Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,337
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Pakistan)-Ciidamada millatariga Pakistaan ayaa sheegay in ay bilaabeen darbi dhirirkiisa gaadhayo 50-kilometer oo lagu xidhayo xadka u dhaxeeya Iiraan iyo Pakistaan si loo xoojiyo Amniga. Moazzam Jah Ansari ayaa Jimcihii shalay ka hor sheegay xarunta baarlamaanka in mashruuca lagu dhisayo darbiga u dhaxeeya Gobolka Balochistan iyo Sistan iyo Baluchestan oo dhaca Iiraan lagu dhamestiri doono mudo sadex ama afar Sano Ah. Dhanka kale sargaalkaan ayaa sheegay in milatariga Pakistaan ay howlgalo ka bilaabeen gobolka Balochistan oo ay ku dileen 15 Dagaalyahan. Iiraan iyo Pakistaan ayaa bilaabay iskaashiga lagu xoojinayo amniga xadka labada dal kadib weeraro bilihii la soo dhaafay lagu dilay ciidanka amniga ee Dalalkaan. Wasiirka arimaha dibeda Pakistaan Shah Mehmood Qureshi ayaa sheegay bishii la soo dhaafay in xukuumada Islamabad ay bilowday dadaalo lagu xoojinayo Amniga Xadkeeda. Source
  2. Garowe (SMN) – Maxkamadda darajada 1-aad ee G/Nugaal ayaa maanta xukun adag ku riday rag loo heysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas oo 12 jir aheyd. Illaa toban eedeysane oo lala xariirinayo falkaasi ayaa la soo hor istaajiyay fadhiga maxkamadda. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal Sheekh Cabdinuur oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in saddex ka mid ah raggaasi lagu helay Kiiska Caa’isho, halka 7 kale la sii daayay, kadib markii lagu waayey wax dambi ah. Saddexda qof oo lagu xukumay dil toogasho ayaa kala ah Cabdifataax Cabdiraxman Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige. Xukunkan ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in uu ka furan yahay Racfaan, haddii aysan eedeysanayaasha ku qanacsaneen go’aanka maxkamadda. 25-kii Febraayo ee sanadkan ayey aheyd markii Marxuumad Caa’isho Ilyaas Aadan Meydkeeda la soo dhigay afaafka hore Gurigooda oo ku yaallay M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, inkastoo markii dambe Qoyskeedu ay isaga guureen halkaasi. View the full article
  3. Maxkamadda Derajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa goor dhow waxa ay xukun dil ah ku riddey Saddex ka mid ah 10-kii qof ee loo haystay dilka iyo Kufsiga Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar 11-sano jir ah. Guddoomiyaha Maxkamaddan, Sheekh Cabdinuur ayaa ku dhowaaqay xukunkan, waxaana dadka dilka lagu xukumay ay kala yihiin. C/fitaax C/raxmaan Warsame C/salaan C/raxmaan Warsame C/shakuur Maxamed Dige Maxkamadda ayaa fasaxday 7-dii kale ee kiiskan loo haystay, iyadoo dhanka kalena sheegtay in racfaan uu ka furan yahay muddo bil ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Garowe (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee dagmada Garowe Shiikh Cabdinuur ayaa Ku dhawaaqday go’aanka Maxkamada ee Ku Aadan Kiiska Caaisho Ilyaas Aadan. Waxaana seddex Eedaysane ee kala ah Cabdifataax Cabdirahman Warsame,Cabdisalaan Cabdirahman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige waxaa lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso Punland. Dhageysiga dacwadaan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka socotay deegaanada maamulka Puntland. Garsoorku waxa uu sheegay in Xukunka uu ka furan yahey Racfaan mudo Bil ah. Waxaa kale oo ay Maxkamadu fasaxdey 7 kale ee Eedaysanayaasha ahaa oo ay Ku tilmaamtey kuwo aan danbi lahayn. Qoyska Caaisha ayaa ka guuray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyagoo sheegay inay cadaalad ay ka waayeen Deegaanada Puntland, iyaga oo u guuray dalka Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  5. Dowladda Kenya ayaa ka hadashay sababtii ay u joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kaa oo loo wareejiyey dhanka magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya. Kabtan Gilbert Kibe, agaasimaha guud ee hay’adda duulimaadka rayidka Kenya ayaa sheegay in sababo amni darteed ay duulimaadayada Wajeer ugu wareejiyeen waa sida uu hadalka u dhigaye. Kibe oo la hadlay wargeyska lagu magacaabo The Nation ayaa wuxuu sheegay in duulimaadyadaasi ay hakiyeen illaa 9-ka bisha August, kadibna ay dib u eegis ku sameyn doonaan si loo gaaro go’aan ah in la bilaabiyo iyo in sidan ay ku wadaan. Kenya ayaa u muuqata mid ka baxday heshiisyadii horey ay ula gaartay DFS, iyadoo DFS arrintasi ku tilmaantay mid siyaasadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in uu dhintey taliyahii ciidanka xasilinta magaalada Gaalkacyo Dhamme Khaliif Nuur Shiil. Rag hubesan ayaa isaga oo kasoo baxay masjid ku yaalla magaaladaasi oo uu kusoo tukaday Salaadda Taraawiixda dhowr xabad ku dhuftay, hase ahaatee ugu dambeyn dhaawicii soo gaaray ayuu u dhintay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan Gaalkacyo. Dhanka kale, ciidamada xasilinta Gaalkacyo ayaa maanta waxa ay wadaan howlagal ballaaran oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka magaalada, kuna raadinayaan raggii dilay taliyahooda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Maxkamadda derajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa waxaa la filayaa in maanta ay go’aan ka gaarto 10 nin oo ku eedeysan dilkii iyo kufsigii magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar yar oo 11-sano jirtay. Shalay ayaa maxkamadda waxaa la horkeenay eedeysanayaasha kiiskan, kuwaasi oo su’aallo badan halkaasi lagu weydiiyey, iyadoo dhanka kalena ay jiraan baaritaanno la sameeyey. Maxkamadda ayaa deegsaneysa baaritaan DNA ah, iyadoo loo yeeray madaxa xarunta baarista denbiyada ee Forensic Lab si ay u caddeyaan baaritaanka dheecaannada laga qaaday ragga xiran, kaasi oo ah hidde side. Kiiska Caa’isha ayaa muddo soo jiitamayey, waxaana maxkamadda looga fadhiyaa go’aan kama dambeys ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee dagmada Garowe Shiikh Cabdinuur ayaa Ku dhawaqay go’aanka Maxkamada ee Ku Aadan Kiiska Caasho Ilyaas Aadan. Waxaana 3 Eedaysane ee [...] Source
  9. Berribaa waxa saaxiib aad isugu dheer ahaa laba sheekh ama caalim oo la kala odhan jirey SHAQIQ AL BULAKHI iyo IBRAHIM IBNU ATHAM. Shaqiiq Albulkhi ayaa ku yidhi Ibrahim Ibnu Adham “Ibrahimow saxiib waxaan doonayaa inaan shaqo tago oo waan dhoofayaa muddo dheerna waan maqnaanayaa ee sidaa igu ogow saaxiib”. Ibrahim Ibnu Adham oo aad u dareemaya boholyowga ku dhici doona marka uu saaxiibkii tacaniro ee uu ka fogaado ayaa ku yidhi saaxiibkii “ Ilaahay haku nabad yeelo Shaqiiqow waan dareemi doontaa fogaantaa aad iga fogaatay” wuuna macasalameeyey saaxiibkii. Shaqiiq Albulakhi kabaha ayuu iladay oo daabadii uu watay wuxuu u jeediyey xagii uu shuqulka ama shaqada ka doonanaayey wuuna jarmaaday markii uu cabaar socday ee uu dhawr caano maal socday ayaa uu geed hoos fadhiistay isagoo inuu yara nasto doonaya, geedkii wuxuu ku arkay shimbir labada baal mid jabanyahay, lug la’ , buulkeeda aan ka baxayn. Inyar ka dib waxa u timid shimbirtii shimbir kale oo afka wax ku sida waana ay dul fadhiisatay iyadoo afka ugu guraysa. Intaa ka dib Shaqiiq aadbuu isu bedelay wuxuuna bedelay go’aankiisii ahaa inuu shoqo tago waxana xiskiisa kusoo sunsumay ama kusoo degdegay go’aano uu naftiisa ku odhanaayo “waar Shaqiiqow shimbirtaa ma arkeysaa baalka la, lugta la, waaka Ilaahayba halkaa ku quudiyee adigana wuu ku quudino waxna ha shaqo tegine iskaga noqo dhulkaagii”. Muddo ka dib waa aduunyo iyo arimihiise wuxuu soo joogsaday halkii uu ka dhaqaaqay muddo ka hor.Markiiba waxa isha ku dhuftay oo u qaadan waayey oo ay af-kala-qaad ku noqotay rafiiqiisii IBRAHIM IBNU ADHAM markii uu arkay saaxiibkii oo caafimaad qaba, belo shidaysay aan sheegayn. waxaana uu ku yidhi “ saaxiib maxaa ku helay sowdigii jarmaaday ee inaad shuqul doonato wadnahaaga gallowda uga gooyey”. Shaqiiq waxa uu ku yidhi saaxiibkii “ saaxiib waa runtaa laakiin anigoo dhabihii shaqada igeyn lahaa tooraynaaya ayaa waxa i qabatay cadceed kulul oo waxaan hoos fadhiistay geed. Markii aan geedkii hoos fadhiistay waxaan arkay shimbir baal jaban, lug la’, oo fadhiida oo aan kici karayn, inyar ka dib waxaa u timid shimbir caafimaad qabta oo firfircoon waxa ayna wax siinaysay shibirtii bugtay, markaas ayaan is idhi walaahi ilaahay waakaa shimbirtaa baalka jaban ee lugaha la ee bugtayba halkaa ku quudinaayee maxaad isla daalini, adba waa lagi quudine iska noqo waxna ha is hawline.” Ibrahim markuu saaxiibkii intaa ka dhagaystay ayuu ku yidhi “ Saaxiib oo maxaad u dooratay shimbirta lugta la’ ee bukaanka ah oo aad u dooran weyday inaad noqoto ta caafimaadka ee firficoon ee wax quudinaysa.” markii ayuu shaqiiq go,aansaday inuu shaqaysto oo aanu cid wax ka sugin laakiin isagu uu noqdo ku dadka wax siiya. DABAYAAQADII Mar walba waa in aynu dooranaa xaga sare oo aynaan dooran xaga hoose. mar walba waa in aynu shaqaysanaa oo aynaan qayrkeen baryin. Qalinkii Cabdi Cawiye +252634115877 Hargeysa Somaliland Qaran News
  10. Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalin oo wax badan kala socda siyaasadda dalka ayaa nasiib darro ku tilmaamay fashilkii ku yimid shirkii Garoowe uga socda madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada. Waxa uu tilmaamay in magaalada Garoowe ay isugu tageen madax isku carreysan oo markii horeba la fileyn iney wax xalliyaan. Si gaar ah wuxuu aqoonyahan Caalim u dhaliilay madaxda dowladda federaaka oo uu tilmaamay in looga baahnaa isku tanaasul. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/WAREYSI-CAALIM.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Garowe (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland C/Xakiin Dhoobo Daareed oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay najiito xumadii kasoo baxday shirarkii Garowe. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in shirarkii magaalada Garowe ay ahaayeen kuwo looga hadlayay masiirka ummadda Soomaaliyeed islamarkaana ay muhiim u ahaayeen Shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in lagu daro guddoomiyaasha Baarlamaanadda maamul goboleedyada, si ay qeyb kaga noqdaan xal u raadinta danaha shacabka Soomaaliyeed. C/Xakiin Dhoobo Daareed ayaa sheegay in maaddaama Madaxda sare ee dalka ay heshiis gaari waayeen ay muhiim tahay in talada lagu daro golayaasha xeer dejinta ee dalka. Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland C/Xakiin Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirka Garowe ee fashilmay uusan noqon mid halkaas ku dhamaada ee ay isku soo laabtaan hoggaanka ugu sarreeya dalka. Guddoomiye Dhoobo ayaa sidoo kale ku baaqay in shirarka siyaasadeed ee looga hadlayo masiirka dalka ay muhiim tahay in lagu daro guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad Goboleedyada halkii ay ka qeyb geli lahaayeen madaxda fulinta kaliya. C/Xakiin Dhoobo ayaa sheegay in maaddaama Madaxda sare ee dalka ay heshiis gaari waayeen ay muhiim tahay in talada lagu daro golayaasha xeer dejinta ee dalka. Waxaa kale oo uu sheegay in iyada oo xilli adag lagu jiro haddana ay dowladdii iyo dowlad Goboleedyadii ay siyaasad isku mari waayaan ay ayaan darro tahay. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  12. Gaalkacyo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa ku warramaya in goor dhow uu geeriyooday taliyihii Ciidanka Xaslinta Gaalkacyo Khaliif Nuur Shiil, kaas oo xalay kooxo hubeysan ay ku dhaawaceen gudaha magaaladaasi. Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga taliyaha ayaa ku dhintay Isbitaal lagu daaweynayay oo ku yaalla degmada Gaalkacyo ee xarunta G/ Mudug. Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa xalay toogtay Marxuumka, xilli uu ka soo baxay Salaada Taraawiixda. Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa saaka howlgallo ka sameeyay halkaasi, mana jirto cid ay u soo qabteen toogashadaasi. Muddooyinkii dambe ammaanka Gaalkacyo ayaa ahaa mid dagan, waxaana howlgallo ka waday Ciidamada Xasilinta ee loo sameeyay magaaladaasi. View the full article
  13. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shir jaraa’id qabtay waxyar kadib markii uu ku laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay in dalkan aanu lagu maamuli karin fikir hal aqof. Mr. Madoobe oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Maxaa ajende ah oo aan ka wada hadleynaa, waayo waxa ugu muhiimsan waa siyaasadda aan meel ku ogaanno, waxaa asal ah Soomaaliya maanta ma joogto xilli hal qof, hal fikir iyo hal calan looga talin karayo, wax la isku uruurinayo, oo hadda la yagleelayo weeye, sidaasi darteed Soomaaliya ma noqon karto meel qof aragtidiisa ay wax ku noqon kareyso. Dhinaca kale waxaa uu ku dheeraaday ajendaha shirka sida uu ahaa: Ajendaha shirka dhexdiisa ayaan ka sameyney, (1). In la helo gole siyaasadeed oo dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah fulin ahaan la isku wareysto, oo looga tashado, haddii aan mar walbo la wada joogin, qofna keligiisa waxba ma qaban karo, taas oo aan wax u dhimeyn golihii amniga, waa uu sii jirayaa, waana ka hoos shaqeynayaa. (2). Arrinta Galmudug, oo aheyd mid aad iyo aad xasaasi u ah oo sidii Ahlu sunna ay isugu darsameen iyo Galmudug oo khilaaf badan oo dowladda federaalka ah iyo wax badan la tabanayey, in iyadana aan la sal gaarno, oo laga gaaro xal dhab ah, maamulka Galmudug diyaar u ahaa in la tixgeliyo heshiiskii Djibouti iyo dastuurka Galmudug. (3). Xeerar loo gudbiyey baarlamaanka oo ay ka mid ahaayeen doorashooyinka iyo shidaalka in la soo celiyo, oo aan ka wada hadalno. Ra’yiga aan leennahay aan ku darno. (4). In la qeexo wada shaqeynta wasaaradaha dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada (5). Sida loo qeybsano deeqaha (6). Dhameystirka dastuurka, oo noqdey mid jeebka lagu wato, oo in loo helo dad badan madaxbannaan, oo waqti la siiyo, kadib loo bandhigo dowlad goboleedyada iyo shacabka. (7). Maqaamka ay yeelaneyso caasimadda Muqdisho. Hubaal waxaa ah Muqdisho caasimaddii JFS, asal bey u aheyd, haddii aan la qeexin caasimadda maqaamkeeda, oo si siyaasi ah in looga hadlo, heshiis siyaasadeed iyo mid dastuuri ah wax mar walbo ku jireysaa mugdi, dad reer Muqdishuna waxaa ka maqnaanaya xuquuq dastuuri ah, oo Maayerkeeda la doorto, xuquuqdeeda la ogaado. (8). La dagaalanka argigixisada, waxaa ay noqotay, oo hadda cid walba sidii ay rabto wax u xaliso. (9). Wada hadalka Somaliland waxaa ay u baahantahay in si dhab ah looga wada hadal, Soomaaliya waa isu baahan tahay. In la qeexo, oo laga howgalo arrinta Somaliland. Ugu dambeyntii, madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in aan la ogeyn cidda dalka ka talisa “Waxaa nasiib darro, madaxda dowladda federaalka ah uma soo diyaar-garoobin ajendahaas, waxaa ku adkaatay in ay aqoonsato dhibaatada, waxaan ka hadalnay arrimaha shidaalka, doorashooyinka waa masiiri, waxaa nasiib darro ah in aanan garaneyn cidda wadanka xukunta iyo cidda mas’uulka ah, oo kii ugu sareeyay marka aad la fariisato uu leeyahay talo ayaan dib ugu noqonayaa, waayo, madaxda dowlad goboleedyada, madaxweynihii dowladda federaalka ah iyo ra’isul wasaarihii inta la fariisto la leeyahay cid kale ayaa talo lagu celinayaa, waxaan dhihi karnaa shirkaas waxaa ku soo dhammaadey si natiijo la’aan ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Khaliif Nuur Shiil oo ahaa madaxii howlgalada ciidamada isku dhafka gobolka Mudug ayaa u geeriyooday dhaawac ay xalay u geysteen kooxo heysan oo aan haybtooda [...] Source
  15. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo afur iyo casho sharaf u sameeyey Madaxda Soomaaliyeed ee ku sugan Puntland, gaar ahaan Caasimadda Garoowe. Hadhimo [...] Source
  16. Garowe (SMN) – Cabdixakiin Maxamed Axmed “Dhoobo Daareed” Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland oo ka hadlayay shirkii lagu kala tagay ee magaalada Garowe ayaa nasiib darro ku tilmaamay arrintaasi. Guddoomiyaha ayaa ku nuux nuuxsaday in kulamada kale ee la isugu imaan doono loo baahan yahay in kaalintooda ay qaataan Baarlamaanada heer federal iyo heer dowlad goboleed eedalka. Sidoo kale waxa uu ku baaqay in la muujiyo dulqaad iyo tanaasul, si aan dalka aan dib loogu celin marxaladii kala duwanaa ee uu soo maray. Shirkii Garowe oo socday muddo lix cisho ayaa shalay lagu kala tagay, iyadoo aan la gaarin wax natiijo ah. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Seddex maalin ka hor Sagaalkii Bishaan May dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi. Go’aankaasi ayaa waxay Kenya ku sheegtay in diyaaradaha ka yimaada magaalada Muqdisho lagu baari doono magaalada Wajeer, iyadoo arintaasi loo sameeyay sabab dhanka amaanka ah. Muddo labo Saacadood oo baaritaan ah ayay diyaaradaha kusii maraan garoonka diyaaradaha ee Wajeer, waxaana waaxda amaanka ee saadaasha Hawada Kenya ay sheegtay in sabab amaan go’aankaasi loo qaaday. Dowladda Soomaaliya ayaa go’aanka Kenya ku tilmaantay mid siyaasadi ka dambeyso oo aysan sax ahayn sheekada amniga la xiriirta, amniga Garoonka Aadan Caddena suganyahay. Haddaba sidee loo sugaa amniga Garoonka Aadan Cadde? Marka hore waxaad mareysaa baaritaan gacanta ah oo ay sameynayaan Boolis Soomaali ah. Waxaa ku xiga baaritaan ay sameynayaan AMISOM oo isna gacanta iyo jirka ah. Waxaa ku xiga baaritaan AMISOM oo qalabka qaraxyada ka hor taga iyo iskaan ah. Waxaa ku xiga baaritaan ay sameynayaan Booliska Soomaaliya, AMISOM iyo Eeyo, markan waxaa la baarayaa Boorsooyinka . Waxaa ugu dambeeya baaritaan ay sameynayaa Askarta ka socota Turkiga,waxaa ay baarayaan Boorsooyinka, iyaga oo adeegsanaya qalab casri ah. Waa qaabka uu maro baaritaanka dadka iyo agabka ay wataan ee sida joogta ah uga baxa Magaalada Muqdisho, waxaa intaas dheer in duullimaadyada ka dhoofa Aadan Cadde aysan ahayn kaliya Diyaaradah taga Kenya waxaase jira Diyaaradaha Ethiopian Airline oo toos Adis ababa u tagta. Waxaa kale oo jira Turkish Airline oo sidoo kale toos u aadda dalka Turkiga,waxaa ku soo xiga diyaaradda Qatar Airways oo dhawaan duullimaadyo toos oo Doxa iyo Muqdisho bilaabeysa kuwaas oo noqonaya todobaadkii saddex maalin. Haddaba waa maxay Kenya waxaa ay ka baqeyso ee aysan ka baqeyn Qadar, Itoobiya iyo Turkiga?. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabelle, ku baratamay degmada Shibis ee gobolka Banaadir iyo deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud. Labadan koox oo ku wada jiray Group-ka C ee tartanka ayaa soo bandhigay tartan aad u qiimo badan, waxaana ay galeen barbar dhac. Shibis ayaa la timid 14 buundo, hayeeshii guddiga ayaa ka jaray 2 dhibcood, kadib markii ay ku xadgudubtay anshaxa barnaamjika, sidaasina waxa ay ku heshay 12 dhicood. Sidoo kale Bargaan ayaa keensatay dhibco gaaray 12, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga tartanka Maxamed Axmed Jimcaale. Caawa tartan aqooneedka faca weyne ee Shabelle waxaa ku ballsan degmooyinka waa weyn ee Wadajir iyo Waabari oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coc-Cola. View the full article
  19. Nairobo (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay Saacado kadib sabab yaableh u yeshay joojinta diyaaradaha ka taga magaalada Muqdisho ee sida toos ah u tagi jiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Sarkaal ka tirsan waaxda badbaadada Hawada dalka Kenya ayaa shaaciyay in sabab la xiriirta dhanka amaanka loo joojiyay diyaaradaha ka tagayay magaalada Muqdisho ee tagayay magaalada Nairobi. Sarkaalka oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in sababta dhanka amaanka ah ay keentay in diyaaradaha ka yimaada Somalia lagu baaro garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer. Kenya ayaa seddex maalin ka hor cadeysay inay joojisay diyaaradaha tooska u tagi jiray garoonka Jommo Kenyatta, islamarkaana lagu baari doono magaalada Wajeer. Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysay go’aanka dowladda Kenya ayaa sheegtay in amaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho uu ka wanaagsan yahay garoomo badan oo gobolka ku yaala. Dowladda Soomaaliya gaar ahaanna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Omaar ayaa sheegay in go’aanka Kenya ay ku soo celisay xayiraadda duullimaadyada Garoomada Aadan Cadde iyo JKIA ay tahay mid siyaasadi ka dambeyso. Lama oga go’aanka xiga ee ay dowladda Soomaaliya qaadan doonto. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  20. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay is rasaaseyn khamiistii la soo dhaafay Ciidamada Jubbaland iyo Ilaalada Musharrax Caddinaasir Seeraar ku dhex martay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Axmed Madoobe ayaa marka hore sheegay in uu aad uga xun yahay shaqaaqadaasi oo ay ku dhaawacmeen illaa 3 Askari oo ka mid ahaa Ilaalada Musharraxaasi. Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Musharrax Seeraar in uu carqalad cusub ka abuurayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka digay in mar kale ay dhacdo shaqaaqo la mid ah tii Garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. View the full article
  21. Gaalkacyo (SMN)– Ciidamada Xaslinta iyo kuwa ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa saaka howlgallo ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada ayaa yimid, kadib markii xalay magaaladaasi lagu dhaawacay Taliyaha Ciidanka Isku Dhafka ee magaaladaasi Khaliif Nuur Shiil. Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay toogteen Taliyaha, xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka oo AAN la xariirnay ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan Raggii ka dambeeyay falkaasi. Muddooyinkii dambe ammaanka Gaalkacyo ayaa ahaa mid dagan, waxaana howlgallo ka waday Ciidamada Xasilinta ee loo sameeyay magaaladaasi. View the full article
  22. Muqdisho ( SMN)- Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-12052019.mp3 View the full article