-
Content Count
214,217 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in madaxda ku sugan halkaas ay u kala jabeen labo garab. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa billaabay kulamo kala duwan oo la yeelanaayo madaxda dowladda taageersan dowladda ee HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, isaga oo ku qancinaya in ay taageeraan go’aamada ay dowladda dhexe shir geyso. Sida aan xogta ku helnay, Kheyre ayaa rumeysan in haddii xitaa mid ka. id ah labadan maamul uu la safta maamullada kale in dowladda looga adkaan doono shirka. Waxa uu si gaar ah uga cabsi qabaa madaxweynaha HirShabeelle, oo bilihii dhowaa marar badan cambaareeyey dowladda, inkasta oo uusan si toos ah uga soo horjeesan. Dhinaca kale, waxaa Iyana kulamo gaar ah ay leeyihiin Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, oo isku dhinac ah, islamarkaana doonaya inay dowladda si kulul ugu weeraraan shirka. Shirka oo markii horeba aan lahayn ajande cad, ayaa waxaa hadda la rumeysan yahay in xoogiisa uu noqon doonoa doorashada 2021, kadib sharcigii muranka dhaliyey ee doorashada oo ay ansixyeen golaha wasiirada. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in madax goboleedyada ay dalban doonaan in dowladda ay ka dhex-baxdo ayaga iyo beesha caalamka, oo si toos ah ay deeqahooda u helaan, taasi oo dowladda aysan ogoleyn. Madaxweyne Farmaajo oo caawa tagay ayaa ku howlan isku soo dhaweynta Madaxda ku sugan magaalada Garoowe, waxaana uu ka cabsi qabaa in haddii shirka uu fashilmo uu dhaawac iyo magac xumo siyaasadadeed gaarsiin doono dowladda. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Somaliland: Ciidamada Qalabka Sida Qabiil Ma Leh Sida ummad kasta oo ka jirta dunida, ummadda Somaliland waxay u qaybsantahay Rayid iyo Ciidan. Rayidku waa shacabka caadiga ah ee aan hubka sidan. Ciidanku waa ciidamada hubka sida ee loo yaqaan Ciidamada Qalabka Sida. Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland waxay u xilsaaranyihiin, waajibkooduna yahay inay difaacaan dalka iyo dadka iyo inay sugaan nabadgelyada gudaha, waxayna u kala baxaan: Xoogga Dalka Somaliland, Ciidanka Boliiska Somaliland, Ciidanka Asluubta Somaliland iyo Cutubyada u tababaran hawlaha gaarka ah. Qofka ciidanka ah maalinta uu isu diiwaangesho ciidamada, tababar qaato, dirayska ciidanka xidho ee uu u dhaarto dalka iyo dadka Somaliland waxaa uu ka baxaa qabiil iyo qabyaalad, waxaa uu ka baxaa mag qabiil kala qaato, waxaa uu ka baxaa qabiil sheegasho, waxaa uu ka baxaa aargoosi qabiil. Waxaa uu wataa summadda iyo astaanta qaranka oo huwan sharafta wadaninimada ku salaysan difaaca iyo sugidda nabadgelyada ee dalka iyo dadka. Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland QABIIL MA LEH EE WAXAY LEEYIHIIN QARAN. Haddii ciidamada dal la beeleeyo ama la qabiileeyo laguma tilmaamikaro ciidan qaran waayo waxay lumiyaan astaanta iyo niyadda wadaninimo ee ay ku difaacaan dalka iyo dadka kuna sugaan nabadgelyada gudaha si ummadoodu ugu seexato nabadgelyo, ugu shaqaysato nabadgelyo, ugu safarto nabadgelyo dalka dhexdiisa, dalkuna ugu horumaro nabadgelyo. Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland waxay leeyihiin qawaaniin u gaar ah oo lagu maamulo laguna hoggaamiyo ciidanimadooda, kala dambayntooda iyo hawlgalkooda. Waxay kale oo leeyihiin maxkamado u gaar ah ciidamada (kana duwan maxkamadaha rayidk ah) oo lagu qaado haddii xubin ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida dembi gasho. Dhawaan waxaa gobolka Sanaag lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Somaliland. Labadaas sarkaal kama dhiman qabiil ama beel ee waxay ka dhinteen qaranka Somaliland iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa ka mas’uul ah inay soo qabato dembiilayaasha dilkaas foosha xun gesytay lana saaro maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland. Dil waa ka dhacaa dal markasta ama rayid ha noqdo ama ciidan ha noqdee. Haddii dil ka dhaco dal waxaa mas’uuliyadda wax-ka-qabashada leh xukuumadda dalka ka jirta iyada oo adeegsanaysa sharciga dalka iyo Ciidamada Qalabka Sida. Maaha wax caadi ah in Gobolka Sanaag lagu soo rogo “Xukun Deg Deg Ah” sida ay ka socdaan gobolka dagaallo sokeeye oo lagu riiqday ama lagu baaba’ay. Marka dhibaato weyn ka jirto gobolka oo nabadgelyada dadka gobolka oo dhan wada saamaysa, dadka ayaa taageera in lagu soo rogo xukun deg deg ah si ay u nabadgalaan ugana badbaadaan dhibaatada. Gobolka Sanaag waa caadi, dilkuna waa dhacaa. Xukunka deg dega ah ee lagu soo rogay Gobolka Sanaag waxaa uu muujinayaa labada arrimood ee kala ah: In Xukuumadda Somaliland aanay adeegsankarin sharciga dalka iyo Ciidamada Qalabka Sida si ay uga hawlgasho, degdegna wax uga qabato dhibaato kasta oo timaada iyo in Beesha Caalamku u aragto in Somaliland aanay ka jirin nabadgelyo taas oo dhaawac ku ah sumcadda dalka. Waxaa xaaraan ah in la siyaasadeeyo arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland sida dilka saraakiishaas, waxaa kale oo xaaraan ah in madaxda dhaqanka Somaliland ka hadlaan arrimaha ciidamada, dilkaasna uga hadlaan sida rag laga dilay beel. Labadaas arrimoodba waxay dhaawac ku yihiin summadda, astaanta iyo waajibaadka Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland oo ah CIIDAN QARAN oo heegan u ah difaaca iyo nabadgelyada dalka iyo ummadda Somaliland. Madaxda dhaqanku waa inay ka baxaan siyaassadda dalka iyo arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland kuna ekaadaan hawshooda dhaqanka ee beelaha ay u xilsaaranyihiin (Rayidka). Nolosha Ciidamada Qalabka Sida waa ka duwantahay nolosha rayidka ah waxaana kala duway shuruucda, qawaaniinta iyo waajibaadka ay kala leeyihiin. Ciidamada Qalabka Sida oo la siyaasadeeyo ama la beeleeyo waa dembi, ciddii gashana loo baahanyahay in lagu qaado. Xukuumadda Somaliland waa inay dadka Somaliland ku wacyigelisaa isla markaana bartaan in Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ay yihiin ciidamo qaran oo ka caagan in loo nisbeeyo beel ama qabiil si loo ilaasho loona dhawro niyadooda wadaninimo ee ay ciidamadu ku difaacaan dalka iyo dadka kuna sugaan nabadgelyada gudaha. Waa in Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland ay sharci qaran oo adag ka soo saaraan in la siyaasadeeyo ama la beeleeyo Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland. Waa in la mamnuuco in madaxda dhaqanka ee dalka ay asalba ka hadlaan arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland kuna ekaadaan hawlaha dhaqanka ee ragidka ah. Arrimaha Ciidamada Qalabka Sida waxaa iska leh oo qudha xukuumadda ka jirta dalka, madaxda Ciidamada Qalabka Sida iyo maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida. Shacabka Somaliland waa inay markasta qalbiga ku hayaan jacaylka iyo taageerada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland oo naftooda u hura difaaca iyo nabagelyada dalka iyo dadka. Ciidamada Milatariga Somaliland waxay saldhig milatari ka samaysankaraan gobolkasta iyo meelkasta oo dalka ka mid ah maadaama ay yihiin ciidan qaran oo u xilsaaran difaaca dalka iyo dadka. Ibrahim Hassan Gagale Email: ibrahimgagale@gmail.com Taariikh: May 4, 2019 Qaran News
-
Dalladda ururrada bulshada rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa caawo soo saartay baaq ku wajahan shirka wada-tashiga ee u dhexeeya madaxda xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo maamul goboleedyada oo sida qorshaysan maalinta berriya ka furmaya magaalada Garoowe. Dalladda ayaa madaxda shiraysa ugu baaqday in ay ka heshiiyaan qodobada ahmiyadda u leh dalka oo ay ku jiraan amniga Qaranka xeerka doorashooyinka dalka iyo dhammaystirka Dastuurka. Halkaan ka akhriso baaqa PUNTLAND POST The post Dalladda PUNSAA oo baaq u jeedisay madaxda ku shiraysa Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
1 – Ajandaha uu lahaa kulanka Garoowe ayaa ahaa in ay madaxdu ka wada hadlaan sidii loo caddaynlahaa mawqifka doorashada soo socota ee dawladda soomaliya iyo hannaankeeda. In kasta oo markii shirka la shaaciyay aysan jirin hannaan sax ah oo loogu taloagalay doorashada soo socota, haddana waxaad mooddaa in ay madaxda dawladda federaalku jawaab ka dhigeen meel marintii ansixinta golaha wasiirradu ansixiyeen hannaanka xisbiyada iyo doorashada. Meel marinta sharcigan ayaa guud haan bedelay ajandihii shirka amase ka dhigay mid yareeya gaashaankii badnaa ee dawlad gobolleedyadu u siteen dawladda dhexe, waana macquul in ajande kale uu shirku isu bedelo. 2 – Arrinta kale ee lama filaanka ahayd ayaa ah in ra’isal wasaare Khayre uu Garoowe ka degay isaga oo aan wadan wax ciidan ah, balse uu door biday in uu amnigiisa u dhiibo ciidanka butlaan. Tan ayaa noqonaysa hal-qabsi weeyn oo uu ra’isal wasaaruhu ku hal-qabsan doono, tusinna doono maamul gobolleedyada in uu waajib yahay hirgalka nidaamka federaalku, sababta uu ciidanka isugu aaminayna ay tahay mid u ku caddaynayo in aysan jirin kala fogaansho siyaasaddeed, si taas la mid ahna uu madaxda maamul gobolleedyada ka codsado in ay sidaas mid la mid ah isugu soo aamminnaan ciidanka soomaliya oo ay yimaaddaan muqdisho iyaga oo aan wax baahi ciidan ah u baahnayn. 3 – Oggoolaanshaha bilaa shuruudda ah ee madaxda dawladda federaalku si wada jir ah uugu tageen Garoowe ayaa iyana ah mid si weeyn u bedelaysa fikirkii ahaa “mindi-mindi ku taagta” ee ay maamul gobolleedyadu ku hayeen dawladda dhexe, waana tallaabo la dhihikaro dawladda dhexe waxay tusaysaa bisayl siyaasaddeed. In kasta oo ay beryihii dambe soo baxayaan warar sheegaya in beesha caalamku dalwdda dhexe ka codsatay in ay ka qayb-galaan shirka Garoowe, haddana arrinkaas waxaan u arkaa mid ah waxba kama jiraan. Kulanka Garoowe waa mid dawladda hadda jirta u ah sahan siyaasaddeed oo ay ku doonayso meel marinta doorashada soo socota, waana tallaabo laga yaabo in ay ku doonayso xod-xodasho ay ku xod-xodato siyaasiyiin muhiim ah, taas oo ay kaga dhaadhiciso meel marinta qorshaha doorasho ee ay dawladdu soo jeedisay taas oo ay macquul tahay in ay hadhow sahasho muddo kororsiga dastuurku oggolyahay. Markasta dawladda dhexe Waxaa ay Garoowe la tegaysaa arrin ah canaan ay kala dul-dhacd maamul gobolleedyada taas oo ay ku dhaliilaan in aysan marnaba tix-gelin baaqyadii shirrarkii muqdisho, taas oo ay dawladda dhexe ku caddaynayso in shirarkaasi ay ahaayeen kuwo lagaga arrinsanlahaa xaaladda maanta Garoowe loo joogo iyo hannaanka geeddiga waddanka, in kasta oo aysan dawladda dhexe xilligaas ajandayaasha kulamadii fashilmay aysan ku jirin wax ku saabsan hannaanka doorashada waddanka, haddana dalwadda dhexe hirgelka kulamadaas ay macquul noqonlahayd in la isla soo hadal qaado hannaanka doorasho amase loo sameeyo kulan ku xigilahaa kuwaas. Si kasta kulanka Garoowe waa mid uu bedelmay ajandihii la shaaciyay, waana mid ay macquul tahay in meesha la keeno qorshayaal hore kulankoodu u baaqday taas oo ay dawladda federaalku wadatay. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com Hyderabad, India Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
RIYADH: Saudi Arabian moon observers said that there was no sight of the Ramadan crescent on Saturday, meaning millions of Muslims around the world will begin the holy month on Monday. The Islamic world follows a lunar calendar, and the traditional moon-sighting methodology can lead to different countries declaring the start of Ramadan a day or two apart This year, Ramadan will fall on long summer days for Muslims in the Northern Hemisphere. Fasting during Ramadan is one of the five obligatory pillars of Islam, along with the Muslim declaration of faith, daily prayer, annual charity – known as “zakat” – and performing the Hajj pilgrimage. Qaran News
-
It’s a particularly bright morning in Hungary and Somali-born model, Kafia Mahdi, is strutting her stuff. Under the clear blue skies, standing against the white stone walls of a Budapest statue, and clad in leopard-skin prints that appear to blend in with her melanin-rich skin, the twenty-year-old fast-rising model is all smiles as she strikes pose after pose for a fashion shoot. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland: Turkish Government Bans 18th May Celebrations Istanbul,(Qaran news)-The Turkish government has banned the Somaliland community in their country from celebrating the 28th anniversary of the reclamation of sovereignty on the 18th of May. The Somaliland community in Turkey have always gathered together to celebrate the 18th of May in the past in many of the major cities, such as Ankara and Istanbul, but according to the Somaliland community, pressure on the Turkish authorities to ban the celebrations this year came from the embassy of the weak federal government of Mogadishu. The ban comes at a time when Turkey wants to be seen as a fair arbiter in any future Somaliland-Somalia talks. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyhii hore ee gobollada Awdal, Gabiley, Sool iyo maroodi jeex, Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” ayaa ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed. Siyaasi Mustafe Shiine ayaa qoraal uu arrintaa kaga hadlay waxa uu ku yidhi: Maxamed Kaahin mid baan lee yahay wasiirkii Arr. Gudahana waan ahay raggaa la weeraray we Garadag lagala cararay ee Ceelafweyn la geeyay maan ogayn, adna ceeb bay kugu tahay qaranka ceeb bay ku tahay in aadan ka warqabin, haddii aad ku adkaysatana waa masuuliyad daro, waa inaad is baraxdaa oo taliyihii Iyo Badhasaabkii warkaa kuu soo gudbin waayay ay maantaba maxkamad saaraadaan, adiga iyo jananada ciidamaduba waa in aad is casishaan oo haddii madaxweynaha aad meesha la haysatid ee uu ku dhawraayo u fududee. Tan kale dafiraadani waxay dab ku sii shidaysaa Abtiyadaydii falka ay kuwooda xumi u soo jiideen iyo qoloda ay ka baxeen marxuumiintii dilka foosha xumi ku dhacay, hadalka xumi waxbuu sii fogeeyaa we ficil baa loo baahan yahay. Fadlan is casil. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe oo gaaray magaalada Garowe ayaa ka hadlay isbadalada ka dhacay deegaanada maamulka Puntland, isaga oo si dadban u diray madaxda dowladda. Axmed Madoobe ayaa sheegay in muddada uu xilka hayay Puntland ay yeelatay seddex madaxweyne, waxaana uu xilka madaxweynaha Jubbaland qabtay iyadoo Puntland uu madaxweyne ka yahay C/raxmaan Faroole. Waxaa sidoo kale uu muddo la shaqeeyay madaxweyne Gaas, isaga oo hadda la shaqeynayo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, taasi oo ka dhigan inuu yahay madaxweynaha ugu waqtiga dheer maamulada. Mar uu ka hadlayay madaxda isaga dambeysay maamulka Puntland ayuu sheegay in kaliya madaxda ay baneeyeen hogaaminta Puntland, balse uusan jirin isbadal ku yimid rabitaanka iyo qorshaha Reer Puntland. Wuxuu sheegay in hogaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni laga filayay, gaar ahaan dowladda, inuu ka duwanaan doono madaxdii ka horeysay, laakiin taasi aysan muuqan islamarkaana kaliya Puntland hogaanka uu iska badalay. “Waxaa intaan xukunka Jubbaland hayey isbedelay 3 M/weyne Puntland oo kala ahaa Faroole, Gaas iyo Dani, 3-doodaba magacyadii iyo shaqsigii uun baa isbedelay ee aragtiga siyaasada Puntland isma bedelin.”ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha Puntland ayaa markii la doortay dad badan waxay saadaalinayeen inuu isbadal ku dhici karo hanaanka uu ku hogaaminayo shacabka Puntland, islamarkaana uu saaxiib la noqon doono dowladda Soomaaliya, balse taasi ma aysan dhicin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
ASC, Wasiir labadaa talis Ciidan ayaa xukuma? Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amnigu uma hadal si masuuliyadeed. Wuxu ku hadlay hadalo isburinaya oo markhaati ma doon u ah sheekadii uu dhawan wasiirka arimaha dibada iyo Madaxweynuhu kala soo noqdeen imaaraadka .Arrintaas oo maalintii yaab badan bulshada ka dhex abuurtey. Maalintii ay soo laabteen waxa shirkaa jaraaid la inoogu sheegay in Imaaradka iyo Somaliland ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa amniga iyo la dagaalanka argagixisada.!! Cajiib. Goormay ka mid noqotey arga gixiso Imaaraat lagala hadlaa prioity ama muhiimada Somaliland? Hadaba akhristow hadalka Wasiirkan gudaha iyo ifafaalaha fool eriga xukunka degdega ah, eedaymaha u wasiirkani ku miisayo xisbiga iyo gudoomiyaha wadani iyo habka loo hagraday badbaadinta labadaa marxuum waxay ku arroraysaa in uu jiro wax qarsoon . Waxa la gelinayaa wadanka dagaal sokeeye oo aan laga wada tashan. Waxana lagu socdaa in lagu shaabadeeyo hogaanka xisbiga wadani nabad diid loona xalaalaysto xukun qarqooshka ay ku xidhanyihiin qaar badan oo ka mida hogaanka xisbiga oo u xidhan maxaad u hadashay. Waxan leehay waar waari mayside u tudh umada madaxweynoo adaa lagu doortey eh. Kuwan dabka kaa ag shidaya ee khibradooda maareynta bulshadu aanay dhaafsanayn Malcaamad Quraan iyo xero jabhadeed ha ku sii dayn dadkaaga. Mucaarid iyo muxaafidba adaa u madaxweyne ah. Wasiirku wuxu noo sheegayaa qabiilkiisa iyo ka Ciro. Meesha beesha dhexe keliya uma xidhnaa talada iyo qaranka waa la wada leeyahay ee kor u qaad bahasha. Arrinta degdega ah ama emergency rule maxaad u gelinweyday Kalshaale; Gabiley ; Berbera iyo sooltii boqolka nin maalin qudha ku dhinteen ee Ethopia looga soo gurmaday? Baroortu orgiga ka weyn. Wa bIlaahi Tawfiiq. H. Musa Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Albaabka hore ee dekadda magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maanta banaanbax ka dhigay ehellada askartii ku geeriyootay dagaaladii iyo qaraxyadii ka dhacay dalka Soomaaliya. Dadka banaanbaxa dhigay oo u badnaa haweeyn iyo caruur, islamarkaana ahaa kuwa aad u careysan ayaa ka cabanayay go’aan ay sheegeen in dowladdu ay ku jartay xuquuqdii ay ka qaadan-jireen ciidanka xoogga dalka. Sidoo kale intii uu socday banaanbaxa ayaa askar ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan nawaxiga dekadda Muqdisho waxa ay rasaas xooggan kula kala eryeen dadkii halkaasi maanta banaanbaxa ka dhigay. Qaar kamid ah ehelada askartii ku geeriyootay dagaaladii iyo qaraxyadii dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in muddo ku dhow afar bilood aysan helin wax mushaar ah, isla markaana qaarkood aysan shaqeyn karin. Sidoo kale dadkii banaanbaxa dhigay ayaa eedeeyn waxay u jeediyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoona xusay in ay u baahan yihiin xuquuqdii ay heli jireen. Hoos ka daawo muuqaalka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dib u dhac kadib madaxweyne Farmaajo oo soo gaadhay Garoowe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda soo gaadhay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale. Mudane Farmaajo ayaa sababo aan la shaacin socdaalkiisu saacado dib uga dhacay wakhtigii la qorsheeyay in uu yimaado Garoowe balse ugu dambeyntii makhribka ka hor soo gaadhay Garoowe. Sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isna duhurnimadii maanta soo gaadhay Garoowe waxaana haatan magaalada ku sugan dhammaan madaxda ka qeyb-gelaysa shirka Wada-tashiga xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Shirka ayaa sida qorshaysan maalinta berriya ka furmaya caasimadda dowladda Puntland kadib markii uu maanta u baaqday dib u dhaca socdaalka madaxweyne Farmaajo. PUNTLAND POST The post Dib u dhac kadib madaxweyne Farmaajo oo soo gaadhay Garoowe appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (SMN ) – Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa maanta diiwaan galiyay illaa 6 xisbi oo ka mid noqonaya Axsaabta siyaasadeed ee ka jira dalka. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan Xaliimo Ibraahim Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa Shahaadooyinka aqoonsinimo guddoonsiisay xisbiyada kala:- Xisbiga nabadda iyo dimuquraadiyada, xisbiga dhalinyarada qaranka, xisbiga haldoor, xisbiga isbaheysiga qaranka Soomaaliyeed, xisbiga daryeel qaran iyo xisbiga awooda shacabka oo uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.. Sidoo kale xisbiga Awoodda Shacabka (People’s Power Party) waxaa ku jira siyaasiyiin hore, aqoonyahano iyo ganacsato. Gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir Cabdulaahi Cilmi Xaaji Ereg, oo hadana ah gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga Awooda Shacabka ayaa maanta ka gudoomay guddiga doorashooyinka Qaranka shahaadada xisbiga. “Waxaan uga mahadcelinaya guddiga doorashooyinka Qaranka sida wacan ee ay howshaan u hageen, waxaan rajo badan ka qabnaa in loolanka siyaasadda ee Soomaaliya uu noqon doono Xisbiyo ku tartama adeega shacab, wax badan oo ku saabsan xisbiga Awoodda Shacabka waxaad dhamaantiin ku ogaan doonta munaasabada ugu soo horeysa ee Xisbiga ayuu yiri Xaaji Ereg, gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga Awoodda Shacabka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
On April 26, Sheikh Mohammed bin Rashid al-Makhtoum, the ruler of Dubai, signed $3.4 billion in investment deals between the United Arab Emirates (UAE) and China. These contracts were hailed in Dubai-based news outlet, Khaleej Times, as a catalyst for a UAE role in the Belt and Road Initiative (BRI). Overall, annual trade between China and the UAE is expected to increase to $106 billion by 2022. While this major boost to the China-UAE economic partnership follows years of strengthening trade links, the foreign policies of both countries are not aligned in numerous respects. The most commonly cited obstacles to a durable China-UAE partnership stem from Beijing’s deepening economic links with Iran and Qatar, but conflicting interests on the Horn of Africa could also emerge as a cleavage between the two countries. The primary areas of contention between China and the UAE in the Horn of Africa relate to trade policy and the status of Somaliland, an autonomous region of Somalia that has independence aspirations. Latent China-UAE tensions over trade policy have persisted since Djibouti rankled Dubai-based port company DP World by selling a 23.5 percent stake in Doraleh Container Terminal to China Merchants Port Holding Company (CMP) in 2013. Relations between DP World and CMP have since deteriorated considerably. In November 2018, DP World filed a lawsuit against CMP and accused the Chinese port company of breaching its contractual obligations. Frustration with CMP’s conduct caused the DP World chairman, Sultan Ahmed bin Sulayem, to condemn China’s “predatory” trade practices and accuse China of engaging in debt trap diplomacy at the January 2019 Davos World Economic Forum. Enjoying this article? Click here to subscribe for full access. Just $5 a month. While UAE officials have cautiously framed the DP World-CMP incident as an isolated case and insisted that Abu Dhabi will not take sides in the U.S.-China trade dispute, the ambitious trade policies of both countries suggest that China-UAE trade conflicts in the Horn of Africa could become more frequent. As China’s economic interests on the Red Sea continue to grow, the UAE could see the leverage accrued by its investments in critical ports, like Saudi Arabia’s Jeddah and Somaliland’s Berbera, be eroded by Chinese competition, resulting in new sources of tension. In addition to trade disputes, differing views between China and the UAE on the status of Somaliland could emerge as a future source of friction between the two countries. As UAE-Somalia relations have deteriorated markedly since Mogadishu refused to join the blockade against Qatar in June 2017, Abu Dhabi has deepened its relationship with Somaliland. The UAE plans to have an operational military base in Berbera by June 2019 and has trained Somaliland’s military personnel as part of this basing agreement. Ali Bakeer, an expert on the Gulf region at Ankara’s ORSAM think tank, told The Diplomat, that the UAE’s investments in Somaliland aim to separate the autonomous region from Somalia and resemble Abu Dhabi’s support for separatist enclaves in other regions, like southern Yemen and northern Syria. This policy is squarely at odds with China’s efforts to promote power centralization in Somalia, and frequently stated opposition to external interference regarding Somaliland’s status. As China strengthens its pivot toward Somalia, due to Somaliland’s objection to Mogadishu’s decision to grant Chinese ships fishing rights in Somaliland ports, this policy divergence could sharpen in the months to come. In spite of these disagreements, the China-UAE relationship in the Horn of Africa has yet to devolve into a state of strategic competition. The UAE remains focused on restricting Turkey’s influence on the Red Sea, as Ankara’s close ties with Somalia and burgeoning relationship with Sudan threaten to undercut Abu Dhabi’s geopolitical aspirations. China is the UAE’s leading supplier of manufactured goods and industrial materials, and Abu Dhabi’s BRI integration goals also restrict its ability to directly confront China in the Horn of Africa. The most significant geostrategic risk that could convert latent China-UAE tensions on the Horn of Africa into a more hostile relationship is Abu Dhabi’s continued militarization of the region. The UAE’s takeover of the Yemeni island of Socotra in May 2018 highlighted its willingness to unilaterally use military force to bolster its regional influence. Although the UAE ultimately withdrew from Socotra as a result of Saudi Arabia’s mediation efforts, concerns are growing that the UAE’s aggressive pursuit of new bases in the Horn of Africa will exacerbate regional power rivalries and trigger an accidental interstate conflict. Although Chinese officials have remained silent about the UAE’s activities in the Horn of Africa, Beijing’s numerous investments in Somalia, Djibouti, and Ethiopia ensure that it does not want the region to become subjected to an interstate conflict. In order to highlight its desire to avoid an interstate war, China has emphasized the stabilizing nature of its base in Djibouti and has offered to mediate border disputes between Eritrea and Djibouti. To the UAE’s credit, Abu Dhabi played a crucial role in successful resolution of the Ethiopia-Eritrea protracted conflict in June 2018, and these diplomatic actions reflect its interest in preserving collective security on the Horn of Africa. Nevertheless, the UAE’s continued hostility toward Somalia suggests that it is not universally committed to this goal. If Abu Dhabi’s tensions with Mogadishu persist as Ethiopia seeks to mediate a truce between Somalia and Somaliland, the credibility of the UAE’s efforts to frame itself as a stabilizing force in the Horn of Africa could be tarnished and tensions with China might commensurately rise. Although the China-UAE bilateral relationship is rapidly strengthening, especially in the economic sphere, both countries possess conflicting interests in the Horn of Africa that are not easily reconcilable. While these disagreements are unlikely to threaten the UAE’s aspirations of BRI inclusion or its trade deals with China, they add a layer of tension to the Beijing-Abu Dhabi relationship that could surface in a more significant way in the event of renewed conflict on the Horn of Africa. Samuel Ramani is a DPhil candidate in International Relations at St. Antony’s College, University of Oxford. He is also a geopolitical analyst who contributes frequently to the Washington Post, Carnegie Endowment for International Peace and Al Monitor. He can be followed on Twitter @samramani2. Qaran News
-
(Dhegayso) Falanqeyn: Maxaa kasoo bixi kara shirka Garoowe?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maxamed Caalim oo falanqeeya arimaha Soomaaliya iyo geeska Afrika ayaa warsidaha Puntlandi.com uga waramay waxa ka soo bixi kara shirkan Garoowe iyo sida xal looga [...] Source -
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goordhaweydsoo gaaray caasimada Puntland ee Garowe, halkaasi oo si diiran loogu dhaweeyey. Madaxweyne Farmaajo oo wafdi balaaran [...] Source
-
Popular Contributors
