyinkaa u soo caowdey ee la xidhxidhaayo, waa Ogtihiin talaabadduu qaadda waa fashil ceeb iyo fadeexad. Doorashooyinka waa ku fashilmey ma qaban karro,Dalkii xaaladd degdeg ah ayuu geliyey oon hore u dhicin GUUSHA madaxweynaha, qabyaaladd iyo kala qabinta shacabka somaliland, Hanti boob, Dhulka Ina xassan Dalab, SIXIR BARAR, Biyo la’aan jirta Xarrun Boqortooyo ka dhiso Xaafaddiina Xarraf, Xadhig, Cabudhin, Xaaladd Degdeg ah waddanka geli, Dadka qaar ku sheeg waa argagixiso, waa Somaliweyn, waxyaabaas iyo kuwa ka sii liita ayuu Madaxweynuhu GUUL u arkaa. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay tallaabo adag ka qaadeyso dadweynaha xiriirka la leh Al-shabaabka dagaallada iyo afduubka ka geysta Gobolka Soomaalida. Maxamuud Biriq oo ah madaxa amniga Gobolka Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay in dadka shaqsiyaadka ama kooxaha taageerada farsamo u fidiya ay wajihi doonaan awoodda sharciga Kenya. Maxamud waxaa uu sheegay in dhawaan Ciidamada oo Roondo ka sameynayay Keynta Boonu ay gacanta ku dhigeen 20 caagadaha Jiirigaannada ah oo Cunto laga buuxiyay kuwaas oo dhulka lagu qariyay. Biriq ayaa sheegay in jirigaannada ay ku jireen Saliid, Sokor, Bariis, Digir iyo cuntooyin kale,kuwaas oo uu sheegay in shaqsiyaad degaanka ah ay u qarinayeen AL-shabaab. Waxaa uu maamullada degaanka u sheegay in ay yihiin Indhaha dowladda,waxaana uu ka dalbaday in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan. Maxamuud ayaa intaas ku daray in Al-shabaab ay ka faa’ideystaan xilli roobaadka oo ay fursad u helaan in dhul ballaaran ay ku lugeeyaan maaddaama Ciidamada dowladda aysan gaari karinwaddooyinka qaar ee burbursan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Ma Dhabaa In Badhasaabkii Gobolka Awdal Saqdii Dhexe Ee Habeen Hore Tikniko Lagaga Soo Guureeyay Boorama?, Dhaawac Noocee Ah Ayayse Arintaasi Dawladnimadda Ku Keenaysaa?. Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhay xarunta Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa noo xaqiijiyay in Habeen hore saqdii dhexe gaadiid Tikniko ah lagaga soo guureeyey Badhasaabkii Gobolkaasi Cabdi Shaqaabe. Arintan ayaa la ogaaday, islamarkaana soo shaac baxday kadib markii ay Shalay Warbaahinta Gobolkaasi ka hawlgashaa tagtay Xafiiska Gobolka Awdal si ay u soo xaqiijiyaan jiritaanka warkaasi, kadib markii uu Badhasaabku dadka telefoonka kala hadla uu u sheegayay inuu ku sugan yahay Boorama oo aanu dhanna uga bixin, waxaanay soo ogaadeen in Badhasaabkii iyo dadkii ehelkiisa ahaa ee halkaasi kula sugnaa in Habeen hore saqdii dhexe gaadiid tikniko ah guuri lagaga soo saaray Boorama. Arintan ayaa sida wararku ay sheegayaan ka dhalatay kadib markii laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Somaliland oo kasoo jeeda Gobolkaasi dil foolxun Doraad loogu gaystay Degmooyinka Gar-Adag iyo Ceel-Afweyn, islamarkaana ay dilkaasi fuliyeen maleeshiyo hubaysan oo ay isku hayb yihiin Badhasaabka Gobolkaasi Cabdi Shaqaabe, arintaasina ay saamayn kuyeelatay Amniga Badhasaabka, sidaana ay Xukuumaddu guure ugaga soo saartay Boorama. Haddaba waxay la isweydiinayaa, saamayn noocee ah ayay Talabadani ku yeelanaysaa Geedi socodkii iyo hanaankii horusocod ee Dawladnimada Somaliland. Waa markii ugu horaysay ee ay arin noocan oo kale ah ka dhacdo Somaliland intii ay jirtay. Dhinaca kale dad Hargeysa ku arkay badhasaabka ayaa shabakadda Wararka ee Caroog u xaqiijiyay. Qaran News
-
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ay Horyaalaan Laba Go’aan Oo Adag Inuu Qaato, Kuwaasi Oo Sahli Kara Inuu Isku Badbaadiyo, Kagana Baxo Xaaladda Adag Ee Soo Waajahday (Maxay Yihiin?”. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa horyaala labad daran mid uun inuu qaato kuwaasi uu kaga gudbi karo caqabadaha Amni iyo inuu dalka ku soo dabaalo Xaalad deganaanshiyo ah. Madaxweyne Biixi ayaa ka fiirsanaya inuu labaddan go’aan ee horyaala uu mid uun qaato kuwaasi oo ka dhashay xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay. Madaxweyne Biixi ayaa war horyaala 1- Inuu Xilka ka Qaado Wasiirkiisa Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed Iyo Inuu waayo Kalsoonidii Reer Awdal ay Ku Qabeen Dawladdiisa. Labadan go’aan waa kuwo si gaar ah isha loogu hayo inuu ku ciiro saaxiibkiisii ay muddada dheer soo wada shaqaynayeen, Kursigan uu ku fadhiyo Muuse Biixi-na nafhur badan usoo galay iyo inuu isku diyaariyo buuq aamin daro oo kaga yimaada Shacbiyadda Gobolka Awdal. Arintan ayaa salka ku haysa oo ka dhalatay laba Sarkaal oo kasoo jeed Gobolka Awdal oo si foolxun ay maleeshiyo beeleed ugu dileen Degmadda Gar-Adag iyo Ceel Afweyne, dadkaasi oo ay ehel dhaw yihiin Wasiir Maxamed Kaahin. Sidoo kale Wasiir Maxamed kaahin ayaa aad loo saluugsan yahay doorkiisii masuuliyadeed uu ee saraakiishaasi ku bad baadin lahaa maadaama oo ay muddo saddex cisho ah kasoo gar gaar dalbayeen, waxaanay qabaan reer Awdal inuu Wasiirku door shariif ah ku leeyahay foolxumada dhacday, iyagoo eedayn u soo jeediyay Wasiirka. Dad badan ayaa aaminsan inuu Muuse Dawladdiisa ku badbaadin karo inuu Xilka ka qaado Maxamed kaahin si uu uga fakado kalsooni daro kaga timaada Dadyawga Gobolka Awdal oo isku xidhay inuu Muuse Biixi kala doorto inuu go’aan cad oo uu ku bogsiinayo arintan dhacday ku talaabsado iyo inay Reer Awdal go’aan ka qaataan Guud ahaa Qadiyadda Somaliland sida ay Warbaahinta ka sheegeen. Waxay reerkaasi hore u tabanayeen arimo door ah oo Magaca Somaliland kaga yimid oo ay samir ku badesheen, taasi oo ay saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta lasoo fadhiisteen. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyayaasha ciidamada Somaliland ee Milatariga iyo Bileyska ayaa goordhoweyd warbaahinta la hadlay, iyaga oo sheegay inay sida ugu dhakhsaha badan ay u fulinayaan go’aankii Madaxweynaha Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay xaalad deg deg ah kusoo rogey deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo bilihii u dambeeyay ay ku soo noq-noqonayeen falal Amni-darro. Taliyaha Ciidamada Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taan iyo Taliyaha ciidamada Bileyska Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo maanta sida wada-jir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in cid kasta oo ka hor timaada awaamiirtaasi ay talaabo sharci ah ka qaadayan. Taliyayaashan ayaa sheegay in Saddexdaasi degmo ee xaalada deg-dega ah lagu soo rogay ay ka shaqeynayaan amarada ciidamada oo kaliya, iyagoona faray dadweynaha deegaamadaasi inay u hogaansamaan awaamiirtaas. Taliye Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ugu horeyntii ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa wuxuu yiri “Maadaama oo ciidamada loo xilsaaray nabadgalyada guud labadan ciidan iyo ciidamada kale ee qalabka sida iyo kuwa kale ee amniga iyagoo dhamaantoodba iskaashanaya oo gacan kala helaya inay hawlgal adag si ay nabadgalyada u sugaan ay galaan heegankaa”. “Ciidamadu waxay qaban karaan oo ay xayiri karaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka cid kasta oo looga shakiyo inay nabadgalyada khatar ku tahay. Waxay qaban karaan cid kasta oo ciidamadaa amniga sugaya is-hortaagta ama ficilo borobogaandhe ah ama kicin ah ku kacda”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa degmo kasta maamulkeeda iyo hawlaheeda gacanta ku haynaya saddexdaa bilood ciidamada qalabka sida ee ciidanka Milatariga iyo ciidanka Bileyska oo hay’adaha kale ee amniga kaashanaya, sadexdaasi degmo ay amarka u qaataan sida loo siiyo”. Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Milatariga Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo sidoo kale isagna ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa wuxuu yiri “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu soo saaray xeer saddex degmo oo gobolka Sanaag ah xukun degdeg ah lagu soo rogay mudo saddex bilood ah, runtii dhulkaasi qaarna Sanaag yihiin qaarna Sool yihiin ilaa 2017 dhibaato ayaa ka taagnaa”. “Intaaba ciidamada somaliland haday bileys yihiin iyo haday milatari yihiinba hawl badan ayaa ku baxday oo dhib badan ayaa naga qabatay, dawladduna dhaqaale badan ayay galisay”. Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
-
Kooxda Barcelona ayaa lug lagashay kama dambeynta (final-ka) tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga. Barcelona ayaa cashar lama ilaawaan ah gagideeda Camp Nou ugu dhigtay kooxda Liverpool, kadib markii ay 3-0 ugu awood sheegatay kulankii lugta hore ee afar dhamaadka tartankan, iyadoo Lionel Messi-na uu wacdaro dhigay. Luis Suarez Luis Suarez ayaa goolka furitaanka qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay kooxdiisa Barcelona, halka Lionel Messi uu laba gool raaciyay qeybtii dambe, waxayna ahayd markii ugu horeysay oo Messi gool ka dhaliyo Liverpool. Lionel Messi Sidoo kale Messi ayaa kulankan gaaray goolkiisii 600 ee heerka kooxaha, wuxuuna barbareeyay Cristiano Ronaldo oo dhawaan gaaray. Kooxda Liverpool ayaa sameysay isku dayo dhowr ah oo qaarkood goolal loo filan karay, balse ma dhicin in ay soo taabato shabaqa Barcelona. Barcelona oo rajo weyn ka qabta in ay u soo baxdo kama dambeynta tartankan, ayaa kulanka dambe tagi doonta gagida Anfield, inkastoo Liverpool ay rajadeedu aad u liidato, hadana wax walba waa dhici karaan. Labadan kooxood ayaa kulanka dambe ciyaari doona todobaadka dambe maalinta Tallaadada 7-da bishan May 2019. PUNTLAND POST The post Barcelona oo u awood sheegatay Liverpool appeared first on Puntland Post.
