-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in caawa dhul gariir uu ku dhuftay magaalooyin ku yaala dalkaasi. Dhul gariirka ayaa waxaa laga dareemay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa. Sidoo kale dhul gariirka ayaa ku dhuftay tuulooyin ku yaala dalkaasi sida Kiambu, Machakos, Nyeri iyo Makueni. Waxaa goordhow dhulgariirkaasi hadashay waaxda saadaasha hawada ee Kenya. Waaxda Saadaasha Hawada ayaa sheegtay in dhul gariirkii caawa la dareemay uu cabiirkiisu dhammaa 4.8 oo ah qiyaasta cabbirka richter-ka. Wararkii u dambeeyay ee aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in laga cabsi qabo in dhul gariirkaan uu ku sii fido deegaanada xeebta ah ee dalka Kenya. Wali lama soo warin qasaare nafeed oo ilaa iyo iminka ka dhashay dhul gariirkaasi. Puntland Post The post Dhul Gariir caawa ku dhuftay Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dhul gariir fudud uu caawa ka dhacay magaalada Nairobi iyo qeybo kale oo ka mid ah Kenya. Qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Nairobi ayaa lagu waramayaa in dhul Gariirka laga dareemay, waxaana cabsi xogan ay soo wajahday shacabka ku nool magaalada Nairobi. Waaxda Saadaasha hawada ee dalka Kenya ayaa shaacisay gordhow in dhul gariirka ku dhuftay Kenya gaar ahaan Nairobi uu cabirkiisa gaarayo 4.8 oo ah qiyaasta cabirka dhul gariirka. Dadka ku sugan Mombasa, Malindi, Kilifi, Lamu, Diana iyo deegaanada saaran Xeebta waxaa lagu wargeliyay inay ka fogaadaan agagaarka badda, ayna u baxaan meelaha dhulka joogiisu sareeyo, sidaasi waxaa sheegay Waaxda Saadaasha Kenya. Sidoo kale waxaa laga baqayaa in dhul gariiska uu saameeyo qeybo kamid ah Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ku dherersan badweynta India. Soomaali badan oo ku sugan xaafadda Islii ayaa cabsi dareemay iyadoo bannaanada u soo baxay kana degay daaraha waaweyn markii dhulgariirka la dareemay. Goobaha sida weyn looga dareemay dhul gariirka Caawa ayaa ah Lavington oo Nairobi ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Baraawe)-Guutada Lixaad ee ciidammada dalka Soomaaliya oo ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in muddo Afar bilood ah ayna helin xuquuqdii ay lahaayeen, taasi oo dhalisay inay maanta cabasho ay muujiyaan. Saraakiisha ciidamadan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in muddo 48 saac ah u qabanayaan madaxda ugu sarreyso dalka Soomaaliya inay kaga jawaabaan cabashada ay muujinayaan, haddii aan laga jawaabina ay ka bixi doonaan degmada Baraawe oo muddo shan sano ah ay ku sugnaayeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Muqdisho)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay xaalad ka dhalatay go’aan ay dowlada Soomaaliya kaga aamustay qaraar ku saabsanaa go’aanka uu Madaxweyne Trump ku aqoonsaday dhulka ay Yuhuudu xooga ku haysato ee Golan Heights. Go’aanka kadib ayaa Wasaarada Arrimaha Dibada Dowlada Soomaaliya waxa ay si deg-deg ah ugu yeedhatay safiirkii ka fadhiyay magaalada Geneva waxana uu siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur qoraal uu soo dhigay bogiisa Facebook ku sheegay inaysan safiiradu gaari Karin go’aan dowladeed iyadoo aan la tashan madaxda sare ee dalka. “Ma jiro safiir go’aan qadiyad caalami ah ka qaadan kara iyada/ isaga oo aan la tashan Madaxda sare ee dalka. Waa la ogyahay cida go’aanka qaadatay iyo cida ku cadaadisay intaba.”ayuu yidhi Cabdirasmaan Cabdishakur. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo in uu qaato mas’uuliyada go’aanka uu ka gaadhay arrimaha qadiyada muslimiinta. “Madaxweynuhu waa in uu si geesinimo leh masuuliyada u qaadato oo uu san Safiirka madaxfurasho ka dhigan, wasaaraduna warqado shacabka ku jahwareerin. Safiiradu waa in ay cadayso in go’aanku amar dawlad ahaa ee aysan aqbalin in maalmo Muqdisho la keeno, ka dibna shaqadeeda lagu celyo, iyaduna eeda qaadato.” Ugu dambeyntii siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraalkiisa ku cadeeyay in hore go’aan sidan oo kale ah uu kaga aamusay safiirka dowlada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay taasoo ku saabsanayd aqoonsiga caasimada Israel ee Qudus. “Sidan oo kale ayuu Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyey Safiirka Soomaaliya Qaramada Midoobay u fadhiya in uu ka aamuso go’aankii lagu canbaareeyey in Qudus ay tahay Caasimada Israel. Hadii uu Madaxweynuhu ku qanacsan yahay in ay aamusnaanta go’aanadan dani ku jirto, ha yeesho geesinimo uu masuuliyada go’aanka ku qaato. Laakiin ma dhici karto, laga soo bilaabo dhiibistii Qalbidhagax in la yiraahdo Madaxweynuhu ma ogayn.” Illaa hadda dowlada Soomaaliya si toos ah ugama hadlin go’aanka ay wadamo badan oo Islaam aad uga cadhoodeen oo ku saabsanaa in laga aamiso qadiyada Bariga Dhexe oo lala safto dowlada Israel. Source
-
Baraawe (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolada dalka qaarkood oo cabasho ka muujinaya mushaar la’aan iyo garaam la’aan heysata Afartii bilood ee lasoo dhaafay. Guutada Lixaad ee ciidamada xooga dalka oo ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in muddo Afar bilood ah aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen, taasi oo dhalisay inay maanta cabasho ay muujiyaan. Saraakiisha ciidamadan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in muddo 48 saac ah u qabanayaan madaxda ugu sareyso dalka inay kaga jawaabaan cabashada ay muujinayaan, haddii aan laga jawaabina ay ka bixi doonaan degmada Baraawe oo muddo shan sano ah ay ku sugnaayeen. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in Kaliya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre ay ka sugayaan jawaabta cabashadooda, waxaana sidoo kale ay sheegeen in dhibaatooyin badan ay la kulmeen mudadii shanta sano ee ay joogeen degmada Baraawe. Raashiin iyo Mushaar ayay sheegeen inaysan qaadan muddo Afar bilood, waxayna sheegeen in Raashiin la’aan aysan joogi karin, taasi oo noqotay caqabad aad u xoogan maadaama difaac ay ku jiraan. Ciidamada ayaa sheegay in sidoo kale ay qabaan dhibaatooyin u gaar ah, waxaana ugu horeeya in muddo afar sano ah aysan arag raashiin dhulka loosoo marsiiyay, isamarkaana kaliya dhanka badda ay ka heli jireen cuntadooda iyo adeegyada kaliya ay u baahan yihiin. Ku dhawaad 50 ruux oo askarta kamid ahaa ayay sheegeen inay badda ku waayeen, maadaama aysan a wood u laheyn in raashiinkooda dhanka dhulka loosoo marsiiyo. Caqabadaha kale ee ay la kulmeen ayay ku sheegeen inay tahay in ciidamada ku sugan degmada Baraawe aysan wada qaadan mushaarka, islamarkaana qaarkood la siiyay mushaarkooda halka kuwa kalana aysan qaadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (SMN) – Dhul-gariir lagu waramayaa in caawa uu ku dhuftay inta u dhaxeysa magaalooyinka Nairobi iyo Mambasa ee dalka Kenya. Sidda laga soo xigtay warbaahinta, dhul-gariirka ayaa cabirkiisu waxa uu dhan yahay 5.6 ee cabirka dhul-gariiradda. Wali lama soo sheegin hadii uu jiro khasaaro ka dhashay dhacdadaan, illaa iyo haatana kama aysan hadlin dowladda wadankaasi. Dhul-gariirka ayaa kamid ah musiibooyinka rabaaniga ah ee ka dhaca meelo kala duwan oo kamid ah caalamka. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe INSHA ALLAH View the full article
-
Muqdisho waxaa shalay ka dhacay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadday xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya oo dad badan ay ku dhinteen. Halka meel uu dhib ka taagnaa magaalada, dhinaca kale waxaa ka socday arrimo lagu farxo. Waxaa magaalada ku sugnaa dalxiisayaaal u dhashay dalka Shiinaha oo magaalada u yimid inay arkaan oo ay waqti wacan ku qaataan. Waxay booqdeen xeebaha caasimadda dalka sida Xeebta Liido iyo Jaziira, sidoo kale waxay booqdeen meelo kala duwan oo oo taariikh mug weyn ku leh dalka. Waa astaan kale oo muujineysa sida weerarada iyo qaraxyada Al-Shabaab aysan marnaba u hor-istaagi karin niyad wanaagga, adkeysiga, geesinimada iyo soo kabashada shacabka ku nool caasimadda. Al-Shabaab mar walba ujeedkeeda waa hal mid, waana inay muujiso in magaalada aysan amini ahyan, wax horumar ahna uusan ka jirin. Waxaa taas caddeyn u ah in inta badan weerarada ay magaalada ka fuliso aysan dowladda shaqo ku lahayn balse lala beegsado shacabka. Geesinimada dadka Muqdisho ee saacado kadib marka uu qarax burburiyo dhismooyin dad badanna laayo ay durba meydadkooda ku aastaan, dhismihiina dib uga dhisaan iyo imaanshaha dalxiisayaashan, waa farriin Al-Shabaab u tageysa oo madaxa xanuujineysa. Tani macanheedi maaha in magaalada nabad tahay. Waa qasab in hoggaanka dowladda ay wax ka qabtaan amniga magaalada, waa xaqiiq in badankood ay gabeen mas’uuliyadooda, oo sidan xaaladdu kusii socon karin. Hase yeeshee, shacabka Muqdisho waa geesiyaal iyo dad karti leh. Al-Shabaab waxay isku dayaysaa in magaalada laga kala cararo, oo ay joojiso horumarkeeda, shacabkuna waa diidan yihiin. Waxaa labada dhinac u socda tartan u muuqda in Shabaab mar ay ahaataba looga guuleysan doono. Muqdisho, marnaba ma quusan doonto, Muqdisho marnaba uma joogsan doonto Shabaab iyo wax la mid ah. Muqdisho weli waa jiri doontaa. W/Q: Yuusuf Axmed Gacal Muqdisho, Soomaaliya
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Rabat ee caasimada dalka Morocco. Wasiir Cawad iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa soo dhaweyn balaaran loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Rabat, waxaana booqasho rasmi ah oo qaadan doonta laba maalmood ay uga bilaabatay dalka Morocco. Inta lagu guda jiro booqashadiisa dalka dhaca woqooyiga Africa ee Morocco, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamo xasaasi ah la qaato mas’uuliyiinta ugu sareysa dalkaasi. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Morocco Nasser Bourita ayaa sheegay in labada dal ay kawada hadlayaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya iyo sidii sare loogu qaadi lahaa danaha ay wadaagaan wadamada Morocco iyo Soomaaliya. Dhawaan ayey aheyd markii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb galay shir looga hadlayay Islaam naceybka oo ay soo qaban qaabiyeen wadamada xubinta ka ah Ururuka Iskaashiga Islaam-ka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii shalay ee lagu qaaday dhismo ay degan yihiin wasaarado. War qoraal ah oo lasoo dhigay barta uu xafiiska ku leeyahay Twitter-ka ayaa sidoo kale tacsi loogu diray ehelada dadkii ku dhintay dhacdadaasi oo ku jiro wasiir. Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ayaa sidoo kale ahaa mudan ka tirsan Gollaha Shacabka. Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ayaa sidoo kale balanqaaday in ay sii wadayso taageerada ay siiso dowlada ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ugu yaraan 15 ruux oo kamid yahay wasiirka ayaa ku dhimatay weerarka lagu qaaday dhismaha ay degan yihiin wasaaradaha Shaqada, Howlaha Guud iyo taliska booliska gobolka Banaadir. View the full article
-
Beri baa waxaa jiray nin Darawal ahaa oo Baabuur weyn Oo uu in badan xoogsanaayey oo uu lahaa, oo wadaddii uu mari jiray meel fig ama dalacad ahayd, kolka uu figtaa marayo ayuu ninkaa Darawalka ahi ooyi jiray. Berigii danbe ayaa kirishbooygii ka bartay gaadhiga sida loo kaxeeyo, hadda waa Kirishboygii sanadaha la socday oo uu isagii gaadhigii la wareegay Oo darawal isna ka noqday. Kolkuu baabuurkii kaxeeyey kirishbooygii ayaa figtii darawlkii baray ee uu ku ooyi jiray ayuu isna kolka uu marayo ayeey bahal oohin ah oo tii darawalkii hore ka badani ka timid isna Kirishbooygii imika Darawalnimadda la wareegay. Dadkii baa Ilaahay yaab u keenay. Kuwii shidhka saarnaa ee la socday ayaa weydiiyey iyagoo ku leh ” waar maxaa kugu dhacay.” Kolkaasuu yidhi: ” Ninkii bahalka i baray( Darawlkii hore) ayaa halkaa kolkuu marayo ooyi jiray.” Dadkii mid ka mid ahaa oo ragga yaqaaanay ayaa yidhi; ” Waar hebeloow Darawalkii hore da’ baa heshay Oo wuu itaal gabaye, adigu sowdigii noo faani jiray maxaa kugu dhacay.” Kolkaasuu intuu yara qoslay yidhi; ” Oo Ma run baad Iga moodeen, sidii uun baan kolkaan dalacadaasi marayo oohini i qabanaysaa, amar Ilaahay!!” Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-24032019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xeer Ilaaliyaha guud Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa xaqiijiyay in Hanti-dhawrka guud u soo gudbiyay dacwad musuq-maasuq oo ka dhan ah madaxda ugu sarraysya wasaarada warfaafinta iyo Gaashaandhigga. Dadka eedaysan waxa ku jira wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Gaashaandhigga Ciise Axmed Xawar. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in dhawaan ay soo dhamaystirayaan caddaymaha eedaha loo haysto mas’uuliyiintan. Xeer Ilaaliyuhu dhinaca kale waxa uu sharci-darro ku tilmaamay in mas’uuliyinta musuq-maasuqa ku eedaysan Dammaanad lagu sii daayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caaismada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa jawaab kulul u diray dadka qabiileynaya ciidamada dowladda Soomaaliya ee mushaharka uu ka maqan yahay. Taageerayaasha madaxweynaha ayaa dhowaan billaabay in ciidamada gadooday, oo badankood ku sugan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ku sheegaan ciidan qabiil oo dowladda aan u diiwaan gashneyn. Yuusuf Garaad oo arrintan ka jawaabaya ayaa jawaab kulul soo dhigay bartiisa facebook. Hoose ka aqriso qoraalka. Shakhsiyaadka ujeeddada gurracan ee isku dayaya in ay qabiileeyaan gadoodka xubnaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed qaarkood ee dalbaya mushaarkeedu, ha ka dhowrsadeen kala fogeynta Soomaalida. Haddii aad mas’uul tahay, caddee in askariga gadoodsani uu mushaar iyo saanad qaatay. Haddii kale, caddee in muwaaddinkan doodayaa aanuu ahayn askari dowladeed. Labadaa su’aalood ayaa meesha yaalla ee laguma weydiin askarigu qabiilka uu yahay. “Qofkii dabayl abuurtaa wuxuu gurtaa duufaan” waa Maahmaah Faransiis ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)Dibadbaxyo ayaa ka dhacay magaalada Pennsylvania ee dalka Mareykanka kaddib markii la sii daayay askari caddaan ah oo si ula kac ah u toogtay wiil madow ah oo dhalinyaro ah. Michael Rosfeld, oo 30 sano jir ah, ayaa bishii June ee sanadkii hore saddex jeer dhabarka ka toogtay Antwon Rose oo 17 sano jir ahaa, isagoo ka baxsanayay booliiska. Askarigaas ayaa sanadkii hore lagu xukumay dil, balse garsoorka ayaa Jimcihii ku waayay wax ,denbi ah Boqollaal dibad baxayaal ah ayaa magaalada Pittsburgh isugu yimid isla markaana xiray waddooyinka. Aabbaha Rose, Antwon Rose Sr, ayaa khudbad u jeediyay dibad baxayaasha wuxuuna ku baaqay dibadbax aan rabshado wadan. Dilka Antwon Rose ayaa ka mid ah kiisas badan oo ku saabsan rag madow ah oo ku dhintay gacanta saraakiil booliis caddaan ah oo Mareykanka u dhashay. Maxaa ku dhacay Antwon Rose? Saraakiisha ayaa istaajiyay gaariga Rose, iyadoo ay sababtu tahay inuu u ekaa gaari laga shakisan yahay, sida uu booliisku sheegay. Rose ayaa xilligaas ka mid ahaa rakaabka gaariga saarnaa. Markii darwalka la istaajiyay laguna amray inuu gaariga ka soo dego, Rose iyo qof kale oo rakaab ahaa ayaa cararay. Rose ayaa dhowr jeer laga toogtay dhabarka, gacanta, wajiga iyo caloosha. Dhaawacyo soo gaaray ayuuna markii dambe u geeriyooday. Saraakiisha xilligaas ma aysqn wadan kaamirooyin, balse muuqaal uu duubay qof waddada marayay ayaa aad la iskula dhex maray, waxayna taasi horseedday maalmo dibadbaxyo ah oo ka dhacay Pittsburgh. Source
-
Inta uu dhab u kala qaybiyey oo xukuumad dhinac ka raran u dhisay ayuu haddana Somaliland mid ah ku dhololayaa! Hadda waa markuu qolana si toos ah ugu sedburiyey weliba xigto ahaan, qolana si dadban uga fogeeyey awooddii talo-goyneed ee waddanka dhinac kasta. Meeday midnimada uu ka hadlayaa. Meeday kalsoonidii bulshada dhexdeedu? Meeday kalsoonidii lagu qabi lahaa dawladnimadu? Ma dadka caqliyadooda ayuu caayayaa? Mise waxa uu dadkiiba ka soo qaaday inta yar ee u badan xigaalka iyo xididnimada ugu xubeeraysa ee xilalka iyo xoolaha u xidhan? “Heshiiskii uu saxeexay madaxweynihii hore ee isla Kulmiye ahaa ayaa fulintiisa yeelanaya” Prof Cali Khaliif Galaydh inuu maanta Hargeysa kaga dhex calaacalaa saw wax weyn iftiimin mayso? Hadda waa heshiiskii ka dhashay wada hadalladii muhiimka u ahaa Somaliland mid ah ee tacabka badani galay ee maamulka Somaliland iyo Khaatumo. Cali Khaliif waa uu og yahay oo garanayaa cidda fulinteeda lahayd ama leh, dhabarkaa se loo jeediyey, haddana midnimo bulsheed ayaa uunsiga loo shidayaa! Kaaf iyo kala dheeri saw na aha? Waa ka hadal-tiro waxaas oo tororog ahi iyo afka baarkiisa. Hore ayaynu u nidhi ninka in midaysnayd kala qaybiyaa isuma keeni karo in kala duwanayd. Marka laga yimaaddo ee meel la iska dhigo xanaftii doorashada, Muuse Biixi Cabdi waxa uu qof ahaan ku kala qaybiyey xukuumaddii uu soo dhisay intii awel horeba Somalilandnimada ku wada socotey, intii hore u diiddabaydna maxaa laga fili karaa? Kab ninka aad ka tolanayso kabihiisaa la eegaa, saw ma ahayn? Ninka intii is oggolayd ee gogosha ku wada fadhidey ku kala kiciyey ma ka sugi karnaa in uu in kala duwanayd gogol loo gudboon yahay ku wada fadhiisiyo? Calaacal timo ka soo baxeen, saw ma aha? Habar baa iska haw hawlee heellada inoo tuma kama taggana khudbaddiisu iyo indhosarcaadin aan nuxur badani ka hoosayn, waayo wixii kaleba waa hal bacaad lagu lisay haddii aanay bulshadu wada lahaansho dawladeed oo ay ku qanacsan tahay inteeda badani aanu jirin oo kii mindida daabkeeda hayeyna qurub qurub u jarjarayo, una kala qaybiyey. “Gudboonaantu way daalisaa ruuxi meel guran!” Source
-
Xubnaha cusub oo la dhaarinayo Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa galabta shaacisay, liiska xildhibaannada cusub ee golaha degaanka degmada Gaalkacyo. Liiskan ayaa ka kooban 31 xubnood oo 6 kamid ah haween yihiin, waxaana dhammaantood isla galabta loo dhaariyay xilkooda, sida waafaqsan dastuurka Puntland. Qoraalka lagu shaaciyay liiska cusub ee golaha degaanka Gaalkacyo, oo uu ku saxiixanyahay wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ayaa laga tixraacay dikreetadii madaxweyne Deni uu ku amray in la dhiso gollaasi. Halkaan ka akhriso PUNTLAND PODT Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Liiska cusub ee golaha degaanka Gaalkacyo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU, March 24 (Xinhua) — The Somali government has vowed to step up efforts against terrorism and urged the international community to support Mogadishu in its stabilization efforts. Prime Minister Hassan Ali Khaire convened an emergency meeting on Saturday evening with envoys from the African Union, Britain, the European Union and the United States after 11 people were killed and 15 others injured in a terrorist attack, the ministry of information said in a statement on Sunday. “The Somali government leader’s first priority is to ensure the safety and security in Somalia,” the statement said. It said the meeting revised military support and strategies in countering terrorism and threats posed by al-Shabab. The meeting also discussed strategies of recapturing al-Shabab strongholds. During the meeting, the statement said, Khaire promised to wipe out the terrorist groups. The foreign envoys supported the security strategy and the efforts aimed at eliminating al-Shabab terrorists, the statement said. Al-Qaida allied al-Shabab, which is fighting to topple the internationally-backed government, has claimed responsibility for recent attacks. The group stages frequent attacks on Somali troops and African Union peacekeeping forces, and on hotels and other public places. Source: Xinhua
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxay Shalay martigelisay illa Shan Qarax oo midkii ugu khasaaraha yaraa ay ku dhinteen illaa 2 qof halka kuwii ugu khasaaraha badnaa ay ahaayeen labadii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha. Shanta qarax laba kamid ah waa kuwa Wasaaradda lagu weeraray, midka Sedexaad oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay Agagaarka Masjidka Biyamaalow oo ku yaal meel u dhow Isgoyska Howl-Wadaag. Qaraxa Afaraad ayaa ka dhacay Jidka Warshadaha, waxaana lagu aasay Koontarool ay ciidamada Dowladda ku baaraan Gawaarida, waxaana sida la xaqiijiyey ku dhintay Laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska halka dad kalana ay ku dhaawacmeyn. Qaraxa Shanaad ayaa ka dhacay Isgoyska Ex-Control Balcad, waxaana ku dhintay laba qof oo Gaari la saarnaa Xildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo dhaawac fudud uu kasoo gaaray Qaraxaas. Qaraxyadaan ayaa Shalay Magaalada Muqdisho ka dhigay mid kacsan Amni ahaan, waxaana inta badan la iska xiray Goobihii Gancsiyada, Xurimihii Wasaaradaha Dowladda, maadaama ay jirto Cabsi ku aadan weeraro kale oo ay Al-Shabaab ka geystaan Magaalada dhexdeeda. Hadal heynta ugu badan ee Magaalada Muqdisho ayaa noqotay Qaraxyada iyo weerarkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, waxayna dadka Muqdisho dareemayaan inaan loo soo jeedin wax ka qabashada Amniga faraha kasii baxayo ee Caasimadda. Muqdisho iyo Siyaasadda Muqdisho waxay u baahan tahay inay hesho xal Siyaasadeed oo sababi karo in Magaalada si nabad ah loogu noolaado isla markaasna ay dadka Magaalada ogaadaan in lacagtii Canshuurta aheyd ee laga qaaday ay shaqeeneyso si ay usii laba jibaaraan bixinta Canshuurta. Dadka Muqdisho qeybaha kala duwan oo ay ugu horeeyaan Ganacstada waxaa laga qaadaa bil kasta lacag Malaayiin Dollar ah oo ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay in dadka loogu adeegi doono balse aysan taas muuqan. Siyaasiyiinta kasoo jeedo Magaalada Muqdisho ayaa aaminsan in la dulminayo Magaalada, maadaama Canshuurta laga qaado lagu bixiyo meelo aysan dan ugu jirin Muqdisho sida Doorashooyinka ka dhaco Gobolada oo Malaayiin Dollar lagu bixiyo sidii ay kursig u qabsan lahaayeen Mushirixiinta ay wadato Dowladda Nabad iyo Nolol. Muqdisho waa Magaalada ugu badan oo ay Dowladda ka hesho lacagaha, haddana waa Magaalada ugu badan oo ay ka dhacaan falalka Amni darro, wuxuuna qofka Muqdisho joogo ee haddana bixiyo Canshuurta dareemaa inuu ku nool yahay meel ay noloshiisu halis ku jirto 99%. Muqdisho waa Meesha ugu badan oo ay ku sugan yihiin Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada, Siyaasiyiinta, Ganacstada iyo Shacabka ugu badan ee Soomaaliyeed oo hal meel ku nool maadaama lagu qiyaaso dadka Muqdisho wax ka badan 3 Malyan saas oo ay tahay Muqdisho waa Magaalada Kaalinta koowaad aduunyada ugu jirto dhanka Qaraxyada iyo Dhimashada. Muqdisho waxau baahan tahay Xasilooni Siyaasadeed iyo in laga fakaro Istaraatiijiyaddii lagu soo celin lahaa sumcaddii ay ku laheyd Geeska Africa. Muqdisho iyo Amniga Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka ee dhanka Amniga Tuulax ayaa bil kasta qasnadda Gobolka Banaadir ka bixiyo kumaan kun oo Dollar oo lagu sheegay inay tahay sugidda Amniga Muqdisho. Lacagaha uu Tuulax bil kasta ka qaado Qasnadda Gobolka Banaadir ee lagu sheego inay ku baxdo Laamaha Amniga ayaa kala ah: $22,100 (Labaatann iyo Laba Kun iyo Boqol Dollar) oo lagu qaado Magaca Booliiska 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir , waxaana la qaadaa Bil Kasta. $5,100: (Shan Kun iyo Boqol Dollar) oo lagu qaado Magaca Nabad Sugidda 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir, waxaana la qaadaa Bil Kasta. $13,50 ( Seddex iyo Toban Kun iyo Konton Dollar) oo lagu qaado inay ku baxdo gaafmeerka 17 Degmo, Waxaana si joogto ah bil kasta looga bixiyaa Qasnadda Gobolka Banaadir. Lacagtaas waxaa sii dheer budget-ka Wasaaradda Amniga ee loogu talagalay Amniga Muqdisho, saas oo ay tahay Muqdisho weli waxay saldhig u tahay Qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab. Sida ay Caasimadda Online ogaatay lacagaha loogu talagalay Amniga Muqdisho waxaa akoono gaar ah ku shubto madaxda Wasaaradda Amniga iyo Gobolka Banaadir waxayna qaarkood Muqdisho ka iibsadeyn Boosas Malaayiin Dollar laga bixiyey. Haddii loo soo jeesto Sugidda Amniga Muqdisho, daacadna ay ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa kaliya lagu sugi karaa Lacagaha kasoo xaroodo Dekadda Muqdisho, maadaama lacagaha ugu badan dowladda laga soo xareeyo Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho. Ugu dambeyntii Muqdisho waxay u baahan tahay badbaado Amni iyo mid siyaasadeed, haddii kale waxay gaari doontaa waqti la amaano waqtiga hadda aan joogno oo loo arki doono inay xaaladda hadda taagan tahay mid wanaagsan!!!. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com