-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay magaalada Istanbul kula saxiixday dhiggiisa Turkiga Mudane Mevlüt Çavuşoğlu heshiis kaas oo salka ku haya arrimaha diblomaasiyadda. Heshiiskan ay kala saxiixdeen Soomaliya iyo Turkiga ayaa ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan magaalooyinka Ankara iyo Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho waxa ay horay uga siisay dowladda Turkiga dhul ay ka dhisatay safaaradeheeda caalamka mida ugu weyn, uguna qurux badan. Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa tababar kala duwan siisa ciidamada xooga dalka, waxaana si gaar ah Mareykanka uu tababar gaar ah u siiyaa ciidamada DANAB oo ah kuwo Kumaandoos ah. Kulan dhexmaray safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha dalka, taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa oo ka dhacay magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen kordhinta ciidamada Kumandooska dowladda Soomaaliya. Generaal Thomas Waldhauser oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in ciidamada DANAB la gaarsiin doono 3,000 oo askari, kuwaasi oo fulin doono weerarada gaarka ah ee ka dhanka ah Al Shabaab. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa, ayaa sheegay in ciidamada DANAB ee kumaandooska ah logu bogay sida dhaqsiyaha badan ee ay kaga jawaabaan weerarada ka dhanka ah Al Shabaab. Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka AFRICOM, Karl Wiest, ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee Mareykanka ka heysta tababarka ciidankaas ay tahay qabyaaladda. “Ciidanka ka soo jeeda Jubaland ee aad u tababartay dagaalka Al-shabaab, howlgal kama fulin karaan Puntland, qabyaalad darteed,waxaa loo arkayaa kuwo banaanka ka yimid”ayuu yiri Afhayeenka. Walow aan la shaacin tirada ay hadda yihiin ciidamada DANAB haddana waxaa la isla gartay in la gaarsiiyo ku dhawaad seddex kun oo askari, kuwaasi oo tababar gaar ah ka heli doono Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Sarreeye Gaas Daahir Adan Cilmi ( Indho-Qarshe) oo saraakiisha Xooga dalka Soomaaliyeed kula hadlayay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa cod dheer ku sheegay in madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay tirakoobka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed , si loogu qorsheeyo, xarumo , agab milatary iyo miisaaniyad ku filan oo ay ku dar dar geliyaan waajibaadkooda. Sidaas daraadeed ayuu xusay taliyuhu in looga baahan yahay Ciidamada mlatariga Soomaaliyeed in ay ku sugnaadaan deegaanada loo igmaday , halkaasna lagu soo diiwaan galin doono. Waxaana uu ka digay Sarreeye Gaas Indho-Qarshe in Askarigii cudur daar la’aan laga waayo meeshii loogu tala galay , uu weyn karo xubinimadiisa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Dhinaca kale taliye Indho-Qarshe ayaa hoosta ka xariiqay in haddii aan la helin talis iyo Ciidan nidaamsan aysan guuleysan karin dowladda Soomaaliyeed , sidaas aawgeed ay lagama maarmaan tahay in qof kasta uu ka soo dhalaalo masuuliyaddiisa. Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa maalmihii dambe waday dib u habeyn ballaaran oo lagu sameynayo dhammaanka ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. View the full article
-
(SLT-Geneva)-Golaha Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Aadan ayaa Jimcihii shalay fadhi uu ku yeeshay xarunta Geneva ee dalka Switzerland waxaa ugu dooday islamarkaana uu cod u qaaday go’aanka madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu Buuraha Golan Heights ugu aqoosaday dhul ay Israa’iil leedahay. Inta badan wadamada reer Galbeed oo xitaa ay ku jiraan dowladdo saaxiib la ah Mareykanka ayaa siweyn uga soo horjeestay tallaabadan Mareykanku uu ku bixinayo ama Golan ugu aqoosanayo dhul ay Israa’iil leedahay. Guud ahaan marka la eego fadhiga waxaa gabi ahaanba ka soo horjeestay in dhulkaasi ay qaadato Israa’iil 26 dowladdood, halka 16 ay taageereen go’aanka Mareykanka. Waxaa la yaab leh in codbixintan ay ka aamustay dowladda Soomaaliya oo waliba xiligan ah guddoonka ururka Jaamacadda Carabta, waxeyna ka mid noqotay shan (5) dowladdood oo ka aamusay qaraarkan oo ay ka mid yihiin dalalka Cameroon, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Fiji iyo Rwanda. Safiirka Soomaaliya ee Golaha Xuquuqda Aadan Geneva u fadhisa Faadumo Insaaniya ayaa wali ka hadal sababta dowladda Soomaaliya ay u taageeri weyday codbixintan ka dhanka ah go’aanka Mareykanka ee Golan. Buuraha Golan Heights ayaa Israel ku qabsatay dagaalkii 1967dii waxayna Israa’iil sheegatay in uu buurahaas uu ka mid yahay dalkeeda sanadkii 1981kii mana jirto wadan ka mid ah caalamka oo aqoonsaday. Source
-
(SLT-Washington)-Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompe ayaa sheegay iney suuragal tahay Madaxweyne Trump inuu madaxweyne ka noqdo Mareykanka uu illaahay ugu talla galay inuu Israa’iil kaga badbaadiyo Iiraan. Pompeo oo wareysi la yeeshay shabakadda Christian Broadcasting xilli uu booqasha ku marayo Israa’iil ayaa sheegay inuu diinta uu aaminsan yahay ay ka keentay inuu sidaasi aamino. Wuxuuna sida oo kale bogaadiyey dadaalka Mareykanka uu ugu jiro sidi waddamada bariga dhexe dimuqradiyad looga meel marin lahaaa si ay u sii jirto dowladda Yahuudda. Hadalka Pompeo ayaa imanayaa xilli ay yahuudda u dabbaaldagayaan xuska dadka yahuudda ee gumaadka laga soo badbaadiyey. Dabbal degga looga magac daray Purim, ayaa sanad walba lagu xusaa dadka yahuudda ee ay boqoradda Esther ka soo badbaadisay Faarisiinta. Mr Pompeo ma aha mas’uulki ugu horreeyey oo ka tirsan maamulka Trump oo hadal noocaasi ku hadla. Bishi January xoghayaha arrimaha saxaafadda aqalka cad Sara Sanders waxay warbaahinta dad kirishtaanka leeyihiin u sheegtay “inuu ilaahey doonay inuu Trump uu madaxweyne noqdo”. Tani iyo inta uu Trump uu madaxweyne ka noqday Mareykanka waxaa sii xumaanayey xiriirka Mareyknaka iyo Iiraan u dhaxeeya iyada oo awlaba uu wanaagsaneyn. Bishi May 2018-ka Madaxweyne Trump wuxuu ka baxay heshiiska Niyuukilarka ee lala galay Iiraan isaga oo Tehraan ku eedeyey iney barnaamijkeeda Niyuukilarka ay sii wadato taasina ay dunida halis weyn gelineyso. Jimcahanna maamulka Trump wuxuu cunaqabateyn saaray 14 qof oo Iiraan ka soo jeeda iyo 17 hay’adood oo xiriir la leh barnaamijka Niyuukilarka iiraan. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa la saxeexday Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu heshiis ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ay ku kala yeelanayaan Ankara iyo Muqdisho. Heshiiskan ayaa dhigaya in labada dhul ee ku kala yaalla labada magaalo uu dalba midka kale kiisa yeesho. Arrintan ayaa ah mid caadi ah oo inta badan dalalka caalamka ay sameeyaan. Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xidhiidh diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah. Turkiga waa dalka ugu weyn ee taageerada siiya Soomaaliya, waxaana uu dalka ka fuliyey mashaariic waa weyn, sida garoon diyaaradeed, Cisbitaallo, waddooyin iyo goobo waxbarasho. Source
-
(SLT-Nayansa)-Maxkamadda Sare ee dalkaasi waxay shalay oo Jimco ahayd xukun ku riday 15-qof, kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabaab iyo Daacish iyo inay taageero siiyaan. Eedeysanayaasha oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Gobalka Nayansa ee Koonfurta dalkaasi, waxay 13 ka mid ah dadkaasi ku xukuntay min 5 sanno, halka 2 kalena lagu xukumay xabsi 10-sanno, iyadoo 25 kalena la sii daayey. Mid ka mid ah dadka la xukumay oo lagu magacaabo Salim Fundi waxaa lagu eedeeyey inuu ahaa Xidhiidhiyaha dadka ku sugan gudaha Ruwanda ee doonayey inay ku biiraan Daacish, sidaa waxaa yidhi Garsoore Eugene Nadagijimanaoo isagu xukunka ku riday Eedeysanayaashaasi. Sidoo kale, Eedeysanayaasha la xukumay waxaa ka mid ahaa 3 Haweene, oo 2 ka mid ah lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Casaimadda dalkaasi ee Kigaali, iyadoo ku sii jeeday dalka syrai si ay ugu biirto Kooxda Daacish, halka haweeneyda kale lagu helay inay Eedeysanayaasha ku taageerto 1,000 Dollar oo ay ku iibsadaan Tikidhada Duullimaadkooda. Dhinaca kale, Boliska dalka Ruwanda waxay bishii Janaayo ee sannadkii 2016-kii gacanta ku dhigeen 40 qof oo lala xiriirinayo Alshabaab iyo Daacish, waxayna qabashadooda xilligaasiku soo beegantay wax yar hal isbuuc, kadib, markii ay Boliska toogasho ku dileen Waddaad lagu magacaabi jirey Maxamed Mugemangango, oo ay ku eedeeyeen inuu dhallinyarada dalkaasi ku dhiiri-gelin jirey inay ku biiraan Kooxaha Alshabaab iyo Daacish, waa sida hadalka loo dhigay. Source
-
SAXAAFADDA IYO DIMUQRAADIYADDU WAA SIDA UL IYO DIIRKEED OO KALE . Saxaafaddu waa macalin bulsho waar taas hala ogaado , saxaafadda xorta ahi waa tiirka ay ku dhisan tahaynidaamka dimuqraadiga ahi, maaha oo qudha in la doorto baarlamaan(ama doorashooyin qabsoomaan ) , maaha oo qudha in la dhiso mu’ asasado qaanuuniya oo ilaaliyaa dimuqraadiyadda , ee waxa lagama maarmaan ah in ay ka garab jirto saxaafad hor ah . waxaana loo baahan yahay in ay jirto saxaafad kormeerta oo xisaabisa siyaasadda iyo siyaasiyiinta (checks and balances ) . Nidaamka dimuqraadiyadda ku dhisan iyo saxaafaddu waa laba aan kala maarmin , haddii midkood meesha ka maqan yahayna , ka kale ma jirayo ee taa ha la ogaado . Hadaba dadku waxay isku khaldaan saxaafadda ( suxufiga ) (journalist ) ka iyo qoraaga siyaasiga ah AMA weriyaha (reporter ) ka warka soo tebiya , oo shaqadiisu tahay in uu warka oo xufan soo gudbiyo isaga oo dhexdhexaad ah , laakiin wixii oo dhan ayaa iskaga keen qasan oo aynaan kala garanayn ama is wada dhexyaacaaya . WAAYO? xisbiyadeena siyaasadeed iyo siyaasiyiinteena iyo mabaa dii’ dooda ayaan waxba ku kal duwanayn (QABYAALAD MOOYEE ) , saxaafaddeena iyo siyaasadeeduna sidaas oo kale yara weeye . Tusaale ahaan haddaan saxaafadda dunida mid ka soo qaato : Sida saxaafadda ingiriiska oo kale , metelan jariiradda ( DAILY TELEGRAPH ) waa jariirad muxaafid ah , ( INDEPENDENT) waxay u janjeedhaa dhinaca bidixda , (TIMES) waxay ku hadashaa afka qolada bidixda ee weliba dhexdhexaadka ah , mid kastaana midda kale way ka duwan tahay siyaasadda ay difaacdo iyo kooxda iyo xisbiga ay magacooda ku hadasho ama dhinacooda ay u janjeedho . Hadaba bulshadeenu saxaafadda waxba aqoon ah kama haystaan oo saxaafadda iyo warbaahuntuba way nagu cusub yihiine , bal saxaafadda lafteedu (suxufiyiintu) waxa looga baahan yahay inay bulshada u soo bandhigaan oo uga waramaan kaalinta ay saxaafaddu leedahay iyo kaalinta iyo doorka ay saxaafaddu bulshada ugu jirto . Ummadda iyo bulshada u sheega in ay saxaafadda horta ahi tahay MACALIN BULSHO , sidaa awgeed saxaafaddu waa inay noqoto macalin fiican oo bulshada daadahayn kara waa inay noqoto . Bulshaduna waa inay ogaato , haddii saxaafad xor ah lawaayo , dimuqraadiyad jiraysaa ma jirto . Saxaafadduna waxay ilaalisaa danta dadka iyo dalka . Suxufiguna ha ogaado hana ilaaliyo inta garaadka bulshadiisu le’egtahay iyo waxa uu qaadan karo iyo waxa ka miisaanka wayn . Wax yaabo badan oo aanu u bislaanin baa jirta ee ha la daadihiyo inta uu xor ka noqonaayo wax yaabo badan oo iminka haysta oo ay ugu horayso gumaystaha qabyaaladda la yidhaahdaa waaxaana jira siyaasiyiin badan oo oo bulshada caadiga ah ka garaad iyo caqliba liita , taana ha la ogaado , oo yaan lagu dayan . SI wacyiga bulshada loo koriyaana waa arin wakhti qaadanaysa , waana arin aan fududayn , taana ha lagu xisaabtamo mar kasta oo wax la qoraayo . Bulshadeena qaarkeed iyo siyaasiyiiteenu intooda badani weli ma kala garanayaan RA’YIGA iyo WARKA iyo RUNTU waxay kala yihiin , (qaar badan baan kala saari karayn ) . Ereyga ay qorto ama uu qoro isuduwaha (COLUMNIST) wuu ka duwan yahay ka lagu qoro (COLUMN ) joornaal kale . Qaybta ra’yiga (op-ed) ama (Opinion – Editorial) waxa weeye qayb ra’yiga dadwaynaha la dhexdhigo arin oo laga doodo , oo ama layska horkeeno kooxo kala afkaar ama kal siyaasad duwan , halkaas oo laga helo doodo aad u xiiso badan oo bulshaduna wax ka fahanto , maahana qabab in arintanu ay sharci tahay ama sharci darro ee waa arin u baahan in dood laga galo , wixii natiijo ah ee laga gaadhona waa mid dalka u taalla haddii ay faa’iido bulshada iyo dalka u soo kordhisay , qaybtaasuna waa (SUB ) ama SUB -EDITOR) (The Style -book) . Hadaba inaga (SOMALILAND) ahaan waxa iskaga keen qasan ama khaldan (bulsho ahaan iyo xukuumad ahaan ba) waxa la yidhaahdo DOOD QARAN am RA’YI ama TALO ama TUSAALAYN , arimahaas oo dhan in loo bislaado weeye ,ilayn dal baynu wada wadaag naaye . Haddii aan saxaafad xor ah aan la helinna , weligeed meel lagaadhayaa ma jirto , dimuqraadiyad wax inoo taraysaana ma jirto , horumar laga gaadhayaana ma jirto dhinaca dimuqraadiyadda , doorashooyin inoo hirgalayaana ma jirayaan , HADDII AAN SAXAAFAD XOR AH LA HELIN . SAXAAFADDA IYO DIMUQRAADIYADUNA WAA SIDA UL IYO DIIRKEED OO KALE . CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News
-
Ab-tirsataye ayaad tahay? Soomaalidu waa qomiyad balaadhan oo degta geeska afrika,waa qoomiyada ugu deegaanka weyn qoomiyada afrikaanka ah, waxay deegaan ahaan ku fidsanyihiin bariga-afrika sidoo kale intii ka danbaysay dagaaladii ka bilowday kun iyo sagaal boqol iyo sideetamaadkii wadankii laysku odhan jirtay Soomaaliya waxay ku baaheen dunida dacaladeeda,taas oo hada aanay jirin dalalka aduunka ugu weyn ama magaca leh ee qaaradaha Kala duwan kuyaala mid aanay soomaali degeneyn haday tahay yurub, ameerika ,aasiya,ustareeliya iyo afrikada Ka durugsan deegaamada soomaalidaba. Soomaalidu waa qomiyad leh AF iyo dhaqan ayka simanyihiin oo af-soomaali iyo dhaqan soomaali loo yaqaan,siddoo kale Soomaalidu waxa ay isku gartaan Qabiilooyin ay ukala baxaan taas oo ay isku tooyadaan iskuna tolaystaan abtirsiin ay Oday ugu arooraan oo u Ab-tirsadaan, hase yeeshee waxa aan jirin meel ama Oday kulmiya oo ay soomaalidu kusoo wada arooraan ,waxa dhacda in qabiilada waaweyn ee soomaalida midiba meel Ku arooro haw badnaadaan sheekhakh carbeede hadana waxa layaableh in aanay jirin qabiiladaa qabiil leh carab-baanu nahay oo ku faanaaya kana faanaaya soomaalinimada waa cajiib!. Hadaba Qoomiyada Soomaalida ah 3 arimood ayaa kusoo kordhay , 1, in qabiiladii sii sarifmeen oo sii Kala fircameen siina Kala fogaanayaan oo sida xaal u muuqdo MaR hadii qabiilkii meel sare oo uu ku dhamaado lahayn meel hoosana ku dhamaan maayo oo waa laf,jilib,jifo,qoys iyo bah oo xaalku intuu Oday joogo waa sahal e kol haduu bah iyo islaan gaadho waa halis waayo ba’ hebla iyo ba’haha xinfiltankoodu Ka daran qabiilo iskusoo baxay waayo laba walaalo ahbaa gondaha is daraaya!, 2,in Soomaalidii Ka hayaantay deegaankeedii oo ay dunida xushay iyaga oo xanbaarsan qabyaaladii ,waxaana dhici doonta in qurbaha jiilaalka Ku dhashay ee Ku dhaqmay ay aakhirka asal doorsami doonaan waayo koox kooxaysi qabiil Ku dhisan ayaa qoomiyadnimadii muquurinaaya. 3,in deegaamadii Soomaalidu isbadeley oo xeyndaab xuduud caalami ah lagu wareejiyey oo dalal laga dhigay magacyo cusub leh dadkii degenaana Ku abtirsada layidhi oo soomaalinimada meeshaba laga saaray, sidda Jabuutiyan,itoobiyan iyo kiiniyaati, Oo waxa dhacaysa in hadii nin qoomiyada amxaarada ama qoomiyadaha kale ee itoobiya dega aad is af-dhaaftaan uu yaa itoobiyaanay yidhaahdo in mid qoomiyada Soomaalida ahi uu tantoobo Kula soo tiigsado!,kiiniya iyo jabuutina sidoo kale,100 Sano dabadeed hadaad soomaali baad tihiin ku tidhaahdo dagaal filo. Hadaba waxa xal ah ee in uun qoomiyad-nimada Soomaalinimo lagu badbaadin karaa in uun kol hadii soomaali Qabyaaladii iska dayn weydey siduu illaahay yidhina u isticmaali weydey waxaan soo jeedin lahaa bal Abtirsiinta aad ubadka baraysaan SOOMAALI ugu danbaysiiya oo fara ubadkiina in qabiilada Soomaalidu Soomaal SOOMAALI kuwada dhamaadaan kuna wada arooraan oo Soomaalidu qoomiyad Oday SOOMAALI la odhan jirtay kasoo wada jeedaan, Fadlan Abtirsiintiina SOOMAALI kuwada arooriya. Anigu Fuad Fartaag Faratol Bade ……………..sheekh isaxaaq aw SOOMAALI reer Shan-U-Roone-Soomaal Afrikaani Qaabiil Aadan Ciid lagasamee abuur illaahay. <(Reer Shan-u-Roone = reer Somaliland). Bal hadaba ab-tirsataye ayaad tahay anigu SOOMAALI dalkayguna Somaliland. Fuad Fartaag fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka amniga maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada maamulkooda heegan la galiyay islamarkaana ay diyaar u yihiin dagaal ka dhan ah Al Shabaab. Saadaq Sheikh Yuusuf oo ah wasiirka amniga maamulka Galmudug ayaa cadeeyay in amaanka deegaanada maamulkooda uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana ay hadda u diyaar garoobeen dagaalka ka dhan ah Al Shabaab. Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay inay ka warhayaan dhaqdhaqaaqyo Al Shabaab ay ka wadaan duleedka magaalada Dhuusomareeb, taasi oo keentay inay heegan geliyaan ciidamadooda. Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Galmudug ay qorsheynayaan inay deegaanada ay joogaan Al shabaab ay ku weeraraan, si looga hortago inay soo weeraraan degmada Dhuuusomareeb. Wasiirka Amniga Galmudug ayaa intaa ku daray in qalabka iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidamada ay u qorsheeyeen in duulaan ay ku qaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab loo dhameystiray, kaliyana ay sugayaan amarkii ay ku dhaqaaqi lahaayeen. Dhinaca kale wuxuu sheegay in ciidamada Galmudug ay diyaar yihiin inay difaacaan deegaanada Al Shabaab doonayaan inay weeraraan, maadaama ay heleen xogo dhanka amaanka la xiriira. Wuxuu soo hadal qaaday dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, isaga oo sheegay in dagaaladaasi ay dhibaato ku yihiin maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya mas’uuliyad ay ka saaran tahay bixinta mushaaradka ciidanka gadooday. Cabdi Maxamed Jaamac oo ayaa sheegay in tirakoob sax ah la helo ay muhiim tahay balse madaxada dowladda aysan aheyn in Labo sano kadib tiroob ciidan ay bilabaan. Dhanka kale, sarkaalkan ayaa la yaab ku sheegay in askari ku jira furin hore oo dagaal ay hadana DFS ka jarato mushaarka iyo garaamkiisa (Cuntada) Cabdi ayaa DFS ugu baaqay in nidaamka ay hadda wax ku waddo wax ka bedasho, islamarkaana askarta shaqeyneya ay helaan xuquuqdooda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/SARKAAL-CABDI-MAXAMED-JAAMAC-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddi u magacaabay xulista xildhibaannada golaha degaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa loo xil saaray in ay ka shaqeeyan soo xulista iyo kala hufidda xildhibaannada golaha degaanka degmada Gaalkacyo. Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku amray dhammaan dhinacyada ay khusayso xulista golaha degaanka in ay guddiga hawshiisa u fududeeyaan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo guddi u magacaabay xulista Golaha degaanka Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiye Ku-xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa xalay kormeer ku sameeyay hanaanka loo suggo ammaanka Degmada Wadajir. Gudoomiye Tuulax oo uu wehliyo Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumar Cabdulaahi Xasan iyo Taliyaha Qaybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Somaliya Yuusuf Xundubey, ayaa u kuurgalay Afarta Waaxood ee ay ka kooban tahay Degmada Wadajir. Masuuliyiintaan ayaa socod lug ah ku maray dhamaan Afarta Waaxood ee Degmada Wadajir, halkaasi oo ay ku soo arkeen Ciidamada ammaanka oo shaqeynaya, islamarkaana ku jira xaaladda suggida ammaanka shacabka Degmadaasi. Gudoomiyaha ayaa Ciidanka ku dhiirageliyay inay sii laba jibaaraan masuuliyadda ka saaran suggida ammaanka, si shacabka Somaliyed ee Degmadaasi ku nool nabad ay ugu seexdaan uguna soo toosaan. Gudoomiye Tuulax ayaa sheegay Kormeerka suggida ammaanka Degmooyinka inuu yahay mid joogto ah oo loogu kuur galaayo, xilliyada habeenkii & maalintii sida ay u shaqeeyaan Ciidanka amniga ee Degmooyinka Muqdisho ka hawlgala. “Kormeerkaan ayaa ah mid joogto ah oo aan ku sameyn doono laamaha kala duwan ee amniga xiliyada maalinkii iyo habeenkii si aan u hubino shaqada iyo wada shaqaynta dhaxdooda ah.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax. Ciidanka amniga ee ka hawlgala Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa habeen iyo maalin u taagan suggida ammaanka Degmooyinka & ka hortagga falalka guracan ee Kooxaha Nabaddiidka ay soo maleegaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa dood ku saabsan sida ay culimada Soomaaliyeed uga qeyb qaadan karaan dib u heshiisiinta dalka. Waxaa dooddan ka qeybgalaya Sheekh Cabdi Xayi, Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo sidoo kale Dr Maxamed Axmed Xaaji. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/sidii-ay-culimada-uga-qeyb-qaadan-lahayd-dib-uheshisiinta-wadanka-maxaa-loo-b.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii Bishan ayay Ciidamada Amniga ku soo xireen sarkaal ka tirsan Xarakada Al Shabaab. War ka soo baxay DFS ayaa lagu sheegay in sarkaalkani Al Shabaab uu u qaabilsanaa dhanka amniyaatka, gaar ahaan Khaarijnta. Sidoo kale saraakiisha dhanka amniga ayaa sheegay in ninkani uu ka dambeeyay abaabulka iyo hugaaminta Dilal badan oo loo gaystay M/Muqdisho. Waa hawlgalkii saddexaad oo todobaadkan gudihiisa lagu so qabto xubno ka tirsan Al Shabaab. View the full article
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay ciidanka ammaanka ka sameeyeen magaalada Muqdisho 21-kii bishan ku qabteen sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab. Warbaahinta dowladda ayaa lagu shaaciyey in sarkaalkan uu Al-shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan islaamarkaana ka tirsanaa Amniyaatka Al-shabaab, Waxaa hadda lagu hayaa mid ka mid ah xarumaha baarista dowladda federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Lama shaacin magaca sarkaalkan, sidoo kalena warbaahinta looma soo bandhigin muuqiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Istanbul (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay Istanbul kula saxiixday heshiis dhiggiisa Turkiga Mudane Mevlüt Çavuşoğlu. Heshiiskan ay kala saxiixdeen Soomaliya iyo Turkiga ayaa ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan Ankara iyo Muqdisho. Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-23032019.mp3 View the full article
-
Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe, taiyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda ay go’aan ku gaartay dib u habeynta iyo dayeenta ciidanka xoogga, islamarkaana aan la aqbali doonin in ciidanka kasii mid ahaado askari ama sarkaal qabiil gadaal ku wata. Waxa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka ku hari doono askariga wadaniga ah ee ay dhibeyso qaraxyada, amni darrada iyo dhibaatada wadanka, uuna bixi doono kan qabiilka gadaal ku wata ee aan rabin horumarka ciidamada. Sidoo kale, Indha Qarshe ayaa sheegay in qorshaha lagu diiwaangelinayo ciidamada xoogga dalka inuu yahay mid aad u wanaagsan oo wax badan ka bedali doono howlaha shaqo ee ay ciidanku hayaan iyo sidoo kale qaabka ay ku heli lahayeen xuquuqdooda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-Indha-Qarshe.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay Istanbul kula saxiixday heshiis dhiggiisa Turkiga Mudane Mevlüt Çavuşoğlu. Heshiiskan ay kala saxiixdeen Soomaliya iyo Turkiga ayaa ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan Ankara iyo Muqdisho. Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidamada xooga dalka Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa ka hadlay gadoodkii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen ciidamada xooga dalka ee ku sugan Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha Hoose. Taliye Indhaqarshe ayaa shaaciyay in ciidamada xooga dalka ay u baahan yihiin xerooyin iyo xuquuqda ay leeyihiin balse ay ka hor taagan yihiin xubno saraakiil ah iyo kuwo uu sheegay inay hanaan qabiil u abaabulan yihiin. Sidoo kale taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in go’aanka dowladda Soomaaliya qaadatay uu yahay mid wanaagsan oo lagu hagaajinayo ciidamada saxda ah ee dalka uu leeyahay. Wuxuu tilmaamay in ciidamada ay ka hari doonaan ama aysan kasii mid ahaan doonin kuwa uu sheegay inaysan daacad u aheyn dalka iyo kuwii mudaaharaadyada sameeyay, sida uu hadalka u dhigay. “Mustaqbalka ciidanka ayaan u soconaa, dowladda waxay u socotaa mustaqbalka ciidanka, aad ayaana ugu amaanayaa go’aanka ay qaadatay dowladda, waxaan hubaa inta mudaaharaadeyso inay lumi doonaan, waxaana hubaa kan aan damiirka laheyn, tuuganimada dilootay, waxaan hubaa inuu ka hari doono ciidamada”. “Ciidanka wuxuu u baahan yahay xero in loo sameeyo, ciidanka wuxuu u baahan yahay inay helaan tababar wanaagsan, waana hubaa inay ciidanka ku hari doonaan saraakiisha dalka iyo dadka u damqanaya”.Ayuu yiri Indhaqarshe. Hadalkiisa ayaa keeni kara inay ka caroodaan ciidamada kale ee ku jira farumaha dagaalka, maadama horey ciidamadii gadoodka sameeyay ay ka caroodeen hadal uu jeediyay ra’iisul wasaaraha dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dadaalladii Kenya ay ku dooneysay in kiiska badda Soomaaliya xal looga gaaro meel ka maxsan maxkamadda caalamiga ah ee cadaalladda (ICJ) ayaa guul-darreystay, waxaana labada dal hadda u billaaban doona dagaal sharciyeed adag, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee Nairobi. Isku daygii ugu dambeeyey ayaa ahaa markii madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu labadda toddobaad ka hor Nairobi ku kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta, hase yeeshee wax natiijo ah kama aysan soo bixin. Dowladda Kenya ayaa hadda diyaarineysa waraaqihii ay u gudbin lahayd maxkamadda, oo mar kale dacwadda dhageysan doonta bisha September, kadib markii Kenya ay sanaddii 2016 ku fashilantay inay joojiso in ICJ ay kiiska guda gasho. Sida uu qoray Daily Nation, waxyaabaha Kenya ay u gudbin doonta maxkamadda bisha September ayaa waxaa ka mid ah natiijada baaritaan dhuleed, sida ay aaminsan tahay caddeyn doona, in ciidda dhul-badeedka la isku haysto ay ku jiraan macdan sidoo kale laga helo webiyada Kenya. Caddeyntaas, ayaa Kenya ay rumeysan tahay inay uga dhaadhicin karto garsoorayaasha maxkamadda in dhul-badeedka uu yahay mid Kenyan ah. Saynisyahanno Shiinees ah iyo khubarada dhulka Kenya ayaa daraasaddan iminka ku diyaarinaya magaalada Beijing. Kenya ayaa sheegtay inaysan haysan khubaro arrintan si wanaagsan u yaqaan, sidaas darteed ay adeegsaneyso kuwa Shiinees ah. Ma cadda, in marka laga reebo qareenada sharciyeed ee u doodaya, ay dowladda Soomaaliya sidoo kale adeegsaneyso Saynisyahanno sida Kenya oo kale, taasi oo kiiska Soomaaliya xoojin kara. Dowladda Kenya ayaa ku doodeysa in xariiqda xuduudda badda loo calaamadeeyo si ku toosan dhinaca bari, halka Soomaaliya ay ku doodeyso in xariiqdaas lala simo xuduud dhuleedka. Doodda Kenya ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah heshiiskii ay Soomaaliya la gashay 2009, ee uu saxiixay wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee xilligaas, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Heshiiskaas ayaa dhigaya in labada dal uu midna ka hor-istaagain midka kale in sida uu doono uu xuduud badeedkiisa ugu gudbisto guddiga caalamiga ee xadeynta qalfood badeedka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sarkaal ka tirsan Shirkadda Dahabshiil Group ayaa sheegay inay Madaxda TV-ga Aljazeera ee xaruntiisu tahay magaalada Doha ee Dalka Qatar ay garwaaqsadeen inay barahooda Bulshadda ee qeybtooda Laanta Afka Carabiga ee Aljazeera ka saaraan Warbixintaas lidi ku ahayd Shirkadda Dahabshiil, ku eedeynatsat in ku lug lahayd heshiiskii Shirkadda DP World ee dekadda Berbera. Dahabshiil ayaa sheegtay in Maamulka Dahabshiil qoraal cabasho ah u qoreen Maamulka Sare ee Telefishinka Al-jaziira oo ku aadan Barnaamij bishan March 17-dii laga sii daayey Qeybta Craabiga ee Telefishinka, kaasoo loogu magac daray “Almasaafa Sifrr”, oo laga diyaariyey Hardanka Dekeddaha ee ka socda Geeska Afrika. Qeybtii ku saabsaneyd Dahabshiil ayaa laga saaray warbixin Barnaamijkaasi ku jirtay ee ay ka dacwootay Shirkadda Dahabshiil, iyadoo Shirkadda Dahabshiil ayaa hore u soo saratay qoraal ay ku beenisay xogaha ku soo arooray Barnaamijka loogu magac daray “Almasaafa Sifrr” ee ay soo jeedisay weriyaha ka tirsan telefishanka Aljazeera ee Hinda Hilbawi. Qoraalka Dahabshiil u dirtay Maamulka Telefishinka Aljazeera waxaa lagu xusay in baahinta Barnaamijkaasi xambaarsanaa Eedeymo laga been abuuray, kuwaasoo gebi ahaan ahaa Sharaf-dil iyo weerar ku shaa shirkadda ganacsi oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha arrimo Siyaasadeed oo u muuqda kuwo ay dabada ka riixayso arrimo la xiriira Siyaasad degaameed (Geopolitical reasons). Qoraalka Dahabshiil waxaa lagu muujiyey inaysan Aljazeera siinin Dahabshiil xuquuda jawaabta iyo fal-celinta ka hor intaysan Aljazeera baahinin Barnaamijkaasi. waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay haddii ay Aljazeera telefoonka kula soo xiriiri lahaayeen Dahabshiil in laga fogaan lahaa Qaladaadka iyo Been Abuurka badan ee ku jiray Warbixintaasi Dahabshiil ayaa sheegtay inay tahay shirkad Ganacsi oo Caalami ah oo si gaar loo leeyhaay, oo u adeegto Bulshadda Caalamka, isla markaana aan ku lug lahayn Siyaasado Dowladeed ama Kooxeysi Siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com