-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhintay 7 kalena waa ku dhaawacantay shil gaari oo goor dhoweyd ka dhacay tuulada Mareero oo qiyaastii 30km dhanka galbeed ka xiga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Gaariga ah shilka galay oo la sheegay in uu arday iskuul waday ayaa ka soo baxay magaalada Boosaaso waxaana uu ku sii jeeday degaanka Laag oo ka tirsan isla gobolka Bari balse weli faahfaahin sii dheer lagama hayo. Faahfaahinta Puntland Post The post Shil dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo ka dhacay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Hodan ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka kala tirsan Booliiska iyo Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya. Iska hor imaadka ayaa si gaar ah ugu dhacay Dhismo ku dhegan Isbitaalka Deva oo kasoo horjeeda Xaruntii Coca Cola oo aan sidaa ugu fogeyn Carwadii Qaranka. Wararka ayaa intaa ku daraya in uu jiro Khasaare labada dhinac soo kala gaaray, inkasta oo aan la heyn inta uu gaarsiisan yahay. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka iyo dadka uu istaagay, dadka shacabka ayaa bilaabay in ay ka tagaan goobta si aan waxyeelo ugu gaarin rasaasta labada dhinac ay isweydaarsaneyeen. Mararka qaar waxaa la maqlayay rasaasta ka dhacda Qoryaha lagu xiro Gawaarida Dagaalka oo ay isku adeegsanayeen Ciidamadaan ka kala tirsan Militariga iyo Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya. Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada dagaalamay ay u abaabulnaayeen qaab beeleed, isla markaana ay ku dagaalameen dhul murankiisu maalmihii lasoo dhaafay taagnaa. Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir weli kama hadlin dagaalkaas, iyada oo Ciidamadii wada dagaalamay ay weli ishor-fadhiyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kudhowaad muddo todobaad ah ayay taagan tahay xiisadda ciidanka ka soo baxay furimaha hore ee dagaalka iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan, xukuumaddu waxa ay sheegtay in la bixiyay mushaarka ciidanka u diiwaangashan iyada oo raaceysa warbixinta diiwangelinta ciidanka XDS, waxa ay ntaas raacisay in ciddankii aan diiwan gashaneyn ay iska xaadiriyaan barahooda si loo diiwaan geliyo. Baaritaan lagu sameeyey sababaha rasmiga ee ka dambeeyay xiisaddan, halka ay dhibaatada iyo isfaham waagu kajiraan iyo sababta keentay Isbeddelka lagu sameeyey saddex hoggaan oo katirsan ciidanka XDS, ayaa waxaa kusoo baxay arrimo badan oo la xiriira musuq-maasuq Tira-koob ay si wadajir u sameeyaan Wasaaradaha Gaashaandhigga, Maaliyadda, Taliska ciidanka xoogga dalka iyo xafiisyada madaxweynaha iyo Raisalwasaaraha oo ay warbaahinta aragtay ayaa muujiyey in tirada ciidanka XDS tahay 16,000 (Lix & toban kun oo Askari) Tirakoobkan ayaa socday November 2017 ilaa 1da Maarso-2019, tiradaas waxaa dheer askar boqollaal lagu qiyaasayo oo dhaawac iyo tababar ku maqan iyo kuwo geeriyooday oo xaq ahaan ay reerihii ay katageen u qaataan mushaarkoodii, waxaa kale oo jira ciidan gaaraya Boqolaal askari oo u badan Shabeellaha dhexe kaas oo ay u suurageliweysay in la tirokoobo kaddib markii ay taliyeyaashiisu diideen in la diiwaangeliyo ciidankaas. Tirada ciidanka xoogga dalka ee kujirtay galka Wasaaradda gaashaandhigga ayaa ahayd 25,000 (Shan & Labaatan kun oo Askari) oo qaadanayey mushaar muddo labo sano oo ay talada hayso xukuumadda madaxweyne Farmaajo, sida lagu xaqiijiyey tirakoobka ay sameysay dowladda Soomaaliya 9,000 Sagaal kun oo magac oo ay dowladdu u aqoonsatay in ay yihiin magacyo been ah oo aan jirin ayaa kujiray tirada ciidanka XDS, ee kujirtay galka wasaaradda gaashaandhigga, taasina waxa ay kadhigeysaa in hay’adda ciidanka XDS ay kudhacday kiiskii ugu weynaa ee musuqmaasuq ee kadhex-dhacda ciidanka. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabta in nidaamka cusub ee keydinaya xogta xisaabeed ee askarigu uu meesha ka saarayo in taliyeyaashu lacag kaash ama caddaan ah ay ka qaadaan bangiga dhexe si loogu bixiyo mushaarka ciidanka, waxa ay xukuumaddu sheegtay in ay u qaadatay go’aankaas si looga fogaado Musuq, waxa ay ku doodeysaa in aan loo dhaxeyn karin bankiga dhexe iyo askariga marka laga hadlayo mushaarka. Warbixinta ayaa tilmaameysa in $3,200,000 (Saddex milyan iyo laba boqol oo kun oo dolar) oo kaash ah ay gacanta ku qaadi jireen taliyayaasha ciidanka bil walba si loo bixiyo mushaaraarka ciidanka XDS, taas oo ay xukuumaddu aaminsan tahay in asyan ku bixin waddo sax ah. Isbedelka hoggaannada: Soo if-bixidda eedda iyo tuhunka kusaabsan in sagaal kun oo magac oo been abuur ah ay kujireen tirada ciidanka XDS ayaa xukuumadda ku qasabtay in ay isbedel ku sameyso saddexda hoggaan ee ay arrintani saameysay, waxaana kamid ah Hoggaanka ciidanka oo masuul ka ah tirada ciidanka, Hoggaanka Maaliyadda oo lacagaha ka soo qaadi jiray Bangiga dhexe iyo hoggaanka saadka oo ciidanka ugu qeybsanaa raashinka IWM. Taliyeyaashii saddexdan hoggaan ee la bedelay ayaa xilalka hoggaanadaas hayay muddo tobonnaan sano ah, culeys siyaasadeed oo ay siyaasiyiinta la heybta saareen madaxda sare ayaa la aaminsan yahay in ay ka badbaadisay in la soo xiro lana maxmakamadeeyo. Sidoo kale waxa kale oo la helay taariikh nololeedka saddexa taliye ee la magacaabay oo qabanaya xilalka ay banneeyeen taliyeyaashii hore ee saddexdaas hoggaan, Taliyeyaasha cusub oo ah dhallinyaro da’da soddomeeyada ku jira ayaa ka soo kala qalin jebiyay jaamacado iyo akaadimiyado ku kala yaalla Turkiga, Taliyaaniga iyo Maleysiya. Qandaraaska Raashinka Ciidanka Warbixinta ayaa sheegtay in shirkadda Kashram oo haysatay Qandaraaska fududeynta iyo bixinta Raashinka ciidanka XDS laga joojiyey sii haysashada qandaraaskaas iyada oo dib loo xayeysiinayo qadaraaskaas maaddaama ay isbedeshay tirada ciidanku, ilo kudhow xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in tirada cusub ee ciidanka XDS oo ah 16 kun oo Askari lagu saleynayo Mushaarka iyo kharashka adeegyada kale ee ciidanku u baahan yahay. Ciidanka XDS ayaa la siin jiray Raashin kusaleysan 25 kun, 10kun oo kamid ah waxa bixinayey UNSOS, iyada oo Shirkadda Kashram ay bil walba kaqaadan jirtay dowladda Soomaaliya lacag dhan $1,500,000 (Milyan iyo Shan boqol oo kun oo Dollar) Raisalwasaare Xasan Cali Khayre oo kahadlayey dhaqaalaha ay xukuumadda Soomaaliya ku bixiso ciidamada qalabka sida ayaa yiri:- “ 2017 inta dowladdeenu jirtay laga soo billaabo January ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliyeed waxa ay ku bixisay lacag tiradeedu ay gaareyso $89,000,000 (Siddeetan & Sagaal milyan oo Dollar), 2018-kii waxa aan ku bixinay 102,000,000 (Boqol & Laba milyan oo Dolar), 2019-ka waxa aan rabnaa in aan ku bixino ugu yaraan $107,000,000” (Boqol iyo Todobo milyan oo dollar). Sooyaalka dhow ee tirakoobyada Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Xilligii xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa la sameeyey tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya si loo saxo loona hubiyo mushaarka shaqaalaha, xilligaas waxa dhacay muran iyo buuq badan oo sababay in la beddelo agaasimayaal si loo hirgeliyo nidaamka tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, waxa ayna xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh kala kulantay qaadistaa tallaabadaas dhibaato weyn. Xeeldheerayaasha arrimaha siyaasadda iyo amniga Soomaaliya ayaa aaminsan in xiisaddan ay tahay mid maamul oo ay xukuumaddu dhinac ka tahay, welwelka xukuumadda ee diiwaangelinta ciidankana waxa muujiyey muuqaal laga duubay Raisalwasaare Kheyre oo sheegaya sida dhiiwaangelinta ciidanka iyo sameynta xogta xisaabeed ee askarigu u tahay Khad cas oo ay taabashadiisu leedahay saameyn xun Xigasho Mustaqbal Radio
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-22032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Talyaaniga ayaa hal milyan oo Yuuroo ugu deeqday sanduuqa dhaqaalaha ee Soomaaliya. Lacagtaan ayaa loogu talagalay in lagu kabo dhaqaalaha wadanka si wax loogu qabto adeegyada muhiimka ah. Meelaha kale ee lacagtaan ay ku bixin doonto ayaa la sheegay in ay kamid tahay amniga, kaabayaasha dhaqaalaha, horumarka iyo dowlad dhisidda. Talyaaniga ayaa kamid ah wadamada sida joogtada ah kaalmada maaliyadeed ugu fadiya dalka oo kasoo kabanaya burburka dowladnimo. Taageeradaan cusub oo noqoneysa tii saddexaad ayaa wadar ahaan lacagta uu Talyaaniga ugu yahoobay Soomaaliya waxay gaareysaa 3.5 milyan oo Yuuroo. View the full article
-
Kooxaha hoos yimaada ciidmada booliska iyo milatariga ee kala ah Horseed Sports Club iyo Heegan Sports Club ayaa is wajahaya kulanka ka tirsan horyaalka Somalia Premier League xili ciyaareedka 2018-2019. Xidigaha Horseed Sports Club waxa ay kulankii u danbeeyay horyaalka ka badiyeen kooxda xafidanaysa horyaalka Somalia Premier League ee Dekedda ka dib markii ay kaga adkeen 1-0,Horseed waxa ay fadhisaa kaalinta 2-aad ee kala horeynta waxayna lee dahay 14-dhibcood. Kooxda Heegan Sports Club iyagana ciyaartii u danbeeyay horyaalka waxa ay 4-0 kaga adkaadeen dhigooda Midnimo,xidigaha Heegan waxa ay fadhiyaan booska 3-aad,iyagoo leh 12-dhibcood. Xaqiiqooyinka Kulanka Ka Hor -Tababaraha Kooxda Horseed Cabdi Joon Baraxoow sanadihii lasoo dhaafay tartamada gudaha waxa uu kooxda Heegan kaga hor tagay,isagoo hogaaminaya kooxaha Dekedda iyo Elman,inkastoo markale isaga uu laylinaya Horseed uu ka wajahayo kooxda ciidan booliska ee Heegan. 15 December 2015-Kooxaha hoos yimaada hogaanka Ciidamada Booliska iyo Milatariga ee kala ah Heegan iyo Horseed waxaa sooyaalka tariikhdooda ku qoran in ay noqdeyn labadii koox ee igu horeesay kulankooda si toos ah am (LIVE) looga daawo #Telefinshada kulan ay wada dheeleyn fiinaalka koobka Jeneraal Daa’uud waxaana sanadii 2015 koobka 2-1 ku hantay xidigaha kooxda Horseed. -Macalimiinta kala horkacaysa labada dhinac ee kala ah Cabdi Joon Baraxoowiyo Mansuur ayaa kolkii kowaad iskaga hor imaandoona tartamada maxaliga ee kubbadda cagta Soomaaliya,inkastoo Tababare Mansuur oo kasoo joodo Uganda. -Xidigihii Soomaaliya sanadkii hore 2018 soo gaarsiiyay kaalinta 2-aad ee kala sareynta koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika tartankii ka dhacay Burundi ayaa iyaga qodhooda kasoo muuqandoona kulanka xiisaha badan ee u dhaxeeya kooxaha ciidamada Booliska iyo Malatariga. Is Aragii U Danbeeyay Labada Koox 06/03/2018 Horseed 0:0 Heegan Sports Club 29/04/2018 Heegan 1:0Horseed 11/03/2016 Horseed 1:2 Heegan 05/01/2016 Heegan 2:2 Horseed 26/03/2015 Horseed 1:0Heegan 26/12/2014 Heegan 4:0 Horseed 19/10/2012 Heegan 1:0 Horseed 03/07/2012 Horseed 2:2Heegan Sports Club Ogeysiiska Ciyaarta Tartanka:-Horyaalka Somalia Premier League Taariikhda:-22/03/2019 Maalinta:-Jimco Kooxaha:-Horseed VS Heegan Saacadda:-3:45 PM Garoonka:-Banaadir Stadium Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (SMN) – Ciidamada amaanka ee Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe howlgalo la sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed. Saraakiisha ayaa sheegay in ujeedka howlgaladaasi ay ahaayeen sidii loo sugi lahaa nabad-gelyada, loona hortegi lahaa falalka liddiga ku ah. Ma cadda hadii xoogaga dowlada ay howlgaladaasi kusoo qabqabteen rag lagu tuhamyo in ay ka shaqeynayeen ficilada khal-khal gelinaya amniga. Amaanka caasimad goboleedka Baay ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid soo hagaagayey, mana laga soo warin wax dil ama qaraxyo ah. View the full article
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in doorashada Galmudug ay ku dhaceyso waqtigii lagu balamay. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Galmudug Axmed Shire Maxamed oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in hadalka wasiirka uu yahay mid la doonayo in lagu burburiyo maamulka Galmudug ee hadda dhisan. Wuxuu sheegay inaysan diidaneyn doorasho ka dhacdo deegaanada Galmudug, balse doorashada ay dhaceyso marka uu dhamaado waqtiga Baarlamaanka Galmudug ay doorteen madaxweyne Xaaf. Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir ayaa dhawaan waxa ay sheegeen in Galmudug ka dhaceyn wax doorasho ah, isla markaana Madaxda Galmudug uu waqtigooda ku egyahay sanadka 2021 halka Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Bisha July ee sanadkaan doorasho la qabanayo. Wasiirka u hadlay Galmudug ayaa sheegay in madaxweyne Xaaf uu xilka hayo hal sano oo kaliya sida horey loogu heshiiyay, islamarkaana ay u hartay muddo seddex sano ah. Maamulka Galmudug ayaa tan iyo markii la dhisay waxaa uusan laheyn sal fadhiya, iyada oo ay soo mareen laba Madaxweyne sida Cabdi Kariin Xuseen Guuleed uu xilka iska casilay halka Madaxweyne Xaaf uu wajahaya khilaaf dhinaca dowladda kala dhaxeeya. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/cod-1-galmuudg-.mp3Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Istanbul (SMN) – Ururka Iskaashiga Islaam-ka ayaa maanta kulan kaga yeelanaya magaalada Istanbul ee Turkiga dhacdadii New Zealand. Kulankaasi oo ay kasoo qaybgalayaan wasiir arrima dibadeedyda dalalka ku midoobay ururkaasi ayaa diirada lagu saarayaa ka hortega Islaam naceybka. Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada lagu xasuumay shirkaasi oo sidoo kale looga hadli doono sidii xal loogu heli lahaa xadgudubyada ka dhanka ah Muslimiinta. Wasiirka arrimaha dibadda New Zealand, Winston Peters oo shirkaasi deg deg ah lagu casuumay ayaa sidoo kale la filayaa in uu kasoo muuqdo. Dhacdadii magaaladda Christchurch ee lagu beegsaday labo masjid oo halkaasi ku taala ayaa lagu dilay 50 Muslimiin ah kuwaasi oo 3 Soomali ah ay ku jireen. View the full article
-
44 ruux ayaa geeriyootay waxaana ku dhaawacmay 90 ruux kadib qarax ka dhacay kiimiko oo ka dhaxay shirkad ku taalo dalka Shiinaha. Warbaahinta dowlada Shiinaha ayaa ku warantay in shilkaasi uu ka dhacay shirkada Tianjiayi oo ku taalla magaalada Yancheng ee dalka Shiinaha. Qaraxan ayaa dabo socday dab ka kacay warshadan oo samaysa waxyaabaha bacriminta loo adeegsado. Waaxda dhulgariirka qaabilsan ee dalka Shiinaha ayaa ku warrantay in dhulku uu gariiray 2.2 marka uu qaraxu dhacay. Sawirro laga soo qaaday goobtaasi ayaa muujinayay qiiq hawada isku shareeray, dad dhaawac ah iyo dhismayaal ay waxyeello soo gaartay. Puntland Post The post 44 ruux oo ku dhintay qarax Kiimo ka dhashay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Talis-yadda Booliska iyo Nabad Sugida Soomaaliya ayaa kulan looga hadlay amniga la yeeshay gudoomiyeyaasha degmooyinka magaalada Muqdisho. Kulankaasi waxaa kasoo muuqday ku simaha agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo. Fahad ayaa la sheegay in uu diiday in muuqaalo iyo sawirro laga qaado inta uu socday kulankaasi oo lagu falanqeeyay qaabka loo sugi karo amaanka caasimada. Gudoomiyeyaasha ayaa la tilmaamay in la faray in ay doorkooda ku aadan xasilinta magaalada ay qaataan. Shirkaan ayaa kusoo aadaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen caasimada dalka falal liddiga ku ah nabad-gelyadda. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada u dhaxeeya ee ka dhacaya magaalada Garowe. Wasiir Sabriye ayaa sheegay in shirkaasi uu ka dhacayo magaalada Garowe dhamaadka bishaan Maarso, waxaana uu sheegay in shirkaasi uu yahay mid dhexmaraya madaxda dowadda iyo maamul goboleedyada. Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay in shirkaasi uu ka dhacayo magaalada Garowe, balse wuxuu sheegay in haddii uu baaqdo uu lamid yahay shirarkii lagu balami jiray ee mararka qaar baaqan jiray. “Shirkaasi aniga intaan ogahay waxaa loo balansan tahay 26 ilaa 27 bishaan, inuu dib u dhacaana ma ahan wax qariib ah wey dhici kartaa inuu dib u dhaco, laakiin qorshaha hadda aan ku joogno waa bisha dhamaadkeeda” Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa ka hadlay muddo kororsiga ay sameeyeen madaxda Galmudug iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo deegaanada maamulka Galmudug. Wuxuu sheegay in muddo kororsi aysan macquul aheyn islamarkaana madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxda Galmudug ay ka shaqeyn doonaan sidii arimahaasi loo dhameyn lahaa. “Muddo xileed markey bilaabeneysay la yiri waa afar sano, dhexda in laga badalaa sharci ma noqoneyso, waxaana kuu sheegaya, haddi la yiraahdo Galmudug Daruufo gaar ah ayay qabtaa, waxay maran doontaa inta dowlad goboleed ee soo hartay iyo federaal oo dhan, wax badan ayaa qorsheyneynaa in wadahadal aan galno”ayuu yiri Cabdi Sabriye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Gudoonka Gollaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa fariin u diray Xildhibaanada ka tirsan golahaasi ee dalka ka maqan. Xoghayaha Aqalka Hoose, C/kariin Xaaji Cabdi [Buux] ayaa sheegay in mudanayaasha looga baahan in ay wadanka kusoo laabtan kahor 27-da bishaan. 27-da bishaan ayaa lagu wadaa in uu furmo kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Wakiilada rayidka, kaasi oo socon doona muddo afar bilood ah. “Waxaa na hortaala shaqooyinka badan, marka xildhibaanada ka tirsan gollaha ee wadanka ka maqan waa in ay dalka si deg deg ah ugu soo laabtaan,” ayuu yiri. Hadalkaan ayuu Mr Buux u sheegay kadib markii shalay ay ku kulmeen magaalada Muqdisho Guddiga joogada ah ee Gollahaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay mid kale wuu ku dhaawacmay markii xalay uu ka dhacay isgoyska KM4 qarax gaari. Shaqsiga geeriyooday oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Kaariye, kaasi oo saarnaa gaariga ayaa la tilmaamay in uu ahaa Injirneer guryaha ah. Ruuxa kale ee dhaawaca uu soo gaarey kaasi oo goobaha caafimaadka loola cararay ayaa isna la tibaaxay in uu ahaa dhakhtar. Illaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dhacdadaan oo imaaneysa xili amniga caasimada uu u muuqdo mid faraha kasii baxaya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kasoo muuqday muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa ka hadlay kiisaska kufsiga. Mr Xasan ayaa ugu baaqay hay’addaha garsoorka in ay si qoto dheer u eegaan xukunada ay ku ridayaan kiisaska kufsiga. Waxa uu soo jeediyay in xukunka lagu ridayo ragga dambi kufsi ah lagu helo uu noqdo dil toogasho ah. Hadalka wadaadka ayaa kusoo aadaya iyada oo bishii hore magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug lagu kufsaday gabar yar. Kiiskaan gabadhaasi ayaa haatan horyaalla hay’addaha cadaalada maamul goboleedka Puntland, kuwaasi oo xukunka laga sugayo. Illaa iyo todoba qofood ayaa kiisaskii ugu dambeeyay ee kufsi la xiriira ee dhacay Puntland loosoo qabtay, kuwaasi oo la sheegay in qaarkood lasii daayay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-22032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino cusub ayaa kasoo baxaya dagaal xalay magaalada Muqdisho ku dhex-maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo koox hubeysan oo loo malaynayo inay yihiin Shabaab. Dagaalka ayaa ka dhacay Isgoyska Siinaay, waxaana uu billowday markii ciidamada dowladda ay rasaaseeyeen gaariga ay saarnaayeen kooxda hubeysan. Ciidamada dowladda ayaa sida ay wararku sheegayaan billaabay rasaasta kadib markii gaarigan uu jiiray goobta ay ku hubiyaan baabuurta ee Isgoyska Siinaay, kadibna kooxda hubeysneyd ayaa rasaas ugu jawaabay, taasoo keentay in goobta oo mashquul ahayd lagu kala cararro. Rasaasta la is-weydaarsaday ayaa waxay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo ku caweynayay maxaaqiyo ku yaalla halkaasi, ayada oo dhowr qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowlada Soomaaliya ay gacanta ay ku dhigeen gaarigii ay wateen kooxdii hubeysneyd, balse lama xaqiijin karo. Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa diiday inay ka hadlaan arrintan. Maalmahan ayaa waxaa Muqdisho ka jiray cabsi ku saabsan in kooxda Al-Shabaab ay soo galeen magaalada, sida ay marar badan qortay Caasimada Online, waxaana dadka qaar yaab ku noqday in koox hubeysan oo aan ahayn ciidanka dowladda ay baabuur ku dhex-maraan magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka wayn ee Salaad Maxamed Shardi oo loo yaqaano Salaad Darbi ayaa la sheegay in loo heesto lacag ay dowladda Soomaaliya ku dejisay hotel ku yaalla magaalada Muqdisho. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay fanaanka dejisay hotel, islamarkaana aysan ka bixin lacagta jiifka iyo cuntada tan iyo markii uu soo dagay hotelka. Salaad Darbi oo aan la xariirnay ayaa wali noo suurta gelin ,balse warkaan waxaa noo xaqiijiyay fanaaniin kale oo ka tirsan Hoballada Qaranka ee Waabari. Arintaan ayaa ah fadeexad iyo ceeb wayn oo ay wajahayso Dowladda Soomaaliya waxaana la filayaa in fanaanka uu iska bixiyo lacagta ay ku soo dalacayn maamulka Hotelka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Fasiraad naxdin abuurtay oo laga bixiyey qoraal lagu qoray masjid ay leeyihiin Soomaalida Minnesota Masaajid ku yaala magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayey kasoo shaac baxday xaalad kale oo islaamka lagu cabsi galinayo kadib markii masjid halkaas ku yaala lagu qoray hadalo isir naceyb ah xilli tobankii labaad ee bishaan gudaheeda wadanka New Zealand 50 ruux ay ku dhinteen weerar lagu qaaday masaajid iyadoo ay jimco aheyd. Masjidka Imaam Shaafici waa midkii ugu horreeyay oo ay jaaliyadda Soomaalida ka hirgaliyeen gobolka Minnesota, waxeyna hadda la kulmayaan hanjabaado kaga imaanaya kooxaha islaam naceybka uu ku fogaaday kuwaas oo argagax ku abuuray maamulka iyo bulshada masjidka ku cibaadeysata. Kooxahaan islaam naceybka ah ayaa ku qoray darbiga masaajidka erayo lasoo gaabiyay oo ay adag tahay iney fahmaan dadka, balse baadhitaanno lagu sameeyay ayaa la ogaaday ujeedka iyo macnaha rasmiga ah oo ay ka turjumayaan. Side wax u dhaceen waxaa idaacadda BBC-da qeybta afka Soomaaliga uga sheekeeyay Sheekh C/Qani Maxamerd Calu Qardhaawi oo ah imaamka masjidka darbigiisa qoraalka argagaxa iyo cabsi galinta leh lagu qoray. Sheek Qardhaawi ayaa faah-faahin yar ka bixiyay xog yar oo ku saabsan sidey wax u dhaceen: “Waxaan sameynay isku day ah sidii aan ku heli laheyn qofka darbiga wax ku qoray, waxaa sahal noqotay inaan ogaano waayo kaamirada masaajidka ayaa sawirtay shaqsiga oo ahaa (Lab), sida laga arkay muuqaalka, saacadda 1:03 saqda dhexe ayuu soo istaagay xilli baraf xun uu dhacayay, wuxuuna qoraalka waday afartan iyo dhawr daqiiqo, isagoo ka tagay meesha 1:45” Booliiska magaalada ayaa sameeyay ballan qaadyo ah iney baadhitaan dheer ku sameyn doonaan arrintaan, sidoo kalana imaamka wuxuu sheegay in sawirada iyo muuqaalkaba ay u gudbiyeen dadka ku shaqada leh, si kastaba fasiradda wuxuu imaamka ku sheegay in siyaabo kala duwan loo micneeyay. Laba qoraal ayaa lagu qoray darbiga kuwaas oo la fahamsan yahay iney macno weyn oo islaam naceyb ah xambaarsan yahiin. Inkastoo fasirkaan uusan baadhitaan sax ah ku imaan hadana Imaamka ayey dad kala duwan u sheegeen iney luqadaan tahay mid gaar ah oo la isku fahmo, sidoo kalana ay tahay mid argagax galin ah. Qoraalka dhanka midig lagu qoray wuxuu u qoran yahay sidan: “D2F” waxaana lagu fasiray sida la sheegay “Daacish to Finish” oo u fasirmeysa – “DAACISHA HALA DHAMEEYO” – sida laga soo xigtay imaamka qof wariye ah ayaa u sheegay iney arrintani tahay mid islaam naceyb ah. Sidoo kale qoraalka kale oo u qornaa sida “48 Hours” waxaa iyana loo fasiray wakhti qabasho lagu filinayo hawl argagax leh, waxaana la fahmay in labada qoraal isugu xiriirsan yahiin sidan: “48 saac halagu dhameeyo dadkaas (daacish)” waana sumad cusub oo la siinayo islaamka. Si kastaba inkastoo aan faah-faahin buuxda wali laga helin booliiska magaalada ee arrintaan faraha kula jira, hadana dhacdadaan waxey noqotay mid hadal heyn leh isla markaana cabsi xoog leh ku abuurtay dadka islaamka ah ee masaajidkaas mar walba ku cibaadeysta. Masaajidkaan wuxuu ku yaallaa xaafadda Cedar-Riverside oo ah mid ka mid ah xaafadaha ay dadka ugu badan ee Soomaalida ka dagan yahiin dalka Mareykanka, waxaana la ogyahay in masaajidka Imaam Shaafici la dhisay horaantii sagaashamaadkii. Qaran News
-
Minneapolis (Caasimadda Online) – Masaajid ku yaala magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayey kasoo shaac baxday xaalad kale oo islaamka lagu cabsi galinayo kadib markii masjid halkaas ku yaala lagu qoray hadalo isir naceyb ah xilli tobankii labaad ee bishaan gudaheeda wadanka New Zealand 50 ruux ay ku dhinteen weerar lagu qaaday masaajid iyadoo ay jimco aheyd. Masjidka Imaam Shaafici waa midkii ugu horreeyay oo ay jaaliyadda Soomaalida ka hirgaliyeen gobolka Minnesota, waxeyna hadda la kulmayaan hanjabaado kaga imaanaya kooxaha islaam naceybka uu ku fogaaday kuwaas oo argagax ku abuuray maamulka iyo bulshada masjidka ku cibaadeysata. Kooxahaan islaam naceybka ah ayaa ku qoray darbiga masaajidka erayo lasoo gaabiyay oo ay adag tahay iney fahmaan dadka, balse baaritaanno lagu sameeyay ayaa la ogaaday ujeedka iyo macnaha rasmiga ah oo ay ka turjumayaan. Side wax u dhaceen waxaa idaacadda BBC-da qeybta afka Soomaaliga uga sheekeeyay Sheekh C/Qani Maxamerd Calu Qardhaawi oo ah imaamka masjidka darbigiisa qoraalka argagaxa iyo cabsi galinta leh lagu qoray. Sheek Qardhaawi ayaa faah-faahin yar ka bixiyay xog yar oo ku saabsan sidey wax u dhaceen: “Waxaan sameynay isku day ah sidii aan ku heli laheyn qofka darbiga wax ku qoray, waxaa sahal noqotay inaan ogaano waayo kaamirada masaajidka ayaa sawirtay shaqsiga oo ahaa (Lab), sida laga arkay muuqaalka, saacadda 1:03 saqda dhexe ayuu soo istaagay xilli baraf xun uu dhacayay, wuxuuna qoraalka waday afartan iyo dhawr daqiiqo, isagoo ka tagay meesha 1:45” Booliiska magaalada ayaa sameeyay ballan qaadyo ah iney baaritaan dheer ku sameyn doonaan arrintaan, sidoo kalana imaamka wuxuu sheegay in sawirada iyo muuqaalkaba ay u gudbiyeen dadka ku shaqada leh, si kastaba fasiradda wuxuu imaamka ku sheegay in siyaabo kala duwan loo micneeyay. Laba qoraal ayaa lagu qoray darbiga kuwaas oo la fahamsan yahay iney macno weyn oo islaam naceyb ah xambaarsan yahiin. Inkastoo fasirkaan uusan baaritaan sax ah ku imaan hadana Imaamka ayey dad kala duwan u sheegeen iney luqadaan tahay mid gaar ah oo la isku fahmo, sidoo kalana ay tahay mid argagax galin ah. Qoraalka dhanka midig lagu qoray wuxuu u qoran yahay sidan: “D2F” waxaana lagu fasiray sida la sheegay “Daacish to Finish” oo u fasirmeysa – “DAACISHA HALA DHAMEEYO” – sida laga soo xigtay imaamka qof wariye ah ayaa u sheegay iney arrintani tahay mid islaam naceyb ah. Sidoo kale qoraalka kale oo u qornaa sida “48 Hours” waxaa iyana loo fasiray wakhti qabasho lagu filinayo hawl argagax leh, waxaana la fahmay in labada qoraal isugu xiriirsan yahiin sidan: “48 saac halagu dhameeyo dadkaas (daacish)” waana sumad cusub oo la siinayo islaamka. Si kastaba inkastoo aan faah-faahin buuxda wali laga helin booliiska magaalada ee arrintaan faraha kula jira, hadana dhacdadaan waxey noqotay mid hadal heyn leh isla markaana cabsi xoog leh ku abuurtay dadka islaamka ah ee masaajidkaas mar walba ku cibaadeysta. Masaajidkaan wuxuu ku yaallaa xaafadda Cedar-Riverside oo ah mid ka mid ah xaafadaha ay dadka ugu badan ee Soomaalida ka dagan yahiin dalka Mareykanka, waxaana la ogyahay in masaajidka Imaam Shaafici la dhisay horaantii sagaashamaadkii. Caasimadda Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Dunta isku xiraysa dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe iyo dowladda iyo xiriirrada ay la leedahay saaxiibada Beesha Caalamka hadda waxaa laga filan karaa sansaan aan wanaagsaneyn. Dowlad-goboleedka Hirshabelle oo inta badan magac ahaan u taagan, balse aan si toos uga talin gobollada ay ku magacaaban tahay – taas oo madaxdeedu ay caasimadda ka dhigteen xafiisyadoda ku meelgaarka ah, waxay runtii aheyd arrin loo tiirinayay maamulkaas oo kaliya. Hadda waxaa soo baxaysa in maamullada kale ay ku jiraan qatar amni marba haddii gobollada ku xeeran caasimadda ay ka baxayaan gacan-ku-heynta dowladda. Sidoo kale bixitaanka qaar kamid ah shaqaalaha QM ee ku sugan Muqdisho – kuwaas oo sababo amnigooda la xiriira uga huleelaya xarunta dalka – waxay iftiimin kartaa in qatartu ka baaxad weyn tahay sida la malaynayo. Khubaradooda dersa xaaladda amni ee caasimadda ayaa xaqiijiyay in al-Shabaab ay soo buux-dhaafinayaan magaalada; waxayna hadiyo jeer awoodi karaan inay fuliyaan weerarro ka-dhan-ah saaxiibada caalamka ee badigood ku jira xerada Xalane. Halistaas ay ka digayaan waxay marwalba musiibada ugu badan gaarsiin doontaa shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo si aan xisaab laheyn ugu wax-yeelooba weerarada ay Shabaabku kusoo qaadaan ama la beegsadaan madaxda dowladda. Xilligan oo xaaladdu taagan tahay bixin la’aanta mushaharka ciidamada, dayaca iyo debecsanaanta amniga waxay fursado badan u abuuri kartaa maleeshiyada al-Shabaab. Haddii laba sannadood ay dowladdu tilmaamay inay xuquuqaadkooda u dhammeystiri jirtay ciidamada ay dhaceen falalka argagaxisanimo ah oo galaaftay nolosha rayid badan oo si naxariis darro ah ugu dhintay weerarka al-Shabaab, maxaa laga filan karaa hadda oo isla ciidamadaas aan la siinin wax mushaharaad ah? Su’aasha jawaabtan waxay u muuqan kartaa mid dahsoon. Balse marka laga qiimeeyo walaaca ay bixiyaan saaxiibada beesha caalamka ee ku sugan caasimadda – kuwaas oo hadda xaqiiqda kasoo diraya xeryo amnigooda aan loogu adkeeyey – waxaa habboon in dowladdu ku dhaqaaqdo tallaab walba oo lagu hubsan karo badqabka shacabka. Waddada kaliya ee taasi lagu gaari karo ayaana ah hubinta xuquuqda ciidamada inaysan meel cidlo ah ama aan loogu tala-gelin ku dhammaanin. Waana farriinta ay dadweynaha ku dhaqan Xamar u dirayaan xukuumadda Kheyre. Halkii ay aheyd in dowladdu ku dadaasho in xubnaha dowlad-goboleedyada ay si nabad ah ugu shaqeyn karaan gobollada ay ku magacaaban yihiin, in lagu gorgortamo sugidda amniga Muqdisho waxay rajada shacabka ku ridaysaa ceel-guntiisa. Waxayna liifadda u gaabinaysaa gaarista geeddi-socodnimada dowladnimada oo hadda taagan gebi qarkiisa. W/Q: Xuseen Axmed Gacal Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Diinta islaamka waxay aad uga hadashay dambiyada laga dhaxlo beenta, markii aad tahayna hogaamiyo kuma sii jirto ha yeeshee madaxda DF-ka Soomaaliya ee maanta talada haaya waxay si cad oo aan xishood laheyn maalin walba u sheegaan been iyo baahinta xog qaldan oo marin habaabin ah. Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa aad uga hadalaya hadaladii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ee ahaa in Dowladda ay markasta bixiso mushaarka Ciidamada waxaana shacabka muqdisho ay magacyo u bixiyeen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre . Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre, hada Muqdisho waxaa looga yaqaanaa, (Beenaale Kheyre), waxayna dadka Muqdisho kuu sheegayaan in aadnan marna rumaysan hadalka Raysal Wasaaraha Soomaaliya. Sidoo kale shacabka Magaalada Muqdisho ayaa wasiirada qaar u bixiyay Ilmaha Kheyre kadib markii ay ka been sheegayn ciidamadii Soomaaliyeed oo gaajaysan halkii ay is bar-bar taagi lahaayeen ciidamada wajahaya dhibaatada daran. Inkastoo ciidamada Soomaaliya ay u soo dhabar adeegayn waayo iyo daruufo xanuun badan hadane waxay kuu sheegayaan in ay uga sii dhib badan tahay beenta ay maalin kasta Dowladda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ka sheegto ciidamada gaajaysan iyo dhibaatooyinka kalane wajahayaan. Madaxda sare ka sokow, waxaa ciidamada intaas u dheer aflgaadada wasiirada. Tusaale, wasiirka maaliyadda ayaa ciidamada mushaharka ka maqan yahay ku tilmaamay inay tuugo yihiin oo ay barteen laba mushahar. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid