-
Content Count
214,197 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (SMN) – Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa si aad ah u soo dhaweeyay socdaalka Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu shalay ku tagay magaaladaasi. Qaar ka mid ah shacabka reer Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yihiin imaatinka Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay la dhacsan yihiin, islamarkaana ay la garab tagnaan doonaan taageero lixaad leh. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) oo xalay ku hoyday Garowe ayaa maanta ka qeyb galaya shir wadatashi ah oo lagu wado in maanta uu ka furmo magaaladaasi, kaas oo u dhexeeya dowladda dhexe iyop dowlad goboleedyada dalka. View the full article
-
(SLT-Algeria)-Taliska Millatariga Aljeeriya ayaa Sabtidii shalay amar ku bixiyey in la xidho Saciid Bouteflika oo la dhashay Madaxweynihii hore ee xilka ka degay Cabdicasiis Bouteflika, waxaa sidoo kale xubnaha la xidh-xidhay kamid ah labadii taliye ee hore usoo qabtay Hay’ada Sirdoonka Bachir Athmane Tartag iyo Mohamed Mediene. Saciid Bouteflika ayaa lagu tilmaami jiray ninkii ugu awooda badnaa dowladii hore isla markaana la taliye usoo ahaa Walaalkiis, waxaana la sheegaa in tan iyo 2013 uu isagu dalka u taliyey kadib markii uu Xanuunsaday Cabdicasiis Bouteflika. Tilaabadan ayaa ah mid militariga dalkaasi doonayo inuu ku qanciyo shacabka kacdoonka ka wada Aljeeriya oo Jimcihii lasoo dhaafay qabtay mudaharaadka oo hada socda muddo 11 toddobaad ah. Cabdicasiis Bouteflika ayaa isagu xilka ka degay 2dii April, balse shacabka ayaa weli codsanaya in gebi ahaan la bedalo nidaamka dowlada Aljeeriya oo ay sheegeen inay weli xilal hayaan xubnihii lasoo shaqeeyey dowladii hore. Xariga Saciid Bouteflika ayaa sidoo kale ah mid la doonayo in lagu xakameeyo awooda badan oo ay yeesheen xubno kamid ah qoyska iyo Qabiilka hogaamiyihii hore Cabdicasiis Bouteflika oo xilal sare ka hayey xukuumada. Macada in ay shacabka ku qanci doonaan tilaabadan ugu danbeysay oo ay militariga qaadeen, wuxuuna go’aankan kusoo aaday xili Jimcihii lasoo dhaafay Banaanbaxyadii ka dhacay caasimada Aljeeriya ay shacabka ku codsanayeen inuu xilka isaga dego hogaamiyaha militariga dalkaasi Jeneraal Axmed Gaid Salah, arrintaasi oo la rumeysan yahay inay ku khasabtay taliyaha militariga inuu xir xiro xubnaha ku dhawaa qoyska Madaxweynihii hore. Source
-
Muqdisho ( SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-sanad-guurada-05052019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed oo ku hadlayay magaca Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shaqaalaha iyo maamulka Shabelle ugu hambalyeeyay sanad guurada 17-aad ee Aaska Aaska Radio Shabelle. Agaasime C/nuur ayaa xusay in Shabelle ay u soo dhabar adeegtay dhibaatooyin badan oo ay goob joog u soo ahaayeen dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu geesiyaal ku tilmaamay shaqaalaha iyo maamulka Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo muujiyay karti iyo dulqaad. Dhanka kale waxa uu tacsi u diray dhammaan Wariyeyaashii la dilay ee ka tirsanaa howlwadeenada Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho. Hambalyo ka imaaneysa madax, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo gaareysa xarunta shabakadda Warbaahinta Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( SMN)-Halkan ka Dhageyso Barnaamij gaar ah oo ku saabsan Tacadiyadii kala duwanaa ee ay soo martay Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Bar__Tacdiyadii-Shabelle-060518-Beri.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Abuukar Sheekh Maxamuud (Sky) Agaasimaha shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa hambalyo ku aadan 17 sano guuradii ka soo wareegtay Aaska Aaska Shabelle u diray dhammaam dhageystayaasha iyo shacabka Somaliyeed. Agaasime Sky ayaa tilmaamay in aragtida shacabka ay sal u aheyd guulaha ay gaartay muddadii ay jirtay Idaacadda Shabelle. Sidoo kale waxa uu alle uga baryay Wariyeyaashii ka Geeriyooday Shabelle in Naxariistiisii Janno uu ka waraabiyo. Shabelle waxaa ay hawada soo gashay 6-dii May ee 2002-dii, waxaana tiirarka aan ku shaqeyno ka mid ah ka run sheegida baahida bulshada iyo baahinta xaqiiqda jirta. View the full article
-
Somaliland ayaa Soo jeedisay in dalka Sweden u ka qayb qaato dhexdhexaadinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, oo dhowr sano hakad ku jiray. Wasiirka horumarinta maalgashiga ee Somaliland mudane Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo muddooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa sheegay in dalka Sweden ay uu kaalin muhiim ah ka qaadan karo dhexdhexaadinta wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Wasiir Cawad oo la hadlay idaacadda dawladda ee dalkaas ayaa sheegay in dalka Sweden uu waayo-aragnimo fiican u leeyahay hawlaha dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah, waxa aanu tusaale u soo qaatay kaalinta dhexdhexaadnimo ee uu dalkaasi isugu keenay dawladda Yemen iyo ururka Xuutiyiinta ee uu dagaalku ka dhexeeyo. Waxa aanu tilmaamay in dalka Sweden uu sidaas oo kale gacan uga geysan karo dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya Dhinaca kalana weriye Muuna Ismaaciil Jaamac oo ka tirsan idaacadda Sweden ayaa mar ay isla arrintan kala xidhiidhay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sweden waxa ay ogaatay in dalkaasi uu diyaar u yahay in uu dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya, haddii ay sidaas Somaliland iyo Soomaaliya wadajir u doonayaan. Sida oo kale Anderes Osterberg oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Sweden oo isagana ay idaacaddu wax ka weydiisay soo jeedinta CAWAD ayaa sheegay in Sweden ay diyaar tahay, balse ay keliya u baahan tahay go’aan ay labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya arrintan ku aqbalaan. Weriyuhu waxa uu sheegay in uu isku dayey in uu dawladda Soomaaliya arrintan kala xidhiidho balse aanay u suurtagelin oo dowladda Soomaaliya inuu wax war ah ka helo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wadaad Muslim ah oo sannadkii 2017 lagu helay falal uu ku kicinayo rabshado dalka Switzerland ayaa ugu dambeyn la musaafuriyey kaddib markii la caddeeyey in dhalashadiisu tahay Soomaali. Ninkan ayaa hadda dib loogu celiyey Soomaaliya, Sida ay xaqiijisay dowladda Switzerland. Hannaanka lagu musaafurinayo ninkaan lagu sheegay inuu ahaa wadaad nacaybka faafiya ayaa dood badan dhaliyey sababo la xiriira inuusan lahayn sharci sax ah oo uu dalka ku joogo isagoo diiday inuu la shaqeeyo saraakiisha laanta socdaalka. Markii hore waxaa ninkani loo maleeyey inuu yahay Itoobiyaan laakiin ugu dambeyn waxaa la xaqiijiyey inuu yahay Soomaali. Laba sano ka hor, maxkamad ayaa amartay eryidda ninkaan kaddib markii lagu helay dambi ah inuu ku qabanayey Isu-imaatin masjidka An’Nur sidoo kalena waxaa laga mamnuucay inuu dib u soo galo dalkaas muddo 10 sano ah. Masjidka qilaafka dhaliyey ee ku yaalla woqooyi-bari Switzerland ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyey in lagu xag-jireeyo dhallinyarada. Saxaafadda ayaa ogaatay in lix qof oo ka mid ahaa dadka ku xiran masjidkan ay aadeen Syria si ay ugu biiraan kooxaha Islaamiyiinta ah. Source: goobjoog.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan ururka Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo dhawaan Al Shabaab lagala wareegay. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay xili dambe ururka Al SHabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka Bariire, oo muddo badan ay Al Shabaab maamuli jireen. Dagaal saacado qaatay ayaa ka dhacay Bariire, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo saraakiisha ciidamada dowladda ay sheegeen in Al Shabaab jihooyin badan ay ka weerareen deegaanka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in cabsi badan ay soo wajahday, waxaana Dagaalkii xalay uu sababay khasaaro kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay. Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka ay kala kulmeen Al Shabaab, islamarkaana dhankooda khasaaro badan uusan soo gaarin. Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka Al Shabaab xalay ay ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka SHabeelaha Hoose, waxaana Al shabaab ay weerareen saldhigyo badan oo ku yaala Shabeelaha Hoose. Afar maalin ka hor ayaa Al Shabaab lagala wareegay gacan ku heynta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa marar badan la wareegay gacan ku heynta deeganka Bariire, laakiin dib ayay isaga baxayeen, waxaana kadib dib u qabsanayay Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe waxaa maanta ka furmaya shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Inkasta oo abaabulayaasha shirka aysan weli wax ajande ah oo shirka looga hadlayo soo bandhigin, haddana Caasimada Online ayaa xubno ku sugan shirka ay la wadaageen qaar ka mid ah qodobada ugu xasaasisan ee la isku hayo marka shirka uu furmo. Waxaa ka mid ah sidii heshiis laga gaari lahaa qodobka 51aad ee dastuurka dalka. Qodobkan ayaa waxaa uu qeexayaa xiriirka Iskaashiga dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Qodobkan ayaa waxaa hoos imanaya qoodbo dhowr ah, sida siyaasadda, oo looga hadlayo cidda leh awoodda jaangoynta nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa, doorshooyinka maamullada yo dhismaha maamullada dowladaha hoose, ayada oo maamullada ay ku eedeeyeen dowladda inay isa siineyso awood aysan lahayn. Waxaa sidoo kale shirka looga hadalayaa Kheyraad-Qeybsiga, qodobkan ayaa ka hadlaya shuruucda kheyraad qeybsiga oo ay hadda xukuumaddu gacanta ku heyso, balse maamullada ay doonayaan in laga qeyb galiyo. Ma jiro wax kheyraad ah oo iminka la qeybsanayo, hase yeeshee waxaa maamullada ay ka fakarayaan mustaqbalkan. Muhiimadda qodobkan ayaa soo shaac baxday kadib shirkii London ee shidaalka Soomaaliya, ayada oo maamullada ay aad u danayanayaan inay go’aan ku yeeshaan kheyraadka dalka. Arrimo kale ee shirka lagu soo qaadi doono ayaa waxaa ka mid ah xaaladda ammaanka dalka iyo abaaro laga cabsi qabo inay dalka ku dhuftaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online)-Maanta oo Axad ah waxaa magaalada Garowe ka furmaya shirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, kaasi oo maalmihii ugu dambeeyay qaban qaabadiisa ay socotay. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya aya la filayaa inuu furo shirkaasi ka dhacaya magaalada Garowe, waxaana ku sugan madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Qodobo dhowr ah ayaa looga hadlayaa kulanka maanta ka dhacaya magaalada Garowe, waxaana ugu muhiimsan in la isku fahmo qodobo ay kamid yihiin doorashada dalka iyo hanaanka loo marayo. Hoos ka Akhriso qodobada shirka maanta looga hadlayo:- 1: Dhinaca siyaasada iyo cida xaqa u leh inay jaangooyso nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa markii ay dhamaato xilheynta Madaxda dowladda federaalka. 2: in Heshiis buuxa laga gaaro Qodobka 51aad ee dastuurka kaas oo cadeynaya heerarka iyo xiriirka Iskaashi ee dhexmara Dowladda iyo Dowlad goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. 3: Sidoo kale Madaxda ayaa shirkooda waxa ay uga hadlayaa arrimo la xiriira dhinaca abaaraha, iyada oo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ka digeen cabsi laga qabo abaar ku dhufato Gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya. 4: Qodobada ugu xasaasin ayaa waxaa ka mid ah qeybsiga Kheyraadka, iyada oo shuruucda ay gacanta ku heyso Xukuumadda Soomaaliya,waxaana laga wada hadi doonaa sidii shuruucdaas loo hirgelin lahaa. Si kastaba shirka Maanta oo Axad ah ka furmaya Magalada Garoowe ayaa noqonaya shirkii ugu xasaasisanaa ee dhexmara Madaxda Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Using satellite data, NASA scientists learn more about the giant vortex (not the picture) that grows annually near Somalia, Africa. Called the Great Whirl, it may be large enough to have significant impact on India’s monsoon season. It may also be bigger than Colorado. ( Pixabay ) Source: Hiiraan Online
-
Shirka wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada, ayaa saaka ka furmaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Shirka waxaa ka qayb-gelaya madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha, dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo xubno ka socda daneeyaasha Beesha caalamka. Qodobada shirkan looga hadli doono waxaa kamid ah: amniga Qaranka, dhammasytirka Dastuurka dalka, qaybsiga khayraadka iyo hannaanka cadaaladda. Balse, waxaa jira qodob kale oo ay mudnaan gaar ah siinayaan, madaxda dowlad goboleedyada, islamarkaana kamid ah arrimaha salka u ah khilaafkii hore ee labada dhinac. Qodobkaasi, waa qaybsiga deeqaha caalamku bixiyo ee lagu soo qaado magaca Soomaaliya iyo hannaanka ay u maamusho xukuumadda Federaalka. Madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka cabanaya in aysan qaybtooda ka helin deeqaha laga soo qaado caalamka, iyagoo xukuumadda ku eedeynaya in ay si qaldan u maamusho deeqahaasi. Dadka sida hoose ula socda arrimahan, ayaa sheegaya in malaayiin lacaga oo magaca Soomaaliya xukuumaddu ku soo qaaday, aysan si saxa u gaarin dowlad goboleedyada. Sidoo kale, waxay aaminsan yihiin in su’aasha ugu adag ee madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre lagu weydiin doono shirkan ay noqon doonto, habka ay u maamuleen malaayiinta Dollar ee deeq-bixiyaashu ku caawimeen Soomaaliya, balse aan gobolada dalka la gaarsiin? Su’aashaasi haddii ay si daah-furan uga jawaabi waayaan madaxda xukuumadda Federaalka, waxay xoojin doonta dalabka dowlad goboleedyada oo doonayo in si toos ah loo siiyo deeqaha caalamku bixiyo. PUNTLAND POST The post Su’aasha ugu adag ee Farmaajo iyo Kheyre lagu weydiin doono shirka Garoowe? appeared first on Puntland Post.
-
Human rights organisations worry that the UNHCR may be helping refugees return to war zones and, as an enabler of repatriation, helping Kenya violate refugees' rights. Source: Hiiraan Online
-
Mandheera (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in rag hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada leeyihiin oo ku yaala duleedka magaalada Mandheera. Saldhiga la weeraray ayaa ku yaala inta u dhaxeysa deegaanka Carabiya iyo degmada Mandheere ee dalka Kenya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo saacado qaatay, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo halka weerarka uu ka dhacay ayaa sheegaya in ururka Al Shabaab halkaasi ay ku dileen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya, iyado aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee weerarka ka dhashay. Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen muddo kooban gacan ku heynta saldhiga ay weerareen, walow markii dambe ay isaga baxeen, sida dadka deegaanka laga soo xigtay. Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in saldhiga Ciidamada Kenya ee ku yaalla Meel u dhow Magalada Mandheera ay weerareen,isla markaana ay la wareegeen. Sarakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari dalkaasi weli kama hadlin weerarka Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga ciidamadooda ku leeyihyiin inta u dhaxeysa Magaalada iyo deegaanka Carabiya. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka Dowladda federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada uga furmaya magaalada Garowe ee xarunta Puntland, kadib markii uu fashilmay qorshe ka dhan ahaa. Sida aan xogta ku helnay madax maamul goboleedyada, gaar ahaan kuwa Puntland, Jubaland iyo Galmudug oo dowladda ay isku kacsan yihiin, ayaa ku gacan seeray in Yariisow uusan ka qeyb-galin shirka. Waxa ay ku doodeen in gobolka Banaadir uusan xubin ka ahayn maamullada federaalka, sidaas darteedna uusan go’aan ku lahayn shirka. Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan inta uusan Xamar ka tegin ku adkaystay ka qeyb-galka Yariisow ee shirka, haddii kale uusan isagana imaneyn. Kheyre oo kusii sugnaa Garoowe labadii maalin ee tagay ayaa madaxda diidanaa Yariisow ku qanciyey inay aqbalaan dalabka madaxweynaha, taasi oo lagu guuleystay, waxaana Yariisow uu shalay ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha ee tagay Garoowe. Maamullada ayaa inta aysan iman xukuumadda nabad iyo nolol marar badan gees u riixay guddoomiyayaashii hore ee gobolka Banaadir, hase yeeshee dowladda Farmaajo ayaa taas wax ka beddeshay, kana qeyb-galisay dhammaan shirarka dowladda iyo maamul goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa shalay diiwaan-geliyey xisbi siyaasadeed cusub oo la magac baxay Xisbiga Awoodda Shacabka (People’s Power Party). Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaran Xaliima Ibraahim Ismaaciil ayaa shahaadada aqoonsiga KMG ee diiwaangelinta guddoonsiiyay Cabdullaahi Cilmi Xaaji Ereg oo ah Guddoomiyaha KMG ee xisbigan. Xisbiga awoodda shacabka waxaa hoggaaminaya, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir mudane Thaabit Cabdi. Guddoomiye Thaabit oo la hadlay ayaa sheegay sababta ay xisbigan cusub ee PPP u aasaaseen iyo ujeedkooda. “Dal waxaa uu horumaraa marka awoodda shacabka la siiyo, dal aanu dadkiisa awood laheyn ma horumaro, awoodsiinta umadda Soomaaliyeed ayaan ka shaqeyn-doonnaa” ayuu yiri Thaabit Cabdi. Cabdi, oo haatan dibadda ku maqan waxaa uu intaasi raaciyey in dhowaan la qaban-doono xafladda daahfurka xisbiga taasi oo ka dhici-doono caasimadda Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’isal wasaaraha Dalka Ethioia Abiye Axmed ayaa qaaday tallaabo lama filaan oo ka yaabisay shacabka Itoobiya kadib markii uu ka dalbaday Dalka Zimbabwe in ay dib ugu celiso Ethiopia Hoggaamiyihii hore ee dalkaas, Mengistu Haile Mariam. Mengistu Haile Mariam, ayaa u baxsaday dalka Zimbabwe sanadkii 1991-dii markii uu bur buray taliskiisii, waxaana uu Zimbabwe ku noolyahay ilaa hadda. Abiye Axmed oo ka hadlayay munaasibadda xorriyadda hadalka ee 3-da May ayaa ka dalbaday Dowladda Zimbabwe in ay ku wareejiso hoggaamiyaha hore. Mengistu Haile Mariam, ayaa lagu heystaa dagaalladii uu geliyay Ethiopia iyo baabi’intii kooxaha mucaaridka ahaa ee dowladdiisa diiddanaa. Waxyaabaha lagu heysto waxaa ka mid ah dagaalkii uu la galay Soomaaliya, dagaalkii Eritrea ay kaga go’day Ethiopia iyo gacantii adkeyd ee uu kula dhaqmay siyaasiyiinta mucaaridka ah. Abiye ma sheegin in la maxkamadeynayo Mengistu Haile Mariam, waxaase uu dowladda Zimbabwe ku joogaa magangelyo siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waaxda Difacaa Maraykanka ee “The Pentagon” waxay soo saartay qoraal lagu xaqiijinayo tiradda dadka rayidka ee ay Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka sannadkii la soo dhaafay ee 2018-ka. Warbixin ay Waaxda Difaaca Maraykanka soo saartay ayey ku sheegtay inay 120 qof oo rayid ah dileen, 67 kalena ku dhaawaceen duqeym oay ka geysteen dalalka Somalia, Iraq, Syria iyo Afganistan, waxayna tirooyinkaasi aad uga hooseeyaan tirooyinka ay Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha soo saareen. Warbixin-snnadlaha ee Waaxda Difaaca oo loo gudbiyey Kongareeska Maraykanka ayaa waxa uu muujinayaa in ku-dhawaad 800 oo qof oo rayid ah la dilay Hawlgalladii ay Maraykanka ka fuliyeen dalalkaasi sannadkii 2017-kii, kaasi oo qeyb ka ahaa Hawlgalkii Isbahaysiga Mraaykanka ee ka dhanka ahaa Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ku sugan dalalka Syria iyo Iraq. Warbixinta “The Pentagon” waxaa lagu sheegay in Hawlgalladda ay sannadkan ka fuliyeen dalka Afganistan ku dileen 76-qof oo rayid ah, iyadoo duqeymahalaga fuliyey dalalka Syria iyo Iraq la sheegay in lagu dilay dad tiradooda guud dhan tahay 42-qof. Warbixinta “The Pentagon” oo ka koobnayd qiyaastii 20-bog waxaa lagu sheegay in Duqeymihii ay sannadkii hore ka fuliyeen Somalia ay ku dileen labo rayid oo keliya, taasi oo aad uga fog tiradda guud ee ay Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha shaaciyeen sannadkii hore. Hay’adda Amnesty International UK waxay bishii March 20-dii soo bandhigeen Warbixin ay Cinwaan uga dhigeen: , The Hidden US War in Somalia” oo la micno ah “Dagaalkii Qarsoonsaa ee Maraykanka ee Gudaha Somalia”, kaasi oo lagu faahfaahiyey duqeyn ay Maraykanka ku dileen dad rayid ahaa. Warbixintaasi waxaa lagu xusay in 14 qof oo rayid ah la dilay, halka 8 kalena lagu dhaawacay 5 ka mid ah 100 Duqeyn oo ay Maraykanka ka geysteen Somalia tan iyo bishii March ee sannadkii 2017-kii. Warbixinta waxaa lagu sheegay in shantaa duqeyn ay Diyaraadaha Dorniska Maraykanka ee Reaper iyo kuwo kale ka fuliyeen qeybo ka tirsan Gobalka Sh/hoose, waxayna duqeymahaasi u muuqdaan kuwo xadgudub ku ah Sharuucda Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha iyo in laga yaabo inay yihiin Dembiyo Dagaal. Dhinaca kale, Hay’adda Amnesty International USA waxay soo dhaweeyeen Warbixinta ay Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ka soo saareen khasaarihii dadka rayidka ka soo gaaray Hawlgalladii ay sannadkii hore ka fuliyeen dalal ay Somalia ku jirto. Agaasimaha Ammaanka ee Xuquuqda Aadanaha ee hay’adda Amnesty International USA, Daphane Eviatar waxa sheegtay in ay nasiib-xumo tahay in Warbixinta Waaxda Difaaca soo saartay ay weli ka hooseyso tirada dadka rayidka ee ay khasaaraha ka soo gaareen Hawlgalladda ay Maraykanka hoggaaminayaan, khaas ahaan wararka ku aadan khasaaraha soo gaaray rayidka ku nool dalalka Somalia iyo Syria. Waxay ku baaqday in loo baahan yaha in tallaabooyin dheeraad ah la qaado, si loo yareeyo khasaaraha dadka rayidka ka soo gaara Duqeymaha Maraykanka. Radio Dalsan
-
Popular Contributors
