-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halka ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya banaanka loo soo saaray iyagoo wata gaadiidka dagaalka kadib cabsi ka dhalatay ciidamada gadoodka ah ee wali ku sugan degmada Balcad. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho la geeyay ciidan dheeraad ah oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya si loo adkeeyo amaanka garoonka diyaaradaha. Sidoo kale ciidanka ilaalada Madaxtooyada ee keydka ahaa ayaa banaanka loo soo saaray iyadoo 4-ta Kontarool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada la dhigay gaadiidka dagaalka oo dhowr xabo ah. Wararka kale ee aan helnay ayaa sheegaya in Madaxtooyda laga joojiyay in agagaarkeeda lala yimaado wax ka badan 4 Askari oo istaaf ah, iyadoo lagu wargeliyay wasiirada qaar ee lagu ilaaliyo dhowr gaari ee Cabdi bilaha ah. Arimahaan oo dhan ayaa waxaa sabab u ah Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya oo sameeyay gadood kuwaas oo sheegay in aysan istaagi doonin ila magaalada Muqdisho ay kasoo galaan. Ka sokow ciidamadan, waxaa sidoo kale cabsida qeyb ka ah in haddii ciidanka soo galaan Muqdisho aysan jirin doonin cid Shabaabka gobollada Shabeellooyinka ka hor-istaagaysa inay Xamar soo galaan, maadaama ciidankii gadooday ay yihiin kuwi hortaagnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-21032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo caawa ka dhacay isgoyska KM 4 ee Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay gaari lagu soo rakibay waxyaabo qarxa oo uu saarnaa ruux aan wali la aqoonsan waxa uu yahay. Hal qof oo ah shaqsiga watay baabuurka ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi, kaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka si loo daaweeyo. Ciidamada amaanka ayaa meesha ay wax ka dhaceen tagay, wallow aanan lasoo warin hadii ay sameeyeen howlgal. Ma jirto koox illaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda falkaan, oo kusoo aadaya xili amniga caasimada uu u muuqdo mid faraha kasoo baxaya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Kulanka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ku yeesheen maanta ayaa lagu ansixyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiista Soomaaliya isla markaana lagu soo go’aamiyey tubta siyaasadda loo dhanyahay. Golaha ayaa cod wadar ogol ah ku ansixiyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo muhiim u ah dalka maadaama laga soo kabanayo dagaallo, lana doonayo in dalka laga hirgeliyo nidaam dimuqaraadiya oo sax ah lana jaan-qaadi kara dunida, dadka Soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin. Shirka maanta oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga canshuuraha iyo dib-u-eegsi lagu sameeyay sharciga dawladda Hoose. Golaha Wasiirrada oo kulankooda maanta ku oggolaaday soo jeedin ay golaha soo hor-dhigtay Wasaaradda arrimaha dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya, ayaa Cabdixakiim Cumar Cabdullaahi (Cameey) u dallacsiiyay darajada safiirnimo. Shirka golaha wasiirrada ayaa magacii hore looga bedelay hay’addii Saadaasha Hawada iyo Duulista Rayidka oo loo bedelay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wararka laga helayo isgoyska KM 4 ee Muqdisho ayaa sheegaya in qarax gaari uu ka dhacay halkaasi. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laga cabsi qabaa in uu geystay, inkasta oo aananu wali caddeyn tiradda saxda ah. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in goobta ay soo gaareen ciidamada amaanka, kuwaasi oo isu socodka hakad geliyay. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dhawaqa qarax aad u xoogan ayaa laga maqlay magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay agagaarka KM4, waxaana dad ku sugan agagaarka goobta wax ka dhaceen ay sheegayaan in qaraxa uu aad u xooganaa. Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid gaariga loogu xiray ruuxii watay. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa lagu xiray mid kamid ah gaadiidka raaxada. Gaariga ayaa waxaa gaaray burbur xoogan, waxaana ilaa iyo hadda aan la sheegin khasaaraha ka dhashay qaraxa caawa dhacay. Warar dheeraad ah oo aan helnay ayaa sheegaya in ruuxii watay gaariga loo malaynayo inuu ku dhex gubtay, maadaama sida la sheegay gaari uu socday xiliga qaraxa uu dhacayay. Hoos ka daawo Sawirada iyo Muuqaalka qaraxa. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Ruuxii-watay-ayaa-ku-geeriyooday-gaari-goor-dhaw-ku-qarxay-Isgoyska-Km4-ee-Mu.mp4 La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Waxaan dib u saxaynaa war Caasimada Online ku baxay 17-kii bishan oo lagu sheegay in ciidamada madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Cali Guudlaawe, ay ka qeyb-galeen dagaal beeleedyada degaanka Burdheere. Kadib baaritaan aan samaynay waxaan soo xaqiijinay in ciidanka meesha ku dagaalamay ay ahaayeen kaliya kuwo beeleed, oo ciidamada Guudlaawe aysan wax lug ah ku lahayn dagaalka. Waxaan arrintaas ka raali-gelinaynaa madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in xalay kulan dheer ay madaxtooyada k uwada qaateen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, kaas oo looga hadlay ciidamada dowladda ee ka gadooday mushaar la’aanta. Kulanka oo saacado badan qaatay waxaa diiradda lagu saaray qorshe lagu baddalayo Taliyeyasha ciidamada dowladda ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, kuwaa oo hormuud u ahaa gadoodka ay sameeyeen ciidamadooda oo mushahar la’aan ka cabanayay muddo ku dhow 5 bil ah. Ciidamada ayaa ka soo kala baxay furumaha dagaal ee dhaca inta u dhaxeysa Muqdisho iyo magaalada Marka oo gobolka Shabeellaha Hoose ah. Sidoo kale ciidamadii ugu dambeeyay ayaa iyagana ka soo haayaamay deegaano dhowr oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Dhexe. Ciidamadan oo wafdi wasiiro iyo xildhibaano isugu jira loo diray si loogu qanciyo iney ku laabtaan saldhigyadii ay ka soo baxeen ayaa diiday, kuwaa oo raali gelin ka dalbanaya Ra’isul Wasaare Kheyre oo sheegay in ciidamada dhamaan ay mushaar qaateen waxaa kaloo ay dalbadeen in la siiyo dhamaan lacagaha Afartii bil ee mushaar la’aanta ahaayeen. Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inay isla garteen in xilka laga qaado Taliyeyasha ciidamada dowladda ee gadooday kuwaa oo u badan ciidamada beelahoodu dagaan Gobalka Banaadir iyo Labada Shabelle. Xogo kale oo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in xilalkaasi loo magacaabi doono shaqisyaad aad ugu dhaw Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha kuwaa oo eegaya kaliya danaha, amarada Villa Somalia waxaana la xaqiijiyay ineysan aheyn beelaha daga Labada Shabeelle iyo Gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
HIIL HESHEY HIMILADII. Badhtamihii sanadkii 1991, waxa Geeska Afrika ka dhacey is-bedel siyaasadeed oo mugleh, markii ay mar qudha burbureen labadii xukuumadeed ee ugu awooda badnaa oo colaad qarniyo soo jiitameysey ka dhexeysay. Xukuumadahaa burburey oo muddo dheer ka talinayey waddamada Ethiopia iyo Soomaaliya waxa kale hogaaminaayey Colonel Mugiste Haile Maryam iyo General Maxamed Siyaad Barre, waxaana burburkooda sabab u ahaa jabhadiihii halganka hubeysnaa la galey ee kala ahaa EPLF(Eritrean People’s Liberation Front) iyo SNM(Somali National Movement). Halgankaas oo kala bilaabmey 01 sept 1961 iyo 6 april 1981. Maanta, 30 sanno kadib, juqraafiyada Geeska Afrika ee Beesha Caalamku aqoonsantahey waa 4 waddan (Ethiopia, Soomaaliya, Djibouti iyo Eritrea), halka 1991 ka hor ay aheyd 3 waddan (Ethiopia, Soomaaliya iyo Djibouti ). Jabhadii EPLF, markey dalkii Eritrea si buuxda gancanta ugu dhigtey waxey muddo gaaban gudaheed ku guuleysatay ka midha dhalinta hadafkeedi ahaa in ay Beesha Caalamku u aqoonsato Dal ka madax banana Ethiopia. Haddaba su’aalaha la isweydiin karo ayaa ah : maxaa keeney in jabhadii EPLF ku guuleysatay ka midha dhalinta hadafkeedi, halka Jamhuuriyada Somaliland oo ka dhalatey halgankii SNM ay wali baadigoob ugu jirto aqoonsi siyaasadeed oo ay Beesha Caalamka ka hesho?. Inta aynaan aqoonsiga siyaasadeed ee Somaliland u gelin, bal aynu dib u yara milicsano halgankii dheeraa, jidkii qodxa badnaa iyo waayihii ururka EPLF usoo marey Xoreynta Dalkiisa, maadama uu maanta xidhiidh la filaayo in uu sii xoogeysto ka dhex bilaabmey Somaliland iyo Eritrea. Sanadkii 1952 waddamadii ku guuleystey dagaalkii labaad ee Dunida waxey Ethiopia abaal marin u siiyey dalkii Talyaanigu gumeystey ee Eritrea. Toban sano kadib 1962, waxa bilaamey dhaq-dhaqaaqi xoriyad doonka Eritrea oo u hormood ka ahaa ururkii la baxey ELF(Eritrean Liberation Front). Haddaba sida caadada ah urur kasta oo xoriyad doon ah wuxuu soo maraa marxalado kala duwan, tiiyo mararka qaarna dhacdo in hadafkii ururka loo asaasaey lumo, halkaana dha-dhaqaaqi ku bas-beelo. Nasiib darro ELF kama uu badbaadin carqaladaha lasoo darsa ururada Xoriyad doonka, waxaana sanadkii 1970 ELF dhexdiisa ka qarxey khilaaf xoogan oo soo kala dhex galey madaxdii Ururka. Khilaafkaas oo salka ku hayey jidka xoreynta waddanka loo marayo, iyo waxa laga yeelayo codsi xukuumadii Ethiopia ee Boqor Haile Selasi ka yimi oo ku saabsanaa in wada-hadal dagaalka lagu soo afjaro. Khilaafaas ELF ka dhex dhashey waxaa kala hogaaminayey Godoomiyaha Ururka, Hamid Idris Awate iyo Isaias Afwerki. Khilaafkii siyaasadeed oo xal loo wayey ayaa ugu dambeyntii keeney in loo kala jabo laba garab, ELF garabkii hore u jirey iyo garab cusub oo la baxey EPLF, hogaamiyena loogu doortey Isaias Afwerki. Nasiib darro waxa labadii garab ee ELF iyo EPLF ka dhex qarxey dagaal aad loogu hoobtey, xoreyntii waddankana dib u dhac ku keeney. Dagaalkii labada garab oo in ka badan 10 sanno socday ayaa 1981 lasoo afjarey, kadib markii EPLF ee Isaias Afwerki hogaaminayey milateri iyo siyaasiyanba guuleystey. Guushi EPLF kadib waxa la dardar geliyey hadafkii guud ee ahaa xoreynta Waddanka, mar haddi garabkii wadahadalka rabey loo awood sheegtey, lana tirtirey dhamaantii. Khilaafkii siyaasadeed markii awood milateri lagu xaliyey, lana kala adkaadey waxa fududaatey in sanadkii 1991 bishii shanaad Waddankii la xoreyo, kadib markii Xukuumadii Mengeste Haile Maryam burburtey. Aqoonsigii siyaasadeed ee Eritrea heshey 1993, laba sanno kadib xoreyntii Dalka, waxa fududeeyey laba arrimood oo is biirsadey: waa mida koobaadee Ururkii EPLF wuxuu dalka gacanta ku dhigey tiiyo khilaad aanu dhexdisa ka jirin, Madaxdiisa oo mideysan, mucaarid ka daba qeylaya aanu jirin iyo shacab u hogaansan amaradda Dawlada cusub. Arrinta labaad ee Aqoonsigii siyaasadeed ee Eritrea saacidey waxa ay aheyd arrin “Geopilitics” ah, Waddamo awood ku leh saaxada siyaasada ee Dunida ayaa Eritrea taagero la garab taagnaa. Sannadkii 1993, Markii AHN, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Borama Madaxweynihii Labaad ee Somaliland loogu doortey waxa uu yidhi “SNM intii ay halganka ku jirtey marna lagama maqal waddanka waanu kala go’neynaa. Agoonsigu maa ahaa wax hadiyad loo bixiyo, dalkayaga markaanu dhisano, dawladayada dejino, bil-qasab buu ku iman, dan baa keeni, dunidu way isku daneystaa, waxa wax walba ka horeeya in dalkayaga aanu dhisano. Haddi dunidu aragto in aanu anagu hawshayada ka soo baxney, oo dawladayadu dalka si buuxda gacantu ugu qabato, nina loga baryimaayo markaas agoonsi. Nimankii wadan xoreyay laba sano ayaa la dayacey. Qolada Eretrea markii ay Asmara galeen, nin walba intii qorigii laga qaadey ayaa mejerafad loo dhiibey, laguna yidhi wadankii waa xor ee shaqeeya, wakhtigii qorigu wuu dhamaadee.” Somaliland, oo muddo 25 sanno ka badan aheyd waddanka keli ah Geeska Afrika ku dhaqma dimuqraadiyada Reer Galbeedku ku faanaan ayey haddana dibomaasiyiinta Caalamku indhaha ka dul lalin jireen. Tan iyo gooni isu-taageenii, Xukuumadihii dalka hogaamiyey waxay raadinayeen sidii ay Dunida dereenkeeda u soo jiidan lahaayeen si loo helo maalgashi dhaqaalaheena kor u qaada, saboolnimadana inaga saara. Si kastaba ha ahaatee, tani iyo horaantii sannadkii 2015, markii Jabhada Shiicada xukunkii ka caydhisey Madaxaweynihii Yemen Mansour Xadi iyo bilowgii xulufada Sacuudigu hor kacaya ay soo faragelisey qalalaasaha ka aloosan Yemen, waxa isa soo tarayey isbedel stratejiyadeed oo Mandaqada Geeska Afrika iyo waddamada ku xeeran Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed aad looga dareemey. Isbedelka Stratejiyadeed ee ka dhashey dagaalka qarsoon ee u dhexeeyey Sacuudi Carabiya iyo Iraan ayaa indhaha caalamka ku soo jeediyey Somaliland iyo Eritreya. Somaliland, walow ay tahey wadan Dawladnimadu u dhameystiran tahey, haddana waxey muddo rubuc qarni ah dedaal dheer ugu jirta sidii ay Beesha Caalamka xubin buuxda uga mid noqon laheyd. Faa’iidooyinka Dhaqaale iyo siyaasadeed ee Somaliland ka heshey Salidhiga Emaaraat iyo maalgashida DPW marka laga tago, waxa kale oo xidhiidhka Emaaratka aynu ka dhaxalney Tiir Diblomaasiyadeed oo aynu cuskano. Waana ta maanta keentey in Waddamada Geesku garowsadaan in Somaliland ayna marnaba ka maqnaan Karin isbedelka nabadeed ee Mandaqada uu ka curiyey Ra’isul Wasaaraha Ethiopia, Inskatoo Dawlada Soomaaliya ee taagta darran isku deydey in ay Somaliland go’doon siyaasadeed geliso iyadoo is laheyd ka faa’ideyso dabeysha nabadeed ee Ethioipia ka soo bilaabantey. Nasiib wanaag uma ay suurta gelin oo waxa aad inoo taagerey Isutaga Imaaratka Carabta oo maanta lexejeclo siyaasadeed inaga leh. Emiraatku wuxuu Waddamada Geeska, kuwooga ugu Awooda badan(Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Eritrea) aaminsiiyey in Dadka iyo Dalka Somaliland muhiim u yahey heshiisyada iyo iskaashiga Geeska Afrika lagu nabadeynayo. Agoonsiga Siyaasadeed ee Somaliland marka Waddamada Reer Galbeedka la weydiiyo, waxay mar walba iskaga riixi jireen Dalalka deriska la ah Somaliland iyo Soomaaliya. Siyaasadii Arrimaha Debeda ee Somaliland waxey maanta soo hoysey Guul weyn mar haddi 5 waddan oo ka mid ah Urur Goboleedka IGAD(Ethiopia, Eritrea, Sout-Sudan, Kenya iy Uganda) qadiyadeeni gooni-isu taaga garawsadeed. Wafdigii Wasiirka Arrimaha Debbada Eritrea hoogaaminaayey ee Somaliland soo booqdey wuxuu horseed u yahey Waftiyada dhowaan la filayo in ay ka yimaadaan Dalalka Kenya, Uganda, South-Sudan iyo Ethiopia. Himliadii Shacabka xarrirta ee Somaliland waxey maanta heshey hiil iyo Garab lagu diirsado. Maxamuud-Yaasin Cabdillai Cali Brussels, Belgium Mederka1966@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qayb galaya shir looga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha salka ku haya Xag-jirnimada. Shirka oo maanta furmay qorshuhuna yahay in uu soo xirmo berri oo Jimce ah ayaa si gaar ah looga hadlayaa sidii casharro looga baran lahaa hababka guulaystay ee dalalka Afrika ay u adeegsadeen ka hor-tagga iyo la dagaallanka Xag-jirnimada, si loo wadaago hannaanka ugu habboon, loogana faa’iidaysto talooyinka khuburada. “Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan machadka nabadda ee Yurub, ka jeediyo khudbad aan uga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha Xag-jirnimada ku salaysan,” ayuu yiri Mahdi, Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku daray: “Nuuc kasta oo Xag-jirnimo ah waxa uu nagu hayaa dhibaato. Waa in aan kula dagaalnaa wadajir, run-sheegid, fursadaha aan haysanno iyo wada shaqayn xooggan. “Waxa aan ku jiraa xilli ay jirto caqabado dhanka amniga ah, jawaabteennu waaa in ay ahaataa mid isku xiran oo xooggan”, ayuu ra’iisul wasaare ku-xigeenku ka sheegay shirka Brussels,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa. Kulanka oo uu marti geliyay Mahadka Nabadda Ee Yurub (EIP) ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka soda Yurub, Afrika, Bariga, Dhexe, hay’ado calami ah iyo bulshada Rayidka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulmay ayaa waxaa guddoominayay Afhayeenka Gollahaasi, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose, Cabdi wali Sheekh Ibraahim Muudey, habdhowraha golaha shacabka iyo xoghayaha golaha ayaa ka qaybgalay fadhigaasi. Xubnaha Guddiga joogtada ah ayaa ka hadlay waqtiga uu furmayo kal-fadhiga 5ad ee golaha shacabka. 27-ka bishaan Maarso oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee todobaadka soo aadan ayaa loo asteeyay in uu si rasmi ah u furmi doono kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Shacabka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-21032019-1.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ka abaal-marisay dagaal siyaasadeedkii uu la galay xilligii ay u bahoobeen madaxda maamul goboleedyada. Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Camey ayaa maanta xil safiir loogu magacaabay kulankii ay golaha wasiirada Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho. Sida horey ay u sameyn jirtay dowladda, lama shaacin waddanka safiirka loogu magacaabay Camey, waxaase loo gudbiyey madaxweynaha oo marka uu ansixiyo shaacin doono dalka uu fariisan doono Camey. Camey ayaa ka hor-yimid madaxweynehii hore ee Puntland Cabdi Weli Gaas, islamarkaana garab istaagay dowladda dhexe markii uu taagnaa Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda. Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in xilka loo magacaabay Camey uu yahay farriin ay direyso dowladda, kuna sheegeyso inay abaal-marin doonto cid kasta oo daacad u noqotaa lana safataa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Shirkaan oo sadaxdii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho waxaa soo qaban qaabisay wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya waxa diirada lagu saaray nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya iyo awoodaha heerarka dowladda. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha bulshada ee degmooyinka gobolka Banaadir iyo maamulka Gobolkaani iyo Madax kale. Wasiirka Arrimaha Gudaha federaalka, iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mduane Cabdi Maxamed Sabriye oo soo xeray shirka ayaa sheegay inay wasaaradu balaarinayso wadatashiyada la xiriira awoodaha heerarka dowladda si loo helo hannaan dowladeed oo la isku raacsan yahay kuna dhisan rabitaanka bulshada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa u mahad celiyay ka qeyb galayaasha shirka iyo sida ay uga doodeen waxyaabihii laga wada hadlayay inta uu socday. Sanator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ka tirsan Aqalka sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka hadlay shirka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada hadlo nidaamka dowladeed ee maanta jira uuna noqdo mid xoojiyo midnimada dalka iyo wadajirka ummadda. Soomaaliya nidaamka dowladeed ee maanta ka jira waxaa uu ku dhisan federaal oo macnihiisu yahay qeybinta awoodaha dowladda iyo adeegyadda bulshada si loo gaaro horumar waara waxaase uu baahan yahay in laga wada hadlo nuuca ku haboon dalka iyada oo ay dadku go’aan ka gaarayaan. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta guddoomiyay Shirka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka BFS waxaana Kulanka ka qeyb galay gudddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdi wali Sheekh Ibraahim Muudey ,habdhowraha golaha shacabka iyo xoghayaha golaha. Xubnaha Guddiga joogtada ah ayaa ka hadlay waqtiga uu furmayo kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka iyo sidoo kale Ajendayaasha horutabinta u leh golaha shacabka kalfadhigan iyo shuruucda hortaala. Kulanka maanta ee Guddiga joogtada ah ayaa lagu go’aamiyay waqtiga uu furmaayo kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka oo a asteeyay in 27-ka bisha maarso oo ku beegan maalinta arbacada ah uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga shanaad ee golaha sida uu Warbaahinta qaranka u sheegay Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux. Source: goobjoog.com
-
Turkey’s Reliable Diplomacy in the Somalia-Somaliland Talks
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Former Turkish Ambassador to Somalia, Dr. Olgan Bekar, was named Turkey’s special envoy in the Somalia-Somaliland talks early this year. He is a well-known diplomat in Somalia and the larger East Africa region. He served as the Turkish Ambassador in Mogadishu – Turkey’s largest diplomatic mission in Africa – from 2014 to late 2018. He oversaw a diplomatic mission that played a crucial role in acting as a trusted mediator in Somali politics – often arbitrating between the Federal government and the mutinous and unruly Federal member states in Somalia – and channelling the global humanitarian attention and focus to Somalia in the event of menacing droughts and national disasters like Al-Shabaab terrorist attacks. Over the years Turkey has emerged as a solid, reliable, and benevolent diplomatic interlocutor in Africa since president Erdogan paid that maiden visit to Somalia in the hey-days of the 2011 detrimental famine that engulfed the whole of East Africa. The humanitarian programs were swift, precise and worthwhile. They saved vulnerable lives and communities in Somalia, Kenya, Ethiopia and Djabouti. In the days since then, Turkey’s image as a historical and genuine partner of African states was explicit and apparent to the political classes and the masses. The geopolitics of the Somali peninsula and the larger East Africa region are shifting swiftly and arbitrarily. Regional players, the Gulf nations, the EU and the U.S. are watching Turkey’s diplomatic and humanitarian initiatives closely. Turkey’s role in the Somalia-Somaliland talks will be consequential. The Somaliland issue is capricious, volatile and topsy-turvy: the stakes are high; violence and emotions are rampant; the political elites are armed with self-serving rhetoric and non-negotiable positions and principals. However, hope in renewed talks isn’t over: earlier this month Somalia’s president reaffirmed his commitment to the Somalia-Somaliland talks spearheaded by Turkey. Somaliland: Swinging between tribalism and a ‘statehood’? Since the collapse of the Somali Nation’s state in the ouster of Siad Barre in 1991, no strong or stable authority emerged to fill the political lacuna that emerged. Warlord zones, rebel territories, Islamist militias and tribal fiefdoms scattered the country. However, two rebel groups (predicated on tribal interests and sentimentalities) that played a central role in deposing the military regime of Siad Barre successfully formed autonomous administrative zones: Somaliland and Puntland. The rest of Somalia was under the mercy of brutalizing warlords and tribal militias that tried to over-run each other – elongating the civil war as the international community watched. Somaliland was formed right after the Somali civil war showed no signs of abating. Tribal elders from the respective tribes coalesced around the tribal militias, and penned down a consensus to establish a peaceful administration. This local grass-root effort brought stability and peace to the North-Western regions – that were named British Somaliland, a courtesy of Colonial heritage and legacy. Ironically, the tribal leaders and elders named the newly formed administration Somaliland, instead of finding a more culturally relevant name. In its initial phases of establishment, secession was not in the agenda and in the consensus framework agreed upon by the elders; in-fact its first leadership cadre was filled with veteran Somali nationalists, freedom fighters and Siad Barre regime military and intelligence officers. The Eritrea independence referendum of 1993 bolstered the confidence and secession voices within Somaliland. The administrative framework that was established to maintain peace and harmony – unlike the southern parts of Somalia – morphed into a political administration seeking independence and self-determination. This agenda was propagated by tribal elites while other tribes and communities in the peripheries of the administration were indifferent or sceptical of the success of such a political dispensation. Since then, Somaliland was a success story. Carrying out every socio-political step the South of the country could not achieve. Somaliland had successfully held democratic local and presidential elections, the region prospered under the peaceful bliss economically and socially. Administrative organs are efficient and functioning and the region exudes an image of a state. However, rancid tribalism and violence are not out of the picture, freedom of the press and unionist voices and sentiments are brutally suppressed. Markus V. Hoehnea Somali studies scholars observe how, British Somaliland, once a vibrant epicentre of Somali nationalism and Somaliweeyn ideology has become the burial place of all these ideals that thrived in the 1920-50s. Precursory talks: Chevening house declaration to the Ankara Communique Relatively productive and substantial talks between the Somalia and Somaliland administration occurred during the transitional government periods. The first of such talks were held in June 2012 in the United Kingdom. The then UK government, along with the EU and Norway undertook efforts to bring the two sides to talk and open a national discourse on their respective political positions. The meeting took place in the famous Chevening house and a general framework was declared to maintain and enhance talks. The then UK foreign secretary, William Hague termed the Chevening declaration as a landmark, and congratulated ‘‘the Somali Transitional Federal Government and Somaliland representatives on agreeing the Chevening House Declaration yesterday.’’ This initial meeting was followed by a subsequent meeting in Dubai. The president of Somalia, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed met the president of Somaliland administration, Ahmed Silanyo. This was the first time that the leaders of the two sides met. Somaliland maintained its position of secession, whereas Somalia reiterated that the talks be continued so as to ventilate the issues. Then a year later, the two leaders met in Ankara in the presence of former Foreign Minister Ahmed Davutoğlu. The Ankara communiqué was signed on 13 April, 2013. In the communiqué, the Chevening and Dubai declarations were to be upheld, commitment to dialogue was strengthened, inflammatory language was to be avoided by both parties and a meeting was proposed to be held in Istanbul. Turkey and the international community are incessantly putting effort for the Somali regime and the Somaliland administration to continue the talks despite the entrenched differences. Both sides are adamant about their positions: Somalia outright rejects any form of secession and Somaliland considers political independence its own right. Turkey’s role in the talks are crucial and paramount for the whole Somali nation and East Africa’s ever contested issues of secessions, sovereignty and political autonomy. Challenges are in abundant in the Somaliland issue. But Turkey is a trusted and reliable mediator. Since the 2013 Ankara communiqué the Somalia-Somaliland talks had stalled. Lack of political will and the intervention of a trusted third party contributed to this surcease. Turkey offered a life-line to the talks by appointing a special envoy. Both sides welcomed this diplomatic gesture by Ankara. Other regional powers are also manoeuvring their course of actions. The Saudi-UAE axis that is worried by Turkey’s influence in East-Africa and the red-sea and Somalia’s neutrality in the Qatar blockade are watching closely. Somaliland administration president Musa Bihi travelled to Dubai on 10 March for bilateral talks – and definitely Turkey’s role and the talks will be inevitably discussed by the Emiratis. Somaliland’s perspective in the talks are crystal clear. They anticipate full political recognition at all costs. They are aware of Turkey’s stand in the Iraqi Kurdistan referendum and the Catalan referendum of 2017. But they are aware that Turkey has so far dealt with Somaliland fairly: they have received humanitarian, capacity-building and scholarship opportunities just like any other Somali region. Turkey’s commitments are also apparent, being the only nation with a special envoy for the talks. The international community’s interests in the Somaliland issue is dwindling; Turkey is offering a life-line for the talks and an amicable solution in the long-run. The way forward: Turkey’s consecrated arbitration role in East-Africa The Somaliland issue has become complex over the years: it is enmeshed and entangle with both regional and international geopolitics and interests. Somalia and the Somaliland administration are aware of this and leveraging the situations against each other. Somaliland has depicted itself as a bastion of peace, stability and democracy in the global stage – and this is undeniable. Moreover, the administration offers itself as an alternative to the Somali government (often releasing counter-statements whenever Somalia does in geopolitical issues); this has interested the gulf and regional nations who view they lost Somalia and Djibouti geopolitically to Turkey and China. Gulf nations, the UAE in particular is undermining the Somali government in Mogadishu and the Somaliland administration is propped-up as a more-friendly geopolitical partner – the UAE even courts and woos other Somali states in the Federal government. Moreover, Somaliland is even getting more complex internally. Unionist voices are clearly making their stand in rejecting any form of secession: the Maakhir region incorporated itself into the neighbouring arch-rival Puntland; the Khaatumo region and its populations turned out to be staunch Somali nationalists; whereas in Boorama and Zeila, secession sentiments are drying-up. A resurgent Somali state in Mogadishu (though with all its challenges and short-comings) has worried the Somaliland administration. Internationally recognized secession is absent, and if there is no solution to this dead-end, Mogadishu would ultimately come to impose its political and geographical sovereignty in Hargeisa. Furthermore, the Somaliland issue is quite ironical: its population flocks to Garowe to get Somali national passports and travel with it globally; they are represented in the Somali parliament and government (the deputy prime minister and speaker of the senate being from Somaliland); yet the political elites in Hargeisa beat the drums of secession. Tribal elite interest is at the nexus of the Somaliland issue: the secession argument is a top-down formulated political agenda; the presence of politicians, artists and intellectuals in Mogadishu underlines this; and within Somaliland, the secession issue is indexed to tribalism and regionalism – the Maakhir, Khaatumo and Awdal states issue confirms this. It is these ambiguities that made the international community to hesitate from recognizing Somaliland – the Eritrean dictatorial regime and the South-Sudan civil war made matters even worse for Somaliland’s prospective secession. The Somaliland issue is extremely delicate and complex. Numerous power centres have vested interests. Turkey, through its envoy Olgan Bekar, will have to tread a tight rope. The political elite’s interests are crucial in the Somaliland issue. Somalia has to guarantee constitutionally, a fair share of power-sharing scheme with the elites in Hargeisa and have them integrated into the national politics. Somaliland is economically huge and vast in population; it can even become the political engine of Somalia and shape the nation’s future body-politics. The possibilities for fruitful results are high and miscalculations can equally result in detrimental gridlocks. Turkey plays a significant and important role in Africa, now it can bring Somalia and the Somaliland administration to the table and arbitrate a long-lasting solution for all. Source The New Turkey Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in shalay iyo maanta ay hawada ka maqantahay Idaacadda Ciidamada Qalabka Side ee hoostagta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya kadib markii ay soo wajahday mushaar la’aan iyo garaam la’aan sida ay noo xaqiijiyeen xubno katirsan Radio SNA. Idaacadaan oo aan markii horaba laga maqlin xaafado badan kadib markii uu gubtay qayb kamid ah qalabkeeda ayaa maalmahaan waxaa isa soo tarayay cabashada ay qabaan wariyaasha ka shaqeeya kuwaas oo qiray in aysan mushaar iyo garaam midna helin 4tii bil ee la soo dhaafay. Maalmo ka hor markii aan baahinay in Idaacadda ay wajahayso dhibaatooyin daran kadibna ay naga sii qaatayn qoraalkayna Idaacadaha qaar ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Wariyaasha Radio SNA la kulmay Taliyaha Ciidamada Milateriga Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), Ammaan-duulaha CQS Gen Odawaa Yuusuf Raage, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga dalka C/llaahi Colaad Rooble iyo Saraakiil katirsan Villa Somalia waxaana loo sheegay in maalmo kadib ay heli doonaan mushaarkooda iyo daryeelkii ay u baahnaayeen. “Balanqaadkii xubnahaas kadib waxba ma arkin laakiin wali waxbaa ka dhiman waqtigii ay qabsadeen, balse shalay ayaa Idaacadda daminay” ayuu Caasimada Online u sheegay Wariye katirsan Radio SNA ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. “Wariyaasha waxay isku raacayn in Idaacadda la damiyo waayo waxaa nagala saaray guryihii aan daganeen, sidoo kale waxaan weynay raashin aan cuno, hadii aan lacag lagu siinin, mushaarna lagu siinin, guriga waalidkaana aadnan aadi karin, maxaa lagu noolaanayaa” ayuu wariyahaas codsaday inaan la magacaabin u sheegay Caasimada Online. Dowladda Soomaaliya ayaa wajahaysa ceeb iyo fadeexad ka dhalatay mushaar la’aanta Ciidamada DF-ka Soomaaliya waxaana laga cabsi qabaa in dalka uu galo xaalad Qatar ah hadii aysan Xukuumadda sameynin isbadal deg deg ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maqaayad ku taalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu arkay qof meyd ah oo u muuqday in lagu dilay halkaas kadibna lagu aasay dharkeedii, si aan loo arag, waxaana dhacdadaan ay la yaab ku noqotay dadka deegaanka. Haweeney ku ganacsata maaqaayadda lagu arkay meydkaan, oo la hadashay idaacadda Dalsan, ayaa sheegtay in iyada oo xaaqaysa qeyb ka mid ah goobteeda ganacsi ay argtay xubno bani’aadam kadibna ay ku wargelisay maamulka iyo dadkii ka ag dhawaa. Sida laga dheehan karay meydkaan looma asturin sidii loogu talagalay waxaana lagu duugay dharkiisii, dhowr sano ka hor iyada oo aan loo qodin khabri, dadka deegaanka ayaana dib u karfanay una aasay. Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo ka mid ah maamulka degmada Cabdicasiis ayaa sheegay in goobta ay gaareen markii lagu soo wargeliyay arrintaa kadibna ay la wadaageen hay’adaha amniga. Dhinaca kalana, waxa uu tilmaamay in meydkaan qiyastii la aasay xiligii ay dagaalada ka socdeen magaalada Muqdisho, 10-sano ka hor, isaga oo ugu dambayntii sheegay in shacabka iyo maamulka degmada oo iskaashanaya ay soo aruuriyeen lafaha qofkaan dibna loo karfanay lana aasay. Halkaan ka dhageyso codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Haraaga-Lafo-Bini-aadan-oo-laga-helay-Biibito-ama-Maqaaxi-lagu-shaaho-oo-kuta....mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Agaasimihii Guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wayci-galinta somaliland Cismaan Xuseen Warsame ee habeen hore ciidammada ammaanka Somaliland ay gurigiisa ugu daateen xabsiga u taxaabeen ayaa maanta xorriyadiisa dib u helay. Cismaan Xuseen Warsame ayaa Isagu war-qadiisa is casilaadda waxa uu u gudbiyay madaxwaynaha somaliland markii uu sheegay in sababo caafimaad dartood aanu u gudan Karin shaqadii loo igmaday madaama xaalad caafimaad darro soo wajahday, waxaana la sheegay in Madaxweynuhu uu ka aqbalay. Source
-
(SLT-Asmara)-Dawladda Ereteriya ayaa baahisay afar qodob oo xudun u ahaa wada hadalada ay weftiga Ereteriya la yeesheen Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiinta kale ee dawladda Somaliland. Wasiirka warfaafinta Ereteriya Yemane G. Meskel, ayaa saddexdan qodob ku baahiyay barta uu ku leeyahay twitterka oo uu inta badan mariyo farriimaha dawladda Ereteriya. “Weftiga Ereteriya waxay soo gabagebeeyeen socdaal guul ahaa oo ay saddex maalmood ku joogeen Somaliland.” Ayuu yidhi Wasiirka oo ka hadlayay weftiga Ereteriya oo shalay dib ugu laabtay dalkooda, waxaanu intaas raaciyay, “Waxay kulamo balaadhan la yeesheen Madaxweynaha iyo tiro kale oo masuuliyiin ah.” Wasiir Yemane oo sharaxaya waxyaabaha ay ka wada hadleen Somaliland iyo Ereteriya, wuxuu yidhi, “Wada hadalada waxa diiradda lagu saaray nabadgelyada gobalka, dib u heshiisiinta, horumarka iyo is dhex galka. Weftigu waxay dawladda iyo shacabka uga mahadceliyeen sida diiran ee loo soo dhaweeyay.” Wasiirka Warfaafinta Ereteriya faahfaahin dheeraad ah kamuu bixin qodobadan iyo waxyaabaha ka hooseeya. Sidoo kalena dawladda Somaliland faahfaahin dheeraad ah kamay bixin qodobada ay weftiga Ereteriya ka wada hadleen marka laga reebo inay masuuliyiinta dawladda Somaliland si guud uga hadleen socdaalka weftiga. Weftiga Ereteriya ayaa saddex maalmood ka dib shalay waxay dib ugu noqdeen dalkoodii, waxaana madaarka ku sii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo shalay ka soo baxay furumaha dagaalka ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa xalay su’aalo ka yaabiyay waydiiyay xubnihii wasiirada ahaa ee xalay kulanka kula qaatay degmada Balcad. Ciidankaan ayaa wasiirada marka hore uga mahad celiyay soo booqashadooda waxayna kadib ay cambaareeyeen wafdiga wasiirada iyo abaan-duulaha Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay mas’uuliyiin qabiil balse aan aheyn xubno qaran. Sida ay goobjoogeyaal noo sheegeen, Ciidamada ayaa waydiiyay wasiiradii u tagay su’aalahaan “hadii aad tihiin qaran maxaa naga soo doontayn idinkoo ah hal qabiil? Aaway Wasiirkii Gaashaandhigga, ku xigeenkiisa, iyo wasiir u-dowlaha Gaashaandhigga ee aan hoos tagno? Intaas hal qof oo kamid ah malaga waayay”, Wasiirada ayaa is eeg eegay waxayna ku noqotay la yaab su’aalaha la waydiiyay. “Muxuu naga soo doonay wasiirka warfaafinta, muxuu naga soo doonay wasiirka amniga, ma waxaan nahay Booliis, walaalkayn Odawaa hore ayaa isu aragnay waxna noo qaban waayay ee hada muxuu noo taraa” sidaasi waxaa yiri Saraakiil katirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee shalay ka soo baxay furumaha dagaalka. Hadallada Ciidamada ayaa aad uga yaabiyey Wasiiradii xalay ugu tagay Xerada Hiil-wayne ee degmada Balcad waxayna u sheegayn in loo soo diray qabiil oo aan loo dirin qaran Xubno ka socda. “Waxaa halkaan u timaadayn waa inaa qabiil ka socotaan annagana aad naga dhigtayn qabiil, sidaas darted u laabta Farmaajo ee u sheega inaa nahay qaran oo aan rabno qaran dad ka socda, hasa-yeeshaa ogaada inaa idin jecelnahay oo aan idin qiimaynayno”ayaa lagu yiri wafdigii wasiirada ahaa ee shalay gaaray degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe. Wararka ayaa sheegaya in markii dambe wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, uu u qabtay muddo saddex maalmood ah in lagu xalin doono kiiskooda, wuxuuna Muqdisho kusoo laabtay, ayada oo laga sugayo fulinta ballan-qaadkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com