Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar rag ku labisan dareeska ciidamada booliska ay ku qaadeen xarunta TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho. Weerarka oo saacado kooban socday, ayaanan la ogeyn waxa ka dambeeyay balse ciidamada ayaa la sheegay inay iska dhigeen waaxda canshuuraha ee dowladda Hoose, iyaga oo doonayay inay gudaha TV-ga galaan. Kadib ciidamada ilaalada TV-ga ayaa la sheegay inay isku dhaceen, waxaana daqiiqado kooban dhexmartay israsaaseyn xoogan. Shaqaalaha TV-ga ayaa sheegay in hal ruux laga dhaawacay kooxda weerarka qaaday, waxaana la qabtay dhamaan dadka weerarka qaaday oo la sheegay inay lix ruux ka koobnaayeen. Ciidamada ilaalada madaxtooyada oo u dhow xarunta TV-ga Universal ayaa la sheegay inau gurmad sameeyeen, taasi oo sahashay in la qabto dhamaan dadka weerarka soo qaaday oo aan la xaqiijin halka ay ka tirsan yihiin. Ciidamada booliska ayaa la sheegay inay doonayeen agaasimaha Universal ee magaalada Muqdisho, lamana sheegin waxyaabaha ay ka doonayeen. Lasoco waxii kusoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilalka ka qaaday wasiiro lagu eedeeyey musuq-maasuq, isaga oo sidoo kale magacaabay wasiiro cusub, agaasimayaal iyo wakiilo Somaliland u fadhinaya qaar ka mid ah dalalka caalamka. Hoos ka aqriso wareegtada kasoo baxday Muuse Biixi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-286/032019, uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiradda Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo); Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle; Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Ku: Maxamed Muuse Abees Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa: 1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka. 2. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga. 3. Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Agaasimeyaasha Guud Ku: Jamaal Cabdilaahi Muxumed Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga Ku: Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Ku: Cabdikariim Xuseen Siciid Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wakiilada Ku: Xasan Hirad Yaasiin Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta Ku: Ayaanle Salaad Diiriye Wakiil Ku Xigeenkii hore ee Somaliland ee Dalka Kenya Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. Magacaabida Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga 2. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka 3. Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda 4. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka 5. Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka 6. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah 7. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha 8. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka 9. Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha 10. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka 11. Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda 12. Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta 13. Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya 14. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL.
  3. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay golaha ammaanka Qaramada Midoobay u gudbisay cabasho ka dhan ah socdaalkii uu Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi dhawaan ku tagay dalka Imaaraadka Carabta. Warbaahinta busiweek ee laga leeyahay dalka Uganda ayaa baahisay inaanay dawladda Soomaaliya ku faraxsanayn dhaqdhaqaaqyada ay Somaliland waddo ee Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya. Warbaahintani waxay sheegtay in Imaaraadka Carabtu doonayo inuu balaadhiyo wada shaqaynta uu la leeyahay Somaliland. “Laakiin dawladda Soomaaliya kuma faraxsana xidhiidhyada ganacsi ee ay Somaliland samaynayso iyo sidii roogga cas loogu soo dhaweeyay markii uu Madaxweyne Biixi ku tagay socdaalka UAE iyo Itoobiya.”, waxaanu intaas raaciyay in calanka Somaliland la sudhay markii uu Madaxweyne Biixi halkaas booqday. Warbaahintu waxay intaas raacisay, “Dawladda Soomaaliya waxay Golaha ammaanka Qaramada Midoobay u qortay cabasho ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada Somaliland.” Warbaahintani ma cadayn nooca ay tahay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay golaha ammaanka Qaramada Midobay, mana ay soo bandhigin wax tixraac ah oo ku saabsan cabashadan Soomaaliya, laakiin wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil, ayaa sheegay inay dawladda Somaliland ka xuntahay cabashada ay dawladda Soomaaliya u gudbisay golaha ammaanka ee la xidhiidha socadlakii uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, “Somaliland ahaan waxaanu cadaynaynaa sida aanu uga xunahay cabashada ay dhawaan Dawladda Soomaaliay u gudbisay golaha ammaanka ee ku saabsan socdaalkii guusha ahaa ee uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalka UAE.” Wuxuu Mr. Baashe sheegtay in Somaliland leedahay xuduudo caalami ah oo la yaqaano iyo dawlad dimuqraadi ah oo la doortay, waxaanu intaas raaciyay inuu rajaynayo in Somaliland iyo Soomaaliya iska kaashadaan arrimaha ammaanka iyo ganacsiga, laakiin aanay suurtogal ahayn midnimo dambe. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa habeen hore ka qayb galay barnaamij uu soo qaban qaabiyay machadka daraasaadka iyo falanqaynta siyaasadda ee CPA. Cawayskaas oo uu Maxamuud Xaashi ku soo bandhigay khilaafka gacanka Carabka iyo isbedelada Geeska Afrika iyo weliba doorka Somaliland. Maxamuud Xaashi, ayaa markii uu dhammeeyay khudbadiisa, waxa la weydiiyay su’aalo badan oo uu qaar ka mid ah weydiiyay garyaqaan Guuleed Dafac oo ka tirsan CPA oo madasha xidhiidhinayay. Su’aalaha ayaa qaarkood waxa ay ahaayeen. Meesha Somaliland juquraafi ahaan dhacdaa waa shayga ugu muhiimsan ee ay ku ciyaari karto siyaasadda gobolka, kuna raadin karto aqoonsi. In saldhiga ciidan la siiyo Imaaraadka miyaanay ahayn in Somaliland kaadhadhkeedii oo dhan hal mar ay wada dhigtay iyada oo aan waxba ka dheefayn? Anigu ma aaminsani inay degdeg ahayd oo ay ahayd jookarkeenii oo aynu badda hore ugu qadinay anigu ma aaminsani, saaxiibtinimadu kalsooni ayay u baahantahay cad aynu wada guulno ayaynu saaxiibadeen aynu u baahanahay mandaqada waxa ka jira dagaal xaasaasi ah oo saamayn weyn ku leh wadamada gacanka Carbeed Sucuudiga,Imaaraadka saaxiibkaa haddii aad dhibta la qaybsan waydo maalin ay dheefi jirto qiimaha aad u yeelanayso ayaa calaamatu su’aal leh. UN Monitoring Group ku waxay sheegtay in lacag la siiyay Baarlamaanka markii uu ansixiyay heshiiski saldhigga. Is jiid jiid badan iyo caydhin laga saaray xildhibaano si xoog ah oo u muuqatay cabudhina way jirta. Baarlamaanku dood kama gelin ee hal maalin ayuu ku xaabiyay. Miyaanay caddayn in hanaanka loo maray uu qalad ahaa? Warbixinta kooxdaasi ay qortay waxba ka hadli maayo, wadankan inaga ayaa leh inaga ayaana maamulana maslaxadiisa iyo wanaagiisa inaga ayaa og, qodobka labaad xogogaalba maaha waxa ay hayaan waa ku-tirikuteentaas inaga dhaxeedna aynu iska lahayn iyo dacaayadaha ay jaraa’idkeena iyo shabakadaheenu qorayeen Guuleedow meeshana may joogin, meesha xildhibaanada lacagta lagu siinayayna markhaati kamay ahayn, iskaba daaye waxay caar ku tahay qaranimada Somaliland labadii gole ee umadan u talinaayay inay kooxi tidhaahdo lacag ayaa la siiyay iyaga oo aan xogogaal ahayn waa hadal aanay u meel dayin oo mudan inay xaal ka bixiyaan, Kooxda dabagalka hubka ee UN-ku maxay uga hadli waayeen maalin walba dekedo ayaa dunida laga bixiyaaye gaar ahaan Geeska Afrika, mid baarlamaan la geeyayna ma jirto mid laba aqal la geeyayna ma jirto, waxynu nahay wadanka kaliyaata ee heshiiskii maalgalinta dekeda Berbera baarlamaan geeyay,ee saldhigii labada aqal ee Somaliland isugu yeedhay, ma fahansantihiin qiimaha ay leedahay labada aqal ee Somaliland marka laysugu yeedho qiimaha ay leedahay gabigooduba waxa ay kulmaan xaalado kooban ma kulmi karaan waa laba aqal oo is miisaama oo sharciyada isku celiya, waxay kulmaan marka khudbad sanadeedka madaxweynuhu uu jiro xaalad adag oo qaranka ku soo koradhay oo colaad ama masiibo ahna way kulmaan, xataa mudo kordhimaha kama kulmaan, qadiyadaas waynayn aanu u samaynayno ayaanu labada aqal isu keenay. Berbera Corridor aad ayaa loo hadal hayay mudo dheer. Waxaana la sheegay in Imaaraadka lagula heshiiyay inuu dhiso. Waxa aad idinku kala hadasheen xiligiinii ma waxa uu ahaa balaadhinta wadada hada jirta mise samaynta mid cusub? Dawlada Imaaraadka Carabta saldhigii milatari ee aynu siinay wax ugu miisaan weyn oo ugu qiimo badan ee umadd ahaan aynu macaashanay ee siisanay waa Wadadaas, haddii dekedaasi ay noqoto bilaa wado 442-ka milyan ee DP World ay galinaysaa faaido ma yeelanayaan waa ceel aad qoday oo dar looga soo arooro iyo wado toona aan lahayn, sidaas ayaanu u arkaynay, DP World-na wadada inoomay dhisayn ee dekedaynu ku heshiinay, Imaaraadka waxaanu ku heshiinay in waddo cusub laynoo sameeyo markii farsamadii la galay ee shaqadii la gudo galay waxa soo baxday in wadada hadda la samaynaayo oo aan bulshada Somaliland u xaqiijinaayo inay tahay mid cusub, sida wasiirka gaadiidku uu sheegay waa waddo cusub laakiin waxa loo arkay maslaxad in wadadan la qaado qaybteeda sare oo dhan oo laga faaidaysto oo dhismihii hore ee wadadu halkii ay maraysay waayo deegaanka u dhaxeeya Berbera iyo Hargeysa badankiisu waa buuralay iyo dooxyo xiliyadii Ingiriiska iyo Somaliyana waa la sameeyay meelo badan oo loo duwo oo wado cusub laga sameeyaa in aanay jirin ayaa laysku qanciyay farsamo yaqaanadii Somaliland iyo Imaaraadku waxay isku raaceen in wado cusub oo meel kale laga sameeyaa ay dhib badnaanayso sidaas darteed wadadan wado cusub laga dhigo oo dib loo qaado oo meelaha ay ka daacdayna dib loo dhiso waddo cusub ayay noqonaysaa. Aan naaxiyo madaarka Cigaal wasiirkii duulista ayaan ahaa dhabaha maanta laga sameeyay ee laga duulaa waa dhabo cusub hadana waa uu ku qotomaa dhismii hore ee Ingiriisku inoo sameeyay waxa la qaaday lakabyadii hore oo dhan dhismihii hoose ayaa loo tagay oo dhagaxii ayaa dib loo habeeyay wadadu halkii ay maraysay ayaa laga faa’idaynayaa wadadana waxii nool waa laga faaidaynayaa, markaas waa wado cusub. Dawladdu waxaay sheegtay inaan saldhigga la kirayn. Taasi dad badan way ka yaabisay. Tusaale ahaan sida uu Madaxweyne Geele u sheegay wargeyska Jeune Afrique ee ka soo baxa Faransiiska Jibuuti waxaay ku kiraysay saldhigeeda 58 M to USA, 30 M Euro to France, 3.5 M to Japan Shiinaha oo ka mid ah dadka ay saldhigyada ka kiraysay, wado tareenna wuu u dhisayaa. Somaliland inay ilaa xadkaas is bahdisho oo ay gor gortami kari waydo, saw eed aad leedihiin masuuliyiintiinu maaha? Heshiisyada waxa meelahaas ka baxaa waa waa wax baxsaday ee sidan waxeenu banaanka u yaalaan dunida uma yaalaan, qodobkaas hoosta ayaan ka xariiqayaa,dunida ama saldhig milatari ama deked aad cid cad guulaysaan ha noqotee lababa waa halka ay iska heshaa, duruufo kala duwan ayaa heshiisyada saamayn ku leh xaalada dalkaasi saamayn ayay ku leedahay,baahida wadanka kale haysaa saamayn ayay ku leedahay, baahida wadanka wax bixinaaya haysataa saamayn ayay ku leedahay waxyaabo badan ayaa saamayn ku leh, inagu been isku sheegi mayno waatan imika lay waydiinayay heshiisyo miyaynu gali karnaa, inagiibaaba ka shakisan inaan heshiis gali karno waxyaabahaas oo dhami miyaanay ina baqsayn, anigu waxaan leeyahay heshiiskii ugu weynaa ee aynu galno weeye wax weyn ayaynu macaashnay, waatan ku maaha maahayay hal dan oo aad leedahay ayaa nin 12 danood loo siiyaa baahidaada ayay markaas ku xidhantahay oo haddii dantaasi ay xoog kuu hayso oo aad hore u waydo waxaad ku qasbantahay inaad heshaa, kooridhoorka aan siisanay 25 sanadood ayaa laynoo baahaynaayay oo cid inaga caawisa iyo cid ina daymisaba aynu waynay in aynu waxeena ku sarifano oo aynu horumar gaadhno talaabo kudhac leh ayay ahayd, Jabuuti oo wadamo badan ay kulaalayeen in aynaan inagu heshiiyadaas badana helin ayaa laga yaabaa oo taas laftigeedu saamayn ayay leedahay. Heshiiskii laga ansixiyay golaha wakiilada 2016 waxa ku qornaa lacago badan oo aynu ka helayno dekeda Berbera kiro, faa’idada sanadkii iyo khidmado kale, wasiirka maaliyadu waxa uu sheegay in dawladii hore ay sii qaadatay waxii aynu ka helaynay dekeda sida oo kale kumay jirin miisaaniyadii 2017,2018 iyo 2019, lacagtaas dekedu meelna kagama xusna inay soo gashay qasnada guud ee qaranka, lacagtaas yaa qaatay oo sumadeeda lagu ogyahay? Xukuumadii Axmed Siilaanyo waxaan cadaynayaa wax kirooyinkii dekedaas ah oo wakhtigeedii aan la gaadhin oo aanu sii qadimanay in aanay jirin waanu cadaynaynaa, waa run xisaab xidhka 2017-ka kuma jirto, 2016-kana kuma jirto lacag aanu qadimanay waanay jirin, hanagu soo cadeeyeen cida leh lacag ayaad qaadateen, cida leh odayaashii wax bay ku sii faro laabeen hanagu cadeeyeen laysuma darnaadee, anigu wasiir maanta ma ihi, dawladu inay qaaday qadimatay maanta iyo in kale taas anigu kama jawaabi karo, taas waxa ka jawaabaya wasiirka maaliyada iyo cidii kale ee xogogaal u ah. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Golleyaasha degaanka ayaa taariikh ahaan soo maray laba marxaladood oo kala ah, in markii ugu horreysay ay maamuli jireen magaalooyinka Somaliland, oo maayirro iyo maayirro ku xigeen ay soo magacawdo dawladda dhexe. Marxaladda labaad ayaa iyana ah, in sanadkii 2001 ay guud ahaan shacabka Somaliland u codeeyeen dastuur oo cusub oo dhigaya nidaam cusub. Dastuurkaasi ayaa waxuu dhigayey in degmo walbo gaar isu maamusho, oo samaysato gole degeaan oo iyada u gaar ah, isla mar ahaantaana shacabku soo doorantaan iyaguna ay iska sii dhex doortaan maayarro iyo ku xigeennadooda. Xildhibaanada golayaasha deegaanka Somaliland ayay ahayd in maalinkii shalay lasoo doorto, maadaama xilligii loo asteeyey u ahaa 29 bishan March. Xildhibaanada imika jooga ayaa la soo doortay sannadkii 2012-ka, waxaana shantii sanno ee la doortay ay ku ekayd sannadkii 2017kii. Muddadaasi wixii ka dambeeyay ayayna suurto gelin in doorasho la qabto, waxaana laba sanno oo dheeraada loogu daray inay xilka sii hayaan taasi oo iyana haatan dhamamaad ah. Ilaa imika ma jirto xog rasmiya oo xukuumadda kasoo baxday oo ah waxa laga yeelayo maaddaama doorashadii lagu keeni lahaana kuwo kale ay dib u dhacday. Golayaasha deegaanka ayaa inta badan dadku ku dhalliilaan waxqabad yaraan dhanka dhismaha jidadka iyo nadaafadda magaalooyink ah iyo guud ahaan howlihii loo igmaday. Garyaqaan Guuleed Dafac oo ka tirsan mac-hadka cilmibaarista ee CPA ee Somaliland oo BBC-da uga waramay waxa uu dastuurku dhigayo marka sidaan oo kale muddo xileedku uga dhammaado golayaasha oo aan doorashaduna dhaweyn ayaa sheegay in “Marxaladda haatan Somaliland ku jirto ee ah, in golihii degaanka muddo xileedkii uu ka dhammaaday aysan wax horey u soo dhacay, Balse haddii aanu jirin muddo xilliyeed cayiman maadaama aan cidna ugu darin, ay tahay in si ku meel gaadh ah loogu sii wareejiyo xogyaha golaha degaanka, illaa iyo inta doorasha laga gaadhayo” . Source
  6. (SLT-City Heights)-Nin Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay in uu xaaskiisa ku dilay magaalada City Heights ee dalka Mareykanka horaantii bishan ayaa ciidanka Mareykanka ay kasoo qabteen dalka Panama sidda ay sheegeen ciidamada Booliska Magaalada San Diego. Eedeysanahan ayaa la leeyahay waxaa uu xaaskiisa ku dhax dilay guri ay ka deganaayeen Mareykanka ka dibna waxaa la sheegay in uu u baxsaday dalka Panama si aan loo soo qaban. Abdiaziz Kerow oo 45 sano jir ah, ayaa lagu eedeeyay dhimashada haweeney 36-sano jir aheyd oo lagu magacaabo Muna Salad Kuri oo aheyd Xaaskiisa. Kerow ayaa marka uu xaaskiisa dilay ku qariyay meel ka mid ah guriga taasoo dadka ku adkaatay in meelmo badan la ogaado geerideeda. Ehelada gabadha la dilay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin Soo qabashadda ninkaan, islamakaana ay rajo ka qabaan in uu wajaho xukun adag. Source
  7. (SLT-Berlin)-Xukuumada Germany ayaa dib u cusboneysiisay xayiraadii ay saartay shirkadaha hubka soo saara inay hubkooda ka gadi karaan Boqortooyada Sacuudiga, xayiraadan ayey Germany soo saartay kadib dilkii Suxufi Jamal Khashoggi. Xayiraadan la saaray Sacuudiga sanadkii tagay oo lagu waday inay dhamaato bishan ayaa lagu daray lix bilood oo horleh. Shir ay yeesheen Angela Merkel iyo Golaheeda Wasiirada ayaa laga soo saaray in xayiraadan ay sii socoto lix bilood, xili dowlada Germany uu cadaadis xoogleh uga imaanayo dalalka UK iyo France oo iyagu doonayey in la qaado xayiraadan la saaray hubka laga gadi lahaa Dalka Sacuudiga. Xayiraadan ayaa saameyn ku yeelatay hubka lagu sameeyo wadamada kale ee EU-da balse lagu rakibo computerada iyo qalabka kale ee lagu sameeyo dalka Germany. Shirkada BAE Systems ee laga leeyahay UK ayaa horey heshiis ulla gashay dowlada Sacuudiga in laga iibiyo diyaaradaha dagaalka ee Typhoon oo gaaraya 48, heshiiskaasi oo ku baxay in ka badan $13 Bilyan oo dollar ayey saameysay xayiraadan maadaama diyaaradahan qeyb kamid ah lagu sameeyo dalka Germany. Dalka France ayaa sidoo kale ugu baaqay Germany inay qaado xayiraadan saameysay hubkii ay ka iibin jireen Sacuudiga. Xukuumada Germany ayaa sidoo kale sheegtay inay xal u heli doonto shirkadaha gaarka loo leeyahay oo ay saameysay xayiraadan sida shirkada soo saarta Maraakiibta ee wadankaasi Jarmalka oo iyagana laga diiday inay ku wareejiyaan Sacuudiga Maraakiibta dagaalka oo lagu sameeyey wadanka Germany. Dowlada Germany ayaa docda kale sheegtay in hubka dalkooda lagu sameeyo aan loo adeegsan karin dagaalka ka socda wadanka Yemen. Source
  8. (SLT-Suuriya)-Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay inay iska caabiyeen weerar ay Diyaaradaha Dagaalka ee Israel ku soo qaadeen bar-tilmaameedyo ku yaalla Deegaanka wershadaha leh ee Sheikh Najar ee Gobalka Aleppo ee W/bari ee dalkaasi. Ciiddanka Difaaca Cirkla Syria waxay burburiyeen tiro Gantaallo ah oo ay Diyaaradaha Israel soo tuureen, iyadoo dhanka kale la sheegay inay duqeymahaasi geysteen burbur oo keliya. Dhinaca kale, Hay’adda La-socoda Arrimaha Syria ayaa sheegtay inay qaraxyo ka dhaceen Bakhaaro Hubka oo ay lahaayeen Ciiddanka dowladda Syria iyo Isbahaysigooda Iiraan oo ku yaalla inta u dhexeysa Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aleppo iyo Deegaanka Sheikh Najar. Source
  9. Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa dalbaday in agoonta ciidanka dib loogu dhiso goobo lagu xanaaneyn jiray ee Lafooole ee dowladdii kacaanku dhistay. Gaashaanle sare Cismaan Wrsame Rooti, oo ah madaxa hoggaanka agoonta iyo danyarta ee ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegay in dadkii qurbajoogta ahaa ee halkaan lagu barbaariyay ee hadda dibadda jooga looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sidiii loo dhisi lahaa xaruntan. “Waxaan soo booqannay xarunta agoonta lafoole ee wiilasha oo ka kooban dhisme 2,000 qof qaadaysa, waxaa xaruntaan gacanta ku hayey oo badbaadiyay ciidanka Asluubta, Allah u naxariistee Janaraal Cabduqaadir Owliyo oo ku geeriyooday ilaa haddana waxaa gacanta ku haayo ciidama Asluubta Soomaaliyeed”. Gaashaanlaha oo warkiisa siiwato ayaa sheegay in maalmahan ay wadaan qorshe dib loogu dhisayo xaruntaan oo ay ka qeyb qaadanayaan agoontii ku barbaartay waxna ku baratay oo hadda dalka dibaddiisa jira iyo ciidamada Asluubta. “Waxaan baryahan ku jirnaa qabanqaabo, annaga iyo dhalintii ka baxday xarumahaan iyo xarumaha dalka oo dhan, waxaan codsaneynaa in xarumahaan dayactir loo helo si loo baddbaadiyo agoon badan oo dalka ku dayacan, sidaa darteed waxaan maanta boonay xaruntii oo dhan oo maanta u baahan dayactir guud ahaan” Dhanka kale caruurta ay ciidamada Asluubta ay xanaaneeyaan ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa ah kuwa ku sugan dagmada Afgooye gaar ahaan iskuulkii kacaanka, halkaas oo ay ku sugan yihiin caruur badan oo agoon ah iyo kuwo dan yar ah. Faadumo Maxamed Jimcaale waa maamulaha iskuulkaan waxa ayna ka hadlaysaa sida ay dib u dhis ay ugu baahan yihiin xarumihii lagu xanaaneyn jiray caruurta agoonta aha iyo kuwa danyarta ah. “ Ujeedo kasto iyo dadaal kasto oo loo soo maray maanta wuu badbaaday College-kan, ujeedkii aabaheen Maxamed Siyaad uu u aas-aasay ayaa waxa ay aheyd in lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah iyo kuwa danyarta ah, waxaad aragtaan inay dib ushaqeeyeen u jeedkii loo aas aasayna ay qabanayaan indhahana aad ku aragtaan” Ugu dambeyntii, taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa Shaqadiisa ay qeyb ka ka tahay ilaalinta aqlaaqda dadka ayaa waxa ayaa waxa uu sheegay in lagu dadaalayo sidii loo dhisi lahaa xarumahaan lagu xanaaneeyo caruurta, waxa ayna u baahan yihiin dhul waasac ah kaas ka qeyb qaata xanaanda iyo fayo qabka caruurta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Washington)-Qaar ka mid ah qoysaska dadkii ku dhintey burburkii diyaarad ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines ee nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa shirkadda Boeing ku dacweeyay maxkamada federalka ee dalka Maraykanka. Dad gaadhaya 157 ruux ayaa ku dhintey burburka diyaaradan iyadoo dadka ku dhinteyna ay ka soo kala jeedeen inkabadan soddon wadan. Hase yeeshee, ehelada Jaksan Musoni oo ka mid ah dadki shilka diyaaradeed ku geeriyooday ayaa waxay dacwad ku soo oogeen shirkadda Boeing, iyaga oo dacwadooda ku sheegay in diyaaradda burburtay ee Boeing 737 Max 8 uu ka khaldanaa habka duuliyaha kumbuyuutarka, taasina ay sababtay inuu shilka dhaco. Shilkan oo dhacay shan bilood ka dib markii ay burburtay diyaaraddii laga lahaa Indonesia oo iyaduna nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa horseeday in gabi ahaanba duullimaadyada laga joojiyey diyaaradaha nooca burburay ah. Shirkadda Boeing ee diyaaradda burburtay sameysay ayaan ilaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixinin dacwadda lagu soo oogayna. Toddobaadkan ayay shirkadda Boeing sheegtay in qayb ka mid ah diyaaradda ay cillad ku arkeen, cilladdii jirtayna ay xal u heleen. Balse, khubarada baaritaanka shilka diyaaradeed ee dhacay loo xilsaaray waxay weli ku howlan yihiin baaritaankooda. Source
  11. (SLT-London)-Booliiska magaalada ayaa baacsanaya nin la sheegay in uu mid kale ku tooriyayeeya masaajid ku yaalla badhtamaha magaalada London. Ninka la tooriyeeyay, markii dambana u dhintay ayaa la sheegay in uu yahay 20 jir, waxana uu falka ka dhacay masaajidka Reben Park ee badhtamaha London. Nin lagu magacaabo Bahir Mowlana ayaa sheegay in uu arkayay booliiska oo xidhay laba qof oo masaajidka ku sugnaa Balse booliiska ayaa sheegay in ayna jirin cid loo xidhay falka dhacay, waxayna intaas ku dareen in weerarka dhacay uusan ahayn mid la xidhiidha arrimo argagixiso. Weerarkan dhacay ayaa imanaya xilli dadka dhegahooda uu kasii guuxayo weerarkii 50 ka qof lagu laayay ee ka dhacay masaajid ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand. Masaajiddo ku yaala Ingiriiska, iyo Maraykanka ayaa loo sameeyay illaalo hubeysan, gaar ahaan maalmaha jimcaha si aysan u dhicin wixii ka dhacay Christchurch. Source
  12. Hargeysa (Caasimada Online)-Masuuliyiin xilal kasoo qabtay Somaliland xiligii Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay ka xoogtay maamulka Hawada qeybtii Somaliland ay ku laheyd. Wasiirkii hore ee duulista hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in xiligii talada hayeen ay dadaal badan u geleen sidii ay u heli lahaayeen doorka ay ku lahaayeen maamulka Hawada Soomaaliya. Maxamuud Xaashi, ayaa sheegay in markii hore Qaramada Midoobay ay maamuli jirtay saadaasha hawada Soomaaliya, balse hay’adaha Qaramada Midoobay ay ka hiiliyeen Somaliland, taasi oo keentay in laga xoogo maamulka Hawada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya inay kaga baxday Somaliland heshiisyo badan oo dhanka maamulka Hawada ah oo la wada galay, iyadoo taasi ay dhalisay in Muqdisho loosoo wareejiyo. Heshiisyadii Istanbuul ee ay Somaliland la gashay Dowladda Federaalka ah ayaa dhigayay in Maamulka Hawada laga dhigo mid farsamo oo laga daayo siyaasadda, xaruntiisana noqoto Magaalada Hargeysa,waxaana ballantii ka baxday dowladda Federaalka ah sida uu yiri Wasiirku. Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa Muqdisho loosoo wareejiyay, iyadoo laga soo raray magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo tan iyo burburkii laga hagayay diyaaradaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  13. Booliska magaalada San Diego ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta kusoo dhigeen ninka lagu magacaabo Abdiaziz Kerow (45-jir), kaas oo bil ka hor ku dilay xaaskiisa Muna Salad guri uga kireysnaa cinwaanka 4000 block of Van Dyke Avenue. Eedeysanaha ayay boolisku sheegeen in laga soo qabtay dalka Panama ee dhaca qaaradda Ameerica, taariikhdu markey aheyd 20-bishan Maarso, waxaana ay intaa raaciyeen in uu iminka ku jiro xabsiga San Diego Central Jail. Gabadh la dhalatay Muno ayaa subaxnimadii 02 bishan Maarso markii ay walaasheed khabarkeeda weyday ku booqatay gurigeeda, halkaas oo ay ku aragtay meydka walaasheed oo qeybeheeda sare ee jidhka kaga yaalaan dhaawac, waxaana ay halkaasi ku wacday booliska. Tan iyo maalintaas, seyga Mudo ayuu baxsad ahaa, waxaana intaas lagu hayay baadi-goob kaas oo ugu dambeyn lagu soo qabtay. Booliska ayaa lacag dhan 5 milyan oo dollar sheegay in damaanad ahaan loogu sii deyn karo dambiile Kerow. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa xog dheeraad ah ka bixisay muwaadiniin u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo Al Shabaab ay ku dileen deegaanka Yaaq Baraawe. Dowladda Kenya ayaa shaacisay in seddex ruux oo Kenyan ah oo mid kamid ah Haweeney aheyd lagu dilay deegaanka Yaaq Baraawe, kadib markii Al Shabaab dadkaasi ay ku eedeeyeen inay jaajuus ahaayeen. Sirdoonka Kenya ayaa shaaciyay in seddexda ruux ee Kenyan-ka ah la dilay arbacadii lasoo dhaafay, waxaana Al Shabaab ay ku eedeeyeen inay jaajuus u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera. Haweeneyda la dilay ayaa waxaa ay ka soo jeedaa Gobolka Xeebta ee Kenya halka labada qof ee kale ay ka soo jeedaan Wajeer sida ay sheegeen Hay’adaha sirdoonka Kenya ee warkan siiyay warbaahinta. Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in dilka saddexda qof ee Kenyaanka ah uu yimid kaddib markii Jimcihii todobaadkii hore duqeyn ka dhacday Bu’aale lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab una dhashay Kenya, taasi oo Kenya ay sheegtay inay sababtay in la toogto dadka Kenyan-ka ah. Dowladda Kenya ayaa waxaa ay intaas ku dartay in Ciidanka Kenya ee dhinaca xeebta heegan la geliyay markii Khamiistii ay baxsadeen shan ka mid ah Al-shabaab oo lagu weeraray guri ay ku dhuumanayeen. Waxaana Sirdoonka Kenya ay shaaciyeen in Salim Rashid Mohammed, Rashid Mwatsu aka Mody, Juma Waziri, Mkauma Ali Mbuiya iyo Juma Mwengo ay ahaayeen kuwa ka baxsaday ciidanka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Carmo (SMN) – Saciid C/laahi Deni madaxweynaha Puntland oo xalay gaaray magaalada Carmo ee gobolka Bari ayaa baaq u diray shacabka maamulkaasi. Madaxweyne Deni oo dadweyne fara badan kula hadlay Carmo ayaa ka dalbaday inay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortago weerarada Al Shabaab. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in sare loo qaado wada shaqeynta ka dhaxeysa shacabka iyo hay’adaha amniga. Wafdi uu hoggaaminayo Saciid C/laahi Deni madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa haatan socdaal ku maraya gobolka Bari ee maamulkaasi. View the full article
  16. Golaha shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu yeesho kulankii ugu horeeyey ee kalfadhiga 5aad. Ajendaha ayaa lagu sheegay in warbixin laga dhageysanayo guddiga dib u eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka, iyaga oo ka warbixin doona 10 qodobka ee ay soo gabagabeeyeen. Waxaa xusid mudan in aqalka sare aanu weli furin, labada aqal waxaa horyaalla arrimo badan oo ay ka yihiin hindise sharciyeedka doorashooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Qoryooley (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal cusub oo xalay ka dhacay duleedka degmada Qoryooyle ee gobolka Sh/ Hoose. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen saldhigyo Ciidamada dowladda ay kuy leeyihiin inta u dhexeysa deegaanada Kabtan Laas iyo Gaawirow ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka dagan, mana jiro jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada fariisimaha Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ee gobolka Sh/ Hoose. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa la soo dhoobay isgoysyada qaar, iyagoona dib u celinaya gaadiidka dadweynaha iyo kan gaarka loo leeyahay intaba. Ujeedada loo xiran waddooyinkan lama shaacin, balse wararka qaar ayaa sheegaya in la xariirto arrintan kulan maanta ay leeyihiin xildhibaanada Golaha Shacabka. Kulankan oo ahaa kii koowaad ee Kalfadhiga shanaad BFS ayey Xildhibaanadu uga hadli doonaan qodobo dhowr ah, maadaama ay dib uga soo laabteen fasaxii ay ku jireen. 27-kii bishan ayey ahey markii madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu daah-furay Kalfadhiga, kadib munaasabad ka dhacday M/Muqdisho. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-30032019.mp3 View the full article
  20. Mogadishu Mogadishu once known as the pearl of Indian Ocean, it is the capital city of Somalia, largest and most populous city in the nation. The city’s peacefulness is tantamount that the entire nation is in a tranquil. Sad to say, our capital is accustomed to regular attacks and explosions. If you type the word “Mogadishu” or “Somalia” into the Google, you will instantly see violent news such as “Al-Shabaab attack in Somali capital kills at least 10” and ” Somalia’s Al-Shabaab militants attack ministry” from the major news sites in the globe; The Washington post, CNN, Reuters, Aljazeera, The Guardian and so on. 8th February 2017, President Farmaajo came to power; the president’s election triumph was widely applauded and welcomed. Upon word of his election, celebrations rocked the entire country; the people thrilled as they born again. The president stoutly pledged at many occasions that his government would defeat Al-shabaab with in two-year period. It was a noble decision, although; it was seemed a far-fetched to some people. Two years on, Mogadishu is bleeding and suffering, the people are in regular fear, condolences and miserable condition. Our much-beloved ones perish in these regular banes. The explosions are incessantly blasting and we learn nothing. Alshabaab is regularly attacking us, and what disheartens the commune is that the terrorists get less retaliation from the government, government’s security reconnaissance and intelligence is feeble. Al-Shabaab have the courage to attack the government buildings and kill senior government officials as it happened March 23, let alone the civilians and private hotels. It is just one example out of many; that is indicating Mogadishu’s volatile security. Not a single high-ranking security official is being sacked or resigned due to failure or negligence, so far, except district police commissioners who were fired but many people described the change as naive since the failed ministries are on duty. The government has long been criticized by the community and this is signaling that the security complaint of the people fall on deaf ears. This is also undoubtedly pointing the presence of vast corruption, negligence and nepotism in the security authorities. The public see that Mogadishu’s security has been deteriorating and the question are many asking is the reason behind the worsening. I have the curiosity to dig deeper the main hurdles and the obstacles of Mogadishu’s peace. The Mogadishu’s peace obstructions are multitudinous. The major barrier is mercenary trader who benefited the anarchy and lawlessness. Moreover, these traders are backers, financers and sponsors of the anarchism. They hinder any step towards peace and progress; it is because they will broke if rule of law is fully install. The incontestable obstacle is; the security cooperation between the members of the public and police forces is not meritoriously working. The civilians and security authorities are quarantining one other and this will ease the denotations to increase. Public-government security collaboration is what we dearth. People are highly eager of security betterment but they do not work closely with government; the other way around, they work with Al-shabaab and pay extortion owing to the fear of peril and targeting. Penetration from overseas enemies might exist, which is may be a part and parcel of Mogadishu’s security jeopardy and Somalia at large. To be honest, not any one can firmly prove and explain how these outsiders create insecurity and chaos in our country. To be fair, cronyism and negligence are lucid stumbling blocks to the security; People have the opinion that federal government of Somalia has less heed towards security; it is because the no retaliation the terrorist encounter from the government. This administration has shown us a fight against corruption and nepotism and the people sturdily cheered but still, it is eminently exist in the administration. Certain high-ranking security officials stay in the power in a cronyism and corruption way, and this is a part and parcel of the bungling; Friendship bond overpowered the public security is what elevated the lack of accountability in the security sector. Somali nationals are anguishing; they do not need rhetoric words and eloquent speeches any more, they need a tangible action and fulfilment to get peace and to live without hostile aggression. It is fact-based that we are confronting suicide bombers who are ruthlessly perishing their lives and it is true that it is hard to overcome such kind of attackers but the only technique we can defeat them is to have the traits of commitment, solidarity and vigilance. It is significant to establish a better collaboration between the public and security authorities and without police-community Corporation nothing is rectifying rather, the instability will endure. Government must retaliate Al-Shabaab to defend the lives of the people. If the terrorist face regular attacks from government and civilians combined, their assaults into the civilians would be tenuous. The serving security official must be qualified, committed and expert in security sector. The government of Somalia must come up with comprehensive security strategies to combat and to eliminate the terrorists. By: Mohamed Aidarus Mohamud maidarus111@gmail.com The post Mogadishu’s security is worse off, wherefore? appeared first on Puntland Post.
  21. Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya kaasi uu dhowaaan uu daahfuray madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanada ayaa warbixin ka dhageysanaya Guddiga dib u eegista dastuurka dalka oo baryihii ugu dambeeysay arimo la xariiro dib u eegista dastuurka waday. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalo ansixinta hindise sharciyeed badan oo loo soo gudbiyay. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xiray isgooysyada muhiimka ah ee Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeelanaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa golaha ammaanka QM u qortay ashtako ka dhan safarkii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dhowaan ku tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida uu qoray wargeyska East Africa Business Week. Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay si gaar ah uga carrootay in Imaaraadka Carabta ay Muuse Biixi ku qaabileen calanka Somaliland iyo ayada oo heesta astaanka qaranka Somaliland loo tumay. Sida wargeyska qoray, dowladda Soomaaliya ayaa warqaddeeda ku sheegtay in la macaamilka Imaaraadka Carabta eee Somaliland uu xadgudub ku yahay madax bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya. Wakiilka Somaliland ee Kenya, Cumar Baashe oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri “Haddii aan nahay Somaliland waan ka xunnahay ashtakada ay dowladda Soomaaliya u gudbisay golaha ammaanka ee QM ee ku aadan safarkii uu madaxweyne Muuse Biixi dhowaan ku tagay Imaaraadka Carabta” “Waxaan doonayaa inaan ku celiyo in Somaliland ay tahay dal madax banaan oo leh xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay iyo dowlad si dimoqraadi ah loo doortay. Somaliland waa ay u madax banaan tahay in la macaamisho dalalka kale, umana baahna fasaxa dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Cumar Baashe. “Waxaan sidoo kale sii wadi doonnaa inaan beesha caalamka kala hadalno sidii aan u heli lahayn aqoonsi iyo madax banaani rasmi ah” Dowladda Soomaaliya oo ay Caasimada Online wax ka weydiisay dacwada la sheegay inay gudbisay Soomaaliya waa ay ka gaabsatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Waxaa la shaaciyay qeyb ka mid ah warbixintii isbuucaan la sugayay ee ku aadanaa baaritaanka ciladda ay u dhacday diyaaraddii Ethiopian Airlines Boeings 737 Max8 ee bil ka hor ku dhacday dalka Itoobiya taas oo ay ku dhinteen dad lagu sheeay 157 ruux oo isugu jira rakaan iyo shaqaale. Shilka diyaaraddan ayaa ku cilad noqotay middii sannadkii 2018 ku dhacday bannaanka caasimadda dalka Mareysia ee Jakarta taas oo ay laheyd shirkadda Lion Air islamarkaana ay ku wada dhinteen dhamaan rakaabka iyo shaqaalihii saarnaa. Ciladda ayaa lagu sheegay mid ka timid sistam la daaray kaas oo jawiga u toosin lahaa diyaaradda, balse bilcaksi galiyay diyaaradda khalkhal, sababayna in ay dhulka afka aadiso. Nooca diyaaraddan ayaa caalamka dhac laga mamnuucan kadib shilkii Itoobiya, waxaana islamarkiiba soo shaac´baxday in cilad dhanka diyaaradda ah ay jirto. Warar iminka soo shaac baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in durba lagu bilaabay dacwad shirkadda sameysay diyaaradda taas oo ay gudbinayaan ehelada dadka ku dhintay diyaaradahan. Dacwadda ayaa laga gudbiyay gudaha dalka Mareykanka. Ethiopian Airlines @flyethiopian Accident Bulletin no. 6 Issued on March 11, 2019 at 01:40 PM Local Time The Digital Flight Data Recorder(DFDR) and Cockpit Voice Recorder(CVR) of ET302 have been Recovered. Qaran News
  24. Xoghaya guud ee QM oo magacaabay ku-simaha ku-xigeenka ergeyga Somalia Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay George Conway oo kasoo jeeda dalka Canada inuu noqdo ku-simaha ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada midoobay ee (UNSOM) isagoo sidoo kale ah isku-duwaha hawlaha bini’aadannimo ee Soomaaliya. Mr Conway ayaa beddelaya Peter de Clerk oo kasoo jeeda dalka Netherlands. Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey de Clerk shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka qabtay Soomaaliya intii uu joogay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Mr Conway oo hadda ah mas’uul ka tirsan hay’adda UNDP Soomaaliya ayaa ah nin waaya-aragnimo durugsan leh shaqooyin aad muhiim ahna kasoo qabtay Qaramada Midoobay, isagoo soo qabtay xilalka la taliye xafiiska UNDP ee Africa, agaasime UNDP ka tirsan gaar ahaan dalka Koofurta Sudan iyo ku xigeenka madaxa barnaamijyada UNDP ee Koofurta Sudan. Mr Conway wuxuu dhashay sannadkii 1970 waana nin ka qaatay shaadaha Master of Arts jaamacadda Carleton iyo jaamacadda Western Ontario, sidoo kale wuxuu Bachelor of Arts ka qaatay jaamacadda Winnipeg. Qaran News