Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maxkamad ku taala magaaladaasi ay kasoo muuqan doonaan shaqsiyaadkii ugu badnaa oo loo heysto Kiiska Kufsi horey kaga dhacay Puntland. Ku dhawaad 10 ruux oo loo heysto kiiskaasi ayaa lasoo taagay maxkamad ku taala magaalada Garowe, waxaana loo heystaa dilka iyo kufsigii magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaas oo reerkeeda ay ka guureen magaalada Gaalkacyo. Xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyay kiis kufsi ku saabsan oo lagu wareejiyay xeer ilaalinta maamulka Puntland. Waxa uu sheegay in ay baaris dheer ku sameeyeen kiiska kufsi iyo dil Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaan Aadan oo ahayd gabar 12-jir, islamarkaana lasoo idleeyay kiiskaasi. Xeer ilaaliyaha guud ayaa intaa ku daray in macluumaadkooda ay ku wareejin doonaan Hay’adda Dambi baarista Puntland, si ugu soo diyaariso galdacweed dhameystiran. Goobta Dacwadda lagu qaadayay ayaa waxaa ku sugan qeybaha kala duwan ee bulshadda, waxaana 10-ka ruux la sheegay in loo heysto 7 dambi oo ku aadan dilkii iyo Kufsigii Caaisho Ilyaas Aadan oo aheyd gabadh yar oo wali qaangaarin. Markii ay Maxkamado bilaabatay oo xeerilaalinta ay soo jeediyeen Eedeymaha loo heysto 10-ka ruux ayaa qareenaddii difaacayay ay Codsadeen in la siiyo Waqti ay kusoo diyaarsadaan Difaacooda iyo Cadaymo. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  2. Maxaas (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay weerar geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolkaas gaar ahaan Degmada Maxaas Ugu yaraan 6 ruux oo Afar ka mid ah ay yihiin Carruur ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray Shacabkii Saarnaa gaariga la rasaaseeyay oo ahaa gaari dadweyne. Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ku sugan degmada Maxaas koox hubeysan ayaa dadkaasi wadada u galay ka dibna laayay. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay gaareen goobta dadkaasi lagu laayay, waxaana warar qaar ay sheegayaan in dadkaan ay ahaayeen dadka Ehel ah oo loo laayay Aanooyin qabaail. Dadkan la laayay ayaa isugu jiray Haweeyn iyo Caruur yar yar,isla markaana waxaa ay u socdeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ka Da’een Roobab ,waxaana ay ahaayeen dad reer Guuraa ah. Warar hoose ayaa sheegaya in dhacdadaan ay salka ku heyso arrimo la xiriira aano Qabiil. Kooxdii dilka geysatay ayaa wali gacanta lagu soo dhigin, waxaana maamulka gobolka Hiiraan ay sheegeen in ay waddaan baaritaano. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
  3. Somaliland: Joint Session Of Parliament Cancelled, Members Sent On Vacation. Hargeisa,(Qaran news)-The scheduled joint session of the Somaliland parliament for today, Saturday, May 4th, 2019 has been cancelled. Members of the parliament have been sent on vacation until, if and when, a new directive is issued by the Speaker, Bashe Mohamed Farah. The joint session was to have continued the vote on the proposed Emergency Law requested by the a administration of President Muse Bihi Abdi for the towns of Erigavo, El-Afwein and Garadag. Having failed to secure enough votes to pass the bill, the chair of the joint parliamentary session, Speaker Bashe Mohamed, suspended the sitting last Thursday, May 2nd, with a promise to reconvene on Saturday, May 4th. It would appear that rescheduled session has also been abandoned. The fiasco surrounding the attempt to impose emergency law in these three towns for three months clearly highlights the inability of the administration of President Muse Bihi to address the deficiencies in his government’s management of critical matters in the country. The circumstances surrounding the attempt to usurp parliamentary procedure by the Speaker, Bashe Mohamed Farah, once and for all, makes it quite clear the need to hold parliamentary elections in order to remove and replace some of the more fossilized members of the house. It is now evident that unless the administration tries to impose emergency law without parliamentary consent, the bill and the President’s plans are finished. Somaliland: Joint Session Of Parliament Cancelled, Members Sent On Vacation. Qaran News
  4. Maxkamadda Darajada kowaad ee magaalada Garoowe ayaa saaka dib u dhigtay dhegaysiga dacwadda eedaysanayaasha loo haysto kiiska Caaisha Ilyaas Aadan Sabtida dambe ayaa maxkamaddu ku [...] Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay qaar ka mid ah budhcada loo haysto inay dileen taliyihii xabsiga degmada Gar-adag Gaashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, iyo taliye xigeenkii ciidanka Booliska Gar-adag Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux oo Alle haw naxariisti toddobaadkii hore ay jidgooyo ku dileen. Ma jiro wax war ah oo ay ciidamada Boolisku ka soo saareen hawlgal ay maalmihii u dambeeyay ku baadi-goobayeen kooxdaas oo ay ka wadeen buurta caanka ah ee Buurdhaab ee gobalka Saraar, laakiin warar xogogaala ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay inay hawlgalkaas ku qabteen 8 eedaysane oo ka mid ahaa shuftadaas iyo qoryahoodii, waxaanay ku daba jiraan hadhaaga kooxdaas oo la sheegay inay ku dhuumaalaysanayaan buurtaas loo yaqaano Buur-dhaab. Waxa kale oo ay Boolisku qabteen 4 ka mid ah baabuurtii ay kooxdaasi wadatay, waxaana weli aanay gacanta ku dhigin gaadhi iska rogo ah oo la sheegay in kooxdani wadatay. Warku wuxuu sheegay la filayo in ciidanka hawlgalka ku jiraa la filayo inay maanta soo gunaanadaan hawlgalkaas oo ay soo qabtaan inta ka hadhay kooxda ee weli fakadka ku jira. Source
  6. Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa saaka dib u dhigtay dhegaysiga dacwadda loo haysto rag ku eedaysan kufsigii iyo dilkii Caa’isha Ilyaas Aadan. Maxkamadda ayaa kadib markii ay dhegaysatay dacwadda xeer-ilaalintu ku oogtay 10-ka eedaysane waxay hadalka siisay qareennada eedaysanayaasha balse mid kamid ah qareennada ayaa codsaday in dib loogu dhigo dhegaysiga kiiska si ay wakhti iyo xog ku filan u helaan. Intaasi kadib maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay dhegaysiga dacwadda loo haysto ragga ku eedaysan kufsigii iyo dilkii gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aadan. Maxkamaddu waxay sheegtay in mar kale dacwadda la dhegaysan doono maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda. Faahfaahinta halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Dhegaysiga dacwadda loo haysto rag ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas oo dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe ee xarunta u ah Maamul gobolleedka Puntland, halkaasoo uu ka furmayo shirka wadatashiga ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Waftiga Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya waftiga ugu dambeeya ee maanta tagi doona Garowe, kaddib markii ay shalay gaadheen raysal Wasaaraha, Madaxda Maamul goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle. Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socota Garowe, waxaana shalay illaa saaka gaadhay magaalada wafdi horu dhac u ah Madaxweynaha oo isugu jira Saraakiil ciidan, howlwadeeno iyo Ilaalo. Waxaa maalmihii u dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in Madaxda dowladda Federaalka ay cadaadis kala kulmayeen Beesha Caalamka, taasoo ah sidii shirka Garowe ay uga qeyb geli lahaayeen. Shirkan ayaa ka duwanaan doona shirarkii hore ee ahaa Golaha Amniga Qaranka, waxaana uu yahay shirkan mid wadatashi ah oo uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni. Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa muddo sanad ah wax shir ah yeelan, tan iyo shirkii Baydhabo ka dhacay bishii June ee sanadkii hore, waxaa taagnaa khilaaf u dhaxeeyay labada dhinac, kaasoo hakiyay wada shaqeyntii ka dhaxeysay. Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa fariin u diray madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, waxaana uu sheegay in kaliya hal waddo ay u furan tahay dhinacyada ku shiraya magaalada Garowe. Wuxuu amaan u jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya ee ka qeyb galaya shirka ka dhacaya magaalada Garowe. Hoos ka akhriso qoraalka Yuusuf Garaad Cumar:- Shirka Garowe hal waddo oo keliya ayaa u furan. Waa in is-mariwaaga siyaasadeed looga gudbo is-afgarad run ah oo waddada u xaara wada shaqeyn Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Dowlad Goboleedyada gudahooda maaddaama iyaga laftoodu ay kala qeybsan yihiin. Madaxda Federalka waan ku taageerayaa ka qeybgalka shirka Garowe. Waxaan u arkaa dabacsanaan ay ahayd in ay mar hore muujiyaan oo dan u ah isu soo dhowaashaha Madaxda Soomaaliya iyo ku qancid in talada dalka la wada leeyahay. Aniga oo daba socda Hindise-Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee ay Golaha Wasiirradu soo jeediyeen anigu ma qabo in doorashada dib loo dhigo. (Eeg qoraalkeyga shalay ee kan ka horreeyay). Aragtideyda kooban waxay soo jeedineysaa in Doorashadu aanay dib uga dhicin xilligeeda. Haddii la huri waayo in ay dib u dhacdo, waa in la keeno sababo lagu qanci karo. Marka taa la isla qaato Muddada kororsiimadu waa in aanay ka badan shan bilood oo keliya, oo ay wehliyaan shuruudo lagu xakameynayo awoodda Dowladda sii haynaysa xilka muddadaas kooban. Bilaha kororsiimada waa in aan Dowladdu magacaabi karin xilalka sarsare ee Siyaasadda, Diblomaasiyadda, Ciidanka iyo kuwa Maamulka. Maaddaama siyaasiyiinta qaarkood ay olole doorasho ka dhigtaan magacaabidda xilalkaas, waa in sida keliya ee xil sare lagu magacaabi karo muddada shanta bilood ahi ay noqotaa in la buuxinayo xil ciidan haddii laga geeriyoodo. Guul ayaan u rajeynayaa Shirka Garowe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. (SLT-Jigjiga)-Ururka ONLF ayaa ugu baaqay Soomaalida iyo Qowmiyadda Cafarta inay ka wada hadlaan qaboojinta xiisad colaadeed oo la sheegay inay ka jirto degaannada xuduudda labada maamul ee dalka Itoobiya. War saxafadeed uu soo saaray ururka ONLF maanta waxa uu ku sheegay inay cambaaraynayaan dilal dhacay dhowaan oo loo gaystay 13 qof oo Soomaali ah. ONLF waxay kaloo war saxaafadeedkaasi ku sheegtay in xuddunta colaaddu tahay saddex degmo oo ay leedahay Soomaalidu oo la raaciyey dhinaca Kililka Cafarta sannadkii 2014-ka xilligaas oo Itoobiya uu ka talinayey maamulkii hore. Dhinaca kalena, Dawladda Maamulka Soomaalida ayaa ku eedaysay dablay hubaysan oo Cafar ah inay dileen 11 Soomaali ah. Dilkaasi kadib ayaa la sheegay in dhalinyarao Soomaali ah ay xireen khadka tareenka ee isku xira Jabuuti iyo Itoobiya. Dadaal ay doonayeen ciidamada Itoobiya in khadkaasi lagu furo ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku dhintay hal qof, sida ay ilo wareedyo u sheegeen VOA. Mas’uul u hadlay Soomaalida degaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka Cafartu ay sidoo kale dhaawaceen 17 xoolalay Soomaali ah. Maamulka Cafarta waa ay beeniyeen eedaha ka yimid Maamulka Soomaalida. Sarkaal u qaabilsan dhinaca isgaarsiinta Maamulka Cafarta ayaa VOA u sheegay in booliiska Cafartu aysan joogin degaankaas. Maamullada Cafarta iyo Soomaalida ayaa kala sheegta lahaanshaha saddex degmo. Cafarta mas’uuliyiintoodu waxay sheegeen in xal ka gaarista saddexda degmo inay gacanta ugu jirto guddiga heer federaal ah. Source
  10. (SLT- Minneapolis)-Maamulka magaalada Minneapolis ayaa la sheegay inay qoyskaasi siin doonaan lacag magdhow ah oo dhan 20-million oo Dollar, waxayna tallabadani oo baxday 3 maalmood kadib, markii askari Soomaali Maraykan lagu magacaabo Maxamed Nuur ay Maxkamadi ku heshay Talaadadii la soo dhaafay dilka haweeneydaasi oo la oran jirey Justine Damond. Bixinta magdhowgaasi ayaa lala gaaray qoyska Haweeneydii la dilay oo iyadu haysatay dhalashadda Maraykanka iyo tan dalka Australia. Waxaa la rumeysan yahay inuu Maxamed Nuur yahay Askarigii ugu horreeyey ee ka tirsan Boliska Gobalka Minnesta ee lagu helo fal dil, xilli uu gudanayey waajibaadkiisa shaqo. Toogashadda haweeneydaasi ayaa la sheegay inuu dhacay bishii July 15-dii ee sannadkii 2017-kii, xilli ay iyada u yeeratay Boliska si ay ugu soo gurmadaan cabsi la soo gudboonaatay. Hore qoyskeeda waxay u codsadeen lacag magdhow oo dhan 50 million oo Dollar oo ah xadgudubkii iyada lagu dilay, balse waxaa haatan la isku raacay in Qoyskaasi la siiyo lacag dhna 20-million oo Dollar. Source
  11. Laascaano (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka ee maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigtay masuul ka tirsan maamulka Puntland, kaasi oo ku sugnaa magaalada Laascaano ee gobolka Sool. Guddoomiyihii Puntland ee gobolka Sool ayaa lagu qabtay magaalada Laascaano ee gobolka Sool, waxaana xabsiga la dhigay isaga iyo xubno kale oo ku sugnaa magaalada Laascaano. Abukar Cabdi Geelle oo xilligii Madaxweyne Cabdiwali Gaas soo noqday Gudoomiyaha gobolka Sool ee Puntland, ayaa ciidamada Somaliland ay xabsiga dhigeen, waxaana lagu eedeeyay arimo dhowr ah. Mas’uuliyiinta gobolka Sool ee Somaliland ayaa ku eedeeyay Abuukar in uu magaalada Laascaanood ka waday ol’ole ka dhan ah Somaliland oo lagu taageerayo xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Maamulka gobolka Sool ee Somaliland waxa ay sheegeen in dhawaan Maxkamad lasoo taagi doono Abuukar, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan Cadaymo ay ku hayaan oo ku aadan qalqalgalinta Amniga Magaalada. ABuukar ayaa sanadkii 2018 iska casilay xilka guddoomiyaha gobolka Sool, waxaana kadib uu ku laabtay magaalada Laascaano ee gobolka Sool. Ma jiro wax war ah oo kasoo dhanka maamulka Puntland, oo ku aadan masuulkaasi lagu xiray magaalada Laascaano. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  12. (SLT-Ankara)-Hay’addaha ammaanka ee dalka Turkiga waxay sheegeen inay Hawlgal ku soo qabteen iugu yaraan 550 Muhaajiriin ku sugnaa Gobalka Edrine ee Waqooyi galbeed ee dalkaasi. Sida laga soo xigtay Ilo dhanka ammaanka ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Jendermariiga iyo kuwa ilaaladda Xuduudaha waxay qaadeen Hawlgal ay ka fuliyeen Degmooyinka Ipsala, Merik, Kesan Iyo Uzunkobru oo ka tirsan Gobalka Edrine. Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolui ayaa sheegtay in Muhaajiriinta lagu soo xiray Hawlgalladaasi ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Morooko, Syria, Iraq, Iran, Pakistan, Afganistan iyo Bangaladesh. Muhaajiriintaasi la xiray ayaa la sheegay in la qabtay, xilli ay doonayeen inay tahriib ahaan ugu sii gudbaan dalalka Europe. Ilaa 268,000 ooTahriibayaal ah ayaa lagu qabtay Turkiga Tan iyo sannadkii 2018-kii, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga. Source
  13. (SLT-Siti)-Wararka ka imaanaya Gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in 11 qof oo shacab ah la dilay, halka tiro kalena la dhaawacay, kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen dadkaas. Wasiirka Warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdillaahi Maxamed Mowliid ayaa sheegay in dilkan ay geysteen dhalinyaro hubeysan oo ka soo jeeda Qowmiyadda Cafarta oo ka mid ah dadka degan Gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida. Falkan ayaa salka ku ku haya dhul la isku heysto oo muddooyinkii u dambeeyay soo jiitamayay, waxaana Wasiirku sheegay in si sharci ah loogu kala bixi doono dhulkaas cidii yeelata lagu wareejin doono. Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiirka in wax laga qaban doono arrimahan oo ku soo noq-noqday deegaanka, isla markaana xiisadaha la xidhiidha dhulalka la isku heysto laga gaari doono xal. Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa jiray xiisado u dhaxeeyay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaana xiisadahaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaadhay Source
  14. (SLT-Pyongyang)-Dawladda Kuuriyadda Koonfureed ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in Kuuriyada Woqooyi ay tijaabisay tiro gantaalada nooca riddada gaaban ah. Arrintan ayaa u muuqata talaabadii u dambeysay ee Kuuriyada Woqooyi ay qaaddo ka dib markii uu burburay wadahadalkii nuclearka ee Maraykanka iyo iyada u dhexeeyey. Madaxa shaqaalaha ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in K. Woqooyi ay tuurtay gantaalo xiriir ah oo ay ka soo gantay magaalada bariga dalkaas ku taalla ee Wonsan, in yar ka dib 9 aroornimo ee xiliga dalkaas. Faahfaahin kale oo dheeraad ah lagama bixin gantaalada, hase yeeshee, gantaalada riddada dhawi xadgudub kuma aha cunaqabateynadii caalamiga ah ee saarnaa barnaamijka gantaalada ee Kuuriyada Woqooyi. Dawladda Kuuriyada Wqooyi ayaanan ka hadlin tijaabadan. Source
  15. Magaalada Garoowe ee caasimadda u ah dowlad goboleedka Puntland ayaa la filayaa in uu ka biowdo shirka wadatashiga dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah. Shirkan uu todobaadkii hore ku baaqey madaxweynaha Puntland Saciid waxaa ajiibey dhammaan qeybaha ay khuseyso. Waxaana Garoowe horay u gaarey ra’isul wasaaraha dowladda federaalka ah Xasan Cali Kheyre, madaxda maamullada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle. Waxaa la filayaa iney maanta gaaraan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf. Ajendaha shirka waxaa ka mid ah in la dejiyo Roadmap la xiriira 2020 sida: Arrimaha dastuurka, Axsaabta, doorashooyinka dhacaya qaabta , goorta iyo goobta, waxaa kale oo ku jira in laga heshiiyo arrimaha siyaasadda, amniga iyo qeybsiga kheyraadka. Ilo shirka ku sugan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in su’aalo badan la iska weydiin-doono sida loo helayo hab loo dhan yahay, oo dalka lagu hoggaamiyo sanadka iyo barka ka haray waqtiga hey’adaha federaalka ah. Arrimaha Shirka….B-Y, Kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo kamid ahaa xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya haatana ah siyaasi Soomaaliyeed ayaa ka hadlay shirka maanta ka furmaya magaalada Garoowe. Cabdi Barre ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid dowlada Soomaaliya ay ku dooneeyso in ay waqti kordhin ku sameeysato. Dowlada Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay ku fashilantay in ay heshiis wada shaqeeyneed la yelatayd maamul Goboleedyada dalka ka jira. Siyaasiga Cabdi Barre Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in shirar hore oo sidaan oo kale ah u dhacay aanay ka soo bixin wax rajo ah isaga oo sheegay in kana uu la midyahay kuwii hore oo dhacay. Beesha caalamka ayaa ku cadaadineeso dowlada Soomaaliya in siyaasad ku dhisan isfahan ay la yeelato madaxda maamul goboleedyada. Maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaa ka furmaya shir u dhaxeeya dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada. Hoos ka Dhageeyso Codka Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Cabdi Barre ” umaleeyn maayo in shirka Garoowe ay natiijo ka soo baxeeyso” appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shir u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada oo maanta ka furmaya magaaladaasi. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo ka qeyb galaya shirkani ayaa haatan ku sugan magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal. Arrimaha laga wada hadlayo waxaa ka mid ah khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada dalka, amniga, doorashooyinka iyo qodobo kale. Shirka waxaa marti galinaya Madaxweynaha Puntland Madane Siciid Cabdulahi Deni, kaas oo xalay kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. View the full article
  18. Garowe (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garowe ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee maamulkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu hordhac u ahaa shirka maanta ka furmaya Garowe . Labad mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira shirkaasi iyo mad madowga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la kulmay Islaan Ciise islaan Maxamed, kadib markii xalay uu ku booqday hoygiisa. Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo shirka, kaas oo ay marti galineyso Puntland. View the full article
  19. Maxaas (SMN) – Ugu yaraan 6 ruux ayaa Geeriyootay oo afar ka mid ah ay Caruur ahaayeen, kadib markii rasaas la huwiyay Gaari nuuca raaxada oo marayay deegaan lagu magacaabo Kabteedan oo u dhow degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay shaqaaqadaasi tiro intaasi ka badan, sida xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Gaarigan ayaa waxaa saarnaa illaa saddex Qoys oo Ehel ah, kuwaas oo u safrayay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Kooxihii geystay falkan oo illaa hadda aan la aqoon ayaa markii dambana gubay Gaarigii ay la socdeen dadkaasi. Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Hiiraan, balse maalmihii dambe waxaa gobolkani ka taagnaa xiisad u dhexeysa Beelo wada daga halkaasi. View the full article
  20. Boosaaso (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay lagu weeraray Guri uu ka dagan yahay magaalada Boosaaso Sarkaal ka tirsan Ciidamada maamulka Puntland oo magaciisa lagu soo gaabiyay Qadaafe. Sarkaalkan ayaa waxaa la sheegay in Puntland uu u qaabilsan yahay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Buuraleyda gobolka Bari. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyay in wax khasaare nafeed ah uusan ka dhalan qaraxaasi, marka laga reebo burbur soo gaaray dhismaha Guriga Sarkaalka. Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay weerarkaasi. Baaritaanadan oo soo gaaray illaa saakay ayaa waxa aan weli jirin wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga ee dowlada goboleedka Puntland. Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid dagan, iyadoona Ciidamada ammaanku ay ku jireen feejignaan dheeri ah. View the full article
  21. Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan ayaa 16-kii bishii april sheegay in lasoo gabagabeeyay kiis kufsi ku saabsan oo lagu wareejiyay. Waxa uu sheegay in ay baaris dheer ku sameeyeen kiiska kufsi iyo dil Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaan Aadan oo ahayd gabar 12-jir. Xeer ilaaliyaha guud ayaa intaa ku daray in macluumaadkooda ay ku wareejin doonaan Hay’adda Dambi baarista Puntland, si ugu soo diyaariso galdacweed dhameystiran. Aw Cusmaan ayaa dalbaday in aan cadaaladda horgeynteeda lagala gamban dambiilayaasha ka dambeeya kiiskaan oo ah mid ugub ku ah dhulka Soomaalida. Maanta ayay wararku sheegayaan in la guda galayo maxkamadeynta ragga loo heysto kiiska kufsiga iyo dilkii xigay ee loo geystay Caaisho Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12-sano jir. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dano gaar ah oo siyaasadeed ay ka dambeeyaan kiisaska kufsiga ah oo kusoo beegmay kolkii uu xafiiska la wareegay. Guddi katirsan Puntland ayuu sheegay in uu u xilsaaray, si ay usoo ogaadaan sababta iyo shaqsiyaadka ku lugta leh, si cadaaladda loo horgeeyo. Qoyska Caaisho Ilyaas ayaa dhamaadkii bishii April ka barakacay Magaalada Gaalkacyo, sababo la xiriira hanjabaad ay sheegeen in ay kala kulmeen qoysaska dadka u xiran kiiskoo waxaa dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeedo oo lagu dalbanayay in ay cadaaladda helaan qoysaska dadkooda la waxyeeleeyay. Puntland Post The post Dadkii ka dambeeyay Kufsi iyo dilkii Caaisha oo la maxkmadeeynayo appeared first on Puntland Post.
  22. Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in saacado kadib uu gaaro magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Waxaa magaalada kaga sii horeeyay ra’iisul wasaaraha dalka iyo wafdi ka socda madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasi oo magaalada Kulamo gaar gaar ah kula qaatay madaxda maamul goboleedyada. Amaanka magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaalada ilaa garoonka diyaaradaha magaalada Garowe, waxaana la sugayaa wafdiga madaxweynaha. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu ka furo magaalada Garowe shirka u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo tabashooyin badan qaba. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shalay gaaray Garowe, waxaana xalay halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay Madaxda maamul goboleedyadda ee ku sugan Garowe, kulamadaasi oo looga hadlayay sidii shirkaan waxyaabaha kasoo baxa ay kaga duwanaan lahaayeen shirarkii hore. Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad cusub ka dhalatay sharci doorasho oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ee dowladda Federalka Soomaaliya, kaasi oo inta badan dowlad goboleedyada ay diideen qodobada qaar oo sharcigaasi ku jiro. La soco waxii kasoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  23. Koox ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada ayaa qorsheyneysa inay ka hirgeliso dalkaas Madxaf lagu keydiyo taariikhda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edmonton. Qaban-qaabiyaasha iyo muwaaddiniinta asalkoodu yahay Soomaalida ee arrintaan isku xilqaamay ayaa rajeynaya in Madxafku uu gacan ka geysan doono in la baro dadka Soomaaliyeed ee jooga magaalada Edmonton dhaqankooda gaar ahaan dhallinyarada magaaladaas ku sugan ee aan waligood arkin Soomaaliya. Qaban-qaabiyaasha ayaa aaminsan in Madxafkaan oo ah kii ugu horreeyey oo Soomaali ka hirgeliso dalka Canada uu wax badan ka qaban-doono dhaqanka iyo dhaxalka dadka Soomaaliyeed. “Xaqiiqdu waxay tahay inaan ogoonno cidda aan nahay, Waxa aan haysan jirnnay iyo waxa innaga lumay,” Sidaana waxaa tiri agaasime Naciima Hayle.” Madxafku ma laha taariikh la furayo laakiin madaxa dhaqanka bulshada Jibril Ibrahim ayaa sheegay inay rajeynayaan qabashada daahfurka Madxafka xilliga xagaaga. Waxaa xaruntiisa laga dhigi doonaa dhismaha Bosco Foundation ee deegaanka Balwin halkaasoo bulshada Soomaaliyeed ay xarun ku leedahay. “Waxaan dooneynaa ineynaan u isticmaalin meeshaan oo kaliya dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Alberta laakiin sidoo kale waxaa jira carruur badan oo ku dhashay Alberta kuna barbaaray halkaan kuwaasoo aan waxba ka ogeyn taariikhda iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ibrahim. Haddii aadan aqoon meeshii aad ka timid ma taqaanid meesha aad u socoto.” Dadka Soomaaliyeed ee dalka Canada ku sugan waxay leeyihiin taariikh iyadoo badankood ay dalkaas ku yimaadeen qaxootinnimo kaddib dagaalladii sokeeye ee dalka ka qarxay 1991dii, tiro dad Soomaaliyeed ah ayaa Canada yimid sannadihii 1960 iyo 1970 iyagoo ah arday ay soo dirtay dowladdii Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  24. Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland kulamo gaar gaar ah kula qaatay madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo ra’iisul wasaaraha dalka. Kulamadaasi ayaa looga hadlayay shirka maanta ka furmayo magaalada Garowe iyo ogaanshaha tabashooyinka ay qabaan madaxda maamul goboleedyada oo horey loogu soo gudbiyay dowladda Soomaaliya. Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in kulamo gaar ah ay dhexmareen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ra’iisul wasaare Kheyre, waxaana kulankaasi uu qaatay saacado badan. Kadib waxaa kulamo gaar ahaa yeeshay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle oo kusugan magaalada Garowe, waxaana maanta la filayaa inuu ku biiro madaxweynaha Galmudug. Shirka maanta ka furmayo magaalada Garowe ayaa la qorsheynayay inuu furmo Labadii Bishaan May, balse dib u dhac ayaa ku yimid, waxaana uu saacadaha soo socdo ka furmayaa magaalada Garowe. Ujeedada Shirarka gaar gaarka ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Garowe ayaa lagu sheegay in lagu gorfeeyay sidii loo dhaqan gelin lahaa waxyaabaha kasoo baxa shirka maanta dhacaya. Waxaa ra’iisul wasaaraha dalka loo gudbiyay in laga doonayo dhaqan gelinta shirka maanta iyo waxyaabaha kasoo baxa, maadaama dowladda Soomaaliya marar badan aysan dhaqan gelin waxyaabihii kasoo baxay shirarkii hore. La soco waxyaabaha kasoo kordha shirka maanta ka furmaya magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  25. Qaraxa ayaa dhacay wakhti dambe oo ku beegan 1:00am ee xalay xilligaasi oo aan magaalada looga baran in qaraxyo ka dhacaan islamarkaana dadka badankoodu ay hurdeen. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino nooca boodada loo yaqaan ah oo lagu aasay kadinka guriga taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Galgala G/sare Cabdiraxmaan Qadaafi. Taliyaha ayaa sida la xaqiijiyay ka badbaaday qaraxa lamana soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxaasi balse gurigiisa ayaa burbur ka soo gaaray. Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Galgala iyo ku xigeenkiisa ayaa magaalada Boosaaso ka deggan laba guri oo isku-dheggan kuwaasi oo uu xalay saameeyay qaraxa. Laamaha amniga dowladda Puntland ee gobolka Bari ayaan dhankooda weli ka hadlin qaraxa ka dhacay magaalada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Taliye ka tirsan Puntland oo ka badbaaday qarax gurigiisa lala eegtay appeared first on Puntland Post.