-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland lagu qabto doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka iyo sidoo kale ku xigeenka golahaasi. Guddiga arrintan u xilsaaran ayaa ku wargeliyey 31-ka xubnood ee shalay loo xulay iney noqdaan golaha deegaanka Gaalkacyo in ay maanta doorashadan gelayaan. Waxaa jira musharraxiin dhowr ah oo u taagan xilka guddoomiyaha golaha deegaanka iyo sidoo kale ku xigeenkiisa. Sidoo kale, doorashadan waxaa xigi doona doorashada duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Saahid Maxamuud Xaaji Sayn Xildhibaannada cusub ee golaha degaanka Gaalkacyo oo shalay lagu dhawaaqay ayaa gelinka dambe ee maanta dooranaya guddoomiyaha degmada iyo ku xigeenkiisa Doorashada guddoomiyaha golaha degaanka ahna duqa Gaalkacyo oo xiisa gaara leh waxaa u tartamaya 2 murashax oo kala ah Cabdiqani Diiriye Dhega-weyne iyo Saahid Maxamuud Cali Xaaji Sayn. Xildhibaannada wax dooranaya ayaa ka kooban 31 xubnood oo 6 kamid ah haween yihiin kuwaasoo go’aamin doona cidda noqonaysa duqa Gaalkacyo. Balse dadka sida hoose ula socda arrimaha doorashadan ayaa duqa cusub ee Gaalkacyo u saadaalinaya Saahid Maxamuud Cali Xaaji Sayn inkastoo laga war sugayo natiijada ka soo baxda doorashada. 2-da murashax Dhegaweyne iyo Xaaji Sayn ayaa loollan adag ugu jira ol’olaha doorashada waxaana la sheegaya in ilaa xalay ay kulamo kala duwan la qaadanayeen xubnaha golaha degaanka. PUNTLAND POST The post Yaa loo saadaalinayaa duqa cusub ee Gaalkacyo? appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdillaahi Jibriil ayaa waxaa uu saaka ku dhawaaqey in xukuumadda Somaliland ay go,aansatey inay ruqsadii isgaadhsiinta kala noqoto laba shirkadood uu jabiyey qodobadii heshiiska lagula galay. Wasiirka ayaa sheegay in labadan shirkadood oo kala ah NationLink iyo Africa Online kadib markii ay bixin waayeen cashuurtii isgaadhsiinta. Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=ChSLhidAu0U Source
-
Ciidanka DFS ayaa waxay howlgal ballaaran xalay ka fuliyeen xaafaddoo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho. Howlgalkan ayaa xooggiisa wuxuu ka dhacay laanta Barwaaqo illaa Laanta Saddexaad, waxaana lagu soo qabtay boqolaal dhallinyaro ah oo meel fagaare ah la isugu geeyey. Dadka deegaanka ayaa sheegay in howlgalkan dadka lagu qabtay u badnaayeen dhallinyaro deggan xaafadahaasi, kuwaasi oo qaarkood baaritaan kadib lasii daayey, halka kuwo kalena la sheegay in loo gudbiyey saldhigga Furayaasha ee degmadaasi. Ma jirto wax faah faahin ah oo howlgalkan ay ka bixiyeen maamulka degmada Warta Nabadda iyo sidoo kale saraakiisha ammaanka ee howlgalkaasi hoggaamineysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxay gaari Qooqan ah oo goor dhow ku qarxay xaafadda MBC degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Gaarigan oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen illaa labo Askari oo ka mid ah ciidankii saarnaa gaarigaasi. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/Muqdisho ayaa sheegay in dhaawicii Askarta loo qaaday xarun caafimaad. Sidoo kale waxa uu intaasi kiu daray in meesha ay wax ka dhaceen ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. Maalmihii gu dambeeyay waxaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho weerarada loo adeegsanayo qaraxyada lagu xiro gawaarida. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka cabanaya mushaar la’aan Afar bil ah, iyaga oo ka hadlay baahida ay qabaan. Qaar ka mid ah ciidankan oo warbaahinta la hadlay ayaa hanjabay in 48-saac gudahood haddii aanay madaxda DFS degdeg uga jawaabin arrintaasi ay isaga soo bixi doonaan magaaladaasi. Waxa ay sheegeen sidoo kale in aanay helin raashiinkii ay garaam ahaan u qaadan jireen ciidankan oo ay xitaa waayeen waxa ay cunaan. “Muddo 48-saac haddii aanay dowladda uga soo jawaabin baahida haysa ciidamada waan faarujin doonnaa degmada, waxaana mas’uul ka ah madaxda dowladda” sidaasi waxaa yiri sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Baraawe. Waxaa maalmahan dambe soo badanaya askarta xoogga dalka ee ka cabanaya mushaar la’aan iyo raashiin la’aan, xilli xukuumadda federaalka ay sheegtay iney bixisay mushaaraadka ciidanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Moscow)-Labo diyaaradood oo milatariga Ruushku ay leeyihiin ayaa gaaray garoonka diyaaradaha ee ugu wayn dalka Venezuela, kuwaas oo la sheegay in ay wadaan ciidammo iyo qalab badan. Diyaaradaha ayaa loo diray “si ay u fuliyaan qandaraas milatari” sida ay ku warramay wakaaladda wararka ee Sputnik oo Ruushka laga leeyahay. Javier Mayorca oo ah saxafi reer Venezuela ayaa Twitterka ku soo qoray in uu arkay 100 askari iyo qalab 35 tan ah oo diyaarado laga soo dajinayo. Ruushka ayaa wakhti dheer xulafo la ahaa dalka Venezuela, dalkaas ku yaalla Koonfurta Ameerika ayayna amaahiyeen balaayiin doolar, waxayna garab qabteen shirkadaha shidaalka iyo milatariga Venezuela. Ruushka ayaa dhanka kalana si wayn uga soo horjeedsaday cunaqabataynta uu Maraykanku saaray dawladda Venezuela ee uu madaxweynaha ka yahay Nicolás Maduro. Source
-
(SLT-Washington)-Ol’olihii doorashada ee madaxweyne Trump wada shaqayn ma dhex marin Ruushka intii lagu guda jiray doorashadii 2016, sida ay sheegayso warbixin kooban oo Aqalka Kongresska uu u gudbiyay Robert Mueller oo ah dambi baare khaas ah. Warbixintan kooban ayaanse meesha ka saarin in madaxweyne Trump uu si sharci darro ah u hor istaagay caddaaladda. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka William Barr ayaa xogtan kooban ee xildhibaannada lala wadaagay ka soo dhex saaray natiijadii ka soo baxday baaritaankii la sameeyay. Madaxweyne Trump oo arrintan ka jawaabaya ayaa Twitterka ku soo qoray “wada shaqaynna ma jirin, caddaalad la hor istaagayna ma jirin.” Trump oo baaritaanka si joogto ah ugu tilmaami jiray quraafaad ayaa Axaddii sheegay “in ay waji gabax tahay in dalku uu marxaladdan maro isaga oo ku tilmaamay “arrin sharci darro ahayd oo guuldarraysatay”. Xogtan cusub ee la soo saaray ayaa ah natiijo ka dhalatay baaritaan uu labo sano wadday Mueller, taas oo horseeday in kaaliyeyaashii ugu dhawaa madaxweyne Trump dacwado lagu soo oogo, qaarkoodna xabsi la dhigo. “Inkastoo aan warbixinta lagu soo gunaanadin in madaxweynuhu ambi galay, haddana lama bari yeelin,” ayuu Muller ku soo gudbiyay natiijada baaritaankiisa. Source
-
(SLT-Nairobi)-Macallin dhiga maaddooyinka Saayniska oo ka soo jeeda dhulka miyiga ee dalka Kenya oo mushaarka uu qaato intiisa badan muddo ku soo caawinayey dadka saboolka ah ayaa ku guuleystay abaalmarin lacageed oo dhan 1 milyan oo doolar (£760,000 oo gini) oo la guddoonsiiyo sanad walba macallinka ugu mudan caalamka. Macallin Peter Tabichi oo aaminsan madhabta kirishtanka ee katooligga wuxuu ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ee macallimiinta 2019-ka. Peter waxaa si weyn looga ammaanay isla markaana guusha uu gaaray qayb weyn ku leh fasallo ay ardaydu buux dhaafiyeen iyo buugaagta manhajka oo aan jirin sida uu waxbaridda ardayda ugu soo dulqaatay uguna guuleystay. Wuxuuna aad u jecel yahay maaddooyinka uu dhiga ee saayniska iney dadku aqoon dheeraad ah u yeeshaan si ay mustaqbalkooda u dhisaan isaga oo aaminsan “Saaynisku inuu yahay waddada loo maro”. Abaalmarinta waxaa lagu iclaamiyey munaasabad lagu qabtay Dubai, waxaana Peter loo aqoonsaday inuu yahay macallin “ka go’naasho leh” oo u taagan inuu wax ka beddelo noolasha dadka saboolka ah ee ku nool deegaanka Rift Valley ee dalka Kenya. Abaalmarinta lacageed ee la guddoonsiiyeyna 80% wuxuu ku deeqay in wax looga qabto dadka saboolka ah gaar ahaanna dugsiga sare ee Keriko oo ku yaalla tuulada Pwani gobolka Nakuru, lacagtaasina lagu iibiyo dharka ay ardaydu dugsiyada u xidhaan (uniform) iyo buugaagta manaahjita. Macallinkan 36 jirka ah hammigiisu wuxuu yahay inuu maaddooyinka saayniska gaar ahaanna xisaabta iyo fiisiksi uu bulshada ku dhiirrageliyo isga oo hammigiisa ku koobneen Kenya balse gaarsiisan ilaa heer qaradeed. Guusha macallin Peter ayaa lagu sheegay iney tahay mid ididiilo wanaagsan ku abuureyso jiilka waxbartay ee dhalinyarada ah ee ku nool dalka Kenya iyo qaaradda Afrika intaba. Source
-
(SLT-Israa’iil)-Afhayeen u hadlay Hay’adda Adeegga Xabsiyadda ee Israa’iil ayaa xaqiijiyey in 2 ka mid ah Ilaaladda Xabsiyadda lagu dhawaacay weerar ay getsyeen Maxaabiis ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Ilaamiga XAMAAS ee Reer Falastiin. Weerarkaasi ayaa la shegay inuu ka dhacay Xabsiga Ketziyot oo ku yaalla Koonfurta Israel, iyadoo ugu yaraan 2 Askarta Ilaaladda la dhaawacay, una baahan yihiin Daryeel Caafimaad. 11 Maxbuus ayaa iyagana la dhaawacay, inkastoo aan la sheegin qaabkii ay u dhaawacmeen iyo in rasaas lagu furay, markii ay Tooreyda ku dhaawceen Ilaaladda Xabsiga. Toddobaadkii hore, Maxaabiista XAMAAS ee ku xiran Xabsiyadda isreal waxay dhigeen Dibadbax, iyagoo dab qabadsiiyey qaar ka mid ah Joodarayaashii yaallay Xabsiga, kadib, markii ay Maamulka Xabsiyadda mamnuuceen inay Maxaabiista isticmaalaan Telefoonadda Mobayladda. Source
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha hore ee maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in uu burburay heshiiskii ay la galeen Somaliland. Cali Khaliif ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu hareer maray heshiiskii Khaatuma ay la gashay madaxaweynihii hore ee maamulka S/land Axmed Siilaanyo. Waxaana uu ayaan darro ku tilmaamay burbur uu sheegay in uu ku yimid heshiiska labadaasi dhinac. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/COD-TURKI-SOMALILAND.mp3 View the full article
-
(SLT-Congo)-Koox caalami ah oo gargaarka ka shaqeysa ayaa sheegtay in 58 kiis o cusub oo cudurka ebolaha ah laga helay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo todobaadkii tagay – waana tiraddii ugu badneyd ee muddo todobaad ah la soo wariyo sanadkan. Hey’adda IRC ayaa sheegtay in tirada saxda ah ay intaasi ka badan karto, iyadoo ay ugu wacantahay in dadku aysan soo sheegin kiisas dhacay, sababo la xiriira aminaad darri iyo amaanka. Hey’addan ayaa intaasi ku dartay in tirada dadka ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inuu cudurkaasi soo ritay ay ka badantahay Kun qof, uuna sii socon karo faafista cudurka sanad kale. Hey’addan ayaa sheegtay inay aheyd todoba bilood ka dib markii uu bilowday dilaacay cudurkan in tiradu ay hoos u dhacdo oo aysan kordhin. Hey’adda waxey sheegtay in arrintan ay astaan u tahay, inkastoo dadaal xoog leh lagu bixiyay hadana in joogsiga faafista cudurku uusan dhaweyn. Source
-
(SLT-Nairobi)-Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay fiidkii laga dareemay qaar kamid ah magaalooyinka dalka Kenya oo ay ku jirto caasimada Nairobi dhul-gariir. Deegaanada kale ee laga dareemay dhul-gariirkan oo ahaa mid aan xoog badneyn ayaa waxaa ka mid ah Nyeri, Mombasa, Machakos, Makueni iyo Kiambu. Dhul-gariirka ayaa la dareemay qiyaastii toddobadii fiidnimo ee xalay isagoo ilbidhiqsiyo uun socday balse waxaan laga dareemin degmooyin ka mid ah magaalada Nairobi. Sida laga soo xigtey hay’ada xisaabta culeyska dhulgariirada ayaa ku sheegtay inuu dhul gariirku gaadhayay 4.8. Sidoo kale dhul gariir laga dareemay dalka Spain isla xilligii uu ku dhuftay dalka Kenya. Dalxiisayaal ku sugan magaalooyinka xeebaha dalka Kenya sida Mombasa, Kilifi, Malindi, Lamu iyo Diani ayaa loo sheegay inay tagaan meelaha taaga ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax Khasaare ah oo ka dhashay dhulgariirka caawa laga dareemay magaalooyin ka mid ah dalka Kenya. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump ayaa maanta saxiixaya lahaanshiyaha cadawga Israel ee buuraleyda Golan. Golan waa dhul ay leedahay Suuriya, waxaa ay cadawga qabsadeen dagaalkii June 5, 1967, waxaana lagu qiyaasay 1,800 km². Todobaadkan, Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalal ka aamusay masiirka Golan, iyada oo ka hortimid go’aanka Carabta iyo dalalka Islaamka. Dad badan oo falanqeeya arrimaha bariga dhexe waxaa ay qabaan in Trump uu sidan u sameynayo doorashada 2020-ka iyo doorashada Benjamin Netanyahu ee bisha soo socota. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa su’aal ka keenay heshiis uu horey ula galay maamulka Somaliland, kaasi oo uu la galay madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo. Wuxuu su’aal ka keenay halka uu ku dambeeyay heshiisaasi iyo cidda ay tahay in wax laga weydiiyo, maadaama muddooyinkii u dambeeyay aysan jirin cid soo hadal qaadeysay heshiiskaasi. Heshiiskaasi ayaa waxaa sanadkii 2017 magaalada Hargeysa ku gaareen isaga iyo madaxweyne Siilaanyo, balse labo sano kadib wuxuu isweydiiyay halka uu ku dambeeyay heshiiskasi. Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in uusan garaneyn cidda uu kala hadlayo fulinta heshiiskaasi, maadaama tan iyo xiligaas aan lasoo hadal qaadin, balse madaxweynaha hadda talada haya ayuu sheegay inay isku xisbi yihiin Siilaanyo. Kala cadeynta howlaha iyo awoodaha shaqada oo lagu muujiyo Dastuurka ayuu sheegay in ay qayb ka qaadan karto in uu gaaro 50 sano ama 100 sano sida uu hadalka u dhigay, isaga oo sheegay inay taasina caqabad ku noqoneyso heshiiskii horey uu u galay. Qodobadii ay kala saxiixdeen Axmed Siinlaayo Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland iyo Cali Khaliif Galeyr oo ka socday Maamulkii Khaatumo waxaa kamid ahaa: ka shaqeynta sugidda amniga, dhameystirka heshiiska, iyo qodobo kale. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Codka-Cali-Khaliif-Somaliland.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Qarax ka dhashay waxyaabaha dhulka lagu aaso ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen labo ka mid ah shaqaalaha Jaamacadda SIMAD. Qaraxa oo ka dhacay demagada Hodan, Muqdisho ayaa lagu waramayaa in ay kula kulmeen jidka taasi oo keentay dhaawaca darawal iyo mid kale oo ka mid ah ilaalada guddoomiyaha jaamacadda. Qaar ka tirsan shaqaalaha oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhaawacyada loo qaaday Isbitaalka, uuna daran yahay darawalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ceerigaabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa ku warramaya in biyo la’aan baahsan ay ka jirto gobolkaasi. Biyo la’aantan ayaa la sheegay in saamey xoogan ay ku yeelatay dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. Xildhibaano ka tirsan Somaliland oo ka hadlay dhibaatooyinkan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi in uu ka gaabiyay adeegyada dhanka bulshada ee gobolka Sanaag. Xaaladda nololeed ee haatan ka jirta gobolkan ayaa maaalmihii dambe ka dareysay, mana jirto wax gurmad ah oo ay heleen dadkaasi tabaaleysan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan looga hadlayay amniga oo xalay lagu qabtay degmada Wardhiigley ee G/Banaadir.. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta degmadaasi iyo guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed Tuulax. Intii uu socday shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka ee degmada Wardhiigley. Sidoo kale kulanka kadib guddoomiye Tuulax ayaa kormeer indho indheyn ah ku sameeyay xaafado ka tirsan degmadaasi. Dhanka kale ciidamada ammaanka ayaa xalay howlgallo ka sameeyay halkaasi, kuwaas oo lagu xaqiijinayay amniga. Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro oo ay haataan ku socdaan baaritaano xoogan. Muddooyinkii la soo dhaafay maamulka gobolka Banaadir ayaa waday kulamo lagu dardar galinayo sugida amniga magaalada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-25032019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Madaale oo la hadlayay warbaahinta ayaa dhaliilay isku dhex yaac badan oo ka dhex jira Hay’adaha amaanka, kaasi oo keenay in xaaladda amaan ee Muqdisho sii xumaato. Guddoomiye Madaale, ayaa xusay in ciidamada amaanka ay sameynayaan dadaal badan, shacabka ay ku dhib qabaan xernaanshaha wadooyinka magaalada, hadana ay wali dhacayaan qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ee Al Shabaab. Wuxuu soo hadal qaaday waxyaabaha sababta u ah amni darada magaalada Muqdisho kusoo badatay maalmihii ugu dambeeyay, wuxuuna sheegay inay ugu horeyso dowladda Soomaaliya oo ka gaabisay inay weerarto Al Shabaab. Taasi ayuu sheegay inay dhalisay in Al Shabaab ay culeeska soo saaraan magaalada Muqdisho, maadaama dowladda aysan weerarin xarumaha Al Shabaab kaso abaabulaan qaraxyada labadii sano ee lasoo dhaafay. “Runtii amnidarrada magaalda waxaa sabab u ah dowladda ayaa ka gaabisay weerarada Al-Shabaab,marka iyadaa weerar lagu soo yahay culeyskana shabaab Muqdisho ayay soo saareen,laakin waxa ay u baahan tahay in cadawga meesha uu joogo loogu tago oo lagula dagaalamo” ayuu yiri Yuusuf Maxamed. Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in labo sano kadib la filayay in amaanka uu ka wanaagsanaado halka uu joogo balse aysan dhicin, waxaana uu sheegay in Shabaab deegaanadii horay looga qabsaday ay dib ugu soo laabanayaa,isla markaana ay dhiiragelin badan heleen. Hoos ka dhageyso codka Guddoomiye Madaale https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Gudoomiyii-hore-ee-Magaalada-muqdisho-Yuusuf-Xuseen-Jimcaale.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ku gacan seertay xeelad ay dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya dejiyeen oo la doonayey in si farsameysan xukunka looga tuuro Axmed Madoobe, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Qorshahan oo Villa Somalia ay dowladda Kenya u jeedisay bil iyo bar ka hor, ayaa looga codsaday in ciidamada Kenya, Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ay qabtaan gobolka Jubbada Dhexe, oo inta badan Al-Shabaab ay gacanta ku hayso, hase yeeshee fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada Kenya. Qorshaha ay dowladda damacsaneyd, oo ay ka dhaadhicisay Itoobiya, ayaa ahaa in marka la qabto gobolka, Axmed Madoobe lagu qasbo inuu usoo guuro magaalada Bu’aale, maadaama ay tahay caasimadda maamulka Jubaland. Xeeladda arrintan ka dambeysa ayaa ahayd in Axmed Madoobe gacantiisa laga bixiyo magaalada Kismaayo. Waxaa sidoo kale qabashada Jubbada Dhexe, oo kadib lagu xajin lahaa Gedo, ay dowladda siin lahayd inay maamusho in ka badan laba gobol oo Jubaland ah, taasi oo yareyn kartay sharciyadda Axmed Madoobe, awoodna u siin lahayd dowladda inay ku dul dhisto maamul kale, oo caasimad ay u tahay Bu’aale, haddii uu diido inuu usoo guuro Bu’aale. Kenyan-ka iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay fahmeen xeeladdan, waxaana Kenyan-ka ay sheegeen in qorshahan laga dhigo kadib doorashada Jubaland. Kenya ayaa hadda ah caqabadda iyo darbiga dowladda Soomaaliya ay ka gudbi la’dahay ,si ay meesha uga saarto Axmed Madoobe, taasi oo ku qasabtay inay la furto wada-hadallo aysan ku faraxsaneyn Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ku-dhowaad boqol kamid ah Ciidamada gaarka ah ee ilaaliya Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa lagu wadaa in dhawaan ay soo gaaraan magaalada Muqdisho waxayna ka soo hor mari doonaan Madaxweyne Axmed Madoobe oo Muqdisho ku soo wajahan. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu dhowaan imaanayo magaalada Muqdisho si loo dhameestiro heshiiskii Kismaayo ay ku gaareen DF-ka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, islamarkaana ay kulan u qaatay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo kadib laga qayb gali doono shirka lagu wado in uu ka dhaco Garowe. Diyaarad gaar ah ayaa la sheegay in ay Kismaayo ka soo qaadi doonto Ciidamadaasi oo ah kuwii dhowaan Axmed Madoobe u raacay caleema-saarka Madaxweyne Deni, waxaana la dejin doonaa dhabarka dambe ee Villa Somalia halakas oo ay dagan yihiin Senataro ka soo jeeda Jubbaland kuwaas oo gurigooda ku marti gelin doona Axmed Madoobe. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa markii hore Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soo qaadi jiray islamarkaana ilaalin jiray Ciidaamda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, iyadoo warar aan la xaqiijin ayaa sheegayaan in uu dagi jiray Taliska NISA ee habar-qadiijo guryo ku dhax-yaalla balse hada uu doonayo Villa Somalia. Arintaan ayaa muujineysa in ay jirto Kalsooni darro u dhaxeysa hogaanka Maamulka Jubbaland iyo Madaxda DF-ka Soomaaliya kuwaas oo muddo kabadan hal-sano uu ka dhax oognaa khilaaf siyaasadeed oo aad u adag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com