-
Content Count
211,194 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi 24 March 2019 Shir-guddoonka iyo Mudanayaasha labada Gole ee sharafta leh, Mudanayaal, Maanta oo ay Xukuumaddu xilka haysay sannad, saddex bilood iyo maalmo, waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago xaaladda guud ee dalka, wixii innoo qabsoomay, iyada oo halbeegeenu yahay qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP II) iyo Barnaamijkii Xisbigu ku galay tartanka doorashada. Waxa kale oo aynu isla eegi doonaa hawlaha inna horyaalla ee mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba ah. Waxaynu ku nool-nahay adduun isbedelka, horumarka iyo aqoontu dheeraynayaan. Isbedelkaasi wuxuu saameyn togan iyo tu tabanba ku leeyahay nolosheena. Wuxuu saameynayaa habka aadmigu u fikiro iyo habka loo adeegsado aqoonta casriga ah. Wuxuu xoojinayaa oo kobcinayaa dhaqaalaha, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah. Isbedelkani wuxuu leeyahay dhinacyo taban, waxaana ka mid, wuxuu abuuraa bulsho ku kala fogaata dhinaca dhaqaalaha, aqoonta iyo dhaqankaba. Tiknoolajiyadda cusubi waxay baabiinaysaa hab-nololeedka inta badan bulshooyinka kala duwan ee adduunka, isla markaana wuxuu keenaa isbeddel cimillo oo horseeda abaaro, duufaano iyo roobab wakhtigoodii seega. Arrinkani wuxuu inna farayaa in aynu xoogga saarno ka fikirka mustaqbalka fog. Guulaha aynu maanta gaadhnay waxaynu ku hannanay; gar-gaar Eebe ka sokow, – Awooddeena Qaran oo isku duuban, – Rajadeena oo sarraysa, – Hanka iyo himilladeena fog, – Ilaalinta gobonnimadeena, – iyo ku dhaqanka sharciga dalka. Mudanayaal, Adduunku waa tiro sagaal ah oo ma tobnoobo. Guulahaa aynu gaadhnay waxa garab socda dhinacyo wax-ka-qabasho u baahan, in kasta oo aynu dadaalnay, wali waxa innoo qabyo ah: – Joojinta xaalufinta deegaanka, – Hoos u dhigga Shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyarada, iyada oo la dardargelinayo mashaariicda iyo warshadaha dhismahoodu muddada jiitamayey. – Ka hortaga Xannafaha ka dhasha doorashooyinka. – Iyo ka hortaga haggar daamooyinka caddowga Somaliland. Haddaba, is waydiintu waxay tahay, sidee baynu u waajahaynaa mustqabalkeena? Ma innaga oo isku duuban, isku kalsoon, iskaashanayna oo isku dulqaadanayna? mise innaga oo is khilaafsan, ka hirdamayna gudaheena oo kala xantaysanaya? Waxay ila tahay, danteenu waxay ku jirtaa innaga oo isku duubnaanna oo xoogga saarna nabadda, horumarka dalkeena oo dhinacyo badan leh iyo u diyaar garowga duruufaha ina horyaal, ee isbedelka cimilladu ka mid tahay. Xukuumadda aan odayga ka ahay, iyada oo ka duulaysa aragtidaa guud ee mustaqbalka, waxay muddadii ay xilka haysay qaaday tallaabooyinka soo socda: Nabadda – Waxa la sameeyey wacyigalin ballaadhan oo shacabka lagu dhiirinayo nabad-ku-wada noolaanshaha, si-dhex-galka, iskaashiga iyo ka wada shaqeynta amniga iyo danta guud ee Qaranka. – Waxa tababarro is daba joog ah la siiyey Ciidammada kala duwan iyo Garsoorka. – Waxa la kordhiyey daryeelka iyo dhaqaalaha Ciidanka 36%. – Waxa si xoog leh kor loogu qaaday qalabka iyo saannadda Ciidanka, si ay awood buuxda ugu yeelan karaan sugidda amniga iyo difaaca dalka. – Waxa la diyaariyey oo Golayaasha horyaalla, Xeerka Xaq-siinta iyo Hawl-gabka Ciidammada Qalabka-sida, si loo sugo xuquuqda iyo daryeelka Ciidanka. – Sidoo kale, waxa la kordhiyey 35% daryeelka iyo dhaqaalaha bahda Garsoorka, si kor loogu soo qaado haybadda iyo maamuuska ay mudan yihiin bahda Garsoorku. – Maamul-wanaaggu waa laf-dhabarta hufnaanta maamulka iyo daahfurnaanta dawladda. Si loo hubiyo tirada Hantida Dawladda, waxa la diiwaan-galiyey tiro badan oo ah hanti ma guurto ah oo gaadhaysa 4,268 dhismayaal dawladdu leedahay ah. – Waxa dib loo qaabeeyey nidaamka iyo daah-furnaanta tartanka qandaraasyada dawladdu bixiso. Ilaa hadda waxa ay dawladdu bixisay 135 qandaraas oo dhammaantood loogu tartamay si daahfuran. Tartamayaashii qandaraasyadu waxay ka marag kaceen xilkasnimada, dhexdhexaadnimada iyo hufnaanta shaqada Xubnaha Guddida Qandaraasyada Qaranka. – Si loo xoojiyo isku xidhnaanta Dawladda, waxa wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka Is-Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka – Xeer Lambar 23/2002. Xeerkani waxa uu dib u habaynayaa adeegyada ay bixiyaan maamullada Gobollada iyo Degmooyinku. Waxaannu ku waajibinayaa masuuliyad dheeri ah maamulka degmooyinka dalka. Waxa uu tashiilayaa dhaqaalaha Golayaasha Dawladaha Hoose, si loo kordhiyo adeegga gaadhaya muwaadinka cashuur bixiyaha ah. Mudanayaal, In kasta oo aynu xagga Amniga ka qaadnay tallaabooyinka kor ku xusan, haddana weli waxa jira hawlo u baahan wax-ka-qabasho: – Colaadaha iyo xurgufta beelaysan ee ka dhex dhaca bulshooyinka wada dega deegaannada iyo Gobollada dalka. – Waxaan ku talinayaa in dhammaanteen aynu xoogga isugu gayno sidii loo joojin lahaa xurgufaha beelaysan. Xurgufahani waxay innagu hayaan dhimasho badan, khasaare dhaqaale iyo kala fogaanshaha dadka walaala ah, taas oo keenaysa dib-u-dhac weyn. Ma suurtoobayso in aynu sameyno horumar, caafimaad iyo waxbarasho wanaagsan iyo in aynu maalin walba ku jirno gurmad ciidan iyo gurmad culimo kala joojinaya beelo is dilaya iyo Xukuumad iyo Guurti damin colaadeed ku foogan. – Shaqo la’aanta dhallinyaradu waxay halis ku tahay amniga dalka. Waxa abuurmay kooxo dhallinyaro ah oo ku kaca fal-dambiyeedyo ay ka mid yihiin isticmaalka mukhaadaraadka, taas oo kordhisay shilalka iyo dambiyadda ka dhaca dalka. – Xukuumad ahaan waxaannu wadnaa qorshayaal badan oo lagaga hortagayo dambiyada dhallinyaradu ku kacaan, balse waxaannu ku boorinayaa waalidiinta, culimada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka in aynu ka wada shaqeyno sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada. 1.2. Adeegga Bulshada Mudanayaal, Xukuumadda waxaynu u dhisannay oo awood fulineed loo siiyey in ay hubiso in muwaadinku helo adeegyada bulshada ee ay ka midka yihiin, cunto, biyo, caafimaad, waxbarasho iyo shaqo abuur. A. Caafimaadka Xukuumaddu waxa ay siisay ahmiyad ballaadhan horumarinta caafimaadka iyo dib u qaabeynta adeegga caafimaadka ee ay bixiyaan cusbitaallada dalku. Sannadkii la soo dhaafay ee 2018-kii: – Waxa dib loo furay ama la dhisay 65 xarumo caafimaad oo cusub oo qabanaya daryeelka hooyooyinka iyo dhallaanka. – Waxa qalab caafimaad oo kala duwan lagu kordhiyey cusbitaallada magaalooyinka Laascaanood, Ceerigaabo, Burco, Ceel-afweyn, Buuhoodle, Oodweyne, Gabiley, Berbera, Boorama iyo Xarrunta TB ee Hargeysa. – Waxa cudurrada faafa laga tallaalay 659,000 caruurta da’doodu ka hoosayso 5 jirka oo kala jooga gobollada dalka. – Dadaalka loogu jiro kor u qaadista adeegga caafimaadku, waxa uu kor u qaaday kalsoonida ay shacabku ku qabaan adeegyadda caafimaad ee ay bixiyaan cusbitaallada dalkeenu. Tiradda dadka isticmaala adeegyadda caafimaad ee dalku waxay korodhay 31%. – Waxa la curiyey Siyaasadda Guud ee Caafimaadka dalka iyo Siyaasadda Maareynta iyo Maamulka Caafimaadka Dhimirka. B. Waxbarashada Xukuumaddu waxay aaminsan tahay in waxbarashadu tahay furaha horumarka iyo iftiinka nolosha. Sidaas darteed, waxaannu xoogga saarnay dib u habeynta iyo tayeynta waxbarashada dalka. – Waxa 20% la kordhiyey mushaharka iyo gunnada Macallimiinta Dugsiyada Dawladda. – Waxa markii ugu horraysay la furay Dugsiga Tababarka Macallimiinta Qaranka, si kor loogu qaado tayada Macallimiinta dalka. – Waxaannu hirgelinay Siyaasadda ah ‘Arday Kastaa ha helo Buugaagta Manhajka waxbarashada.’ Waxaana la qaybiyey 1,200,000 oo buug oo la gaadhsiiyey ardayda gobollada oo tiradoodu dhantahay 154,000 arday. – Waxa Gobollada dalka laga dhisay 27 dugsi oo cusub, si loo ballaadhiyo fursadaha helitaanka waxbarashada dhallinyaradda. – Waxa 22% la kordhiyey dugsiyada Reer Guuraaga ee leh barnaamijka Quudinta Carruurta, waxaanay hadda tiradoodu gaadhaysaa 276 dugsi, isla markaana, waxa dib loo dayactiray ama la qalabeeyey 46 dugsi oo ah dugsiyada quudinta. – Waxaannu gunno iyo mushahar u bilownay macallimiin gaadhaysa 1,354 macallin oo kala jooga Gobollada dalka. – Waxa deeq-waxbarasho dibadeed loo diray arday gaadhaysa 382 arday oo ka kala yimi dhammaan Gobollada dalka. C. Biyaha Biyuhu waa nolosha aadamaha iyo astaanta koowaad ee horumarka, iyada oo taa laga duulayo, waxa dadaal la galiyey ballaadhinta biyo-galinta magaalooyinka iyo biyo gaadhsiinta miyiga. • Waxa muddo dheer la waday sidii biyo ku filan loogu heli lahaa caasimadda, hawshaasi oo ay innaga kaabayaan dawladdo iyo hay’ado dibadeed, kuna baxday dhaqaale ka badan 60 milyan, hadda wuxuu marayaa qeybtii ugu dambaysay. • Waxa la dhammaystiray dhuumihii biyaha ka soo qaadayey Xarunta Biyo-soo-saarka Geedeeble ee keenayey magaalada oo dhererkoodu yahay 23KM. • Waxa la kordhiyey ceelashii biyo-soo-saarka Geedeeble 21%. • Waxa hadda dhismaheedii iyo qalabeynteedii socotaa Xaruntii Mishiinnada biyo-soo-saarka ee Geedeeble. Kala sarraynta dhulka darteed, waxa loo baahday dab-dhalliyayaal iyo bambooyin awood badan leh oo soo gaadhsiiya biyaha Magaalada Hargeysa. • Waxa la dhisay 4 kayd biyood oo yar yar, haddana waxa la bilaabay 4 kayd biyood oo waaweyn iyo nidaamkii biyo galinta magaalada oo la dhigi doono magaalada gudaheeda qasabado dhererkoodu gaadhayaan 162 KM. • Waxa kale oo la dhisi doonaa ama dayactir lagu sameyn doonaa 503 Kaalmood oo ay biyaha ka dhaansan doonaan xaafadaha dan-yarta ee Hargeysa. • Iyada oo laga duulayo tirada dadweynaha Caasimada ee sii kordhaya, waxa qorshaysan in 42% la kordhiyo biyo-soo-saarka labada sanno ee soo socda. • Mudanayaal, qorshaha biyaha Hargeysa maaha ‘Faannoole fari kama qodna’, balse waxaynu ku tiirsannahay taageero dibadeed oo dhibteeda iyo jiitankeeda leh. Waa hubaal in Qaranku haysto dhaqaale ku filan biyaha Magaalada Hargeysa, laakiin waxaynu u baahanahay in Ilaahay inna garan siiyo awooddeena. • Waxa laga qoday gobollada dalka 27 Ceel oo dhaadheer iyo 80 ballay sannadkii tagay, si loo xoojiyo biyo gaadhsiinta deegaannada miyiga ah. • Waxa war-war leh biyo yaraanta magaalooyinka waaweyn, oo shacabka ku nooli sii kordhayo. Waxaan faray Wasaaradda Horumarinta Biyaha in laga sameeyo magaalooyinkaas biyo-sahamin ballaadhan, si loogu helo biyo ku filan. D. Dhallinyarada iyo shaqo abuurka Dhismaha mustaqbalka dhallinyaradu, waa dhismaha mustqabalka iyo quruxda Qarankeena. Xukuumaddu iyada oo ogsoon muhiimadda dhismaha dhallinyaradu u leeyahay Qaranka: – Waxa la abuuray Barnaamijka Shaqo-abuurka dhallinyarada ee Shaqo Qaran. Waa barnaamij shaqo u abuuraya 1,500 oo dhallinyaro ah oo ka soo gala jeeda dhammaan gobollada dalka. Dhallinyaradaas waxa ka mid ah 500 oo hablood. Waa barnaamij ujeeddadiisu tahay is-dhex-galka dhallinyarada, dhismaha waddan-jacaylka, akhlaaqiyaadka wanaagsan ee shaqada iyo difaaca madaniga ah ee dalka. – Waa barnaamij loogu talo-galay in dhallinyarada quluubtooda lagaga sifeeyo qabyaaladda iyo gobolaysiga, una diyaarino in ay hagaan Somaliland mid ah, kuna shaqeeyaan garaad aaminsan Sinnaan iyo Qaranimo. – Waxa kale oo dhallinyarada fursad loo siiyay iyaga oo gobolkooda jooga in ay si xor ah ugu tartamaan 300 oo shaqo oo cusub oo ay Dawladdu baahisay, 90 ka mid ah dhallinyaradaa shaqada heshay waa hablo. – Tirada guud ee dhallinyarada shaqo abuurka Xukuumaddu u sameysay waa 1,800 oo dhallinyaro ah. Waxaan dareensanahay in ay tahay tiro aad u yar marka loo eego tirada guud ee dhallinyarada dalka, waxase i farxad gelinaysa in ay shaqo galeen, iyaga oo aanay cidna gacan qaban, balse kartidooda iyo aqoontooda aaminay iyo yuhuunta wanaagsan ee ay abuurtay tallaabadaasi. – Mudanayaal, far keliyi fool ma dhaqdo, barnaamijkan oo miisaankiisa iyo muhiimaddiisa u leh Qaranka, wuxuu ku kaliyeystay ilaa hadda Xukuumadda. Waxaan ku talinayaa in Qaranku ka wada qeyb qaato shaqo gelinta dhallinyarada iyo socodsiinta barnaamijka Shaqo Qaran. 1.3. Dhaqaalaha Dhaqaaluhu waa saldhiga horumarka ee dal kasta oo dunida ku yaal. Dhaqaale la’aan horumar lama gaadho. Haddaba, iyadoo taas laga duulayo, waxay xukuumaddu u tafaxaydatay sidii dhaqaaalaha dalka loo kobcin lahaa innagoo isku tashanayna. Waxay xukuumaddu xoog saartay wax-soo-saarka Beeraha, Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka dhulka hoostiisa ku duuggan. A. Beeraha Dhanka beeraha waxa la xoojiyey beeridda dalagyada kala duwan ee banka Wajaale, Beer iyo Xaaxi. Si loo dhiirrigaliyo wax-soo-saarka beeraha, loona beegsado isku filnaansho dhinaca wax-soo-saarka ah mustaqbalka: • Waxa la beeray 2,300 Hector oo ku kala yaalla Xaaxi, Beer iyo Wajaale. • Waxa la siiyey cagafyo ay beeraha ku qotaan deegaannada Gatiitalay iyo Oodweyne. • Waxaan bogaadinayaa shacab weynaha u jeestay, dadaalkana geliyey wax-soo-saarka beeraha. Sannadkan gobollada dalka oo dhan waxa laga hirgeliyey beero cusub oo qaarkood u shaqeeyaan hab casri ah (Green House). • Waxaan sidoo kale ammaanayaa in sannadkan beeralayda dalkeenu soo saareen khudrad aad u badan oo ugu yaraan 70% ku filan baahida suuqa khudaarta ee dalka. B. Xoolaha Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalkeena, in badan oo dadkeena ahina waxay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool. – Haddaba, si loo daryeelo caafimaadka xoolaheena, waxa la talaalay 3 milyan oo neef oo ay ka faa’iidaysteen qoysas badan. Sidoo kale, waxa xannuuno kala duwan laga daaweeyey in ka badan 2 milyan oo neef oo kala jooga Gobollada dalkeena. – Waxa lagu dadaalay sidii xoolaha dalkeena loogu heli lahaa suuqyo dibadeed, si loo dhiirrigeliyo dhoofka xoolaha. In kasta oo dedaalkaasi aannu weli midho-dhalin, haddana, xukuumaddu ka daali mayso in ay ka jibbo keento arrintaa. – Xukuumaddu waxay dadaal xoog leh gelisay sidii loo suurtagalin lahaa in xooluhu helaan seerayaal iyo dhul daaqeen ay ku bad-baadaan xilliyada abaaraha iyo baad yaraanta. C. Kalluumaysiga Kalluunku waa khayraad sidii la rabay aynaan uga faa’iidaysan, waxaase hadda socda qorshayaal ay Xukuumaddu ku dhiirrigelinayso in kalluunku ka helo saami wanaagsan suuqyada dalkeena iyo kuwa jaarkaba, lana taageero ganacsatada ku hawlan kalluumaysiga. • Waxa loo qaybiyey qaboojiyayaal oo waaweyn Magaalooyinka Maydh, Laas-qoray, Bulla-xaar, Berbera, Saylac iyo Burco. Arrintani waxay wax ka tartay wax soo saarka iyo dabashada kalluunka. Sidaa awgeed, xaddiga kalluunkii la soo dabtay sannadkii tagay wuxuu kor ugu kacay 2,000 tan. E. Maamulka Suuqa Sarifka Lacagaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Suuqa Sarrifka Lacagaha oo iskaashanaya, una adeegaya danta Qaranka waxa ay awood u yeesheen in ay sicir-bararka hoos uga soo dhigaan 19.2%, gaadhsiiyaana 7.7%. Waxa sidoo kale la suurtageliyey in qiimaha sarrifka Shillin ka Somaliland uu kor u kaco 15%. Kor-u-kacani waxa uu daganaansho lacageed galiyey suuqyada lacagaha ee dalkeena. 1.4. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Mudanayaal, Kaabayaasha dhaqaalaha, sida Waddooyinka, Dekadaha iyo Garoomada diyaaraduhu, waxay qeyb weyn ka qaataan horumarka iyo koboca dhaqaalaha dalka. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxay muhiimad gaar ah siisay horumarinta iyo casriyeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. • Waxa la bixiyey qandaraaskii shirkaddii dhisi lahayd Dekedda, waxaanna la bilaabay dhismihii ballaadhinta iyo casriyenta Dekedda weyn ee Berbera. • Waxa bilaabmay dhismaha jidka hal-bowlaha u ah ganacsiga innaga dhexeeya dalalka aynu jaarka nahay, gaar ahaan Ethiopia ee Berbera Corridor. Waxa mudnaanta la siiyey dhismayaasha biriishyada, waxaana la dhagax-dhigay biriishkii ugu horreeyey oo ah Dacar-budhuq. Dhismaha jidkaasi waxa uu qaadan doonaa muddo laba sanno ah. Waa jid weyn oo aannu hiigsanayno in uu kaalin muhiim ah ka qaato is-dhex-galka dhaqaale iyo bulsho ee Gobolka Geeska Afrika. • Waxa la dhisay muddadii sannadka ahayd 66 KM oo ka mid ah Waddada Ceerigaabo. • Waxa dayactir lagu sameeyey 80 KM oo ka mid ah waddooyinka isku xidha Hargeysa iyo Burco, Hargeysa iyo Kala-baydh, Laascaanood iyo Tukaraq; • Waxa hadda dhismihiisa la wadaa 60 KM oo ah waddada isku xidha Hargeysa iyo Kalabaydh. • Waxa dib loo dayac-tiray Biriishyada kala ah Xamaas, Geel-lookor iyo biriishka dooxa Cabaad-weyne. • Waxa dhismihiisu socdaa Biriishka isku xidha Magaalada Boorama iyo Jaamacadda caanka ah ee Camuud. • Waxa la casriyeeyey nidaamka waddo marista gaadiidka, nidaamka qaadashada liisamada iyo taarikada gaadiidka intaba. 1.5. Abaaraha iyo Isbedelka Cimillada Isbeddelka Cimillada adduunku waa xaqiiqo raadkeedu ka muuqdo dalkeena. Waxa markhaati u ah abaaraha ku soo noq-noqday dalkeena iyo roob yaraanta. Arrintaasi waxay saameyn ku yeelatay hab nololeedkii dadka, duunyada iyo deegaanka. – Xukuumaddu waxa ay gurmad ka gashay dhibaatooyinkii ay keeneen duufaantii Sagar iyo raadadkii ay reebeen abaaruhu. – Xukuumaddu waxay raashin iyo biyo gaadhsiisay in ka badan 245,000 qoys, una dhiganta 1,200,000 oo qof oo abaaruhu saameeyeen. – Xukuumadda oo kaashanaysa Beesha Caalamka, waxa ay sidoo kale gaadhsiisay gar-gaar 431,000 qoys, una dhiganta in ka badan 2,000,000 oo qof. Gargaarkaas oo lacag ahaan u dhigma 20 milyan oo doollar. – Dadkii ku caydhoobay duufaantii Sagar, Xukuumaddu waxay gaadhsiisay 9,000 neef oo adhi ah. – Waxa dib u xoolayn loo sameeyey 1,337 qoys oo ku caydhoobay abaarihii ka dhacay Dalka. – Sidoo kale, Xukuumaddu iyada oo ka hortagaysa nabaad-guurka iyo xaalufka deegaanka, waxay bilowday mashruuca dhir beerista, waxaanay sannadkii tagay beertay 25,000 geed, waxaanay 15 April ee sannad kasta u astaysay in ay noqoto maalinta Xuska Deegaanka Jamhuuriyadda Somaliland. – Waxaan ku boorinaynaa, si aynu u hakino xawliga xaalufka iyo nabaad guurku ku socdo, in gobol kastaa ugu yaraan beero 30,000 geed. Cimillada adduunka ee isbeddelaysa, abaaraha iyo roob yaraantu waa dhibaato ka awood badan bani’aadamka. Waxa maanta dalkeena u baahan gar-gaar deg-deg ah in ka badan 1.5 Milyan qof. – Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa Qaranka Somaliland, Dawlad iyo shacabba in aynu isku tashanno, una gurmanno dadkeena dhibaatadu hayso. 1.6. Doorashooyinka Mudanayaal, Sida aad la socotaan, Dastuurkeenu waxa uu inna farayaa in shantii sannaba mar la doorto Golayaasha Qaranka – Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-igeenka, Golayaasha Sharci-dejinta iyo Golayaasha Deegaanka. Sidaa darteed, xukuumaddu waxay u hogaansan tahay sida uu farayo Dastuurka Qaranku. 1.7. Siyaasada Arrimaha Dibada Walaalayaal, Siyaasadda Arrimaha Dibeddu waxay ku dhisan tahay nabad-gelyo, daris-wanaag iyo iskaashi dhex-mara dalalka Gobolka iyo Caalamka, intaba. Si aynu u adkayno seeska iyo xaqiijinta siyaasaddaas, waxa bud-dhig u ah saddex tiir oo kala ah: 1) Ictiraaf-raadinta. 2) Kasbashada taageero dhaqaale oo caalami ah oo loo helo dib-u-dhiska dalka. 3) Iskaashiga, is-qadarinta iyo nabad-ku-wada noolaanshaha dalalka dariska ah iyo guud ahaan caalamka. Ictiraaf raadinta. Waxaannu xidhiidho badan la sameynay dalalka caalamka, kuwa innala saaxiibka ah, kuwa ka soo horjeeda qaddiyaddeena iyo kuwa labadaa dhexdooda taagan intaba. Waxaannu kulamo hawleedyo muhiim ah la yeelanay aqoon-yahanno, siyaasiyiin iyo diblumaasiyiin caalami ah oo taageera Somaliland, kuwaas oo keenay qoraallo muhiim ah iyo talooyin dhaxal gal ah. Waxaynu taageero diblumaasiyadeed ka helnay dalalka aynu saaxiibka nahay. Waxay ku qanciyeen badiba dalalka caalamka ugu tunka weyn leh in Somaliland taagan tahay wakhtigii Bulshada Caalamku dhexgeli lahayd dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Dawladda Turkiga ayaanu in badan wada hadalnay, iyada oo doonaysa in ay kalideed inna dhex-dhexaadiso innaga iyo Somalia. Hase yeeshee, annaga oo dareensan 7 sanno oo Turkigu arrintaa ku jiray in aanay wax midho ah dhallin, waxaannu ku talinnay in arrinta wada-hadalku ay noqoto mid ay goob-joog ka wada noqdaan dhammaan dawladaha iyo urrurada caalamiga ah ee arrinta wada-hadalka u diyaarka ah. Waxa si toos ah noola soo xidhiidhay dawladaha Sweden iyo Switzerland oo mid walba gaarkeeda diyaar ugu tahay in arrinta wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ay marti-geliso. Somaliland way aqbashay labadaa marti-qaadba. Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya. Annagu Xukuumad ahaan waxaannu qaadanay siyaasadda ah in mushkiladda loo galo si nabad ah oo lagu dhammeeyo wada- hadal iyo nabad-gelyo. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh, maadaama Somaliland ay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha. Siyaasaddaasi nabadeed ee aynu qaadanay waxay keentay in wufuud caalami ah oo badani innoo yimaadaan oo arrintaa ku hawlani. Sidoo kale, aynu martiqaadyo ka helnay dawladaha aynu saaxiibka nahay. Kasbashada taageero dhaqaale oo caalami ah oo loo helo dib u dhiska Dalka. Iyada oo la kaashanayo Bulshada Caalamka iyo Saaxiibada Somaliland taageera, waxa suurtagashay in Somaliland hesho taageero dhaqaale oo gaadhaysa ilaa 150 milyan oo doolar, oo loogu talo-galay horumarinta jidadka iyo mashaariicda horumarka ee uu fuliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland shanta sanno ee socda. Waxaannu qorshaynaynaa in Somaliland iyo Qaramada Midoobay yeeshaan nidaam iyo Qorshe u gaar ah Somaliland, oo ay Somaliland ku hesho saamiga saxda ah ee Deeqaha ay bixiso Qaramada Midoobay (Somaliland UN Special Arrangement), sida Bulshada Caalamkuba hore ugu sameysay Somaliland qorshaha gaar ah ee (Somaliland Special Arrangement). Qaramada Midoobayna waxaan ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan xaq-soorka iyo caddaaladda saamiga gar-gaarka ay bixiyaan. Iskaashiga, is-qadarinta iyo nabad-ku-wada noolaanshaha dalalka dariska ah iyo guud ahaan caalamka. Soomaaliya waxaynu xad ka leenahay maamul-goboleedka Puntland. Waxaannu u haynaa walaalnimo, iskaashi iyo nabad-gelyo. Waxaase maalmahan dambe soo kordhaya ciidamo maamulkaasi ah oo ka soo gudbaya Xadka inoo dhexeeya, falal nabad-gelyo darro ahna ka sameynaya gudaha Somaliland. Soomaaliya waxaannu ugu baaqaynaa in ay ka fogaadaan wixii nabad-gelyada iyo xasilloonida Gobolka wax yeelaya. Waxaannu ka digaynaa haddii waanadayada la weelayn waayo, in Dawladda Somaliland ay waajib ku tahay in ay ilaaliso nabadda iyo hantida muwaadiniinta Somaliland. Somaliland waxay diyaar u tahay in ay door weyn ka ciyaarto isbeddelka dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo bulsho ee ka socda Geeska Afrika. Hase yeeshee, Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran madax-bannaan oo weligii jiray, haddana jooga, kana jiri doona Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba. Waa Qaran ku leh qeybtiisa iyo miisaankiisa isbeddelka ka socda Gobolka Geeska Afrika. Cidda Somaliland iska indha-tirtaa, waxay xagal-daacinaysaa isbeddelka iyo horumarka uu beegsanayo Geeska Afrika, waxaanay si taban u saameyn doontaa horumarka iyo iskaashiga Gobolka. Geba-gabo Mudanayaal, Waxaynu nahay Qaran madaxbannaan oo leh dastuur shacabku u codeeyey, golayaasha Qaranna ku soo doorta cod shacbi (Qof iyo Hal Cod). Waa dimuqraadiyad dhif iyo naadir ku ah Afrika iyo in badan oo adduunka ah. Shacabka Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay u midoobaan danta Qaranka, ku fara adaygaan nabadgelyada, u dadaalaan horumarka, ka fekeraan mustaqbalka fog iyo aayaha ubadkooda, dariska iyo caalamkana kula noolaadaan nabad iyo iskaashi. Allaa Mahad Leh. Khudbadii Madaxweynaha Soomaaliya Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoonka Golaha Shacabka Ummadda Soomaaliyeed, Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, Guddoomiye K/xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guggoomiye Ku/xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaannada sharafta leh ee Golaha Shacabka, Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada, Danjirayaasha Iyo dhammaan martida kale ee sharafta leh, Kooxda Heegan, Baambayda iyo Bahda Saxaafadda, Assalaamu Caleykum Wa Raxmatullaah Wabarakaatuhu, Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin , Waxaa sharaf ii ah inaan maanta hortiinna imaado aniga oo gudanaya waajibaadkayga dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya. Dalka Soomaaliya wuxuu marayaa marxalad adag oo u baahan in Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dowlad iyo shacabba, ay gacmaha isu qabsadaan sidii ay u samatabixin lahaayeen dalkooda iyo dadkoodaba. Sidaad la socotaan, waxaan waqti dheer dagaal marxalado badan soo maray aan kula jirnay kooxaha argagaxisada ah oo mar walba u taagan inay daadiyaan dhiigga shacabka ummada Soomaaliyeed, waxayna usbuucan Muqdisho ku gumaadeen shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan iyo masuuliyiin uu kamid ahaa Alle ha u naxariistee Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla. Ilaahay waxaan ugu baryeynaa inuu intii shahiidday jannadii iyo naxariistiisii siiyo, inta dhawaacanytayna uu caafimaad buuxa siiyo. Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin, Dagaalkaani ma ahan mid aan annagu doorannay, laakiin waa mid aan ku qasbannahay, waana inaan ku guulaysannaa intay rabto ha nagu qaadato. Sidaas awgeed dowlad iyo shacabba waa inaan u midownaa sidii aan u tirtiri lahayn argagixisada caadaysatay daadinta dhiigga shacabka. Waxaa sidaan horey idiin kugu ballan qaaday oo naga go’an in aan siinno amniga ahmiyadda ugu wayn. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka oo ay la wadaagaan xogaha iyo dhaqdhaqaaqyada cadowga – argagixisada ah. Dalka wuxuu ku jiraa dagaal muddo ka badan 10 sano, dagaalkuna wuxuu wataa dhaqaale xumo, dhaawac badan iyo dhimasho. Waa inaan adkaysanno, waa inuu mooraalkeenu sarreeyo oo aan caradeenna ku wajahno cadowga, marna Shacabkeennu yeynan ogolaan in la qalbi-jabiyo. Ummadda Soomaliyeed wax badan ayaa la isku dayey in la qab-jabiyo oo ay is-dhiibaan, laakiin ma dhicin, waana diideen in ay is dhiibaan. Guusha waxaa leh shacabka Soomaaliyeed oo xaq u dirirka ah oo nabadda jecel, Cadowgu wuxuu marayaa meeshii ugu dambeysay markii lala barbardhigo meeshii ay joogeen 10 sano kahor, waxayna ku jiraan baqdin iyo ay ku dhuumaalaystaan shacabka dhexdiisa si ay u geystaan xasuuq cidna aysan u naxin- caruur iyo cirroolaba. Waxaan hubaa in aan ka guulaysan doonno cadowga. Guusha waxaa nooga hartay oo kaliya wakhti yar iyo adkaysi. Amnigu siyaasad ma galo waana masuuliyad wadareed, qof walba oo muwaadin ahna door ayuu ku leeyahay inta ay fdoonto hala ekaatee. Waxaa hubaal ah in shaqo badan looga baahan yahay dhinaca ammaanka iyo la dagaallanka argagixisada. Sidaa darteed, annagoo ku xisaabtamayna marxaladaha adag ee dalkeennu ku jiro dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo bulsha ahaanba, waxaan qorshaynay inaan isbeddello la taaban karo iyo dib-u-habayn ku samayno laamaha ammaanka ee dalka, sida Ciidanka Xoogga Dalka, Booliiska iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka. Si loo dejiyo qorshayaal ciidan oo si rasmi ah uga hor taga argagixisada, waxaan bilownay diiwaangelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo intii horey loo diiwaan geliyey ay mashaaraadkooda si toos ah ugu helaan koontooyinkooda. Waxaan sidoo kale socota in la dhammaystiro inta harsan si ay ayaguna xuquuqdooda si toos ah ugu helaan insha Allaah sida ugu dhakhsiyada badan. Waxaan Xukuumadda ku bogaadinayaa dadaallada ay ka waddo dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda ciidanka, si uu askari walba xuquuqdiisa toos ugu helo. Ciidanku waxa ay leeyihiin ahmiyadda ugu horraysa ee mushaar bixinta, laakiin waa in askari walba la diiwaangeliyaa si aan u ogaanno tirada dhabta ah iyo sida ay u hawl galayaan. Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin Dhinaca hirgelinta sharciyada; labadii sanno ee uu maamulkaygu jiray waxaan saxiixay labo sharci oo kaliya, halka 29 hindise-sharciyeed oo kale ay horyaallaan labada Gole ee Baarlaamaanka. In badan oo kamid ah shuruucdaas waxay muhiim u yihiin hirgelinta howlaha dowladda, sida la dagaalanka argagixisada, la dagalaanka musuqmaasuqa, sharciga maamulka maaliyadda iyo xaqsiinta ciidamada oo aad iyo aad muhiim noogu ah. Sidaas awgeed, waxaan si xushmad leh labada gole uga codsanayaa inay dedejiyaan hirgelinta iyo ansixinta sharciyadaas iyo kuwa kale ee muhiimka u ah howlaha dowladda. Mudanayaal iyo Marwooyin, Muddadii labada sano ahayd ee aan xilka hayey waxaan xoogga saaray kobcinta dhaqaalaha dalka, hadday noqoto sidii aan adduun-weynaha uga heli lahayn in nalaga cafiyo deymaha, iyo hadday noqon lahayd inaan kor u qaadno dakhliga gudaha ee dalka. Dhinaca cafinta daymaha, waxaan si hufan uga soo baxnay dhammaan shuruudahii nalagu xiray iyo yoolalkii aan kula heshiinnay hay’adda lacagta adduunka ee IMF si nalooga cafiyo deymahaas. Dhinaca dakhliga Dowladda, waxaan sanadkii lasoo dhaafay dakhliga dowladda kor u qaadnay boqolkiiba 30%, marka loo eego sanadkii ka horreeyay. Dakhliga sanadka 2017 waxa uu ahaa $142.6m, halka sanadkii la soo dhaafay uu gaaray $184m; waxaana rajaynaynaa in sanadka 2019 uu dhaqaaluhu intaas kasii badnaado Insha Allaah. Si loo yareeyo halista ka imaan jirtay lunsashada ama musuqmaasuqa dakhliga dowladda, waxaan dib-u-habayn ku samaynay habkii ururinta dakhliga, waxaana ururinta dakhliga dowladda ku gaar yeelnay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka, gaar ahaan Bangiga Dhexe, halka markii hore ay ururin jireen hay’ado badan oo dowli ah. Sidoo kale, waxay dowladdu si rasmi ah dib ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internet (.so); waxaan dib usoo ceshannay xubinnimadeennii Ururka Caalamiga ee Isgaarsiinta. Waxaan dajinnay qorshaha 5-ta sano ee isgaarsiinta & teknolojiyada qaranka; Waxaan dhisnay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka; Waxaan dhammaystirnay Sharciga Shirkadaha (Company Law) iyo kan Hantidhowrka guud. Dhammaan howlahaas aan kor kusoo sheegay waxay udub-dhexaad u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo dib u nabadeynta dalka guud ahaan. Waxaan rajaynayaa in aan guul wayn oo wax ka-beddesha nolosha iyo mustaqbalkeenaba aan ka gaari doonno dib u dhiska dhaqaalaha iyo mashruuca dayn cafiska. Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin, Dhinaca Siyaasadda, waxaan xoogga saarnay sidii ummadda Soomaaliyeed horumar uga gaari lahayd siyaasad loo dhan yahay. Waxaa Alle mahaddiis ah in annagoo wada jirna ay noo suurta gashay inaan go’aan siyaasadeed ka gaarno nidaamka doorasho iyo degaan doorasho ee dalka iyo sidoo kale qayb-siga khayraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan dhammaystirnay Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo dib-u-eegista Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyadaynta dalka. Si loo qabyo-tiro Dastuurka KMG ah, waxaan diyaarinnay dhammaan xulashooyinka Qodobada Dastuurka ee ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka wada xaajoon doonaan oo ay kamid yihiin; Maqaamka ay Magaalo Madaxda Muqdisho ku dhex yeelanayso hannaanka Federaalka, qaab-dhismeedka dowladda, asteynta awoodaha dowladda, hannaanka dowladeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, hannaanka caddaaladda iyo asluubta federaalka ah, qaabeynta iyo qaan-gaarsiinta Dowlad Goboleedyada KMG ah, nidaamka doorashooyinka iyo xisbiyada, iyo weliba hannaanka federaaleynta maaliyadda. Howlahaas oo loo aayi doono boqolaalka sano ee soo socda. Waxaan u mahad celinayaa guddigga Baarlamaanka labadiisa aqal ee Dastuurka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee dastuurka oo dhammaystiray qabyo qoraalka 10-ka cutub ee dastuurka. Waxaan ku bogaadinayaa howsha ay qabteen iyo wada shaqaynta ka dhexaysa Wasaaradda Dastuurka iyo labada guddi. Waxaan ku dhiirrigelinayaa labada guddi iyo Xukuumaddaba in ay sii dardargeliyaan howsha ay hayaan si loo dhammaystiro 5-ta cutub ee ka hartay Dastuurka. Waxaan sidoo kale tacsi u dirayaa eheladii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore ee Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dadaal ku bixiyay sidii Dastuurka loo dhammays tiri lahaa. Waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistiisa iyo jannadiisa siiyo. Waxaa sidoo kale xusid mudan, in bishii Juun ee sannadkii la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyadu ku heshiiyeen hanaanka khayraad wadaagga dalka. Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin, Dib u heshiisiintu waxay ka mid tahay ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee maamulkayga. Sidaas awgeed, waxaan rabaa inaan idinla wadaago in Golaha Wasiirada ay u suurta gashay in ay ansixiyaan Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaranka iyo Qorshe hawleedkiisa fulineed si loo qaabeeyo, loona dardargeliyo dadaallada dib-u-heshiinta ee dalka ka socda. Dhanka kale, waxaa naga go’an inaan ka mira dhalinno wadahadallada Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si xal waara loogu helo tabashooyinka walaaleheen Somaliland. Waxaan ku bixinaynaa dadaal dheeri ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Waxaan diyaar u nahay inaan si waafi ah uga garawno tabashooyinka ay qabaan walaaleheenna reer Somaliland. Mudane Guddoomiye, Mudaneyaal iyo Marwooyin, Kalfadhigaan wuxuu ku soo beegmay iyadoo uu meel fiican marayo xiriirka wada shaqayneed ee u dhexeeya Dawladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, taas oo qayb weyn ka qaadan doonta xaqiijinta himilooyinka ummadda Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan sii xoojinno wada shaqayntaas hadduu Eebe yiraahdo. Waxaan bogaadinayaa doorashooyinkii ka qabsoomay Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxaana ku kalsoonahay in doorashooyinka Jubaland iyo Galmudug ay iyaguna xilligii loo asteeyay ku qabsoomi doonaan. Mudane Guddoomiye, Siyaasaddeenna arrimaha dibedda waxaa saldhig u ah in Soomaaliya ay xiriir wanaagsan la yeelato waddamada caalamka, iyada oo iskaashigeedu ku qotomo ilaalinta danaha qaranka Soomaaliyeed. Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in aan had iyo jeer u taagannahay ilaalinta midnimadeenna, madaxbanaaniddeena iyo ilaalinta xuduudeheenna dhulka, badda iyo cirkaba. Xiriirka aan la leennahay waddamada derisku waa mid ku dhisan iskaashi xooggan oo ku salaysan is-ixtiraam iyo wax wadaqabsi siman ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada. Soomaaliya waxay bud-dhige u tahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika. Ujeeddooyinka iskaashiga waddamada Geeska Afrika waa in waddamada Geeska Afrika ay horumar waara ka gaaraan dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada, siyaasadda iyo bulshada. Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin Waxaan ugu danbeyntii Guddoonka Golaha Shacabka mar kale ka codsanayaa inay meel-mariyaan Hindise-sharciyeedda kala duwan ee horyaalla.Kalfadhigii shanaad ee Golaha Shacabkuna waa inoo furan yahay, maanta oo ah Maarso 27, 2019. Waa mahadsan tihiin. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ururka Haweenka ee VOSOMWO ayaa kulan lagaga hadlayey Dhibaatada uu Tahriibku leeyahay waxa uu u qabtay hablo dhalinyaro ah oo iskaga kala yimid xaafadaha magaalada Hargeysa, kuwaas oo lagula dardaarmay inay ka fogaadaan waxyaalaha ku dhalinkara in maskaxdooda ay gasho Tahriibku. Kulankan loo qabtay Hablahan oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin ka kala socday dawlada iyo ururka VOSOMWO ayaa ka qabsoomay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa, waxaana ugu horayn kulankaasi ka hadlay Marwo Hibo Maxamuud oo ah Agaasimaha ururkan Haweenka ee VOSOMWO, waxaanay hadalkeeda ku bilawday “Aad baad u mahadsan tihiin maadaama oo aad ka timaadeen dhamaan xaafadaha magaalada Hargeysa oo dhan, kulankeenan waxa aynu uga danleenahay tahriibka, waxaana aynu ognahay in Tahriibku uu yahay Aafo qaran oo maanta saameeyey dhamaan balshadeena da’yarta ah ee usoo kacaya dalka. Kulankan waxa qaban qaabinaysa anaga oo ah Ururka VOSOMWO oo ah urur maxaliya oo ka shaqeeya arimaha bulshada gaar ahaana arimaha dumarka iyo hablaha dhalinyarta ah, waxa kale oo Fun-garaynaysa dalada Sixa oo ah dalad ay ururo tiro badan isugu tageen oo u shaqaysa dhamaan ururada dumarka, markaa sixa aadbay ugu mahadsan yihiin maadaama oo ay nala garab galeen kulankeenan idinkuna aadbaad u mahadsan tihiin, maadaama oo aad ka soo qaybgasheen oo aad na ixtiraamteen oo wakhtigiinana aad noo hurteen, anaguna marwalba ka VOSOMWO ahaan waxaanu u taaganahay oo aanu idinla garab taaganahay inaanu wax idinla qabano, idinkuna aad nala shaqaysaan si aanu wax idiinla qabano si aynu u noqono bulsho hal mid ah oo wada shaqaysa.” Ayay tidhi Hibo Maxamud agaasimaha ururka. Sidoo kale Mr Shabac Cabdi Maxamed oo ah Madaxa Cilmibaadhista ee ururkaasi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi; “Waad ku mahadsan tihiin dhamaanba ka soo qaybgalayaasha ka soo qaybglaay barnaamijkan hablaha lagaga wacigalinayo arimaha tahriibka, waxaana halkan aanu iska waraysanaynay anaga iyo ururka VOSOMWO iyo habalaha halkan jooga oo qaar badan oo ka mid ahi ay Tahriib galeen. Markaa siday dad badani isla qaateen Tahriibku waa aafo qaran oo saamaysay Somaliland oo kaliya maahee wadamada Afirka oo dhan iyo qaybo ka mid ah qaarada Asia iyo qaybo ka mid ah wadamada Latin America, markaa ha moodin in inaga oo kaliyii aynu tahriibno. Waynu ognahay in dhalinyaro badan ay Tahriibto maxaa aynu Hablaha oo kaliya usoo xulanay, dal waliba Hablaha si gaar ah ayuu u ilaashadaa waa warshad gaar ah, Waa wax soo saar gaar ah, dal kastaa uu ku faano Hablihiisa, markaa anagu waxaani si gaar ah awooda u saaraynaa hablaha Somaliland si aynu meesha uga saarno fikarada ah in la tahriibo.” Ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey Shabac Cabdi Maxamed. Dhinaca kale Hoodo oo ka socotay hay’adda barakacayaasha Somaliland oo iyaduna ka warantay xaalada Tahriibka dhalinyarada iyo heerka uu marayo Tahriibku ayaa waxa ay tidhi; “Aniga oo ka socda Hay’adda Barakacayaasha Qaranka Somalialnd, Waxa hay’adda Barakacayaasha ka mid ah waax dhan oo xoog uga shaqaysaa arimaha Tahriibka, taas oo anaga dhan walba naga saamaysa, inamada ha noqoto ama hablaha, cidii tahriibaysana ama na dhexmaraysana anagu aanu kolay xogogaal u nahay, cida soo noqonaysa ee dhalinyarteenana aanu xogogaal u nahay. Sideedaba Tahriibku waa aafo qaran, waana cudur qofka Bani’aadamka ah sida uu duraygu ugu dhaco ugu dhaca, qof kasta oo bani’aadam ahi, maalinta uu niyada galiyo inuu tahriibo, wuu tahriibaa ama fikir qof kale ha ku arko ama cid kale ha ku guubaabiso ama isaga laftigiisa ha ka yimaado ama dhaqaale daro ha sababtee, sababtoo ah waxa keenaa waa cudurkaa qofka bani’aadamka ah qalbigiisa hal mar gala, waa jirta dad badan oo inta badan ina soo dhex mara oo tahriibayaal ah, kuwaas oo aan kuu sheegi karin yoolkoodu halka uu yahay, way soconayaan waxa ku jira hablo yaryar, waxa ku jira inamo yaryar waxaad arkaysaa iyagoo socda Buurta sheikh oo aan garayn inay libaaxyo joogaan iyo in kale” ayay tidhi Marwo Hoodo oo ka socota. Source
-
QARAMADA MIDOOBAY- Golaha ammaanka ayaa meelmariyey qaraar dib loogu cusbooneysiinayo xafiiska Qarmada Midboobay ee Soomaaliya (UNSOM) illaa bisha March 31, 2020. Marka la eego qaraarka tirsigiisu yahay 2461, Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM wuxuu sii wadayaa inuu ka qeybqaato nidaamka taageero iyo la talin ee la siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hawl-galka Midowga Africa ee (AMISOM) ee dhinacyada nabadeynta iyo dhismaha qaranka. Qaraarkan ayaa looga codsaday UNSOM inay sii waddo siina xoojiso hawl-galladeeda Soomaaliya ee dhammaan maamullada Soomaaliya. Waxaa hoosta laga xarriiqay muhiimadda xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM ee dhinacyada siyaasadeed iyo farsamo, sidoo kale saadka iyo iyo taageerada iyadoo lala kaashanayo xafiiska UNka ee Soomaaliya ee ka caawiya Soomaaliya dhismaha siyaasad guud oo lagu nabadeynayo dalka laguna gaarsiinayo doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020/2021. Waxaa loogu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada xubnaha ka ah inay dardargeliyaan fulinta isbeddellada lagu sameynayo arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay qaab-dhismeedka ammaanka qaranka. Qaraarkan ayaa lagu cambaareeyey sii-socoshada xadgudubyada ka dhanka ah carruurta oo ay ka mid tahay ciidameynta carruurta, kufsiga iyo afduubka oo ay si gaar ah u geystaan Alshabaab waxaana qaraarku ku boorriyey dhammaan qeybaha ku lugta leh dagaallada inay qaadaan tallaabooyin lagu joojinayo loogana hortagayo qalalaase iyo xadgudubyo dheeri ah. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (SMN)- Amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa aad loo adkeeyaya,waxaana la filayaa in uu maanta booqdo madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni. Madaxweyne Deni ayaa socdaalka uu ku tagi doono Boosaaso ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee magaaladaasi tan iyo markii uu la wareegay xafiiska madaxtooyada Puntland. Balan qaadyadii sameeyay madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kamid ahaa in uu sare u qaadi doono amaanka magaalada Boosaaso oo inta badan ay ka dhacaan falal amni darro,marka lala simo magaalooyinka kale ee maamulkaasi. Ka hor socdaalkiisa Boosaaso,madaxweyne Deni ayaa horay u booqday magaalada Qardho,halkaas oo si balaaran loogu soo dhaweeyay,halka maanta la filayo in si heer sare ah loogu soo dhaweeyo magaalada Boosaaso. View the full article
-
(SLT-Washington)-Shirkadda diyaaradaha soo saarta ee dalka Maraykanka ee Boeing ayaa sheegtay in ay wax ka badeleyso habka hagista diyaaraddaha ee ay ku rakibtay gaadiidkeeda Boeing 737 Max oo ah nooca ku lugta lahaa labo shil oo waaweyn oo dhacay sannad gudihiis. Balse lama hubo goorta diyaaradahan loo ogolaan doono in ay markale hawada galaan kadib markii lasoo fariisiiyay adduunka oo dhan. Tan ayaa ka dambeysay shilkii 10-kii bishan ee dalka Itoobiya oo ay ku dhinteen 159 qof. Baarayaasha ayaanan weli kala hubsanin sababta shilka Itoobiya dhalisay, balse waxaa loo malaynayaa in uu sababay barnaamijka kaligiis is haga ee diyaaradda ku rakiban. Shirkadda ayaa sheegtay in ay diyaaradda ku rakibi doonto habka digniinta hore bixiya, kaas oo markii hore ahaa arrin diyaaradaha ay u madax banaanyihiin in ay iyaga xushaan in ay ku xirayaan diyaaradda iyo in kale. Habkan digniinta hore ayaa duuliyaha u sheegaya marka ay diyaaradda hesho amaro kala is khilaafsan. Boeing waxa ay warbaahinta u sheegtay in cillad bixinta aysan ka dhignayn qirasho ah in shilka uu ka dhashay cillad ka timid dhanka diyaaradda. Balse sheekada Boeing ma ahan mid halkaas kusoo afjarantay, guddiga amniga gaadiidka cirka ee Aqalka Sare ee Maraykanka ayaa su’aalo weeydiiyay madaxa Hay’adda Socdaalka Hawada ee FAA Daniel Elwell. Xildhibaan Richard Blumenthal ayaa sheegay in shaqaalaha diyaaradda sameeya lagu haleeyo hubinta in diyaaradda ay tahay mid ku habboon in ay dad qaaddo, taas oo uu yiri in ay ka dhigantahay “dawacada oo arriga lagu dhaafay in ay sii illaaliso”, isaga oo ula jeeda in shaqadan ay ahayd in ay qabato FAA oo ah hay’adda kormeerka iyo hubinta badqabka gaadiidka hawada. FAA ayaa lagu eedeeyay in ay ahayd hay’addii ugu dambeysay adduunka ee qaadatay go’aanka ah in diyaarada Boeing 737 lasoo fariisiiyo. Todobaadkan ayaa la filayaa in lasoo saaro natiijada baadhitaan wadajir ah oo lagu sameeyay shilkii diyaaraddii Itoobiya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanka Jarati ee dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in xildhibaan Soomaali ah uu dad ku dilay deegaankaasi, sida masuuliyiinta maamulka deegaanka ay sheegeen. Xildhibaanka ayaa la sheegay in labada ruux ee uu dilay inay isku heysteen dhul beereed, sidaasina waxaa xaqiijiyay guddoomiyaha deegaanka Jarati oo saxaafadda la hadlay. Xildhibaanka ayaa la rumeysan in bastoolad iyo qori uu watay inuu u adeegsaday dilka ka dhacay deegaanka. Sidoo kale guddoomiyaha degmada Jarati ayaa xaqiijiyay in kiiska dacwadda dhul beereedka ay taalay maxkamadda degmada, iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha xildhibaanka ku kalifay dilka uu labada ruux u geystay. Xildhibaanka oo magaciisa lagu sheegay Bashiir Diiriye Cameey iyo labo ruux oo la socotay oo midkood uu ahaa darawal Mooto Bajaaj ayaa la dhigay xasbiga deegaanka, waxaana ku socda baaritaanka dilka ka dhacay degmada. Shaafi Diiriye Shaafi oo ah guddoomiyaha degmada Jarati ayaa sheegay in markii meesha uu ka baxay maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar in dadka ay soo rogaal celiyeen dacwadaha dhanka lahaanshaha dhulka la xiriira. “Xukuumaddii hore ayaa xildhibaannada siisay dhul beereed iyo lacago, dhulkaas qayb ka mid ahna xukuumaddu waxay ka bixisay gacanta dad shacab ah,” ayuu yiri gudoomiye Shaafi. Dhibaatada lahaanshaha dhulka ayaa ku badaneysa deegaanka Soomaalida, iyadoo markii hore la sheegay in dadkii lahaa awood looga qaatay dhulkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kulan ka mid ah kulamada heerka labaad ee kooxaha kubbadda Jubaland ayaa waxaa wada ciyaaray Shaqaalaha iyo Kaneva oo ka mid ah kuwa loo baqayo in sanadkan ay ku guulaystan horyaalka heerka 2aad. Kooxda Shaqaalaha oo wacdaro layaab leh soo bandhigay ayaa guuldaro 2-0 ah dhabarka u saartay kooxda Kaneva waxayna labada dhinac ka mid yihiin naadiyada hamiga ka leh hanashada horyaalka 2aad. Ciyaar qeybteedi hore kusoo dhamaatay 2-0 ayaan waxbo iska bedelin qeybta labaad oo 90-kii daqiiqo waxay kusoo idlaatay 2-0 Oo ay guusha ku raacday xidigaha kooxda Shaqaalaha. Kaneva ayaa leh 1-dhibic oo kaliya labadii kulan ee ay ciyaartay waxayna ku jirtaa kalinta 5-aad ee kala sareynta kooxaha heerka labaad,halka Shaqaalaha iyo Kasiima oo isku dhibco yihiin,iyagoo fadhiya 3aad. Dowladda Hoose iyo Heegan labadaas Kooxood midii badisa ayaa waxa ay la dhibco noqondoona kooxda Dekadaha oo leh 7 Dhibcood haysana hogaanka horyaalka heerka 2aad ee kooxaha kubbadda cagta Jubaland. W/Q Abdiqaadir Jaamac Gaboobe (Kismaayo) Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay ka hadlayey xafladda furitaanka kalfadhiga 5aad ee golaha shacabka ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaarisay dhammaan xulashooyinka Qodobada Dastuurka ee ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka wada xaajoon doonaan. Madaxweynaha oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Si loo qabyo-tiro Dastuurka KMG ah, waxaan diyaarinnay dhammaan xulashooyinka Qodobada Dastuurka ee ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ka wada xaajoon doonaan oo ay kamid yihiin; Maqaamka ay Magaalo Madaxda Muqdisho ku dhex yeelanayso hannaanka Federaalka, qaab-dhismeedka dowladda, asteynta awoodaha dowladda, hannaanka dowladeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, hannaanka caddaaladda iyo asluubta federaalka ah, qaabeynta iyo qaan-gaarsiinta Dowlad Goboleedyada KMG ah, nidaamka doorashooyinka iyo xisbiyada, iyo weliba hannaanka federaaleynta maaliyadda. Howlahaas oo loo aayi doono boqolaalka sano ee soo socda”. Dhinaca kale, madaxweynaha waxaa uu guddigga Baarlamaanka labadiisa aqal ee Dastuurka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee dastuurka uga mahadceliyey shaqada ay ka qabteen dib u eegista Dastuurka “Waxaan u mahad celinayaa guddigga Baarlamaanka labadiisa aqal ee Dastuurka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee dastuurka oo dhammaystiray qabyo qoraalka 10-ka cutub ee dastuurka. Waxaan ku bogaadinayaa howsha ay qabteen iyo wada shaqaynta ka dhexaysa Wasaaradda Dastuurka iyo labada guddi. Waxaan ku dhiirrigelinayaa labada guddi iyo Xukuumaddaba in ay sii dardargeliyaan howsha ay hayaan si loo dhammaystiro 5-ta cutub ee ka hartay Dastuurka”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Jarati)-Guddoomiyaha Gobolka Jarati ee dowlad deegaanka Soomaalida Saafi Diiriye Shaafi ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay toogasho xildhibaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida oo lagu magacaabo Bashiir Diiriye Camey uu ku dilay Laba qof oo Shacab ah maalintii shalay Guddoomiyaha ayaa sheegay in toogashadan uu geystay xildhibaanka ay la xidhiidhay muran muddo dheerba soo jiitamayay oo salka haya lahaasha dhul-beereed ku yaalla degmada oo xildhibaanku ay siisay xukuumaddii uu hoggaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar. ‘’Doodda xildhibaanka iyo dadka shacabka ah ee beerta isku hayay muddo dheerba wey soo soctay, waxaan u sheegnay in ay sharciga ku kala baxaan, laakiin ugu danbeyntii falkan ayaa dhacay oo xildhibaanku uu ku toogtay labada qof,’’ ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Jarati. Wuxuu intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen xildhibaanka iyo qof kale oo la socday oo sida uu hadalka u dhigay watay gaadhi nooca Bajaajka ah. ‘’Inkastoo xildhibaanku uu xasaannad leeyahay haddana haddii faldanbiyeed lagu qabto waa la xidhayaa, sidaa daraadeed waan qabanay gacanta laamaha Amniga ku jiraa’’ ayuu yidhi guddoomiye Saafi. Xukuumaddii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu eedeynayaa in dhul ay Shacabku leeyihiin siisay xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkiisa, kuwaa hadda doonaya in dib dhulkoodii ay u helaan. Source
-
Muqdisho (SMN)- Kadib ansixintii golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee qorshaha dhab u heshiisiinta ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa kulan ka dhacay Muqdisho waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhalinyarada. Dadkii ka soo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in xiligan ay muhiim tahay dib u heshiisiin la dhex dhigo umadda Soomaaliyeed oo ku dhawaad 30 sano ay ragaadiyeen colaado sokeeye,si la isku cafiyo. Mudo ku dhaw sanad iyo bar wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waday qorshaha dhab u heshiisiinta qaran,waxayna ka sameysay qeybaha kala duwan ee bulshada dhexdeeda. Dhawaan ayey aheyd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka uu Muqdisho ku soo gabagabeeyay shir weynaha qaran ee dhab u heshiisiinta oo sadex maalmood ka socday magaalada caasimadda ee Muqdisho. View the full article
-
(SLT-New York)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Arbacadii shalay kulan gaar ah ka yeeshay Xaaladda Amni, Siyaasad iyo Dhaqaale ee Soomaaliya. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa kulankooda kaga hadlay doorashooyinka la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan 2021, waxaana Xukuumadda, Baarlamaanka iyo maamul goboleedyada ka codsadeen inay dedejiyaan Xeerka doorashooyinka oo ay ugu dambeyn soo gudbiyaan bartamaha sannadkan 2019. Golaha Ammaanka ayaa isku raacay in muddo kordhin sannad ah loo sameeyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM, iyagoo isla meel dhigay inuu sii shaqeeyo ilaa 31-da March sannadkan soo socda ee 2020. Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa ka codsaday dalalka Caalamka in Ciidamada Soomaalida iyo AMISOM la siiyo wax kasta oo u suura gelin kara inay ka adkaadaan Kooxaha argagixisada ah ee caqbaada koowaad ku ah Soomaaliya. Source
-
(SLT-Rome)-Dowladaha Talyaaniga iyo Malta ayaa sheegay inay Muhaajiriin shalay afduubteen Markab Xamuul oo laga leeyhay Turkiga, kaasi oo ku sugnaa Badda Liibiya, waxayna Shaqaalihii Markabka ku khasbeen inay jihada Markabka u beddelaan dhanka Waqooyiga ee Qaaradda Europe. Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Matiyo Salfiini waxa uu sheegay in Markabkaasi oo nooca Booyadlaha ah lagu magacaabo El Hiblu 1 ay shaqaalihiisa mar sii horreysay Muhaajiriintaasi ka soo badbaadiyeen Badda Meditereniyaanka. Waxa uu intaasi ku daray inay 120 Muhaajiriin ah qafaasheen Markabkaasi, waana markii ugu horreysay oo fal Budhcad-baddeed ah ka dhaco Badda fog oo ay Muhaajiriin afduubtaan. Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga waxa uu tilmaamay in xaalladda Cimiladda tahay mid aan wanaagsanayn, isla markaana aan la sheegi karin haddii uu Mrakabkaasi ku soo wajahan yahay Malta ama Jesiiradda Talyaaniga ee Lampedusa. Dhinaca kale Ciiddanka Badda ee Malta ayaa sheeegay inay heegan ku jiraan, isla markaana uu Markabka laga afduubtay weeli ku sugan yihiin Xudduud-baddeedka Libya. Source
-
Kooxda ciidan booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Dekedda oo ah naadiga difcaanaysa horyaalka labadii xili ciyaareed lasoo dhaafay wuxuuna kulan u yahay labada dhinac kulamadoodii 8-aad horyaalka Somalia Premier xili ciyaareed 2018-2019. Xidigaha kooxda Heegan kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay natiijo 1-0 ka gaareyn kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Horseed,Heegan waxa ay ku jirtaa kaalinta 2aad ee kala horeynta horyaalka waxayna lee dahay 15-dhibcood. Naadiga Dekedda ciyaartii u danbeesay horyaalka waxa ay natiijo 2-1 kaga adkaadeen Jazeera Sports Club waxaana goolasha u dhaliyay Towfiq Zakariye,wiilasha xafidinaya horyaalka labada sano lasoo dhaafay waxa ay fadhiyaan kaalinta 1-aad ee kala sareynta,iyagoo leh 16-dhibcood. Xaqiiqooyinka Kulanka Ka Hor -6 June 2018– Maamulka kooxda Heegan ayaa warbaahinta usoo bandhigay xidigaha kala ah Cabdi Casiis Catoosh iyo Mustaf Maxamed Yuusuf oo ka mid xirfadyahanadii waqtiga wacan kusoo qaatay L.L.P Jeenyo inkastoo Catoosh ee Heegan kaga yimid kooxda Dekedda. 15-May 2018–Xidigihii hore kooxda Jeenyo Daa’uud Cabdullahi Tubaal iyo Feysal Xasan Xaashi ayaa Dekedda la hantay horyaalka Somalia Premier League iyo Somali Premier League waxayna iminka ka mid yihiin shaxda ugu wanaagsan ee Tababare Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali). -Maxamed Nuur Cabdi uu horay ugu soo ciyaaray kooxda Heegan oo iminka ku sugan Dekedda ayaa waxaa u suura gashay in uu kooxdiisa la hanto horyaalka iyo Somali Super Cup laacibka waxa uu ka dheelaa qadka dhexe. -19 September 2018- Catoosh ayaa kooxdiisa Dekedda ku laabtay,isagoo mudo sanad ah kabtan u ahaa kooxda ciidan booliska ee Heegan intaa uu ku sugnaa waxaa u suura gashay in uu dhaliyo ilaa 5-gool tartamadii uu qeyb galay. “Sababta ugu weyn ee aan ugu laabtay kooxda Dekedda waxa ay tahay jacelka aan u qabo maamulka,saaxiibadyada iyo taageerayaasha waxaana go’aan ku qaatay in kasii mid ahaado sanadaha soo aadan si aan u sii balaariyo xirfadayda iyo in aan la hanto koobabka waaweyn ee dalka” waxaa Goobjoog Sports ugu waramay ”Cabdi Casiis Catoosh. -Kooxda Heegan hanashada horyaalka Somalia Premier League waxaa ugu danbeesay sanadii 2015 oo iminka laga joogo mudo shano ah,balse iminka waxa ay qabaan rajada ku guulaysiga horyaalka Somalia Premier League 2018-2019. -Kulanka waxaa iska hor imaandoona xidigihii hore Jeenyo Cabdi Casiis Catoosh,Feysal Xaashi iyo Daa’uud Tubaal oo kasoo muuqdandoona dhinaca Dekedda,yeelkeeda taa Heegana waxaa ku sugan oo shabaqa u ilaalinaya goolhaye Mustaf Maxamed Yuusuf . Macalinka kooxda Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) mar ii bisha Febraayo 2019 la hadlay Goobjoog Sports waxa ii sheegay in isaga iyo kooxdiisa ay rabaan in ay dhigaan taariikh cusub oo ku aadan hanashada horyaalka Somalia Premier League sanadkii sadeexaad oo xariir ah. Kulankamadii U Danbeeyay Labada Koox 12/03/2018 Heegan SC 0:0 Dekedda SC 02/05/2018 Dekedda SC 1:1 Heegan SC 16/02/2017 Dekedda SC 1:1 Heegan SC 12/05/2017 Dekedda SC 0-0 Heegan SC 03/03/2016 Heegan SC 3:0 Dekedda SC 28/12/2015 Dekedda SC 1:0 Heegan SC 27/02/2015 Dekedda SC 0:2 Heegan SC 29/05/2015 Heegan SC 2:0 Dekedda SC 07/06/2012 Heegan SC 1:1 Dekedda SC 29/09/2012 Dekedda SC 2:4 Heegan SC Ogeysiiska Kulanka Tartanka:-Horyaalka Somalia Premier League 2018-2019 Kooxaha-Heegan VS Dekedda Tariikhda:-28-03-2019 Maalinta:-Khamiis Cimiladda Xiliga Ciyaarta: – 32°27° Garoonka: – Banaadir Stadium W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Howgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya ayaa soo magaalada Muqdisho ku soo gabgabeeyay kulan looga hadlayay horumarinta sirdoonka,si looga hortago weerarada ka dhaca Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Africa. Kulanka uu soo qabqaabiyay howgalka AMISOM ayaa in badan looga hadlay sirdoonka iyo feejignaanta weeraro ka dhaca Soomaaliya,ayaa lagu yiri war safaxaafadeed ka soo baxay howgalkaasi. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan saraakiisha dhinaca sirdoonka ee AMISOM iyo saraakiil ka socotay ha’ayadda sirdoonka qaranka ee NISA iyo ciidanka xooga dalka. David Obonyo oo kamid ah saraakiishii kulankaasi ka qeyb galay ayaa xubnaha ka soo qeyb galay kulanka labada maalmood socday ugu baaqay in ay ku dedaalaan sidii loo hormarin amaanka,taasina la heli karo marka marka uu jiro sirdoon hufan. Mr Obonyo ayaa tilmaamay in ha’yadda sirdoonka qaranka ee NISA iyo dowladda Soomaaliya ay ka guul gaari doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab,hadii la xoojiyo helitaanka sirdoon dhisan. Shirkan lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ahaa midkii 5-aad ee nuuciisa ah uu soo qaban qaabiyo howgalka AMISOM,si looga hadlo doorka xasiloonida dalka uu ka qaadan karo sirdoonka. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Mar uu ka hadlayey Siyaasadda ay Dowladiisu ka leedahay xiriirka caalamiga ah ee dunida ayaa madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay sii xoojinayan iskaashiga dalalka dariska. Muhiimadda ka danbaysa arintaasi waxaa uu ku sheegay madaxweynaha Soomaaliya in dowldaha saaxiibada la ah dalka ay tixgaliyan oo ay ilaaliyan madax banaanida Soomaaliya Tan iyo Wixii ka danbeeyay Markii uu talad dalka la wareegay madaxweyne Maxamed Cabdulaahi farmaajo dadka Siayaasada falanqeeya waxaa ay sheegaan in dowladdan ay dowladihii hore uga duwan tahay siyaasada arimaha dibadda iyadoo ay xusid mudan tahay in ay dowladu marar kala duwan gaaray go’aano wax ku ool ah oo muujinaya In Soomaaliya ay lasoo Laabatay Haybadii ay ku laheyd masraxyada caalamka. Dhageyso codka madaxweynaha:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-madaxweynaha.mp3 View the full article
-
A hedge fund has returned cash from Saudi Arabia over the murder of journalist Jamal Khashoggi. Tags: Saudi Arabia, hedge funds, Mohammed bin Salman A hedge fund has told investors it returned money to Saudi Arabia following the murder of journalist Jamal Khashoggi, according to media reports. Pharo Management (UK) LLP in December reportedly returned approximately $300 million that it had previously managed for the central bank’s Saudi Arabian Monetary Authority (SAMA). Pharo Management’s founder Guillaume Fonkenell told investors in early 2019 that the decision was taken due to concerns about Khashoggi’s death allegedly at the hands of government agents in the kingdom’s consulate in Istanbul on 2 October 2018. The decision underscore piling concerns about Saudi Arabia’s human rights record under Crown Prince Mohammed bin Salman, whose ambitious plans for modernising the kingdom and redeveloping economy have been sullied by human rights abuses allegations. Bin Salman, who is accused of being the architect of the assassination of Khashoggi – allegations which the crown prince denies – still has President Donald Trump’s support and most US firms, despite widespread condemnation of the murder. A number of nations have chosen to continue doing business with the wealthy kingdom as well. Saudi Arabia’s state-owned investment firms, one of the biggest sources of capital, are a magnate for asset managers worldwide. However, many businesses and individuals pulled out of the prince’s flagship investment event in October 2018, including JPMorgan Chase & Co.’s Jamie Dimon, BlackRock Inc’s Larry Fink and Winton Group founder David Harding. This was overshadowed when less-senior executives took part in the conference. Fink, who runs the world’s largest asset management company, said in November that he wasn’t “ashamed” of doing business in Saudi Arabia and expects to continue to invest in the Arabian country. “Keep in mind, it is a big country. There are many fine people in country, like there are many fine people in every country,” he said. Unlike this cynical view on the part of Fink and others, some companies have attempted to penalise Saudi Arabia following Khashoggi’s murder. British billionaire Richard Branson suspended talks with Saudi Arabia’s Public Investment Fund following the first media reports about the journalist’s disappearance. “What has reportedly happened in Turkey around the disappearance of journalist Jamal Khashoggi, if proved true, would clearly change the ability of any of us in the West to do business with the Saudi government,” he said Alarbya Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Dagaalkan oo u dhexeeyay Al-shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa AMISOM ayaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay deegaano hoos taga gobolka shabeelada hoose. Fariisimo ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Arbacoow ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa weerar xoogan waxaa ku soo qaaday Al-shabaab,waxaana dagaal dhexmaray labada dhinac uu socday ku dhawaad hal saac. Daryanka hub culus oo ay is dhaafsanayeen dhinacyada dagaalamay ayaa laga maqlayay deegaanka Arbacoow iyo ceelasha Biyaha oo hoos yimaada gobolka Shabeelada Hoose. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in uu jiro qasaaro ka dhashay dagaalkaasi oo ahaa mid xoogan,waloow aan la soo sheegin qasaaraha rasmiga ah ee dhinacyada soo kala gaaray. Ma jirto faahfaahin saraakiisha AMISOM ay ka bixiyeen dagaalka lagu soo qadaay fariisimo aya ku leeyihiin deegaanka Arbacoow ee gobolka Shabeelad Hoose. Dhinaca kale deegaanka Buula Mareer oo hoostaga degmada Kuntuwaareey ee gobolka ayaa dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab waxay weerar ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda iyo AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaasi. Dagaalkaasi oo ahaa mid xoogan ayaa la isku adeegsaday nuucyada kala duwan ee hubka,waloow uusan jirin war ka soo baxay saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ku aadan weerarada ka dhacay gobolka Shabeelada Hoose. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa shaaciyay in sarkaal ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland ay ku weerareen xaafada VIA Afmadow ee magaalada Kismaayo. Al Shabaab ayaa baahiyay in weerar bambaano ay ku qaadeen guri uu degen yahay sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland oo magaciisa lagu sheegay Col.Maxamed Buulle, kaasi oo ku sugnaa xaafadda VIA Afmadow. Weerarka ayaa sababay dhaawac la sheegay in sarkaalkaasi uu gaaray, waxaana Al Shabaab ay sheegeen in dhaawaca sarkaalka loola cararay isbitaalka magaalada Kismaayo ee gobolka jUbbada Hoose. Maamulka Jubbaland kama aysan hadlin weerarka qaraxyada bambaano ee ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, balse ciidamada amaanka ayaa baaritaano ka wada xaafadda weerarka uu ka dhacay. Amaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay muddooyinkii u dambeeyay, waxaana yaraa weerarada iyo qaraxyada Al Shabaab ka fulin jireen magaalada Kismaayo. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar ay sheegeen inuu ka dhacay magaalada Kismaayo, mana jiro war ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka maamulka Jubbaland. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, waxaana ay sheegeen inay ku dileen askar ka tirsan maamulka Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-28032019.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa bilowday olole ay kula dagaalameyso Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib murankii siyaasadeed ee soo kala dhex galay Labada Dowladood oo ay Maxkamadda Adduunka ka taal dacwad ku saabsan dhul ay Dowladda Kenya dooneyso inay ka boobto Soomaaliya. Dowladda Kenya oo dhawaan looga adkaaday Arrimaha Diblomaasiyadda kadib markii ay soo ceyrisay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Nairobi ayna u yeertay midkii Muqdisho ka joogay. Kadib fashilkii arrintaas kasoo gaaray Dowladda Kenya ayaa bilowday 5 xeelad oo ay kula dagaalameyso Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1) Kasoo bixiddii ciidamada Kenya ee qeybo ka mid ah gobolka Gedo Dhammaan Ciidamadii Dowladda Kenya kaga sugnaa Gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa isaga baxay marka laga reebo ciidamo yar oo ku sugan Ceel Waaq. Ujeedka ay Ciidamada Kenya uga baxayaan Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dagaalka ay Dowladda Kenya ku wado Soomaaliya, waxayna dooneysaa inay culeys ku saarto dhanka Amniga dalka, maadaama ay Al-Shabaab halis ugu jiraan inay la wareegaan Gobolka Gedo. Dowladda Kenya ayaa dooneyso inay iska hor keento Shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si dowladda loogu eedeeyo inay dayacday Amniga dalka isla markasana ay gacanta ka bixisay deegaano horey Al-Shabaab looga saaray. 2) Xiritaanka Xeryaha Dhabaab Dowladda Kenya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay albaabada isugu dhufaneyso Xeryaha Dhadhaab oo ay ku nool yihiin illaa 230,000 Soomaali qoxooti ah oo ku dhowaad 30 sanno halkaa ku noolaa. Inkastoo go’aanka Dowladda Kenya ee xiritaanka Xeryahaas uusan aheyn mid si fudud loo sameyn karo maadaama ay lacago badan uga qaadato Hey’adaha Qaramada Midoobay isla markaasna ay arrintaas durba ka hor imaadeen haddana waa mid kamid ah qorshaha ay Dowladda Kenya ku dooneyso inay culeys ku saarto Dowladda Soomaaliya oo ku adkeysatay inaysan ka tanaasuli doonin dacwadda ay ka gudbisay muranka soohdinta Badda ee labada Dal. 3) Duulimaadyada labada Dal Sida ay sheegeyso xogta hoose, Dowladda Kenya ayaa qorsheeneyso inay mar kale adkeyso Duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi. Duulimaadyada labada Magaalo oo hadda ah mid toos ah ayey dowladda Kenya dooneysaa inay mar kale soo celiso dhibaatada dadka Soomaaliyeed loogu geysan jiray Wajeer. Sidoo kale Kenya ayaa dooneyso inay adkeyso Dal-ku-galka (visa) oo 2017 loo khafiifiyay Baasaboorka Soomaaliya, kaddib heshiiska Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru (siiba safarrada saraakiisha Dowladda). 4) Mashaariicda Dowladda Kenya ayaa wado qorsho ay ku joojineyso Mashaariicda sida tooska ah ugu soo gudubto Magaalada Muqdisho si culeyska loogu badiyo Dowladda Soomaaliya isla markaasna ay Hey’adaha ugu shaqeeyaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa waqtiyadii dambe xoogga saartay in Hey’adaha mashaariicda ka fuliyo Soomaaliya laga soo raro Nairobi si lacagaha Nairobi loogu soo wareejin lahaa Muqdisho. Dowladda Kenya ayaa hey’adaha fadhigooda yahay Nairobi ku amartay in Mashaariicda loosoo wareejiyo Nairobi halkii si toos ah Muqdisho loogu dirayey. 5) Qorshaha Keya ee Somaliland Dowladda Kenya ayaa bilowday dhaq-dhaqaaqyo ay dooneyso inay sare ugu qaado xiriirka Magaalooyinka Nairobi ee Hargeysa, taasoo qeyb ka ah Culeyska la saarayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama ay Soomaaliya iyo Somaliland isku heysto gooni isku taagga. Dowladda Kenya ayaa bilowday olole ay Somaliland ula macaamileyso sida Dowladda ka madax banaan Soomaaliya, inkastoo aysan jirin hal dowlad oo Maamulkaas u aqoonsaday Dowladnimo haddana waa qeyb kamid ah dagaalka siyaasadeed ee Nairobi kula jirto Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qaramada Midoobey ayaa qorsheyneysa in deeqaha loogu talo-galay Somaliland toos u siiso Hargeysa, iyadoo la beddelayo dhaqankii hore ee ahaa in deeqaha Somaliland la marsiiyo waxa loo yaqaanay “Qoondada Gaarka” ama “Special Arrangement” ee lagu go’aamiyey shirkii London ee 2013kii, kaasoo qeyb ka ahaa taageerada caalamka ee Soomaaliya. “Special Arrangement” wuxuu dhigayey in deeqaha horumarinta guud ee loogu talo-galay Soomaalida, qeybta ay Somaliland ku leedahay lagu siiyo hab ka geddisan maamullada kale ee dalka, oo iyagu loo aqoonsan yahay inay hoos tagaan Federaalka balse Somaliland aysan ka mid ahayn. 9-kii June 2018, ayaa Wasiirka Qorsheynta Federaalka Jamaal Xasan wuxuu warqad uu u qoray wadamada deeqaha bixiya ku sheegay in Dowladda Federaalka aysan cusbooneysiin doonin heshiiska Qoondada Gaarka ee Somaliland oo dhacay 2016, taasi beddelkeedana Dowladda Federaalka ay masuul ka tahay qeybinta deeqaha caalamiga ee Soomaaliya loogu talo-galay, isla markaana ay u aragto heshiiska Qoondada Gaarka mid naasnuujinaya maamul gaar ah (Somaliland). Arrintan waxaa dood ka keenay Somaliland, oo ku dooday inaaney ku kalsooneyn Soomaaliya. Waxaana muddooyinkanba socday dood arrimahaasi ku saabsan, sida inay saameyn karto dedaallada naf badbaadinta sida gargaarka musiibooyinka (abaaraha) ee looga baahi qabo Somaliland. Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in USD150 milyan oo loo qoondeeyay Somaliland lagu hagaajin doono sanduuq loo bixiyay ‘Sanduuqa Taageerada Somaliland’ oo Qaramada Midoobey soo jeedisay in la abuuro. Waxaa sidoo kale jira in Somaliland iyo Qaramada Midoobey wada diyaariyeen dukuminti la yiraahdo “Qoondada Gaarka Qaramada Midoobey ee Somaliland” oo lagu beddelayo heshiiskii 2013 ee ay Dowladda Soomaaliya hadda diidan tahay. Dabcan waxaa jira warar tilmaamaya in Dowladda Ingiriiska ay aad ugu ol’oleysay arrintan iyadoo laga eegay dhanka bani’aadanimmada. REFERENCES: – Sawirka 1 & 2, waa warqaddii Wasiir Jamaal. – LINKIGA waxaa ku jira qorshihii Qoondada Gaarka ee ay Somaliland gudbisatay 2013. Somaliland Special Arrangement W/Q: Abdalle Ahmed Mumin Somaliland_Special_Arrangement_Final
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helayo degmada Buulomareer ayaa sheegaya in Al Shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaankaasi. Dagaal xoogan ayaa ciidamada dowladda iyo AMISOM dhinac ah iyo Al Shabaab ku dhexmaray deegaanka, waxaana weerarka qaaday ciidamo ka tirsan Al Shabaab, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen. Dadka deegaanka ayaa saxaafadda u sheegay in la maqlayay rasaas xoogan iyo qoryaha culus oo labada dhinac ay isweydaarsanayeen, iyadoo cabsi ay soo foodsaartay shacabka degmada ku sugan. Khasaaraha dagaalka ayaanan wali la ogaan karin, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ku dagaalamay Buulomareer, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhaawacyo iyo dhimasho ay jiraan. Wararka saakay la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan goobihii lagu dagaalamay ee deegaanka Buulo Mareer. Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe u muuqdo kuwo kordhiyay weerarada iyo qaraxyada ay ka fulinayaan gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, waxaana ay dib u qabsadeen deegaano horey looga saaray. Taliska AMISOM ayaa dhawaan shaaciyay inay badaleen qorshaha dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab, waxaana ay sheegeen inay qaadi doonaan weeraro ka dhan ah Al Shabaab, iyadoo wali aysan qaadin wax talaabo ah. Sanadka 2021 waxaa qorshaha amaanka Soomaaliya qeyb ka ah in AMISOM ka baxdo dalka, oo ciidamada xooga dalka la wareegaan amaanka guud ahaan ee Soomaaliya, balse taasi su’aalo badan ayaa ka taagan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ilhaan Omar waxa ay noqotay qofka kaliya ee ku dhiirratay kuna dhacday inay sheegto arrin ay aad uga baqaan dadka siyaasiyiinta ah kuwa Bilyanneerrada ah iyo weliba kuwa hoggaamiya diimaha. Ilhaan ayaa waxa ay indhaha dadka Maraykan kusoo jeedisay in qarankooda si aan habboonayn looga masruufo Yuhuudda islamarkaana Israel ay danteeda dhexmarsato xildhibaanno lacago kasoo qaata ururka AIPAC (American Israel Public Affairs Committee) kaasi oo danaha Yuhuudda maraykanka uga fuliya. Waa ayo AIPAC? AIPAC waa urur aad u xoog badan una taagan ilaalinta iyo sarraynta dadka Yuhuudda ah iyaga oo kaashanaya Siyaasiyiinta,Bilyanneerada,Sharikadaha waaweyn ee loo yaqaanno (Multinational Companies-ka) iyo weliba qaabaynta aragtida shacabka maraykan (American Public oppininon) ee ku aaddan jiritaanka qaranka Yuhuudda iyo ilaalintiisa, taasi oo AIPAC ka dhigtay mid saameyn weyn ku leh jaangoynta siyaasadda maraykanka. Ururkan ayaa waxa la aasaasay 1963-kii waxaana xaruntiisa u weyni ay tahay caasimadda dalka maraykan ee Washington, xubnaha ku jira ururkan ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 100-kun oo xubnood, waana mid ka mida kooxaha ugu xooggan ee ka ololeeya gudaha maraynkanka (Lobbying groups). AIPAC Ayaa waxa ay maalgalisaa siyaasiyiinta soo fuulaya jaranjarrada iyo fagaaraha siyaasadeed ee dalka maraykanka, xubnaha AIPAC si toosa uma siiyaan maalgalinta siyaasiga ay rabaan inay soo saaraan balse waxa ay u soo mariyaan Guddiga siyaasadda ee ururka (Political Action Committees), waxaana kooxdan lagu eedeeyaa in ay gacansaar dhaw la leeyihiin Xisbiga Jamhuuriga iyo Xisbiga (Likud-National Liberal Movement) oo ka dhisan Israel. Kooxdani waxa ay aad uga hortagtaa siyaasiyiinta kusoo biiraya saaxadda siyaasadda Maraykan ee dhaawici kara danaha AIPAC iyaga oo u adeegsada saxaafadda iyo lacago toosa waxaana inta badan aynu aragnaa madaxweynayaasha maraykan oo Yuhuudda ugu adeegaya sida gobol ka tirsan maraykanka maadaama ay aad usoo caawiyaan xilliyada doorashada , waxaana ay siyaasiyiinta waaweyn ee Maraykanku ku tilmaamaamaan in Yuhuudda ay isku qoys yihiin. Siyaasiyiinta isku daya in ay kasoo horjeestaan ama dhaliilaan qaabka AIPAC ugu shaqaysato qaranka Maraykan ayaa waxa ay ka baqdaan dib udhac iyo ceebo hor leh waxaana adag in ay wax ka sheegaan ama soo hadal qaadaan AIPAC iyo arrimaheeda. Ilhaan Cumar iyo AIPAC Haddaba Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaaliyad ah islamarkaana qaxoontinnimo ku gashay dalka maraykanka haatanna ah xildhibaan aqalka Congress-ka ah ayaa waxa ay qarxisay arrin siyaasiyiin badani ka baqanayeen sheegitaankiisa balse laabahooda ku jiray, iyada oo carrabka ku dhufatay marar badan in qaranka maraykanku aanu ahayn meel laga naasnuujiyo waddamo gaar ah. Ilhaan Cumar ayaa waxa ay weerarro joogta ah kala kulantay hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Maraykanka Donald Trump kaasi oo Yuhuudda ugu adeega sida gobol ka tirsan Maraykanka, waxaana uu Ilhaan ku tilmaamay mid ay ka buuxdo Yuhuud nacayb waxaana uu yidhi “Ilhan Cumaar hadalkii ay tidhi waa mid aad u xun, waana inay iska casishaa aqalka Congress-ka ama ugu yaraan ay ka baxdaa xubinnimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka Congress-ka”. Inkasta oo ay weerarro iyo cambaarayn kala kulantay xildhibaanno u badan xisbiga Jamhuuriga iyo qaar kamida saxaafadda waddankaasi balse haddana waxa ay taageero ka heshay dadka haysta diinta asalka ah ee yuhuudda (Judaism) iyo shacab badan oo arrintaas kasoo horjeeday. Shirkii sannadlaha ahaa ee AIPAC oo socday 24-kii illaa 26-kii bishan aynu ku jirno ayna kasoo qeyb galeen madax iyo xildhibaanno maraykan ah iyo weliba siyaasiyiin Yuhuud ah ayaa waxa aad loogu weeraray xildhibaanad Ilhaan Cumar waxaana lagu tilmaamay in ay tahay mid nacayb ba’an u qabta dadka Yuhuudda ah islamarkaana ay habboontahay in laga saaro siyaasadda Maraykanka, waxaana dadkaa ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence kaasi oo sheegay in Ilhaan ay shacabka maraykan kula dhex jirto kala qeybin iyo kala sooc islamarkaana aanu Maraykanku Yuhuudda nici doonin, sidoo kale intii uu socday shirka AIPAC waxa la arkayay buugaag yar yar oo lagu dhex iibinayay shirka kuwaasi oo lagu aflagaaddaynayay Ilhaan Cumar diinteeda, dharkeeda iyo shakhsiyaddeeda waxaana soo daabacay siyaasiyiin caan ah. Arrinta ugu hadal haynta badan usbuucyadii ugu dambeeyay fagaarayaasha siyaasadda Maraykan ayaa ahayd weerar joogto ah oo kooxda AIPAC iyo madaxda Jamhuurigu ay ku hayaan xildhibaanad Ilhaan Cumar, waxaana kooxda AIPAC halbeegga ama qofka ay target-garayn doonaan sannadkan ka dhigteen Ilhaan Cumar si ay uga takhallusaan ugana saaraan aqalka sare iyo siyaasadda Maraykanka maadaama ay u arkeen in danta Yuhuudda ay cadaw ku tahay. Ilhaan cumar ayaa waxa la xasuustaa in mar twitterkeeda ay kusoo qortay in Ilaahay ummadda tusiyo dhibka ay Israel ku hayso Falastiiniyiinta, waxaana ay caddaynayaan hadalladeedaasi in ay aad uga soo horjeeddo tacaddiyada Yuhuuddu ay ku hayso Falastiiniyiinta. Ugu dambayntii dhiirranaanta iyo geesinnimada ay sameysay Ilhaan Cumar kuna sheegtay in aan qaranka Maraykanku ahayn meel laga masruufo waddamo gaar ah iyada oo ula jeedda Israel ayaa noqonaysa gantaalkii ugu weynaa ee muddo lagu dhufto danaha qaranka Israel, waxaana laga yaabaa in ay dhabbo cusub u jeexdo siyaasiyiin kale oo la aragti ah iyada balse ku dhici la’aa inay fagaare ka sheegaan taasi oo dhaawac u geysan karta danaha qaranka Yuhuuddu ka leeyahay maraykanka. W/Q: Muxiyadin Maxamud Xuseen Email: Masxaf44@gmail.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Gudaha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii ay miro-dhali waayeen wada-hadallo uu u tagay Dhuusomareeb Wasiir Sabriye ayaa lasoo kulmay Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf, iyo Madaxa Xukumada Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Wasiirka ayaa Madaxdii uu la kulmay u gudbiyey fariin uu kawaday Madaxda sare ee Dowladda Dhexe, fariintaas oo ahayd in Galmudug ay doorasho gasho bisha July 2019, ilo ku dhow Madaxtooyada Dhuusamareeb ayaa noo xaqiijiyey in ay Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir kabiyo-diideen soo jeedintii Wasiirka. Maamulka Xaaf uu rabo in ay dhacdo sanadka 2020-ka, ayaga oo ku adkeysanaya in xilligooda billowday markii ay heshiiyeen Ahlu-Sunna iyo Galmudug, halka dowladda ay afarta sano ee Xaaf ka xisaabineyso markii uu talada kala wareegay Cabdikariin Guuleed. Xaafd ayaa la sheegay inuusan waxba ka qabin doorasho dhacda, balse ay jirto cabsi ii qabo. Dadka sida dhow ula socda arrintaan ayaa aaminsan in labada garab ay kala shiksan yihiin – Dowladda waxaa la sheegay in ay rabto ay ka takhlusto Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo ka biyo diidan arrinkaasi. Sida aan xogta ku helnay Xaaf, ayaa hordhigay wasiir Maxamed Cabdi Sabriye laba shuruudo ay ka mid tahay 1 – In dowladda federaalka ah ay balanqaado in aysan faragelin doonin cod-bixinta, islamarkaana aysan wax lug ah ku yeelan doonin qabashadeeda. Shuruudda labaad ee Xaaf ayaa ah 2 – In xukuumada aysan u soo dirsan doorashada musharax ay dooneyso in uu kusoo baxo, islamarkaana dadka Galmudug ay u dayso aayahooda inay ayaga go’aansadaa. Wasiir Sabriye oo la sheegay in uusan marka hore wadan qorshe oo ay ku raacsan yihiin madaxda dowladda dhexe, islamarkaana layaab ay ku noqdeen shuruudaha Xaaf, ayaa dib ugu soo laabtay caasimada dalka si uu ula wadaago hogaanka Madaxtooyadda. Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay in ay horey u kala qaybisay Galmudug oo haatan ku kala shaqeeya Dhuusamareeb iyo Cadaado oo ay joogaan madaxwayne ku xigeenkii iyo afhayeenka baarlamaanka, daacadna u ah dowlada dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com