-
Content Count
215,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Golaha nabada iyo ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxay bishan May 9-dii Kulankoodii 848-aad ka yeesheen Warbixintii Guddoomiyaha AU-da ee dib-u-eegista Wdaajirka ee AU-da iyo QM ee Hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Kulankaasi oo uu shir guddoominayey Danjiraha Joogtadda ee Dowladda Ruwanda, ahna Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee PSC ee bishan, Ambassador Hope Tumukunde Gasatura waxaa warbixino laga dhegeystay Agaasimaha Golaha PSC,Dr. Admore Kambudzi oo ku hadlayey magaca Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika ee PSC, Ambassador Ismail Chergui iyo Ergayga Gaarka ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, AmbassadorFrancisco Madeira iyo Wakiilo ka kala socday dalalka Somalia, Ethiopia, Ekwatooriyal Gini, Urur-gobaleedka IGAD, QM iyo Midowga Europe. Hadal-qoraal oo ka so obaxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxaa lagu sheegay in horumar muuqda laga sameeyey hubinta Ammanka iyo Nabadda Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay muhiimadda Joogitaanka Ciiddanka AMISOM ee gudaha Soomaaliya. Golaha PSC waxay kaloo go’aamiyeen dib-u-cusbooneysiinta Xilli-hawleedka Hawlgalka AMISOM, waxayna isku raaceen in muddo 12 bilood lagu daro Xilliga Hawlgalkaasi ilaa laga gaadhayo bisha May 27-da ee sannadka soo socda ee 2020-ka. Muddo-kordhintaasi waxaa la sheegay in looga dan leeyahay in lagu taageero Xaqiijinta Qorshha Xilliga Kala-guurka ee Somalia ( The Somali Transitional Plan (STP).” Source
-
(SLT-Eritrea)-Baraha bulshada ayaa laga xidhay dalka Eritrea, dadka ayaana fariimo ka soo diraya dalkaas iyaga oo adeegsanaya adeegga VPN-ka loo yaqaanno. Ma cadda sababta loo xidhay, balse waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegay in dawladdu ay u xidhay baraha bulshada si ay uga gaashaamato in lagu abaabulo dibadbaxyo lagu carqaladaynayo maalinta xoriyadda ee 24 May Dareenka ka dhashay isbadal la’aanta siyaasadeed ee Eritrea ayaa sii xoogaysanaya, xisbiga kali kali ah ee dalkaas ka jira ee madaxweyne Isaias Afwerki ayaa dalkaas hoggaaminayay tan iyo markii uu dalkaasi xoriyadda qaatay sannadkii 1993-dii. Website-ka wax ka qora arrimaha internetka ee Internet World Stats ayaa sheegay in Eritrea ay tahay dalka ugu internet isticmaal yar dunida oo dhan. Sannadkii 2018, 71,000 oo qof ayaa internet ka isticmaali jiray, dadkaas ayaana bulshada Eritrea ka noqonaya 1.3%. Isgaadhsiinta Eritrea waxaa si adag u maamusha dawladda, warbaahin gaar loo leeyahayna ma jirto, internetkana taleefannada lagama isticmaali karo. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay ka warheshay xaqiiqooyinka dhanka amaanka ah, kadib markii sirdoonka dalkaasi ay laamaha amaanka la wadaageen qataro ku wajahan Kenya. Booliska dalka Kenya ayaa lagu wargeliyay qataro dhanka amaanka ah oo Al Shabaab damacsan yihiin, waxaana ciidamada Booliska dalka Kenya la geliyay heegan iyo feejignaan qorshaha Al Shabaab kaga hortagayaan. Afhayeenka ciidamada Booliska dalka Kenya Charles Owino oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee booliska heleen xogo dhanka amaanka ah oo la isku haleyn karo. Sidaasi daraadeed ayuu sheegay in la geliyay heegan buuxa, si shacabka ay kaga difaacaan weerarada kaga imaanaya Al Shabaab. Afhayeenka ayaa sheegay inay aad u adkeeyeen goobaha ay ku cibaadeystaan dadweynaha, sida masaajidda Muslimiinta ku dukadaan iyo Kaniisadaha oo ay tageen dadka aan Muslimka aheyn. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamo badan oo boolis ah la geeyay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya, si loo difaaco dadka shacabka ah. June 2014kii, 150 qof ayaa dhimatay markii ay Al–shabaab weerarro ka geysteen gudaha Dalka Kenya iyada oo lagu jiray xilli Ramadaan ah. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
(SLT-Nairobi)-Odayaal dhexdhexaadin ka galay Labada dhakhtar ee u dhashay dalka Kuubaa ee bishii hore laga soo afduubtay magaalada Mandhera ee W/bari Kenya ayaa sheegay in dadka afduubka u haysta Dhakhaatiirtaasi codsadeen in la siiyo Lacag madax-furasho, si ay u sii daayaan Dhakhaatiirtaasi. Odayaashaasi oo la hadlay TelefishinkaThe Citizen ee dalka Kenya waxay sheegeen in dadka qafaashay Dhakhaatiirta dalbadeen in la siiyo lacag dhan 150 million oo Shillinka Kenya oo u dhiganta 1.5 million oo Dollar, si ay u sii daayan Labada Dhakhtar. Dhinaca kale, Telefishinka Citizen waxa uu ka soo xigtay odayaashaasi inay sheegene inay Labada dhakhtar oo lagu kala magacaabo Herera Korea iyoLandy Rodriguez ay nool yihiin, isla markaana lagu hayo dhulka fog ee u dhexeeya magaallooyinka Bu’aale iyo Ceel-cadde ee Jubbaland, waa sida uu TV-ga baahiyey. Labadaasi Dhakhtar waxaa bishii Aprril 12-dii ee sannadkan laga soo qafaashay Degmadda Mandheera, xilli ay ku sii jeedeen Isbitaalkii ay ka hawl-geli jireen. Source
-
Power-sharing talks in Sudan between the ruling military junta and the leaders of a powerful protest movement collapsed on Wednesday after violent clashes erupted in the capital, Khartoum, for the second time this week. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN): –Barnaamijka Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxaa xalay isku arkey Degmooyinka Hodan iyo Baraawe oo ka kala socdey Goboladda Banaadir iyo Shabellaha Hoose. Tartan xiiso badan oo ay labadan Degmo oo kuwada jira Groupka A ay soo bandhigeen ayaa Guushu waxaa ay ku raacdey Degmadda Baraawe oo la timid Dhibco gaaraya 8 halka Degmadda Hodan oo laga adkaaday ay keensatay 6 Dhibcood oo kaliya. Gudoomiyaha Gudiga Tartan Aqooneedka Shabelle Maxamed Axmed Jimcaalle oo natiijadda Tartanka Shaaciyey ayaa sheegay in Hodan looga Awood batay Tartankii xalay. Caawa waxaa iska hor imaanaya Tartamayaasha Howl-wadaag iyo Kaxda oo kawada tirsan Gobolka Banaadir, labadan Degmo ayaa kazoo kala adkaaday Degmooyinka Baraawe iyo Hodan. Tartan Aqooneedka Shabelle Sanadkan waxaa si wadajir ah u taabagalinaya Shirakaddaha Becco iyo Cococola. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL. Madaxweynaha ayaa intaas kaddib waxa uu kala qayb galay boqollaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid guud ahaan deegaannada dalka munaasabad lagu qabtay Taliska Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo ay ugu dabaal degayeen 76-aad guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madasha ka jeediyey kalmad uu ku dhiirri-gelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoona dib u xasuusiyey doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku lahaayeen xornimo doonkii, qaran-dhiskii iyo horumarintii dalka. “Dadaalkii ay bixiyeen dhallinyaradeennii SYL ayaa horseeday in dalkeennu uu safka hore ka galo dalalkii xornimada ka qaatay gumeystihii. Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa sida ay qabyaaladda uga fogaayeen, una aaminsanaayeen midnimada, waddaniyadda iyo wadajirka dadkeenna.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey naxariis iyo in uu jannadiisa ku abaal mariyo 13-kii dhallinyarada ahaa ee SYL oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed. Dhanka kale, Hobollada Kooxaha Qaranka ayaa munaasabadda ka sameeyey bandhig suugaaneed ay ku muujinayeen dadaallada dhallinyaradeennu ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, rajada lagu qabo iyo caqabadaha ku xeeran ee dhanka fursadaha shaqada, qabyaaladda iyo fikirka gurracan ee argagixisanimada. Munaasabaddan waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye-Gaas Daahir Aadan Cilmi, Booliska Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamad Jaamac, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan Urrurada Bulshada Rayidka ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN): –Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmad Hagar (Dabageed) ayaa sheegay inay la bilaabayo dhismaha Buundada Deegaanka Ceel-Gaal ee duleedka Magalada Baladweyne ee gobolka hiiraan,taas oo burbur xoog leh soo gaaray kadib markii Roobab,Mahiigaan ah ay ka da’een halkaasi. Gudoomiye Yuusuf ayaa shacabka ku dhaqan Deegaankaasi usheegay in la hakin doono gebi’ahaan ba isu socodka Dadka iyo Gaadiidka inta lagu guda jiro dhismaha Bundada. Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo xubno katirsan Maamulkiisi ayaa shalay gaarey Deegaanka Ceel-Gaal waxaa ayna dadka deeganka ku wareejiyeen qalabkii lagu dhisi lahaa Buundada. Buundadan ayaa muhiim u ah isku-socodka Gaadiidka Xamuulka ah ee iskala goosha Goboladda dhexe iyo Waqooyiga Soomaaliya, hadii la dayactirana waxaa ay noqonaysaa faa’iido usoo hoyatay Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Deegaankasi. View the full article
-
Somaliland: The Scandalous Non-Payment Of Taxes By Big Businesses & Wealthy Merchants. Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland Home Minister, Mohamed Kahin Ahmed has declared that Somaliland’s big companies and wealthiest individuals do not pay any income, corporation or goods taxes, at all. Speaking before the standing committee of the Somaliland House of Representatives, Minister Kahin stated ” every low income worker in Somaliland, from the soldier, to the midwife to the elderly woman with the small tea shop on the street pay taxes to the government, but not a single large enterprise, from the remittance, telecommunications, power, export and import, or production companies pay taxes. And when we in the Home ministry and the Finance ministry try to enforce the laws, we receive a delegation from these organizations led by other ministers and parliamentarians, this is unacceptable and untenable” The minister stated that in Somaliland, “every single day hundreds of millions of dollars are taken out of the country and out of the economy, and the government purse doesn’t receive a single dollar in taxes”. The issue of taxation and the avoidance of any payments by the big businesses and wealthy merchants in Somaliland has been an open sore since the late Egal administration. The weakness of the central government, and it’s institutions like the Central Bank and the Finance ministry, the Auditor’s office, along with the decrepit and corrupted parliament has led to this situation. Without stringent laws, scrupulously applied to every one, nothing will change. What the wealthy companies and individuals fail to comprehend is that unless taxes are paid to the government to provide services such as security, no business can be conducted and no property will be safe. Qaran News
-
Muqdisho (SMN) –Taliyaha Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay Ciidamaddu in ay wadaan baaritaano hordhac, ah oo ay ku doonayaan in ay ku ogaadaan shaqsiyaad lagu tuhun sanyahay in ay lug ku leeyihiin Imtixaanaadkii Dowladda ee sirtooda banaanka la dhigay. Taliye Bashiir ayaa tilmaamay dadka falkaas sameeyay in ay u gafeen Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Qaranka, Ardeyda, iyo Ganacsatadii ay shaqooyinkooda ku xayirmeen.banaan bixii ka dhacay Muqdisho. Sidoo kale Hogaanka Booliska Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in Maxkamad lasoo taagi doono cidii uu ku cadaado danbigaasi. Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax Barre ayaa dhawaan soo saarey go’aan waxba kama jiraan ka dhigaya Imtixaankii laga qaaday Ardeyda Shahaadiga ah ee Sanad-Dugsiyeedkan maadama sida uu tilmaamay banaanka loo saaray sirtii Imtixaanka Dowladda’ Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in 27ka bishan lagu celin doono gabi ahaanba Imtixaankii, talaabadaasina waxaa ay ka careysiisay Ardey badan oo dibadbaxyo rabshado wata ka dhigay Muqdisho iyo Magaalooyin kale. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi C/Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay hadal xalay uu jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay si rasmi ah u shaaciyay ineysan dooneyn in muddo kororsi ay sameeyaan madaxda dowladda Somaaliya, sidaasi si lamid ahna aysan aqbaleyn muddo kororsi ay sameeyaan madaxda maamul goboleedyada. Siyaasi C.raxmaan Cabdi Shakuur ayaa marka hore madaxweyne Farmaajo kaga mahadceliyay sida uu shacabka Soomaaliyeed ugu cadeeyay inuusan dooneyn muddo kororsi dheeraad ah. Wuxuu sidoo kale sheegay si shacabka Soomaaliyeed ay hadalkaasi u aaminaan in madaxweynaha looga baahan yahay inuu meesha ka saaro qodobada qaar ee ku jira sharciga doorashada oo xukuumadda Soomaaliya ay dhawaan ansixisay. Qodobka 56 aad ayuu sheegay inuu yahay qodobka shakiga badan geliyay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kaasi oo cadeynayay in doorashada dib loo dhigo karo marka xaaladaha qaar ay jiraan. “Madaxweynuhu wuu ku mahadsanyahay in uu shacabka Soomaaliyeed u balan qaaday in uusan muddo kororsi damac kaga jirin, maalina uu ku darsan doonin mudo xileedkiisa sharciga ah. Si loo aamino, shacabkuna u rumeeyo, madaxweynaha sharciga doorashada ee xukuumadiisu ansixisay ha ka saaro qodobka 56aad ee muddo kordhinta ka hadlaya”ayuu yiri Mr Warsame. Shirkii ka dhacay magaalada Garowe ayaa madaxdii ka qeyb gashay waxay isku qabteen muddo kororsi la sheegay inay doonayeen madaxda maamulada qaarkood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN): –Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wakiilka cusub ee Hey’adda Qaramada Midoobey ee Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Werner Schultink. Wasiiru dowlaha ayaa soo dhoweeyay wakiilka cusub ee UNICEF, waxa uu kala hadlay howlgalkiisa iyo howlaha hey’adda ee dalka, si gaar ah barnaamijyada bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka si loo gaaro horumar lagu yarayn karo dhibaatada la soo gudboonaata caruurta. Sidoo kale labadda Masuul ayaa ka wada arinsadey arimo ay ka mid yihiin Howlaha baaxada-leh ee ay QM Soomaaliya ka fuliso, iyo sidii loo dardargalin lahaa. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisa Hagaajinta Xiriiradda Caalamiga ah ee Dibadda, si loo gaaro hadafka uu Dalku hiigsanayo oo ah Hormar iyo dhaqaale, arimahasina waxa ay ku imaan karaan sida Madaxda Qaranku ay tilmaameen iyadoo la helo Maalgashiyo Caalami ah. View the full article
-
Jamuuriyaddii Soomaaliya markii la dhisay 1960 , 17 sanno ka dib , 1977 waxay noqotay wadankii Afrikadda madow ugu xoog waynaa dhinaca Milateriga , dhinaca siyaasadana waxay noqotay wadankii Afrika u dooratay in ay noqoto Gudoomiyaha wadamadda u xilsaaran Afrikadda la gumaysto,sidda South-Africa , Angola , Mozambique iyo Zimbabwe iyo qaar kale . Hadaba hadii muddo 17 sanadood ah Somaaliya heerkaa ku gaadhay , 19 sanadood ayaa kasoo wareegay markii C/qaasim Salaad Xasan , loogu doortay in uu noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya Wadanka Djabouti 25-Ogost 2000, ilaa yawmunaa haadaana waxay awoodi kari wayday in ay ku filaato ilaaladda xafiiska Madaxtooyadda ee Vila Soomaaliya kaasoo ay waardiyeeyaan ciidamadda nabad ilaalinta ee midowga Afrika . Suaasha aynu qormadan ku bilownay aynu usoo noqonee , Dawladii dhalatay 1960 , Khuboraddii dhistay ee dhaqaajisay waxay ahayd Somaliland haday noqon lahayd , Tacliinta , Maaliyadda , Maamulka , Ciidamadda iyo Diblomaasiyadda , halka wax ka dhaqaaqi laayihiin waa maqnaanshaha Somaliland ka maqan tahay , haddii Mogdisho ku dhegtay ictiraafkii , Hargaysina waxay la guurtay caqligii , karis xun iyana wax kula Ahmed Nur Gurije Qaran News
-
Muqdisho (SMN) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL. Madaxweynaha ayaa intaas kaddib waxa uu kala qayb galay boqollaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid guud ahaan deegaannada dalka munaasabad lagu qabtay Taliska Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo ay ugu dabaal degayeen 76-sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka sheekeyay Taariikhdii Dheerayd ee halgankii Dalka, isagoo Tilmaamay in ay Dhalinyaradaasi umadda u shideen shumacii xoriyadda. Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri, “Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa qabyaaladda ay ka fogaayeen iyo sida ay u aaminsanaayeen midnimada.” Dhianaca kale Farmaajo ayaa ka hadlay shirkii Garowe iyo sababaha ka lifay in lagu soo kala tago, arintaasina waxaa uu sheegay in ay ku timid isfaham la,aan hareysay Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad-Goboleedyadda. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balan qaaday in aysan jiri doonin mudo kororsi, islamarkaana aysan aqbali doonin Dowladiisa hal maalin xitaa in waqti lagu darsado Doorashooyinka Qaranka iyo kuwa Dowladgoboleedyadda. Dhinaca kale waxaa uu ku eedeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) isagu in uu masuul ka yahay in wax Dib-uheshiisiin ah aysan ka dhicin Deegaanada Maamulkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-16052019.mp3 View the full article
-
Police are on a high alert over a possible Al Shabaab attack during the holy month of Ramadhan. Source: Hiiraan Online
-
Mandheera (Caasimada Online)-Odayaal dhaqameed ku howlanaa ka qeyb qaadashada sii deynta dhaqaatiir u afduuban Al Shabaab ayaa shaaciyay natiijada ay kala soo kulmeen xubnaha Al Shabaab ee heysta dhaqaatiirta u dhalatay dalka Cuba. Wararka la helayo ayaa sheegaya in xubnaha Aftuubtay dhaqaatiirta u dhalatay dalka Cuba ay dalbadeen lacag madax furasho ah oo gaareyso 1.5 Milyan oo doolarka Mareykanka, sida odayaasha dhaqanka ay sheegeen. Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in dadka afduubtay dhaqaatiirka ay marka hore ahaayeen koox burcad ah, balse markii dambe ay u gacan geliyeen Al Shabaab, taasi oo xaalada ka sii dartay. Odayaasha dhaqanka ayaa Al Shabaab-ka afduub ahaan u heysta dhaqaatiirka dalka Cuba, waxay kula kulmeen deegaan u dhaxeeya Bu’aale iyo Deegaanka Ceel Cadde, waxayna dalbadeen lacagtaasi si ay usii daayaan dhaqaatiirka. Odayaal ka kala socda Magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandheera ayaa ragga afduubka u heysta dhaqaatiirta kula kulmay tuulo ku taalla howdka u dhaxeeya labada Magaalo waxaana ay dalbadeen Hal Malyan iyo bar Doollarka Mareykanka ah. Warbaahinta dalka Kenya gaar ahaan TV-ga Citizen ayaa baahiyay in Kooxda heysata dhaqaatiirta u dhashay Dalka Cuba ay dalbadeen $1.5Milyan oo lacagta Mareykanka ah. Odayaashii loo diray wada xaajoodka lagu soo deynayo raggaas ayaa soo qaaday dalabka kooxda afduubka heysata, waxaana ay hadda wadahadal kula jiraan dowladda Kenya, mana jirto jawaab ilaa iyo hadda Kenya kasoo baxday. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
The people living on either side of the Ugandan-Rwandan border at Katuna never much considered the boundary: Children crossed for school, workers moved freely and trade thrived. Source: Hiiraan Online
-
DP World secured another legal victory this week when the Djibouti government was ordered to pay US$385m plus interest to Djibouti port operator Doraleh Container Terminal (DCT) for breaching its exclusivity rights by developing container facilities at Doraleh Multipurpose Terminal. Source: Hiiraan Online
-
Secondary school students have been demonstrating in Mogadishu this week after Somalia’s education minister postponed national examinations, saying the tests were leaked on social media. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey Munaasabadda sanadkii guuradii 76-aad ee ururkii Dhallinyarada SYL oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirkii Garoowe iyo sababihii keenay in la isku fahmi waayo. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in markii horaba ay shirka Garoowe ujeedka loo tagay ay aheyd in laga wada hadlo arrimaha amniga oo uu ku sheegay inay tahay midda ugu muhiimsan oo hor taalo Dowladda iyo Maamul Goboleedyada balse wuxuu sheegay in markii shirka la tagay ay Madaxda Maamul Goboleedyada la imaadeen qodobo kale. Wuxuu sheegay in qodobadii ay Maamul Goboleedyada soo jeedeyn kamid aheyd in la dhiso madal ay ku mideysan yihiin Dowladda iyo Maamul Goboleedyada . Madaxweynaha ayaa cod dheer ku sheegay inay Dowladda Dhexe ka diiday Maamul Goboleedyada in la dhiso madal, wuxuuna taas ku micneeyey inay soo arkeen dhibaatada iyo faa’idada ay leedahay in la sameeyo Madal. Madaxweynaha ayaa xusay in Sharciga uu qabo in Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ay kulmaan sanadkiiba mar si la isaga wareysto Xaaladaha dalku marayo balse aysan marnaba aqbali doonin in madal la sameeyo. Maamul Goboleedyada ayaa shirkii Garoowe kusoo bandhigay in la sameeyo Madal ay ku mideysan yihiin Dowladda iyo Maamul Goboleedyada balse wuxuu Farmaajo banaanka usoo saaray inay arrintaas ka hor timid Dowladda Dhexe. Hadalka Madaxweynaha ee ku saabsan Shirka Garoowe ayaa ahaa mid aad loo wada sugayey, wuxuuna arrintaas ka aamusnaa dhawr maalin balse hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqday inuu ahaa mid laga soo fakaray isla markaasna aad u kulul. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
