Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay falcelinta Xukuumadda New Zealand ee ay hoggaamiso Ra’iisul wasaare Jacinda Ardern ay ka sameysay weerarka argagaxiso ee ka dhanka ahaa muslimiin salaadda Jimcaha ku tukanayay laba masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch (15 Maarso). Wasiir Cawad oo khudbad ka jeedinayay kulanka degdega ee Ururka Iskaashiga Islaamka heer Wasiirro Arrimo Dibadeed oo ku qabsoomay Magaalada Istanbul, Turkey, oo looga hadlayay weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee islaam neceybka ee ka dhacay New Zealand ayaa yiri “Aniga oo ku hadlaya Magaca Madaxweynahayga, kan Ra’iisul wasaarahayga iyo kan Shacabka Soomaaliyeed, waxa aan tacsi u dirayaa qoysaska, bulshada muslimka ah, Shacabka iyo Xukuumadda New Zealand oo ku aaddan xasuuqii Christchurch ee dhacay 15 March 2019. “Ka Soomaali ahaan waxaan la tiiraanyeysannahay dhammaan dhibanayaasha aan waxba galabsan, waxa aan ka naxsannahay xasuuqaasi murugada leh”. Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku sheegay in Soomaali lagu dilay weerarkaasi argagaxa lahaa “toogashada ka dhacday Masjidka Al Nuur iyo xarunta islaamiga Linwood ee Magaalada Christchurch ee lagu dilay 50 ruux, laguna dhaawacay 50 muslimiin aan waxba galabsan oo da’doodu u dhexeysay 5 illaa iyo 79 sano-jir oo ka kala yimid wadamo kala duwan oo uu ku jiro dalkayga Soomaaliya. Weerarkaas nacaybka xambaarsanaa wuxuu gallaaftay nolosha 5 Soomaali New Zealanders ah oo uu ku jiray canug 5 sano-jir ah”. “Waxa aan si adag u cambaaraynaynaa weerarkaasi argagaxiso ee xun ee islaam naceybka ah” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Puntland Post The post Cawad ” Ra’isil wasaare Jacinda Ardern si fiican uga falcisalay xasuuqii Christchurch” appeared first on Puntland Post.
  2. New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan lama filaan ah ka qaadatay qaraar ka dhan ah gardaradda Israel, kaasi oo la horgeeyey Golaha Xuquuqda Aadanaha QM oo Soomaaliya ay xubnin ka tahan. Qaraarkan ayaa cod 26-16 isku raacay in la cambaareeyo haysashada Israel ee dhulka Golan Heights ee Suuriya, kaasi oo ay ku qabsatay Dagaalkii Lixda Maalmood ee sanaddii 1967-kii. Codeynta qaraarka ayaa timid maalin kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Golan Heights uu u aqoonsanayo dhul Israel. Israel ayaa dhulka ku darsatay dhulalka badan ee ay ka haysato Bariga Dhexe sanadii 1981-kii Dowladda Soomaaliya ayaan taageerin qaraarkan, waxayna ka mid noqotay shan dal oo ka aamusay, kuwaas oo kala ah; Cameroon, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Fiji, Rwanda iyo Somalia. Dad badan ayaa filayey in maadaama Soomaaliya ay tahay dal Islaam ah ay taageerto qaraarka, hase yeeshee si la mid ah dalalka Carbeed ee sanadihii dhowaa ka haray qadiyadda Falastiin iyo Bariga, Soomaaliya ayaa u muuqata inay wadaddaas martay. Dadka qaar ayaa qaba in Soomaaliya aysan wax dan ah ugu jirin inay kasoo horjeesato dalal saameyn weyn ku leh siyaasada caalamka, sida Israel oo aad ugu xiran Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  3. Washington DC (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay “in Ilaah uu Trump madaxweyne uga dhigay si uu Israel uga bad-baadiyo Iran.” Wareysi uu siiyey taleefishinka CBN (Christian Broadcast Network), ayaa Pompeo lagu weydiiyey su’aal ahayd “Macquul ma tahay in Trump uu xilliga usoo baxay si la mid ah Queen Esther, si uu dadka Yahuudda ah uga bad-baadiyo xasuuqa Iran?” Pompeo ayaa ku jawaabay “Maadaama aan ahay qof Kirishtan ah, waxaan aaminsanahay in taas ay suurta-gal tahay” Pompeo ayaa sidoo kale sheegay inuu “Ku kalsoon yahay in waxa hadda socda ay yihiin shaqo ilaah” marka uu eego waxyaabaha Trump uu ka sameeyey Bariga Dhexe iyo in weli dal Yahuud ah uu jiro. Hadalkiisa ayaa yimid sacaado kadib markii Trump uu ku dhowaaqay in dhulka Golan Heights ee Israel ay xoogga uga haysato Syria uu aqoonsanayo inuu yahay dhul ay leedahay. Trump ayaa Yahuudda u qabtay wax uusan u qaban madaxweyne kale oo Mareykan ah, isaga oo horeyna magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuuda, islamarkaana si xun u bah-dilay dalalkii Carbeed oo uu ku qasbay inay ku daba feelaan Yahuudda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay hiilkii ay Somaliland u fidisay Dowladda Jabuuti xilligii ay dagaalamayeen Dalka Ereteriya, waxaanu sheegay inuu hiilkaasi ahaa mid aan laga fikirin. Waxa uu soo dhaweeyay xulufo cusub oo ay samaystaan Somaliland iyo Ereteriya taas oo uu ku tilmaamay mid ka wanaagsan tan Jabuuti. Xildhibaan Nac-nac oo ka hadlay weftiga Ereteriya ee Somaliland yimid ayaa yidhi “Waxay u dhigan tahay wuu inoo hiiliyey, waxay u dhigan tahay markuu Somaliland yimid dadkaa degan inuu Adduun weynaha tuso inaynu dal jira oo degan oo ismaamula oo calan leh oo Lacag leh oo wax walba leh nahay oo baarlamaan leh oo guurti leh ayuu Adduun weynaha gaadhsiinayaa wuu yaabay, Adduun weynaha ayuu ina barayaa Afrika oo dhanba albaabka ayuu inoo furayaa isagana weynakii nidhi ahlan wasahlan walaal, walaalkayo ayaa tahay waxaad noo dhaantaa walaalkaan la midownay ee naga tegay ee na dilay ee todobaatanka kun in ka badan naga diley ee aanu leenahay Itoobiya iyo Ereteriyaba kala tegoo heshiiyee aynu heshiino.” Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in socdaalka weftiga Ereteriya ay ku yimaadeen Somaliland ay fariin u tahay dowladda federaalka Soomaaliya. “Kaana wax ayuu tusayaa oo wuxuu leeyahay annaga iyo Itoobiyaba waanagii heshiinee , walaalkiin la heshiiya oo laba dowladood oo walaalo ah oo jaar ah noqda , Bariga Afrika wanaageedii ayeynu noqnay oo hadhow talaabo ayaanu ka qaadanaynaa , markaa Geeska Afrika ayaanu ka qayb-gelaynaa midowgaa la samaynayo, laakiin maanta haddii annaga sidaa na looga tago midowna gelimayno Eratariya ayaanu la walaaloobaynaa walaalkayo waakaas .”Ayuu yidhi Nac-nac Dhanka kalena Xidlhibaan Nac-nac ayaa Dowlada Jabuuti farriin u diray waxaanu sheegay in ay Somaliland Hiil walaal la noqonayso Dowlada Ereteriya, halka ay Jabuuti hiil walaal u noqotay Muqdisho “Hiil walaal qoladan Jabuutina waxaanu tusaynaa hiilka aad u hiilinayseen Muqdisho annaga ayaa idiinka dhow . Eteteriya oo weliba Barigii aanu idiinka hiilinay wakaa maanta noo yimid ee soo dhawaada yidhi , wax ku qaata ayaanu leenahay , maanta waxaanu leenahay Jabuuti annaga waxa noo kiin dhaama oo naga kiin xiga ninkaa Erateriya ayaa noo kiin dhaama .” “Wasiirka wuxuu yidhi IGAD ayaan geynayaa wa laga doodayaa wuu yaabay wadankan degan ee Lacagtu suuq-yada taalo ee aan juuq loo odhanayn ee dumuqraadiyadu ka jirto ayuu la yaabsan-yahay, markaa doodaa IGAD ayuu geynayaa wuxuu leeyahay waar dad ayaanu aragnay dad la lumiyey ayaanu aragnay oo la ilaaway ee bal kaalaya soo arka ayaanu leenahay .”Ayuu yidhi Nac-nac. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online) ― Weli waxa liidata xaaladda caafimaad ee Sheekh Cabdiraxmaan Aadan Warsame (Aadan Sune) oo ay dhakhaatiirtu ku taliyeen in lagu sameeyo qaliin deg deg ah, si looga dabiibo bog dilaaca ku dhacay. Laakiin, Wuxuu weli Sheekh Aadan ku jiraa xabsiga Hargeysa oo markii baadhista la sameeyay dib loogu celiyay, lamana garan karo goorta ay Xukuumada Muuse Biixi u ogolaan doaonto in lagu sameeyo qaliin caafimaad. Masuuliyiin iyo Garyaqaano ayaa Xukuumada Biixi ugu baaqay inay gudato waajibaad ka saaran in Sheekhu helo adeega caafimaad ee uu ubaahanyahay. Dhanka kale, Qoyska Sheekh Aadan Sune ayaa ku celcelinaya baaq ay ku dalbanayaan in Sheekha loo ogolaado inuu helo adeega caafimaad ee uu ubaahanyahay, mana jiro wax war ah oo ay xukuumadu ka soo saartay wararka ku saabsan xaaladda Caafimaad ee Sheekh Aadan Sune, laakiin waxa weli socda dedaalo lagu doonayo in dawlada lagu qanciyo inay ogolaato in Sheekhu helo adeega caafimaad. Dhawr-jeer ayay bulsho-weyntu Madaxweyne Biixi ugu baaqday inuu cafis Madaxweyne ku sii daayo Sheekha oo ay maxkamadda gobalka Maroodi-jeex hore ugu xukuntay 5 sannadood oo xadhig ah, balse Madaxweyne Muuse Biixi dalabkaas dhag jalaq uma aanu siin. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay falcelinta Xukuumadda New Zealand ee ay hoggaamiso Ra’iisul wasaare Jacinda Ardern ay ka sameysay weerarka argagaxiso ee ka dhanka ahaa muslimiin salaadda Jimcaha ku tukanayay laba masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch (15 Maarso). Wasiir Cawad oo khudbad ka jeedinayay maanta kulanka degdega ee Ururka Iskaashiga Islaamka heer Wasiirro Arrimo Dibadeed oo ku qabsoomay Magaalada Istanbul, Turkey, oo looga hadlayay weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee islaam neceybka ee ka dhacay New Zealand ayaa yiri “Aniga oo ku hadlaya Magaca Madaxweynahayga, kan Ra’iisul wasaarahayga iyo kan Shacabka Soomaaliyeed, waxa aan tacsi u dirayaa qoysaska, bulshada muslimka ah, Shacabka iyo Xukuumadda New Zealand oo ku aaddan xasuuqii Christchurch ee dhacay 15 March 2019. Ka Soomaali ahaan waxaan la tiiraanyeysannahay dhammaan dhibanayaasha aan waxba galabsan, waxa aan ka naxsannahay xasuuqaasi murugada leh”. Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku sheegay in Soomaali lagu dilay weerarkaasi argagaxa lahaa “toogashada ka dhacday Masjidka Al Nuur iyo xarunta islaamiga Linwood ee Magaalada Christchurch ee lagu dilay 50 ruux, laguna dhaawacay 50 muslimiin aan waxba galabsan oo da’doodu u dhexeysay 5 illaa iyo 79 sano-jir oo ka kala yimid wadamo kala duwan oo uu ku jiro dalkayga Soomaaliya. Weerarkaas nacaybka xambaarsanaa wuxuu gallaaftay nolosha 5 Soomaali New Zealanders ah oo uu ku jiray canug 5 sano-jir ah”. “Waxa aan si adag u cambaaraynaynaa weerarkaasi argagaxiso ee xun ee islaam naceybka ah” ayuu hadalkiisa ku sii daray. View the full article
  7. Hargeysa waa magaalo weyn oo camiran, marka loo eego deegaanada ay Soomaalidu dagto, magaaladan oo lagu qiyaaso inay ku nool yahiin malyuun qof ayaa ah mid adeegyada aasaaasiga ah ay yahin kuwo liita. Waxa ay markiiba indhahaagu qabanayaan in dhismayaasha, gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo waxyaabo kale badan? ay sii tiro badanayaan, balse waxa si cad ugu muuqanaaya qof kasta oo magaaladan isa soo dhextaaga in la ilaabay dantii guud iyo waxyaabhii ka dhaxeeyay dadka dhulkan ilaahay ku abuuray. Waxa ay indhahaagu qabanayaan fooqaq dhaadheer oo aad loo qurxiyay oo wadada hormartaa ay aad u burbursan tahay oo aan haysan biyo ku filan, cisbitaalka guud ee magaaladu waa mid adeegyadiisa caafimaad iyo nadaafadiisuba ay aad u liitaan, indhahaagu waxay qabnayaan qashinka oo meelwalba tuulan dadkuna aanu dareensanayn. Magaaladan Hargaysa ayaa ah mid dhismaysay tan iyo intii ay Somaliland ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay dawladnimadii ka luntay, waxaanay dadku si tartiib-tartiiba ah u bilaabeen inay dhistaan ama horumariyaan waxyaabhii gaarka loo lahaa. Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland dhibaatada ugu badan ee dadku isku qabsadaa waa dhulka, magalada hargiesa ee gobolka Maroodijeex ayaa haddaba markii ugu horeysay isqabsiga dhulku sare u kacay waayo dhulku waa aafada ugu wayn ee ay dadku isku qabsadan waana shay ay adag tahay soo afjaridiisu sidaana waxa sheegay gudomiyaha maxakamada sare Mr Aadan xaaji cali sanadkii ina dhaafay. Hadaba dhulkii Somaliland waxa uu gacanta u galay dad la leeyahay waa dad ganacsato ah oo sida ay doonaan ugu tagri falay una isticmaalay una adeegsada habka ay doonaan waayo waxa ay waayeen dawlada ku gaadh garaysa oo ku daba joogta kuna ilaalisa xeerarka iyo shuruucda dalkan u yaala kana soo saarta qawaaniin adag oo lagu yaraynayo lahaanshaha sida dhibta ayar layskaga sheeganayo dhulkii ummadaha ka dhexeeyay. Dhulkii dawlada ay masuulka ka ahayd waxa uu gacanta u galay dad gaar ah oo ku magacaaban ganacsato dhiig miirato ah oo aan u danaynayn umadooda iyo dan yartoda toona kaliyaata yaqaana uun sida loo macaasho lacag badana loo shaqaysto bangi xisaabeedkana loo buuxsado lkn waxa meesha ka maqan doorkii dawlada ku lahayd maamulka dhulka iyo hagaajintiisa waayo dawlada iyada ayaa uga masuul ah shacabkeeda waliba xeer baa sheegayaa qaabka ay dawlada dhulka u maamulayso una maaraynayso. Dawladu iyada ayaa dhullka masuul ka ah qof kasta oo da’diisu gaadho 18 jirna ay tahay inay siiso dhul uu dego oo u dhisto isla markaana haddiii uu ku dhisan waayo muddo kooban oo aan ka badnayn sanad way kala wareegaysaa, dawladu qofkaa hadaba su’aashu waxay tahay dawladu qofkasta oo muwaadin ah ma siisaa dhulkii uu xaqa u lahaa jawabtu waa maya waayo waxba gacanta uguma jiraan ee waxay gacanta ugu jiraan dad gaara, maahmaah somaliyeed ayaa tidhaahda “maxay leeftaa maba lulatee.” Hadaba waxan ka baqayaa inuu dhulku kacdoon inagu noqdo ama uu dhib inagu abuuro oo uu keeno qalalaase iyo amni daro guud ahan saamaysa dalka waayo dhulku waa tiir adag oo ay ahayd inuu gacanta dawlada ku jiro si ay dawldu umada dhex ugu hayso dhulka qaybintiisa , iibintiisa , qiimihiisa, kirayntiisa waayo iminka mark la eego qiimihiisu waxa uu marayaa meeshii ugu saraysay oo aanay goayn Karin dadka danyarta ahi sidoo kalena kirayntiisa ayaa iyaduna xadka ka baxday oo gaadhay meeshii ugu saraysay oo aaanay kiraysan karayn ba dadkii dan yartaa ahaa . Ugu danbayn haddii dhulka lagu soo celin waayo qaabkii saxdaa ahaa ee ay dawladu awooda ka ahayd waxa ka dhalan doona cawaaqib xumo baahsan oo oo saamayn xun ku yeelata dalka Somalliland iyo dadkeeda gaar ahan dad ka danyarta ah iyo dhalinyarada shaqo la,aantu hayso . W/Q: Mukhtaar Mohamed Muse, Master of Candidate for Project and Planning Management Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. STUTTGART, Germany — U.S. Africa Command is aiding the buildup of a specialized commando brigade in Somalia that has emerged as a key force in the fight to reclaim territory held by al-Qaida-aligned insurgents. During a visit to Somalia this week by AFRICOM’s Gen. Thomas Waldhauser, talks with the country’s leadership centered on the progress of Somalia’s Danab (Lightning) Advanced Infantry Brigade, a military statement said. “We’ve learned the importance of factoring in cultural and region-specific considerations,” Waldhauser said in the statement. “We work closely with our Somali partners ensuring the composition of specific Danab companies is appropriate for the security sector where they’ll be employed.” When training of Danab commando units began several years ago, planners originally conceived a battalion-sized element. The effort has now expanded with a plan to build a 3,000-troop brigade spread out across six Somalia army sectors, according to AFRICOM. A Danab brigade headquarters operates about 70 miles north of Mogadishu at Camp Baledogle, where the U.S. military is expanding an airfield for operations. AFRICOM declined to detail the current troop level of the Danab forces or a timeline for when the brigade would be at full strength, citing force protection concerns. For AFRICOM, one of the challenges in Somalia — a clan-based society without a history of a functioning central government — is ensuring the security forces it trains are comprised of appropriate clan groups. “For example, it would be unwise to take a force from Jubaland and send them to Puntland to conduct operations as they may be seen as outsiders, which would not maximize effectiveness,” said Maj. Karl Wiest, an AFRICOM spokesman. Because AFRICOM’s Somali partners have prioritized “ensuring the right people are placed in the right sector, the Danab are largely perceived as effective and clan-neutral by the Somali people,” Wiest said. During the past two years, the commandos have fought to retake territory from al-Shabab, a militant group that for more than a decade has vied for control in Somalia. The Danab commandos, along with other parts of the Somali military and an international force known as the African Union Mission in Somalia, “continue to make incursions into territory previously held by al-Shabab,” AFRICOM said. The U.S. says the military effort is part of a broader approach focused on getting the Somali central government to more effectively deliver services, but the strategy faces complications since Somalia consistently ranks as one of the world’s most corrupt countries. Security analysts also have long cautioned that Somali society has a history of resisting outside attempts to impose Western-style order. Al-Shabab also has proven resilient. During the past three years, the U.S. has steadily intensified military operations in the country, with special operations troops serving as combat advisers. Somali forces have recently set up multiple combat outposts in the Lower Juba River Valley — a region that is frequently targeted by U.S. airstrikes — where they pushed Shabab fighters out of former strongholds. AFRICOM said about 1,000 previously displaced families have returned to their homes since 2017 as a result of the offensive. “We have seen incremental progress in Somalia,” Waldhauser said. “Our partners must continue to make progress in order to maintain positive momentum and maintain the hard-earned confidence of the Somali people.” The Pentagon says the U.S. now has about 500 troops in Somalia, where the pace of airstrikes has been escalating. Since 2017, AFRICOM has launched more than 100 airstrikes in Somalia, killing over 800 militants. The U.S. offensive is driven by concerns that if al-Shabab asserts more control in Somalia, the country could become a hub for jihadis and Western interests in the region might be threatened. Also, the AU Mission in Somalia is scheduled to withdraw from the country next year. The AU contingent has been instrumental in keeping al-Shabab at bay, and it is not yet clear whether Somali forces will be able to hold on to battlefield gains of recent years. “Somalia is critical to the security situation and the long-term stability of East Africa,” Waldhauser said. However, the stepped-up military campaign is drawing more scrutiny and calling into question an AFRICOM assertion that no civilians have been killed in any of its airstrikes. On Wednesday, Amnesty International released a report that said AFRICOM’s claims are false and that at least 14 civilians have died in five strikes analyzed by the watchdog group. “Military operations by Somali government, allied militia and foreign troops including (the African Union) and the US military against Al-Shabaab, continue to have a devastating effect on civilians,” Amnesty said in its report. AFRICOM denied the allegations. “It is in the interest of the terrorist group al-Shabaab to untruthfully claim civilian casualties,” AFRICOM said in response to the Amnesty report. “It is also in the interest of al-Shabaab to coerce community members to make untrue claims.” Source: Stars and Stripes
  9. The search for an out-of-court solution for the Kenya-Somalia dispute over their common border has hit a snag, paving the way for a legal battle at the International Court of Justice (ICJ). Nairobi is putting together final touches on papers for the case, which will begin in September in The Hague. In 2016, Kenya failed to convince the ICJ that it was not within its jurisdiction to determine the matter. SEISMIC STUDY Some of the submissions Kenya will make in September include the results of an expensive seismic study to prove that the ocean floor of the disputed area includes minerals eroded from rivers in Kenya scattered over 300 nautical miles from the shore. Chinese scientists, in collaboration with local geologists, are compiling data from the study in Beijing. Officials from the State Law Office said the process is complicated and requires expertise not available in Kenya. Nairobi has all along insisted that the boundary is determined by a parallel line to the east set by colonial powers. Somalia, however, says the boundary extends to the southeast as an extension of its land border. If Mogadishu wins the case, a large swathe of Kenya’s land will fall in the hands of Somalia. For its part, Kenya insists that the land is within its continental shelf as defined by the United Nations Convention on the Law of the Sea (UNCLOS). Article 76 of the UNCLOS treaty signed in 1982 says: “The continental margin comprises the submerged prolongation of the land mass of the coastal State, and consists of the seabed and subsoil of the shelf, the slope and the rise.” OIL DEPOSITS Without a political solution in sight, it appears that Nairobi has resorted to piling pressure on Mogadishu even as it prepares for a legal battle. On Thursday, officials at the Kenya Defence Forces (KDF) declined to comment on whether the surprise retreat of troops to the border is part of the strategy. On Tuesday, the Nation exclusively reported that Kenyan troops had abandoned their bases in Bursar, Bardera, El Adde, Taraka and Fafadun. Two weeks ago, Somalia’s President Mohamed Farmajo was in Nairobi in an effort to find a diplomatic solution for the crisis, but his meeting with President Uhuru Kenyatta did not yield any results. In fact, State House remained mum over the results of the meeting while Mr Farmajo’s office issued a statement. “The agenda of the talks included a diplomatic solution and the president has agreed to restore and strengthen ties and co-operation between the two countries based on mutual respect and co-operation in the areas of security, economy, human trafficking and trade,” said Mr Farmaajo. As a solution remains elusive, Nairobi has resorted to doing all it can to force Mogadishu to withdraw its interest in the 142,400-square-kilometre area of ocean that has rich oil deposits. This turn of events is informed by the realisation that Somalia had planned to sell off oil blocks in the area by September. This will be just about the same time when the case starts, which could create more legal and political hurdles. NON-ACTIONABLE A slide show for a presentation made in London by American seismic company Spectrum Geo on behalf of Somalia shows that the results of the auction will be made public on September 19. Under the plan, Somalia has given firms willing to bid up to July 4 to ask any questions regarding their qualification. The companies will then have up to July 11 to enter bids and the government will on August 29 “qualify operators and non-operators”. A study of documents dating back four decades shows the genesis of the matter was in 1979, when President Daniel arap Moi wrote to the UN declaring ownership of the ocean space in dispute. Thirty years later in 2005, Mr Moi’s successor Mwai Kibaki also made a similar pronouncement. Then in 2009 both countries signed a deal that the border would run east along the line of latitude. The agreement was registered at the UN secretariat in June 2009. On October 10, Somalia’s Prime Minister Omar Sharmarke wrote the UN saying the Transitional Federal Parliament had rejected the agreement and requested that it be treated “as non-actionable”. Kenya, however, argues that the deal is an international treaty that is legally binding on the parties. Source: Daily Nation
  10. Istanbul (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa mar kale maanta heshiis muhiim ah ku kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta la saxiixday heshiis dhiggiisa Turkiga Mudane Mevlüt Çavuşoğlu oo ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan Ankara iyo Muqdisho. Heshiiskan ayaa macnihiis yahay in labada dhul ee ku kala yaalla labada magaalo uu dalba midka kale kiisa yeesho. Arrintan ayaa ah mid caadi ah oo inta badan dalalka caalamka ay sameeyaan. Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah. Turkiga waa dalka ugu weyn ee taageerada siiya Soomaaliya, waxaana uu dalka ka fuliyey mashaariic waa weyn, sida garoon diyaaradeed, isbitaallo, waddooyin iyo goobo waxbarasho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdsiho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday “inaan la aqbali karin in ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu masjid dhexdiisa been ka sheego, ayada oo loogu dul-qaadan jiray beentii hoteellada.” Fiqi ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal jawaab u ah hadalkii Kheyre uu maanta ka jeediyey saladdii jimcaha ee masjidka madaxtooyada, kaasi oo uu kaga hadlay mushaharka ka maqan ciidamada. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi uu dhameystiran. Masjidka Dhexdiisa Miyaa Markaana! Raysulwasaare Khayre masjidka uu ka dhex khudbaynayo ee madaxtooyada, dadka ugu badan ee dhagaysanayey khudbadiisa waa shaqaalaha madaxtooyada oo aan muddo saddex bilood ah wax mushaar ah qaadan (sida ay noo sheegeen) laakin caburinta iyo cagajuglaynta lagu haayo aan afka kala furi karin In ay xuquuqdooda sheegtaan! Wuxuuna shaqaalahaas aan xaqooda helin mudadaas u aqrinayaa In askarta In mushaarkooda la siin doona! Sidee isku qabanaysaa Warkaas ama ay uga rumayaanayaan? Shaqaalaha xafiisyada madaxtooyada iyo kuwa kale ee hey’adaha dawladda ka shaqeeya ma diiwaangashana miyaa ayaguna! Shalay waxaad lagu faanayey mushaar naguma baaqdo, Maantana waxaa cudurdaar loo raadinaysaa mushaar la’aanta dhacday, way fiicnaan laheyd in wax lagaa qoro iyo mawqif kaliya aad yeelataan!!! Waa loo dulqaadan karaa marka hoteelada hadalllo noocaas ah laga sheego, laakin masjidka maya mudane! Hantidhowraha qaranka iyo hey’adaha kale ee laba aqal ee Barlamaanka u qaabilsan baaritaanka wixii ku saabsan la xisaabtanka dhanka maaliyadda waxaa u taalla hawl adag oo ay tahay In ay ka hawlgalaan halka ay martay qoondadii shaqaalaha rayidka ah iyo ciidanka ee miisaaniyadda 2019 loo qoondeeyey!
  12. Magaalooyinka waawayn ee Puntland ayaa maalmihii udambeeyay waxaa caado ka noqoday kufsiga sida wadarta ah loogu gaysanayo gabdhaha da,dooda ay ka hoosayso 15 sano . [...] Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si dadban u duray ciidamada mushahar la’aanta ka cabanaya ee gadoodka sameeyey, isaga oo sheegay inaysan gadood sameyn xiligii madaxweyne Xasan Sheekh ee ay sagaalka bil waayeen mushaharka. “Waxay leeyihiin labo bilood oo wax la saxaayo ayaa mushaaraadka naga maqan yihiin… Maxay u kala tegi waayeen xilligii uu mushaarku ka maqnaa sagaal bilood…runta la idin ma sheegin.. laakiin aniga maanta idin sheegaya.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo maanta ka hadlay salaaddii Jimcaha. Ciidamada gadoodka sameeyey ayaa sheegay inaysan ka cabaneyn mushahar la’aan kaliya balse laga jirtay raashinkii. Xilligii dowladda Xasanb Sheekh ayay sheegeen in inkasta oo mushahar ay waayeen marar badan, haddana marnaba aysan noqon raashin. Kheyre ayaa sheegaya in shuruudaha horyaalla Ciidamada ay yihiin in askariga uu ku sugnaado goobtii lagu diiwaangeliyay, kuna shaqeeyo iyo in aan dalban gacan kale oo u dhaxeysa Askariga iyo Dowladda, lacagahana loogu shubo koontada loo sameeyay, sidaas Askarigii sameeyana uu heli doono mushaarka iyo Gunnada. Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya in aysan xaqireen dadka usoo dadaalay dalka, balse loo baahan yahay in lala jaanqaado nidaamka cusub. Waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka marwaliba la hor dhigo su’aal ah tirada Ciidamada si looga caawiyo Mushaaraadka iyo lacagaha loo qoondeeyo. Kheyre ayaa tilmaamay in had iyo jeer la weydiiyo Liiska Ciidamada lagu diiwaangeliyo, balse hadii aan la helin aan suurta gal ahayn in dhaqaale loo helo. Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayay mushaar la’aan dhowr bilood oo ay sheegeen in aysan lacag qaadan. Wafdi ka socda Dowladda Federalka oo ay hogaaminayeen Wasiirada Amniga iyo Warfaafinta ayaa shalay Degamada Balcad kula kulmay saraakiil hogaamineysay Ciidamo mushaar la’aan ugu soo baxay deegaanadii ay ku sugnaayeen. Kulan saacado qaatay kadib, ciidamada iyo saraakiishii qaabilay wafdiga Xukuumadda ayaa isku afgartay in ciidamada dib ay ugu laabtaan, cabashadoodana la xalinayo. Dhageyso Kheyre https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/dhagaysoraiisul-wasaare-Kheyre-oo-ka-hadlay-mushaaraadka-ciidamada.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Ciidamada dowladda ayaa isga soo baxay qaybo badan oo kamid ah saldhigaydii difaaca ee ay kaga jireen goboldada koonfureed ee dalka Soomaaliya kadib markii ay [...] Source
  15. China is certainly not the only country with predatory fishing fleets, but its boats are the ones that have been invited into our territorial waters by a foreign power. An oasis of stability in a volatile region, Somaliland has long safeguarded our maritime zones from piracy, terrorism and crime, including illegal fishing. Thanks to the responsible stewardship of our coastal ecosystem, Somaliland’s territorial waters are home to hundreds of fish species. For this reason, conservationists and diplomats alike should be alarmed by neighboring Somalia’s recent decision to grant licenses to Chinese companies to fish in Somaliland territorial waters. Unless the international community intervenes, 850 kilometers of Somaliland’s coastline and 70,000 square kilometers of its exclusive economic zone will soon become vulnerable to exploitation by foreign commercial entities, putting at risk yet another fragile coastal ecosystem in Africa. Somaliland and Somalia have a long and complicated history. A former British protectorate, Somaliland secured its independence from the United Kingdom in 1960 and was subsequently recognized by numerous governments, including the United States. Shortly thereafter, Somaliland voluntarily joined with the former Italian Somalia to create the Somali Republic, which over time became subject to autocratic rule and civil conflict. In 1991, the Republic of Somaliland reclaimed its independence, building a successful democratic state despite the ongoing violence in neighboring Somalia. Yet to date it remains unrecognized by the international community. Fishing in Somaliland is much the same today as it has been for generations, contributing to the preservation and protection of a pristine marine environment. Four thousand miles away, along the coast of West Africa, overfishing is driving many aquatic species to extinction and threatening local livelihoods and food security. Somaliland has watched these developments with great concern. China is certainly not the only country with predatory fishing fleets, but its boats are the ones that have been invited into our territorial waters by a foreign power. With this access, trawlers’ heavy nets will destroy our oceanic habitats, stunting reproduction and exacerbating declines in fish populations. Further, the non-selective nature of most trawlers catches both marketable and undesirable fish alike while dumping waste material and ballast water could have devastating effects on rare native species. Somalia’s licenses are meant for China to catch tuna; however, dolphins, whales, porpoises and the endangered dugongs are likely to be swept up as well. Somaliland’s small fishing fleet cannot compete with Chinese vessels and the advanced technology that they employ. It is said that one Chinese ship can catch as many fish in a single week as the average fishing boat in Africa can catch in an entire year. Across Africa, this disparity drains economies of billions of dollars, driving local fishermen into crime, terrorism and piracy. Source Defense one Qaran News
  16. Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiqaadi Xuseen Nuur Dirir ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Gaalkacyo waxa uu ka sheegay sharuudaha looga baahan [...] Source
  17. Degmada Buursaala ee gobolka Mudug waxaa laga hirgaliyay oo dhimaheeda la bilaabay waddo laami ah oo dherer keedu uu yahay 2kmtr. Hirgalinta dhismaha waddadan oo [...] Source
  18. Christchurch (PP) ─ Dalka New Zealand, ayaa maanta si toos loo baahiyay aadaana iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo aadaanka si toos ah looga maqlo dibada masjidka, waxaana dalkaas oo dhan laga aamusay muddoo laba daqiiqo ah si loo dhageysto codka dadka muslimiinta ah loogu dhawaaqayo. Arrintan oo lagu beegay Salaaddii khudbada ee maanta ayaa qayb ka ahayd xuska lagu asteynayay hal isbuuc oo kasoo wareegay markii weerar lagu qaaday masaajidyo ay dad ku tukanayeen jimcadii lasoo dhaafay. Ra’iisul wasaaraha NZ, Jacinda Ardern ayaa ku biirtay kumannaan ruux oo ku baroor-diiqayay meel u dhaw masaajidka Al-Nuur oo ahaa masjidkii ay ka dhaceen khasaarihii ugu badnaa ee toogashada. Imaam, Gamal Fouda oo salaaddii jimcada ee maanta Tujiyay muslimiinta ayaa yiri. “Qalbiga ayaa naga jabay balse innaga oo dhan ma aynaan jabin.” Isagoo sheegay inaysan tallaabadii foosha xumayd ee lagula kacay niyad-jabin doonin. Sidoo kale, Illaa 50 muslimiin ah ayaa lagu dilay toogasho uu nin hubeysan labada masaajid u geystay 15-kii bishan, xilli ay dadkaasi ku guda jireen salaaddii jimcaha, halka tiro kalena ay dhaawacmeen. Ninka falkan geystay oo lagu magacaabo Brenton Tarrant ayaa u dhashay dalka Australia, waxaana lasoo taagay maxkamad iyadoo lagu eedeeyay inuu falkaas geystay, waxaana la filayaa in dacwado kale lagu soo oogo. Khamiista lasoo dhaafay ayay Ra’iisul Wasaaraha NZ, Jacinda Ardern amar ku bixisay in dalkeeda laga mamnuuco guud ahaan hubka daran-daroorriga u dhaca oo uu adeegsaday ruuxii falkaan naxdinta leh geystay. Dhanka kale, Dad gaaraya kumannaan qof ayaa isugu tagay fagaare u dhaw masjidka Al-Nuur, si ay u xusaan Jimcada Qaran ee kasoo wareegtay markii uu dhacay falkii lagu laayay dadka. Waxaana Telefishinnada dalkaas maanta laga baahiyay salaaddii jimcaha. Ugu dambeyn, Khudbad ay jeedisay Ra’iisul Wasaaraha NZ, Ardern ayay ku sheegtay in New Zealand ay la barooranayso muslimiinta dalkaas, aysanna ogolaan doonin in fal noocan oo kale ah uu mar dambe ka dhaco dalkeeda, iyadoo tusaale u soo qaadatay sida ay Muslimiintu isugu damqadaan marka ay dhibaato ku dhacdo. PUNTLAND POST The post Muslimiintii lagu laayay New Zealand oo maanta loo sameeyay Baroor-diiq Qaran appeared first on Puntland Post.
  19. Wadanka News Zealand ayaa maata waxaa looga baroor diiqay dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Masjidka Al-Noor oo ay ku dhinteen dad muslimiin ah oo [...] Source