Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,217
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Abuukar Sheekh Maxamuud (Sky) Agaasimaha shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa hambalyo ku aadan 17 sano guuradii ka soo wareegtay Aaska Aaska Shabelle u diray dhammaam dhageystayaasha iyo shacabka Somaliyeed. Agaasime Sky ayaa tilmaamay in aragtida shacabka ay sal u aheyd guulaha ay gaartay muddadii ay jirtay Idaacadda Shabelle. Sidoo kale waxa uu alle uga baryay Wariyeyaashii ka Geeriyooday Shabelle in Naxariistiisii Janno uu ka waraabiyo. Shabelle waxaa ay hawada soo gashay 6-dii May ee 2002-dii, waxaana tiirarka aan ku shaqeyno ka mid ah ka run sheegida baahida bulshada iyo baahinta xaqiiqda jirta. View the full article
  2. Somaliland ayaa Soo jeedisay in dalka Sweden u ka qayb qaato dhexdhexaadinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, oo dhowr sano hakad ku jiray. Wasiirka horumarinta maalgashiga ee Somaliland mudane Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo muddooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa sheegay in dalka Sweden ay uu kaalin muhiim ah ka qaadan karo dhexdhexaadinta wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Wasiir Cawad oo la hadlay idaacadda dawladda ee dalkaas ayaa sheegay in dalka Sweden uu waayo-aragnimo fiican u leeyahay hawlaha dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah, waxa aanu tusaale u soo qaatay kaalinta dhexdhexaadnimo ee uu dalkaasi isugu keenay dawladda Yemen iyo ururka Xuutiyiinta ee uu dagaalku ka dhexeeyo. Waxa aanu tilmaamay in dalka Sweden uu sidaas oo kale gacan uga geysan karo dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya Dhinaca kalana weriye Muuna Ismaaciil Jaamac oo ka tirsan idaacadda Sweden ayaa mar ay isla arrintan kala xidhiidhay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sweden waxa ay ogaatay in dalkaasi uu diyaar u yahay in uu dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya, haddii ay sidaas Somaliland iyo Soomaaliya wadajir u doonayaan. Sida oo kale Anderes Osterberg oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Sweden oo isagana ay idaacaddu wax ka weydiisay soo jeedinta CAWAD ayaa sheegay in Sweden ay diyaar tahay, balse ay keliya u baahan tahay go’aan ay labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya arrintan ku aqbalaan. Weriyuhu waxa uu sheegay in uu isku dayey in uu dawladda Soomaaliya arrintan kala xidhiidho balse aanay u suurtagelin oo dowladda Soomaaliya inuu wax war ah ka helo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Wadaad Muslim ah oo sannadkii 2017 lagu helay falal uu ku kicinayo rabshado dalka Switzerland ayaa ugu dambeyn la musaafuriyey kaddib markii la caddeeyey in dhalashadiisu tahay Soomaali. Ninkan ayaa hadda dib loogu celiyey Soomaaliya, Sida ay xaqiijisay dowladda Switzerland. Hannaanka lagu musaafurinayo ninkaan lagu sheegay inuu ahaa wadaad nacaybka faafiya ayaa dood badan dhaliyey sababo la xiriira inuusan lahayn sharci sax ah oo uu dalka ku joogo isagoo diiday inuu la shaqeeyo saraakiisha laanta socdaalka. Markii hore waxaa ninkani loo maleeyey inuu yahay Itoobiyaan laakiin ugu dambeyn waxaa la xaqiijiyey inuu yahay Soomaali. Laba sano ka hor, maxkamad ayaa amartay eryidda ninkaan kaddib markii lagu helay dambi ah inuu ku qabanayey Isu-imaatin masjidka An’Nur sidoo kalena waxaa laga mamnuucay inuu dib u soo galo dalkaas muddo 10 sano ah. Masjidka qilaafka dhaliyey ee ku yaalla woqooyi-bari Switzerland ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyey in lagu xag-jireeyo dhallinyarada. Saxaafadda ayaa ogaatay in lix qof oo ka mid ahaa dadka ku xiran masjidkan ay aadeen Syria si ay ugu biiraan kooxaha Islaamiyiinta ah. Source: goobjoog.com
  4. Afgooye (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan ururka Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo dhawaan Al Shabaab lagala wareegay. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay xili dambe ururka Al SHabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka Bariire, oo muddo badan ay Al Shabaab maamuli jireen. Dagaal saacado qaatay ayaa ka dhacay Bariire, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo saraakiisha ciidamada dowladda ay sheegeen in Al Shabaab jihooyin badan ay ka weerareen deegaanka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in cabsi badan ay soo wajahday, waxaana Dagaalkii xalay uu sababay khasaaro kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay. Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka ay kala kulmeen Al Shabaab, islamarkaana dhankooda khasaaro badan uusan soo gaarin. Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka Al Shabaab xalay ay ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka SHabeelaha Hoose, waxaana Al shabaab ay weerareen saldhigyo badan oo ku yaala Shabeelaha Hoose. Afar maalin ka hor ayaa Al Shabaab lagala wareegay gacan ku heynta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa marar badan la wareegay gacan ku heynta deeganka Bariire, laakiin dib ayay isaga baxayeen, waxaana kadib dib u qabsanayay Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe waxaa maanta ka furmaya shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Inkasta oo abaabulayaasha shirka aysan weli wax ajande ah oo shirka looga hadlayo soo bandhigin, haddana Caasimada Online ayaa xubno ku sugan shirka ay la wadaageen qaar ka mid ah qodobada ugu xasaasisan ee la isku hayo marka shirka uu furmo. Waxaa ka mid ah sidii heshiis laga gaari lahaa qodobka 51aad ee dastuurka dalka. Qodobkan ayaa waxaa uu qeexayaa xiriirka Iskaashiga dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Qodobkan ayaa waxaa hoos imanaya qoodbo dhowr ah, sida siyaasadda, oo looga hadlayo cidda leh awoodda jaangoynta nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa, doorshooyinka maamullada yo dhismaha maamullada dowladaha hoose, ayada oo maamullada ay ku eedeeyeen dowladda inay isa siineyso awood aysan lahayn. Waxaa sidoo kale shirka looga hadalayaa Kheyraad-Qeybsiga, qodobkan ayaa ka hadlaya shuruucda kheyraad qeybsiga oo ay hadda xukuumaddu gacanta ku heyso, balse maamullada ay doonayaan in laga qeyb galiyo. Ma jiro wax kheyraad ah oo iminka la qeybsanayo, hase yeeshee waxaa maamullada ay ka fakarayaan mustaqbalkan. Muhiimadda qodobkan ayaa soo shaac baxday kadib shirkii London ee shidaalka Soomaaliya, ayada oo maamullada ay aad u danayanayaan inay go’aan ku yeeshaan kheyraadka dalka. Arrimo kale ee shirka lagu soo qaadi doono ayaa waxaa ka mid ah xaaladda ammaanka dalka iyo abaaro laga cabsi qabo inay dalka ku dhuftaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Garowe (Caasimada Online)-Maanta oo Axad ah waxaa magaalada Garowe ka furmaya shirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, kaasi oo maalmihii ugu dambeeyay qaban qaabadiisa ay socotay. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya aya la filayaa inuu furo shirkaasi ka dhacaya magaalada Garowe, waxaana ku sugan madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Qodobo dhowr ah ayaa looga hadlayaa kulanka maanta ka dhacaya magaalada Garowe, waxaana ugu muhiimsan in la isku fahmo qodobo ay kamid yihiin doorashada dalka iyo hanaanka loo marayo. Hoos ka Akhriso qodobada shirka maanta looga hadlayo:- 1: Dhinaca siyaasada iyo cida xaqa u leh inay jaangooyso nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa markii ay dhamaato xilheynta Madaxda dowladda federaalka. 2: in Heshiis buuxa laga gaaro Qodobka 51aad ee dastuurka kaas oo cadeynaya heerarka iyo xiriirka Iskaashi ee dhexmara Dowladda iyo Dowlad goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. 3: Sidoo kale Madaxda ayaa shirkooda waxa ay uga hadlayaa arrimo la xiriira dhinaca abaaraha, iyada oo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ka digeen cabsi laga qabo abaar ku dhufato Gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya. 4: Qodobada ugu xasaasin ayaa waxaa ka mid ah qeybsiga Kheyraadka, iyada oo shuruucda ay gacanta ku heyso Xukuumadda Soomaaliya,waxaana laga wada hadi doonaa sidii shuruucdaas loo hirgelin lahaa. Si kastaba shirka Maanta oo Axad ah ka furmaya Magalada Garoowe ayaa noqonaya shirkii ugu xasaasisanaa ee dhexmara Madaxda Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Using satellite data, NASA scientists learn more about the giant vortex (not the picture) that grows annually near Somalia, Africa. Called the Great Whirl, it may be large enough to have significant impact on India’s monsoon season. It may also be bigger than Colorado. ( Pixabay ) Source: Hiiraan Online
  8. ANKARA (Reuters) - Turkey called on the international community to act on the “disproportionate actions” by Israel in Gaza, the Turkish Foreign Ministry said on Sunday, after Israeli air strikes hit a building where Turkey’s Anadolu state news agency is located. Source: Hiiraan Online
  9. Shirka wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada, ayaa saaka ka furmaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Shirka waxaa ka qayb-gelaya madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha, dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo xubno ka socda daneeyaasha Beesha caalamka. Qodobada shirkan looga hadli doono waxaa kamid ah: amniga Qaranka, dhammasytirka Dastuurka dalka, qaybsiga khayraadka iyo hannaanka cadaaladda. Balse, waxaa jira qodob kale oo ay mudnaan gaar ah siinayaan, madaxda dowlad goboleedyada, islamarkaana kamid ah arrimaha salka u ah khilaafkii hore ee labada dhinac. Qodobkaasi, waa qaybsiga deeqaha caalamku bixiyo ee lagu soo qaado magaca Soomaaliya iyo hannaanka ay u maamusho xukuumadda Federaalka. Madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka cabanaya in aysan qaybtooda ka helin deeqaha laga soo qaado caalamka, iyagoo xukuumadda ku eedeynaya in ay si qaldan u maamusho deeqahaasi. Dadka sida hoose ula socda arrimahan, ayaa sheegaya in malaayiin lacaga oo magaca Soomaaliya xukuumaddu ku soo qaaday, aysan si saxa u gaarin dowlad goboleedyada. Sidoo kale, waxay aaminsan yihiin in su’aasha ugu adag ee madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre lagu weydiin doono shirkan ay noqon doonto, habka ay u maamuleen malaayiinta Dollar ee deeq-bixiyaashu ku caawimeen Soomaaliya, balse aan gobolada dalka la gaarsiin? Su’aashaasi haddii ay si daah-furan uga jawaabi waayaan madaxda xukuumadda Federaalka, waxay xoojin doonta dalabka dowlad goboleedyada oo doonayo in si toos ah loo siiyo deeqaha caalamku bixiyo. PUNTLAND POST The post Su’aasha ugu adag ee Farmaajo iyo Kheyre lagu weydiin doono shirka Garoowe? appeared first on Puntland Post.
  10. Human rights organisations worry that the UNHCR may be helping refugees return to war zones and, as an enabler of repatriation, helping Kenya violate refugees' rights. Source: Hiiraan Online
  11. Mandheera (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in rag hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada leeyihiin oo ku yaala duleedka magaalada Mandheera. Saldhiga la weeraray ayaa ku yaala inta u dhaxeysa deegaanka Carabiya iyo degmada Mandheere ee dalka Kenya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo saacado qaatay, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo halka weerarka uu ka dhacay ayaa sheegaya in ururka Al Shabaab halkaasi ay ku dileen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya, iyado aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee weerarka ka dhashay. Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen muddo kooban gacan ku heynta saldhiga ay weerareen, walow markii dambe ay isaga baxeen, sida dadka deegaanka laga soo xigtay. Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in saldhiga Ciidamada Kenya ee ku yaalla Meel u dhow Magalada Mandheera ay weerareen,isla markaana ay la wareegeen. Sarakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari dalkaasi weli kama hadlin weerarka Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga ciidamadooda ku leeyihyiin inta u dhaxeysa Magaalada iyo deegaanka Carabiya. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka Dowladda federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada uga furmaya magaalada Garowe ee xarunta Puntland, kadib markii uu fashilmay qorshe ka dhan ahaa. Sida aan xogta ku helnay madax maamul goboleedyada, gaar ahaan kuwa Puntland, Jubaland iyo Galmudug oo dowladda ay isku kacsan yihiin, ayaa ku gacan seeray in Yariisow uusan ka qeyb-galin shirka. Waxa ay ku doodeen in gobolka Banaadir uusan xubin ka ahayn maamullada federaalka, sidaas darteedna uusan go’aan ku lahayn shirka. Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan inta uusan Xamar ka tegin ku adkaystay ka qeyb-galka Yariisow ee shirka, haddii kale uusan isagana imaneyn. Kheyre oo kusii sugnaa Garoowe labadii maalin ee tagay ayaa madaxda diidanaa Yariisow ku qanciyey inay aqbalaan dalabka madaxweynaha, taasi oo lagu guuleystay, waxaana Yariisow uu shalay ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha ee tagay Garoowe. Maamullada ayaa inta aysan iman xukuumadda nabad iyo nolol marar badan gees u riixay guddoomiyayaashii hore ee gobolka Banaadir, hase yeeshee dowladda Farmaajo ayaa taas wax ka beddeshay, kana qeyb-galisay dhammaan shirarka dowladda iyo maamul goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. MOGADISHU (Xinhua) -- The European Union (EU) plans to hold a major regional economic conference for eastern African countries to foster peace and promote sustainable development in the region, an EU diplomat said Saturday. Source: Hiiraan Online
  14. In court, few people have taken interest in the case involving Yusuf Abdi Adan and the ownership of Blue Bird Aviation, one of the largest airlines in the country — after Kenya Airways. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa shalay diiwaan-geliyey xisbi siyaasadeed cusub oo la magac baxay Xisbiga Awoodda Shacabka (People’s Power Party). Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaran Xaliima Ibraahim Ismaaciil ayaa shahaadada aqoonsiga KMG ee diiwaangelinta guddoonsiiyay Cabdullaahi Cilmi Xaaji Ereg oo ah Guddoomiyaha KMG ee xisbigan. Xisbiga awoodda shacabka waxaa hoggaaminaya, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir mudane Thaabit Cabdi. Guddoomiye Thaabit oo la hadlay ayaa sheegay sababta ay xisbigan cusub ee PPP u aasaaseen iyo ujeedkooda. “Dal waxaa uu horumaraa marka awoodda shacabka la siiyo, dal aanu dadkiisa awood laheyn ma horumaro, awoodsiinta umadda Soomaaliyeed ayaan ka shaqeyn-doonnaa” ayuu yiri Thaabit Cabdi. Cabdi, oo haatan dibadda ku maqan waxaa uu intaasi raaciyey in dhowaan la qaban-doono xafladda daahfurka xisbiga taasi oo ka dhici-doono caasimadda Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’isal wasaaraha Dalka Ethioia Abiye Axmed ayaa qaaday tallaabo lama filaan oo ka yaabisay shacabka Itoobiya kadib markii uu ka dalbaday Dalka Zimbabwe in ay dib ugu celiso Ethiopia Hoggaamiyihii hore ee dalkaas, Mengistu Haile Mariam. Mengistu Haile Mariam, ayaa u baxsaday dalka Zimbabwe sanadkii 1991-dii markii uu bur buray taliskiisii, waxaana uu Zimbabwe ku noolyahay ilaa hadda. Abiye Axmed oo ka hadlayay munaasibadda xorriyadda hadalka ee 3-da May ayaa ka dalbaday Dowladda Zimbabwe in ay ku wareejiso hoggaamiyaha hore. Mengistu Haile Mariam, ayaa lagu heystaa dagaalladii uu geliyay Ethiopia iyo baabi’intii kooxaha mucaaridka ahaa ee dowladdiisa diiddanaa. Waxyaabaha lagu heysto waxaa ka mid ah dagaalkii uu la galay Soomaaliya, dagaalkii Eritrea ay kaga go’day Ethiopia iyo gacantii adkeyd ee uu kula dhaqmay siyaasiyiinta mucaaridka ah. Abiye ma sheegin in la maxkamadeynayo Mengistu Haile Mariam, waxaase uu dowladda Zimbabwe ku joogaa magangelyo siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waaxda Difacaa Maraykanka ee “The Pentagon” waxay soo saartay qoraal lagu xaqiijinayo tiradda dadka rayidka ee ay Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka sannadkii la soo dhaafay ee 2018-ka. Warbixin ay Waaxda Difaaca Maraykanka soo saartay ayey ku sheegtay inay 120 qof oo rayid ah dileen, 67 kalena ku dhaawaceen duqeym oay ka geysteen dalalka Somalia, Iraq, Syria iyo Afganistan, waxayna tirooyinkaasi aad uga hooseeyaan tirooyinka ay Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha soo saareen. Warbixin-snnadlaha ee Waaxda Difaaca oo loo gudbiyey Kongareeska Maraykanka ayaa waxa uu muujinayaa in ku-dhawaad 800 oo qof oo rayid ah la dilay Hawlgalladii ay Maraykanka ka fuliyeen dalalkaasi sannadkii 2017-kii, kaasi oo qeyb ka ahaa Hawlgalkii Isbahaysiga Mraaykanka ee ka dhanka ahaa Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ku sugan dalalka Syria iyo Iraq. Warbixinta “The Pentagon” waxaa lagu sheegay in Hawlgalladda ay sannadkan ka fuliyeen dalka Afganistan ku dileen 76-qof oo rayid ah, iyadoo duqeymahalaga fuliyey dalalka Syria iyo Iraq la sheegay in lagu dilay dad tiradooda guud dhan tahay 42-qof. Warbixinta “The Pentagon” oo ka koobnayd qiyaastii 20-bog waxaa lagu sheegay in Duqeymihii ay sannadkii hore ka fuliyeen Somalia ay ku dileen labo rayid oo keliya, taasi oo aad uga fog tiradda guud ee ay Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha shaaciyeen sannadkii hore. Hay’adda Amnesty International UK waxay bishii March 20-dii soo bandhigeen Warbixin ay Cinwaan uga dhigeen: , The Hidden US War in Somalia” oo la micno ah “Dagaalkii Qarsoonsaa ee Maraykanka ee Gudaha Somalia”, kaasi oo lagu faahfaahiyey duqeyn ay Maraykanka ku dileen dad rayid ahaa. Warbixintaasi waxaa lagu xusay in 14 qof oo rayid ah la dilay, halka 8 kalena lagu dhaawacay 5 ka mid ah 100 Duqeyn oo ay Maraykanka ka geysteen Somalia tan iyo bishii March ee sannadkii 2017-kii. Warbixinta waxaa lagu sheegay in shantaa duqeyn ay Diyaraadaha Dorniska Maraykanka ee Reaper iyo kuwo kale ka fuliyeen qeybo ka tirsan Gobalka Sh/hoose, waxayna duqeymahaasi u muuqdaan kuwo xadgudub ku ah Sharuucda Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha iyo in laga yaabo inay yihiin Dembiyo Dagaal. Dhinaca kale, Hay’adda Amnesty International USA waxay soo dhaweeyeen Warbixinta ay Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ka soo saareen khasaarihii dadka rayidka ka soo gaaray Hawlgalladii ay sannadkii hore ka fuliyeen dalal ay Somalia ku jirto. Agaasimaha Ammaanka ee Xuquuqda Aadanaha ee hay’adda Amnesty International USA, Daphane Eviatar waxa sheegtay in ay nasiib-xumo tahay in Warbixinta Waaxda Difaaca soo saartay ay weli ka hooseyso tirada dadka rayidka ee ay khasaaraha ka soo gaareen Hawlgalladda ay Maraykanka hoggaaminayaan, khaas ahaan wararka ku aadan khasaaraha soo gaaray rayidka ku nool dalalka Somalia iyo Syria. Waxay ku baaqday in loo baahan yaha in tallaabooyin dheeraad ah la qaado, si loo yareeyo khasaaraha dadka rayidka ka soo gaara Duqeymaha Maraykanka. Radio Dalsan
  18. Guddoomiye Cirro oo la qaxweeyay Shacabka Degmada Maxamuud Haybe – Hargeysa+ Sawirro Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa waxaa uu galabta la shaaheeyey shacabka degmada Maxamuud Heybe, waxa uu tagay maqaaxida caankaa ee Jiic-aboorka ee magaalada Hargeysa. Qaran News
  19. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta si adag uga hadlay xariga ay ciidamada boolisku kula kaceen Guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee xisbiga, Maxamed Sidiiq Dhamme oo ciidamadu xireen 3-cisho ka hor. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray xariga Mas’uulkan isagoona ka dhawaajiyey in boolisku ay jidh-dileen Guddoomiye Dhamme. War-saxaafadeedkan oo uu ku saxiixan-yahay Guddoomiye Ciro, ayaa baaq loogu diray Hay’adaha Caalamiga ah iyo Komishanka Xuquuqal iisaanka Somaliland, wuxuuna u dhignaa sidan: “Waxa si Sharci-darro ah oo argagax leh loo xidhay Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada heer Qaran ee Xisbiga WADDANI, ahna xubin ka tirsan guddiga fulinta ee Xisbiga WADDANI, Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme, Taariikhdu markay ahayd 1-da bisha shanaad, 2019, Xadhiggiisu wuxuu ahaa mid baal-marsan Xeerarka iyo Shuruucda Qaranka u yaalla. Maxamed waxa la xidhay iyadoon loo jarin Waaran Qabasho oo Maxkamad awood u lihi u soo saartay, sida oo kale markii Ciidanku qabanayeen waxa loo geystay Jidh-dil. Sida uu dhigayo Xeer Lr 14/2001 Qodobkiisa 20-aad Farqaddiisa 1-aad, waxa meel lagaga dhacay isla-markaana ixtiraam-darro ku ah Xisbiyada Qaranka in Xasaanaddii Xisbinimo ee uu lahaa Masuulka Xabsiga ku jiray waxa laga qaaday Xorriyaat-kiisa aasaasiga ah ee Maxbuusnimo: 1 – Waxa loo diiday inay soo booqdaan Eheladiisa iyo Xisbigiisiiba. 2 – Waxa laga mabnuucday in cuntadii si toos ah loogu geeyo 3 – Waxa lagu xidhay Qol madow oo keli ku yahay oo aan lahayn laydh isla-markaana ay nadaafaddiisu aad u liidato. 4 – Sidoo kalena, muddadii uu hadda xidhnaa waa uu katiinadaysnaa. Dhammaan Tacadiyadiisa waxay baal-marsan yihiin Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobkiisa 27-aad darqaddiisa 1-aad, sida oo kalena Ciidanka Boolisku waxa uu ku gefay isla qodobka 27-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed waxa aanu ugu baaqaynaa Komiishanka Qaranka ee xuquuqda Aadamaha Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badan guddi baadhiseed ugu dirto Tacadiga lagula kacay Masuulkan Xisbiga ka tirsan isla-markaana soo hubsato bed-qabka masuulkan iyo Fayo-dhowrka Goobta uu ku xidhan yahay-ba. Ugu dambayn, waxaanu ogaysiinaynaa Hay’adaha Caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadamaha iyo kuwa ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland inay il-dhow kula socdaan Tacadiyada joogtada ah ee lagu hayo guud ahaan Muwaadiniinta Somaliland, gaar ahaan Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo uu Boolisku Somaliland hoggaankiisu caadaystay isla-markaana bartil-maameedsaday inuu goor kasta xadhig aan sharci ahayn kula kaco Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI iyo Muwaadiniinta kale ee Jamhuuriyadda Somaliland, Xisbi ahaan waxa aanu qabnaa in Tallaabooyinkan boolisku qaadayaan ay u muuqato inuu xisiga Bar-tilmaameedsanayo isla-markaana uu lumiyey dhexdhexaadnimadii looga baahnaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Sida ummad kasta oo ka jirta dunida, ummadda Somaliland waxay u qaybsantahay Rayid iyo Ciidan. Rayidku waa shacabka caadiga ah ee aan hubka sidan. Ciidanku waa ciidamada hubka sida ee loo yaqaan Ciidamada Qalabka Sida. Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland waxay u xilsaaranyihiin, waajibkooduna yahay inay difaacaan dalka iyo dadka iyo inay sugaan nabadgelyada gudaha, waxayna u kala baxaan: Xoogga Dalka Somaliland, Ciidanka Boliiska Somaliland, Ciidanka Asluubta Somaliland iyo Cutubyada u tababaran hawlaha gaarka ah. Qofka ciidanka ah maalinta uu isu diiwaangesho ciidamada, tababar qaato, dirayska ciidanka xidho ee uu u dhaarto dalka iyo dadka Somaliland waxaa uu ka baxaa qabiil iyo qabyaalad, waxaa uu ka baxaa mag qabiil kala qaato, waxaa uu ka baxaa qabiil sheegasho, waxaa uu ka baxaa aargoosi qabiil. Waxaa uu wataa summadda iyo astaanta qaranka oo huwan sharafta wadaninimada ku salaysan difaaca iyo sugidda nabadgelyada ee dalka iyo dadka. Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland QABIIL MA LEH EE WAXAY LEEYIHIIN QARAN. Haddii ciidamada dal la beeleeyo ama la qabiileeyo laguma tilmaamikaro ciidan qaran waayo waxay lumiyaan astaanta iyo niyadda wadaninimo ee ay ku difaacaan dalka iyo dadka kuna sugaan nabadgelyada gudaha si ummadoodu ugu seexato nabadgelyo, ugu shaqaysato nabadgelyo, ugu safarto nabadgelyo dalka dhexdiisa, dalkuna ugu horumaro nabadgelyo. Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland waxay leeyihiin qawaaniin u gaar ah oo lagu maamulo laguna hoggaamiyo ciidanimadooda, kala dambayntooda iyo hawlgalkooda. Waxay kale oo leeyihiin maxkamado u gaar ah ciidamada (kana duwan maxkamadaha rayidk ah) oo lagu qaado haddii xubin ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida dembi gasho. Dhawaan waxaa gobolka Sanaag lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Somaliland. Labadaas sarkaal kama dhiman qabiil ama beel ee waxay ka dhinteen qaranka Somaliland iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa ka mas’uul ah inay soo qabato dembiilayaasha dilkaas foosha xun gesytay lana saaro maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland. Dil waa ka dhacaa dal markasta ama rayid ha noqdo ama ciidan ha noqdee. Haddii dil ka dhaco dal waxaa mas’uuliyadda wax-ka-qabashada leh xukuumadda dalka ka jirta iyada oo adeegsanaysa sharciga dalka iyo Ciidamada Qalabka Sida. Maaha wax caadi ah in Gobolka Sanaag lagu soo rogo “Xukun Deg Deg Ah” sida ay ka socdaan gobolka dagaallo sokeeye oo lagu riiqday ama lagu baaba’ay. Marka dhibaato weyn ka jirto gobolka oo nabadgelyada dadka gobolka oo dhan wada saamaysa, dadka ayaa taageera in lagu soo rogo xukun deg deg ah si ay u nabadgalaan ugana badbaadaan dhibaatada. Gobolka Sanaag waa caadi, dilkuna waa dhacaa. Xukunka deg dega ah ee lagu soo rogay Gobolka Sanaag waxaa uu muujinayaa labada arrimood ee kala ah: In Xukuumadda Somaliland aanay adeegsankarin sharciga dalka iyo Ciidamada Qalabka Sida si ay uga hawlgasho, degdegna wax uga qabato dhibaato kasta oo timaada iyo in Beesha Caalamku u aragto in Somaliland aanay ka jirin nabadgelyo taas oo dhaawac ku ah sumcadda dalka. Waxaa xaaraan ah in la siyaasadeeyo arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland sida dilka saraakiishaas, waxaa kale oo xaaraan ah in madaxda dhaqanka Somaliland ka hadlaan arrimaha ciidamada, dilkaasna uga hadlaan sida rag laga dilay beel. Labadaas arrimoodba waxay dhaawac ku yihiin summadda, astaanta iyo waajibaadka Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland oo ah CIIDAN QARAN oo heegan u ah difaaca iyo nabadgelyada dalka iyo ummadda Somaliland. Madaxda dhaqanku waa inay ka baxaan siyaassadda dalka iyo arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland kuna ekaadaan hawshooda dhaqanka ee beelaha ay u xilsaaranyihiin (Rayidka). Nolosha Ciidamada Qalabka Sida waa ka duwantahay nolosha rayidka ah waxaana kala duway shuruucda, qawaaniinta iyo waajibaadka ay kala leeyihiin. Ciidamada Qalabka Sida oo la siyaasadeeyo ama la beeleeyo waa dembi, ciddii gashana loo baahanyahay in lagu qaado. Xukuumadda Somaliland waa inay dadka Somaliland ku wacyigelisaa isla markaana bartaan in Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ay yihiin ciidamo qaran oo ka caagan in loo nisbeeyo beel ama qabiil si loo ilaasho loona dhawro niyadooda wadaninimo ee ay ciidamadu ku difaacaan dalka iyo dadka kuna sugaan nabadgelyada gudaha. Waa in Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland ay sharci qaran oo adag ka soo saaraan in la siyaasadeeyo ama la beeleeyo Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland. Waa in la mamnuuco in madaxda dhaqanka ee dalka ay asalba ka hadlaan arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland kuna ekaadaan hawlaha dhaqanka ee ragidka ah. Arrimaha Ciidamada Qalabka Sida waxaa iska leh oo qudha xukuumadda ka jirta dalka, madaxda Ciidamada Qalabka Sida iyo maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida. Shacabka Somaliland waa inay markasta qalbiga ku hayaan jacaylka iyo taageerada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland oo naftooda u hura difaaca iyo nabagelyada dalka iyo dadka. Ciidamada Milatariga Somaliland waxay saldhig milatari ka samaysankaraan gobolkasta iyo meelkasta oo dalka ka mid ah maadaama ay yihiin ciidan qaran oo u xilsaaran difaaca dalka iyo dadka. Ibrahim Hassan Gagale Email: ibrahimgagale@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Farriin ku Socota Xisbiyada iyo Xukuumada 18 May ka hor Shacbigu Muxuu Sugayaa ? Asalaamu Calaykum Waxaa hubaal ah in maalmihii iyo usbuucyadii la soo dhaafay ay Dalkeena ka jireen Murano iyo gulufyo siyaasadeed oo dhawaaqoodu uu sarreeyo oo u dhaxeeya Xukuumada iyo Xisbiga UCID oo isku dhinac ah iyo Xisbiga WADANI oo dhinaca kale ah, waxaanay arrimahani soo jiitamayeen tan iyo intii ay dhacday doorashadii Madaxtooyada inkastoo dhawaanahan uu sii xoogaystay muranka Siyaasadeed ee u dhexeeyay Xukuumada iyo Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani. Waxaan shaki ku jirin in ay Waajib tahay oo ay Danta guud ee Qaranka ku jirto in la soo afjaro khilaafkaas walaaca ku abuuray Shacbiga, waxaana lagama maarmaan ah in qof kastaa uu Masuuliyadiisa qaato sidii Xal looga gaadhi lahaa muranka jira oo khasaare iyo dib u dhac ku keenaya Dalkeena. Hadaba waxaan soo jeedin lahaa qodobadan hoos ku qoran oo aan filayo inuu Xal u yahay khilaafka jira. Waxaan si Xushmad leh uga codsanayaa Xukuumada iyo Xisbiga Wadani inay fiiro dheer u yeeshaan qodobadan. 1. Waxaan soo jeedinayaa in sida ugu dhakhsaha badan ay kulan u yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro iyaga oo aan cid kale wehelin labadooda, si sarraaxad lehna ay isu waraystaan iyaga oo aan cid kale wehelin. 2. Aniga oo sharaf u haya Gudiga Doorashooyinka Qaranka, sidoo kale qirsan inay qarankooda u shaqeeyeen una qabteen doorasho Xor iyo Xalaal ah, Aniga oo aqaan Sharafta iyo dhawrsanaanta iyo Akhlaaqda Xubnaha Gudiga Doorashooyinka iyo inay yihiin dad ka fayow musuq iyo xumaan. Aniga oo qiraya inay Sharci ku joogaan, sharcina ay ku tagi karaan, aniga oo qiraya inaanuu jirin Dembi ay galeen oo lagu Xajiimeeyo. Hadana waxaan cidina ka qarsoonayn inay yihiin Furaha Xalka Koowaad ee dhibta Dalka ka taagan ee caqabada ku ah qabsoomida doorashada. Waxaan si Sharaf iyo Xushmad iyo Walaalnimo ku jirto aan uga Codsanayaa inay DUCO qaataan oo ay iyagu iskood isu Casilaan maadaama waxa u hadhsani ay yihiin bilo yar oo kooban. Walaalayaal DUCO qaata oo Fure u noqda xallinta khilaafka jira. Waxaa hubaal ah in ay Taariikhdu idin Xusi doonto. Waad ogsoon tihiin in Madaxweynaha iyo Xukuumaduba ay qirsan yihiin sharciyadiina iyo shaqada fiican ee aad Qaranka u qabateen. Walaalayaal DUCO qaata oo iskiin isu Casila oo Shacbiga ka Farxiya bisha Ramadaan. Waxaana Qaranka ku Waajiba in Bilaha Xilkiina ka hadhay Mushahar iyo gunnaba la idin siiyo oo si sharaf leh la idiin anbo-bixiyo. 3. Xisbiga WADANI waxaa ku waajib ah inuu ka Tanaasulo shuruudaha kale ee uu hoosta ku wato ee ay ka mid tahay in Xubnaha Gudiga la Kordhiyo. Waxaa kale oo Xisbiga Wadani ku Waajib ah inuu Iimaansado oo uu laabta usii daayo in laga helay doorashadii oo uu Dalka Madaxweyne ka yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi oo doorasho Xor iyo Xalaal ah ku soo baxay. Xisbiga Wadani waxaa ku Waajib ah inuu ka gudbo Hiirtaanyada iyo Hibashada ay ku reebtay Doorashadii laga helay. Waxaana ku Waajib ah inay Xukuumada kala shaqeeyaan hawlaha Qaranka Muhiimka u ah. 4. Xukuumada waxaa ku Waajib ah inay si degenaan iyo ka fiirsasho aad u badani ay ku jirto ay u maarayso arrimaha Xasaasiga ah, isla markaasna ay u Talo badsato arrimaha saameynta weyn yeelan kara. Ugu danbayn waxaa lagama maarmaan ah oo ay Shacbiga reer Somaliland ay ka sugayaan Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka ah inay degdeg u kulmaan oo ay Xal ummada ka farxiya soo saaraan inta aan la gaadhin maalinta Qaranimada ee 18ka MAY. Somaliland ha Guulaysato. Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed Qaran News