-
Content Count
213,166 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargaysa) Xisbiyada Mucaaridka oo markii horeba tayadooda bulshadu dhaliilaysay ayaa markale shaashadaha Ka Soo muuqday iyagoo qiimo jaban ugu kala dhuuntay Madaxweyne Muuse Biixi . Xoghayaha Xanaanada Xoolaha Xisbiga WADDANI Cali Cantar oo isagu marar badan ku dhaliilay Xubno Xisbiga WADDANI ka tirsan inay Xukuumadda u duseen ayaa isagu saaka hiirti waabari u kalahay soo dhawaynta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Imaraadka ka soo laabtay, kumuu tagin siyaasadda Xisbigiisa, waxayse u muuqata inuu qiimo jaban ugu hayaamay marxabaysiinta Madaxweyne Muuse Biixi oo aan safarkiisa bulshada u sharxin. Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse oo marka horeba Xisbigiisu darafu dawle aha ayaa isna ka socday Xisbiga UCID . Si kastaba ha ahaaye kaalintii Mucaaridnimo ayay bulshadu mudda dheertabaysay ilaa haddana ma muuqato. Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
-
Bulshada Somaliland, gaar ahaan dhallinyaradu waxa ay hiil walaalnimo, mid waddaniyadeed, mid lexejeclo iyo mid nafhurnimo ah la barbar istaageen Ganacsade Axmed Cismaan Geelle horraantii bisha Abril 2019ka oo ay soo baxeen warar sheegaya in lagu oogayo dacwad ay soo xukumeen maxkamadaha Jabuuti, oo sidooda loo fulinayo. Hiilkaasi waxa uu Axmed Cismaan Geelle ku reebay raad iyo xasuus weyn. Waxa uu isu arkaa qof qaan ka mug weyn intii hore lagu leeyahay. Sidaas awgeed ayuu wakhti u siiyaa kulanka bulshada maalmahan. Booqashada aanu ku tegnay Shirkadda SBI taas ayay ku qotontaa. Waxa madarkan (shirkan) igu soo wargeliyay Garyaqaan Ayaanle Xaliye oo intii hawshu oognayd noo ahaa Guddoomiye iyo Hoggaamiye ruuxi ah, anina waxa aan casuumadda gaadhsiiyay Bare/Abwaan Axmed Yaasiin Dool. Saddex gaadhi oo ahaa bus ay wiilashu/raggu fuuleen iyo laba gaadhi oo Layla-calawi ah oo ay habluhu saarnaayeen ayaanu ahayn. Waxa aanu shidaalka kaga sii shubannay Kaah Hotel. Abbaaro 11:00 barqannimo ee Khamiistii hore 18kii Abril 2019ka, ayaanu Hargeysa ka baxnay, waxaanu maalin-badh gaadhay Deegaanka Jaleelo ee ay ku yaallaan wershadaha SBI, Lis iyo Miiran. Salaadda iyo suuliga ayaa judhii loo kala leexday. Wax yar kaddib waxa soo galay ganacsade Axmed Cismaan Geelle. Waxa aan la taagnaa laba ciyaaryahan oo waaweyn kana mid ah Xiddigaha Kubadda cagta Somaliland oo kala ah: Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Laacibkii Naadiga Sooyaal (1998-2002) iyo Haybe Good Hurre Weeraryahankii Xulka HAWD (2011-2016). Annagu waxa aanu Axmed Cismaan Geelle is barannay sannadkii 2013ka, waxaanan isku barannay Jabuuti. Laba jeer ayaannu halkaas isku aragnay, is barannay. Wixii ka dambeeyayna xidhiidh taleefan iyo email ah ayaannu lahayn. Maadaama oo aannaan lix gu’ is arkin, bariidada kagama horraynnin, waxa aan doonayay in aan jirrabo xasuustiisa. Kaddib markii uu si guud noo bariidiyay annaga oo saddex ah, waxa uu gaar igu yidhi “Warran?” “Fiican” “Muddo dheer la isma arkin” “Waa run, 2013kii ayaa aragti inoogu dambaysay” “Haa, saw lama fiicnaa” “Maansha Allah. Waan wada joognaa, is waraysan doonnaa” Intaas ayaannu is dhaafsannay. Kaddibna waxa uu hore ugu socday soo-dhaweynta dhallinyarada aanu socdaalka isku lugta ku wada ahayn. Axmed Cismaan Geele waxa uu ka mid yahay ganacsatada guubaabiya barbaarta, wakhiga la qaata ee hiil iyo hoo’ labadaba u hura. Aragtidiisu waa mid aan laga xiise goynnin. Waa qof deggan oo hadal yaqaan ah. Laba jeer ayaan arkay isaga oo warbaahin ka hadlaya, intaas iyo is-aragga aanu yeellanay ayaan qofnimadiisa iyo codkarnimadiisa ku bartay. Waa is-aragyo kooban, laakiin wada shaqeeyay, si run ahna la isu bartay. Markii ugu dambaysay ee aan la xidhiidhaa waxa ay ahayd dabayaaqadii 2017ka oo uu ka soo wareegay Jabuuti. “Aniga oo og inaad tahay qof sharciga ixtiraama, waxa aan rejaynayaa in khilaafka oogani ku dhammaado af-garad iyo wanaag” ayaan ku idhi. Waxa aanu guda-galnay eegmada hannaanka shaqo, waxsoosaar iyo dhisme ee wershadda SBI. Qolalka iyo xafiisyada kala geddisan ayay hawl-wadeenno carbisani mid mid noo tuseen. Halkaas waxa aanu ku cabsnay sharaabka Sprite oo markaas wershadda ku jiray. Cabbitaan jiray wax ka yar hal daqiiqo ayaannu dhuunta marinnay. Waad la amakaagaysaa maalgelinta heerka sarraysa iyo in wershad noocan ahi dalka ku taallo. Waxa aanu aragnay agabka shaybaadhka ee tayada lagu hubiyo, hannaanka biyaha loo sifeeyo, sida la isugu dheellitiro iyo wax aan qof arka mooyaane, qof kale looga sheekayn karin. Waxa aanu xidhannay dharka madaxa iyo gadhka oo muhiim u ah faya-dhawrka. Ugu dambayntiiw axa aanu dhaayaha saarnay sida ay wershadda SBI u baabbiiso qashinka wershadda, kaas oo la badhxo.. Waayo haddii deegaanka lagu sii daayo waxa uu yeelan karaa waxyeello. Raggii aanu halkaas isku aragnay waxa ka mid ahaa Cabdisamed Awdaahir Sumcada oo ah qoraha buugga HADYAD JACAYL kana hawlgala SBI. Habeen ka hor ayaan ku wargeliyay in aanu berri ku booqan doonno SBI, heegan ayaanu ku jiray. Dhammaan shaqaalaha waxaan uga mahadnaqayaa milgaha ay nagu qaabbileen. Markii aanu saacad daawannay, eegnay ee aanu barannay qaybaha shaqo iyo hannaanka shaqo ee SBI ayaannu hadhimadii u nimi. Nin kastaaba wixii Alle uga qoray ayuu halkaas ka quutay. Aniga oo amateedku iga xidhnaa baa malaha ugu yaraystay, haddana laba jeer waan ku noqday. Qadada waxa nala joogay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo awgayo u yimi Jaleelo. Intaas kaddib waxa aanu saacad iyo dheeraad kale illaa 03:30 galabnimo soo barannay qaybaha iyo hannaanka shaqo ee Wershadda Caanaha LIS iyo Wershadda Miiran oo saarta cabbitaanka kala geddisan. Waxa aanu indhaha soo saarnay beerta wershadda oo ay ku yaallaan kumannaan kun oo geed oo saytuun ah. Intaas kaddib waxa aanu Ganacsade Axmed Cismaan Geelle ugu nimi barxad ku xigta biyo-fadhiisin beerta ku dhex yaalla. Madal la dhigay kuraasi oo la saxar-tiray bay ahayd. Judhii ayaan la booday xabbad saytuun ah. Axmed Cismaan Geelle oo kaftamaya ayaa yidhi “Siciid wuxuu iska jaray xabbad saytuun ah markiiba. Ma beer ayaad lahaydeen?”. Waxa aan ku idhi “Haa. Aw Barkhadle ayay ku taallaa”. Waana meesha aan khudradda darayga ah ku bartay. Is-barasho la isku aqoonsaday kaddib, waxa hadalkii noo furay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, waxa uu nagu soo dhaweeyayay SBI, LIS, Miiran iyo Beerta. “Runtii dhallinyarada iyo ummadda Somaliland waxa ay i gashadeen abaal aanan gudi karin. Waan ka fekerayaa sidii aan u celin lahaa. Dhallinyaradu waa quwad u baahan in laga faaiideeyo, hannaankii iyaga oo midaysan horumarka dalka loogu jihayn lahaa ayaan is weydiinayaa. Aad baad u mahadsan tihiin”. Annaguna waxa aanu Axmed Cismaan Geelle uga mahad celinnay soo-dhaweynta, sooryada iyo maamuuska uu nagu qaabbilay. Ma jirin wax gaar ah oo nalagu majeertaa, waxa aanu metelaynnay boqollaalka, kumannaanka iyo malaayiinta da’yarta Somaliland ee geesinnimada ku garab istaagay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle. Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, waxa uu intaas kaddib yidhi “Waad i weydiin kartaan suaal kasta oo mugdi ku jiro”. Waxaanu na siiyay warbixin hordhac ah oo waafi ah, wax keli ah kuma garatide, waxa aanu u waraysannay sida suaalaha loogu hafiyo qofka lagu marti-qaado Barnaamijka Maqal Dadkaaga. Laba saacadood iyo dheeraad 04:00-06:00 ayaanu weydiimo ku darandoorrinay. Isaguna degganaan iyo masuuliyad ayuu kaga warceliyay. Ka geyoon maayo haddii aan faalleeyo xogihii la is dhaafsaday. Ugu dambayntii waxa uu Axmed Cismaan Geelle abaalcelin u hayaa guud ahaan ummadda Somaliland, wuu u han weyn yahay, una heellan yahay. W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr Source
-
Cabdimalik muuse Coldoon waa muwaadin dalka xaq iyo xuquuq ku leh , waana nin samafale ah , dad badan oo maskiin ahna wax u qabtay ama taakuleeyay taas oo aanay weli qaban in badan oo ka mid ah siyaasiin badan oo leh damac hugaamineed ama kuwa hada xilalka haya . Xirfadiisa suxufinimo waa mid inta badan diirada lagu saaro wax dalka iyo dadka dani ugu jirto marka laga reebo inta yar ee jecel musuqa iyo maalka dadka. Sidoo kale Abdimaalik waa qof bini Aadam ah wuuna khaldami karaa , laga soo caban karaa ama wax loo sheegan karaa , balse hadii la eegayo dastuurka iyo sharciyada umaddu dhigtay waa in si sax ah wax kasta loo maraa wadadeeda iyo wakhtigeeda . Tusaale ahaan qofka cidii ka dacwoonaysaa waa in ay tagtaa maxkamad oo laga soo dacweeyaa kadibna qofka dacwadaa loo geeyaa xili macquul ah oo aan dhib loo gaysan hantidiisa , Famligiisa iyo naftiisa toona. Balse in gurigiisa loo dhaco , hantidiisa la burburiyo , naftiisana wax la yeelaa waa bahalnimo iyo qaabkii jabhadnimad , waxaana waajib ku noqonaysa qofka in uu is difaaco waa wadad keliya ee u furan. 30 sano kadib hadii aynaan sharciga dhankiisa ka korin , xaga aqoonta ka korin , Aqoonsi ku waynay , Nidaam sax ah oo bulshada inta badan raali ka noqotay dhisan waynay , Cadaalad iyo cadaalad daradu inoo kala soocnaan wayday ma garan karo halka uu inoo wado wakhtigu!. Ugu danbayn waxaan alle ka baryaaya doonta ay wada saaranyihiin 4 million oo dadkaygii dhamaan ah oo aan wada jecelahay dhamaantood , in rabi mugdiga iyo mawjadaha ka badbaadiyo . Alla mahad leh. Kayse Abdillahi Dhisaayedhisaaye122@gmail.com Source
-
Wadooyinka badan ee looga baxo Dib udhaca waxaa ka mid Laba sifo oo hadii laga hello dal kasta horumar uu gaadhi karo Siyaasi caqlibadan oo Indheergarad ah : Dalalka Dawladaha dib u dhacay waxaa horumariya ama dib u rida waa Hogaan fogaan-arag ah oo ay ka go,antahay in uu kala talaabsado dalkaa uu hogaaminaayo JAHLIGA iyo Baahida iyo Kala danbayn la,aanta ka jirta, Waa sidan sifooyinka Hogaamiyaha loo baahan yahay 1-Aqoon badan u leh nolosha waxbadan ka akhriyay qaybaha nolosha oo dhan “Joogtana u daalacda wixii cusub” ugu yaraan dhawr kun oo buug 2- Aqoon dheeraad ah u leh DIINTA Islaamka ah Uga aqoon roon Wadaadada ama la aqoon ah 3-Dhaqanka iyo Suugaanta dadkaasi leeyahay waxbadan ka yaqaan 4- Wax badan ka og Cudurada Bulshada ka dhex dhasha “Sociologists” 5-Waa inuu noqdaa guurti iyo Oday dhaqameed ah 6-Waa inuu hantiile yahay ama ka soo jeedaa qoys hanti la,aan jiray “Ina Cigaal” 7-Waa inuu Hibo u leeyahay talada iyo weliba Sida dadka loogu taliyo 8-Hadii laga helo ,Daacadnimo, Deeqsinimo,Balan Oofin, Naxariis, Dad ururin, Dad Aqoon …… Waa sifooyin fiican oo hogaamiyaha u wanaagsan Hadiise la waayo dhibaato ma jirto sifooyinkaa kaligood dal laguma taliyo Sifada labaad ee dal ku horumarkaraa ama dhibta kaga bixi karaa waa Shacab Wacyi Siyaasi ah leh “Garaad Siyaasi ah” Waxa si fiican u tilmaamay shacabka garaadkiisu hooseeyo Abwaan Hadraawi “INTUU MAANKU GAAJEYSAN YAHAY GUULI WAA WELI” Tusaale waxa inoo ah Maalmaha Doorashada ayaad dareemaysaa bulshada garaadkeeda siyaasiga ah halka uu gaadhsiisan yahay iyo waxa uu Musharax hebel ugu codaynaayo su,aasha wuu I XIGAA. Bilaahi Tawfiiq mxoosh09@gmail.com Source
-
Dhulgoosigu wuxuu ahaa dabeecad ka jirtay qaaradda Yurub waayadii Dhexe (medieval period), waxay ahayd Boqorka,maalqabenka ama mayorka ayaa lahaa dhulka dhamaan dadka kalena waxay u ahaayeen shaqaale beeraha u qoda, ama waabu kirayn jiray oo waxa ay dadka danyarta ahi beertaan ayuu sadex meelood meel qaattaa,sababtu waxa weeyaan boqorka ayaa ciidanka iyo howlihiisa ku dabaraya maadama boqorku masuul ka yahay arrimaha difaaca iyo Gashandhigga. Inta badan dhulgoosadku wuxuu ahaa qaab dhismeedka Bulshada,ama ilbaxnimada markaas jirtay hase ahaatee wuxuu sababay inay soo baxaan niman dhulkii yeeshay oo (Landlord) la yidhaa,waxana amaysmay dabaqado isku dul noolaansho ah,markii danbe waxay isu bedeshay Hantigoosi (Capitalism) waana meelaha ay ka abuurmeen kacdoonada shacabku ama isbeddel doonku (karl max ) oo ka mid ahaa dadkii soo saaray Mabda a Hantiwadaagga ayaa wuxu ku sharxay dhulgoosigu inay tahay arrin abuuraysa Isku dul nolansho iyo dhiigmiirad (explotation). Haddaba Hargeisa iyo magaloyin kale ee S/land, maanta ayuu ka jiraa dhulgoosadku, Waxanu la baxay magac kale oo la yidhaa Dhul-boob haddii aad u fiirsato hargeisa,Waxad arki kartaa niman (Landlord) ah oo dhulkii qabsaday,dadkii u dhowaa ama ehelka u ahaana ka dhigay canaasiir u difaacda dhulka,waxa laga yaabaa kan difaaca ku soo raacayaa inanu haysan hoy uu galo ama uu kiro ku jiroba,waana kii xaqa u lahaa in dhulkan wax laga siiyo, dulmi badan ayaa ka abuurmay waxayna bulshada dhexdeeda ku keentay dhibaato iyo muran,waxana jirta in xattaa laba walaalo ah ama ilmader ahi isku dilaan. Qofku wuxuu ku xisaabtanayaa inuu fadhiga ku qaatto lacag badan oo kumankun Dollar ah,oo aanu u soo dhididin meelna u soo marin,dabcan kii garabkiisa joogayna isaguna intaas in leeg ayuu rabaa oo halkii ay ka ahayd dhulka in la dego waxay isu bedeshay Ganacsi,dad badan ayaa arrimahan ku lug yeeshay oo ka mida bulshada qaybeheeda kala duwan ah, taas ayaa aburaysa Muran dhul iyo iska hor imaad. Waxa kaloo jirta in dad badan,noloshoodii ay noqotay inuu maxakamad ku sii kallaho muddo aad u dheer,wuxuuna dhaxal ahaan uga tagayaa carruurtiisa marka uu dhinto oo iyaguna isla halkii dacwadda ka sii ambaqaadaya,waxa kaloo jirta in dad badan oo hanti lahaa oo bulshada magac iyo sharaf ku dhex lahaa inay hantidoodii ku waayeen siday arrimahan ugu jireen oo ay noqdeen dad musalafay arrintaasi dhib faro badan ayay bulshada ku haysaa. Xukuumadda ayay ahayd inay dhulka iyadu lahaato,oo qofkii u bahan ay meel dejiso,dadkana sidaas ayay dantoodu ku jirtaa oo ay ku kala nabad geli karaan,hase ahaatee taasi ma jirto waxana dhulkii gacanta ku dhigay dad gaar ah oo aanay jirin sabab ay ku leeyihiin,wuxu dhufays ka dhigtay qabiil,dadkii reerkooda ahaa ee dhulka u baahnaa ayaa isagii difaacaya,lkn ma odhanayan dhulka wax naga sii aanu kula difaacnee. Xukuumaddu siyaasad cad umay dejin oo arrintan wax lagaga qabanayo,waxa fiicnan lahayd in hab loo dejiyo iyadoo loo tixraacayo diinta islaamka,waxay ahayd in suaalahani la isweydiiyo.qaabkee ayuu qofku u mari kara inuu dhul faro badan yeesho?sidee ayuu xalaal ugu noqon karaa ama ku hantiyi karaa? Iyo suaalo kaloo badan. Diinta islaamku waxay jidaysay in qofku dhulka uu sheeganayo uu ku camiro muddo sanad ah,macnaha uu ka sameeyo Beero ama dhisme,haddii aanu ku camirayn dadka kale kama laha waxana dhulka la waregaya xukuumadda. Soo jeedin 1-Waa in xukuumaddu u dejisaa Siyaasad cad qaabka dhulka qofku u yeelan karo ee anay noqon iska sheego uun iyo waan qabsaday. 2-Waa in cashuur qaali ah la saaraa qofka dhul sheegta si uu faraha ugaga gubto oo uu uga cararo,ama uu deg deg u dhiso. 3-Waa in laga wacyi geliyaa dadka oo loo sheegaa Diin ahaan inay xaaran tahay in qofku dhul aanu lahayn iska sheegto oo uu dadkii degi lahaa ee masaakiinta ahaa ka horjoogsado inuu naar ku mutaysan doono. 4-waa in dadka laga wacyigeliyaa inanay noloshu dad ahaan iyo dal ahaanba ku hagaagayn in dhulka la boobo oo ay ka haboontahay in qofka dhul rabaa sifo xalaal ah ku raadsado. 5-In dadka dhalinyarta ah ee loo adegsanayo dhulboobka ee balwadaha dhex muquurtay,lala raadiyo shaqo abuur iyo mustaqbal wanaagsan. Rashiid Odowaa khadarsalaan@gmail.com 063-4101213 Source
-
Ku , Maxamed Xasan Siciid Maxamed ( Sali-dhige) . Marka ugu horaysa iga gudoon duco iyo Alle barri aan rabigeen ,ilaaha isaga mooyee aanu ilaah kale oo xaq laggu cabaadaa aanu jirin , ilaha Cadaaladda badan , Cadaaladda jecel ee inagu amray in aynu Cadaalad samayno , aan kuu waydiinayo , Danbi dhaaf ,Naxariis iyo raxmadiisa waasaca ah. Saaxiibkayoow , waxaynu ahayn saaxiib , Isku jaamacad ayaynu ahayn , isku fasal baynu ahayn , afarsanadood ayaynu jidkaas soo wada maray . in badan baynu sheekaysanay , wax wada faalaynay oo aynu iska war qabnay. Waayihii aad soo martay ee xanuunka badnaa , wixii hawl culus kusoo food saartay , wixii dhib iyo imtixaan kusoo maray waan ogaa oo waynu iska war haynay . Wax kasta oo aad soo martayba maanta waad nagga guurtay, waxaad u guurtay gurigaagii dhabta ahaa , dibna halkan uguma soo noqon doontid .waxaad marti iyo magan u tahay ilaahay , ilaahay baad gacantiisa ku jirtaa , cid danbe oo aan isaga ahaynina arrintaad ma geli doonto . Saaxib adiga maanta kuu ooyi maayo , waayo Aduunyadii iyo waayaheedii waad ka hayaantay ,waxaanad gaadhay Cadaaladii Rabi, aniga ayaase ooyaya maxaa yeelay Aduunyadii aad ogayd ayaan joogaa . Nabadgelyo iyo Naxariista eebe oo waasaac ah . W/Q:Ahmed Nuur Guruje Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mudooyinkii udambeeyay waday qorshe uu ku doonayo inuu waqti kororsi ku sameysto. Madaxweyne Farmaajo ayaa habeenadii la soo dhaafay kulamo gaar-gaar ah la yeelanayey odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada Beelaha ku matala Golaha Shacabka, isagoona ku qancinayey inuu sameysto muddo kororsi. Madaxweynaha ayaa dadaal badan ugu jira sidii uu taageero ugu heli lahaa qorshe dowladdiisa ku dooneyso muddo kororsi, iyadoo muddo xileedkiisa uu ka dhiman yahay 20 bilood. Haddaba, Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay qorshahan uu Madaxweyne Farmaajo ku doonayo inuu waqti kororsi ku sameysto, isagoona sheegay inuu kasoo horjeedo qorshahaasi oo uusan marnaba dan u aheyn nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo midka xasilooniyadeedba. Yuuruf Garaad Cumar, ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu arrintas kaga hadlayo, wuxuuna ku yiri: “Sida aan uga soo horjeedo Dowlad aan xilligii loo doortay dhammaan in la isku dayo in Madaxweynaheeda la maja xaabiyo oo laga rito kursiga, si le’eg ayaan uga soo horjeedaa marka Dowlad wakhtigeedu dhammaadaanayo in ay isku daydo in ay kororsato ama ay ulakac uga baaqsato qabanqaabada doorasho si ay isaga sii joogto. Labada arrimood midna dan uma ahan nidaamkeenna siyaasadeed, is aamminaadda iyo xasilloonida”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mudane Madaxweyne, Gebiley ma laha cashuuraha kastamka! Maalin dhaweyd waxa madaxweyne Muuse Biixi uu sheegay hadal uu kaga jawaabayey cabasho iyo cadaalad-darro ka muqaata Xeerka lr. 12 oo ah xeerka midaynta cashuuraha degmooyinka. Madaxweynaha ayaa difaacay xeerkan oo ah mid ku salaysan cadaalad-darro. Waxa cadaalad-darro ah in degmooyinka kastamadu ku yaalaan ay saami dheeraad ah ku yeeshaan cashuuraha lagu qaado kastamka. Isla markaana ay saamigooda ku yeeshaan inta soo hadhay. Tan oo macnaheedu yahay in tusaale ahaan Gebiley ay 10 % oo u gaar ah ka helayso cashuuraha lagu qaado kastamka Gebiley. Sagaashanka soo hadhayna wax bay ku leedahay. Kastamku waa hay’ad ka mid ah laamaha dawladda dhexe. Cashuuraha laga qaado waa cashuuro ka dhexeeya dadka. Laakiin madaweynuhu waxa uu sheegtay in khayraadka Gebiley uu yahay kastamka Gebiley. In kastamka dekadduna yahay khayraadka Berbera. Saylada xoolahana wuxuu ku sheegay in ay tahay khayraad u gaar ah degmada Burco. Madaxweynaha ha loo sheego in kastamku aanu ahayn khayraad degmo, ama wax-soo-saar loo nisbeyn karo degmo gaar ah. Degmo kasta cashuur ha ku yeelayo wax-soo-saarkeeda. Sida wax-soo-saarka beeraha, warshadaha, xoolaha iwm. Xaq maaha in Burco cashuur dheeraad ku yeelato adhiga iyo geela ay ku soo tabceen reer Ceerigaabo. Xaq maaha in Gebiley saami dheeraad ah ka hesho qaadka lagu cuno Salaxley iyo degmooyinka kale ee waddanka. Xaq maaha in degmada Berbera loo leexiyo qayb-libaaxeed ka mid cashuurta kastamka dekedda. Waxa loo baahanyahay in cashuuraha la isugu keeno meel, kadibna degmo kasta loo kabo si u dhiganta baahideeda iyo baaxadeeda. Madaxweynaha waxa laga filayey in uu dib u eego nidaam-cashureeedkan aan caqli-galka ahayn. May ahayn inuu difaaco wax khaldan. Wakhtigan waxa jira guux iyo baraarug ku salaysan in wax laga beddelo xeerkan sida qaloocan u qaybinaya cashuuraha dadka ka dhexeeya. Madaxweynaha waxa laga rabaa inuu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa nidaam-cashuureed casri ah oo cadaalad ah. Ahmed Abdirahman, Somaliland axmedx@hotmail.com Qaran News
-
Coldoon!! Cabdimalik muuse Coldoon waa muwaadin dalka xaq iyo xuquuq ku leh , waana nin samafale ah , dad badan oo maskiin ahna wax u qabtay ama taakuleeyay taas oo aanay weli qaban in badan oo ka mid ah siyaasiin badan oo leh damac hugaamineed ama kuwa hada xilalka haya . Xirfadiisa suxufinimo waa mid inta badan diirada lagu saaro wax dalka iyo dadka dani ugu jirto marka laga reebo inta yar ee jecel musuqa iyo maalka dadka. Sidoo kale Abdimaalik waa qof bini Aadam ah wuuna khaldami karaa , laga soo caban karaa ama wax loo sheegan karaa , balse hadii la eegayo dastuurka iyo sharciyada umaddu dhigtay waa in si sax ah wax kasta loo maraa wadadeeda iyo wakhtigeeda . Tusaale ahaan qofka cidii ka dacwoonaysaa waa in ay tagtaa maxkamad oo laga soo dacweeyaa kadibna qofka dacwadaa loo geeyaa xili macquul ah oo aan dhib loo gaysan hantidiisa , Famligiisa iyo naftiisa toona. Balse in gurigiisa loo dhaco , hantidiisa la burburiyo , naftiisana wax la yeelaa waa bahalnimo iyo qaabkii jabhadnimad , waxaana waajib ku noqonaysa qofka in uu is difaaco waa wadad keliya ee u furan. 30 sano kadib hadii aynaan sharciga dhankiisa ka korin , xaga aqoonta ka korin , Aqoonsi ku waynay , Nidaam sax ah oo bulshada inta badan raali ka noqotay dhisan waynay , Cadaalad iyo cadaalad daradu inoo kala soocnaan wayday ma garan karo halka uu inoo wado wakhtigu!. Ugu danbayn waxaan alle ka baryaaya doonta ay wada saaranyihiin 4 million oo dadkaygii dhamaan ah oo aan wada jecelahay dhamaantood , in rabi mugdiga iyo mawjadaha ka badbaadiyo . Alla mahad leh. Kayse Abdillahi Dhisaaye dhisaaye122@gmail.com Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa gebi ahaanba xayiraad kusoo rogtay kulan ka dhici lahaa magaalada Borama, oo ay ku qaban lahaayen labada Professor ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeyr, iyagoo maalmihii udambeyay kulamo kusoo qabtay qaar kamid gobolada Somaliland. Xayiraadan lagu soo rogey kulamada labadan Professor ayaa waxay kasoo baxday amarkeedu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen ilo xog-ogaal ahi. Wasiirka ayaa amray in waraaqo loo qaybiyo hotelada Borama, kuwaasi oo ay ku qoranyihiin in aan wax shir ah ama kulana lagu qaban Hotelada iyada oo aan fasax laga haysan Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Hargeysa fadhigeedu yahay. Sida ay Caasimada Online u sheegen qaban-qaabiyayaasha kulanka labadan Professor, waxa gebi ahaanba loo diiday hotelada Borama inay ka kireeyaan kulankaasi, iyaga oo ku sababeeyay inay amar dul-dhigtay xukuumada Biixi. Guddida ku howlanaa qaban-qaabada kulankan ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online, haddii xukuumada Muuse Biixi ay ka hadli weydo sababta ay kulankaasi u hor istaagtay inay warbaahinta dhawaan wax-walba la wadaagi doonan. Labadan Professor ayaa hore kulamo ugu soo qabtay qaar kamida gobolada Somaliland, iyagoo kaga hadla kulamadooda dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid ku cusub shacabka magaalada Muqdisho, kadib markii isbitaalka laga xaday canug yar oo saacado uun dhalanaa. Iyadoo muddo ku dhaw 48 Saacadood la weysanaa canuga yar ee isbitaalka laga xaday ayaa hadda waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan in la helay canuga yar iyo dadkii la tuhmayay inay qaateen. Maamulka degmada Heliwaa iyo ehelka canuga yar ayaa saxaafadda u sheegay in la helay canuga yar oo la weysanaa saacado badan, waxaana xabsiga la dhigay dadka lagu tuhmay inay canuga isbitaalka kala baxeen. Xarunta dambi baarista ee CID ayaa la geeyay dhowr ruux oo falkaan lala xiriirinayo, sida masuuliyiinta maamulka Degmada Heliwaa ay sheegeen, waxaana socda baaritaanka ku aadan sida ay wax u dhaceen. Masuuliyiinta maamulka degmada ayaa sheegay in canuga yar ee la xaday maalmo ka hor uu caafimaad qabo, islamarkaana lagu wareejiyay qoyska lahaa, oo ku sugan isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho. Hooyo Naciimo Maxamed oo ah Hooyada laga xaday ilmaha yar ee lagu dhex xaday Isbitaalka SOS ayaa xaalad aan wanaagsaneyn ku jirtay, kadib markii ay si weyn kaga naxday ilmihii ugu horeeyay ee ay dhashay oo laga xaday. Ehelka canuga yar ayaa dowladda Soomaaliya horey kaga codsaday inay arintaasi wax ka qabtaan, waxaana saacadihii ugu dambeeyay socday baaritaanka iyo baadi goobka canuga yar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Riyadh)-Warbaahinta Sacuudiga ayaa ku warrantay in la dilay afar nin oo weerar ku qaadday saldhig ay ciidamada amaanka boqortooyada ku leeyihiin Magaalo ku taalla dhinaca waqooyi ee caasimadda Riyadh. Wargeyska maalinlaha ah ee ku hadla afka Carabiga ee kasoo baxa magaalada London, Asharq al-Awsat, ayaa ku warramay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa saldhig ay ciidamada amaanka ku leeyihiin degmada Zulfi oo 260 kilometres dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Riyad. Kooxda weerarka soo qaadday ayaa isku dayay in baabuur ay wateen ku jiiraan xeyndaab ay ciidamada ku wareejiyeen albaabka laga soo galo, kaddibna billaabay in ay furaan rasaas. War laga soo xigtay booliska ayaa lagu sheegay in laba nin oo kasoo dagtay baabuurka ay ku dhinteen rasaas ay is weydaarteen booliska, mid kale ayaa isku dayay inuu carraro balse waxaa toogtay ciidamada, halka kan afraad la dilay xilli uu isku dayay inuu is-qarxiyo. Telefishanka Al-Arabia, oo ah TV laga leeyahay Sacuudiga ayaa isna xaqiijiyay dhimashada afarta qof ee weerartay saldhiga ku yaalla dalka Sacuudiga. Source
-
London (Caasimada Online) – Tifaftiraha BBC-da qaybteeda Afrika Mary Harper ayaa sheegtay in marka ay Al Shabaab wacaan ama farriin ugu diraan Emailkeeda ay qarracanto. Mary oo maqaal dheer ka qortay wicitaannada AL-Shabaab marka ay weerarrada gaystaan ayaa sheegtay in xilliyada ay weerarrada ka wadaan Hoteellada ay soo wacaan una sheegaan in ay dil badan wadaan, kuwa Hotelka ku jirana ay si fiican u leynayaan dadka deggan Hotelka. Mary ayaa sheegtay in ay qarka u saaran tahay luminta saaxiibadeeda Soomaalida ah, maaddaama wicitaannada Soomaaliya oo dhan ay u heysato in ay yihiin Al Shabaab. Sababta ugu badan ee ay Al-Shabaab u wacayaan ayey ku sheegtay in ay tahay in ay sheegtaan mas’uuliyadda weerar xilligaas socda ama dhamaaday. Waxaa ay sheegtay in maalinkii ay wacaan 17 illaa 15 jeer, marka ay ka qaban weysana ay Inbox-ka Emailkeeda, ay ugu diraan farriimo, waxaana ay ka muujisay walaac badan. Mary ayaa sheegtay in marka ay gaari waddo, ama ay waqti la qaadaneyso qoyskeeda ama ay shaqo ku jirto ay ku adag tahay in ay taleefan ka jawaabto, sidaas darteedna marka ay fursad hesho ku aragto wicitaanno badan oo Soomaaliya ah. Walwalka ugu weyn ee ay qabto ayaa waxaa ka mid ah in wicitaannadaas aysan ku celin karin xittaa haddii uu yahay qof muhiim u ah, sababta oo ah waxaa ay u heysataa in ay yihiin Al-shabaab. Mary ayaa sheegtay in dhawr jeer ay la kulantay hanjabaadyo dil ah laakiin ma ahayn Al-Shabaab sida ay sheegtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Itoobiya ayaa sheegtay iney ciidamadeeda badda ee burburay 1990-yadii ay 27 sano kaddib dib u soo celineyso dhawaanna shaqadooda billaabayaan. Sarreeya Guud Birhaanuu Julaa oo wareysi ay la yeelatay wargeyska ‘Addis Zemen’ oo afka dowladda ku hadlo ayaa sheegay “iney dolwadda Itoobiya ay ka shaqeyn hayso sidi ay u dhisna lahayd ciidama bad oo adag.” “Ciidamada badda ee ay Itoobiya dhisaneysana waxay noqon doonaan ayuu yiri kuwa tababar casri ah leh isla-markaana qalabki ugu dambeeyey ee ciidamada badda adeegsada.” Abaanduula ku xigeenka ciidmada Itoobiya oo soo xigtay hadal horay uga soo yeeray xisbiga talada dalka Itoobiya haya oo lagu soo daabacay bogga ay baraha bulshada ku leeyihiin wuxuu yidhi: “Waa inaan muujinnaa sameynta siyaasadeed ee ay Itoobiya ku leedahay dhinaca badda. Waddama badan ayaa meela fogfog ka imanaya si ay badaha dariska nala ah ay saameyn ugu yeeshaan oo saldhigyo ka sameeysto. Annagu waxaan nahay waddan facweyn oo ay ku nool yihiin shacab ka badan 100 milyan. Marka ma jiri karto sabab aan bad la’aan u noqon karno”. Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay machad lagu tababaro xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 oo qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000 qof. In ciidamo meel eber ah laga soo dhiso, gaar ahaan kuwa badda waa shaqo aad u culus, una baahan dhaqaale badan. Madaxweynaha Faransiiska Emannuel Macron maruu booqasha ku tagay dalka Itoobiya wuxuu sheegay in ciidanka Badda uu Faransiiska u dhisayo dowladda Itoobiya. Wuxuuna Makron uu Itoobiya lasaxiixday heshiis ku kacaya Malaayiin doollar ah oo dhanka melleteriga ah gaar ahaan in Faransiisku uu gacan ka geysto dhismaha ciidamada Badda oo ay Itoobiya yeelaneyso 29 sano kaddib Source
-
Somaliland: Keep Armed Forces from Politics Somaliland Armed Forces, whether they are military, police or prison force, are self-less servants for the country and for the people and are solely responsible for the defense, internal security and safety and order of the country and the nation. Armed forces should not be politicized by politicians, opposition parties or traditional leaders that could affect the effectiveness of their duties and, as a result of that, could undermine the stability and peace of the country. In anyway, armed forces should not be used for political or for tribal gains. Joining armed forces is voluntary and not forcible. Once a person (soldier) is enlisted for the armed forces, takes oath of the service and puts on uniform for the national duties, they have no allegiance for particular tribe, party, region or group but for the nation and for the country. They should be given maximum respect for the service. Their sole duties are to defend the country from external aggression or invasion and to keep the internal security and safety to make sure that the nation lives in peace and safety for making progress and development in tranquility for self-sufficiency and better life. Politicizing armed forces undermines and weakens their patriotic duties to defend the country from external enemies and to protect it from internal insecurity, anarchy and chaotic situation. The public sleeps safe and works safe with the armed forces. So, people should support and respect their armed forces all the time. Politicization of the armed forces, especially military, weakens their ability and role to defend the country effectively. Political parties, especially opposition parties, or individuals who politicize armed forces break the laws governing the armed forces expressed in the constitution and should be liable to legal proceedings to protect the duties of the armed forces for the nation and for the country. The definition of a national military means that the members of the army are from all tribes or ethnic groups of a country balanced well in their enlistment and accepted by the public as national armed forces while militia is defined as an armed group of a particular tribe run by renegade political leader. Any political leader who organizes or forms an armed tribal militia fights the peace, stability and common good of a nation. According to military doctrine, the success and accomplishment of the armed forces depend on fulfilling military discipline and regulations expressed in military law of a particular nation. Military Discipline is a state of order and obedience existing within a command to promote patriotism and nationalism. Ibrahim Hassan Gagale April 19, 2019 Qaran News
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlayay shirka culummada Soomaaliyeed ee maanta ka furmay Xamar, ayaa sheegay in dhibaatooyinka dalka ka jirta ay ka mid tahay dhaqan-xumo siyaasadeed, isagoo xusay inaan la kala garaneyn mucaarad iyo waxa loo yaqaano dumin. Farmaajo ayaa sheegay in Somalia ay heysato faragelin shisheeye, wuxuuna ku tilmaamay wax aan la qaadan karin xubno ka tirsan maamullada dalka ka jira iyo mucaaradku ay dowladdiisa ku dacweeyaan beesha caalamka. “Dumin Qaran ayaa jirta, marka laga hadlayo Dowladnimada geedka jiridda in laga gooyo oo xasillooni loo diird oo la bilaabo qalalaase siyaasadeed oo dowladda dhan in la beddelo oo inta Beesha Caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye,” ayuu yiri maaxweyne Farmaajo. Isagoo sii hadlaya ayuu wuxuu hadalkiisa ku daray. Caqabadaha na haysta ayay ka mid tahay arrintaan, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo intii ay dowladnimada Soomaaliya burburtay.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa cidna si gaar ah farta ugu fiiqin, wuxuuse wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda laga tashado oo sidoo kale intii lala hadli lahaa madaxda dalka loo kala dhuunto in caalamka lagu daweeyo. Hadalka Madaxweynaha ayaa laga dareemayay inuu jawaab u yihiin dhaq-dhaqaayada siyaasadeed ee ka socda magaalada Nairobi oo ay wadaan xubno ka tirsan maamullada dalka ka jira, kuwaasoo doonaya inay beesha calaamka weydiistaan in si toos ah kaalmooyinkooda loo soo gaarsiiyo intii loosoo marin lahaa dowladda dhexe ee dalka. Ugu dambeyn, Tan iyo markii ay Dowladda Federaalka Somalia ka eriday Muqdisho ergaygii Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Haysom ayaa waxaa dowladda la saaray cadaadisyo caalami ah, iyadoo la billaabay in si gooni-gooni ah loola kulmo madaxda maamullada dalka ka jira. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo si adag uga hadlay dacwo uu sheegay in laga gudbiyay Dowlada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee mucaaradka ah ahaa weeraray madaxweyne Farmaajo isagoo arimo badan ku dhaliilay. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa u muuqda mid ka jawaabayay hadal maanta uu jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo ku saabsaneyn in dowlanimo aysan aheyn in dowladda Soomaaliya lagu dacweeyo Beesha caalamka. Qoraalka xildhibaanka ayaa u qornaa Sidan:- Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta sheegay in kulanka beesha caalamka ay Nairobi kula yeelanayaan Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Galmudug uu yahay QARAN DUMISNIMO. Haddaba, Qaranka Madaxweyne Farmaajo ka sheekeynayo tolow waa kee ma midka Maraykankaa mise waa midka Soomaaliya?! Madaxweyne Farmaajo markii la doortay bishii Febaraayo 2017 wuxuu diiday in uu ka tanaasulo dhalashada Maraykanka ee uu haysto, taas oo ay ka dhalanayso xuquuq iyo waajibaad badan oo dastuurka Maraykanka farayo qof kasta oo dhalasahada Maraykanka heysta ee dal kale madax ka noqda. Wuxuuna doortay in uu noqdo muwaadin Maraykan ah oo ka shaqeeya masaalixda Maraykanka, intii uu noqon lahaa Madaxweyne xalaal ah oo mudnaanta koobaad siiya dalkiisa iyo dadkiisa. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo wuxuu rabaa in uu been iyo boor isku qaris ku indho sarcaadiyo dadka Soomaaliyeed si uu uga dhuunto eedeynta la xariirta lacago la lunsaday oo beesha caalamka ugu talo gashay in lagu maalgeliyo adeegyada aasaasiga iyo mashaariicda horumarineed ee dowlad goboleedyada. Lacagahaas oo Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis labadii sano ee lasoo dhaafay ku qarash gareeyeen duminta iyo kala qaybinta dowlad goboleedyada. Shirka Nairobi na waxaa looga arinsanayaa sidii beesha caalamka iyo madaxda dowlad gobleedyada isaga waraysan lahaayeen meesha lacagtaasi aaday iyo cida lunsatay! Sidaas daraadeed, waa nasiib daro aad u weyn runtii in maanta Madaxweynaheena la soo istaago wadamo shisheeye ayaa lala shirayaa iyo wadaninimo been ah oo faruuryaha Madaxweyne Farmaajo aan soo dhaafin labadii sano ee uu Madaxweynaha ahaa! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa oo maanta ka hadlayey kulan culimada Soomaaliyeed ah oo ku saabsan amniga iyo dib u heshiisiinta ayaa sheegay sida uu u arko in mucaaradka uu labo yahay, mid wax dhisa iyo mid wax dumiya. Farmaajo oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Dhibaatooyinka aan ka qabno waa dhaqan xumo siyaasiyiinta ah ama siyaasadeed oo runtii aan la garaneynin qofkan siyaasiga ah waxaa uu u yaqaano mucaarad iyo waxa loo yaqaano dumin, mucaaradka waa wax wanaagsan, in lagu kala feker duwanaado, qof walba ra’yigiisa soo jeediyo uu ka hadlo ajende, uuna sheego xalka..kaasi mucaarad ma aha” Farmaajo oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay iney mucaaradka ku dacweynayaan beesha caalamka “Laakin dumin ayaa jirta, marka laga hadlayo dowladnimada geedka jirida in laga gooyo oo xasillooni loo diiro oo la bilaabo waxyaabaha aan naqaano, oo qalalaase siyaasadeed iyo khilaafaad, oo la laga hadlo dowladda dhan in la bedelo oo loo beesha caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye, mucaarad ma aha, iyada nafteeda waa caqabadaha na heysta ayay ka mid tahay, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo muddooyinkii dowladnimada burburtay caado noqotay, mar hadii aan tabar darnaaney”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortay ku guuldareystay kasbashada mucaaradkiisa, horay waxaa uu u sheegay inuu albaabkii uu ka soo xiran, isla isagii ayaa leh maanta waxaa ay igu dacweeyeen beesha caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com