Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,194
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sida sunnada ah aadanuhu kama sinna hab fekerka, dhaqanka, aragtida iyo go’aan qaadashada, waxaana sidoo kale aysan isku si u aqoon waxyaabaha qaar, waana samayska rabbi ugu tala galay kala duwananshaha adoomadiisa. Amnigu wuxuu ka mid yahay waxyabaha ugu muhiimsan nolosha, horumarka, waxbarashada, kobaca dhaqan dhaqaale iyo halbeegyada nolosha, dalkeena Soomaaliya waxaa uu soo maray marxalado kala duwan oo mid walba ay lahayd duruufo u gaar ah, mid walba waxaa looga soo gudbay si qorshaysan.maantana waxaan dhex maquuranaynaa kuwo ka duwan kuwii hore oo loo baahan yahay in looga gudbo iskaashi, waxaana lagama maarmaan ah in muwaadin walba oo soomaaliyeed uu kaalinta kaga banaan ka qaato, isagoo aan cid kale ku riixeen ka qaybqaadashada masuuliyad wadareed qof walba oo Soomaali ah garbaha u saaran. sidee loo sugi kara amniga dalka? Waa su’aal Muhiim ah oo qof walba sida ay la tahay uu uga jawaabayo, balse waxaa dhabtu tahay in loo fahmo in ay tahay masuuliyad la wada leeyahay, tusaale ciidamada waa awooddii ama ceelalyadii amniga oo waxaa saaran masuuliyadda koowaad, Shacbiga waa badwayntii ay ku dhexdabaalayeen sida ay horay u sheegeen fidnawadayaasha waxaana looga baahan yahay shacbiga in ayku dhiiradaan in ay tilmaamaan goobaha ay gabaadka ka dhiganayaan, kaalinta culumada waa in ay xaqa iftiimiyaan bulshadana u soo bandhigaan fasirka saxda ah ee diinta si looga hortago afkaarta Takfiiriga ah ay argagixisadu faafinayso, Haweenka waxaa looga baahan yahay in kaalintii lagu yaqaanay ee hormoodnimo ka qaataan taakulaynta ciidamada, sidaa darted waxaa lagama maarmaan ah in si wada jir ah la isaga kaashado meelmarinta qorshayaasha amniga. Dalkeenu wuxuu leeyahay ciidan amniga ka shaqeya oo leh sida Xoogga dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad sugida, inta ugu muhiimsan waxaa ay joogaan Muqdisho oo ah caasimadii dalka, waxaa hubaal ah haddii qof walba uu masuuliyad isa saaro oo uu u arko in amniga la wada leeyahay waxaa muddo kooban gudahood lagu guulaysan doonaa in lagu naaloodo amni la isku halayn karo Hadaba si aynu u sugno amniga maxaan u baahanahay? 1-Waa in la howl galiya shacabka degan xaafadaha laguna dhiiro galiyaa la socodka cid walba oo caasimadda ku sugan gaar ahaan guri walba. 2-Waa in la hela ciidan sirdoon oo dhar cad ah oo iyaga xataa aan is aqoon oo ka dhex shaqeeya degmooyinka kuwasoo toos u hoos taga gudoomiyayaasha degmooyinka 3-In la xoojiyo Booliska jooga saldhigyada iyo rugaha kale loona dhameystiro agabkii shaqada. 4-In meel walba lagu xiro kaamiradaha qarsoon si loola socdo dhaq dhaqaaqa magaalada. 5-In la diiwaan galsho shacabka ku dhaqan degmo walba oo gobolka Banaadir ka tirsan loona sameeyo Documenti. 6-In la tirakoobo garaashyada lana hubiyo cidda masuulka ka ah iyo howlaha lagu qabto 7-In la kordhiyo dhaqaalaha degmooyinka la siiyo si ay u helaan dad xogta la wadaaga una abaalmariyaan ciddii xog amni oo muhiim ah ay ka helaan. Intaan kuma filna oo kaliya sugidda amniga magalooyinka, waxaana ugu muhiimsan waa in shacab ahaan loo abaabula howl gal walba oo ka dhan ah amni darrada iyo in sare loo qaado wacyiga bulshada si ay aragti dheer ugu yeeshaan dhaqarqabayaasha amni darrada ka shaqeeya. Qiyaasta tirada dadkeenna75% waa dhalinyaro marka la eego tiradaas intaas la eg waxaa shaqo la’aan ah boqolkiiba 55%, taasina waxay horseedi kartaa in ay noqoto fursad ay ka faa’iideysan karaan dhagarqabayaasha, taasi badalkeeda waxaa loo baahan yahay in dhalinyarada dowladdu uga faa’idaysato ilaalinta amniga, dhanka kalana u noqonaysa shaqo abuur. Talo walba oo amniga la xiriirta qof un bay ka imaan lahayd, waxaa maalmahaan danbe muuqda dad Amniga siyaasadaynaya, taasi oo aan danta dalka iyo dadka ku jirin, cidda kaliya ee khilaafka iyo tafaraaruqa ka faa’daysanaysa waa argagixisada jid iyo jaho diidka ah. Gunaanadka Qormadayda waxaa lagama maarmaan ah in si wadajir ah amniga looga wada shaqeeyo, si dalkeenna uga soo kabto duruufihii adkaa ee uu soo maray, ugana faa’iidaysto khayraadka dihin ee dhex ceegaaga. W/Q. Sharma’arke Max’ed Yuusuf
  2. Ururka Saxafiiyiinta S-Land Solja Oo Ka Hadlay Falal Laayableh Oo Xukuumaddu Ku Wiiqayso Saxaafadda “Qalab Mobileska Anteennada Lagaga Ridayo) “Warbixin Sanadeedkii Madaxweynuhu Baarlamaanka Ka Jeediyay Waxa Mobilada Wariyayaasha Lagaga Xayiray Qalab Hawada Ka Saaraya Inay Isticmaalaan”. Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlay falal layaableh oo Xukuumaddu la shir timid oo ay kula dagaalamayso Xorriyadda Saxaafadda, taasi oo hor dhaceedii lagu arkay Maalintii dhawayd ee uu Madaxweynuhu khudbad sanadeedka ka hor jeediyay Labada Gole Baarlamaan ee Somaliland, iyadoo maalintaas Wariyayaasha laga ururiyay Mobileska,lagagana xidhay qalab luminaya Aanteenooyinka, dhacdadan ayaa hor dhac u ah talaabooyin Xukuumaddu qorshaysay inay wiiqdo Warbaahinta Madaxa Bannaan. Qoraalkan maanta kasoo baxay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa lagu yidhi sidan “Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si aad ah uga xunyahay talaabooyinka soo noq noqonaya ee ay saraakiisha xukuumaddu kula kacayaan Suxufiyiinta Somaliland, kuwaas qaylo-dhaantoodu maalin walba ka soo yeedhayso goboladda. Gaar ahaan ururka SOLJA waxa uu dhaliilayaa xadhiga uu badhasaabka gobolka Awdal ku xidhay laba wariye oo ka hawlgala gobolkaasi, kuwaas oo booliisku ay ku xidheen Amarka Badhasaabka, iyadoo berri maxkamadda gobolka Gabilay dhagaysan doonto Dacwadda saddex wariye oo u xidhan Maayarka Gabilay oo ka hor istaagay inay galaan garoon ay ku sugnaayeen wafti ajaaniib ahi. Sidoo kale, ururka SOLJA waxa uu u arkaa talaabooyin lagu hor isaatagayo Suxufiyiinta iyo qalabkooda ba dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee lagu kacay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in Astaamahoodii loo diiday inay isticmaalaan xafladdii Berbera corridor, warbixin sanadeedkii Madaxweynuhu Baarlamaanka ka jeediyay oo Mobiladoodii lagaga xayiray qalab hawada ka saaraya inay isticmaalaan. Waxa kale, oo si joogto ah looga hor istaagaa munaasibadaha furan kuwaas oo ay madaxdu booliiska ku amarto inaan loo sii dayn sida ay qaar ka mid ah wariyayaashii ugu danbeeyay ee munaasibaddii maalinta biyaha is yidhi ka qayb gala ay SOLJA soo gaadhsiiyeen cabasho ah in askarta wasaaradda biyuhu tahdiid iyo aflagaaddo ku sameeyeen. Dhacdooyinka kale ee caqabada ku ah mihnadfa Saxaafadda ee culayska ku ah saxaafadda waxa ka mid ahaa in soo noqoshadii safarkii madaxweynaha ee imaaraatka laga qariyo madaxweynaha, taasoo aanu u aragno mid lagaga hor istaagayey saxaafaddu inay safarkaas ka hesho xog ay bulshadeeda u gudbiso. Dhamaan ficiladda kala duwan ee ay xukuumaddu ku hayso saxaafadda waxaanu u aragnaa kuwo ka hor imanaya dastuurka JSL, xeerka Saxaafadda iyo qoddobadii u danbeeyey ee ka soo baxay shirkii wasaaradda warfaafintu u qabatay Saxaaafadda iyo xukuumadda. Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ugu baaqayaa hay’addaha warbaahinta iyo Wariyayaasha ka hawlgala inay joojiyaan ficiladda xun xun ee ka hor imanaya Hab-dhaqanka iyo Anshaxa saxaafadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin cabashooyin soo gaadhay xarunta guud ee ururka. Ugu danbayntii ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa badhasaabka gobolka Awdal inuu xorriyaddooda usoo celiyo labada wariye ee uu ku xidhay magaaladda Barama. Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha SOLJA Qaran News
  3. Muranka soohdimaha waa arin soo jireen ah oo dhexmara dalalka dariska ah, gaar ahaa Afrika oo xuduudaha dalakedu uu sameyay guumestihii, kuna saleeyay qaab aan ka tarjmeyn rabitaanka dadka qaaradda oo ku qotama danihiisa gaarka ah. Dadka Soomalida waxa ay ka mid yiiin bulshooyinka uu dhibaatada ballaaran u gaysatay kala qeybtinta soohidimenyta goomeysigu. Iyadoo dadka Soomaaliyeed dhulkooda la qeybshay, qeybo badana lagu daray dalal kale. Haddaba waxaa xusid mudan Soomaliya iyo dalka Marooko ma ogolaan xuduudaha uu guumesigu dhigay ka dib xuriyaddii dalalka afrika. kenya waxay abuurtay xiisad diblumaasiyadeed waxayna ku dhaqaaqday tallaabooyin liddi ku ah xiriirka labada dal iyadoo 16 Febaraayo 2019 u yeeratay Danjireheeda Muqdisho si wada tashi ula yeelato isla markaana ku wargalisay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkeeda in uu ku laabto dalkiisa, waxayna ka cabanaysay shirka london oo lagu soo bandhigayay laguna xayaysiinayay shidaalka ku jira badda Soomaaliaya. Kenya waxay ku haysataa Soomaaliaya dhul badeedkeeda arrinkaa oo gaaray Maxkamadda Cadaaladda ee Aduunka 2014 kii, waxaana xusid mudan in labada dal uusan jirin heshiis soohdimeed ka dhexeeya. Tallaabadda kenya ay qaaday waxay ka anfariirisay Caalamka, waxaana lala sii yaabay in shardi uga dhigtay in xirrirku ku soo noqdo caadigiisii in loo cudurdarto, dad badan way la yaabeen in kenya sidaa noogu soo dhiirato oo aad uga haybaysanjirtay dalkeena. Xiisaddu waxay salka ku haysaa warbixinadda tibaaxaya in Soomaaliaya leedahay keyd batrool baaxad wayn dhul badeedkeeda gaar ahaan Qalfoof Qaaradeedka, diraasadaha qaar ayaa sheegaya in kaydka dalku noqonayo kan 20 aad ee dunidda hadii la eego keydka dhulka uun balse hadii lagu daro kan dhul badeedka waxuu noqonayaa kan 7aad ee dunidda. Hagardaama Kenya Kenya waxay caadaysatay hagardamada Soomaaliya waqtiyadii danbe, waxay xirtay saacada kooban Lataliyaha Safaardda Soomaalia Kenya 2014kii Maayo oo ah xadgudub culus xeerka Fiyanna ee xiriirka diblumaasiyadeed ee 1961, Soomaaliaya Arrinkaas way ka gilgiltay waxayna u yeeratay Danjiraheeda ilaa markii danbe kenya ay ka cudurdaaratay falkaas guracan, balse ma aysan joojin dhibaataynta jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool oo lagula kacay xirid, masaafurin iyo cagajuglayn. İntaa waxaa dheer kenya oo rabtay in ay dhisto darbi ay ku kala go’doominayso dadka walaalaha ah ee xuduuda labada dhinac kala dagan iyo waliba burburinta agabka isgaarsiinta Soomaalida ee Xuduuda. Soomaaliaya jawaab kama bixin arrimahaas oo dhan ilaa markii danbe kenya ay xanibto wafdi rasmi ah oo xildhibaano ah una socday Turkiga 2015 kii oo wehelinayay Ra’isul Wasaarihii hore taas oo ka hor imaanaysay is afgaradka labada dal ee ahaa fududaynta maritaanka wufuudda rasmiga ah kana hor imaanaysa habdhaqanka diblomaasiyadeed. Jirridda Muranka Badda Arrinka badda wuxuu bilaawday 2005 kolkii kenya si iskeed ah u jeexatay xariijin ay ku sheegtay in ay tahay xad badeedka labada dal iskuna dayday in ay ka diiwaan galiso Qaramada Midoobay, iyadoo ka faa’iidaysanaysa duruufaha uu dalka marayay isla markaana uusan jirin heshiis soohdimeed oo labada dal kala saxiixdeen. Soomaaliaya markii ay ku baraarugtay damaca kenya gaashaanka ay u daruurtay waxayna isku dayday si wada xaajood ay arinka ku xaliso balse taas way suuragali wayso, ugu danbayn Soomaaliya waxay furtay dacwad ka dhan ah kenya 2014, kenya waxay geed dheer iyo mid gaaban u gashay in arrinku uusan gaarin Maxkamad, waxay durtay in maxkamaddu awood u lahayn qaadista dacwadda, waxayna ku doodaysay in labada dal kala saxiixdeen heshiis is af garad oo sheegaya in wadahadal ku dhamaystaan muran kasta taas oo u socon waysay oo garsoorayaasha Maxkamadda Cadaaladda Aduunku ku gacan sayreen. Jeexidda xuduud badeedka waxaa loo maraa Heshiiska Badaha ee Qaramada Midoobay ee 1982 (UNCLOS) gaar ahaan qodobkiisa 15 oo sheegaya “ markii laba dal xeebahoodu isku dhaganyihiin ama iska soo horjeedaan, dal kasta oo ka mid ah xaq uma leh, hadii aysan si kale ku heshiin, in uu fidsado dhul badeedkiisa ka gadaal xareejinta dhexda ilaa dhibic kasta ay la mid noqoto dhibicda ka horeysa oo ka xigta xariijinta Asaaska ah oo laga qiyaaso dhul badeedka dalalka. Sidaas oo ay tahay, xukunkan kuma dabaqmayo markii ay lagama maarmaan tahay xaq taariikhi ah awgiis ama duruufo kale oo gaar ah, in loo maro xadaynta dhulbadeedka si ka duwan tan” taas macnaheedu waxay tahay in xuduudda dhulku sideeda ku sii soconayso marka labada dowladood isku dhaganyihiin, markii ay iska soo horjeedaana xariijinta dhexda ah laga qiyaasayo. Heshiiska Badaha ee Qaramada Midoobay ee 1982 Soomaaliaya waa xubin ka mid ah heshiiskaan oo ay ku midaysan yihiin 160 dal, wuxuu soo bilowday 1958 intiisa badan waxaa la isla meel dhigay 1973 ugu danbayna waxaa la isla qaatay 1982. Heshiisku wuxuu qeexaya xuquuqda iyo xilka dalalka badda leh sidii ay u adeegsan lahayeen biyaha uga faa’iidaysan lahaayeen kheyraadka badda, wuxuuna salka u dhigayaa habraac hagaya Ganacsiga ilaalinta deegaanka ilaha nololeed ee badda. Eray Bixinadda Badda Xariijiinta Asaaska : waa buqcadda ugu fog oo biyaha taabanaysa iyadaana ah asaaska laga qaadanayo qiyaasaadka . Biyaha Gudaha : waa biyaha ka sokeeya xariijinta asaaska oo gudaha ugu jira dhulka oo biyuhuna geesaha ka xigaan. Dhul Badeedka: waa dhulka biyaha ka hooseeya oo laga qiyaasayo xariijinta asaaska oo gaaraya 12 mayl badeed (22 klm ). Waxay la xukun tahay dhulka caadiga ah marka laga reebo doomuha shisheeye in ay xaq u leeyihiin maritaan lagama maarmaan ah ( innocent passage ). Dhul Badeedka xiga : waa 12 mayl badeed ku xiga dhul badeedka, dowladdu waxay xaq u leedahay in ay ka kaluumaysato, rukhsado ku bixiso lkn maritaanka waa u furanyahay doomaha shisheeye lkn kama kaluumaysan karaan ogoloshho la’aan. Aagga Dhaqaale Gaarka ah (EEZ) : waa 200 mayl badeed laga soo tirinayo xariijinta asaaska, dalku wuxuu xaq u leeyahay marinta fiilooyinka, baaritaanka cilmi iyo kaluumaysiga balse maritaanku waa furanyahay. Qalfoof Qaaradeedka: waa dhulka Badda ka hooseeya oo gaaraya 200 mayl badeed (370 klm ), waana dhulka shidaalka laga qodo aalaaba . mar danbe waxaa la isla gartay in la kordhiyo oo lagu daro 150 mayl badeed oo la gaarsiiyo 350 mayl badeed (646 klm ). Baddaha Furan : waa bad waynta aan hoos tagin dal ama dalal oo aduunka oo dhan si isku mid ah u marikaan, baaritaan u samayn karaan, fiilooyin gashan karaan, ka kaluumaysan karaan . waana wixii ka baxsan inta aan soo sheegnay. Heshiiska Is Afgaradka Soomaaliya iyo Kenya Qaramada Midoobay ayaa waxay soo-jeedisay in loo kordhiyo dalalka ku midaysan Heshiiska Badaha qolfoof qaaradeedka oo lagu daro 150 mayl badeed sanadku markuu ahaa 1997. Waxaana loo saaray guddi lagu magacaabo gudiga xadaynta qalfoof qaaradeedka, gudigu wuxuu mudeeyay in dowlad walba ku soo gudbisato codsigeeda bilowga ah ah muddo aan ka danbayn 13 May 2009, waxayna ku shardisay dowladaha aan lahayn heshiis soohdimeed in ay kala saxiixdaan is afgarad in midna mida kale ka hor istaagin in dalabkeeda gudbisato isla markaana Gudigu wuxuu cadeeyay in uusan shaqo ku lahayn xadka labada dal kaliya ay khuseeyso kordhinta Qalfoof Qaaradeedka. Dowladdii ugu horeysay ee soo gudbisa dalabkeeda oo ku lifaaqanyihiin dhamaan xogta la rabay waxay ahay Ruushka 2001 , waxaa ku xigay Norway 2006 dii, 11 Dowladood ayaa iyaguna gudbistay codsiyadooda xiliyo kala duwan balse waqtigii oo sii dhamaanaya waxaa gudbisay 40 dowladood oo Soomaaliya iyo Kenya ka mid yihiin. Si arrinkaa loo gaaro ayaa xilligii Madaxwayne Shariif, Ra’isul Wasaare na ahaa Cumar Sharmarke ayaa waxaa Golaha Wasiiraddu ogolaaday in Heshiiskaas la galo, waxaana loo igmaday Cabdiraxmaan Cabdishakur in uu saxiixo waana la saxiixay 09 April 2009. Sida Qanuunka Aduunku qabo laba dal hadii aysan layahyn heshiis soohdimeed waxaa loo filan karaa in ay ka dhexayso muran soohdimeed, hadii murankaa lagu xalin wadahadal waxaa lagu xalin karaa Maxkamad. Fasiraadda Heshiiska Is Afgaradka Dhinaca Qaanuunka : Maxkamadda Cadaaladda Aduunka waxay qeexday maqaamka heshiiska is afgarad uu ka qabo Qaaanuunka Aduunka, waxayna u aqoonsatay heshiis Caalami ah oo waafqsan Xeerarka Aduunka marka ay ka eegtay dhinacyada galay oo awood u lahaa in ay saxiixi karaan heshiiska, iyo in isla heshiiska uu sheegay in uu dhaqan gali doono marka la saxiixo iyadoon lagu xirin oggolaashu Baarlamaan, waxay kaloo sheegeen in u jeedada laga lahaa heshiiska aysan ahayn xadayn ee ay ahayd kaliya kordhinta Qalfoof Qaaradeedka.waana loo diiwaan galiyaya Soomaaliaya Codsigeedii kordhinta Qalfoof Qaaradeedka iyadoo gacan ka heshay Dowladda Norway oo danaynaysa soo saarista shidaalka. Dhinaca siyaasadda : Sida looga bartay Soomaalidu wax walba way siyaasadeeyaan iyagoo ka leh dano gaar ah, heshiiskaan is afgarad wuxuu kiciyay buuq iyo sawaxan siyaasadeed oo wali taagan oo aan loo baahnayn hadii la fahmi lahaa nuxurka uu ku qotomay, hadaba si loo fahmo waa in la ogaadaa: Koow: arrinka kenya iskeed u jeexatay soohdinta iyada u gooni ah ee 2005 tii iyo arrinka heshiiska is afgard ee 2009 wax xiriir ah oo ka dhexeeya ma jiraan. Tan koowaad waa arrin gardarro iyo damac guracan ah oo kenya galay halka arrinka is afgardku uu ahaa arrin Soomaaliya ay kala sinayd 128 dal in ka badan oo loo kordhinayay Qalfoof Qaaradeedkooda, waxaan maangal ahayn Golo Wasiiro oo ay ku jiraan dad sumcad dheer leh ay wada ogolaadaan in dhulkooda uga tanaasulaan dal kale iyadoo la ogyahay in 4 ka mid ah isla sanadkaas 2009 dhamaadkiisii ku shahiideen qaraxii Hotel Shaamoow. Labo : qodobadda iyo ujeedadda heshiiska is afgarad ma ku qornayn wax sheegaya in xuduud laga wada hadlay ee waxay ahayd soo jeedin ka timid Qaramadda Midoobay sida makamadda ICJ cadaysay iyadoo doodii kenya diiday. Seddex : Maxkamadda Cadaaladda Aduunka waxay qaadaa dacwadaha u dhexeeya Dowlada kaliya mana laga qaadan karo racfaan, waxayna gashaa dacwadaha marka lagu xalin waayo wadahadal, waana sida Soomaaliaya yeeshay markii wada hadalkii laba wareeg lagu xalin waayay arrinka wareeggii sedexaad Muqdisho ka dhici lahaana ay kenya ka baaqsatay iyodoon soo wargalin Soomaaliaya taas oo cadaysay in kenya aysan daacad ka ahayn wada hadalka. Sidee Cumaan u fidisay Qalfoof Qaaradeedkeeda Saldana Cumaan waa Dowladda Carbeed oo bad dheer leh oo u dhaw Soomaaliaya, waxayna ku guulaysatay in si habsami leh u balaariso Qalfoof Qaaradeedkeeda; waxayna heshiisyo soohdimeed la saxiixatay dhamaan dariskeeda, ugu horayn waxay la saxiixatay heshiis soohdimeed Iyraan 1974, sidoo kale Sacuudiga 1990, Yemen 1992, Imaaraadka 1999, Baakistaan 2000 si ay uga baaqsato is qabqabsi. Cumaan waxay u gudbisay gudiga codsiga ballaarinta Qalfoof Qaaradadeedka oo ku dhamaystiranyihiin xogohii loo baahnaa 15 April 2009 si loogu daro 150 mayl badeed dheeri ah waana loo diiwaan galiyay. Maxaa laga fili karaa Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (ICJ) Kenya waxay ku doodaysaa in ay maamushay dhul badeedka sadex xagalka ah markii ay soo saaraty Aaggeeda Dhaqaale Gaarka ah (EEZ) 1979 balse taas waxaa beeninaya isku daygeedii leexinta xariijinta xuduuda badda ee 2005 tii oo cadaysay damaceeda dhul badeedka Soomaaliaya, waxay kale oo ku doodaysaa in xariijinta dhul badeedka feer socoto dhul baraha si aan waafqasanayn Heshiiska Badaha isla markaana Soomaaliya kula heshiisay in wadahadal ay ku dhamaystaan wax kasta oo aysan Maxkamad aadin iyagoo sal uga dhigaya heshiiskii is afgaradka 2009 kii, maxkamaduna awood u lahayn in ay qaado dacwadda Soomaaliya gudbisay. Maxkamadda ICJ ayaa dhamaan diiday doodihii kenya, go’aanna ku gaartay in ay awood u leedahay qaadista dacwadda taas oo guul u ahayd Soomaaliya balse go’aan kii ugu muhiimsanaa wali uu dhimanyahay lan filayo in uu soo baxo sanadkaan dhamaadkiisa ama sanadka soo socda 2020. Go’aamada Maxkamadda ma laha racfaan, khubarada Qaanuunka Aduunka oo ay ku jiraan kooxda gacanta ku haya dacwadda Soomaaliya waxay ku kalsoonyihiin dhamaan xogta la hayo iyo saadaasha ay u muuqato in Soomaaliya ay ku guulaysandoonto dacwadaan . Halka Kenya ay isku dayayso in ay buuq ku furto Maxkamadda ICJ si ay waqtiga u dheerayso una daaliso Soomaalidda oo ay aaminsantahy in xilligaan ay jilicsanyihiin dhinac walba. Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa Dacawadani Soomaaliya ku xoogantahay, haddiise ay dhacdo in maxkamaddu u xukunto kenya qayb ahaan ama kullii dhul badeedka Soomaaliya lagu haysto, waxay sumcad xumi ku noqondoontaa Cadaaladda, hufnaanta Garsoorka Aduunka, waxayna horseedi kartaa dagaal dhex mara labada dal maadaama Soomaaliya aysan ku qanci doonin wax ka yar xaqqeeda. Maxaa la gudboon Soomaaliya Kenya muran kulama jirto Soomaaliya oo qura ee waxay sidoo kale muran soohdimeed kala dhexeeyaa wadama badan oo dariskeeda ah sida Uganda, konfurta Sudan iyo Ethiopia halka iyada iyo Tanzania u dhexeeyo muran ganacsi xuduudada isaga goosha. Hasae ahaatee muranadaas ma saamayn xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dalalkaas, haddaba in kenya ay isku xirto xiriirka labageesoodka ah ee labada dal iyo arrinka badda waxay tusaale u tahay in ay dhayalsanayso milgaha uu u leeyahay xiriirkani. Mar haday sidaa tahay, waxaa Soomaaliya la gudboon in ay ku dhaqaaqdo tallaabooyin wax ku ool ah iyadoo ugu horayn kacdoon iyo wacyigalin dadweyne laga bilaabayo gudaha; halka debaddana la sameeyo abaabul iyo raadinta taageero siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed heer gobol iyo caalami ah; lana kaashaanayo ururada gobolka iyo kuwa caalamka sida ururka Jaamacadda Carabta, IGA, AU, EU, OIC wadamada Ururka Islaamka iyo Qaramadda Midoobay UN ka. Dhanka kale Soomaaliya waxay haysataa Kaarar badan oo ay cadaadis ku saari karto Kenya, haddii ay si wanaagsan u adeegsato. Waxaana ugu horreeya arrinta ganacsiga ka dhaxeeya labada dal, iyadoo la ogyahay in Kenya xiriir ganacsi oo weyn ay la leedahay Soomaaliya. Dadaaladda dhexdhexaadinta Soomaaliya aad ayay isu xakamaysay isuna dajisay qar-iska tuurnimada diblomaasiyeed ee kenya ku dhaqaaqday oo ay ku waxyeelaysay xiriirka laba geesoodka labada dal, in muran dhex maro laba dal oo daris ah waa wax caadi waxaana lagu xaliyaa wada xaajood hadii suuragali waysana Garsoorka Adduunka sidaa awgeed wax macna ma samaynayso marin habaabinta kenya, xeeldheerayaashu waxay ku doodayaan in kenya dareensantahay waji gabaxa uga imaan doona Maxkamadda waxayna ka cabsi qabtaa in shirkadihii ay ku fasaxday dhul badeedka Soomaaliya ay waydiisandoonaan magdhaw wayn halka kuwa kalana ayba qabaan in xiisadani gadaal ka riixayaan dowladdo Soomaaliya xarash u haya. Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa isku dayay in uu isu soo dhaweeyo labada dal, Madexweynaha Soomaaliya wuu aqbalay soo jeedinta Itoobiya balse Kenya wali way ka biya diidsantahay in ay xiriirka ku soo celiso caadigiisii, sidoo kale waxaa la sheegayaa in Madexweynaha Uganda Muusafani uu wada dadaalo dhexdhexaanideed lama oga waxa ka soo bixi doona. Booqashadii uu madexweyne Famaajo ku tagay Nairobi 05 March 2019 oo uu garwadeenka ka ahaa Ra’isul Wasaare Abi Ahmed waxay ahayd tallaabo kenya aysan filayn oo cadaadiskii diblomaasiyadeed ku sii badiyay iydoo quundaraynaysay in Soomaaliya kala soo laabato dacwadda Maxkamadda, dhinaca Soomaaliya gorgortan kama galin dacwadda badda oo lagu kala bixi doono go,aanka Maxkamadda, dadka wax odorosa waxay ka cabsi qabaan in xiisadaan ay wiiqdo iskaashiga dhaqaale ee ka socda gobolka. Guaanad Soomaaliya iyo Kenya waa laba dal oo daris ah lehna dano badan oo ay wadaagaan iyo arrimo ay isku hayaan sida arrinta badda, qaxootiga mana aha arrimo hor istaagi kara xiriirka labada dal, kenya waxay marti galisay qaxootiga Soomaaliya muddo rubuc qarni ah iyo jaaliyad ballaaran oo ganacsi ku haysta. Xilliyadii danbe kenya waxay badashay hab dhaqankeeda oo ay ka muuqato carro iyo ka fiirsi la,aan, iyo goodis in Soomaaliya saari doonto cuna qabatayn taasoo ka dhalatay gaabis ka jira diblomaasiyadda Soomaaliya oo wali ka soo kabsan burburkii qaranka gaaray sanadihii dgaalka sokeeye iyo xagjirnimadda. Xiisadaan waa imtixaan diblomaasiyadeed oo soo food saaray Soomaaliya oo loo baahanyahay in loo diyaar garoobo lana tusiyo kenya in aan loo baahnayn in ka badan inta iyadu u baahantahay Soomaaliya, Soomaaliya waxay awoodaa in ay qaadato siyaasad dheeli tiran oo lagu ilaalinayo gobonimada iyo midnimdda dalka isla markaana la adeegsanayo diblomaasiyad taas oo keeni doonta in kenya ay ogooto in Soomaaliya loo goodin karin xitaa hadii ay ku jiraan waqti adag ayna ka shalayn doonto cawaaqibta ka dhalata xiisadda ay abuurtay.
  4. Kenya waxay dagaal qorsheysan oo laba weji ah kula jirtaa Soomaalida. Mid waa dagaalka duqeymaha u badan oo ay la beegsato al-Shabaab kaas oo ay ku naf waayaan dad iyo duunyo aan waxba galabsan oo reer guuraa u badan; iyo mid ay kusoo qaatay war isgaarsiinta Soomaaliyeed. Xad beenaadka dalku la wadaago Kenya ee dhererkiisu gaarayo 700 oo km, waxaa magaalooyinka ku teedsan iyo kuwa la ologa ah ay hadda go’doon uga jiri karaan dunida inteeda kale. Waayo adeeggii isgaarsiineed oo ay kula socon jireen dalka intiisa kale iyo caalamka ayaa bartilmaameed u ah ciidamada Kenya. Waxaana dadkan ku nool xadka ee muddo badan ku naaloon jiray maahmaahdii ahayd; ‘magaalo xeeb baa laga degaa ama xuduud,’ ay is weydiinayaan haddii degitaanka bar-xuduudeed kala qeybsiga labada dal ay sidaan oo kale u tahay mid halisteeda leh. Kenya waxay duqeymo iyo burburin toos ah ku wadaa laamaha Shirkadda Hormuud ee goballada Jubbooyinka iyo Gedo. Waana dhawaaq ay waaya’arag kusii noqonayaan shacabka Soomaaliyeed. Balse sababta keeneysa burburintaas ayaa ku sugan jawaab la’aan. Taniyo markii ciidamada KDF ay kasoo tallaabeen xadka – si ay u qabsadaan magaalo xeebeedka Kismaayo, Kenya waxay Jubbaland ka geysatay gaboodfallo kala duwan oo isugu jira duqeyn lagu garaaco duunyo iyo dad rayid ah, duminta ceelal biyood ay dhaansadaan xoola-dhaqatada, xaalufka ugaarta ku sugan howdka labada Jubba iyo ka-ganacsiga dhuxusha oo la tilmaamay inay lacag adag kasoo gasho. Hadda way iskala timid ficillada u muuqda fadeexadda oo ay geysanayaan ciidamadeeda. Waxayna si toos ah dagaal ugu soo qaaday burburinta isgaarsiinta dalka. Marka la isku geeyo tirade jeer oo ay burburiyeen xarumaha shirkadda Horumuud ee Jubbaland iyo hanti adag ee ku baxday dib-u-taagistooda, waxay ku filan tahay in si diblomaasiyad leh looga hortago. Sabab jirta oo ayidi kara burburinta xarumaha Shirkadda oo lagu qancin karo shacabka ku dhaqan gobalkaas majirto. Haddii ay jiri kartana kama dhigna in raasamaal dhan oo umadda Soomaaliyeed uga wada dhaxeeya micno walba si fudud loo burburiyo. In kasta oo shirkadda aan laga helin heerka adduun lacageed ee ku baxay dagaalka burburinta ah ee Kenya kusoo qaaday xarumaheeda isgaarsiinta, haddana waxa ku dhici kara shacbiga laga jaro xiriirka ay la leeyihiin bulshada inteeda kale ayaa ah mid looga fadhiyo in si mas’uuliyadaysan ay kaga jawaabto Jubbaland iyo dowladda dhexe. Marka laga hadlayo dagaalka ay Kenya kula jirto al-Shabaab – gudaha dhulkeeda iyo dalkeenna – burburinta loo geysto xarumaha shirkadda Hormuud maxaa marwalba ka dhigay bartilmaameed la mid xero ay ku tababbartaan al-Shabaab oo u baahan in dhulka lala simo? Maxaa Hormuud ka dhigay mid target ah hal dhinac oo kaliya oo aan dhinaca kale uusan ku colaadineyn? Su’aashaas waxaa laga yaabo in looga jawaabo sida caamka ah mid la xiriiri karta gulufka iyo loolanka Kenya iyo al-Shabaab ka dhex jira. Halkaasna ay dad badan si qiiro leh ugu qiil dayaan in Kenya ay micno walba ku sugi karto amnigeeda iyo howlgalkeeda nabad ilaalinta ee Jubbaland. Balse, marka la fiiriyo kobaca isgaarsiinta dalka iyo kaalinta Hormuud ku leedahay horumarinta tiknoolojiyadda isgaarsiinta, Kenya waxay si dadban uga soo horjeedaa in awoodda Shirkaddu aanay soo gaarin gudaheeda. Si kale marka loo dhigo, inta badan magaalooyinka ku teedsan xuduudda, waxaa qadka awoodda coverage-ka ku xoog badan Hormuud marka lala barbardhigo Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee Kenya ka dhisan. Taasi waxay keentay in isticmaalka adeegga Hormuud ee xuduudda uu aad ugu baaho gudaheeda. Loolan muuqda oo dhinaca macmiisha ahna uu ka dhasho kala xulashada labada shirkadood – iyada oo laga fiirinayo fogaanta iyo awoodda dhaweynta hadalka. Xittaa ciidamada Administrative Police AP-da ee ku sugan magaalooyinka Ceelwaaq, Mandera iyo Liboi, waxay adeegsadaan Hormuud mararka qaar si danahooda shaqsiga ah iyo tan dowladda ay u hayaanba ugu isticmaalaan. Si kastaba, waxaan aniga ahaan ku talin lahaa inan la iskaga dhex bixin Shirkadda iyo Kenya ee Jubbaland iyo dowladda dhexe ay hubiyaan in damaanad loo yeelo adeegga Hormuud ee gobolladaas; haddii aan goor hore jawaab laga bixin, burburin walba oo ku dhacda xarumaha Hormuud waxay ka dhigan tahay asset ama raasumaal Soomaali oo dhan ka wada dhaxeeya oo dad iyo dowladba ay ku tiirsan yihiin, haddana aan dadaal loogu bixin sidii wadajir loogu ilaashan lahaa. Qore: Zakariya Xasan Maxamed – wuxuu qorista macluumadan u adeegsaday waaya’aragnimadiisa nololeed oo uu kusoo qaatay xuduudda labada dal ee Kenya iyo Somalia. Kala xiriir: hiraal86@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Bilowgii toddobaadkan, Caasimadda Online ayaa baahisay in xirnaanshaha waddooyinka loo heli karo xal haddii dowladdu ay ka go’an tahay. Sannadkii hore, dalka Qadar ayaa ugu deeqday Soomaaliya gaadiid basas waaweyn ah si ay ugu adeegsato daabulka shaqaalaheeda rayidka ah iyo kuwa qalabka sida. Caasimadda ayaa fahamsan in gaadiidkaas aan marnaba sidii loogu tala-galay loogu adeegsan danta guud. Taas beddelkeedana waxaa inta badan la isticmaala waqtiyada ay jiraan isku soo baxyada iyo dabaal-degyada ay dhigato dowladda. Laamaha ururrada haweenka ee ka jira 17-ka degmo ee gobalka Banaadir ayaa inta badan lagu soo galbiyaa – iyaga oo durbaannadooda – si ay uga mashxaradaan munaasabadaha ka jira gobalka iyo kuwa degmooyinka. Balse waqtiyada kale, waxay inta badan ku jiraan baakin. Daba-yaaqada sannadkii hore ayay mar adeegsatay dowladdu xilli waddooyinku u xirnaayeen qaabilaadda wufuud calami ah. Waxayna aheyd tallaab aad looga mahad celiyay. Guddoonka gobalka iyo guddoomiyaasha degmooyinka – oo degma kasta la siiyay gaadiidkan – waxay u muuqdaan kuwa aan xil iska saareyn rafaadka ay ku jiraan shacabka Muqdisho kuwaas oo xilli kuleylaha cadceedda ugu wirwiraya gaarista danahooda. Warbixinta toddobaadkan ay Caasimada ka qortay xalka loo heli karo xirnaanshaha waddooyinka, waxaa aad usoo dhaweeyey inta badan bulshada. Laakii ilaa iyo hadda Guddoomiye Yariisow iyo guddoomiyaasha kale ee gobalka, waxay sidii hore isaga indha-tirayaan xal-u-helidda xirnaanshaha waddooyinka oo hadda caasimadda ka noqday ‘hot topic’ marwalba hadal-heyntiisu badan tahay. Caasimadda waxay ku talinaysaa in basaska ku baakiman gobalka loogu adeegso shacabka laga xanibay inay ku safraan gaadiidka dadweynaha kuwaas oo cagahooda maalaya. Xittaa ha noqdaan basaskani kuwa lacag lagu raaco. Muhiimaddu waa in shacabka loo fududeeyo socdaalkooda maalinlaha ah. Waa in dowladnimadu noqotaa mid wax horumarinaysa ‘an improving government’, sida uu yiri Thomas Jefferson oo kamid ahaa aabayaashii helay dalnimada Maraykanka. Haddii lagu guuleysto in saacadaha yar iyo maalmaha kooban ee waddooyinka la xiro shacabka loogu adeego basaska dadweynaha ee isaga jira keydka dowladda, waxaan shaki uusan ku jirin in rafaadka ay ku jiraan shacabka Muqdisho qeyb ahaan raaxo loogu beddeli karo. Dad badan waxaa laga yaabaa inay sababo amni ku dhaliilayaan talada Caasimada. Balse marba haddii la isla oggol yahay in daryeelka adeegyada shacabka mudnaan sarreysa leedahay, waxaa jirta murti English ah oo tiraahda; ‘where there is a will, there is a way.’ Jiritaanka xaalado amni oo sababi kara in mar qura dadweyne kob ku wada sugan ay ku le’daan qarax iyo wixii la halmaala, su’aasha jiri karta ayaa sida la iskugu haleyn karo amniga basaskan. Dabcan haddii la adeegsado scan-qofeedka fududeeya baaritaannada, jawaab waa loo heli karaa sugidda amniga. Qore: Zakariya Xasan Maxamed Kala xiriir: hiraal86@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qaraxii caawa maqribkii ka dhacay inta u dhaxeysa laba dhagax iyo isgoyska Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa, laba kalena way ku dhaawacantay, hase yeeshee warbaahinta Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaadday ujeedada qaraxaas, oo sida ay sheegtay ahaa in lagu dilo taliyaha booliska gobolka Banaadir, balse uu dirqi kaga baxsaday. Qoraal ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab ayey kooxdan ku tiri “Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay Taliyaha Booliska gobolka Banaadir, Saadaq John.” Qoraalka warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Saadaq John “uu si dirqi ah uga badbaaday qaraxa balse uu ku dhintay mid kamida ciidamadii ilaalada u ahaa.” Illaa iyo hadda ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ah in baabuurta la beegsaday uu la socday Saadaq John. Sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saadaq John. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/BAr____Qubanaha-27032019.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay agagaarka Suuq Boocle oo ku yaalla Degmada Dharkeynley ku dileen ganacsade Sheekh Cusmaan Xasan Sheekh. Dad goobjoog u ahaa dhacdadan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dilka Sheekh Cusmaan Xasan Sheekh. Raggii dilay ninkan ayaa meesha ka baxsaday, kadib markii dhowr xabadood ay la dhaceen marxuumka oo isla goobtaasi ku geeriyooday. Lama oga sababta loo dilay Sheekh Cusmaan, balse muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dilalka qorsheysan, ee ay gaysanayan xubnaha ka kala tirsan kooxda yar ee Daacish iyo Nabad-diidka Al Shabaab. Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Dharkeynley oo tagay goobta dilka uu ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaan, lamana soo sheegin cid ay falkaasi u soo qabteen. Meydka marxuumka la dilay ayaa la geeyay xarunta baarista danbiyada ee C.I.D, halkaas oo sawirran looga qaaday, si baaritaano loogu sameeyay kiiska dilkiisa. Inkastoo ay shaqeynayaan Hay’adaha ammaanka ayaa waxaa hadana ka dhacaya Muqdisho Dilal iyo Weeraro qorsheysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. GOLEYAASHA DEEGAANKA IYO XUKUUMADDA MIDKEE FASHILMAY ? ************************************ Mayor iyo ku xigeenka uun ma la badalo oo la tijaabiyo qaar kale sida aqoonyahanka rug cadaaga ah xildhibaan Dogox ama xildhibaan Cabaas . (sacabka haddii aan xeeladi ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa ?! ********************************* Ilaa maalintii madaxwayne muuse biixi dalka taladiisa qabtay waxaynu maqlayna waxa la kala diraya goleyaasha deegaanka ee dalka , ama ugu yaraan kuwa caasimadda , haddaba wa su,aale yaa guulaystay ?! Akhriste waan kula qabaa in aanay ahayn goleyaasha la doortay deegaanku qaar u qalma in badan oo ka mid ahi meeqaamkii ay sugeyeen dadweynihii u codeeyey ee safafka dhaadheer iyo milicda u taagnaaa lakin hadana waxa is waydiin mudan : maxa kalifay in waqtigan ay noqoto hadal haynta ugu badan ee bulshada iyo siyaasiyiintaba ? ma golihii deegaanka ee ugu horeeyey ee muddo dhaafaybaa ? muddo dhaafkoodu wuxu ahaa 2017 markii ay ka dhamaatay muddo xileedkooduye maxaa loo kala diri waayey? Goleyaashii ka horeeyey waxay fadhiyeen toban sanadood ee maxaa iyaga u gaar ah ?guurtida iyo baarlamaanka oo in ka badan inta golaha deegaanka muddo dhaafay miyey guuleysteen iyagu mise way kasii liitaan goleyaasha deegaanka oo waxay noqdeen dhaameel raac aan garanayn ujeedadii loo soo doortay ? maxa hortaagan in iyaga la kala diro ? Haddaba kala diritaanka goleyaasha deegaaanka ee dalka marka aynaan ka eegin dhinaca sharciyadda maxa ku kalifay madaxwaynaha inuu ku fikiro inuu kala diro goleyaasha deegaanka ee dalka ? Waxa hadaba ka danbeeya kala dirista goleyaasha deegaanka ama ugu yaraan kuwa caasimadda in madaxwaynuhu ku fikiro : 1- Mayorka caasimadda oo shaqadiisii ku fashilmay , halkii fashilkiisa la caddayn lahaa ayaa loogu xilqarinayaa in la kala diro dhamaan golaha deegaanka , taasina wa abaal celin uu madaxwaynu maayirka uga abaal celinayo ololihii madaxtooyada ee xoolaha umadda sida badheedhka ugu taageeray Madaxwayne MBC . 2- Madaxwanaha ayay isku hayb yihiin mayorka Haragysa sida darteed wuxu doonayaa inuu mayorka u dhiibo mayor kasoo jeeda beelaha kale, lakin ma rabo inuu dhiibo mayor ku yimaadda doorasho oo sida soltelco awood badan ,mana doonayo madaxwaynu soltelco inuu noqdo xildhibaan hoos yimaadda mayorka la doortay , sida awgeed ayuu madaxwaynuhu ugu fikiriyaa in eedda fashilaada la saaro goloha deegaanka oo dhan ka dibna la kala diro . 3- Golaha deegaanka ee hargaysa waxa lagaga badan yahay tirada xildhibaanada beesha madaxwaynaha , beeshiisa oo degta magaalada hargaysa oo kaliya magaalooyinka dalka isla markaana lagaga tiro badanyahay xildhibaanada ay ku leeyihiin magaalada hargaysa , sidaas awgeedna waa in la kala diraa xildhibaanada Caasimadda . 4- Mayirada iyo xildhibaanada qaarkood oo ay fikir ahaan iska soo horjeedaan madaxwaynaha iskuna maandhaafsan yihiin sida loo qaybinayo khayraadka dalka , sida mayorka burco , sidaas daraadeed waa in kala diraa golaha deegaanka si loo keeno m,ayor madaxwaynaha oo kaliya ka amar qaata oo aan haba yaraatee wax hadal kasso celin fikirka madaxwaynaha . Haddaba akhriste waxa marag ma doon ah sidan hore u xusay in xildhibaano badani aanay u qalmin lakin kala diristu ma xalbaa ? Dalkoo dhan madax iyo mijiba musuq maasuq waa ku baahay lakin ma jiro wax gaar ah oo golaha deeganku galabsadeen . Haddii golaha deegaanku yaha 25 xubnood ee caasimadda waxa masuuliyadda kowaad saarantahay mayorka iyo ku xigeenka , haddii ay fashilmeen maxay galabsadeen 23 xubnood ee kale , maxa labadooda uun meesha loo dhaafin waayay oo mayor cusub iyo ku xigeen cusub loo dooran waayey ? waxa laga yaaba inaad is waydiiso 23 xubnood ee kale haddii aanay shuraako kula ahayn fashilaadda may doortaan mayor kale oo ay kuwan xilka ka qaadaan ? Waa su,aal macquul ah lakin waxa is waydiin mudan goleyaasha deegaanku ma u madax banaanyihiin go,aamadooda iyo shirarkooda ? mayorada inta badani waxay kasoo jeedaan xisbil xaakimka kulmiye iyagaa badhi taarayey si ay u qabsadaan kursiga mayornimo , intaas oo goor ayeynu maqallay in shir ay qabteen xildhibaano kasoo horjeeda mayorka oo xukuumaddu garabka saarayso mayorka, haddaba maxaa keenay in waqtigan laynagu mashquuliyey kala diris iyo fashilaad iyo ………. Sacabka haddii aan xeeladi ku jirirn maxaa habeenkii loo tumaa ?! Qaran News
  10. Muqdisho (SMN) – Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug ay ku qabsoomi doonan waqtigii loo asteeyay. Cod-bixinta madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto bisha Julaayo ee sanadkaan 2019. Sidoo kale coddeynta maamul goboleedka Galmudug ayaa la rajeynayaa in ay dhacdo horaanta bisha Agoosto ee isla sanadkaan. Hadalkaan ayuu madaxwaynuhu ka sheegay munaasabadii furitaanka kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Shacabka baarlamaanka federaalka. View the full article
  11. Nariobi (SMN) – Ha’yadda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa si weyn uga soo horjeedsatay qorshaha dowladda Kenya ay ku dooneyso in ay ku xirto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Ha’ayadda ayaa xustay in hadii Kenya ay ka dhabeyso go’aanka ku aadan xiritaanka xeryaha Dhadhaab ay sababi doonto xaalad bini’aadanimo oo saameyn ku yeelata malaayiin qaxooti ah oo xeryahaasi ku nool. Dowladda Kenya ayaa qoraal ay horay ugu gudbisay Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay qorsheeneyso in bisha soo adan ee August albaabada isugu dhufato xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Irungu Houghton, madaxa Amnesty International ee Kenya ayaa shaaca ka qaaday in go’aan walba oo dowladda dalkaasi ku xireyso xeryaha Dhadhaab baal-marsan yahay go’aan ay gaartay maxkamadda sare ee dalka Kenya. Maxkamada sarre ayaa ku tilmaamtay xiritaanka xeyahaasi mid sharci darro ah. Sidoo kale, Mr Houghton ayaa ku tartarsiiyay dowladda kenya in aysan ku qasbin qaxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab in ay halkaasi baneeyaan, ilaa ay helaan dib u dajin rasmi ah. Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa ku nool malaayiin qaxooti ah oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Sudan, kuwaas oo dalalkooda uga soo cararay abaaro iyo colaado sokeeye. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo fiidnimadii caawa ka dhacay isgoyska Laba Dhagax ee Muqdisho Qaraxa oo la sheegay in uu ka dhashay miino nooca meelaha fog laga hago ah ayaa la tilmaamay in lala beegsaday gaari Cabdi Bilaha oo meesha marayay. Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhimatay dhacdadaasi xili ay ku dhaawacmeen tiro oo badan dad ku ganacsayay halkaasi. Illaa iyo haatan jirin koox dusha saaratay mas’uuliyadiisa dhacdadaasi oo dadkii ku waxyeeloobay loola cararay goobaha caafimaadka. Wali ma jiro war sugan oo ku aadan qaraxaan oo kasoo baxay laamaha amaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya. Shalay ayay ahayd markii qarax gaari oo ka dhacay isgoyska Taleex uu sababay geerida hal qof iyo dhaawac labo kale. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaaladda caasimada u ah Morocco ee Rabat kula kulmay dhigiisa dalkaasi Nasser Bourita. Labada mas’uul oo yeeshay kulan saacado qaatay ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, danaha ay wadaagan iyo iskaashiga dhaqaalaha. Cawad iyo Bourita oo kala saxiixday sadex heshiis oo afgarad ah ayaa shaaciyay in ay ka shaqeynayaan sidii loo adkeyn lahaa hirgalinta heshiisyada ay ay qalinka ku duugeen. Wasiirka xiriirka caalamka ee Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Morocco ayaa shalay ka qayb galay shir ay isugu yimaadeen wasiiro ka kala socday dalalka xubnaha ka ah Midowga Africa. Ka hor booqashada wasiir Cawad ee dalka Morocco, waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uu uga qeyb galay shir ay yeesheen dalalka ku bahoobay ururka iskaashiga islaamka ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay oo looga hadlay falalka ku saabsan islaam naceybka. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-27032019.mp3 View the full article
  15. At least two people were reported to have been killed and several others wounded in an explosion in Mogadishu, the Somali capital on Wednesday evening. The blast which resulted from an improvised explosive device [IED] took place outside a restaurant near Labo-Dhagah junction in the capital’s Wardhigley district. Witnesses said the explosion was targeting a military convoy passing in the area and no group has claimed the responsibility for the attack. The incident was the latest in a series of bomb attacks in the city over the past few weeks amidst tight security measures and heavy presence of troops on the mains street. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka BAAR Al Nasri oo ku yaala xaafada Laba dhagax ee magaalada Muqdisho. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa iyo noociisa, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu ahaa miino lagu aasay goobta oo lala damacsanaa gaadiidka ciidamada oo goobta marayay. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in goobta uu ku qarxay Gaari noociisu ahaa FEILDER kaasi oo yaalay xarun caafimaad oo ku dhow maqaayadda Al Nasri. Dad badan oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada amaanka ay goobta baaritaano ka bilaabeen. Digniino dhanka amaanka ah ayaa jiray saacadihii u dambeeyay, iyadoo aad loo hadal hayo gaadiid qaraxyo ah oo la sheegay inay Muqdisho soo galeen. Tan iyo markii la weeraray xarunta wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha amaanka Muqdisho ayaa sii xumaanayay, iyadoo qaraxyo kale ay ka dhaceen Muqdisho. Saraakiisha gaartay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay inay faahfaahin ka bixin doonaan khasaaraha qaraxa, balse dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ugu yaraan labo ruux ay ku geeriyoodeen qaraxa. Lama Hayo faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan khasaaraha qaraxa uu geystay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (SMN) – Qarax culus ayaa la sheegay in uu fiidnimada caawa ka dhacay degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho. Sidda ay sheegeen goobjoogayaal, qaraxa oo ka dhashay Miino ayaa laga soo wariyay nawaaxiga isgoyska Laba Dhagax. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu geystay qaraxaan, inkasta oo aanan la hubin tirada saxda ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ku waxyeeloobay dhacdadaan ay u badan yihiin shacab halkaasi ku ganac-sanayey. Wali ma cadda bartilmaameedka qaraxaan kaasi oo illaa iyo haatan aysan jirin koox dusha saaratay mas’uuliyadiisa. Ciidamada amaanka oo soo gaarey goobta ay wax ka dhaceen ayaa la sheegay in hakad geliyay isu socodka dadka iyo gaadiidka. Wixii soo kordha kula soco wararkeena dambe View the full article
  18. The President of Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo has called upon his fellow countrymen to unite against the fight on terrorism. Speaking during the opening ceremony of the 5th session of the parliament in Mogadishu on Wednesday, the president said the fight against terrorism needs unity and close cooperation between the security agencies and the members of the public. ” We are making reforms on our security apparatus, ” he said.”We have embarked on the biometric registration process of our armed forces to improve efficiency.” The head of state reiterated the uninterrupted payment of wages to the security forces amid recent developments of lack of salaries for months. “We have paid all bio-metrically registered forces via their bank accounts, and we are committed to paying the remaining once the registration procedure is complete, ” the president said. Somali leader also underlined his administration commitment to continue talks with the self-declared state of Somaliland saying his government will do all in its possession to achieve a fruitful outcome. He urged the members of the parliament to speed up the approval of the significant bills in front of the chamber for assent. View the full article
  19. (SLT-Washington)Aqalka Pentagonka ee looga taliyo militariga dalka Maraykanka ayaa ansixiyay lacag dhan $1 bilyan oo doolar oo ka mid ahaa miisaaniyadda ciidanka in loo leexiyo dhanka dhismaha gidaarka uu ku taahayo madaxweyne Donald Trump. Lacagtan ayaa ah tii ugu horeysay oo la heley tan iyo intii madaxweynaha uu ku dhowaaqay xaaladda degdegta ah si uu u hareer maro xanibaadda ka haysata Aqalka Congress-ka ee ku saabsan lacagaha gidaarka. Xildhibaanada xisbiga dimoqoraadiga ayaa kasoo horjeedsaday go’aankan, balse ma jirto meel ay hadda wax ka qaban karaan. Lacagta hadda la heley kuma wada filna in ay gidaarka dhisto, kaliya waxaa lagu oodayaa 91km oo loo arkay in ay yihiin goobo halistoodu badantahay oo la sheegay in daroogada iyo dambiilayaasha ay kasoo talaabaan. Xoghayaha difaaca Maraykanka Patrick Shanahan ayaa qalinka ku duugay lacagta cusub, isaga oo faray injineerada ciidamada in ay bilaabaan qorsheynta dhismaha. Guddoomiyaha guddiga difaaca Aqalka Congress-ka Adam Smith ayaa sheegay in aanan guddiga lagala tashan arrinkan, islamarkaasna uu yahay mid sharci darro ah. Hase yeeshee warbaahinta Maraykanka ayaa ku waramaysa in weli ay jiraan murano xagga sharciga ah oo ka dhalan kara tallaabooyinka Trump. Kumanaan qof ayaa ka talaaba xudduuda sannad kasta Labada Aqal ee baarlamaanka Maraykanka ayaa labada cod ku diiday xaaladda degdega ah ee lasoo rogay, balse Trump ayaa isticmaalay codka diidmada qayaxan oo uu ku burinayo codka Aqalada, iyada oo Aqalka Sare la heli waayay codkii loo baahnaa in lagu buriyo Codka Diidmada Qayaxan ee uu Trump isticmaalay. Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in maanta “aan la furin kulankii golaha shacabka Soomaaliya”, balse la furay “golahii hanuuninta dadweynaha ee la dhihi jirey xilligii kacaanka “orientation”. Qoraal uu Fiqi soo dhigay facebook, hoos ka aqriso. GOLAHEE LA FUREY? Waxaa shaki iga galey golaha la yiri maantay waa la furey! Ma Golaha shacabkaa mise golahii hanuuninta dadweynaha ee la dhihi jirey xilligii kacaanka “orientation”. Kooxo fanaaniin qaadaya heeso lagu ammaanayo madaxweynaha, ayna u ekaysiinayaan mid asagu dadka iyo dalkaba iska leh, cid aan asaga aheyna aysanba jirinba, Dumar duruufi ka muuqatay oo boqolaal ah oo halkudhigyadii kacaanka ku dhawaaqayey, kooxo baanbay ah oo ayaguna xoogaa markii khudbadda uu wadaba dhexgelinayey muusiko xusuusteedu noo celinayso ayaama-zamaan, khudbooyin ammaan u badan oo guddoonada barlamaanada gobolada la soo dhexmarsaday!! Waxaa intaas dheerayd kuraastii xildhibaanada loogu talagalay oo shacab laga soo buuxiyey, kuwaasoo sacabka ku kaalmaynayay marka madaxweynuhu dhowr kalimo uu yiraahdaba! Iyo yaab iyo la yaabyo kale!! Uma ekeyn munaasabad maamulkeeda uu barlamaanku gacanta ku hayey, adduunka barlamaanadiisana mid noocaas loo furana ma jiro, mana dhacdo barlamaan dal furistiisa in ay ka hor khudbeeyaan safiirro/wakiillo hey’ado ajnabi ah iyo in laga soo buuxiyo noocyada dadkaas aan kor ku soo sheegay! Cidna lagama daadejin karo in lagu yabooho in mustaqbal wanaagsan la tiigsanaayo ayadoo habdhaqan faraha looga soo gubtey la soo noolaynayo ama uu nala fiican yahay! Guddoonka golaha shacabka waxaan ka codsanaynaa in “munaasabadaha furista golaha shacabka habraac iyo hab maamuus gaar ah loo sameeyo” si barlamaanka loogu ekeysiiyo mid ka jira dal dimuqraadi ah, oo aan dhiiragalinayn habdhaqanka kali-talisnimada, shaqada iyo karaamada barlamaankana laga ilaaliyo in la dhigo meel hoosaysa.
  21. BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B) SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA 1-MUSUQ MAASUQ MAAHUUN,MAAL QUDHOO LA XADAYEE. WUU MAADOYIN BADANYO,MUNAAFAQADIYO BEENTIYO, MANEENADA DHAMAANIYO,MARMARSIINIYO DOONKIYO, MALDAHAAD QARSOODIGA,LABA RUUX ISDABA MARIN. 2-MAXKAMADA DAR JOOGO,MARAGA BEENAH FURAYON, MAWLAHOOD KA BAQAHAYN,MUSUQAWGU DAROONO, MURTADIINABA BADAN,MALAGOODA QAADOO, JEEL HA LAGU MAQIIQOO,MIDNAYAN LAGAGA TEGIN. 3-MAAMULAHA TAHRIIBKEE,MA GAFAHA WAKIIL U AH, TAAJIR MAAL KA BUUXON,MASAAKIINTA EEGGAYN, MARWO GURIGA DIIDOO,KA MAQNAATA UBADKIYO, MASUUL LOO HANWEYNA,MACANAASAYAA JIRA. 4-MUDANAYAAL LA DOORTO,MIIQ AAN DUN GELINAYN MIYI IYO MAAGAALABA,MUSUQMAASUQ WUU KA BUUXA, MEERSYO QAAR DAREERSHOO,,MIJIN QAADA DOONTOO, MAALKIISIINA BAYLAHAY,MEELABA LAGU HALAYN KARIN. 5-MAQANE JOOGAYAALAAN.MAATIDOODA WAR U HAYN, MURAN IYO QABYAALADI,AY MADAX MARTAA BADAN, MELEFSIYUUN KU NOOLOON,SHAQO MEEL U AADAYN, MUSUQMAASUQ WAA KAAS,WAANA MEHERADEENII. ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH. Source
  22. Dimuqraadiyadii dawladnimada JSL waysaqiirtay oo way liinbaxady mar hadii 3-dii goleee kala ahaa Golaha Baarlamaanka, Golaha Guurtida iyo Golaha Degaanku ay sadexdooduba waqtigii la doortay iyo maandheytkoodiiba uu dhamaaday oo ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan.Marxaladan aynu ku jirnaawaa marxaladaad xasaasi u ah taa soo uu maraayo geeddigeennii dimuqraadiyadeed ee ummadeed ee aynu naf-hurka la yaabka leh u soo samaynay.Boowe ! Hadii goleyaashaxeerdejintu ay noqdaan Goleyaal ku fadhiya mudo kordhin go’aanada masiiriga ah ee ay gaadhaan muxuu noqonayaa ?Xeerarka iyo Xeegaanada ay curiyaan side loo aaminayaa ? Golihii Guurtidu iyanawaxay noqdeen dhaxaltooyo, markaa bal kuraas dhaxaltooyo ah iyo Dimuqraadiyada aynu sheeganaynaasidey isu qabanayaan ?? Cajiib !! Talow goorma ayaa la dejinayaa reerkan daalay ee raranka saaranee raadkiisii dib u sii raacaya ee Somalilaan? Jihadee ay Somaalilaan maanta u socotaa ? Jawaabtu waxay noqonaysaaJUG -JUG oo meeshaada joog. Bal ka warama – Golaha Baarlamaanka Somalilaan waxaa la doortay 28/9/2005si ay 5 sanadood oo keliya kuraastaugu fadhiyaanwaxaana ay mudo dhaafeen8 sanadood iyo badh.Golaha Guurtida Soomalilaanwaxaa la doortay 1997si ay kuraastaugu fadhiyaan 6 sandood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 21 sanadood oo dhaxaltooyo ayey kuraastoodu iska noqotay. Golaha Degaanka Somalilaan waxaa la doortay Nofember 2012in ay kuraasta ku fadhiyaan 5 sanadood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 2 sandood oo wax yar dhiman. Somalilaan waxay soo jirtay 28 sanadood. Mudadaana waxaa ku qabsoomayin ka badansaddex doorasho madaxweyne, laba gole deegaan iyo mid baarlamaan oo dhamaantood ku qabsoomay sidimuqraadiudhawmarka la barbar dhigo dalalka jaarka aynu nahay sida Kenya.doorashooyinkaasi waxay Somalilaan u soo jiideensumcad iyomaamuus uu caalamku kumajeertay inaySomalilaan tahaydal dimuqraadi ah oo soo koraaya. Sideedaba Doorashooyinku ama doorashadu waa xuquuq aasaasi ah, caalamka oo dhana doorashooyinka mudooyinka loo cayimay ayaa lagu qabtaa, si xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinkaloo ilaaliyo, waayo muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la doorto isna wax doorto markaa waa in la ilaaliyaa xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka wax dooranaaya ama la dooranaayo. Saadaasha tabaniwaxay u muuqataa maanta in doorashooyinku mar kale dib u dhacayaan oo Goleyaasha mudo kale loo sii kordhinaayo taas oodhiig bax ku noqonaysa Dimuqraadiyada curdinka ee Somalilaan higsanayso.Hadii Doorashooyinka Somalilaan ay sanadkan 13/12/ 2019 dib uga dhacaan Sumacadii Somalilaan god madow ayey ku shalwan doontaa caalamkuma dhaqaalihii uu doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta ku bixin jiray wuu la noqon doonaa. Maadaama Sababta ugu weyn ee Doorashooyinku dib ugu dhaceen aytahay Xeerarka cakiran ee Saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka oo mudo dheeraycurinwaayeengolaha baarlamaanku, waa in madaxweynuhu arintaa soo fara geliyaa oogeesinimo iyo go’aan adag ka qaataa si doorashadu ugu qabsoonto mudadii loo cayimay oo ah dhamaadka sanadkan 2019. Guntii iyo Gebagebo – Waxaa Caqliga Saliimka ahi ku siinayaa in aanay marnaDoorasho ku dhacayn 13-ka maalmood ee u dhaxeeya muddada Komishinka Doorashooyinka xilkoodu ku dhamaanayo oo ah 29/11/2019 iyo mudada looasteeyey in Doorashaduqabsoonto oo ah 13/12/2019 Sidaa daraadeed waxaa Xukuumada laga rabaa in ay iswaafajiso Siyaasada casriga ah iyo dhaqanka Somalilaan oo doorashada waqtigeeda ku qabato. Waa inxukuumadu xalisaa xurgufta siyaasadeed ee maanta taagan, taana waxaa u fududeynaaya iyada oo Dastuurka furta si wixii xeerar iyo xeegaanoqabyo ahkaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo oo loo kobciyo loona koolkooliyo qaangaadhnimada Dimuqraadiyada curdinka ah ee Somalilaan. Allaa Mahad iyo Mudnaanba LehWa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London inafidhinle@gmail.com Source
  23. Waxaa xalay la gubey xaruntii Shirkadda Hormuud Telecom ee Tuulada Jaldeys oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose. Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay duqeynta, waxaase burburay Dhismihii shirkadda & dhammaan Agabkii isgaarsiineed ee ay ku shaqeyneysay xaruntu oo ka koobnaa Dhismo, BTS, Links, Motors iyo agabkii kale ee site-ka yiilay. Waxaa sidoo kale waxyeello xooggan soo gaartay Taawarrada labada ah ee halkaa ka dhisnaa iyo Taawarrada Shirkado kale. Waxaana hadda hawada ka maqan isgaarsiintii Dhoobley, Jaldeys, Diif iyo 7 Site oo ka tirsan magaalada Dhoobley & Tuulooyinka hoos yimaada. Ciidanka Kenya waxay Saldhigga ugu weyn Gobollada Jubbooyinka ku leeyihiin Tuulada Taabta oo ka tirsan isla Degmada Afmadow, una dhow Xarunta la gubey ee shirkadda Hormuud. Arbacadii la soo dhaaafay oo ku beegan March 20, 2019 ayaa ciidanka kenya oo isticmaalaya Helicopters Gunship waxay duqeeyeen Xarunta Shirkadda Hormuud ee Xiiso-Uguur oo ka tirsan Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo, taasoo ka dhigan in muddo usbuuc ah ay ciidanka Kenya ay fuliyeen duqeyntii 2aad. Ujeeddada ay ciidanka Kenya ka leeyihiin burburinta xarumaha isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in ay tahay in ay isgaarsiin la’aan dhigaan dhammaan magaalooyinka waaweyn ee xudduudda u dhow sida: Dhoobley, Beledxaawo & Ceelwaaq. Ciidanka Kenya ayaa horay u burburiyey xarumo ay leedahay shirkadda Hormuud oo kala ah: CaliBuley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo ka wada tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo. Source: goobjoog.com