-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Machadka Cilmi-baarista Siyaasadda Somalia ee Heritage oo xaruntiisu tahay Muqdisho ayaa toddobadkan soo saaray warbixin dheer ka qoray Dowladda uu hoggaaminayo Farmaajo tan iyo markii xilka loo doortay oo laga joogo laba sano. Warbixinta Heritage, ayaa lagu billaabay sidan: Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa Madaxweynaha Somalia loo doortay, 8-dii Febraayo 2017-ka, isagoo ballan-qaaday in uu horseedayo is-baddel weyn, sugayo amniga, xasilinayo siyaasadda, musuq-maasuqa, kobcinayo dhaqaalaha, la dagaalamayo, uuna la imaanayo siyaasad arrimo dibadeed oo sarraysa. Laba sano kaddib, haddii la qiimeeyo waxqabadka Madaxweynaha, waxaa soo baxaya, in qorsha-yaashiisii qaar, ay u suurto galeen, kuwo kale oo badan – oo uu ballan qaaday xilligii doorashada iyo Shirkii London-na – aanay waxba ka hirgelin. Dhanka guulaha, Xukuumadda Farmaajo iyo Khayre (XFK) waxay guulo wax ku ool ah ka gaareen dadaalada in Soomaaliya deynta laga cafiyo, waxay xawaare geliyeen wada xaajoodka hay’adaha maaliyadda adduunka (sida Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF), waxay kordhiyeen dekhliga dowladda, waxay ku guuleysteen kasbashada kalsoonida shacabka, waxayna ku mintideen wada-shaqaynta hay’adda fulinta (Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad), sidaas oo ay tahayse, ma hirgelin in badan oo ahaa ballan-qaadyadii Madaxweynuhu doorashada ku galay. Warbixita ayaa waxaa lagu sheegay in ballan-qaadyadii Farmaajo ay waxba iska soo tari waayeen, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in Xukuumaddu ay uga adkaan doonto Al-shabaab muddo laba sano ah. Sidoo kale waxaa ku jiray in sidoo kale uu ku guul-darreystay ballan-qaadkiisii ahaa inuu furayo waddooyinka Muqdisho ee xiran, taas badalkeedana waxaa si aad ah u sii kordhay xirnaashaha wadooyina Muqdisho. Ugu dambeyn, Qodobbada kale ee lagu dhaliilay inay xukuumaddu wax ka qaban wayday ayaa waxaa ka mid ah, amniga iyo siyaasadda, kuwaasoo la sheegay in dowladdu ay ku fashilan tahay, isla markaana aan looga fadhin inay wax ka qabato sannadaha u haray. AKHRISO: Warbixinta Machadka Heritage uu kasoo saaray Dowladda Farmaajo PUNTLAND POST The post Machadka Heritage oo Warbixin Dheer kasoo saaray Xukuumadda Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Waxba ma fahmo waayo Runtaan ka dhuuntaa.( go beyond the analytic mind) Dhibaata kasta oo igu dhacda, mahayo wadadii xalkeeda,waxaan ku ilaawaa dhibtaas duruufaha ilbidhiqsi kasta noloshayda kusoo kordha ee maalinlaha ah, midba mid bay idhiibtaa,ma dhibsado oo waan iskala noolaadaa,anoo ka dhuumanaya xaqiiqada nolosha i hortaagan ee aanan xalba u haynin(Concealing the contrary of the reality). Qiimaha qofku leeyahay wuxuu ku xidhan yahay waxa uu qabto wanaagiisa iyo xumaantiisaba, Heerka aynu marayno waxay dacaayadu ka mid tahay Tool-ka ugu muhiimsan ee wax la isugu sheego waayo itaalkeena ayaa halkaa ina dhigay,Cabsida shakhsi walba ku hareeraysan waxaa sabab wayn u ah cidii ku haboonayd in la xidho ayaa wax la dhagaystaa. Waxaa jiraa dad u dhiban dulmi ay galeen oo ay fududahay in ay ka bogsadaan. #Dhoohane waa marxaladda aynu dhexmushaaxayno waxaynu dugsanaa dareen aan dan inoogu jirin #qabyaaladd waa cudur aafo ah waa nidaamka kaliya ee dadka lagu kala qaybiyay ee aan abidkeed faaido laga dheefsan, waa “package of all problems” waa cilmi khariban oo wax lagu boobo 1960 ilaa hadda 2019 Reero ayaa laga sheekayaa dadka ku dhintay malaayiin kama yara, dad iyo duunyo laga faaiday ma jirto. Dhoohane (Dhoohane afsoomaaliga waa qof isaga dhiigiisa lagu taajiro oo laakiin isagu aan is ogayn) waa cid u afduuban dan been ah oo cidi ku guurayso ogow adaa eersan doona “ilaahay ha inna wada caafiyo Dhamaanteen” Dawladda hadii wax inoo qabato si cadaalad ah iyadda ayaa reer inoo ah danteenuna ku jirtaa, Hadii ay wax inoo qaban waydana heshiiskay inala gashay ee labada daraf ahaa “aan ku doorto ee waxaa ii qabo” haday qaban waydo inaguna waynu ka bixi karnaa heshiiskaas sharciguna sidaas waa ogolyahay. #DhibaneDhibgayste wuxuu ka mid yahay bulshadeena waa dhibane haddana dhib ku foogan, wuxuu ku jiraa xaalad mugdi badan, waa matalayaasha inoogu cadcad, Meelkasta oo uu joogo wuxuu ku jiraa cidhiidhi,se Xariifna wuu isu haystaa “Never Trust your own brain” ku darso hadalkasta oo uu maqlo ama arko wuxuu ka baadhayaa wax u eeg in ay ku jirto,inta ku xidhana ma aaminsana ee ninba ninbuu sii daba dhigay “Xanta iyo dhaqdhaaqa ii dhagayso” dadkan ku xidhani waa dad fahansan laakiin dulqaadanaya fariidnimo ayay isaga ula eegtahay Dhibgaystahani hadii aanu dhib galin waxanba iskumuu hawleen alla ha usahlo. Qiimaha qofku leeyahay wuxuu ku xidhan yahay waxa uu qabto wanaagiisa iyo xumaantiisaba, ilaahayna wuxuu inoo sheegay qofka xaqqa aan ku leeyahay gutaa inuu liibaanay. Xaqqa ilaahay inaggu leeyahay. 1-Xaqqa Xuska iyo gudashada waajibaadkiisa 2-Xaqqa macaamilka dadkiisa. 3-xaqqa ucadaalad falka masuuliyad kasta oo aad hayso. 4- Xaqqa qoyskaaga ubadkaaga iyo xaaska. 5- Xaqqa usamafalka umaddisa karaamaysan. Dhinackasta oo aad ka eegto ilaahay intuu inna faray midba midbay ku xidhan tahay mana kala maarmi karto, hadii aynu u gudano si wanaagsan waxaynu ku noolaan doonaa cisi iyo sharaf. Ilaahayna ha inna garansiiyee dhamaanteenba. Haddaba waqtigaaga haku lumin inaad cid xumayso waxay ku galin kartaa dhib aanad waligaa kasoo kaban doonin. Haddalka Xaqqa ah waa sadaqo! Ahmedyasin Sh cumar Sh Ahmed Furre Qaran News
-
Muqdisho (PP) ─ Cabsi dhanka ammaanka ah ayaa la sheegayaa inay ka jirto garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo weliba xarunta madaxtooyada oo ay dowladdu ku shaqeyso, iyadoo ciidammo badan la dhigay labadan goob ee muhiimka ah Wararka ayaa sheegaya in ciidammo badan la geeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halka ciidamada ilaalada Madaxtooyada Somalia banaanka loo soo saaray iyagoo wata gaadiidka dagaalka, si ay uga hortagaan siku day walba oo la doonaoy in lagu weeraro. Cidammo badan ayaa lagu arkayay maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo wararka aan helayno ay sheegayaan in tani ay ka dhalatay ciidammo la sheegay inay dhawaan mushaar la’aan uga soo baxeen furumihii ay kaga sugnaayeen qaybo ka mid ah gobollada shabeellooyinka. Sidoo kale, Ciidamada gaarka ah ee ilaalada madaxtooyada Somalia, ayaa dibadda loosoo saaray, iyadoo afarta koontarool ee laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada la dhigay gaadiidka dagaalka, iyadoo ciidamada halkaas la geeyay ay ka muuqato feejignaan dheeraad ah. Dhanka kale, Wararka ayaa intaas ku daray in madaxtooyda laga joojiyay in agagaarkeeda lala yimaado wax ka badan afar askari oo istaaf ah, iyadoo lagu war-geliyay wasiirrada inay dhimaan ilaaladooda marka ay imaanayaan Villa Somalia. Madaxtooyada Somalia ayaa cabsi weyn ka muujiyay in isku day af-gamni ay sameeyaan ciidamadii dhawaan kasoo baxay furumihii ay gobolada dalka uga jireen, inkastoo ciidamadan aanay ujeedkoodu ahayn inay in-qilaab ka fuliyaan dalka. Ugu dambeyn, Marka laga soo tago ciidamada gadoodka sameeyay ayaa la sheegayaa in cabsida ay qayb ka tahay Kooxda Al-shabaab oo ay dhici karto inay gudaha u soo galaan caasimadda dalka, haddii ciidamadu ay furumaha soo faarujiyaan. PUNTLAND POST The post Ammaanka Villa Somalia iyo Garoonka Diyaaradaha oo si aad ah loo adkeeyay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-New Zealand)Dalka New Zealand ayaa laga baahiyay codka Aadaanka Salaadda, waxaana guud ahaan waddanka laga aamusay muddo 2 daqiiqo ah, si loo dhageysto codka dadka muslimiinta ah loogu dhawaaqayo. Arrintan oo lagu beegay salaaddii khudbada ee maanta ayaa qeyb ka ahayd xuska lagu asteynayay hal isbuuc oo kasoo wareegay markii weerar lagu qaaday masaajidyo ay dad ku tukanayeen jimcadii lasoo dhaafay. Ra’iisul wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern ayaa ku biirtay kumannaan ruux oo ku baroordiiqayay meel u dhow masaajidka Al-Noor oo ka mid ah dadka lagu laayay Imaam lagu magacaabo Gamal Fouda, oo salaaddii jimcada ee maanta tujiyay dadka ayaa yidhi: “Qalbiga ayaa naga jabay laakiin innaga oo dhan ma aynaan jabin”. 50 ruux oo muslimiin ah ayaa lagu dilay toogasho uu nin hubeysan 2 masaajid u geystay 15-kii bishan, xilli ay dadkaas ku guda jireen salaaddii jimcada, halka tobannaan qof oo kalena ay dhaawacmeen. Brenton Tarrant, oo u dhashay dalka Australia ayaa loo maxkamadeynayaa inuu falkaas geystay, waxaana la filayaa in dacwado kale lagu soo oogo. Maalintii khamiista ahayd ayey ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern amar ku bixisay in waddankeeda laga mamnuuco guud ahaan hubka u sameysan noocii uu ninkaas u isticmaalay weerarka. Maxaa dhacay maanta oo Jimce ah? Dad gaaraya kumannaan qof ayaa isugu tagay fagaare u dhow masjidka Al-Noor, si ay u xusaan Jimcada qaran ee kasoo wareegtay maalintii uu dhacay falkii lagu laayay dadka. Aadaanka salaadda, oo muslimiinta loogu dhawaaqo si ay salaadda usoo xaadiraan ayaa laga baahiyay telefishinka iyo raadiyaha qaranka ee dalka New Zealand. Waxaa la raaciyay 2 daqiiqo oo waddanka oo idil laga aamusay, si loo xuso muslimiintii ku dhintay toogashadii ka dhacday masaajidyada. Khudbad ay xilligaas ka hor jeedisay Ms Ardern ayey ku tidhi: “New Zealand way idinla baroor diiqeysaa, kulligeen waxaan nahay mid” Waxay tusaale ka dhigatay xadiis uu nabi Muxammad (csw) ku sheegay in dadka muslimiinta ah dhibka walaalahood soo gaara ay ka xanuunsadaan, ayna la mid yihiin sida qof ay jirkiisa meel ka mid ah xanuuneyso inta kale ee jirkiisa ka mid ahana ay dareemeyso. Source
-
Naanaysta Muuse-Handaraab Ma Saxbaa Mise Waa Khalad…W/Q Rashiid Sulub Caalin Sida aynu ogsoonahay, waxaynu ku biirnay Dalalka Dimuqraadiga ah tan iyo waqtigii aynu bilownay habka Nidaamka Xisbiyada badan ee lagu kala xulanayo Masuuliyiintii maamuli lahaa Dalkan mid hoose iyo Madax sareba. Taasi waxay inoo saamaxday, in ay bulshada iyo Madaxda ay soo doortaanba u bislaadaan in lagu wada dhaqmo hab ixtiraam iyo is dhaliilidba leh oo lagu wada jaan-qaadayo. Sida aynu ognahay, sannadihii u dambeeyey waxa muuqatay in bulshadu ay habab kala duwan oo af-garasho ah iyo magacyo Naanays ah u bixiyaan Madaxda qaarkood amma badankoodaba, iyadoo la isla fahmo marka lagu dhawaaqo naanaysta loo bixiyey Masuulkaasi, maadaama ay si dhib yar u faafto waxyaalaha laga sheego Madaxdu. Ceebna inaguma aha marka aad eegto sida uu Caalamka Dimuqraadiga ahi ula dhaqmo Madaxdooda oo haddana aanay juuq u odhan amma ka xanaaqin, iyadoo inta badan la daba galo dabeecadahooda, dhaqankooda iyo shaqada ay Qaranka u hayaanba. Marka aynu ku soo noqono Dalkeena Somaliland, dhowaan Markii la doortay Madaxweynaha imika talada haya Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa judhiiba lagu qabtay oo lagu dhajiyey sida xanjada Naanays la yaab leh oo loogu yeedhay ‘Muuse-Handaraab’. Sida aynu iska wada fahmi karnana, waxa loola jeedaa inuu yahay Madaxweyne ku ad-adag habka bixinta lacagta shaxaadka, iska-aamusiinta af-miishaarka iyo hab kasta oo lacag qeyral sharciya lagu bixiyo. Sida dhaqanka Waddamada Soo koraya amma Afrikaanka badankoodu ku dhaqmaan oo sidii la doono loo bixiyo lacagta Xukuumadda iyadoon loo aabbo yeelayn, iyadoo markaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi laga waayey dhaqankaas aynu sheegnay. Haddba waxa muhiim noqotay sida Ilaahay ina faray, inaynu feker iyo wax is waydiin la nimaadno inta adduunkan aynu korkiisa joogno. Sidoo kalena, adduunyada hore u martay iyo kuwa fekerkoodu fayow yahayba waxay sheegayaan in cilmiga iyo aqoonta aynu leenahay had iyo jeer aynu ku cabirno dhibaatooyinka amma dhacdooyinka ina horyimaadda bulshada dhexdeeda.is-waydiimahaas oo ka dhasha kolba wixii cusub ee ku soo kordha dhaqanka bulshadaas iyo dabeecadaha ummadeed ee kolba isla beddelaya waqtiga. Waxaana badanaa qiimeeya amma daraasadeeya dad takhasus gaar ah u leh Cilmiga Bulshada (psychology) iyo Cilmi nafsiga (physiology). Haddaba, waxa muuqata in Culimadaas baratay cilmiyadaas lagu cabirro dabeecaddaha bulshada iyo dhaqankoodaba inay ka gaabiyeen inay daraasadeeyaan qaddiyadaha bulsho ahaan inagu soo kordha ee Cilmigooda u baahan. Haddaba, Qoraa ahaan iyo Mufakar ahaan haddii aan isku qaaddo in la taxliilo qaddiyaas muhiimka aan u arko ee magacaaas Muuse-handaraab ku lug leh waxay ila tahay inaynu is waydiino afar su’aalood inagoo sangaabta ka raacayna. 1.What (waa maxay naanaysta)? ·Waa magac-naanayseedka Madaxweyneheena lagu dhajiyey. 2.When (goorma ayaa loo bixiyey naanaysta)? ·Isla judhii uu shaqada Xafiiska bilaabay ayaa lagu dhajiyey Naanaysta. 3.Why (sababtee loogu bixiyey)? ·Waxa la maleeyey amma la tusaaleeyey inuu xidhan doono qasnada Dowladda oo laga qatanaan doono. 4.Who (yaa bixiyey Naanaysta)? ·Waxa naanaysta bixiyey dad gaar ah oo ku mamay inay hantida guud ee Qaranka ku qaataan hab dadban oo sharci ahayn. Fallanqeyn: waxay si dhow ugu muuqataa in ay maskaxdooda iyo maankooda ka soo maaxatay dad dano gaar ah leh oo markii ay arkeen natiijaddii Doorashadu sida ay u dhacday amma sida ay shaqada Xukuumaddu u bilaabantay ka dhex arki waayey danahoodii ay ka filayeen ee gaarka ahaa dabadeedna isku qaaday inay sumcadda iyo haybadda Madaxeynaha ay waxyeeleeyaan oo ay dadka u tusaan in dhaqaalihii Waddanku uu baaba’ayo meel walbana laga soo xidh-xidhmayo si ay dadweynuhuhu ugu soo jeestaan Madaxweynaha iyo Dowladda. Xaqiiqadda: ·Caqligeena saliimka ahi sida uu inoo sheegayo idinkuna aad igu waafaqi kartaan, waxa qof kasta oo Madaxweyne noqda laga rabaa in marka u horreysa ee uu xafiiska qabto inuu ilaaliyo ammaanada ummaddu u dhiibtay. ·In Madaxweynuhu garabkiisa u raariyo (garab-raarin) oo uu bulshadiisa si hufan ugu adeego. ·Waxana ay u cuskanayaan Naaneystaana ,waxaba la odhan kara duruufahani adage ee dhaqaalaheenu ku sugan yahay ,waa wax adduunweynaha wada saameeyay,dhibaatooyinka jirna ee dib inoo dhigana waxa iyaddana odhan kara ,waxay jireen intaanu ba dhalan Muuse Biixi,sida Maalka maalin walba lagu baabi’inaayo QAADKA,iyo Dadkeenii u jeesan la WAX-SOO-SAARKA,dhaqankeena siloon ee ah lacag bilaash ah oo aynu u haliileynu in aynu si fudud ku helo. ·Waxa Miiska yaala oo aynaan ka baxsan Karin, waxay illa tahay in aynu Muuse iyo Xisbigaasa kula xisaabtano at end of the day maxay ka qabteen qorshahii lagu soo dortay ee looga fadhiyay,oo aynu isga deyno waxii aan midho dhalineynin. Sidaa awgeed, waxa aad ila dareemi kartaan in macagaa Naanaysta ah aanu u qalmin Madaxweynuhu, isla markaana aanu gayin dacaayado raqiisa oo lagu doonayo in dano gaar ah lagu fushado. Sidaa awgeed, waxa aniga iyo inta qalbigoodu caafimaadka qabo-ba aanu raaligalin ka siinaynaa magacaa iyo dacaayadaha jaban ee lagula dul dhacayo Madaxweyne sharaf leh Qarankiisana daacad u ah. Waxaana hubaal ah oo rajaynayaa, in dhabaha uu imika hayo Madaxweynuhu ay tahay tii aan kula dardaarmay markii la doortay ee ahayd, in Shaadh-madoobaha (danaystaha, danta –guud ka leexdaha, af-miishaarka iyo ma-shaqaystaha) uu keeno Madaxweynuhu nidaam hoosta marinaya oo caddaadinaya, isla markaana Shaadh-caddaha (da’ yarta Waddanka wax u baratay iyo dadka u hoggaansan danta guud ee ka reebban muluq-muluqda iyo xaaraanta) in uu keeno Madaxweynuhu nidaam dusha soo marinaya oo ay dadka u adeegaan. Fiiro gaar ah: sidaad igu barateen ugalama jeedo in aan cid gaar ceebeeyo amma aan dan gaar ah ka leeyhay, waxaana aan ka hadlayaa uun danta guud ee laygu bartay. Wabillaahi Towfiiq, Qalinkii: Qoraa Rashiid Sulub Caalin. Email. Sulub2007@yahoo.com Hargeysa, Somaliland Source
-
(SLT-New Zealand)Waxaa Maanta oo Jimca ah la aasay Dadkii Muslimiinta ahaa ee Todobaad ka hor lagu laayay Laba Masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand. Salaadda Jinaazada oo ka dhacday Masjidka Al-Nuur ka ka mid ah goobihii lagu laayay 50-ka Muslimiinta ahaa, ayaa waxaa ka qeyb galay Dad ku dhow 20,000 Qof oo isaga kala yimid daafaha Caalamka. Sidoo kale aaska iyo ducada loo sameeyay Dadkaasi ayaa waxaa ka qeyb gashay Madax ay ugu horreeyso Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi , Jacinda Ardern, iyadoo Muddo Laba Daqiiqo ah loo aamusay Dadkii halkaasi ku geeriyooday. Ra’iisul wasaare, Jacinda Ardern, ayaa mar kale ku celisay in Maanta oo Jimca ah Idaacadaha Maxalliga ee Dalkaasi laga sii daayo Aadaanka, si Muslimiinta loogu muujiyo Garab istaag, isla markaana ay Dowladda iyo Shacabku ugu soo horjeedaan falkii ka dhacay Magaalada Christchurch. Source
-
(SLT-Washington) Fureyaasha sirta ah ee malaayiin qof oo Facebook isticmaala ayaa waxaa gacanta ku dhigay illaa 20,000 oo shaqaale oo ka tirsan shirkadda Facebook si aan sharci ahayn, islamarkaasna aysan ka warheynin dadkii lahaa. Cilmi-baaraha xagga amniga Internetka Brian Krebs ayaa markii koowaad baahiyay ku xadgudubka xogta gaarka loo leeyahay, taas oo quseysa illaa 600 milyan oo qof. Fureyaasha sirta ah ee shaqaalaha shirkadda ay heleen ayaa ciwaanadooda qaar la abuuray sannadkii 2012-kii. Shirkadda Facebook ayaa war qoraal ah ku sheegtay in ay hadda xalisay cilladaas, taas oo la sheegay in qaladka uu ka dhacay in xogtan muhiimka ah lagu kaydiyay mid ka mid ah qaanadaha gudaha shabakadda. Mr Krebs ayaa sheegay in ilo wareedyo uu shirkadda Facebook ka helay ay u sheegeen in ay “ku guul darraysteen illaalinta xogta ” taasi waxay u ogolaatay dadka qaar in ay sameeyaan aalado ay ku galayaan kuna kaydsanayaan fureyaasha sirta ah ah iyaga oon wax codsi ah u dirayn qofkii lahaa. Waxaa la sheegay in ay dhacday in shaqaalaha ay gudaha u galeen ciwaanada, islamarkaasna kaydsadeen fureyaasha. Iyada oo loo jawaabayo Mr Krebs, Injineerka Facebook Scott Renfro ayaa sheegay in baaritaanka uu biloowday kadib markii la ogaaday in aanan laga tagin wax raadad ah oo ku saabsan in wax la haleeyay. Facebook ayaa sheegtay in ay cilladda ogaatay bishii Janaayo xilli la samaynayay dib u eegista muddeysan ee lagu sameeyo tayada adeegyada. Baaritaanka arrintaan wuxuu muujiyay in dadka badidoodu ay saameynta ku yeelatay ay ahaayeen isticmaalayasha adeegga Facebook Lite, taas oo u eg in loo adeegsado waddamada ay internet koodu daciifka yahay, xawaarahoduna gaabiyo. “Waxaan qiyaasaynaa inaanu u diggi doonno boqolaal malyan oo ah dadka isticmaala Facebook Lite, tobanaan malyan oo kuwa isticmaala Facebook iyo tobanaan kun oo Instagram isticmaala,” ayay shirkaddu u sheegtay warbahinta Reuters. Warkan ayaa waxa uu soo afmeerayaa muddo dheer oo uu shirkadda dhib ka haystay xagga cillad bixinta iyo sida ay u illaaliso xogta shaqsiga ah. Bishii Sebtembar ee sannadkii hore, waxa ay sheegtay in xogta 50 malyan oo qof oo isticmaala si khaldan ama kama’ ah lagu soo bandhigay sababo la xiriira cillad qabsatay hannaanka sugista amniga internetka. Horraantii sannadka 2018 waxay shaaca ka qaadday in malaayiin qof oo isticmaala facebook ay xogtooda ay ka macaashtay shirkadda xayaysiiska iyo adeegyada xiriirka dadweynaha ee Cambridge Analytica. Source
-
(SLT-Muqdisho) Raysal Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qayb galay shir looga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha salka ku haya Xag-jirnimada. Shirka oo maanta furmay qorshuhuna yahay in uu soo xirmo berri oo Jimce ah ayaa si gaar ah looga hadlayaa sidii casharro looga baran lahaa hababka guulaystay ee dalalka Afrika ay u adeegsadeen ka hor-tagga iyo la dagaallanka Xag-jirnimada, si loo wadaago hannaanka ugu habboon, loogana faa’iidaysto talooyinka khuburada. “Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan machadka nabadda ee Yurub, ka jeediyo khudbad aan uga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha Xag-jirnimada ku salaysan. Nuuc kasta oo Xag-jirnimo ah waxa uu nagu hayaa dhibaato. Waa in aan kula dagaalnaa wadajir, run-sheegid, fursadaha aan haysanno iyo wada shaqayn xooggan. Waxa aan ku jiraa xilli ay jirto caqabado dhanka amniga ah, jawaabteennu waaa in ay ahaataa mid isku xiran oo xooggan”, ayuu ra’iisul wasaare ku-xigeenku ka sheegay shirka Brussels. Kulanka oo uu marti geliyay Mahadka Nabadda Ee Yurub (EIP) ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka soda Yurub, Afrika, Bariga, Dhexe, hay’ado calami ah iyo bulshada Rayidka. Source
-
(SLT-)Warshad kiimiko oo ku qaraxday dalka Shiinaha ayaa dishay ugu yaraan 44 ruux, waxaana ku dhaawacmay 90 ruux oo kale, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda. Qaraxa ayaa ka dhacay shirkadda kiimikada samaysa ee Tianjiayi oo ku taalla magaalada Yancheng ee dalka Shiinaha. Qaraxan ayaa dabo socday dab ka kacay warshadan oo samaysa waxyaabaha bacriminta loo adeegsado. Waaxda dhulgariirka qaabilsan ee dalka Shiinaha ayaa ku warrantay in dhulku uu gariiray 2.2 marka uu qaraxu dhacay. Sawirro baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujiyay goobta qaraxday iyo qiiq hawada isku shareeray, dad dhaawac ah iyo dhismayaal ay waxyeello soo gaartay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya, Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo kasoo muuqday muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa ka hadlay kiisaska kufsiga ee dalka.. Xasan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay hay’addaha garsoorka in ay si qoto dheer u eegaan xukunada ay ku ridayaan kiisaska kufsiga. Xasan Daahir oo si gaar ah uga hadlay kiiska kufsiga Caa’isha Ilyaaas, oo inta la kufsaday kadibna lagu dilay Gaalkacyo, ayaa ku baaqay in dadkii ka dambeeyey falkaas lagu fuliyo xukun dil ah. Xasan Daahir waxa uu sheegay in kiiskaas uusan ahayn oo kaliya kiis kufsi balse uu la socdo dil, sidaas darteedna dadkii ka dambeeyey ay isaga la tahay in xukun qisaas dil ah lagu fuliyo. Kiiskaan gabadhaasi ayaa haatan horyaalla hay’addaha cadaalada maamul goboleedka Puntland, kuwaasi oo xukunka laga sugayo, waxaana qaabka loo maareynayo dhaliila aabaha Caa’isha oo sheegay inuusan ku faraxsaneyn sida mas’uuliyiinta Puntland ay kiiskan u xalinayaan. Illaa iyo todoba qofood ayaa kiisaskii ugu dambeeyay ee kufsi la xiriira ee dhacay Puntland loosoo qabtay, kuwaasi oo la sheegay in qaarkood lasii daayay. Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in kiiska hab beeleed lagu xaliyo, si ragga gaystay looga bad-baadiyo inay xukun dil ah maraan, taasi oo Caa’isha aabaheed uusan ku faraxsaneyn. Hoos ka dhageyso codka Sheekh Xasan Daahir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Awes.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)Madaxweyne Trump ayaa sheegay in la gaaray wakhtigii Maraykanku uu aqoonsan lahaa in Israa’iil ay u madaxbannaantahay buuraha Golan Heights, kuwaas oo Israa’iil ay ka qabsatay Suuriya dagaalkii lixda maalmood socday ee 1967-dii. President Donald Trump speaks in the Oval Office of the White House, Friday, March 15, 2019, in Washington. (AP Photo/Evan Vucci) Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu taariikh sameeyay. Donald J. Trump @realDonaldTrump After 52 years it is time for the United States to fully recognize Israel’s Sovereignty over the Golan Heights, which is of critical strategic and security importance to the State of Israel and Regional Stability! Source
-
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii Maraykanku uu aqoonsan lahaa in Israa’iil ay u madaxbannaantahay buuraha Golan Heights, kuwaas oo Israa’iil ay ka qabsatay Suuriya dagaalkii lixda maalmood socday ee 1967-dii. Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu taariikh sameeyay. Mr. Trump ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray qoraal uu ku taageerayo falkan, waxaana uu ku yidhi: ” – Waxaa la gaadhay 52 sano kadib xilligii dowladda Mareykanka ay si buuxda ugu aqoonsan laheyn in buuraha Golan Heights ay qeyb ka yihiin dhulka Israel”. Dhulkan ayaa qeyb ka ahaa dalka Suuriya, balse waxaa xoog ku qabsatay Israel oo xilligaas taageero ka heshay Mareykanka, Ingriiska iyo dowlado kale. Horay ayaa waxaa uu madaxweyne Donald Trump ugu aqoonsaday magaalada Jerusalem caasimadda Israel iyadoo la wada ogyahay in ay xoog uga qabsatay dadka falastiiniyiinta ah. Qaran News
-
F anaanka Salaad Derbi oo loo heesto lacag ay dawladda Somalia ku dejisay Hotel Fanaanka wayn ee Salaad Maxamed Shardi ” Salaad Darbi” ayaa la sheegay in loo haysto lacag ay dowladda Soomaaliya ku dejisay hotel ku yaalla magaalada Muqdisho. Warar ay heshay Warbaahintu ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay fanaanka dejisay hotel, islamarkaana aysan ka bixin lacagta jiifka iyo cuntada tan iyo markii uu soo degay hotelkaa.Inkastoo aan salaad Derbi ka hadlin qadiyadaa haddana warkaas waxaa xaqiijiyay oo laga soo xigtay fanaaniin kale oo ka tirsan Hoballada Waaberi oo xogigaal u ah arimihiisa . Arintaan ayaa ah fadeexad iyo ceeb wayn oo ay wajahayso Dowladda Soomaaliya waxaana la filayaa in fanaanka uu iska bixiyo lacagta ay ku soo dalaceen maamulka Hotelka. Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal qasaaro geystay oo maanta ka dhacay degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sida ay sheegeen dadka deegaanka dagaalka ayaa dhexmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo isku maan dhaafay gudaha degmada Marko,kadibna ay rasaas ka bilabatay degmadaasi. Ciidanka kawada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dagaalamay kadib markii ay isku maan dhaafeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ay soo qabteen,base ay ku murmeen halka la geynayo xubnahaasi. Qaar kamid ah ciidamada ayaa sheegay in xubnaha ka tirsan Al-shabaab ay soo qabteen loo dhiibo ha’ayadaha sirdoonka,si loogu sameeyo baaritaan dheer oo ku aadan soo qabashadooda. Halka qaar kale oo kamid ah ciidamada ay arintaasi ay aad uga soo horjeesteen,taas oo keentay in ay ku dagaalamaan gudaha degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose. Inta la xaqiijiyay laba askari ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi,halka mid kal uu dhaawac ka soo gaaray. Maamulka degmada Marko iyo gobolka Shabeelaha Hoose ayaan wali ka hadlin is rasaaseynta halkaasi ku dhex martay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya. View the full article
-
Istanbul (SMN)- Shirkan oo ahaa mid xasaasiya ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan wasiiro arrimo dibadeedyada wadamada xubinta ka ah ururka iskaashiga islaamka ayaa ka dhacay magalaada Istanbul ee dalka Turkiga. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi la socday ayaa ka qeyb galay shirka ka furmay magaalada Istanbul oo looga hadlay falalka islaam naceybka,oo ay ugu danbeysay weerarkii todobaad ka hor ka dhacay dalka Newzealand. Wasiir Cawad iyo dhamaan wasiiro arimmo dibadeedyada kale shirka ka soo qeyb galay ayaa soo bandhigay dareenkooda ku aadan weerarkii Jimcadii la soo dhaafay lagu dilay ku dhawaad 50 ruux oo muslimiin ah oo ku guda jiray salaadda Jimcaha. Madaxweynaha dalka Turkiga oo kamid ahaa mas’uuliyiinti ka qeyb gashay shirka ayaa qudbad uu jeediyay uga hadlay sida shacabka dalkiisa uga xumaadeen weerarkii dalka Newzealand,isagoo sidoo kale uga mahad celiyaya dowladda dalkaasi sida ay u garab istaagtay xanuunkana ula qeybsatay muslimiinta dalkaasi. Dhankiisa xoghayaha guud ee ururka iskaashiga islaamka Yuusuf Al-Othaimeen ayaa caalamka ugu baaqay in tilaabooyin rasmi ah laga qaado naceybka iyo tacadiyada ay la kulmaan dadka muslimiinta ah. Ugu danbeyntii ra’iisal wasaar ku xigeenka dalka Newzealand iyo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi oo shirka qudbado ka jeediyay ayaa shaaciyay in baaritaankii ugu balaarnaa uu ka bilawday dalkaasi Newzealand,si cadaaladda loo horkeeno qof kasta oo gacan ka geystay weerarkii muslimiinta lagu dilay todobaad ka hor. View the full article
-
(SLT-Indonesia)Shirkadda diyaaradaha Garuda ee qaranka Indonesi ayaa doonaysa in ay ka laabato heshiis ay balaayiin doolar ku baxayso oo ay ku soo gadanaysay 49 diyaaradood oo noocoodu yahay Boeing 737 Max 8, ka dib markii ay burbureen labo diyaaradood oo noocaas ah. Tallaabadan ayaa loo arkaa in ay tahay middii koobaad ee lagu baajinayo dalabka diyaaradda nooceedu yahay Boeing 737 Max 8. Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha ee Garuda ayaa sheegay in rakaabku ay ka ammaan baxeen nooca diyaaraddan. Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo baareyaashu ay wadaan dadaal ay ku ogaanayaan waxa sababay diyaaraddii u dambaysay ee burburtay ee nooceedu ahaa 737 Max 8 taas oo ay ku dhinteen 157 ruux. Burburkaas ayaa ahaa kii labaad ee diyaaradaas nooceeda ah ee dhaca muddo shan bilood gudahood ah, waxaana kii hore ku naf waayay 189 ruux. “Waraaq ayaan u dirnay Boeing anaga oo codsanayna in la joojiyo dalabkoodii kale ee diyaaradda Boeing 737 Max 8.” Sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Ikhsan Rosan oo ah afhayeen u hadlay diyaaradda. Source
-
Muqdisho (SMN)- Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Xasan Cali Amar Danbe ayaa ka hadlay arrimo la xiriirka cabashada ciidamada ee ku aadan in aysan helin xuquuqdooda mushaar. Wasiir Amar Danbe ayaa sheegaya in dowladda ay wado dedaalo xoogan oo ku aadan diwaan galinta ciidanka,si loo ogaado tirade rasmiga ah ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeeed,si lamid ah ciidamada aduunka. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in inta ay ku jiraan howlahaasi diwaan galinta ay dhici karaan qaladaad ka imaan kara aaladaha tirakoobka,taasina ay ka dhalan karto in ciidamada aan la helin diwaankooda ay waayaan xuquuqdooda mushaar,sidaas darteedna ay wasaaradda gaashaandhiga dedaal badan arintaasi ku bixin doonto. Hadalka wasiirka wasaaradda gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xili maalmo ka hor qaar kamid ah ciidamada xooga dalka ay baneeyeen fariisamo ay ku lahaayeen gobolada Sh/dhexe iyo Sh/hoose. View the full article
-
(SLT-Kuuriyada) Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa xidhay xafiiskii xidhiidhka dublamaasiyadeed ee sannad ka hor ay ka furatay dalka Kuuriyada Koonfureed xilli xidhiidhka labada dal ay soo hagaagayeen. Xukuumadda Seoul ayaa sheegtay in lala soo xidhiidhay, loona sheegay in shaqaalaha xafiiskan ay ugu dambeyn dalka ka bixi doonaan maalinta jimcaha. Kuuriyada Koonfureed ayaa arrinkaas ka walaacsan, waxayna ku baaqday in ay shaqaalaha soo laabtaan, xafiiskana uu sii furnaado. Wax kulan ah ma uusan dhexmarin labada Kuuriya tan iyo kullankii bishii lasoo dhaafay ee dhexmaray Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo natiijo la’aan ku dhamaaday. Xafiiskan waxa uu ahaa kii ugu horeeyay oo xiriir toos ah oo joogto ah uu ku dhexmaro labada Kuuriya oo dagaalamay sannado badan ka hor. madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in uu rajaynayay in xidhiidhka kala dhaxeeya Waqooyiga uu gaaray heer uusan saamayn ku yeelan karin xitaa haddii Waqooyiga ay isku dhacaan Maraykanka. Tan iyo intii uu burburay shirkii bishii hore ee Vietnam ka dhacay, Pyongyang ayaa ku hanjabtay in ay dib u bilaabi doonto tijaabada gantaalada iyo niyuukleerka. Bishii hore wasiir ku xigeenka Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in Maraykanka ay iska lumiyeen fursad dahabi ah. Balse Maraykanka waxa ay ku adkaysanayaan in dublamaasiyadda ay weli shaqaynayso. Source
-
(SLT-New Zealand) Aadan Ibraahim Diiiriye oo ka badbaaday Weerarkii Argagixisadda ee Jimcihii la soo dhafaay ka dhacay Masaajid ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka NZ ayaa sheegay inuu goobjoog u ahaa markii uu wiilkiisa yar ku geeriyoonayey Weerarkaasi. Aabahaasi ayaa ka sheekeeyey qaabkii uu Ninkii Argagixisadda ahaa rasasata u huwiyey dadkii Muslimiinta ee ku sugnaa Masjidka Al-nuur ee magaalladda Christchurch ee dalka NZ. Waxa uu tilmaamay inuu Gacan ku dhiiglaha madaxa ka toogtay wiilkisa oo 3 sanno iyo bar jir ahaa, kaasi oo isaga dhinac fadhiyey Masjidka oo xilligaasi socotay Khudbadii Salaadda Jimcaha. Aadan Ibraahim Diiiriye waxa u uaabe u ahaa wiilka la dilay oo lagu magacabi jirey Mucaad Aadan Ibraahim, kaasi oo noqday qofkii ugu da’da yaraa 50kii qof ee Muslimiinta ee lagu dilay Toogashadaasi. Aabaha waxa uu tilmaamay inuu wiilkiisa dhulka ku dhacay, markii la toogtay, wuxuuna xusay inuu rumeysan yahay inay Qadar Alle ku dhacday arrintaasi. Waxa kale oo uu tilmamaay inuu isagu ka badbadaay Toogashadaasi , kadib, markii uu iska qariyey Gacan-ku-dhiiglihii dadka toogtay bishan March 15-dii. Gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay oo, lagu magacaabo Brenton Tarrant una dhashay dalka Australia ayaa la Xabsiga sida xooggan loo ilaaliyo ee ku yaalla magaalladda Auckland ee dalka New Zealand Source
-
Cadaado (SMN)- Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay inay Wadaan qorsho balaaran oo ku aadan hananka loo marayo doorasho ay filayaan in dhawaan ka qabsoonto Galmudug. Cali Gacal Casir waxa uu tilmaamay in shacabka ku dhaqan deegaanada uu ka arimiyo maamulkaasi,waxa ay doonayaan ay tahay sida uu hadalka u dhigay in dib loogu Celiyo Maamul wanaagii ay barteen Sidaas aawgeedana la doonayo in doorasho xaq ah ka dhacdo Galmudug. Sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ka so horjeystay hadal dhawaan ka soo yeray xubnaha taabacsan madaxweyne Xaaf ee kusugan Magalada Dhusamareeb oo ku aadan in dib loo dhigayo doorashooyinka Maamulkaasi. Madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa 16-kii bishaan sheegay in Galmudug sanadkaan ka dhici doonin doorasho, balse ay dhici doonto doorashada maamulkaasi saddex sano kadib. View the full article
-
Tokyo (SMN)- Dowladda Japan ayaa lacag gaareysa 69 Milyan oo dollar ugu deeqday wadamo ay ka mid tahay Somaliya sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka baxay dalkaasi. Barnaamijka cuntada qaramada midoobay ee WFP ayaa sheegay in lacagtaasi loogu talay galay in gargaar deg deg ah lagu gaarsiiyo 28 dal oo ku yaala bariga,asia iyo Africa. Qaramada midoobay ayaa xustay in 18 Milyan oo dollar oo ka mid ah lacagtaasi lagu caawin doono 20 milyan oo ruux oo ku dhibaateysan dalka yemen. Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda WFP ayaa sheegay in dowladda Japan ay qeyb ka tahay dalalka sida ugu badan ee dadka u baahan gargaarka deg deg ah ee ku nool wadamada ay ka jiraan colaadaha iyo abaaraha. 2 Milyan oo dollar oo ka mid ah lacagahahaasi oo Japan ugu deeqday qaramada midoobay ayaa lagu in gargaar lagu gaarsiiyo dadka dhibaatooyin bani,aadinimo ay ku haysto somaliya View the full article
-
Sawirka gaariga shilka galay Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa shil gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay tuulada Mareero oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Goobjoogayaal ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in gaariga shilka galay oo ka yimid magaalada Boosaaso kuna sii jeeday dhanka degaanka Laag oo qiyaastii 30 km u jirta Boosaaso ay ku dhinteen ilaa 4 ruux halka ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo kale. Dadka dhintay ayaa lagu sheegay arday ka tirsan iskuulka Ugaas Yaaasiin ee magaalada Boosaaso kuwaasoo gaarigu u waday degaanka Laag balse ilaa iyo hadda lama xaqiijin waxa shilkaan dhaliyay. Ardayda gaariga saarnaa ayaa dhiganayey fasalka 4aad (Form four) ee iskuulka Ugaas Yaasiin oo ku yaalla degmada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta: Shil gaari oo ka dhacay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-22032019.mp3 View the full article